Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,713
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweyne Donald Trump ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in Serbia iyo Kosovo ay wanaagiyeen xidhiidhkooda dhaqaale, taasi oo qeyb ka ah wadahadallo uu Mareykanku gadh-wadeen ka yahay oo ay ka mid tahay in Belgrade ay safaaraddeeda Israa’iil u wareejiso magaalada Jerusalem, iyo in Israa’iil iyo Kosovo ay is-ictiraafaan. Ka dib kulamo laba maalmood qaatay oo ay la yeesheen saraakiisha maamulka Trump, Madaxweynaha Serbia Aleksandar Vucic iyo Ra’isulwasaaraha Kosovo Avdullah Hoti ayaa ku heshiiyay in ay iska kaashadaan dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha si loo soo jiito maalgashi loona abuuro shaqooyin. Ku dhawaaqista ayaa Trump siinaysa guul dublomaasiyadeed ka hor doorashadii madaxtinimada ee dhacaysa 3-da bishii November, iyadoo sii kordhinaysa dadaalka maamulkiisa ee lagu hagaajinayo maqaamka Israa’iil ee dunida. “Waan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqo ballanqaad dhab ah oo taariikhi ah,” ayuu Trump ka sheegay Xafiiska Oval, isagoo ay garab taagnaayeen labada hoggaamiye oo kala saxiixday heshiiska iskaashiga dhaqaale. Trump ayaa sheegay in Serbia ay ka go’an tahay in ay bishan xafiis ganacsi ka furato magaalada Jerusalem, safaaraddeedana ay halkaasi u wareejiso bisha July. Go’aanka Serbia ee ah in ay safaaraddeeda Tel Aviv u wareejiso Jerusalem ayaa ah mid aysan fileyn Israel iyo Mareykankaba. Maamulka Trump ayaa dhammaadkii 2017-kii Jerusalem u aqqoonsaday in ay tahay caasimadda Israel, iyadoo bishii May ee sanadkii 2018-kii u raray safaaradda Mareykanka magaaladaasi. Maamulka ayaa ku dhiiri geliyay wadamada kale in ay sidaas oo kale sameeyaan, laakiin waxaa tallaabadaasi si weyn u dhaleeceeyay Falastiiniyiinta iyo in badan oo reer Yurub ah kuwaasi oo sabab kaga dhigay in aan wali la xallin khilaafka Israa’iil iyo Falastiin. Kosovo oo ah dal ay ku badan yihiin Muslimiinta ayaan waligeed aqoonsan Israa’iil sidoo kale Israel ma aqoonsan Kosovo. Ra’isulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha Serbia in uu safaaradda dalkaasi u rarayo magaalada Jerusalem. Wuxuu xaqiijiyay in Israel iyo Kosovo ay dhisi doonaan xiriir dublomaasiyadeed, isaga oo xusay in Kosovo ay sidoo kale safaaraddeeda ka furan doonto Jerusalem. “Kosovo waxa ay noqoneysaa dalkii ugu horreeyey ee Muslimiintu u badan yihiin ee safaaraddiisa ka furta Jerusalem,” ayuu yidhi Netanyahu. “Sidii aan dhowaan sheegay, goobaabinta nabadda iyo aqoonsiga Israel waa ay sii ballaaranayaan, waxaana la filayaa in ay wadamo dheeri ah ku soo biiraan,” Ayuu yidhi. Si kastaba ha ahaatee, wadar ahaan ilaa afar dal ayaa ilaa haatan u aqoonsaday magaalada lagu muransan yahay ee Jerusalem in ay tahay caasimadda Israel, waxaana dalalkaasi ka mid ah Mareykanka iyo Guatemala. Falastiiniyiinta ayaa sheegay in bariga Jerusalem oo ay Israa’iil ku qabsatay dagaalkii 1967-kii ay u tahay caasimad. Source
  2. ADDIS ABABA, Ethiopia Africa has been witnessing an overall drop in the rate of infections from the novel coronavirus, says the director of the Africa Centres for Disease Control and Prevention (CDC). John Nkengasong made an announcement on the infection rate during a weekly media briefing conducted virtually every Thursday. Africa recorded a 14% drop in the number of new infections across the continent over the past one week compared to the previous, he said. However East Africa region recorded a 2.4% increase in infections over the reported period, while North Africa registered a 7.5% rise. The continent has so far recorded 1,267,656 cases, 30,294 deaths, and 1,009,824 recoveries, according to the daily update by the Africa CDC. While declaring an overall fall in rate of infections, Nkengasong said: “We are not declaring victory. We have a long way to go to beat the virus in Africa.” The continent also registered 80% recovery rate, as a positive development. South Africa, Egypt, Nigeria, Morocco, and Ethiopia account for 70% of the overall infections in the continent, with South Africa alone registering 50% of cases, Nkengasong noted, Two weeks ago, the Africa CDC submitted a Vaccine Development Strategy to the heads of state and government via South Africa’s President Cyril Ramaphosa, the current head of the African Union. A strategy focusing on providing access for the African people to vaccines was adopted by the continental decision body. But Nkengasong said it would be difficult to say when Africa would be able to develop vaccines against the COVID-19 disease. aa Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyaga oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda dalka, gaar ahaan sidii uu u qabsoomi lahaa shirka dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland. Wararka ayaa sheegaya in kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada lagu soo qaaday caqabadaha hor-gudban shirka Muqdisho oo shuruudo uu ku xiray, Axmed Madoobe. Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo hoggaamiyaha Jubbaland ay ka wada-hadleen arrinta ciidamada dowladda ee la geeyey gobolka Gedo, islamarkaana ay ka gaareen xal horudhac ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in arrintaasi loo saaray guddi gaar ah oo min hal xubnood ah, kaas oo ka shaqeynaya sida xal-waaea looga gaari lahaa arrintaasi. Si kastaba, waxaan weli caddeyn in la qabanayo shirka madaxweyne Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe ka hor inta aan la xalin arirnta Gedo, iyo inuu qabsoomayo kadib. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka socday shirar gooni-gooni ah oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, walow uu dib u dhac ku yimid furitaanka shirka saddex geesoodka ah ee dowladda, Jubbaland iyo Puntland. The post Maxaa looga hadlay kulankii dhex-maray Madaxweyne Farmaajo iyo A/ Madoobe? first appeared on Caasimada Online.
  4. Madasha xisbiyada qaran ayaa warka kasoo saartay wadahadallada dowladda federaalka ah iyo maamullada Puntland iyo Jubbaland, madashu waxaa ay soo dhweysay dib u bilaabasha hannaan heshiis looga gaarayo doorashada 2020 20-21, oo la filaayo inuu dalku aado. Halkaan Ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Warar dheeraad ayaa laga helayaa dagaal la sheegay inuu xalay ka dhacay duleedka garoonka diyaarada ee magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda u ah maamul goboleedka Galmudug. Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-shabab ay soo weerareen ciidamada AMISOM ee katirsan wadanka Jabuuti, kuwaas oo kusan gudaha iyo duleedka Garoonka. Lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, Sarkaal ka tirsan ciidamada dowaldda ee ku sugan Garoonka ugaas Nuur ayaa sheegay in ciidamada AMISO ay fashiliyeen weerarka ay soo qaadeen Al-shabab sida uu hadalka u dhigay. “Cidamada ayaa helay xogta ah in d Al-Shabaab ay maleegayeen weerar ka dhan ah garoonka diyaaradaha, waxaana ciidamadu ay ku guuleysteen inay ka hortagaan oo ay fashiliyeen weerarka” ayaa yiri mar uu la hadlay radio qaranka. Garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ayaa magaalada ujira qiyaastii 15KM, waxaana ku sugan ciidamo ilaalo ah kuwaas oo u dhashay wadamada Jubbuti iyo Itoobiya iyo kuwa xoogga dalka qeybta 21-aad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Somalia’s Stadium Mogadishu has taken another step forward with the return of competitive football after 16 years, during most of which time it was used as a military camp. Source: Hiiraan Online
  7. The U.S. Customs and Border Patrol (CBP) says 34-year-old Said Sharif Maye was taken into custody while trying to board a plane for Turkey August 28. Source: Hiiraan Online
  8. The collapse of the central government in Somalia in the early 1990s affected farming adversely as extension services and export of produce came to a halt. Source: Hiiraan Online
  9. Marjorie Taylor Greene, a Republican candidate for Congress in Georgia, posted a campaign poster Thursday of herself on her Facebook page holding an assault rifle, next to photos of three Democratic lawmakers part of "The Squad" Source: Hiiraan Online
  10. Mustafa says Voice for Refuge will advance pro-refugee positions in politics, build on his work fighting Trump travel ban. Source: Hiiraan Online
  11. Five members of the United States House of Representatives urged Secretary of State Mike Pompeo not to cut aid to Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  12. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday ciidamada Amisom ee fadhigeedu yahay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Weerarka oo billowday fiidkii habeenkii Jimcaha ayaa la iska caabiyey, wuxuuna socday kaliya 15 daqiiqo, sida ay sheegayaan wararka. Lama soo werin wax khasaare ah oo ka dhashay. Garoonka ayaa waxaa degan ciidamo isugu jiray Itoobiyaan iyo Jabuutiyaan, oo la geeyey toddobaadyo ka hor inta aysan magaalada ka bixin gacanta ururka Ahlu-Sunna. Waa weerarkii ugu horreeyey ee Al-Shabaab ay ku qaadaan garoonka Dhuusamareeb, tan iyo markii magaaladaas ay noqotay caasimadda maamul goboleedka Galmudug. Magaalada Dhuusamareeb ayaa dhowaan mart-gelisay wada-hadallo saddex wareeg ka koobnaa oo dhex maray madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada. Inkasta oo weerarka la iska caabiyey, ayaa haddan isku daygan wuxuu abuuray su’aalo ku saabsan isku haleynta amniga caasimadda Galmudug iyo baylaha ka muuqda. Ururka Ahlu-Sunna oo horey gacanta ugu hayn jiray magaalada ayaa marar badan ka digay in imaatinka ciidamada dowladda ee magaalada ay horseedi karto dib usoo laabashada Al-Shabaab. The post Al-Shabaab oo weeraray garoonka diyaaradaha Dhuusmareeb first appeared on Caasimada Online.
  13. Shandad lagu soo iibsaday lacag ka badan 26-kun oo Dollar oo la burburinayo+Sababta Ciidamada ilaalada xuduudaha ee dalka Australia ayaa gacanta ku dhigay boorso qaali ah oo ka sameysan maqaarka yaxaaska xili haweeney soo iibsatay boorsadaasi ogolaansho la’aan dalkaasi ku galisay. Boorsadan ayaa lacag ka badan 26-kun oo Dollar lagaga soo iibiyay dukaanka Saint Laurent ee dalka Faransiiska, waxaana haweeneyda wadatay boorsadan la qabtay xili ay la galeysay gudaha dalka Australia. Dalka Australia ayaa sharci ahaan la ogol yahay in loo dhoofiyo waxyaabaha ka sameyssan maqaarka Yaxaaska, hasa ahaatee dadka geenaya Australia waxyaabahaasi ayaa laga rabaa in ay helaan warqad ogolaansho ah sidoo kale bixiyaan 70-dollar. Wasiirka deegaanka ee Australia ayaa sheegay in boorsadan booliisku qabteen in la bur burin doono, waxuuna xusay in talaabadan tahay mid dadka lagu xasuusinayo in ay qaataan warqada ogolaanshaha iyo bixinta lacagta laga rabo. Dowlada Australia ayaa go’aansatay inaan talaabo kale laga qaadin haweeneyda leh boorsada la burburinayo maadaama ay kusoo iibsatay lacag qaali ah, waxaana burburinta boorsadan qaaliga ah hadal heyn badan ka abuurtay dalka Australia. Qaran News
  14. Orodyahanka soomaaliga ah ee u orda dalka Ingriiska Mo Farah ayaa shalay oo jimce ah ahayd dhigay rikoodh cusub kadib markii uu ka qeyb-galay tartan orod oo lagu qabtay caasimadda dalka Biljum-ka ee Brussels. Mo Farah oo 37 jir ah ayaa saacad gudeheed ku cararay 21.330 oo mitir, waxaana ay arintaasi u saamaxday in uu dhigo rikoodh cusub. ” – Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta dhigay rikoodh cusub”, ayuu warbaahinta ki yidhi MoFarah kadib tartanka. Farah ayaa orodkaas oo dhan waxaa uu la ordayay soomaali kale oo lagu magacaabo Bashir Abdi kaas oo u ordayay dalka Biljum-ka. Qaran News
  15. Way adag tahay in la saadaaliyo miraha siyaasadeed oo ay hoggaamiyayaasha Puntland iyo Jubaland ka goosan karaan isbahaysiga siyaasadeed waayo isbahaysiyada siyaasadeed ee Soomaalidu waxay badanaa ku salaysan yihiin ka jawaabista xujooyin siyaasadeed. Dhanka doorashada marka la eego Puntland iyo Jubaland wax badan iskuma biirin karaan haddii doorashadu ku salaysnaan doonto habka awoodqaybsiga 4.5. Beel ahaan waxay ka tirsan yihiin afarta beelood oo awoodda siyaasadeed isa siiyay, weliba awoodda beeleed ee Puntland iyo Jubaland waa mid lagu haysto. Nasiib bay leeyihiin haddii ay 50% codadka xildhibaannada soo xulaan. Waa wax ay ugu dambayn ku gorgortami doonaan. Tirada codadkaas may aha mid siyaasi ama xisbi lagula toloobi karo siyaasad ahaan. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, oo durbaba ololaynta siyaasadda ka billaabay Muqdisho, wuxuu ku tilmaamay caasimadda meel isbeddel uusan ka dhicin afartii sano oo ugu dambeeyay. Dib u habaynta amniga, la xisaabtanka madaxda, la dagaallanka musuqmaasuqa uma muuqdaan Deni. Muu ogaa inuu weerar siyaasadeed ku qaaday maamulka Gobolka Banaadir. Gobollada Koonfureed aad ayay ugu faa’iideen mashaariicda horumarineed halka Puntland ay la rafanayso dayactirka waddada isku xirta Garoowe iyo Boosaaso. Puntland madaxdeedu waxay kala garan waayeen xaqa horumarineed ee dadka reer Puntland oo ah mid dowladda Federaalku asyan is hortaagi karin, iyo isqabqabsiga siyaasadeed kala dhexeeya Muqdisho. Tusaale Puntland waxay xoogga saartaa arrimmaha siyaasadda si ay iskugu ekeysiiso maamul la xisaabtami kara Dowladda Federaalka dadka Puntland oo aan la xisaabtami karin dowladda fadhigeedu Garoowe yahay. Madaxweyne Axmed Madoobe hadalladiisu uma kulkulula sida kuwa Deni. Wuxuu og yahay inuu Madaxweyne u yahay maamul beelo kala duwani wada leeyihiin, iyo in aan loo madaxbannaanayn doonin soo xulista xildhibaannada waayo doorashadiisii baa dhalisay muran weli taagan – isagu wuxuu isu arkaa in afar sano la doortay; Dowladda Federaalku waxay u aqoonsatay maamul muddo xileedkiisu dhammaad ku dhow yahay. 2018kii Cabdiweli Gaas baa ku qanciyay Axmed Madoobe inuu gogol dhigo Kismaayo si gole iskaashi oo maamul federaaleedyadu leeyihiin loo unko. Madaxweyne Deni wuu taageeeray Golihii Iskaashiga Maamul Federaaleedyada hase ahaatee wuxuu Golihii raacay Gaas. Isbahaysiga Puntland iyo Jubalad wuu firfircoonaysiiyay siyaasadda Soomaaliya. Weli lama hayo maamullo kale ama siyaasiyiin kale oo dabka ku qabsday Puntland iyo Jubaland. Malaha qaar baa aamminsan in dabayl siyaasadeed ay baqtiin doonto isbahaysiga Puntland iyo Jubaland. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Isbahaysiga PUNTLAND iyo JUBALAND oo sii shiday siyaasadda Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.
  16. PRESS RELEASE Coronavirus – Ethiopia: COVID-19 reported cases in Ethiopia (4th September 2020) ADDIS ABABA, Ethiopia, September 4, 2020/ — Daily Laboratory test: 23,712 Severe cases: 315 New recovered: 329 New deaths: 24 New cases: 1303 Total Laboratory test: 994,303 Active cases: 35,022 Total recovered: 20,612 Total deaths: 880 Total cases: 56,516 Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Ethiopia. SOURCE Ministry of Health, Ethiopia Qaran News
  17. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu Muqdisho kawadaa Suluxeyn Siyaasadeed. Madaxweynuhu wuxuu horay ula kulmay Madaxweyne Farmaajo, kulankaas wax natiijo ah kamasoo bixin oo [...] The post Madaxweyne Deni oo ku guda jira kulanadiisii Muqdisho, Maxaa u dambeeyey appeared first on . Source
  18. Warsaxaafadeed ay Madasha Xisbiyada Qaran soo saareen ayay Madaxweyne Farmaajo ugu baaqeen in la balaariyo Shirka Muqdisho sidaas awgeedna loo yeero Madaxweynayaasha Maqan. Madashu waxay [...] The post Warsaxaafadeed “Madasha Xisbiyada Qaran oo ku baaqday in Shirka Muqdisho labalaariyo appeared first on . Source
  19. Nairobi (Caasimada Online) – Prof. Nasong’o Muliro oo xiriirka caalamiga ah ka dhiga Jaamaadda Technical Univeristy ee Kenya, ayaa ka hadlay tallaabada ay dowladda Soomaaliya qaaday ee ay ku joojisay jaadkii ka iman jiray Kenya, taasi oo dhaawac xooggan gaarsiisay ganacsatada Kenya. Muliro oo oo la hadlay wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in hab dhaqanka dowladda Soomaaliya uu muujinayo kalsooni iyo inaysan u baahneyn Kenya. “Jawaabta dowladda Soomaaliya waxay direysaa farriin ah in dalkaas uusan iminka ahayn sidii loo haystay ee ahayd in sidii la doono laga yeelan karo,” ayuu yiri Muliro. “Dowladda hadda jirta ee Soomaaliya waxay daremeysaa inaysna u baahneyn Kenya iyo Afrika sida muuqato, sababtoo ah quwadihii caalamka ayaa isha ku haya kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya ay qaniga ku tahay.” Dhinaca kale diblomaasiyiin la hadlay Daily Nation ayaa sheegay in afar shuruud oo la sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku xirtay in jaadka la keeno Soomaaliya markii ay ganacsatada Kenya tageen Muqdisho ay u muuqdaan kuwa cayaar ah. Waxay sababta ku sheegeen in xilligaas uu wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad uu ku sugnaa Nairobi, islamarkaana uusan dowladda Kenya kala hadal arrintaas. “Ma jiro wax wada xiriir ah oo u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, in la isku xiro arrimaha amniga iyo ganacsigana ma ahn mid u roon labada dalba,” ayuu yiri sarkaal la hadlay Daily Nation. Dowladda Kenya ayaa wajaheysa cadaadis kaga imanaya ganacsatada jaadka kadib markii go’aanka dowladda Soomaaliya uu gaarsiiyey dhaawac xooggan oo dhaqaale. The post Nasong’o Muliro: Soomaaliya hadda uma baahna Kenya, mana ahan middii sidii la rabo laga yeelan jiray first appeared on Caasimada Online.
  20. Muqdisho ( Wararka PP) — Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa ka welwelsan sharcinimada heshiisyadii ay la gashay shirkaddii Soma Oil la oran jiray oo uu Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, saami ku lahaa. Dhowaan waxaa soo shaac-baxday in Soma Oil & Gas yeelatay magaca Coastline Exploration. Sida ku xusan bogga Internetka ay shirkaddu ku leedahay waxaa Coastline Exploration la asaasay sanadkii 2018kii, shan sano kaddib markii heshiisku dhex maray Soma Oil iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. May cadda sida danihii ganacsi ee Soma Oil & Gas ugu wareegeen Coastline Exploration oo aan ahayn shirkad jirtay oo magac cusub yeelatay ama shirkad jirtay oo iibsatay shirkad kale. Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ilaa hadda may bayaaminin saamaynta isbeddelka magaceed iyo maamul ee Soma Oil & Gas ku yeelan doono heshiisyadii hore. Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa dhowr bilood ka hor u sheegay Laanta af Soomaaliga ee BBC in shidaalka ay Soomaaliya suuqgeynayso uusan ku jirin dhul badeedka Soomaaliya iyo Kenya ku muransan yihiin. Xasan Cali Kheyre, Ra’iisal Wasaare hore, wuxuu mar ka tirsanaa madaxda Soma Oil & Gas. Dowladda Biritayn, oo kaalin mug leh ku lahayd ka saaristii Soomaaliya ku tiirsanaanta hey’ado siyaasadeed ku meelgaarka ahaa si shirkadaheedu ula tartamaan shirkadihii Soomaaliya heshiisyada la galay ka hor 1991kii, waxay ka mid tahay dowladaha taageera Soomaaliya inkastoo dalku leeyahay dowlad aan dalka oo dhan ka talinin, lana jaanqaadi karin shirkado shidaal oo ay quwado waaweyni daba taagan yihiin. Shirkado dhowr ah baa ku tartamaya shidaalka xeebta Soomaaliya ku jira. Dad badan baa qaba in Sharciga Shidaalku uu u danaynayo shirkadaha Dowladda Federaalku la gashay heshiisyada aysan fulintooda iyo saamayntooda aad ula soconin. “Soomaaliya waxay ka faa’iidi kartaa kheyraadkeeda haddii madaxdeedu indho-furan yihiin oo ka hufan yihiin dano gaar ah, haddii kale habaarka kheyraadka baa nagu habsan doona” buu Puntland Post u sheegay Aadan Daahir, oo ku xeel-dheer heshiisyada shidaalka. Ilaa hadda Dowladda Federaalku may ka hadlin isbeddelka ku dhacay shirkaddii Soma Oil & Gas. Wikipedia waxaa ku qoran in Soma Oil & Gas weli tahay shirkad loo asaasay inay Soomaaliya shidaal ka sahmiso iyo inuu Alexander Djaparidze, bilyaneer Ruush ah, taageero shirkadda maaliyad ahaan. Bogga Internka Soma Oil & Gas ku leedahay muu shaqaynayo. Waxaa jiray eedeymo loo soo jeediyay Soma Oil ku saabsanaa wax isadabamarin. Xafiiska Wax-isdabamarinta Ba’an (Serious Fraud Office) ee Biritayn ayaa baaritaan ku sameeyay shirkadda, waayayna caddayn in shirkaddu ku kacday eedeymaha baaritaanka dhaliyay. Guddoomiyahii hore ee Xisbiga Muxaafidka Biritayn, Michael Howard, ayaa ka tirsanaa maamulka Soma Oil & Gas. Alexander Dzhaparidze hantidiisa waxaa lagu qiyaasay 1.2 bilyan oo doollar. Sharciga Batroolka, oo sal u noqon doona iibinta ceelasha laga helo xeebta Soomaaliya, muu caddaynayo sida shirkadaha iyo Dowladda Soomaaliyeed u wada shaqaynayaan haddii su’aalo ka yimaadaan heshiisyada la wada galay. Alexander Dzhaparidze: Maalgeliyaha Shirkaddii Soma Oil & Gas. Welwel kale wuxuu la xiriiraa kartida maamullada Soomaaliyeed ku maarayn karaan lacagta ka soo xeroon doonta iibka ceelasha shidaalka haddii Dowlada Federaalku aysan awood u lahayn baarista maamulka musuqmaasuq lagu soo eedeeyo. Sida Financial Times uu qoray sanadkii hore, lacagaha ka soo bixi doona shidaalka Soomaaliya waxaa loo adeegsan doonaa dib u dhiska Soomaaliya. Ma aha go’aan ay siyaasiyiinta Soomaaliya gaareen. Waa go’aanka dowladaha Soomaaliya keensaday ciidanka si loo yareeyo halista dowlad la’aanta iyo meelaha aan la xukumin kaga iman karta danahooda. © Puntland Post, 2020 The post Dowladda Soomaaliya oo dib u eegaysa heshiiskii Soma Oil & Gas appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran (MXQ) ayaa soo saartay dalabyo culus oo ku wajahan shirkii la filayey inuu Muqdisho ku dhex-maro madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne goboleedyada Jubaland ee Puntland, balse baaqday kadib shuruudo ka yimid Jubaland. Madasha ayaa ka dalbatay Madaxweynaha Dowladda Federaalka inuu shirkani noqdo mid ay goobjoog ka yihiin dhammaan Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federeelka si looga gudbo, bay yiraahdeen, khilaafka hareeyay hannaanka doorashada, loogana gaaro go’aanno kama danbays ah oo loo dhanyahay. Waxay sidoo kale ugu baaqday hoggaanka dalka heer Federaal iyo Dowlad Goboleedba inay la yimaadaan isu tanaasul ayna muujiyaan dabacsanaan una dhimriyaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed. “Madashu waxay u aragtaa kulankan inuu yahay fursad qaali ah oo looga heshiiyo hannaanka doorasahada dalka ee 2020/2021, sidaas awgeed waxay Madashu ku talinaysaa in si waafi ah looga farabuuxsado talada iyo go’aannada kasoo baxaya shirka, lagana fogaado in dalka iyo dadkaba la galiyo jahwareer siyaasadeed,” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha. “Madashu waxay ku baaqaysaa in la ballaariyo gogosha looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka dalka laguna casumo hoggaanka ururada Bulshada rayidlka ah iyo xisbiyada sayaasadeed, si looga feejignaado wax kasta oo keeni kara khilaaf.” Madasha ayaa sidoo kale ku baaqday in dib u eegis lagu sameeyo qaar ka mid ah qodobbadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb(3) gaar ahaan “qodobbada aan la jaanqaadi karin in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo.” Waxay sidoo kale sheegtay inay ka digeyso “heshiis kasta oo u gogol xaari kara muddo kororsi.” Qoraalka ayaa ugu dambeyn lagu yiri “Madasha Xisbiyada Qaran (MXQ) iyadoo ka amba qaadaysa marxaladda dalku uu marayo iyo sooyaalkii siyaasadeed, Madashu waxey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasuusineysaa inuu garab maray dhaqankii Dawliga ahaa ee 20kii nano ee lasoo dhaafay oo ahaa in muddo 30 maalmood gudahood lagu soo magacaabo Reysul Wasaare, taasoo ka dhigan inuusan Madaxweynuhu wali si dhab ah u wajihin xaaladda kala guurka ah ee dalku marayo.” The post Madasha Xisbiyada oo soo saartay dalabyo culus oo ku wajahan shirka Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
  22. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Warka-habeen-04092020.mp3 View the full article
  23. Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug loo sheegay iney si deg deg ah ugasoo qayb galaan [...] The post Breaking News— Beesha Caalamka oo ka dalbatay Madaxweynayaasha maqan inay Muqdisho iskasoo xaadiriyaan. appeared first on . Source