-
Content Count
211,733 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
UNITED NATIONS (AP) — U.N. Secretary-General Antonio Guterres warned that there is a risk of famine and widespread food insecurity in four countries affected by conflict — Congo, Yemen, northeast Nigeria and South Sudan — and the lives of millions of people are in danger. Source: Hiiraan Online
-
Imaantinka Madaxda Puntland iyo Jubbaland ee Caasimada Muqdisho waxuu astaan u yahay u dhaga-nuglaanta amarada iyo hanjabaadaha Beesha Caalamka, gaar ahaan Maraykanka iyo Wakiilka QM ee Soomaaliya! Soo dhoweyn heerkeedu aad u sareeyo ayaa loogu sameeyey Garoonka Muqdisho Mudane Saciid Deni iyo Mudane Axmed Madoobe, taasoo ay ka dhalan kartay khatar amni, kaddib markii ilaalo aad u hubaysan oo daacad u ah madaxdan iyo shacab tiro badan ay ku xoomeeyn barta ay cagadhigtaan diyaaradaha, taasoo aan waafaqsaneen sharciyada amaanka Garoomada Caalamka! Jidadka caasimada Muqdisho oo la qabiro (xiro) ilaa meed tunka lagu sito, kaddib markii la waayay dhabo la mariyo iyo xoogsato cagta maalay si ay u tagaan goobahooda shaqo, ayay marti gelisay Xamar Cade. Hadabba waxaa su’aal mudan in laga jawaabo, maxaa kalifay in la kadeedo shacabka la daaladhacaya daruufaha iyo tabaalaha aduun? Mase mudnaayeen in Saciid Deni iyo Axmed Madoobe loo geliyo “Taaj” aysan falkin! Kulamo ku qabsoomay xeendaabka Garoonka Aadan Cadde ayaa madax ku dhego adkaa madaxtooyada Soomaaliya, santaagna ka muujiyay inay qayb ka noqdaan kulankii saddex ee Dhuusamareeb, ayaa dhegaha loogu shubay dhawaq dhiilo ku abuuray, kaasoo ahaa inay Villa Soomaaliya kala shaqeeyaan dhamaystirka iyo fullinta go’aamaddii Dhuusamareeb sida ku cad qoraal la soo dhigay barta safaarada Maraykanka. Ka hor inta aysan hor fadhiisan Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Mudane Saciid Deni iyo Mudane Axmed Madoobe ayaa Muqdisho ka bilaabay xodxodasho siyaasadeed oo ay ku baadigoobayaan xulufo ay hore ugu lumiyeen la hariifankii Banaadir. Waxaa gudoonka Aqalka Sare hadal-jeedin ka hor sameeyey Mudane Saciid Deni, waxuu qiray in Aqalka Sare uu matalo danaha Maamul Goboleedyadda ayna u gardhiibteen, taasoo ka hor imaanaysa cododka keydsan ee uu ku ciladeyn jiray go’aamada ay gaaraan senatoradda Aqalka Sare. Sidoo kale, Mudane Saciid Deni waxuu la kulmay xildhibaanada iyo wasiirada federalka ku matala Puntland, waxuu kala hadlay arrimaha doorashooyinka, waxaa xusid mudan in uu horey Mudane Saciid Deni ugu tilmaamay xildhibaanadan kuwo matala nafsadooda, halka wasiirada federalka aanba laga tixgelin madaxtooyada Garoowe amase loo diido inay cagdhigaan maamul-goboleedkii ay matalayeen. Mudane Saciid Deni waxuu kulan la yeeshay Madaxweynihii hore Xassan Sheikh oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Madasha Xisbiyada. Shirka waxaa ka soo muuqday Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo la aaminsan yahay inuu yahay maskaxda ka danbaysa kulamadan silsilada ah ee uu Mudane Saciid Deni ka wado gudaha Muqdisho. Kulan ay albaabada u xiran yihiin ayaa August 31, 2020 magaalada Garoowe ku dhexmaray Mudane Saciid Deni iyo Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo booqasho gaaban ku tagay Puntland, xilli Xamar laga sugayey Mudane Saciid Deni. Isku maalin ayay labaduba ka soo dageyn Garoonka Muqdisho, balse isku duulimaad ma aysan aheyn! Falanqeeyaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa rumaysan in cabdiraxmaan Cabdishakuur u gudbiyay Mudane Saciid Deni fariin shisheeye oo aan u adeegayn danaha Soomaaliya, lagana cabsi qabay inay dhagaysi ku samayso NISA haddii lagu tabiyo isgaarsiinta. Baaqashada kulan casho ahaa oo ay agaasintay madaxtooyada iyo furitaanka wadahadalka oo shardi looga dhigay in gobolka Gedo laga soo saaro ciidamada federalka waxay u muuqataa xeel siyaasadeed ay ciyaarayaan Deni iyo Madoobe, si ay u helaan waqti ku filan oo ay ku kala furfuraan xildhibaanada oo noqday geed-fadhiga heshiis kasta oo ay isla meel dhigaan hay’adaha fulinta federalka iyo tan gobolada. Imaantinka Mudane Axmed Madoobe waxuu abuuray kulamo iyo shirar ay hoteelada Xamar ku qabanayaan siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda Jubbaland, kuwaas oo diidan hanaanka lagu doortay Mudane Axmed Madoobe iyo farogelinta Kenya. Waxay soo dhoweeyeen shirka dib-u-heshiinta ee la qorsheeyey inuu ka dhaco Degmada Garbahaarey si beelaha dega Jubbaland u dhistaan maamul loo siman yahay. Dhanka kale, laamaha caddaalada waxay ka codsadeen in galalka dacwada ee xeer ilaalinta ka yaala Mudane Axmed Madoobe laga su’aal weydiiyo. Eedamahaas waxaa ka mid ah, salaadiin, waxgarad, iyo ganacsato lagu laayay gudaha Kismaayo, kuwaas oo mucaarad ku ahaa Mudane Axmed Madoobe. Arrinka xiisaha leh, ayaa ah in Mudane Saciid Deni ka hor sheegay gudoonka Aqalka Sare inay diyaar u yihiin inay bilo sii joogaan Xamar, haddii lagu gaarayo wada ogol doorasho lagu aado! Hadabba hadayba ogol yihiin muddo kororsi loo sameeyo hay’adaha dowladda, maxay ku diidayn in la dhaqan geliyo sharciga doorashada qof iyo cod? Madaxweyne Farmaajo waxuu guul u arkaa in dalka ay ka dhacdo doorasho ay hay’addaha fulinta (xukuumadda iyo maamul goboleedyada) ku leeyihiin wax aan ka badaneen sugida amniga iyo fududeynta hawlaha. Halka ay Mudane Saciid Deni iyo Mudane Axmed Madoobe baadigoobayaan mid la mid ah xulashaddii qabiilka ee 2016. Xigmad Soomaaliyeed ayaa odhanyasa “Miidaamo dhego ma leh hadduu malag dhawaaqaayo!” AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Deni iyo Axmed Madoobe – Miidaamo dhego ma leh hadduu malag dhawaaqaayo first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dadaallo Muqdisho lagu keenayo saddexda madaxweyne goboleed ee ka maqan ayaa socda, si ay ugu soo biiraan shirka madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay ku adkeysteen in shirka uu noqdo mid ay u dhan yihiin dhammaan maamul goboleedyada dalka, waxaana lagu warramayaa in madaxweyne Farmaajo uu tanaasulay oo uu aqbalay. Qodobkan ayaa ka mid ahaa laba qodob oo ay dalbadeen Axmed Madoobe iyo Deni, oo midka kale uu ahaa in ciidamada dowladda laga saaro Gedo, taasi oo mabda’ ahaan ay dowladda aqbashay. Qorshaha ayaa marka hore ahaa in madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe iyo Deni ay dhameystiraan oo kaliya heshiiskii Dhuusamareeb 3, hase yeeshee Deni iyo Axmed Madoobe oo isku dayaya in heshiiskaas laga soo qaado “waxba kama jiraan” ayaa dalbaday in shir cusub oo loo dhan yahay la galo. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynayaasha HirShabelle iyo Koonfur Galbeed Maxamed Cabdi Waare iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ay shalay aqbaleen inay yimaadaan Muqdisho, balse uu ka meer meeray madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor. Ma cadda sababta Qoor Qoor uga meer-meeray hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu guul-darro siyaasadeed u arko in heshiiskii Dhuusamareeb 3 meesha laga saaro, sababtoo ah waxaa la saxiixay ayada oo ay ka maqan yihiin Axmed Madoobe iyo Deni, waxaana in meesha laga saaro ay muujineysaa in labadaas madaxweyne goboleed ee ka saameyn iyo miisaan culeys badan yihiin. Qoor Qoor ayaa waxaa la rumeysan yahay inay markii dambe la hadlaan Mareykanka, kuna booriyeen inuu Muqdisho yimaado, waxaana twitter-kii ay shalay soo direen ee lagu amaanay uu qeyb ka ahaa dadaal loogu muujinayo in wixii uu qabtay asyan waxba kama jiraan ahayn ee lala dhacsan yahay. Inkasta oo Qoor Qoor uu shalay is yara adkeeyey, haddana Villa Somalia waxay rumeysan tahay in ugu dambeyn uu iman doono Muqdisho. The post Xog: Axmed Madoobe iyo Deni oo ku guuleystay qodob muhiim ah iyo dadaal socda first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweyne Trump oo waddan labaad oo muslim ah ku khasbay in uu xidhiidh la sameeyo Israel Madaxweyne Donald Trump ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in Serbia iyo Kosovo ay caadiyeeyeen xidhiidhkooda dhaqaale, taasi oo qeyb ka ah wadahadallo uu Mareykanku gadhwadeen ka yahay oo ay ka mid tahay in Belgrade ay safaaraddeeda Israel u wareejiso magaalada Jerusalem, iyo in Israel iyo Kosovo ay is-ictiraafaan. Ka dib kulamo laba maalmood qaatay oo ay la yeesheen saraakiisha maamulka Trump, Madaxweynaha Serbia Aleksandar Vucic iyo Ra’isulwasaaraha Kosovo Avdullah Hoti ayaa ku heshiiyay in ay iska kaashadaan dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha si loo soo jiito maalgashi loona abuuro shaqooyin. Ku dhawaaqista ayaa Trump siinaysa guul dublomaasiyadeed ka hor doorashadii madaxtinimada ee dhacaysa 3-da bishii November, iyadoo sii kordhinaysa dadaalka maamulkiisa ee lagu hagaajinayo maqaamka Israel ee dunida. “Waan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqo ballanqaad dhab ah oo taariikhi ah,” ayuu Trump ka sheegay Xafiiska Oval, isagoo ay garab taagnaayeen labada hoggaamiye oo kala saxiixday heshiiska iskaashiga dhaqaale. Trump ayaa sheegay in Serbia ay ka go’an tahay in ay bishan xafiis ganacsi ka furato magaalada Jerusalem, safaaraddeedana ay halkaasi u wareejiso bisha July. Go’aanka Serbia ee ah in ay safaaraddeeda Tel Aviv u wareejiso Jerusalem ayaa ah mid aysan fileyn Israel iyo Mareykankaba. Maamulka Trump ayaa dhammaadkii 2017-kii Jerusalem u aqqoonsaday in ay tahay caasimadda Israel, iyadoo bishii May ee sanadkii 2018-kii u raray safaaradda Mareykanka magaaladaasi. Maamulka ayaa ku dhiiri geliyay wadamada kale in ay sidaas oo kale sameeyaan, laakiin waxaa tallaabadaasi si weyn u dhaleeceeyay Falastiiniyiinta iyo in badan oo reer Yurub ah kuwaasi oo sabab kaga dhigay in aan wali la xallin khilaafka Israel iyo Falastiin. Kosovo oo ah dal ay ku badan yihiin Muslimiinta ayaan waligeed aqoonsan Israel sidoo kale Israel ma aqoonsan Kosovo. Ra’isulwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha Serbia in uu safaaradda dalkaasi u rarayo magaalada Jerusalem. Wuxuu xaqiijiyay in Israel iyo Kosovo ay dhisi doonaan xidhiidh dublomaasiyadeed, isaga oo xusay in Kosovo ay sidoo kale safaaraddeeda ka furan doonto Jerusalem. “Kosovo waxa ay noqoneysaa dalkii ugu horreeyey ee Muslimiintu u badan yihiin ee safaaraddiisa ka furta Jerusalem,” ayuu yidhi Netanyahu. Si kastaba ha ahaatee, wadar ahaan ilaa afar dal ayaa ilaa haatan u aqoonsaday magaalada lagu muransan yahay ee Jerusalem in ay tahay caasimadda Israel, waxaana dalalkaasi ka mid ah Mareykanka iyo Guatemala. Falastiiniyiinta ayaa sheegay in bariga Jerusalem oo ay Israel ku qabsatay dagaalkii 1967-kii ay u tahay caasimad. Qaran News
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxa Xisbiga Dhaq-dhaqaaqa Qaranka (MHP) ee Turki Devlet Bahçeli ayaa shaaca ka qaaday in dagaal ay la galaan Greece “uu waqti un naga xigo”, waxaa sidaas weriyey wargeyska The New Khaleej. “Waa wax aan lagu fikiri karin inaan dhabarka xejino danaheena taariikhiga ah ee badaha Mediterranean iyo Aegean,” ayuu Devlet Bahçeli ku yiri bayaan uu soo saaray. “Waxaa muuqata in damaca iyo rabitaanka Greece ee badda uu mar kale soo kacay, taasi oo macnaheedu yahay in dagaal ka dhaca badda Mediterranean uu waqti un naga xigo.” Waxa uu intaas ku daray “Hadafka Greece waa inay mar kale yimaadaan oo ay qabsadaan dhulkeenna, oo aan ka ceyrinay 98 sano ka hor. Waxaan wajaheynaa duullaan cusub.” Devlet Bahçeli oo isbaheysi la ah xisbiga talada haya ee AKP ayaa sheegay in mowqifka iyo hab dhaqanka Greece ay go’aamin doonaan halka ay ku dambeyn doonto xiisadda sii kaceysa iyo in iska horimaad uu dhici doono. Turkey iyo Greece ayaa isku haya xuduudda badda Mediterranean ka iyo xuquuqda aag la rumeysan yahay inuu qani ku yahay kheyraad dabiici ah. Khamsiitii, madaxa gaashaanbuurta NATO ee labada dal ay ka tirsan yiihin, Jens Stoltenberg ayaa ku dhowaaqay in Greece ay ogolaatay inay wada-hadallo la gasho Turkey si xiisadda loo qaboojiyo. The post Turkey oo ku dhowaaqday 'inuu waqti un naga xigo' dagaal ay la gasho Greece first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta ka qeyb-galaya kulanka guddiyada joogtada ah ee Aqalka Sare, sida uu shaaciyey guddoomiyaha Golahaasi. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa khudbad xasaasi ah ka jeedin doono xarunta Aqalka Sare taas oo uu uga hadlayo arrimaha Jubbaland, xaalada dalka iyo safarkiisa Muqdisho. Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku war-geliyay Senatorada Aqalka Sare in kulanka maanta uu mihiim yahay, islamarkaana uu ka soo qeyb-geli doono Madaxweynaha Jubbaland. Sidoo kale xildhibaanada Aqalka Sare ayaa su’aallo dheeraad ah weydiin doono Axmed Madoobe oo maalmahaan dambe kulamo siyaasadeed ka waday caasimada. Hoggaamiye Axmed Madoobe ayaa sidoo kale la filayaa khudbaddiisa ku soo qaado arrimaha gobolka Gedo iyo dhaq-dhaqaaqyada ka jira, taas oo ka mid aheyd shuruudihii uu hordhigay Villa Soomaaliya, ka hor inta uusan bilaaban shirka wadatashiga Muqdisho. Si kastabta ha’ahaatee waxaa Axmed Madoobe ka horreeyey oo Aqalka Sare tegay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni oo isna warbixin laga dhageystay. The post Axmed Madoobe oo maanta hortegaya Golaha Aqalka Sare first appeared on Caasimada Online.
-
Xisbiga Kulmiye, ayaa ka jawaabay lacagtii laga diiday Siyaasiga Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) oo u sharaxnaa Guddoomiye kuxigeenka Labaad ee Xisbiga KULMIYE. Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Jaamac Warfaa, ayaa sheegay in Lacagta uu saydh saydhinayey Siyaasi Qabo ee uu lahaa KULMIYE iga diiday inuu ku daro dhismaha Jidka Baligudbadle, “Qabo waxaan leeyahay lacagtaas aad saydh saydhinayso ee aad ku faanayso ku dari Jidka Balligubadle ee qabyada ah, taas ayaad ajar iyo xasanaad ka helaysaaye” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Kulmiye, Halkan hoose ka DAAWO:- Qaran News
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Daraasiin dad ah ayaa ku dhintey kadib iska horimaad u dhexeeyey dad reer miyi ah iyo dagaalyahanada xarakada Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka Shabeelow ee gobolka Mudug.. Afhayeenka maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur oo uu soo xigatay telefishinka Al-Jazeera ayaa sheegay in ku dhowaad 30 oo ay ku jiraan 16 ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay dagaalka. “Waxaan haynaa warar sheegaya in ku dhowaad 30 qof, oo ay ku jiraan 16 mintidiin ah, lagu dilay tuulada Shabeelow, halkaas oo dad rayid ah ay hubka qaateen si ay ula dagaalamaan argagixisada,” ayuu yiri Cismaan Ciise Nuur, afhayeenka maamulka Galmudug. Maleeshiyooyinka iskaa wax u qabso ee maxalliga ah ayaa sheegay inay jilbaha u aasteen sidii ay ugu hortegi lahaayeen “tacadiyo” ay kala kulmeen kooxda Al-Shabaab. “Tuulooyinka hubaysan waxay doorteen inay la dagaallamaan mintidiinta si ay uga difaacaan xoolahooda argagixisada,” ayuu sii raaciyay Cismaan. Shan saacadood oo dagaalo qaraar ay socdeen Jimcihii ayaa waxaa ku dhintay 30 qof oo labada dhinac, halka kuwo kale oo badanna la jiifiyay isbitaallada magaalada Gaalkacyo, sida uu sheegay Cabdi Siyaad, oo ka mid ah odayaasha deegaanka oo la hadlay wakaaladda wararka Jarmalka ee DPA. Cabdi Siyaad waxa uu sheegay in dadka tuulada ay ku mashquulsan yihiin iska difaacidda waxa uu ku tilmaamay “naxariisdarro” iyo cabsi gelinta Al-Shabaab. “Waxay cadaadis saarayeen dadka deegaanka ah ee ku nool Shabeelow ee gobolka Mudug si ay ugu qasbaan inay u dhiibaan hubkooda iyo xoolahooda wixii loogu magac daray dagaalka barakaysan ee ka dhanka ah gaalada kusoo duulay tan iyo sanado badan. Dadka deegaanku way ka daaleen cadaadiska kooxda,” ayuu yiri. Wuxuu ka codsaday dowladda Soomaaliya inay hub siiso si dadka tuulada deggaan ay isaga difaacaan kooxaha argagixisada The post 30 qof oo ku dhintay dagaal culus oo dhex maray dad shacab ah iyo Al-Shabaab first appeared on Caasimada Online.
-
Al-Shabab announced it executed four alleged spies in the Middle Juba region of southern Somalia. Al-Shabaab has accused the four men of spying for Somalia, Kenya, and the United States intelligence agencies. Read the names below: 1 Mohamed Aden Hassan (Mohamed Kheyr), 51, accused of collaborating with US intelligence 2- Osman Farah Dhaqane, 27, accused of collaborating with Somali intelligence 3- Ali Abdirahman Abdi, 33, accused of working with Somali intelligence. 4- Abdi Sahal Dhabbar (Abdi Harqi), the oldest man, 57, was accused of working with Kenyan intelligence. Al Shabaab has carried out executions against people with suspected links to authorities in the country and Western countries. View the full article
-
Dozens of people have died following clashes between villagers and al-Shabab fighters in central Somalia, local officials said. “We have reported that nearly 30 people, including 16 militants, [have been] killed in the Shabeelow village, where civilians … took up arms [to] battle the terrorists,” Osman Isse Nur, a spokesman for authorities in the Galmudug region, told the DPA news agency on Saturday. Local freelance militiamen are among the fatalities, according to the authorities. “Armed villagers opted to fight militants to defend their livestock animals from the terrorists,” Osman added. Five hours of fierce battles on Friday killed 14 villagers and many others were hospitalized in the town of Galkayo, Abdi Siyaad, a local elder, told the DPA. But local elders like Siyaad say villagers are engaging in self-defense against what he describes as “brutality” and intimidation by al-Shabab, an al-Qaeda-linked armed group which has de facto control over large parts of south and central Somalia. “They have been putting pressure on locals living in Shabeelow in Mudug in order to force them [to] surrender their arms and livestock animals for so-called holy war against invading infidels for many years. Locals are tired of the group’s pressure in the context of the so-called holy war,” said the elder. He asked the Somali government to provide weapons so villagers can defend themselves. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu dambeyntii aqbalay shardigii ay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ku xireen furitaanka shirkii u dhaxeeyey Dowladda Dhexe iyo Labadaan Maamul Goboleed. Madaxweyne Farmaajo ayaa ogolaaday inuu shir kale u qabto dhammaan madaxda Maamul Goboleedyada dalka si loo gaaro go’aan loo dhan yahay oo ku saabsan dooorashada la filayo inay Soomaaliya ka dhacdo 2020-2021. Madaxweynaha ayaa dalabkaan ogolaaday kadib markii uu Maanta kulan hordhac ah madaxtooyada Villa Somalia kula yeeshay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni. Sida ay ogaatay Caasimadda Online, madaxda Maamul Goboleedyada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa aqbalay inay kasoo qeyb galaan kulanka iyadoo la filayo in madaxweynaha uu u fidiyo casuumaad rasmi ah. Xogta aan heleyno ayaa sheegeyso in madaxweyne Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe ah isku afgarteen in qodobadii kasoo baxay Dhuusamareeb 3 ay asal u noqdaan Shirka la filayo inuu Muqdisho ka furmo. Madaxda maamul Goboleedyada ayaa la filayaa inay dhammaantood kusoo xaadiraan Shirka, waxayna wararka qaar sheegayaan inuu shirka furmo doono Talaado ama Arbaco midkood. Madaxtooyada ayaa dadaal kasta ku bixineyso sidii shirkaas looga soo saari lahaa qodobo wax ku ool ah oo looga gudbo xaaladda kala guurka ah, waxaana muuqato in hadda madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay kasoo xirmeen dhammaan albaabadii. Go’aanka uu gaaray madaxweyne Farmaajo ayaa keenay in Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ay soo saarto qoraal deg deg ah oo ay kusoo dhaweeneyso in kulan wadajir ah Muqdisho loo qabto dhammaan maamul Goboleedyada si loo gaaro go’aano lagu mideysan yahay oo ku saabsan doorashada. Safaarada ayaa sidoo kale waxay si weyn uga mahadceliyeen Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor doorkii hoggaamineed ee shirkii Dhuusamareeb 3, waxaana lagu dhiirageliyay Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada in ay dhameystiraan mabaa’diida heshiis ku saabsan is afgarad sal ballaaran leh. The post Wararkii ugu dambeeyey shirka DF iyo maamul Goboleedyada ee Muqdisho ka furmayo first appeared on Caasimada Online.
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/09/Qubanaha-Shabelle-05092020.mp3 View the full article
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax caawa ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in jawaan lagu soo qariyey, kadibna la soo dhigay agagaarka isgoyska Sayidka oo ay bar-Control ku leeyihiin ciidamada ammaanka Soomaaliya. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaas ku dhaawacmay ugu yaraan illaa laba qof oo shacab ah, kuwaas oo ka agdhowaa meesha ay wax ka dhaceen. Xaaladda ayaa haatan si caadi ku soo laabatay, waxaana shaqeynaya isku socodka dadka iyo gaadiidka. View the full article
-
Waxaa goordhow oo caawa ah qarax uu ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka taalada Sayidka ee degmada Warta-nabadda ee gobolka Banaadir. Qaraxa oo ahaa miino dhulka wadad dhinaceeda la dhigay, ayaa geystay khasaare waxaa la sheegayaa inuu dhaawac kasoo gaaray labo, ruux. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoog leh ayaa goor dhaw ka dhacay meel aan ka fogeyn barta-Control ee laga ilaaliyo madaxtooyada oo u dhaw taalada Sayidka ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa ahaa mid lagu soo qariyey jawaan wadada dhinaceeda la dhigay, waxaana fakaday qofkii goobta dhigay. Inta la xaqiijiyey laba qof ayey dhaawacyo ka soo gaareen qaraxa, mana jirto cid ku geeriyootay, sida uu noo xaqiijiyey qof goobjooge ah. Inta uusan qaraxaasi dhicin waxaa ciidamada ammaanka ku wargeliyey dad goobta ku sugnaa oo arkaayey markii la dhigayey, waxayna aad ugu dhawdahay goobta la dhigay kaalin shidaal oo la yiraahdo Hass. Qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa waayihii dambe ku soo batay magaalada Muqdisho, waxaana intooda badan lala beegsadaa mas’uuliyiinta dowladda, iyadoo khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaro dadka rayidka ah. The post Faahfaahin: Khasaaraha ka dhashay qarax goor dhaw ka dhacay Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
-
MOGADISHU (HOL) - Somali army said Saturday it had wrested control of a village in Kismayo, Lower Jubba region from the militant group Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
-
War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa loogu baaqay Madaxtooyada Soomaaliya in ay si Wadajir ah Muqdisho isugu keento dhammana Madaxda dowlad goboleedyada dalka, si xal waara looga gaaro arrimaha doorashooyinka. Qoraalka safaaradda ayaa waxaa sidoo kale loogu mahadceliye Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) doorkii hoggaamineed ee shirkii Dhuusamareeb 3. Ugu dambeyn warkan ayaa waxaa lagu sheegay safaaradda Maraykanka ee Magaaladda Muqdisho ay si gaara xil isaga saartay wadahadalla dowladda faderaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada, si xal wadajir ah looga gaaro arimaha doorashooyinka 2020/21. View the full article
-
Guddiga Joogatada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Aqalka Sare ku yeeshay kulankiisa 5aad ee Kalfadhiga 7aad, ayada oo uu Ajendahu ahaa dhageeysiga Warbixinta Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka. Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo kulanka maanta shir guddomiyay, isla markaana uu goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare Senator Mowliid Xuseen Guhaad ayaa guddoomiyaha guddiga dib-u-eegista dastuurka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid laga dhageystay warbixin ku aadan qodobada muhiimka ah ee dib u eegista lagu sameeyay. Senatarada ayaa su’aalo ka weydiiyay qaar ka mid ah qodobada wax ka badalka ay ku sameeyeen, iyadoo guddiga uu ka jawaabay su’aalihii la weydiiyay. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article