-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay Magaalada Hargeysa ku qabtay laba qof oo la sheegay in halkaas ka wadeen faafinta diinta kirishtanka. Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Gaashanle Sare Faysal Xiis ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka gacanta ay kusoo dhigeen laba qof oo rag ah, kuwaasi oo Caasimadda Somaliland ka waday diinta kirishtanka, kadib markii xog laga helay raggaas. Waxaa uu sheegay Afhayeenka in ragga lasoo qabtay mid kamid ah uu yaqaano Qur’aanka kariim ah iyo kutubta fiqiga ah, isagoona ku tilmaamay inay yihiin murtadiin doonayay in ay dadka fasahaadiyaan. Sidoo kale Gaashanle Sare Faysal Xiis ayaa waxaa uu tilmaamay in kiiska labadaas qof loo gudbiyay Maxkamadda Sare Somaliland, waxaana haatan ay ku xidhan yihiin mid kamid ah Xarumaha maamulkaas. Isaga oo sii hadlaay Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland ayuu digniin u diray cad kasta oo xiligaan dooneysa inay diinta kirishtanka ku faafiyo deegaanada Maamulka, wuxuuna carabka ku dhuftay in tallaabo cad laga qaadi doono. Ugu dambeyn Afhayeen Faysal Xiis ayaa waxaa uu shacabka ku dhaqan Somaliland ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga, isla markaana ay kusoo war-geliyaan markii ay arkaan dad faafinaya diinta kirishtanka, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shir ku saabsan amniga doorashooyinka dalka ayaa ka soconaya xerada Xalane iyadoo la doonayo in laga arrinsado sidii loo qurxin lahaa wakhtiga doorashada ee fooda nagu soo haya. Shirkaan oo ay ka qeyb galayaan xubno ka socda dowladda Soomaaliya, dowladaha xubnaha ka ah, gobolka Banaadir, wakiilada Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo Dowladda Mareykanka. Waxaa la doonayaa in hay’adaha amniga Soomaaliya ay la wareegaan sugidda amniga goobaha ay doorahsooyinka ka dhacayaan, iyadoo bartamaha bishaan ay bilaaban doonto doorashada aqalka sare. Bishaan Octoobar ilaa laga gaaro bisha February waxaa socon doonta doorashooyin kala duwan, iyadoo uu jiri doono mashquul badan, waxaana hay’adaha amaanka Soomaaliya laga doonayaa iney sugaan amniga doorashooyinka guud ee dalka. Warar intaas kasii faah-faahsan lagama helin shirka ka soconaya Xalane, wixii kusoo kordha waxaad kala socon doontaan Caasimadda Online. The post Shir ku saabsan doorashada oo Muqdisho uga socda DF iyo beesha caalamka first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Eritrea ayaa wada-hadallo gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalkaasi, Isaias Afwerki. Labada madaxweyne ayaa kulamadooda diirada saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeyey Soomaaliya iyo Eritrea. Sidoo kale waxa ay ku heshiyeen in dib loo cusbooneysiiyo heshiiskii ay labada dowladood Asmara ku gaareen sanadkii 2018-kii, kaas oo qeexaya muhiimadda ay leedahaay madax banaanida dhuleed, siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya. Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa sidoo kale isla af-gartay in la sii dardar-geliyo dadaallada is-dhexgalka gobolka ee wadamada Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in kulamada labada dhinac ay sii socon doonaan, waxaana booqashada madaxweyne Farmaajo ay qaadan doonto labo cisho. Waa booqashadii saddexaad ee uu madaxweynaha Soomaaliya ku tegayo magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea. Soomaaliya iyo Eritrea ayaa xiriir toos ah yeeshay, kadib heshiiskii is-dhex-galka gobolka ee ka dhacay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya. The post Muxuu yahay heshiiska ay gaareen Soomaaliya & Eritrea? first appeared on Caasimada Online.
-
Sawir hore, 15 April 2019 Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku sugan magaalada Dubai ee waddanka Imaaraatiga Carbeed, ayaa lagu wadaa in uu halkaasi kula kulmo mas’uuliyiinta u sarraysa Shirkadda DP World oo gacanta ku haysa Dekedda Boosaaso. Madaxweyne Deni oo maalmo ku sugnaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya, ayaa uga sii gudbay Imaaraadka Carabta, waxaana safarkiisa ugu muhiimsan in uu la kulmo mas’uuliyiinta Shirkadda DP World. Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa in uu mas’uuliyiinta DP World kala hadlo, arrinta Dekedda Boosaaso oo aysan wax shaqo ah ka qaban mudadii ay gacanta ku haysay, islamarkaana ay ciid ka buuxsantay. Shirkadda DP World, waxay Dekedda Boosaaso kula wareegtay heshiis la saxiixay 6-dii April 2017, kaas oo Baarlamaanka Puntland ansixiyay 27-kii July ee isla sannadkaas. Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxa Shirkadda DP World Suldaan Axmed Bin Suleyman, ayaa xilligaas qalinka ku duugay in DP World ay mudda 30-sano ah maamusho Dekedda Boosaaso. Nuxurka heshiiska wuxuu ahaa, in muddo laba sannadood gudahood ah Shirkaddu ballaarin iyo casriyayn ku samayso Dekedda, islamarkaana lagu kordhiyo 450 mitir oo ballac ah, taas oo ay ku baxayso lacag dhan $336 malyan oo Dollar. Mudadii heshiiska ku qornayd in Dekedda lagu dhiso ayaa dhammaatay 6-dii April 2019, iyadoo aysan jirin wax shaqo ah oo laga qabtay dhismaha iyo ballaarinta Dekedda Boosaaso. Waxa xusid mudan, in 4-tii February 2019 Boosaaso lagu dilay Madaxii P&O Ports, oo DP World u qaabilsan Dekedda Boosaaso, kaas oo ay dilkiisa sheegatay Al-shabaab. 15-kii April 2019, Madaxweyne Deni oo safar ku tegay magaalada Dubai ayaa halkaasi kula kulmay Madaxa Shirkadda DP World, Suldaan Axmed Bin Suleyman, kaas oo ballan-qaaday dardar gelinta dhismaha Dekedda. Ha yeeshee, sannad iyo lix bilood kadib waxba kama fulin ballan-qaadkaas, waana sababta keentay in mar kale Madaxweyne Deni doonayo in uu la kulmo mas’uuliyiinta DP World, si looga wada-hadlo arrinta Dekedda. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo mar kale Dubai kula kulmaya Mas’uuliyiinta DP World appeared first on Puntland Post.
-
Burburkii kadib, waxa aynu u kala yaacnay deegaannadii qabiilladayadu ka soo jeedeen, waxa aannu bidnay dan, xaalkeennuna waxa uu noqday “Lama huraan waa cawska jiilaal”. Muddo xoogaa ah kadib, innagii oo la dikaamayna nabarkii qaran jabka ayeynu isniri “dowladnimo maynu dhisanno”? Eeg hadda! Wali nabarradii colaadda sokeeye ayaan weli bogsoonin; garaadkayagu inuu shaqeeyo waxaa ka weynaa wixii aannu markaa dareemaynay. Dowladnimo dad buka ay dhisanayaan, waad iska garan kartaa nin walba waxa ku weyne, nidaam eex bartanka loo dhigay, qabyaaladna lagu aslay baynu taag-taagnay. Lagu soo moodyoo, waxa ay tukubtaba waa iyadan heerkaa ay maantay marayso soo gaadhay. Eeg, waxba isma bedelin, dadka maanta dalka wadaaga, waxa ay u dhaqmayaan sida kuwo markaa xabbad joojin loo sameeyey, maba aha qolo muddo wax u soo dhisnaayeen ee waa sida jabhado markaa wax afgambiyey oo xeer hoosaad yar dhigtay, qolo walbana dhufays dabada kula jirto. Haddaba intii ay wax amaamudnaayeen, maxaa la qabsaday? Waxba dee! Sidaa ay iminka tahay bay inoogu badisaa — haye, cidna weyso uma dhowrna. Afka un baan ka sheegannaa in aannu dowladnimo micna leh rabnee, marka siyaasadda hoos loo dhigo — heer jifiyeed — su’aalaha iyo fikradaha la isdhaafsanayo waxaa ka mid ah: “markan tolka ma laftayada hoosaa leh? Isinkayagu waa nagu jiifsaday tii hore, oday yar ma caleema-saarnaa? Waa markeennii oo dalka innagaa xukunna, mashaariicda ii saxiix, madaxweynaha ii gee”. Dhanka kale, marka aan sharciga jabiyana, yaa dowladda inoogu jira? Intaas uun weeye wixii aynu qabsannay, waa nidaam yar oo kabuubyo ah, burburkii aan ku illownay, gurracnaan dowladnimana noo horseedday. Yaa eedda leh? Dee cidna! Ma odayga beesha ayeynu eedeyn karnaa? Sowtii aannu si tolnimo leh ugu caano-shubnay. Markii xilalka la doonayeyna, waa innagii u guurguurannaye, odaygu waa ceeb-laawe. Aayar! Aayar! Ma xildhibaanka ayaa kuu muuqday? Waar ninkaanu isinkana wuu ka dambeeyaa, beeshana meesha ayuu u joogaa oo wixii dowladda inaga gala isagaa inoo soo dhiciya ee afka ka du. Caga-dhigo! Madaxweynuhu waa muqaddas, waana lama taabtaan, doorashadii xildhibaanka si fiican buu u soo saaray, deegaankayagana mashaariic buu u ballanqaaday ololihii, isinkana waa la saaxiib, wax la mid ah lama arag oo kanu waaba laylatul-khadarkii oo qof laga soo dhigay. Intaa kadib, dowladnimadayadu eed ma laha, waa tii aannu doonaynay, qolo walbana sidan ayey raalli ku tahay. Haddii aad i leedahay “Waa beentaa”, anna waxa aan ku leeyahay “Igu caddee!”. W.Q. Cabdullaahi Bootaan The post Dowladdii aannu rabnay sow tan! appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ugu tegay Amiirka cusub ee dalka Kuweyt Sheekh Nawaaf Al-Axmed Al-jaabir Al-sabaax ayaa gaarsiiyey tacsida Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan geeridii Alle ha u naxariistee Amiirka dalkaas Marxuum Sabaax Al-Axmed. Labada Hoggaamiye ayaa iska xogwareystay mustaqbalka xiriirka labada dal iyo muhiimadda ay leedahay in la sii joogteeyo iskaashiga ku saleysan walaaltinimada iyo is-garab istaagga, iyada oo Ra’iisul Wasaare Rooble uu soo bandhigay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay murugada geerida Amiir Sabaax ay ula qeybsanayaan dalka kuweyt. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha waxa uu tacsida la wadaagay Guddoomiyaha Golaha Ummadda dalka Kuweyt Marsuuq Alqaanim, Dhiggiisa dalkaas Sabaax Khaalid Al-Axmed, Ku-xigeenka Taliyaha Ciidammada Ilaalada Qaranka Mishcal Al-Axmed, Amiirrada iyo dhammaan xubnaha Qoyska reer Sabaax ee haya talada dalka Kuweyt. Intaas kaddib, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu booqday qabriga Marxuum Sheekh Sabaax Al-Axmed oo uu u soo duceeyey, Eebbana uga baryay in uu naxariistii Janno ka waraabiyo. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo dowladda iyo shacabka Kuweyt gaarsiiyay dhambaal tacsi ah appeared first on Puntland Post.
-
Shirka 5-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ay wehliyaan labadiisa ku xigeen Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa warbixinno looga dhageystay Madax-guddiyeedyada Baarlamanka. Warbixinnada laga dhegaystay Madax-guddiyeedyada ayaa ku saabsanaa Amniga, Dhaqaalaha, Arrimaha bulshada, Qorsheynta, Deegaanka, Arrimaha gudaha, Kaabayaasha dhaqaalaha iyo kormeero iyo kulamo ku aadanaa xog-isweydaarsi, waxqabadka, qorshayaasha iyo caqabadaha jira ee ay Hay’adaha Dawladu la wadageen Guddiyada , gaar ahaan wax ka qabashada kor u kaca iyo is bedelka ku yimi sarifka shillinka Soomaaliga. Dhinaca kalena, Guddigu waxay soo-jeediyeen in Guddiga gaarka ah ee goluhu u-xilsaaray Wacyi-gelinta Caabuqa COVID-19 ay dar-dargeliyaan Wacyi-gelinta bulshada iyo booqashada Xarunta caafimaadka, si loo ilaaliyo bed qabadka caafimaadka iyo Fayo-dhawrka shacabka Puntland. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo warbixino ka dhegaystay Madax-guddiyeedyada Golaha appeared first on Puntland Post.
-
Ceerigaabo (PP News Desk) — Fiqifuliye district Traditional leaders inaugurated a hospital funded by the diaspora members from the district. “ Sahra Abdulqadir funded the first part of the construction. Other Fiqifuliye diaspora members have funded the completion of the hospital construction” said Abdirisaq Yusuf Mohammed, whom diaspora members had appointed to oversee the hospital construction project. Dr Hawa Gelle Nur: Many maternal deaths occur in the district particularly when expecting mothers are being transported to faraway hospitals. “ Sixteen villages come under the jurisdiction of Fiqifuliye. Many maternal deaths occur in the district particularly when expecting mothers are being transported to faraway hospitals. The nearest town is 90 km to Fiqifuliye. We would like administrations to help us with equipping Accident and Emergecy section and minor surgeries theatre as a part of the hospital” said Dr Hawa Gelle Nur. Chief Aqil Mohamed Farah thanked diaspora members from Fiqifuliye who funded the construction of the hospital. “You have set an example for other people to follow” said the Chief Aqil. Somaliland Ministry of Health officials are planning to visit the hospital building to explore how it can be funded and integrated into Sanaag public health organisations. © Puntland Post, 2020 The post A Diaspora-funded Hospital Building Inaugurated in Fiqifuliye appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay billowday inay dib u furto wadooyinka magaalada Muqdisho oo xirnaa bilihii la soo dhaafay. Ciidamada ammaanka ayaa xalay saq-dhexe qaaday dhagxaatii horey loogu xiray qaar ka mid ah jidadka waa weyn ee caasimada. Meelaha dhagxaanta laga qaaday waxaa ka mid ah isgoysyada Tarabuunka, Sheekh Cali Suufi, Digfeer, Danwadaagaha iyo wadooyin kale oo jidcadayaal ah. Sidoo kale waxaa jira jidad weli xiran oo ay yaallaan dhagxaan iyo carro tuur horey loogu xiray, si loo hakiyo isticmaalka gaadiidka. Shacabka Muqdisho oo horey dhibaato ugu qabtay wadooyinka xiran, islamarkaana saaka ku soo toosay jidadka qaar oo la furay ayaa soo dhoweeyey tallaabadaasi. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyada oo haatan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay isku diyaarineyso doorashooyinka soo socda ee 2020/2021-ka. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay muddo kadib dib u furay wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho. Jidadka la furay oo ay markii hore dhibaatooyin ku qabeen shacabka ayaa waxaa xalay laga qaaday dhagxaantii lagu jaray, ama lagu xiray. Dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa saaka ku soo toosay wadooyinkaasi oo u furan islamarkaana la isticmaalayo, iyaga oo si aad ah u soo dhoweeyey tallaabadaasi. Meelaha dhagxaanta laga qaaday waxaa ka mid ah isgoysyada, Tarabuunka, Sheekh Cali Suufi, Digfeer, Danwadaagaha iyo wadooyin kale oo jidcadayaal ah. Wararka qaar ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble uu bixiyey amarka lagu furay jidadkaasi oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka. Dhinaca kale waxaa jira wadooyin weli xiran oo ay yaallaan dhagxaan iyo carro tuur horey loogu xiray, si loo hakiyo isticmaalka gaadiidka. Muqdisho ayaa muddo fog ku jirtay xaalad adag oo kala wareeg ah, iyadoo dadku ay ka cabanayeen xirnaashaha wadooyinka waa weyn ee caasimada, kuwaas oo sababay inay kala xiranto magaalada, islamarkaana ay isaga kala gooshi waayeen gaadiidka BL-ka. Si kastaba ha’ahaatee arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli dowladda federaalka uu ka sii dhamaanayo muddo xileedka, islamarkaana ay isku diyaarineyso doorashada 2020/21. The post Sawirro: DF Soomaaliya oo dhagxaanta ka qaaday jidadka qaar ee magaalada Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
-
Dowladda Qatar ayaa ka hadashay weerar is-miidaamin ah oo dhowaan lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa nabad sugida oo ku taalla M/ Muqdisho. Qoraal ah ka soo baxay wasaaradaha arrimaha dibadda Qatar ayaa lagu cambaareeyay weerarkaasi oo la sheegay inay fulisay qof dumar ah oo soo xiratay walxaha qarxa. Sidoo kale waxaa qoraalkan lagu sheegay in dowladda Qatar ay ka xun-tahay falkaasi qaraxa ah oo sababay dhimashada labo askari iyo dhaawaca dad kale oo shacab ah. Qatar ayaa hoosta ka xariiqday in ay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya islamarkaana ay ka caawin doonto dhinaca ammaanka Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi sababay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac. Qatar ayaa ka mid ah dalalka si weyn u taageera Soomaaliya, iyadoo hore mashaariic ay ku baxday malaayiin Dollar ugu fulisay Soomaaliya qaarkoodna ay weli socdaan View the full article
-
Taliska ciidamada Booliiska magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyey howl-gallo lagu soo qabtay saddex ruux oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab kuwaas oo uu talisku ku eedeeyey in falal amniga liddi ku ah ka wadeen gudaha magaaladaasi. Booliiska ayaa sheegay in ragga gacanta lagu soo dhigay ay ka dambeeyeen falalkii amni darrada ahaa ee ka dhacayey maalmahan magaalada Kismaayo. “Fashilinta iyo soo qabqabashada shabakadaan ayaa timid kadib markii ay ciidanka nabad-sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ay howlgallo xiriir ah ka sameeyeen xaafadaha magaalada Kismaayo” ayaa lagu yiri War kasoo baxay taliska. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Jubbaland ayaa xoojiyey howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga iyo kuwa ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda maamulkaasi. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir waxaa shalay gelinkii dambe abaare 5:30 ka dhacay dhacdo xanuun badan, kadib markii nin hubeysan uu Toorey ku dilay gabar ay kala tageen oo daganeyd xaafadda Siliga Ameerikaanka. Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Zamzam Cabdiwaaxid Daahir, waxaana ninka dilay ay ka diiday inay isku laabtaan, sida uu warbaahinta uu sheegay Aabaheed, Cabdiwaaxid Daahir Geelle. Sidoo kale Amran Abshir Cabdi oo ay dhashay marxuumadda ayaa sheegtay in ninka dilka geystay markii hore loo diiday inuu gudaha u soo galo guriga, balse uu soo jabiyey albaabada, kadibna uu hooyada Mindi kaga dhuftay qeybaha sare ee jirka. “Marka hore inuu guriga soo galo ayaa loo diiday ninka dilka geystay, basle Aabaabda ayuu soo jebiyay, kadibna waxaa uu afka ka qabtay hooyadey oo fadhida guriga dhexdiisa, isaga oo markii dambe toorey qeybaha sare ee jirka ugu dhuftay Hooyo, anigana waan kasoo cararay goobta.” ayay tiri Amran Abshir Cabdi oo 8 sano jir ah. Wararka ayaa sheegaya in markii dambe gacanta lagu soo dhigay eedeysanaha oo isku dayey inuu goobta ka baxsado. Allaha u naxariistee marxuumad Zamzam oo 29 jir aheyd ayaa ifka uga tegtay labo caruur ah, iyada oo ninka dilay ay dhowaan kala tageen. Laamaha ammaanka oo la wareegay kiiskaasi ayaa sidoo kale haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanayey falalka argagaxa leh ee ka dhex-dhacaya qoysaska Soomaaliyeed iyo bulshada dhexdeeda. The post Nin hubeysan oo si arxan darro ah Muqdisho ugu dilay gabar ay horey u kala tageen first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka baxay isbitaalka, isaga oo raacay gaariga SUV si uu salaan uga tago taageerayaashiisa oo ku sugnaa bannaanka Isbitaalka Walter Reed medical center. Dadka arrintaas ka hadlaya ayaa sheegaya inkasta oo mask wateen hadana tallaabada uu madaxweynaha qaaday ay khatar gelin karto shaqaalaha xafiiskiisa oo ay ku jiraan ciidanka gaariga la socday. Dr. Jonathan Reiner oo caafimaad ka dhiga George Washington University oo la hadlay CNN ayaa sheegay in ay aheyd in dakhaatiirtu diidaan codsiga Trump. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa lagu helayaa dhacdo xanuun badan oo lagu soo wariyey degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, taas oo ka dhalatay dilka Allaha u naxariistee marxuumad Zamzam Cabdiwaaxid oo dagneyd xaafadda Siliga Ameerikaanka ee degmadaasi. Marxuumadda ayaa waxaa si arxan darro ah u dilay nin ay horey u kala tageen oo ay ka diiday inay isku noqdaan, sida uu sheegay Aabaheed Cabdiwaaxid Daahir. Dilka ayaa la sheegay inuu ninka u adeegsaday Toorey ama Mindi, wuxuuna dhacay abaare 5:30 galabnimo ee shalay, iyadoona markii dambe la soo qabtay eedeysanaha. Allaha u naxariistee marxuumad Zamzam oo 29 jir aheyd ayaa ifka uga tegtay labo caruur ah, iyada oo la sheegay in ninka dilay ay dhowaan kala tageen. Dhacdadaan murugada leh ayaa si weyn u taabatay ehellada marxuumadda iyo dadkii daris ka la’ahaa oo ka naxay falkaasi argagaxa leh, balse waxaa haatan kiiskaasi baaritaano ku haya hay’adaha amniga oo gacanta ku dhigay eedeysanaha geystay dilkaasi. View the full article
-
Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Dowlad Goboleedka Jubaland, ayaa Kismaayo ku soo bandhigtay saddex ruux oo laga soo qabtay gudaha magaalada, kuwaas oo hay’addu sheegtay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab. Taliyaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Jubaland G/sare Khaalid Cabdullaahi Cumar, oo Warbaahinta kula hadlay Kismaayo, ayaa shaaciyay in saddexda eedaysane ee la qabtay ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, islamarkaana ay khalkhal gelin amni ka wadeen gudaha Kismaayo. Cabdiqayuum Sheikh Cabdirisaaq Muuse, Xuseen Cabdisamad Sheikh Daahir iyo Maxamed Cabdiraxmaan Bashiir, ayaa dhammaantood qirsan in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, sida uu xaqiijiyay Taliyaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Jubaland. G/sare Khaalid Cabdullaahi, wuxuu tilmaamay in mid kamid ah Ragga la qabtay oo magaciisu yahay Maxamed Cabdiraxmaan Bashiir, uu watay kaar shaqaale dowladeed, kaas oo uu ku qaldi jiray Laamaha Amniga, balse markii dambe lagu fahmay. Sidoo kale, wuxu xusay in kooxdan oo u hawl geli jiray qaab shabakadeed ay dhibaato amni iyo khalkhal gelin ku hayeen Shacabka ku nool magaalada Kismaayo. PUNTLAND POST The post Jubaland oo qabatay Shabakad ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kuwait ee caasimadda Kuwait. Wafdiga ra’iisul wasaaraha waxaa ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan dowladda Kuwait waxaana ay uga qeybgelayaan tacsida iyo duco amiirkii dalka Kuwait ee dhawaan geeriyooday Sheikh Sabaax Alaxmed Alsabaax. Sii Hayaha wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukumadda federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawud oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa faah faahiyay socdaalka Ra’iisul wasaaraha dalka iyo madaxda uu la kulmi doono. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Ankar (Caasimada Online) – Ugu yaraan illaa ’25’ askari oo isugu jira Soomaali iyo Liibiyaan ayaa ku dhintay dagaal gacan hadal ah oo labada dhinac ku dhexmary xero lagu tababarayey oo ku taalla Turkiga, sida ay warisay warbaahinta gudaha ee dalkaasi. Wararka ayaa sheegaya in askarkaasi ay ku wada jireen hal xero oo ku taalla magaalada Isparta oo dhacda galbeedka Turkiga, waxaana ay isku adeegsadeen intii uu dagaalku socday Mindiyo iyo waxyaabo kale, sida ay ku warrameyso warbaahinta gudaha. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii askari ka tirsan ciidamada Liibiya uu midkood Toorey ku dhaawacay askari Soomaaliyeed, taas oo keentay inay ka dhiidhiyeen ciidanka kale ee Soomaalida ee tababarka kula jiray, waxaana sidaas ku billowday dagaalka labada dhinac. Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo ka dhashay dagaalkasi, iyadoona askarta qaarkood la dhigay goobaha caafimaadka si looga daweeyo. Weli war rasmi ah kama soo bixin dowladda Turkiga oo ku aadan shaqaaqadaasi dhex martay ciidamada ay u tababareyso dalalka Soomaaliya iyo Liibiya. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo iyana ka soo yeeray dhinaca dowladaha Soomaaliya iyo Liibiya ee la xiiriira isku dhacdadaasi. Si kastaba ha’ahaatee Turkiga ayaa tababaro siiya ciidamada dalalka Soomaaliya, Liibiya iyo Suuriya, kuwaas oo ku jira xeryaha milatariga ee gudaha dalkaasi. The post Wararkii u dambeeyey askar Soomaali & Liibiyaan ah oo ku dagaalamay wadanka Turkiga first appeared on Caasimada Online.
-
Foreign nationals living in South Africa are often blamed for a range of social ills, including joblessness. As such, they risk falling victim to physical attacks by mobs that loot and burn their businesses – and sometimes take their lives. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Asmara)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Ereteriya kulan kula qaatay Madaxweyne Isaias Afwerki. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa labada Madaxweyne waxaa ay kaga wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada dal ee Soomaaliya iyo Ereteriya, hannaanka kor loogu qaadi karo iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo mida bulsho, si loo dardargeliyo qorsheyaasha ku qotoma ganacsiga, maalgashiga iyo isku xirnaanta bulshada Gobolka. Dowladda Ereteriya ayaa sheegtay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Isaias Afwerki ay isku af-garteen in la xoojiyo madax-bannaanida Soomaaliya. Sidoo kale Ereteriya ayaa sheegtay in labada dhinac ku heshiiyeen in la cusboonaysiiyo heshiishkii Asmara ee 2018 ee u dhexeeyey Dowladdaha Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya, iyadoo la xoojinayo iskaashiga Gobolka Geeska Afrika. Isaias Afwerki ayaa muujiyey dareenkiisa farxadeed ee booqashada Madaxweynaha iyo wafdigiisa ee shalay ku gaadheen Magaalada Asmara, waxa uuna tilmaamay in booqashadani ay qeyb ka tahay dadaallada wadajirka ah ee labada dowladood. Dowladda Soomaaliya ayaa tilmaamtay inay ka go’an tahay adkeynta xidhiidhka iskaashi iyo dhaqaale ee dalalka gobolka, taas oo xoojineysa in dalka uu door muhiim ah ka qaato geeddi socodka horumarineed ee ay hiigsanayaan dalalka gobolku. Source
