-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
MOGADISHU (HOL) - President Mohamed Farmaajo has condoled with the people of Kuwait following the passing on of their leader. Source: Hiiraan Online
-
A task force appointed by Education CS George Magoha has proposed phased reopening of schools, which were closed following the Covid-19 pandemic. Source: Hiiraan Online
-
Saraakiisha amniga Mareykanka ayaa ka digay suurtagalnimada khatar ka iman karta kooxo qaswadayaal xagjir ah oo ku sugan gudaha Mareykanka, illaa laga gaadhayo xilliga doorashada madaxtinimada Mareykanka ee bisha November. Saraakiisha ayaa ka digaya xasillooni darro siyaasadeed, bannaanbaxyada rabshadaha wata iyo marin-habaabinta iyo wararka been abuurka ah ee ay dalalka qaar ku hayaan shacabka Mareykanka si ay u saameeyaan doorashada. Waaxda Amniga Gudaha iyo Hey’adda danbi-baadhista ee FBI ayaa sheegay in ay u badan tahay in ay kordhi doonto khatarta kooxo xagjir maxalli ah ka iman karta laga soo billaabo bisha soo socoto illaa laga gaadhayo maalinta doorashada ee saddexda November. Bannaabaxyo ka dhacay guud ahaan Mareykanka bili dhawaa oo lagaga soo horjeedday sinnnaan la’aanta dhanka isirka iyo habdhaqanka ciidanka booliska ee dadka madow, ayaa qaarkood noqday kuwo ay rabshado hareeyeen, laakin intooda badani ku dhamaaday si nabad ah. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyey in lala wareegay awooda golaha shacabka Soomaaliya, kadib wareysi uu siiyey TV-ga Soomaali Cable. Zakariye ayaa ku eedeeyey guddoonka golaha shacabka inuu la wareegay awooda golaha, isagoo sheegay in wixii uu doono ka sameysanayo baarlamaanka. “Aniga baarlamaanka aan hadda ku jiro waxaan ku aqaanaa irida baarlamaan marka uu ka soo galo gacanta midig oo ay iyagu leeyhiin maleh guddoonkaa iska leh.” Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray xildhibaanku “Taaga haddii la yiraahdo wax uun lee u taaga way iska taagayaan.” Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji oo hadalkiisa sii wata carabka ku adkeeyey in arrintan ay saameyn ku yeelatay golaha, gaar ahaan isla xisaabtankii laga rabay. “Arrintaasi waxa ay daba rogtay isla xisaabtankii laga rabay Golaha Shacabka.” ayuu sii raaciyey. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo baarlamaanka federaalka Soomaaliya in muddaba lagu eedeyanayey inuu gabay waajibaadkii shaqo ee loo igmaday, gaar ahaan isla xisaabtanka laga rabay ee xukuumadda Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee dowladda. The post Awoodda Golaha Shacabka Somalia oo 'lala wareegay' iyo xildhibaan xog ka bixiyey first appeared on Caasimada Online.
-
Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaacisay in degaannada Maamulkaas markale uu kusoo laba kacleeyay cudurka safmarka ah ee Coronavirus, isla markaana kiisas kamid ah laga helay gobolka Mudug. Isku-duwaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ee Gobolka Mudug Cabdi Maxamed Xirsi ayaa sheegay in baaritaan la sameeyay ilaa iyo hadda la diiwangeliyay hal kiis. Waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in bilihii lasoo dhaafay ay aad u yaraatay hadal-heynta ku saabsan Cudurka Coronavirus, isla markaana bulshada Soomaaliyeed aysan muujineyn wax dadaal ah oo looga hortagayo. View the full article
-
Saacadihii tagay, waxaa Villa Somalia ka socday, wada hadallo u dhaxeeyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweyneyaasha maamul goboleedyada. Qaar ka tirsan wufuudda shirka oo la hadashay Goobjoog News ayaa sheegaya in laga hadlay guddiyada doorashada dadban, howlmaameedkooda, ajendaha doorashada, muddeynta iyo arrimo kale. Arrimaha ugu weyn ee miiska saarnaa ayaa ahaa in laga hadlay arrimo la xiriira, guddiga dadban ee maamulaya doorashada xidhibaannada baarlamaanka ee 2020/2021. Labada dhinac ayaa lagu wadaa iney saacadaha soo socda magacaabaan guddi labada heer ah, oo la mid kuwii maamulay doorashadii 2016, waxaana jira dood ah in kuwii hore qaar naga keeno, si looga faa’ideysto khibardooda. Arrimaha kale ee shirkan xoogga lagu saaray waa sidee roadmap loogu sameyn rabaa jadwalka doorashada 2020/2021, taasi oo wax weyn ka tari-doonta xisiloonida dalka. Waxaa kale, oo ahmiyad la siiyey goorta ay si rasmi ah u bilaabaneyso doorashada iyo xilliga ay tahay in la soo gabagabeeyo. Inkasta oo aan la sheegin in maanta la isku soo laabanayo iyo in kale laakin wararka ayaa sheegaya in qolo walba laga sugayo magacyada guddiyada iyo soojeedintooda ku aadan arrimaha laga hadlay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Roobabkii deyrta ayaa xalay ka curtay degaanno ka tirsan Puntland, gaar ahaanna Gobollada Sool iyo Cayn. Meelaha xalay roobsaday waxaa kamid ah, Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool iyo dhulka hoosyimaada, kuwaas oo Roobku qaarba si’ ku ahaa, iyadoo ay jiraan degaanno si fiican u roobsaday. Sidoo kale, waxa Roobku ka da’ay xalay Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn iyo degaanno badan oo hoostaga, inkastoo uu kala duwanaa Roobku meelaha qaarna uu ku yaraa. Degaannada Roobsaday waxaa kamid ah Widhwidh, Dhumay, Saaxdheer, Balihadhac, Kalabaydh, Dharkayn-geenyo iyo dhulka miyiga ah ee ku teedsan. Wixii wararka Roobka ka soo kordha kala soco Puntlandpost.net The post Roobabkii deyrta oo ka curtay Puntland appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Addis Ababa)-Dowladda Itoobiya ayaa xabsiga u taxaabtay xubno badan oo ka tirsan xisbiga PP ee haya tallada dalkaas ee uu hoggaamiyo Abiy Ahmed, kadib markii lagu eedeeyay inay xidhiidh la leeyihiin dagaal beeleed dhawaan dhacay. Hay’adaha amniga dalka Itoobiya ayaa xabsiga dhigay 45 xubnood oo loo haysto inay gacan weyn ka geysteen dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Benishangul Gumuz. Hoggaanka Xisbiga PP ayaa xaqiijiyey in 10 kamid ah xubnahaasi la xidhay la horgeeyay maxkamad. Sidoo kale, waxa xiisadda dagaalkaasi xilkii lagaga qaaday Taliyihii ciidammada gaarka ahaa, Wogari Polino iyo Taliyaha booliska deegaankaasi, Nega Jara. Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaaladaasi oo socday maalmo ay ku naf waayeen ugu yaraan 100 qof, halka ay ku barakaceen kumanaan kale. Dagaal beeleedyadaasi ayaa u dhaxeeya qowmiyadaha Amxaarada iyo Agaw oo intooda badan shaqa u tagay deegaankaasi Benishaangul-Gumuz, oo ah midka ay hadda xiisada u xoogani ka taagan tahay. Source
-
(SLT-Washington)-Waxaa goor dhawayd la soo geba-gabeeyay dooddii ugu horreysay doodo saddex ah, oo ay tahay inay yeeshaan Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo Musharaxa Madaxtinimada ee Xisbiga Dimoqraadiga, Joe Biden, ka hor doorashada bisha November. Doodda oo qaadatay 90 daqiiqo, laguna qabtay Magaalada Cleveland ee Gobolka Ohio ayaa taabaneysay doorashada 3-da bisha November ee lagu wado inay ku loolamaan Donald Trump iyo Joe Biden. Doodda ayaa waxaa ka qaybgalay 100 qof oo keliya, sababo ku aadan xakameynta iyo ka hortagga xanuunka COVID-19, balse illaa boqol milyan oo qof ayaa kala socotay shaashadaha dalkaasi. 15-kii daqiiqo ee ugu horeysay ayayba dooddu ku bilaabatay xasarad iyo buuq, iyadoo midba midka kale ay adkeyd inuu fursad u siiso kan kale, si uu doodiisu u sii wato. Wariyihii dhexdhexaadinayay ayaa la arkaayay isagoo soo kala dhex gelaaya, iskuna deyaaya bal inuu xakameeyo doodda, si aanay farihiisa uga bixin. Intii ay dooddu socotay ayay labada dhinac buuq iyo sawaxan abuurayeen, iyadoo ay dooddu ku saleysneyd illaa 6 qodob, oo qodobkiiba laga doodaayay 15 daqiiqo. Doodaan ayaa la qabtay, xilli Joe Biden uu ra’yi uruurinta dadweynaha ku horreeyo muddo toddobaadyo ah. Haddii Madaxweyne Trump lagaga adkaado doorashada 3-da November waxa uu noqonaya Madaxweynihii 3-aad ee ku guuldarreysto in dib loo soo doorto, afartankii sanno ee la soo dhaafay. Source
-
Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in goor dhow uu dab xoogan ka kacay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug. Dabka ayaa wuxuu ka billowday kaalin shidaalka lagu iibiyo oo ku taalla bartamaha magaaladaasi, waxaana lagu soo warramayaa inuu ku sii fiday goobo kale. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in markii dambe shacabka iyo laamaha amniga oo iskaashanaya ay ku guuleysteen daminta dabkaasi. Illaa hadda lama soo warin wax khasaare nafeed ah, balse waxaa jiro mid maaliyadeed oo xoog leh oo soo gaaray goobaha ganacsiga ee uu dabku ku fiday. Dhuusamareeb ayaan la aheyn wax dab damis ah, iyada oo marar badan uu ku soo laa-laabtay dabka ka kacaya gudaha magaaladaasi. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Wefdi ka socda Xukuumadda Puntland, oo ka kooban Wasaaradaha qaarkood iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Bari, ayaa xalay gaaray Magaalada Qandala ee Gobolkaas Bari. Wefdiga waxa hoggaaminaya Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan (Majiinno), oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamed Yuusuf Maxamed (Abwaan), Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud (Daan) iyo Mas’uuliyiin kale. Mas’uuliyiinta oo u kuur-galaya Xaaladda Degmada Qandala, ayaa xalay ku caweeyay Xeebta Magaalada waxaana ay socod ku soo mareen jidadka iyo xaafadaha kala duwan ee Qandala ka koobantahay. PUNTLAND POST The post Wefdi ka socda Puntland oo gaaray Degmada Qandala appeared first on Puntland Post.
-
Magaalada Muqdisho waxaa xalay ka furmay shir u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo looga hadlayo xaaladda dalka. Shirkaan ayaa waxaa intiisa diiradda lagu saarayaa dhismaha guddiga heer federaal iyo heer dowlad Goboleed ee xalinta khilaafaadka, doorashada, waqtiga la magacaabayo tirada xubnaha la doonayo iyo qodobo kale oo ku aadan doorashooyinka 2020/2021-ka. Sidoo kale waxaa shirka lagu soo qaaday sidii loo adkeyn lahaa heshiiska ay ka gaareen doorashada oo ay meel mariyeen labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya. Doorashada iyo howlaheeda ayaa la filayaa in la guda galo wixii ka dambeeya bisha soo socota, si looga faa’iideysto waqti yar ee muddo xileedka uga haray hay’adda dowladda. View the full article
-
Madaxweynaha dawladda FS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dawladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Kuwait uga tacsiyeeyey geerida Amiirkii dalkaas Sheekh Sabaax Al-axmed Al-jaabir oo saaka ku dhintay dalka Maraykanka, isagoo da’diisu ahayd 91-sano. Madaxweyne Farmaajo waxa uu tacsi gaar ah u diray Qoyska boqortooyada iyo eheladii uu ka baxay amiirka Kuwait, waxaana uu xusay in dawladda Kuwait iyo shacabkeeda uu xiriir wanaagsan kala dhexeeyo Soomaaliya, taas oo uu rajeynayo inay sii socoto, waxaana uu amiirka dhintay ku sifeeyey mid caan ku ahaa arrimaha samafalka. Sheekh Nawaaf Al-axmed oo walaal la ahaa Amiirka geeriyooday ayaa berri loo dhaarin doonaa Amiirka cusub ee Kuwait, waxaana barri kulan yeelanaya Baarlamaanka dalkaas Amiir Sabaax, waxa uu muddo ka badan nus qarni ku jiray siyaasadda dawladda Kuwait, isagoo noqday, Ra’iisal wasaare, wasiirka warfaafinta iyo wasiirkii arrimaha dibadda ugu waqtiga dheeraa Kuwait, sidoo kalena waxa uu Amiir dalkaasi ka noqday 2006-dii. Sheekh Sabaax waxa uu calaaqaad gaaar ah la lahaa Soomaaliya, waxaana uu Beer ku lahaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose, halkaas oo uu waqtiyo nasiino ah ku qaadan jiray 1978-dii iyo sanado ka dambeeyeyba. Kuwait waxay qabanqaabinaysay sanadkan inay marti galiso shir muhiim ah oo looga hadli lahaa horumarinta waxbarashada Soomaaliya, balse waxaa loo baajiyey cudurka Crona dartiis. View the full article
-
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa xalay mar kale shir ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada Muqdisho. Shirka waxa ka qayb-galay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Puntland, Jubaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana looga hadlay dhismaha Guddiga Doorashada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo sidoo kale magacaabidda Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Jaangoynta Wakhtiga Doorashada. Shirka ayaa ku soo beegmay, maalmo kadib markii labada Aqalka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen Heshiiskii lagu go’aamiyay Hannaanka Doorashada Dalka, kaas oo ay Muqdisho ku gaareen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka, oo uu weheliyo Maamulka Gobolka Banaadir. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada oo xalay shir ku yeeshay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-Subax-30092020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in gaadiid dagaal iyo agabyo kale ay ku wareejisay dowladda Itoobiya, kuwaas oo ay shaacisay in loo adeegsan doono dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Addis Ababa ayaa waxaa lagu sheegay in u jeedada taageeradaasi ay tahay sidii ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ay isaga difaaci lahaayeen weerarada uga imaanaya dhanka Al-Shabaab. Sidoo kale waxa ay safaaraddu sheegay in ciidamada Itoobiya ee jooga gudaha Soomaaliya la siin doono tababaro dheeraad ah. Deeqda ay Itoobiya la wareegtay ayaa waxaa ka mid ah baabuurka gurmadka deg-deg ah (Ambulances), gawaarida yaryar ee (Land Cruisers), kuwa qaada sahayda iyo askarta ee dul banaanka ah iyo agab kale oo ay adeegsanayaan ciidamada. Sidoo kale waxa ay taageeradaan ciidamada Itoobiya ka gacan-siineysaa dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo la socodka dhaq-dhaqaaqa kooxda Al-Shabaab. Mareykanka ayaa horey taageero dadban iyo mid toos ah u siin jiray dowladaha dariska, sida Itoobiya iyo Kenya oo ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya. Si kastaba ha’ahaatee Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka ka qeyb-qaata dagaalka Al-Shabaab, isaga oo duqeymo ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Mareykanka oo gaadiid lagula dagaalamo Shabaab siiyey ITOOBIYA + Sawirro first appeared on Caasimada Online.
-
Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in goob ganacsi oo halkaas ku taalla uu saaka qabsaday dab xooggan kaas oo ku sii fidaya goobo ganacsi oo horleh. Dabka ayaa ka kacay Kaalin lagu iibiyo Shidaalka oo ku taaalla bartamaha Dhuusamareeb waxaana dabku markiiba ku fiday xarumo ganacsi oo ku dhegan Kaalinta Shidaalka taas oo keenta in uu kordho khasaaraha dabkaas. Magaalada oo aan dam-demis lahayn ayaa sababtay in dambku meelo horleh ku sii faafo inkastoo uu socdo gurmad xooggan oo shacabka iyo maamulka degmadu ay ku deminayaan dabkaas. PUNTLAND POST The post Dab xooggan oo ka kacay goobo ganacsi oo ku yaal Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Riyad (Caasimadda Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqdya shuruudo cusub oo la xiriira gudashada acmaasha Cumrada, waxeyna arintani salka ku heysaa cabsiga laga qabo xanuunka Coronavirus. Dadka looma ogolaan doono iney taabtaan Xajrul Aswadka (Dhagaxa Madow) si looga fogaado faafista xanuunka Covid19, sidoo kale waxaa la amray in 10-jeer in ka badan la nadiifiyo Masjidka xaramka oo ay kacbada ku taallo. Dowladda waxey meelo gaar ah u diyaarisay dadka laga helo Covid19, si loogu karantiilo isla markaana aysan bulshada kale ugu gudbin. Muddo lix bilood ah dadku wey ka xayirnaayeen gudashada cumrada, sidaas darteed laga bilaabo 4-ta October waxaa la ogolaan doonaa in dadka u dhashay Sacuudiga iyo dadka daganba ay cumreystaan, kaliya 6,000 (Lix kun oo qofood) ayaa la ogolaan doonaa maalintii. Marka la gaaro 18-ka bisha October waa la kordhin doonaa tirada waxaana la gaarsiin doonaa 15,000, waxeyna ku gudan doonaan Masjidka Nabiga (N.N.K.H) ee ku yaalla magaalada Madiina. The post Sacuudiga oo soo rogay shuruudo cusub oo la xiriira gudashada Cumrada first appeared on Caasimada Online.
-
CLEVELAND (Reuters) - Republican President Donald Trump and Democratic rival Joe Biden battled fiercely over Trump’s leadership on the coronavirus pandemic, the economy and the integrity of November’s election in a chaotic first debate on Tuesday marked by personal insults, name calling and Trump’s repeated interruptions Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in todobaadkaan uu si rasmi ah u billaaban doono wada-hadalka maamulka Jubaland iyo Madaxtooyada Soomaaliya ee ku aadan arrimaha gobalka Gedo. Ilo wareedyo muhiim ah oo ka tirsan maamulka Jubaland ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay toos u billaabi doonaan doodda Jubaland ee ku aadan ciidamada dowladda ee ku sugan gobalka Gedo. “Muqdisho waxaan u joognaa in la xaliyo cabashadeyna arrimaha ciidanka gobalka Gedo, 48-da saac ee soo aadan ayey qabsoomi doonaan kulamada arrintaas ku saabsan, hore waxaa u jiray is afgarad,” ayuu yiri qof ka mid ah wafdiga Madaxweynaha Jubaland ee ku sugan Muqdisho. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa horey mabda’ ahaan u aqbashay in ciidamada dowladda laga soo saaro Gedo, taasi oo horseeday wada-hadalladii lagu gaaray heshiiska doorashada, oo maalmo arrintaas darteed u xayirmay. Arintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo magaalada Muqdisho saacadihii la soo dhaafay ay kulamo ku yeesheen madaxweynayaasha maamul gobaleedyada, guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo madaxda dowladda Soomaaliya, kulumadaas oo ku saabsan sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii ay dhawaan ku gareen Muqdisho islamarkaana ku saabsanaa arimaha doorashada Soomaaliya. The post Maxaa kusoo kordhay wada-hadalladii A/Madoobe iyo Farmaajo ee xiisadda Gedo? first appeared on Caasimada Online.
-
Leaders accuse DP Ruto of using miraa row to sabotage Uhuru
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The miraa crisis in Meru County has taken a dramatic political turn amid claims that Deputy President William Ruto was using leaders in the region to undermine President Uhuru Kenyatta’s administration. Source: Hiiraan Online -
October is national Co-op Month, and the Isuken Cooperative’s Somali Bantu farm-to-table food truck will be at the Belfast Co-op at 123 High Street on Saturday, October 3, from 11 a.m. to 3 p.m. Source: Hiiraan Online
-
Government officials raise the red flag and warn that culprits will be arrested and prosecuted. Source: Hiiraan Online
