-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin dowladda federaalka Soomaaliya ayaa weerar miino lagula eegtay gobolka Shabeellaha Dhexe. Gaari ay saarnaayeen tiro ciidamo ah ayaa miino kula kacday duleedka galbeed ee degmada Balcad, waxaana weerarkaas ku dhintay 6 askri, sida ay werisay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da. Sidoo kale weerarka waxaa ku dhaawacmay 4 askari, oo dhaawacooda loo qaaday magaalada Muqdisho, waxaana weerarkaas ka badbaaday 2 askari oo mid ahaa ciidamadii saarnaa gaariga ciidan ee la weeraray. Gaari ciidan ee la weeraray ayaa la sheegay inuu ka tagay degmada Balcad, uuna u socday degaanka Daniga oo dhawaan ay saldhig ka sameysteen ciidamada ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa weli ka hadlin weerarka lagu laayay askarteeda ee ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe. Ma jirto weli cid sheegatay weerarka, hase yeeshee weerarrada ka dhacaya degaankaas waxaa inta badan gaysta ururka Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Askar lagu laayay Shabeellaha Dhexe appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamanka Ethiopia ayaa u codeeyey in dowladda ay xiriirka u jarto hogaamiyayaasha gobolka waqooyi ee Tigray, kaasi oo qabtay doorasho uusan raali ka ahayn ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. Go’aanka oo shalay ay qaateen labada Aqal ee Baarlaamanka ayaa kasii daraya xiriirka burburay ee Abiy Ahmed iyo xisbiga Tigrayga ee TPLF, kaasi oo hagayey siyaasadda Ethiopia muddo ka badan 20 sano ka hor inta aanu Abiy la dooran 2018. Go’aanka xiriirka loogu jaray saraakiisha dowladda Tigrayga ayaan saameyn doonin mas’uuliyiinta dowladaha hoose ee gobolka ee adeegyada aas-aasiga ah siiya shacabka. TPLF ayaa hoggaaminayey halgankii xukunka logu tuuray dowladdiisa Mingistu 1991-kii, waxaana kadib ay awood iyo xulufueysi ay ku maamulayeen Ethiopia. Shalay ayaa xubnaha xilalka ka haya dowladda dhexe ee kasoo jeeda Tigrayga waxaa dhamaantood lagu amray inay iska casilaan xilalkaasi, kuwaasi oo ay qeyb ka yihiin xildhibaannada deegaankaasi ka soo jeeda ee ku jira federaalka. Ismaamulka Tigray-ga waxa uu shaaciyey inaysan aqoonsaneyn Baarlamaanka Federaalka (Golaha Shacabka iyo Golaha Federaalka) kadib markii uu wakhtigooda ka dhamaaday 5-tii October. Maamulka Tigrayga ayaa intaas ku daray inaysan la shaqeyn doonin xukuumada Ra’isal wasaare Abiy Ahmed, waxayna sheegeen inay lasii shaqeyn doonaan Militariga iyo Golaha Garsoorka Itoobiya oo kaliya! Amarkaasi ayaa sida la sheegayo waxa uu kasoo baxay xisbiga xoreynta shacabka Tigreyga (TPLF), kadib markii ay iskugu yimaadeen kulan ay kaga arrinsanayaan xaalada guud. Xiisadda labada dhinac ayaa salka ku haysa doorashooyinkii guud ee federaalka Ethiopia ee lagu waday inay dhacaan bishii August balse uu dib u dhigay Abiy Ahmed oo qiil ka dhiganaya cudurka Coronavirus. Tallaabada ay qaadeen TPLF iyo jawaabta baarlamanka Ethiopia ayaa laga cabsi qabaa inay dedejiso burburka Ethiopia iyo in gobolka Tigray uu ka go’o dalka intiisa kale. The post Baarlamanka Ethiopia oo qaaday tallaabo ka dartay xiisadda Tigray iyo Ethiopia oo burbur ku dhow first appeared on Caasimada Online.
-
Xarunta samafalka Aadan Cabdulle Cusmaan, oo saldhiggeedu yahay magaalada Mugadishu, ayaa waxa ay ka bilowday magaalada Muqdishu tababarro xirfado farsamada gacanta ah oo wax lagu barayo 200 oo ka mid ah, dhallinyarada ku nool xarumaha barakacayaasha ee magaalda Muqdishu. Sidaasina waxaa shaaca ka qaaday Eng cabdulqaadir Aadan Cabdulle, oo ah agaasimaha hay’adda samafalka Aadan Cabdulle. Eng. Cabdulqaadir, oo faahfaahinayey sida mashruucaan loo fulinayo ayaa waxaa uu sheegay in muddo 10 bilood ah lagu dhamaystirayo mashruuca tababarka dhalinyarada barakacayaasha ah. Waxaa uu intaas raaciyey agaasimaha hay’addu, in hadda tababarkii ugu horeeyey loo bilaabay 60 dhalinyaraa oo labarayo xirfadda harqaanka. Dhallinyaro kale oo tiradoodu ay gaareyso 40 ayuu caddeeyey agaasimuhu in labaridoono farsamada mobillada gacanta iyo cillad bixintooda wajiga labaad ee mashruucan xirfadbarista. Sidoo kale wuxuu sheegay Eng. Cabdulqaadir, in 50 dhallinyaro ah iyagana labaridoono farsamada alxanka biraha baabuurta, iyo farsamada najaarnimada. Sida uu xaqiijiyay Eng Cabdulqaadir, dhamaan tababaradaasi in ay yihiin kuwo bilaash ah isla markaana inta dhamaysata loo abuuri doono goobo ay ku shaqaystaan. Eng Cabdulqaadir waxa uu sheegay inay Hirgalinta mashruucaan iska kaashadeen maalgalintiisa Bangiga horumarinta Islaamka iyo Hay’adda Samafalka Aadan Cabdulle Cusmaan. Eng Cabdulqaadir Aadan Cabdulle, oo ah agaasimaha hay’adda Samafalka ayaa waxaa uu uga mahadceliyey bangiga horumarinta Islaamka kaalamada ay u fidiyeen ummadda Soomaaliyeed xilligaan adag, isagoo si gaara hoosta uga xariiqay in aaney ummadda Soomaaliyeed iloobi doonin gargaarkii iyo kaalmadii uu bangiga horumarinta Islaamku lagarabtaagnaa Soomaaliya xilliyadii aadka u adkaa ee Soomaaliya ay soo martay. Hay’adda samafalka Aadan Cabdulle Cusmaan, ayaa waxaa la asaasay sanadkii 2012 Kii Waxaana loo asaasay in ay wax ka qabato arrimaha waxbarashada, arrimaha Caafimaadka, Nabadda, wada xaajoodka iyo dowlad wanaagga. Soomaaliya ayaa waxay ka mid tahay dowladaha asaasay ururka islaamka oo bangiga horumarinta islaamku hoosyimaado, waxaana xilligaas Soomaaliya madaxweyne ka ahaa allaha u naxariistee Aadn Cabdulle Cusmaan, oo ahaa madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya markii ay xornimada qaadatay. Madaxweyne Aadan Cabdulle, waxa uu xukunka ku wareejiyey Cabdirashiid Cali Sharmaake, allaha u naxariistee kaddib markii uu hal cod oo kaliya kaga helay doorashadii 1967dii. DHAMAAD. View the full article
-
More than 24 staffs from Ministry of Labor and Social Affairs (MOLSA) have today completed labor inspectors training course and have been awarded certificate of completion. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha guddiga madaxbannaan ee dooorashooyinka qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa sheegtay in guddiga uu sii jirayo uuna sii shaqeyn doono. Guddoomiyaha oo la hadashay warbaahinta ayaa xustay in guddiga hadda uu wado diiwaan gelinta xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jiro, xili dhowaan la filaayo in Soomaaliya ay ka qabsoonto doorasho 2020-2021-ka. ”Waxaa dhici karto in la leeyahay doorashaa socotee maxay tahay Xisbiyadaan ladiiwan galinaayo gudigaan waa gudi jiro wiligiisna wadi doono howlaha xisbiyada inta uu qaranka jiro oo nidaamka dimuqraadiga aan ku shaqeyneyno, ma aqaano hadii Millatari yimaado oo waxa dhan la laalo” ayay tiri guddoomiye Xaliimo Yareey. Hadalka guddoomiye Xaliimo ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo dhowaan Muqdisho ay heshiis kuwada gaareen dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo la isku raacay in dalka ay ka qabsoonto doorasho dadban oo waqtigeeda ku dhacda, iyadoo ay meel mariyeen labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Balcad (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in weerar miino ah lala beegaday ciidamada dawladda Soomaaliya. Inta la xaqiijiyay 6 askari ayaa lagu dilay, 4 kalana waa lagu dhaawacay ka dib markii qarax miino loo dhigay gaari ciidan oo ay la socdeen, duleedka galbeed ee degmada Balcad oo 30km dhunaca waqooyi ka xogta Muqdisho. Ilo xog ogaal ayaa VOA u xaqiijiyay in gaariga qaraxa loo dhigay uu ka tagay Balcad kuna socday degaanka Daniga oo dhawaan ay ciidamada dowladda saldhig ka dhigteen. Laba askari oo ka mid ah ciidankii gaariga saarnaa ayaa qaraxa ka badbaaday, iyadoo afarta askari ee dhaawaca loo qaaday magaalada Muqdisho si loogu dhabiibo, sida ay ilaha xog ogaalka ah noo sheegeen. Sidoo kale galinkii hore ee maanta laba qof oo shacab ah oo saarnaa mooto ayaa iyagana lagu dilay degaanka Basra oo u dhaxeysa Balcad iyo Afgooye Weli cid sheegatay ma jirto weerarka, hase yeeshee weerarrada ka dhacay degaankaas waxaa inta badan gaysta ururka Al-Shabaab, sida ay aaminsan yihiin mas’uuliyiinta amniga ee Soomaaliya. Xigasho: VOA The post DEG DEG: Lix ka mid ah ciidamada dowladda oo qarax lagu dilay first appeared on Caasimada Online.
-
Al Shabaab oo sii deysay labo Dhakhtar oo ay Muddo Afduub ahaan u haysteen Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab sii deysay labo dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba kuwaas oo ay sanadkii hore kasoo afduubteen magaalada Mandera, gobolka Waqooyi-bari Kenya. Wakaaladda wararka ee AP, ayaa ku warantay in dhaqaatiirtan u dhalatay dalka Cuba la sii daayay dhammaadkii isbuucii hore hore, waxa ayna Wakaalada sheegtay in dhaqaatiirta lagu sii daayay wada xaajood mudo socday. Labada dhaqtar ee xuriyadooda helay oo lagu kala magacaabo Landy Rodriguez iyo Herera Correa ayaa afduub loo heystay muddo sanad iyo bar ah, waxaana dowlada Cuba dadaal ku bixisay sidii dhaqaatiirtaasi loo sii deyn lahaa. Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Cuba Bruno Rodriguez ayaa bartiisa Twitter-ka qoraal uu ku soo qoray ku sheegay in labada dhaqtar la sii daayay isagoo dowladda Soomaaliyana u mahad celiyay. Al Shabaab ayaana wali ka hadlin dhaqaatiirtan ee sii daayeen, waxaana Warar soo baxaya sheegayaan in Al Shabaab sii deynta dhaqaatiirtan mudada u xirnaa ku badasheen lacago badan oo madax furasho ahaan loo siiyay Qaran News
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay sii hayaha Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada xukuumada federaalka Soomaaliya oo Maanta gaaray magaalada Badhabo Madaxweyne Lafta Gareen ayaa waxaa uu kulan is xog wareysi ah la qaatay sii hayaha wasiiru-dowlaha wasaaradda waxbarashada dalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri iyo agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada xukumadda federaalka Soomaaliya. Xubanahaan ka socday dowladda Soomaaliya ayaa magaalada baydhabo u tagay mashaaruuc horumarineed oo ku aadan dhinaca waxbarashada maamulka koonfur galbeed. Halka hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Guddiga doorashooyinka madaxa bannaan ee xiligoodu dhamaaadka ku dhow yahay ayaa maanta shahaadooyin ku-meel-gaar ah guddoonsiiyey Lix (6) xisbi oo cusub. Xaliimo Ismaaciil ibraahim (Xaliimo Yarey ) guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka madaxa bannaan oo ka hadashay munaasabad loo qabtay xisbiyad cusub ee la diiwaangeliyay ayaa sheegtay in guddigooda ay qusayn doorashada dadban ee lagu heshiiyay, ayna siiwadan doonaan shaqadooda. Xisbiyada la diiwaangeliyay ayaa magacyadoodu kala yihiin: 1. Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda. 2. Xisbiga Qaransoor 3. Xisbiga Cadaaladda iyo Dib U heshiisiinta 4. Xisbiga Jamhuuriga Soomaliyeed 5. Xisbiga Cagaaran ee Soomaaliyeed 6. Xisbiga Nabadda iyo Midnimada. Guddiga Xaliimo Yarey hoggaamiso ayaa lagu eedeeyaa in howlihii loo idmaday qaban waayeeen, iyadoo dhaqaale faradan caalamku ku taageeeray. Guddiga ayaa diiwaangeliayay in ka badan 100 xisbi oo magac u yaal ah, kuwaas oo uusan jirin mid xafiiyo ku leh gobolada Soomaaliya. Guddiga doorshooyinka madaxa bannaan ayaa waajibaadkooda ku egyahay bartamaha sanadka soo socda 2021. PUNTLAND POST The post Xaliimo Yarey oo weli xisbiyo magac u yaal ah diiwaangelinaysa appeared first on Puntland Post.
-
The al-Qaida-linked extremist group al-Shabab has released two Cuban doctors who were kidnapped in Kenya and held for a year and a half in neighboring Somalia, officials say. A senior Somali intelligence official told The Associated Press that the doctors were released over the weekend after months of negotiations with their captors. He declined to give further details. The official spoke on condition of anonymity because he was not authorized to speak to the media. Several sources told the AP that Somali intelligence, acting at the request of the Cuban government, negotiated for the doctors’ release after it obtained a video showing them a few months ago. It was not immediately clear where the doctors were Wednesday. Suspected Islamic extremists kidnapped the doctors in Kenya’s Mandera County as they were going to work in April 2019, killing one of their police bodyguards. The orthopedic surgeon and physician had been deployed in 2018. At the time, the Somalia-based al-Shabab was suspected of the kidnapping. The extremist group has vowed retribution against Kenya for sending troops to Somalia to fight the extremists. View the full article
-
A Kenyan court on Wednesday found two men guilty for supporting the days-long 2013 attack on Nairobi’s upscale Westgate Mall that left 67 people dead. Chief Magistrate Francis Andayi acquitted a third suspect. The attack by four gunmen with the Somalia-based extremist group al-Shabab was the first large-scale assault in Kenya’s capital. Al-Shabab had vowed retribution on Kenya for sending troops in 2011 to fight the group in Somalia. The magistrate said although there is no specific evidence that the two men gave material support to the attackers, constant communication with the gunmen “was giving support to their endeavors.” “The pattern of their communication betrays the fact that they may have been just friends with the attackers,” Andayi said while reading the judgment that took three hours. According to a police reconstruction, the gunmen split into two groups. One went through the mall’s main entrance and another went through the vehicle entrance, tossing grenades and spraying bullets. Kenya’s police and army were widely criticized for their response to the attack. It took at least two hours before the police tactical team went into the mall, leaving security guards and volunteers to fend for those inside. Lack of coordination between the military and the police led to friendly fire in which one police officer was killed. The attackers died of smoke inhalation after the army allegedly blew up a part of the mall where they were hiding. For survivors of the attack like security guard David Odhiambo, the two men convicted Wednesday should be hanged. He was shot in the head, injuries that led him to be fired. “They should be killed,” he said from a Nairobi hospital where he went for tests this week. He said hardly a month goes by without him visiting the hospital for one problem or another. Some analysts say lessons still unlearned by Kenya in the attack will continue to provide opportunities for al-Shabab to exploit. “The many command and overt operational failures of (the government) on that Saturday caused a ‘siege’ to develop that lasted nearly four days,” said former U.S. Marine and security analyst Andrew Franklin. That “was followed up by official silence that has lasted to date,” with no formal report made publicly available, he said. View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay safiirrada dalalka Nordic u jooga Soomaaliya isagoo kala hadlay arrimaha amniga doorashooyinka iyo dowlad wanaaga . Kulankaan diiradda lagu saaray arrimaha amniga, doorashooyinka, horumarinta Dhaqaalaha, dowlad-wanaagga, cadaaladda iyo nabad dhisidda Soomaaliya waxaana ku wehlinayay sii hayaha ra’isul wasaaraha dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) iyo masuuliyiin kale. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Allaah ha u wada naxariistee waxaa xalay oo aheyd Talaado 6.10.2020 ku geeriyooday magaalada Minnesota ee Dalka Mareykanka Korneyl Maxamed cabdi Geesacade iyo Adeerkiis Xuseen [...] The post TACSI : – Allaah ha u naxariistee korneyl Maxamed Cabdi Geesacade iyo Adeerkiis Hussein Geesacade oo xalay ku geeriyooday Minnesota appeared first on . Source
-
The East African Community (EAC) has endorsed a Kenyan diplomat for the post of director general of the World Trade Organisation (WTO). This follows a letter from Rwanda President, Paul Kagame, who is also the chairperson of the EAC bloc, a conglomeration of Uganda, Rwanda, South Sudan, Kenya, Burundi and Tanzania, rallying his colleague to support the former Kenyan foreign minister, Amina Mohamed for the job. “Reference is made to the letter of His Excellency Paul Kagame, President of the Republic of Rwanda and chairperson of the summit of EAC Heads of State, addressed to his EAC counterparts and proposing that East African Community endorses the candidature of the Republic of Kenya to the post of Director of the World Trade Organisation through exchange of letters,” said Vincent Biruta, the foreign affairs minister of Rwanda in a letter to his EAC colleagues. “Reference is also made to the favorable responses received from all member states of the East African Community on the above request to support the candidature of the Republic of Kenya to the post of Director of the World Trade Organisation. In this regard, I would like to inform you that Ambassador Amina C. Mohamed is endorsed as the candidate of the East African Community to the post of Director General of the World Trade Organisation,” he added. However, Mohamed will compete for the position with candidates from West Africa, South Korea and Saudi Arabia. Qaran News
-
NAIROBI (HOL) - A court in Kenya has found two Al-Shabaab suspects guilty of plotting and taking part in the 2013 terror attack in Nairobi’s Westgate Mall that left 67 people dead. Source: Hiiraan Online
-
In the same week Japan has proposed increasing the amount of Pacific bluefin tuna the nation is currently allowed to catch by up to 20%, concerns over the industry bottoming out have been raised elsewhere. Long one of the most popular eating fish, tuna stocks are now believed to be as low as just 5% of historical levels. “Fisheries caught 500,000 more metric tons in 2018 than in 2012, but were paid $500 million less in dock value,” a study author named Grantly Galland with The Pew Charitable Trusts’ international fisheries group said recently. And whilst this means that hundreds of coastal economies supporting millions of jobs around the world are in danger of suffering, the populations of the most sought after skipjack, bigeye, yellowfin and bluefin tuna species are in danger of disappearing forever. According to Amanda Nickson, director of Pew’s international fisheries “The tuna business is incredibly valuable.” “But now we can conclusively see that catching more fish does not necessarily result in greater economic value.” As of 2020, the world’s top tuna fishing nations are Indonesia, and Japan. Indonesia took over 550,000 tons of all forms of tuna in 2018, with Japan taking 370,000 tons. Five other nations, Taiwan, Ecuador Papua New Guinea, Taiwan, Spain, and South Korea caught a total of 1.5 million tons – roughly 300,000 tons apiece. Even the U.S. so often at the forefront of calling for limits on tuna fishing in Asia in particular took almost a quarter of a million tons. “Implementing a modernised fisheries management system, known as harvest strategies, would eliminate an ineffective cycle of managers prioritising short-term profits over the long-term value,” Nickson added. Taiwan Times The post Tuna Stocks Could Disappear Altogether As Japan Proposes Catch Increase appeared first on Puntland Post.
-
Xarakada Al-Shabaab ayaa sii deysay labo dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba oo sannad iyo bar ka hor ay ka soo afduubeen gobalka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya oo la hadlay wakaalada wararka ee AP ayaa sheegay in wada xaajood socday muddo bilooyin ah kadib la sii daayey dhaqaatiirtaasi. Sarkaalkaasi oo magaciisa qariyey ayaa ka gaabsaday inuu bixiyo faah-faahino dheeraad ah oo ku aadan qaabkii loo sii daayey dhaqaatiirtaasi ajanabiga ah. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa wakaalada wararka ee AP u xaqiijiyey in dowladda Cuba ay dowladda federaalka ah ka codsatay in qaab wada-hadal ah lagu sii daayo dhaqaatiirta. Sidoo kale waxaa ka hor inti aan la sii dayn la soo bandhigay muuqaal fidiyow ah oo muujinaya in ay nool yihiin labadaasi dhaqtar ee u dhashay wadanka Cuba. Wasiirka arrimaha dibadda ee Cuba, Bruno Rodriguez ayaa baraha bulshada ku shaaciyey sii deynta labadaasi dhaqtar oo gacanta Al-Shabaab ku jiray muddo sanad ka badan. Ugu dambeyn wuxuu mahad celiyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo uu sheegay in ay door weyn ka qaadatay sii daynta labadaasi dhaqtar, balse lama oga in dowladda Cuba ay soo deynta dhaqaatiirtaasi ku bixisay lacago madax furasho ah. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga madax-bannaan ee doorashooyinka qaranka, Xaliimo Yareey ayaa markii u horeysay sheegtay inaysan marnaba meesha ka bixin shaqadii guddigooda, xili guddi cusub lagu heshiiyay inay ka shaqeeyan doorashooyinka dalka. Heshiiskii dhawaan ay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalku ku gaareen Villa Somalia, ayaa lagu go’aamiyey in guddi cusub si wada-jir ah usoo wada dhisaan labada dhinac, kuwaasi oo ka shaqeyn doona nooca doorasho ee lagu heshiiyey. Xaliimo Yarey ayaa ku doodeysa in shaqadooda ay tahay diiwaan-gelinta Xisbiyada, taasi oo ay ku macneysay inaysan meesha ka saari doonin doorkii ay ku lahaayeen doorashada. Waxay sheegtay inaysan marnaba shaqadoodu hakad geli doonin, tan keliya ee meesha uga bixi karaana ay tahay hadii uu dalka Millateri la wareego oo wax walba meesha laga saaro. Sidoo kale waxay hoosta ka xariiqday in shaqada guddigooda ay tahay sidii dalka ugu diyaarin lahaayeen doorasho qof iyo cod ah, midaasi oo ay sheegtay inay qorshaheed ku jiraan. Hadalka Xaliimo Yarey ayaa imanaya xili dhawaan heshiiskii doorashada laga gaaray lagu go’aamiyay in lasoo magacaabo guddi cusub oo ka shaqeeya doorashada 2020/21. Guddigaasi ayaa lagu waday inay gebi ahaanba la wareegan shaqada guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka oo shaqadoodu aheyd diyaarinta doorashooyinka dalka, wallow aan si cad loo sheegin inuu meesha ka baxayo guddigii hore. The post Xaliimo Yarey oo shaacisay doorkeeda doorashada 2020/21, xilli guddi cusub la dhisayo first appeared on Caasimada Online.
-
Munaasabadda oo aheyd mid lagu dooranayay guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland ayaa waxaa soo qaban qaabiyay kana soo qeyb galay ganactada deegaannada Jubbaland. Musharaxiinta u tartamayay xilka guddoomiyaha rugta ganacsiga Jubbaland oo kala ahaa Xuseen Raabi Kaahin iyo Diinle Maxamed ayaa codka loo qaaday, waxaana guddoomiyaha cusub ee rugta ganacsiga Jubbaland loo doortay Xuseen Raabi Kaahin oo helay 51 cod halka Diinle Maxamed uu ka helay 19 cod, guud ahaan 70 qof oo codeysay. Ganacsatadii munaasabadda kasoo qeyb gashay ayaa boggaadiyay guddoomiyaha cusub una rajeeyay inuu kasoo baxo shaqada adag ee loo igmaday. Rugta ganacsiga Jubbaland ayaa bulshada u qabata adeegyo badan oo ay ugu horeeyaan ka warheenta xaaladda ganacsatada,xalinta khilaafaadka, iyo maalgalinta iyo kor u qaadidda ganacsatada yaryar, iyadoo la kaashaneysa shirkadaha dhaqaalahoodu uu sareeyo. Dhawaan ayey ahayd markii argagaxisada Al-shabaab ay weerar ismiidaamin ah ku dileen guddoomiyihii rugta ganacsiga Jubbaland, Allaha u naxariistee Shaafi Raabi Kaahin oo kasoo baxayay masjid uu ku tukaday salaadda Jimcaha. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Baarlamaanka Itoobiya oo meel mariyay Qaraar ku baaqaya in Dowladda Federaalka ay xidhiidhka u jarto hoggaamiyeyaasha Tigray Baarlamaanka Itoobiya ayaa meel mariyay qaraar ku baaqaya in Dowladda Federaalka ay xiriirka u jarto hoggaamiyeyaasha gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas ku yaalla, kaddib xurguf soo kala dhex gashay oo ku aaddan doorashada dib loo dhigay. Go`aankan micnihiisu maaha in xiriirka ka dhaxeeya xukuumadda Addis Ababa iyo gobolka Tigray uu gebi ahaanba go`ayo. Dowladda Federaalka ayaa la sii shaqeyn doonta maamullada hoose ee gobolka sida maayarrada iyo xildhibaannada deegaanka, iyadoo siin doonta adeegyada aasaasiga ah ee gobolku u baahan yahay. Balse waxaa laga yaabaa inay joojiso lacagihii ay siin jirtay sida baarlamaanka Tigray. Dowladda Ra`iisul Wasaare Abiy Axmed ayaan weli ka jawaabin arrintaas. Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii qaraar ka soo baxay Aqalka Sare ee dalkaas uu ku laalay doorashooyin-goboleedkii uu qabsaday gobolka Tigray 9-kii bishii September kuna tilmaamay inay ahayd mid sharci darro ah. Xisbiga (TPLF) eek a taliya gobolka ayaa muddo-xileedka loo dheereeyay xukuumadda Ra`iisul Wasaare Abiy Axmed oo ku ekeyd 5-tii bishan October – ku tilmaamay mid aan dastuurka waafaqsaneyn, iyagoo intaas ku daray in gobolku uusan ka amar qaadan doonin dowladda Federaalka. Xisbiga TPLF ayaa u yeeray xubnaha kaga jira dowladda. Afhayeenka Aqalka Sare ee dalkaas ayaa ku hanjabay in ciidamo ka socda federaalka loo diri doono gobolka. Doorashada Itoobiya ayaa la qaban doonaa bisha September sanadka soo socda. Qaran News
-
Ugu yaraan saddex qof ayaa dhintay, halka ay dhaawacmeen lix kale oo dhammaan isku qoys ahaa, kadib markii uu nin ku hubeysnaa Faas iyo Toorey uu ku weeraray guri ay ka daganayeen deegaanada lagu magacaabo, Faarax Liibaan ee gobolka Shabelle oo hoostaga dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Dadka dhintay ayaa kala ah labo caruur ah iyo hooyadood, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale lixda qof ee uu dhaawaca soo gaaray ayaa iyaguna ka mid ah qoyska oo uu weerarka ku qaaday ninkaasi la sheegay inuu qabay xanuunka Dhimirka. Qaar ka mid ah dadka dhaawacyada ah ayaa haatan laga deyrinayaa xaaladooda caafimaad, kuwaas oo lagula tacaalayoisbitaalka magaalada Jigjiga ee xarunta is-maamulka Soomaalida Itoobiya. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ee Liyuu Boolis ay gacanta ku dhigeen eedeysanaha, kaas oo lagu soo warramayo in xabsiga loo taxaabay. Waxaa sidoo kale haatan socda baaritaano ay wadaan laamaha amniga oo la xiriira falkaasi oo ay dad badan tuhun ka mujiiyeen inuu ahaa mid la soo abaabulay. Dhacdadan oo ay si weyn uga argagaxeen dadka deegaanka ayaa si aad ah looga hadal hayaa gobolka Shabelle iyo guud ahaan dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa sii daysay laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba, oo muddo ay ku haysteen gudaha Soomaaliya, waxaa goor dhow sidaas shaaciyey saraakiiil sare. Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in dhaqaatiirta lasii daayey dhammaadkii toddobaadkii tegay, kadib wada-xaajoodyo muddo socday. Sarkaalka oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ma bixin faah-faahin intaas dheer. Ilo-wareedyo dhowr ah ayaa u sheegay AP in sirdoonka Soomaaliya oo matalaya dowladda Cuba ay galeen wada-xaajoodka lagu sii daynayo dhaqaatiirta kadib markii la tusay muuqaal caddeynaya in dhaqaatiirta ay nool yihiin. Wasiirka arrimaha dibedda Cuba Bruno Rodriquez, oo qoraal soo dhigay baraha bulshada ayaa xaqiijiyey in lasoo daayey dhaqaatiirta, wuxuuna dowladda Soomaaliya uga mahad-celiyey inay caawimaad ka gaysatay. Waxa uu sheegay inuu la hadlay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad. Weli ma cadda halka ay iminka ku sugan yihiin dhaqaatiirta. Al-Shabaab ayaa dhaqaatiirtan kasoo afduubtay magaalada Mandheera ee dalka Kenya bishii April ee 2019, ayaga oo dilay mid ka mid ah raggii ilaalinayey, kadibna la galay Soomaaliya. The post DEG DEG: Al-Shabaab oo sii daayey dhaqaatiirta u dhashay Cuba ee ay haysteen first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Duhur-07102020.mp3 View the full article
-
Dal qorsheyneya in uu mamnuuco Guurka Xaasaska badan & Shahaadada……. Faransiiska waxaa ku nool muslimiinta ugu badan ee Galbeedka Yurub Dowladda Faransiiska ayaa bilowday qorshe ay kusoo xireyso ama ku ganaaxeyso dhakhaatiirta bixiya shahaadada xaqiiijineyso bikranimada gabdhaha. Wuxuu sidoo kale qorsheynayaa in dalkiisa uu ka mamnuuco guurka xaasaska badan. Waxay arrintani qeyb ka tahay qorshaha madaxweynaha Faransiiska Emmnauel Macron uu ku doonayo inuu ku meel mariyo sharci adag oo uu sheegay inuu ku xakameynayo waxa uu ugu yeeray “Muslimiinta gooni u goosadka ah” si uu u difaaco mabaadiida cilmaaniga. Balse urur qaabilsan talooyinka ilmo iska soo xaaqista ayaa sheegaya ‘In hubinta bikranimada’ ay tahay arrin u baahan wacyigelin xooggan. Qaramada Midoobey waxay amar ku bixisay in la joojiyo arrintani maadama ay tahay xaadgudub ah ka dhanka xuquuqul insaanka. Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska wuxuu sheegay in hindise sharciyeedkan aysan si buuxda uga doodin xildhibaanada- wuxuu soo jeedinayaa in 18,100.36 oo doolar lagu ganaaxi karo dhakhtar kasta oo lagu helo in uu bixiyay shahaado caddeyneyso in gabadha ay bikro tahay. Sida uu baahiyay telefishinka laga leeyahay Faransiiska ee 3 TV, boqolkiiba 30 dhakhaatiirta dalkaas waxaa laga codsaday inay bixiyaan shahaadadaas isla markaana ay diideen. Marlène Schiappa oo ah wasiirka Faransiiska u qaabilsan muwaadinimada ayaa sheegtay in hindise sharciyeedka la horgeyn doono baarlamaanka bisha Disembar, waxay sheegtay in xeerkan uu ku jiro qodob qeexaya in tallaabo laga qaadi doono dadka sameynayo baaritaanada lagu xaqiijinayo bikranimada. Sida uu qeexayo sharciga Faransiiska ee hataan, dadka ajaaniibta ah waxaa loo diidi karaa in loo cusbooneysiiyo sharciga ay ku degan yihiin dalkaas waa haddii ay leeyihiin xaasas badan. Marlène Schiappa waxay sheegeysaa in hindise sharciyeedkan uu u ogonaalayo in Faransiiska laga tarxiili karo dadka guursada xaasaska badan. Waxaa sidoo kale ku xusan hindise sharciyeedkan in la maxkamadeyn doono cid kasta oo lala xiriiriya guurka gabdhaha da’da yar. Qaran News
