Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,713
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The Mombasa-Malindi highway was unusually clear. Vehicular traffic on both sides of the Kikambala stretch had been stopped, in a meticulous plan that would be followed through with clinical – nay, military – precision. Source: Hiiraan Online
  2. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinayo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta qasriga Madaxtooyada shir muhiima kula qaatay hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka ah ee ka hawlgala Somaliland. Kulankan, waxa lagu lafo-guray sidii Ururrada Bulshada rayidka ahi ay qayb uga qaadan lahaayeen arrimaha dardargelinta doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka, isla markaana si wada-jira loogu hirgelin lahaa hiigsiga iyo himilooyinka dalka ee la xidhiidha arrimaha doorashooyinka, doorka dhallinyarada iyo haweenka ee ka qayb-qaadashada doorashooyinka iyo dhiirri-gelinta aqoonta saxaafadda. Dhankooda, hoggaanka Ururrada Bulshada rayidka ahi waxay muujiyeen dareenkooda ku aaddan inay diyaar u yihiin gacan-ka-geysashada iyo ka midho-dhalinta qorsheyaasha horumarineed ee dalka. Gebagebadii shirka, Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku bogaadiyey Ururradda Bulshada Rayidka ah dedaalka ay ugu jiraan horumarka dalka, Wuxuuna Madaxwaynuhu hoga-tusaaleeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqaynta Ururrada Bulshada, kuna adkeeyey inay sii kordhiyaan ka shaqaynta arrimaha bulshada ee dalkooda. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  3. Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulashada maamulka degmada Yaaqshiid, Cabdullahi Shiine oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada amniga ay ka hortageen Miino la doonayey in lagu aaso waddo dhex-marta xaafadda Suuq-Bacaad ee degmadaasi. Shiine ayaa tilmaamay in ciidamadu ay toogteen mid ka mid ah raggii aasayey qaraxaasi, islamarkaana ay baxsadeen labo kale, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in wadada la doonayey in la geliyo qaraxa ay si aad u isticmaalaan mas’uuliyiinta degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo xalay qarax miino uu ka dhacay agagaarka isgoyska Sayidka, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac. View the full article
  4. Police have declared a major incident in Birmingham city centre after officers were called to reports of multiple stabbings overnight. Source: Hiiraan Online
  5. A young man was killed last night in Wadajir district, especially in Bulo-Hubey neighborhood of the district. Ahmed Hussein was reportedly shot dead by gunmen who were trying to rob his mobile phone. Reports also say that the three men ordered Ahmed to hand over the phone, but he refused, leading to his death. Local sources also told Shabelle Media Network that the perpetrators have escaped and there is no word yet from the local security officials. View the full article
  6. U.S. Customs and Border Protection Agents working at Dulles International Airport outside Washington, DC, found Said Sharif Maye's name on a passenger manifest. Source: Hiiraan Online
  7. (SLT-Hargeysa)-Xubnaha guddida qaban-qaabada shirweynaha Afraad ee Xisbiga KULMIYE, ayaa si adag u deedafeeyey eedo raqiis ah oo uu maalintii shalay u jeediyey siyaasi Maxamed Ibraahim Qabo oo ka tirsan xisbiga KULMIYE. Guddoomiyaha guddida, Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) , Axmed Faarax Cadarre iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) oo iyaguna kamid ah guddida qaban-qaabada shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE oo maanta saxaafadda la hadlay, ayaa wanjalaad iyo xaalad Abuur ku tilmaamay hadallo maalintii shalay kasoo yeedhay siyaasi Qabo oo uu ku sheegtay in loo diiday musharrraxnimada guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE. Xubnaha guddida oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa shacabka u caddeeyey inaanay guddi ahaan cidna ka hor istaagin u tartanka xubnaha hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, islamarkaana uu xisbigu yahay madal Dimuqraaddi ah oo u furan inay ku tartanto cid kasta oo oo hunguri kaga jiro hoggaanka xisbiga. Sidoo kale, waxa ay xubnaha guddida qaban-qaabada shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, waxa ay ka digeen inay cid kale ka hadasho arrimaha ku saabsan shirka iyo murrashixiinta hoggaanka sare ee xisbiga, islamarkaana iyaga oo kaliya loo daba fadhiisanayo arrimaha ku saabsan shirkaas. Source
  8. Sii hayaha xilka wasiirka caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur oo faah faahineysay warbixinta maalinlaha ah ee Coronavirus ayaa shaacisay kiisas hor leh oo 24-tan-kii saac ee la soo dhaafay laga diiwaan-geliyey dalka. Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa warbixinteeda ku sheegtay in la diiwaan-geliyey illaa 52 xaaladood oo COVID-19 ah, kuwaas oo laga helay dad kala jooga Somaliland, Puntland, Jubbaland iyo Gobolka Banaadir, waxaana tirada guud ay ka dhigeysaa illaa 3,362. Bukaannada cusub 38 ka mid ah waa rag, 14-na waa dumar, sida lagu sheegay warbixinta wasaaradda caafimaadka . Sidoo kale wasiir Fowsiyo ayaa xustay inay Feyruska Karoona ka bogsoodeen illaa 159 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 2,738. Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka haatan ka soo ka banaya cudurka faafa ee Coronavirus, kaas oo saameeyey wadamo badan oo ku yaalla caalamka. View the full article
  9. Wararkii ugu dambeeyey ee safarka madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye uu ku joogo dalka Djibouti ayaa sheegaya in maamulkiisa uu heshiis la gaaray madaxa shirkadda Djibouti Ports and Free Zones authority. Madaxweyne Qoorqoor oo shir gaar ah la qaaday madaxa shirkadda Abuubakar Cumar Haadi ayaa waxaa ay ku heshiiyeen in Djibouti ay Galmudug ka caawiso barnaamijyo ay ku jiraan arrimaha farsamo iyo qalad ee dhismaha dekadda Hobyo. Dekadda Hobyo ayaa dhowr jeer la dhagax dhigay laga soo bilaabyo February 9, 2016-kii oo ay dhagax dhigeen madaxweyne Guuleed iyo wasiirkii arrimaha dibadda ee xiligaas Cabdiraxmaan Odowaa. Labo sano kadib, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa mar kale dhagax-dhigay dekadda kadib socdaal uu ku tagay gobollada dhexe, waxaana xigay in beelaha deegaanka ay balanqaad sameeyeen intaba lama fulin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa barqanimadii maanta tegay xarunta Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, halkaas oo uu haatan kulan kula leeyahay guddoonka sare ee Golahaasi. Axmed Madoobe iyo guddoomiye Cabdi Xaashi oo uu wehliyo ku xigeenkiisa labaad ayaa haatan leh kulan xasaasi ah, kaas oo looga hadlayo arrimo dhowr ah. Wararka ayaa sheegaya in kulankan intiisa badan looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada ee 2020 illaa 2021-ka. Kulanka kadib Madaxweynaha dowlad gogboleedka Jubbaland ayaa ka qeyb-galay kulanka Aqalka Sare oo haatan socda, isaga oo khudbad u jeedinayo Senatorada Golahaasi. Waxaa Axmed Madoobe ka horreeyey oo Aqalka Sare tegay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Deni oo isna warbixin laga dhageystay. View the full article
  11. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Duhur-06092020.mp3 View the full article
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa daah furay kulan ay la yeesheen madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” Gudoomiyaha wuxuu u sheegay Axmed Madoobe in dalka u baahan yahay badbaado, ayna tahay in la isku yimaado la wada hadlo, lana tanaasulo si dadka iyo dalkaba loo badbaadiyo. Cabdi Xaashi wuxuu madaxweyne Axmed Madoobe ka codsaday in isaga iyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iney u yeeraan dadka siyaasadda ku shaqada leh si wadatashiga loo badiyo, dalkana loo badbaadiyo. Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa ku yimid Muqdisho cadaadis kaga yimid beesha caalamka maadaama ay qaadaceen wixii ka dhacay dhuusamareeb wajigii saddexaad, waxaana la sugayaa sida looga heshiiyo arrimaha doorashada iyo hanaankeeda. Cabdi Xaashi wuxuu kula dar-daarmay labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland ineysan ka tagin magaalada Muqdisho inta xal looga helayo arrimaha cakiran ee dalka. Siyaasiyiinta ayuu eeda dusha ka saaray, taa badalkeeda wuxuu qiray in dadku aad isku jecel yahiin balse ay kala qeybiyeen siyaasiyiinta. The post Gudoomiyaha Aqalka Sare oo codsi u jeediyay Saciid Deni iyo Axmed Madoobe first appeared on Caasimada Online.
  13. ‘Tiro dada oo lagu tooriyeeyay Magaalo ku taala Dalka Uk Booliska oo xiray isgooyska waddada Hurst ee magalada Birmingham Dhowr qof ayaa lagu toorriyeeyey bartamaha magaalada Birmingham iyada oo ay booliska dhacdadaasi ku tilmaameen ‘dhacdo weyn”. Booliska West Midland waxay sheegeen warka ku saabsan werarkaasi inuu soo gaaray qayaasti 00:30 fiidkii xilliga magaaladaasi, iyada oo waxyar kaddibna la soo sheegay weerar middiyo oo kale iney dhaceen. Booliska magaalada Birmingham uu weerarka ka dhacay waxay sheegeen “tira dad ah iney weerarkaasi ku dhaawacmeen” balse ay hadda sheegi karin dhaawacyadaasi sida ay kala yihiin. Duqa magaalada West Midland Andy Street wuxuu sheegay dhacdada iney xiriir la leedahay tii ka dhacday waddada Hurst Street in la eegi doono. Wuxuuna sheegay ilaa iyo hadda inaan la garan ujeedka weerarkaasi laga lahaa. Maanta ayaana la filaya booliska iney faahfaahin ka bixiyaan dhacdadaasi. Dhacdada oo ay booliska ku tilmaameen mid weyn waxay sheegeen arrimaha noocan ah iney amniga bulshada khatar gelinayaan. ‘Naxdinta ka dhalatay’ Cara Curran oo dhacdada ka dhacday Arcadian Center goob joog u ahayd waxay sheegtay iney xilliga ay wax dhacayeen ay ahayd fiid ay aad u mashquulsanaayeen maadaamaa uu soo dhawaa xilliga uu billaabmayay bandowga habeenki. Waxayna sheegtay shaqada iney u dhammaatay 00:30 saacaddu markay ahayd kaddibna ay saaxibbadeed la caweyneysay waxyar kaddibna ay maqashay “qaylo iyo buuq aad u badan”. Waxayna intaa ku dartay: “Waxaan arkay dad badan oo gacan ku dagaallamaya, dadka goobaha lagu caweeya ku sugnaana waxay billaabeen iney dibadda u soo baxaan oo ay fiiriyaan sida ay wax u dhacayaan. “Dadkuna waxay isugu jireen dumar, rag, dad waweyn iyo carruur noocwalba wey isugu jireen, xaaladduna wakhtigaasi mid caadi ah uma muuqan.” “Wakhti badan ayaan ka shaqeynayaa goobaha khamriga lagu iibiyo habeenkina lagu caweeyo dad badan oo dagaallamaya waan arkay laakiin dagaalki xalay oo kale weli ma arag” ayey tiri. “Waxyaabaha dhacay oo dhan waxay ku dhaceen xalay fiidki 3 saac gudahood, iyada oo istoorriyeyn, gawaari wax jiiraya iyo waxyaaba kale oo aniga naxdin igu abuuray oo dhacay aan arkay naxdin badanna ay igu abuureen” ayey tiri. ‘Dhacdooyinka taxanaha ah’ Duqa magaalada, Andy Street wuxuu sheegay taliyaha booliska inuu sharraxaad ka siiyeey wixi dhacay uuna u sheegay ‘dhacdada ugu weyn ee aan kala joogsiga lahayn iney ka dhacday agagaarka waddada Hurst. Wuxuuna intaa ku daray: “Weerarkaasi ujeedka laga lahaa ilaa iyo hadda iey caddeyn. Aagga ay wax ka dhaceenna waxay ahaayeen kuwa xasiloon dadkuna waxaa loo sheegay iney danahooda gaarka ah ku mashquulaan iyaga oo taxaddar mujinaya.” Shaqaalaha gurmadka degdegga ah iyo laamaha amaanka ayaa dhacdadan ka wada shaqeynaya, iyaga oo dadki dhawacmayna la gaarsiiyey isbitaallada si looga dabiibo. “Waxaana weli socdo dadaallo lagu ogaanayo wixi dhacay, taasoo wakhti qaadaneyso in la ogaado wixi dhacay oo dhan.” “Balse hadda lagama sii hordhici karo wixi dhacaya iyo waxa sababay dhacdadaasi.” Xilliga ay dhacdadaasi dhaceysay dad badan ayaa goobaha lagu caweeyo ku sugnaa iyaga waddooyinka ku caweynayey maadaamaa weli aan la qaadin xayiraadihi ka dhashay Faayraska Corona. Qaran News
  14. Garowe ( PP News Desk) — Puntland Authorities in Garowe have detained Khadar Awl Ismail, Daljir Radio Garowe Centre Director and Abdiqani Ahmed Mohamed, a radio journalist with Daljir Radio. The two senior journalists were working on a story about a murder and rape case that Garowe Level 1 Court decided this week. No court warrant has been issued for the arrest of the two journalists. Daljir Radio journalists Abdiqani Ahmed (left) and Khadar Awl (right) were researching an investigative report on a trial that ended this week when authorities have detained them in Garowe today. Last week Garowe Level I Court acquitted six defendants who were accused of raping and murdering Hodan Mohamed Ahmed in April 2019. Daljir Radio website reports that journalists have been detained on an order from the Chairman of the Court. “The two journalists went to the offices of the court to put questions to the court administration about the acquittal of the six men, reported Daljir Radio website. “If journalists approached the Court for a story on the recently concluded trial, they were making sure that one-sided story should not be broadcast. The court could have declined to comment on a trial that ended. Detaining the two journalists is a threatening message to other journalists. Daljir Radio journalists did not commit contempt of the court” said a Garowe-based journalist. © Puntland Post, 2020 The post Two Daljir Radio Journalists Detained in Garowe appeared first on Puntland Post.
  15. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel), ayaa ka hadlay Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ee la filayo inuu dhaco horraanta bisha dambe, waxaanu tilmaamay in si caddaalad ah aan loogu tartamayn ee cid gaar ah kooto loogu xidhayo, xilli uu shalay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta Qabo uu sheegay in loo diiday, lacagtiina dib loogu soo celiyey. Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Kolay si faah-faahsan baan uga hadli doonaa arrinka Xisbiga kulmiye, laakiin wax qarsoon maaha cadaalad-darrada ka dhex jirta Xisbiga Kulmiye iyo sida aan raalli looga ahayn in si caddaalad ah looga dhex tartamo, Masuuliyiinta hanka leh ee Xisbiga Kulmiye ku jira ee raba inay tartamaan in hankooda laga dhigo ila meerayso waa caddaalad-daro, jagooyinka Xisbiga maaha in cid gaar ah kooto loogu xidho ee waa in si caddaalad ah loogu dhex tartamaa, qofkii han leh ee Xisbiga ku jiraa uu hankiisa ku muujiyo, laakiin in ila meerayso hankiisa laga dhigo oo kolba wax kale lagu marmarsoodo meesha kuma jirto..” Mar uu ka hadlayey saami-qaybsiga ayuu yidhi “Doorashooyinka inta aan la gaadhin waa in xal deg-deg ah laga gaadhaa tabashooyinka saam-qaybsiga, maxaa yeelay haddii aan hadda waxba laga sii qaban oo Doorashooyinku wakhtigooda la gaadho waxaa suurtagal noqon karta in saluug badan laga muujiyo, ee sidaas awgeed waa in hadda wax laga sii qabtaa”. Source
  16. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta Khudbad u jeediyay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa Golaha uga warbixiyay Xaaladda Jubaland, isagoo sheegay in wixii ka danbeeyay Doorashadii Madaxtinimada ee Jubaland ay soo martay Xaalado kala duwan, isla markana ay ka guulaysatay dagaal dhinacyo badan. Waxaa uu intaas ku daray Madaxweynuhu ,in khilaafkii ka dhashay Doorashada xal laga gaaray, haddana si wanaagsan wax ku socdaan ,waxaa uu Madaxweynahu hoosta ka xariiqay in weli isagoo tixgalinaya wax wada lahaanshaha iyo xasiloonida Siyaasada uu dib u dhigay dhismaha Golaha Xukuumada. Arimaha Gobolka Gedo ayuu Madaxweynahu sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in xal waara laga gaaro ,inta uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho, iyadoo gacanta Jubaland lagu soo celinayo Gobolka, taas oo uu xusay in ay fure u tahay in xal kama danbays ah laga gaaro khilaafka mudada dheer u dhexeeyay Jubaland iyo Dowlada Federaalka ah. Arimaha Doorashooyinka ayuu Madaxweynahu sheegay in shirarkii Dhuusomareeb ay dadaal badan ku bixiyeen sidii go’aano loo dhan yahay loo gaari lahaa, balse balamahii shirkii Dhuusamareeb labad oo aan hirgalin iyo xaalado kala duwan oo is biirsaday ayna u tegin wajigii saddexaad ee shirkaas. Madaxweyne Axmed Madoobe, wuxuu sheegay in Muqdisho uu u yimid sidii xal kama danbays ah loo gaari lahaa isagoo si gaar ah uga mahad celiyay sida Aqalka Sare uu ugu istaagay in Siyaasada laga heshiiyo. Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada maqan ayuu ugu baaqay in laga wada shaqeeyo sidii labada Aqal ee Baarlamaanka wada shaqayntooda looso celin lahaa. Arimaha maqaamka Caasimada iyo matalaadeeda ayuu tilmaamay Madaxweynahu in ay u baahan yahay in si wadajir ah loogu istaago iyadoo ay tahay shaqo laga gaabiyay sidoo kalana aan waxba laga qaban dib u eegista Dastuurka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo warbixin siiyay Golaha Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online ) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa goor dhow tegay xarunta Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya. Axmed Madoobe ayaa haatan kulan xasaasi ah la leh guddoonka Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan Cabdi Xaashi iyo ku xigeenkiisa labaad. Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada ee 2020 illaa 2021-ka, siiba dooda ka taagan. Sidoo kale waxaa la filayaa shirka kadib in Madaxweynaha Jubbaland uu ka qeyb-galo kulanka Aqalka Sare ee maanta, kaas oo su’aallo ay ku weydiin doonaan Senatorada. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sidoo kale khudbad ka jeedin doono xarunta Aqalka Sare , taas oo uu uga hadli doono arrimaha Jubbaland, xaalada dalka iyo safarkiisa. Si kastabta ha’ahaatee waxaa Axmed Madoobe ka horreeyey oo Aqalka Sare tegay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Deni oo isna warbixin laga dhageystay. The post Sawirro: Axmed Madoobe oo kulan xasaasi ah la leh guddoonka Aqalka Sare first appeared on Caasimada Online.
  18. London (Wararka PP) — Shirkadda xaawaladda WorldRemit ayaa iibsatay Sendwave, oo ah shirkad xawisha lacagaha. Sendwave waxaa sanadkii 2014kii asaasay Durbin Drew oo kaashaday saaxiibkii Lincoln Quirk. Ujeeddada shirkaddu waxay ahayd in dadku si fudud lacago iskugu diri karaa iyagoo telefoonka gacanta adeegsanaya. WorldRemit waxay si rasmi ah ula wareegaysaa shirkadda marka hay’adda korjoogteynta tartammadu oggolaato. “WorldRemit iyo Sendwave waxay wadaagaan ujeeddada u fududaynta dadka inay lacag isu diraan” ayuu yiri Breon Corcoran, oo ah madaxa WorldRemit. Ismaaciil Axmed: Asaasaha WorldRemit Intii u dhexeysay Juunyo 2019 iyo Juunyo 2020 WorldRemit waxay dirtay lacag ku dhow 7.5 bilyan oo doollar. WorldRemit iyo Sendwaves shatiyadooda lacag dirista Maraykanka gudahiisa ayaa dhan in ka badan 100 shati. Ismaaciil Axmed, oo ah dhaqaaleyahan Soomaaliyeed, ayaa asaasay WorldRemit 2010kii. Ismaaciil waa halabuure ganacsi oo saamayn-badan leh sida ka muuqata horumarka WorldRemit samayaysay toban sano gudahood. © Puntland Post, 2020 The post WorldRemit oo iibsatay Sendwave appeared first on Puntland Post.
  19. Waxaa goor dhaweyd lagusoo dhaweeyey Aqalka sare Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Gudoomiyaha Aqalka Cabdi Xaashi ayaana soo dhaweeyey. Madaxweynuhu wuxuu goor dhow oo maantoo [...] The post Sayid Axmed Madoobe oo la hadlaya Senetorada Aqalka Sare appeared first on . Source
  20. Agaasimaha Radio Daljir Xarunteeda Garoowe, Khadar Cawl Ismaaciil iyo weriye Cabdiqani Axmed Maxamed (Fantaastik), oo isna ka tirsan Idaacadda Daljir, ayaa Maanta lagu xiray Magaalada Garoowe. Labada suxufi, ayaa xabsiga la dhiga xilli ay doonayeen, in ay Maxkamadda Garoowe su’aalo ka weydiiyaan cabasho ka soo yeertay Qoyska Marxuumad Hodon Shanlayste, oo Shalay dhaliil u jeediyay Hannaanka Caddaaladeed ee Maxkamadda. Qoyska Hodon Axmed Maxamed , waxay cabasho ka muujiyeen Go’aankii Maxkamadda Garoowe ku sii daysay lix nin oo ku eedaysnaa kiiskii Marxuumadda, kuwaas oo sida Maxkamaddu sheegtay wax dambi ah lagu waayay. Hodon Shanlayste, waxay ahayd gabar xaas ah oo Garoowe kufsi iyo dil loogu gaystay 10-kii April 2019, islamarkaana mudda sannad iyo laba bilood ah Kiiskeedu soo jiitamayay. PUNTLAND POST The post Weriyaal lagu xiray Garoowe appeared first on Puntland Post.
  21. Wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in saacadihii ugu dambeeyay degaannada Puntland laga helay 40 xaaladooda oo Covid-19. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka ayaa lagu sheegay in 72 saac ee la soo dhaafay guud ahaan Soomaaliya laga helay 52 xaaladood oo caabuqa Covid-19, oo 40 kamid ah ay ku sugan yihiin Puntland, halka 12 xaaladood oo kale laga kala helay Jubbaland, Somaliland iyo Muqdisho. Wasaaradda caafimaadka Puntlanad ayaa ilaa hadda wax war ah ka soo saarin 40 qof ee degaanada Puntland ku sugan ee laga helay Covid-19. Inkasta oo ay hoos u dhacday khatartii Covid-19 ee caalamka, hadana weli waa xannuun halis ah oo ka jira dunida. PUNTLAND POST The post Puntland: 40 qof oo laga helay Covid-19 appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Wadajir lagu dilay Axmed Xuseen Nuur (Keyse), kaas oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo dhowaan ka qalin-jebiyey Jaamacad. Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in xalay ay marxuumka ku dileen xaafadda Buulo-Xuubey, kadibna ay goobta isaga baxsadeed. Ragga dilay marxuumka oo gaareyey illaa 3 nin ayaa ahaa burcad, kuwaas oo doonayey inay taleefoonka ka qaataan wiilkaasi dhalinyarada, balse uu ka biyo diiday, taas oo keentay toogashada, waxaana kadib ay ka qaateen Mobile-kii uu watay wiilkaasi. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo sameeyey baaritaano kooban, balse ma jiro cid ay u soo qabteen falkaasi. Geerida Axmed Keyse ayaa waxaa si weyn uga naxay ehelladiisa iyo asaxaabtiisa, maadaama ay isku soo xigsadeen maalmaha dabaal dega ee qalin-jebinta iyo geeridiisa. Arrintan ayaa qeyb ka dhan dhacdooyinka xanuunka badan ee ka dhaca Muqdisho, waxaana degmooyinka qaar ee xilliyada habeenkii ah dhac baahsan loogu geystaa dadka rayidka ah. The post Axmed Keyse oo lagu dilay Muqdisho maalmo kadib qalin-jebintiisii Jaamacada first appeared on Caasimada Online.