-
Content Count
211,703 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo Maanta Khudbad u jeediyay Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, ayaa sheegay in kadib mudda afar sannadood ah, oo uu ka maqnaa Magaalada Muqdisho uusan arkin wax hormar ah oo ku kordhay. Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in Muqdisho oo ay ugu dambaysay afar sannadood ka hor, aysan waxba ku kordhin dhanka Hormarka iyo sugidda Amniga, isagoo tilmaamay in ay weli joogto halkii uu kaga tegay wakhtigaas. Mr Deni, wuxuu xusay in afar sannadood kadib ay weli Amni-darro u xiranyihiin Waddooyinka Muqdisho, islamarkaan weli shacabku sidii uga cabanayaan waddooyinka xiran, taasi oo ay dheertahay burburka ka muuqda meelaha qaarkood. Madaxweynaha Puntland, wuxuu sidoo kale dhammaan Saamileyda Siyaasadda Soomaaliya ka dalbaday in ay wakhti geliyaan sidii dalka looga saari lahaa marxaladda uu haatan ku suganyahay. Halkan ka daawo Muuqaalkiisa PUNTLAND POST The post Deni: Afar sannadood kadib Muqdisho wax hormar ah uma kordhin appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxeynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa khudbad u jeediyay xildhibaanada aqalka sare, wuxuuna ka hadlay arrimo kala duwan oo taabanaya siyaasadda dalka. Saciid Deni wuxuu sheegay in loo baahan yahay isbadal dhab ah inuu ka dhaco dalka, sidoo kalana siyaasiyiinta is khilaafsan aysan horseedin in god mugdi ah lala galo, balse taas badalkeeda fagaaraha lala yimaado. Madaxweynaha wuxuu soo jeediyay in arrimaha masiiriga ah loo dhigo gogol intaan ka ballaaran. Waxey aheyd markii ugu horreysay uu Muqdisho yimaado tan iyo markii la doortay, balse imaatinkiisa wuxuu sheegay inuusan isbadal ku arkin magaalada mudadii afarta sano aheyd. “Afartii sano ee lasoo dhaafay, Muqdisho wax isbadal ah kama dhicin, waan indho-indheeyay intaan wada soo socday, wax soo kordhay ma jiraan, dalku wali sidii ayuu u burbursan yahay, bulshaduna sidii ayey u cabsaneysaa” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Ugu dambeyntii Saciid Deni wuxuu kula dardaarmay siyaasiyiinta, xildhibaanada heer federaal iyo heer maamul iney si wadajir ah ugu soo baxaan marxaladda uu wadanka ku jiro. The post Saciid Deni: Afartii sano ee u dambeysay Muqdisho sidii ayey u burbursan tahay first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweyne Siciid Deni, oo Maanta warbixin siiyay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa shaaciyay in Dowladda Puntland ka guulaysatay Kooxaha Al-shabaab iyo Daacish ee ku sugan Buuraleyda Gobolka Bari. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, wuxuu sheegay in hawlgallo kala duwan oo Ciidamada Puntland ka fuliyeen Buuraleyda Gobolka Bari, ay ku guulaysteen in fariisimahooda ugu tegaan Kooxaha Al-shabaab iyo Daacish, islamarkaana qaarkood la laayay, halka qaar kalena nolosha lagu qabtay. Sidoo kale, wuxu xusay in si buuxda loo xaqiijiyay Amniga Magaalooyinka waaweyn ee Puntland, gaar ahaanna Boosaaso iyo Gaalkacyo oo marar qaar ay ka dhici jireen falal amni-darro kuwaas oo ay gaysan jireen Al-shabaab iyo Daacish. Heshiiskii dhexmaray Puntland iyo Galmudug, ayuu sidoo kale tilmaamay in uu horseed u noqday wada-shaqaynta labada dhinac ee ku aaddan Amniga Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug, maadaama meesha laga saaray mad-madowgii ka dhex jiray labada maamul. Hoos ka daawo Hadalkiisa PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo shaaciyay in Dowladda Puntland ka guulaysatay Al-shabaab iyo Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta warbixin dhinacyo badan taabaneysa la wadaagay golaha aqalka sare. Ugu horreyn Madaxweyne Deni ayaa ka faah faahin ka bixiyey u jeedka safarka uu ku yimid magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay inuu yimid dan Soomaaliyeed iyo xal mideysan laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka, gaar ahaan doorashada. “Wixii Dhuusamarreeb ka soo baxay ayaan wadahalkood u nimid, Madaxweyne Farmaajo habeen hore ayaan wada cashaynay, waana ballan sannahay, intay doonto ha qaadatee waxaan halkan u joogaynaa dan Soomaaliyeed,Soomaali wax ay isku khilaafka karto ani iima muuqdaan, Al-Shabaab maahee cid kale horusocodka dalka Soomaaliyeed ma diidi karto, waxkasta oo Soomaali dan u ah Puntland diyaar bay u tahay” ayuu yiri Siciid Deni Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in la dhowro sharciga, lagana wada-hadalo waxkasto oo caqabad ah, si loo gaaro heshiis dhameystiran. “Waxa aan annaga xili walba dhowreynaa waxa lagu heshiiyay, waxa qabyada ahna laga doodo, maalinta laga heshiiyana noqdo sharci, cidwalba ka sarreeya oo in la ixtiraamo tahay, waxaan rabnaa in dowladnimada lagu dhaqmo” ayuu sii raaciyey Siciid Deni. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana dib u dhac uu ku yimid shirka dowladda, Puntland iyo Jubbaland, kaas oo lagu waday in xalay uu furmo. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
-
Addis Ababa ( Opinion) — Local elections to take place in Tigray on 9 September unsettle the Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed, who dissolved EPRDF to put in place a party that has never won elections. The much-lauded political change of 2018 turned into oppression against the very people who supported the change. A tract containing poorly argued political mantras, Medemer cannot replace a progressive political agenda for Ethiopia whose strength and influence are a function of how it manages its diversity without giving into to exploitative and authoritarian systems of yore. Ready to vote: A resident in a Mekelle neighbourhood with an ID card issued to him by the Tigray State Electoral Commission. Tigray elections are another gift to the Ethiopian people who benefited from the regime change in 1991, when the Derg regime was overthrown by TPLF. Tigray has been spared by the aggressive and anti-democratic agenda of Abiy Ahmed because TPLF did not only facilitate a peaceful regime change but it also put in place plans and systems to forestall any oppressive turn in Ethiopian politics if Abiy Ahmed makes — and he did — the policy choice to make Ethiopia into a police state similar to pre-1991 regimes. Pro-federalism Ethiopian nationalities will learn from Tigray the important lesson that defending fruits of the federal system is an obligation on every Ethiopian who is not nostalgic about either Imperial Ethiopia or Derg-ruled Ethiopia. Ethiopia is now politically isolated: political turmoil and poor diplomatic acumen to deal with GERD pressures from Sudan and Egypt expose how Abiy Ahmed wasted political capital. If the Ethiopian government continues to oppress its citizens, it cannot aspire to become an African economic powerhouse. Abiy Ahmed should not be seeing Tigray elections as a threat. Ethiopia’s political image could get a facelift after Tigray elections. © A. S. Mulugeta, 2020. The post Tigray Elections Are Another Gift to Ethiopia appeared first on Puntland Post.
-
Mudane Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee Federaalka Somaaliya oo ka hadalaayey kulan maanta dhexmaray Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid [...] The post Daawo : – Senator Muuse Suudi oo sheegay in heshiis Mogadishu Clan ka maqan yahay uu Muqdisho ka socodo. appeared first on . Source
-
Deg Deg Cabdimaalig Coldoon Oo Hada Warbaahinta La Hadlay Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa ka hadlay mowqifka uu ka aaminsan yahay kulanka la filayo inuu dhawaan ku dhexmaro dowladda dhexe iyo madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland. Muuse Suudi wuxuu dareensan yahay kulanka loo balansan yahay inuu yahay kulan ay ka maqan yahiin beelaha Mogadishu Clan, wuxuuna sidoo kale carabka ku dhuftay in Madaxweyne Farmaajo uusan dalkaan wax wanaag ah ka rabin. “Waxaan aragnaa heshiis aysan qeyb ka aheyn beesha Mogadishu Clan inuu meesha ka socdo, Farmaajo ayaa wada, wadankana wanaag lama rabo, waa u kaligiis, cidna kuma eedeyno” ayuu yiri Muuse Suudi Yalaxow. Sidoo kale Senator Muuse Suudi Yalaxow wuxuu codsaday in doorashada aan wakhtigeeda lala sugin ama Villa Soomaaliya ay dhameystirto xukuumadda wali qabyada ah si ay howsha horay ugu sii wado. The post Muuse Suudi: Farmaajo wuxuu wadaa heshiis ay ka maqan tahay Beesha Mogadishu Clan first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin (Jeesow) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka dalbaday Madaxweynaha dowladda federaalka inuu xabsiga dhigo Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe. Daahir Amiin Jeesow ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu tix-geliyo codsigiisa, islamarkaana uu xiro Axmed Madoobe oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho. “Mudane Madaxweyne waxaan ahay xildhibaan kula soo shaqeyay afartii sano ee aad dalka xukumeysay jecel dalka wanaagiisa Tixgali cadsiga intaan Meesha fadhisa Axmed Madoobe Xabsiga ha u hoydo.” ayuu yiri Xidhibaan Jeesow oo si weyn uga soo horjeedo maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray xildhibaanku inay dacwad ka taallo, islamarkaana uu dad badan dilay, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in uu si xaq-darro ah ku heyso xil-ka, islamarkaana uu cadaallad darro ku hoggaaminayo maamulka Jubbaland. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan is mari-waa uu ka taagan yahay shirka u dhexeeya dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland kadib markii furitaanka shirkaasi uu shuruudo adag hor dhigay Axmed Madoobe oo ay si weyn isku hayaan dowlada Somalia. The post Madaxweyne Farmaajo oo laga dalbaday inuu Muqdisho ku xiro Axmed Madoobe first appeared on Caasimada Online.
-
Washington’s move comes after Ethiopia, Egypt and Sudan fail to agree on unified text on management of disputed project. The United States has suspended a portion of its financial aid to Ethiopia over the lack of progress in talks with Egypt and Sudan about a massive dam Addis Ababa is constructing on the Blue Nile River. Ethiopia, Sudan and Egypt have been locked in a bitter dispute over the filling and operation of the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), which remains unresolved although the reservoir behind the dam began filling in July. A US Department of State spokesperson told The Associated Press news agency on Tuesday that the decision to “temporarily pause” some aid to a key regional security ally “reflects our concern about Ethiopia’s unilateral decision to begin to fill the dam before an agreement and all necessary dam safety measures were in place”. Ethiopia considers the hydropower dam essential for its electrification and development but downstream Egypt and Sudan view it as a serious threat to vital water supplies. It was not immediately clear how many millions of dollars in US aid are being cut, or for how long, but a congressional source told Reuters news agency: “Up to $100m or so will be affected, of which $26m is funding that expires at the end of the [financial year].” The US move came after the three countries failed on Friday to reach an agreement on the management of the dam following 10 days of negotiations. The State Department said commencing the filling of the reservoir before necessary safety measures were implemented “created serious risks for the populations of the downstream countries”, according to AFP news agency. It added that by continuing to fill the dam, Ethiopia was undermining confidence in the negotiations. Fitsum Arega, Ethiopia’s ambassador to Washington, said on Tuesday he had been informed of the US aid cuts. “They told us the issue is a ‘temporary pause’,” Arega said on Facebook. “The dam is ours. We will complete it through our efforts. Our Ethiopia will have a bright glow through our efforts,” he added. SOURCE: NEWS AGENCIES The post US suspends aid to Ethiopia over Blue Nile dam dispute appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Kenya ayaa sheegtay inuu isu soo dhiibay Khaliif Cabdi Nuur Maxamed oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab illaa iyo sanadkii 2013-kii ee la soo dhaafay. Booliiska ayaa sheegay in ninkaasi uu xiriir la soo sameeyay saldhigga deegaanka Burhale oo ka tirsan gobalka Waqooyi Bari iyadoo markii dambe la soo gaarsiiyey Mandera. Sarkaal ka tirsan Booliiska la dagaalama argagixisada ee dalka Kenya ayaa xusay in Khaliif Cabdi Nuur uu Al-Shabaab ka soo goostay bishii hore kadibna uu xiriir dhinaca isgaarsiinta ah la soo sameeyay Booliiska Kenya. Ninkaasi ayaa la sheegay in markii uu isu soo dhiibayey ciidamada Booliiska ee Kenya uu watay qoray nuuciisu uu ahaa AK47 iyo rasaas. Booliiska ayaa intaasi ku daray in ninkaasi uu tababar ku soo qaatay dugsi ku yaalla magaalada Sakow ee gobolka Jubbadda dhexe ee Soomaaliya. Khaliif ayaa lagu eedeeyey inuu ka qayb qaatay weerarkii khasaaraha badan geystay ee Al-Shabaab ay 2016 ku qaadeen saldhig milateriga Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo, halkaas oo lagu dilay boqolaal ka tirsan ciidanka dalka kenya. View the full article
-
Wararka ka imaanaya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab ay ku dagalaameen qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Uganda ay ku leeyihiin deegaanka Xaaji Cali oo hoostaga degmada Cadale, waxaana xigay iska hor imaad toos ah oo dhex-maray labada dhinac. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in dadagaalka uu ka dhashay khasaare kala duwan, balse lama oga inta uu gaarsiisan yahay. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe. View the full article
-
Jilib (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo goboolada Jubbooyinka ayaa sheegaya in duqeymo cirka ah oo laga sameeyay magaalada Jilib lagu dilay xubno ka tirsan xoogagga Al-Shabaab. Saraakiisha fulisay hawlgalka waxey sheegeen in hawlgalkaan uu si gaar ah ugu qotomay madaxa amniga Al-Shabaab ee magaalada Jilib, sidey wararka sheegayaan duqeynta ayaa lagu dilay. Inkastoo aan faah-faahin rasmi ah laga bixin duqeynta dhacday hadana wararka la helayo waxey sheegayaan in kulan u dhaxeeyay xubno ka tirsan Al-Shabaab lagu soo beegay duqeynta. Ma ahan markii ugu horreysay oo duqeymo cirka ah laga sameeyo jubbooyinka, dhawr jeer oo hore ayaa jilib looga sameeyay hawlgal nuucaan ah. Ciiidamada mareykanka ee hoos taga taliska Afrika oo taageero ka helaya kuwa dowladda Soomaaliya ayaana mar walba iska kaashada. The post Duqeymo cirka ah oo lala beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. first appeared on Caasimada Online.
-
Siihayaha Wasiirka wasaarada maaliyada XFS mudane Abdirahman Ducale Beileh ayaa kulan dhanka aalada fogaan arag ah la qaatay madaxda Bangiga Horumarint Islaamka aya kawada hadalay dar dargalinta arimaha dhanka taageerida uu Bangiga siiyo soomaaliya Masuliyinta ayaa isla soo qaaday sidii loo hormarin lahaa dhaqaalaha dalka iyo kaalinta madaxda Bangiga Islaamka uu ku leyahay taageerida soomaaliya sidii loo xoojin lahaa. “Waxa aan maanta shir muhiim ah la yeeshay Madaxda Bangiga Horumarinta Islaamka oo aan ka wada hadalnay sii xoojinta taageerada Bangiga uu siiyo Soomaaliya.sida waxa bartiisa fecboka ku soo qoray beileh View the full article
-
Golaha wasiirrada Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagaga hadlay arrimo kala duwan oo muhiim ah. Ugu horrayn wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa warbixin guud ka siiyey xaaladda amniga iyo nabadgelyada dalka, sidoo kale, wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda ayaa golaha faahfaahin dheer ka siiyey siyaasadda hantida raagta oo wasaaraddu soo diyaarisay, taas oo lagu dabbaqi doono hantida dawladda si loo ogaado, loo qiimeeyo oo loo diwaangeliyo hantida dawladda si midaysan iyadoo hore loogu qaybiyey golaha siyaasaddan. Dhinaca wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka, ayaa golaha hor keenay wax ka beddelka iyo kaabista xeerka waddo-marista, isagoo wasiirku sharraxaad ka bixiyey wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu sameeyey xeerkaas. Ugu danbayn waxa goluhu ansixiyey xeerka maal-gashiga Jamhuuriyadda Somaliland oo ay soo diyaariyeen wasaaradda maal-gashiga iyo xafiiska garyaqaanka guud, xeerkaas oo hore goluhu uga dooday. Daawo Wixii Ka Soo Baxay Kulankii Golaha Wasuurada Somaliland https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/09/TP.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Duhur-0392020-Ok.mp3 View the full article