Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhamaan ciidanka ilaalada Villa Somalia ayaa bilaabay fulinta amarro cusub oo la sheegay in ay soo saartay Madaxtooyada Soomaaliya. Amarradaan la soo saaray ayaa ah in aqoonsi la weydiiyo qof kasta oo lugeynaya ama gaari saaran, islamarkaana maraya wadada hormarta Madaxtooyada Soomaaliya. Ciidanka ayaa markii hore aqoonsi weydiin jiray wadayaasha gaadiidka waxaase hadda soo kordhay in aqoonsi looga baahan yahay dhamaan dadka gaariga saaran, aqoonsiyadaas oo ah kuwa dowladeed. Sidoo kale waxaa la xoojiyay in dadka lugeynaya la weydiiyo aqoonsi taasi oo markii hore aheyn joogto, balse hadda laga dhigay joogto ama in qofku damiin maro wadadaasi. Arintaan ayaa sameen abuurtay durba waxaana soo baxaya wararka sheegaya in dad badan laga reebay gaadiid ay la socdeen. Villa Somalia ayaa ku sii fideysa degmooyin dhowr ah, waxaana soo degay dad madax ah, taasi oo kordhineysaa cadaadiska saaraan dadka shacabka ah ee halkaas ku safra ama dagan. The post Xog: Dhaqan-gelinta amaro cusub oo ay soo saartay Villa Somalia oo la billaabay first appeared on Caasimada Online.
  2. Xayiraadda Qaadka Somalia Saartay Kenya oo Xiisad cusub dhalisay Xayiraada Soomaaliya ee qaadka Kenya ayaa gudaha dalkaasi ka abuuray xiisad siyaasadeed cusub oo dab kusii qabtay loolanka ay siyaasiyiintu ugu jiraan xilalka ugu sareeya dalkaasi. Tartanka doorashada ee dalkaasi ayaa u muuqda mid lugaha la galay qaadka xayiran, kadib markii ganacsatada qaadka Kenya ay cabasho xoogan ka muujiyeen qaadka ay mamnuucday dowladda federaalku. Uhuru Kenyatta iyo William Ruto ayaa madax is-daray kadib markii ay labadooduba ay bilaabeen loolan xoogan oo ku aadan sidii ay hanan lahaayeen beeraleyda iyo ganacsatada qaadka. William ayaa dhawaan ganacsatada qaadka u soo jeediyay inay khudaar beertaan, inta xal laga gaarayo xiisada dhoofka ah ee ka taagan qaadkaasi, si ay uga sameeyaan dhaqaale la mid ah midkii jaadka ama u dhow. Aragtida Ruto ayaa waxa si weyn uga horyimid siyaasiyiin la sheegay inay aad ugu dhowyihiin madaxweyne UhurU, kuwaasi oo uga digay inuu faro-gelin ku sameeyo qadiyadaasi. Sidoo kale waxay Ruto ku eedeyen inuu abuuray kacdoon ka dhan ah Uhuru, kaasi oo ay sheegen inuu uga dan leeyahay inuu hoos u dhigo sumcada madaxweynaha, isla markaana ay abaabulayaan banaanbax ka dhan ah dowladda oo lagu dalbanayo in la qaado tallaabo deg-deg ah. Siyaasiyiinta Mucaaridka ayaa dowladda Kenya ku dhaliilaya inaysan dhigeeda Soomaaliya kala hadlin arrinta qaadka, ayna ku fashilantay in wax wada xaajooda ay ka furto arrintaasi. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalka ka mamnuucday qaadka, taasi oo loo aaneynayo xiriir xumada labada dowladeed iyo sababo la xiriira cudurka Coronavirus, xili dib loo furay duulimaadyada gudaha iyo dibadda. Qaran News
  3. Run-Irgood (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Run-Irgood Macalim Muxudiin Maxamed Kulmiye, oo la hadlay warbaahinta gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay barakicin ku haayaan dadka ku nool qeybo kamid ah degmadaasi. Guddoomiyaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay bur buriyeen guryo, xafiiskii degmada, Saldhigii booliska, masaajid iyo dhismiyaal kale oo muhiim ahaa. Guryahaas oo u badan xarumo iyo hanti dowladeed ayaa dhulka lala simay waxaana sidoo kale la barakiciyay dhamaan dadkii daganaa. Maamulka degmada ayaa sheegay in aysan waxba ka qaban karin bur burinta Al-Shabaab islamarkaana ay qeyla dhaan u dirayaan dowladda Soomaaliya. “Ma awoodno inaa ka qabano dadka dhibaatada loo geysanayo, sababtoo ah iyaga ayaa ka taliyo degmada annagana Muqdisho ayaa joognaa,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Run-Irgood ee gobalka Shabeelada Dhexe. Qaar kamid ah dadka degaanka oo la soo xariiray Caasimada Online, ayaa noo sheegay in loo geystay jirdil handadaad iyo barakicin, islamarkaana ay garab uga baahan yihiin dowladda Soomaaliya. Maamulka degmada ayaa dhinaca kale sheegay in Al-Shabaab ay arrintaan ku badasheen lacag ay ka qaateen dad ganacsato islamarkaana ay dowladda Soomaaliya la xisaabtami doonto markii ay ahaataba. The post Al-Shabaab 'oo burburiyey' guryihii, Masaajidadii iyo xafiisyadii degmo ay galeen first appeared on Caasimada Online.
  4. Geed Dunida Qaali & Macduun ka ah Balse Somalidu aaney ka faa’iideysan Dacarta Cas waxaa laga helaa meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya, hase yeeshee khubarada dhinaca seyniska waxay aaminsan yihiin inuu yahay geed dhif ah oo ay adag tahay in la helo. Horaantii sanadkii lasoo dhaafay, Dr. Mary Barkworth oo baratay Cilmiga Botony, kana ka tirsan Jaamacada Utah State University USA, ayaa geedkan oo afka qalaad lagu yiraahdo “Asphodelaceae” ka heshay Somaliland. Markii ugu horreysay waxay ku aragtay madxafka Jaamacadda Hargeysa. Maqaal ay ku daabacday wargeyska PUBFACTS, ee soo bandhiga xogaha seyniska, ayey ku sharraxday in geedkaas uu ka duwan yahay dhirta dacarta ee laga helo caalamka intiisa kale. ‘Annaga ayaa uga horreynay’ Dr Barkworth ayaa diiwaanka ku gashay in loo aqoonsan yahay inay garatay geedkaas dhif iyo naadirka ah. Barfasoor Yaxye Sheekh Caamir, oo ah aqoonyahan ku takhasusay cilmiga dhaqaalaha, ayaa sheegay khubarada reer galbeedka ay mar walba magacooda ku qoraan helitaanka waxyaabo caadi ka ah bulshada Soomaalida dhankooda, si fiicanna ay muddo dheer usii yaqaanneen. “Waa la yaab in la yiraahdo ‘Qofkii ugu horeeyay ee helay’, soo annagu iyaga ka hor ma aqoon, oo waalidiinteenu uma isticmaali jirin Daawo ahaan.” ayuu yidhi Yaxye Caamir oo la hadlay BBC-da. Wuxuu qoraal dheer oo uu kaga hadlayay sida uu geedkan muhiim uga yahay caalamka iyo sida aan Soomaaliya looga faa’iideysanin ku shaaciyay boggiisa Facebook. Ka faa’iideysiga Dacarta Dhanka kale, Barfasoor Yaxye ayaa Soomaalida ku dhiirrigaliyay inay dhaqaale ahaan iyo dawo ahaanba uga faa’iideystaan geedkan. “Dhaqan ahaan waxaan ugu soo isticmaali jirnay daawo ahaan, laakiin hadda waxaa kale oo looga faa’iideysan karaa in la warshadeeyo oo cabitaan ahaan laga dhigto. Wuxuu geedkan u roon yahay kansarka naaska ku dhaca iyo cudurrada wadnaha. Annagu waxyaabo badan uma isticmaalo, sababtoo ah ma garaneyno, waxaa kaliya oo aan u isticmaalnaa maqaarka kore.” Ayuu yidhi. Sida uu Yaxye sheegayo, waxyaabaha ugu badan oo loo adeegsado dhacaanka dacarta waxaa ka mid ah in lagu qallajiyo ama lagu baabi’iyo nabarrada kasoo baxa maqaarka, in xoolaha laga mariyo cadhada, dadka indhaha caadka ka saarmo oo looga dhicbiyo iyo in digaagga loogu daro biyaha. Dhawaan ayey ahayd markii khubaro Soomaali ah ay ka fal celiyeen war kasoo baxay seynisyahanno reer Galbeed ah oo sheegay inay Jabuuti ka heleen xayawaan dhif ah oo aan la arkin muddo 50 sano ah. Noolahaas, oo loo yaqaanno Walo San-dheer ayaase si caadi ah u joogay inta badan dhulka Soomaalida. Inta badan arrimaha ku saabsan waxyaabaha laga helo Soomaaliya ee aan laga warqabi caalami ahaan ayaa loo aaneeyaa in muddadii uu dalka burbursanaa aan la diiwaan galinin macluumaad badan oo ku saabsan xayawaanka iyo dhirtaba. Siday ku billaabatay in dacarta baaritaan lagu sameeyo? Cilmi Baareyaal ayaa ogaaday in Dacar Cas oo laga helo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqda madaxbannaanida ee Somaliland ay tahay mid aan lagu arag dunida inteeda kale, sida uu BBC-da horay ugu sheegay Axmed Ibraahim Cawaale oo madax ka ah xarun ka shaqaysa daryeelka iyo badbaadinta dhirta oo layiraahdo Candle Light. “Dacartan ayaa noqonaysa middii 36-aad ee dhulka Soomaalida laga helo, inta la ogyahay” ayuu intaas ku daray Axmed.” Maadaama oo aynan dacartu ku cusbayn dadka Soomaalida ah sidee lagu ogaaday in ay tahay nooc gooni ah ayay BBC-du waydiisay Axmed. Cilmi baareyaasha ayaa sheegay in ay iskood baaritaan u sameeyeen ka dibna la kaashadeen xarun caalami ah oo lagu aruuriyo dhirta adduunka oo dhan. Markii ugu horreysay ee fikradda baadhitaanka ay imaaneysay, Axmed oo safar ah ayay soo jiidatay qaabka ay u samaysan tahay dacarta sannadkii 2014. “Waxaa markiiba isoo jiitay in ay tahay dacar si baahsan u fidda oo isku qabsata, dhinac ilaa 40 mitir ayay gaarraysay, dhinaca kalana 12 mitir”. Markii uu u kuurgalay waxaa ku dhalatay in uusan halkaa ka hadhin, sannadkii xigay ee 2015 ayuuna billaabay cilmibaarasta Dacarta Cas. “Dacartu waxay ku kala duwan tahay ubaxa iyo qaabka ay u samaysan yihiin, qodxaha yaryar ee dacarta intay isu jiraan, waxyaabahaas iyo baaritaanno kale ayaa lagu kala saaraa” ayuu yiri Axmed oo BBC-da la hadlay. Qaran News
  5. Magaaladii ugu sharka badneyd adduunka ee hal subax musiibo gelelftay Ma jiro qof ku fikiraya in xaafadda Port Royal ee dalka Jamaica, oo ah ah meel xasiloon oo laga kalluumeysto, ay mar ahaan jirtay goob caan ka ah dunida inteeda kale, ilaa heer dadka qaar ay ku tilmaameen inay ahayd “magaaladii ugu sharta badneyd adduunka”. Ugu dambeyn waxaa liqay biyaha badda, taariikhdeedana isbaddal abid ah ayaa ku yimid. 20-kii bishii January ee lasoo dhaafay, shacabka Jamaica waxay arkeen arrin aysan u maleyneynin inay goob joog u noqon doonaan waligood. Markii ugu horreysay muddo 40 sano ah, waxaa dekedda taariikhiga ah ee Port Royal – oo ku taalla caasimadda waddankaas – kusoo xirtay markab dalxiiseyaal wada. Waxaa halkaas laga dhisay goob ay kusoo dagi karaan ilaa 2,000 oo ruux oo la socotay markabkaas lagu magacaabayay Marella Discovery 2. Port Royal is believed to be one of the best underwater heritage sites in the Western Hemisphere, among those still in good condition so far Dhacdadaas waxay shaki la’aan farxad galisay guud ahaan dadka reer Jamaica. Booqashada dalxiiseyaasha waxay bog cusub u furtay taariikhda dekeddaas. Waxay Prt Royal leedahay sheeko ay wada yaqaanaan dadka u dhashay waddankaas iyo kuwo kale oo ka baxsan xuduudahooda. Goobtan oo hadda si nabad ah looga kalluumeysto waxay soo martay dhacdo xanuun badan iyo waayo lama illoobaan ah oo kasii horreeyay. Markii ay gumeysteyaashii Ingiriiska goobtaas ka qabsadeen ciidamadii Spain ee maamuli jiray 150-ka sano, waxay noqotay meel muhiim ah. Maadaama aysan xilligaas dad badan ku nooleyn aaggaas, maamulkii Ingiriiska waxay ku khasbanaadeen inay garab weydiistaan kooxo burcad badeed ah oo ka qowleysan jiray xeebaha. Ujeeddada ay isu baheysanayeen waxay ahayd inay ka difaacaan cadow kasta oo bannaanka uga imaada. Islamarkii ay midoobeen Ingiriiska iyo kooxihii burcad badeenna, waxaa isbaddalay nidaamkii magaalada, waxayna noqotay meel aan la xakameyn karin. Inkastoo ganacsigeeda uu heer sare gaaray, haddana waxaa kusoo batay ficillada xun xun, sida isticmaalka daroogada iyo galmada xad dhaafka ah. Sidoo kale waxay soo jiidatay dalxiiseyaal uga imaanayay meelo kala duwan. Waqti kooban gudihiis waxaa magaalada looga dhisay hoteello lagu cabo khamriga iyo goobo lagu ciyaaro. Dadka taariikhyahannada ah waxay sheegaan inay tiro ahaan isla ekaayeen goobaha lagu dalxiiso, kuwa maandooriyaha lagu iibiyo iyo kaniisadaha. Peter Gordon, oo ah khabiir ku xeel dheer taariikda oo daggan meel u dhow xeebtan, ayaa yidhi: “Burcad badeeddaas waxay xor u ahaayeen inay sameeyaan wax kasta oo maskaxdooda kusoo dhaca, maadaama loo aqoonsanaa inay ahaayeen ciidanka ilaaliya Jamaica. Maamulka waddanka ka jiray waddo kale uma furneyn, oo aan ka ahayn inay faraha ka qaadaan.” Gordon wuxuu intaas ku daray: “Waad qiyaasi kartaa waxa dhici kara markii magaalo uu dahab ka buuxo ay soo galaan rag awood u leh inay wax kasta oo ay rabaan sameeyaan.” Laakiin subaxnidamii ay taariikhdu ku beegneyd 7-dii bishii June ee sanadkii 1692-kii, xaaladdaas way isbaddashay gabi ahaanba. Waxaa sidoo kale isbaddalay wajigii ay lahayd magaalo xeebeedka Port Royal. Dhul-gariir aad u weyn ayaa ku dhacay magaalada, kaasoo burburiyay inteeda badan, sidoo kalena dilay 2,000 oo ka mid ah dadkii ku sugnaa halkaas. In the late seventeenth century; Most of Port Royal was devastated before it was swallowed up by the sea Xilligaas wixii ka dambeeyay, Port Royal waligeed uma ekaanin sidii ay u ekaan jirtay. “Dhul-gariirku wuxuu baabi’iyay qeybtii ugu weyneyd magaalada, oo ah dhul ku fadhiyay 52 acres (oo ah cabirka dhulka lagu qiyaaso), kaasoo ah ku dhawaad saddexmood labo ka mid ah baaxaddii magaalada, qeybtii burburtayna waxaa laqay biyaha badda,” ayuu yidhi Salvinius Wolters, oo ah farsamo-yaqaan ku xeel dheer arrimaha taariikhda dadkii hore. Qof walba oo doonaya inuu soo arko burburka magaaladaas ee biyaha hoostiisa ku jira waa inuu fasax ka qaato dowladda. Hadda goobtan waxay qarka u saaraneyd in lagu daro liiska goobaha taariikhiga ah ee ay diiwaan galiso hay’adda UNESCO. Hase yeeshee, taariikhda madow ee magaaladan ay ku lahayd ganacsigii addoonsiga ayaa jahwareer ku abuura dadka reer Jamaica ee maanta jooga. Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dowladda federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Ergeyga Qaramada Midoobe ee Soomaaliya, Ambassador James Swan. Beyle iyo James Swan ayaa kulankaasi kaga wada-hadalay dib u habeynta iyo horumarka ay dowladda federaalku ka sameysay maaliyada, iyada weliba la adeegsanayo Hanaanka SMP4. Wasiir Beyle oo ka warbixiyey kulankaasi ayaa sheegay inuu ahaa ‘shir muhiim ah’ oo Qaramada Midoobey ay ugu balan qaaday sii xoojinta iyo ambo-qaadka taageerada dowladda iyo bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu hoosta ka xariiqay in Qaramada Midoobay ay tahay saaxiibka xiligan ugu muhiimsan ee dowladda federaalka ka taageera dhanka horumarka. “Waxa aan maanta shir muhiim ah la yeeshay Madaxda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo uu horkacayo Mr James Swan wakiilka gaar ka ah ee Soomaaliya. Waxa aan ka wada hadalnay isbadalka iyo horumarka Maaliyadda Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Beyle. Waxaa uu intaas ku daray “Xafiiska UN-ka ee Soomaaliya waa saaxib muhiim u ah horumarka iyo taageerada Dalka, waxa ayna noo balan qaadeen in ay sii wadi doonaan taageerada bulshada Soomaaliyeed”. The post JAMES SWAN oo ballan qaad cusub u sameeyey DF first appeared on Caasimada Online.
  7. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dab xoogan oo saaka ka kacay dhisme ku yaalla bartamaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Dabka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu qabsaday kaalin shidaal oo ku taalla gudaha magaaladaasi, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale dabka oo ah mid xoog leh ayaa ku sii fiiday goobo kale oo ganacsiga oo ka agdhow kaalinta shidaalka ee uu dabku ka kacay. Wararka ayaa sheegaya in gurmad xoogan ay haatan wadaan shacabka deegaanka iyo laamaha amniga Dhuusamareeb oo is kaashanaya, si loo damiyo dabkaasi. Illaa hadda lama soo warin wax khasaare nafeed ah, balse waxaa jira mid maaliyadeed oo xoog leh. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale cabsi ka muujinayo in dabka uu sii fido, maadaama magaalada Dhuusamareeb aysan laheyn wax dab-damis ah. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana si aad looga mashquulsan yahay, sidii looga hortagi lahaa dabkaasi, loona yareyn lahaa khasaaraha uu geysanayo. The post Sawirro: Dab xoog leh oo ka kacay Dhuusamareeb first appeared on Caasimada Online.
  8. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa xabsiga u taxaabtay xubno badan oo ka tirsan xisbiga PP ee haya tallada dalkaas ee uu hoggaamiyo Abiy Ahmed, kadib markii lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin dagaal beeleed dhawaan dhacay. Hay’adaha amniga dalka Itoobiya ayaa xabsiga dhigay 45-xubnood oo loo haysto inay gacan weyn ka geysteen dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Benishangul Gumuz. Hogaanka Xisbiga PP ayaa xaqiijiyey in 10 kamid ah xubnahaasi la xiray la horgeeyay maxkamad. Sidoo kale, waxa xiisada dagaalkaasi xilkii looga qaaday Taliyihii ciidamada gaarka ahaa, Wogari Polino iyo Taliyaha booliska deegaankaasi, Nega Jara. Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaaladaasi oo socday maalmo ay ku naf waayeen ugu yaraan 100 qof, halka ay ku barakaceen kumanaan kale. Dagaal beeleedyadaasi ayaa u dhaxeeya qowmiyadaha Amxaarada iyo Agaw oo intooda badan shaqa u tagay deegaankaasi Benishaangul-Gumuz, oo ah midka ay hadda xiisada u xoogani ka taagan tahay. The post ITOOBIYA oo xabsi dhigtay xubno ka tirsan xisbiga Abiy first appeared on Caasimada Online.
  9. The absence of policy-making on the Shilin reform, and the continuing failure to recognise its importance, is illustrative of the wider failure of thinking and leadership at the Central Bank of Somalia. A central bank is one of the very few institutions of government whose importance is critical to both a country’s economy and the livelihoods of its citizens. For a country battling real and deeply-ingrained economic, financial and now health issues, the role of the Central Bank of Somalia (CBS) has never been more important. A country’s currency is also the vital artery of the economy and critical to economic development. Somalia’s national currency – the “Shilin” – is largely counterfeit and the CBS has not officially issued any new currency denominations for 30 years. The ruinous economic consequences of a dollarized economy on the lives and livelihoods of millions of Somalis is well-noted, making the case for reform both urgent and overwhelming. Six years ago, the first phase of the currency reform programme started, but was quietly shelved a couple of years ago. Today, Somalia is still unique in the world as the country that has a recognised government but not a national currency. The CBS is an institution that held great promise, but delivered very little. Allocations based on high politics meant the talent gene pool from which the bank’s senior leadership is drawn is limited to the 4.5 quota. It is a process that naturally excludes good talent and attracts those who see the CBS as a gateway to taking up positions without doing anything. The consequence of this was that, for many years, the CBS begun to look more zombified caught in an institutional stupor unable to implement any reforms effectively, and failing in its economic and financial stability duty when it was most needed. Currency reform was another item in a long list of critical failings that stretches back over a decade. That is why the proposed reform to the bank that was mooted last year was a step in the right direction. At the time, I warned against the “widely accepted model of no accountability” and the need for “appropriately rigorous structures of checks and balances that prioritised measurable objectives”. In other words, there was a need to hold those at the top of the CBS accountable for the delivery of the core reform priorities vital to the country’s economic progress. A year and half later, there is new leadership at the CBS. However, the dial has not shifted on any of the important reform programmes, and the country is nowhere near getting a new national currency. We may well ask why. The right expertise and tone at the top? The CBS’s most senior executive is its Governor. The governor’s good leadership is instrumental in achieving the bank’s objectives and sets the right tone at the top. The governor also needs to have a realistic understanding of the scale and complexity of the challenges the bank and the economy face; be able to think clearly on how to deliver difficult reforms; and work with, and through, others to see through the institutional changes needed to make the bank fit for purpose. It is not the sort of role where one hopes to learn on the job. The unexpected elevation (in early 2019) of the then prime minister’s close friend and advisor to the governorship position was of course a consequence of political consideration, and created an obvious credibility question mark at the top of the CBS. The lack of relevant industry expertise besides, there was also particular unease whether the new governor had the gravitas and the strong leadership qualities with the necessary authority and influence to drive through the difficult changes the CBS desperately needed. The CBS has also taken on new Non-Executive Directors (NEDs). Bringing expertise together to provide credible oversight that improves governance is long-overdue and of course a good thing. Recent re-organisation (as part of the debt-relief benchmarks) of roles and responsibilities in the functions of the bank means individual executive directors are now in charge of relevant function areas which should make accountabilities clearer. This is all to be welcomed. However, much of this change, as was indeed the case in the past, is happening in a vacuum and is largely form over substance. Take the example of the current NEDs whose role is vital to the proper functioning of the bank’s governance framework. They have yet to publicly set out the purpose and performance objectives of their roles; the extent of the oversight over the delivery of the bank’s key strategies; the link between the investments the CBS is making into people, processes and systems and expected benefits; and how key material risks impacting the bank’s work will be mitigated. The other, and most consequential, reform item on the bank’s to-do list was (and still is) currency reform. Despite the leadership changes, the CBS is yet to develop a thought-through currency reform strategy; and a diagnosis of the key economic and financial challenges to be prioritised and addressed for the reform to happen successfully. These are all clearly important in order to create good confidence in the wider public and ensure the changes sought through the bank’s strategy are rigorously scrutinised and there is good accountability for the delivery of the country’s core priorities. The absence of clear purpose and strategy mean it is impossible to know whether there is credible oversight at the CBS, and indeed if bank’s delivery is aligned with the country’s reform priorities. These notable weaknesses in the quality of the bank’s leadership and sense of direction are not particularly encouraging. The continuing lack of strategic direction and cohesive focus on outcomes, as well as absence of ambition in the bank’s overall strategy, is also deeply worrying. That is why the failure of the both the CBS governor and the NEDs to recognise the critical importance of the Shilin reform is not surprising but was entirely foreseeable. It is merely illustrative of the wider failure of thinking and leadership at the CBS at a time when it is needed the most. This is clearly not good enough. Get a grip and deliver The counterfeit Shilin is still causing immense economic suffering for millions of Somalis across the country who are locked out of the dollarized economy. The issue has new importance too in light of the impact of Covid-19 and the need to deploy central bank monetary and fiscal levers to help the economy – a process that is impossible without a viable national currency. This is why competent leadership at the CBS matters a great deal to the realisation of the country’s economic potential, and the need to turn around people’s lives and livelihoods for the better. For many years, the tenure and career highlights of the bank’s senior leadership was more notable for selfies from meetings and grandstanding on discussions about IMF debt-relief tick sheets. It is time for the bank’s governor and the NEDs to wake up from their collective institutional stupor, get a grip and deliver on currency reform without further delay. Abdi Ali can be reached at abdirahman.ali3@gmail.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You The post Where is Somalia’s national currency? first appeared on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayuu caawa shir uga furmay Madaxtooyada Soomaaliya. Shirkan ayaa lagu sii amba-qaadayaa heshiiskii dhawaan ay madaxdu ka gaareen hanaanka ay u dhaceyso doorashada dalka, waxaana diiradda lagu saarayaa dhismaha guddi doorasho oo kala metelaya heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo sidoo kale dhismaha guddiga xalinta khilaafaadka, oo aan ku jirin qodobadii horay loogu heshiiyey. Madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa la filayaa in shirkan ay ku gaaraan heshiis lagu jaangoynayo waqtiga doorashada iyo waajibaadka guddiyada la magacaabayo. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa caawa soo gaaray magaalada Muqdisho, kadib safar uu uga soo baxay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, isagoo ku biiray shirkan caawa ka furmay Villa Somalia. Shirarkan ayaa lagu dhameystirayaa heshiiskii dhawaan laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka, ee loo gudbiyey labada Aqal ee baarlamaanka federaalka, isla markaana ay ansixiyeen. Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle ayaa horay ugu sugnaa magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeeyey oo furitaanka shirka lala sugaayey madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor oo caawa Muqdisho soo gaaray. The post Shir Villa Somalia uga socda Farmaajo iyo madax goboleedyada iyo arrimo xal laga gaarayo first appeared on Caasimada Online.
  11. (ERGO) – Kafi Abdullahi, 29 and a mother of two, runs her own tailoring shop making women’s and children’s clothing in Qardho, in Somalia’s northern Puntland region. Source: Hiiraan Online
  12. Beesha Habargidir ayaa maanta si buuxda u shaacisay taageerada ay u hayaan Musharax xilka madatinimo ee Dalka, isla markaana ah hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Cabdiraxmaan [...] The post Daawo : – Beesha Habargidir oo si buuxda u taageertay hayaanka Musharaxnimada Cabdiraxmaan Cabdishakuur appeared first on . Source
  13. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Qubanaha-Shabelle-29092020-ok.mp3 View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan weyn oo beesha Habargidir ay ku taageereysay musharaxnimada hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah musharaxiinta doorashada soo socota ee 2020/2021-ka ayaa waxaa maanta taageero iyo garab istaag u muujiyey beelaha Habargidir, ee uu kasoo jeedo. Tallaabadan ayaa la sheegay inay bilow u tahay ololihiisa, waxaana lagu tilmaamay taageerada beesha uu ka heysto inay muujineyso in Cabdiraxmaan uu wado dadaal xooggan oo uu codad ku kasbanayo. Kulankii lagu taageerayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa hoggaanka sare ee dhaqanka iyo midnimada beelaha Habargidir. Prof. Cabdulqaadir Maxamed Shirwac oo ah guddoomiyaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Habargidir ayaa ku sugnaa kulanka waxayna Cabdiraxmaan Cabdishakuur u balan qaaden garab istaag buuxa. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in taageerada ay u dhiganto ama ka weyn tahay midda codadka ee ay xildhibaanada wax dooranaya bixiyaan. The post Beesha HABAR-GIDIR oo taageertay mid ka mid ah musharaxiinta madaxweyne first appeared on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Habeen-29992020-ok.mp3 View the full article
  16. Nairobi (Caasimada Online) – Xayiraada Soomaaliya ee qaadka Kenya ayaa gudaha dalkaasi ka abuuray xiisad siyaasadeed cusub oo dab kusii qabtay loolanka ay siyaasiyiintu ugu jiraan xilalka ugu sareeya dalkaasi. Tartanka doorashada ee dalkaasi ayaa u muuqda mid lugaha la galay qaadka xayiran, kadib markii ganacsatada qaadka Kenya ay cabasho xoogan ka muujiyeen qaadka ay mamnuucday dowladda federaalku. Uhuru Kenyatta iyo William Ruto ayaa madax is-daray kadib markii ay labadooduba ay bilaabeen loolan xoogan oo ku aadan sidii ay hanan lahaayeen beeraleyda iyo ganacsatada qaadka. William ayaa dhawaan ganacsatada qaadka u soo jeediyay inay khudaar beertaan, inta xal laga gaarayo xiisada dhoofka ah ee ka taagan qaadkaasi, si ay uga sameeyaan dhaqaale la mid ah midkii jaadka ama u dhow. Aragtida Ruto ayaa waxa si weyn uga horyimid siyaasiyiin la sheegay inay aad ugu dhowyihiin madaxweyne UhurU, kuwaasi oo uga digay inuu faro-gelin ku sameeyo qadiyadaasi. Sidoo kale waxay Ruto ku eedeyen inuu abuuray kacdoon ka dhan ah Uhuru, kaasi oo ay sheegen inuu uga dan leeyahay inuu hoos u dhigo sumcada madaxweynaha, isla markaana ay abaabulayaan banaanbax ka dhan ah dowladda oo lagu dalbanayo in la qaado tallaabo deg-deg ah. Siyaasiyiinta Mucaaridka ayaa dowladda Kenya ku dhaliilaya inaysan dhigeeda Soomaaliya kala hadlin arrinta qaadka, ayna ku fashilantay in wax wada xaajooda ay ka furto arrintaasi. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalka ka mamnuucday qaadka, taasi oo loo aaneynayo xiriir xumada labada dowladeed iyo sababo la xiriira cudurka Coronavirus, xili dib loo furay duulimaadyada gudaha iyo dibadda. The post Xayiraadda ay Soomaaliya ku sameysay qaadka Kenya oo dhalisay xiisad cusub first appeared on Caasimada Online.
  17. Amiirkii muddada dheer xukumayey dalka Kuwait Sheikh Sabah Al Ahmad Al Sabah, ayaa maanta geeriyooday isaga oo 91 jir ah, waxaa sidaas sheegay taleefishinka dowladda. “Ayada oo murugo weyn ay tahay, waxaan la tiraanyooneynaa dhimashada Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah, amiirkii dalka Kuwait,” waxaa sidaas yidhi Sheikh Ali Jarrah Al-Sabah, oo ah wasiirka arrimaha boqortooyada, oo la hadlay taleefishinka dowladda. Sheikh Sabah ayaa waxaa laguu xusuusan doonaa diblomaasiyaddiisa siyaasadda Bariga Dhexe ee uu isku dayey inuu ku xaliyo khilaafka u dhaxeeya Qatar iyo dowladdo kale oo Carbeed, oo ay ka mid yihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka. Sheikh Sabah ayaa waxaa lagu wadaa inuu beddelo walaalkii, ahna dhaxal-sugaha Sheikh Nawaf Al Ahmad Al Sabah. Sheikh Sabah ayaa ahaa 91 sano ah jir. Waxaa la keenay dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada Rochester ee gobolka Minnesota bishii July kadib markii mas’uuliyiinta dalkaasi ay sheegeen inuu xanunsanayo. Ka hor inta aanu noqonin Amiirka waxa uu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi muddo ka badan 40 sanno. Source
  18. Kuwait’s 91-year-old Emir Sabah al-Ahmad al-Jaber al-Sabah died on Tuesday in a hospital in the United States. Source: Hiiraan Online
  19. Kuwait’s Emir, Sheikh Sabah al-Ahmed al-Sabah, has died at the age of 91, state media report. He was expected to be succeeded by his 83-year-old [...] The post Kuwait’s Emir, Sheikh Sabah al-Ahmed al-Sabah, has died at the age of 91 appeared first on . Source
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la yeeshay taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo laamaha amniga gobolka Banaadir. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa la sheegay in saraakiisha uu la wadaagay qorshaha xafiiskiisa uga degan dardar-gelinta sugidda ammaanka, dhammeystirka dib u habeynta ciidamada iyo dagaalanka Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xukuumadda. “Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u soo bandhigay Taliyeyaasha ciidamada ee uu la kulmay mudnaanta uu siinayo xasilinta amniga guud ee dalka iyo xoojinta wada-shaqeynta hey’adaha amniga ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed,” ayaa lagu yiri qoraalka. Rooble ayaa laamaha amniga xasuusiyey waajibka ka saaran ilaalinta nabad-gelyada iyo fududeynta dhaqdhaaqa bulshada, isagoona faray inay sii xoojiyaan dadaallada lagu xaqiijinayo xasilinta caasimadda Muqdisho. “Waxaan idin ku adkeynayaa in aad sii labanlaabtaan hawshii wanaagsaneyd ee aad horey usoo waddeen, lana timaaddaan dadaal dheeri ah oo aad si buuxda ugu fulinaysaan qorshaha amni ee xilliga doorashada,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble. Kulankaas ayaa waxaa ka qayb galay siihayaha Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradda oo ay ku jiraan xubno ka socday guddiga amniga, kuwaas oo balan qaaday in ay sii dardar-gelin doonaan qorshahooda ku aadan amniga iyo la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada. Gaba-gabadii wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Cabdullahi Sheekh Xaamud ayaa akhriyey warbixin ku saabsan waxyaabihii looga hadlay kulankaas. Hoos ka Daawo The post R/W Rooble oo kulan isugu yeeray madaxda laamaha amniga + Ujeedka first appeared on Caasimada Online.
  21. Kuwait (Caasimada Online) – Amiirkii muddada dheer xukumayey dalka Kuwait Sheikh Sabah Al Ahmad Al Sabah, ayaa maanta geeriyooday isaga oo 91 jir ah, waxaa sidaas sheegay taleefishinka dowladda. “Ayada oo murugo weyn ay tahay, waxaan la tiraanyooneynaa dhimashada Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah, amiirkii dalka Kuwait,” waxaa sidaas yiri Sheikh Ali Jarrah Al-Sabah, oo ah wasiirka arrimaha boqortooyada, oo la hadlay taleefishinka dowladda. Sheikh Sabah ayaa waxaa laguu xusuusan doonaa diblomaasiyaddiisa siyaasadda Bariga Dhexe ee uu isku dayey inuu ku xaliyo khilaafka u dhaxeeya Qatar iyo dowladdo kale oo Carbeed, oo ay ka mid yihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka. Sheikh Sabah ayaa waxaa lagu wadaa inuu beddelo walaakiis, ahna dhaxal-sugaha Sheikh Nawaf Al Ahmad Al Sabah. Sheikh Sabah ayaa ahaa 91 sano ah jir. Waxaa la keenay dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada Rochester ee gobolka Minnesota bishii July kadib markii mas’uuliyiinta dalkaasi ay sheegeen inuu xanunsanayo. Ka hor ita uusan noqonin Amiirka waxa uu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi muddo ka badan 40 sano. VOA The post Mid ka mid ah AMIIRADII dalalka Khaliijka Carabta oo maanta geeriyooday first appeared on Caasimada Online.