Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Qubanaha-shabelle-06102020.mp3 View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad ka soo baxday wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ay baaritaan marsiin doonto dhamaan shaqaalaha ka howlgala xafiisyadda dowladda. Sida lagu cadeeyay warqadan baaritaankaas ayaa la xiriira ammaanka, waxaana lagu socodsiiyey dhammaan shaqaalaha dowladda, iyadoo la ogeysiiyey xafiisyada NISA, ra’iisul wasaaraha iyo kan madaxweynaha. Warqadan ayaa ku taariikhaysan 03-dii bishan October, waxaana ku saxiixan wasiirka wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa, iyadoo laga codsaday hey’adaha dowladda inay arrintaan baaritaanka ah kala shaqeeyaan hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka. “Waxaan si xushmad iyo qadarin leh uga codsanayaa dhamaan hey’adaha dowladda fedraalka inay la shaqeeyaan hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka oo baaritaan amni ku sameyn doonta, dhamaan shaqaalaha ka howlgala hey’adaha dowladda, iyagoo wareysi iyo diiwaan gelin intaba ku sameyn doona, si loo hubiyo bad-qabka amni ee la xariira shaqaalaha iyo xarumaha dowladda” ayaa lagu yiri qoraalka. The post Shaqaalaha DF oo la siiyey amar la xiriira hay'adda NISA first appeared on Caasimada Online.
  3. Madaxweynaha Hirshabelle, mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ka horyimid jadwalka doorashada ee ay maanta soo saareen guddiga farsamada ee soo xulista baarlamaanka 2-aad ee maamulkaasi. Waare ayaa sheegay in soo saarista jadwalkaas lagu deg-degay, islamarkaana aan lagala tashan. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in uu guddiga u baahan yahay dhameystir, islamarkaana lagu kordhinayo haween, kadibna tababaro la siinayo. Halkan hoose ka aqriso:- View the full article
  4. Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax laga soo buuxiyey gaari xamuul ah oo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay maanta ku fashiliyeen duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose. Qaraxaas ayaa la sheegay inay Al-Shabaab ku soo rareen gaari weyn oo Dheyne ah, isla markaana uu ku soo socday magaalada Muqdisho. Howlgalka lagu fashiliyey qaraxaas waxa uu ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana fuliyey ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Gor-Gor. Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaas ayaa sheegay in gaarigaas lagu qabtay degaan lagu magacaabo Walamooy oo u dhaw Afgooye, sidoo kale xubno ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgalkaas. Ismaaciil Siidoow oo Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Basro iyo seddax dagaalame oo ilaalo u ahaa ayey maanta dileen ciidamada militeriga Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiishu, intii ay ku jireen howlgalkaas. Maalmihii la soo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa militeriga ayaa howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday gobollada Shabeelooyinka, gaar ahaan deegaanada xiga caasimadda Muqdisho. The post Ciidamada DF oo qabtay gaari xamuul ah oo siday qaraxyo lagu baabi'i lahaa first appeared on Caasimada Online.
  5. Sii Hayaha wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta guddoomiyaya shirka wasiirada maaliyadda ee dowlada goboleedyada dalka iyo dowladda dhexe kaasi oo ku qabsoomay habka muqaalka fogaan arraga. Shirka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoogga loo saari lahaa hormarinta dhaqaalaha dalka iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhaxeeyso wasaaradda maaliyadda heer federaal iyo heer gobol. “Waxa markale inoo qabsoomay shirkii maaliyadda dalka ee u dhexeeyay wasiirada maaliyadda dowlad-goboleedyada iyo dowladda federal ka Soomaaliya.kaasi aan had iyo jeer diiradda ku saarnaa horumarinta dhaqaalaha dalka iyo wada shaqeynta.”ayuu yiri wasiir Beyle Sii hayaha wasiirka maaliyadda dalka Dr. cabdiraxmaan Ducaale bayle ayaa sheegay inay ka go’antahay in si wadajir looga wadashaqeeyo kobsinta dhaqaalaha dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kasoo horjeestay qoraal maanta kasoo baxay guddiga farsamada ee soo xulista baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle, kaas oo lagu sheegay in Baarlamaanka lagu soo xulayo laguna dhaariyo inta ka dhiban bishaan October 2020-ka sida lagu yiri qaraalka. Madaxweyne Waare ayaa qoraalka kasoo baxay ku sheegay inaan baahi loo qabin in Hirshabeelle lagu dhso si deg dega, waxaana uu xusay dhismihii maamulka hadda jira in laga soo maray dhibaatooyin badan afartii sano uu jiray, waxaana uu intaas raaiyey in ay muhiim tahay in la isku keeno waxgaradka iyo bulsha oo u baahan dib u heshiisiin. Halkaan Ka Akhriso Qoraalka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Ankara (Caasimada Online) – Ciidamada booliska dalka Turkiga ayaa gacanta ku dhigay sarkaal Ameerikan ah oo la sheegay inuu gacan saar la lahaa howl-galka midowga Afrika ee AMISOM, sida uu maanta baahiyay wargeyska Daily Sabah. Wargeyska ayaa sheegay in Mark John Xenakes oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Mareykanka, gaar ahaan gobolka Pennsylvania loo xiray in uu galay xuduud uusan ogolaansho u haysan. John ayaa diyaarad drones ah ku kiciyay goob uusan magacaabin wargeysku, balse ciidamada Turkigu u arkayeen xad-gudub, xili uu ku dooday inuusan ogeyn xaalada meesha uu diyaarada ku duuliyey. Warar kale ayaa sheegaya in goobta uu diyaarada ku duuliyey sarkaalkani ay tahay aag ciidan, oo aan loo ogoleyn in lagu duuliyo diyaaradaha dornes-ka ah. John ayaa intii lagu gudo jiray baarista waxa uu booliska u sheegay inuu la shaqeeyo shirkad duulimaadka qaabilsan, taasi oo qandaraas ka haysata ciidamada Mareykanka. Sidoo kale waxa uu qirtay inuu sarkaal dhanka isgaarsiinta ah uu ka yahay howl-galka AMISOM, maadama ay shirkada uu ka tirsan yahay ay wada-shaqeyn ka dhaxeyso midowga Afrika. Xenakes ayaa dib u helay xoriyadiisa saacado badan kadib, iyada oo lagu soo rogay bixinta lacag ganaax ah oo cadadkeeda aan si dhab ah loo shaacin. Dowladda Ankara ayaa inta badan ganaax lacageed oo culus dul dhigta dadka drones-ka ku duuliya goobaha aan la ogoleyn, midaasi oo looga hortagayo khataro amni oo ka dhalan kara. The post TURKIGA oo xiray sarkaal Mareykan ah oo AMISOM la shaqeeya iyo sababta first appeared on Caasimada Online.
  8. Ciidanka ammaanka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa maanta ganata ku dhigay rag lagu eedeynayey iney ka gacnacsadaan caruurta yar yar, Raggaan oo labo ruux ahaa ayaa ciidamadu qabteen xili ay ku sugnaayeen bosteeda laga raaco gaadiidka, waxaana xiligaas ay wadeen gabar yar oo maalmo lagu la’aa degmada iyagoo doonayey in ay gaari lasoo raacaan. Saraakiil ka tirsan ciidamada ayaa sheegay in raggaan ay qirteen in ay ka tirsan yihiin shabakad ka shaqeysa ka ganacsiga caruurta, waxaana haatan lagu xiray saldhigga degamada sida ay sheegeen laamaha aminga. Raggaan maanta lagu qabtay Afgooye ayaa sidoo kale qirtay in gabadha yar ee lagu qabtay soo qafaalitaankeeda ay ku soo qaateen lacag, taas oo cadadkeeda ay dhan tahay 500$. Gudaha dalka ayaa muddooyinkii dambe waxaa aad ugu badnaa caruurta yar yar ee lawaayo iyadoo dhowaan sidaan oo kale loo qabtay dumar sheegay in ay ka la shaqeeyaan ka ganacsiga caruurta yar yar. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka labaad ee maamulka Hirshabeelle ayaa soo saaray jadwalka soo xulista xildhibaannada iyo hannaanka doorashada sida lagu xusay qoraal ka soo baxay guddiga oo maanta la soo saaray. Guddiga ayaa sidoo kale qoraalka ku xusay in soo xulista xildhibaannada baarlamaanka ay bilaaban doonto 21-ka bishaan October 2020-ka ayna ku egtahay 25-ka isla bishaan October. Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada Cusub ayaa la qorsheeyay inya dhaceyso 31-ka bishaan Octoober, waxaan kulanka koowaad ee Baarlamaanka uu dhici doonaa 1-da bisha soo socota ee November 2020-ka. Halkaan Ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Habeen-06102020.mp3 View the full article
  11. Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in gobolka Shabeellaha hoose howlgal ay ka fuliyeen lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-shabab, sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha ururka 143-aad ee xoogga dalka. Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo la hadlay Idaacada Ciidamada ayaa sheegay in Howlgalka lagu dilay Abaandulihii ahaana madaxii Howgalinta Al-Shabaab iyo Madaxii zakawaadka ee gobolka Shabeellaha hoose. Labada horjooge ayuu Taliye Axmed waxa uu Magacyadooda ku kala sheegay Ciise tima weyne oo ku magac dheer Abuu dheere waxa uuna Al-Shabaab u qaabilsanaa Xilka Abaandullaha Howlgalinta iyo Qooreey oo Al-shabaab u qaabilsanaa zakawaadka gobolka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Awdheegle (Caasimada Online) – Isku dhac u dhaxeeya maleeshiyaad ka wada tirsan xarakada Al-Shabaab ayaa lagu warramay in saacadihi la soo dhaafay uu ka dhacay qeybo kamid ah gobalka Shabeellada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Qaar ka mid ah saraakiisha Milateriga Soomaaliya ee ku sugan Awdheegle iyo Marka ayaa sheegay in isku dhac u dhaxeeya dagaalamayaasha Al-Shabaab uu xalay ka dhacay degaanka Biyamaalow oo ka tirsan Shabeellada Hoose. Maleeshiyaadka Xisbada iyo kuwa Jabhada oo kawada tirsan Al-Shabaab ayuu dagaalka u dhaxeeyey lamana oga sababta rasmiga ah, hase waxaa jira inuu ka dhashay muran dhaxmaray labada maleeshiyo askar ka tirsan. Iska hor imaadkaan ayaa la sheegay inuu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah waxaana sidoo kale jira cabsi uu degaanka ka abuuray. Saraakiisha ciidanka Milateriga Soomaaliya ayaa warbaahinta gudaha ee Muqdisho u sheegay in Al-Shabaab ay iska dileen maleeshiyaad dhowr ah. Kooxda Al-Shababa weli kama aysan hadal dagaalkan. Sidoo kale ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta warka saraakiisha dowladda. The post 'Dagaal dhex-maray' laba ka mid ah garabyada Al-Shabaab first appeared on Caasimada Online.
  13. At least eight people were seriously injured in a gun attack on a passenger bus in northeastern Kenya on Tuesday, local media reported. According to the Daily Nation newspaper, a 58-seater bus heading from Mandera town to the capital Nairobi came under attack near the city of Daba. It said the attack was believed to have been carried out by the Somalia-based al-Shabaab group, which is affiliated with al-Qaeda. Joshua Kitakwa, the deputy commissioner of Mandera County, confirmed the attack and said there were no reports of fatalities so far. At least four people are in critical condition in hospital, according to a source cited in the report. A police officer, who requested anonymity due to restrictions on speaking to the media, told Anadolu Agency that teams have been deployed to hunt down the gunmen. The attack came ahead of a court ruling against three people accused of facilitating al-Shabaab’s deadly 2013 attack on the Westgate mall in Nairobi, which claimed at least 67 lives. View the full article
  14. Somali National Army (SNA) on Tuesday killed 10 al-Shabab militants including two senior officials after conducting operation in several locations near Barire town in Lower Shabelle region, southern Somalia, officials said. SNA Army commander in the area, Ahmed Hassan Siyad, told the military’s Radio Mogadishu that the forces also liberated several locations bordering the Middle Shabelle region. He did not comment if there were casualties on the SNA side. The government forces have intensified operations against al-Shabab extremists in the southern regions, but the militants are still hiding in the rural areas of those regions, conducting ambushes and planting landmines. View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si adag uga soo horjeestay bayaankii ay maanta faafiyeen guddiga farsamada soo xulista Baarlamaanka labaad ee maamulka. Waare wuxuu soo saaray waraaqad uu ku naqdinaayo go’aankii guddiga farsamada isagoo aaminsan in guddiga uusan wakhtigaan shaqo galin maadaama uu yahay qabyo, isal markaana ay ka maqan tahay qoondada haweenka. Sidoo kale warqadda kasoo baxday madaxweynaha waxaa lagu sheegay dhawr caqabad oo ku horgudban shaqada guddiga, waxaana ka mid ah ineysan jirin awood siin iyo tababar loo sameeyay guddiga, sidoo kalana ay qiimeyn u baahan tahay marxaladda guud ee Hirshabelle iyo in laga jawaabo tabashooyinka ay qabaan beelaha qaar Si kastaba qoraalka lasoo saaray oo ka kooban laba warqadood ayaa la baahiyay, waxaana ugu dambeyntii lagu sheegay in jadwalka maanta lasoo saaray uu ahaa mid aan laga tashan isla markaana aan ka turjumi karin xaqiiqda Hirshabelle. HALKAAN KA AKHRISO WARQADDA KASOO BAXDAY MADAXWEYNAHA: The post Madaxweyne Waare oo ka soo horjeestay jadwalka doorasho ee lagu dhawaaqay first appeared on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa qaaday tallaabo keeni karta in heshiiskii doorashada ee dhowaan la gaaray uu dhanka Jubaland ka burburo. Axmed Madoobe oo maanta furay kal-fadhigii saddexaad ee golaha wakiilada maamulkaasi, ayaa khudbad uu ka jeediyay waxa uu kaga hadlay xiisadda gobolka Gedo, wuxuuna isku xiray xiisadda gobolka iyo qabsoomidda doorashada ee gobolkaas. Axmed Madoobe ayaa qaba in xal laga gaaro arrimaha xiisada gobolka Gedo oo ay si weyn iskugu hayaan dowladda dhexe iyo maamulkiisa, ka hor inta aan la galin doorashada xildhibaanada federaalka. Wuxuu kale oo uu wacad ku maray inaysan doorasho ka dhaceyn deegaanka gobolkaasi looga asteeyay inay ka dhacdo doorashada, haddii aysan dowladda federaalku kala bixin ciidmadeeda ka jooga gobolka Gedo. Magaalada Garbahaarey ayaa ka mid ah laba magaalo oo Jubaland ah oo loo asteeyey doorashada, ayada oo magaalada labaad ay tahay Kismaayo. Hadalkan ayaa imanaya xili la filayay in xal laga gaaray xiisada Gedo, oo ugu horeyntii uu miiska wada-hadalka uu Farmaajo ula tagay Axmed Madoobe, inkasta oo aysan si dhan ah u cadeyn qoddobada la iskala meel-dhigay xal ka gaarida xiisadaasi. Arrintan ayaa sidoo kale markale dib u istaadhi karta xiisada dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland oo muddooyinkii dambe u muuqatay mid xal laga gaaray. Axmed Madoobe ayaa ugu sheegay inuu xal u raadinayo dhibaatada ka taagan gobolka Gedo, isla markaana uu ogol yahay inuu wada xaajood la galo cidkasta oo xiisadaasi ku lug leh, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay dowladda federalka. Axmed Madoobe ayaa degenaan la’aanta gobolka Gedo iyo xal ka gaarid la’aanta xiisadaasi dusha u saaray dowladda federaalka oo uu sheegay in dhinaceed uu ka jiro gaabis badan. Madaxweynaha ayaa waxa kale oo uu si weyn u bogaadiyay dadaalka ay wado Wasaarada Arimaha gudaha Jubaland ee lagu dhisayo golaha deegaanka degmooyinka, isagoona xusay in dhawaan la bilaabi doono dhismaha golayaasha deegaanada degmooyinka gobolka Gedo. The post Heshiiskii doorashada oo muran uu soo galay kadib shuruud cusub oo uu la yimid Axmed Madoobe first appeared on Caasimada Online.
  17. At least eight travellers were injured Tuesday when suspected Al-Shabaab militants sprayed a bus with bullets in Mandera South. Source: Hiiraan Online
  18. There was tight security at Milimani Law Courts on Tuesday ahead of the judgement of three Westgate terror suspects. Source: Hiiraan Online
  19. HARGEISA (HOL) - The Upper House in Somaliland has approved electoral recommendations agreed to by political parties in what could now see new MPs elected for the first time since 2005. Source: Hiiraan Online
  20. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta furay Kal-Fadhiga Sadexaad ee Golaha Wakiilada maamulka Jubaland, Madaxweynaha ayaana munaasabadda furitaanka ka jeediyey Khudbad, taas oo uu uga hadaly dhinacyo badan oo xaaladda jubbaland ah. Ugu horayn Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada uga warbixiyay Xaalada Jubaland isagoo sheegay in mudo hal sano ah ay kasoo wareegtay Markii dib loo doortay sababta uu ilaa hada Xukuumada usoo dhisi la’yahayna ay tahay in uu raadinayo Midnimo iyo wadajir Jubaland oo dhan ah taas oo ilaa hada guulo la taaban karo laga gaaray. Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in hada wixii ka danbeeya uu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo ka *****sa himilooyinka Shacabka iyo filashada ay ka qaban Dowladooda. Wuxuu intaas ku daray Madaxweynahu in dhibaatada ka taagan Gobolka Gedo ay tahay waxa ilaa hada uu raadinayo sidii xal looga gaari lahaa isla markana uu albaabada u furay cid walba oo arintaas ku lug leh gaar ahaan Dowlada Federaalka balse ilaa hada ay dhinacooda waxba ka socon la’yihiin. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka ay wado Wasaarada Arimaha gudaha Jubaland ee lagu dhisayo golaha deegaanka Degmada Afmadow isagoo xusay in sidoo kale la bilaabi doono dhismaha golayaasha deegaanada Degmooyinka kale gaar ahaan Gobolka Gedo Madaxweynaha ayaa sheegay in Arimaha Doorashooyinka heer Federaal laga gaaray heshiis dhab ah kaas oo dhabaha u xaaraya sidii dalka uu ugu jihaysan lahaa Doorashooyinka 2020/2021 taas oo ah wado aan la dhaafi Karin oo Sal iyo Tariikh lagu yaqaano ah Dowladnimadeena in afartii sanaba hal mar ay dhacdo Doorasho dalka u jigaysa wadada Hormarka. Waxaa kale oo Madaxweynahu uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in kahor Doorashada Xildhibaanada Federaalka ah xal laga gaaro Arimaha u dhexeeya Dowlada Federaalka ah iyo Jubaland oo ay ugu weyn tahay arinta Gedo wuxuu intaas ku daray Madaxweynahu in iyadoo ayna Gobolka tagin Maamulka Gobolka Wasaarada Arimaha gudaha Jubaland Dowlada Federaalka ahna aanay Ciidamadeeda kala bixin Gobolka ayna dhici karin Doorashada Xildhibaanada qaybta loo asteeyay Magaalada Garbohaareey. Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Golaha Wakiilada Jubaland shaqooyinka waxtarka leh ee ay hayaan isagoo si rasmi ah u furay Kal-fadhiga Sadexaad ee Golaha Wakiilada Jubaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah ayey miino kula qaraxday inta u dhaxeysa deegaanka Basra iyo degmada Balcad sida ay sheegayaan wararka halkaas ka imaanaya. Dad goob joogayaal ah ayaa soo tabiyay in qaraxa uu sababay khasaaro xoog leh oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira, walow aan la helin xog rasmi ah oo ku saabsan inta uu la egyahay. Gaariga ay saarnaayeen dadka shacabka ah waxaa la sheegay inuu ka baxay magaalada Muqdisho isla markaana kusii jeeday magaalada Jowhar. Deegaanada gobolka Shabeelada Hoose waxaa ka socday mudooyinkii ugu dambeeyay baacsi ay ciidamada dowladda ku hayaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee xiriirka la leh kuwaas oo ku xoogan gobolka oo dhan. View the full article
  22. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa Dalka Itoobiya ka socdey Dagaal Siyaasadeed oo u dhexeeya Adis Ababa iyo Gobolka Tigray kasoo ka dhashay Doorashadii Gobolkaas ay qabsadeen [...] The post Gobolka Tigray oo Dhaaciyay inay San ka tirsanayn Federaalka Itoobiya appeared first on . Source
  23. Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeya ayaa maanta furay munaasabad lagu daah furayo geedi socodka hirgelinta adeegga warbaahinta dadweynaha sida uu dhigayo xeerka saxaafada ee uu dhawaan saxiixay Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo. Wasiirka ,ayaa ku dhawaaqay in hada waxii ka dambeeyay ay warbaahinta dowladda loo bedelay nidaamka adeega dadweynaha,halkaasi oo ay soo xaadireen ururada bulshada,ururada saxaafada iyo qaar ka mid ah hogaamiyaasha xisbiyada siyaasada dalka, “Warbaahinta dowladda waa inay ushaqeysaa sida kuwa caalamka waana u adeegi jirtay shacabkeed hase ahaatee cid walbo oo bulshada ka mid ah oo ka shaqeyneysa danaha dalka fikirkeeda waa gudbineynaa waana sababta uu madaxweyne Farmaajo uu u ogolaaday ayuu yiri wasiir Maareeye Xubanaha ururada saxaafad,bulshada rayidka iyo xisbiyada ayaa soo dhaweeyay hase ahaate waxa ay ugu baaqeen hogaanka wasaaradda warfaafinta inay ka dhabeeyaan hirgalinta adeegga warbaahinta dadweynaha. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa hore u saxiixay xeerka saxaafada, kaas oo kasoo gudbay labada Aqal ee Baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya oo ay soo diyaarisay wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya. View the full article
  24. Addis Ababa (Caasimada Online) – Xubnaha xilalka ka haya dowladda dhexe ee kasoo jeeda Tigrayga ayaa dhamaantood lagu amray inay iska casilaan xilalkaasi, kuwaasi oo ay qeyb ka yihiin xildhibaannada deegaankaasi ka soo jeeda ee ku jira federaalka. Ismaamulka Tigray-ga waxa uu shaaciyey inaysan aqoonsaneyn Baarlamaanka Federaalka (Golaha Shacabka iyo Golaha Federaalka) kadib markii uu wakhtigooda ka dhamaaday shalay oo ahayd 5-ta October. Maamulka Tigrayga ayaa intaas ku daray inaysan la shaqeyn doonin xukuumada Ra’isal wasaare Abiy Ahmed, waxayna sheegeen inay lasii shaqeyn doonaan Militariga iyo Golaha Garsoorka Itoobiya oo kaliya! Amarkaasi ayaa sida la sheegayo waxa uu kasoo baxay xisbiga xoreynta shacabka Tigreyga (TPLF), kadib markii ay iskugu yimaadeen kulan ay kaga arrinsanayaan xaalada guud. Kulankaasi ayaa qeyb ka ahaa qorshe socda, kaasi oo lagu rabo in Tigraygu uu gebi ahaanba uga baxo dowladda federaalka, oo uu muddooyinkii dambe uu kala dhaxeeyay khilaaf xoogan, wuxuuna arrinkan saameyn doona xubnaha ku magaacaban xilalka dowladda dhexe, golayaasheeda wakiillada shacabka iyo golaha Federeeshinka. Getachew Reda, oo ka mid ah xubnaha guddiga fulinta ayaa sheegay in go’aankan uu daba socdo muddo xileedka dhamaaday ee baarlamaanka Itoobiya, kaasi oo ku ekaa maalintii shalay. Wuxuu ku doodaya in xukuumadii uu soo dhisay baarlamaankaasi ay hadda tahay sharci darro, maadama uu dhamaaday muddo xileedkooduu oo ahaa shan sanno. “Kulanka wadajirka ee sanadka 6-aad oo ay maalinti shalay ahayd ku yeesheen magaalada Addis Ababa xubnaha labada aqal ku matala deegaanka Tigrayga kama aysan qayb gelin,” ayuu yiri Wuxuu intaas kusii daray “Xildhibaannada deegaanka Tigrayga ka soo jeeda waxaa loo sheegay iney kulankaasi isaga baxaan. Baarlamaanka oo keli ah ma aha waxa amarka la siiyey, balse dhammaan xubnaha deegaanka Tigreega ugu jira qaab dhismeedka dowladda dhexena sida oo kale ayaa lagu amray.” Arrintan ayaa dab kusii shidi karta xiisada ka dhaxeysa dowladda federaalka iyo Tigrayga, inkasta oo ay si dhab ah u cadeyn in xubnaha la faray is casilaada ay fulin doonaan. The post Maamulka Tigrayga oo ka baxay dowladda Ethiopia first appeared on Caasimada Online.
  25. Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland (bidix) madaxweynaha Jubbaland iyo ku xigeenkiisa labaad Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shuruud adag ku xiray doorashada xildhibaanada federaalka ee la qorsheeyay inay ka dhacdo magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo. Axmed Madoobe oo maanta hadal ka jeediyay furitaankii kal-fadhiga saddexaad ee Golaha Wakiillada Jubbaland ayaa sheegay in iyadoo aysan ciidamada Dowladda Federaalka ka bixin gobolka Gedo, sidoo kale aysan tegin maamulka gobolka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland aysan dhici karin doorashada xildhibaanada qaybta loo asteeyay magaalada Garbahaarey. Madaxweynaha Jubbaland ayaa codsday in kahor doorashada xildhibaanada federaalka, xal laga gaaro arrimaha u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Jubaland oo ay ugu weyn tahay arrinta Gedo. Habraacii doorashada ee dhawaan soo saareen madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa lagu sheegay in 16 xildhibaan lagu dooran doono magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dhowr jeer ka wadahadlay sidii loo xalin lahaa khilaafka mudada soo jiitamayey ee DFS iyo Jubbaland, basle wadahadaladaas laguma guuleysan. Xiisad siyaaseed iyo mid amni oo u dhexaysa Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaa muddo ka taagnayd gobolka Gedo, taas oo sababtay barakac shacab. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo shuruud adag ku xiray doorasho xildhibaano federaal oo ka dhacda Garbahaarey appeared first on Puntland Post.