-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hoobiyeyaal Lagu Weeraray Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa tiro Hoobiyeyaal ah oo habeenkii xalay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabab ay ku wareerareen garoonka diyaarada Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Madaafiicda ku dhacda gudaha iyo hareeraha garoonka ayaa lagu sheegay ine gaarayeen ilaa 5 hoobiye , waxaana inta la xaqiijiyey madaafiicdaas uu dhaacwac kasoo gaaray labo ruux oo shcab ah. Ciidamada AMISOM eek u sugan garoonka diyaaraha ee Jabuuti iyo Itoobiya ayaa saaka howlgallo ka wada duleedka garoonka diyaarada Dhuusamareeb, iyagoo baadi goobayo raggii xalay weerarka geystay. Al-shabab ayaa dhowr jeer weerro kala duwan waxaa ay kusoo qaadeen garoonka diyaarada magaalada Dhuusamareeb, waxaana inta badan ay iska cabin kala kulmaan ciidanka AMISOM ee ilaaliyo garoonka. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
SEATTLE, Washington — After a severe drought in Somalia in 2016, 40% of the country’s population was left in a state of food insecurity. With 75% of Somalis relying on agriculture for daily food intake, even a small drought can have a detrimental effect on local quality of life. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka falceliyay heshiiskii madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ee dhigayay in murashaxii doonaya inuu isu soo sharxo xubinnimada labada aqal ee baarlamaanka laga doonayo lacag dhan 10 kun iyo 20 kun. Xasan Sheekh ayaa sheegay in taasi ay la macno tahay qofkii aan lacagtaas heysan inuusan ka qeyb geli karin siyaasadda dalka iyo hay’addaha dastuuriga ee dalka yeelan doono. Xasan SHeekh oo wareysi siiyay telefishinka Somali Cable ayaa sheegay in tallaabadaasi ay horseedi doonto in qofkii dhaqaale haysan uusan ka qeyb geli karin siyaasadda, taasina ay tahay arrin aan la fahmi karin oo dowladda looga baahan yahay inay qeexdo. “Anigu ma qabo in arrintaasi ay tahay wax fiican, doorashadii hore annagu wax badan ayaa nagu qasbay in halkas la geeyo, ee raali kama aheyn, markaad tiraahdo murashax walba oo in la doorto rabo, 20 kun dollar diiwaan gelin ayuu bixinayaa, macnaheedu waxay tahay nin kastoo muwaadin ah oo 20 kun haysan ma is sharaxi karo, waxna ma noqon karo, arrintaasina ma ahan arrin sax ah, wax kalifayana ma garan karo, dowladda ayaa laga rabbaa inay dadka u sharaxdo, muwaadinka xuquuqdiisana in lacag lagu xero ma ahan qofkii lacag heysan siyaasadda kama qeyb geli karo ayey la macno tahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo tilmaamay in doorashadii hore doorashada madaxweynaha 20 kun aheyd, haadana xildhibaankii laga doonayo 20 kun. Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in dad badan ay shuruudaasi ay ugu hari doonaan ka qeyb-galka doorashooyinka iyo siyaasadda. Mudanayaashii baarlamaanka ee 2016-kii la doortay ayaa laga qaaday Aqalka Hoose iyo kan sare 10-kun Dollar halka haweenka 5-kun laga qaaday, halka murashaxiinta madaxweyne laga qaaday 20-kun. The post Xasan Sheekh oo ka hor-yimid qodobka ugu adag ee ku jira heshiiska doorashada first appeared on Caasimada Online.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Guddiga Farsamo ee soo xulista baarlamaanka labaad ee dowlad gobaleedka HirShabeelle ayaa shalay soo saaray Jadwalka doorashada ee baarlamaanka maamulkaas iyo guddoonkaba. Jadwalkaan ayaa ka bilaabanaya 8-da bishaan, waxa uuna ku egyahay ilaa 5-ta Bisha November ee sanadkaan, markaas oo ay dhici doonto, sida Jadwalka ku cad, doorashada guddoonka baarlamaanka 2-aad ee dowlad gobaleedka HirShabeelle. Jadwalka ay soo saareen guddiga farsamada ee soo xulista baarlamaanka HirShabeelle ayaa wajahaya afar caqabood oo waa weyn, kuwaas oo la aaminsan yahay in qaarkood uu ka dhaqaaqi karin. Caqabadaha ayaa kala ah: 1) – Wadashaqeynta Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo aan wanaagsaneen iyo khilaaf hoose oo u dhaxeeya xubnahaan kaas oo laga cabsi qabo inuu banaanka usoo baxo saacadaha ama maalmaha soo aadan. 2) – Beelaha daga HirShabeelle, gaar ahaan Abgaal iyo Xawaadle oo isku waafaqsaneen beesha u tartami karta kursiga Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Abgaal ayaa raba in ay noqdaan sanadkaan Madaxweynaha HirShabeelle halka Xawaadle diidan yahay. 3) – Amaanka HirShabeelle oo aad u hooseeyo, waxaana jira cabsi badan oo ah in Al-Shabaab weeraro ka fulin karaan Jowhar iyo magaalooyin kale, waxaana sidoo kale Jowhar lagu tagi karin gaadiid. 4) – Qaar kamid ah siyaasiinta xilka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka raadinaya ayaa sidoo kale kalsooni ku qabin guddigaan waxayna cabsi ka qabaan in aysan dhicin doorasho loo siman yahay. Caqabadahaan ayaa ah kuwa ugu waa weyn ee uu wajahayo Jadwalka ay shalay soo saareen guddiga farsamada lamana oga sida ay ugu gudbin doonaan. The post Loolanka Abgaal iyo Xawadle iyo afar caqabad oo hor-taagan jadwalka doorasho ee maamulka HirShabelle first appeared on Caasimada Online.
-
Taliska Ciidamada Milateriga Soomaaliya, ayaa shaaciyay in ay weerar qorshaysan ku dileen Abbaan-duulihii Hawlgelinta Xoogaga Al-shabaab iyo xubno kale oo ka tirsan Ururkaasi. Wakaaladda Wararka SONNA, oo xiganaysa saraakiil ka tirsan Taliska Milateriga Soomaaliya, ayaa sheegtay in xubnaha lagu dilay weerar qorshaysan oo Ciidamadu ka fuliyeen nawaaxiga Degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellada Hoose. Abbaan-duulihii Hawlgelinta Xoogaga Al-shabaab Horjooge Ciisa Tima-weyne iyo Madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa Sakawaadka Gobolka Shabeellada Hoose, oo magaciisa lagu koobay Horjooge Qooreey iyo 10 dagaallame oo kale ayaa lagu dilay weerarka sida ay sheegtay SONNA. Balse, dhinaca Al-shabaab weli kama hadlin sheegashada dowladda, islamarkaana ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay warkaasi. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dishay Abaan-duulihii Hawlgelinta Al-shabaab iyo xubno kale appeared first on Puntland Post.
-
The number of people hit by seasonal flooding in East Africa has increased more than five fold in four years, according to UN figures. Source: Hiiraan Online
-
Mohamed Abdi Ali and nine other men wade out every day into the middle of the flowing river Dawa in southern Somalia’s Gedo region to collect sand from the riverbed. Source: Hiiraan Online
-
Turkiga oo xidhay Sarkaal Mareykan ah oo AMISOM la shaqeeya+Sababta Ciidamada booliska dalka Turkiga ayaa gacanta ku dhigay sarkaal Ameerikan ah oo la sheegay inuu gacan saar la lahaa howl-galka midowga Afrika ee AMISOM, sida uu maanta baahiyay wargeyska Daily Sabah. Wargeyska ayaa sheegay in Mark John Xenakes oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Mareykanka, gaar ahaan gobolka Pennsylvania loo xidhay in uu galay xuduud uusan ogolaansho u haysan. John ayaa diyaarad drones ah ku kiciyay goob uusan magacaabin wargeysku, balse ciidamada Turkigu u arkayeen xad-gudub, xili uu ku dooday inuusan ogeyn xaalada meesha uu diyaarada ku duuliyey. Warar kale ayaa sheegaya in goobta uu diyaarada ku duuliyey sarkaalkani ay tahay aag ciidan, oo aan loo ogoleyn in lagu duulo John ayaa intii lagu gudo jiray baadhista waxa uu booliska u sheegay inuu la shaqeeyo shirkad duulimaadka qaabilsan, taasi oo qandaraas ka haysata ciidamada Mareykanka. Sidoo kale waxuu qirtay inuu sarkaal dhanka isgaadhsiinta ah uu ka yahay howl-galka AMISOM, maadama ay shirkada uu ka tirsan yahay ay wada-shaqeyn ka dhaxeyso midowga Afrika. Xenakes ayaa dib u helay xoriyadiisa saacado badan kadib, iyada oo lagu soo rogay bixinta lacag ganaax ah oo cadadkeeda aan si dhab ah loo shaacin. Dowladda Ankara ayaa inta badan ganaax lacageed oo culus dul dhigta dadka drones-ka ku duuliya goobaha aan la ogoleyn, midaasi oo looga hortagayo khataro amni oo ka dhalan kara. Qaran News
-
Beirut (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa dhowr jeer booqasho ku tegay Israel dhowaanahan, waxaa sidaas shaaciyey mid ka mid ah TV-yada ugu afka dheer Bariga Dhexe. Warka ku saabsan booqashooyinka Maxamed bin Salmaan ayaa waxaa weriyey taleefishinka Al Mayadeen ee Lebanon, oo la hadlay sarkaal sare oo horey uga tirsanaa sirdoonka Israel, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin. “Warbixino ayaa sheegaya in Maxamed bin Salmaan uu dhowr jeer ku raaxeystay cad-ceedda Tel Aviv,” ayuu yiri sarkaalka horey uga tirsanaa hay’adda Shin Bet ee amniga gudaha Israel, oo la hadlay taleefishinka. Mid ka mid ah booqashooyinka Bin Salmaan ee Tel Aviv ayaa la rumeysan yahay inay dhacday bishii October 2017. Sacuudi Carabiya ayaa dhowaan diiday inay si rasmi ah u cambaareyso xiriirka dhex-maray Israel iyo Imaaraadka Carabta. Si kastaba Sacuudia Carabiya waxay sheegtay inaysan xiriir la sameysan doonin Israel, inta laga helayo dal Falastiin. Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga Amiir Feysal bin Farhan Al Saud waxaa uu yiri “Waa in nabad lala gaaraa Falastiiniyiinta, taasi oo ku saleysan heshiisyadda caalamiga ah, sidoo kalena shuruud u ah hagaajinta xiriirkeena.” Sacuudi Carabiya waa qaadimka labada Xaram ee barakeysan, wayna ku adkaan doontaa xiriir rasmi ah oo ay la yeelato Israel, si ka duwan Imaaraadka Carabta iyo Bahrain oo sidaas sameeyey, waxaase la rumeysan yahay inuu jiro xiriri qarsoodi ah. Fallanqeeyayaasha siyaasadda Bariga Dhexe ayaa sidoo kale rumeysan in Imaaraadka Carabta iyo Bahrain aysan ku dhiiradeen xiriir Israel, haddii aysan raali ka ahayn Riyadh. The post Maxamed Bin Salmaan 'oo booqasho ku tegay' Israel first appeared on Caasimada Online.
-
Maxamed Bin Salman oo dhowr jeer qarsoodi ku tagay Israa’iil’ Mohammed bin Salman is now the heir to the Saudi throne Dhax sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, ayaa dhawaanahan dhowr jeer booqasho ku tagay Israa’iil, sida ay tabiyeen warbaahinta Bariga Dhexe. Dadka indhaindheeya xaaladda gobolkaas ayaa aaminsan in xiriir qarsoodi ah uu horay uga dhaxeeyay Sacuudiga iyo Israa’iil, laakiin ilaa hadda ma jiraan safarro la xaqiijiyay ilaa hadda. Warka ku saabsan Booqashooyinka qarsoodiga ah ee Maxamed Bin Salmaan waxaa laga shaaciyay Al Mayadeen TV, oo la hadlay saraakiil ka tirsan laamaha amniga Israa’iil. Hase yeeshee lama magacaabin saraakiisha reer Israa’iil ee telefishinka laga wareystay. “Warar la xidhiidha arrimaha dibadda ayaa sheegay in Maxamed Bin Salmaan uu ku istareexay qorraxda magaalada Tel Avid, dhowr jeer,” ayuu telefishinka ku yiri sarkaal horay uga tirsanaa hay’adda amniga Israa’iil ee lagu magacaabo Shin Bet. Warbaahinta Iran ayaa sidoo kale aad u hadal heysa sheekadan. Sacuudiga ayaa lagu yaqaannaa in uusan Israa’iil u dhaleeceynin sida ay u dhaliilaan Iiraan iyo Turkiga. Maxamed Bin Salmaan ayaa loo arkaa inuu daaha gadaashiisa ka maamulo Boqortooyada Sacuudiga Waxaa loo arkaa Maxamed Bin Salmaan inuu yahay ninka wakhtigan ugu awoodda badan Sacuudiga Marka la eego Sacuudiga dibaddiisa, dad kooban ayaa yaqaannay magaca Maxamed Bin Salman Aala Sucuud, ka hor inta uusan aabihiis boqorka noqonin sannadkii 2015-kii. Balse hadda, 33 jirkan dhaxal sugaha boqortooyada ah waxaa loo aqoonsan yahay inuu yahay qofka rasmiga ah ee gacanta ku haya maamulka waddanka dhoofiya saliidda ugu badan ee caalamka. Wuxuu hantay qalbiyada hogaamiyeyaasha reer galbeedka ka dib markii uu ku dhaqaaqay tallaabooyin uu isbaddallo uga sameeyay Sucuudiga, oo ah waddan sharci adag, waxaana isbadalladaas ka mid ahaa xayiraaddii uu ka qaaday gaari wadista dumarka iyo dadaalkii uu ku raadinayay sidii loo ballaarin lahaa dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha. Laakiin waxaa si weyn loogu dhaliilay arrimo ay ka mid yihiin:- Dagaalkii uu ku qaaday dalka dariska la ah ee Yemen, kaasoo sababay xadgudubyo waaweyn oo bani’aadannimo. Inuu billaabay muranka siyaasadeed ee Qadar iyo Sucuudiga, oo kala qeybiyay midnimadii golaha iskaashiga khaliijka ee (GCC). Inuu xoojiyay howlgalka adag ee ka dhanka ah dadka ka soo horjeeda siyaasadda Sucuudiga. Qoraalka sawirka,Hoteelkan oo ah mid loogu tala galay raaxada waxaa bilooyin ku xirnaa amiirro uu Maxamed Bin Salmaan xarigooda amray Xitaa waxaa isa soo taraya talooyinka ku saabsan in laga baddalo xilka uu hayo ee ah dhaxal sugaha boqortooyada, wixii ka dambeeyay markii uu soo shaac baxay dilka Jamaal Khaashuqji oo ahaa wariye caan ah oo ka soo horjeeday siyaasadaha Sucuudiga. Xubno ka tirsan sirdoonka Sucuudiga ayaa la rumeysan yahay in ay Khaashuqji ku dileen gudaha qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, horraantii bishan Oktoobar ee 2018-ka. Waa kuma Maxamed Bin Salmaan (MBS) Maxamed Bin Salmaan wuxuu magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga ku dhashay 31-kii bishii Agoosto ee sannadkii 1985-kii. Wuxuu ahaa wiilka curadka ah ee uu dhalay boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis Aala Sucuud oo xilliga uu Maxamed dhalanayay ahaa mid ka mid ah dhaxal sugeyaasha boqortooyada. Hooyadiis waa xaaska saddexaad ee boqor Salmaan, waxaana lagu magacaabaa Fahdah bint Falah bin Sultan. Ka dib markii uu shahaadada 1aad ee waxbarashada jaamacadeed ka qaatay Jaamacadda King Saud ee ku taalla magaalo madaxda Sucuudiga ee Riyaad, wuxuu ka soo shaqeeyay hay’ado kala duwan oo ay leedahay boqortooyada. Sannadkii 2009-kii, waxaa loo magacaabay inuu la taliye khaas ah u noqdo aabihiis, oo xilligaas ahaa Duqa magaalada Riyaad. Maxamed Bin Salman ayaa awoodda boqortooyada lugta la soo galay sannadkii 2013-kii, markaasoo loo magacaabay madaxa qasriga dhaxal sugaha boqortooyada, isagoo darajadiisu ay ahayd heer wasiir. Qoraalka sawirka,Amiir Al Waliid bin Talaal wuxuu ka mid yahay dadka fara ku tiriska ah ee dunida ugu hodansan, sawirkanna waxaa laga qaaday isagoo ku xiran hotelka Ritz Carlton. Sannadkii ka horreeyay ee 2012-kii, ayaa aabihiis loo xushay inuu noqdo dhaxal sugaha taajka boqortooyada, ka dib geeridii Nayef bin Cabdul Casiis, oo ahaa qofka dhaxalka xilkaas ugu sokeeyay. Bishii Janaayo ee sannadkii 2015-kii ayuu geeriyooday boqor Cabdalla bin Cabdul Casiis, Salmaan ayaana xilka boqortooyada la wareegay isagoo markaas ay da’diisu ahayd 79 sano. Boqorka cusub ayaa si deg deg ah u sameeyay labo go’aan oo ay la yaabeen dadka kormeera xaaladda maamulka boqortooyada, ka dib markii uu wiilkiisa ka dhigay dhaxal sugaha ugu sokeeya ee taajka ahna wasiirka gaashaandhigga, halka wiilka uu adeerka u yahay ee Maxamed Bin Nayef uu ka dhigay ku xigeenka dhaxal sugaha boqortooyada. Maxamed Bin Nayef ayaa markaas ahaa qofka xiga ee mudnaanta ku leh taajka. Warqadda lagu qeexay go’aannadaas ayaa noqotay tii ugu horreysay ee xilka dhaxal sugaha boqortooyada loogu kala wareejiyo wiilashada uu awoowga u yahay Ibnu Sacuud, oo ah ninkii aasaasay boqortooyada. Qoraalka sawirka,Maxamed Bin Salmaan wuxuu boqortooyada ka dhaxli doonaa aabihiis Salmaan(bidix) isagoo taajka ka afgambinaya Maxamed Bin Nayef(midig) oo horay u ahaa qofka xaqa u leh xilka Mid ka mid ah tallaabooyinkii ugu horreeyay ee uu Maxamed Bin Salmaan qaaday markii uu noqday wasiirka Difaaca waxay ahayd inuu bishii Maarso ee sannadkii 2015-kii dagaal ku qaaday waddanka Yemen, isagoo taageero ka helayay dalal kale oo carabeed. Dagaalkaas ayaa yimid ka dib markii kooxda fallaagada ah ee Xuutiyiinta, oo ay Sucuudigu aaminsan yihiin inay Iiraan ka dambeyso, ay xoog kula wareegeen magaalo madaxda Yemen ee Sanca, isla markaana ku khasbeen madaxweyne Cabdulrabbu Mansuur Haadi inuu dalka dibaddiisa u baxsado. Weerarka Sucuudiga uu ku qaaday Yemen ayaa horumar aad u yar sameeyay muddo saddex sano iyo bar ah oo la soo dhaafay. Wuxuu xitaa sababay in Sucuudiga iyo xulafadiisa lagu eedeeyo iney geysteen dambiyo dagaal oo ka dhan ah bani’aadannimada, ayna malaayiin ruux oo rayid ah ku kallifeen iney noloshooda ciriiri gasho. Dumarka Sacuudiga ayuu MBS u ogolaaday in la siiyo laysinka wadidda baabuurta Bishii Abriil ee sannadkii 2015-kii, boqor Salmaan ayaa isbaddallo kale ku sameeyay kala horreynta xilka boqortooyada, isagoo Maxamed Bin Nayef u magacaabay dhaxal sugaha taajka, halka uu wiilkiisana u magacaabay xilalka kala ah ku xigeenka dhaxal sugaha taajka, raysul wasaare ku xigeenka labaad iyo madaxa golaha dhaqaalaha iyo horumarka. Hal sano ka dib, Maxamed Bin Salmaan ayaa shaaca ka qaaday inuu damacsan yahay qorshe uu isbadallo dhaqaale ugu sameyn doono Sucuudiga, si uusan mar walba ugu tiirsanaanin dhoofinta Saliidda. Qorshahaas oo lagu magacaabay hiigsiga 2030-ka ayaa dhigayay in la kordhiyo dakhliga ka soo xarooda ganacsiyada aan saliidda ahayn, oo 2020-ka la gaarsiiyo lacag dhan 600 oo bilyan oo riyaal oo u dhiganta $160 bilyan oo doolar ama 123 bilyan oo gini, waliba marki la gaaro 2030-ka la gaarsiiyo lacag dhan 1 tirilyan oo riyaal. Lacagtaas ayaa 165.5 bilyan oo riyaal ka badan dakhligii soo xarooday sannadkii 2015-kii. Amiirka ayaa sheegay inuu doonayay sidii uu u abuuri lahaa hantida ugu badan caalamka oo gaareysa $ 3 tirilyan oo doolar, iyadoo lacagtaas qaarkeedna ay ka imaaneyso shirkadda Saliidda ee dowladda, oo lagu magacaabo Saudi Aramco, marka laga dhigo mid si gaar ah loo leeyahay. Qorshahaas ayaa sidoo kale dhigayay in wax laga baddalo hannaanka waxbarashada, isla markaana la kordhiyo doorka ay haweenka ku leeyihiin shaqooyinka, sidoo kalena la maalgaliyo ganacsiga iyo madadaalada, si shaqooyin loogu abuuro dhallinyarada. MBS waxaa lagu eedeeyaa inuu horseed ka noqday duullaanka lagu qaaday Yemen Bishii Abriil ee sannadkii 2017-kii ayey boqortooyada ku dhawaaqday qorshe ku aaddan in la sameynayo magaalo ay baaxaddeeda le’eg tahay 334 sq km (129 sq mile) oo loogu tala galay madadaalada. Magaaladaas ayaa la sheegay in laga dhisi doono cirifka magaalada Riyaad, ayna yeelan doonto howlo isugu jira dhaqanka iyo ciyaaraha – oo ay u sii dheer tahay xarun loo dalxiis tago oo lagu xannaaneeyo xayawaanka. Amiirka ayaa sidoo kale horseed ka ahaa cunaqabateyntii ay dalalka khaliijka saareen waddanka Qadar, oo uu Sucuudiga ku eedeeyay inuu gacan siiyo kooxaha argagixisada, isla markaana faragalin ku sameeyo arrimaha dalalka kale. Tallaabadaas waxaa Sucuudiga ku wehlinayay dalalka Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Masar, waxaana markii ugu horreysay la billaabay bishii Juun ee sannadkii 2017-kii. Boqortooyada Qadar ayaa iska fogeysay eedeymaha loo jeediyay waxayna ku gacan seyrtay liis ay ku qornaayeen dalabaad lagu xiray dib u soo noqoshada xiriirkii diblomaasiyadeed iyo kii ganacsi ee ay la wadaageysay dalalka kale ee khaliijka, arrintaas ayaana horseedday is mariwaa aan wali xalkiisa la gaarin. Dabayaaqadii bishii Juun ee sannadkii 2017-kii, boqor Salmaan ayaa soo af jaray xan socotay dhowr bilood oo ku aaddaneyd inuu mar kale xilka dhaxal sugaha koowaad ee taajka boqortooyada ka baddali doono Maxamed Bin Nayef, si uu wiilkiisa ugu dhiibo. Si rasmi ah ayuu ugu dhawaaqay inuu Maxamed Bin Salmaan yahay qofka ugu sokeeya ee ka dhaxli doona qasriga. Maxamd Bin Nayef ayaa sidoo kale markaas laga qaaday xilkii wasiirka arrimaha gudaha, oo loo magacaabay wiilka ay ilma adeerka yihiin, waxaana lagu soo warramay in la galiyay xabsi guri. Xilligaas wixii ka dambeeyay, Maxamed Bin Salmaan ayaa qaadayay tallaabooyin uu kusii xoojinayay awoodda uu ku leeyahay qasriga boqortooyada. Isla markiiba wuxuu yareeyay lacago isugu jiray gunnooyin, abaal marinno iyo maamuus la siin jiray shaqaalaha dowladda iyo ciidamada. MBS wuxuu ogolaaday in Shineemooyin laga furo Sacuudiga Lacagahaas oo ay boqortooyada billowday sannadkii 2016-kii ayuu ku tilmaamay kuwo hoos u dhigaya dhaqaalaha dalka. Bishii Siteembar ee sannadkii 2017-kii, waxaa la billaabay howlgal ka dhan ah dhammaan dadka ka soo hor jeeda hannaanka siyaasadeed ee dhaxal sugaha. In ka badan 20 ruux oo isugu jira wadaaddo iyo aqoonyahanno ayaa xabsiga la dhigay, xilli ay ciidanka Sucuudiga sheegeen iney bartilmaameedsanayeen dad wakiillo u ah dalal dibadda ah, oo doonaya in khalkhal la galiyo ammaanka boqortooyada. Dabayaaqadii isla bishaas, Maxamed Bin Salmaan ayaa loo xagliyay inuu mas’uul ka yahay isbaddal uu boqor Salmaan ku dhawaaqay, oo la xiriiray in bisha Juun ee sannadka 2018-ka meesha laga saari doono go’aankii dumarka Sucuudiga looga mamnuucay iney gawaarida kaxeeyaan, inkastoo arrintaas ay ka soo hor jeedeen dadka isbaddal diidka ah. Bishii Oktoobar ee isla sannadkii 2017-kii, amiirka ayaa sheegay in qorshihiisa ugu weyn uu yahay soo celinta “islaam dhexdhexaad ah”, kaasoo uu sheegay inuu qeyb ka yahay qorsheyaasha uu ku casriyeynayo boqortooyada Sucuudiga. Wuxuu ka dhawaajiyay inuu lacag dhan 500 oo bilyan oo doolar ku maalgalin doono mashruuc lagu sameynayo magaalo cusub oo loogu tala galay ganacsi iyo madadaalo. Bishii xigtay, wuxuu billaabay howlgal ballaaran oo ay boqortooyada sheegtay iney ku bartilmaameedsaneysay shakhsiyaad ka macaasha musuqmaasuqa, waxayna dad fara badan oo arrimaha Sucuudiga falanqeeya tallaabadaas ku tilmaameen mid uu Maxamed Bin Salmaan isaga hor leexinayay caqabadihii ugu dambeeyay ee ka hor taagnaa inuu si buuxda ula wareegyo maamulka boqortooyada. Dhowr amiir oo ka tirsanaa qoyska boqortooyada ayaa ka mid ahaa 381 ruux oo lagu xiray howlgalkaas, waxayna kala ahaayeen maalqabeenka lagu magacaabo Amiir Al waliid bin Talaal iyo Amiir Miteb bin Cabdalla oo uu dhalay boqorkii hore ee Sucuudiga. Dilka Jamaal Khaashuqji ayaa bar madow ku noqday sumcadda MBS Bishii Janaayo ee sannadkan 2018-ka, xeer ilaaliyaha guud ayaa sheegay in dadka la xiray ee dambigooda qirtay ay oggolaadeen iney soo wareejiyaan hanti qiimaheeda lagu qiyaasay 400 oo bilyan oo riyaal oo u dhiganta 107 bilyan oo dollar. Siddeed ruux ayaa bishan Oktoobar wali ku jira xabsiga, waxaana suurtagal ah in la maxkamadeeyo. Maxamed Bin Salmaan ayaa xariga loo geystay dadka faraha badan ku tilmaamay mid lagu ciribtirayay “kansarka musuqmaasuqa”. Dadka maalgashiga samaysta ayaa bishii Agoosto ee sannadkan ku baraarugay khilaaf diblomaasiyadeed oo soo kala dhex galay dalalka Sucuudiga iyo Canada. Arrintaas ayaa timid ka dib markii dowladda Canada ay dhiggeeda Sucuudiga ka codsatay in la sii daayo dad loo xiray arrimo ku saabsan iney u doodeen xuquuqda haweenka. Xarigga dadkaas ayaa u muuqday mid qeyb ka ah howlgalka ka dhanka ah dadka ka soo horjeeda siyaasadda Sucuudiga. Maxamed Bin Salmaan oo wareysi bixiyay bishan Oktoobar ayaa difaacay tallaabadaas “Anigu iskuma magacaabin qof baddalaya Sucuudiga, waxaan ahay dhaxal sugaha boqortooyada waxaana isku dayayaa inaan sameeyo wixii karaankeyga ah ee ku aaddan xilkeyga” ayuu yiri. Qaran News
-
Facebook oo tirtay iyo Twitter oo qarisay farriin Trump uu soo dhigay oo ku saabsan …. Facebook ayaa tirtay farriin madaxweyne Trump uu ku sheegay Covid-19 inuu ka ‘halis yar yahay’ hargabka. Mr Trump ayaa haatan ku sugan aqalka cad kaddib marki seddex maalmood uu ku jiray isbitaal oo laga dabiibay faayraska corona ee laga helay. Wuxuuna farriintiisa uu ku qoray Mareykanka inuu bartay ‘sida loo noolaan karo xilliga hargabka’, sida aan u barannay iney dad badan la noolaadaan Covid-19, maadaamaa ay halistiisu yar tahay!!!” Twitter-ka ayaa sida oo kale farriintaasi lafteeda qariyey iyada oo sheegtay “iney farriintaasi marin habaabineyso bulshada farriin khaldanna ay gudbineyso”. “Waxaan tirnay farriin khaldan oo ku saabsan khatarta uu leeyahay Covid-19, hadda ayaanna farriintaasi tirnay,” ayuu yiri Andy Stone oo ah Maareeyaha isgaarsiinta Facebook. Tirada rasmiga ah ee xaddiga dhimashada ee Covid-19 lama oga, balse waxaa loo maleynayaa iney aad uga sarreyso noocyada hargabka, suuragalna ay tahay 10 jeer ama ka badan iney ka badan tahay, sida ay sheegtay Jaamacadda John Hopkins. Facebook ayaa sheegay madaxweynaha inuu ku xadgudbay sharciga u yaalla baraha bulshada ee ah inaan la soo dhigin farriimo khaldan, baraha nulshadana ay mas’uul ka ahayn waxayaabaha ay bogaggooda soo dhigaan macamiishooda. Balse shirkaddu wuxuu sharicgu u fasaxayaa iney faraha la gasho “ayna tirto ama xayirto”, farriimaha ay u aragto iney xambaarsan yihiin aflagaaddo, xadgudub ama colaad. Sharcigaasi haddii lagu xadgudbana, baraha bulshada waxay wajihi doonaan dacwado la xiriira iney wax ka beddeleen ama isbeddelka ay ku sameeyeen waxa uu qofka isticmaala baraha bulshada uu soo dhigay. Facebook iyo marki labaad Waa marki labaad oo ay Facebook tirto farriin uu madaxweynaha soo dhigay. Twitter ayaase marar badan sameysay iney tirto ama ay digniin u dirto madaxweynaha farriimo uu bartiisa soo dhigay awgood. Labadaasi shabakadood ee baraha bulshada ugu waaweyn ayaa wacad ku maray iney la dagaallami doonaan farriimaha khaladan ee halista ku ah faayraska. Balse Mr Trump oo arrintan ka hadlay ayaa arrinta u arko shirkadda iney tifatirtay farriintiisa. Bishi May ayey ahayd marki ugu horreysay oo ay Twitter farriin digniin ah u dhigtay barta madaxweynaha uu ku leeyahay, taasoo sababtay inuu madaxweyne Trump amar sare uu ka bixiyo Faqradda 230-aad ee sharciga arrintan shirkadda u fasaxayo in wax laga beddelo. Amarka madaxweynahana waxaa soo dhaweeyey dhinacya badan oo sababa kala duwan arrintan u xiiseynayey. Muxuu yahay amarkan cusub ee uu saxiixay Trump? Amarkan madaxwayne ayaa amraya in la sii qeexo sharciga isgaarsiinta oo ah sharci ka jira Mareykanka kaasi oo xaaladaha qaar difaacaya shirkadaha online-ka sida Facebook, Twitter iyo shirkadda YouTube. Faqraada 230 ee sharcigani, ayaa shirkadaha baraha bulshada waxa aysan qaadayn masuuliyadda qoaraalada ay soo dhigaan dadka barahooda isticmaala, balse waxay hawada ka saari karaan” qoraalada aflagaadada iyo anshax xumada ku saabsan. Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka William Barr ayaa “sida ugu dhaqsiyaha badan” u bilaabi doona isku dubaridka amarkan cusub si ay aqalka congreska ugu codeeyaan Qaran News
-
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay ka qayb-galka doodda labaad ee uu la yeelanayo musharraxa Xisbiga Dimoquraaddiga Joe Biden. Qoraal kooban oo uu xalay soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayuu ku sheegay in uu diyaar u yahay ka qayb-galka doodda oo 15-ka bishan ka dhici doonta magaalada Miami ee Gobolka Florida. Madaxweyne Trump, oo Jimcihii laga helay xanuunka COVID-19, ayaa Isniintii todobaadkan ka soo baxay isbitaalka Walter Reed ee duleedka magaaladan Washington, halkaas oo maalmo lagula tacaalayay xaaladdiisa Caafimaad. Ururka qaban qaabiya doodaha madaxtinimada Mareykanka, ayaan dhankodoa weli ka jawaabin hadalka ka soo yeeray madaxweyne Donald Trump ee ku aaddan in uu diyaar u yahay doodda. Dhinaca kale, musharraxa xisbiga dimoqraadiga ee doorashada madaxtinimada, Joe Biden ayaa xalay wariyaasha u sheegay, in aanan la qaban doodda qorsheysan in ay dhexmarto isaga iyo Trump, haddii madaxweynuhu weli xanuunsanyahay. PUNTLAND POST The post Trump oo doonaya in uu ka qayb-galo doodda labaad ee Musharraxnimada Maraykanka appeared first on Puntland Post.
-
Ruushka, Shiinaha iyo Iran: yay la doonayaan inuu ku guuleysto doorashada Mareykanka? Miyuu Aqalka Kremlin-ka isku dayayaa inuu Donald Trump mar labaad hogaamiyo Mareykanka? xiriir miyey xukuumadda Beijing la leedahay Biden? Su’aalahasi ayay isweydinayaan bulshada sirddoonka Mareykanka. Qiimeyn ka timaaday sarkaal sare ayaa ka digeysa in quwadaha ajaanibta ah ay isku dayayaan iney qaadaan tallaabooyin ay ku doonayaan in ay saameyn ku yeeshaan doorashada Nofeembar gaar ahaan wax isdaba marin lagu sameeyo codbixyeyaasha, dalalkaasi ayaa la sheegay iney Shiinaha, Ruushka iyo Iran. Saddexda dal ayaanan isku hadaf ahayn oo mid kaste dantiisa gaarka ayuu eeganayaa. RUUSHKA Maxay yiradeen sirdoonka Mareykanka ? Sidaad ogtahayba Ruushka ayaa ku lug lahaa doorashadii 2016-ka, iyo wixii ka dambeeyayba. Sirdoonka Mareykanka ayaa aaminsan in Ruusha isku dayayo inuu saameyn ku yeesho codadka isagoo u xaglinayo Donald Trump. Waxay sirdoonka farta ku fiiqeen in Ruushka uu qorsheynayo weerar dhanka internet-ka ah sidii doorashadii horeba looga shakiyay inuu sameeyay. Bishii la soo dhaafay sanatar ka tirsan xisbiga Republican-ka ayaa taageeray fikradda ah in Ruushka uu doonayay inuu doorashada Trump ku guuleysto. Madaxweyne Putin iyo Trump Doorashadan 2020-ka waxaa booska Hillary Clinton ku jira Joe Biden. Waxaana laga cabsi qabaa in Ruushka uu dadaal ku bixiyo sidii marlabaad uu Trump ku guuleysan lahaa. Christopher Wray, oo ah madaxa FBI ayaa aaminsan in Ruushka uusan weligii joojin farogelinta doorashada Mareykanka xitaa markii Trump la doortay oo waxaa uu lug lahaa doorashooyinkii xubnaha congress-ka ee sannadkan. Hase yeeshee Ruushka ayaa si joogta ah u dafiriyay faroelinta doorashooyinka dalalka ajinabiga ah. SHIINAHA Maxay yiradeen sirdoonka Mareykanka ? Saraakiisha sarsare ee maamulka Trump ayaa ku doodayaa in Shiinaha uu sannadkan ka khatar badan yahay Ruushka marka laga hadlayo farogelinta doorashada Mareykanka. Xeer ilaaliyaha guud ee William Barr ayaa sheegay in Shiinaha uu door bidayo in aanan Trump dib loo soo dooran. Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping “Shiinaha ayaa ballaarinayo dadaallada uu ku doonayo saameyntiisa siyaadda Mareykanka.” Waxaa aad loo ilaaniyaa weerarda ka imaan kara dhanka internet-ka inkastoo farogelinta Shiinaha ay aad u hormarsan tahay.” IRAN Maxay yirahdeen sirddoonka Mareykanka? Warbixin ayuu Mr Evanina ku sheegay in xukuumadda Tehran ay kasoo horjeedo in madaxweyne Trump uu mar labaad ku soo laabto Aqalka Cad. Waxa uu sheegay in Iran ay diiradda saareyso sidii ay baraha bulshada ugu faafin lahayd macluumaad been abuur ah oo la xiriira doorashada Mareykanka. Eedeymaha sirddoonka ayaa waxaa sii xoojinaya shirakadda Microsoft oo sheegtay in burcadda dhanka internetka ee xiriirka la leh dalalka Ruushka, Shiinaha iyo Iran ay isku dayayaan iney basaasaan arrimaha doorashada Mareykanka. Kooxda Iran ee loo yaqaan Phosphorus ayaa la sheegay iney ku guul dareysteen iney gudaha u galaan cinwaanada saraakiisha Aqalka Cad iyo shaqaalaha doorashada u qaabilsan Trump. Isku daygaan ayaa la sheegay iney sameeyeen intii u dhaxeeysay bishii May iyo June ee sannadkan. Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani Sarkaal ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa warbixinta shirkadda Microsoft ku tilmaamay mid aanu waxba ka jirin. “Iran ma khuseeyo cidda ku guuleysata doorashada Mareykanka,” ayuu yiri Saciid Khatibzadeh. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in taliska ciidanka Milateriga Soomaaliya uu amar ku bixiyay in ay xarumahooda ku soo laabtaan ciidanka ilaalada u ah qaar kamid ah Janaraalada ciidanka Milateriga Soomaaliya. Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in saraakiisha la beegsaday ee laga qaadayo ciidanka ilaalada ah ay u badan yihiin kuwa ka soo jeeda Muqdisho iyo goballada ku teedsan, waxaana arintaas lagu sheegay beegsi gaar ah. Janaraalada ciidanka la socdo lagu amray in ay soo laabtaan waxaa kamid ah Janaraal Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade, Janaraal Gacma-dule, Janaraal Qaafow, Janaraal Madiino, Janaraal Buraale iyo kuwa kale. Saraakiishaan ayaa qeyb ka ah Milateriga Soomaaliya waxayna ku sugan yihiin magaalada Muqdisho iyo goobo kale lamana oga sababta ciidanka looga qaadayo. “Waxaa noo yeeray Janaraal Odawaa, markaa u tagnay oo aan weydiinay waxa uu noo sheegay in uu yahay amar ka weyn isaga waxaana muuqato beegsi gaar ah,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha laga qaaday ciidankii Istaafka u ahaa. Warar soo baxay ayaa sheegaya in xubnaha la beegsaday oo u badan hal beel oo ah Mogadishu Clan looga cabsi qabo in ay ilaaliyaan ama la shaqeeyaan Madaxdii hore ee Qaranka oo hadda kamid ah musharaxiinta ugu cad cad ee xilka Madaxweynaha Soomaaliya. The post Xog: DF oo ciidankii ilaalada ka reebatay jenaraallada milateri ee aan xilalka heynin first appeared on Caasimada Online.
-
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay in baaritaanno dhanka Amniga ah iyo dib u diiwaan-gelin lagu samayn doono dhammaan Shaqaalaha kala duwan ee hay’adaha dowladda. Qoraal ka soo baxay Xafiiska sii-haya Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Saddiiq Xirsi Warfaa, ayaa lagu sheegay in dhammaan shaqaalaha dowladda la marin doono baaritaanno Amni oo lala yeelan doono wareysi, islamarkaan dib u diiwaan-gelin lagu samayn doono, si loo hubiyo bed-qabka Amni ee shaqaalaha iyo xarumaha dowladda. Qoraalka oo ku taariikhaysan saddexdii bishan October, waxaa sidoo kale lagu caddeeyay in baaritaanka ay samayn doonto hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka dowladda Federaalka ee NISA, waxaana shaqaalaha laga codsaday in ay la shaqeeyaan hay’adda. Hoos ka akhriso Qoraalka Wasaaradda PUNTLAND POST The post Shaqaalaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaritaano Amni lagu samaynayo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah guddoomiyaashii hore ee degmooyinka gobalka Banaadir, ku xigeenadii hore, agaasimiyaal iyo masuuliyiin kale oo dhamaantood ka tirsan dowladda hoose ee Xamar ayaa loo diiday in loo cusbooneysiiyo kaararka aqoonsiga ee maamulka gobalka Banaadir. Maamulka gobalka Banaadir ayaa markii ugu horreysay badalay Kaararka aqoonsiga shaqaalaha dowladda hoose oo dhacsanaa tan iyo geeridii guddoomiye Injineer Yariisow, waxaana markii la soo daabacay la diiday in loo cusbooneysiiyo maamuladii hore ee degmooyinka oo qaarkood ahaa shaqaale, halka qaar kalane ay u isticmaali jireen wado maris maadaama wadooyinka Muqdisho kaliya lagu maro kaararka aqoonsiga dowladda Soomaaliya. “Kararkii waa nagala reebtay markaa weydiinay sababta waxaa noola sheegay in ay tahay amar guddoomiye, Cumar Filish markaa raadinay ilaa hada waan la’nahay albaabada ayaa nagala xirtay,” ayuu yiri mid ka mid ah guddoomiyaashii hore ee degmooyinka gobalka Banaadir. “Haddii aan gawaarideyna magaalada ku mari karin, ciidan heysan, amni jirin, waxaa noo muuqato in la rabo in nala dilo xal aan aheyn inaa dalka ka cararno nooma muuqdo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay masuulka aan la hadalnay. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Cumar Maxamed Maxamuud Filish, amar ku bixiyay in qof aan xafiiskiisa la soo marsiinin la siin karin kaararka aqoonsiga dowladda Hoose ee Xamar si loo hubiyo ammaanka gobalka oo mar ka dhacay qarax culus oo galaaftay nolasha dad badan oo muhiim ah. The post Maamulka G/Banaadir oo qaaday tallaabo ka dhan ah mas'uuliyiinti hore ee gobolka first appeared on Caasimada Online.
-
Gen. Mark Milley Saraakiisha u sarraysa Taliska ciidamada qalabka sida ee Mareykanka, ayaa shalay shaaciyay in ay si iskood ah isu karantiileen, kaddib markii sarkaal sare oo ka tirsan Taliskaasi laga helay xanuunka COVID-19. War Qoraal ah oo ka soo baxay Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka, ayaa lagu sheegay in Taliyaasha is kaarantiilay ay ka mid yihiin Taliyaha guud ee ciidamada Qalabka sida Gen. Mark Milley iyo ku xigeenkiisa Gen. John Hyten. Saraakiisha is karantiilay, ayaa dhawaan xarunta Waaxda Gaashaandhiga ee Pentagon-ka kula kulmay Taliye ku xigeenka ciidamada llaalada xeebaha Mareykanka Adm. Charles W. Ray, kaas oo habeenkii Talaadada laga helay COVID-19. Afhayeen u hadlay Pentagon oo lagu magacaabo Jonathan Hoffman, ayaa sheegay in Taliyaasha ciidanka Qalabka sida ee Mareykanka laga qaaday tijaabada caafimaadka, balse laga waayay xanuunka coronavirus. PUNTLAND POST The post Saraakiisha u sarraysa Taliska Ciidamada Qalabka sida ee Maraykanka oo is karantiilay appeared first on Puntland Post.
-
Dableey hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu soo warramayaa in ay saqdii dhexe ee xalay weerar ku qaadeen garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb. Dableeyda ayaa madaafiic ku garaacay saldhiga Ciidamada AMISOM gaar ahaanna kuwa Jabuuti ku leeyihiin gudaha garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb waxaana la soo weriyay in madaafiicda qaarkood ku dhaceen gudaha garoonka. Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in ay saqdii dhexe ee xalay maqlayeen dhawaqa madaafiicda Al-shabaab ku garaacaysay gudaha garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur halkaas oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada Jabuuti. Sidoo kale Ciidamada ayaa la sheegay in ay jawaab-celin ka bixiyeen weerarka Al-shabaab inkastoo aan faahfaahin laga helin khasaaraha ka dhashay weerarka. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo madaafiic ku weeraray garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka oo wareysi siinayay mid ka mid ah Tv-yada Maxaliga ah ayaa sheegay in madax bannaanida Soomaaliya ay su’aal ku jirto. Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu halbeeg ka dhigtay joogitaanka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaas oo gacanta ku haya goobaha ugu muhiimsan dalka, sida madaxtooyada, garoonka diyaaradaha, dekedda Muqdisho, xarunta Baarlamaanka iyo goobo kale oo muhim ah. Wuxuu barnaamijka uu ka qeyb galayay ka sheegay in dib u hanashada madax bannaanida Soomaaliya ay bilaaban doonto maalinta Askariga Soomaaliyeed loo dhiibo wax walba, balse inta ka horreysa ay su’aal ka jirto inaan nahay dal madax bannaan. “Ineysan Soomaaliya wali madax banaaneyn oo ay nusqaan tahay waxaa halbeeg u ah, maalintii laga wareejiyo askariga Ugandes-ka ah ee Villa Soomaaliya jooga furaha xafiiska madaxweynaha,” ayuu yiri hogaamiyaha Xisbiga Wadajir. “Inta ay ciidamo ajnabi ah hayaan amniga Villa Soomaaliya, amniga garoonka diyaaradaha, amniga dekedda ama amniga xarunta Baarlamaanka, madax bannaanida Soomaaliya su’aal weyn ayaa ku jirta.” “Dadkaas ajnabiga ah ee u yimid Soomaaliya iney xaliyaan dhibaato Soomaalida dhexdooda taala maalintaan iska fasaxno, askariga Soomaaliyeedna loo dhiibo, Soomaaliya ay gacanta u gasho Askariga Soomaaliyeed markaas ayey bilaabaneysaa dib u hanashada madax bannaanida Soomaaliya.” The post CC Shakuur: Su'aal ayaa ka taagan madax banaanida Somalia hal sabab darteed first appeared on Caasimada Online.
-
Shirkadda Facebook, ayaa saartay farriin uu soo dhigay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, taas oo uu ku sheegay in xanuunka COVID-19 uu ka khatar yar yahay Hargabka caadiga ah. Shirkaddu waxay sheegtay, in Madaxweyne Trump uu ku xad-gudbay Sharciga u degsan baraha bulshada ee la xiriira in aan la soo dhigin farriimo qaldan ama marin-habaabin ah. “Waxaan tirnay farriin khaldan oo ku saabsan khatarta uu leeyahay Covid-19, hadda ayaanna farriintaasi tirnay” ayuu yiri Andy Stone oo ah Maareeyaha isgaarsiinta Facebook. Sharcigu wuxuu shirkadda u fasaxayaa, in ay saarto ama tirto farriimaha ay u aragto in ay xambaarsan yihiin been-abuur, aflagaaddo, ama xadgudubyo kale. Sidoo kale, shirkadda Twitter ayaa qarisay farriinta Mr. Trump, waxaana ay ku tilmaantay mid xambaarsan marin-habaabin bulsho, islamarkaana farriin qaldan ka gudbinaysa xanuunka COVID-19. Facebook iyo Twitter, ayaa horay sidaan oo kale u tiray farriimo uu soo dhigay Madaxweyne Donald Trump, kuwaas oo ay ku tilmaameen in ay xad-gudub ku yihiin sharciga baraha bulshada. PUNTLAND POST The post Facebook iyo Twitter oo qariyay farriin Trump soo dhigay oo ku saabsan COVID-19 appeared first on Puntland Post.
-
100% increase of registration fees for prospective MPs and Senators heralds tougher Elections in Somalia, writes Dahir Buwe, Puntland Post correspondent in Mogadishu Mogadishu (PP News Desk ) — Election fever is gripping Somalia. With less than four months left until February 2021, when presidential (s)elections will take place, assuming that no term extension gets expedited for federal institutions, tougher competition for the Upper House and Lower House seats will begin in Federal Members States. The electoral agreement vests more powers with the five Federal Member States and Banadir region to determine who will become a Senator and an MP. Harmonisation of the work the National Independent Electoral Commission and local electoral commissions is key to elections. Photo credit (Somali Public Agenda). The 100% increase of registration fees for prospective MPs and Senators foreshadows what kind of legislatures Somalia will have once a Parliamentary Speaker is elected. There is a better chance for the current crop of MPs and Senators to retain their seats partly because they may have saved for the steep registration. The appointment and prospective MP or Senator by a traditional leader does not warrant the selection of a person as an MP or Senator. Federal Member States wield more power politically and financially. One of the articles in the agreement stipulates that Federal Member States have the final say on who will become an MP or Senator. This provision empowers state governments to override traditional leaders’ selections. The 2021 elections will prove messier compared to 2017 elections, which were based on an electoral deal that was presumed to have been designed to give the incumbent an advantage over other contenders. The outcome of the 2017 elections had put paid to the surmise. The incumbent Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed agreed to a poll model that undercuts his chances of being re-elected. President Mohamed banked on the abrogated Election Law that aimed to introduce an incongruously hybrid election, keeping the notorious 4.5 power-sharing system 4.5 to but conduct one person, one vote elections in some parts of Somalia. In 2017, he was the least favourite of the key contenders for Villa Somalia. The sitting MPs and Senators have a better chance to retain their seats. They may have prepared for elections and be able to shell out the exorbitant registration fees. More than three people will contest for each parliamentary or senatorial seat and pay non-refundable registration fees. This will boost the coffers of Federal Member States. Much depends on how the work on the National Independent Electoral Commission and local electoral commissions could be harmonised. © Puntland Post, 2020 The post Tougher Elections on the Cards in Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Ra’isul wasaarahii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa safarkiisii ugu horreeyay uu isugu diyaarinayo ololaha doorashada ka billaabay dalka Jabuuti, waxaana jira warar soo baxaya oo qeexaya ujeedka rasmiga ah ee ka dambeeya socdaalkiisa. Wararka ay heleyso Caasimada Online waxey sheegayaan in Xasan Cali Kheyre uu u tagay Jabuuti in lasoo dhameeyo mad-madowga yar ee soo kala dhex-galay isaga iyo Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana howshaan garwadeen ka noqday ganacsade aan magaciisa la carabaabin. Madaxweynaha Jabuuti oo mar walba taageero u ahaa dowladahii soo maray Soomaaliya ayaa dareemaya in dowladda Farmaajo ay weecisay doorkoodii, waxeyna xiriir dhaw la sameeyeen Eritrea oo dhul ka haysata Jabuuti, taasna waxey u arkeen in xiriirka diblomaasi ee labada wadan dhinac loo wiiqay. Iyadoo ay taasi jirto hadana Kheyre hadda kuma jiro xukuumadda hadda jirta, walow uu mad-madowga jira yimid xilligii uu ra’isul wasaaraha waddanka ka ahaa, sidoo kale waxaa la wiiqay doorkii Ismaaciil Cumar Geelle uu mar walba ku lahaan jiray siyaasadda Soomaaliya iyadoo loo weeciyay dhanka ra’isul wasaaraha itoobiya. Xasan Cali Kheyre wuxuu ku jiray liiska dadka ugu calaamdeysnaa Ismaaciil Cumar Geelle iney la gadiyeen, balse haatan waxaa la leeyahay waa lasoo dhameeyay mad-madowgii jiray. Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa la rumeysan yahay inuusan dooneyn in Farmaajo dib loo soo doorto, mana cadda musharaxa uu taageerayo, inkasta oo ay jiraan warar aan la xaqiijin oo sheegaya inuu taageersan yahay Kheyre. The post Ujeedka qarsoon ee Kheyre u tagay Jabuuti iyo qorshaha Geelle ee doorashada Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.
