-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo muddooyinkii ugu dambeeyey si weyn uga shaqaynayey hawlaha saldhiga u ah qabsoomida doorashooyinka isku sidkan ee Golayaasha Deegaanka Iyo Wakiilada,kuwaas oo bishii hore ka sameeyey Magaalooyinka Oodweyne Iyo Baligubadle tijaabadii diiwaangelinta Codbixiyayaasha. Guddida Dorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa la sheegay inay hadda ay cagta saareen jidkii ay ku bilaabayeen Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Somaliland, waxaanay xoggo uu Wargeyska Foore ka helay illo wareedyo ay sheegeen in lagu guulaystay tijaabadii diiwaangelinta Codbixiyayaasha Somaliland ee laga sameeyey Bishii hore Magaalooyinka Baligubadle iyo Oodweyne. Dhanka kalene Xoggaha uu Foore ka helayo illo wareedyo rasmiya ayaa sheegay inay bishan aynu ku jirno ee October 2020-ka badhtankeeda ay si rasmi ah Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland uga bilaabayaan dalka diiwaangelintii codbixiyayaasha Somaliland. Doorashooyinka Somaliland ee Golayaasha Deegaanka Iyo Wakiillada ayaa la filayaa in ay ka qabsoomaan dalka sannadka dambe inkasta oo xaalado caqabado ahi ku gedaaman yihiin, kuwaasoo isugu jira kuwo sharci iyo saami qaybsiga beelaha Somaliland qaarkood saluugga weyn ka qabaan. Source
-
Toddobaadkii hore dhammaadkiisii ayey ahayd kolkii ay Magaalada Hargeysa ka dhacday falkii foosha xumaa ee ay sida weyn uga argagexeen bulshada Somaliland ku dhaqan, isla markaana ay sida weyn uga xumadeen, kaas oo ahaa mid ay koox dhalinyaro ahi ay si arxan darran ugu wax-yeeleeyeen Wiil dhalinyaro ah oo ka shaqaynayey maherad lagu Banjariyo taayirada gawaadhida,waxaana falkaasi lagu eedeeyey inuu gadhwadeen ka ahaa Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ka tirsan mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland Falkan ayaa dhacay kadib markii uu muran soo kale dhex-galay Xildhibaan Kijaandhe iyo Wiilka ka shaqaynayey Mahareda Banjarle ah oo uu macmiil u ahaa Xildhibaanku, balse intaas kadib Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu soo kaxaystay saddex dhalinyaro ah oo uu isagu laba kamid ah dhalay,halka uu kalena ay ehel yihiin, kuwaas oo si arxan darran wiilkii Banjarlaha haystay u garaac,waxaanay ehelada wiilkanu sheegeen inay la dhaceen Birro, daawayaasha baabuurta iyo dhagaxaan, kaas oo koomo ku jiray muddo saddex cisho ku siman, isla markaana xaalad xun galay oo la dhigay Cisbitaalka Royal ee Magaalada Hargeysa. Dhanka kalene Wiilkaas muruq-maalka ahaa ee ka shaqaynayey Maherada Banjarisa Baabuurta, ayaa hadda la sheegay inay xaaladiisu ay ka soo raynayso, kaas oo ka soo baxay koomadii uu ku jiray maal-mahan,isagoo hadda soo miiraabay, isla markaana ay xaaladiisu ka soo fiicnaanayso sidii hore. Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland oo cisbitaalka Royal ku bookhday wiilkaas ayaa sheegay sidan “ninkan yar waa nin muruq maal ah wax uu ku mutaystaystay dhibtan loo geystay annigu garan maayo ,xaaladiisu hadda wey ka soo raynaysaa ,annigu waxaan sheegay inuu ninkaas saddex kun oo shillin uu ku dhintay oo neerfayaashiisii lagu baabiiyey oo lagu dilay,waxaan illaahay uga baryayaa inuu Caafimaad siiyo inta u dhiman “ Ayuu yidhi Xildhibaanku. Waxa kale oo uu Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog uu u soo jeediyey ehelada wiilkan inay geeyey dhakhtarka Haldoor ee Magaalada Hargeysa si loo baadho neerfayaashiisa. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa caasimada dalka Nairobi ayaa uga sii gudbay magaalada Dubai ee waddanka Imaaraatka Carabta. Safarka Deni ee Dubia ayaa waxa ka soo baxaya xogo ku saabsan socdaalkiisa iyo kulamo uu ku leeyahay wadankaasi. Deni ayaa lagu wadaa inuu Dubai kula kulmo mas’uuliyiinta u sareysa Shirkadda DP World oo gacanta ku haysa maamulka dekedda Boosaaso ee maamulka Puntland, kuwaasi oo uu kala hadli doono arrinta Dekedda oo muddooyinkii dambe aysan wax shaqo ah ka qaban, isla markaana ay ciid buux dhaafisay. DP World ayaa sida la ogyahay waxay Dekedda Boosaaso kula wareegtay heshiis la saxiixay saddex sanno ka hor (6-dii April 2017), kaasi oo uu meel mariyey baarlamaanka Puntland. Heshiiskaasi oo uu qalinku ku duugay madaxweynihii ka horeeyay, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxa Shirkadda DP World Suldaan Axmed Bin Suleyman, ayaa mudadiisu dhameyd 30 sanno. Wuxuu heshiiskaasi dhigayay in shirkada DP World ay dekedasi ku maalgeliso lacag dhan $336 Milyan, kaasi oo qeyb ka ahaa qorshe xiligaas loogu talo-galay in dekedda lagu balaadhiyo 450-mitir. Dekedda Boosaaso ayaa wax shaqo ah laga qaban tan iyo markii heshiiskaasi uu dhaqan galay, isla markaana lagu waday inuu wajigiisa koowaad dhamaado badhtanka bishii hore ee 2019-ka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, safarka Deni ayaa ku qotoma dardar gelinta heshiiskaasi fadhiidka noqday, xili bilowgii sanadkii hore Boosaaso lagu khaarajiyay Sarkaal ka tirsan Shirkada DP World. Waxaana xusid mudan in Deni uu safar ku tagay Dubai badhtankii sanadkii hore, iyada oo aysan ilaa hadda waxba ka fulin heshiiskii xukuumadii Gaas la gashay DP World. Si dhab ahna uma cada in safarka madaxweynaha Puntland ku tagay Imaaraadka uu wax ka badeli doono mowqifka mas’uuliyiinta DP World oo u muuqda gebi ahaanba kuwo iska xooray heshiiskii ay kula wareegen dekedda Boosaaso. The post Xog: Ujeedka safarka Saciid Deni ee Imaaraadka Carabta first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa goordhow sheegay in uu geeriyooday mid ka mid ah Maxaabiistii ku xirneed gudaha Xabsiga dhexe. Saraakiisha aan la hadalnay ayaa noo sheegay in Maxbuuskaan uu ku eedeesnaa dil loo geestay qof shacab ah waxa uuna ka tirsanaa ciidanka Soomaaliya. Maxbuuska dhintay ayaa magaciisa lagu soo koobay Cabdullahi, waxaana la sheegay in uu maalmihii la soo dhaafay wajahayay xaalado caafimaad darro oo sababay in maanta ku geeriyoodo Isbitaalka Martiina ee Muqdisho. Saraakiisha aan la hadalnay ayaa sheegay in Maxbuuskan uu wajahay xaalado daryeel xumo, kuwaas oo sababay in ugu dambeyn u geeriyoodo waxaana wali ka hadlin taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Waa qofkii 3-aad oo maxbuus islamarkaana ku xiran Xabsiga dhexe ee geeriyooda, kuwaas oo la sheegay in dhamaantoodba ay u dhinteen daryeel la’aan iyo dayac ku heysata gudaha Xabsiga. Sidoo kale weerarkii ka dhacay Xabsiga ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 20 qof, kuwaas oo qey ka noqonaya dadka xabsiga ku dhintay sanadkaan. Qaar kamid ah maxaabiista Xabsiga dhexe oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in xaalado adag ay ka jiraan gudaha Xabsiga waxaana sii adkaatay nolasha maxaabiista tan iyo weerarkii Xabsiga Dhexe. The post Xog: Qof maxbuus ku ah Xabsiga Dhexe oo maanta geeriyooday iyo sababta first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta Cabdullahi Aadan Sangar u magacaabay inuu noqdo taliye ku xigeenka ciidamada Daraawiishta maamulkaasi, kadib wargeeto uu saaray. Lafta Gareen ayaa wareegtada ka soo baxday xafiiskiisa waxaa lagu sheegay in magacaabista ay ku timid baahi loo qabay in la buuxiyo jagadaasi. Halkan hoose ka aqriso:- View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ugu tagay Amiirka cusub ee dalka Kuweyt Sheekh Nawaaf Al-Axmed Al-jaabir Al-sabaax ayaa gaarsiiyey tacsida Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan geeridii Alle ha u naxariistee Amiirka dalkaas Marxuum Sabaax Al-Axmed. Labada Hoggaamiye ayaa iska xogwareystay mustaqbalka xiriirka labada dal iyo muhiimadda ay leedahay in la sii joogteeyo iskaashiga ku saleysan walaaltinimada iyo is-garab istaagga, iyada oo Ra’iisul Wasaare Rooble uu soo bandhigay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay murugada geerida Amiir Sabaax ay ula qeybsanayaan walaalahooda dalka kuweyt. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha waxa uu tacsida la wadaagay Guddoomiyaha Golaha Ummadda dalka Kuweyt Mudane Marsuuq Alqaanim, Dhiggiisa dalkaas Mudane Sabaax Khaalid Al-Axmed, Ku-xigeenka Taliyaha Ciidammada Ilaalada Qaranka Mishcal Al-Axmed, Amiirrada iyo dhammaan xubnaha Qoyska reer Sabaax ee haya talada dalka Kuweyt. Intaas kaddib, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu booqday qabriga Marxuum Sheekh Sabaax Al-Axmed oo uu u soo duceeyey, Eebbana uga baryay in uu naxariistii Janno ka waraabiyo. Ra’iisulwasaaraha iyo wafdigiisa ayaa Kuwait u tagay in uu hoggaanka iyo shacabka Kuwait gaarsiiyo tacsida dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan geeridii Sheikh Sabaax AlAxmed oo ahaa hoggaamiye aragti dheer oo isaga iyo shacabkiisaba uu xiriir wanaagsan oo walaalnimo iyo iskaashi kala dhexeeyo shacabka Soomaaliyeed. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyadoo garowsan kalgacaylka walaaltinimo ee Amiir Sheekh Sabaax Al-Axmed uu u hayey shacabka, dowladda iyo guud ahaan dalka Soomaaliya iyo doorkii wanaagsanaa ee uu ka qaatay adkeynta xiriirka Labada dal, waxa ay xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay in la sii xoojiyo lana sii horumariyo dhaxalka diblumaasiyadeed ee marxuumku uu uga tagay labada dowladood. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni oo ku sugan magaalada Dubai wadanka Imaaraadka carabta ayaa lagu wadaa inuu kullamo la qaato mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda DP-World, oo gacanta ku haysa dekadda magaalada Bosaso ee gobolka Beri. Wararka ayaa intaas ku daraya in inta uu ku sugan yahay Dubai uu mas’uuliyiinta shirkadda kala hadli doona arrimaha dekadda magaalada Bosaso, taas oo muddooyinkii dambe ay maamulaysay DP-word, waxaana weli aan la fulin mashruucii lagu ballaarinaayey dekadda. Shikadda ayaa hakisay mashuucii lagu dhisaayey dekadda, kadib khilaaf soo kala dhex galay shirkadda iyo dowaldda federaalka Soomaaliya, iyadoo ay jirto in sanadkii tagay shaqaale ka tirsan shirkadda DP-WORLD lagu dilay magaalada Bosaso, imaaraadka ayaana Puntland ka taageero dhinacyo badan oo dhismaha ciidanka daraawiishta uu ku jiro. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay duleedka Balcad
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ciidamada Xoogga dalka ay weerar ku qaadeen Basro iyo Daniga oo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyey intaba Deegaanada uu dagaalku ka dhacay oo hoos yimaada degmada Balcad ayaa waxa weli laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah iyo dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya lada dhinac. Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa kordhiyey howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka. View the full article -
Baku (Caasimada Online) – Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Armenia iyo Azerbaijan ayaa maanta kasii xoogeystay gobolka la isku haysto ee Nagorno-Karabakh, ayada oo ay sii kordheyso cabsida la xiriirta khasaaraha dadka rayidka ah, kadib markii dhinacyada ay billaabeen inay madaafiic ku garaacaan magaalooyin waa weyn. Gooni u goosatada gobolka Karabakh ee Azerbaijan balse asal ahaan kasoo jeeda Armenia, ayaa qirtay in dagaalka uu ka socdo forumaha magaalada caasimad goboleedka ah ee Stepanakert, halkaasi oo madaafiic culus lagu garaacayo. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Azerbaijan ay kusii saqayaan magaaladan muhiimka ah, lagana yaabo inay galaan. Sidoo kale, shalay ayey ahayd markii madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev uu sheegay in ciidamadiisa “ay calankooda ka taageen” magaalada istiraatiijiga ah ee Madagiz ayna qabsadeen tuulooyin dhowr ah. Wasaaradda gaashaandhigga Azerbaijan ayaa sheegtay in ciidamada Armenia ay madaafiic ku garacaayaan dhowr magaalo, oo ay ka mid tahay magaalada labaad ee dalkaas ugu weyn ee Ganja, taasi oo markii ugu horreysay la garaacay Axaddii. Madaafiicda sii kordhaya ee lagu garaacayo magaalooyinka waa weyn ayaa kordhiyey cabsida laga qabo inuu sii kordho khasaaraha dhimashada dagaalka, oo mar horeba ay ku dhinteen 250 qof. Dagaalka oo billowday Sabtidii 27-ka September, ayaan weli labada dhinac aysan muujineyn wax astaamo ah oo ay ku doonayaan xabad-joojinta ay ku baaqayaan xubnaha beesha caalamka. Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa Axadii ka dalbaday Armenia inay waqti u qabato inay ka baxeyso dhulalka Azerbaijan, haddii aan taas la helin aanu dagaalku marnaba joogsan doonin. The post Ciidamada Azerbaijan oo qarka u saaran caasimada gooni u goosatada Armenia first appeared on Caasimada Online.
-
Askari Somalia & Kuwa Liibiyaana oo Dagaal ku dhexmaray Gudaha Turkiga Ugu yaraan illaa ’25’ askari oo isugu jira Soomaali iyo Liibiyaan ayaa ku dhintay dagaal gacan hadal ah oo labada dhinac ku dhexmaray xero lagu tababarayey oo ku taalla Turkiga, sida ay warisay warbaahinta gudaha ee dalkaasi. Wararka ayaa sheegaya in askartaasi ay ku wada jireen hal xero oo ku taalla magaalada Isparta oo dhacda galbeedka Turkiga, waxaana ay isku adeegsadeen intii uu dagaalku socday Mindiyo iyo waxyaabo kale, sida ay ku warrameyso warbaahinta gudaha. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii askari Lbiyaan ahi uu Toorey ku dhaawacay askari Soomaaliya, taas oo keentay inay ka dhiidhiyeen ciidanka kale ee Soomaalida ee tababarka kula jiray, waxaana sidaas ku billowday dagaalka labada dhinac. Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo ka dhashay dagaalkasi, iyado askarta qaarkood la dhigay goobaha caafimaadka si looga daweeyo.Weli war rasmi ah kama soo bixin dowladda Turkiga oo ku saabsan shaqaaqadaasi dhex martay ciidamada ay u tababareyso dalalka Soomaaliya iyo Liibiya. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo iyana ka soo yeedhay dhinaca dowladaha Soomaaliya iyo Liibiya ee la xidhiidha dhacdadaas. Si kastaba ha’ahaatee Turkiga ayaa tababaro siiya ciidamada dalalka Soomaaliya, Liibiya iyo Suuriya, kuwaas oo ku jira xeryaha milatariga ee gudaha dalkaasi. Qaran News
-
Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa ka hadlay doorashooyinka Soomaaliya iyo qoondada gobolada Woqooyi loogu qoondeeyey shirkii doorashooyinka dalka ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho, oo ay isugu yimaadeen Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa sheegay in arrinkaas aaney iyaga u oolin. Faysal Cali Waraabe ayaa intaasi ku daray in Somaliland aysan shaqo ku laheyn doorashooyinka Soomaaliya ayna tahay qaran madaxbannaan, sida uu hadalka u dhigay isaga oo dowladda federaalka Soomaaliya ugu baaqay in dhulkeeda ay hagaagsato aysan ku mashquulin Soomaaliland. waxaana uu intaas ku daray in aysan saameyn ku yeelan doonin. Halkaan Ka Dhageyso Wareysiga oo Buuxa. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/10/Faysal-Cali-waraabe.wav Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wafdi ka kooban Xildhibaano iyo gudigga madaxa bannana ee doorashooyinka iyo xuduudaha Jubbaland ayaa maanta gaaray degmada Afmadow ee gobolka Jubadda hoose. Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo kamid ah golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,Guddoomiyaha Gudigga Doorashooyinka Jubbaland Xamse Cabdi Barre iyo Xildhibaan Sahra Dable oo kamid ah golaha wakiilada Jubbaland ayaa qayb ka ah wafdiga iyo xubno kale oo ka tirsan gudiga doorashooyinka. Madaxdaan ayaa degmada Afmadow u tegay sidii loo dardar gelin lahaa dhismaha golaha deegaanka iyo horumarinta arrimaha bulshada. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta shaacisay in howl-galo ay sameeyen maalmihii u dambeeyay ay gacanta ugu soo dhigeen rag ay sheegen inay diinta Kiristaanka ku faafinayeen gudaha Somaliland. Howl-galadaasi ayaa waxa lagu soo qabtay labo ruux oo deegaanada Somaliland ku dhex faafinayay diintaasi, sida uu sheegay Afhayeenka cidanka booliska Somaliland. Gaashaanle Sare Feysal Xiis Cilmi, Afhayeenka ciidanka booliska Somaliland ayaa sheegay in labadaasi ruux loo gudbiyey maxkamdda si loo marsiiyo sharciga, maadama ay fidneynayeen bulshada. Waxa kale oo uu sheegay in labada qof ee ay soo qabteen ahaayeen dad ka baxay diinta Islaamka, isla markaana ay yihiin dad si fiican u yaqana Qur’aanka kariimka iyo culuumta kale ee Diinta. Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey inaysan marnaba aqbaleyn in bulshadooda lagu dhex faafiyo diinta Kiristaanka, cidii falkaasi ku kacdana ay la tiigsan doonaan sharciga. Ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay bulshada reer Somaliland inay ka digtoonadan arrimahaasi noocaasi ah, iyaga oo ciidamada booliska lasoo wadaagaya dadka waxaasi faafinaya. Deegaanada Somaliland ayaa waxa muddooyinkii dambe kusoo badanayey dadka isku dayaya inay ku dhex faafiyaan diinta Kiristaanka, inkasta oo xukuumaddu si adag uga digto. HALKAAN KA DAAWO: The post Daawo: Dadka Kirishtanka ku faafinaya deegaanada Soomaalida oo sii kordhaya first appeared on Caasimada Online.
-
HirShabelle oo shaacisay caqabadaha hortaagan doorashadeeda
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Xildhibaan Maxamuud Siyaad Barqadle oo ka mid ah baarlamaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle ayaa maanta ka warbixiyey arrimaha doorashooyinka maamulkaasi, kadib wareysi uu siiyey idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho. Barqadle ayaa sheegay in guddiga farsamada doorashada HirShabelle uu noqday mid fadhiid ah, islamarkaana aanu qaban wax shaqo ah, tan iyo markii la magacaabay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan weli cidna qaabilin, islamarkaana ay iska joogaan, sida uu hadalka u dhigay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Dhanka kale xildhibaanka ayaa xusay in uu meesha ka maqan yahay doorkii dowladda dhexe, maadaama uu ku sime yahay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo uu muddo xileedka baarlamaanka maamulka HirShabelle uu ku egyahay 10 bishan, halka madaxweynahana uu dhacayo isla 15-ka bishan October ee sanadka 2020-ka, haddii aan ka hor lagu dhawaaqin wax is-bedal ah. View the full article -
South Sudan government has said that it plans to construct four oil refineries in the country’s Bentiu, Paloch, Thiangrial and Pagak, according to the Nilepet Director-General for Downstream, James Yugusuk. Currently, the world’s youngest country which only depends on oil revenue for 98 percent of its budget do not have a local refinery and has to depend on import of fuel despite being one of the largest oil exporter in the East African region. Yugusuk said the state-run oil firm, Nilepet, is aimed to be a world-class operator by 2022 by training local engineers to the world standards and that the company is aimed at constructing four refineries in four locations in the world’s youngest country. “We want to have our own block to operate”, Yugusuk said. “We want to raise world class South Sudanese technical staff and we want to construct four refineries: one in Bentiu, Paloch, Pagak and Thiangrial. All those are producing blocks. Yugusuk also said the government plans to “construct depots in major towns in South Sudan which is a very ambitious plan because we need to have strategic reserves.” “We want to extend our retail outlets to all the major towns in South Sudan. We want to have a very robust and highly effective JV and this is for companies and people who are willing to do that. We also want to have a strong footprint in the research and development programmes.” Starting from 2013, Nilepet started participating in Joint Operating Companies in the country, holding stakes on behalf of the government in these JOCs through which it builds capacity of its staff. Sudan Post Qaran News
-
Waxaan maanta lagu qabtay degmada Shingaani ee Gobolka Banaadir kulan loogu mahadcelinayay Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo gargaar bani’aadanimo ka waday maalmahaan degmada Shingaani. Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeetti) ayaa uga mahadcelisay safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya dardar gelinta howlaha bini’aadanimada. Guddoomiye Basma ayaa xustay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dhinac iyadoo boggaadisay sii wadida horumarinta iyo gaarsiinta gargaarka dadka danyarta ah. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Shirweynaha Afraad ee xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa maalintiisii labaad galay, waxana ay ergadu cod ku dooratay shanta xubnood ee xisbiga hoggaamin doonta shanta sanno ee soo socota. Shirweynaha oo ay ku sugnaayeen 806 (siddeed boqol iyo lix) ergey oo kamid ah xubnaha ergooyinka xisbiga, ayey shirguddoonka shirweynuhu gudo galeen Ajandaha shirka, waxana ay ugu horrayn ergadu cod ku meel-mariyeen wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey qodobbo kamid ah xeer hoosaadka xisbiga KULMIYE. Xubnaha ergadu waxa ay cod ku meelmariyeen in wax laga beddelo habkii uu ku iman jirey hoghayaha guud ee xisbiga, islamarkaana uu xoghayaha guud soo magacaabayo guddoomiyaha xisbigu, xilka qaadistiisa iyo magacaabistiisana ay ansixinayaan golaha dhexe ee xisbiga, iyada oo sidoo kale ergadu cod ku ansixisay inaan waxba laga beddelin tirada golaha dhexe ee xisbiga oo lasoo jeediyey in la yareeyo. Intaa kaddib, waxa la gudo galay doorashada Shanta xubnood ee hoggaamin doonta xisbiga muddada shanta sanno ah ee soo socota, iyada oo la yeedhiyey magacyada xubnaha buuxiyey shuruudihii ay guddida qaban-qaabadu hore u shaacisay, waxana ay ergadu cod aqlabiyad ah ku dooratay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ahaado guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, halka guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbigana loo doortay, mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ah wasiirka arrimaha gudaha, guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbigana waxa loo doortay, Mudane Axmed Cabdi Dheere. iyada oo guddoomiye-ku-xigeenka saddexaadna ergadu u dooratay, Mudane Xuseen Aadan –cadde, halka guddoomiye-ku-xigeenka Afraadna loo doortay, Mudane Maxamuud Xasan Sacad Saajin oo isagu ku cusub hoggaanka xisbiga, ahna wasiirka Ganacsiga, dalxiiska iyo wershedaha. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta mar kale loo cumaamaday guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, oo ku hadlay afka xubnaha hoggaanka ah ee la doortay, ayaa si ballaadhan ergooyinka madasha ku sugnaa ugaga mahadnaqay kal-furnaanta iyo kalsoonida ay ku doorteen, waxana uu tilmaamay in isaga iyo xubnaha kale ee la doortay ay u baahan yihiin taageerada, talada iyo ducada taageerayaasha xisbiga, islamarkaana ay soo dhaweynayaan fikir kasta oo meel mar ah oo dhinacooda ka yimaadda, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Xil culus baad noo dhiibteene waxa aad noosoo raacisaan duco iyo inaad talada iyo taageerada nala ag joogtaan, haddaanu qaldannona la qabataan oo aannu annaguna idiin qabsoonno, xisbiga hawshiisana sidaas baynnu ku wadaynaa.” Madaxweynaha, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, waxa uu tilmaamay in xisbiyadu yihiin madal fikirka lagu shiilo oo talooyin kala duwan la isku dhaafsado, islamarkaana loo baahan yahay in loo hoggaansamo dhinaca aqlabiyaddu raacdo oo aan la is colaadsan, la isuna tanaasulo, “Xisbiyadu waa meel arrin lagu gorfaynayo, la iskaga hor imanayo ra’yi kala duwan la midaynayee waxa aannu jecel nahay in cid kasta oo ra’yiga ay wadato laga bataa inay u dulqaadato oo u hoggaansanaato KULMIYE doorkiisu halka uu maray, haddii ay ka xanaaqdo codkaa la iga batay oo uu ka dudo KULMIYE dhab ah ma ah, annaga haddii uu wax naga tirsadona wuxu leeyahay golihii dhexe, mustambeedkiisii, taageerayaashii, intuba ciddii wax qoonsata inaynu is waaninno oo aynu is wadanno mid cadho ku maqan iyo mid cadhoon doonaba inay xeer inoo noqoto xisbiga in la isku wado oo uu sidaas ku hoggaamiyo,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE. Ugu dambayntii waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE maanta shaaciyey in sida xeerka xisbiga KULMIYE sheegayo ay ergooyinka xisbigu u doorteen labadii goor ee sharcigu siinayey hoggaaminta xisbiga, marka ay muddadaasi dhammaatana uu noqon doono oday xisbi oo aan taladiisa iyo wax sheeggiisa xisbiga kala maqnaan doonin, isaga oo guul iyo gobonnimana u rajeeyey taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee caanka ku ah isku duubnida iyo wada-jirka. Source
-
Taliska ciidamada Booliiska Somaliland ayaa faah faahin ka bixiyey howlg-gallo ay todobaadkan ciidamada ammaanka ka sameeyeen magaalada Hargeysa. Gaashaanle Sare Feysal Xiis Cilmi oo ah afhayeenka Booliiska Somaliland ayaa sheegay in howl-galladaas lagu soo qabtay labo qof oo ka baxay diinta Islaamka, islamarkaana faafinayey diinta Kirishtaanka. Sidoo kale afhayeenka ayaa sheegay in labada qof ee ay ciidamadu xireen ay yihiin kuwo si fiican u yaqaana Qur’aanka Kariimka iyo cilmiga kale ee diinta. Afhayeenka ayaa sidoo kale intaasi ku daray in raggaasi ay u gudbiyeen maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, si Cadaaladda loo horgeeyo. Ugu dambeyn Booliiska Somaliland ayaa ugu baaqay shacabka inay ka feejignaadaan falalka noocaas oo kale ah, islamarkaana ay la soo wadaagaan laamaha amniga. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-duhur-05102020.mp3 View the full article
-
Dal leh dastuur aan qorneyn dadkiisuna si Debecsan isu maamulaan? Aqalka looga arrimiyo UK Dalal badan oo caalamka ka tirsan ayaa isku maamula dastuur qoran, kaasi oo udub dhexaad u noqda qawaanniinta sharci ee dalka iyo xuquuqda dadka, haddaba maxay tahay sababta UK aanay u laheyn dastuur qoran? Su’aalaha iyo doodda ku saabsan in UK aanay laheyn dastuur qoran waxay soo ifbaxeen marar badan oo dalka ay ka dhaceen jahwareer xagga siyaasadda iyo dhacdooyin u baahnaa shacri loo laabto, waxaa ugu weyneyd horraantii bishii April ee sanadkan markaas oo Ra’isalwasaaraha Boris Johsnon uu ku dhacay fayraska Korona, isla markaana la iswaydiiyey in haddii uu cudurka ka bogsan waayo waxa dhici doona! Inkastoo aanu jirin qaanuun qoran oo loo raaco arrintaasi haddana waxaa dadweynaha loogu niyad qaboojiyey in wax u dhigma xeer beeg ay go’aanka leedahay, oo waxaa xilka si ku meel gaar ah u qabtay xoghayaha arrimaha debadda Domic Raab kaasi oo darajo ahaan ah xoghayaha koowaad, waxaase jirtay aragti kale oo ah in haddii ay xaaladda Ra’isalwasaaruhu ka soo reyn waydo ay golaha wasiiradu qof iska dhex dooraan doonaan ka dibna Boqoradu waydiisan doonto in qofkaasi uu soo dhiso dawlad. Sida uu qabo machadka Institute for Government ee daraasaadka sameeya Ra’isalwasaarayaashu waxay shaqada xafiiska sii wadayaan illaa uu dhimasho ku timaado ama is-casilaad. Hannaanka sharci isku xukunka UK wuxuu ka mid yahay kuwa dunida ugu faca weyn, waxaaa jira dokumiintiyo loo cuskado qaanuun ahaan oo xilliyada qaar lagu macneeyo dastuur kuwaasi oo soo billowday 1215-kii markaas oo raggi awoodda lahaa ee Barons-ku ay ku qasbeen boqor John in uu aqbalo xeerka loo yaqaan Magna Carte ama xeerkii weynaa ee xorriyada England, kaasi oo xaddidayay awoodda Boqorka, taasi oo ka dhigan in uu u hoggaansamo awoodda dalka. Xeerka Magna wuxuu kaloo ka macno ahaa in wixii xilligaasi ka dambeeyey dadka xukunka hayaa aanay sameyn karin wax kasta oo ay doonaan. Sidee dalka shacri loogu hagaa haddii aanu jirin dastuur qoran? Garsoorka UK Maxamed Ibrahim oo siyaasadda ku bartay UK si weyn ula socda arrimaha siyaasada dalka ayaa sharaxaya; “Dalka UK ma leh Dastuur qoran laakiin wuxuu leeyahay qodobo badan oo dalka lagu hago, sida aad la socotaan dalkani waa Dimuqraadi intaas oo Xildhibaan ayaa la soo doortaa shantii sanaba mar, dawlad ayaa markaasi ku guuleysata doorashada iyagaa markaa dalka la wareega markaa Baarlamaan cusub ayaa sameysma, Baarlamankaasi cusub marka ugu horreysay sharciyo ayuu sameeyaa, sharciyadaas uu sameeyo ayaa dalka lagu hagaa laguna dhaqaa” Maxay yihiin dhibaatooyinka & Faa’idada dastuur aan qorneyn? Dastuur aan qorneyn ayaa abuuraya laba arrin oo saameyn leh oo loo fasarin karo dhibaato iyo faa’ido. Marka hore, way adkeyneysaa in la ogaado waxa dhabta ah ee dastuurka saxda ah uu yahay, tan labaad, waxay tilaamaysaa inay ka sahlan tahay in wax laga beddelo dastuurka UK si ka duwan dalalka kale ee leh dastuur qoran, sababtoo ah xeerarka dambe ayaa waxay wataan dukumiintiyo leh ‘sharci sare’ oo ka dhan ah sharciga qaanuunka caadiga ah iyo tallaabada dawladda lagu tijaabin karo, waana wax la beddeli karo oo keliya, iyada oo loo marayo habab faahfaahsan. Baarlamaanka Britain oo markale niyadda ka jabiyay Theresa May Britain oo eedeysay Sacuudiga Baarlamaanka UK Dabacsanaanta dastuurka Boqortooyada UK waxay ka muuqataa tirada badan ee dib-u-habeynta dastuurka illaa 1997, oo ay ku jirto baabi’inta inta badan asxaabta dhaxalka ah ee Aqalka Odayaasha, soo bandhigida xuquuqda isku-dhafan ee shakhsiyaadka markii ugu horreysay ee Sharciga Xuquuqda Aadanaha 1998, iyo u-baahinta Scotland, Wales iyo Ireland-ta Waqooyi. Laakiin muranka, dib-u-habeynta dastuurka ee dhowaanahan ayaa dad badan waxay u arkaan inay dastuurka ka dhigtay mid aan dabacsanaan ka jirin dhinacyada qaarkood, waa wax laga doodi karo, tusaale ahaan, in weligood dib-u-heshiisiinta baahinta xukunka dib looga noqon karo. Yaa Dajiya shuruucda dalka lagu hago? Baarlamanka oo ka kooban saddex qayb oo kala ah Boqortooyada, Aqalka Xildhibaanada & Aqalka Odyaasha si xeerarku sharci u noqdaan waa inay labada Aqal ay ansixiyaan isla markaana la siiyaa ogolaansho Boqortooyo. Hab dhaqanka heshiiska xilligan waa in Boqoradu ay isla markiiba siisaa ogolaanshaheeda inkastoo ay leedahay diidmo aan soconeyn. Qaran News
-
Madaxweyneyaashii Mareykanka ee qariyay caafimaad-darradii la soo daristay? Waxay horay BBC-da u werisay in warbaahinta Mareykanka ay sheegeen in Trump uu ogaa in laga helay fayraska corona balse uusan shaacin xanuunkiisa markii uu khamiistii ka soo muuqay warbaahinta Fox News. Warkaasi ayaa dhaliyay dhaleeceyno walaac abuuray hase yeeshee maamulka madaxweyne Donald Trump mahan maamulkii ugu horreeyay ee shaaciya macluumaad muran dhaliyay oo la xiriira caafimaadka madaxwyenaha. Madaxweyneyaashii Mareykanka ee qariyay xaaladdooda caafimaad Sannadkii 1813-kii James Madison ayaa xubnaha Aqalka Congress-ka u sheegay inuusan la kulmi karin balse ma uusan sheegin faah-faahinta xaaladdiisa caafimaad oo waxa uu muddo bil ah la daalaa dhacayay qandho iyo xanuun dhanka mindhicirada caloosha. Madaxweyne James Madison aad ayuu xanuunsaday oo xitaa waxa uu awoodi waayay inuu akhriyo dukumiintiyadii ay usoo gudbiyeen Congrees-ka. Sannadka markuu ahaa 1983-dii, madaxweynhii xilligaasi Grover Cleveland ayaa laga daweeyay kansarka afka balse waxa uu doonayay inuu qariyo xanuunkiisa isagoo u baahan qalliin. Si uusan u booqan isbitaalka isagoo ka baqanaya in macluumaadka xanuunkiisa la dusiyo ayaa waxa ay dhakhaatiirta qalliinkii loo baahnaa ku fuliyeen doon uu leeyahay madaxweynaha saaxibkii. Hase yeeshee kiiska aadka loo yaqaan ayaa malaha ah, madaxweyne Franklin D. Roosevelt oo Mareykanka madaxweyne ka ahaa intii u dhaxeysay 1933-dii ilaa 1945-tii kaasi oo lugaha ka curyaamay laakinse Aqalka Cad ayaa xilligaasi isku dayay inuu dadweynaa ka qariyo dhibaatada curyaanimada ee madaxweyne Franklin. Iyo xanuunkii John F Kennedy, oo ahaa madaxweynihii ugu da’da yaraa ee Mareykanka abid laga doorto. Waxa ku dhacay xanuunka Addison oo ah xanuun ay sababaan marka ay isdaba maraan hoomoonada jirka. Qaran News
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa eedeyn u jeediyey dowladda federaalka Soomaaliya, xili uu khudbad ka jeedinayey shirweynaha 4-aad ee xisbiga talada haya ee Kulmiye. Madaxweyne Muuse ayaa sheegay in Somaliland aysan marnaba aqbalaynin in la farageliyo, waxaana uu xusay in dowladda federaalka oo ka faaiideysanayso aqoonsiga ay ka heysato caalamka ay ku soo qaaday dagaal Diplomaasiyadeed” In kastoo aanaan heysan dhaqaale badan, hadana yeeli meyno in waxyeeleynta qarankeena dhaqaale loogu soo gambado,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi. Somaliland ayaa muddo 30 sano ah waxaa ay raadinaysaa aqoonsi caalami ah, waxaana ay Somaliland ay sheegay in Soomaaliya ay ka baxday kalana laabatay midowgii 1960-kii oo labada dhinac ay ku midoobeen Jamhuuriyadda Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
