Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Marxuumka geeriyooday Hal ruux oo shacab ah ayaa maanta ku geeriyooday bartamaha Caasimadda Garoowe kadib rasaas uu riday askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Canshuura ee Puntland. Askariga ayaa rasaasta riday xilli ay murmayeen qof kale oo ganacsade ah kaas oo diiday in uu bixiyo Canshuur laga doonayay sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Booliiska. Marxuumka dhintay oo magaciisa lagu sheegay Cabdulqaadir Siciid Aw Yuusuf ayaa markiiba u geeriyooday rasaasta oo ka haleeshay qaarka sare ee jirkiisa. Booliiska ayaa sheegay in xabsiga la dhigay askarigii ay rasaastu ka dhacday qorigiisa. PUNTLAND POST The post Garowe: Qof shacab ah oo ku dhintay Rasaas uu riday askari ka tirsan Ciidanka Puntland appeared first on Puntland Post.
  2. (SLT-Boosaaso)-Maraakiib iyo Doonyo ka soo shiraacday dalalka Carabta, gaar ahaan Imaaraadka iyo Cumaan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay ku xayiran yihiin dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Maraabkiibta iyo doonyahaasi ayaa la sheegay inay sidaan shixnado ganacsi, waxaana ay u raran yihiin ganacsato Soomaali ah, gaar kuwo reer Puntland ah. Wararka ayaa sheegaya in sababta ka dambeysa xayiraadooda ay tahay ciid la sheegay inay buuxisay marinka dekedda magaalada Boosaaso oo ay haatan gacanta ku heyso shirkadda P & O, oo hoostagta DP World oo laga leeyahay dalka Imaaraadka. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in maamulka dekedda uu maraabkiibta iyo doonyahaasi ku amray inay ku hakadaan xeebta illaa in muddo ah. Howl-wadeenada dekedda ayaa sidoo kale haatan wada dadaallo ciida badan lagaga saarayo dekedda magaalada Boosaaso. DP World oo hore heshiis ula gashay maamul gobolleedka Puntland ayaa ballantu waxa ay aheyd inay dayactir iyo ballaadhin ku sameyso dekeddaasi, balse weli waxba kama qaban. Source
  3. (SLT-Mareykanka)-Sahra Abuukar oo ah gabadh reer Somaliland ah oo qaxooti ku ah dalka Mareykanka ayaa ku guulleysatay tartanka quruxda hablaha Muslimiinta ah ee Mareykanka. Waxay sheegtay inay dooneyso inay tusaale u noqoto haweenka Muslimiinta ah. Sahra waaxa ay naqshadeysaa dharka, ayada ayaana tolata inta badan dharkeeda. “Marka aad maqasho cabaayad, waxa ugu horreeya ee kugu soo dhacaya waa maro madow. Waan jeclahay madowga, waa kaladh dookheyga ah. Balse marka ay cabaayad noqoto, waxaan jeclahay kaladhada muuqda.” Ayay tidhi. Gabadhan oo 23 jir ah ayaa ku nooleyd Turkiga muddo toddoba sanno ah ka hor inta ayna u wareegin Mareykanka, sannadkii 2014. Tartankan oo sanadkii afaraad la qabanayo ayaa waxaa sannadkan ku tartamay 15 hablood oo da`doodu u dhaxeyso 15 ilaa 30. Source
  4. Madaxweynaha Koonfur galbeed Cabdiacasis Lafta-gareen oo ka hadlay xaflad ay xalay isugu yimaadeen madaxda iyo xlidhibaannada koonfur galbeed ayaa bixiyey balanqaad ku aadan kursi ka tirsan golaha shacabka in xildhibaanka hadda ku fadhiyo uu sii heysan doono. Madaxweyne Laftagreen ayaa Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow u balanqaaday inuu soo noqon doono iyada oo abaal looga dhigayo dhaawac ka soo gaaray qarax ay la beegsadeen Al-shabaab. Al-shabaab ayaa September 15, 2018-kii, qarax ka dhacay Tiyaatarka Qaranka, oo ay sheegteen Mas’uuliyaddiisa ku dhaawaceen Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow Arrinta balanqaadka Cabdicasis Lafta-gareen waxaa ay abuuri kartaa kala shakin dhexmarta dadka u tartamaya kuraasta xildhibaanimmo ee 2020/2021, meeshana ka saari karta hufnaan iyo doorasho xor oo xalaal ah. Hadalkan ayaa imaanaya todobaad kadib markii madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu isna balanqaaday kursi kale uu sheegay inuu kusoo bixi doono Mahad Cawad September 21, 2021: Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ka hadlayey xaflad soo dhoweyn oo loogu sameeyey Muqdisho ayaa sheegay erayo laga dheehan karo musuq iyo awood sheegasho maamulkiisa ah isla markaana abuuri kara kala shakin dhexmarta dadka u tartamaya kuraasta xildhibaanimmo ee 2020/2021, meeshana ka saari karta hufnaan iyo doorasho xor oo xalaal ah. Madaxweyne Saciid oo u jawaabayey hadal uu ka jeediyey xafladda Mahad Cawad, guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha shacabka kaas oo sheegay inuu kursigiisa kala soo cararay Puntland isla markaanaaan nagaadi ku aheyn Galmudug ayaa yiri” Kursiga uu Mahad la soo cararay wad soo ceshan kartaa ayaa ku dhihi lahaa, waxaan balanqaadayaa haddii uu soo noqdana inuu isaga ku soo baxo, haddii uu Galmudug yaalana waan ka daba tagayaa in aan kala shaqeeyo halkan ka shgeeyaa”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasis Laftagareen oo xalay ka hadlay xaflad Digil iyo Mirifle ah ayaa balanqaaday in kootada haweenka ay sideedii tahay. Laftagareen oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri “Iyada oo aan laga dardaarmin, qofna noo sheegin, dadka keliya ee ilaalinaya kootada gabdhaha waa Digil iyo Mirifle, waxaan bilownay maalintii Mbagathi la joogay, dadka keliya ee buuxiyey 30% innaga ayaan aheyn, ilaa maanta wax isbadalay ma leh, hadda sidii ayaan ku wadeynaa, waxaa suurogal ah, intii lagu heshiiyey ee 3-dii xildhibaan mid gabar noqoto aheyd, inta sii rognay waxaan gaarnay hal xildhibaan ciddii leh iney gabar noqon karto, marka taas sidii ayey ahaaneysaa, kootada haweenka diyaar ayey naga tahay, kuwa kale haku baaqato”. 2016-kii, haweenka waxaa ay heleen 24% iyaga oo hadda ay taagan tahay buuq ah cidda ilaalineysa kootada gabdhaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Boosaaso (Caasimada Online) – Maraakiib iyo Doonyo ka soo shiraacday dalalka Carabta, gaar ahaan Imaaraadka iyo Cumaan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay ku xayiran yihiin dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Maraabkiibta iyo doonyahaasi ayaa la sheegay inay sidaan shixnado ganacsi, waxaana ay u raran yihiin ganacsato Soomaaliyeed, gaar kuwo reer Puntland ah. Wararka ayaa sheegaya in sababta ka dambeysa xayiraadooda ay tahay ciid la sheegay inay buuxisay marinka dekedda magaalada Boosaaso oo ay haatan gacanta ku heyso shirkadda P & O, oo hoostagta DP World oo laga leeyahay dalka Imaaraadka. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in maamulka dekedda uu maraabkiibta iyo doonyahaasi ku amray in ay ku hakadaan xeebta illaa in muddo ah. Howl-wadeenada dekedda ayaa sidoo kale haatan wada dadaalo ciida faraha badan looga saarayo dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. DP World oo horey heshiis ula gashay dowlad goboleedka Puntland ayaa ballantu waxa ay aheyd inay dayactir iyo ballaarin ku sameyso dekeddaasi, balse weli waxba kama aysan qaban. The post Maraakiib iyo doonyo ka yimid dalalka Carabta oo ku xayiran dekedda Boosaaso first appeared on Caasimada Online.
  7. New York (Caasimada Online) – Sahra Abuukar oo ka soo jeeda Soomaaliya, balse qaxooti ku ah Mareykanka ayaa ku guuleysatey tartanka quruxda haweenka Muslimiinta ee dalkaasi, kaas oo loo qabto sanadkiiba hal-mar hablaha Muslimka ah. Gabadhan oo 23 sano jir ah ayaa ku nooleyd dalka Turkiga muddo toddoba sano ah kahor inta aysan u wareegin Mareykanka, sanadkii 2014. Sahra oo ka hadleysay guusheeda ayaa shaacisay inay dooneyso inay tusaale u noqoto dhammaan haweenka Muslimiinta ah. “Marka aad maqasho cabaayad, waxa ugu horreeya ee kugu soo dhacaya waa shuko madow. Waan jeclahay madowga, waa kalar dookheyga ah.” ayay tiri Sahra Abuukar. Sidoo kale waxa ay intaasi ku sii dartay “Balse marka ay cabaayad noqoto, waxaan jeclahay kalarrada muuqda.” Tartankan oo galay sanadkii afaraad ayaa waxaa sanadkan 2020-ka ku tartamay illaa 15 gabdhood oo da`doodu u dhaxeyso 15 illaa 30 sano jir. Sahra Abuukar ayaa caan ku ah naqshadeynta dharka, iyada ayaana tolata inta badan dharkeeda. The post Sahra Abuukar oo ku guuleysatay tartanka quruxda Mareykanka first appeared on Caasimada Online.
  8. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo muddo laba todobaad ah u jiifay xanuunka COVID19 oo asiibay, ayaa ka bugsaday, kaddib baadhitaan lagu sameeyey maanta. Wasiirka oo tan iyo markii laga helay calaamadaha cudurka ku jiray xaalad baxnaano ah, ayey saraakiisha caafimaadku u xaqiijiyeen in uu ka buskaday cudurkaasi. Wasiir Koore oo qoraal kooban ku baahiyey bartiisa Facebook, ayaa xaqiijiyey in uu bogsaday “Alxamdulilah baadhitaan Caafimaad la igu sameeyey Galabta waxa la ii cadayeey inan ka bogsaday Xanuunka Covid-19. (Negative)”ayuu yidhi. Wasiirka ayaa tan iyo markii cudurka haleelay ka maqnaa shaqada wasaaradda iyo goobaha ay madaxdu ku kulmaan, sida xafiisyada Madaxtooyada iyo munaasibadaha dawladda. Waa Wasiirkii afaraad ee uu soo rito xannuunka Covid19 tan iyo markii uu dalka ka dilaacay horaantii sanadka. Source
  9. (SLT-Washington)-Tirada dadka adduunka ee u dhintay xanuunka Covid-19 ayaa dhaaftay hal milyan, sida ay soo tebiyeen cilmi-baadhayaashu , iyada oo gobollo badan weli laga soo sheegayo in tiradu sii kordheyso oo kiisas cusub la helayo. Ururinta iyo kaydinta ay saamaysay Jaamacadda Johns Hopkins ee ku aaddan saamaynta fayraskan waxay muujineysaa in dadka ka dhintay Mareykanka, Brazil iyo Hindiya ay kala badh ka yihiin wadarta tiradaas guud ahaan. Khubarada ayaana ka digaya in tirada dhabta ah ay u badan tahay in ay intaad diwaangashan aad uga badan tahay. Xoghayaha guud ee qaramada midoobay António Guterres ayaa ku tilmaamay “xaalad xun” iyo “natiijo xanuun badan”. “Haddana waa inaynaan waligeen indhaha ka qarsan guud ahaan waxa socda oo aan sii calool adaygnaa,” ayuu yidhi farriin muuqaal ah oo laga soo duubay. “Waxay ahaayeen aabbayaal iyo hooyooyin, xaasaska iyo rag, walaalo, asxaab iyo shaqo wadaag. Waa xanuun daran waxa uu ina baday cudurkani” Cudurkan faafa ayaa tan iyo markii uu bilaabmay ku baahay 188 dal iyadoo la xaqiijiyay in ka badan 32 milyan oo kiis. Bandawga iyo tallaabooyinka kale ee la isku dayayo in lagu joojiyo faafidda fayrasku waxay galaafteen dhaqaalihii adduunka oo galay xaalad hoobad ah. Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo ka qeyb-galay munaasabad xalay ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa weerar afka ah ku qaaday xildhibaanada baarlamaanka, siiba kuwa ka soo jeeda maamulkaasi. Lafta Gareen ayaa shaaciyey in xildhibaanada qaar looga xaq lahaa kuraasta ay ku fadhiyaan ee baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaan ay jiraan dad u soo dhintay oo mudan in lagu qadariyo ehelladooda, sida uu hadlka u dhigay. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ma carab baabin kuraastaasi, balse wuxuu tilmaamay in xildhibaan kasta laga doonayo inuu xushmeeyo ehelka dadkii u dhintay arrimaha siyaasadeed. “Kuraastaan qaarkood dadka u fadhiga waa looga xaq leeyahay, dad baa u dhintay, waa in la qadariyo laguna xushmeeyo ehelkooda, xitaa waxa aan heynaa in kuraasta qaarkood in xaq weyn ku leeyihiin dad nool, nin waliba waa in lagu ixtiraamo waxa uu ahaa.” ayuu yiri Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen). Sidoo kaled wuxuu intaasi sii raaciyey “Is cafiskaan waa mid adduunyada iyo aaqiradeena u fiican, marka hore idinka wada shaqeynayay iyo guddoonkiina in aad is cafisaan, ninba si ayuu wax u arkayay, waa la kala qaybsanaa iyada oo xilal lakala raadinayo, waa in aan wada galnaa hal qaanad oo ah digil iyo mirifle oo ku adag dadka kale in ay galaan hal qaanad oo ay ku mideysan yihiin.” Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan uu gaba-gabo yahay muddo xileedka baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana ay xildhibaanadu isku diyaarinayaan inay aadaan doorasho, si ay markale ugu soo tartamaan kursiga xildhibaanimo ee beeshooda. The post Sawirro: LAFTA GAREEN oo shaaciyey arrin lama filaan ku noqotay xildhibaano badan first appeared on Caasimada Online.
  11. Wada hadal cusub ayaa maanta lagu wadaa inuu u bilowdo UK iyo midowga Yurub, waxaana ka dhacayaa magaalada Brussels. Wada hadalkan oo ah midkii 9-aad uguna dambeeyey ayaa waxaa uu ku soo saabsan yahay xiriirka labada nin kadib ka bixitaanka UK iyo midowga gaar ahaan, ganacsiga xorta ah. Arrimaha xoogga lagu saarayo sida ay sheegeen ilo ku dhow wada hadalka waxaa ka mid ah kaluunka, arrimaha sharciyada, tartan hufan iyo arrimo kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Waxaa saaka hakad ku jiro shaqada duulimaadyada gudaha ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa sheegaya in shirkadaha ka shaqeeya duulimaadyada gobollada dalka ay sameeyeen shaqo joojin deg-deg ah, kadib markii mid ka mid ah shirkadahaasi loo diiday inay u dhoofto garoonka diyaaradaha degmada Doolow ee gobolka Gedo. Hakadka ku yimid duulimaadyadaas ayaa saameyn ku yeeshay rakaab fara badan oo saaka ku sii jeeday qaar ka mid ah gobollada dalka. Illaa iyo hadda wax hadal ah kama soo bixin maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada oo ku aadan arrintaas. View the full article
  13. Haweeney da’deeda lagu qiyaasay 80 illaa 90 jir ayaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose loogu geystay fal kufsi ah oo ay ka naxeen dadka deegaanka. Maamulka degmadaasi oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in falkaan uu geystay arxan laawe aan damiir laheyn, islamarkaana ay gacanta ku soo dhigeen, isaga oo baxsad ah. Fuddoomiyaha degmada Afgooye Ibraahim Cumar Qaasim ayaa inoo sheegay in si deg-deg ah cadaaladda loo horkeeni doono eedeysanaha. Bilihii u dambeeyay waxaa Soomaaliya ku soo badanayay falalka la xiriira kufsiga ee loo geysanayo dumarka Soomaaliyeed oo ka mid ah dadka nugul ee u baahan in la caawiyo. View the full article
  14. Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kula kulmay magaalada Muqdisho Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gen Odowaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Qeybta 27-aad General Axmed Maxamed Tredice waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira ammaanka deegaannada Hirshabelle. Madaxweyne Waare ayaa taliye Odowaa iyo saraakiisha kale ee ka socotay qeybta 27aad kala hadlay xaaladda amniga HirShabelle, iyo dardargelinta barnaamijka kala guurka Soomaaliya (Somalia Transitional Plan) ee xorreynta deegaanada HirShabelle. Kulankaan looga hadlayay xaalada amni ee degaannada Hir-Shabeelle ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weeraro kala duwan ay ka dhaceen degaannada Maamulkaas, isla markaana Madaxda Hir-Shabeelle ay sheegeen in Shabaab ka yimid Shabeellaha Hoose uu soo galay degaannadooda. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  15. Madaxwaynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa tababar usoo xiray cutub ka mid ah Daraawiishta Galmudug Oo mudo dhowr Bilood ah tababar ku qaadanayay Xerada Indha-Qaris Oo Ku taala Duleedka Gaalkacyo. Munaasabadaan ayaa madaxwaynuhu ku dalacsiiyey Saraakiil Ka mid ah Ciidankii dhammeystay Tababarka, iyadoona madaxweynuhu Ku Dhiiri Geliyay horumarka ay Sameeyay Muddadii tababarka qaadanayeen. Cutubkaan Tababarka maanta loo soo xiray ayaa noqonaya Ciidankii Ugu Horeeyay Daraawishta ee dowlad Goboleedka Galmudug. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka saaka laga helayo Aadan Cadde ayaa sheegaya inay hakad ku jiraan duulimaadyada gudaha ee garoonkaasi. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkadaha duulimaadyada ay sameeyeen shaqo joojin, kadib markii lagu guul darreysay in xal laga gaaro khilaaf soo kala dhex-galay iyaga & taliska nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka Wararka ayaa sheegaya in talisku uu shaqo joojin ku sameeyey mid ka mid ah shirkadahaasi oo si maalinle ah ku tegi jiray gobollada, taas oo ay ka caroodeen. Sidoo kale guddi ay ku mideysan yihiin shirkadaha diyaaradaha ayaa ku dhaawaqay shaqo joojintaasi, kadib markii shirkad ka tirsan kuwa ka shaqeeyaduulimaadyada gudaha loo diiday inay aado garoonka diyaaradaha degmada Doolow ee gobolka Gedo. Buuq ka dhashay arrintan ayaa lagu soo warramayaa inuu haatan ka taagan yahay garoonka Aadan Cadde oo ay ka xayiran yihiin rakaab badan oo ku sii jeeday gobollada. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka garoonka iyo hay’adda duulista raydika Soomaaliyeed oo ku aadan dhacdadaasi. Si kastaba ha’ahaatee maalmo ka hore ayey aheyd markii ay dibad-bax cabasho ah sameeyeen howl-wadeenada garoonka Aadan Cadde, ka gadaal markii ay isku dhaceen maamulka shirkadda Favori oo gacanta ku heysa garoonka diyaaradaha Muqdisho. The post Duulimaadyada gudaha ee Aadan Cadde oo hakad galay iyo sababta ka dambeysa first appeared on Caasimada Online.
  17. Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, ayaa sheegaya in xeebta Boosaaso ay ku xayiran yihiin doonyo iyo maraakiib sida Shixnado ganacsi oo u raran ganacsato Soomaaliyeed. Doonyaha iyo Maraakiibta oo shixnado ganacsi ka keenay dalalka Carabta, gaar ahaanna Cummaan iyo Imaraatiga, ayaa saacado ku xayiran xeebta Boosaaso, kadib markii lagu wargeliyay in ay halkaas ku hakadaan, maadaama ciid laga saarayo Marinka dekedda Maamulka dekedda Boosaaso, ayaa Doonyaha iyo Maraakiibta ku wargeliyay in aysan xeebta soo dhaafin inta Marinka dekedda laga saarayo Ciid la sheegay in halkaaas ay buuxisay. Dekedda Boosaaso, waxa gacanta ku haya Shirkadda P&O, oo ay leedahay DP World, taas oo sheegtay in ay dayactir iyo ballaarin ku samayn doonto, inkastoo aysan waxba ka qaban mudadii ay joogtay. PUNTLAND POST The post Doonyo iyo maraakiib ganacsi oo ku xayiran xeebta Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Subax-2992020.mp3 View the full article
  19. Duullimaadyada Maxalliga ah ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa saaka oo Talaado ah hakad ku yimid kadib muran ka dhashay mid kamid ah Shirkadaha Diyaaradaha oo shaqa-joojin lagu sameeyay. Rakaab badan oo saaka u bixi lahaa Gobollada Dalka ayaa ku xanniban gudaha Garoonka Diyaaradaha Aaden Cadde ee Magaalada Muqdisho kadib Muranka ka dhashay shaqa-joojintaas. Muranka ayaa u dhexeeya Hay’adda Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkadaha Diyaaradaha Maxalliga ah kuwaas oo gadood ka sameeyay Garoonka Aaden Cadde. Dowladda Soomaaliya ayaa shaqada ka joojisay diyaarad u bixi lahayd degmada Doolow ee Gobolka Gedo taas oo keentay gadoodka Shirkadaha Diyaaradaha Maxalliga ah. PUNTLAND POST The post Duullimaadyada Maxaliga ah ee Garoonka Muqdisho oo hakad galay appeared first on Puntland Post.
  20. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa xerada ciidanka Indhaqaris oo ku taala duleedka degmada Gaalkacyo tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Galmudug. Wasiirka amniga Gudaha Axmed Macallin Fiqi oo goobjoog ka ahaa munaasabadda qalinjebinta ayaa sharaxaad ka bixiyay heerarkii tababarku soomaray iyo tayadda ciidamada, isagooa xusay in ciidanka jirka iyo maskaxdaba laga dhisay. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa kula dardaarmay dufcaddan qalinjabisay in ay si daacad ah u gutaan waajibaadkooda ku aadan sugidda nabadgelyada iyo la dagaalanka cadawga, Isagoona u ballanqaaday in Galmudug diyaar la tahay xuquuqdooda. Madaxweynaha ayaa gabagabadii munaasabaddana abaalmarinno ku guddoonsiiyay saraakiishii tababarka bixinaysay iyo askartii ugu wanaagsaneed intii uu socday tababarka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Qoor Qoor oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Daraawiishta Galmudug appeared first on Puntland Post.
  21. The festive beats of Don Omar’s hit Latin American track Danza Kuduro fades, and the DJ gets a drum roll going as guests eagerly wait to hear the evening’s big announcement. “It is my honour to announce the next queen of the Miss Muslimah pageant USA. The winner of the fourth Miss Muslimah USA, is … Zehra Abukar!” Source: Hiiraan Online
  22. Women with the Somali American Women Action Center are sewing thousands of masks during the COVID-19 pandemic. Source: Hiiraan Online
  23. NEW DELHI (AP) — The worldwide death toll from the coronavirus has eclipsed 1 million, nine months into a crisis that has devastated the global economy, tested world leaders’ resolve, pitted science against politics and forced multitudes to change the way they live, learn and work. Source: Hiiraan Online
  24. Guled Abdi, 17, invited to Teknofest; will be provided scholarship for further education in Turkey Source: Hiiraan Online