-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta furay Kal-fadhiga sadexaad ee golaha wakiilada maamulkaasi, isaga oo khudbadiisa kaga hadlay dhinacyo kala duwan. Ugu horrayn Madaxweynaha ayaa xildhibaanada uga warbixiyay xaalada Jubbaland isagoo sheegay in mudo hal sano ah ay kasoo wareegtay markii dib loo doortay sababta uu ilaa hadda xukuumadda usoo dhisi la’yahayna ay tahay in uu raadinayo Midnimo iyo wadajir Jubbaland oo dhan ah taas oo illaa hadda guulo la taaban karo laga gaaray. Sidoo kale wuxuu Madaxweynahu sheegay in hada wixii ka dambeeya uu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo ka *****sa himilooyinka shacabka iyo filashada ay ka qaban dowladooda. Waxa kale oo uu intaas ku daray in dhibaatada ka taagan gobolka Gedo ay tahay waxa illaa hadda uu raadinayo sidii xal looga gaari lahaa, islamarkana uu albaabada u furay cid walba oo arintaas ku lug leh gaar ahaan dowlada Federaalka balse illaa hadda ay dhinacooda waxba ka socon la’yihiin. Axmed Madoobe ayaa bogaadiyay dadaalka ay wado wasaarada arrimaha gudaha Jubbaland ee lagu dhisayo golaha deegaanka degmada Afmadow, isagoo xusay in sidoo kale la bilaabi doono dhismaha golayaasha deegaanada degmooyinka gobolka Gedo. Dhanka kale Madaxweynaha ayaa sheegay in arrimaha doorashooyinka heer federaal laga gaaray heshiis rasmi ah kaas oo dhabaha u xaaraya sidii dalka uu ugu jihaysan lahaa doorashooyinka 2020/2021 taas oo ah wado aan la dhaafi Karin oo sal iyo tariikh lagu yaqaano ah dowladnimadeena in afartii sanaba hal mar ay dhacdo doorasho dalka u jigaysa wadada hormarka. Ugu danbayntii wuxuu uga mahad celiyay golaha wakiilada shaqooyinka wax-tarka leh ee ay hayaan isagoo uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu furan yahay kal-fadhiga saddexaad. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Guddiga farsamada soo xulista xildhibaanada baarlamaanka HirShabelle ayaa maanta soo saaray jadwalka guud ee doorashada maamulkaasi. Warqad ka soo baxday guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in soo xulista xildhibaanada ay bilaabaneyso 21-ka bishaan October, ayna ku eg-tahay illaa 25-ka isla bishan. Sidoo kale munaasabadda dhaarinta xildhibaanada cusub ayaa dhaceysa 31-ka bishan October, kadibna waxaa xigi doona doorashada guddoonka baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle oo la qabanayo 5 illaa 10-ka bisha soo socota ee November. Halkan hoose ka aqriso:- View the full article
-
Maamulka degmada Afgooye ayaa faah faahin ka bixiyey howl-gal lagu soo qabtay rag la sheegay inay ka ganacsadaaan caruurta yar-yar ee la xado ama la waayo. Xoghayaha dowladda hoose ee degmada Afgooye, Cabduqaadir Cali Ciid oo u warramay Shabelle ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay barqanimadii maanta gacanta ku dhigeen labo nin oo la sheegay in xilligaasi ay gacanta kula jireen falka lagu soo qabtay. Ciid ayaa tilmaamay in raggaasi la qabtay, iyaga oo gabar yar oo muddo la raadinayey gaari ka saaraya goob baabuurta laga raaco oo ku taalla degmadaasi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ragaasi ay qirteen inay ka tirsan yihiin shabakad ka ganacsata caruurta yar-yar, islamarkaana ay ku qaataan lacago boqolaal Dollar ah. Eedeysanayaasha oo agu xiray saldhigga Booliiska degmada Afgooye ayaa waxaa haatan ku socda baaritaano dheeraad ah, sida ay sheegeen laamaha amniga. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa jiray walaac dhanka caruurta ah oo ka taagnaa meelo badan oo ka mid dalka, kadib markii la waayey caruur badan oo Soomaaliyeed. View the full article
-
Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta booqday xarunta Safaarada Soomaaliya ee dalka Kuwait oo ay wehliyaan sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawud iyo masuuliyiin kale. Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu warbixin ka dhageystay safiirka iyo howlwadeennada safaaradda waxaana uu uga mahadceliyay shaqada ay qaranka ku hayaan sidoo kale waxa uu ku dhiiri galiyay inay sii labo jibaar shaqada culus oo ay uhayaan bulshada Soomaaliyeed iyagoo matalaya qaranka Soomaaliyeed. Wafdi uu hogaaminayo Ra’isul wasaaraha dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dalka Kuwait u jooga Tacsi Amiirkii dalkaasi oo dhawaan ku geeriyooday dhawaan dalka Mareykanka. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta markii u horeysay shaacisay in hadda wixii ka dambeeya warbaahinta dowladda loo bedelay warbaahin dadweyne, taasi oo meesha ka saari doonta faquuqii mucaaridka. Sii-hayaha Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray ‘Adeega Warbaahinta Dadweynaha’, oo meesha ka saari doonto qaabkii hore ee ay warbaahinta dowladdu u shaqeyn jirtay. Wasiirka ayaa sheegay in hadda kadib ay warbaahinta dowladda federaalku baahin doonto wararka kala duwan ee mucaaridka, muxaafidka ah iyo weliba arrimaha kala duwan ee dadweynaha. Wuxuu sheegay in arrintaasi ay saameyn doonto warbaahinada gaarka ah ee maamulada dalka oo iyagana looga baahan yahay inay ku dhaqmaan siyaasad cusub ee loo dejiyay warbaahinta dowladda. “Warbaahinta qaranku waxay noqon doonta warbaahin dadweyne, oo marka u horeysa u adeegta dadweynaha, taasi oo gudbin doonta fikirada kala duwan ee dadweynaha,” ayuu yiri wasiir Maareeye. Arrintan ayaa imaneysa xili xal laga gaaray khilaafkii ka taagna arrimaha doorashooyinka, isla markaana uu hoos u dhacay guuxi siyaasadeed ee mucaaridku uu ka waday dalka. Tallaabadan oo kale ayaa waxa hore u qaaday xukuumada Somaliland, oo iyaduna sheegtay in warbaahinta dowladda loo siman yahay, xili ay deegaanadeeda ka dhici doonaan doorashooyin isku dhafan oo wakiilada iyo golaha deegaanka ah. Warbaahinada dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka ayaa hore u ahaa kuwo baahiya aragtida madaxda u sareysa, iyada oo gebi ahaanba ay kasoo muuqan jirin fikirada mucaaridka, wallow ay taasi hadda u muuqato mid meesha ka baxday. The post DF oo ku dhowaaqday go'aan lama filaan ah oo la xiriira warbaahinta dowladda first appeared on Caasimada Online.
-
Golaha Guurtida Somaliland ayaa ansixiyey xeerka guud ee doorashooyinka Qaranka iyo diiwaan galinta cod-bixiyayaasha, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Hargeysa. Fadhigan oo ay soo xaadireen illaa 53 mudane ayaa goluhu cod aqlabiyad leh ku meel-mariyey xeerkaasi. Guddoonka Golaha Guurtida ayaa sheegay in xeerkaasi ay ogolaadeen illaa 49 xildhibaan, sidoo kale laba xildhibaan ayaa diiday, halka xildhibaan kalena uu ka aamusay. Somaliland ayaa isku diyaarineyso doorashooyinka ku soo food leh, iyadoo guddiga komishanka uu wado qab-qabo ku aadan doorashadaasi. View the full article
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in warbaahintii dowladda laga dhigay warbaahinta dadweyne oo si siman ugu adeegi doonta bulshada Soomaaliyeed. Siihayaha Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Xayir Maareeye oo ka qeybgalay munaasabad lagu daahfurayay guuritaanka, ayaa sheegay in warbaahinta dowladdu ay noqon doonto mid taladeeda hadda kadib wax ku yeeshaan bulshadda Soomaaliyeed. Sidoo kale Wasiir Maareeye ayaa tilmaamay in warbaahinta gaar ah ee dowlad goboleedyada, iyagana hadda kadib laga dhigay warbaahin dadweyne, ayna hoos iman doonaan Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya. Wasiir Maareeye ayaa xusay in hirgelintiisa guuritaanka warbaahinta dadweyanaha ay qaadan doono muddo sannado ah, daahfurka maantana uu yahay bilow. Xeerka saxaafadda ee dhawaan saxiixay madaxweyne Farmaajo qodobkiisa 32-aad ayaa dhigaya in adeegga warbaahinta bulshada ama dadweynuhu ka madax bannaan yahay danaha mas`uuliyiinta dowladda, faragelin siyaasadeed iyo shirkadaha ganacsiga iyagoo dhowraya shuruucda iyo anshaxa warbaahinta. Xeerku wuxuu sidoo kale dhigayaa in warbaahinta dadweynahu ay noqoto mid dhexdhexaad ah, xorna ka ah u xaglin siyaasadeed isla markaana aan buunbuunin u samayn urur siyaasadeed, hay’adaha dawladda, dano ganacsi ama fikrad shakhsiyadeed. Warbaahinta dowladda ee SNTV, Radio Muqdisho, Wakaaladda Sonna, Wargeyska Dalka iyo boggaga Internet-ka ayaa dhammaantood hadda waxay tabiyaan oo kaliya wararka iyo sheekooyinka magac iyo sumcad u yeelaya siyaasadda dowladda iyo madaxda. PUNTLAND POST The post Warbaahinta dowladda oo la sheegay inay u guurtay mid dadweyne appeared first on Puntland Post.
-
Sawirrada dagaalkii faraha lagaga gubtay ee ka dhex qarxay Armenia iyo Azerbaijan Dagaalka u dhaxeeya Armenia iyo Azerbaijan oo horay uga mid ahaa Midwogii Soviet ayaa maalmihii la soo dhaafay sii xoogeystay. Labada waddan ayaa dagaalkooda waxa uu salka ku haya deegaanka Nagorno-Karabakh oo si rasmiya uga mid ah Azerbaijan balse waxaa maamuula qowmiyad asal ahaan ka soo jeedda Armenia. Dagaalkan haatan soo cusboonaaday ayaa ah dagaalkii ugu xumaa oo muddo tobanaan sanno ah dhexmara labadan dal, wuxuuna midba midka kale ku eedeynayaa sababta dagaalka. Armenia iyo Azerbaijan ayaa horay intii u dhaxeeysay 1988 ilaa 1994-tii ku dagaallamayay deegaankan, inkastoo xilligaasi lagu heshiiyay xabad joojin haddana weligood ma aysan gaarin heshiis mira-dhala. Sawirkan oo ay baahisay Wasaaradda Difaaca Armenia ayaa muujinaya mid ka mid ah hubka Armenia. Sawirka ayaa la qaaday toddobaadkan intii uu soo socday dagaalka labada waddan. Labada dhinac ayaa isu adeegsaday hub culus taasi oo horseedday in gebi ahaanba ay bur-buraan qaar ka mid ah guryaha iyo dhismooyinka shacabka. Sawirka hoose waa dadka deegaanka Nagorno-Karabakh oo soo barakacay oo cunto loo qeybinayo. Xoogagga Azerbaijan ayaa duqeeyay magaala madaxda gobolka Nagorno-Karabakh ee Stepanakert. Waxaana la soo weriyay inuu jiro khasaaro aad u baaxad weyn oo naf iyo maalba leh. Haweeneydan ayaa waxaa lagu arkay iyadoo fadhida gurigeeda hortiisa oo qori sidata. Dhanka kale maamullada Nagorno-Karabakh ayaa sheegay iney gantaalo ku weerareen eelaboor milatari oo ku yaalla magaalada labaad ee ugu weyn Azerbaijan ee Ganja. Dab-damiyaal ayaa lagu daabulay Ganja, magaalooyinka iyo tuulooyinka kale si dabka loo damiyo. Waxaa jirta cabsi laga qabo in tirada dhimashada ee labada dhinac ay ka badantahay inta la soo weriyay sababtoo ah ma jirto cid madaxbanaan ee xaqiijisay khasaaraha ka dhashay dagaallka. Toddobaadkan ayaa haweeneydan la dhigay isbitaalka Ganja kaddib markii uu dhaawac soo gaaray. Milatariga Azerbaijan ayaa sheegaya iney la wareegeen gacan ku haynta dhowr tuulo, halka Nagorno-Karabakh ay sheegayaan in ciidamadooda ay horay uga dhaqaaqeen fariisimahooda. Adeegsiga gantaallada culus ayaa horseeday iney burburaan qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Stepanakert. XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Dowladda Azerbaijan ayaa sheegtay in kaabayaasha dhaqaalaha ee dadweynaha iyo dhismooyinka qaddiimiga uu khasaaro ka soo gaaray dagaalka. Waa dhisme ku yaala Ganja oo uu burbur ka soo gaaray gantaalada ay isu adeegsanayeen labada dhinac. XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Labada dhinacba khasaare ba’an ayaa soo gaaray oo waxaa burburay guryo rayidka ay leeyihiin, taasi ayaana horseedday in dad badan ay isaga cararaan guryahooda. Sawirka hoose waa dhisme ku yaala Nagorno-Karabakh oo uu khasaare ka soo gaaray dagaalka. Qaran News
-
Warbaahinta dawladda Somalia Gacanta ku hayso oo loo beddelayo mid dadweyne (Mid Shacab) Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhaqan galaya in warbaahinta dawladdu leedahay loo beddelo warbaahinta dadweynaha ama bulshada si ay si isku mid ah ugu tebiso wararka dowladda, kuwa mucaaradka iyo qaybaha kale ee bulshada. Sida uu dhigayo xeerka saxaafadda ee uu dhowaan saxiixay madaxweynaha Soomaaliya qodobkiisa 32-aad waxaa adeegga warbaahinta bulshada ama dadweynuhu ka madax bannaan yahay danaha mas`uuliyiinta dowladda, farogelin siyaasadeed iyo shirkadaha ganacsiga iyagoo dhowraya shuruucda iyo anshaxa warbaahinta. Sidoo kale xeerku wuxuu dhigayaa in warbaahinta dadweynahu ay noqoto mid dhexdhexaad ah, xorna ka ah u xaglin siyaasadeed isla markaana aan buunbuunin u samayn urur siyaasadeed, hay’adaha dawladda, dano ganacsi ama fikrad shakhsiyadeed. Warbaahinta hadda jirta ee ay dawladdu leedahay sida Telifishanka Qaranka, raadiyaha, Wargeyska Dalka iyo boggaga Internet-ka dhammaantood waxay tabiyaaan wararka iyo sheekooyinka magaca iyo sumcadda madaxda dawladda kor u qaadaya iyagoo iska diida dhaliilaha ka imaanaya bulshada iyo ururrada mucaaradka ah ee ku aaddan siyaasadda dowladda iyo madaxdeeda. Qaran News
-
Golaha Guurtida S/land oo duuduub ku ansixiyay Xeerka doorashooyinka & Diiwaan galinta Cod-bixiyayaasha. Fadhiga lagu ansixinyay waxaa ka soo Qayb galay 53 Xildhibaan waxa ogolaaday 49 mudane laba Xildhibaan waa diideen Hal Xildhibaana waa ka aamusay sidaasi ayuu kaga Gudbay Golaha Guurtida Somaliland. Xeerkan ayaa ka soo gudbay golaha Baarlamaanka Somaliland, una gudbi doona madaxwaynaha Somaliland Somaliand Qaran News
-
Shirkii Xisbiga Kulmiye ee Hargaysa lagu soo gebo gabeeyay wuxuu u muuqday amma uu aha madal aroos, marki xeerkii Xisbiga u yaalay iyo kii dimuquraadiga ahaaba layska laabay. Waxaynu haddaba ku mataalayna hanaankii shirka Xisbiga Kulmiye loo afduubay Sheeko dhaqankeeni Miyiga. Soomaalidu Geela oo ay Xoolaha nool ugu jecelyihiin wakhtiyadi hore way kala dhici-jireen. Marka Geela lagu soo duulo raggu isku mid ma ahayn, ragga qaar way ku dagaalami jireen kadibna waxba kaga dhimanjiray iyana waxbay colka kala hadhi jireen amma waa lagu soo gaadhi jiray amma waa laga awood roonaan jiray oo kaldanbe ayay aarsan jireen. Ragga qaarna marka lagu soo duulo Geela ayay qaylo dhaan dhawaaqi jireen oo odhan jireen “Waar Geeli la dhacyeey”.. Waxa jira qaar aan labada midna ahayn oo marka Geela la dhacaayo iyagana lagu darsan jiray, waxaanay Ciidanka Geela dhacaya odhan jireen” Kama soo degayno Fardaha ee Geela duub” . Hadda waa Geeliisi la dhacaayay ayuu Ciidankii dhacaayay u duubaya . Ninkaasi siduu Geela u duubaayo Bawdyaha ayuu dhiigu ka daadan jiray, hadhawna marka uu Geela geeyo degaanki lagu waday ee Ciidanka dhacay ugu tallo galeen way iska soo dayn jireen isagoo Jilbaha dhiigu ka da’aayo. Intaasiba Shirkii Xisbiga Kulmiye ayay ka dhex muuqdeen ee sheeg hadaad garato. TUSAN. MUNIIR AXMED CIGAAL . BIRMINGHAM.. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa maanta gacanta ku dhigay rag lagu eedeeyey inay ka ganacsadaan caruurta yar-yar, kuwaas oo lagu qabtay gudaha magaaladaasi. Raga la qabtay oo labo ah ayaa waxaa lagu xiray saldhigga Booliiska degmadaasi, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga. Sidoo kale laamaha amniga ayaa sheegay in xilliga la qabanayey raggaasi ay ku sugnaayeen goob laga raaco gaadiidka dadweynaha, islamarkaana ay gaari saarayeen gabar ay soo afduubteen, taas oo ka maqneyd reerkeeda, islamarkaana la raadinayey. Saraakiisha amniga Afgooye ayaa sidoo kale tilmaamay in ragga la qabtay ay qirteen inay ka tirsan yihiin shabakad ka ganacsata caruurta yar-yar. Waxa kale oo ay saraakiishu intaasi ku dareen in gabadha yar ee hadda laga soo bad-baadiyey raggaas ay ku qaateen lacag gaareyso illaa 500 oo Dollarka Mareykanka ah. Wararka la helayo ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in raggan ay muddo ah fog ku jireen howlaha lagu soo qabtay ee la xiriira caruurta la xado. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay walaac dhinaca caruurta ah uu ka taagnaa meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah, waxaana isa soo tarayey wararka sheegaya inay jiraan shabakado ku lug leh dhadooyinkaasi iyo in la xado caruurta yar-yar. The post Shabakad ka ganacsata caruurta yar-yar oo lagu qabtay degmada Afgooye first appeared on Caasimada Online.
-
Xildhibaannada golaha Guurtida Somalilanda oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa la horkeenaya xeerka doorashooyinka Somaliland iyo diiwaan gelinta codbiyayaasha. Kulanka ayaa inta uu kulanku socday waxaa ay dood dheer ka yeesheen xeerka, waxaa goobjoog ahaa fadhiga 53 xildhibaan, golaha ayaana ugu danbeyn cod gacan tag ah ku ansixiyey xeerka doorashooyin. Xeerkaan oo xukuumaddu ay soo gudbisay ayaa waxaa dhowaan waxaa meel mariyey golaha wakiillada Somaliland, maantana waxaa meel mariyey golaha Guurtida, iyadoo la horgeyn doono madaxweyne Muuse Biixi si uu u saxiixo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaannada golaha Guurtida Somalilanda oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa la horkeenaya xeerka doorashooyinka Somaliland iyo diiwaan gelinta codbiyayaasha. Kulanka ayaa inta uu kulanku socday waxaa ay dood dheer ka yeesheen xeerka, waxaa goobjoog ahaa fadhiga 53 xildhibaan, golaha ayaana ugu danbeyn cod gacan tag ah ku ansixiyey xeerka doorashooyin. Xeerkaan oo xukuumaddu ay soo gudbisay ayaa waxaa dhowaan waxaa meel mariyey golaha wakiillada Somaliland, maantana waxaa meel mariyey golaha Guurtida, iyadoo la horgeyndoono madaxweyne Biixi si uu u ansixiyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qoraal ay soo saartay hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa lagu sheegay in ilaa hadda dadka uu ku dhacay COVID-19 ee dunida ku nool ay guud ahaan gaarayaan 800 oo Milyan oo u dhiganta 10% halka 90% aaney weli ku dhicin. Dr Mike Ryan oo madax ka ah barnaamijka degdegga ah ee WHO ayaa sheegay 10% dadka dunida ku nool laga yaabo inuu ku dhacay COVID 19. ” Waxaa laga wado waa in inta badan dadka dunida ku nool ay weli khatar ku jiraan, waxaan ognahay in cudurka oo sii faafayo, laakin waxaa ay heynaa qaababkii aan ku xakameyn laheyn faafidda cudurka, una badbaadin laheyn nolosha dadka, qalabkaasina waan heli karnaa”. ayuu intaasi raaciyey. Xilli dunida ay taxadir muujineyso ayaa waxaa muuqata in Soomaaliya la iloobey hadal heynta COVID 19, lana ogeyn inuu weli khatar yahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
NAIROBI (HOL) - A Kenyan court will today deliver its verdict on the trial of three suspects accused of taking part in the terrorist attack at Nairobi’s Westgate Mall that killed 67 people and injured several others. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargeysa)-Golaha Guurtida Somaliland ayaa saaka duuduub ku ansixiyay Xeerka guud ee doorashooyinka Qaranka iyo diwaan galinta Cod-bixiyayaasha. Fadhiga lagu ansixinyay waxaa ka soo Qayb galay 53 Xildhibaan waxa ogolaaday 49 mudane laba Xildhibaan waa diideen Hal Xildhibaana waa ka aamusay sidaasi ayuu kaga Gudbay Golaha Guurtida Somaliland. Xeerkan ayaa ka soo gudbay golaha Baarlamaanka Somaliland, una gudbi doona madaxwaynaha Somaliland Somaliand. Source
-
Garbaaharey (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Gedo, Ismaan Nuur Xaaji (Macalimu) oo la hadlay warbaahinta ayaa eedeymo culus u jeediyey ciidamada Kenya ee ku sugan gobolkaasi. Macalimu ayaa marka hore sheegay in dhibaatada ay Kenya ka wado Gedo aysan haatan bilaabin, islamarkaana ay sanado badan geysaneysay xadgudubyadaasi. Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo ayaa soo hadal qaaday afduubka ciidamada Kenya ay ku hayaan dadka shacabka ah, wuxuuna sheegay in illaa iyo hadda ay gacanta ugu jiran illaa 7 qof oo shacab ah, kuwaas oo ay ka kaxeysteen duleedka Ceelwaaq. Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in dadkaasi ay nool yihiin, balse ay u geysteen tacadiyo ka baxsan bani’aadanimada, iyaga oo ku eedeynayo inay yihiin Al-Shabaab. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in marar badan ay baaq u direen dowladda Kenya, balse ay dhagaha ka fureysatay inay ka jawaabto cabashadooda. Ismaan Nuur Xaaji ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inaysoo fara-geliso arrintaasi, islamarkaana ay qaado tallaabo deg-deg ah oo looga hortagayo tacadiyada Kenya. Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa dhammaan degmooyinka gobolka Gedo ka dhacay dibad-baxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dhibaatooyinka ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ay ka wadaan gobolkaas oo dhaca koonfurta Somalia. The post Xagee ayey ku dambeeyeen shacabkii ciidamda Kenya ay ka afduubteen GEDO? first appeared on Caasimada Online.
-
Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen hey’adaha Amnesty International, the Committee to Protect Journalists, iyo Human Rights Watch, ayaa lagu sheegay walaaca ay ka qabaan sharciga dib u eegista lagu sameeyey ee xeerka saxaafadda, kaasi uu Farmaajo dhowaan saxiixay. “Mar haddii la galayo doorasho waxaa ay dowladda iyo hey’adaheeda ugu baaqeen in la abuuro jawi ku haboon warfaafinta” ayaa ka mid ahaa qoraalka. Waxaa kale oo 3-dan hey’ad ay walaac ka muujiyeen hadalkii Farmaajo ee 26-kii September ee uu Farmaajo ku yiri waxaa ja jira qaar ka tirsan saxafiyiinta oo la shaqeeya Al-shabaab, hadalkaasi oo sida ay hey’adaha sheegayaan khatar gelin kara weriyeyaasha oo awalba ku shaqeynayey xaalad adag. Ugu dambeyntii, hey’adaha Amnesty International, the Committee to Protect Journalists, iyo Human Rights Watch waxaa ay qoraalkooda ku sheegeen in xeerka saxaafadda laga helayo qodobo caqabad ku ah tabinta wararka, isla markaana dowladda awood siinaya si ay u xakameeyaan warfaafinta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in maamulkiisa uu wado qorshe dib loogu furayo wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Cumar Filish ayaa tilmaamay in jidadka xiran ay dhibaato xoogan ku qabaan shacabka, islamarkaana ay saameysay noloshooda. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka go’an tahay in qorshaha furista wadooyinkaasi in la fuliyo todobaadkan gudihiisa, sida uu hadalka u dhigay. Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale intaasi ku daray in mudada sanadka ah ee uu xafiiska joogay uu madaxda dowladda ku cadaadinayey in la furo wadooyinka caasimadda. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay la qaaday dhagxaantaa lagu gooyey qaar ka mid ah waddooyinka, balse lagu xiray jidad kale oo hor leh, islamarkaana muhiim u ah dadweynaha. View the full article
-
Wasiirada arrimaha dibadda ee dowladaha Soomaaliya iyo Cuba ayaa ka wada-hadlay xaaladda dhaqaatiir muddo sanad ka badan u afduuban Xarakada Al-Shabaab. Bruno Rodriguez oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Cuba ayaa sheegay in xiriir dhanka telefoonka ah uu la soo sameeyey dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, islamarkaana ay ka arrinsadeen sidii loo soo bad-baadin labo dhaqtar oo tan iyo 2019-kii gacanta ugu jira dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya iyo Kenya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda federaalka uu uga mahadcelinayo taageerada ay la garab taagan tahay Cuba. “Waxaan telefoonka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad Waxaan bogaadinayaa taageerada iyo dedaalada dowladiisa ee damaanad-qaadka sidii ay nabad ugu soo laaban lahaayeen dhakhaatiirta. Waxaan adkeynay sii xoojinta xiriirkeena laba geesoodka ah,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Cuba. Bishii April ee sanadkii 2019-kii ayaa Assel Herrera iyo Landy Rodriguez laga soo qafaashay gobolka Waqooyi Bari Kenya, waxaana tan iyo xilligaas gacanta ku haya Al-Shabaab. View the full article
