-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Subax-05102020-ok.mp3 View the full article
-
(SLT-Nairobi)-Booliska Kenya ayaa sheegay in laba qof ay ku dhinteen shaqaaqo dhex martay taageerayaasha Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo kuwa Madaxweyne ku xigeenkiisa William Ruto. Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto oo gaadhay degmada Muranga ee gobolka badhtamaha dalka ee uu ka soo jeedo Madaxweyne Kenyatta, ayaa cambaareeyey qalalaasahaa dhacay ee ay boolisku u adeegsadeen suntan dadka ka ilmaysiisa si ay u kala dareeriyaan dhalinyaro fadqalalo waday oo is shiidayey taayirona ku gubay wadada weyn ee magaalada marta oo muddo gaadiidka xayiray. Shaqaaqadan ayaa sababtay in laba qof ay dhintaan halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen. Rabshadahan ayaa ku soo beegmaya xilli uu Madaxweynaha Kenya uu dalka Faransiiska booqasho ku joogo. Ruto wuxuu doonayaa in uu Kenyatta uga dambeeyo madaxtooyada dalka marka la gaadho 2022 hase yeeshee waxa mucaaradad adag kala hor yimi taageerayaasha Kenyatta oo ku doodayay in ololaha uu ka bilaabay dalku yahay mid aan wakhtigiisii la gaadhin maadaama 2 sannadood ka hadhsanyihiin doorashadii. Labada nin markii ay ku guullaysteen doorashadii hore waxay ballan qaadeen inay dalka ka dawayn doonaa kala qaybsanaanta isirka ku salaysan, laakiin xukuumadda ilaa haatan waxa lagu eedeeyaa in ay uga sii dartay kala qoqobnaatii qabyaaladeed ee jirtay iyo sidoo kale musuqmaasuq ku xididaystay oo keenay in dalka laga lunsado malaayiin doolar oo ay ku jiraan 7.8 milyan oo doolar oo loogu talo galay in lagu soo iibiyo agab lagaga hortago Covid-19 oo haatan la rumaysan yahay in la xaday. Source
-
(SLT-Paris)-Golaha Majmaca Daraasadka Islaamka ee Al-Azhar Al-Sharif ayaa dhaleeceeyey hadallo uu sheegay madaxwenaha Faransiiska, Emmanuel Maccron, oo uu goluhu sheegay in uu minjo xaabinayo dhamaan dedaallada wada jirka ah ee lagaga hortagayo takoorka diimaha iyo isirka. Goluhu wuxuu sidoo kale ka digay cawaaqibka ka dhalan kara hadalladaa takoorka ah ee dhaawacaya dareenka hal bilyan oo qof oo Muslimiin ah. Hadalladaa aadka loogu dhaleeceeyey Maccron oo ku jiray khudbad uu jeediyey maalintii Jimcihii ee 2 Oktoobar ayaa waxa ka mid ahaa “Islaamku waa diin daafaha dunida oo dhan dhibaatooyin ka abuuray”. Waxaanu sidoo kale shaaciyey qodobo uu sheegay in uu kaga hortagi doono in Muslimiinta dalka Faransiiska ku nooli ay ku noqon karaan bulsho ka go’an dadka intiisa kale. Waxa sidoo kale dhaleeceeyey hadalladaa ka soo baxay madaxweynaha Faransiiksa, Sheekh Al-Azhar Dr. Axmed Al-Dayib, oo sheegay in uu aad uga cadhooday oo u dhaleecaynayo adeegsiga erayada “argagixisada Islaamka” ee iyada oo aan la dhaadanayn dhibaatada ka dhalan karta, ee ah aflagaadaynta diinta Islaamka iyo dadka rumaysan, sahalka loo odhanayo iyo sidoo kale iska indho tirka dulqaadka Islaamka iyo mabaadi’iidiisa quman. Sidoo kale waxa hadalka Maccron ka falceliyey Golaha Midowga Culumada Islaamka ee Caalamiga ah oo farta ku fiiqay in “dadka diinta Islaamka soo galayaa ay maalin walba sii kordhayaan, sidaa awgeedna aanu ahayn diin dhibaato abuuraya. Laakiin dhibaatadu ay tahay garasho la’aanta dadka ka haysata mabaadi’diisa iyo xaqiiqada diinta iyo sidoo kale nacaybka loo qabo ummada Muslimka ah”. Source
-
Hargeisa (PP News Desk) — The Somaliland President Muse Bihi Abdi today outlined goals of the public finance management reforms in Somaliland. In a speech for participants of the ruling party’s annual conference in Hargeisa President Muse Bihi touched on the link between financial management reforms and transparency. “Reforms have been going on for ten years through assistance from the World Bank. The goal is to make public financial management in Somaliland transparent so that citizens, journalists and researchers can have an access to the data” said President Bihi. President Bihi: Public finance management reforms in Somaliland will result in more transparency Somaliand Government will introduce an open data project in bid to make transparency in public finance a core government policy. “The financial management reforms will address tax collection challenges facing the government. We must not leave citizens in doubt that tax collected from citizens does not get pocketed by government employees” added President Bihi. Another element that financial reforms will inject into public finance system in Somaliland is the preparation of the national budget on the basis of open data to be generated once reforms take effect. Somaliland receives direct development assistance through the Special Arrangement introduced in 2013. © Puntland Post, 2020 The post Somaliland President Lauds Financial Management Reforms appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kuwait ee caasimadda waddanka Kuwait. Ra’iisul wasaare Rooble ayaa Kuweyt kaga qayb-galaya tacsida iyo ducada loo samaynayo Amiirkii geeriyooday ee dalkaas Sheikh Sabaax Al-Axmad Aala-sabaax. Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale inta uu Kuweyt joogo la kulmi doona Amiirka cusub ee dalkaas iyo mas’uuliyiin kale kuwaas oo uu kala hadli doono xiriirka iyo iskaashiga labada dal. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Kuweyt appeared first on Puntland Post.
-
Geneva (Caasimada Online) – Baaraha guud ee Xuquuqda Aadanaha ee QM ayaa walaac ka muujisay dib u garasho ay sheegtay in mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ka muujinayaan u hoggaansamidda xeerarka caalamiga ah ee QM. Walaacan ayaa waxaa lagu muujiyey warbixin ay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM u gudbiyey khabiirka madaxa banaan ee QM ee xaalada xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya. Isha Dyfan waxaa loo magacaabay khabiirka madax-bannaan ee arrimaha Soomaaliya ah bishii Maarso, xilligaas oo uu socday COVID-19, taasi oo ka hor-istaagtay inay tagto Soomaaliya. Waxay sheegtay in macluumaad laga soo ururiyey Soomaaliya uu muujinayo in mas’uuliyiinta Soomaalida ay dib uga laabanayaan ballan-qaadyadii ahaa inay ilaaliyaan xuquuqda dhaqaale, bulsho iyo dhaqan ee dadka Soomaaliyeed. Waxay qirtay in iska hor-imaadyada hubeysan ee dalka iyo dhibaatooyinka bani’aadamnimada ay uga sii dareen COVID-19 iyo ayaxa ku habsaday gobollo dalka ka mid ah. “Waxaa jiray warbixino ku saabsan weerarada ka dhanka ah daryeelayaasha caafimaadka iyo shaqaalaha gargaarka, adeegsiga xad dhaafka ah ee awoodda ee hay’adaha sharci fulinta, taasi oo keentay dhimashada dadka rayidka ah, xadgudubyada xuquuqda xorriyadda hadalka iyo ra’yiga, iyo kororka rabshadaha galmada iyo jinsiga ku saleysan iyo dad lagu qasbay inay guryahooda ka cararaan,” ayey tiri. Dyfan waxay sheegtay inay si gaar ah u dhibsanayso habab soo jireen ah oo qoto dheer oo cuqdad, takoor iyo rabshado maalin leh loola beegsado haweenka iyo gabdhaha. “Waxaan maqlayaa dhacdooyinka kufsiga iyo noocyada kale ee tacadiyada galmada ee lagula kaco haweenka, gabdhaha iyo wiilasha, taas oo inta badan ku dhacda ciqaab la’aan, kuna qasbaya dhibbanayaasha iyo qoysaskooda inay u weecdaan dariiqyo kale, oo umuuqda inay yihiin cadaalad laakiin dhab ahaantii sii wad hurinta rabshadaha,” ayey tiri Dyfan. Safiirka Soomaaliya ee Switzerland iyo Austria Ebyan Maxamed Saalax ayaa sheegtay in dowladeeda aysan rumeysneyn in ay macquul tahay in nabad iyo amni la gaaro iyadoo aan la ilaalin xuquuqda aadanaha. Waxay sheegtay in Soomaaliya ay qaadatay hanaan xuquuqul insaan ku saleysan ayna sameysay hay’ado joojinaya isla xisaabtan la’aanta iyo isku dhacyada rabshadaha wata, iyo in la hubiyo xuquuqda iyo xorriyadaha dadka. The post QM oo shaacisay in DF 'ay dib uga guraneyso' arrin ay horey u ballan-qaaday first appeared on Caasimada Online.
-
8 migrants drown, 12 missing while trying to reach Djibouti
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The International Organization for Migration says at least eight migrants have drowned and 12 are missing after smugglers forced them off a boat near the Horn of Africa nation of Djibouti. Source: Hiiraan Online -
Minnesota’s Teacher of the Year, Qorsho Hassan, said that teachers of color have a favorable impact on students of color — all students, she added — and ought to be retained. Source: Hiiraan Online
-
Washington (Caasimada Online) – Dhaqaatiirta madaxweyne Donald Trump ka daweynaya cudurka Coronavirus ayaa warar is khilaafsan ka bixiyey xaaladdiisa, saacado ka hor inta aanu Trump qaadin tallaabo lama filaan ah oo uu kaga soo baxay isbitalka. Trump oo 74 jir ah ayaa xirtay maaskaro, wuxuuna si lama filaan ah ugu yimid boqolaal taageerayaashiisa ah oo dhooban dibedda iyo waddooyinka ku dhow isbitaalka Walter Reed ee lagu daweynayo. Waxay ahayd socdaalkii ugu horreeyey ee Trump uu sameeyo tan iyo habenekii Jimcaha, markaasi oo la dhigay isbitalka. “Waxa uu ahaa socdaal xiiso leh, wax badan ayaan ka bartay cudurka Coronavirus,” ayuu Trump ku yiri muuqaal uu soo dhigay twitter-ka. Dhaqaatiirta ayaa sheegay in xaaladda Trump ay kasoo rayneyso, inkasta oo ay sheegeen inay isha ku hayaan xaaladda sambabadiisa kadib markii lagu xiray oksajiin. Waxay sheegeen in lagu celin karo Aqalka Cad Isniinta. Hase yeeshee Dr. Sean Conley ayaa sheegay in xaaladda madaxweyne Trump ay ka xun tahay sidii uu marka hore sheegay. Conley waxa uu sheegay in heerka oksajiinta Trump ay hoos u dhacday, ayna asiibtay qandho xoogan Jimcihii. Mar waxa laga weydiiyey xaaladda sambabada Trump, Conley waxa uu sheegay in weli aanay ka muuqaan astaamo laga walaaco. Dhaqaatiir madax-banaan ayaa sheegay in dawada la siiyey Trump ay muujineyso xaaladdiisa ay halis tahay. Trump ayaa la siiyey dawada dexmethasone, oo loo isticmaalo kiisaska daran ee cudurka Coronavirus. The post Daawo: Trump oo qaaday tallaabo lama filaan ah iyo xaaladdiisa oo laga deyriyey first appeared on Caasimada Online.
-
Sawir laga helay M/weyne Farmaajo Oo Aad loo dhaleeceeyey Safar ayuu Madaxweyne Farmaajo maanta ku tegay Dalka Ereteria iyadoo sawir laga qaaday aad loo hadal hayo. Waxay isa salaameen gacanta toos ah dhigiisa Dalka Ereteria Issias Afewerki. Iyadoo afka u xidhnaa ayey hadana is gacan qaadeen Labada Madaxweyne xilli la shaaciyey inuu dunida ku soo rogaal celiyey Xanuunka Covid19 taas oo ay dhaleeceyn weyn kala kulmeen Weli waxaa Caalamka ka jira fiditaanka Covid19,Yeelkeede waxay labada madaxweyne baalmareen sid aka muuqata Sawirkan kala fogaanshiyihii iyo awaamiirtii laga hortagayey cudurka Covid19. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka jawaabay warar sheegaya in musharaxiinta mucaaradka aaney u diyaarsaneyn wakhtigan doorashada dalka ka dhaceysa. Jadwalka doorashada ayaa lasoo gudbiyay iyadoo shanta bilood ee soo socota wax walba lagu dhameyn doono, hase ahaatee waxaa jira guux siyaasadeed oo qeexaya in siyaasiyiinta mucaaradka aaney wakhtigaan diyaar u aheyn tartan. Xasan Shiekh wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin inuu ka qeyb galaan tartanka doorashada, walow ay jiraan siyaasiyiin laga yaabo iney jeebkooda uga haraan tartanka soo socda ee la filayo inuu noqon doono mid aad u adag. Inta badan guuxa ah in mucaaradka aysan diyaar u ahayn doorashada, ayaa la rumeysan yahay inuu ka socda dhanka taageerayaasha madaxweyne Farmaajo. Si kastaba, ka sokow diyaar la’aanta, cabsida ugu badan ee jirta ayaa ah in sababta ugu weyn ee mucaaradka ay ku lumin karaan doorashada ay tahay isku duubni la’aantooda, oo doorashada laga dhex bixiyo. Ka hor inta aan la waqtiyeyn doorashada, mucaaradka ayaa ah mid, hase yeeshee maadaama hadda la wada doonayo kursiga madaxweyne Farmaajo, waxaa la rumeysan yahay inay halkaas ku dhamaatay midnimadooda. The post Maxaa ka run ah walaaca laga qabo diyaar-garowga mucaaradka ee doorashada? first appeared on Caasimada Online.
-
Waa kuma ninkan ku hawlan badbaadada Madaxweyne Trump? Dr Conley wuxuu tan iyo sannadkii 2018 ahaa dhakhtarka gaarka ah ee Trump Tan iyo intii loo dhigay Madaxweyne Trump isbitaalka milatariga ee Walter Reed National fayraska korona ee laga halay awgii, dhakhtar gaar ah ayaa guudka u ritay dawayntiisa. Waxa la yidhaa Sean P Conley oo ah dhakhtarka gaarka ah ee Aqalka Cad. Markii la shaaciyey Jimcihii in Madaxweyne Trump laga helay fayraska korona, ayaa dhakhtarkan gaarka ah ee Aqalka Cad oo aan dadku hore wax badan oga aqooni waxa uu haatan noqday qofka qudha ee laga heli karo xogta ku saabsan kolka sida ay tahay xaaladda madaxweynuhu. Sean Conley waa taliye ka tirsan ciidamada badda Maraykanka, waxaanu ahaa dhakhtarka gaarka ah ee Trump tan iyo 2018. Arinta lagu rumaystay qoraalkii Trump Twitter-ka ku baahiyey ee ahaa in isaga iyo marwada koobaad laga helay fayraska korona waxay ahayd xog laga helay Conley. Isaga oo ka soo baxay isbitaalka oo ay dabo taagan yihiin koox dhakhaatiir ahi Sabtidii, ayaa Dr Conley uu shir jaraa’id ka sheegay warbixin yididiilo leh oo ku saabsan xaaladda Trump. Wuxu yidhi madaxweynuhu “aad buu u fiican yahay” oo “mooraalkiisuna aad buu u sareeyaa” tan iyo habeenkii Jimcaha ee uu isbitaalka ku jiray. Shirkaas jaraa’id ayaa indhaha shacabka Maraykanka ku soo jeediyey Dr. Conley oo wax ka duwan u soo bandhigay shacabka wixii markii dambe madaxa shaqaalaha Aqalka Cad, Marka Meadows, u sheegay warfidiyeenka. Waa tan hadaba inta laga yaqaan Dr. Conley. Wuxuu noqday dhakhtarka gaarka ah ee madaxweynaha laba sano ka hor Dr. Conley wuxuu shaqada dhakhtarka gaarka ah ee Aqalka Cad qabtay sannadkii 2018 oo uu kala wareegay Dr. Ronny L. Jackson oo loo magacaabay xog-hayaha waaxda daryeelka askarta dagaaladda galay. Dr. Jackson wuu iska casilay magacaabiddaas oo waxa ku soo baxay eedo ah in aan habdhaqankiisa goobta shaqo haboonayn, ka dib na Trump ayaa dallacsiiyey oo u magacaabay in uu noqdo kaaliye madaxweyne iyo la taliyaha guud ee caafimaadka ee Aqalka Cad. Haatanna waxaabu u tartamayaa baarlamanka gobolka Texas. Conley waxa uu sidoo kale 2014 noqday agaasimaha waaxda caafimaadka dhimirka ee isbitaalka NATO oo ku yaal gobolka Kandahar ee Afghanistan. Waana halkaa goobta ay isaga iyo kooxdiisu ku mutaysteen abaal marin ay siisay xukuumadda Romania oo ku maamuustay sidii ay u daweeyeen askar ka tirsan ciidankeeda. Dr Conley iyo dhakhaatiirta kale ee dawaynaya Trump Waa dhakhtar lafaha ku takhasusay Sida ku cad diiwaanka gudida caafimaadka gobolka Virginia, Dr. Conley wuxuu ka baxay kulliyadda Philadelphia College of Osteopathic Medicine sannadkii 2006. Wuxuu taageeray in Trump qaato dawada hydroxychloroquine Bishii May ayaa Dr. Conley dadku aad ugu soo jeesteen markii uu sheegay in Trump oo uu dhakhtarkiisa gaarka ah yahay bilaabay qaadashada dawada hydroxychloroquine oo ah dawo loogu daweeyo kaneecada ama malaariyada. Khubaro badan aya su’aal geliyey wax tarka dabiib iyo ka hortag ee lagula tacaali karo Covid-19 in kasta oo Trump ku andacooday in ay wax tar leedahay. Hay’adda cunnada iyo dawooyinka Maraykanka ayaa digniin ay soo saartay bishii Abriil ku sheegtay in dawadaa loo adeegsan karo oo keli ah tijaabooyinka ay isbitaalladu samaynayaan. Waxay sidoo kale sheegay in dawadaasi halis ku keeni karto garaaca wadnaha. Warqad uu qoray bishii May oo uu ku faahfaahinayey adeegsiga Trump ee dawada hydroxychloroquine, ayaa Dr. Conley ku sheegay in madaxweynuhu “go’aan ku gaadhay in faa’iidada laga heli karo dawadaasi ay ka badan tahay halista ka dhalan karta.” Shirkii jaraa’id ee uu Sabtidii qabtay, ayaa Dr. Conley wuxuu warfidiyeenka ugu sheegay in Trump aanu haatan qaadanayn dawada hydroxychloroquine. “Waanu ka wada hadalnay” ayuu yidhi Dr. Conley “wuu i waydiiyey. Haatan ma qaadanayo dawadaas” Qaran News
-
Dad ku dhintay shaqaaqo ka dhex qaraxday taageerayaasha madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa Madaxweyne Kenyatta iyo ku xigeenkiisa Ruto Booliska Kenya ayaa sheegay in laba qof ku dhinteen shaqaaqo dhex martay taageerayaasha Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo kuwa madaxweyne ku xigeenka, William Ruto. Ruto, oo cibaadadii Axadda kaga qayb galay kaniisad ku taalla degmada Muranga ee gobolka badhtamaha dalka ee uu ka soo jeedo Madaxweyne Kenyatta, ayaa cambaareeyey qalalaasahaa dhacay ee ay boolisku u adeegsadeen suntan dadka ka ilmaysiisa si ay u kala dareeriyaan dhalinyaro fadqalalo waday oo is shiidayey taayirona ku gubay wadada weyn ee magaaladaa marta oo muddo gaadiidka xayiray. Madaxweynaha oo haatan dalka Faransiiska booqasho ku jooga iyo William Ruto ayaa khilaaf xoogani ka dhex aloosmay kaas oo sababay in saraakiil ka tirsan isbahaysiga Jubilee ee talada dalka hayaa ay ku talo bixiyaan in madaxweyne ku xigeenka laga qaado xilka ku xigeenka hogaamiyaha xisbiga. Ruto wuxuu quudaraynayey in uu Kenyatta uga dambeeyo madaxtooyada dalka marka la gaadho 2022 hase yeeshee waxa mucaaradad adag kala hor yimi taageerayaasha Kenyatta oo ku doodayay in ololaha uu ka bilaabay dalku yahay mid aan wakhtigiisii la gaadhin maadaama 2 sannadood ka hadhsanyihiin doorashadii. Labada nin markii ay ku guulaysteen doorashadii hore waxay ballan qaadeen inay dalka ka dawayn doonaa kala qaybsanaanta isirka ku salaysan, laakiin xukuumadda ilaa haatan waxa lagu eedeeyaa in ay uga sii dartay kala qoqobnaatii qabyaaladeed ee jirtay iyo sidoo kale musuqmaasuq ku xididaystay oo keenay in dalka laga lunsado malaayiin doolar oo ay ku jiraan 7.8 milyan oo doolar oo loogu talo galay in lagu soo iibiyo agab lagaga hortago Covid-19 oo haatan la rumaysan yahay in la xaday. Xatooyada la sheegay in lagula baxay lacagaha loogu talo galay la dagaallanka fayraska korona ayaa ah arinta ugu weyn ee dalka laga hadal hayo. Labda dhinac ee isbahaysiga talada haya ayaa mid ba dhinaca kale ku eedeeyey lunsiga lacagtaa dawladda ee loogu talo galay in wax lagaga qabto cudurka Covid-19 ee dalku la daalaa dhacayo. Qaran News
-
Bakju (Caasimada Online) – Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa dalbaday Axadii in Armenia ay dejiso jadwal ay uga baxeyso xuduudda Nagorno-Karabakh iyo nawaaxigeeda ee dhulalka Azerbaijan, wuxuuna wacad ku maray Azerbaijan aysan joojin doonin dagaalka illaa ay taasi dhacdo. Khudbad uu telefishanka ka jeedinayay, ayuu Aliyev ku sheegay in ciidamada Azeri ay ku sii siqayaan duulaanka todobaadka soconaya oo ay dib ugula wareegayaan dhulkii ay ka qabsadeen Armenian-ka 1990-maadkii. “Azerbaijan waxay leedahay hal shuruud, waana xoreynta dhulalkeeda,” ayuu yiri. “Nagorno-Karabakh waa dhulka Azerbaijan. Waa inaan soo celinaa, waana soo celin doonnaa.” “Shuruuddeena waa tan soo socota: ha la baxaan ciidamadooda, iska horimaadkana waa la joojin doonaa, laakiin tani maaha inay ahaato hadal, balse waa inay noqotaa ficil,” ayuu raaciyay. Wuxuu sheegay in bulshada caalamku ay ku fashilantay muddo soddon sano ah inay fuliso qaraarada Qaramada Midoobay ama ay cadaadis saarto Armenia, si ay u soo celiso dhulalka Azerbaijan. Nuxurka iyo qaabka fariinta Aliyev ayaa caddeeyay in Azerbaijan aysan aqbali doonin baaqyada xabad joojinta deg deg ah ee ka imanaya Ruushka, Mareykanka iyo Midowga Yurub. Iska horimaadyadu waa kuwii ugu xumaa tan iyo 1990-yadii, markaasi oo dagala dhex maray labada dal lagu dilay ilaa 30,000 oo qof. Dagaalka hadda socda ayaa kusii fidaya meelo ka baxsan gobolka Nagorno-Karabakh. Waxaa ku dhintay boqolaal qof oo u badan Armenian. The post Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka qaraar ee dalalka Azerbaijan iyo Armenia first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil uu maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda wiil dhalinyaro ahaa ugu geystay degmada Balcad oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Abshir Suubow, wuxuuna ka mid ahaa dhalinyarada ku dhaqan gudaha degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in dilka uu ka dhacay goob ganacsi oo uu marxuumka ku sugnaa oo ku taalla bartamaha degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in dilka uu yimid, kadib markii ay xabad kaga fakatay marxuumka askari ka tirsan ciidamada ammaanka oo la qabtay. Sidoo kale qaar ka mid ah ehellada ayaa walaac xoogan ka muujiyey dilka wiilkooda, waxaana ay dalbadeen in cadaaladda la horkeeno askarigii ka dambeeyey falkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan ciidamada dowladda ayaa dilal u geysta dadka rayidka ah ee ku sugan deegaanada ay ka howl-galaan ee koonfurta & bartamaha dalka, kuwaas oo ku yimaada siyaabooyin kala duwan. The post Abshir Suubow oo maanta lagu dilay degmada Balcad first appeared on Caasimada Online.
-
Qaahira (Caasimada Online) – Golaha Majmaca Daraasadka Islaamka ee Al-Azhar Al-Sharif ayaa dhaleeceeyey hadallo uu sheegay madaxwenaha Faransiiska, Emmanuel Maccron, oo uu goluhu sheegay in uu minjo xaabinayo “dhamaan dedaallada wada jirka ah ee lagaga hortagayo takoorka diimaha iyo isirka.” Goluhu wuxuu sidoo kale ka digay cawaaqibka ka dhalan kara ‘hadalladaa takoorka ah ee dhaawacaya dareenka hal bilyan oo qof oo Muslimiin ah’. Hadalladaa aadka loogu dhaleeceeyey Maccron oo ku jiray khudbad uu jeediyey maalintii Jimcihii ee 2 Oktoobar ayaa waxa ka mid ahaa “Islaamku waa diin daafaha dunida oo dhan dhibaatooyin ka abuuray”. Waxaanu sidoo kale shaaciyey qodobo uu sheegay in uu kaga hortagi doono in Muslimiinta dalka Faransiiska ku nooli ay ku noqon karaan bulsho ka go’an dadka intiisa kale. Waxa sidoo kale dhaleeceeyey hadalladaa ka soo baxay madaxweynaha Faransiiksa, Sheekh Al-Azhar Dr. Axmed Al-Dayib, oo sheegay in uu aad uga cadhooday oo u dhaleecaynayo adeegsiga erayada “argagixisada Islaamka” ee iyada oo aan la dhaadanayn dhibaatada ka dhalan karta, ee ah aflagaadaynta diinta Islaamka iyo dadka rumaysan, sahalka loo odhanayo iyo sidoo kale iska indho tirka dulqaadka Islaamka iyo mabaadi’iidiisa quman. Sidoo kale waxa hadalka Maccron ka falceliyey Golaha Midowga Culumada Islaamka ee Caalamiga ah oo farta ku fiiqay in “dadka diinta Islaamka soo galayaa ay maalin walba sii kordhayaan, sidaa awgeedna aanu ahayn diin dhibaato abuuraya. Laakiin dhibaatadu ay tahay garasho la’aanta dadka ka haysata mabaadi’diisa iyo xaqiiqada diinta iyo sidoo kale nacaybka loo qabo ummada Muslimka ah”. Waa maxay qorshaha Macron Madaxweyne Macron ayaa sheegay in Muslimiinta ku nool Faransiiska oo tiradooda lagu qayaaso 6 malyan ay khatar qarka u saaran yihiin in ay noqdaan ‘bulsho ka duwan’ Faransiiska intiisa kale. Qorshaha uu madaxweynahu damacsan yahay ayuu ku sheegay in ay ka mid yihiin dugsiyada waxbarashada ee ay Muslimiintu leeyihiin oo gacan bir ah lagu qabto iyo in la xakameeyo lacagaha dibadaha ka yimaadda ee masaajidda lagu dhiso. Madaxweynaha ayaa cadaadis xooggan lagu saaray inuu wax ka qabto Islaamka xagjirka ah iyada oo ay jirto cabsi dhinaca amniga ah. Balse hadalka ka soo yeedhay madaxweynaha waxaa si weyn u cambaareeyey dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Muslimiinta iyaga oo hadalkiisa ku tilmaamay inuu doonayo ku cabudhiyo Muslimiinta dalka Faransiiska. Mabaadiida adag ee dalka Faransiiska oo cilmaaniyadda ama laïcité, ku dhisan ayaa kala sooca dowladda iyo hay’adaha diiniga ah. Fikraddaa ayaana dhigaysa in dadyowga diimaha iyo caqiidooyinka kala duwan aaminsan ay sharciga hortiisa ku siman yihiin. Tallaabbooyinka uu Maccron damacsan yahay inuu qaado waxaa ka mid ah: In si adag loola socdo ururrada isboortiga iyo ururrada kale ee ay bulshooyinka isugu yimaadaan oo looga mid dhigo barashada islaamiyiinta. Joojinta nidaamyada imaamyada ee meela ka baxsan Faransiiska waxbarasha u aado. Kormeerka iyo dabagalka dhaqaalaha masaajidda soo galo ama lagu maalgeliyo. In la xaddido waxbarashada guriyaha lagu dhigto iwm. Maccron waxaa kale uu sheegay Faransiiska inuu waxbadan ka qabanayo arrimaha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee dadka soo galootiga ah, wuxuuna intaa ku daray iney xagjiriintu ay buuxiyeen fursadihi jiray. Toddobaadki hore laba qof ayaa la dhaawacay kaddib marki weerar lagu qaaday xafiiski hore ee wargeyska Charlie Hebdo ee lagu aflagaaddeeyey Nabi Muxammad (NNKH). Bishii January 2015-kina kooxaha jihaad doonka ah weerar ay xafiiska wargeyska Charlie Hebdo ku qaadeen waxaa lagu dilay 12 qof, iyaga oo kooxaha weerarkaasi soo qaaday ay sheegeen iney wargeyska weerarkaasi ugu qaadeen si ay ugu aarsadaan aflagaaddada Nabi Muxamad (NNKH) uu u geystay. The post AL-AZHAR oo ka jawaabtay weerarkii Emmanuel Macron uu ku qaaday ISLAAMKA first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa muddo kooban ka maqnaa cisbitaalka sii uu u soo salaamo taageerayaashiisa oo ku sugnaa bannaanka cisbitaalka lagu daweynayay. Madaxweyne Trump, ayaa ku jiray gaari madow waxaan la arkayey isaga oo afka xiran islamarkana taageerayaasha uga gacan hadiyay gaarigii uu ku jiray. Madaxweynaha ayaa mar sii horreysay bartiisaa Twitterka ku qoray in uu si kedis ah ula kulmi doono taageeraayiisha. Madaxweyne Trump, ayay ahayd markii ugu horeysay oo lagu arko meel fagaare ah tan iyo markii Jimcihii laga soo qaaday Aqalka Cad oo la dhigey isbitaalka ku yaal duleedka magaalada Washington. Muuqaal kooban oo maalin ka hor laga soo duubay, ayuu ku sheegay in caafimaadkiisu uusan wanaagsanayn markii la geeyay isbitaalka Walter Reed, balse haatan uu soo fiicnaanayo, islamarkaana rajaynayo in uu dhakhso u bogsado. Sidoo kale, wuxu u mahad celiyay dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadka ee isaga daweyntiisa ku howolan iyo hogaamiyeyaasha caalamka ee usoo diray farriimaha ay wanaagga iyo caafimaadka ugu rajeynayeen. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Trump oo taageerayaashiisa isbitaalka uga soo baxay appeared first on Puntland Post.
-
Kuwait (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Kuwait ee caasimadda Kuwait, isagoo ka qeybgelaya tacsida iyo ducada amiirkii dalka Kuwait ee dhawaan geeriyooday Sheikh Sabaax Alaxmed Alsabaax. Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Rooble uu berri booqan doono qabriga amiirka geeriyooday, sidoo kalena uu hambalyo u gayn doono amiirka cusub ee lagu beddelay amiir Sheekh Nawaf bin Al-Axmed Sabaax. Safarkan ayaa ah kii ugu horreeyey ee uu Rooble dalka uga baxo tan iyo markii xilkaas loo magacaabay. Sheikh Sabah ayaa geeriyooday 29-kii September, kadib muddo uu xanuunsanaa waxaana dalkaas lagu aasay isla maalinkii xigay ee 30-kii September. Waxaa uu ahaa 91 jir. Safarka ra’iisul wasaare Rooble ee Kuwait ayaa imanaya ayada oo weli uusan soo dhisin xukuumad cusub, taasi oo la filayo inuu ku dhowaaqo marka uu dalka kusoo laabto toddobaadkan. Hoos ka daawo Cawad oo ka warbixinaya safarka Rooble. The post Sidee R/W Rooble loogu soo dhoweeyey Kuwait? (Video iyo Sawirro) first appeared on Caasimada Online.
-
1. Amla The Indian gooseberry contains a range of polyphenols that are known to be excellent immunity boosters. Amla is also known as a great food for hair growth and skin health. You can have amla juice regularly or use it as pickle or murabba to accompany your meals. 2. Capsicum Capsicum is one of the most common vegetables that we use to cook meals – from various Indian dishes to a plethora of international dishes. Make sabzi, pasta, fried rice, sandwich and more such foods with this vegetable. Advertisement 3. Orange Orange is probably the most-sought after fruit for daily dose of vitamin C, and it rightly is. Juice it to have a glass of fresh orange juice every day or make desserts, salads or breakfast cereals with it. 4. Guava As the monsoon and winter start, guavas start swarming the vegetable markets. This nutrient-rich fruit comes at a time when building our immunity is even more crucial. So stock up guava in your kitchen and include it in your daily fruit serving. Advertisement 5. Papaya This super-healthy fruit is available all year-round; that means we can reap its benefits all the time for a healthy body and beautiful skin. 6. Lemon This is another food recommended by health experts to consume every day for vitamin C-fix. The best way to do it is by drinking lemon water/lemonade every day. You can also garnish your salads, snacks and meals with a dash of lemon juice. Qaran News
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Qubanaha-shabelle-04102020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradaha iyo Danjirayaasha Soomaaliya ee dibedda ayaa badankooda cabasho ballaaran ka muujiyey inaysan joogto u helin mushaharkooda iyo kharashaadka adeega socodsiinta howlaha xafiisyada. Ku dhawaad labaatameeyo iskugu jira danjirayaal iyo safaarado ayaa helin lacagahaasi, tan iyo dabayaaqadii sanadkii hore ee 2019 iyo bilo badan oo kamid ah sanadkan gaba-gabada ah ee 2020-ka, sida uu daaha ka faydayo nuqul ay heshay Caasimada Online, kaasi oo cabasho ahaan ugu qoreen Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya. “Annaga oo kala ah Danjirayaasha, Qunsulada guud iyo Sii-hayeyaasha Magacyadoodu hoos ku xusan yihiin waxaan kaa codsanaynaa in la inoo fududeeyo bixinta qarashka adeegga ama socodsiinta howlaha Xafiisyada (Running Cost)” ayaa lagu yiri waraaqda cabashada ah ee Safiiradu u gudbiyeen DF. “Mudane Wasiir, sida aad ka warqabtid labo rubuc ( two quarters) oo ka mid ah qarashaadkii 2019ka ayaa naga maqan oo ay shaqaaluhu nagu leeyihiin. Waxaa jira xaalado u gaar ah Safaaradaha aan ka howl galno oo aan xal loo heli karin haddii aan la helin kharashaadkaas”. Safaaradaha kharash la’aanta ka cabanaya ayaa waxa kamid ah: France, Turkey, Kenya, Uganda, Italy, South Africa, UAE, Saudia Arabia, Yemen, Russia, China, India iyo Malaysia. Sidoo kale danjireyaasha cabashadaasi xoogan u gudbiyay dowladda federaalka ayaa waxa ku jira Abukar Cusman Dahir oo ah Ergada Joogtada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, New York. Waxay si wada-jir ah uga dalbadeen Sii-hayaha wasiir arrimaha dibedda Soomaaliya iyo madaxda sarre ee dowladda, in joogto loo helo kharashaadka Safaaradaha iyo mushaharka danjireyaasha, iyada oo la tixgelinayo duruufta Covid-19 iyo caqabado ay sheegen inay hore u jireen. Waxaana xusid mudan in ku dhawaad lacag dhan 150-kun oo dollar, oo kharashaadka safaarada Faransiiska ee dowladda Soomaaliya weli aan la bixin oo lagu leeyahay dowladda federaalka. Arrintan ayaa keeni karta in hakad ku yimaado howlihii shaqo ee safaaradahaasi, maadama ay xiligan baadi-goobayaan kharashaad tiro badan oo laga gaabiyey bixintooda. Hoos ka aqriso Waraaqaha aanu helnay oo dhameystiran. The post 24 ka mid ah safaaradaha Soomaaliya ee caalamka oo soo qoray warqad xasaasi ah first appeared on Caasimada Online.
