-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in dagaal-yahano badan oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ay soo buux dhaafiyeen deegaanadooda, taasi oo halis weyn ku ah amniga doorashada maamulkaasi. Wasiirka Amniga Hir-Shabeelle, Maxaxmed Cabdiraxmaan Kheyre oo wareysi gaar ah siiyay idaacada VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa sheegay inay kordheen maalmihii u dambeeyay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay soo galeen deegaanada maamulkooda. Dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaabka ayaa waxay si weyn isugu soo urursadeen deegaanada Hir-Shabeelle, gaar ahaan kuwa ku dhow dhow degmada Balcad. Wuxuuna sheegay in soo galida Shabaabkaasi ay daba socotay culeys ciidan oo laga soo saaray gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay waday howl-galo ka dhan ah kooxdaasi. Sidoo kale waxa uu xusay in howl-galadaasi ay qeyb ka yihiin sidii loo xaqiijin lahaa Amniga wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, ka hor inta aan la guda gelin doorashooyinka Hir-shabeelle. Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in howl-galadaasi ay noqon doonaan kuwa sii socda, ilaa inta Shabaabka laga sifeynayo deeganadaasi. Arrintan ayaa qeyb ka noqoneysa culeysyada kala duwan ee ay wajaheyso doorashada Hir-Shabeelle, gaar ahaan dhanka amniga, xili shalay la soo saaray jadwalka doorashada ee baarlamaanka maamulkaas iyo guddoonkaba. The post Al-Shabaab beegsanaya doorashada xildhibaanada 2020/21 oo soo galay... first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence iyo Kamala Harris, oo u tartamaysa xilka madaxweyne ku xigeenka xisbiga dimoqraadiga, ayaa xalay dood kulul oo ku saabsan xanuunka coronavirus isku dhaafsaday is aragoodii koowaad. Ms Harris, ayaa Donald Trump ku eedeysay in uu yahay maamul madaxweyne kii ugu guuldarada badnaa taariikhda wadanka Maraykanka. Mr Pence, waxaa uu sheegay in qorshaha musharax Joe Biden ee safmarka COVID-19, uu yahay mid uu ka soo minguuriyay siyaasadda aqalka cad ee hadda. Musharaxa xisbiga dimoqraadiga Joe Biden, wuxuu saadaasha codadka kaga horeeyaa madaxweyne Trump, xilli maalinta doorashada ay ka harsan tahay 27 cisho oo keli ah. Doodii sagaashanka daqiiqo aheyd ee xalay, waxay ka dhacday hoolka jaamacadda Utah ee magaalaa Salt lake. PUNTLAND POST The post Musharrixiinta madaxweyne ku xigeenka Maraykanka oo xalay dood kulul yeeshay appeared first on Puntland Post.
-
Jamhuuriyada Turkey-ga waa dal kuyaala goob muhiim ah iskuna xira qaaradda Aasiya iyo Yurub. Dadweynaha Tukey-ga waxaa lagu tiriyaa inay yihiin bulsho leh ilbaxnimo aad u dheer oo ay ugu horeyso wax soosaarka beeraha, gaadiidka kala duwan, dhismaha, qalabka militariga, dharka iyo xirfadleyaal gacanta ah oo kasoo shaqeysta wadamada kale. Wadanka Turkey-ga wuxuu waqtidheer xusulduub xoogan ugu jiray sidii uu uga mid noqon lahaa Midowga Yurub oo ah dalad ay ku mideysan yihiin dalal kuheshiiyey qodobo ay kamid yihiin siyaasadda, dhaqaalaha iyo isku socodka dadka. Ololaha uu Turkey-ga ku doonaayo inuu kaga mid noqdo Midowga Yurub ayaa soo bilowday 2005-kii, taasoo uu horboodayey xisbiga talada haya ee Cadaaladda iyo Horumarka (AK Party). Wadahadaladii adkaa ee labada dhinac ay galeen waxaa Turkey-ga lasoo hordhigay 35 cutub ama sharuudood oo ay tahay inuu Turkey-ga soo buuxiyo si uu ugu guuleysto kamid noqoshada Midowga Yurub, sharuudahaas oo aan kugaar aheyn Turkey-ga laakiin ay tahay inuu kasoo gudbo wadan walba oo doonaya kamid noqoshada Midowga Yurub. Turkey-ga ayaa mudadii ay xowliga kusocdeen wadahadalada labada dhinac kuguuleystay inuu kasoo gudbo 10 kamid ah cutubyadii ama sharuudihii laga doonayey. Qodobadda la isku fahmi waayey waxaa kamid ahaa: Arrinta waqooyiga dalka Cyprus ama Qubrus halkaas oo ay kunool yihiin bulsho asal ahaan kasoo jeeda Turkey-ga, taasoo sababtay in militariga Turkey-ga howlgal balaaran kula wareego sannadkii 1974-kii kadib xasilooni daro siyaasadeed, ayagoo sida ay sheegeen difaacaya rabitaan bulshadaas reer Turkey, arrintaas oo sii xumeysay xiriirka Turkey-ga iyo Greece oo ay asal ahaan ay kasoo jeedaan mujtamaca ugu balaaran ee dalka Cyprus. Midowga Yurub ayaa kucaadinaayey Turkey-ga inuu aqbalo inay ciidamadiisu kabaxaan waqooyiga Cyprus islamarkaana lagu daro dalka intiisa kale wallow uu Turkey-ga kabiyo diiday soojeedintaas. Hab- maamul dowladnimo oo ku dhisan dimuquraadi oo ka hana qaada Turkey-ga: Tan iyo markii uu xisbiga haatan talada haya ee Cadaaladda iyo Horumarka lawareegay talada dalka waxaa jiray dareen weyn oo kadhex dhashay Turkey-ga iyo Midowga Yurub kaasoo salka ku hayey in xisbigan uu yahay muxaafid ku adag diinta Islaamka. Arrintan ayaa keentay inay dhinacyadu isku maandhaafaan micnaha iyo astaamaha dimuquraadiyadda. Dhowrista xaquuqul insaanka: Turkey-ga oo ah dal wali la daalaa dhacaya saameynta dhaq-dhaqaaqyo hubeysan oo marar badan geystay weeraro aan meel dayasho laheyn sida weerarada ururka Kurdistan ee PKK, ayaa keena in ay dowladda Turkey-ga qaado falcelin iskugu jirta baaritaan dhanka guryaha, xarig iyo hawlgalo milatari oo ka dhaca gudaha iyo dibadda dalka taasoo lagula kaco dadka lagu tuhmo inay gacansaar la leeyihiin ururkaas. Midowga Yurub ayaa falcelinta dowlada u arka mid xad dhaaf ah islamarkaana dhaawaceysa xaquuqul insaanka halka Turkey-ga sheeganayo inay tahay arrin amni oo ay xaq u leeyihiin gudashadiisa. Kudhaqanka sharciga: Midowga Yurub ayaa walaac ka muujiyey waxkabadalka dastuurka Turkey-ga ee awoodaha badan gacanta ugu riday madaxweyne Erdogan, halka dhanka Turkey-gu aaminsan yihiin in waxkabadalkaani kuyimid afkaarta dadweyne iyo rabitaan shacab. Aragtida kala duwan ee xisbiyada Midowga Yurub Xisbiyadda siyaadda ee ka dhisan dalalka ku bahoobay Midowga Yurub ayaa ku kala aragti duwan arinta Turkey-ga ee kamid noqoshada ururka. Tusaale, xisbiyadda midigta dhexe oo ah xisbiyo afkaar adag laguna tiriyo muxaafidiin ayaa gabi ahaanba kasoo horjeeda in Turkey-ga kamid noqdo Midowga Yurub halka xisbiyada dhanka bidix ay taageersan yihiin in Turkey-ga loo ogolaado kamid noqosho buuxda ama mid qeyb ahaan ku xadidan qodoba hoose: Iskaashi dhaqaale iyo mid amni oo dhexmara labadda dhinac Xubin sharafeed aanan codeyn, talobixin iyo matalaad buuxda ku laheyn ururka dhexdiisa. Turkey-ga ayaa ku gacan seyray soo jeedinta labadaan qodob, asagoo dareensan inaan dowladaha soo codsada kamid noqoshada Midowga Yurub si cadaalad ah loogu xaqsoorin , taasoo lagu tusaaleyn karo sida wadanka Croatia oo kamid ahaa Midowga Soviet-kii burburay oo ay isku waqti 2005-kii bilaabeen ololaha raadinta kamid noqoshada Midowga Yurub uu ugu danbeyn 2013-kii ku guuleystay inuu kamid noqdo ururka, taasoo Turkey lama filaan ku noqotay kuna kaliftay inuu dib uga fakaro arrinta Midowga Yurub. Fursadahii badalay aragtida Turkey-ga 2008-dii waxaa caalamka aad u saameeyey hoos u dhac dhaqaale gaar ahaan wadamada reer galbeedka oo bangiyadda udub dhexaad u yihiin dhaqaalahooda. Lagasoo bilaabo 2002-2011-kii Turkeyga waxuu ku naaloonayey kobac dhaqaale oo gaaraya 7.5 %, halka dhigooda Yurub ay dagaal kula jireen sidii ay u samata bixin lahaayeen wadamadii ay sida xoogan u saameeysay hoos u dhaca dhaqaale. Turkey ayaa is-tusiyey inaysan dhankooda ka jirin baahidii weyneyd ee ay u qabeen Midowga maadaama Yurub ay xal u la,dahay dhibaatooyinka kadhexjira. Dagaalkii ka qarxay dalka Syria ayaa abuuray qaxooti farabadan oo usoo cararay dalka Turkey-ga oo xuduud la leh Syria. Qaxootigan oo cadad ahaan lagu qiyaaso in kabadan 3-milyan ayaa kadib bilbaabay inay ka talaabaan Turkey-ga si ay u gaaraan wadamada Yurub ee ay tuhmayaan nolol wanaagsan. Firdhadka qaxootigan ayaa marqura kawada dhawaajiyey Yurub inteeda kale kuna qasbay inay xal u helaan arrinta ayagoo u maraya dalka marinka 1aad u ah ee Turkey-ga. Turkey-ga ayaa markaas fursad gor-gortan ka dhex arkay arrinta qaxootiga, asagoo Midowga Yurub ku caadaadiyey inay la qeybsadaan culesyka qaxootiga kusugan gudaha dalkiisa si loo xadiddo dhaqdhaqaaqa qaxootiga. Wadahadaladaan ayaa sawir ahaan soo bandhigay laba dhinac oo kala madax-banaan oo ay ka dhexeyso isku daneysi iyo wax wada qabsi ayadoo ay dhinacyadu siman yihiin, taasoo caalamka tusisay in Turkey-gu waxka badalay dabacsanaantii iyo doonistii Midowga Yurub. Dhaqaaqyada Turkey-ga ka bilaabay dibadda Kadib kacdoonkii gu’ga Carbeed iyo qilaafkii kadhex aloosmay wadamada Khaliijka, Turkey-ga waxuu garab istaag xoogan oo iskugu jira dhoofinta dalaga beeraha iyo mid ciidan u muujiyey dalka go’doonka dhulka iyo cirka lagaliyey ee Qatar. Turkey-ga ayaa sidookale saldhig tababarka militariga ee TURKSOM ka furay Geeska Africa gaar ahaan dalkeena Soomaaliya. Turkey-ga ayaa gacan buuxda oo dhanka militariga ah siiyey dowladda Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee dalka Libya oo qarka u saarneyd in lagala wareego xarumaha ay ku shaqeynayeen. Gulufkii xoogaanaa ee Turkey-gu ku qaaday kooxaha Kurdiga kusugnaa Syria ee taageerada ka heliyey dowlada Mareykanka oo muujisay hal adeyga Turkey-ga iyo sida uu u wajahay cadaadiska kaga imaanayey dowladaha ku bahoobay ururka NATO. Turkey-ga ayaa door muhiim ah ku lahaa shirarkii is-xigay ee ay iskugu yimaadeen wadamada Russia iyo Iran ee looga arrinsanay dalka Syria, iyo doorkiisii samata bixinta kooxihii mucaaradka hubeysnaa iyo qoysaskoodii. Isku soo dhawaanshihii Turkey-ga iyo Rushka iyo rajada kamid noqoshada Turkey-gu ee Ururka Iskaashiga Shanghai oo meel fiican maraya. Kadib heshiiskii Badda ee Turkey-ga iyo dowlada Libya garabka Tripoli, Turkey-ga ayaa durbadiiba bilaabay sahmin shidaalka kujira badda Mediterranean-ka arintaan oo ay marqura kawada qeyliyeen wadama Masar, Greece, Israel iyo Cyprus, taasoo horseeday in Turkey-ga iyo Greece ku sigtaan inay gacanta iskula tagaan. Marka la iskuwada geeyo dhamaan qodobadaan, waxay sare u qaadayaan meeqaamka awoodeed ee dalka Turkey-ga, taasoo soo bandhigaysa in Turkey-gu yahay ciyaaryahan muhiim ah oo ay tahay in wax laga weeydiiyo arrimaha dalalka uu kulug-leeyahay. Tilaabooyinkaan waxay Turkey-ga u abuureen saaxiibo cusub sidookalena u horseeday kala fogaansho Turkey-ga iyo saaxiibadiisii hore, ayagoo Turkey-ga xiligan u arka inuu isku badalay wadan seef la bood ah oo gacan kahadalka military kahormariya diblomaasiyadda. Gunaanad In kasta oo aysan wali dhiman rajadii Turkey-ga ee kamid noqoshada Midowga Yurub, hadana ma muuqato ifafaalo muujinaysa wadahadalo miradhal ah oo ay galaan labada dhinac, waxaana cad inay waqtigan siikala fogaadeen dhinacyada ayna adkaaneyso sidii loo abuuri lahaa kalsoonidii hore. Hamdi Wardhere Mohamed – Waxaad kala xiriiri kartaa Facebook: Xamdi Wardheere, Gmail: Zudeys9@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Halke ayuu ku danbeeyey hankii Turkey-ga ee ka mid noqoshada Midowga Yurub? first appeared on Caasimada Online.
-
Rag loo heysto iney ku lug lahaayeen Weerarkii Westgate+Sawirro Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa dembi ku heshay labo ka mid ah saddex nin oo loo heystay inay ku lug lahaayeen weerarkii Al-Shabaab ku qaadday dhismaha laga dukaameysto ee Westgate sanadkii 2013 Waxaa la sii daayay mid ka mid ah eedeysanayaasha oo lagu waayay caddeymo sida Maxkamadu sheegtay. Kiiskan ayaa soo jiitamayay muddo toddoba sano ah, iyadoo Xukunkan labadan nin dib loo dhigay illaa 22-ka bishan. Saddexdan nin ayaa loo heystay inay caawiyeen kooxdii soo qaadday weerarka oo bishii September 2013 waxaana ku dhintay 62 qof oo rayid ah, shan ciidamada ammaanka ka tirsanaa iyo afartii qof ee weerarka fulisay. Liibaan Cabdullaahi oo ah Ninka saddexaad ee la sii daayay ayaa la dhashay mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday, iyadoo labada nin ee lagu helay caddeynta ay kala yihiin Maxamed Axmed Cabdi iyo Xuseen Xasan Mustafah oo Kenya u dhashay. Qaran News
-
Baarlamanka Ethiopia oo qaaday tallaabo ka dartay+xiisadda ka dhex oogan Tigray iyo Dawlada oo burbur ku dhow Xildhibaanada baarlamanka Ethiopia ayaa u codeeyey in dowladda ay xiriirka u jarto hogaamiyayaasha gobolka waqooyi ee Tigray, kaasi oo qabtay doorasho uusan raali ka ahayn ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. Go’aanka oo shalay ay qaateen labada Aqal ee Baarlaamanka ayaa kasii daraya xiriirka burburay ee Abiy Ahmed iyo xisbiga Tigrayga ee TPLF, kaasi oo hagayey siyaasadda Ethiopia muddo ka badan 20 sano ka hor inta aanu Abiy la dooran 2018. Go’aanka xiriirka loogu jaray saraakiisha dowladda Tigrayga ayaan saameyn doonin mas’uuliyiinta dowladaha hoose ee gobolka ee adeegyada aas-aasiga ah siiya shacabka. TPLF ayaa hoggaaminayey halgankii xukunka logu tuuray dowladdiisa Mingistu 1991-kii, waxaana kadib ay awood iyo xulufueysi ay ku maamulayeen Ethiopia. Shalay ayaa xubnaha xilalka ka haya dowladda dhexe ee kasoo jeeda Tigrayga waxaa dhamaantood lagu amray inay iska casilaan xilalkaasi, kuwaasi oo ay qeyb ka yihiin xildhibaannada deegaankaasi ka soo jeeda ee ku jira federaalka. Ismaamulka Tigray-ga waxa uu shaaciyey inaysan aqoonsaneyn Baarlamaanka Federaalka (Golaha Shacabka iyo Golaha Federaalka) kadib markii uu wakhtigooda ka dhamaaday 5-tii October. Maamulka Tigrayga ayaa intaas ku daray inaysan la shaqeyn doonin xukuumada Ra’isal wasaare Abiy Ahmed, waxayna sheegeen inay lasii shaqeyn doonaan Militariga iyo Golaha Garsoorka Itoobiya oo kaliya! Amarkaasi ayaa sida la sheegayo waxa uu kasoo baxay xisbiga xoreynta shacabka Tigreyga (TPLF), kadib markii ay iskugu yimaadeen kulan ay kaga arrinsanayaan xaalada guud. Xiisadda labada dhinac ayaa salka ku haysa doorashooyinkii guud ee federaalka Ethiopia ee lagu waday inay dhacaan bishii August balse uu dib u dhigay Abiy Ahmed oo qiil ka dhiganaya cudurka Coronavirus. Tallaabada ay qaadeen TPLF iyo jawaabta baarlamanka Ethiopia ayaa laga cabsi qabaa inay dedejiso burburka Ethiopia iyo in gobolka Tigray uu ka go’o dalka intiisa kale. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska Soomaaliya ayaa markale soo saaray digniin ku socota dadka garsoorka u doonta kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, iyada oo amaro cusubna dul dhigtay. Taliska ciidamada booliska ee degmada Baardheere, Cabdi Sheekh Xasan Cilmi ee gobolka Gedo ayaa ka digay in loo xukun doonto maxkamadaha Shabaabka oo ku sugan dergaano ka tirsan gobolka Gedo. Taliyaha ayaa sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin in loo xukun tago Shabaab oo sanado badan ay dagaal iskula jiraan dowladda. Sidoo kale waxa uu xusay in cidkasta oo gees marta digniintan oo u xukun doonata kooxdaasi ay u aqoonsan doonaan inay la shaqeeyan argagixisada Al-Shabaab. Wuxuun ku tilmaamay dadka xukunka u doonta inay la mid yihiin Al-Shabaab, isla markaana ay qeyb ka noqonaya dagaalka ay ku beegsanayaan maleeshiyadaasi, isagoona carabaabay inay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan cidkasto oo u xukun doonata. Digniintan ayaa imaneysa xili ay soo baxayso in dad badan oo ku sugan deegaanada ay gacanta ku hayso dowladdu ay garsoor u doontaan deegaanada ay maamulan dagaal-yahanada Shabaabku. Mana aha digniintii u horeysay ee loo soo jeediyay dadka u xukun doonta Shabaabka, iyada oo dhowr jeer oo hore amaro ka dhan ah arrintaasi ay go’aano ka soo saareen waaxda garsoorka dalku. The post DF Somalia 'oo tallaabo ka qaadeysa' dadka garsoorka u doonta kooxda Shabaab first appeared on Caasimada Online.
-
At least six Somali government soldiers were killed and four others wounded when a roadside bomb blast struck a military vehicle in the Middle Shabelle region on Wednesday, an official said. Ibrahim Adan, a police officer in the region told Anadolu Agency over phone that an “improvised explosive blast hit the military vehicle carrying soldiers traveling from Bal’ad district to a military observation post in the area.” Three soldiers escaped the attack and the wounded were transported to Mogadishu for treatment, he added. Bal’ad is an agricultural town located 30 kilometers (18 miles) north of the capital Mogadishu and it is the second largest town in the Middle Shabelle region. Somali-based al-Qaeda affiliated group al-Shabaab claimed responsibility for the attack via internet. Meanwhile, a military base in Jazira, outside Mogadishu came under attack by al-Shabaab on Wednesday. The group said it had killed several government soldiers and destroyed six military vehicles in the attack. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta Xisbiga Amniga iyo Cadaalada oo ah xisbi uu hogaamiyo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa maanta sheegay in Abuu Mansnuur la sii deen doono wixii ka dambeeyo 7-da Bisha 2-aad ee sanadka 2021-ka, xiligaas oo ku eg muddo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya sida ay hadalka u dhigeen. Yuusuf Xasan Mursal, oo ka tirsan masuuliyiinta Xisbigaasi ayaa sheegay in Abuu Mansuur uu xiran yahay arrimo siyaasadeed oo u gaar ah Madaxweyne Farmaajo islamarkaana markii uu dhamaado muddo xileedkiisa la siin doono. Yuusuf ma uusan shaacin waxa ay yihiin arrimahan siyaasadeed. “Abuu Mansuur qofna kama warqabto, mobile looma ogola, looma tagi karo waxaa afduub u heesta dowladda federaalka balse maalin kadib markii uu dhamaado waqtiga madaxweyne Farmaajo xabsi kuma sii jiri doono,” ayuu warbaahinta u sheegay mudane Yuusuf Xasan Mursal oo ka tirsan masuuliyiinta Xisbiga Abuu Mansuur ee amniga iyo cadaaladda. Yuusuf Xasan ma uusan sheegin waxa dhici doona haddii madaxweyne Farmaajo dib loo soo doorto, taasi oo ah arrin aad u suurta-gal ah, haddiiba ay sax tahay in sii-daynta Roobow ay ku xiran tahay in madaxweyne Farmaajo meesha ka baxo. Abuu Mansuur ayaa waxaa laga soo xiray magaalada Baydhaba bishii December 2018, kadib markii uu diiday dalab kaga yimid dowladda federaalka oo ahaa inuusan isku sharxin madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. Dhinaca kale, Xisbiga Aamniga iyo Cadaaladda ee uu hoggaamiyo Abuu Mansuur ayaa maanta helay shahaada kumeel gaarka ah kadib muddo sanad ah loo diidanaa qaadashada shahaadadaasi, waxaana sababta diidmada lagu sheegay arrimo la xiriira Abuu Mansuur. The post 'Xilliga la sii deynayo' Abuu Mansuur oo la sheegay first appeared on Caasimada Online.
-
Ku-simaha Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo goob-joog u ahaa heshiis ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkadda maalgashiga Albayrk ayaa sheegay in sanadihii la soo dhaafay tallaabo fiican loo qaaday dhanka xoojinta maalgashiga dalka. Kusimaha Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa tilmaamay macnaha ay u leedahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in dib u eegid iyo horumarin lagu sameeyey Heshiiskii 2014-kii ay kala saxiixdeen Dowladda Soomaaliya iyo Shirkadda Albayrk ee ku saabsanaa howlgelinta Dekedda Muqdisho iyo ballaarinteeda. Heshiiskan ayaa lagu soo koobay 5 sano oo uu qeexayo hannaan lagu sii kordhin karo muddada dheer ee ka hartay heshiiskii hore ee 20-ka sano ahaa, balse ay saldhig u tahay guulaha laga gaaro qorshaha ballaarinta Dekedda iyo hannaanka howlgelinteeda, iyadoo dowladda Soomaaliya ay korjoogteyn doonto, kana soo saari doonto qiimeyn muujinaysa hirgelinta qodobbada lagu heshiiyey. Heshiiska waxaa dowladda Federaalka Soomaaliya u saxiixay si hayaha Wasiirka Wasaaradda Dekadaha Marwo Maryan Aweys, halka dhanka shirkadda Albayrak uu u saxiixay Mudane Ahmet Sami Isler iyo Fehat Akkaya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Qubanaha-shabelle-07102020.mp3 View the full article
-
Mogadishu:- 10 October 2020, Xaruntasamafalka Aadan Cabdulle Cusmaan, oo saldhiggeedu yahay magaalada Mugadishu, ayaa waxa ay ka bilowdaymagaalada Muqdishu tababarro xirfado farsamada gacanta ah oo waxlagubarayo 200 oo ka mid ah, dhallinyarada ku nool xarumaha barakacayaasha ee magaalda Muqdishu. Sidaasina waxaa shaacaka qaaday Engcabdulqaadir Aadan Cabdulle, oo ah agaasimahaha hey’dda samafalka AadanCabdulle. Eng. Cabdulqaadir, oo faahfaahinayey sida mashruucaan loo fulinayo ayaa waxaa uu sheegay inmuddo 10 bilood ah lagu dhamaystirayo mashruuca tababarka dhalinyarada barakacayaasha ah. Waxaa uu intaas raaciyey agaasimahahay’addu, in hadda tababarkii ugu horeeyey loo bilaabay 60 dhalinyaraaoo labarayo xirfaddaha harqaanka. Dhallinyaro kale oo tiradoodu ay gaareyso 40 ayuu caddeeyey agaasimuhu in labaridoono farsamada mobillada gacantaiyo ciladbixintooda wajiga labaad ee mashruucan xirfadbarista. Sidoo kale wuxuu sheegay Eng. Cabdulqaadir, in 50 dhallinyaro ah iyagana labaridoono farsamada alxanka biraha baabuurta,iyo farsamada najaarnimada. Sida uu xaqiijiyay EngCabdulqaadir, dhammaan tababaradaasi in ay yihiinkuwobilaash ah islamarkaana inta dhamaysata loo abuuridoono goobo ay kushaqaystaan. Eng Cabdulqaadir waxauu sheegayin ay Hirgalinta mashruucaan iskakaashadeen maalgalintiisa Bangiga horumarinta Islaamka iyo Hay’adda SamafalkaAadan Cabdulle Cusmaan. Eng Cabdulqaadir Aadan Cabdulle, oo ah agaasimaha hay’adda Samafalka ayaa waxaa uu uga mahadceliyey bangiga horumarinta Islaamka kaalamada ay u fidiyeen ummadda Soomaaliyeed xilligaan adag, isagoo si gaar ah oo isagoo hoosta ka xariiqay in aaney umadda Soomaaliyeed iloobidoonin gargaarki iiyo kaalmadii uu bangiga horumarinta Islaamku lagarabtaagnaa Soomaaliyaxilliyadiiaadka u adkaaeeSoomaaliyaay soomartay. Hay’addasamafalkaAadanCabdulleCusmaan, ayaawaxaa la asaasaysanadkii 2012 Kii Waxaana loo asaasay in ay wax kaqabatoarrimahawaxbarashada, arrimahaCaafimaadka, Nabadda, wadaxaajoodkaiyodowladwanaagga. Soomaaliyaayaawaxayka mid tahay dowlada haasaasay ururka islaamka oo bangiga horumarinta islaamku hoosyimaado, waxaana xilligaas Soomaaliya madaxweyne kaahaaallaha u naxariistee Aadn Cabdulle Cusmaan, oo ahaa madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya markii ay xornimada qaadatay. Madaxweyne Aadan Cabdulle, waxa uu xukunka ku wareejiyey Cabdirashiid Cali Sharmaake, allaha u naxariistee ka ddib markiiuu hal cod oo kaliya kaga helay doorashadii 1967dii. DHAMAAD. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte ayaa sheegay in Ethiopia ay hadda dhadhamineyso dhib la mid ah kii ay muddo la dooneysay Soomaaliya ee federaalka. Ethiopia ayaa waxaa hadda ka taagan khilaaf laga cabsi qabo inuu sababo in dalka kala go’o, kaasi oo u dhaxeeya qaar ka mid ah dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe ee federaalka. “Hab u muuqda mid is burinaya, Ethipia oo sanado badan u ololeyneysa, welibana xitaa dhiir-gelineysay hanaan federal oo dabacsan oo ka hirgala Soomaaliya, waxay hadda dhadhamineysaa dawadeeda,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Caynta oo qoraal soo dhigay Twitter-ka. “Xiriirka oo ay isku gooyaan [dowladda] dhexe iyo dowlada goboleedyada waa wax caadi ah ka ah Soomaaliya, waxayna dhowaan mid xaqiiq ah sidoo kale ka noqon kartaa Ethiopia.” Xildhibaanada baarlamanka Ethiopia ayaa u codeeyey in dowladda ay xiriirka u jarto hogaamiyayaasha gobolka waqooyi ee Tigray, kaasi oo qabtay doorasho uusan raali ka ahayn ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. Dhankoodana, shalay ayaa xubnaha xilalka ka haya dowladda dhexe ee kasoo jeeda Tigrayga waxaa dhamaantood lagu amray inay iska casilaan xilalkaasi, kuwaasi oo ay qeyb ka yihiin xildhibaannada deegaankaasi ka soo jeeda ee ku jira federaalka. Xiisadda labada dhinac ayaa salka ku haysa doorashooyinkii guud ee federaalka Ethiopia ee lagu waday inay dhacaan bishii August balse uu dib u dhigay Abiy Ahmed oo qiil ka dhiganaya cudurka Coronavirus. Tallaabada ay qaadeen TPLF iyo jawaabta baarlamanka Ethiopia ayaa laga cabsi qabaa inay dedejiso burburka Ethiopia iyo in gobolka Tigray uu ka go’o dalka intiisa kale. The post CAYNTE: Ethiopia waxay dhadhamineysa dawadii ay u qortay Soomaaliya oo kale first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta heshiis cusub la saxiixatay shirkadda Albayrk ee maamusha dekedda weyn ee Muqdisho, taas laga leeyahay dalka Turkiga. Ku-simaha Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa goobjoog ka ahaa halkii maanta lagu kala saxiixanayey heshiiskaas oo ku eg 5-ta sano ee soo socota. Bishii October ee sanadkii 2014-kii ayey shirkadan heshiis la saxiixatay dowladda Soomaaliya, balse waxaa la sheegay in heshiiskaasi uusan u dhameyn habraacyada lagu maamulo dekedaha caalamiga ah. Ku-simaha Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay macnaha ay u leedahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in dib u eegid iyo horumarin lagu sameeyey heshiiskii 2014-kii ay kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo shirkadda Albayrk ee ku saabsanaa howlgelinta dekedda Muqdisho iyo ballaarinteeda. Heshiiskan ayaa lagu soo koobay 5-sano oo uu qeexayo hannaan lagu sii kordhin karo mudada dheer ee ka hartay heshiiskii hore ee 20-ka sano ahaa, balse ay saldhig u tahay guulaha laga gaaro qorshaha ballaarinta dekedda iyo hannaanka howlgelinteeda. Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa hadda kadib korjoogteyn doonta, isla markaana soo saari doonto qiimeyn muujinaysa hirgelinta qodobada lagu heshiiyey, sida lagu cadeeyay heshiiska cusub. Heshiiskan cusub waxaa dowladda Soomaaliya u saxiixay sii-hayaha wasiirka wasaaradda dekadaha Soomaaliya Maryan Aweys, halka shirkadda Albayrak ee laga leeyahay dalka Turkiga uu u saxiixay Ahmet Sami Isler iyo Fehat Akkaya. The post DF oo wax ka beddeshay heshiiskii Turkiga ee dekedda Muqdisho kuna soo koobtay... first appeared on Caasimada Online.
-
Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa beeniyey wararka sheegaya in Al-Shabaab ay sii deysay labo dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba, kadib markii la shaaciyey in xorriyadooda la siiyey dhaqaatiirtaasi. Cawad ayaa tilmaamay in aysan ka war-hayn arrintaasi, wuxuuna shaaciyey in dowladda uusan ka soo bixin wararka ay tabisay qaar ka mid ah warbaahinta caalamka. “Wararka ay warbaahinta caalamka qaarkood sii dayanayaan oo sheegaya in lasii daayey dhaqaatiirtii Cuban-ka ahaa ee lagu haystay Soomaaliya waa war aan kasoo bixin dowladda Soomaaliya, waa war la abuuray,” ayuu yiri Cawad. Dhanka kale sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda dalka Cuba oo lagu magacaabo, Juan Antonio Fernández Palacio ayaa dhankiisa beeniyey in la sii daayey labada dhaqtar ee kala ah Assel Herrera Correa iyo Landy Rodríguez Hernández. “Dadaallo xooggan ayaa socda oo la sameynayo si loo xaqiijiyo xoriyadda labada dhaqtar iyo inay dalkooda si nabdoon gu soo laabtaan.” ayuu yiri Juan Antonio. Herrera Correa iyo Landy Rodríguez Hernández ayaa sanad ka badan gacanta ugu jira Al-Shabaab, waxaana laga soo afduubtay gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. View the full article
-
Axmed Ciise (bidix), Juan Antonio Fernandez iyo Cyrus Oguna Dowladaha Soomaaliya, Cuba iyo Kenya ayaa beeniyay in la siidaayay labo dhakhtar oo dalka Cuba u dhashay, kuwaas oo u afduubnaa ururka Al-shabaab. Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo wareysi siiyay idaacadda BBC-da ayaa sheegay in warka siideynta labadaas nin uusan ahayn mid ka baxay dowladda Soomaaliya. Sidoo kale Axmed Cawad wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay wado dadaalo lagu siideynayo ragaas, ayna kala xiriirto dowladda Cuba. Dhanka kale qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku daabacay agaasimaha warfaafinta wasaaradda arrimaha dibada Cuba, Juan Antonio Fernandez ayuu ku beeniyay siideynta labada dhakhtar ee wadankiisa u dhashay ee u afduuban Al-shabaab, wuxuuna tilmaamay in dadaal loogu jiro siideyntooda. Sidoo kale afhayeenka dowladda Kenya Cyrus Oguna ayaa sheegay in Kenya aysan wax war ah ka hayn siideynta dhakhaatiirta Cuba. Wakaaladaha wararka ee AP iyo AFP ayaa maanta daabacay in Al-shabaab siidaayeen labada dhakhtar ee Cuba u dhashay, iyagoo soo xiganaya saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya oo magacooda la qariyay. Labada dhakhtar oo lagu kala magacaabo Assel Herrera iyo Landy Rodriguez ayaa laga afduubay magaalada Mandheera bishii Abriil ee sanadkii hore. PUNTLAND POST The post Maxaa ka jira in la siidaayay dhakhaatiir u afduubnaa Al-shabaab? appeared first on Puntland Post.
-
Ku-simaha Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo goob-joog u ahaa Heshiis ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkadda maalgashiga Albayrk ayaa sheegay in sanadihii la soo dhaafay tallaabo fiican loo qaaday dhanka xoojinta maalgashiga dalka. Kusimaha Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa tilmaamay macnaha ay u leedahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in dib u eegid iyo horumarin lagu sameeyey Heshiiskii 2014-kii ay kala saxiixdeen Dowladda Soomaaliya iyo Shirkadda Albayrk ee ku saabsanaa howlgelinta Dekedda Muqdisho iyo ballaarinteeda. Heshiiskan ayaa lagu soo koobay 5 sano oo uu qeexayo hannaan lagu sii kordhin karo muddada dheer ee ka hartay heshiiskii hore ee 20-ka sano ahaa, balse ay saldhig u tahay guulaha laga gaaro qorshaha ballaarinta Dekedda iyo hannaanka howlgelinteeda, iyadoo dowladda Soomaaliya ay korjoogteyn doonto, kana soo saari doonto qiimeyn muujinaysa hirgelinta qodobbada lagu heshiiyey. Heshiiska waxaa dowladda Federaalka Soomaaliya u saxiixay si hayaha Wasiirka Wasaaradda Dekadaha Marwo Maryan Aweys, halka dhanka shirkadda Albayrak uu u saxiixay Mudane Ahmet Sami Isler iyo Fehat Akkaya. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax gelinkii ee maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay duleedka degmada Balcad ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas lala eegtay gaari ay la socdeen ciidanka ilaalada guddoomiyaha Balcad oo marayey tuulada Buulo-Kuunto oo u dhow Daniga Baalow. Ku dhowaad 10 askari ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen illaa saddex kale, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Balcad iyo deegaanada hoos yimaada ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka socday dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab oo inta badan weeraro ka fuliso halkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Haben-07102020.mp3 View the full article
-
Xaafiiska Diiwaan-geliyaha Xisbiyada Siyaasadda ee GMDQ ayaa shahaadooyin ku-meel-gaar ah guddoonsiiyey Lix (6) Xisbi oo cusub oo ka mid noqon doona xisbiyada sida ku-meel-gaarka ah u diiwaan-gashan. Munaasabada shahaadooyinka lagu guddoonsiiyey xisbiyada cusub ayaa ka dhacday xarrunta dhexe ee GMDQ ee Magaalada Muqdisho maanta oo taariikhdu tahay 7/10/2020. Xisbiyada la diiwaan-geliyey ayaa kala ah: Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda. Xisbiga Qaransoor Xisbiga Cadaaladda iyo Dib U heshiisiinta Xisbiga Jamhuuriga Soomaliyeed Xisbiga Cagaaran ee Soomaaliyeed Xisbiga Nabadda iyo Midnimada Maxamed Maxamuud Xasan Sandheere oo ah Agaasimaha xafiiska Diiwaan-geliyaha xisbiyada ayaa furitaankii xaflada hadal kooban ka jeediyey isaga oo soo dhaweeyey dhamaan xisbiyada cusub oo ku soo biiray xayndaabka siyaasadda ee doonaya in ay ka qeyb-galaan doorashooyinka dalka ka dhici doona, waxaa uuna ku wargeliyey in shahaadada ay hadda qaadanayaan ay tahay ku-meel-gaar, balse ay xisbiyadu kaga qeyb-geli karaan oo kaliya doorashooyinka shahaadada rasmiga ah, sidaas daraadeed ay kula dardaarmay in ay ku dadaalaan sidii ay u noqon lahaayeen xisbiyo rasmi ah oo qaata shahaadada rasmiga ah, isaga oo si faahfaahsan ugu sharaxay waxyaabaha looga baahan yahay in ay la yimaadaan si ay ku noqdaan Xisbiya rasmi ah. waxaa kale oo uu aad ugu adkeeyey in laga wada shaqeeyo siddi dalka doorashooyin dimuqraadi ah looga hirgelin lahaa. Dinaca kale Xisbiyada oo ay gudoomiyeyaashoodu ka hadleen munaasabada ayaa ka mahad-celiyey sidii hufneyd ee uu GMDQ ula shaqeeyey intii ay ku guda jireen diyaarinta hawlaha is-diiwaan-gelinta maanta u qabsoontay. mid ka mid ah gudoomiyeyaashii goobta ka hadlay ayaa yiri ‘’aad ayaan ugu faraxsanahay in maanta aan ka mid noqono xisbiyada sida ku-meel-gaarka ah uga diiwaan-gashan dalka, waxaana dooneynaa in dalku ka baxo nidaamka wax qeybsiga beelaha una gudubno nidaam dimuquraadi ah oo xisbiyo badan leh’’. Gabagabadii munaasabada ayaa waxaa soo xiray Gudoomiyaha GMDQ Marwo Xaliima Ismacil Ibrahim oo sheegtay in xisbiyadu yihiin habka lagu tartamo siyaasada, ayna lagama maarmaan tahay in xisbi kasta uu furto xaafiiskiisa, xiriir joogta ahna la yeesho Xaafiiska Diiwaan-gelinta xisbiyada ee GMDQ. waxaa ayna kula dardaarantay in ay akhriyaan ayna ilaaliyaan sharciga xisbiyada dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Cuba ayaa beenisay warar sheegaya in xarakada Al-Shabaab ay sii daysay laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba, oo muddo ay ku haysteen gudaha Soomaaliya. Goor sii horreysay oo maanta ah ayaa wakaaladda wararka ee Associated Press waxay sheegtay in sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya uu u sheegay in dhaqaatiirta lasii daayey dhammaadkii toddobaadkii tegay, kadib wada-xaajoodyo muddo socday. Ilo-wareedyo dhowr ah ayaa u sheegay AP in sirdoonka Soomaaliya oo matalaya dowladda Cuba ay galeen wada-xaajoodka lagu sii daynayo dhaqaatiirta kadib markii la tusay muuqaal caddeynaya in dhaqaatiirta ay nool yihiin. Si kastaba, wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan ka war-hayn arrintaas. “Wararka ay warbaahinta caalamka qaarkood sii dayanayaan oo sheegaya in lasii daayey dhaqaatiirtii Cuban-ka ahaa ee lagu haystay Soomaaliya waa war aan kasoo bixin dowladda Soomaaliya, waa war la abuuray,” ayuu yiri Cawad. Sidoo kale sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Cuba Juan Antonio Fernández Palacio ayaa beeniyey in lasii daayey labada dhaqtar ee lagu kala magacaabo Assel Herrera Correa iyo Landy Rodríguez Hernández. “Dadaallo xooggan ayaa socda oo la sameynayo si loo xaqiijiyo xoriyadda labada dhaqtar iyo inay dalkooda si nabdoon gu soo laabtaan,” ayuu yiri. Al-Shabaab ayaa dhaqaatiirtan kasoo afduubtay magaalada Mandheera ee dalka Kenya bishii April ee 2019, ayaga oo dilay mid ka mid ah raggii ilaalinayey, kadibna la galay Soomaaliya. The post Sheekada sii daynta labada dhaqtar ee Cuban-ka oo is-bedeshay- war kasoo baxay dowladaha Somalia iyo Cuba first appeared on Caasimada Online.
-
Aqalka Sare Baarlamaanka Ethiopia ayaa dowladda federaalka ka dalbaday in ay miisaaniyadda ka goyso golaha Maamulka ee dowlad goboleedka Tigreega. Guddoomiyaha Aqalka Sare Aadan Faarax ayaa sheegay in aan Madaxda Maamulka Tigreega Dastuur ahaan loo aqoonsaneyn, isla markaana laga mamnuucay in dowlada dhexe ay la shaqeyso Aqalka Sare Ethiopia ayaa horay shalay u go’aamiyay in dowladdu la shaqeyso Maamulada Degmooyinka isla markaana xiriirka u jarto Golaha Sare Ismaamulka Tigreega. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warardheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qaarax khasaare badan dhaliyey oo ka dhacay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe. Qaraxa oo ahaa miinada dhulka la galiyo ayaa waxaa uu ka dhacay wadada ka baxda degmada ee aada deegaanka Basro oo hoos yimaado Balcad. Qaraxa ayaa waxaa uu haleelay gaadiid ay wateen ilaalada guddoomiyaha degmada , waxaana jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray askarta. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxa ku geeriyooday 6 askari oo ka tirsanaa ilaalada guddoomiyaha, halka uu dhaawac soo gaaray 4 askari, sida ay sheegayaan wararka. Al-shabab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa, waxaana ay sheegeen ay ku dileen askar ka tirsanaa ilaalada guddoomiyaha Balcad, majiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka gobolka iyo kan degamada oo ku aadan qaraxa lagu dilay askarta ka tirsan ilaalada guddoomiyaha degmada Balcad ee Shabeellaha dhexe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
