Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,703
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweyne Deni oo suluxeyn Siyaasadeed kawada Muqdisho ayaaQorshahamaanta wuxuu ahaa inuu la kulmo Madaxda labada Aqal. Kulankii u horaysay wuxuu la qaatay Gudoomiyaha Aqalka Sare [...] The post Daawo Sawirada kulankii Madaxweyne Deni iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare appeared first on . Source
  2. Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Puntland Said Abdullahi Dani oo booqasho shaqo ku joogo caasimada Muqdisho. Madaxweyne Saciid Cabdullahi Dani ayaa kulan la qaatay Guddiga Joogtada Golaha Aqalka Sar,isagoo ka dhagaystay waxyaabihii u qabsoomay golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya. Shalay ayay aheyd markii Madaxweynihii Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Madaxwaynaha maamulka Puntland Saciid Deni iyo asxaabta mucaaradka ay shirar kala duwan ku qaateen magaalada Muqdisho waxaana kulamadaas looga hadlay arimo doorashooyinka iyo xaalada kala guurka ee dalka . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo labaatan sanno ah ayaa laga joogaa heshiiskii lagu dhisay hay’addaha dawaladda Soomaaliya ka dib burburkii dawladdii hore ee Maxamad Siyaad Barre uu hogaaminayay ee dhacday 1991 kii. Heshiis ka dhacay maagalada Carte ee dalka Jabuuti ayaa lagu dhisay barlamaankii ugu horeeyay kaasoo afartii sannaba mar la badalo. Inkastoo dhawr jeer ay is badbadashay tirada kuraasta barlamaanka haddana waxa jira xildhibaano tan iyo Carte aan marnaba ka bixin barlamaanka oo lagu dhiso nidaamka 4.5 ee loo qaybiyay beelaha Soomaalida. Ma sahlana inaad ugu yaraan afar xilli aad ku soo laabato kursigaaga barlamaanka Soomaaliya oo lagu soo xulo ama lagu doorto nidaamka beelaha ee 4.5 Labaatankii sanno ee la soo dhaafay. Ku dhaawaad lixdan xildhibaan haddaanay ka badnayn ayaa xilli kasta barlamaanka ku soo laabta iyagoo dib loo soo xulay ama loo soo doortay. Barlamaannadii hore waxa xuli jiray suldaanka ama ugaaska reerka laakiin kan hadda jira waxa doortay ergo 51 ah oo ka socota beesha kursiga leh. Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim waxa uu labaatan sanno ka hor ka mid ahaa eragadii ka qaybgashay shirkii dib u heshiisiinta ee Carte balse nasiibku wuxuu siiyay inuu xildhibaan ka noqdo barlamaankii kumeel gaarka ahaa ee waqtigaasi Carte lagu dhisay, tan iyo watigaasna kama bixin golaha. Xildhibaan Cismaan wuxuu ku micneeyay joogitaankiisa baarlamaanka in dadkiisu ku qanacsanaayeen mataaladdiisa. “Markaan dib u noqdo aniga ma ahayn dadka bannaanka aaday markii burburku dhacay dadkaan ku dhex jiray waxaanna aaday deegaankaygii rasmiga ahaa ee Luuq iyo Doolow. Markaas dagaalladii sokeeye dhibaatadii ay abuureen odey baan ahaa, dadkii iyo nabadayntii Gedo iyo dib u heshiisiintii dadkii isu keenay ayaan ku jiray meelba ugama dhex bixin, marka dadkayga ayaan ku dhex jiray iyaga ayaa markasta ii garanayay inaan anigu barlamaanka u matalo”, ayuu yiri xildhibaan Libaax Dumarka ama gabdhaha oo markasta oo la dhisayo barlamaan la yiraahdo ha loo xiro qoondo u gaar ah iyaga maadaama la ogyahay in odayaasha beeluhu doonaayaan inay rag xulaan ayaa haddana waxa jira gabdho xildhibaanno ah oo tan iyo Carte aan kuraastooda waayin oo la soo xulayay. Waxana ka mid ah Khadiijo Maxamad Diiriye oo xildhibaanimada ka sakoow ayba yartahay inay ka maqnaato xukuumaddihii is badbadalayay ee labaatanka sanno ee la soo dhaafay jiray. Xildhibaan Khadiijo Diiriye Waxay u aragta in sababta ay u soo laalaabato ay tahay in beesheedu ku qanceen isla markaana ay jirto doonista rabbi. “Horta waxaan leeyahay haddaan Soomaali nahay umad muslim ah ayaan nahay, bixinta ALLE ayaa iska leh, ciddii uu doono ayuu mansab siiyaa ciddii uu doonana ma siiyo aas kow”, ayey tiri. Waxay intaa ku dartay: “Labo, bahasha iyadaa i barganaysay oo hidde iiga timid, haween ahaan keliya ma ahayne reer ahaan. Reerkayga waa isoo hormariyay mudaddii burburku jiray oo kursigayga saxan dahaba ayaa la soo saaray. 30 kiisanno ee ka horeysayna kacaankii, eedaday Faadumo Cumar Xaashi, ayaa ku jirtay marka bahal i bar-garanaysana waa timid een nasiibku waa i saaciday bixinta Allana waa meesheeda.” Dadka siyaasadda soomaaliya falanqeeya una soo joogay sida ay isu badbadalayeen barlaamanadda Soomaaliya, labaatankii sanno ee la soo dhaafay, ayaa rumeysan in xildhibaanaddan soo noqnoqda ay fahamkooda habka wax loo xulo iyo galaangalkooda hadba madaxda joogta ka heleen fursadaha ay ku soo laablaabtaan. Cabdillahi Maxamad Shirawac oo muddo dheer ka tirsanaa ururrada bulshada rayidka tan iyo Cartena goobjoog u ahaa dawlad dhisidda Soomaaliya, ayaa sheegaya in xildhibaannadan sababta ay ku yeeshan mudnaanta dib u xulista ama dib u doorashada ay tahay hadba fahamkooda sida lagu soo xulo xildhibaannada. “Aniga waxay ila tahay, sababta ay ugu suurtagashay waxa waaye, dheesha barlamaanka lagu noqdo ayay si fiican u fahmeen waa mid, arinta kale ee Meesha ku jirtana waxa waaye in dadkii ay gacanta uga baahnaayeen ayay gacan ka heleen oo si fiican u shukaansadeen ama ha noqdaan madaxweynayaasha raba in ay soo noqdaan mar walba ama ha noqdaano dadkii ay matalayeen ama ha noqdaano dawlad ay muwaadin u yihiin. “Marka waxa weeyaan dheesha barlamaanka dadkaasi ayaa si fiican u fahmay baan is leeyahay, taasaana u suurtagalisay in ay Meesha joogaan muddo dheer,” ayuu yiri Shirwac Dhammaadka sannadkan ayuu ku egyahay barlamaanka hadda jira, waxaana la filayaa in barlamaan cusub in la soo dhiso. Haddaba maxay tahay fursadaha ay haystaan oo ay ku soo laaban karaan xildhibaannada tan iyo Carte aan dhicin? Cabdillahi Maxamad Shirwac ayaa rumaysan in muddooyiinkan dambe ay beelaha doorbidaan hadba qofka codka dheer ee galaagalka leh. “Beelnimada waa arrin meesha ku jirta oo beesha waxay marwalbaba u hiilidaa ninka qaylada dheer, lama xisaabtanto qofkii ay xilka u dhiibatay”. “Dadaalka uu qofku galo iyo galaangalka uu u leeyahay nidaamka dawliga ah ee markaas jirana way tahay (Sabab caawisa), gacan shisheeyana mararka qaarkood qayb bay ka noqotaa,” ayuu yiri Cabdillahi Maxamad Shirwac. Isha:BBC The post Waa kuwee xildhibaanada aan dhicin ee ku jira BF Soomaaliya? first appeared on Caasimada Online.
  4. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu qorshaynayo in shirweynaha Xisbiga KULMIYE ee la filayo inuu qabsoomo bisha soo socota inuu Kursiga Guddoomiye Kuxigeenka Afraad loo doorto Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Maxamuud Saajin, isla markaana la beddelo Guddoomiye Kuxigeenka Afraad ee imika oo ah Abdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Madaxweyne kuxigeenka Somaliland. Qorshahan Madaxweynuhu dhabarka ku soo taabtay Wasiir Saajin, ayaa dhaliyey hirdan culus oo ka dhex aloosma Saylici iyo Saajin, kaas oo xataa saameyn ku yeeshay Gobolka Awdal Beelaha dega iyo Doodda ka taagan saami qaybsiga Kuraasta Wakiillada. Qorshahan Madaxweyne Biixi, ayaa la sheegay inuu ka biyo diidsan yahay Saylici, oo ku dooddaya in uu xaq u leeyahay in kursigiisa aan lagula tartamin sida Kuraasta kale ee Hoggaanka Kulmiyr, madaama oo aanu jirin sharci u diidaya inuu mar kale isa soo sharaxo, taas oo markii hore la filayey in ay caqabad ku noqon doono Saylici, balse loo waayey qodobo cad cad oo ka hor istaagaya inuu u tartamo kuxigeenka Afraad. Madaxweyne kuxigeenka Abdiraxmaan Saylici, ayaa la sheegay inuu Farriin garnaqsi ah u diray Madaxweyne Muuse Biixi, taas oo ah sababta uu u badhitaarayo Wasiirkiisa Ganacsiga, madaama oo uu isagu sharaxan yahay, kuraasta kale ee Hoggaankana aanay muuqan in ragga imika jooga aan lagula tartamayn. Waxaana Farriintan Saylici u diray Madaxweyne Muuse Biixi kaga codsaday inuu ku caddeeyo inuu wato Wasiir Saajin iyo in kale, taas oo aanu weli Muuse Biixi ka soo jawaabin, sida xoguhu tibaaxeen. Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici iyo Wasiir Saajin ayaa labaduna waxa ay shubeen lacagtii lagu xidhay qofka doonaya guddoomiye kuxiheenka Afraad. Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Fadhigii 63-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagaga hadlay arrimo kala duwan oo muhiim ah. Ugu horrayn wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa warbixin guud ka siiyey xaaladda amniga iyo nabadgelyada dalka, sidoo kale, wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda ayaa golaha faahfaahin dheer ka siiyey siyaasadda hantida raagta oo wasaaraddu soo diyaarisay, taas oo lagu dabbaqi doono hantida dawladda si loo ogaado, loo qiimeeyo oo loo diwaangeliyo hantida dawladda si midaysan iyadoo hore loogu qaybiyey golaha siyaasaddan. Dhinaca wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka, ayaa golaha hor keenay wax ka beddelka iyo kaabista xeerka waddo-marista, isagoo wasiirku sharraxaad ka bixiyey wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu sameeyey xeerkaas. Ugu danbayn waxa goluhu ansixiyey xeerka maal-gashiga Jamhuuriyadda Somaliland oo ay soo diyaariyeen wasaaradda maal-gashiga iyo xafiiska garyaqaanka guud, xeerkaas oo hore goluhu uga dooday. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  6. Naadiga Dolwadda Hoose ee Muqdisho City Club oo olahan ku guulaystay horyaalka Somalia Premier League 2019-2020 ayaa safar dhul barasho iyo ciyaaro saaxiibtinimo u aadaysa deegaaanada maamulka Puntland. Muqdishu City Club oo hanatay horyaalka kolkii kowaad,tan iyo markii ay qaadatay maagaca Gobolka Banaadir bishii November 2018 ayaa samaysay guulo waaweyn oo dhinaca ka qeyb galka tartamada kubbadda cata ee dibadda iyo gudaha labadii sano la soo dhaafay. Waxayna xidigaha Muqdisho City Club casuumaad ay ka helyn naadiga Horseed oo ka mid ah kooxaha ugu adag ee ka dhisan deegaanada Puntland. “Waan soo dhawaynaynaa Muqdisho City waa koox weyn,waxayna saaxiibo badan ku lee dahay caasimada Garoowe iyo guud ahaan Puntland” waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Maxamed Cali Ciise (Ciiro) oo ah guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland. Kaliya safarka kooxda MCC ma ahan ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho,waxay ay ciyaartooyda iyo maamulkooda soo baran-doonaan dhulka quruxda ee u duga Puntland. “Sharaf ayay inoo tahay in aan u safarno Puntland waxaan ku lee nahay saaxiibo badan iyo taageerayaal badan,waxayna tani bilaw u tahay is dhaxgalka iyo wada shaqeynta labada dhinac waana howl muhiim ah” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay guddoomiyaha kooxda Muqdishu City Abuukar Yabarow. Si kastaba safarka MCC ayaa noqonaya kii labaad oo ay koox ka dhisan Muqdisho ku tagto meel ka baxsan caasimada, waxaana horay sidan oo kale u samaysay naadiga Elman,waxaana talaabadan is-dhaxgalka soo dhaweeyay taageerayaasha kubbadda cagta ee gudaha iyo dibadda. Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  7. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaaday guddooomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Madaxweyne Deni ayaa ayaa booqday xarunta aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna la kulmay guddoomiye Cabdi Xaashi iyo guddiga joogtadaah ee golaha, warar maxdax bannaan sheegaya in ay kulnka looga wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashada 2020/201, inkasta oo labada dhinac aysan sheegin wixii looga hadlay kulan. Madaxweynaha Puntland waxaa booqashada aqalka sare ku wehelinayay xubno ka tirsan wafdigii la socday. Madaxweyne Deni ayaa shalay kulan la qaatay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, Shariif Xassan Sheekh Aaden, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo xubno ka tirsan xisbiyada mucaaradka. Dhanka kale waxaa xalay baaqday kulan ay yeelan lahaa madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbanad, kaas oo horey u shaacisay Villa Somalia. Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya baaqashada kulankaas, wararka qaar ayaa sheegaya in kulanku uu u baaqday shuruudo ka yimid iyo Puntland iyo Jubbaland, halka warar kalana tilmaamayaan inuu u qabsoomi waayay maqnaashaha madaxweynayaasha kale ee dowlad goboleedyada. Ma jiro wax war ah oo weli ka soo baxay labada dhican ee dowladda federaalka iyo Puntland iyo jubbaland. PUNTLAND POST The post Deni iyo Cabdi Xaashi oo kulmay appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa xarunta golahaasi ku qaabilay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Deni. Cabdi Xaashi iyo Deni ayaa ka wada-hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa xarunta aqalka sare kulan gaar ah kula qaadan doono guddiyada joogtada ah ee golahaasi, maadaama uu qalkan wakiil ka yihiin maamul goboleedyada ka jira dalka ee Puntland, HirShabellem Jubbaland & K/Galbeed. Wararka ayaa sheegaya in kulankaasi diirada lagu saarayo marxalada kala guurka ah ee uu dalka maraayo iyo is xog wareysi guud oo ku saabsan xaaladda dalka. Siciid Deni ayaa maalmahan ku sugnaa gudaha caasimada, wuxuuna u soo gaaray ka qeyb-galka shir u dhexeeya dowladda dhexe, Puntland iyo Jubbaland. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana la’isku mari la’yahay heshiiskii lagu saxiixay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. The post Sawirro: Maxay Siciid Deni iyo guddoomiye Cabdi Xaashi ka wada-hadleen? first appeared on Caasimada Online.
  9. Wasiirka wasaaradda Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed ayaa oo ka mida siyaasiyiinta damacu ka hayo kursiga guddoomiye ku xigeenka Afraad ee xisbiga Kulmiye xoggo loo soo dusiyey Warbaahinta Qaarkeed tibaxayaan inuu shubay lacagtii ay guddida qaban-qaabadu waajib & shuruudda kaga dhigeen ciddii tartanka Hogaanka Xisbiga u tartamaysa. Wasiirka beeraha ayaa u tartamaya Jagada Gudoomiye-xigeenka 4aad oo uu hadda ku fadhiyo M/weyne ku xigeenka S/land Saylaci,Ku darsoo waxaa kaloo isna jagadaas u quudaraynaya wasiirka Wasaarada Ganacsiga Somaliland saajin oo Beryahanba Kaadiriinta Kulmiye aad u hadal hayeen. Wasiir Axmed Muumin Seed ayaa xogguhu tibaxaayan inuu shubay Dhamaanba Lacagtii shuruudda looga dhigay u tartamida hogaanka xisbiga. Qaran News
  10. Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa is hor istaag ku sameeyey shir lagu waday inuu xalay u furmo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland. Is hor istaagga Jubbaland ayaa lagu saleeyey kadib markii Villa Somalia iyo maamulka Farmaajo ay ka baxeen ballamo ay horay ula galeen Kismaayo. Ilo ko dhow Axmed Madoobe, madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in Jubbaland ay furitaanka shirka ku xiray shuruudo afar ah: Dowlad goboleedyada oo dhan in shirku Yimaadaan: Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa diiday in shirka loo dhigo mid u dhaxeeya Puntland, Jubbaland oo dhinac ah iyo Farmaajo balse loo baahan yahay in loo waco maamul goboleedyada kale, loona dhamaado. Dib u eegis lagu sameeyo Dhuusamareeb 3: Jubbaland waxaa kale oo ay soojeedisay in dib u eegista lagu sameynayo shirka Dhuusamareeb 3 ay u dhamaadaan dhammaan maamul goboleedyada, goobjoogna ka ahaadaan, si natiijada u noqoto wadar ogol. Ciidamada Farmaajo in laga soo saaro Gedo: Jubbaland waxaa ay shuruudda ku dartay in Farmaajo uu ka baxay heshiiskii Dhuusamareeb 2 oo ahaa in Farmaajo uu ciidamadiisa kala soo baxo Gedo, amniga gobolkana gacanta loo gelo Jubbaland, taasi oo la joogo in la fuliyo kahor shirkan. In Gedo Lagu Celiyo Maamulkii Jubbaland: Axmed Madoobe waxaa shuruudihiisa ka mid ah in Gedo dib loogu celiyo maamulkii uu Farmaajo ceyriyey ee matalayey dowlad goboleedka Jubbaland. Shuruudahan ayaa imaanaya iyada oo mid ka mid ah shaqaalaha Villa Somalia uu shalay daabacay in xalay uu Farmaajo furayo shirka kala dhaxeeya madaxda Puntland iyo Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Amiir & Amiirad ka tirsan Qoyska Boqortooyada UK oo ku biiray bahda jilayaasha Filimada Amiir Harry iyo xaaskiisa Meghan ayaa heshiis la galay barta muuqaallada baahisa ee Netflix, si ay ugu sameeyaan barnaamijyo kala gedisan, kuwaas oo qaarkood ay iyaguba ka soo muuqan doonaan. “Waxaan diirrada saari doonnaa inaan soo bandhigno xog dadka wax u kordhisa, sidoo kalena rajo gelisa,” ayay yiraahdeen Amiir Harry iyo xaaskiisa Meghan. “Maadaama aanu nahay waalid horleh, waxaa sidoo kale muhiim noo ah in aan sameyno barnaamijyo dhiiragelin leh oo ka hadlaya qoyska,” ayay hadalkooda raaciyeen. Madaxa Netflix, Ted Sarandos, ayaa sheegay in ay “aad ugu faraxsan yihiin” in lamaahanan boqortooyada ka tirsan ay shirkaddaasi ka dhigeen “hoygooda hal-abuurka”. Heshiiska oo sanado socon doona ayaa waxaa qeyb ka ah soo saaridda filimaan koobaan, kuwo taxane ah, barnaamijyo la sii qoray iyo kuwo gaar u ah carruurta. Arintan ayaa ku soo beegmaysa lix bilood kadib markii amiirka iyo xaaskiisa ay iska wareejiyeen xilkii ay u hayen boqortooyada, kadibna u guureen gobolka California. Lamaanaha ayaa sheegay in ay “ku faraxsan yihiin la shaqeynta Netflix” maadaama ay ka caawin doonto inay macluumaadka la wadaagaan daawadayaasheeda tirada badan. Sida ay qortay barta Deadline ee ka hadasha filimaanta, hawlaha ay hadda gacanta ku hayaan lamaanaha ayaa waxaa kamid ah “barnaamij hal-abuur ah iyo taxane sawir-muuqaal ah oo looga hadlayo haweenka hal-doorka ah”. Lamaanaha ayaa barnaamijyada ay u sameeyaan Netflix waxaa gacan ka siin doona shirkad filimaanta soo saarta oo aan weli la magacaabin. Amiir Harry ayaa hadda ka soo muuqda filimka Rising Phoenix ee ka hadla ciyaaraha Paralympic-ga. Meghan ayaa horay ugala shaqeysay shirkadda Disney codeynta filimka Elephant, ee looga hadlay noocyada kala duwan ee xayawaanka. Heshiiskan ay lamaanaha la galeen Netflix ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan la daabacay buugga Finding Freedom ee ku saabsan noolashooda qoyska Boqortooyada. Afhayeen u hadlay lamaanaha ayaa sheegay in aanay weli wax waraysi ah ka bixin buuggaasi, oo tilmaamay xiisadda ka dhex aloosneyd iyaga iyo xubnaha kale ee qoyska Boqortooyada. Qaran News
  12. (SLT-Hargeysa)- Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland, mudane Axmed Muumin Seed ayaa oo ka mida siyaasiyiinta damacu ka hayo kursiga guddoomiye ku xigeenka Afraad ee xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa la sheegay in uu shubay lacagtii ay guddida qaban-qaabadu shuruudda kaga dhigeen ciddii tartanka ka qayb galeysa. Wasiirka beeraha ee tartanka saaxadda KULMIYE ku soo biiray oo ah shaqsi ku cusub tartarnka xisbiga ayaa xiisa gaara u yeelaysa baratanka loogu jiro, guddoomiye ku xigeenka afraad ee xisbul xaakimka. Wasiir Axmed Muumin Seed ayaa saaka oo khamiis ah wararku sheegayaan in uu shubay kharashaadkii shuruudda looga dhigay u tartamida hogaanka xisbiga. Source
  13. Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa xasbiga ka deysay lix ka mid ah 7 nin oo loo heystay fal isugu jira dil iyo kufsi, kuwaas oo sanad ka badan ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe. Raggan ayaa maxkamaddu ay dib ugu celisay xorriyadooda, kadib markii ay shaacisay in lagu waayey dambigii lagu soo eedeeyey. Garsoorayaasha maxkamadda ayaa xusay in baaritaano kala duwan lagu sameeyay todobada eedaysane, islamarkaana loo adeegsaday shaybaarka dambiyada DNA-da ee loo yaqaan Forensic Lab, ayna soo saareen natiijooyin isku mid ah oo caddaynaya in aysan dambigaasi gelin. Sidoo kale wuxuu amray in xabsiga lagu hayo eedeysanaha 7-aad oo wareysiyo hore uu bixiyey ku qirtay inuu ku lug lahaa falkaasi, si baaritaano kale loogu sameeyo. Maxkamadda gobolka Nugaal ayaa fadhiyo kala duwan ka yeelatay falkan oo sanadkii hore lagula kacay haweeney lagu magacaabi jiray Hodan Axmed Maxamed Shanlayste. Dhinaca kale qoyska dhibanaha ayaa ka hor yimid go’aanka maxkamada, waxaana xubno ka tirsan qoyska ay sheegeen in la dayacay kiiskaas, islamarkaana si fudud lagu sii daayey eedeysanayaasha, sida ay hadalka u dhigeen. Waxa kale oo au intaasi ku dareen inay racfaan ka qaateen go’aanka maxkamada, ayna ku dadaali doonaan, sidii ay cadaalad ku heli lahayd marxuumada. Si kastaba ha’ahaatee Puntland ayaa horey ugu guulaysatay inay xukun ku riddo, laguna fuliyo raggii ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii loo geystay Caaisho Ilyaas Aadan. The post Puntland oo siideysay rag sanad ka badan u xirnaa dilkii & kufsigii Hodan Shanlayste first appeared on Caasimada Online.
  14. Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex Oo Laashay Qodob ka mid ah dacwadii lagu Soo Eedeeyey Mulkiilaha Telefishanka Astaan Abdimanaan Yuusuf Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa laashay mid ka mid ah dhawr qodob oo Xeer ilaalintu ku soo oogtay Mulkiilaha Telefishanka Astaan Abdimanaan Yusuf oo muddo bil ka badan ku xidhan Magaalada Hargeysa. Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac, ayaa sheegay in saaka oo khamiis ah Maxkamadda gobolku laashay qodobkii koowaad ee kiiskii ay ku soo eedeeyeen Abdi Manaan Yusuf ee inuu Arrimo basaasnimo ka dhan ah Somaliland, taasoo maalintii koowaad ee dacwada la dhegeysto ay Qareennada u doodayey Guddoomiyaha Astaan ay sheegeen in qodobkaas uu yahay mid u baahan in cadaymo lagu soo lifaaqo, taaso oo Xeer Ilaalintuna ku dooday in aanay cadaymo u ahaayn. Dooddan Xeer ilaalinta iyo Qareennada ayuu Garsoorkii Kiiska gacanta ku hayey sheegay inuu isagu qaraar ka soo saaray, taas oo uu maanta soo saaray isla markaana uu meesha kaga saaray qodobka koowaad ee dacwada loo haysto ee ahayd Basaasnimada. Xeer Ilaalinta, ayaa la sheegay in ay Racfaan ka qaadatay Qaraarkan Maxkamaddu ku laashay Qodobka koowaad ee eeddooda. Xeer Ilaalinta ayaa Abdimanaan Yusuf ku soo eedeysay laba qodob oo kala ahaa Basaasnimo iyo arrin la xidhiidha Ruqsada iyo Mulkiyada Astaan TV Hargeysa. Intaas ayaan ka ogahay Source
  15. Last Sunday, while the world was marking the International Day of the Victims of Enforced Disappearances, three families in Wajir were still distraught. Source: Hiiraan Online
  16. Fardowsa Salat Mohamed was 15 when her cousin asked her parents for her hand in marriage. Her father did not hesitate to say yes. When Mohamed objected, her father asked her to choose between “a curse and a blessing”. Source: Hiiraan Online
  17. Somali President Mohamed Abdullahi Farmaajo is on Thursday expected to hold crucial talks with the leaders of Jubaland and Puntland states to chart a common path for the upcoming elections. Source: Hiiraan Online
  18. Qaramada Midoobay ayaa 75 sanno jirsaneysa sanadkan. Soomaaliya waxay ahayd xubin ku faanta xubinimadeeda oo ka tirsan QM 60 sanno oo ka mid ah sannadahaas. Qaramada Midoobay waxaa laga abuuray danbaskii/burburkii ka dhashay Dagaalkii Labaad ee Adduunka, iyada oo ujeeddadu ahayd in la isu keeno ummadaha iyo dadyowga si loo ilaaliyo nabadda iyo amniga, sarena loo qaado nolosha dadka meel kasta. Maanta, Qaramada Midoobay waxay leedahay dhinacyo badan. — Waa mabaadi’ iyo ballanqaadyo lagu maamulo xiriirka ka dhexeeya dowladaha laguna ilaaliyo xuquuqda dadka meel kasta oo ay joogaan, iyada oo loo marayo Axdiga Qaramada Midoobay, Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha, iyo heshiisyo kale oo badan. — Waa koox caalami ah oo ka kooban hawlgallada, hay’adaha, Sanduuqyada, iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay – oo ay si deeqsinimo leh u taageeraan deeq-bixiyeyaasha la-hawlgala – taasoo dowladaha ka caawisa inay gaarsiiyaan gargaarka bani’aadamnimada, waxbarashada, haqabtirka cuntada, horumarka, iyo sare u qaadidda maamulka, iyo faa’iidooyinka kale. — Ugu dambayntii, waa urur ka kooban 193 xubnood oo sh dowlado gobanimo leh oo madax-bannaan oo – iyagoo u maraya Golaha Loo Dhanyahay, Golaha Amaanka, iyo goleyaasha kale – ka go’aansanaya nabadda, amniga, horumarka, iyo arrimo kale oo badan oo mudnaan leh iyagoo matalaya beesh caalamka. Soomaaliya iyo meelo kaleba, hay’adaha Qaramada Midoobay sida Ururka Caafimaadka Adduunka, Barnaamijka Cuntada Adduunka, Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay, Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay ayaa caawiya malaayiin dad ah maalin kasta. QM waxay la shaqeysaa dowladaha si dadka loo siiyo fursad ay ku helaan cunno, hoy, daryeel caafimaad iyo waxbarasho. QM waxay taageertaa abuurista shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah, waxay ka caawisaa ka hortagga iyo xallinta colaadaha, waxay dhistaa nabadda waxayna kobcisaa dib-u-heshiisiinta, waxayna dowladaha siisaa taageero wax ku ool ah oo ku saabsan arrimo fara badan – laga billaabo la dagaallanka musuqmaasuqa iyo awoodsiinta dadka naafada ah. Shaqadeeda waxay isugu jirtaa mid muuqata iyo mid aan la taaban karin. Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay waxay leeyihiin iskaashi dheer oo soo jireen ah muddo tobaneeyo sanno ah, markii Qaramada Midoobay ay dadka Soomaaliyeed ku garab istaagtay dhismaha dalkooda iyo waddadii madaxbannaanida ee 1960kii. Sannadihii taa ka dambeeya, bahda QM waxay Soomaalida kala shaqeysay dhinacyo badan, laga billaabo shaqada bina-aadamnimada iyo horumarinta, ilaa taageerada siyaasadeed iyo nabadayntaa. Waqtigan xaadirka ah, marka laga soo tago Howlgalka Kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) iyo Xafiiska Taageerada QM ee Soomaaliya (UNSOS), waxaa jira 27 hay’ad, sanduuq iyo barnaamij oo Qaramada Midoobay ah oo taageeraya dadaalka ay Soomaalidu ugu jirto waddaddada nabadda iyo xasilloonida. Iyadoo u dabaaldegeysa sanadguuradii 75aad bisha Sebtembar, Qaramada Midoobay horey ayay eegeysaa oo waxay dooneysaa inay dadka adduunka ka maqasho mustaqbalkooda iyo sida aan u wada qaabeyn karno. Hindisahan oo loo yaqaano QM75 wuxuu ku saabsan yahay wada-hadal – oo Qaramada Midoobay ay rabto inay ku dhageysato waxna ka barato, iyo inay kala shaqeyso dadka iyo degaannada ugu badan ee kala duwan ee suurtagal ah. QM75 wuxuu dadka waydiinayaa meelkasta oo ay joogaan inay “ku soo biiraan sheekada” ayna soo bandhigaan fikrado wax looga qabanayo caqabadaha na horyaalla bulsho caalami ahaan. Waa lagama maarmaan in codadka Soomaaliyeed lagu daro howshan dhageysiga ah. Si loo helo aragtidooda iyo rajadooda, bahda QM ee ku sugan Soomaaliya waxay qabanaysaa wadahadal khadka internetka – oo si toos ah looga soo tebinayo Jawaabihiinu waxay gacan ka geysan doonaan in la wargeliyo arrimaha mudnaanta leh ee adduunka, hadda iyo mustaqbalkaba. Wadahadalkani waa mid si gaar ah waqtigiisa ku yimid waana mid habboon iyadoo Dowladda Federaalka iyo bahda QM ee Soomaaliya ay qeexayaan arrimaha hortabinta u leh howlaha hay’adda adduunka ee dalka shanta sanno ee soo socota iyadoo qayb ka ah Hanaankeena Iskaashi ee 2021-2025. Tani waxay suurtagelinaysaa in aragtiyada Soomaalida lagu biiriyo hababka caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee Qaramada Midoobay. Si ay doodaha QM75 u noqdaan kuwo macno leh, waa in gaar ahaan dhallinyaradu ay ahaadaan kuwo ku jira safka hore. Dhallinyarada Soomaaliyeed waxay leeyihiin kaalin muhiim ah maadaama Soomaaliya ay ku noolyihiin mid ka mid ah dadka adduunka ugu dhalinyarada badan – ku dhowaad 60 boqolkiiba dadka ku nool dalka oo lagu qiyaaso 15.9 milyan oo qof da’doodu waxay ka hooseysaa 30 jir. Jawaab-celinta sahanka ka soo baxda adduunka oo dhan waxaa loo soo bandhigi doonaa madaxda adduunka iyo saraakiisha sarsare ee Qaramada Midoobay. Waxaa jiri doona kulan heer sare ah oo ay yeelanayaan Madaxda Dowladaha iyo Xukuumadaha oo loo qoondeeyay in lagu maamuso sanadguuradii 75aad 21ka Sebtembar. Dhacdadan, madaxda adduunku waxay isla qaadan doonaan bayaan siyaasadeed oo hor u socd ah oo ku saabsan ‘Mustaqbalka aan dooneyno, Qaramada Midoobay ee aan u baahannahay: annagoo dib u xaqiijinayna ballanqaadkeena wadajirka ah ee iskaashiga dhinacyada badan.’ Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan dadka Soomaaliyeed inay codkooda ku biiriyaan wada-hadalkan muhiimka ah ee saameyn doona Soomaaliya iyo dunida inteeda kaleba sannadaha soo socda. James Swan Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho oo u warramayey wariyeyaasha ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed iyo is mari-waaga ka taagan heshiiskii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb. Cumar Filish ayaa tilmaamay in heshiiskaasi kadib ay ogolaadeen inay la fariistaan saamileyda ka hortimid, gaar ahaan Axmed Madoobe iyo Siciid Deni, si xal mideysan looga gaaro arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka soo socda ee 2020 illaa 2021. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho aysan keenin qodob muuqda oo ay ku diidayaan ama ku durayaan heshiiskaasi oo lagu go’aamiyey nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa. “Kuwii ka biyo diiday ee aan ku soo dhoweynay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho runtii ma aynaan keenin qodob muuqda oo ay ku duraan heshiiskaasi, balse inay soo dhoweeyaan waa ka af-gubaadsadeen,” ayuu yiri guddoomiye Cumar Filish. Waxa kale oo uu rajo ka muujiyey shirka haatan la qorsheynayo inuu ka furmo Muqdisho, kaas oo uu tilmaamay inay ka soo bixi doonaan natiijo waxtar leh, islamarkaana lagu gaari doonio xal mideysan oo lagu wajahayo doorashooyinka 2020/2021. Si kastaba ha’ahaatee hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli weli xaaladda siyaasadeed ee dalka ay tahay mid cakiran, islamarkaana ay Jubbaland shuruud ku xirtay furitaanka wada-hadallada ka dhacaya magaalada Muqdisho oo lagu waday in xalay ay si rasmi ah u billowdaan. The post Cumar Filish oo weerar afka ah ku qaaday Saciid Deni iyo Axmed Madoobe (Daawo) first appeared on Caasimada Online.
  20. Garowe (PP News Desk) — The First Level Court of Nugaal yesterday acquitted six men whose innocence was determined by a DNA test by the Bureau of Forensic Science in Garowe. The six men were accused of the rape and murder of Hodan Mohamed Ahmed in April 2019. The prosecutor asked for the death penalty against seven defendants. Defendants’ lawyers reviewing their written submissions in the court. Lawyers for the six men questioned the reliability of the evidence used to put the six defendants on trial. The jury was shown a video clip about Mohamed Deq, the seventh man accused of the rape and murder of Hodan, cofessing to the crime. Mohamed Deq vacated his plea, prompting lawyers of the six men to argue that defendants have been put on trial on the basis of confession by one defendant who should undergo a psychiatric test. The trial was postponed several times. Belated DNA tests prolonged it. A defendant taking an oath on the Holy Koran. Yasin Saeed Farah the Acting Director of Puntland Criminal Investigation Department told the judge and jury that in March 2020 the CID again had approached the Bureau of Forensic Science in Garowe to have DNA tests on the six defendants conducte. “The DNA samples from the six defendants were compared with the DNA traces found on the body and clothes of the late Hodan. They did not match” said Yasin. Yasin has not clarified why the CID sent a request for DNA samples to the Burea of Forensic Science eleven months after the murder of Hodan. The judge of the First Level Court acquited the six defendants of murder after they had taken an oath on the Holy Koran to plead innocent to the murder of Hodan Mohamed Ahmed. The court indefinitely postponed the verdict on Mohamed Deq. © Puntland Post, 2020 The post Garowe Court Acquits Six Defendants appeared first on Puntland Post.
  21. Madaxweynaha Soomaaliya ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa inuu Warbixin ku saabsan Xaalada Soomaaliya uu u gudbiyo Senatorafa Aqalka Sare. Madaxweyne Deni wuxuu [...] The post Madaxweyne Deni oo ka khudbayn doona Aqalka sare appeared first on . Source
  22. Dowladda Kenya ayaa amar ku soo bixisay in la xayiro hantida sagaal ruux oo u dhashay dalkaasi oo lagu eedeeyay in Al-Shabaab ay ka caawiyaan dhinaca maaliyadda. Dadkaasi yaa waxaa saraakiisha Booliiska ay sheegeen in lacago ay siin jireen Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Fred Matiang, ayaa soo bandhigay magacyada sagaalkaasi ruux oo ay heleen ciidamada Booliiska, kadib baaritaan ay sameeyeen Mr Matainga oo war qoraal ah ka soo saaray magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ayaa amar ku bixiyey in la xayiro hantida ay leeyihiin dadkaasi. Dhamaan dadka la soo eedeeyay ayaa ah ganacsato isagu jira rag iyo dumar ganacsiyo ku leh xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, halkaas oo ay ku badan yihiin Soomaalida, walow ay jiraan qaar ka mid ah dadkaasi oo ka howlgala magaalooyinka Mombasa iyo Mandera Booliiska ayaa sheegay in sagaalka qof ee lagu tuhmay in ay la shaqeeyaan Al-Shabaab ay telefoonadooda gacanta lacago ugu direen Al-Shabaab Kenya ay gudaha dalkeeda ka wada howl-galo ay ugu hortageyso weeraro in ay Al-Shabaab ku soo qaadaan. View the full article
  23. Sii hayaha Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Soomaaliya mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa fogaan arag kaga qeyb galay kulan heer Wasiiro ah ee dalalka urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayay saameynta dhaqaale uu cudurka COVID-19 ku reebay dalalka IGAD. Wasiir Warfaa oo qoraal kooban bartiisa soo dhigay ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’antahay in la dajiyo siyaasad ku aadan soo kabashada iyo abuurista fursado shaqo. “Waxaan maanta ka qeybgalay kulan heer Wasiirro ah ee dalalka urur-gobolleedka IGAD oo la xiriiray saameynta COVID-19 ee muhaajiriinta. Soomaaliya oo ay ku soo laabanayeen kumannaan barakacayaal ah ayuu dhaqaalo ahaan u saameeyey, waxaana Wadamada xubnaha ka ah IGAD la wadaagay sida ay nooga go’an tahay in aan si deg deg ah uga shaqeyno siyaasadda ugu wanaagsan ee soo kabashada iyo abuurista barnaamijyo waara oo wax looga qabanayo bulshooyinka ay dhibaatadu saameysey”. Ayuu yiri Wasiir Warfaa. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  24. Waxaa dib u dhac uu ku yimid furitaanka shirka dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland oo lagu waday inuu xalay ka furmo gudaha magaalada Muqdisho. Wararka qaar ayaa sheegaya in la’isku fahmi waayey in wada-hadallada lagu soo daro ajande gaar ah oo uu wato Axmed Madoobe. Madaxweynaha Jubbaland ayaa la sheegay inuu doonayo in ciidamada dowladda laga soo saaro gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa haddii uu furmo waxaa diirada lagu saari doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021. View the full article
  25. (SLT-Boorama)-Magaalada Boorama Waxa Goor Dambe ee Oo Xalay Xarunta Wasaarada Maaliyadda Lagu Tuuray Bambo Gacmeed. Bambadan ayaa Qaraxeeda aad looga Wada Maqlay inta Badan Magaaladaasi kaas Oo aan la ogayn Khasaaraha Uu Geystay. Guddoomiyaha Dhalinyaŕada Xisiga Waddani Cabdirashiid Jaamac Oo La Jaar ah halka uu qaraxu ka dhacay Waxa uu degelkiisa Facebook ku Baahiyay Qoraal Kooban Oo uu ku yidhi”Abaaro 20 daqiiqo ka hor ama 11:50 pm waxa aan ka maqalnay dhawaq xoog wayn iyo quruurux jiingada guriga Borama aanu ka daganahay noogu soo daatay. Ka dib waxa isku soo baxay dadkii jaarka ahaa, waxa la iswaydiiyay waxa uu ahaa iyo halkuu ka dhacay. Ka dib waxa aan la hadlay ilaalada wasaarada Maaliyada oo aanu isku dhagsan nahay, waxayna ii sheegeen in bam ku soo dhex dhacay daarada wasaarada maaliyada, falidhkii ka soo duulayna uu gawaadhida dhextaala muraayada qaarkood ka jabiyay, qacdii ka baxdayna ay ahayd qarixii bambada. Way iska cadaan doonaan wax weliba aroorta ee nabad ha lagu seexdo” ayuu Ku Yidhi Qoraalkiisa Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada Xisbiga Waddani Cabdirashiid Jaamac. Source