Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garbahaarey (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo ay diyaaradaha Kenya maanta ka fuliyeen gudaha gobolka Gedo. Duqeymaha oo ahaa kuwa culus ayaa diyaaraduhu waxa ay ka fuliyeen deegaano hoos yimaada magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Garbahaarey ee gobolkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in duqeymahaasi ay si gaar ah uga dhaceen deegaanada Baliga Harakoobe, Yaaqle, Qabri-xaaji & Baliga Dhadhaable. Deeganada la duqeeyey oo ah kuwa Mii ah ayaa waxaa dagan dad rayid ah, islamarkaana ah xoolo dhaqato. Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, iyadoona ay ku dhaawacmeen afar kale oo dhamaan ah dad rayid ah, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Ciidamada Kenya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay dhaq-dhaqaaqyo milatari ka waday gobolka Gedo, halkaasi ay ka geysteen tacadiyo ka dhan ah bani’adanimada. The post Diyaarado dagaal oo duqeymo culus ka fuliyey gobolka Gedo first appeared on Caasimada Online.
  2. Duqa Degmada Bosaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa shaaca ka qaadey in la joojiyey Canshuurtii laga qaadi jiray Guryaha Bosaso marka la Dayac tirayo Guriga . [...] The post Bosaso oo la laalay Canshuur gaara oo laga qaadi jiray Guryaha appeared first on . Source
  3. Boosaaso (Caasimada Onine) – Puntland ayaa ku dhowaaqday in la laalay lacago canshuuro ah oo ay dowladda hoose ka qaadi jirtay, marka dib u dayactir lagu sameynayo guryaha ku yaallo magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulkaasi. Duqa Boosaaso, Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo shir jaraa’id qabtay ayaa shaaciyey in si rasmi ah loo joojiyey canshuurtii laga qaadi jiray dayactirka guryaha magaaladaasi. Cabdisalaan ayaa sheegay in arrintaasi ay go’aan kama dambeys ah ka soo saareen golaha deegaanka, kadib cabasho ka timid bulshada ku dhaqan degmada Boosaaso. Sidoo kale Duqa magaalada Boosaaso ayaa tilmaamay in lacagaasi uruurinteeda ay ku koobneyd kaliya dowladda hoose, wuxuuna sababta ay joojiyeen ku sheegay inay tahay markii ay shacabka awoodi waayeen bixinta canshuur dayactir oo ay cabasho ka keeneen. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in aysan jirin wasaarad ama cid kale oo shaqo ku leh canshuurta la laalay, sida uu hadalka u dhigay. Tallaabadan ayaa waxaa si aad ah u soo dhoweeyey shacabka ku dhaqan gudaha Boosaaso, iyada oo sheegay inay faraxsan yihiin go’aanka duqa magaaladaasi. The post Aqriso: PUNTLAND oo ku dhowaaqday go'aan farxad-geliyey shacabka Boosaaso first appeared on Caasimada Online.
  4. Duqa magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan, ayaa shaaciyay in si rasmi ah loo joojiyay Canshuurtii laga qaadi jiray guryaha ku yaalla Boosaaso markii dib u-dayac-tirka lagu samaynayo. Cabdisalaan Bashiir, wuxuu sheegay in Canshuurtaas oo ahayd mid ku kooban Dowladda hoose, ay go’aan kama dambays ah ka soo saareen Golaha Degaanka Boosaaso, islamarkaana si buuxda u joojiyeen. Duqa Boosaaso, wuxu tilmaamay in Canshuurtaas la laalay, kadib markii ay cabashooyin kala duwan ka muujiyeen Shacabka ku dhaqan magaalada, kuwaas oo sheegay in aysan awoodin bixinta Canshuur dayac-tir. Sidoo kale, wuxu xaqiijiyay in aysan jirin wasaarad ama cid kale oo shaqo ku leh Canshuurta la laalay, balse ay ku koobnayd Dowladda hoose oo keliya. View the full article
  5. Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixisay howl-gallo ciidamada milatariga ay ka sameeyeen qeybo badan oo ka mid ah gobolka Sh/Hoose. Axmed Xasan Siyaad oo ka mid ah saraakiisha ciidamada milatariga dowladda federaalka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in toban ka tirsan dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ay ku dileen tuulooyin hoos yimaada deegaanka Bariire ee gobolkaas. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xubnaha la dilay ay ku jiraan labo sarkaal oo sar-sare, sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaasi. Maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howl-gallada milatari ee ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay howl-gallo ciidamada milatariga ay ka sameeyeen qeybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. Axmed Xasan Siyaad oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in toban ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku dileen duleedka deegaanka Bariire. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xubnaha la dilay ay ku jiraan labo sarkaal oo sar-sare, walow uusan carab dhabin magacyadooda. “Cadowga Ummadda Soomaaliyeed waxay wajahayaan cadaadis xoogan, waxaana ciidamadda sii laba jibaarayaan howlgaladooda,” ayaa yiri taliye Axmed Xasan Siyaad. Dhanka kale ma sheegin haddii dhankooda uu wax khasaare ah ka soo gaaray dagaalka ay la galeen Al-Shabaab. Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa kordhiyey dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post DF Soomaaliya oo shaacisay inay howl-gallo ku dishay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab first appeared on Caasimada Online.
  7. Doorashada dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa muuqata inuu khilaaf hareeyey kadib markii madaxweyne Maxamed Waare ka daba tagay guddigii farsamaha ee uu horay u magacaabay. Madaxweyne Waare ayaa ka horyimid jadwal ay dhowaan ay soo saareen guddiga doorashada isaga oo badalay maamulkii iyo qaabkii ay wax u wadeen isla markaana laalay wixii ay horay u qabteen. Maamulka Waare ayaa ku doodaya in guddiga uu ahaa mid guddi farsamo, oo aan la dhameystirin, oo haween ayaa ka maqan, hawlo shaqo aan loo sameyn, sidaasi ay tahay isbadal lagu sameeyey. Wararka qaar ayaa sheegaya in khilaafka uu dhashay jadwalka doorashada iyada oo madaxweyne Waare uu ka biyo diidan yahay in doorashada Hirshabelle ay dhacdo kahor doorashada federaalka ah ee Soomaaliya oo dhaceysa dhammaadka sanadkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. At least six Somali government soldiers were killed and four others wounded when a roadside bomb blast struck a military vehicle in the Middle Shabelle region on Wednesday, an official said. Source: Hiiraan Online
  9. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa markale bilaabay wada-hadallo cusub oo uu la galayo hoggaanka maamulkii gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljamaaca. Qoor Qoor ayaa xalay kulan gaar ah qasriga madaxtooyada Galmudug kula qaatay Sheekh Cabdirisaaq Ashcari oo ka mid ah xubnaha sar sare ee Ahlu Sunna. Kulanka oo ahaa mid ay albaabada u xiranaayeen, islamarkaana qaatay saacado badan ayaa waxaa looga hadlay arrimo xasaasi ah, gaar ahaan sidii ay isugu soo dhowaan lahaayeen labada dhinac, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Sidoo kale kulankan ayaa ahaa mid billow u ah wada-hadallo cusub oo ay yeelan doonaan hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaac iyo madaxda dowlad goboleedka Galmudug. Wararka aan helnay ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in Qoor Qoor iyo Ashcari ay ku ballaameen kulamo kale, si loo sii amba-qaado wada-hadallada labada dhinac. Ahlu Sunna Waljamaac oo muddo ka talineysay gobollada dhexe ayaa dagaal looga saaray magaalada Dhuusamareeb, kadib gadaal markii ay ka hor yimaadeen dhismaha maamulkii lagu soo doortay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor). Si kastaba ha’ahaatee Qoor Qoor ayaa horey u ballan qaaday inuu wada-hadal la furi doono cid kasto oo ka soo horjeedo maamulkiisa, si uga shaqeeyo dib u heshiisiinta. The post Wada-hadalladii Galmudug & Ahlu Sunna oo dib u billowday first appeared on Caasimada Online.
  10. Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab geystay khasaaro hantiyadeed oo ka kacay kaalin shidaalka lagu iibiyo oo ku taalla suuqa hoose ee degmada Walanweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana uu ku fiday goobo ganacsi oo ku dhegan kaalinta. Qaar ka mid ah dadka deegaanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Wanlaweyn ayaa waxaa ay sameeyeen dadaal farabadan oo lagu deminaayay dabka, maadaama degmada aysan laheyn wax dab demis ah,waxaana dadbka oo geystay khasaaro hantiyadeed ay ku guuleysteen in xalay saqdii dhexe ay demiyaan Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dabkaasi oo ay qaadatay in la damiyo saacado badan ayaa ku fiday goobo ganacsi oo ay tiilay hanti aad u fara badan. Wanlaweyn ayaana laheyn gaadiidka dam damiska, taas oo keentay in dabka uu ku sii fido goobo hor leh, marka laga tego kaalinta shidaal ee uu ka billowday. View the full article
  11. Ciidanka Kumaandooska Gor-Gor iyo guutooyinka 7-aad iyo 3-aad ee Xoogga dalka ayaa howlgallo qorsheysan waxay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose. Howlgalladaas ayaa la sheegaya inay ciidamadu ku bur-buriyeen maxkamado iyo saldhigyo ay lahayeen Al-Shabaab, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya. Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in howl-galladaasi lagu dilay sarkaal sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Basra. Dhankiisa taliyaha ciidanka xoogga Sareeyo Guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa tilmaamay in u jeedka howlgalladaas uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa Shabeelooyinka. Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howl-gallada lagula dagaalamayo Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  12. Duqa degmada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan, ayaa shaaciyay in si rasmiya loo joojiyay Canshuurtii laga qaadi jiray guryaha ku yaalla Boosaaso markii dib u-dayac-tirka lagu samaynayo. Mudane Cabdisalaan Bashiir, wuxuu sheegay in Canshuurtaas oo ahayd mid ku kooban Dowladda hoose, ay go’aan kama dambays ah ka soo saareen Golaha Degaanka Boosaaso, islamarkaana si buuxda u joojiyeen. Duqa Boosaaso, wuxu tilmaamay in Canshuurtaas la laalay, kadib markii ay cabashooyin kala duwan ka muujiyeen Shacabka ku dhaqan magaalada, kuwaas oo sheegay in aysan awoodin bixinta Canshuur dayac-tir. Sidoo kale, wuxu xaqiijiyay in aysan jirin wasaarad ama cid kale oo shaqo ku leh Canshuurta la laalay, balse ay ku koobnayd Dowladda hoose oo keliya. PUNTLAND POST The post Canshuur laga qaadi jiray guryaha Boosaaso oo la laalay appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Subax-08102020.mp3 View the full article
  14. (SLT-Washington)-Sarkaalkii hore ee booliska Mareykanka ee loo haystay dilka ninkii madowga ahaa ee aan hubeysneyn George Floyd ayaa lagaga sii daayay xabsiga qaab damiin ah. Derek Chauvin ayaa soo dhigay $ 1m (£ 774,000) oo dammaanad ah waxaana la sii daayay subaxnimadii Arbacada, sida uu muujinayo diiwaanka maxkamaddu. Sarkaalkan caddaanka ah ayaa laga duubey isaga oo jilibkiisa qoorta kaga haya Mr Floyd muddo ku dhow sideed daqiiqo ah, ka hor inta aanu dhiman 25 May. Dhimashada Mr Floyd waxay horseedday muddaaharaadyo caalami ah iyo baaqyo ku saabsan dib-u-habeyn dhanka bilayska ah, oo ka dhashay dhaqdhaqaaqii Nolosha Dadka Madow waa Mudan. Mr Chauvin ayaa laga caydhiyay shaqadiisa waxa uuna hadda sugayaa maxkamad bisha Maarso ee sannadka soo socda iyadoo lagu eedeenayo dil labaad iyo dil badheedh ah. Seddexdii sarkaal ee kale – J Alexander Kueng, Thomas Lane iyo Tou Thao – ayaa sidoo kale shaqada laga caydhiyay waxaana lagu eedeeyay inay gacan ka geysteen dilkaasi. Dhammaan afartan sarkaal ee loo haysto dilka Mr Floyd oo ka dhacay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, ayaa hadda la soo damiintay, waana xor ilaa laga gaadhayo maxkamadeyntooda danbe sannadka soo socda. Chauvin wuxuu ku jiray xabsiga ugu amniga badan ee Oak Park Heights, Minnesota, tan iyo dabayaaqadii bishii May. Bishii Juun, garsooraha ayaa dhigay dammaanad ah $ 1.25m oo aan lahayn wax shuruud ah, ama $ 1m oo ay ku jiraan shuruudo ay ka mid yihiin Mr Chauvin in aanu la xidhiidhin qoyska Mr Floyd, dhiibistiisa qorigiisa oo uusan ka shaqeyn karin waaxaha sharci fulinta ama amniga maadaama uu maxkamad sugayo. Mr Chauvin, damaanaddiisa ayaa tan shuruudda leh, taasoo diiwaanka maxkamada ay muujisay inay u dammaanad qaadday wakaalad ka shaqaysa damiin qaadidda, sida ay soo tebisay warbaahinta CBS Minnesota. Mareykanka gudahiisa, wakiillada damaanad-qaadayaasha ah aa ayaa kuu ballan qaadaya inay siiyaan mas’uuliyiinta qaddarka dammiin buuxa ee looga baahan yahay deysanayaasha haddii aysan awoodin inay sidaas sameeyaan ama ay ku fashilmaan inay ka soo muuqdaan maxkamadda. Mr Chauvin ayaa laga sii daayay xabsiga wax yar ka hor 11:30 waqtiga maxalliga ah (17:30 GMT) Arbacadii, sida laga soo xigtay Xafiiska Sheriff County Hennepin. Ben Crump, oo ah qareen u dooda xuquuqda madaniga ah oo matalayay qoyska Mr Floyd, ayaa sheegay in siidaynta Mr Chauvin ay ahayd “xusuusin xanuun badan” sida oo kalena “wali ay ka fog yihiin inay cadaalad u helaan George”. “In kasta oo George Floyd loo diiday inuu caddaalad ku helo nolosha, haddana ma nasan doonno illaa iyo inta uu ka helayo caddaalad buuxda kaddib geeridiisa, “ayuu yidhi Mr Crump. Xilligan, dhammaan afarta sarkaal ee la eedeeyay waxaa loo qorsheeyay inay si wada jir ah u wajahaan maxkamad bisha Maarso, laakiin qaaddiga ayaa ka fiirsanaya inuu si goonni goonni ah u maxkamadeeyo. Dhacdadan dacwad oogisteeda ayaa muujisay nabarro qoto dheer oo ka dhashay sinnaan la’aanta jinsiyadeed ee Mareykanka. Banaanbaxyadii Nolosha Madow waa Mudan – oo qaarkood rabshado isu rogeen – waxay noqdeen arrimo siyaasadeed oo muhiim ah xilligan loo diyaargaroobayo doorashada madaxweynenimo ee bisha Nofeembar ka dhici doonta Mareykanka. Source
  15. (SLT-Muqdisho)-Ku-simaha raysal Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo goob-joog u ahaa Heshiis ay kala saxeexdeen Dowladda Soomaaliya iyo Shirkadda maalgashiga Albayrk ayaa sheegay in sannadihii la soo dhaafay tallaabo fiican loo qaaday dhanka xoojinta maalgashiga dalka. Ku-simaha raysal Wasaare ku-xigeenka ayaa tilmaamay macnaha ay u leedahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya in dib u eegid iyo horumarin lagu sameeyey Heshiiskii 2014-kii ay kala saxeexdeen Dowladda Soomaaliya iyo Shirkadda Albayrk ee ku saabsanaa howlgelinta Dekedda Muqdisho iyo ballaadhinteeda. Heshiiskan ayaa lagu soo koobay 5 sanno oo uu qeexayo hannaan lagu sii kordhin karo muddada dheer ee ka hadhay heshiiskii hore ee 20-ka sanno ahaa, balse ay saldhig u tahay guulaha laga gaadho qorshaha ballaadhinta Dekedda iyo hannaanka howlgelinteeda, iyadoo dowladda Soomaaliya ay korjoogteyn doonto, kana soo saari doonto qiimeyn muujinaysa hirgelinta qodobbada lagu heshiiyey. Heshiiska waxaa dowladda Soomaaliya u saxeexay sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Dekadaha Marwo Maryan Aweys, halka dhanka shirkadda Albayrak uu u saxeexay Mudane Ahmet Sami Isler iyo Fehat Akkaya. Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – 8-da bisha Febraayo ee sanadka 2021-ka waxaa lagu ballansan yahay in baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya uu soo doorto madaxweynaha dalka hoggaamin doona afarta sano ee soo socota, oo ka bilaabaneysa maalinkaas. 2-dii bishan October madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa soo saaray jadwal doorasho oo ay heshiis ku yihiin, kadib mudo ku dhaw bil ah oo ay Muqdisho kuwada sugaanaayeen. Jadwalkaas ayaa dhigaya in doorashada madaxweynaha Soomaaliya ay dhacdo 8-da bisha Febraayo ee sanadka soo socda oo haatan ay ka harsantahay 122 maalmood. Waxaa maalinkaas madaxweyne Farmaajo u dhamaaneysa afartii sano ee loo soortay hoggaaminta Soomaaliya oo ka soo bilaabatay 8-dii bishii Febraayo ee sanadkii 2017-kii. Madaxweynaha ayaa haysta fursad uu ku dhigo laba taariikh oo aan horey u dhicin. 1 – Muddo kororsi la’aan: Haddii jadwalka doorashada ku dhaqan-galo sida loo qorsheeyey, madaxweyne Farmaajo waxa uu noqon doonaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya ee burburka kadib soo mara oo doorashada dalka waqtigeeda ku qabta, isagoo aan maalina ku darsan. Arrinta yaabka leh ayaa ah in madaxweyne Farmaajo oo muddo lagu eedeynayey inuu doonayo muddo kororsi uu hadda ku socdo waddo uu xitaa hal maalin ugu darsan muddo xileedkiisa. Madaxweynayaashii ka horreeyey sida Xasan Sheekh iyo Shariif waxay ku darsadeen waqti lagu sheegay mid farsamo oo dhowr bilood ahaa. Si kastaba, ma cadda in jadwalka sidan ku shaqeyn doono, balse waa fursad hortaalla madaxweynaha. 2 – Dib u doorasho: Sidoo kale hadii dib loo soo doorto madaxweyne Farmaajo, maadaama la aaminsanyahay in mar labaad uu isa soo sharixi doono, waxa uu noqon doonaa madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo dib loo soo doorto. Taariikhda kama dhicin madaxweyne Soomaaliyeed oo si sharci iyo xalaal ah dib loogu soo doortay, balse Farmaajo ayaa isku dayaya inuu taariikhdaas bedello, waana fursad furan oo uu ka dhabeyn karo. Madaxweyne Farmaajo ayaa haatan heysta fursad ay taariikhda ugu geli karaan labadaan arrin ee kala ah, inuu noqdo madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka doorasho geliya, isagoo aan maalina ku darsan iyo hadii dib loo soo doorto, inuu noqdo madaxweynihii ugu horeeyay ee mar labaad hoggaaminta Soomaaliya loo doorto. Inta aan la gaarin heshiiskan doorasho ee dhexmaray dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo noqolkiisii koowaad uu soo baxay 17-kii bishii hore ee Sebtember, madaxweyne Farmaajo waxaa lagu xamanayey inuu doonayo mudo kororsi, ugu yaraan laba sano ah. Hoos ka eeg jadwalka doorashada The post Madaxweyne Farmaajo oo dhigi kara laba taariikh oo aan horey uga dhicin dalka first appeared on Caasimada Online.
  17. (SLT-Addis Ababa)-Wasaaradda nabadda ee dalkaasi Itoobiya ayaa sheegtay iyada oo ka duulleyso bayaanki uu bilo ka hor meel mariyey baarlamaanka dalkaasi iney wasaaradda waddo tallaabbooyin suuragelinaya diiwaan gelinta hubka sharci darrada ah. Wasaaradda Nabadda ee dalka Itoobiya iyo Komishanka booliska federaalka Itoobiya warmurtiyeed wadajir ah oo ay soo saareen oo ku saabsan bisha diiwaan gelinya hubka sharci darrada ee Afrika waxay ku sheegeen diyaar garowga diiwaan gelinta hubka sharci darrada ah in la dhammeystiray. Wasiiradda Nabadda ee dalka Itoobiya Mufarriyaat Kaamil waxay sheegtay hubka sharci darrada ah ee waddamada qaaradda Afrika ku baahay in lagu sameeyo dambiya fudud illaa iyo falal aragagixiso. Waxayna intaasi ku dartay labada sanno ee ugu dambeeyey tallaabbooyin lagu xakameynayo hubka sharci darrada ah iney socdeen tallaabbadan diiwaan gelintana ay dadaalkii soo socday qayb ka tahay. “Hay’adaha loo baahnaa iney xakameeyaan hubka sharci darrada ah uma diyaarsaneyn teknooloojiyaddi ay ku howl geli lahaayeen, dowladduna hay’adihi fulin lahaa waxay u dhammeystirtay qalab iyo tababarradi ay u baahnaayen” ayey tidhi. “Bayaanka baarlamaanka dalka Itoobiya uu soo saaray waxaa looga tala galay si uu qayb uga noqdo sugidda amniga iyo xasiloonida dalka Itoobiya si ay muwaaddiniinta dalka nabad ugu wada noolaadaan” ayey tidhi. Hubka sharci darrada ah oo dalka qaybahiisa kala duwan isaga gooshana “Wuxuu sababaa nabadgalyo la’aan, iyo dadka oo is laayo” ayey tidhi wasiiradda Nabadda dalka Itoobiya Mufarriyaat Kaamil. Maxa socda? La-taliyaha wasaaradda Nabadda ee dalka Itoobiya Minas Fisaha wuxuu sheegay Itoobiya inay 2011-kii saxeexday heshiiskii ka hortagga iyo xakameynta hubka fudud ee sharci darrada ah ee loo yaqaanno (Nairobi Protocol), balse sannado badan uu dalkaasi laheen sharciyo arrintan gacan ka geysanayo. Balse dowladda Itoobiya oo sannadihii u dambeeyey arrintan ahmiyad siisay 2019-kii waxay meel marisay bayaanka xakameynta hubka uu tirsigiisu yahay 1177/2012. “Xeerarki uu sharcigaasi u baahnaa oo dhanna diyaarintooda waa la dhammeystiray” ayuu yidhi la taliyaha Wasaaradda Nabadda. Howsha diwaangelinta hubka sharci darrada ee dalka Itoobiya dhawaan ka billaabmayana fulinteeda waxaa loo xil saaray Komishanka Booliska ee dowladda federaalka oo kaashanayo booliska deegannada kuwa ismaamul magaalooyinka. Balse warmurtiyeedka ay wasaaradda Nabadda soo saartay laguma sheegin xilliga rasmiga ah ee diiwaan gelinta hubka la billaabayo. “Bayaanka uu tirsigiisu yahay 1177/2012 ayaa si cad looga bayaamiyey cidda hubka qaadan karta ee loo oggol yahay iyo cidda aan loo oggoleyn. Balse guud ahaan sida uu bayaanku dhigayo waxaan hub loo oggoleyn dadka aqoon sharci oo durugsan laheen, dadka ay maxkamad ka mamnuucday ama dadka ay lixaadkoodu dhammeystirneen” ayuu yidhi la taliyaha wasaaradda nabadda Minas Fiseha. Jadwalka diiwaan gelinta hubkana waxaa soo saari doono Komishanka booliska fedraalka dalka Itoobiya oo howshan loo igmaday. Source
  18. Ethiopia’s parliament has voted to break off ties with the political administration in Tigray, just days after it had begun a new session from which the northern region had withdrawn all its representatives. Source: Hiiraan Online
  19. Somalia in September saw the opening of what is being touted as the country's first independent, modern arts institution. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegaya in dowladda Mareykanka aysan bishaan bixin mushaarka ciidanka DANAB oo markii hore qaadan jiray xiligaan ka hor. Wararka ayaa sheegaya in xubno kamid ah taliska AFRICOM u sheegeen dowladda Soomaaliya in aysan bixin doonin mushaarka ciidanka ilaa xal laga gaaro xarigga taliyihii ciidankaas Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik Maalin. Mareykanka ayaa sheegay in si aan sharci aheyn loo heesto sarkaalka, islamarkaana ay ugu baaqeen dowladda Soomaaliya in ay sii deyso lana xaliyo tabashooyinka kale ee Jira. “DF waxaa loo gudbiyay baaq si hoose ah waxaana la dalbaday in la sii daayo taliyaha, waxaana ilaa hadda maqan mushaarka ciidanka, xogta aan heynana waxey sheegeysaa in aan la bixi doonin ilaa laga xaliyo arrintaan,” ayuu noo sheegay mid ka mid ah saraakiisha ciidanka DANAB ee kumaandooska Soomaaliya. Ismaaciil Cabdimaalik Maalin, ayaa muddo bil ah ku xiran xarunta wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, waxaana la sheegay in aan ilaa hadda la cadeynin sababta xarigiisa. Mareykanka ayaa la sheegay inuu ka walaacsan yahay arrimahaan islamarkaana ay jiraan wadahadallo ay la yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya islamarkaana ay dhaqan geli waayeen balamo ay la galeen oo ah in la sii deen doono Sarkaalkaan. The post Xog: Mareykanka oo bishan hakiyey bixinta mushaarka ciidamada DANAB kaddib sarkaal ay xirtay dowladda first appeared on Caasimada Online.
  21. Ethiopia has banned all flights over its giant new hydropower dam on the Blue Nile for security reasons, the head of its civil aviation authority has said, as the country's president pledged the dam would begin generating power in the next 12 months. Source: Hiiraan Online
  22. At least four al-Shabab militants were killed on Wednesday in an operation conducted by the Somali National Army in Middle and Lower Shabelle regions in southern Somalia, a military official said. Source: Hiiraan Online
  23. Ilwad Elman, who returned to Somalia a decade ago to carry on her deceased father's social activism, is a contender for the Nobel Peace Prize - due to be announced on Friday - for her work in peace building and tackling gender-based violence. Angela Ukomadu reports. Source: Hiiraan Online
  24. A new report jointly launched today by the Minister of Planning and National Development Hon. Hassan Mohamed Ali and the Minister of Health Development Hon. Omar Ali Abdillahi of Somaliland —titled the Somaliland Health and Demographic Survey (SLHDS) Report 2020—offers the decision makers and stakeholders vital information on the health and lives of Somaliland women and children. Source: Hiiraan Online
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa muddo toddobaad ah biyo la’aan ah xarunta dowladda Hoose ee Xamar, kadib markii uu biyaha ka jartay ceelkii ay biyaha ka cabi jareen. Ilo wareedyo ka tirsan xarunta gobalka Banaadir ka tirsan ayaa Caasimada Online u sheegay in ugu yaraan muddo shan maalmood ah ay biyo la’aan joogaan dhamaan xafiisyada dowladda Hoose ee Xamar. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in gobalka Banaadir lagu yeeshay lacag bilooyin ah oo aruurtay, taasi oo la sheegay in ay tahay wax fudud oo ay bixin karaan balse ay muuqato maamul xumo iyo xil iska saarid la’aan. Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in uu jiro tabasho ay qabana maamulka ceelka oo ah in ay dhib badan ka maraan bixinta lacag, taasina ay sababtay in ay sheegaan in aysan siin karin biyo maamulka gobalka Banaadir. Arrintan ayaa si weyn looga dareemay guud ahaan shaqada dowladda Hoose, waxaana aad isu weyiinaya shaqaalaha. Qaar kamid ah xafiisyada muhiimka ayaa qaarkood xiran halka kuwa kalane ay soo gaabiyeen shaqada maalin laha ah. Maamulka Gobalka Banaadir oo aan la xariirnay ayaa ka jawaabin sababta arintaan halka qaar kamid ah masuuliyiinta aan la hadalnay ay diideen in ay faah faahin ka bixiyaan. Maamulka ayaa ahaa mid isku dhex yaacsan tan iyo markii uu guddoomiyaha gooblka loo magacaabay Cumar Filish. The post Xarunta maamulka gobalka Banaadir oo biyihii laga jartay first appeared on Caasimada Online.