-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Somalia tasks spy agency to collect data on public servants
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
MOGADISHU (HOL) - Somalia’s intelliegence agency NISA has rolled out a a staff audit and data collection on all civil servants in what the government said was aimed at streaming personnel accountability in the public sector. Source: Hiiraan Online -
Kadib markii ay Gudiga Doorashada Hirshabeele ay soo saareen Jadwalka Doorashada ayaa waxaa ka hor yimid Siyaasiyiinta ugu caansan Deegaanka iyo Madaxweynaha Hirshabeele. Cali Cisible [...] The post Muran ka taagan Doorashada Hirshabeele appeared first on . Source
-
Inkasta oo wasiirka warfaafinta ee DF Maxamed Cabdi Xayir Maareeya uu talaadadii daahfuray hirgelinta adeegga warbaahinta dadweynaha, isla markaana lagu dhawaaqay in warbaahintii qaranka la dhihi jiray hadda kadib adeegeedii la badalay, hadana wax sahlan ma aha taallaabo ay warbaahin uga guurto mid dowladda ay maamusho “State media” oo siyasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo tifaftirba ay gacmaha kula jirto, oo ay noqoto warbaahinta dadweynaha “Public Broadcasting Service (PBS)” oo maalgelin, hagid ama tifaftirkeeda aaney maamulka dowladda shaqo ku laheyn, shacabuna leeyihiin. Haddii ay talaabadaas dhab ka tahay, oo dowladda federaalka ah ay dooneyso warbaahin shacabka u adeegta, lalana xisaabtami karo, shaqada laga rabo waxaa ugu muhiimsan iney ka shaqeyso midnimada iyo bedqabka dadka, dhulka iyo diinta, ineysan lacag qaadin ama ribix ka shaqeyn, qaranka oo dhan u sinnaadaan, oo lahaanshiyo dareemaan, in dunida afaf kala duwan kula hadasho oo sawir sax ah gudbiso, iney dhexdhexaad ka noqoto siyaasadda iyo arrimaha ka socda gudaha dalka, iney soo saarto barnaamijyo u gaar ah gobol, isir ama nooc dad oo gaar ah, soona saaraan barnaajiyo u gaar ah caruurta, isla markaana ay dhiirigeliyaan xorriyadda iyo dhammaan dhaqannada wanaagsan. Waa iney si joogtada ah u soo daaraan barnaamijyo kala duwan sida cayaaraha, documentary, riwaayado oo wacyigelin ah isla markaana ay dhiirigeliyaan ganacsiga, wax soo saarka iyo isu furfurnaanta iyo isu socodka bulshada iyo xoojinta walaaltinimada. Marka intaas laga soo garo, hoos ka akhriso 10 sharuud oo ku xiran in warbaahinta ay ka guurto warbaahin qaran ama mid ay dowladda maamusho oo ay u guurto mid dadweyne In adeegga warbaahineed uu noqdaa lacag la’aan xilli walba iyo xaalad walba ama waxa loo yaqaano“Free to air and free at the point of use”. Hey’addan wabaahinta dadweynaha share ma geli karo, saamiyo qeyb kama noqon karto, xayeysiin ama lacag kale ma qaadi karo ama xataa ma sameyn karto ribix nooca uu rabo ha ahaado. Waa in koox walba oo bulshada ka tirsan ay u soo daayaan barnaamijyo u gaar ah, waxaa ka mid ah caruurta, da’da, macalimiinta, ardeyda, cubtada, Warbaahin ka hadasha mawduucyo gaar ah sida xorriyadda, hijrada iyo arrimaha ay danta ugu jirto bulshada. Waxaa kale uu qasab uga dhigayaa sharciga saxaafadda in ay dadka usii daayaan barnaamijyo ka hadla wargelin, dhaqanka, waxbarashada iyo madadaallada. Maamulka hey’addan ma qaadan karo lacag aan aheyn mushaar, kumana takrifalo karo hantidaas dadweynaha. Waa ka mamnuuc ah iney taageeraan murashax tartamaya, ma xayeysiin karaan qof, hey’ad ama fikrad, mana soo bandhigi karaan barnaamij xisbi, mana taageeri karaan ama u xagli karaa qof, koox ama fikrad gaar ah iyaga oo masaafo isku mid ah u jirsanaya siyaasiyiinta iyo bulshada qeybaheeda. Sanad walba waa iney xisaab celin joogta ah sameeyaan, oo la ogyahay waxa soo galay iyo wax ka baxay hey’ad ahaan. Marka laga soo tago in sanad walba ay soo gudbiyaan xisaab xirka hey’adda hadana waxaa si joogta ah u kormeeraya hanti dhowrka, hey’adaha sharci dejinta iyo guddi loo saaray, waana in la ogyahay hantiga guurta iyo ma guurtada ah ee hey’adda In wasaaradda warfafinta la baabi’iyo oo guddi gaar ah maamulaan, kana madaxbannaan fulinta iyo hey’adaha dowladda federaalka ah. Haddaba, inta aan gaarin hirgelinta warbaahin dadweyne, waa in la hubiyo dhammaan shuruudahaas oo la la’aantood aaney suurogal aheyn waxa loo yaqaano warbaahinta dadweynaha “Public Broadcasting Service (PBS)”. W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online ) – Sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha ee dalka Cuba wuxuu wada-hadal hoose u socdaa dowladda dalkaasi iyo Al-Shabaab, si dib xorriyadooda loogu soo celiyo, Assel Herrera iyo Landy Rodriguez oo ah dhaqaatiir u dhashay Cuba, islamarkaana muddo ka badan sanad ay afduub u heysato Shabaab. Warbaahinta lagu magacaabo Cibercuba ayaa shaacisay in wada-hadalladaas uu u jeedkooda yahay, sidii Al-Shabaab looga soo deyn lahaa labada dhaqtar. Cibercuba ayaa sidoo kale warisay in wada-xaajoodyadaasi ay fududeynayan odayaal dhaqameedyo iyo shaqsiyaad kale, kuwaas oo aysan carab-baabin magacyadooda. Warbixintan ayaa sidoo kale lagu xusay in kooxda Al-Shabaab ay dooneyso in dhaqaale fara badan ay ka sameyso afduubka dhaqaatiirtaasi, iyada oo la shaaciyey in wada-hadallada socda ay ku dalbatay lacag gaareyso 1.5 milyan oo Dollarka Mareykanka ah. Dowladda Cuba ayaa dadaal xoogan ku bixineysa sidii ay u soo bad-baadin laheyd dhaqaatiirtaasi oo haatan la sheegay inay Al-Shabaab uga faa’iideystaan daaweynta dagaalyahandooda ku soo dhaawacma dagaallada ay wado, ama kuwa ka xanuunsan. Sidoo kale wada-hadalladan soo shaac-baxay ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay wasiirada arrimaha dibadda ee wadamada Soomaaliya iyo Cuba ay ka wada-hadleen arrimo ku aadan xaaladda dhaqaatiirtaasi gacanta ugu jirta kooxda Al-Shabaab. Bishii April ee sanadkii 2019-kii ayaa Assel Herrera iyo Landy Rodriguez laga soo qafaashay qeyboa ka mid ah gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya, waxaana tan iyo xilligaas ay gacanta ugu jiraan dagaalyahanada dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya. The post Immisa lacag ah ayey Al-Shabaab dalbatay, si ay u deyso dhaqaatiirta Cuba? first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa guddoomiyey kulan gaar ah oo ay isugu yimaadeen golaha wasiirada mamaulkaasi, kaas oo looga hadlay amniga guud iyo dhisida golayaasha deegaanka, Qoor Qoor ayaa golaha uga warbixiyey safarkii uu ku tagay Muqdisho iyo heshiiskii siyaasadeed ee lagu dhameystiray hanaanka doorashada dalka ee 2020/2021. Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka, Cali Daahir Ciid ayaa ka warbixiyey kormeerkii uu dhawaan ku tegay qaar kamid ah wasaaradaha Galmudug. Ugu damgbeyn qaar ka mid ah wasiirada wasaaradaha maamulka Galmudug ayaa golaha u soo gudbiyey hindise sharciyeedyo ay soo diyaariyeen, si looga doodo. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle, mudane Cali Cabdullahi Cosoble ayaa weerar culus ku qaaday guddiga farsamada ee soo xulista baarlamaanka labaad ee maamulkaasi, isaga oo sidoo kale ka horyimid jadwalka doorasho ee ay soo saareen. Cosoble ayaa sheegay in guddiga farsamada ay heysato xirfad xumo, islamarkaana ay yihiin ciyaal laga soo magacaabay hal xafiis oo kaliya, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhammaantood ay ka tirsanaayeen shaqaalaha xafiiska madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabelle, Cali Guudlaawe. Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in HirShabelle ay haatan ka baxsan la’dahay dhibaatooyinka ku hareereysan, iyada oo ku jirto marxalad aad u adag. “Hirshabelle iyadoo Meyd ah ayeey Qabriga ku baxsan la’dahay.” ayuu yiri madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay weli aysan muuqan hannaankii loogu diyaar garoobi lahaa doorashada dowlad goboleedka HirShabelle. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada shalay guddiga doorashada HirShabelle uu soo saaray jadwal cusub, balse waxaa ka horyimid madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo waxba kama jiraan ku tilmaamay, wuxuuna sheegay in uu guddiga u baahan yahay dhammeystir. The post COSOBLE: HirShabelle iyadoo meyd ah ayey qabriga ku baxsan la'dahay first appeared on Caasimada Online.
-
Amiirka cusub ee Dawladda Kuwait ayaa Golaha Wasiirrada ee dalkaasi waydiistay inay Xafiisyada sii joogaan, ka dib markii uu Raysal-wasaaraha dalkaasi gudbiyey Iscasilaadda Xukuumaddiisa. Raysal-wasaaraha Dalkaasi Sheikh Sabah al-Khalid al-Sabah ayaa la kulmay Amiirka cusub ee Kuwait Sheikh Nawaf Al Ahmad Al Sabah, kaasi oo awoodda la wareegay Arbacadii la soo dhaafay. Raysal-wasaaraha ayaa kulanka uu la yeeshay Amiirka wuxuu ugu gudbiyey Icasilaaddiisa, taasi oo ka dhigan in Xukuumaddiisa oo dhami dhacayso, laakiin Amiirka ayaa Golaha Wasiirrada ka dalbaday inay sii shaqeeyaan, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Kuwait ee KUNA. Wakaaladda KUNA waxay sheegtay in Amiirka cusub uu caddeeyay inuu ku kalsoon yahay Golaha Wasiirrada ee Kuwait, kuwaasi oo la soo dhisay bishii 12-aad ee Sannadkii hore. Amiirka ayaa sidan u yeelay in Golaha Wasiirradu kala shaqeeyaan diyaarinta hawlaha la xidhiidha qabashada doorashada Baarlamaanka, taasi oo ka mid ah waajibaadyada ugu waaweyn ee sannadkan sugaya. Sheikh Nawaf oo da’diisu tahay 83, ayaa xilka Amiirnimo ee Dalka Kuwait la wareegay markii uu Geeriyooday Walaalkii Sheikh Sabah Al Ahmad, kaasi oo da’diisu ahayd 91. Source
-
(SLT-Burco)-Isuduwaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland ee gobolka Togdheer oo warbaahinta dawladda la hadlay ayaa ka warbixiyay baadhitaano Badeecadaha ah oo ay ka bilaabeen gobolka Todheer. Maxamuud Saleebaan Cabdi, Isuduwaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland ee gobolka Togdheer, ayaa sheegay in ay baadhitaano ka sameeyeen Kaantaroolada iyo Kastamada magaaladda Burco si loo hubiyo loona xaqiijiyo badeecooyinka soo gelaya gobolkaas. Isuduwaha Hay’adda Dhawrista Tayada ee gobolka Togdheer, waxa uu sheegay in ay baadhitaan ka bilaabeen Bakhaarada waaweyn ee magaaladda Burco, isaga oo u soo jeediyay ganacsatada in ay xafidaan meel ku haboonna ay ku kaydiyaan maciishadda quutal daruuriga ah, iyaga oo u kala iibinaya sidii ay u kala horreyeen, wuxuuna intaas ku daray in ay talaabo adag ka qaadi doonaan Bakhaaradda lagu helo iyaga oo iibinaaya maciisahadda iyo alaabooyinka dhacay. Source
-
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal oo xalay Xarakada Al-Shabaab ay ku qaaday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu beegsaday garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaaladaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in madaafiicdu ay gaarayeen ku dhowaad illaa 10, islamarkaana ay qaarkood ku hoobteen agagaarka garoonka Dhuusamareeb. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhankooda ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti oo degan garoonka ay ku jawaabeen madaafiic ama hoobiyeyaal. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay hoobiyeyaasha ay is-weydaarsadeen labada dhinac. Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana ciidamada huwanta ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabaya deegaano dhaca duleedka magaalada Dhuusamareeb ee G/Galgaduud. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar saacadihii la soo dhaafay dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya oo xad la leh Soomaaliya. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu qaaday gaari Bas ah oo ay ku socdaalayey inta u dhexeysa degmada Ceelwaaq & Kotulo. Gaariga la weeraray oo ay la socdaan dad badan ayaa ka amba-baxay magaalada Mandheera , wuxuuna ku sii jeeday magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Booliiska ee ka howl-gala gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. Sidoo kale saraakiisha amniga ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi ay ku dhaawacmeen illaa 8 ruux oo ka mid ahaa rakaabka la socda gaariga, kuwaas oo ay soo gaareen dhaawacyo daran. Ciidamada Booliiska Kenya ayaa sidoo kale howl-gallo ka bilaabay deegaano dhowr oo dhaca xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Dhinaca kale dagaalyahano ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay weerar culus ku qaaday saldhig ciidamada Kenya ay ku leeyihiin magaalada Wajeer oo iyana ka tirsan gobolka Waqooyi Bari. Weerarka oo uu xigay dagaal toos ah ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka (Konton) oo hoostaga Degmada Qorof Xaraar ,halkaas oo ay saldhig ku leeyihiin ciidanka Kenya. Wararka ayaa sheegaya in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay dagaalkaas iyo weerarka ha horreeyey. Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro khasaare geysta ka fuliya gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee wadankaasi. The post Al-Shabaab oo weeraro khasaare xoogan dhaliyey ka fulisay dalka Kenya first appeared on Caasimada Online.
-
Ugu yaraan sideed ruux ayaa lagu dhaawacay, kadib markii rag hubeysan ay weerar ku qaadeen gaari Bas ah oo marayey gobalka Waqooyi Bari, siday sheegeen saraakiil ka tirsan Booliiska dalka Kenya. Gaarigaasi oo ay saarnaayeen dad badan oo rakaab ah, una kala gooshayey magaalooyinka Mandera iyo Nairobi ayuu weerarka ku qabsaday deegaan ku dhaw magaalada Daba. Saraakiil ka tirsan Booliiska Kenya ayaa sheegay in weerarkaasi looga shakin sanyahay in ay geysteen dagaalyahanada Al-Shabaab oo fadhigoodu uu yahay Soomaaliya. Taliye ku xigeenka Booliiska Mandera Joshua kitakwa ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi ay ku dhaawacmeen qaar ka mid rakaabkii saarnaa gaariga oo ku sii jeeday magaalada Nairobi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan jirin wax dhimasho ah, iyadoo wararka laga helayo isbitaallada ay sheegayaan in tirada dadka dhaawacmay ay tahay sideed ruux oo afar ka mid ah xaaladooda ay culus tahay. Ciidamo ka tirsan Booliiska Kenya ayaa sidoo kale gaaray goobta uu ka dhacay weerarka khasaaraha geystay, waxaana sheegeen in ay ku raad joogaan ragga duulaanka qaaday Weerarkan ayaa yimid, xilli maxkamadda magaalada Nairobi ay xukumeyso saddex ruux oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen weerar dad badan ay ku dhinteen oo sanadkii 2013-kii lagu qaaday suuqa Westgate Mall oo ku yaalla magaalada Nairobi. View the full article
-
Taliska ugu sarreeya ciidamada qalabka sida ee Mareykanka ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqay in ay si iskood ah isu karantiileen, kaddib markii sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada ilaalada xeebaha laga helay coronavirus. War kasoo baxay waaxda difaaca Mareykanka ayaa lagu sheegay in taliyaasha is kaarantiilay ay ka mid yihiin taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Gen. Mark Milley, iyo ku xigeenkiisa Gen. John Hyten. Saraakiishan iyo qaar kale oo ka mid ah taliska ayaa dhawaan xarunta Waaxda Difaaca ee Pentagon-ka kula kulmay taliye ku xigeenka ciidamada llaalada xeebaha Mareykanka Adm. Charles W. Ray, kaasoo habeenki ay Talaadada soo galeysay xanuunka laga helay. Afhayeen u hadlay Pentagon oo lagu magacaabo Jonathan Hoffman ayaa sheegay in in taliyaasha ciidanka qalabka sida ee Mareykanka laga qaaday Talaadadi shalay tijaabada caafimaadka balse laga waayay xanuunka coronavirus. Dhanka kale Stephen Miller oo ka mid ah lataliyaasha saree e Aqalka Cad ayaa xalay shaaciyay inuu qaaday xanuunka coronavirus, taasoo ka dhigeysa qofki ugu danbeeyay oo ka mid ah shaqaalaha Aqalka Cad oo laga sheego coronavirus. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helayaa koox burcad hubeysan oo habeenimadii xalay dad shacab ah ku dilay xaafad ka tirsan degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Dilka ayaa wuxuu si gaar uga dhacay xaafadda Xoosh, kadib markii kooxo hubeysan ay toogteen sedex ruux oo kamid ahaa dadka deegaan sida ay sheegayaan wararka soo baxo. Dilka ayaa yimid kadib markii qolyaha burcada ah ay sedexda ruux ay weydiiyeen Taleefanada gacanta oo ay siteen, waxaana dhacday in ay ka dhago adeygaan in ay dhiibaan, taas oo keentay in ay toogtaan sedexdii ruux. Kooxdii falka geysatay ayaa goobta isaga baxsatay, ciidamada ammaanka degmada oo soo gaaray goobta uu falku ka dhacay ayaa sameeyey baaritaanno lagu baadi goobayo dadkii falka geystay, mana jiro cid weli loo qabtay falkaas. Degmada Dharkenley ayaa waxaa inta badan ka dhaca dhac iyo dilal loo geysto dadka shacabka ah eek u dhaqan degmada, waxaana xiliyada habeenkii ku adag shacabka in ay isaga gudbaan xaadaha degmada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa baaritaan la xiriira amniga lagu sameyn doonaa dhammaan shaqaalaha dowladda Soomaaliya, sida ay shaacisay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada. Warqad ka soo baxday wasaaradda oo ku taariikhaysbeyd 03-October 2020-ka ayaa waxaa lagu sheegay in baaritaan la xiriira ammaanka laga samaynayo wasaaradaha kala duwan ee xukuumadda, si loo hubiyo shaqaalaha in ay xiriir la leeyihiin Al Shabaab. Halkan hoose ka aqriso:- View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay rasaas aan loo meel dayin oo xalay lagu furay gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayey qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in gaarigaasi lagu rasaaseeyey wadada u dhexeysa Ex-Control Afgooye iyo xaafadda Xoosh ee degmada Dharkenley. Koox hubeysan oo wadatay dareeska ciidamada dowladda ayaa lagu soo warramayaa inay ka dambeeyeen falkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa rasaasta ay fureen dableydaasi ku dhintay illaa saddex qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro kale. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyada fulisay weerarkaasi ay dooneysay inay dhac baahsan u geysato gaarigaas iyo dadka la socday. Xaaladda ayaa haatan degan, balse waxaa socda baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan ciidamada ammaanka Soomaaliya oo baadi goobiyey raggii ka dambeeyey dhadadaasi. Sidoo kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha hay’adaha amniga Soomaaliya iyo maamulka degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ku soo badanayey falalka liddiga ku ah amniga iyo kooxaha dhaca u geystay dadka rayidka ah. The post Koox hubeysan oo dil iyo dhaawac ka geysatay magaalada Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
-
Kooxo hubeysan oo ku labisnaa dareeska ciidamada dowladda ayaa xalay gaari ay la socdeen dad shacab ah ku rasaaseeyey qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Gaariga oo ahaa nooca raaxada ayaa waxaa wadada u dhexeysa Ex-Control Afgooye iyo Xoosh u galay kooxdaasi oo rasaasi xoogan ku furtay rakaabkii la socday. Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay falkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro kale, sida uu inoo xaqiijiyey Daahir Sheekh Cabdullahi oo ka bad-baaday weerarkaasi. Wararka ayaa sheegaya in kooxdaasi ay dooneysay inay dhac u geysatao gaariga la rasaaseeyey iyo dadka la socday oo ka soo baxay dhanka Ex-Control Afgooye. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayey falal ammaan dari oo isugu jira dilal iyo dhac xilliyada habeenkii ah loo geysto dadka rayidka ah. View the full article
-
Facebook ayaa masaxay farriin madaxweyne Trump uu ku sheegay Covid-19 inuu ka ‘halis yar yahay’ hargabka. Mr Trump ayaa haatan ku sugan aqalka cad kaddib markii seddex maalmood uu ku jiray cisbitaal oo laga dabiibay faayraska corona ee laga helay. Wuxuuna farriintiisa uu ku qoray Mareykanka inuu bartay ‘sida loo noolaan karo xilliga hargabka’, sida aan u barannay iney dad badan la noolaadaan Covid-19, maadaamaa ay halistiisu yar tahay!!!” Twitter-ka ayaa sida oo kale farriintaasi lafteeda qariyey iyada oo sheegtay “iney farriintaasi marin habaabineyso bulshada farriin khaldanna ay gudbineyso”. “Waxaan tirnay farriin khaldan oo ku saabsan khatarta uu leeyahay Covid-19, hadda ayaanna farriintaasi tirnay,” ayuu yidhi Andy Stone oo ah Maareeyaha isgaadhsiinta Facebook. Tirada rasmiga ah ee xaddiga dhimashada ee Covid-19 lama oga, balse waxaa loo maleynayaa iney aad uga sarreyso noocyada hargabka, suuragalna ay tahay 10 jeer ama ka badan iney ka badan tahay, sida ay sheegtay Jaamacadda John Hopkins. Facebook ayaa sheegay madaxweynaha inuu ku xadgudbay sharciga u yaalla baraha bulshada ee ah inaan la soo dhigin farriimo khaldan, baraha bulshadana ay mas’uul ka ahayn waxayaabaha ay bogaggooda soo dhigaan macamiishooda. Balse shirkaddu wuxuu sharicgu u fasaxayaa iney faraha la gasho “ayna masaxdo ama xayirto”, farriimaha ay u aragto iney xambaarsan yihiin aflagaaddo, xadgudub ama colaad. Sharcigaasi haddii lagu xadgudbana, baraha bulshada waxay waajihi doonaan dacwado la xidhiidha inay wax ka beddeleen ama isbeddelka ay ku sameeyeen waxa uu qofka isticmaala baraha bulshada uu soo dhigay. Source
-
(SLT-Riyadh)-Dhaxal-Sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa dhowr jeer booqasho qarsoodi ah ku tegey Israa’iil, sida ay tabiyeen warbaahinta bariga Dhexe. Dadka indh-indheeya xaaladda gobolkaas ayaa aaminsan in xidhiidh qarsoodi ah uu hore uga dhaxeeyay Sacuudiga iyo Israa’iil, laakiin ilaa hadda ma jiraan safaro la xaqiijiyay ilaa hadda. Warka ku saabsan Booqashooyinka qarsoodiga ah ee Maxamed Bin Salmaan waxaa lagu shaaciyay Al Mayadeen TV, oo la hadlay saraakiil ka tirsan laamaha amniga Israa’iil. Hase yeeshee lama magacaabin saraakiisha reer Israa’iil ee telefishinka laga wareystay. “Warar la xidhiidha arrimaha dibadda ayaa sheegay in Maxamed Bin Salmaan uu ku istareexay qorraxda magaalada Tel Avid, dhowr jeer,” ayuu telefishinka ku yidhi sarkaal hore uga tirsanaa hay’adda amniga Israa’iil ee lagu magacaabo Shin Bet oo ay Somalilandtoday warkan ka soo xigatay. Sacuudiga ayaa lagu yaqaannaa in aanu Israa’iil u dhalleecaynin sida ay u dhaliilaan Iiraan iyo Turkiga. Maxamed Bin Salmaan ayaa loo arkaa inuu daaha gadaashiisa ka maamulo Boqortooyada Sacuudiga. Waxaa loo arkaa Maxamed Bin Salmaan inuu yahay ninka wakhtigan ugu awoodda badan Sacuudiga. Dowladaha Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa dhowaan ku dhowaaqay inay la sameysteen xiriir diblumaasi dowlada Israa’iil. Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay dagaalyahanada Al-Shabaab weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee ku yaalla magaalada Dhuusamareeb. Weerarka hoogbiyeyaasha ee lala beegsaday garoonkaas ayaa waxaa la sheegay in laga soo tuuray dhanka koonfur bari ee caasimada Galmudug. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in madaafiicdaas ay qiyaas ahaan gaareyso illaa 10, islamarkaana ay ku dhaceen hareeraha garoonka Ugaas Nuur oo ay dagan yihiin ciidamada howl-galka AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ee loo yaqaano (Hiil Walaal). Ugu yaraan illaa labo qof ayaa ku dhaawacan-tay hoobiyeyaashaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Sidoo kale waxaa haatan socda baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb. Ciidamada huwanta ayaa lagu soo warramayaa inay isku fidiyeen duleedka magaalada, gaar ahaan deegaanada la tuhmayo in laga soo ganay madaafiicdaasi. Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe bilaabay inau weeraro ku qaadaan caasimada Galmudug oo sanadihii la soo dhaafay ka caaganeyd dagaalka kooxdaasi, waxaaa horey gobollada dhexe kaa saaray Ururka Ahlu Sunna Waljamaac oo hadda meesha ka baxay. The post Weerar khasaare geystay oo markale lagu qaaday garoonka magaalada Dhuusamareeb first appeared on Caasimada Online.
-
Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday baaritaanno in lagu samaynayo dhammaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay sii hayaha wasaaradda shaqada Sidiiq Xirsi Warfaa, waxaana la sheegay in looga golleeyahay sugidda amniga. Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale la faray dhammaan wasaaradaha dowladda in ay hey’adda Nisa kala shaqeeyaan, sidii hubin amni iyo baaritaanno loo marsiin lahaa dhammaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, baaritaanka ayaana u badnaan doona wareysi dhinaca amniga ah, Nisana ay sameyn doonto baarintaanka ayaa lagu yiri. Halkaan Ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Subax-07102020.mp3 View the full article
-
Djibouti is capitalizing on its strategic location on one of the world’s busiest trade routes to build Africa’s largest free trade zone area. The Horn of Africa nation controls the Bab el-Mandeb (“Gate of Tears” in Arabic) which is a crucial chokepoint at the entrance to the Red Sea and the Suez Canal from the Indian Ocean. Source: Hiiraan Online
-
Maalin maalmaha ka mid aheyd, ayaa waxaa isu yimid habar-dugaag oo dhan oo uu Libaax boqor u yahay, waxayna ugaadhsadeen oo disheen neef Geel ah. Libaaxii baa Waraabihii ku amray inuu neefka hilbihiisi qaybiyo. Waraabihi baa yidhi ciidanku waa badan yahay, neefka badhkiis ha qaateen, adigoo Libaax ahna, badhka kaloo dhan wada qaado. Libaaxii oo isagu isla rabay, inuu neefka dhan wada qaato, oo markii uu iskiis uga dhargo inta kale ee hambada iyo lafaha hadha ay habar-dugaagoo dhan wadaagaan. Libaaxii aad buu uga xanaaqay fikirkaa waraabaha oo intuu bahal dhirbaaxo ah waraabihi ku dhuftay, ilna halkaas kaga soo tuuray. Ka dibna dawaco ayuu ku amray inay bal iyaduna, neefki hilibkiisii qaybiso. Dawaco, oo wixii waraabaha ku dhacay cashar weyn ka qaadatay ayaa tidhi ( boqoroow ku wada siiyaye – neefka wada qaado). Libaaxii oo qaybinta dawacada ku qancay ayaa dawacadii ku yidhi (yaa sidaan wax-qaybinta wanaagsan kuu baray?), ka dibna waxay tidhi (isha dhurwaa ka laalaaddaa i bartay). Maalinkii danbe ayaa iyadoo Libaaxii goobti ka maqan yahay oo uu Waraabe meesha u sarreeyo, Dawaco na la joogto ayey neef geel ah disheen. Waraabihii oo xasuusan jawaabtii Dawacada ay Libaaxa hore u siisey iyo qeybintii khilaafka neefkii hore, isagoo waraabihii xanaaqsan ayuu Dawaco ku xukumay in cunida neefkan laga qadiyo, ayna qasab ku daawato neefka hilbihiisa oo la cunayo, oo laga mamnuuco iney ka hadasho baahideeda. Waraabihi oo jawaabtIi ay dawacadu libaaxiI siisay iyo waliba khilaafki ay xagga qaybinta ku khilaaftay ka sii xanaaqsanaa welina xasuusan, ayaa dawacadi maxkamad uu kaligiis xaakim iyo looyarba ka ahaa saaray, wuxuuna ku xukumay in cunidda neefka laga qadiyo Dawacada, ayadoo gaajeysana ay sida neefka hilbahiisa loo cunayo khasab ku daawato, kana mamnuucay inay hadasho ama baahideeda sheegato. Weliba Dawaco, waxa loogu sii daray, [cad baruur ah ayaa afka loo marmariyey oo dufan leh]. Qalinkii Prof. Mohamed Ahmed Farah Mataan [jaafaa] Ankara, Turkiga jaafaa66@gmail.com Qaran News
