Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump iyo Xaaskiisa Melania Trump ayaa laga helay cudurka Covid-19, ka dib tijaabo xalay lagu sameeyey. Trump ayaa partiisa twitter-ka ku cadeeyey in isaga iyo xaaskiisa baaritaankii lagu sameeyey lagu ogaaday inay cudurka qabaan, aysana jirin xilligan xaalad caafimaad darro ee ay dareemaayan, balse ay rajeynayaan inay ka soo kabtaan cudurka. Aqalka cad ee Maraykanka looga taliyo ayaa baahiyey qoraalka Dr. Sean Conley oo ah dhaqtarka gaarka ah ee madaxweynaha Maraykanka, kaas oo lagu sheegay in madaxweynuhu sii wadi doono hawlaha Qaranka, isagoo gurigiisa isku karaantiilaya, wixii kiiskan ka soo kordhana ay bulshada la wadaagi doonaan. Dhammaan kulamadii siyaasadeed ee todobaadyadan u qorshaysnaa Trump ayaa la joojiyey, sida aqalka cad uu xaqiijiyey, iyadoo laga fogaanayo in Trump ay dad la kulmaan. Trump oo 74-jir ah ayaa dhawr jeer todobaadkan la safray Hope Hicks oo ah lataliye sare oo ka tirsan Aqalka sare, taas oo iyadana laga helay cudurka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Trump iyo Xaaskiisa oo laga helay COVID-19 appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii xarunta Villa Somalia uga socday madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ayaa lagu go’aamiyey jadwalka doorashada dalka ka dhaceysa. Jadwalka ayaa qeexaya in hanaanka doorashada si rasmi ah loo galo 10-ka bishan October, ayada oo illaa 20-ka bisha lasoo magacaabi doono labada guddi ee doorasho ee heer federal iyo heer gobol. 20-31-ka October ayaa loo asteeyey in la dhiso lana tababaro guddiyada doorashada. Bisha November, 1 illaa 30 ayaa waxaa lagu soo geba-gebeyn doona soo xulista ergooyinka dooranaya xildhibaanada iyo goobaha cod-bixinta. Doorashada ugu horreysa ayaa dhaceysa 1-da December 2020, waxayna socon doontaa illaa 10-ka, xilligaasi oo lasoo dooran doono Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya. Waxaa kadib xigi doona doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka, oo dhaceysa inta u dhaxeysa 10-ka illaa 27-ka December 2020. Ugu dmaben doorashada guddoonka labada Aqal ayaa dhaceysa 1-da Janaayo, halka doorashada madaxweynaha ay dhici doonto 8-da Febraayo 2020. Haddii jadwalka sidiisi u hir-galo, madaxweyne Farmaajo waxa uu noqon doonaa madaxweynihii ugu horreeyey ee dowladda federaalka ee aan hal maalin ku darsan muddo xileedkiisa, inkasta oo muddo lagu eedeynayey damac muddo kororsi. Hoos ka arag jadwalka The post Jadwalka doorashooyinka 2020/21 oo lasoo saaray first appeared on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii xarunta Villa Somalia uga socday madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ayaa laga soo saaray habraac la sheegay inuu yahay hir-gelinta heshiiska siyaasadeed ee hagaya doorashada 2020/2021. Habraacan ayaa waxa uu quseyaa kaliya xallinta khilaafaadka doorashada iyo dhismaha guddiga xalinta khilaafaadka, waxaana la filayaa in habraacyo kale laga soo saaro shirka. Haddaba hoos ka aqriso habraaca lasoo saaray. Habraaca Hirgalinta Heshiiska Siyaasadeed ee Hagaya Doorashada 2020/2021 ee heer Federaal. Guddiga Xallinta Khilaafaadka ee Doorashada dadban ee 2020/2021 Muqdisho, 1 October 2020 Hannaanka Madaxabanaan ee Xallinta Khilaafaadka Doorashada 2020/2021 Mabaadi’da Guud ee Hannanka Xallinta Khilaafka ee Doorashada 2020/21 1. Golaha Wadatashiga Qaranka waxay go’aamiyeen in Doorashada 2020/21 loo sameeyo hannaan madax-bannaan oo lagu xalliyo khilaafaadka ka dhasha doorashada, kaas oo ku saleysan dhaqanka Soomaaliyeed iyo mabaadii’da caalamiga ee Xuquuqda Aadamiga. 2. Golaha Wadatashiga Qaranka iyagoo ka duulaya Mabaadi’da caalamiga, ilaalinta sharafta hannaanka doorashada, dhowrista xuquuqda codbixiyeyaasha iyo musharaxiinta, waxaay lagama maarmaan u arkeen in la sameeyo habraac cabasho oo waxtar leh lana fulin karo, kaasoo lagu xukmin ama go’aamin karo cabashada codbixiyeyaasha iyo musharaxiinta si sharci iyo sinnaan leh. Qaab-dhismeedka Guddiga 1. Guddiga Xallinta Khilaafaadka waxaa la dhisayaa ka hor magacaabidda/diiwaangelinta murashaxiinta iyo hawsha soo xulidda ergooyinka, waana inay socotaa ilaa laga xaqiijiyo natiijada kama dambeysta ah ka dib marka la eego dhammaan cabashooyinka iyo diidmada doorashada. 2. Guddigu wuxuu ka koobnaan doonaa labaatan iyo kow xubnood (21), kuwaas oo 9 xubnood ay soo magacaabayso Dowladda Federaalka ah, halka 12 xubnood oo kale ay soo kala magacaabayaan Dowladaha Xubnaha ka ah DF min labo (2) xubnood. 3. Waxaa la ilaalinayaa Metelaadda haweenka ee guddiga xallinta khilaafaadka iyagoo (30%) xubnaha guddiga ay noqonayaan dumar. 1. Guddiga xaruntiisu waxay noqoneysaa magalada Muqdisho, wuxuuna xafiisyo ku yeelanayaa xarumaha ay doorashadu ka dhacayso, iyadoo tixgalin gaar ah loo sameynayo Somaliland. 2. Guddigu waxaa uu kulan kooda ugu horeeya iska dhex dooranayaan Guddoomiye iyo Guddomiye ku xigeen. Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka waxaa la dooranayaa cod hal dheeri ah (50%+1). 3. Guddoomiyaha Guddiga ayaa saddex (3) xubnood u magacaabaya in ay ka hawl-galaan mid kasta oo ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah DF, waxayna go’aanadooda ku gaarayaan cod hal dheeri ah. Hannaanka Xalinta Khilaafaadka doorashada ee 2020/2021: 1. Waxaa dacwad u gudbin kara guddiga xallinta khilaafaadka ergooyinka codbixiyayaasha ah iyo musharixiinta oo ay si toos ah u saameyo xadgudubyada ka dhasha maamulka doorashada. 2. Guddigu waxa uu ku dhameystirayaan go’aaminta cabashooyinka muddo todoba (7) maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa maalinta cabashada loo soo gudbiyey si dhameystiran. 3. Guddigu waa inuu go’aannada cabashada ugu gudbiyaa dacwoodaha 24 saacadood gudahood marka go’aanka la qaato. 4. Kulamada guddiga ee lagu eegayo ama dhagaysanayo go’aanada guddiga, waa inay guud ahaan ahaadaan kuwo dadweynaha u furan (sida goobjoogeyaasha gudaha ee la ogolaaday, wakiillada musharaxiinta, wakiillada warbaahinta) haddii aysan jirin sabab amni. 5. Arrimaha ama diidmada u baahan xal siyaasadeed waxaa go’aan ka gaaraya Golaha Wadatashiga Qaranka si isla ogol ah. 6. Qofkasta oo cabasho u gudbiya Guddiga waa in uu bixiyaa lacagta diiwangalin cabashada oo dhan $3,000 oo dollar (sadex kun oo dollar), waraaqda cadaynaysa in uu ku shubay xisaabta bangiga ee Guddiga dooroshooyinka heer Federal waana in uu kusoo lifaaqaa galka cabashadiisa. Xilalka & Waajibaadka: Guddiga xallinta khilaafaadka wuxuu awood sharci ah u leeyahay inuu eego oo go’aamiyo arrimaha soo socda: 1. Guddigu wuxuu ka mas’uul yahay u garnaqidda iyo xallinta cabashooyinka laga keenay go’aanada iyo tallaabooyinka ay qaadeen labada heer ee Guddiyada ; 2. Guddigu wuxuu xaq u yeelan doonaa inuu baaritaan ku sameeyo oo uu go’aamiyo cabashooyinka iyo diidmada laga keeno arrimaha la xiriira musharaxnimada ama cod-bixiyenimada sida (cagajugleynta, cod iibsiga, joojinta hawsha, saameyn xun oo lagu sameeyo isugeynta ama ku dhawaaqidda natiijada); 3. Guddigu waxa uu go’aannada ku qaadan doonaa aqlabiyad (50%+1) haddii ay xubnaha guddigu isku raaci waayaan go’aan wadar ogol ah, ka dib marka waqti ku filan la siiyo doodda iyadoo la raadinayo go’aan wadar ogol ah; 4. Muranka lagu diido go’aanada ay gaareen Guddiyada labada heer ee ku aaddan kala shaandheynta ergooyinka doorashada iyo/ama murashaxiinta u tartamaya mid ka mid ah labada Aqal ee Baarlamaanka; 5. Go’aanada Guddiga Xalinta Khilaafaadka waxaa dib u fiirin kara Madaxda Dowlada Federalka ah iyo madaxda Dowlaha Xubnaha ka ah, Go’aankaas ay Madaxdu gaarto ayaa noqonaya go’aanka kama denbeysta ah, dibna dacwadaas uma gali karaan Guddi ama hay’ad kale oo sharci ah. DHAMMAAD The post Sidee DF iyo maamullada u kala qeybsadeen guddiga xalinta khilaafaadka (Aqriso) first appeared on Caasimada Online.
  4. A hunt for recognition sometimes makes for strange bedfellows One is a small, surprisingly successful and relatively democratic country bullied by a larger, dictatorial neighbour which considers it to be part of its own territory. The other is Taiwan. On September 9th Somaliland, a breakaway republic in the north of Somalia, opened a “representative office” in Taipei, the capital of Taiwan. It followed the opening in August of a similar Taiwanese office in Hargeisa, Somaliland’s capital. The exchange of diplomatic relations is a coup for Somaliland, which declared independence in 1991 after the fall of Somalia’s last dictator, Siad Barre. Like Taiwan, it is a country in all but name. It has a government, an army and borders. It holds elections and, unlike the rest of Somalia, has been mostly peaceful for the past 30 years. It issues passports. Yet Somaliland has struggled for recognition. Barely a dozen countries recognise its passports (a government minister with dual British citizenship confesses that he does not use his Somaliland one: he has less explaining to do when presenting one issued by Her Majesty’s Passport Office). Not one considers it an independent country, and it has no seat at the United Nations. In Mogadishu, the bombed-out capital of Somalia, foreign diplomats studiously ignore Somaliland’s existence lest they upset the squabbling local politicians who consider it part of their country. According to Liban Yusuf Osman, Somaliland’s deputy foreign minister, Taiwan can be a valuable ally for his country. “Taiwan…has economic advancement we can learn a lot from,” he says. He points out that Somaliland doctors have been training in Taiwan for more than a decade, travelling on their Somaliland passports. He hopes that formal relations may bring more such benefits. At Berbera, Somaliland’s dusty second city on the Gulf of Aden, dp World, an Emirati company, is building a colossal new port. Mr Osman hopes that Taiwanese firms may open up there too, perhaps to develop oil or mining. Yet it is geopolitics, not economics, that drives the relationship. A few decades ago Taiwan still had a handful of diplomatic relationships across the continent, including with South Africa under apartheid. Loans and aid projects helped seal Taiwan’s ties to poor countries such as Niger, Burkina Faso and the Gambia. But China insists that countries choose relations either with Beijing or with Taipei. As its economic might has grown, so even these holdouts have switched their recognition to China. By 2018 Eswatini (a tiny monarchy formerly known as Swaziland) was Taiwan’s last friend in Africa. Now it has two. Source: The Economist The post Outcasts united: Somaliland and Taiwan establish diplomatic ties appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii xarunta Villa Somalia uga socday madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ayaa laga soo saaray habraac la sheegay inuu yahay hir-gelinta heshiiska siyaasadeed ee hagaya doorashada 2020/2021. Habraacan ayaa waxa uu quseyaa Guddiga Hirgalinta Doorashada 2020/21 ee Heer Federal (GHDHF). Haddaba hoos ka aqriso habraaca Habraaca Hirgalinta Heshiiska Siyaasadeed ee Hagaya Doorashada 2020/2021 ee heer Federaal Guddiga Hirgalinta Doorashada 2020/21 ee Heer Federal (GHDHF) Muqdisho, 1 October 2020 Mabaadii’da Doorashada 2020/2021 1. Golaha Wadatashiga Qaranka, iyaga oo fulinaya heshiiskii siyaasadeed ee soo baxay September 17, 2020, qodobkiisa 1aad oo dhigaya Magacabista Guddiyo labo heer ah, ansixiyeenna Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, September 26, 2020, waxay habraacaan ku qeexayaan guddiyo labo heer ah oo kala ah Guddiga Hirgalinta Doorashada ee Heer Federaal (GHDHF) iyo Guddiga Maamulka Doorashada ee Heer Dowladaha Xubnaha ka ah (GMDHDX) Dowlada Federalka ah (DF) ee 2020/2021 ay yeelanayso mid kasta oo ka mid ah Dowladaha Xubnaha ka ah DF ka ah. 2. Golaha Wadatashiga Qaranka waxay isla qaateen in la diyaariyo lana bilaabo ka shaqeynta hannaanka doorshooyinka toos ka ah ee hal qof iyo hal cod (1Q1C) ee 2024/2025. 3. Golaha Wadatashiga Qaranku, wuxuu go’aamiyay in Guddiga Hirgalinta Doorashada ee Heer Federaal 2020/21 uu ka koobnaado 25 xubnood, oo 13 ka mid ah ay soo magacaabeyso DF, halka 12 xubnoodna soo magacaabayaan Dowladaha Xubnaha ka ah DF. 4. Guddigu waxay u gudan doonaan xilkooda, si ka madax-bannaan mas’uuliyiinta siyaasadda iyo hay’adaha labada heer ee go’aanada gaara. 5. Guddiga Hirgalinta Doorashada ee Heer Federaal waa in ay ka mid noqdaan ugu yaraan 30% dumarku, si loo xaqiijiyo ka qayb-galka siyaasadeed ee dumarka. 6. Miisaaniyadda Guddigu ku shaqaynayo waxaa bixinaya Dowladda Federaalka ah iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee taageera doorashooyinka. 7. Muddo-xileedka Guddiga, waxay ku egtahay hirgalinta doorashada ee 2020/21. Shuruudaha Xubinnimada Guddiga Hirgalinta Doorashada ee Heer Federaal ee 2020/2021 1. Waa inuu yahay muwaaddin Soomaaliyeed, Muslim ah, dhimirkiisu dhan yahay, da’adiisuna ka yareyn 35 sano xiliga la magacaabayo. 2. Waa in uu yahay qof dhexdhexaad ah, kuna leeyahay sumcad wanaagsan bulshada dhexdeeda. 3. Waa inuu yahay qof hufan, karti leh, una gudan kara waajibaadkiisa si daahfuran. 4. Waa in Maxakamadi aysan ku xukumin xarig ka dhashay fal danbiyeed ciqaab ah shanti sano ee ugu danbeysay. 5. Waa in uusan xil-siyaasadeed ka hayn dalka. 6. Waa in aqoontisu aysan ka hooseyn heerka kowaad ee Jaamacadda ama waayo aragnimo u dhiganta uu leeyahay. 7. Waa inuu fahmi karo hagayaasha nidaamka doorashooyinka ee 2020/21. 8. Waa in uusan wax xiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada. Qaab-dhismeedka Guddiga: 1. Guddiga Hirgalinta Doorashada ee Heer Federaal ee 2020/2021, waxay kulan kooda ugu horeeya iska dhex-dooranayaan Guddomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen. Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenka waxaa lagu dooranayaa aqlabiyad ah (50%+1) ee xubnaha guud ee guddiga. 2. Shirarka Guddigu waxay ku qabsoomayaan saddex meelood labo meel ee tirade guud ee Guddiga. 3. Guddigu waxay go’aanada ku gaarayaan cod hal dheeri ah. Xilalka iyo Waajibaadka Guddiga Hirgalinta Doorashada ee Heer Federaal ee 2020/2021 1. Guddiga GHDHF waxa uu mas’uul ka yahay guud ahaan kormeerka hannaanka doorashada iyo xaqiijinta in ay si isku mid ah u dhacdo. Guddiga GHDHF waa hay’adda ugu sarreysa ee kormeerka iyo hagidda hannaanka doorashada ee 2020/2021. 2. Guddigu wuxuu qorsheynayaa isla markaana hagayaa habka Doorashada dalku u dhacayso. 3. Guddigu wuxuu dajinayaa miisaaniyadda doorashada wuxuuna u maamulayaa si waafaqsan nidaamka maaliyadeed ee dalka. 4. Guddigu waa in uu ku dhaqmaa habraacyadii la isticmaalay doorashadi 2016, waafajiyaana hannanka doorashada ee 2020/2021. Sidaa daraaded, habraacyada aan ku caddeyn doorashada 2020/21, waxaa loola noqonayaa habraacyadii doorashadii 2016ka. 5. Guddigu waxa uu hubinayaa xarumaha loo asteeyey doorashada isagoo kaashanaya Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha xubnaha ka ah DF. 6. Guddigu waxay hubinayaan habraaca ay ku yimaadeen xubnaha ergooyinka doorashada, musharixiinta, iyo ku dhawaaqidda natiijada. 7. Guddigu waxay shaqaaleysiinayaan howlwadeenada lagama maarmaanka u ah fulinta howlaha Guddiga. 8. Guddigu waxa uu daba-galayaa fulinta hannaankii lagu heshiiyey ee qabsoomidda doorashada. 9. Guddigu waxa uu daabacayaa, qaybinayaa waraaqaha codbixinta iyo agabka kale ee muhiimka u ah qabsoomidda doorashada. 10. Guddigu wuxuu kormeerayaa, tababarayaa, kaalmaynayaa, hubinayaana in Guddiyadu ay raaceen habraacyadii iyo hannanka doorashada ee la isku raacay. 11. Guddigu wuxuu sameynayaa anshaxa hab-dhaqanka hannaanka doorashada (Code of Conduct). 12. Guddigu waxa uu dhiiri-gelinayaa haweenka in ay u tartamaan, kana qeyb-galaan olalaha doorashada ee labada aqal ee Baarlamaanka Federalka. 13. Guddigu waxa uu ogolaansho siinayaa xubnaha korjoogtada doorashada ee heer caalami iyo kuwa dalkaba. 14. Guddigu waxa uu ku dhawaaqayaa natiijada doorashada Golaha Shacabka. 15. Guddigu waxa uu kala wareegayaa Guddiyada heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka dhammaan natiijooyinka doorashada ee Labada Aqal oo saxiixan si uu u siiyo shahaadooyinka xubinimada baarlamaanka Federalka. 16. Guddigu waxa uu si joogto ah ula wadaagayaa Golaha Wadatashiga Qaranka hadba meesha shaqadu marayso iyo caqabadaha jira. 17. Guddigu waxa uu maamulayaa Jadwalka Doorashada. 18. Guddigu waxaa uu qaban-qaabinayaa dhaarta Xubnaha Baarlamaanka ee la soo doortay ee Labada Aqal. The post Habraaca hirgalinta heshiiska doorashada: GUDDIGA doorashada heer federaal first appeared on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Bar___Qubanaha-01102020-ok.mp3 View the full article
  7. The post Kenyatta: We would not accept US drone strikes inside Kenya appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii xarunta Villa Somalia uga socday madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ayaa laga soo saaray habraac la sheegay inuu yahay hir-gelinta heshiiska siyaasadeed ee hagaya doorashada 2020/2021. Habraacan ayaa waxa uu quseyaa Guddiga Hirgalinta Doorashada 2020/21 ee Heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF (GMDHDX). Haddaba hoos ka aqriso habraaca Habraaca Hirgalinta Heshiiska Siyaasadeed ee Hagaya Doorashada 2020/2021 ee heer Federaal. Guddiga Maamulka Doorashada Dadban ee 2020/21 ee Heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF (GMDHDX). Muqdisho, 1 October 2020 Mabaadii’da 1. Golaha Wadatashiga Qaranka isaga oo ka duulaya heshiiskii siyaasadeed ee soo baxay September 17th, 2020 qodobkiisa 1aad oo sheegaya Magacabista Guddiyo labo heer ah, ansixiyeenna labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya September 26, 2020, waxaa habraacaan lagu qeexayaa Waajibaadka Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF iyo sida ay ku imanayaan. 2. Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu go’aamiyey in Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha Xaubnaha ka ah Dowlada Federalka ah uu ka kooban yahay 11 xubnood. kuwaas oo sideed (8) ka mid ah ay soo magacaabi doonto Dowlad Xubnaha ka ah DF, halka ay Dawladda Federaalku soo magaacabayaan min seddex (3) xubnood guddi walba oo ah heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF 3. Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu go’aamiyey in Guddiga Maamulaya Doorashada Soomaaliland ay soo magacawdo Xukumadda DF ka ah iyagoo la-tashanaya Siyaasiyiinta kasoo jeeda Soomaaliland. 4. Guddigu wuxuu xilkiisa u gudandoonaa si ka madaxbanaan dhammaan mas’uuliyiinta siyaasadda iyo hay’adaha labada heer ee go’aanada gaara. 5. Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF waa in ay ka mid noqdaan ugu yaraan 30% dumar ah, si loo xaqiijiyo ka qayb-galka siyaasadeed ee dumarka. 6. Muddo-xileedka Guddigu waxuu ku egyahay hirgalinta doorashada ee 2020/21. Shuruudaha Xubinnimada Guddiga Maamulka Doorashada ee Heer Dowladaha Xubnaha ka ah ee 2020/2021 1. Waa inuu yahay muwaaddin Soomaaliyeed, Muslim ah, dhimirkiisu dhan yahay, da’adiisuna ka yareyn 30 sano xilliga la magacaabayo. 2. Waa in uu yahay qof dhexdhexaad ah, ku leeyahay sumcad wanaagsan bulshada dhexdeeda 3. Waa inuu yahay qof hufan, karti leh, una gudan kara waajibaadkiisa si daahfuran. 4. Waa in Maxakamadi aysan ku xukumin xarig ka dhashay fal danbiyeed ciqaab ah shanti sano ee ugu danbeysay. 5. Waa in uusan xil siyaasadeed ka hayn dalka 6. Waa in aqoontisu aysan ka hooseyn heerka kowaad ee Jaamacadda ama waayo aragnimo u dhiganta leeyahay. 7. Waa inuu fahmi karaa, nidaamka doorashooyinka dadban ee 2020/21. 8. Waa in uusan wax xiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah Qaab-dhismeedka Guddiga: 1. Guddiga waxay kulan kooda ugu horeeya iska dhexdooranayaan Guddomiye iyo Guddomiye Ku xigeen. Guddomiyaha iyo Ku xigeenka waxaa lagu dooranayaa aqlabiyad caadi ah ee xubnaha guud ee Guddiga (50%+1). 2. Shirkarka Guddigu wuxuu ku qabsoomayaa seddex meelood labo meelood ee tirade guud ee Guddiga. 3. Guddigu waxay go’aanada ku gaarayaan cod hal dheeri ah (50%+1). Waajibaadka Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federalka ah. 1. Wadashaqeynta Guddiyada labada heer: Guddiga Maamulka Doorashada ee heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF waxay wadashayn iyo xiriir joogta ah la yeelanayaan Guddiga Hirgalinta Doorashada Heer Federaal, si loo xaqiijiyo in hannaanka doorashada uu noqdo mid mideysan isku-sina uga dhacdo dalka oo dhan. 2. Wacyigalinta Bulshada: Guddiga Maamulka Doorashadu waxay sameynayaan wacyigelin si dadwaynuhu u fahmaan nooca doorashada iyo sida ay ku dooran karaan Matalayaashooda Golaha Shacabka ama ergooyinka iyagoo qabanaya kulamo ama adeegsanaya Aaladaha warbaahinta. 3. Asteynta iyo diyaarinta Goobaha Codbixinta: Guddigu iyagoo ka taxadaraya xaaladaha amni, waxay si wadajira u diyaarinayaan xarumo codbixineed oo ergooyinka ku dooran karaan Murashaxiinta Xildhibanada Golaha Shacabka. 4. Diyaarinta iyo Hirgalinta hawlgalka hannaanka doorashada: Diyaarinta iyo hirgalinta hawlgalka hannaanka doorashada oo ay ka mid tahay qoridda shaqaalaha la shaqaynaya guddiga, isku dubaridka iyo hirgelinta hawlaha hannanka doorashada, isku xirka laamaha amniga 5. Qabashada iyo hubinta liiska ergooyinka doorashada: Qabashada iyo hubinta liiska ergooyinka doorashada, si loo xaqiijiyo in ergooyinka doorashadu ay ka kooban yihiin dhamaan qaybaha bulshada, iyadoo la xaqiijinayo 30% qoondada haweenka. 6. Xaqiijinta Liisaska Ergooyinka: Guddiga Maamulka doorashada wuxuu xaqiijinayaa in liisaska ergooyinka uu maray wada tashigii loo baahnaa, iyo in ay ku dhanyihiin jifooyinka kursigu ka dhexeeyo. Guddiga maamulku hadii uu xaqiijiyo in aan loo dhammayn liiska, waxaa uu dib u celinayaa liiska, iyagoo Guddiga Heer Federaal korjoogtayn doonaan hanaanka wadatashiga ee dib u sixida liiska ergada. 7. Habraaca Magacaabista Mushaxiinta Aqalka Sare: Guddigu waxay la wadaagayaan codsi qoraal ah Madaxweynayaasha DX-DF ka ah in ay soo sharaxaan musharaxiinta Aqalka Sare ugu yaraan labo musharax kursi kasta si waafaqsan shuruudaha xubinimada Aqalka Sare. Guddigu waxay qabanayaan waraaqdaha magacaabista musharaxiinta Aqalka Sare iyagoo ka hubinaya metelaada haweenka ee 30%. 8. Maaraynta diiwangelinta Musharaxiinta: Guddigu waxa ay maareynayaan diiwangelinta musharaxiinta iyo dib u eegista diiwangelinta musharaxiinta Golaha Shacabka iyadoo laga hubinayo in ay buuxiyeen shuruudaha musharaxnimada ee doorashada 2020/21. 9. Diiwan-gelinta ergooyinka: Guddigu waxaa uu diiwan-gelinaya ergooyinka, iyadoo ergay kasta la siinayo warqad aqoonsi si uu ugu gali karo xarunta codbixinta malinta codaynta. 10. Tababbarada Ergooyinka: Guddigu waxa uu diyaarinayaa, hirgelinaya tababarka iyo wacyigelinta xubnaha ergooyinka ee hannanka codeynta ee doorashada dadban ee 2020/21 ka hor inta aysan ka qaybgalin codeynta. 11. Hadal-Jeedinta Musharaxiinta: Guddigu waxuu fududeynayaa hadal jeedinta musharaxiinta Labada Aqal iyagoo mid kasta la siinayo 10 daqiiqo ka hor codeynta. 12. Maaraynta hannanka codeynta iyo tirinta codadka: Guddigu waxaa uu masuul ka yahay maaraynta habsami u socodka hannanka codeynta oo ay ka mid yihiin nidaamka codeynta, tirinta, isu geynta, xaqiijinta codadka iyo ku dhawaaqidda natiijada codeynta isla goobta codbixinta marka ay xaqiijiyaan Guddiga Hirgalinta Doorashada ee heer Federaal. 13. Gudbinta Natiijada: Marka doorashada heer dowladaha xubnaha ka ah DF ay ka soo dhammaato, Guddigu waxa uu u gudbinayaa Guddiga Hirgalinta Doorashada ee heer Federaal liiska xubnaha ku guuleystay kuraasta goobaha, oo saxiixan si hor dhac ah. 14. GMDHDX waxaa uu hubinayaa Hirgalinta Qoondada haweenka 30% ee labada aqal ee baarlamaanka Lifaaq 1. Shuruudaha ka mid noqoshada Ergada Dooranaysa Xildhibaanada Golaha Shacabka 1. In uu yahay Soomaali, kana tirsan yahay beesha kursiga ku heshay nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5. 2. In da’adiisu uusan ka yareyn 18 sano 3. In miyirkiisu caafimaad qabo, uuna awood u leeyahay in uu codayn karo 4. In uu fahansan yahay mas’uuliyadda doorashada 5. In uusan musharax u ahayn Labada Aqal midkoodna 6. In aysan maxkamadi ku ridin xukun kama danbeys ah ee fal dembiyeed lagu muteysanayo xabsi shanti sano ee ugu dambeysay. 7. In uusan hayn xil siyaasadeed waqtiga doorashada 8. In uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada Lifaaqa 2. Shuruudaha Musharixiinta labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Shuruudaha laga rabo musharaxiinta u tartamaya Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka:. 1. In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed 2. Dhimirkiisu u dhan yahay 3. Da’diisu ka yarayn 25 sano 4. Aan xuquuuqdiisa muwaadinimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shanti (5) sano ee ugu danbeysay. 5. Uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta. 6. In uusan ka tirsanayn ama wax xiiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah 7. In uu haysto waraaqda danbi la’aanta ee hay’adda danbi baarista (CID) ee dalka. 8. Musharax kasta oo u tartamaya Galaha Shacabka ama Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa in uu bixiyaa lacagta diiwan-galinta kuna shubaa xisaabta bankiga ee Guddiga Doorashooyinka. a. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare waxay noqonaysaa $20,000 (labaatan kun oo dollar) musharax kasta. b. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Golaha Shacabka waxay noqonaysa $10,000, (Toban Kun oo dollar) musharax kasta. c. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta dib looma celinayo. The post Habraaca hirgalinta heshiiska doorashada: GUDDIGA doorashada heer gobol first appeared on Caasimada Online.
  9. Vitamin D Sufficiency May Help Coronavirus Patients Recover Faster: Study; 6 Foods To Eat Vitamin D Benefits: According to the study, enough vitamin D content in the body may lessen the oxygen requirement in patients affected with Vitamin D, the ‘sunshine vitamin’, is known to help our bodily functions in a number of ways. This nutrient is said to help absorb calcium from the foods eaten, which further helps in strengthening our bones, muscles, teeth and even nails. Apart from this, vitamin D plays a big role in maintaining our immune strength, which is of great importance right now in the wake of Coronavirus pandemic. If vitamin D helps to prevent COVID-19, it also helps in the treatment of affected patients – researchers from Boston study have claimed after a thorough research. According to the study published in ‘Plos One’ journal, enough vitamin D content in the body may lessen the oxygen requirement in patients affected with Coronavirus. COVID-19 is a respiratory and systemic disorder caused by severe acute respiratory syndrome. The researchers set out to investigate the association between serum 25-hydroxyvitamin D levels and its effect on adverse clinical outcomes, and parameters of immune function and mortality due to a SARS-CoV-2 infection. A total number of 235 patients infected with COVID-19 were studied. 74% of the patients had severe COVID-19 infection and 32.8% were vitamin D sufficient. A significant association was seen between vitamin D sufficiency and reduction in clinical severity. “Therefore, it is recommended that improving vitamin D status in the general population and in particular hospitalised patients has a potential benefit in reducing the severity of morbidities and mortality associated with acquiring COVID-19,” read the report. Food ndtv Qaran News
  10. Somaliland: Forthcoming Book Based On Articles Between 2006-2019 The Somaliland Rural Education Committee takes a great pleasure to sponsor and support the forthcoming book by columnist, Ali Mohamed Abokor, who has been writing and commentating on Somaliland and the region, previously, under the pen name, “Ahmed Kheyre” The book based on articles, news and op-ed pieces on Somaliland & the region between 2006-2019 is currently in its final stages. These articles, news and op-ed pieces have been featured on all main local and international websites. Insha’Allah, the book is due to be published before the end 2020. Wa BIlaahi Towfiiiq Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Maanta waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay kulan qado sharaf ah oo guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish uu u sameeyay guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka federaalka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullahi. Sida aan xogta ku helnay kulankaas ayaa looga hadlay metelaada gobolka Banaadir ee golaha Aqalka Sare, taas oo seddaxda guddoomiye ay aad u gorfeeyeen. Xildhibaanada golaha shacabka ayaa horay u ansixiyay 13-kursi oo gobolka Banaadir uu ku yeesho golaha Aqalka Sare, kadib markii madaxweyne Farmaajo uu codsaday, isla markaana dadaal badan ay ku bixiyeen siyaasiyiinta reer Muqdisho. Haatan Muqdisho waxaa ka socda kulan u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, kaas oo lagu dhameystirayo heshiiskii doorashada ee 17-kii bishii hore ay madaxdu gaareen. Madaxweyne Farmaajo oo dhawaan wax laga weydiiyey sababta metelaada Muqdisho aan loogu xusin heshiisyada doorashada ayaa shaaciyey in 13-kii kursi ee gobolka Banaadir loo ansixiyay ay haatan hor yaallaan guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka federaalka oo sida uu sheegay ku howlan waafajinta dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka. Guddoomiye Cumar Filish ayaa qeyb ka ahaa seddaxdii waji ee u dambeeyay, wadahadallada arrimaha doorashooyinka ay heshiisyada uga gaareen madaxda heer federal iyo heer dowlad goboleed, waxaase aad u yar saameyntiisa, isagoo metelaya dadka reer Muqdisho oo xuquuq badan ay uga maqantahay awood qeybsiga golayaasha dastuuriga ah ee dowladda dhexe. Kulankan maanta dhex maray guddoomiye Cumar Filish iyo guddoomiyeyaasha labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa ku soo beegmay maalmo kadib markii uu madaxweyne Farmaajo sheegay in 13-ka kursi ee Muqdisho metelaada uga heshay Aqalka Sare ay hor yaallaan guddoonka labada Gole, si shuruucda dalka ay u waafajiyaan. Doorashada soo socota waxaa loo balansanyahay in gobolka Banaadir markii ugu horeysay uu golaha Aqalka Sare metelaad ku yeesho, balse waxaan weli meel la saarin maqaamkiisa, waxaana socda dhaq-dhaqaaqyo aan sidaas u badneyn oo lagu soo dhicinayo. The post Maxay tahay sababta Cumar Filish isugu yeeray Mursal iyo Cabdi Xaashi? first appeared on Caasimada Online.
  12. Al-Shabaab has claimed credit for a bomb attack carried out by a female suicide bomber in Mogadishu on Thursday morning. In a statement, Al-Shabaab said the blast left a senior spy boss and two of his security guards dead, a claim that neither denied nor confirmed by the Somali government. The explosion took place in the Black Sea area and was targeted undercover agents at a security checkpoint, according to sources. The attack comes as police step up security measures in the city which sees a decrease in blasts by Al-Shabaab in recent months. View the full article
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoonyahay oo laga helayo shirka Muqdisho uga socda madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa sheegaya in isfaham hor dhac ah ay madaxdu ka gaareen asteynta kuraasta xildhibaanada golaha shacabka iyo deegaanada lagu soo dooranayo. Xogtu waxay sheegeysaa in madaxdu isku raaceen in dowlad goboleed kasta laga asteeyo labo deegaan doorasho oo caasimaduhu ku jiraan. Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in madaxda ku shirsan Muqdisho uu ka soo baxo war-saxaafadeed rasmi ah, balse xogo hor dhac ah oo aan ka helnay ayaa tilmaamaya hanaanka loo asteeyay kuraasta golaha shacabka iyo goobaha lagu soo dooranayo. Aan ku horeyno Koonfur Galbeed deegaanadeeda waxaa lagu soo dooran doonaa kuraasta ugu badan ee xildhibaanada golaha shacabka, waxaana loo asteeyay in 69-kursi lagu soo doorto, Baydhaba ayaa loo asteeyay 44-kursi, halka caasimadda rasmiga ah ee Baraawe loo asteeyay in lagu soo doorto 25-kursi. Gobolka Banaadir waxaa loo asteeyay in lagu soo doorto 51-kursi oo kala metelaya beelaha Banaadiriga iyo beelaha gobollada waqooyi ee Somaliland, beelaha Banaadiriga ayaa leh 5-kursi. Halka 46-kursi ay leeyihiin gobollada waqooyi ee Somaliland. Jubbaland ayaa lagu soo dooranayaa 43-kursi. Caasimadda Kismaayo ayaa loo asteeyay 27-kursi, halka 16-ka kalena loo asteeyay in lagu soo doorto magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo. Puntland, 39-kursi ayaa lagu soo dooranayaa, waxaana caasimadda Garowe loo asteeyey in lagu soo doorto 24-kursi oo kala ah, kuraasta gobollada Nugaal, Sool iyo Mudug. Halka 15-ka kursi ee soo hartana lagu soo dooranayo magaalada Boosaaso, kuwaas oo kala ah kuraasta gobollada Bari iyo Sanaag. Hir-Shabelle waxaa lagu soo dooranayaa 37-kursi, caasimadda Jowhar ayaa loo asteeyay in lagu soo doorto 15-kursi. Halka magaalada Beledweyne loo asteeyay in lagu soo doorto 22-kursi. Galmudug ayaa lagu soo dooran doonaa 36-kursi. Caasimadda Dhuusamareeb ayaa loo asteeyay in lagu soo doorto 24-kursi, halka 12-ka kursi ee soo hartana loo asteeyey magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. The post Xog: Madaxda DF iyo DG oo isfaham ka gaaray asteynta doorashada kuraasta golaha shacabka first appeared on Caasimada Online.
  14. Guddomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamanka Federalka Soomaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa si wada jir ah ula kulmay Guddomiyaha Gobalka Benadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamed Maxamud (Cumar Filish). Kulanka ayaa waxay uga wada hadleen arimo ku saabsan Matalaadda Gobalka Banaadir ee Aqalka Sare, kaasi oo jawi is afgarad ah ku soo dhamaaday. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  15. Guddoomiyaha golaha aqalka sare ayaa magaacabay guddi doorasho oo ka kooban illaa 7 xubnood, kadib warqad ka soo baxday xafiiskiisa. Guddigan ayaa waxa uu ka shaqeyn doonaan la socoshada doorashada xildhibaanada gobollada waqooyi ee ka dhaceysa magaalada Muqdisho. Halkan hoose ka aqriso:- View the full article
  16. Siyaasadda ‘One-Horse Race’ ee Somaliland “Meel hoose ayaan siyaasadda kasoo fantay” waxa mar walba ka hormara nasiibka ama waxa ay Reer Hawdku u yaqanaan ‘burjiga’. Maanta wixii ka horrayey, wasiir Saajin in loo wado Madaxweyne iyo JIbriil Yoonis inay kaga adkaan doonaan Maxamed Case Xisbiga Kulmiye dhexdiisa, waxa ay ahayd dhallanteed iyo riyo maalmeed, hayeeshee, haddalkii qiirada lahaa ee Saylici ka qubanayey subaxan saaka ah, iyo sidii aqoonyahankii weynaa ee Ina Samatar loogu macna tiray Xisbiga Kulmiye gudihiisa, ayaa noqday cadceed duhur joogta. Saylici waxa uu qiray wiilkisii inuu la tartamay, waxana uu isticmaalay kalmadda ‘tanaasul’ inkasta oo la ogyahay dhulka in lagu jiiday sumcaddiisa. Su’aashu waxa ay tahay beesha uu kasoo jeedaa ma aqbali doonaan xaqiraadda kaga timid Kulmiye? Waayo, Saylici waxa la dhaafiyey maaha ku-xigeen ee waa madaxtinimo. Waxa kale oo isaguna Kulmiye si aan cidiba dareemin ugu dhex saqiiray hankii Suldaan Dhawal iyo wasiirkisii Axmed M. Seed! Waxa la sugaaba waxa weeye “constituency” ga Saylici iyo “constituency”ga Ina Muumin ma ku daba fayli doonaan “constituency”ga Wasiir Saajin? Wasiir Saajin sida muuqata waxa uu raacayaa laynkii qaboobaa ee lagu hanan jiray kursiga ugu sarreeya Somaliland. Saajin waa masuul aqoontiisu tahay xisaabaadka (accountant) sida Farmaajo oo kale. Xisaabaadku (accountant) waa dariiqa loo maro qaniimadda. Dadka wararka wasiirka hayaana, waxa ay ku tilmaamaan inuu yahay nin ladan oo waliba meelo kala gedisan kasoo saara maalka. Waxa igu maqaalo ah, mar inuu Holland iibsaday dhawr sac oo ugu talo galay baacmushtar. Dhaqashada iyo beeraha waa dabeecad ay iskaga dhaw yihiin Muuse Biixi. Muuse oo saaxiib mudo dheer la ahaa Guddoomiya Jaamacadda Camuud, isla markaana kusoo barbaaray magaalooyinka Jabbuuti iyo Borama waxa la odhan karaa “waa nin la dhaca hab-dhaqanka degen ee la saadalin karo ee ay caanka ku yihiin Reer Galbeedka”. Sababaha uu Muuse u caashaqay wasiirka afga gaaban ee Saajin, ayaa la odhan karaa, waxa ka mid ah: Muuse in uusan mustaqbalka dhaw jeclaysanayn taladu inay ka talawdo dawga Sheekh” Muuse iyo Maxamed oo wakhti xaadirkan iyagu ah ‘state’ka Somaliland ‘xisbiga’ Somaliland, iyo sharciga Somaliland’e – waa halkii boqorkii Faransiiska ee la wayddiiyey “horta boqorow Qaranku (“état) waa ayo?” ee yidhi “l’état c’est moi” – Qaranku waa Aniga. Waxa ay noqdeen laba nin oo kaligood ku dheelaya gegi looga caagay, warar hoose ayaa sheegaya, Kaahin inuu ku xasili doono ku-xigeenka Saajin, waa marka saaxiibkii istaago haakah. Markaa dabadeedna, reer New Hargaysa laga soo saaro masuul lagu dul maamulo talada, kaddibna meel kale – waaba boqol sano oo lasii dajiyey. Nadaamka aynnu qaadanay ee Dimuqraadiga ah, aqoonyahanku waxa ay ku fasiraan nadaam ogol dhawr indheergarad (élites) oo kale duwan inay ku dhex tartamaan gudihiisa, hayeeshaa waxa hal bacaad lagu lisay nadaalka ka dhigay Xisbiga UCID oo isugu aalaaba hoosta kala shaqaysta xukumadda markaa dhisan, iyo markii dambe oo Xisbiga naga WADDANI tahli kari waayey inay dajiyaan qorshe ku dhisan aragti oo lagaga hortago indheergaradka qabeeya siyaasadda Xisbiga Kulmiye. Waxa qoray Ahmed-xiis Dharban Source
  17. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Habeen-01102020.mp3 View the full article
  18. Ceelwaaq (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Gedo ayaa sheegaya in markale diyaaradaha Kenya ay duqeymo hor leh ka geysteen qeybo ka mid ah gobolkaasi. Duqeymaha oo ahaa kuwa is xig-xigay ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaano dhowr ah oo hoostaga magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Wararka ayaa sheegaya in deegaanada la duqeeyey ay ka mid yihiin Cowsqurun Garsaal, Xisaguur, Dhamas, Likooley oo dhammaantood hoostaga degmadaasi. Deegaanada ay duqeymuhu ka dhaceen ayaa waxaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay ku nool yihiin dad reer mii ah oo u badan xoolo dhaqato. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in duqeyntaasi lagu laayey xoolo aad u fara badan, gaar ahaan Geel ay dhaqanayeen dadka ku nuul deegaanadaasi. Waxaa sidoo kale jira barakac ay sameeyeen dadka deegaanka, si ay uga fogaadaan waxyeelo ka soo gaartay duqeymaha ay fulinayaan ciidamada Kenya. Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa gobolka Gedo ka dhacayey tacadiyo ay shacabka u geysanayaan ciidamada Kenya oo dhowaan dil iyo dhaawac ka geystay Ceelwaaq. Si kastaba ha’ahaatee dhacdooyinkaas oo ah kuwa soo noq-noqday ayaa waxaa ka dhashay kacdoon shacab iyo banaan-baxyo ka dhacay guud ahaan gobolka Gedo. The post Ciidamada Kenya oo weerar kale maanta ka fuliyey Gedo first appeared on Caasimada Online.
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey inuu gebi ahaanba ka hadhay tartankii adkaa ee xiisada xoogan ka abuuray gudaha Somaliland. Cabdiraxmaan Saylici ayaa tanaasul lama filaan ah ka muujiyey tartankii uu kula jiray Wasiirkiisa ganacsiga, Maxamed Saajin, oo ay isku deegaan-yihiin, isla markaana loolan ugu jireen kursiga afraad ee hogaanka xisbiga Kulmiye. Sida ay ogaatay Caasimada Online, go’aanka Saylici ayaa waxa dabada ka riixaya madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi oo hore u sheegay inuusan wax faro-gelin ah ku sameyn doonin loolanka u dhaxeeya Saylici iyo Saajin, oo ka wada tirsan xukuumadiisa. Go’aanka tanaasulka ee Saylici ayaa waxa goordhoweyd warbaahinta la wadaagay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin. Saylici iyo Saajin ayaa si weyn ugu xifaaltamayey tartanka kursiga afraad ee hogaanka xisbiga talada haya ee Kulmiye, xili uu dhawaan dhacayo shirweynaha golaha dhexe ee xisbigaasi. Xiisada labada mas’uul ayaa abuurtay xiisad hor leh oo maalmihii u dambeeyay laga dareemayay gobolada Maroodi-jeex iyo Awdal, iyaga oo warbaahintana isku marinayay hadalo xanaf leh oo sii kala irdheynayay bulshada ay matalaan. Go’aankan ayaa noqonaya mid lama filaan ah oo xal u noqonaya xiisadii taagneyd, xili laga cabsi qabay in khilaaf hor leh uu ka dhex qarxo xisbiga Kulmiye oo ah midka hadda talada haya. The post Saylici oo is-dhiibay kadib loolaankii isaga iyo Saajin first appeared on Caasimada Online.
  20. Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa maanta oo bisha Oktobar tahay Kow wuxuu magacaabay Gudi ka kooban 7 Xubnood, kuwasoo loo xilsaaray qaban qaabada Doorashada [...] The post Gud.Aqalka Sare Oo magacaabay Gudi soo qabanqaabiya Doorashada Xildhibaanada Waqooyi appeared first on . Source
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa magacaabay guddi doorasho oo ka kooban illaa 7 xubnood. Guddigan ayaa la socon doono doorashada xildhibaanada gobollada waqooyi ee ka dhaceysa magaalada Muqdisho, kuwaas oo dowladda federaalka ku metela Somaliland. Warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa waxaa lagu sheegay in magacaabista guddigan uu la wadaagay madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha dalka iyo dhammaan madaxda dowlad goboleedyada. Sidoo kale Cabdi Xaashi ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay in xildhibaanada gobollada waqooyi ay u taagan yihiin midnimada Ummadda Soomaaliyeed. Guddigan ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay wasiirka maaliyadda xukuumadda Cabdiraxmaan Bayle, halka ku xigeen uu yahay Xildhibaan Maxamed Cumar Carte. Magacaabistan ayaa ku soo aadeysa, iyada oo haatan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay heshiis horudhac ah ka gaareen dhismaha saddex guddi oo dhammaan ka shaqeyn doono howlaha doorashooyinka soo socda ee sanadkan 2020 illaa 2021-ka. The post Cabdi Xaashi oo magacaabay guddi doorasho (Aqriso Magacyada) first appeared on Caasimada Online.
  22. Burco (PP News Desk) — Women’s Groups in Burco city have expressed disappointment with a decision by the Somaliland Parliament to reject representation quota for women in the bicameral legislature. At a meeting held at Daalo Hotel in Burco members of Women’s groups vowed to challenge the parliamentary decision peacefully through demonstrations. “MPs who owe their representation privileges to our votes now oppose our rightful qouta. It is deplorable that the Somaliland Parliamentary Speaker Bashe Mohamed Farah is at the forefront of forces against our qouta. Why should a Parliament whose term ended long ago block our quota? ” said a senior female activist at the meeting. United they stand: Analysts predict women’s grievances could lead to low turnout for parliamentary elections if Somaliland Parliament sticks to its decision on women’s quota. Somaliland MPs were elected in 2005, when the last parliamentary elections took place. “We will never elect men, nor will a President ever be elected as a long as opposition to women’s representation quota remains. We have to unite and come up with ideas” said another woman at the meeting. Analysts predict low turnout for planned Somaliland parliamentary elections if the Somaliland Parliament does not budge on its decision about women’s representation in Somaliland legislatures. © Puntland Post, 2020 The post Somaliland Parliament Criticised for Rejecting Women’s Quota appeared first on Puntland Post.
  23. Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah Cabdi Xaashi ayaa maanta waxaa uu magacaabay guddi 7 xubnood ah oo qaban-qaabinaya doorashada xildhibaannada gobollada waooyi ee ka dhaceysa magaalada Muqdisho. Source: goobjoog.com
  24. Qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay ayaa Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho waxaana la sheegay in qaraxaasi lagu bartilmaameed saday Ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa Nabad sugidda. Wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxu uu ka dhacay halka loo yaqaanno Daallo oo u dhaxaysa Isgooysyada Baar Ubax iyo Black Sea oo ka tirasan Degmada Howl-wadaag ee Gobolka Banaadir, waxaana la eegtay Ciidamo halkaasi ku sugnaa. Qaarxa waxaa fuliyay qof haweenay ah oo sida la sheegay isku soo xirtay waxyaabaha Qarxa, isla mar kaana isku qarxisay goob ay ka ag dhawaayeen Ciidan dharcad ah oo ka tirsan Nabad sugidda Soomaaliya. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Qaraxaas lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidanka Nabad Sugidda, oo sida la sheegay goobta ku sugnaa xiliga uu qaraxu dhacayay, waxaana Magaciisa lagu soo koobay Caano Geelle. wararku waxaa ay intaas ku darayaan in uu ahaa taliyihii ciidamada dhar cadda ee NISA u qaabilsanaa degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir. PUNTLAND POST The post Khasaaraha ka dhashay Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.