-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Shirweynaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa lagu wadaa inuu Magaalada Hargeysa ka furmo 4-ta bisha October, 2020. Shirweynaha oo qaban-qaabadiisa laga dareemayo Magaalooyinka Somaliland, gaar ahaan Magaalada Hargeysa ayaa waxa soo kordhaya Wararka la xidhiidha siyaasiyiinta ka qayb-galaya, kuwa aan ka qayb-galaynin iyo kuwo doonaya inay si kale uga dhex muuqdaan. Siyaasiyiinta la hadal-hayo in aanay ka qayb-galaynin waxa ka mid ah Aasasaha Xisbigaasi Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isaga iyo Xubno Qoyskiisa ka mid ahi ay Laba Toddobaad ka hor ka dhoofeen Magaalada Hargeysa, iyagoo tagay dalka Isku Tagga Imaaraadka Carabta, arrintaasi oo xilligaa keentay su’aal ah sababta uu dalka uga dhoofay maaddaama oo uu wakhti kooban ka hadhsan yahay Shirweynaha Xisbiga Kulmiye. Laakiin, Ilo-wareedyo Xog-ogaal ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay inaan Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo aanu ka qayb-galaynin Shirweynaha Xisbiga KULMIYE, balse uu doonayo in shirka laga akhriyo dhambaal uu ka soo diri doono dalka Imaaraadka Carabta. Warka ayaa intaa ku daraya, in Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu Warqad u soo dhiibayo Wiilka uu sodogga u yahay ee Baashe Cawil Cumar oo dhawaan ka soo ambo-baxaya Dalka Imaaraadka si uu Shirka uga qayb-galo isla-markaana uu uga akhriyo khudbadda qoran ee Axmed-siilaanyo u soo dhiibayo. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii tagay, waxaa Villa Somalia ka socday wada hadallo u dhaxeeyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweyneyaasha maamul goboleedyada. Qaar ka tirsan wufuudda shirka ayaa sheegay in laga hadlay guddiyada doorashada dadban, howlmaameedkooda, ajendaha doorashada, muddeynta iyo arrimo kale. Arrimaha ugu weyn ee miiska saarnaa ayaa ahaa in laga hadlay arrimo la xiriira, guddiga dadban ee maamulaya doorashada xidhibaannada baarlamaanka ee 2020/2021. Labada dhinac ayaa lagu wadaa inay saacadaha soo socda magacaabaan guddi labada heer ah, oo la mid kuwii maamulay doorashadii 2016, waxaana jira dood ah in kuwii hore qaar naga keeno, si looga faa’ideysto khibardooda. Arrimaha kale ee shirkan xoogga lagu saaray waa sidee roadmap loogu sameyn rabaa jadwalka doorashada 2020/2021, taasi oo wax weyn ka tari-doonta xisiloonida dalka. Waxaa kale, oo ahmiyad la siiyey goorta ay si rasmi ah u bilaabaneyso doorashada iyo xilliga ay tahay in la soo gabagabeeyo. Inkasta oo aan la sheegin in maanta la isku soo laabanayo iyo in kale laakin wararka ayaa sheegaya in qolo walba laga sugayo magacyada guddiyada iyo soojeedintooda ku aadan arrimaha laga hadlay. Isha: Goobjoog The post Wararkii ugu dambeeyey wada-hadallada Villa Somalia iyo qodobada laga filayo first appeared on Caasimada Online.
-
Sii-hayaha wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa furay kulan wada-tashi ah oo looga hadlaayo sidii hay’adaha aan dowliga ahayn Galmudug uga taageeri lahaayeen fulinta adeegyada gargaar ee asaasiga ah. Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socota dowlad goboleedka Galmudug iyo wakiilo ka socda hay’adaha aan dowliga aheyn ee ka howlgala dalka. Sii-hayaha wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Saciid Xamsa ayaa ugu baaqay hay’adaha aan dowliga aheyn in ay badiyaan adeegga ay ka bixiyaan degaannada Galmudug. Mas’uuliyiinta ka socday hay’adaha aan dowliga aheyn ayaa dhankooda waxaa ay balan qaadeen inay xoojin doonaan dardar gelinta sidii degaannada galmudug looga fulin lahaa adeegyada gargaarka aas’aasiga ah. View the full article
-
Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid oo kormeer ku tegay Xarumihii ganacsi ee ku gubtay Dabkii maanta ka kacay Magaalada Dhusamareeb. Madaxweyne Ku xigeenka ayaa u tacsiyay isla markaana xanuunka la qeybsday ganacsatadii ku hantibeeshay khasaarihii ka dhashay dabkaas isagoona u rejeeyey soo kabasho degdeg ah iyo badal kheyr qaba. Cali Ciid ayaa ballanqaaday in dowlada Galmudug ay lacag dhan 22,000$ ugu deeqyso Guddiga ganacsatada Magaalada Dhuusamareeb ee u xilsaaran soo iibinta dabdamis ay magaaladu leedahay. Waxa uu intaas raaciyey in canshuur dhaaf loo sameynayo Ganacsatadii ku hanti beeshay dabkaasi, isagoona ugu baaqay Rugta Ganacsiga Galmudug iyo Guddiga Ganacsatada iney garab istaagaan u mujiyaan ganacsatada walaalahooda ee waxyeeladu soo gaartay. Kormeerkan Waxa MW Ku xigeenka ku Weheliyay Wasiirka wasaaradda Cadaalada Iyo Arrimaha, Wasiir Ku xigeenka Maaliyada iyo Wasiir kuxigeenka Shaqada & Arimaha Bulshada iyo Maamulka Caasimadda. View the full article
-
Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada,ayaa lagu sheegay in la saadaalinayo in roobab mahiigaan ah oo dabeylo wata ay ka da’aan degaannada Puntlnad, gaar ahan gobollada Nugaal,Bari iyo kuwa kale. Qoraalka ayaa lagu xusay in roobkaas uu sababi karo daadad xoogan, waxaana loogu baaqay dadka ku nool meelaah biyo mareenada ah inay ka tigtoonaadaan. “Roobab mahiigaan ah ayaa la saadaalinayaa inay kusoo wajahan yihiin degaannada puntland, qeybo kamid ah gobolada Bari, Nugaal iyoSool & Sanaag ayaa la rajeynayaa inay heli doonaan rooob xoogan oo sababi kara daadad” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Wasaaradda degaanka Puntland. View the full article
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa maanta cambaareeyey wax uu ugu yeeray hadallada “aan laga fiirsan ee halista ah,” ee uu Turkiga ku taageerayo Azerbaijan, oo isku dayeysa inay dib u qabsato gobolka gooni u goosadka ah ee Nagorny Karabakh. Hase yeeshee Turkey ayaa u jawaabtay, kuna eedeysay Macron inuu taageerayo “qabsashada” gobolka, halkaasi oo uu dagaal xooggan ka socday tan iyo Axaddii. “Waxaan ka war helay qoraallada siyaasadeed ee Turkey, oo aan u maleynayo inay yihiin kuwa aan laga fiirsan oo halis ah,” ayuu yiri Macron oo booqasho ku jooga caasimadda Latvia ee Riga. “France aad ayey uga walaacsan tahay hadallada gardarrada ah ee saacidihii tegay kasoo baxayey Turkey, kuwaas oo meesha ka saaraya is-xakameyn kasta oo Azerbaijan ay ka sameyn lahayd dib u qabsashada Karabakh. Taasi lama aqbali karo,” ayuu yiri. Macron ayaa sidoo kale taageero u muujiyey Yerevan. “Waxaan u sheegay Armenia iyo dadka Armenia, France waxay cayaari doontaa kaalinteeda.” Turkey ayaa Azerbaijan oo ah dal Islam ah u aragta isbaheysigeeda koowaad. Wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu oo u jawaabay Macron ayaa yiri “Haddii Macron uusan wax walaac ah ka qabin dhulka Azerbaijan, taageerada uu u muujiyey Armenia waxay la macno tahay inuu taageerayo qabsashada.” Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shalay ugu baaqay Armenia inay si deg deg ah uga baxaan dhulka Azerbaijan ee ay soo galeen, si loo dhameeyo dagaalka u dhaxeeya labada dal. “Waxaa la gaaray waqtigii lasoo geba-gebeyn lahaa xasaradda gobolka, oo ka dhalatay markii la qabsaday Nagorno-Karabakh. Gobolka mar kale ayuu nabad heli doonaa haddii Armenia ay si deg deg ah uga baxdo dhulka Azeri ee ay haysato,” ayuu yiri Erdogan oo ka hadlayey magaalada Istanbul. Armenia iyo Azerbaijan oo labadaba horey uga tirsanaa Midowga Soviet ayaa waxaa ka dhaxeeya muran dhuleed la xiriira gobolka Nagorny Karabak, oo ay marar badan ku dagaalamee, uguna dambeysay 2016. Gobolkan ayaa madax-banaani ku dhowaaqay horraantii sagaashamaadkii kadib dagaal ay ku dhinteen in ka badan 30,000 qof, balse ma jirto cid aqoonsan, xitaa Armenia, balse caalamka ayaa u aqoonsan inuu ka tirsan yahay Azerbaijan. Dagaalka Azerbaijan iyo Armenia oo billowday Axaddii ayaa waxaa illaa hadda ku dhintay 100 qof. AFP + VOA The post Dagaalka Azerbaijan iyo Armenia oo lugaha la galay France iyo Turkey iyo wararkii ugu dambeeyey first appeared on Caasimada Online.
-
(SLT-Kuwait)-Fadhi ay maanta yeesheen golaha Baarlamaanka dalka Kuwait ayaa lagu dhaariyey Sheekh Nawaaf Al-axmed Al-jaabir oo ahaa sii hayaha Amiirka Kuwait, intii uu xanuunsanayay Sheekh Sabaax Al-axmed Al-jaabir Amiirkii dalkaas oo shalay Maraykanka ku geeriyooday. Sheekh Nawaaf oo ay walaalo ahaayeen Amiirka geeriyooday ayaa jeediyey hal kooban oo uu kaga hadlayo xaaladda dalkiisa iyo mas’uuliyadda cusub ee loo dhaariyey, waxaana uu sheegay inuu shacabka dalkiisa uga tacsiyeynayo geerida Amiirka. Sidoo kale Sheekh Nawaaf ayaa waxaa uu tilmaamay inuu sii wadayo hawlaha dawladda, sida ay farayso mas’uuliyadda uu qaaday. Amiir Sheekh Nawaaf Al-axmed Al-jaabir ayaa Hawsha ugu horraysa ee shaqadiisa cusub waxay noqonaysaa aaska Amiirka oo ku geeriyooday dalka Maraykanka, diyaaradna lagu keenayo Maydkiisa. Source
-
Roma (Caasimadda Online) – Haweeneydii ay dagaalyahanada Al-Shabaab ka afduubteen gobolka Waqooyi Bari Kenya ee Silvio Romano isal markaana la baxday Caa’isha markii ay qaadatay diinta Islaamka ayaa ka sheekeysay dhawr su’aalood oo ay is weydiisay intii ay xirneyd. Dhamaadkii 2018 ayey kooxo hubeysan qafaasheen waxaana lasii daayay bishii May 2020 iyadoo dib ugu laabatay wadankeeda talyaaniga ka hor inta aysan sheegin iney qaadatay diinta Islaamka. Dood badan ayaa ka dhalatay iney qaadatay Diinta Islaamka, dhawaan waxaa xil laga siiyay ururka la dagaalama islaam naceybka ee qaaradda yurub, hadana waxey dib uga sheekeysay su’aalahii ay is weydiisay intii ay xirneyd iyo sidoo kale arinta ugu weyn ee ku kaliftay iney qaadato diinta Islaamka. Gabadhaan wey ka gaabsatay goobta lagu haayay, balse waxey sheegtay in duqeymaha ay mareykanka ka geytaan gudaha Soomaaliya ay cabsi badan ku abuurtay isla markaana ay is weydiisay hadii ay ku dhimato iyadoo aan heysan diinta Islaamka. Koonfurta Soomaaliya ayaa lagu hayay sida la fahamsan yahay, waxaana la sheegay in madax furasho lagu bixiyay sii deynteeda. “Markii la i afduubay waxaan bilaabay fakar, waxaan bilaabay inaan su’aalo is weydiiyo ku saabsan waxa igu xeeran, waxaan halkaan u imid inaan samafal sameeyo, tani ma fursad ay tahay inaad ka faa’ideysataa? maxaa dumar kale loo afduuban waayay? ma jiraa qof ugu yaran i badbaadin kara?, waxaan qirsanahay in su’aasha koowaad ay tahay waxa ii dhaweeyay ALLE” ayey tiri iyadoo la hadleysay Muslimink. The post Silvio Romano oo shaaca ka qaaday waxa ugu weyn ee ku dhaliyey inay Islaamto first appeared on Caasimada Online.
-
Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Leego oo ka tirsan gobolkaasi. Ciidamada Danab ayaa si nabadoon kula wareegay deegaankaasi, kadib markii ay isaga baxeen dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in haatan ciidamada Xoogga dalka ay howl-gallo baaritaano ah ka wadaan gudaha deegaankaasi. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey la wareegitaanka Leego, iyaga oo shaaciyey inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyadaas. Leego oo ka mid ah deegaanada muhiimka ah ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa sanado gacanta ku hayey dagaalyahanada Al-Shabaab. Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo dagaalyahanada Al-Shabaab ay dhankooda dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan duleedka deegaanka Leego. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa xoojiyey howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/wARKA-dUHUR-3092020.mp3 View the full article
-
Dad badan ayaa ka xumaaday sida Xasan Kheyre, ra’isul wasaarihii hore looga diiday codsigiisa ahaa inuu xilka ku wareejiyo ra’isul wasaare Maxamed Rooble iyada oo uu shalay wareejiyey ku-xigeenkiisa Mahdi Guuleed, taasi oo loo arkay bahdilaad mar kale lagu sameeyey ra’isul wasaarihii hore. Daawo Warbixin Ku Saabsan Kheyre, Oo Lagu Sifeeyey Isbarbar yaac, Been https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/09/Whats-1-1.mp4 Xasan Kheyre, Horay Wasiirro Ka Tagay ayaa Ku Sifeeyey Isbarbar yaac, Been, La Heyste, Federaal-ka Neceb! Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
In kasta oo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ra’isul wasaarihiisii Xasan Kheyre iyo wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle ay shacabka Soomaaliyeed u sheegayeen isla xisaabtan, ladagaalanka musuqa iyo hufnaan hadana waxaa laga la’yahay soo gudbinta xisaabxirka in ka badan $1 billion oo ah miisaaniyaddii saddexdii sano ee la soo dhaafay iyaga oo aan dib ugu soo celin baarlamaanka federaalka ah ku tagalka qarash-gareyntii miisaaniyadda. Daawo Farmaajo Kheyre, Oo Lagu Sugay Xisbaarxirka $1 billion https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/09/Whats-3.mp4 Farmaajo iyo Xukuumaddii Kheyre oo Laga sugayo Xisaabxirka In Ka Badan $1 billion Goobjoog New Source: goobjoog.com
-
Dhakab Gurey Yamani oo ka mid ah xidigaha kooxda Horseed ee Puntland,sidoo kale labo jeer fiinalaha la yimid kooxda Puntlad tartankii kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa guul iyo horomar ku tilmaamay quruxinta iyo dhigista rooga cagaaran garoonka Mira-Aware ee magalaada Garowe,wuxuuna howshan ugu mahad celiyay dadkii is xilqaamay tan iyo bilaawgii mashruucan. “Ciyaartooyda Puntland way ku faraxsanyihiin quruxinta iyo dib u dhiska garoomada Kubbadda cagta,tani waxa ay ka qeyb qaadanaysaa horomarka iyo guulaha kubbadda cagta,mustaqbalka dhaw waxaan arki doonaa Puntland oo ay ka soo baxaan ciyaartooyd badan oo matasha Xulka Qaranka” ayuu Goobjoog Sports laacib Dhakab Guurey oo ka tirsan naadiga Horseed. Si kastaba Bahda ciyaaraha Puntland ayaa ka mahad celiyay qurxinta garoomada,waxayna sheegeyn in ay sugayaan in la dhamesytiro dhamaan garoomada kubbadda cagta ee deegaanada Puntland. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Afar sano kadib, in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo isticmaalo isla nidaamkii doorasho iyo tabtii uu dejiyey madaxweynihii ka horeeyey Xasan Sheekh Maxamuud, oo aan waxba laga bedelin waxay tusaale u tahay sida Farmaajo ay u heshay aragti iyo barnaamij la’aan iyo sida shacabka Soomaaliyeed ugu hungoobeen filashadii laga iibiyey! Daawo Warbixin Ku Saabsan In Farmajo Qaranka Dib Ugu Celiyo 2016? https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/09/Whats-4.mp4 Sidoo Kale Halkan Ka Aqriso In Farmaajo Dib Ugu Celiyay Qaranka Gurbiye: Maxaa Keenay Inuu Farmaajo Fashilmo, Qarankana Dib Ugu Celiyo 2016? Goobbjoog News Source: goobjoog.com
-
Sacuudi ga oo soo saaray shuruudo cusub oo Cumrada ah Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin cusub oo loogu talo galay gudashada Cumrada, oo la hakiyay muddo lix bilood ah sababo la xiriira xanuunka coronavirus. Si looga hortago faafitaanka COVID-19, dadka cumreysanaya ayaan taaban doonin Xijrul Aswadka. Masjidka Xaramka oo ah halka ay Kacbadu ku taallo ayaa maalintii la nadiifin doonaa 10 jeer. Sidoo kale dadka ay ka muuqdaan calaamadaha COVID-19 ayaa loo diyaariyay qolal lagu karantiilo. Sacuudi Carabiya ayaa toddobaadkii la soo dhaafay ku dhwaaqday in si tartiib tartiib ah loo furi doono Cumrada, wixii loo gaaro bisha soo socota. Laga bilaabo 4-ta October, dadka u dhashay Sacuudiga iyo ajaanibta deggan ayaa loo oggolaan doonaa gudashada Cumrada, iyadoo maalintii ay keliya Masjidka Xaramka ee Maka ay geli karaan 6,000 oo qof. Halka 18-ka October, ay Boqortooyadu oggolaan doonto in 15,000 oo xujey ah ay Cumrada ku gutaan Al-Masjid al-Nabawi, ee magaalada Madiina. Dadka ka imaanaya bannaanka Sacuudiga ayaa loo oggolaan doonaa gudashada Cumrada wixii loo gaaro 1-da November Qaran News
-
The Minister of Finance of the Federal Government of Somalia, Abdirahman Duale Beyle, held a meeting with UN officials in Mogadishu on Tuesday. Beyle had talks with the United Nations Special Representative for Somalia, James Swan, and his deputy Adam Abdelmoula, focusing on the country’s economic situation. The UN Office in Somalia has pledged continued support to the Somali government in financial reform and debt relief. The new PM Mohamed Hussein Roble has this week met with the US ambassador in Mogadishu and signed a deal on the debt cancellation. View the full article
-
Sabtidii, goor habeennimo ah ayey shacabka Soomaaliyeed mar qura arkeen fariimo lagu daabacay baraha bulshada ee ra’isul wasaarihii la ceyriyey Xasan Cali Kheyre isaga oo ku dhawaaqay inuu 2020/2021 yahay murashax madaxweynnimo. Daawo Warbixin Ku Saabsan Is Sharaxida Xasan Kheyre https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/09/whats-2.mp4 Sidoo Kale Halkan Ka Aqriso Is Sharaxida Xasan Kheyre Is Sharaxaadda Kheyre ee Madaxweynnimo Kadib, Dib u Milicso Barnaamijkii iyo Balanqaadkii Xukuumadiisa Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Khaatuma, Cali Khaliif Galeyr oo u warramayey warbaahinta ayaa ka fal-celiyey hadalkii madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii uu ka jawaabi waayey su’aal laga weydiiyey gobollada Sool & Sanaag. Cali Khaliif ayaa sheegay in jawaabta la’aanta madaxweyne Farmaajo kadib gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn aysan waxba u aalin Xamar ama magaalada Muqdisho. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxweynaha Soomaliya uu ka filayey inuu maamul u dhiso gobolladaasi, balse ay lama filaan ku noqotay hadalka u bixiyey. “Sool, Sanaag iyo Cayn waxba uma yaalaan Xamar kadib jawaab la’aantii Madaxweyne Farmaajo, waxaan islahaa Farmaajo wuxuu goboladaas u ogolaanayaa Maamul inay dhistaan ileen dowlada ayaa dhistay maamuladaan kale.” ayuu yiri Cali Khaliif. Ugu dambeyn wuxuu u soo jeediyey bulashada Sool, Sanaag & Ceyn inay ka tashadaan aayahooda, islamarkaana ay hurdada ka kacaan. “Galmudug sida lagu dhisay, dhibka laga maray iyo qarashaadka la galiyay waala ogaa. Hadaba Sool, Sanaag iyo Cayn waa inay tashadaan oo hurdada kakacaan.” ayuu sii raaciyey. Dhowaan ayey aheyd markii uu madaxweynaha Soomaaliya doortay in aanu ka jawaabin su’aal laga weydiiyey gobollada Sool iyo Sanaag, isagoo ka qeyb-galayey dood cilmiyeed ku saabsan doorashooyinka 2020/21, waxaana u jeedadu aheyd in hadalkiisa aanu sii dhalin xanaf badan, maadaama dowladda federaalka ay hadda wada-hadallo kula jirto Somaliland. The post Cali Khaliif oo si kulul uga fal-celiyey hadalkii Farmaajo first appeared on Caasimada Online.
