-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqad uu jawaab ku dalbanayo u diray taliska Amisom, kadib markii ciidamada Kenya ay dad shacab ah ku laayeen magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Warqaddan ay heshay Caasimada Online, oo uu kuu saxiixan yahay la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Cabdi Saciid Muuse Cali, kuna taariikheysan 1-da October 2020, ayaa waxaa loo diray ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahana madaxa AMISOM Francisco Madeira. “Waxaa la isla dhex-marayaa warbixino ku saabsan dhacdo ka dhacday meel u dhow Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kuwaas oo ku tuhmaya ciidamada Amisom inay rasaas ku fureen shacab Soomaaliyeed, toddobaadkii 21-ka September 2020,” ayaa lagu yiri warqadda. “Dowladda Soomaaliya waxay aad uga walaacsan tahay sawirro argagax iyo rabshado ay ka muuqdeen oo la wareejinayo, waxayna AMISOM ka codsaneysaa baaritaan deg deg ah oo daah-furan oo lagu sameeyo dhacdada.” Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale warqadda uga dalbatay AMISOM inay dowladda federaalka la wadaagto xaqiiqooyinka horudhaca ah ee la xiriira dhacdadan. “Waxaan sidoo kale codsaneynaa in baaritaanka si deg deg leh loo soo geba-gebeeyo, lala xisaabtamo kuwa ku lugta leh,” ayaa lagu yiri warqadda. Ciidamada Kenya ayaa 21-kii September waxay dad shacab ah oo aan waxba galabsan ku xasuuqeen Ceelwaaq, ayaga oo qaar kalena halkaas ka kaxeystay. Dhinaca kale, warar laga helayo Gedo ayaa sheegaya in markale diyaaradaha Kenya ay maanta duqeymo hor leh ka geysteen deegaano ka mid ah gobolka Gedo, inkasta oo weli aan faah-faahin laga helin khasaaraha ka dhashay. Hoos ka aqriso warqadda xafiiska madaxweynaha The post Villa Somalia oo warqad kulul u dirtay Amisom kadib xasuuqii ciidamada Kenya ee Ceelwaaq first appeared on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay geerida naxdinta leh ee ku timid Rug cadaa saxaafadeed Cabdulqaadir Maxamed Mursal oo ku geeriyooday dalka Mareykanka. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga tacsiyadeeyay asxaabtii iyo ehelladii uu ka geeriooday marxuumka, isaga oo alle uga baryay in uu janadii fardowso ka waraabiyo. “Allaha u naxariisto saxafigii weynaa marxuum Cabdulqaadir Maxamed Mursal oo ku geeriyooday dalka Mareykanka, waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, bahda saxaafadda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Marxuum Mursal waxa uu kaalin weyn ka soo qaatay horumarinta saxaafadda Soomaaliyeed ayuu yiri” RW Rooble. Mursal ayaa bilihii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay dalkaas, Gabadhiisa ayaa sheegtay in xanuunka safmarka ah ee COVID-19 uu ku dhacay balse uu ka bogsaday, hase yeeshee uu saameyn ku reebay. View the full article
-
The first Suicid bombing in Mogadishu after the appointment of Prime Minister Roble A suicide bomber blew himself up near the Bar Ubah and Black Sea intersections near Daallo, killing and injuring several people. The bomber struck shortly after noon in front of a Mogadishu police station. Witnesses reported that the explosion occurred under the tree often sit by the military in plain clothes, and some reports suggest that the blast carried out by a woman, some say. Ambulances arrived at the scene and evacuated the victims, but no casualties have been reported so far. Qaran News
-
Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in heshiis horudhac ah lagu gaaray shirka madaxda dowladda, kuwa dowlad goboleeyada gobolka Banaadir uga socda Muqdisho. Shirkan oo diirada lagu saarayo xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in is faham looga gaaray dhismaha saddex guddi oo muhiim u ah doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan sanadka na-soo aaddan ee 2021-ka Sidoo kale guddiyada oo isugu jira heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo guddiga xalinta khilaafaadka, sida ay tibaaxayaan wararka haatan soo baxaya. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale sheegaya in madaxdu ay isku fahmeen waqtiga ay doorashadu si toos ah u billaban doonto, taas oo la filayo in la guda-galo dhamaadka bishan October illaa horraanta November ee sanadkan 2020-ka. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan ah mid degan, waxaana socda qorshihii ugu dambeeyey ee loogu diyaar garoobayo doorashooyinka soo socda ee 2020/2021. View the full article
-
Haweeney Qarax is-miidaamina la beegsatay Sarkaal ka tirsan Srdoonka Somalia+Khasaaraha ka dhashay Dhimasho & Dhaawac Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ah oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir, kaas oo geystay waxyeelo kala duwan. Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Black Sea, waxaana wararku ay sheegayaan inay fulisay haweeney isku xirtay walxaha qarxa. Sidoo kale qaraxa oo jugtiisa meelo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho laga maqlay ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen ciidamo dhar cad ah oo ka tirsan kuwa nabad sugida ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in qaraxan lagu diley taliyihii ciidamada dhar cadda ee NISA u qaabilsanaa degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir. Marxuumka ayaa magaciisa lagu soo koobay, Caano-Geel, kaas oo xilliga uu qaraxu dhacayey isaga iyo ciidamo kale ay ku sugnaayeen halkaasi. Waxaa sidoo kale jira khasaare oo dhaawac ah oo gaaray illaa saddex qof oo kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Illaa iyo hadda wax faah faahin ah saraakiisha ammaanku kama bixin qaraxaas iyo khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa gudaha caasimadda ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu dilal qorsheysan iyo qaraxyo intaba. Qaran News
-
Ugu yaraan labo qof oo shacab ah ayaa ku dhintay, labo kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib dagaal maanta ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gudaha deegaankaasi. Wararka ayaa sheegaya in weerarka, kadib dagaa toos ah oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ka dhacay halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka shacabka ah ee ay waxyeeladu soo gaartay in xaafadahooda ay ugu tageen tiro hoobiyeyaal ah. Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada Xoogga dalka oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article
-
Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeymo xoogan ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi Duqeymaha ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu garaacay deegaano ay ku sugnaayeen dad reer mii ah, islamarkaana u badan xoolo dhaqaqto. Deegaanada ay sida gaarka ah diyaaradaha Kenya ay u beegsadeen ayaa waxaa ka mid ah Cows Qurun, Garsaal, Xisaguur iyo Likooley oo dhammaan hoostaga Ceelwaaq. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarkaasi ay diyaaradaha Kenya ku laayeen xoolo u badan Geel oo ay lahaayeen dadka ku dhaqan deegaanada la duqeeyey. Ciidamada Kenya ayaa muddooyinkii la soo dhaafay dhibaatooyin xoogan iyo duqeymo ka geysanayey koofurta Soomaaliya, siiba degmada Ceelwaaq iyo deegaanada hoostaga. View the full article
-
Dable Xoogga Dalka Maxamed Xuseen Cilmi ayaa loo xiray kufsi uu u gaystay Dhibanad Farxiyo Cabdi Shakuur Bootaan oo Afar jir ah, 14-kii May Sanadkan, Kufsigaasi oo ka dhacay degmada Wadajir. Maxamed Xuseen Cilmi ayaa lagu soo wareejiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana xabsiga dhexe loo taxaabay muddo kadib si loo hubiyo jiritaanka dambiga lala xiriiriyay ee uu ugu xirnaa hey’adda dambi barista Boliiska CID. Xafiiska Xeer Ilaainta Ciidamada Qalabka Sida ayaa baaritaan kadib hor geeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana xilligaasi loo dii waan geliyay qiraalkii ka dhashay horgeyntiisa Maxkamadeed. Maxamed Xuseen Cilmi ayaa ay Maxkamadda Ciidamada mudeysay in la dhageysto dacwadda ka dhanka ah bilowgii september, waxaana dhageysiga kama dambeysta ah ee Maxkamadda la soo gaba gabeeyay 24-kii bishan. Intii ay socotay Maxkamadeynta Maxamed Xuseen Cilmi ayaa la dhageystay baarihii kiiskan, sidoo kale Maxkamadda ayaa lala wadaagay warqadda cadeynta saameynta dhibanaha gaaray. Eedeysanaha oo isna kamid ah dadka fursadda loo siiyay fadhigan Maxkamadeed ayaa markale ku jawaabay in uu isaga qaadanayo masuulliyadda dhibkii dhacay laakiin uusan ka jawaabi Karin sababta ku kaliftay inuu kufsado gabar ciyaal ah oo ay daris yihiin, waxa uu intaasi ku daray in xilli dambe oo wax walba ay dhaceen ay dib kala xumaatay. Muumin Xuseen Cadullaahi ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda weydiistay in ay fariin uga dhigto xukunkeeda in fal dambe oo kufsi ah uusan ku fikirin qof kamid ah Ciidamada Qalabka Sida. Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa ku dacwooday in aan loo qaban qiraalka eedeysanaha xukun ahaan bedlkeedsa ay codsanayaan in Maxkamadda ay siiso fursad ay kula macaamilaan ehelka dhibanaha. Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee CQS ayaa la tashi iyo fadhiya Maxkamadeed kadib ku riday xukun Dil ah maanta sida uu la wadaagay dhinacyada dacwadda. Xukunsane Maxamed Xuseen Cilmi ayaa haysto fursad uu ku dalban karo Rafcaan. View the full article
-
Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen ciidamo dhar cad ah oo ka tirsan kuwa nabad-sugida Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ay fulisay haweeney isku xirtay walxaha qarxa, waxaana qaraxaas ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ugu yaraan labo askari oo uu ku jiro taliyihii dhar cadda ee aagaasi ayaa ku dhintay qaraxan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Sdioo kale waxaa ku dhaawacmay saddex qof oo kale oo ka agdhowaa meesha uu qaraxu ka dhacay, kaas oo ay mas’uuliyaddiisu sheegatay Al-Shabaab. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal amni darro oo isugu jira dilal qorsheysan iyo qaraxyo oo qaarkood ay sheegatay Al-Shabaab. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa isla fahmay xilliga doorashada iyo dhismaha guddiyada maamuli doona doorashooyinka guud ee dalka. Madaxda ayaa isla gartay qodob oo si cad u qeexaya jadwalka xulista xildhibaanada Baarlamaanka, gaar ahaan Aqalka Sare, waxaana loo jaangooyey in Aqalka Sare doorashadiisa ay bilaabato 15-ka October lana soo afjaro 15-ka November. Weli lama go’aamin xilliga doorashada Golaha Shacabka, maadaama ay ka dhib badan tahay kana muddo dheer tahay tan Aqalka Sare, waxaana socda wada-tashiga arrintaas la xiriira. Ilo-wareedyo ku sugan madaxtooyada ayaa Caasimada Online u sheegay in is-faham laga gaaray dhismnaha saddex guddi oo ka shaqeyn doona arrimaha doorashada, kuwaas oo kala ah; guddiga doorashada heer federal, guddiga doorashada heer gobol, iyo guddiga xalinta khilaafaadka. Guddiga heer federaal iyo kan heer gobol ayaa wadajir uga shaqeyn doona doorashada. Guddigan xalinta khilaafaadka ayaa waxaa magacaabi doona madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee waxaa xubno ku yeelan doona maamul goboleedyada. Tirada xubnaha ayaan weli la go’aamin iyo sida loo kala helayo. is-afgaradkaan dhexmaray labada dhinac wuxuu mugdiga ka saarayaa heshiiskii bartamahii bishii lasoo dhaafay lagu gaaray magaalada Muqdisho. Doorashada la aadi doono waa mid aan ku duwaneyn kuwii hore, waxaa wax lagu qeybsan doonaa nidaamka 4.5, ma jiri doonto in axsaab lagu galo, kaliya waxaa lasoo kordhiyay in laba goobood la dhigo kuraasta iyo sidoo kale in 101 ergo ay soo doorato halkii xildhibaan. Beesha caalamka ayaa ku riixday hogaamiyayaasha dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe iney ka heshiiyaan marxaladda kala guurka ee dalka uu marayo, waxaana hadda jirta wax badan oo la isku waafaqsan yahay. The post Shirka Villa Somalia: Xilliga doorashada iyo qodobo kale oo is-faham laga gaaray first appeared on Caasimada Online.
-
Wararka aan ka heleyno isgoysha Black sea dhanka Hawlwadaag, ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qof haweeney ah ay qarax fulisay. Dad xaafadda deggan ayaa Goobjoog News u sheegay in lagu bartilmaameedsaday sarkaal ka tirsan hey’adaha amniga, isaga oo halkaa ku geeriyooday. Weli war rasmi ah kama soo bixin hey’adaha amniga, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Dable Xoogga Dalka Maxamed Xuseen Cilmi oo horay loogu xiray kufsi uu u gaystay Farxiyo Cabdi Shakuur Bootaan oo Afar jir ah, 14-kii May Sanadkan, Kufsigaasi oo ka dhacay degmada Wadajir. Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee CQS ayaa la tashi iyo fadhiya Maxkamadeed kadib ku riday xukun Dil ah sida uu la wadaagay dhinacyada dacwadda. Dable Xoogga Dalka Maxamed Xuseen Cilmi ayaa loo xiray kufsi uu u gaystay Farxiyo Cabdi Shakuur Bootaan oo Afar jir ah, 14-kii May Sanadkan, Kufsigaasi oo ka dhacay degmada Wadajir. Maxamed Xuseen Cilmi ayaa lagu soo wareejiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana xabsiga dhexe loo taxaabay muddo kadib si loo hubiyo jiritaanka dambiga lala xiriiriyay ee uu ugu xirnaa hey’adda dambi barista Boliiska CID. Xafiiska Xeer Ilaainta Ciidamada Qalabka Sida ayaa baaritaan kadib hor geeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana xilligaasi loo dii waan geliyay qiraalkii ka dhashay horgeyntiisa Maxkamadeed. Maxamed Xuseen Cilmi ayaa ay Maxkamadda Ciidamada mudeysay in la dhageysto dacwadda ka dhanka ah bilowgii september, waxaana dhageysiga kama dambeysta ah ee Maxkamadda la soo gaba gabeeyay 24-kii bishan. Intii ay socotay Maxkamadeynta Maxamed Xuseen Cilmi ayaa la dhageystay baarihii kiiskan, sidoo kale Maxkamadda ayaa lala wadaagay warqadda cadeynta saameynta dhibanaha gaaray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-duhur-01102020.mp3 View the full article
-
Weriye Cabdulqaadir Mursal oo ku geeriyooday Mareykanka Waxaa xalay isbitaal ku yaalla magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ku geeriyooday Cabdulqaadir Maxamed Mursal oo ahaa rugcaddaa saxaafadeed, sida ay BBC-da u xaqiijisay gabadhiisa. Mursal ayaa bilihii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay dalkaas. Gabadhiisa ayaa sheegtay in xanuunka safmarka ah ee COVID-19 uu ku dhacay balse uu ka bogsaday, hase yeeshee uu saameyn ku reebay. Wuxuu Mursal in muddo ah ku noolaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo sanadkii 2014 u wareegay dalka Mareykanka, halkaas oo uu ka aasaasay idaacadda KALY, Codka Soomaalida Mareykanka oo uu markii ugu dambeysay madax ka ahaa. Wuxuu sidoo kale soo noqday agaasimihii Radio Muqdisho, tifaftirihii Radio IRIN ee markii dambe loo beddelay Radio Ergo. Qaran News
-
Haweeney doorasho kaga guuleysatay nin ay xafiiskiisa ka shaqeyn jirtay Waxay la wareegeysaa xafiiskii ay afar sano xaaqi jirtay Haweeney lagu magacaabo Marina Udgodskaya, muddo afar sano ahna ka shaqeyneysay nadaafadda xafiiska gollaha deegaanka ee magaalada Povalikhino ee dalka Ruushka ayaa wacdaro ka dhigtay dalkaas kadib markii ay ka guuleysatay ninkii ay xafiiska u nadiifin jirtay. Marina oo 35 sano jir ah ayaa haatan isu diyaarineysa in ay la wareegto xafiiskii ay xaaqi jirtay kadib markii ay ku guuleysatay doorashada gollaha deegaanka horraantii bishan. Nikolai Loktev oo katirsan xisbiga talada haya ee Ruushka, xilkaasina hayay ayaa haweeneydan ku qanciyay in ay la tartanto oo ay u buuxiso shuruudda doorashada ee ah in halkii melba ay ku tartamaan laba musharax iyo wixii ka badan, maadaama aysan jrin cid kale oo la tartameysay. Waxaa uu doonayay in uu dib usoo laabto, iyaduna ay u buuxiso shuruudda laga rabo. Haseyeehsee xaaladda ayaa ku xumaatay Nikolai kadib markii ay haweeneydan uga adkaatay doorashada, waxaana lagu wadaa inuu xafiiska mar dahw ku wareejiyo Arrintan ayaa soo jiidatay indhaha dad badan, qabsatayna warbaahinta caalamka. Qaran News
-
As long as the Renaissance Dam remains an instrument in Ethiopia’s bid to control the Blue Nile, negotiations are doomed. Reconciling Ethiopia’s developmental needs with Egypt’s imperative of survival is not an insurmountable challenge. For almost a decade, Egypt, Ethiopia, and Sudan have been negotiating over the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD). Unfortunately, these negotiations have not led to an agreement. Reams of technical reports have been written, dozens of statements have been issued, and hundreds of meetings have been held with heads of state and government, foreign ministers and water ministers, hydrologists and engineers, lawyers and litigators, and foreign mediators and international observers. Yet there is little—apart from a 2015 treaty that provided a legal framework to govern the negotiations—to show for this diplomatic commotion. The reason these efforts have failed is that there is a fundamental divergence on the purpose of these negotiations. Egypt is pursuing an agreement based on a simple and mutually beneficial quid pro quo: Ethiopia should be able to generate hydropower from the GERD while minimizing the harm on downstream communities in Egypt and Sudan. Ethiopia’s objective, however, is to exploit these negotiations to assert control over the Blue Nile, the largest tributary of the Nile River, and to reconfigure the political topography of the Nile Basin. The classic conundrum of transboundary watercourses is that downstream states, with their lush valleys and bountiful deltas, often construct sophisticated riparian-based economies before mountainous upstream states begin to develop the need and capacity to exploit these shared natural resources. This is particularly true in the Nile Basin. For its entire history, Egypt, which is essentially a desert oasis of 100 million people, has been entirely dependent on the Nile for its survival. Ethiopia, on the other hand, is a water-rich upstream country that has recently begun to utilize its many transboundary rivers as vehicles of development through the construction of hydropower dams. The predicament, however, is that upstream developments invariably affect downstream states and could expose millions of people to the ravaging effects of water shortages. This danger is especially acute in the case of the GERD, which, when construction is completed, will be Africa’s largest hydropower dam with a storage capacity more than twice that of the United States’ Hoover Dam. If it is filled and operated without an agreement with Egypt and Sudan, the GERD could have disastrous impacts on the livelihood of downstream communities. Indeed, when Ethiopia unilaterally commenced the filling of the GERD in July by rapidly impounding nearly 5 billion cubic meters of water, Sudan experienced disruptions in drinking water supply systems and hydropower production facilities. (As a sign of mounting concern about Ethiopia’s decision to fill the dam and the lack of progress in the negotiations, the United States announced a “temporary pause” of a portion of U.S. aid to Ethiopia.) Reconciling Ethiopia’s developmental needs with Egypt’s imperative of survival is not an insurmountable challenge. In February, the United States brokered an agreement that did just that. It enabled Ethiopia to generate hydropower from the GERD expeditiously and sustainably while reducing the harmful effects of the dam. Yet while Egypt accepted and initialed this agreement, Ethiopia rejected it. Since then, there have been two rounds of negotiations between Egypt, Ethiopia, and Sudan, which were attended by observers from the African Union, the European Union, and the United States. During these talks, Egypt and Sudan proposed multiple solutions based on the win-win formula of ensuring that the GERD produces hydropower while minimizing its adverse effects. Nonetheless, Ethiopia remained implacable. The reason is that, for Ethiopia, these negotiations are about much more than the GERD and its economic value. Indeed, the dam is an instrument in an Ethiopian bid to exercise unrestricted control over the Blue Nile, to free itself of the restraints of international law that apply to all riparian states sharing international watercourses, and to force Egypt and Sudan into apportioning the waters of the Nile on Ethiopia’s terms. These motives are reflected in Ethiopia’s proposals throughout the negotiations this year, such as the text that Ethiopia sent to the U.N. Security Council in June. These proposals demonstrate that Ethiopia is unwilling to conclude a legally binding agreement—it has even refused to call the instrument being negotiated an “agreement.” It has also rejected the inclusion of any binding dispute resolution mechanism and has instead suggested that disagreements be solved through negotiation and mediation. Meanwhile, the Ethiopian government is demanding that Egypt and Sudan sign off on a document that grants it the right to unilaterally adjust the terms of an agreement on the GERD. It is insisting that any such agreement should give Ethiopia the unrestrained right to undertake more development projects and to alter the GERD agreement to accommodate these new waterworks in the future. Yet that would effectively require Egypt and Sudan to sign away their riparian rights and turn themselves into Ethiopia’s hydrological hostages. Ethiopia is also arguing that Egypt and Sudan must accede to the Cooperative Framework Agreement, an ineffectual and divisive treaty that was designed a decade ago to manage the Nile waters but that has since lacked the requisite support to come into force. Moreover, Ethiopia insists that any GERD agreement should be terminated if Egypt and Sudan do not agree to apportion specific shares of the Nile waters for the riparian states of the White Nile, the other major tributary of the Nile, within a decade—even though the White Nile doesn’t flow through Ethiopia itself. In short, Ethiopia is seeking to establish a hydrological tabula rasa by dictating the distribution of the river’s waters and disregarding the realities of geography that have long made Egypt’s survival dependent on the Nile. On the other hand, Egypt’s position has been principled and pragmatic. It recognizes Ethiopia’s inalienable right to enjoy the benefits of the Blue Nile and to undertake future development projects. However, Egypt believes that international law should govern any future projects on the Blue Nile. Moreover, Egypt understands that it will be impossible, in these negotiations on the GERD, to overcome decades of disagreements on the legal and institutional infrastructure that governs the Nile Basin. Therefore, Egypt is pursuing the attainable by working to reach an agreement exclusively on the GERD. This would be a technical agreement that regulates a single project on a single tributary of the Nile River by outlining the details of the filling and operation of the GERD. It would not foreclose Ethiopia’s right to undertake future development projects nor would it undermine the riparian rights of downstream states. It would also bypass intractable issues, such as that of the Cooperative Framework Agreement, that have bedeviled the Nile Basin for decades. Behaving as though the management of an international watercourse is a zero-sum game is untenable. Ethiopia should not seek to establish a fait accompli or exploit the riches of the river by diktat. Doing so would only inflame tensions and undermine stability throughout East Africa. In order to preserve the peace in an already turbulent region, Egypt, Ethiopia, and Sudan must avoid a scenario where one state threatens the existence of downstream communities or turns a dam into a Damoclean sword. The AU, the EU, and the United States should prod the parties to exercise flexibility and encourage Ethiopia to conclude a legally binding agreement that enables the country to achieve a return on its investment in the GERD while protecting downstream communities. Such an agreement would build trust and confidence, thus laying the foundations for broader cooperation on future development projects in the Nile Basin. Mohamed S. Helal is a visiting associate professor at Harvard Law School and an associate professor at the Ohio State University’s Moritz College of Law. Source: Marsad The post Ethiopia’s Power Play on the Nile Has Left the Region in a Deadlock appeared first on Puntland Post.
-
At least one person was reportedly killed and several wounded on Thursday morning after a suicide bomb attack in the capital, Mogadishu. Witnesses say a female bomber targeted plainclothes police personnel at the Black Sea junction early in the morning, killing their commander. There was no immediate claim of responsibility for the attack, which comes amid tight security measures in the city. More to follow soon. View the full article
-
Wararka kasoo baxaya shirka madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada uga socda Muqdisho ayaa sheegaya in la isku khilaafay tirada iyo magacaabista xubnaha labada guddi ee la dhisayo. Shirkan oo lagu waday in lagu dhiso guddiyada maamulaya doorashada dadban iyo midka xallinta khilaafaadka ayaa la sheegayaa in maamullada ay ka mid yihiin Puntland codsadeen in xubnaha loo kordhiyo. Maamulladan ayaa codsaday in halkii dowlad goboleedyada ay min labo xubnood ahaayeen iyaga si gaar ah loo siiyo ilaa 4 xubnood. Dowlad goboleedka iyo inta badan madaxda maamul goboleedyada ayaa ku qanacsan in xubnaha ka imaanaya dowlad goboleedyada ay noqdaan mid 2 xubnood, oo guud ahaan noqon doono 12 xubnood, waana sidii ay ahaayeen 2016-kii Dhanka kale, arrimaha miiska saaran waxaa ka mid ah howlmaameedkooda, ajendaha doorashada, muddeynta iyo arrimo kale. Arrimaha ay dadka Soomaaliyeed isha ku hayaan waa sida loo dejiyo jadwalka doorashada, maalmaha doorashada aqalka sare, golaha shacabka, madaxweynaha iyo weliba kuraasta la geynayo ama la kala dhigayo labada magaalo ee dowlad goboleedyada. Wararka shirka iyo wixii ka soo baxa halkan kala soco. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ah oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir, kaas oo geystay waxyeelo kala duwan. Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Black Sea, waxaana wararku ay sheegayaan inay fulisay haweeney isku xirtay walxaha qarxa. Sidoo kale qaraxa oo jugtiisa meelo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho laga maqlay ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen ciidamo dhar cad ah oo ka tirsan kuwa nabad sugida ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in qaraxan lagu diley taliyihii ciidamada dhar cadda ee NISA u qaabilsanaa degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir. Marxuumka ayaa magaciisa lagu soo koobay, Caano-Geel, kaas oo xilliga uu qaraxu dhacayey isaga iyo ciidamo kale ay ku sugnaayeen halkaasi. Waxaa sidoo kale jira khasaare oo dhaawac ah oo gaaray illaa saddex qof oo kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Illaa iyo hadda wax faah faahin ah saraakiisha ammaanku kama bixin qaraxaas iyo khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa gudaha caasimadda ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu dilal qorsheysan iyo qaraxyo intaba. The post Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha ka dhashay qaraxii Black Sea first appeared on Caasimada Online.
