-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Tigreega oo amar ku bixiyey dhammaan xubnaha ku matala dowladda dhexe iney iscasilaan Xisbiga Xoreynta Shacabka Tigreega ee TPLF ayaa xubnaha ku magaacaban xilalka dowladda dhexe, golayaasheeda wakiillada shacabka iyo golaha Federeeshinka ku amray dhammaantood iney iska casilaan xilalka ay ka hayaan dowladda dhexe. Getachew Reda oo ah xubin ka mid ah guddiga fulinta xibiga TPLF oo BBC u warramay wuxuu sheegay mudda xileedka baarlamaanka dalkai Itoobiya loo doortay inuu ku ekaa maalinti shalay, dowladdi uu baarlamaankaasi dhisay iyo xukumaddi uu magacaabay intaba muddo xileedkooda uu ahaa shan sana oo keli ah uuna dhammaaday. “Kulanka wadajirka ee sanadka 6-aad oo ay maalinti shalay ahayd ku yeesheen magaalada Addis Ababa xubnaha labada aqal ku matala deegaanka Tigreega kama aysan qayb gelin” ayuu yiri. “Xildhibaannada deegaanka Tigreega ka soo jeeda waxaa loo sheegay iney kulankaasi isaga baxaan. Baarlamaanka oo keli ah ma aha waxa amarka la siiyey, balse dhammaan xubnaha deegaanka Tigreega ugu jira qaab dhismeedka dowladda dhexena sida oo kale ayaa lagu amray” ayuu yiri. Maalinti shalay ahayd labada gole waxay yeesheen munaasabadda furitaanka kulankoodi caadiga ahaa. Kulanka labada gole ay yeesheen oo ka qabsoomay xafiiska ra’isal wasaaraha Itoobiya waxaa khudabadda furitaanka oo ku qotonto jihooyinka siyaasadeed ee dowladda Itoobiya ee sanadkan hadda u billowday soo jeedisay madaxweynaha dalkaasi Sahlewarqi Zewde. “Wakhti xaadirkan Ra’isal wasaaraha iyo golahiisa wasiirrada iyo xubnaha labada aqalba ma haystaan wax sharci ah oo u oggolaanayo iney xilka sii hayaan, laga billaabo maantana xubnahaasi wax xiriir ah lama yeelan doonno” ayuu yiri Getaachew. Hase yeeshee deegaanka Tigreega wuxuu wadashaqeyn u la yeelan doonaa hay’adaha garsoorka, ciidamada gaashaan dhigga, hay’adaha u xilsaaran bixinta awaamiirta dibloomaasiyadda iyo hay’adaha kale ee bixiya adeegyada dhaqaale iyo mid bulsho oo muwaaddiniinta waxtarka u leh. Adan Faarax Ibraahim, Guddoomiyaha cusub Guddoomiyaha aqalka sare ee Itoobiya Adan Faarax ayaa Jimcihii sheegay in dowladdu ay u bannaan tahay qaabab kala duwan oo ay ula macaamili karto xiisadda gobolka Tigreega, kuwaas oo ay ka mid yihiin in la laalo gabi ahaanba aqoonsiga maamulka deegaanka Tigreega kaddibna la dhiso maamul ku meel gaar ah dowladda dhexe hoostaga, inay xilka ka qaaddo xubnaha sare ee gobolka iyo iney ciidamada qaranka u dirto deegaankaasi. Dhanka kale, ismaamulka Tigray ayaa warqad u qoray beesha caalamka taas oo uu kaga dalbanayo inay dowladda federaalka cadaadis ku saaraan oggolaanshaha baaqa nabadda ee ka soo yeeray Isbahaysiga Xoogagga Fedaraaliga ah ee Itoobiya, isla markaana ay dalka ka hor istaagaan inuu burburo. Dhawaan ayay ahayad markii deegaanka Tigreega laga qabtay doorasho ay sharci daro ku tilmaamtay dowladda dhexe ee Itoobiya. Hase yeeshee, maamulka Tigreega ayaa ka dhagafureystay digniinaha iyo farriimaha uga imanaya Aqalka Sare, Guddiga doorashooyinka qaranka iyo dowladda dhexe ee dalkaasi Itoobiya intaba. Doorashada guud ee dalkaasi Itoobiya ka dhici lahayd bisha September 2020, ayaa dib loo dhigay sababa la xiriira cudurka safmarka ee Coronavirus iyada oo labada aqal ee dalkaasi ay cod buuxa ku ansixiyeen 9 bilood ilaa sanad in doorashada dib loo dhigo. Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa toddoba sanno kadib lagu wadaa inay qaado kiiska eedeysanayaal loo haysto weerarkii ka dhacay dhisme laga dukaameysto oo lagu magacaabo Westgate. Xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo eedeysanayaashan lala xiriirinayo ayaa 2013-kii weerar ku qaaday dhismahaasi oo ku yaala caasimada Kenya ee Nairobi. Eedeysanayaashan oo tiradoodu dhan tahay saddex ruux ayaa loo haysta inay gacan weyn ka geysteen caawinta xubnihii Shabaabka ahaa ee weerarkaasi ka fuliyey gudaha Westgate. Weerarkaasi ayaa ugu yaraan waxa ku dhimataya 67-qof, halka tiro kale ay ku dhaawacantay. Raggan ku eedeysan inay qeyb ka ahaayen weerarkaasi ayaa gebi ahaanba iska fogeeyay eedeynta loo soo jeediyay, midaasi oo kiiskooda ka dhigtay mid sii dabo dheeraada. Waxaana xusid mudan in ka badan 140 marqaatiyaal ah ay ku marag furtay raggaasi, inkastoo iyagu ku doodayaan taasi badalkeeda, isla markaana ay beeniyeen. Ragga lala xiriirinayo weerarkaasi ayaa magacyadood lagu kala sheegay; Xuseen Xasan Mustaf, Maxamed Axmed Cabdi iyo Liibaan Cabdullaahi Cumar. Dowladda Kenya ayaa xiligan wajaheysa khataro amni oo uga imaanaya maleeshiyada Al-Shabaab, xili ay gudaha Soomaaliya ka joogaan ciidamo dagaal xoogan kula jira maleeshiyadaasi. The post 7 sano kadib, Xuseen Xasan Mustaf, Maxamed Axmed iyo Liibaan Cabdullaahi oo loo haysto weerarkii Westgate first appeared on Caasimada Online.
-
Maxaa looga cabsi qabaa Itoobiya iney kala go’do? Dowlad-deegaanka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa ku hanjabtay inaysan qaadan doonin amarka dowladda federaalka, laga bilaabo maanta oo ay ku ekeyd xilliga dowladda Ra`iisul Wasaare Abiy Axmed, balse waqti loogu daray sababo la xiriira dib u dhac ku yimid doorashada. Hanjabaaddaas ayaa xiisad siyaasadeed ka abuurtay gudaha dalkaas. Guddoomiyaha aqalka baarlamaanka Itoobiya Adem Farah ayaa Jimcihii sheegay in dowladdu ay u bannaan tahay qaabab kala duwan oo ay ula macaamili karto xiisadda gobolka Tigray, kuwaas oo ay ka mid yihiin inay xilka ka qaaddo xubnaha sare ee gobolka sidoo kalena ay ciidamo u dirto. Madaxweynaha Itoobiya ayaa la filayaa inay maanta khudbad u jeediso baarlamaanka. Dhanka kale, ismaamulka Tigray ayaa warqad u qoray beesha caalamka taas oo uu kaga dalbanayo inay dowladda federaalka cadaadis ku saaraan oggolaanshaha baaqa nabadda ee ka soo yeeray Isbahaysiga Xoogagga Fedaraaliga ah ee Itoobiya, isla markaana ay dalka ka hor istaagaan inuu burburo. Dhawaan ayay ahayad markii deegaanka Tigreega laga qabtay doorasho ay sharci daro ku tilmaamtay dowladda dhexe ee Itoobiya. Hase yeeshee, maamulka Tigreega ayaa ka dhagafureystay digniinaha iyo farriimaha uga imanaya Aqalka Sare, Guddiga doorashooyinka qaranka iyo dowladda dhexe ee dalkaasi Itoobiya intaba. Doorashada guud ee dalkaasi Itoobiya ka dhici lahayd bishan September 2020, ayaa dib loo dhigay sababa la xiriira cudurka safmarka ee Coronavirus iyada oo labada aqal ee dalkaasi ay cod buuxa ku ansixiyeen 9 bilood ilaa sanad in doorashada dib loo dhigo. Falcelinta dowladda dhexe ee ka dhalatay doorashada deegaanka Tigreega Xisbiga TPLF -oo gacanta ku hayay siyaasadda dalka Itoobiya muddo toboneeyo sano ah ayaa waxay ku hanjabeen in dhibaatada ay sii baahi doonto haddii dowladda dhexe ay isku daydo inay faragaliso. Rai’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa doorashadaas ku tilmaamay mid sharci darro ah. Wuxuu sheegay in xisbiga TPLF ay haystaan waqti ay xafiiska ku sii joogaan kaasi oo ah go’aan ay gaareen aqalka sare ee baarlamaanka bishii June. Mr Abiy ayaa sheegay in doorashadii ka dhacday aysan wax farqi ah ku keeni doonin go’aankii horey loo gaaray ee dib u dhigidda dorashada. Rai’sal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dowladiisa aysan tallaabo militari qaadi doonin . “Doorashadu ma aha mid sharci ah sababto ah guddiga doorashada oo kali ah ayaa doorasho qaban kara,”waxaa uu sidaasi Dr Abiy ku sheegay wareysi uu siiyay xalay telefishinka qaranka Itoobiya. Xisbiga TPLF iyo dowladda dhexe ayaa tan iyo intii uu xafiiska yimid Dr Abiy Axmed waxaa u dhaxeeyay muran xooggan. “Sida uu dhigayo dastuurka dalka Itoobiya qodobkiisa 50-aad ee faahfaahinayo awoodda iyo waajibaadka dowladda federaalka inaan dastuurka difaacno waxkasta oo ka horimanayana aan ka hortagno diyaar ayaan u nahay” ayuu yiri. “Si ka baxsan dastuurka dalka inuu deegaan si gaar ah doorasha iskii u qabsado maadaamaa ay ammaanka dalka iyo dadka ay waxyeello aad u weyn u geysaneyso dowladdu waxay ku qasban tahay iney qaaddo tallaabba kasta oo iskudayga noocasi looga hortagayo.” “Xisbi kasta oo siyaasadeed oo doonaya inuu xukunka siyaasadeed uu qabto waa inuunan marin waddo dalka iyo dadka dhibaata u horseedeyso.” ‘Halkii aan rasaas u diri lahaa gobolka Tigreega, waxaan u dirayaa maaskaro’ Ma jirin wax qalalaase ah oo gobolka Tigreeda ka dhacay intii ay ka socotay doorashadii la qabtay ee aysan raalliga ka ahayn dowladda dhexe ee Itoobiya. Dr Abiy Axmed ayaa ku adkeystay in uusan awood u adeegsan doonin waxa ka socda gobolkaas. “Aniga waxaan rumeysanahay, in Itoobiya aysan dagaal u baahnayn, ka mid ma ahi dadka doorbidaya tallaabo militari. Halkii aan rasaas u diri lahaa gobolka Tigreega waxaan u dirayaa maaskaro, si ay isaga difaacaan fayraska corona.” Ayuu yidhi. “Aniga waxaan rumeysanahay, in Itoobiya aysan dagaal u baahnayn, ka mid ma ahi dadka doorbidaya tallaabo militari.”ayuu intaa ku daray Guddoomiyaha Guddiga doorashada qaranka ee dalka Itoobiya Birtukaan Mideqsa Tani iyo marka uu isbeddel ka dhacay dalka Itoobiya uu dalka Itoobiya majaraha u qabtay Dr Abiy Axmed waxaa sii badanayey khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka ee Dowlad Deegaanka Tigreega, iyada oo uu deegaankaasi uu ku doodaya iney dowladda hadda ka arrimisa dalka Itoobiya ay nidaamki Federaalka ee lagu heshiiyey ay god ku sii rideyso. “Gooni isutaag” Xisbiga TPLF ee deegaanka Tigrey ayaa dhowr jeer ku hanjabay inay ka go’ayaan Itoobiya inteeda kale, iyagoo soo daliishada qoddob kamid ah dastuurka Itoobiya oo dhigaya “in shuruud la’an ay xaq u leeyihiin inay ismaamulaan oo ay kamid tahay gooni isu tag”. “Waa inay jirtaa sinnaan dhanka qabaa’ilka, haddii kale waa in la ogaadaa in dadka Tigree-ga ay xaq u leyihiin inay go’aan,” sidaas waxaa ku goodiyay guddoomiye ku xigeenka gobolka Tigreega, ahna guddoomiyaha xisbiga TPLF. Dadka indheer garadka ee kasoo jeedaa gobolka Tigree iyo mucaaradka ayaa sheegay in haddii lagu dhawaaqo gooni ustaag ay xaaladda uga sii dari karto oo ay “mussiibo noqon doonta”. Xisbiga TPLF oo horay uga tirsanaa xisbigii EPRDF ayaa dalka Itoobiya maamulayay 27 sano, Way kala boodeen Abiy Axmed markii uu xilka qabtay , iyagoona markii dambe diiday in ay ku biiraan xisbiga cusub ee barwaaqada ee PP. TPLF ayaa dowladda federaalka ku eedeysay inay hurinayaan dibadbaxyo ka dhacay gobolka Tigrey, waxayna intaa ku dareen in warbaahinta dowladda ay warar been abuur ah ka faafinayaan gobolka, si ay u kala qeybiyaan dowladda deegaanka Tigreyga iyo shacabka deegaankaas. Qaran News
-
Is barbardhig Awoodaha Milatari ee Labada Dal ee Dagaalku ka dhex qarxay Azerbaijan & Armenia Dagaalka ka socda gobolka Nagorno-Karabak Dagaalka u dhexeeya Azerbaijan iyo Armenia ee ku saabsan gacan ku heynta gobolka Nagorno-Karabakh ayaa bilowday horraantii sagaashamaadkii. Labada dhinac waxay isku jeedinayaan eedeynta ah in dagaalka mid-ba midka kale uu ku soo qaaday. Wararka ka imaanaya safka hore ee dagaalka Azerbaijan iyo Armenia waxay sheegayaan in dagaalka la isu adeegsanayo taangiyada, madaafiic iyo diyaaradaha dagaalka. Warbixinno laga soo xigtay ilo madaxbanaan ayaa muujinayaa in sanadihii u dambeeyay ay labadan dal diiradda saareen maalgelinta militarigooda, Azerbaijan waxay hal tallaabo dheertay Armenia marka la eego awoodda militeri. Labadan dal oo horey uga tirsanaan jiray midowgii Soviet waxay taageero milatari ka heli jireen Ruushka. Azerbaijan waxay leedahay keyd shidaal, dhaqaale badan ayaa ka soo galaa taas oo u suurogelisay in iskaashi Milatari ay la yeelato waddamo ay kamid yihiin Israa’iil iyo Turkiga. Dhaqaalaha ku baxa Milatariga Daraasad uu sameeyay macadka caalamiga ah ee qaabilsan nabadda ee Stockholm (SIPRI) ee fadhigiisu yahay Sweden ayaa muujineysa in dhaqaalaha ku baxay militariga Azerbaijan sanadihii 2009-kii ilaa 2019-kii uu afar jeer ka badan yahay dhaqaalaha la geliyay militariga Armenia. Sanadahaas, Azerbaijan waxay ku bixisay militarigeeda dhaqaale gaaraya 20 bilyan oo doolar halka Armenia ay gelisay ciidamada xoogga 5 bilyan oo doolar. Tan iyo sanadkii 2010-kii, waxaa sare u kacayay kharashka ku baxay milatariga Azerbaijan, halka Armenia labadii sano ee la soo dhaafay ay dhaqaale xooggan gelisay xoojinta militariga, balse waa mid aad uga hooseeyo dhaqaalaha ay gelisay xukuumadda Azerbaijan. Qaar ka mid ah hubka la deegsanayo Waxaana arrintaas ugu wacan in dhaqaalaha Azerbaijan uu yahay mid xooggan marka loo barbardhigo kan Armenia. Grigor Atanesian oo ka tirsan BBC-da laanta la hadasho Ruushka ayaa sheegay in Armenia aanay laheyn keyd shidaal isla markaana aanay la tartami karin Azerbaijan gaar ahaan dhaqaalaha ku baxa militariga. Awoodda Milateri Ma cadda tayada iyo baaxadda hubka Azerbaijan iyo Armenia, waxaana soo ifbaxaya wararka ah in Milatariga Armenia ay hubkooda u daabulayaan gobolka Nagorno-Karabakh. Azerbaijan waxay kaalinta 64-aad kaga jirtaa dalalka adduunka ee ugu awoodda badan dhinaca militariga halka Armenia ay soo gashay kaalinta 111-aad, sida ay baahisay hay’adda fahdhigeedu yahay Mareykanka ee Global Fire Power. Sida laga soo xigtay warbixin la daabacay bishii July, BBC-da laanta la hadasha Ruushka waxay soo xigtay warbixin la soo bandhigay 2016-kii, waxaa lagu sheegay taangiyada dagaalka Azerbaijan ay gaarayaan 314 ilaa 750 halka taangiyada ay heystaan ciidamada Armenia ay gaarayaan 100 ilaa 166. Diyaaradaha dagaalka ay heysato Azerbaijan waxay ka badan yihiin 100 halka kuwa Armenia lagu qiyaaso 60 diyaaradaha dagaalka ah. Sanadihii lasoo dhaafay Azerbaijan waxay Ruushka ka soo iibsatay in ka badan diyaaradaha dagaalka MiG-29 iyo 11 Su-25 , sidoo kale Azerbaijan waxay heysataa diyaaradaha dagaalka ah ee kala ah Mi-24 iyo Mi-35 oo lagu sameeyay Ruushka. Dhanka kale, Armenia ay haysata diyaaradaha dagaalka nooca Su-30 iyo MiG-29, kuwaas oo ay ka soo iibsatay Ruushka. Isaga oo la hadlayay BBC-da laanta la hadasha Azerbaijani, Fuad Shahbazov oo ah khabiir qaabilsan arrimaha amniga ayaa sheegay in Armenia ay dagaalka u adeegsatay hub ay kasoo iibsatay Ruushka. Khuburrada milatariga waxay sheegayaan in diyaaradaha dagaalka ee ka howlgala gobolka Nagorno-Karabakh ay halis ugu jiraan inay burburaan maadama gobolka uu yahay mid buuraley ah. waxay sidoo kale sheegeen inay adagtahay in lidka diyaaradaha laga isticmaalo gobolka. Azad Isazade, oo ka faalooda arrimaha nabadda ee Azerbaijan ayaa BBC-da laanta Ruushka u sheegay “Waa dhul buuraley ah, waxaana adag in la adeegsado diyaaradaha dagaalka ama lidka diyaaradaha, waxaan sidoo kale fahansanahay in muddo sanado ah lagu howlanaa in lidka diyaaradaha laga hirgeliyo gobolka Nagorno-Karabakh, waxaa la soo iibsaday hubka S-400, lamana dhigin gobolka Nagorno-Karabakh, balse waxaa la dhigay gobolka Goris oo ku yaalla xadka si uu ilaaliyo diyaaradaha dul maraya Karabakh” Wasaaradda arrimaha dibadda Armenia oo dhawaan sheegtay in inay soo riday diyaarad ay leedahay Azerbaijan Ilaa iyo haddda lama xaqiijin in Ruushka uu hubka S-400 ka iibiyay Armenia, waxaana la ogaa in Armenia ay adeegsato gantaallada S-300 iyo Tor-M2KM. Mid kamid ah gawaarida dagaalka ee loo yaqaano UAV ayay labada dhinac isu adeegsanayeen dagaalka, Armenia waxay adeegsaneysay gaariga UAV oo ay iyadu sameysatay halka Azerbaijan ay isticmaaleysay gaariga UAV oo ay ka soo iibsatay Israa’iil. Dalalka la leh iskaashiga militeri Ciidamada Armenia iyo Azerbaijan waxay isku adeegsanayeen hub lagu soo sameeyay dhinaca Ruushka. Ka dib sanadkii 2016-kii, Azerbaijan waxay qaaday tallaabooyin dhowr ah oo ku soo iibsaneyso agab Milateri. Dalalka ay hubkan kasoo iibsadeen waxaa kamid ah Israa’iil iyo Turkiga, sida laga soo xigtay macadka daraasaadka SIPRI, boqolkiiba 17 agabka militeri ay dibadda kasoo iibsatay Azerbaijan waxay ka keentay Israa’iil,. Sanadkii 2012-kii labadan dal waxay kala saxeexdeen heshiis milAtaeri oo ku kacaya 1.6 bilyan oo doolar, waxyaabaha uu dhigayay waxaa kamid ah in Azerbaijan la gaarsiiyo hubka kala ah UAV, diyaaradaha lidka dagaalka. Madaxwaynaha Armenia iyo rai’isul wasaaraha Israa’iil Azerbaijan waxay leedahay keyd shidaal iyo Gaas kaas oo u suuragelinayo in dalalka qaar ay ka soo iibsato agab milatari. Armenia waxay qaaday tallaaboyin ay ku xoojineyso Milatarigeeda, Ruushka wuxuu dhawaan siiyay Armenia gantaallada baalistiigga ee Iskender iyo diyaaradaha dagaalka nooca SU-30M. Atanesyan oo ka tirsan BBC-da laanta la hadasha Ruushka ayaa ka dhawaajiyay in Armenia ay si weyn ugu tiirsan tahay Ruushka gaar ahaan milatariga. Armenia waxay shaacisay in Raadaarka milatariga ay adeegsadaan ee lagu ogaado diyaaradaha ee ka yiraahdo SWATHI ay ka soo iibsaneyso Hindiya, Hindiya iyo Armenia ayaa dhawaan yeeshay iskaashi dhanka milatariga ah, heeshiiska ay gaareena wuxuu ku kacayaa 40 malyan oo doolar. Qaran News
-
Sababta Itoobiya uga mammuucday diyaaraduhu inay dul maraan Biy-xidheenka ay dhisanayso? Dowladda Itoobiya ayaa mashruuca biya xireenkani u aragta mid muhiim u ah kobaca dhaqaalaheeda. Itoobiya ayaa diidday in diyaarado ay dul maraan biyo-xireenka Nile, sida laga soo xigtay website gaar loo leeyahay. Agaasimaha guud ee waaxda duullimaadyada korneel Col Wesenyeleh Hunegnaw, ayaa barta Reporter u sheegay in wada tashi ay la sameeyeen waaxda ammaanka kaddib, la joojiyay in diyaarado ay dul maraan gobolka Benishangul-Gumuz [waqooyi-galbeed Itoobiya] halkaas oo ah meesha laga dhisayo biyo-xireenka,” ayaa lagu sheegay warbixinta website-ka. Wuxuu sheegay in diyaaradaha rakaabka iyo kuwa alaabta aan midna loo oggolaan doonin inay dul maraan biyo-xireenka, balse xaaladaha qaar ayaa loo oggolaan doonaa. Madaxa Waaxda duulimaadyada rayidka ee dalka Itoobiya ayaa BBC u sheegay in wax iska caadi ah ay tahay in Itoobiya ay mamnuucdo duulimaadyada dulmara mashaariicda waawayn . Dowladda Itoobiya ayaa mashruuca biya xireenkani oo ay ku baxayso $4.8bilyan u aragta mid muhiim u ah kobaca dhaqaalaheeda. Balse waxaa muran xooggan u masruucan ka dhex dhaliyay dalalka Itoobiya, Sudan iyo Masar. Saddexdani dal oo dhamaantood wadaaga wabiga Nile ayaa u arka in biya xareenkani wayn uu yareynayo biyaha ay isticmaalaan. Saraaiisha sarsare ee Militariga dalka Itoboobiya oo uu ka mid yahay abaanduulaha ciidamada cirka Maj-Gen Yilma Merdasa ayaa horey u sheegay in ay difaaci doonaan biya xireenka haddii la soo weeraro. Hadalkaasi waa calaaamd muujinaysa sida uu mashruucani uu muranka uga dhaliyay gobolka. Wabiga Nile Biya-xireenka laga dhalinayo korantada ee ugu wayn Afrika Biyaxireenkan ayaa soo saari doona koranto 12 bilood ee soo socota, sida uu wakaalada wararka ee Reuters u sheegtay madaxwaynaha Itoobiya Sahle-Work Zewde. Bishii July ayaa waxaa lagu dhawaaqay in la bilaabay buuxinta biya-xireenka islamarkana 5 billyan oo cubic metres oo biya ah lagu shubay biya xireenka. Marka biya xireenkan la dhameeyo waxaa uu noqon doonaa biya-xireenka koranto ee ugu wayn qaaradda Afrika islamarkana waxaa uu koranto siin doonaa 65 milyan oo shacabka Itobiya ah. Balse dalka Masar ayaa gabi ahaanba ku tiirsan biyaha wabiga Nile oo uu ah isha kali ah ee ay biyaha ka helaan. Horraantii sanadkan, wadahadalo xiriir ahaa oo ay magaalada Washinton ku yeesheen saddexda dal ayaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday. Balse waxaa wali dadaalo wada ururka midowga Afrika oo doonaya in khilaafka dhinacyadan xal loo helo. Dowladda Sudan ayaa kaddib sheegtay in biyaha wabiga ay hoos u dhaceen ka db markii ay dowladda Itoobiya bilawday buuxinta Biya-xireenka. Mareykanka ayaa dhankiisa horey ugu hanjabay in dhaqaalihii ay siin jireen dowladda Itoobiya ay ka jari doonaan. “Mareykanka waxaa uu marar badan horey walaaca uga muujiyay in la bilaabo buuxinta biya-xireenka ilaa la qaado dhammaan tallaabooyiinka ku haboon ee dhanka bad-qabka ,” waxaa sidaasi wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ka soo xigatay wakaalada wararka ee Reuters. Biyo xireenka webiga Nile Biya-xireenka weyn waxyeello ma u geysanayaa wabiga Nile? Muranka ugu weyn ee biya-xirenkaasi ka dhashay ee ay isku mari la’yihiin waddamada Masar, Suudaan iyo Itoobiya waxay tahay sida ay Itoobiya u maareyneyso biyaha biya-xireenka xilliga ay abaaruhu dhacaan. Waddamada Masar iyo Suudaan waxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay u gudbiyeen inuu soo fara geliyo si xal looga gaaro khilaafka hareeyey biya xireenka ay Itoobiya Nile ka dhiseyso. Labada dal ee Masar iyo Itoobiyana waxay ka dhawaajiyeen haddii loo baahdo iney qaadayaan tallaabbo militari oo ay danahooda gaarka ah ku difaacanayaan, iyada oo ay khubaraduna cabsi ay ka muujiyeen haddi muranka heshiis laga gaari waayo ay arrintan dalalka u horseedi karto isku dhac milatari. Joseph Siegle, oo ah agaasimaha xaruunta cilmi-baadhista Afrika ee jaamacadda Difaaca Qaranka, Wuxuu Itoobiya ugu baaqay iney “mowqifkeeda wax ka beddesho”. “Itoobiya ayaa cadaadis xooggan kala kulantay doonitaankeedii ahaa labada bilood ee soo socda ee xilli roobaadka iney billaawdo keydinta biyaha. Biya-xireenkanna wuxuu si weyn uu u sameynayaa biya xireenka weyn ee Masar ee Aswan,” ayuu yiri Siegle. Qaran News
-
Xoghayaha dhinaca saxaafadda u qaabilsan aqalka cad ee Maraykanka, haweeneyda lagu magacaabo Kayleigh McEnany, ayaa laga helay xanuunka COVID-19, sida ay ku shaacisay barteeda Twitter-ka. Kayleigh McEnany, ayaa sheegtay in dhawr jeer oo hore laga qaaday tijaabada xanuunkan, balse baaritaankii u dambeeyey uu caddeeyay in ay cudurka qabto, inkastoo aysan hadda ka muuqan calaamado caafimaad darro. Mrs. McEnany ayaa noqonaysa sarkaalkii u dambeeyey ee aqalka cad ka tirsan oo laga helo xanuunka, iyadoo Sabtidii madaxweyne Trump Isbitaal la geeyey, ka dib markii Jimcihii isaga iyo xaaskiisa laga helay Covid-19. Marka laga yimaado madaxweyne Donald Trump iyo xaaskiisa Melania Trump, waxaa jiray dhawr mas’uul oo kale oo ka tirsan aqalka cad, kuwaas oo laga helay COVID-19. PUNTLAND POST The post Xoghayaha Aqalka Cad u qaabilsan Saxaafadda oo laga helay xanuunka COVID-19 appeared first on Puntland Post.
-
The secret to tackling corruption The post The secret to tackling corruption appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo wixii ka dambeeyay 17-kii bishii 9-aad ee sanadkaan, markaas oo lagu dhawaaqay nuuca doorasho ee dalka ka qabsoomi karto iyo sida ay u dhici doonto, waxaa hoos u dhacay guud ahaan dhaq dhaqaaqii siyaasadeed ee dalka ka socday. Siyaasiintii waa weynaa oo ay ku jiraan madaxdii hore ee dalka, hogaamiyaal xisbi, xildhibaano iyo masuuliyiin kale ayaa joojiyay dhamaan dhaq dhaqaaqyadii qeyla dhaanta ku dhisneed ay wadeen bilooyinkii la soo dhaafay. Inkastoo uu socdo abaabul hoose iyo wada-tashiyo haddana waxaa meesha ka baxay cabsidii laga qabay muddo korarsi iyo doorasho boob ku dhisan oo ku saleysan qof iyo cod. Siyaasiinta xil doonayaasha ah ayaa ku gaabsaday hal arrin oo ah in ay raadiyaan dhaqaalo iyo saaxiibo siyaasadeed adag oo garab siiyo markii ay u baahdaan. Is xulufeysi iyo abaabul ayaa ka socda Muqdisho iyo dalalka dariska ah iyo dhamaan daneeyaasha Arimaha Soomaaliya. Waxaa siyaasiyiin badan ay tageen Nairobi ayaga oo taageero ka raadinaya ganacsatada ku beesha ah iyo dalalka Soomaaliya danta ka leh, gaar ahaan kuwa Carabta iyo Yurub. Tartankaan oo u eg mid ka adag kuwii hore kana qarash badan ayaa abuuray in dhinacyadu ay garab ka raadiyaan beelaha, ganacsatada, siyaasiinta iyo wadamada taageera arimaha doorashada Soomaaliya si ay garab uga helaan. Siyaasada ayaa la aaminsan yahay in ay sidaas usii dansanaan doonto ilaa doorasahda baarlamaanka waxaana socda abaabul kale oo si hoose uga socdo Muqdisho. Hoteelada Muqdisho ayaa laga dareemayaa mashquul badan iyo kulamo joogto ah oo ku aadan doorashada Soomaaliya. The post Hal arrin oo sababtay inuu istaago dhaq dhaqaaqii siyaasadeed ee dalka (Xog) first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Bar___Qubanaha-05102020.mp3 View the full article
-
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho Cumar Maxamuud Cumar Filish ayaa sheegay in la furayo wadooyinka magaalada, kuwaas oo dhagxaan waa weyne lagu gooyey. Guddoomiyaha ayaa sheegay in arrintaan la fulinaayo asbuuca gudihiisa waxaana uu carabka ku dhuftay in weli ay taagan tahay duruufihii loo xiray ee dhanka amniga. “ Wadooyinka xiran oo badeecadihii ay halaabeen, amniga caqabad ayaa naga haysto waad ogtihiin, sidaas ay tahay cadaadis ayaan ku wadnaa in dhagxaantaas la qaado oo magaalada la isku furo, arrintaas meel fiican ayey noo mareysaa, muddadii sanadka ah ee aan joogayna aad ayaan u cadaadinaayey, hadda asbuuc gudihiis inaan ku guulaysano ayaan rajeynaa” ayuu yiri guddoomiye Cumar Filish. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa markii xilka loo magacaabay waxaa uu ballan qaaday in waddooyinka magaalada Muqdisho oo a dhigay dhagxaan, kuwaas oo saameyn ku yeeshay in ku socodka magaalada uu furi doono xili uu jeediayey khudbaddiisii ugu horeysay markii la magacaabay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta amar dul dhigay dadka iska leh hoteellada magaalada Muqdisho, xilli uu xarigga ka jarayey waax cusub oo lagu kordhiyey xarunta dembi baarista booliska Soomaliya ee CID-da. Guddoomiye Baashe ayaa sheegay in waxyaabo badan oo aan lagu aqoon dhaqanka Soomaaliyeed ay hadda dalka ku soo kordheen, isagoo laamaha amniga dowladda faray in ahmiyad weyn la siiyo la dagaalanka dunuubta. “Waxaa lagama maarmaan ah in qorshe loo dejiyo habka hoteellada loo dego, hadaa dooneyso inaad Hotel degto, kaliya waxaa lagaaga baahanyahay inaad lacag bixiso, ceeb ka weyna ma jirto in dembiyada aan ka hadleyno ay hoteellada ka dhacaan, banaanka in dembi ka dhaco layaab malahan oo weligeed ayaa la arki jiray, laakiin Hotel Xamar ku yaalla oo aan garaneyno in la dhaho dembi noocaas ah ayaa ka dhacay, ceeb ka weyni ma jirto” ayuu yiri guddoomiye Baashe. Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu yiri “Labo qof oo rag iyo dumar ah oo aan la xaqiijin inay is qabaan Hotel ma wada degi karaan. Hotelkii aan weydiin shahaadada Nikaaxa waxuu ka qeyb-qaadanayaa baahinta xumaanta iyo dhiira gelinta dunuubta.” Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka ayaa wasaaradda amniga gudaha, taliska booliska, wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta waxa uu faray inay iska kaashadaan dejinta qoshe qeexaya hoteellada qaabka loo dego. Hoos ka Daawo The post DF oo soo saartay amar la xiriira lamaanayaasha isla aada hoteellada Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
-
Ciidamada xoogga dalka ayaa maanta howlgallo ay ka sameeyeen gobolka Shabeellaga dhexe waxaa ay kuala wareegeen tuulada Basro oo hoos timaado degmada Balcad ee gobolkaasi. Ciidanka ayaa intii uu howllgalku socday waxaa ay dagaal kooban kala kulmeen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabab oo ku sugnaa Basro muddooyinkii lasoo dhaafay. Illaa hadda lama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka Basra lagu qabsaday mana jiro waxa warra oo ka soo baxay labada dhinac ee uu dagaalku dhexmaray. Al-shabab oo qoraal soo dhgay barahooda bulshada ayaa waxaa ay ku sheegeen in weerar dhabo gal ah ay ku qaadeen ciidamada huwanta ah xili ay ku safraayeen inta u dhaxeyso Basro iyo degmada Balcad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Sii haya Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa daahfuray Shirka Talabixinta & Dib u dhiska Guddiga 4-aad ee horumarinta Af-Soomaaliga oo maanta ka furmay xarunta Akadeemiyada Cilmiga, Fanka & Suugaanta ee magaalada Muqdisho. Shirkan oo socon doona muddo laba cisho ah ayaa waxaa kasoo qeyb galay qaar ka mid ah masuuliyiinta dowladda Fedraalka, Abwaanno, Aqoonyahanno ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibaddiisa oo ay ka mid yihiin Prof. Cabdalla Mansuur, Prof. Gaandi, Prof. Ciise Maxamed Siyaad, Abwaan Yuusuf Shaacir iyo Marti sharaf kale. Khudbidihii laga jeediyey shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dhibaatooyinka hareeyey Afka Soomaaliga iyo sida looga gudbi karo; Waxaa leysku raacay in uu Afka u baahan yahay gurmad ballaaran oo ay hormuud u tahay dowladda Soomaaliya, iyadoo masuuliyiinta dowladana loogu baaqay in ay marka hore xafiisyadooda si dhab ah uga hirgaliyaan Afka Soomaaliga. Dadaalladii lagu bixiyey hirgelinta Afka Soomaaliga oo qarniyaal ka hor soo billowday ayaa waxaa markii ugu horreysay dareemay baahida loo qabo hirgelintiisa in la qoro farta Soomaaliga Aqoonyahan Sh. Yuusuf Alkownayn, kaddib markii ay ku adkaatay siduu Qur’aanka Kariimka u bari lahaa dadka,waxaa xigay guddiyo dhowr ah oo meel fiican soo gaarsiiyey horumarinta Afkeena Hooyo, balse soddonkii sano ee ugu dambeeyey ayaa la dareemay hoos u dhac ku yimid Afka, taasoo kalliftay in ay Aqoonyahanka mar kale u istaagaan lagana doodo dhisidda Guddigii 4-aad ee horumarinta Af-soomaaliga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowlad-deegaanka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa ku hanjabtay inaysan qaadan doonin amarka dowladda federaalka, laga bilaabo maanta oo ay ku ekeyd xilliga dowladda Ra`iisul Wasaare Abiy Axmed, balse waqti loogu daray sababo la xiriira dib u dhac ku yimid doorashada. Hanjabaaddaas ayaa xiisad siyaasadeed ka abuurtay gudaha dalkaas. Guddoomiyaha aqalka baarlamaanka Itoobiya Adem Farah ayaa Jimcihii sheegay in dowladdu ay u bannaan tahay qaabab kala duwan oo ay ula macaamili karto xiisadda gobolka Tigray, kuwaas oo ay ka mid yihiin inay xilka ka qaaddo xubnaha sare ee gobolka sidoo kalena ay ciidamo u dirto. Madaxweynaha Itoobiya ayaa la filayaa inay maanta khudbad u jeediso baarlamaanka. Dhanka kale, ismaamulka Tigray ayaa warqad u qoray beesha caalamka taas oo uu kaga dalbanayo inay dowladda federaalka cadaadis ku saaraan oggolaanshaha baaqa nabadda ee ka soo yeeray Isbahaysiga Xoogagga Fedaraaliga ah ee Itoobiya, isla markaana ay dalka ka hor istaagaan inuu burburo. Dhawaan ayay ahayad markii deegaanka Tigreega laga qabtay doorasho ay sharci daro ku tilmaamtay dowladda dhexe ee Itoobiya. Hase yeeshee, maamulka Tigreega ayaa ka dhagafureystay digniinaha iyo farriimaha uga imanaya Aqalka Sare, Guddiga doorashooyinka qaranka iyo dowladda dhexe ee dalkaasi Itoobiya intaba. Doorashada guud ee dalkaasi Itoobiya ka dhici lahayd bishan September 2020, ayaa dib loo dhigay sababa la xiriira cudurka safmarka ee Coronavirus iyada oo labada aqal ee dalkaasi ay cod buuxa ku ansixiyeen 9 bilood ilaa sanad in doorashada dib loo dhigo. Falcelinta dowladda dhexe ee ka dhalatay doorashada deegaanka Tigreega Xisbiga TPLF -oo gacanta ku hayay siyaasadda dalka Itoobiya muddo toboneeyo sano ah ayaa waxay ku hanjabeen in dhibaatada ay sii baahi doonto haddii dowladda dhexe ay isku daydo inay faragaliso. Rai’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa doorashadaas ku tilmaamay mid sharci darro ah. Wuxuu sheegay in xisbiga TPLF ay haystaan waqti ay xafiiska ku sii joogaan kaasi oo ah go’aan ay gaareen aqalka sare ee baarlamaanka bishii June. Mr Abiy ayaa sheegay in doorashadii ka dhacday aysan wax farqi ah ku keeni doonin go’aankii horey loo gaaray ee dib u dhigidda dorashada. Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dowladiisa aysan tallaabo militari qaadi doonin . “Doorashadu ma aha mid sharci ah sababto ah guddiga doorashada oo kali ah ayaa doorasho qaban kara,”waxaa uu sidaasi Dr Abiy ku sheegay wareysi uu siiyay xalay telefishinka qaranka Itoobiya. Xisbiga TPLF iyo dowladda dhexe ayaa tan iyo intii uu xafiiska yimid Dr Abiy Axmed waxaa u dhaxeeyay muran xooggan. “Sida uu dhigayo dastuurka dalka Itoobiya qodobkiisa 50-aad ee faahfaahinayo awoodda iyo waajibaadka dowladda federaalka inaan dastuurka difaacno waxkasta oo ka horimanayana aan ka hortagno diyaar ayaan u nahay” ayuu yiri. “Si ka baxsan dastuurka dalka inuu deegaan si gaar ah doorasha iskii u qabsado maadaamaa ay ammaanka dalka iyo dadka ay waxyeello aad u weyn u geysaneyso dowladdu waxay ku qasban tahay iney qaaddo tallaabba kasta oo iskudayga noocasi looga hortagayo.” “Xisbi kasta oo siyaasadeed oo doonaya inuu xukunka siyaasadeed uu qabto waa inuunan marin waddo dalka iyo dadka dhibaata u horseedeyso.” ‘Halkii aan rasaas u diri lahaa gobolka Tigreega, waxaan u dirayaa maaskaro’ Ma jirin wax qalalaase ah oo gobolka Tigreeda ka dhacay intii ay ka socotay doorashadii la qabtay ee aysan raalliga ka ahayn dowladda dhexe ee Itoobiya. Dr Abiy Axmed ayaa ku adkeystay in uusan awood u adeegsan doonin waxa ka socda gobolkaas. “Aniga waxaan rumeysanahay, in Itoobiya aysan dagaal u baahnayn, ka mid ma ahi dadka doorbidaya tallaabo militari. Halkii aan rasaas u diri lahaa gobolka Tigreega waxaan u dirayaa maaskaro, si ay isaga difaacaan fayraska corona.” Ayuu yidhi. “Aniga waxaan rumeysanahay, in Itoobiya aysan dagaal u baahnayn, ka mid ma ahi dadka doorbidaya tallaabo militari,” ayuu intaa ku daray. Tani iyo marka uu isbeddel ka dhacay dalka Itoobiya uu dalka Itoobiya majaraha u qabtay Dr Abiy Axmed waxaa sii badanayey khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka ee Dowlad Deegaanka Tigreega, iyada oo uu deegaankaasi uu ku doodaya iney dowladda hadda ka arrimisa dalka Itoobiya ay nidaamki Federaalka ee lagu heshiiyey ay god ku sii rideyso. “Gooni isutaag” Xisbiga TPLF ee deegaanka Tigrey ayaa dhowr jeer ku hanjabay inay ka go’ayaan Itoobiya inteeda kale, iyagoo soo daliishada qoddob kamid ah dastuurka Itoobiya oo dhigaya “in shuruud la’an ay xaq u leeyihiin inay ismaamulaan oo ay kamid tahay gooni isu tag”. “Waa inay jirtaa sinnaan dhanka qabaa’ilka, haddii kale waa in la ogaadaa in dadka Tigree-ga ay xaq u leyihiin inay go’aan,” sidaas waxaa ku goodiyay guddoomiye ku xigeenka gobolka Tigreega, ahna guddoomiyaha xisbiga TPLF. Dadka indheer garadka ee kasoo jeedaa gobolka Tigree iyo mucaaradka ayaa sheegay in haddii lagu dhawaaqo gooni ustaag ay xaaladda uga sii dari karto oo ay “mussiibo noqon doonta”. Xisbiga TPLF oo horay uga tirsanaa xisbigii EPRDF ayaa dalka Itoobiya maamulayay 27 sano, Way kala boodeen Abiy Axmed markii uu xilka qabtay , iyagoona markii dambe diiday in ay ku biiraan xisbiga cusub ee barwaaqada ee PP. TPLF ayaa dowladda federaalka ku eedeysay inay hurinayaan dibadbaxyo ka dhacay gobolka Tigrey, waxayna intaa ku dareen in warbaahinta dowladda ay warar been abuur ah ka faafinayaan gobolka, si ay u kala qeybiyaan dowladda deegaanka Tigreyga iyo shacabka deegaankaas. BBC Soomaali Source
-
Xoghayaha dhinaca saxaafadda u qaabilsan Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka haweeneyda lagu magacaabo Kayleigh McEnany ayaa laga helay cudur sidaha Corona Virus, sida ay ku caddeysay war rasmi ah oo ay ku soo qortay bogeeda Tiwiiter-ka. Kayleigh McEnany ayaa sheegtay in dhawr mar oo hore laga qaaday tijaabada cudurkan, balse baaritaankii u dambeeyey uu cadeeyey inay cudurka qabto, inkastoo aysan hadda ka muuqan calaamado caafimaad darro oo wayn. Maanta oo Isniin ah ayay qorshaynaysay inay waraysi siiso Tv-ga Fox News, balse balanta ayaa la joojiyey, ka dib markii cudurka laga helay, waxayna noqonaysaa sargaalkii u dambeeyey ee aqalka cad ka tirsan oo cudurkani ku dhaco, iyadoo Sabtidii madaxweyne Trump Isbitaal la geeyey, ka dib markii Jimcihii isaga iyo xaaskiisa laga helay Covid-19. Marka laga soo tago madaxweynaha iyo marwada koowaad Melania Trump, waxaa jira dhowr mas’uul oo kale oo ka tirsan aqalka cad ama ka agdhow oo coronavirus laga helay, kuwaas oo ay ka mid yihiin lataliyihii hore ee Aqalka Cad Kellyanne Conway, maareeyaha ololaha Trump Bill Stepien, Gudoomiyaha Gudiga Qaranka ee Jamhuuriga Ronna McDaniel, Gudoomiyihii hore ee New Jersey Chris Christie. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shaaciyey in ay wadaan qorshihii u dambeeyay ee lagu furi lahaa dhammaan jidadka xiran ee magalaada Muqdisho, xilli xalay xaafadaha qaar laga qaaday dhagaxdii lagu jaray wadooyinka. Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in todobaadkan gudihiisa ay arintaan ku soo gaba-gabeynayaan, sida uu balan qaaday. Waxa uu xusay in horay sidaan oo kale uu balan-qaad u sameeyay, balse ay jireen duruufo amni oo u saamixi waayey inuu fuliyo balan-qaadkaas oo dhagaxda laga qaado wadooyinka xiran ee Muqdisho. Sanad ka hor markii xilkaan loo magacaabay Cumar Filish, waxa uu sidaan oo kale u balan-qaaday in dhagaxda laga qaadi doono wadooyinka magaalada Muqdisho oo dhibato badan ay dadku ku qabaan. Balse dhawaan ayuu sanad guuradii koowaad ee xil-heyntiisa ka shaaciyay inuu ku guul-dareystay fulinta balan-qaadkaas. Hadda waxa uu sheegay guddoomiyuhu inuu socdo qorshe lagu qaadayo dhagaxda ku go’an inta badan wadooyinka caasimadda, iyadoo ay garab socdaan qorsheyaal amni. Hadalka guddoomiyaha gobolk Banaadir Cumr Filish ayaa ku soo adaya, iyadoo xalay qaar kamid ah iskoysyada Muqdisho laga sikiyay dhagaxdii tiilay in ka badan sanadkii la soo dhafay. Isgoysyada ay dowladda Soomaaliya xalay dhagaxda ka qaaday waxaa kamid ah, KPP, Tarabuunka, Digfeer iyo qeybo ka tirsan degmada Wadajir, waxaana la geeyay goobo kale oo jid caddeyaal u badan. Hoos ka dhageyso codka guddoomiyaha https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/10/Cumar-FilishIsbuuc-gudihiis-waxaan-rajeyneyneynaa-inaan-dhagxaanta-ka-qaadno-wadooyinka-_ALLConverter.mp3The post FILISH oo ku dhowaaqay qorshe cusub oo la xiriira dhagxaanta jidadka Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
-
Booliska Somaliland ayaa Hargeysa ku xiray labo qof oo ka baxay diinta Islaamka isla markaana bilaabay in ay faafiyaan diinta Kirishtaanka. Afhayeenka ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka hadlay labada qof oo ay todobaadkii hore ciidanku soo qabteen, iyagoo gudaha Somaliland ku faafinaya diinta Kirishtanka. “Todobaadkii hore ciidanka booliska waxa ay soo qabteen labo qof murtidiin ah oo Diinta Islaamka ka baxay, isla markaana noqday daaciyiin Diinta Kirishtaanka faafinayay, cidkasta oo is tiraahda diinta Kirishtaanka halkan ku fidi gacanta ayaa lagu qaban doonaa” ayuu yiri Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi. Afhayeenka ayaa xusay in kiiska labada qof loo heysto ay tahay inay yihiin dad murtidiin ah oo diinta Islaamka ka baxay, lana soo taagi doono si loo marsiiyo sharciga, isagoo dadweynaha ka codsaday in cid Alle iyo ciddii ay uga shakiyaan ay ku soo wargeliyaan booliska Somaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha wadanka Jabuuti Cismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ra’iisalwasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre oo dhowaan ku dhawaaqay inuu yahay musharax madaxweynaha Soomaaliya Labada mas’uul ayaa kawada hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira xaaladda guud ee siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka oo dhowaan la filaayo in dalka ka qabsoonto 2020-2021 sida lagu ballamay shirkii Muqdisho. Safarka Kheyre uu ku tagay Jabuuti waa kii ugu hooreeyey uu dalka uga baxo tan iyo markii xilka laga qaaday 25-kii July 2020, kadib markii codka kalsoonida ay kala laabteen xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Habeen-05102020.mp3 View the full article
-
Dowlad-deegaanka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa ku hanjabtay inaysan qaadan doonin amarka dowladda federaalka, laga bilaabo maanta oo ay ku ekeyd xilliga dowladda Ra`iisul Wasaare Abiy Axmed, balse waqti loogu daray sababo la xiriira dib u dhac ku yimid doorashada. Hanjabaaddaas ayaa xiisad siyaasadeed ka abuurtay gudaha dalkaas. Guddoomiyaha aqalka baarlamaanka Itoobiya Adem Farah ayaa Jimcihii sheegay in dowladdu ay u bannaan tahay qaabab kala duwan oo ay ula macaamili karto xiisadda gobolka Tigray, kuwaas oo ay ka mid yihiin inay xilka ka qaaddo xubnaha sare ee gobolka sidoo kalena ay ciidamo u dirto. Madaxweynaha Itoobiya ayaa la filayaa inay maanta khudbad u jeediso baarlamaanka. Dhanka kale, ismaamulka Tigray ayaa warqad u qoray beesha caalamka taas oo uu kaga dalbanayo inay dowladda federaalka cadaadis ku saaraan oggolaanshaha baaqa nabadda ee ka soo yeeray Isbahaysiga Xoogagga Fedaraaliga ah ee Itoobiya, isla markaana ay dalka ka hor istaagaan inuu burburo. Dhawaan ayay ahayad markii deegaanka Tigreega laga qabtay doorasho ay sharci daro ku tilmaamtay dowladda dhexe ee Itoobiya. Hase yeeshee, maamulka Tigreega ayaa ka dhagafureystay digniinaha iyo farriimaha uga imanaya Aqalka Sare, Guddiga doorashooyinka qaranka iyo dowladda dhexe ee dalkaasi Itoobiya intaba. Doorashada guud ee dalkaasi Itoobiya ka dhici lahayd bishan September 2020, ayaa dib loo dhigay sababa la xiriira cudurka safmarka ee Coronavirus iyada oo labada aqal ee dalkaasi ay cod buuxa ku ansixiyeen 9 bilood ilaa sanad in doorashada dib loo dhigo. Falcelinta dowladda dhexe ee ka dhalatay doorashada deegaanka Tigreega Xisbiga TPLF -oo gacanta ku hayay siyaasadda dalka Itoobiya muddo toboneeyo sano ah ayaa waxay ku hanjabeen in dhibaatada ay sii baahi doonto haddii dowladda dhexe ay isku daydo inay faragaliso. Rai’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa doorashadaas ku tilmaamay mid sharci darro ah. Wuxuu sheegay in xisbiga TPLF ay haystaan waqti ay xafiiska ku sii joogaan kaasi oo ah go’aan ay gaareen aqalka sare ee baarlamaanka bishii June. Mr Abiy ayaa sheegay in doorashadii ka dhacday aysan wax farqi ah ku keeni doonin go’aankii horey loo gaaray ee dib u dhigidda dorashada. Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dowladiisa aysan tallaabo militari qaadi doonin . “Doorashadu ma aha mid sharci ah sababto ah guddiga doorashada oo kali ah ayaa doorasho qaban kara,”waxaa uu sidaasi Dr Abiy ku sheegay wareysi uu siiyay xalay telefishinka qaranka Itoobiya. Xisbiga TPLF iyo dowladda dhexe ayaa tan iyo intii uu xafiiska yimid Dr Abiy Axmed waxaa u dhaxeeyay muran xooggan. “Sida uu dhigayo dastuurka dalka Itoobiya qodobkiisa 50-aad ee faahfaahinayo awoodda iyo waajibaadka dowladda federaalka inaan dastuurka difaacno waxkasta oo ka horimanayana aan ka hortagno diyaar ayaan u nahay” ayuu yiri. “Si ka baxsan dastuurka dalka inuu deegaan si gaar ah doorasha iskii u qabsado maadaamaa ay ammaanka dalka iyo dadka ay waxyeello aad u weyn u geysaneyso dowladdu waxay ku qasban tahay iney qaaddo tallaabba kasta oo iskudayga noocasi looga hortagayo.” “Xisbi kasta oo siyaasadeed oo doonaya inuu xukunka siyaasadeed uu qabto waa inuunan marin waddo dalka iyo dadka dhibaata u horseedeyso.” ‘Halkii aan rasaas u diri lahaa gobolka Tigreega, waxaan u dirayaa maaskaro’ Ma jirin wax qalalaase ah oo gobolka Tigreeda ka dhacay intii ay ka socotay doorashadii la qabtay ee aysan raalliga ka ahayn dowladda dhexe ee Itoobiya. Dr Abiy Axmed ayaa ku adkeystay in uusan awood u adeegsan doonin waxa ka socda gobolkaas. “Aniga waxaan rumeysanahay, in Itoobiya aysan dagaal u baahnayn, ka mid ma ahi dadka doorbidaya tallaabo militari. Halkii aan rasaas u diri lahaa gobolka Tigreega waxaan u dirayaa maaskaro, si ay isaga difaacaan fayraska corona.” Ayuu yidhi. “Aniga waxaan rumeysanahay, in Itoobiya aysan dagaal u baahnayn, ka mid ma ahi dadka doorbidaya tallaabo militari,” ayuu intaa ku daray. Tani iyo marka uu isbeddel ka dhacay dalka Itoobiya uu dalka Itoobiya majaraha u qabtay Dr Abiy Axmed waxaa sii badanayey khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka ee Dowlad Deegaanka Tigreega, iyada oo uu deegaankaasi uu ku doodaya iney dowladda hadda ka arrimisa dalka Itoobiya ay nidaamki Federaalka ee lagu heshiiyey ay god ku sii rideyso. “Gooni isutaag” Xisbiga TPLF ee deegaanka Tigrey ayaa dhowr jeer ku hanjabay inay ka go’ayaan Itoobiya inteeda kale, iyagoo soo daliishada qoddob kamid ah dastuurka Itoobiya oo dhigaya “in shuruud la’an ay xaq u leeyihiin inay ismaamulaan oo ay kamid tahay gooni isu tag”. “Waa inay jirtaa sinnaan dhanka qabaa’ilka, haddii kale waa in la ogaadaa in dadka Tigree-ga ay xaq u leyihiin inay go’aan,” sidaas waxaa ku goodiyay guddoomiye ku xigeenka gobolka Tigreega, ahna guddoomiyaha xisbiga TPLF. Dadka indheer garadka ee kasoo jeedaa gobolka Tigree iyo mucaaradka ayaa sheegay in haddii lagu dhawaaqo gooni ustaag ay xaaladda uga sii dari karto oo ay “mussiibo noqon doonta”. Xisbiga TPLF oo horay uga tirsanaa xisbigii EPRDF ayaa dalka Itoobiya maamulayay 27 sano, Way kala boodeen Abiy Axmed markii uu xilka qabtay , iyagoona markii dambe diiday in ay ku biiraan xisbiga cusub ee barwaaqada ee PP. TPLF ayaa dowladda federaalka ku eedeysay inay hurinayaan dibadbaxyo ka dhacay gobolka Tigrey, waxayna intaa ku dareen in warbaahinta dowladda ay warar been abuur ah ka faafinayaan gobolka, si ay u kala qeybiyaan dowladda deegaanka Tigreyga iyo shacabka deegaankaas. The post Maxaa looga cabsi qabaa in Itoobiya ay kala go'do? first appeared on Caasimada Online.
-
Xubno ka socday guddiga madaxbannaan ee doorashooyinka iyo xuduusdaha maamul goboleedka Jubbalanad oo ay wehlinayaan xildhibaanno ka tirsan federaalka ayaa maanta gaaray degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose. Xidhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil ayaa kamid ahaa wafdiga, Guddoomiyaha Gudigga Doorashooyinka Jubbaland Xamse Cabdi Barre iyo Xildhibaan Sahra Dable oo kamid ah golaha wakiilada Jubbaland ayaa qayb ka ah wafdiga iyo xubno kale oo ka tirsan gudiga doorashooyinka. Wafdigaan ayaa u jeedka safarkooda waxaa laguu sheegay sidii loo dardargelin lahaa dhismaha golaha deegaanka oo lagu wado in loo dhiso oo ay yeelato degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, waxaana degmada ka socda abaabulka arrintaas lagu doonayo in lagu dhiso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Geneva: The State of Qatar has renewed its support for brotherly Somalia and its continuation to provide the necessary support to contribute to building a state of institutions and the rule of law, which ensures that Somalis enjoy all their rights with respect for the sovereignty, independence, unity and territorial integrity of Somalia. The State of Qatar welcomed the Independent Expert on the Situation of Human Rights in Somalia Isha Dyfan’s acknowledgment of the progress made by the Somali authorities in extending the authority of the state by establishing governmental institutions and political processes, improving security, and demonstrating their commitment to human rights and social and economic development, as well as its willingness to conduct a constructive and cooperative dialogue with the United Nations human rights mechanisms and to submit periodic national reports to a number of these mechanisms. This came in the State of Qatar’s speech delivered by HE the State of Qatar’s Permanent Representative to the UN Office in Geneva Ambassador Ali bin Khalfan Al Mansouri, in an interactive dialogue with the Independent Expert on the Situation of Human Rights in Somalia, during the 45th session of the Human Rights Council. His Excellency said, in order to preserve the gains and achievements that have been made, and to enhance the ability to face challenges, foremost among which are security threats, terrorism, the spread of the Covid-19 pandemic, drought, floods and food insecurity, all Somali parties are called on to reject differences and strengthen efforts aimed at consolidating national reconciliation and moving forward with the political process. He also renewed the State of Qatar’s call to the international community to provide support and technical assistance to enhance capacity-building for Somali institutions concerned with human rights, in order to help them develop their capabilities and efforts to implement their national and international obligations, in addition to continuing to provide relief and development aid. HE the State of Qatar’s Permanent Representative to the UN Office in Geneva expressed thanks to the Independent Expert on the Situation of Human Rights in Somalia Isha Dyfan for her efforts and review of her report on the situation of human rights in Somalia, and appreciated the conclusions and recommendations contained therein. The post Qatar renews support for Somalia to build state of institutions, rule of law first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ah hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Wadajir ayaa markii u horeysay faah-faahin dheeriya ka bixiyey kulamo uu sheegay inay dhex-mareen isaga iyo madaxweyne Farmaajo. Cabdiraxmaan oo wareysi gaar ah siiyey Dalsan TV ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo ay kulan yeeshen labo mar oo keliya, tan iyo markii loo doortay xilka madaxtinimada dalka. Wuxuu xusay in labadaasi kulan ay dhaceen kadib markii madaxweyne Farmaajo loo doortay xilka uu hadda hayo, gaar ahaan gudihii bishii Febraayo ee sanadkii 2017-kii. Kulanka koowaad ee Cabdiraxmaan iyo Farmaajo ayaa ka dhacay huteelka Jazeera, kaasi oo ku yimid martiqaad uu ufidiyey madaxweynuhu, isla markaana ku qotomay hambalyo iyo talo siin, sida uu sheegay. “Waxaan ku iri madaxweyne dadka Soomaaliyeed aad ayay u dabaal dageen oo aad ayay ku soo dhaweeyeen; doorashadaada waxay abuurtay rajo ka weyn tabartaada ama dowlada Soomaaliyeed tabarteeda waxa ugu weynoo aan kugu talinayo waxay tahay inaad hoos u dhigto filashada dadka ay qabaan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Wuxuu intaas kusii daray “Wuxuu i waydiiyey ‘sideen uga dhigaa?’, Waxaa ku iri dadka la hadal ugana mahad celi soo dhaweynta waxaad u sheegtaa filashada ay qabaan oo ah ‘inaad xalineyso mushkiladaha dalka yaalo iyo awooda dowladnimada Soomaaliya taalo in aysan isku dhigmin’ oo sharax inaad dedaaleyso inta aan qaban karto u sheeg dadka si ayu dhimaan rajada iyo filashada ay qabaantaas ma yeelin ee diyaaradihii waxaa la sii kiciyey rajada.” Sidoo kale waxa uu sheegay in kulankoodii labaad uu yimid markii uu madaxweyne Farmaajo uu baadi-goobayey ra’iisal wasaarihiisii u horeeyay ee la shaqeyn lahaa, kaasi oo ka dhacay madaxtooyada. “Waxaan ka badneyn 30-daqiiqo ayaan sheekeysanay horeyna waan isku-naqaanay iskuma aanan cusbeyn. Marka madaxweynaha wuxuu ii sheegay in ra’iisul wasaaraha wax calaf ah tahay” ayuu yiri, maadam uu sheegay in dad ka ag dhawaa xiligaa Farmaajo ay isaga u arkayeen shaqsiga ku munaasibka ah xilkaas. Wuxuu intaas ku daray in madaxweynuhu uu xiligaas u sheegay inuusan fileyn in xilka dalka u sareeya loo dooranayo, isagoona xusay inuu isku haleynayay tiro yar oo xildhibaano ah, sida uu sheegay. “Waxyaabaha uu ii sheegay waxaa kamid ah oo calafka ah in isaga naftiisa uusan fileyn in la dooran doono oo uu isku haleynaayey kaliya 30-xildhibaano codadkooda.” Cabdiraxmaan iyo Farmaajo ayaa isku dhawaa xiligii lagu jiray tartankii madaxtinimada ee uu ku soo baxay madaxweynuhu, xiligaasi oo ay u mideysnaayeen sidii booska uga tuuri lahaayeen Xasan Sheekh Maxamuud, wallow oo xiligan uu si weyn u mucaarido Warsame. Caasimada Online ma xaqiijin karto xogta Cabdiraxmaan ee la kulanka Farmaajo. Villa Somalia oo aan wax ka weydiinay arrintan waa ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan. Hoos ka daawo wareysiga The post CC Shakuur oo faah-faahin ka bixiyey laba kulan oo aan horey loo ogeyn 'oo uu la yeeshay' Farmaajo (Daawo) first appeared on Caasimada Online.
