-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
MADAXDA AFRICA EE HADA TALADA JOOGA WAXA LOOGA FADHIYAA IN AY KA TAGAAN , TAARIIKH , HAL-ABUURO IYO HOGAAMIYAYAASHII BARITO !! ( Adiga oo dhaxal reebi kara , ha noqon dhinte aan la tebin ). Dalkasta iyo qaarad kasta oo aynu hiigsano ama u naqaano wadamada hore u maray waxa tacab galiyey oo halkaa ay joogaan iyo wanaagaa lagu majeeranayo u sameeyey dadkiisa , xaqiiqaduna waxa ay tahay umad waliba waxa ay iska dhigto ayuun baa taariikhda u gali doona . Qaarada Africa waa qaarad khayraadkeedu dihin yahay oo aan 99% wali la soo saarin isla markaana u baahan in la daah furo oo loo guntado sidii loola soo bixi lahaa ee looga maarmi lahaa kaalmo shisheeye iyo mucaawimo aduunka kale ku kabo. Africa marka hore waxa ragaadiyey saameyntii ay kaga tageen dawladihii ku soo duuley ee reer yurub oo noloshii ,dhaqanadii iyo aqoontii dabiiciga ahayd ee ay lahaayeen dadkani ka baabiiyey isla markaana u raray nolol, aqoon iyo dhaqano kale oo aan dadkani iyo deegaanka ay ku nool yihiin aan anfacayn. Waa marka labaad e Africa waxa laga dhigtay isticmaale ( consumer ) wax aanu lahayn oo waxa ay noqotay suuq aduunka oo dhami ku soo tartamo taasi waxa ay meesha ka saartay wax soo saarkii iyo horumarkii qaaradu sameyn lahayd oo waxa ay ku noqotay curyaamin kale marka cidwaliba waxii ay soo saartay u iib keentay. Waxa sida oo kale ragaad ka dhigey in aanay qaaradu helin hogaamin ka saarta maamul xumada, musuq-maaduqa , colaadaha , gaajada, faqriga, horumar la’aanta oo la timaada hal abuur laga dhaxlo oo ay u aayaan da’yarta qaarada Africa u kacday . Marka la iskuwada daro qaarada Africa dalal kooban ayaa leh nidaam wanaagsan oo socda oo koraya isla markaana seeskoodu adag yahay laakiin qaarada Africa inteeda badani waa mid u nugul burburka iyo isku qabsiga talada iyo hogaaminta dalka , taasina waxa dhaliyey in aanay lahayn nidaam wanaagsan oo lagu kala badbaado ama aan loo jeexin sees adag oo dawladnimo . Arimaha kale ee dib u dhaca ku riday qaarada Africa waxa ka mid ah farogalin shisheeye ay ku hayaan dawlado iyo shirkado raba in ay khayraadkeeda gurtaan , amaba raba in aanay Africa isku filaan oo curyaamin siyaasadeed kuwada taasi oo aan qorsoonayn oo ah waxa keenay colaadaha iyo dagaalada la dhex dhigo dadka Africa. Aduunyadu mar uun baa lawada abuuray dadkan ku guud nool laakiin waa la kala hor fekeray uun , oo qaaradaha iyo wadamada aynu u naqaan qaar hore u maray waxa ay ku gaadheen halkaasi dedaal oo ay kaga soo baxeen dhibtii hore ee nolosha , waxaaba tusaale loo soo qaataa in dhibaatadu fekerka iyo horumarka dhaliso sababta oo ah qaaradaha kale qaarada Africa ayaa ka dhul wanaagsan kana khayraad badan. Maanta madaxda Africa waxa u yaalla in ay ka fekeraan qarniyada soo socda waxii ay uga tagi lahaayeen taariikh iyo hal abuur dadkooga isla markaana u noqon lahaa dhaxal iyo magac wanaagsan oo ku xardhanaada taariikhda dalalka iyo guud ahaan qaarada Africa. Sidoo kale waxa iyagana laga rabaa Madaxda Maanta Africa hogaamisa ; sameynta nidaam wanaagsan oo soosaara hogaamiyeyaashii barito sii wadi lahaa taariikhaha iyo dhaxalka wanaagsan ee hogaamiyeyaashii soo ababiyey uga tageen, iyaguna da’yarta dambe sii gaadhsiiyaa taariikhdaa iyo hawlqabadkaa wanaagsan ( legacy ). Mohamed Dhimbiil Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay ganacsato badan oo Soomaaliyeed, kuwaas Muqdisho ku xiran in ka badan shan maalmood. Ganacsatada xiran oo u badan kuwo caan ah ayaa waxaa la sheegay in tiro ahaan ay gaarayaan tobaneeyo, waxaana ku jira Xaaji Maxamuud Cumar Cadaan oo ah ganacsade si weyn looga yaqaano magaalada Muqdisho, lana dhashay ganacsade Abuukar Cumar Cadaan. Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah ehellada Xaaji Maxamuud Cumar Cadaan oo la hadlay laanta Af-Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in sababta loo xiray ganacsatadan loogu sheegay inay la xariirto macaamil dhex maray iyaga iyo Al-Shabaab. Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in guddiga gaadiidleyda gobolka Banaadir oo uu guddoomiye ku xigeen ka ahaa Xaaji Maxamuud iyo guddiga kale oo iskaashatooyinka gaadiidleyda gobolka Banaadir ay ku mideysanyihiin ay isqabteen kadibna ay Al-Shabaab isku dacweeyeen. “Sanadahaan ganacsatadu waa ay dhiban yihiin, culeysyo badan ayaa dhanka Al-Shabaab uga imaanaya, mar kasta waa loo yeeraa ganacsigooda ayaana wax laga weydiiyaa, mararka qaarna waxaa la sheegay inay aad xog ogaal ugu yihiin ganacsigooda,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis. Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan raali ka aheyn in loo tago Al-Shabaab, balse ganacsatadu aysan ku dhiira karin inay iska diidaan amarka Al-Shabaab. “Horta weli ganacsatada xiran maxkamad lama geyn, balse anigu waxaan ku talinayaa, in ganacsatada waaweyn sida Xaaji Maxamuud Cumar Cadaan, Cadceed iyo dadka lamid ah in si gaar ah loola dhaqmo, xasaanad ayey leeyihiin, sax ma ahan in la isaga yeero ee la xirto,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis. Waxa uu sheegay in dowladda ay kala tali doonaan hadey yihii culumada sida ay ula dhaqmeyso dadka ganacsatada ah ee dhiban, si sharci loogu maro xataa hadii la xirayo. Hoos ka dhageyso wareysiga Sheekh Cali Wajiis https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/09/Wajiis.mp3The post DF oo Muqdisho ku xirtay Maxamuud Cumar Cadaan iyo ganacsato kale oo la xiriiray Al-Shabaab first appeared on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Taliyeyaasha Ciidanka qalabka sida iyo laamaha amniga gobolka banaadir ayaa la wadaagay qorsheyaasha lagu dardar-gelinayo ammaanka, dhammeystirka dib-u-habeynta ciidamada iyo la dagaalanka Al-Shabaab. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u soo bandhigay Taliyeyaasha Ciidamada ee uu la kulmay mudnaanta uu siinayo xasilinta amniga guud ee dalka iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed. Laamaha amniga ayuu xasuusiyey Ra’iisul Wasaaruhu waajibka ka saaran ilaalinta nabadgelyada iyo fududeynta dhaqdhaaqa bulshada, iyagoona sii xoojinaya dadaallada lagu xaqiijinayo xasilinta caasimadda. “Waxaan idin ku adkeynayaa in aad sii labanlaabtaan hawshii wanaagsaneyd ee aad horey usoo waddeen, lana timaaddaan dadaal dheeri ah oo aad si buuxda ugu fulinaysaan qorshaha amni ee xilliga doorashada.” Kulanka oo ay ka qayb galeen siihayaha Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ayey dhankooda sheegeen guddiga amniga in ay sii dardar-gelin doonaan qorshahooda ku aadan amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay taliyeyaasha ciidamada
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ra’iisul Wasaaraha dowadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulmay taliyeyaasha ciidanka qalabka sida iyo laamaha amniga gobolka Banaad. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la sheegay inuu taliyeyaaasha ciidamada la wadaagay qorsheyaal lagu dardar-gelinayo ammaanka, dhammeystirka dib-u-habeynta ciidamada iyo dagaalanka argagixisada. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u soo bandhigay taliyeyaasha ciidamada qorshihuisa xasilinta amniga guud ee dalka iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed. Laamaha amniga ayuu faray Ra’iisul Wasaare Rooble in waajib ka saaran yahay ilaalinta nabadgelyada, fududeynta dhaqdhaqaaqa bulshada iyo xasilinta amniga caasimadda Muqdisho. “Waxaan idin ku adkeynayaa in aad sii labanlaabtaan hawshii wanaagsaneyd ee aad horey usoo waddeen, lana timaaddaan dadaal dheeri ah oo aad si buuxda ugu fulinaysaan qorshaha amni ee xilliga doorashada.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble. Dhanka kale Guddiga amniga qaranka ayaa sheegay inay sii dardar-gelin doonaan qorshahooda ku addaan amniga dalka. Kulanka waxaa ka qayb galay siihayaha Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed iyo xubno ka tirsan Golaha wasiirada ee xilgaarsiin. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay taliyeyaasha ciidamada appeared first on Puntland Post. -
Wax ka baro Suldaankii ugu danbeeyay ee Carabka ahaa ee maamuli jiray Afrika? Jamshiid Bin Cabdullaahi Al said Kaddib muddo 56 sano uu dibad joog ku ahaa dalka Britain Jamshiid Bin Cabdullaahi Al Said oo ahaa suldaankii ugu dambeeyay ee kasoo jeeday dalka Cuman ee ka arrimiyo jasiiradda Zanzibar ayaa dhawaan dib ugu soo laabtay magaalada Muscat ee caasimadda Cumaan. Wuxuu kamid ahaa saldanaddii Cumaan ee 91 sano ka talin jirtay Zanzibar, waxaana xilka laga tuuray bishii Jannaayo ee sanadkii 1964-tii. Wargeyska The Guardian ayaa ku warramay in dowladda Cumaan ay marar badan diiday codsi uga yimid suldaanka oo ahaa in dib uu ugu soo laabto dalka. Balse qaar kamid ah qoyskiisa oo ku sugan magaalada Muscat ayaa warbaahin uu fadhigeedu yahay Abu Dhabi u sheegay in suldaanka uu codsaday in noloshiisa inta ka dhiman uu ku qaato dalkii uu kasoo jeeday ee Cumaan. Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo arrintani, sida uu ku warramayo wargeyska The Guardian. Gobanimo doonkii iyo kacdoonkii dhiigga ku daatay Jamshid bin Cabdullaahi wuxuu dhashay 16-kii bishii September sanadkii 1969-kii, wuxuu noqday suldaankii Zanzibar markii uu geeriyooday aabihiis Cabdullaahi bin Khaliifa bishii July ee sanadkii 1963-dii. Bishii Disembar sanadkii 1963-dii, jasiiradda Zanzibar waxay xornimadeeda ka qaadatay Britain. Bil kaddib sanadkii 1964-tii, Afrikaanka waxay xilka ka tuureen maamulkii carabta ahaa ee ka talinayay Afrika. John Okello ninkii garwadeenka ka ahaa kacdoonkii xilka looga tuuray suldaanka Waxaa kacdoonka ka dhanka suldaankan ku lug lahaa 600 rag oo hubeysan kuwaas oo ka amar qaadanayay John Okello, oo isagu taageero ka helayay bulshada Afrikaanka, sida ay ku warrantay Encyclopedia Britannica. Waxaana la xasuuqay kumanaan qof oo carab ahaa halka kumanaan kale ay isaga qaxeen jasiiradda Zanzibar iyo Pemba ee dalka Tanzania. Wixii ka dambeeyay kacdoonkaas, madaxweyneyaashii Zanzibar iyo Tanganyika oo haatan ah Tanzania waxay kala saxeexdeen heshiis Zanzabir looga dhigayo maamul goboleed. Muddadii uu dibad jooga ahaa Jamshid bin Cabdullaahi wuxuu isaga cararay qasrigii saldanadda ee ku yaallay Zanzibar kaddib markii ay halkaas la wareegeen koox fallaago ah. Markii loo diiday in magangelyo laga siiyo Cumaan, wuxuu aaday dhinaca Britain isaga iyo 61 qof oo ka tirsan qoyskiisa iyo ehelkiisa. Labo toddobaad uun kaddib wargeyska New York Times ayaa ku warramay in dhibaato dhaqaale oo heysatay suldaanka ay ku qasabtay in uu isaga guuro huuteel lagu raaxeysto oo uu ka deganaa Britain gaar ahaan meel u dhaw Buckingham Palace. Suldaan Jamshid bin Cabdullaahi iyo qoyskiisa Wargeyska ayaa bishii May sanadkii 1964-tii ku warramay in dowladda Britain ay lacago boqolaal Gini ah siisay suldaanka. Waxay arrintaas u suurogelisay in ku noolaado goob degan oo xeeb ah oo ku taalla Britain. Sanadkii 2000, madaxweynihii hore ee Zanzibar ,Salmin Amor wuxuu cafis u fidiyay suldaan Jamshid bin Cabdullaahi. Qaran News
-
Africa’s overburdened public health systems, dearth of testing facilities and overcrowded slums had experts predicting a disaster when COVID-19 hit the continent in February. The new coronavirus was already wreaking havoc in wealthy Asian and European nations, and a United Nations agency said in April that, even with social-distancing measures, the virus could kill 300,000 Africans this year. In May the World Health Organization (WHO) warned that 190,000 people on the continent could die if containment measures failed. Yet as the world marks 1 million COVID-19 deaths, Africa is doing much better than expected, with a lower percentage of deaths than other continents. The continent’s case fatality count stands at 2.4%, with roughly 35,000 deaths among the more than 1.4 million people reported infected with COVID-19, according to Reuters data as at late Monday. In North America, it is 2.9% and in Europe 4.5% Hard-hit countries such as Italy and Britain have recorded fatality counts of 11.6% and 9.0% respectively, compared to 1.6% for Ethiopia, 1.9% for Nigeria and 2.4% for South Africa, the continent’s worst affected country. Hospitals in many African countries say COVID-19 admission rates are falling. “Based on what we have seen so far it is unlikely that we are going to see anything at the scale that we are seeing in Europe – both in terms of infections and mortality,” said Rashida Ferrand, a London School of Hygiene and Tropical Medicine professor working at the Parirenyatwa Group of Hospitals in the Zimbabwean capital Harare. Experts say that some COVID-19 deaths in Africa probably are being missed. Testing rates in the continent of about 1.3 billion people are among the lowest in the world, and many deaths of all types go unrecorded. South Africa saw some 17,000 extra deaths from natural causes between early May and mid-July, 59% more than would normally be expected, according to a July report from the South African Medical Research Council. That suggests the death toll from COVID-19 could be significantly higher than the official figure, currently over 16,000, researchers say. Even so, there is wide agreement that COVID-19 fatality rates have not so far been as bad as predicted. Why? Scientists and public health experts cite a number of possible factors, including the continent’s youthful population and lessons learned from previous disease outbreaks. African governments also had precious time to prepare due to the relative isolation of many of their citizens from airports and other places where they could come into contact with global travellers. Some scientists also are exploring the possibility that a tuberculosis vaccine routinely given to children in many African countries might be helping reduce deaths from COVID-19. Another theory being considered is whether prior exposure to other coronaviruses including those that cause the common cold has provided a degree of resistance in some of the very communities once thought to be most vulnerable. “There is a lot of circumstantial evidence,” Salim Abdool Karim, a South African infectious disease specialist who has advised the government on COVID-19, told Reuters, “but there is no smoking gun.” LESSONS LEARNED The virus hit Africa later than other continents, giving medical personnel time to set up field hospitals, source oxygen and ventilators, and learn from improvements in treatment elsewhere. “We got the gift of time,” said Thumbi Mwangi, senior research fellow at the University of Nairobi’s Institute of Tropical and Infectious Diseases. “We had an amount of preparation that others did not.” One reason could be that international travel is limited in many African countries, and travelling domestically can be more difficult than on other continents, Matshidiso Moeti, WHO regional director for Africa, told a news conference on Thursday. The continent’s governments have also battled deadly infectious diseases such as Ebola, which killed more than 11,000 people in West Africa in 2013-16. So officials took notice when the new coronavirus started spreading around the globe rapidly early this year. Many African countries were quick to introduce screening at airports, suspend flights from heavily affected nations and enforce social distancing measures and mask wearing. Within a week of Kenya reporting its first case, schools were shut, incoming travellers had to undergo a mandatory quarantine and large gatherings were banned. Nigeria, Africa’s most populous nation, imposed a ban on interstate travel and a curfew. Many of its land borders had already been closed since August 2019 to cut down on smuggling, which helped fight the pandemic too. South Africa introduced one of the world’s toughest lockdowns in late March, when the country had confirmed just 400 cases. “Africa brought down the hammer earlier in terms of coronavirus lockdowns,” said Tim Bromfield, regional director for East and Southern Africa at the Tony Blair Institute for Global Change, a U.K.-based think tank. Experts also point to the continent’s demographics. Research has found that the risk of developing severe COVID-19 increases with age. A 2019 United Nations report said 62% of sub-Saharan Africa’s population was under 25 and just 3% 65 or over. In the U.N.’s Europe and North America region, 28% were under 25 while 18% were age 65 and up. Chikwe Ihekweazu, director general of the Nigeria Centre for Disease Control, attributed his country’s relatively low case mortality rate in part to the fact that the majority of patients were between the ages of 31 and 40. CROSS-PROTECTION? Scientists in several countries including South Africa are testing whether the century-old Bacille Calmette-Guérin (BCG) vaccine, widely used on the continent against tuberculosis, provides a degree of cross-protection. BCG vaccines have been shown to protect against other viral respiratory illnesses, and a study published in the scientific journal Proceedings of the National Academy of Sciences in July found that countries with higher vaccination rates for tuberculosis had lower peak mortality rates from COVID-19. Studies have also started in South Africa and Zimbabwe to assess the impact of past exposure to other coronaviruses. More than half of Africa’s urban population is concentrated in slums, where access to water for hand washing is scarce, and physical distancing is near-impossible. Diseases spread rapidly under such conditions, but some scientists wonder whether that may have been an unexpected boon in this case. There is some evidence that T cells developed by the body’s immune system after exposure to other common cold coronaviruses could help fight off COVID-19. “I would say that is at least a plausible explanation as to why there are different levels of resistance to the virus in different populations,” said Thomas Scriba, an immunologist and deputy director of the South African Tuberculosis Vaccine Initiative. Others are more sceptical. “All other regions have been exposed to coronaviruses, have poor people and slums and have received BCG vaccination,” said Humphrey Karamagi, team leader for data and analytics at the WHO’s Africa office. “We are most probably looking at a mix of multiple factors working together – and not a single magic bullet.” For Sam Agatre Okuonzi, from the Arua Regional Referral Hospital in Uganda, the doomsday predictions were informed by entrenched prejudices, including that the continent is prone to disease. “COVID-19 has shattered a lot of biases about disease in general but also about Africa,” he told Thursday’s briefing. “The severity of the pandemic has not played out in line with the outrageous predictions.” (Additional reporting by Wendell Roelf in Cape Town and Tim Cocks in Johannesburg, MacDonald Dzirutwe in Harare, Ed McAllister in Dakar, Alexis Akwagyiram in Lagos, Katharine Houreld in Nairobi and Giulia Paravicini in Addis Ababa; Editing by Alexandra Zavis and David Gregorio Source Reuters Qaran News
-
Daahir Ducaale Casayr, Liibaan Axmad, Abuubakar Ibraamim Ducaale, Mahdi Cabdikariim, Faarax Cabdullaahi Sugulle, Liibaan Yuusuf, Xuseen Yuusuf iyo bahda Puntland Post waxay tacsi u dirayaan Idiris Colaad Nuur iyo reer Colaad Nuur Mowle oo walaalkood Abshir Colaad Nuur ku geeriyooday Muqdisho. Waxay Eebbe uga baryayaan inuu samir iyo iimaan uu sii kordhiyo. Innaa lillaah, waa innaa ilayhi raajicin. The post Tacsi: Marxuum Abshir Colaad Nuur appeared first on Puntland Post.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur galbeed Cabdiacasis Lafta-gareen oo ka hadlay xaflad ay xalay isugu yimaadeen madaxda iyo xlidhibaannada koonfur galbeed ayaa bixiyey balanqaad ku aadan kursi ka tirsan golaha shacabka in xildhibaanka hadda ku fadhiyo uu sii heysan doono. Madaxweyne Laftagreen ayaa Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow u balanqaaday inuu soo noqon doono iyada oo abaal looga dhigayo dhaawac ka soo gaaray qarax ay la beegsadeen Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa September 15, 2018-kii, qarax ka dhacay Tiyaatarka Qaranka, oo ay sheegteen Mas’uuliyaddiisa ku dhaawaceen Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow Arrinta balanqaadka Cabdicasis Lafta-gareen waxaa ay abuuri kartaa kala shakin dhexmarta dadka u tartamaya kuraasta xildhibaanimmo ee 2020/2021, meeshana ka saari karta hufnaan iyo doorasho xor oo xalaal ah. Hadalkan ayaa imaanaya todobaad kadib markii madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu isna balanqaaday kursi kale uu sheegay inuu kusoo bixi doono Mahad Cawad September 21, 2021: Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ka hadlayey xaflad soo dhoweyn oo loogu sameeyey Muqdisho ayaa sheegay erayo laga dheehan karo musuq iyo awood sheegasho maamulkiisa ah, islamarkaana abuuri kara kala shakin dhexmarta dadka u tartamaya kuraasta xildhibaanimmo ee 2020/2021, meeshana ka saari karta hufnaan iyo doorasho xor oo xalaal ah. Madaxweyne Saciid oo u jawaabayey hadal uu ka jeediyey xafladda Mahad Cawad, guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka kaas oo sheegay inuu kursigiisa kala soo cararay Puntland isla markaanaaan nagaadi ku aheyn Galmudug ayaa yiri “Kursiga uu Mahad la soo cararay wad soo ceshan kartaa ayaa ku dhihi lahaa, waxaan balanqaadayaa haddii uu soo noqdana inuu isaga ku soo baxo, haddii uu Galmudug yaalana waan ka daba tagayaa in aan kala shaqeeyo halkan ka shgeeyaa.” The post Xildhibaankii labaad oo loo ballan-qaaday kursigiisa baarlamanka 2021 - Waa kuma? first appeared on Caasimada Online.
-
“Waa ceyb in loo gacan qaadaa garsoorsoorayaasha kubbadda cagta,Xiriirka kubbadda cagta waxaa laga rabaa in adkeeyaan sharciyadda lagu hagayo ciyaaryahanada iyo macallimiinta dalka” ayuuGoobjoog Sports u sheegay Macallin Cabdulllahi Buurane. Daawo Qeyb Ka Mid Ah Waraysiga Macallin Buurane Uu Siiyay Goobjoog https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/09/whats-opp.mp4 Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cali Caadle ayaa saaka kulan la qaatay Safiirka dowladda Ingiriiska Mudane Ben Fender. Labada masuul ayaa iska waraystay marxaladda kala guurka ah ee Hirshabeelle, arrimaha amniga, dib u heshiisiinta iyo sida doorashooyinka ku soo fool leh ay u noqon lahaayeen kuwo xor iyo xalaal ah. Ugu danbayntii, Wasiirka ayaa Safiirka uga mahadceliyay taageerada ay dowladdiisu la garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ka codsaday in ay si gaar ah u garab istaagaan Hirshabeelle maadaama uu yahay dowlad gobaleedka ugu nugul ee ugu da’da yar. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta Al-Shabaab fagaare ku yaalla deegaanka Ceel Cali ay ku toogteen nin ay ku eedeeyeen inuu dil geystay. Guddoomiyaha maxkamadda Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in xukun dil ah lagu riday eedeysane Xasan Aadan Cali oo 44 jir ahaa, isaga oo tilmaamay inuu horey u dilay marxuum lagu magacaabi jiray Xasan Cismaan Ibraahim. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ehellada marxuumka ay dalbadeen in loo qisaaso Xasan Aadan Cali, sidaasina lagu toogtay. Fagaaraha lagu dilay ninkaasi ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa dadweyne iyo xubno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab. Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa xukuno u badan dil ka fuliya deegaanada ay maamulaan ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
-
(PP News Desk) — The Former Federal Minister for Interior Abdi Farah Said (Juha) briefly assessed the legacy of his former boss, Hassan Ali Kheire, the former Prime Minister of the Federal Government of Somalia, who unceremoniously sacked the former Minister. Schadenfreude: Juha (left) cracks jokes with Kheire whose legacy he has joyfully assessed in a Facebook note. Juha’s four-point assessment of Kheire was posted in Facebook. “Kheire was the longest-serving PM since since 1960s; he maintained closer ties with the President to a point of unaccountablity; he was the first Prime Minister to lose a Vote of Confidence within seven minutes without MPs having their palms greased; and the only former Prime Minister who was refused to hand over responsibility to a new Prime Minister”, Juha wrote. The assessment in Juha’s Facebook page The Former Prime Minister has declared his candidacy for the Somali Predidency. Indirect elections will take place in Somalia next year if Federal Institutions are not granted term extension. The New Prime Minister, Mohamed Hussein Roble, and his soon-to-be formed government have only four months to prepare Somalia for elections. © Puntland Post, 2020 The post Juha Assesses the Legacy of His Former Boss appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jahuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay wejiga labaad ee mashaariicda Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF. Munaasibadda uu madaxweynuhu ku daah-furay wejiga labaad ee mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) oo ay gadh-wadeen ka tahay wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta qaranka Somaliland, ayaa waxa kala qaybgalay Xubno kamid ah golaha wasiirrada, madax ka socotay dalalka Somaliland ka taageera Sanduuqan ee Denmark, Holland iyo Ingiriiska, agaasimeyaal iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana laga jeediyey hadallo diirrada lagu saaray muhiimadda ay mashaariicda wejigan labaad ku jiraa qaranka u leeyihiin iyo sida ay xukuumaddu daacadda uga tahay inay si hufan u hirgalaan. Ugu horrayn Ku-xigeenka madaxa Horumarinta Somaliland ee Sanduuqa horumarinta Somaliland Mudane, Najax Maxamuud Aadan, ayaa sharraxaad ka bixiyey meelaha uu diiradda saarayo wejiga labaad ee mashruucani, waxana uu tilmaamay kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo kor u qaadista adeegyada dawladdu halbowle u yihiin wejiga labaad ee mashaariicda horumarinta Somaliland. Mudane Najax waxa uu sidoo kale xusay in dhismaha marsada Maydh, dhismaha iyo dayac-tirka waddooyinka muhiimka ah, koru-qaadidda adeegga biyaha, kobcinta wax soo saarka Xoolaha iyo Beeraha, kobcinta tayada shaqaalaha dawladda, iyada oo la dhammaystiri doono mashaariicdii caafimaadka iyo waxbarashada ee wejigii koowaad ee mashruuca Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF ay laf-dhabar u yihiin wejiga labaad ee mashruucan. Morgan Ralley oo ku hadlayey magaca Saaxiibadda Somaliland ee qaybta ka ah Sanduuqa, ayaa isaguna dhinaciisa ku dheeraaday muhiimadda mashaariicdani u leeyihiin bulshada Somaliland iyo sida ay dawladaha lacagaha ugu deeqa sanduuqani ula dhacsan yihiiin nidaamka daaha-furan ee ay dawladda Somaliland u maamusho. Wasiirka wasaaradda Qorshaynta qaranka iyo Horumarinta, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo isagu hormuud u ah qorshaynta iyo jaangoynta mashaariicda, ayaa ugu horrayn ammaanay nidaamkii ay ku dhammaadeen wejigii koowaad ee mashaariicda sanduuqa Horumarinta Somaliland iyo guulaha ay mashaariicdaasi u horseedeen qaybihii kala duwanaa ee laga maalgeliyey, isaga oo hoosta ka xarriiqay in wejiga labaadna ay ku rejo weyn yihiin inay guulaysan doonaan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo si rasmi ah u daah-furay wejiga labaad ee mashruuca sanduuqa horumarinta Somaliland, ayaa dawladaha Somaliland ka taageera dhinaca horumarka ee sida tooska ah sanduuqan lacagta ugu shuba ee kala ah Ingiriiska, Denmark iyo Dawladda Netherland, kuwaas Somaliland ku taageeray sidii ay dhaqaale ugu heli lahayd fulinta mashaariicda horumarineed ee Qaranka. Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey inay Somaliland ka go’an tahay in mashaariicda kala duwan ee dunidu ku taageertaa u socdaa hannaan daah-furan oo cid waliba arkayso nidaamka ay hawluhu socdaan oo aanu marnaba imannin wax shaki ahi, “Waxa dawlad ahaan naga go’an in mashaariicda horumarineed ee Somaliland lagu taageerayaa ay dhammantood maraan waddadii loogu talo galay oo aanay xagga Somaliland ka imannin wax dhaliil ahi, haddii ay dhaqaalaha tahay iyo haddii ay maamulka tahayba. Waxa kale oo naga go’an inaannu waddamada na taageera iyo dawladaha na taageera u caddaynaynaa inaanu doonayno inay wada-shaqaynteennu noqoto mid daah-furan oo labada dhinacba arki karaan sida ay hawshaasi u socoto maamul ahaan iyo dhaqaale ahaanba,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu ugu baaqay dawladaha Saaxiibka la ah Somaliland inay taageeradooda dhaqaale soo mariyaan Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF, maadaama oo uu sanduuqani yahay nidaam la tijaabiyay isla markaana guulaystay, yareeyayna kharashaadkii maamul ee deeqaha horumarineed. Source
-
Murankii ka taagnaa garoonka Aadan Cadde oo xal laga gaaray
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wararka laga helayo garoonka Aadan Cadde ayaa sheegaya in saacado kooban uu hakad ku yimid duulimaadyadii gudaha iyo howlihii kale ka socday garoonkaasi. Ilo wareedyo ayaa warbaahinta u sheegay in sababtu ay tahay khilaaf soo kala dhex-galay hay’adda nabad-sugida Qaranka iyo mid ka kid shirkadaha duulimaadyada. Inta badan shirkadaha ka shaqeeya duulimaadyada ayaa joojiyey saacado kooban shaqadii, iyaga oo gadood ka sameynaya khilaafka NISA iyo shirkaddaasi. Axmed Macalin Xasan agaasimaha hay’adda duulista rayidka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa dhanka kale beeniyey in shaqada garoonka ay istaagtay, balse waxa uu xusay in ay jirtay tabasho markii dambe la xaliyey. Marar badan ayey howsha garoonka hakad u gashay siyaabo kala duwan, waxaana dhowaan jirtay in dibad-bax cabasho ah ay dhigeen qaar ka mid ah shaqaalaha garoonka oo ka cabanayey shirkadda maamusha garoonka Aadan Cadde. Dhowaan sidoo kale diyaarad ku dhacday garoonka ayaa saacado kooban hakad gelisay dhammaan duulimaadyadii garoonkaasi. View the full article -
Baku (Caasimada Online) – Ciidamada Azerbaijan iyo Armenia ayaa sheegtay in midba mid kale uu khasaare xooggan gaarsiiyey, ayada oo maalinkii saddexaad uu galay dagaalka u dhaxeeya ee ka socda gobolka gooni u goosadka ah ee Nagorny Karabakh. Baaqyo ka yimid hogaamiyeyaasha caalamka oo ku saabsan in la joojiyo dagaalka qarxay Axaddii ayaanay cidna dhageysan. Golaha Ammaanka QM ayaa lagu wadaa inuu maanta kulan deg deg ah ka yeesho dagaalka, oo ay illaa iyo hadda ku dhinteen 100 qof. Saraakiisha gaashaandhigga Yerevan ayaa sheegay in gooni u goosatada Karabakh ay iska caabiyeen weerar kaga yimid Azerbaijan, “ayna khasaare xooggan gaarsiiyeen cadowga.” Waxay intaas ku dareen in tan iyo markii uu dagaalka billowday, uu militariga Azerbaijan gaaray khasaare ah 50 diyaarado drone ah iyo afar helicopter oo lasoo riday, iyo 80 tanki oo la burburiyey. Saraakiisha difaaca Azerbaijan ayaa dhankooda ku gacan seeray sheegashada Armenia ee la xiriirta inay dib u qabsadeen dhul gacantooda ka baxay Axaddii. “Ciidamada Azerbaijan waxay sii wadeen weerar ka socda magaalada Fizuli ayaga oo burburiyey taankiyada cadowga, islamarkaana dilay 10 aksari,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Baku. “Cadowga waxay dalbadeen in laga caawiyo inay goobaha dagaalka ka qataan meydadkooda iyo dhaawacyadooda,” ayey tiri. Dagaalkan, u dhaxeeya Azerbaijan oo ah dal Islaam ah iyo Armenia oo ah Kirishtan, ayaa hadda laga cabsi qabaa inay soo galaan Ruushka iyo Turkiga. Yerevan ayaa qeyb ka ah isbaheysi militari oo ay ku jiraan dalal horey uga tirsanaa Midowga Soviet oo ay hogaamiso Moscow, waxaana hogaamiyaha Russia Vladimir Putin uu ku baaqay xabad joojin. Ankara ayaa taageerta Azerbaijan, waxaana madaxweyne Erdogan uu Isniintii ku baaqay in la gaaray xilligi dagaalka lasoo geba-gebeyn lahaa. AFP + VOA The post Wararkii ugu dambeeyeyee dagaalka Azerbaijan iyo Armenia - Maxay damacsan yihiin Turkey iyo Russia? first appeared on Caasimada Online.
-
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Suudaan mudane Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa xafiiskiisa magaalada Khartuum kula kulmay safiirka cusub ee dalka Norway u fadhiya Suudaan Therese Loken Gheil. Intii uu socday kulankooda waxay danjireyaasha labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Norway oo dhinacyo badan leh. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu kaga hadlay waxyaabihii ay ka wada hadleen isaga iyo safiirka Norway ee Suudaan haweeneyda lagu magacaabo Therese Loken Gheil. “Waxaan xafiiskayga ku qaabilay danjiraha cusub ee Norway ee Suudaan, Therese Loken Gheil,waxaana ku faraxsanahay in ay soo booqato safaaradda Soomaaliya ee Suudaan,waxaana is dhaafsanay aragtiyo ku aadan sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Norway”. Ayuu yiri danjire Maxamed Isxaaq. Dowladda Norway ayaa ka mid ah wadamada taageera Soomaaliya,gaar ahaan dhinacyada hay’adaha dowladda iyo daryeelka bulshada. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/WARKA-DUHUR-2992020.mp3 View the full article
-
Dal Carbeed oo shaaciyey in Haweenka & Ragga la siin doono Mushahar isle’eg Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa wax ka beddeshay sharciga uga degsan sinnaanta ragga iyo haweenka, waxayna dhaqan gelisay in haweenka iyo ragga ka shaqeeya shirkadaha gaarka loo leeyahay ay qaataan mushaar isku mid ah. Amarkan oo ka soo baxay Sheekh Khaliifa bin Zayed Al Nahyan bishii August ayaa dhaqan galay Jimcihii. Haweenka ayaa la sheegay inay qaadaan doonaan mushaar la mid ah kan ragga marka ay qabtaan shaqo isku mid ah. Arrintan ayaa looga gol leeyahay xoojinta sinnaanta jinsiga marka ay timaaddo bixinta mushaarka. Wasaaradda kheyraatka dalkaa ayaa sheegtay in tallaabadan ay xoojin doonto maqaamka uu Imaaraatka Carabta ku leeyahya gobolka iyo caalamkaba, ee ku aaddan sinnaanta jinsiga. Warbixin uu soo saaray Golaha Dhaqaalaha Caalamka ayaa lagu sheegay in Imaaraatka Carabta uu hoggaanka u hayo dalalka gobolka ee wax ka qabanaya farqiga u dhaxeeya msuhaarka ay qaataan ragga iyo dumarka ka shaqeeya shirkadaha gaarka loo leeyahay. Qaran News
-
Safiirka Soomaaliya ee Suudaan oo la kulmay Dhigiisa Norway
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Suudaan Maxamed Sheikh Isxaaq ayaa xafiiskiisa magaalada Khaartuum kula kulmay safiirka cusub ee dalka Norway u fadhiya Suudaan Therese Loken Gheil. Intii uu socday kulankoodi waxay danjireyaasha labada dhinac ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Norway oo dhinacyo badan leh. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Mr Isaaq kaga hadlay waxyaabihii ay ka wada hadleen isaga iyo safiirka Norway ee Suudaan haweeneyda lagu magacaabo Therese Loken Gheil. “Waxaan is dhaafsanay aragtiyo ku aadan sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Norway”. Ayuu yiri danjire Maxamed Isxaaq. Dowladda Norway ayaa kamid ah dalalka Soomaaliya ka taageera dhinacyada hay’adaha dowladda iyo daryeelka bulshada. PUNTLAND POST The post Safiirka Soomaaliya ee Suudaan oo la kulmay Dhigiisa Norway appeared first on Puntland Post. -
Haweenay Isir ahaan ka soo jeeda Somalia oo ku guuleysatay tartanka quruxda haweenka Muslimiinta Maraykanka Sahra Abuukar oo ah gabar Soomaaliyeed oo qaxooti ku ah dalka Mareykanka ayaa ku guuleysatay tartanka quruxda hablaha Muslimiinta ah ee Mareykanka. Waxay sheegtay inay dooneyso inay tusaale u noqoto haweenka Muslimiinta ah. Sahra waa naqshadeysaa dharka, ayada ayaana tolata inta badan dharkeeda. “Marka aad maqasho cabaayad, waxa ugu horreeya ee kugu soo dhacaya waa shuko madow. Waan jeclahay madowga, waa kalar dookheyga ah. Balse marka ay cabaayad noqoto, waxaan jeclahay kalarrada muuqda.” Ayay tiri. Gabadhan oo 23 sano jir ah ayaa ku nooleyd Turkiga muddo toddoba sano ah kahor inta aysan u wareegin Mareykanka, sanadkii 2014. Tartankan oo sanadkii afaraad la qabanayo ayaa waxaa sanadkan ku tartamay 15 hablood oo da`doodu u dhaxeyso 15 ilaa 30. Qaran News
-
MOGADISHU (HOL) - Prime Minister Mohamed Roble has engaged members of the international community in one of this first assignments since taking office this week. Source: Hiiraan Online
-
Qaran News
