Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxaa xarunta Xalane ee magalada Muqdisho ka dhacay shir looga hadlaayey arrimaha doorashooyinka dalka iyo weliba sidii loo sugi lahaa amniga guud goobaha ay ka qabsoomayaan doorashooyinka Baarlamaanka. Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay madax ka socotay dowladda federaalka, dowlad goboleedyada, maamulka gobolka Banaadir iyo wakiillada Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo dowladda Mareykanka. Shirka ayaa intii uu socday waxaa aad loo falan qeeyey sidii loo sugi lahaa ammaanka goobaha ay ka dhacaayaan doorashooyinka, waxaana maamul goboleedyada loogu baaqay in ay sugaan amniga goobahaas, maadaama maamul weliba labao magaalo oo kamid ah loo asteeyey in ay ka dhacdo doorashada lagu soo dooranaayo Baarlamaanka 11-aad federaalka. La taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka Amniga Cabdisaciid Cali oo ka qeyb galay shirka ayaa sheegay in sidoo kale lagu soo qaaday shirka in beesha caalamka ay taageero siiso hey’adaha ammaanka si ay u sugaan goobaha doorashooyinka ay ka dhacayaan. Dooraashooyinka Baarlamaanka ayaa lagu wadaa in ay bilowdaan dabayaaada sanadkaan, waxaana qorshuhu yahay in maamul gobleedyada mid kasto uu labo magaalo ku qabto doorashooyinka sida lagu xusay heshiiskii dhowaan ay Muqdisho ku gaareen Villa Somalia iyo maamul goboleedyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Cuba ayaa ka wada-hadlay arrimo ku aadan xaaladda dhaqaatiir sanad ka badan u afduuban Al-Shabaab, kadib xiriir dhanka taleefanka ah oo dhexmaray wasiirada arrimaha dibadda ee lada dal. Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Cuba Bruno Rodriguez oo xiriira telefoonka ah la soo sameeyey dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in isla soo qaadeen sidii ay isaga kaashaan lahaayeen in xorriyadooda dib loogu soo celiyo labo dhaqtar oo dalkaasi u dhashay, islamarkaana sanad ka hor ay afduub u geysatay kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda federaalka uu uga mahadcelinayo, sida ay ugala shaqeyneyso, sidii loo soo bad-baadin lahaa dhaqaatiirtaasi. “Waxaan telefoonka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad Waxaan bogaadinayaa taageerada iyo dedaalada dowladiisa ee damaanad-qaadka sidii ay nabad ugu soo laaban lahaayeen dhakhaatiirta. Waxaan adkeynay sii xoojinta xiriirkeena laba geesoodka ah,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Cuba. Waxa kale oo uu carbka ku dhuftay in dowladda Soomaaliya ay la wadaageen ka dowlad ahaan qorshe iyo talo lagu soo furanayo dhaqaatiirtaasi. “Waxaa Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya aan u bandhigtay qorshaha iyo talada lagu soo furanayo dhaqaatiirta laga soo afduubtay Kenya ee afduuban.” ayuu sii raaciyey. Si kastaba ha’ahaatee bishii April ee sanadkii 2019-kii ayaa Assel Herrera iyo Landy Rodriguez laga soo qafaashay gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya, waxaana tan markaas wixii ka dambeeyey ay gacanta ugu jiraan Al-Shabaab oo ku heyso gudaha Soomaaliya. The post Cuba oo Somalia u soo bandhigtay qorshe ay ku soo furaneyso dhaqaatiir u afduuban Al-Shabaab first appeared on Caasimada Online.
  3. (SLT-Washington)-Cambaareyn xooggan ayaa ka dhalatay kadib markii fanaanadda caanka ka ah Mareykanka iyo caalamka ee Rihanna ay Xadiis ka mid ah kuwa laga weriyey rasuulka SCW ay ku dhex dartay hees ay ku ciyaareen gabdho u sameynayey xayeysiinta dhar cuusb ah oo ay soo saartay. Rihanna ayaa Jimcihii billowday dhar cusub oo ah kuwa ay haweenka hoos ka xidhaan ee nigiska iyo rajasiinka ama loo yaqaan Lingerie, oo loogu magac daray Savage X Fenty Volume 2. Hase yeeshee xafladda furitaanka ayaa waxaa ku jiray hees lagu magacaabo Doom oo ay ku ciyaarayeen gabdhaha sameynayey xayeysiinta dharka, taasi oo lagu dhex-daray Xadiis. Codka lagu dhex-daray heesta ayaa codka Sheekha u dhashay dalka Kuwait ee Mishary bin Rashid Alafasy oo Aqrinaya Xadiiska. Muslimiin iyo dad aan Musliim aheyn ayaa labaduba cambaareeyey Rihanna oo ay ku eedeeyeen inay xushmad darro weyn ku sameysay diinta Islaamka iyo qoraallada barakeysan ee Islaamiga ah. Goor dambe ayaa waxaa dhacdadan cudur kaa bixisay gabadha heesta qaadeysa oo lagu magacaabo Chloe. “Waxaan si qoto dheer raalii gelin uga bixinayaa xadgudubka ka dhashay codadka dheeriga ah ee ku jiray heesta. Codadkan ayaa waxaan ka helay Online, mana ogeyn in laga aqriyey qoraallo Islaami ama Xadiis ah,” ayey tidhi. “Waxaan qaadanayaa mas’uuliyadda buuxda ee ah inaan si wanaagsan isaga hubin erayada aan adeegsaday, waxaan u mahad-celinayaa dadka arrintan ii sharxay.” Hoos ka daawo codka Xadiiska ee Sheekh Mishary bin Rashid Alafasy iyo heesta lagu dhex-daray oo kasii hooseeya. Tahu tak kenapa Rihanna trending ? Dia membangkitkan kemarahan orang Islam bila dia pakai track yang ada Hadith alunan (Misyari Alafasy) Versi remix untuk pelancaran pakaian dalam perempuan brand dia tu lah Fenti ke mende apa jadah,ni ayat yang ada dalam lagu ni https://t.co/ZhsgPwJ073 pic.twitter.com/DjnyJ903Uv — IB (@IBCIG) October 4, 2020 https://twitter.com/selenarules6/status/1312884413815033859 Source
  4. (SLT-Qaahira)-Dowladda Masar ayaa dil ku fulisay 13 Xubnood oo ku eedaysnaa inay ka tirsanaayeen Ururka Akhwaanul Musliimiinka ee dalkaasi lagu mamnuucay. Telefishanka Watan TV oo xidhiidh la leh ururka Akhwaanu Muslimiinka Masar ayaa bartiisa facebooga ku qoray dilka 13 qof hase yeeshee Wargayska dowladda Akhbar al-Yawm newspaper ayaa daabacay in 4 qof dil lagu fuliyay. Maaintii Sabtidii wasaaradda arrimaha gudaha ee Masar ayaa dil ku fulisay xubnaha kala Yasser Abasiri oo 49 jir , and Yasser Shakr, 45, labadan nin ayaa la xidhay sannadkii 2013kii waxayna qayb ka ahaayeen banaanabaxyo lagaga soo horjeeday afgembigii Millateri ee xukunka lagaga tuuray madaxweynihii la doortay ee dalkaasi Masar Maxamed Morsi oo sannadkii hore ku geeriyooday Xabsiga. Dalka Masar waxaa maalmahan ka socda banaanbaxyo lagaga soo horjeedo madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-siiisi. waxaa la xidh-xidhay suxufiyiin iyo bannaanbaxayaal. Source
  5. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dib ugu noqday Aqalka Cad habeenkii Isniinta, ka dib markii markii uu ka soo baxay cisbitaalka millatariga Walter Reed ee ku yaalla magaalada Bethesda ee gobolka Maryland. Madaxweynaha ayaa halkaas lagaga daweynayey xanuunka COVID-19 oo dhawaan laga helay. Imaanshihiisa Aqalka Cad ayaa durbaba dhalisay dood cusub, ka dib markii uu fariin dhinaca twitterka ah oo uu soo diray ku qoray in dadku aanay viruska ka cabsan, kaas oo dilay dad ka badan 210 kun qof oo Maraykan ah. Waxa intaas dheeraa in uu Aqalka Cad galay isaga oo aan xidhneyn waji daboolkii. Ka dib markii dayuuraddii wadday ee Marine One ay ku soo degtay Aqalka Cad, Trump waxa uu si taxadar leh u fuulay sallaanka dhanka bari ee Aqalka Cad, ka dibna iska bixiyey daboolkii wajiga, isaga oo halkaas shaaca ka sheegay “Xaalad wanaagsan baan dareemayaa.” Source
  6. Xisbiga xoreynta gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya ayaa fariin u diray xubnaha gobolkaas ku matalo dowladda dhexe ee federaalka, waxaana lagu amaray in ay iska casilaan xilalka ay ka hayaan golaha wakiillada shacabka iyo midka federeeshinka oo ay ku matalaan gobolkaas. Kulan ay yeesheen golaha fulinta ayaa lagu sheegay in muddo xileedkii Baarlamaanka uu dhammaaday , sida uu sheegay Natachew Reda oo kamid ah golaha fulinta ee xisbiga Tigreega. “Xildhibaannada deegaanka Tigreega ka soo jeeda waxaa loo sheegay iney kulankaasi isaga baxaan. Baarlamaanka oo keli ah ma aha waxa amarka la siiyey, balse dhammaan xubnaha deegaanka Tigreega ugu jira qaab dhismeedka dowladda dhexena sida oo kale ayaa lagu amray” ayuu yiri. Xiisadda ayaa ka dhalatay kadib markii maalinimadii shalay uu ku ekaa muddo xileedka Baarlaamanka federaalka Itoobiya, waxaana jirtay in doorashooyinka dib loo dhigay sababo la xariiray caabuqa xanuunka Corona oo dib u dhac ku keenay waqtigii loo dareeri lahaa doorashooyinka Baarlamaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Subax-06102020.mp3 View the full article
  8. OTTAWA -- A popular immigration program that allows people to sponsor their parents or grandparents to come to Canada is reverting to a lottery system. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa habeen hore qaaday dhammaan difaacyadii yiilay xaafadda Buula-xuubeey ee degmada Wadajir iyo xaafadaha kale ee ku teedsan, waxaana sidoo kale aagaasi laga qaaday dhamaan ciidanka dowladda ee ku sugnaa marka laga reebo goobo yar. Xaafadaha ciidanka iyo difaacyada laga qaaday oo ku dhow dhow garoonka Muqdisho waxaa dagan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa halkaas dhowaan ka kireestay guri. Xubno ka mid ah mas’uuliyiinta Madasha Xisbiyada Qaran oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in ay ka walwalsan yihiin sababta aagaasi ciidanka looga wareejiyay iyo difaacyada iyadoo inta kale ee magaalada Muqdisho wali ay sidii u xiran yihiin. “Ciidankii waa la qaaday, difaacyadii waa la qaaday waana aageynaa oo kaliya maxaa inta kale loo qaadi waayay danta laga leeyahay maxaa waaye, shaki badan ayaa qabnaa,” ayuu yiri mid ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo ku jira Madasha Xisbiyada Qaran. Mid ka mid ah saraakiisha ciidanka milateriga Soomaaliya oo ay qaraabo yihiin Madaxweynihii hore ee Somaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale sheegay in arrintaan ay shaki badan dhalineyso. “Waxaa iska cad in arrintan ay shaki abuureyso, waana xaqi inay shakiyaan madaxdii oo ay dareemaan in la dayacayo,” ayuu yiri. Dadka magaalada Muqdisho ayaa subaxii Isniinta ku soo baraarugay iyadoo laga qaaday dhagxaantii tiilay xaafado ka tirsan degmada Wadajir oo markii hore dhib badan ay kala kulmi jireen shacabka degmadaasi inkastoo ay soo baxayaan warar kale oo walaac leh. The post Dhagxaanta laga qaaday qeybo ka mid ah Muqdisho oo siyaasad lala xiriiriyey iyo mucaaradka oo shakisan first appeared on Caasimada Online.
  10. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay in uu dib ugu noqday Aqalka Cad, ka dib markii markii uu ka soo baxay cisbitaalka militariga Walter Reed ee ku yaalla magaalada Bethesda ee gobolka Maryland. Madaxweyne Trump, ayaa halkaas lagaga dawaynayay xanuunka COVID-19 oo dhawaan laga helay. Imaanshihiisa Aqalka Cad ayaa durbaba dhalisay dood cusub, ka dib markii uu farriintiisa Twitter-ka ku qoray in dadku aysan ka cabsan COVID-19, kaas oo dilay dad ka badan 210,000 kun qof oo Maraykan ah. Mr. Trump wuxuu sheegay in xaaladdiisa Caafimaad ay wanaagsantahay, waxaana uu gudaha Aqalka Cad galay isago aan xirnayn fool-saab ama (Face Mask). Kadib markii uu ka soo degay dayuuraddii wadday, Trump waxa uu si taxadar leh u fuulay sallaanka dhanka bari ee Aqalka Cad, ka dibna wuxu iska bixiyay fool-saabkii wejiga. Xanuunka Coronavirus, wuxuu dalka Maraykanka ku soo ritay in ka badan 7 malyan oo ruux, waxaan ugu geeriyooday 210, 000 oo qof, sida laga soo xigtay Waaxda Caafimaadka Maraykanka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Trump oo dib ugu laabtay Aqalka cad kadib markii laga saaray Isbitaalka appeared first on Puntland Post.
  11. The sentencing of three suspects linked to a terrorist attack in Kenya in September 2013 will be delivered on Tuesday, a court in the capital Nairobi ruled. Source: Hiiraan Online
  12. (London) – Hundreds of thousands of people with mental health conditions are shackled around the world, Human Rights Watch said in a report released today. Men, women, and children, some as young as 10, are chained or locked in confined spaces for weeks, months, and even years, in about 60 countries across Asia, Africa, Europe, the Middle East, and the Americas. Source: Hiiraan Online
  13. Local officials and educators have been concerned about the effects of COVID-19-related shutdowns and closures on childrens’ education Source: Hiiraan Online
  14. Los Angeles (Caasimada Online) – Cambaareyn xoogan ayaa ka dhalatay kadib markii fanaanadda caanka ka ah Mareykanka iyo caalamka ee Rihanna ay Xadiis ka mid ah kuwa laga weriyey rasuulka SCW ay ku dhex dartay hees ay ku cayaareen gabdho u sameynayey xayeysiinta dhar cuusb ah oo ay soo saartay. Rihanna ayaa Jimcihii billowday dhar cusub oo ah kuwa ay haweenka hoos ka xirtaan ee nigiska iyo rajasiinka ama loo yaqaan Lingerie, oo loogu magac daray Savage X Fenty Volume 2. Hase yeeshee xafladda furitaanka ayaa waxaa ku jiray hees lagu magacaabo Doom oo ay ku cayaareen gabdhaha sameynayey xayeysiinta dharka, taasi oo lagu dhex-daray Xadiis. Codka lagu dhex-daray Heesta ayaa codka Sheekha u dhashay dalka Kuwait ee Mishary bin Rashid Alafasy oo Aqrinaya Xadiiska. Muslimiin iyo dad aan Musliim aheyn ayaa labaduba cambaareeyey Rihanna oo ay ku eedeeyeen inay xushmad darro weyn ku sameysay diinta Islaamka iyo qoraallada barakeysan ee Islaamiga ah. Goor dambe ayaa waxaa dhacdadan cudur kaa bixisay gabadha heesta qaadeysa oo lagu magacaabo Chloe. “Waxaan si qoto dheer raalii gelin uga bixinayaa xadgudubka ka dhashay codadka dheeriga ah ee ku jiray heesta. Codadkan ayaa waxaan ka helay Online, mana ogeyn in laga aqriyey qoraallo Islaami ama Xadiis ah,” ayey tiri. “Waxaan qaadanayaa mas’uuliyadda buuxda ee ah inaan si wanaagsan isaga hubin erayada aan adeegsaday, waxaan u mahad-celinayaa dadka arrintan ii sharxay.” Hoos ka daawo codka Xadiiska ee Sheekh Mishary bin Rashid Alafasy iyo heesta lagu dhex-daray oo kasii hooseeya. Tahu tak kenapa Rihanna trending ? Dia membangkitkan kemarahan orang Islam bila dia pakai track yang ada Hadith alunan (Misyari Alafasy) Versi remix untuk pelancaran pakaian dalam perempuan brand dia tu lah Fenti ke mende apa jadah,ni ayat yang ada dalam lagu ni https://t.co/ZhsgPwJ073 pic.twitter.com/DjnyJ903Uv — IB (@IBCIG) October 4, 2020 rihanna is responsible for this even if she didn’t choose the music. she hired her team and she must’ve heard the songs beforehand and just because she’s rihanna doesn’t give her a free pass to disrespect a religion pic.twitter.com/V2oZErQhOg — Maria (@selenarules6) October 4, 2020 The post Cambaareyn xooggan oo ka dhalatay Xadiis ay si qaldan u adeegsatay Rihanna first appeared on Caasimada Online.
  15. Xisbiga TPLF ee Qowmiyadda Tigreega, ayaa amar ku bixiyay in ay is casilaan dhammaan xubnaha degaanka Tigreega ku matala Golayaasha dowladda Federaalka Itoobiya. Xubin ka tirsan guddiga fulinta Xisbigaas, oo lagu magacaabo Getachew Reda, ayaa warbaahinta u sheegay in mudda-xileedka Golayaasha Dastuuriga ah ee dowladda Federaalka Itoobiya uu ku ekaa Isniintii Shalay. Maalinti shalay ahayd, labada gole ee dowladda Federaalka Itoobiya, waxay yeesheen munaasabadda furitaanka kulankoodi caadiga ahaa, kaas oo Xisbiga TPLF uu ku baaqay in ay ka baxaan Xubnaha matala degaanka Tigreega. “Xildhibaannada deegaanka Tigreega ka soo jeeda waxaa loo sheegay iney kulankaasi isaga baxaan. Baarlamaanka oo keli ah ma aha waxa amarka la siiyey, balse dhammaan xubnaha deegaanka Tigreega ugu jira qaab dhismeedka dowladda dhexena sida oo kale ayaa lagu amray” ayuu yiri Getachew Reda. Kulanka labada gole oo ka qabsoomay xafiiska ra’isal wasaaraha Itoobiya, waxaa khudbadd furitaanka oo ku saabsanayd jihooyinka siyaasadeed ee dowladda Itoobiya ee sanadkan u billowday soo jeedisay madaxweynaha dalkaasi Sahlewarqi Zewde. PUNTLAND POST The post Tigreega oo amar ku bixiyay in ay is casilaan dhamaan Xubnaha ka matala dowlada Federaalka Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  16. Hay’adda ICRC, ayaa canbaareysay waxa ayna ku tilmaantay danbiyo dagaal oo ka dhashay dagaalka u dhexeeya ciidamada Armenia iyo kuwa Azerbijan ICRC, waxay sheegtay in dhinacyada dagaallamaya ay si aan kala sooc lahayn u duqeynayaan magaalooyinka ay rayidku degan yihiin. Hubka qarxa iyo madaafiic culus, ayaa lagu garaacay magaalooyinka ay dadku aadka u daganyihiin, taas oo gaysatay khasaaro dhimasho iyo dhaawacyo daran, sida ay sheegtay hay’adda ICRC. Sidoo kale, ICRC waxay sheegtay in duqeyntu burburisay goobo muhiim ah oo ay kamid yihiin iskuulo,isbitaalo iyo kaabayaal dhaqaale. Hay’addu waxay tilmaantay in talaabooyinkan ay xad gudub ku yihiin sharciyada caalamiga ee xuquuqda aadanaha iyo kuwa dagaalada. PUNTLAND POST The post Hay’adda ICRC oo sheegtay in ay dambiyo dagaal gaysanayaan Ciidamada Armenia iyo Azerbijan appeared first on Puntland Post.
  17. The Committee to Protect Journalists, Human Rights Watch, and Amnesty International today sent a joint letter to the president of the Federal Republic of Somalia, Source: Hiiraan Online
  18. The UN humanitarian agency on Monday appealed for more funding to enable its partners to scale up relief operations across Somalia. Source: Hiiraan Online
  19. Cuba's Foreign Minister Bruno Rodriguez thanked on Monday his Somali counterpart, Ahmed Isse Awad, for the efforts of his government to guarantee the return of the two Cuban doctors kidnapped more than a year ago in Kenya. Source: Hiiraan Online
  20. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xalay laga saaray isbitaalka Walter Reed, wuxuuna ku laabtay Aqalka Cad, kadib saddex maalmood oo halkaas looga daweynayey cudurka Coronavirus. Hase yeeshee Trump ayaa markii uu ku laabtay Aqalka Cad, wuxuu qaaday tallaabo lagu tilmaamay mid halis gelin karta shaqaalaha Aqalka, farriin qaldanna u diri karta shacabka, kadib markii uu iska furay maaskaro u xirneyd oo uu kala yimid isbitaalka. Kaamirooyinka ayaa qabtay Trump oo taagan meel sare oo Aqalka Cad ka mid ah, iskana furaya maaskaraha, xilli sawirro laga qaadayey. Arirnta kale ee taas ka halista badan ayaa ah inuu ka hor inta aanu isbitaalka ka bixin soo dhigay twitter-ka qoraal lagu macneeyey mid halis gelin kara nolosha dad badan. “Waxaan ka tegi doonaa Walter Reed waxaana ku laaban doonaa Aqalka Cad 6:30 PM. Waxaan dareemayaa inaan aad u wanaagsanahay. Ha ka cabsanina COVID-19. Ha u ogolaan inuu noloshiina maamulo. Waxaan horumarinay dawooyin wanaagsan. Waxaan dareemayaa inaan ka wanaagsanahay sida aan ahaa 20 sano ka hor,” ayuu yiri Trump. Sida ay sheegtay Jaamacadda Johns Hopkins, in ka badan 210,000 oo qof oo Mareykanka ah ayaa ku dhintay cudurka, wuxuuna saameeyey dad gaaraya 7.4 milyan oo qof. Farriinta Trump ee ah inaan laga cabsan cudurka ayaa lagu macneeyey mid horseedi karta in dad badan oo isaga dhageysta aysan qaadin tallaabooyinka lagu xakameeyo faafinta cudurka, taasi oo kordhin karta faafitaan cudurka. Twitter-ka ayaa waxaa qabsaday qoraallo aad loogu cambaareeyey ficillada mas’uuliyad darrada ah ee Trump, waxaana dad badan ay u direen jawaabo ay ka mid ahaayeen “dad badan sidaada uma nasiib badan, mana haystaan dawada iyo daryeelka aad heli karto.” The post Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Trump oo qaaday laba tallaabo oo halis ah first appeared on Caasimada Online.
  21. Dabley hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab, ayaa xalay weerar xooggan ku qaaday saldhiga Ciidamada Dowladda Federaalka ee degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, halkaas oo uu ka dhacay dagaal khasaare kala duwan dhaliyay. Dadka Degaanka ayaa laga soo xigtay, in mudadii dagaalku socday ay maqlayeen dhawaaqa Rasaasta ay isdhaafsanayeen Ciidanka dowladda iyo Shabaabka weeraray saldhiga, inkastoo oo aan weli la xaqiijin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay. Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka, oo la hadlay warbaahinta, ayaa u sheegay in ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhanka Shabaab isla markaana uu dhacay dagaal muddo kooban socday. Al-shabaab ayaa dhawr jeer oo hore weeraro kala duwan ku qaaday Saldhigyo Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ku leeyihiin degmada Baardheere, kuwaas oo qaarkood ay ka dhasheen Khasaaro kala duwan. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo weerar xooggan ku qaaday Baardheere appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa habeen hore waxay dib u furtay qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, kuwaasi oo markii hore lagu xiray dhagxaan. Arrintaasi oo dadweynaha reer Muqdisho ay soo dhaweeyen ayaa haddana nasiib darro waxa soo baxeysa in dhagxaantaasi loo adeegsaday xirista waddooyin kale oo ku yaalla magaalada Muqdisho. Shacabka ka ag dhawaa meelaha laga qaaday dhagxaantaasi ayaa qaarkood waxay noo sheegen in dhagxaantii laga qaaday loo adeegsaday in lagu xiro meel aan aad uga fogeyn halkii hore ay ugu xirnaayeen. Dhagxaanta ayaa waxaa laga qaaday waddooyinka yar yar ee gala xaafadaha, balse waxaa lagu xoojiyey waddooyinka waa weyn. Meelaha dhagxaanta laga qaaday waxaa ka mid ah isgoysyada, Tarabuunka, Sheekh Cali Suufi, Digfeer, Danwadaagaha iyo wadooyin kale oo jidcadayaal ah. Bulshada reer Muqdisho qaarkood ayaa soo jeediyay in dib loo fiiriyo go’aanka ay dhagxaanta dib ugu xireen waddooyin hor leh, halka markii hore waddooyin kale oo lagu dhib qabay looga qaaday. Waxayna sheegen in caqabad horleh ay soo wajahday, maadama xaafadaha qaar ee Muqdisho ay dowladda go’doon cusub la galisay, xili loo baahna in la furo waddooyinka muhiimka ah. Tallaabada ay xalay dowladdu uga qaaday dhagaxaanta waddooyinkaasi ayaa si weyn loo soo dhaweeyay, xili ay soo baxeyso in uusan jirin isbadel weyn oo dhanka isku furanka waddooyinka Muqdisho, oo muddo badan ay shacabku ku dhiban yihiin xaalada adag ee kala wareega. The post Xog: Halkee ayaa la geeyay dhagxaantii laga qaaday jidadka qaar ee Muqdisho? first appeared on Caasimada Online.
  23. Hay’ad Ajnabi ah Oo ku jaha-wareertay warqado Puntland u dirtay Madaxtooyada Puntland, Wasaaraddaha arrimaha gudaha & Qorsheynta oo isku haysta qof noqonaya Lataliye Mashruuc lagu caawin lahaa Barakacayaasha & Qaxootiga. 1- Hay’adda Jarmalka laga leeyahay ee GIZ ayaa mashruuc Barakacayaasha & Qaxootiga ah ka fulin lahayd Puntland, waxayna u baahatay Qof Lataliye ah oo isku xidha Dawladda & GIZ (Puntland ayaa horey ugu fashilantay Mashaariicda GIZ oo uu ka mid yahay jidka isku xidha Garoowe & Gaalkacyo). 2- Wasaaradda Qorsheynta Puntland ayaa gudbisay Lataliye ay shaqadan u qortay, waxaana xogta loo gudbiyey GIZ. 3- Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa ogaatay warqadda Lataliyaha ee ay dirtay wasaaradda Qorsheynta, waxayna ka daba dirtay warqad kale oo GIZ gaadhtay, laguna dhaleecaynayo Lataliyaha la gudbiyey (Jubba oo horey musuq maasuq oo loogu eedeeyey ahna Agaasimaha guud ayaa warqadda diray). 4- Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa isna markale qoray warqad lagu burinayo tii wasaaradda Arrimaha gudaha, laguna amaanayo Lataliyaha cusub ee la gudbiyey. Hay’ada GIZ, waxaa hadda gaadhay 3 warqadood oo kawada baxay Puntland, Wasaarad ilaa Madaxtooyo, dhammaantood-na ku wajahan Booska Lataliyaha mashruucan Barakacayaasha Iyo Qaxootiga wax loogu qaban lahaa, kaas oo hadda welwel laga muujiyey. Tanni waxay muujinaysaa heerka musuq maasuqu ka gaadhay hanaanka Shaqo-helida ee Puntland. Halkan ka akhri:- Qaran News
  24. Buulo-Burde (Caasimada Online) – Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Buulo-burde ee gobalka Hiiraan ayaa xoojiyay cadaadiska ay saareen shacabka ku nool magaalada gaar ahaan ganacsatada iyo qeybaha kale ee bulshada. Ciidamada Jabuuti ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay u yeeray ganacsato iyo qeybo kale oo kamid ah bulshada, waxana loogu hanjabay in aysan ka hadli karin cadaadiska dadka saaran ee ku aadan ammaanka, doodda korontada iyo isgaarsiinta oo waqtiyada ay dhibaateeyaan ciidanka AMISOM la damiyo. Cadaadiskaan dadka saaran ayaa waxay ka dhalatay kadib markii ciidamada Jabuuti Jimcihii la soo dhaafay diideen in ay garoonka ka soo degto diyaarad lagu qaadi rabay qof dumar ah oo xanuusan. “Jimcihii waxay diideen in ay soo degto diyaarad loo dalbay haweeney uur leh oo kalaamiso ku dhacday, gargaar deg deg ah ayey u baahneyd balse waa diideen waxayna sababtu ku sheegeen in Jimcihii nastaan, dharna dhaqdaan, garoonkana uu xiran yahay maadaama ay gacanta ku haayaan,” ayuu noo sheegtay haweeney ka tirsan qoyska hooyada ka xanuunsaneed. “Sidaan kale waxay diideen in maalin Jimco ah garoonka ka soo degto diyaarad Dhuusamareeb ka soo baxday oo waday Imtixaankii Qaranka, bartimihii sanadkaan ilaa markii dambe ciidamo dowladeed xoog ku galeen garoonka,” ayuu yiri mid kamid maamulka degmada oo aan la hadalnay islamarkaana aan qarinay magaciisa. Ciidamada dowladda Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ayaa aad looga cabanayaa waxaana la sheegay in dhibaatooyin badan ku haayaan dadka magaalada Buula-burde ee gobalka Hiiraan. Wali ma jirto wax war ah oo ka soo taliska AMISOM oo arintaan ku saabsan iyo dowladda Soomaaliya. The post Xog: Ciidamada Jabuuti oo Buula-burde ka billaabay ficillo ka yaabiyey shacabka first appeared on Caasimada Online.