Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Unprecedented diplomacy gave the Trump administration a path out of Afghanistan, and questions have been raised about whether a similar playbook could work for the seemingly endless U.S. military mission in Somalia. Source: Hiiraan Online
  2. Ramla Ali, a boxer who became British champion without her family's knowledge after fleeing civil war in Somalia, has signed a professional deal with Matchroom Boxing. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa goor dhow si aqlabiyad leh ku ansixiyey Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xil kaas loo magacaabay 17-kii bishan September ee sanadka 2020-ka. Kulankan oo ay soo xaadireen illaa 215 mudane ayaa waxaa guddoomiyey afhayeenka baarlamaanka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ay dhinac fadhiyeen labadiisa ku xigeen ee Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey iyo sidoo kale Mahad Cabdalla Cawad. Ugu horreyn waxaa kulanka furay guddoomiye Mursal oo xildhibaanada ka hor aqriyey ajendaha kulankan oo ahaa mid gaar ah, laguna ansixiyey Ra’iisul wasaaraha cusub. Intaasi kadib guddoomiyaha ayaa hadalka ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo khudbad kooban ka jeediyey xarunta Vill Hargeysa oo uu ka dhacay kulanka golaha shacabka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha cusub uu ku xushay waayo aragnimo, aqoon iyo wadaniyaddiisa oo sarreysa, kadibna wuxuu weydiistay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya inay siiyaan codka kalsoonida ah. Kadib waxaa la gudaha galay kalsooni siinta Ra’iisul wasaaraha oo ugu horreyn khudbad u jeediyey Golaha, wuxuuna mahad-celin kadib sheegay inuu wax ka qaban doono amniga, doorashada, dhaqaalaha, dowlad wanaaga, cadaaladda, dib u eegista dastuurka, dhab u heshiisiinta iyo iskaashiga caalamiga ah. Sidoo kale wuxuu ballan qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo dalka ka bixisa marxaladda kala guurka ah ee lagu jiro, kadibna wuxuu ka codsaday codka. Xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah ku meel-mariyey Ra’iisul wasaaraha, waxaana codka kalsoonida ah siiyey dhammaan 215-ka xildhibaad ee kulanka soo xaadiray, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Ugu dambeyn Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa loo dhaariyey xil-kiisa, iyadoona uu madasha ku sugnaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed. The post Xildhibaanada BF oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyey ra'iisul wasaaraha cusub first appeared on Caasimada Online.
  4. Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd cod aqlabiyad ah ku ogolaaday Ra’iisul wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Roooble Kulanka baarlamaanka oo ay soo xaadireen 215 mudane ayaa dhamaantood codka kalsoonida siiyay Ra’iisul Wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Roooble Baarlamaanka ayaa waxaa shir gudoominayey guddoomiye Maxmed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ay wehelinayeen ku xigeenadiiisa. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed ayaa xarunta baarlamaanka ku dhaariyay Ra’iisul Wasaaraha codka kalsoonida helay. Ra’iisul Wasaare Rooble oo hadal kooban jeediyay markii codka la siiyay ayaa u mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo iyo baarlamaanka, wuxuuna sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo ka turjumaysa xaaladda dalka, taas meelmarisa doorasho xor iyo xalaal ah oo heshiis lagu wada yahay. Ugu dambeyna Madaxweyne Farmaajo ayaa soo xiray kulanka, isagoo u macadceliyay Golaha Shacabka. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Rooble oo codka kalsoonida helay appeared first on Puntland Post.
  5. MOGADISHU (HOL) - Mohamed Hussein Roble has been overwhelmingly endorsed by the Lower House as the next prime minister. Source: Hiiraan Online
  6. (SLT-Hargeysa)-Xubnaha guddida qaban-qaabada shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, ayaa ka hadlay halka ay u marayaan hawlaha qaban-qaabada ee shirweynaha, waxana ay farriimo muhiim ah u direen ergooyinka shirweynaha ka qaybgelaya ee ka imanaya gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland. Ugu horrayn xoghayaha guddida qaban-qaabada, Mudane Faysal Cumar Madar (Faysal Qumuj) oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday waxyaabaha ilaa haatan u qabsoomay, waxana uu sheegay inay guddi ahaan madasha shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE ugu talo galeen inay kasoo xaadiraan Kun iyo Boqol Ergay, islaa iyo imikana ay is diiwaangeliyeen tiro ergooyin ah oo dhan siddeed boqol iyo sagaal iyo toddobaatan ergay, isaga oo xubnaha aan weli is diiwaangelin ay waqtiga dhawraan oo ay kaadhadhkooda soo doontaan. Dr. Carabayto oo kamid ah xubnaha guddida qaban-qaabada shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, ayaa isaguna caddeeyey inay guddi ahaan xil weyn iska saareen badqabka iyo caafimaadka xubnaha ergooyinka tirada badan ee kasoo qaybgeli doona shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, islamarkaana ay diyaariyeen jawi ergey kasta u saamaxaya inuu helo dhammaanba agabka lagaga hortago xanuunka COVID-19 oo waqtigan adduunka cidhiidhi badan ku haya, islamarkaana qof kasta xummaddiisa la cabirri doono, xubno dhakhaatiir ahina madasha ku sugnaan doonaan. Ugu dambayntii guddoomiyaha guddida qabanqaabada shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif), ayaa isaguna dhammaanba ergooyinka iyo marti-sharafta shirweynaha kasoo qaybgeli doonta ugu baaqay inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan, guddi ahaanna ay muhiimad ballaadhan siin doonaan badqabka ergooyinka. Source
  7. Leaders from Meru’s miraa growing areas have resolved to give the national government more time to resolve a trade impasse with Somalia after it emerged that Kenya was closing in on a deal. Source: Hiiraan Online
  8. Sagal Faduma, a mother of three including five-month-old Maryan, is seated on a mat outside her house, a tree that lies next to the house in Xirkadheere, Banaadir region of Somalia providing a shade for the mother and daughter. Source: Hiiraan Online
  9. MOGADISHU (HOL) - Parliament will today debate the approval of newly appointed Prime Minister Mohamed Roble in a special sitting. Source: Hiiraan Online
  10. Wuxuu bilaabay Safar ka bilowday Baydhabo oo uu maanta u duulay Madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni, Safarkasoo uu Madaxweynuhu tagi doono dhamaan Caasimadaha Dowlad Goboleedyada. Madaxweynaha [...] The post Madaxweyne Deni oo bilaabay Safar uu ku marayo Koonfurta Dalka appeared first on . Source
  11. Qardho (PP News Desk) — Qardho Police yesterday seized two lorries carrying illegal liquor destined for illegal sale in the adminstrative capital of Karkaar. The Commander of Karkaar Police Division Colonel Abdi Asayr told the local media that the police would submit the case to to courts for prosecution. Qardho Police parading a sample of the seized illegal liquor. “The Police managed to arrest a group of men trying to smuggle the liquor into Qardho. Another group of men fled the scene when the police seized their lorry. They are still at large but we are confident they will be taken into custody soon. We will never be lenient towards people trying to smuggle illegal liquor into Karkaar” said Colonel Asayr. Bootleggers source illegal liquor from Ethiopia. A senior police officer in Qardho, who asked for anonymity, told Puntland Post that Qardho Police Station had been tipped off several days before malefactors had left Galka’yo. © Puntland Post, 2020 The post Qardho Police Seizes Illegal Liquor appeared first on Puntland Post.
  12. Waxaa heer gabo gabo ah maray dib u dhiska qeybta kubbadda cagta garoonka Stadium Muqdisho oo ay Dowladda Soomaaliya ciidama Amisom kala wareegtay bishii August 2018,waxaana labadii sano la soo dhaafay da’daal wanaagsan lagu bixiyay dib u soo celinta iyo qiimihii uu lahaa Stadium Muqdisho waxaana mashruuca horomarka garoonka Dowladda ka taageeray Midowga Yurub iyo Norway. Waxaa dhawaan la dhameeyay xeritaanka Saacadii waynad ee garoonka,iyadoo lagu xirey mid casri ah oo (Digital ah),dhawaan waxaa Muqdisho soo gaaray wafdi ka socda Xiriirka caalamka ee FIFA. si ay qiimeeyn horomarka laga gaaray dib u dayactirka garoonka kubbadda cagta ee Muqdisho Stadium iyo in lagu qaban karo ciyaaraha caalamka iyo in Soomaaliya ay ku ciyaarto gurigeeda. si kastaba xubnaha ka socda FIFA ayaa ku laabandoona wadamadii ay ka yimaadeen ka dibna waxa ay soo saari-doonaan warbixin ku saabsan haanka loo diyaariyay Stadium Muqdisho,waxaana qiimeynta ay soo saaridoonaan macquul ah in tartamada dibada lagu dheeli-doono Muqdisho Stadium iyo inkale. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  13. Hay’adaha samafalka ee QM ayaa dalbaday in la kordhiyo lacagaha gargaarka ah si loo bad-baadiyo nolosha malaayiin Soomaali ah oo u baahan kaalmo bani’aadanimo. Xafiiska isku xirka howlaha gargaarka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo marka magaciisa la soo gaabiyo la yiraahdo OCHA ayaa sheegay in lacagaha gargaar oo yar awgeed uu hoos u dhac ku yimid arrimaha bani’aadanimada iyo dhaqaalaha dalka. QM ayaa xustay in Soomaaliya ay saameyn ku yeesheen cudurka Covid-19, fatahaado xoogan oo ku dhuftay meelo ka mid ah dalka iyo Ayax dhibaato u gaystay beeraha. Warbixinta ay soo saartay OCHA ayey ku sheegtay in qorshaha gargaarka deg-dega ah ee Soomaaliya uu dalbaday lacag gaareysa hal bilyan oo dollar oo la doonayo in lagu samato bixiyo illaa saddex milyan oo Soomaali ah oo haatan u baahan kaalmo bani’aadanimo. Ugu dambeyn OCHA ayaa shaacisay in ay la shaqeeyaan illaa iyo 363 ururo samafal ah kuwaaso inta badan door weyn ka qaata bad-baadinta dad tiradooda lagu qiyaasay 5.2 milyan oo Soomaali ah oo haatan ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya. View the full article
  14. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye ayaa ka hadlay loolanka ka dhex taagan Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo Wasiirka Ganacsiga, oo hadda laga dhex wado heshiis dhexdooda ah. Siyaasi Maxamed Ibraahim Madar oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Waa dhab oo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo ah Guddoomiye ku-xigeenka afraad ee Xisbiga Kulmiye, ayaa waxaa shaaciyey inuu la tartamayo Wasiirka Ganacsiga, inay tartamaana sharciga iyo xeerka Xisbiga ayaa ogol, laakiin hadda ergooyin ayaa iskaga daba qaadaya oo si gooni gooniya ula kulmay, si isfahan iyo heshiis looga dhex dhaliyo, haddii ay is fahmaan oo isku tanaasulan heshiisna gaadhan waa caadi, laakiin haddii lagu guul daraysto heshiiska laga dhex wado Madaxweyne ku xigeenka iyo Wasiirka Ganacsigu dantu waxay keenaysa inay ku kala calaf qaadan Shirweynaha Xisbiga Kulmiye”. Dhanka kale, Siyaasi Maxamed Ibraahim Madar ayaa ka hadlay halka uu marayo qaban-qaabada Shirweynaha afraad ee Xisbiga Kulmiye oo uu guddigiisa qaban-qaabada ka mid yahay, waxaanu tilmaamay inay meel fiican wax u marayaan, kuna rejo weyn yahay in Shirweynuhu si fiican ugu qabsoomo. Siyaasi Maxamed Ibraahim Madar oo hadda ka mid ah Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha 4-aad ee Kulmiye ayaa Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo ka soo noqday Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Maxamed Xasan Sacad (Saajin) ayaa doonaya inuu hanto Kursiga Afraad ee hoggaanka Xisbiga Kulmiye, kaasi oo uu hadda ku fadhiyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici). Source
  15. (SLT-Falastiin)-Xoogagga amniga Falastiin ayaa xidhay tiro kamid ah taageeriyaasha siyaasiga Falastiiniga ah ee dibad joog ah kuwaas oo lagu eedeeyay in ay Imaaraadka kala shaqeeyeen heshiiska Israa’iil iyo Imaaraadka ee dhowaan la saxeexay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay kooxdaas. Siyaasiga Mohammed Dahlan ayaa ku nool dalka Imaaraadka Carabta ka dib markii laga mustaafuriyay dhulka Israa’iil gumeysato ee daanta Galbeed 2011-kii, arrintaas oo timid markii si weyn isku khilaafeen Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas iyo xisbigiisa Fatax oo Dahlaan xubin ka ahaa. Dalalka khaliijka carabta ayaa dhowaan waxay heshiis la galeen qaarkood Israa’iil waxayna taasi abuurtay in Dahlan lagu eedeeyo in uu arrintaas door ku leeyahay. Kooxda Dahlan ayaa dalalka Carabta ku dhaleeceysay xidhiidhka ay la yeesheen Israa’iil ka hor inta aan xal loo helin mushkuladda falastiin, hase yeeshee ma aanu diidin doorkiisa ku aadan arrintan socota. Isniintii, laamaha amniga Falastiin ayaa xidhay toddobo kamid ah taageeriyaasha kooxda Maxamed Dahlan, sida uu sheegay afhayeenka kooxdaas Imad Muxsin waxaa uu intaas ku daray in xadhiga dadkan ay siyaasad ku lug leedahay. War qoraal ah, oo ka soo baxay laamaha ammaanka Falastiin ayaa lagu sheegay in Xalabi laga soo xidhay xaafadda magaalada Nablus oo u dhow daanta galbeed waxaana lagu sheegay bayaanka in talaabadan ay qeyb ka tahay soo celinta amarka iyo kala dambeynta degaanka. Source
  16. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada nabad-sugida Soomaaliya iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen bar-koontarool oo ciidamada NISA ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Jaalle. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa iyo weerarka ka horreeyey intaba. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka kadib ciidamada dowladda ay howlgallo ka sameeyeen halkaasi, iyaga oo gacanta ku soo dhigay dad laga shakiyey. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa dagaalyahanada Al-Shabaab ay xoojiyeen weerarada ay ka fuliyaan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. View the full article
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maanta la filayo in Madaxweynaha Soomaaliya uu hortato Golaha Shacabka, islamarkaana uu horgeeyo Ra’iisul wasaaraha cusub ee magaacaban ayaa waxaa xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel uu sheegay inay ka soo horjeesan doonaan, haddii Madaxweynaha uu ku soo qaado doorashada. Ciyaar Jecel oo u warramayey Shabelle TV ayaa sheegay, haddii uu Madaxweynaha isku dayo inuu kala hadlo heshiiska doorashada ay durbaano & wax ka daran ku yeerin doonaan, sida uu hadalka u dhigay. “Haddii Madaxweynaha isku dayo inuu nagala hadlo arrinta doorashada awal Firimbi ayaa la yeerin jiraye Durbaano iyo wax ka daran baaralamaanka lala soo geli doono oo aan ku yeerin doonaa.” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Shire oo ka tirsan Golaha Shacabka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ka soo horjeedaan xildhibaanada qaar heshiiska ay doorashada ka gaareen dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Si kastaba ha’ahaatee Sabtida soo socota ayaa la filayaa in xildhibaanada labada Aqal la horgeeyo heshiiskaasi oo saldhig u noqonaya doorashada. The post Xildhibaan wacad ku maray in Madaxweynaha ay ku buuqayaan, haddii uu kala hadlo doorashada first appeared on Caasimada Online.
  18. Howl-galka Mareykanka ee qaaradda afrika ee AFRICOM ayaa wada qorshe ay gaadiid ku siinayaan ciidamada malatariga Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dalkaasi. Sarkaal sare oo ka tirsan how-galka AFRICOM ayaa xusay in ay doonayaan illaa iyo 100 gaari oo ah nooca Land Cuiserta inay ku wareejiyaan ciidamada Xoogga dalka. Mareykanka ayaa sheegay in gaadiidkaasi malatariga Soomaaliya ay u adeegsan doonaan deegaanada cimiladooda ay kula shahay. Sidoo kale waxaa baabuurtaasi oo dhammaantood ah Toyota Land Cruiser qeyb ka ah kuwo Ambulance ah oo si weyn loo qalabeeyey gudahooda. Gaadiidkaasi oo noqonaya dalab gaar ah ayaa la filayaa inay malatariga Soomaaliya u isticmaalaan dagaalka adag ee ay kula jiraan Xarakada Al-Shabaab. Mareykanka ayaa waxaa uu taageero siiyaa ciidamada Soomaaliya, waxaana waxyaabaha uu ka caawiyo ka mid tababarada iyo waliba duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab. View the full article
  19. Faah faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa qarax saaka ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso, kaas oo ka dhacay suuq xoola nool lagu iibiyo oo ku yaalla degmadaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in qaraxaas uu ku dhintay hal qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen labo kale oo dhammaan ah dad shacab ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta ay wax ka dhaceen ay tageen ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana si caadi ah ku soo laabtay dhaq-dhaqaaqa suuqa uu qaraxu ka dhacay. View the full article
  20. In kasta oo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ra’isul wasaarihiisii Xasan Kheyre iyo wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle ay shacabka Soomaaliyeed u sheegayeen isla xisaabtan, ladagaalanka musuqa iyo hufnaan hadana waxaa laga la’yahay soo gudbinta xisaabxirka in ka badan $1 billion oo ah miisaaniyaddii saddexdii sano ee la soo dhaafay iyaga oo aan dib ugu soo celin baarlamaanka federaalka ah ku tagalka qarash-gareyntii miisaaniyadda. Iyada oo gebagabo la joogo, lana galay marxalad kala-guur iyo olole doorasho, oo ay sii dhammaanayaan muddada xilheynta hey’adaha dastuuriga ee uu ku jiro xafiiska madaxweynaha iyo fulintaba hadana baarlamaanka federaalka ah waxaa uun xisaabxir ay ku sameeyey oo keliya hal sano tan iyo sidii Farmaajo loo doortay 2017, dadka Soomaaliyeedna ma ogaan-doonaan halka ay xukuumadiisa ku qarash gareysay in ka badan $1 billion oo ay ansixiyeen baarlamaanka federaalka ah saddexdii sano ee lasoo dhaafay. Goobjoog News waxaa ay ogaatay in guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta golaha shacabka ay qabteen keliya xisaab-xirka miisaaniyadda 2017, taasi oo xataa meelmarinteeda aan loo marin sifo sharci ah, oo laga daahiyey waqtigii loogu talagalay halka aan weli laheyn xisaab-xirka miisaaniyadaha 2018, 2019 iyo 2020. Sida uu qabo qodobka 70-aad ee xeer hoosaadka golaha shacabka faqradiisa 1-aad xisaabxirka sanadkii tagay waa in la ansixiyaa ugu dambeyn 31 March ee sanadka xiga, sidoo kale sharciga maamulka maaliyadda qaranka waxaa ku xusan in warbixinta xisaabxir sanadeedka miisaaniyadda federaalka ah ee sanadkii lasoo dhaafay in la horgeeyo golaha shacabka si uu uga dooda, una ansixiyo ugu dambeyn 30-ka June ee sanadka xiga. Sidaasi ay tahay halka sano ee xukuumadda Kheyre ay xisaabxir keentay oo ahaa 2017 waxaa loo gudbiyey golaha October 2018-kii, isku tuurtuur iyo buuq kadib waxaa la ansixiyey November 2, 2019, taasi oo muujineysa dib u dhac saddex sano ah, kadibna lama arag xisaabxir kale. Anisixintaas kadib, waxaa dhacday in guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta golaha shacabka ee BF la kala diray maalmo kadib markii uu sheegay lacago si qaldan loo isticmaalay oo aan ku jirin xisaabxirka 2017, guddiga waxaa lagu eedeeyey in xukuumadda ka shaqeyn la’dahay. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa maalintaas la ansixiyey halkaas xisaabxirka 2017 qoray “33 million iyo 700 kun dollar oo si sharci daro ah xukuumadu u isticmaashay ayaa maanta lagu ansixiyay xisaab xirkii 2017! Lacagtaas waxay ka kala timid wadamada Sacuudiga 30 milyan, Turkiga 2 milyan iyo Imaaraadka 1.7 milyan. Lacagtaas kuma jirin miisaaniyadii 2017 barlamaanku ansixiyay. Xukuumadu sooma sheegin in lacagtaas soo gashay. Markii lagu arkay xisaab xirkii ay soo gudbiyeen 2017 waa sheegi waayeen sababta iyo sida loo isticmaalay. Miisaaniyadda 2018 waxay aheyd $275 million halka baarlamaanka federaalka ah uu ansixiyey miisaaniayadda 2019 oo gaareysa $344 million iyada oo sanadkan 2020 xukuumadda loo anxiyey miisaaniyad dhan $459.5 million, intaba lama haayo xisaabxirkooda. Lacagahaas marka la isku daro waxaa ay gaarayaa ilaa $1.1 billion, lama oga sida loo qarash gareeyey, mana cadda cidda ay tahay in wax laga weydiiyo xilli dalkeena mar walba lagu sheegao dalka ugu musuqa badan caalamka. Khudbaddii murashax Farmaajo waxaa uu ku yiri “Walaalayaaloow mudanayaal iyo marwooyin hadaad idoorataan musuqmaasuqeyga musuqmaasuqa waa beegsigeyga ugu horreeya waa la dagaalamaynaa si fool xunna waan ula dagaalamaynaa qofkii hantida qaranka ku takri fala umaddana waan ku ceebaynaynaa xabsi dheerna waan u diraynaa “. Ra’isul wasaarihii hore Xasan Kheyre waxaa uu yiri barnaamijka xukuumadiisa ku yiri “: Waxaan ciribtiri doontaa musuqa, waxaa la dhisi doonaa guddiga la dagaallama musuqa, dhismaha dowlad wanaagga, si loo gaaro hor-u-mar iyo nabad waxaa ay sheegeen waxaa uu ra’isul wasaaraha aballan-qaaday cirib tirka musuqa iyo bixinta mushaaraadka. Kheyre ayaa intaasi raaciyey “inta kalsoonida shacabka kororto ayuu dakhliga dowladduna kordhayaa, inta kalsoonida hoos u dhacdo wuu dhici”. Waxaa uu ballan-qaaday xoojinta hab-raaca iyo hab-maamulka kharashka dowladda si loo hubiyo in dhammaan kharashyada ay mareen xeer-nidaamii loogu talo-galay, laguna qabtay howshii loo qoondeeyay. Dhankiisa, Yaxye Caamir oo ah falanqeeye arrimaha dhaqaalaha oo arrintan Goobjoog News kala hadlay ayaa waxaa uu yiri “ Miisaaniyad cusub in la ansixiyo ayaaba qalad ah, kuwii hore oo aan meel lagu sheegin, sharciga lama dhowrin, mana jiro isla xisaabtan”. Mr. Caamir oo sii hadlaya “Madax haddii lacag ka dhamaaato lama wareejin karo in baarlamaanka loo celiyo, 3 sano in la iska shaqeysto oo baarlamaan loo baahan, in aanu nidaam jirin ayey sheegee”. Haddaba, ra’isul wasaaraha magacaaban ee maanta la ansixinayo Maxamed Rooble waxaa laga rabaa inuu qabto shaqada ay ku guuldareysteen Farmaajo, Kheyre iyo Beyle ku dhowaad afar sano, isla markaana uu dalka uga tago xisaabta oo xiran. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online ) – Wararka ka imaanaya Sh/Hoose ayaa sheegaya in maanta qarax khasaare geystay uu ka dhacay degmada Afgooye ee gobolkaasi. Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay suuq xoolaha nool lagu iibiyo oo ku yaalla gudaha degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in xilliga uu qaraxu dhacayey ay suuqa ku sugnaayeen dad fara badan oo shacab ah. Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen labo kale oo dhammaan ah dad shacab ah. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana si caadi ah ku soo laabtay dhaq-dhaqaaqa suuqa uu qaraxu ka dhacay. Afgooye oo qiyaastii 30 km u jirta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa inta badan weeraro xoogan ka fuliya dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. The post Qarax ka dhacay Suuqa Afgooye & khasaare ka dhashay first appeared on Caasimada Online.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha magacaaban, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ee badalaya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa waxaa hor yaallo shaqooyin adag oo ay ugu horreyso doorashada soo socota ee dhammaadka 2020 illaa 2021-ka. Prof Maxamed Xasan Doob oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha cusub oo heysta muddo kooban ay hortaallo howl baaxad weyn oo wadata guul iyo guul-darro, wuxuuna tilmaamay in loo baahan in lala shaqeeyo. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in laga sugayo inuu fuliyo 15-ka qodob ee heshiiska doorashada, waxna ka qabto ammaanka iyo siyaasadda. “Howl aad u baaxadweyn ayaa hortaalla oo guul iyo duuldarro wadata, waxaana ugu weyn 15-ka qodob ee heshiiska Madaxda DFS & DG, Doorashada, Amniga, Siyaasadda, Xubnaha Mucaaradka iyo kasbashada dadka” ayuu yiri Prof Maxamed Xasan Doob. Waxa kale oo uu intaasi u daray in Ra’iisul wasaaraha uu guuleysan karo, haddii loo madax baneeyo waajibaadka shaqo ee la saaray, islamarkaana lala shaqeeyo. “Haddii loo madax-banaaneeyo howsha shaqo oo aysan lugaha ka qaban Madaxweynaha, Baarlamaanka & Dowlad Goboleedyada, waa uu ku guuleysan doonaa waxa laga rajeynayo, balse haddii uu la yimaado qorshooyin Siyaasadeed iyo amni, isla markaana si feejigan wax waliba u eego waa uu ka gudbi doonaa culeyska muuqda.” ayuu raaciyey. Si kastaba ha’ahaatee baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta uu ansixiyo Ra’iisul wasaaraha cusub oo lagu dhowaaqay 17-kii bishan ee 2020-ka. The post Maxay yihiin caqabadaha horyaalla R/Wasaare Rooble? first appeared on Caasimada Online.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo weli ku sugan Muqdisho ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha gobolka Banaaadir. Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Xamar ka dagan yahay Deni ayaa ka dhashay, kadib booqasho uu ugu tegay guddoomiye Cumar Filish. Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021. Duqa Muqdisho ayaa si gaar ah Madaxweynaha Puntland ugu boggaadiyey doorkii uu ku lahaa in la go’aamiyo nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa iyo heshiiska laga gaaray. Dhankiisa Deni ayaa uga mahadceliyey guddoomiyaha gobolka iyo shacabka Muqdisho, sida ay diiraan ay u soo dhoweeyeen isaga iyo wafdigiisa. “Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud “Filish” oo booqasho iigu yimi, waxaan uga mahadceliyay sida ay maamulka Gobolka iyo dadweynaha reer Muqdisho noo soo dhoweeyeen” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni). Madaxweynaha Puntland oo maalmahan ku sugnaa gudaha caasimada ayaa waday kulamo gaar gaar ah oo looga hadlayo marxalada kala guurka ah ee haatan lagu jiro. The post Maxay ka wada-hadleen Cumar Filish iyo Siciid Deni? first appeared on Caasimada Online.
  24. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed “Cumar Filish”. Guddoomiye Cumar Finish ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ku bogaadiyey doorkii muhimka ahaa ee uu ka qaatay in la go’aamiyo doorashada dalka. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay maamulka Gobolka Banaadir iyo Dadweynaha Muqdisho soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article