Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Gunmen abducted a man moments after he was released from State custody a day after he was acquitted of charges of helping al Shabaab militants storm the Westgate mall in 2013 Source: Hiiraan Online
  2. Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo maalmahan safar shaqo ku joogay Muqdisho. Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Roobe iyo Guddoomiye Cali Siciid Fiqi, oo kulan gaar ah ku yeeshay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayaa uga wada-hadlay Arrimaha Doorashada iyo doorka kaga aaddan Koonfur Galbeed. Labada mas’uul, waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in dalka ay ka dhacdo doorasho hufan oo lagu wada qanacsanyahay, islamarkaana wakhtigeeda ku qabsoonta. Sidoo kale, waxay ka wada-hadleen in la xoojiyo wada-shaqaynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.
  3. Asha Abdille was New Zealand’s first convicted plane hijacker. A decade on, has she been failed by the mental health system? Jehan Casinader investigates. Source: Hiiraan Online
  4. Somali National Army (SNA) backed by South Western State forces killed five al-Shabab militants on Saturday in a joint operation in Dinsor, a town in the southern region of Bay, an official said. Source: Hiiraan Online
  5. Kooxo hubeysan oo caawa dil ka geystay gudaha Masjid ku yaalla Gaalkacyo Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa caawa qof shacab ah waxay ku dileen Masaajid ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya. Siciid Jaamac Kulan (Maradona) oo la sheegay inuu ahaa nin taksiile ah ayey wararku sheegayaan in lagu dhex dilay masaajidka Abuu Hureyra ee magaalada Gaalkacyo markii uu rasaas ku furay nin bastoolad ku hubeysan. Wararka ayaa intaas ku daraya in ninka hubeysan ee dilka geystay uu deg deg uga baxsaday Masaajidka, laguma guuleysan in la qabto sida ay ku warameen dad goob joogayaal ah. Ciidamada amaanka ayaa gaaray masaajidka uu dilku ka dhacay, iyagoo halkaas ka wada howlgalo baaritaano ah, lamana oga illaa hadda sababta loo dilay ninkan iyo cida ka dambeysay Qaran News
  6. Dagaal xooggan oo u dhexeeya dableey ka tirsan Al-shabaab iyo Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhacay Gobolka Shabeellada Hoose. Dabley hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab, ayaa duleedka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose ku weeraray ciidamo ka tirsan AMISOM, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus, sida laga soo xigtay dadka degaanka. Ciidamada AMISOM, ayaa la sheegay in ay iska caabiyeen weerarka Al-shabaab oo lagu tilmaamay mid gaadmo ah, islamarkaana waxa la sheegay in ay dib u laabteen kooxdii weerarka soo qaadday. Khasaare kala duwan oo labada dhinac gaaray, ayaa la sheegay in uu weerarka ka dhashay balse faahfaahin sugan lagama hayo khasaarahaas. PUNTLAND POST The post Dagaal xooggan oo ka dhacay Shabeellada Hoose appeared first on Puntland Post.
  7. Qaar ka mid sawirradii ugu quruxda badnaa toddobaadkan ee laga soo qaaday dunida daafaheeda. Waa macalimad cashar dhanka online-ka ah siineeysa ardey ku sugan Amman, Jordan. Samafale Lloyd Scott, oo isku dayaya inuu fuulo qeybta ugu sarreeysa buur ku taalla Cumbria, England. Waa dhakhtar isku diyaarinaya inuu qof bukaan ah ka baaro Covid-19, kaasi oo ku sugan Xarunta Caafimaadka Sunway oo ku taalla Subang Jaya, Malaysia. Waa yaayuur ku dul socota miiska haweeneey ka shaqayneysa gurigeeda oo ku yaalla Sassenheim, Netherlands. Waa nin madaxa geeso gashtay oo ka qeeyb-qaadanayay dibadbaxyo ka dhacay magaalada Berlin ee Jarmalka. Madaxweyne Trump oo iska furaya maaskarada wajiga Waa madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence iyo Kamala Harris oo ay dhexmartay dood muddo 90 daqiiqo ah socotay. Waa mudaaharaadayaasha magaalada Jakarta oo haweeneey da’ ah difaacaya xilli iyaga iyo booliska uu iska hor imaad dhexmaray. Waa beer liin ah oo ku taalla meel u dhow Leeton, New South Wales, Australia. Qaran News
  8. Khabiirka ugu sarreeya Mareykanka ee dhinaca fayraska, Dr Anthony Fauci, ayaa Aqalka Cad waxa uuku eedeeyay qabashada xafladdii bishii la soo dhaafay taas oo lala xiriiriyay xaaladaha fayraska korona ee halkaas ka dilaacay. Dr Fauci, oo xubin ka ah guddiga la tacaalaya fayraska korona ee Aqalka Cad, ayaa sheegay in xafladdii uu Madaxweyne Donald Trump uu ku soo bandhigayay haweeneyda uu u magacaabay Maxkamadda ugu sarreysa dalkaasi ay aheyd “mid si weyn cudurkaasi u faafisay”. Ugu yaraan 11 qof oo ka qeybgashay xafladaas la qabtay 26-kii Sibteembar ayaa waxaa laga helay cudurka. Mr Trump ayaa laf ahaantiisa ka soo kabsanaya xanuunka Covid-19. Dhakhaatiirtiisa ayaa hadda waxa ay u ogolaadeen inuu qabto xaflado dadweynaha ay ka soo qeybgali karaan, xilli bil wax ka yar ay ka harsan tahay waqtiga uu doorashada guud ee madaxtinimada waddankaas uu kaga hortagayo musharraxa Xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden. Mr Trump ayaa waxa uu niyad wanaag ka muujiyay tallaabooyinka sida xirashada mask-ga iyo xayiraadaha la soo rogo si loo xakameeyo faafitaanka Covid-19, kaas oo waddanka Mareykanka ku dilay in ka badan 213,000 oo qof. Waxa uu ka hadlay suuragalnimada in tallaal dhawaan la helo, walow cilmi-baarayaashu ay sheegeen in waqtiga ugu horreeya ee la heli karo tallaalka ay tahay sanadka soo socda. Ra’yi uruurin la sameeyay ayaa muujinaysa Mr Biden uu waxyar ka horreeyo Mr Trump, iyadoo ABC News/Ipsos ra’yi uruurin ay sameeyeen ay ku ogaadeen in dadka Mareykanku ay 35% la dhacsan yihiin sida Trump uu wax uga qabtay dhibaatada. Muxuu sheegay Dr Fauci? Warbaahinta CBS News ayaa Jimcihii waxa ay Dr Fauci waydiisay waxa uu ka oranayo sida Aqalka Cad uusan u adeecayn xirashada mask-ga iyo kala fogaanshaha si fayraska loogaga taxadaro, taa badalkeedana ay ku tiirsanaadaan baaritaan joogta ah. “Xogta iyadaanba la qarin karayn – oo waxaa Aqalka Cad lagu qabtay xaflad aad u faafisay fayraska, waxayna aheyd meel ay dad badan isugu yimaadeen oo misana aanay soo xiran mask-ga afka lagu daboosho.” ayuu yiri Fauci. Senator Mike Lee, oo markii dambe laga helay cudurka ayaa waxa uu marxabaynayaa dad kale oo xafladda ka qeybgalay Xafladda ka dhacday Aqalka Cad 26-kii Sibteembar, oo uu Madaxweyne Trump ku soo bandhigayay Amy Coney Barrett oo uu u magacaabay Maxkamadda ugu saraysa dalka, ayaa waxaa loo malaynayaa inay sabab u aheyd in dad badan oo halkaas ku sugnaa ay cudurka qaadaan. Madaxweyne Trump iyo xaaskiisa Melania, oo ka mid ahaa dadkii xafladdaas ka qeybgalay ayaa markii dambe laga helay cudurka, iyo sidoo kale laba senator, Xoghaya Warfaafinta ee Aqalka Cad iyo kansolarkii hore ee Trump Kellyanne Conway. Dr Fauci ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay in khubaradu ay lixdii bilood ee la soo dhaafay ay ku talinayeen in dadku ay mask-ga xirtaan, waxa uuna cambaareeyay hadalka ah in fayraska korona “dawo” uu leeyahay – kalmaddaas oo uu Mr Trump isticmaalay mar uu ka hadlayay daweyntii hordhaca ahaa ee Covid-19 loo siiyay mudadii uu ku jiray isbitaalka milateriga. Isu-soo-baxyada waa weyn ayaa weli waxaa laga mamnuucay caasimadda Mareykanka Covid-19 awadii, hasayeeshee waxaan ku jirin dhismayaasha federaalka sida Aqalka Cad. Waa sidee caafimaadka Mr Trump? Mr Trump – oo Isniintii laga soo saaray Isbitaalka saddex cisho kaddib – ayaa mar lagu waydiiyay wareysi uu fiidkii Jimcaha siiyay Fox News calaamadaha uu dareemay tan iyo markii uu cudurka ku dhacay. Madaxweynaha ayaa sheegay inuu tabar-darri dareemay, hasayeeshee wax dhibaato ah uusan ku qabin dhinaca neefsiga. Mar la waydiiyay haddii Jimcaha laga baaro fayraska korona, ayuu madaxweynuhu sheegay “inuu aad u yaraanayo ama uuba ka xoroobayo”, walow uusan dhihin natiijooyinka baaritaankayga waa la iga waayay. Bal ka warran doodihii madaxtinimada? Doodda labaad ee madaxtinimada ee lagu waday in la qabto todobaadkan ee u dhaxayn doonta Mr Trump iyo ninka Xisbiga Dimuqraadiga ka socda ee kula loolamaya Aqalka Cad Joe Biden ayaa haatan rasmiga la kansalay. Golaha Doodaha Madaxtinimada ayaa ku sheegay bayaan ay soo saareen Jimcihii in labada olole ay ku dhawaaqeen “qorshe kale oo maalintaas leeyihiin”. Mr Trump ayaa shaki muujiyay codsi uga yimid golaha kaas oo ahaa in doodda 15-ka bisha Oktoobar lagu qabto qaab muuqaal ah si loo yareeyo halista faafitaanka fayraska korona. Golaha ayaa sheegay in weli ay wadaan qabanqaabada doodda saddexaad iyo midda ugu dambaysa ee madaxtinimada ee lagu qaban doono Nashville, Tennessee ee 22-ka bishan Oktoobar. Ololaha Mr Trump ayaa sheegay in golaha uu “u xaglinayay” dhinaca Mr Biden, halka kooxda Dimuqraadiyiinta ay madaxweynaha ku eedeeyeen inuu doodda dhabqinayay Qaran News
  9. Dhaqtarka gaarka ee Aqalka Cad ayaa laga soo xigtay in Madaxweyne Donald Trump uusan haatan laga bilaabo xanuunka COVDI-19 u sii gudbin karayn dadka kale. Dr Sean Colney ayaa qoraal uu soo saaray markii u horraysay tan iyo Khamiistii kaga warbixiyay xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne Trump oo uu hayo COVID-19. Warbixinta dhaqtarka ayaa lagu sheegay in baaritaannadii ugu dambeeyay ay muujinayeen in madaxweynaha uu ka sii yaranaayo xanuunka COVID-19. Dhaqtarku ma sheegin in Madaxweyne Trump uu gebi ahaanba ka bogsaday xanuunka balse wuxu tilmaamay in uu ka yaraaday. Galinkii hore ee Sabtida ayuu madaxweynaha khudbad ka hor jeediyay taageeraayaalkiisa isagoo ku sugan Aqalka Cad. Waxaa jiray walaac isa soo tarayay oo ahaa iney weli jirto khatarta ah in Trump uu fayraska coronau gudbinkaro dadka kale. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Trump oo la xaqiijiyay in uusan sii gudbin karin COVID-19 appeared first on Puntland Post.
  10. Waa maxay Sababta Trump ugu qasbaayo Suudaan inay la saaxiibto Isreal? Iyadoo Suudaan ay ku sugan tahay xaalad aad u adag – dhaqaalahii oo burburaya, shicir-barar xooggan iyo dhibaato cunto oo dalka oo dhan ka jirta – ayaa maamulka Madaxweyne Donald Trump iyo dowladda Israa’iil waxa ay halkaas ka arkeen fursad. Rajadii dadka dalkaas ay qabeen ayaanan weli rumoobin 18 bilood kaddib markii dibadbaxyo aan qulqulatooyin wadan xilka loogaga tuuray madaxweynihii mudada dheer dalkaas maamulayay ee Cumar Xasan al-Bashiir. Hasayeeshee haddii Sudan ay aqoonsato Israa’iil markaas Mareykanka waxa uu ka saarayaa liiska dalalka maalgaliya argagixisada, arrintaas oo albaabka u furaysa tallaabooyin asaasi ah oo lagu dajinayo dhaqaalaha dalkaas. Waa sheeko culus oo ka soo bilaabatay 30 sanadood ka hor, waa horraantii dowladdii Islaamiyiinta ee Suudaan. Kaddib markii uu xukunka afgambi milateri kula wareegay 1989, ayuu Madaxweyne Bashiir waxa uu Khartuum ka dhigay xarun caalami ah oo ay leeyihiin maleeshiyaadka jihaad-doonka ah. Urur waynaha Al-Qaacidah iyo ururo kale oo xagjir ah ayaa waxa ay Suudaan u adeegsadeen saldhig ay ka qaadeen weerraro argagixiso oo lagu beegsaday Mareykanka, Sucuudi Carabiya, Masar, Itoobiya, Uganda, Kenya iyo goobo kale. Kaddib weerrarkii ugu horreeyay ee argagixiso ee lagu qaado Xarunta Ganacsiga Adduunka ee New York 1993, ayuu Mareykanka Suudaan waxa uu ku daray liiska dalalka argagixisada maalgaliya. Wadashaqeynta CIA-da Cunaqabataynta dhaqaale ee caalamiga ah iyo cadaadiska milateri ee dalkaas uga imanaya dalalka dariska ah ee taageeraya fallaagada Suudaan ayaa Suudaan saddex sano kaddib ku riixay inay dalkeeda ka saarto Usaama bin Laadin iyo jihaadiyiin kale. Waxyar kaddib weerrarkii 11 Sibteembar 2001, ciidammada ammaanka ee Suudaan ayaa saaxiib qiima leh waxa ay u noqdeen Wakaaladda Sirdoonka ee Mareykanka ee loo soo gaabiyo (CIA). Arrintaas iyadoo lagu salaynayo Suudaan waxa ay aheyd in laga saaro liiska dalalka maalgaliya aragagixisada. Walow dadka Sudan ay u dabaaldageen isbadelka dalkaas ka dhacay sanadkii tagay, haddana Mareykanku ma qaadin cunaqabatayntii uu hore ugu soo rogay Hasayeeshee xubnaha Aqalka Kongareeska ayaa cadaawad ugu hayay sababo kale, oo ay ka mid yihiin dagaalka Darfuur iyo tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, sidaas daraadeedna Suudaan liiska lagama saarin. Dowladda Bashiir-na weli waxa ay ku sii shaqeynaysay habkeedii caadiga ahaa, oo ay way sii wadday xiriirkii ay la laheyd Iiraan iyo Xamaas, ugu yaraan laba jeerna diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa waxa ay duqeeyeen kolonyo gawaari ah oo ku safraysay xeebta Badda Cas, kuwaas oo ay Israa’iil ku eedaysay inay hub u sideen Xamaas. 2016, cadaadis Bashiir uga yimid dhinaca Sucuudi Carabiya iyo Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa waxa uu xiriirkii u jaray Iiraan. Hasayeeshee kaddib kacdoonkii dimuqraadiyadda ee dalkaas ka dhacay sanadkii tagay, Washington DC far ma dhaqaajin. Saraakiisha wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa waxa ay doonayaan inay sii socoto mid ka mid ah waxyaabaha awoodda badan ee ay adeegsadaan. Waxa ayna ka walwalsan yihiin in maamulka cusub ee dimuqraadiga ah uusan waqti badan sii jirin. Senatarrada ayaa hor istaagay in liiska Suudaan laga saaro Dhibaatada ayaa aheyd in sii socoshada cunaqabataynta Suudaan ay si fudud u noqon karto mid adkaynaysa in wax isbadal ah la gaaro, taas oo dalka u horseedi karta inuu noqdo dal guuldarraystay. Inta Suudaan ay ku jirto liiska madow, waxaa sii soconaya cunaqabataynta saaran. Ganacsiyada Suudaan ee saxda ah ayaa la curyaamiyay, waxaa la xannibay maalgelinta tooska ah ee shisheeye halka Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka aanay dhaqaale siin karin dalkaas maadaama lagu leeyahay dayn aad u badan oo gaaraysa $72bn. In ka badan 860,000 oo qof oo ku nool waddanka Suudaan ayaa sanadkan waxaa saameeyay daadad waa wayn Heerka gaajada maanta ee waddanka Suudaan ayaa ah wax aad looga fajaco: Qaramada Midoobay ayaa waxa ay sheegaysaa in 9.6 milyan oo qof “ay wajahayaan xaalad cunno yari oo baahan”. Waa xaaladda uga sii daray xayiraaddii Covid-19 iyo daadadka. Waa dhibaato aanan loogaga gudbi karin cunno la qaybiyo – hasayeeshee waxa ay u baahan tahay kaalmo dhaqaale oo xooggan in dalkaas la gaarsiiyo. Bilihii la soo dhaafay, heshiis Suudaan loogaga saarayo liiska argagixisada ayaa si tartiib-tartiib ugu dhex wareegayay Kongareeska, waxaana hakinayay dalabaad ka soo baxayay ehelada dadkii wax ku noqday weerraradii Al-Qaacidah ee Bariga Afrika iyo Yemen ee ah in magdhaw la siiyo. Suudaan ayaa ogolaatay in la siiyo kharash dhan $335m. Hasayeeshee bishii Sibteembar labada senator ee kala ah – Chuck Schumer iyo Bob Menendez ayaa hor istaagay tallaabadaas, oo qeyb ahaan waxa ay doonayeen in meesha aanan laga saarin kiiska baroordiiqda ee qarabada dadkii ku waxyeeloobay weerrarkii 9/11. Maamulka Trump ayaa waxa uu Suudaan u hayaa waddo ay dhibaatadaas kaga bixi karaan. Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa bishii Agoosto tegay Khartuum si uu heshiis ugu bandhigo Ra’iisul Wasaare Xamduuk Booqashadii uu dabayaaqadii bishii Agoosto ku tagay magaalada Khartuum ayuu Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanku Pompeo waxa uu heshiis u soo jeediyay ra’iisul wasaaraha rayidka ah ee Suudaan Cabdalla Xamduuk: waa haddii ay Suudaan aqoonsato Israa’iil, Madaxweyne Trump waxa uu ka weecan doonaa diidmada Kongareeska. Kaddib go’aankii ay gaartay Isutagga Imaaraatka Carabta bishii la soo dhaafay, ayaa Suudaan oo xubin ka ah Jaamacadda Carabta, waxa uu noqon doonaa dalka shanaad ee Carbeed ee wadadaas raaca. Arrintaas waxa ay si wayn u sii xoojin doontaa ololaha lagu caadiyaynayo xiriirka Carabta iyo Israa’iil todobaadyada ka horreeya doorashada. Aqoonsiga Israa’iil ayaa laga yaabaa inay Suudaan ay u noqoto tallaabo muhiim ah – taasna dhab ahaantii waa nuxurka arrinta. Heshiis u wanaagsan janaraallada Mucaaradadda ugu wayn ee xooggan waxa ay kaga imanaysaa dhinaca Islaamiyiinta, haatanse awood malaha. Hasayeeshee arrintaas waa mid muran badan uu ka taagan yahay guud ahaan markii la eego siyaasadda dalkaas, iyo isbahaysiga rayidka ah oo ay ku jiraan dad badan oo ku adkaysanaya in marka hore heshiis lala galo Falastiiniyiinta. Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa muuqaal uu iska soo duubay waxa uu ugu horeyn uga tacsiyadeeyay geerida ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaliya Cali Khaliif Galeyr oo Khamiistii ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaali-Galbeed. Xasan Daahir ayaa ka taariikheeyay inta uu ka yaqiinay Prof. Cali Khaliif Galeyr, sidoo kale waxa uu dadka Soomaaliyeed kala dardaarmay beesha uu ka dhashay ee Sool clan oo uu ku tilmaamay cidda Soomaali isku heysa. “Intii siyaasi aan geeridiisa maqlaayey nin ay Isheydu u ilmeysay asagaan ka arkay, waxa uu ahaa ninkii kaliya ee isku deyay in dowladda Itoobiya uu meel ka saaro Soomaalida, waxaana u maleynaa markii xilka laga qaadayey inuu taas eersaday,” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys. Waxa uu sheegay inuu ka xumaaday xil ka qaadistiisii xilligaas ee Cali Khaliif, isla markaana uu aaminsanyahay in madaxweynihii xilligaas Cabdiqaasin Salaad culeys lagu saaray inuu xilka ka qaado. “Waxaa iiga darneyd oo aana hilmaamin, Cali Khaliif xilligaas waxaa lagu bedelay Xasan Abshir Faarax oo dalka Ra’iisul wasaare looga dhigay, Xasan markiiba Itoobiya ayuu aaday, markii uu kasoo laabtay dalka Imaaraadka oo aan joogay ayuu igu soo maray.” “Markaas ayaan weydiiyey ‘Itoobiya maxaad kala soo kulantay?’ markaasuu igu yiri warqad cad intaan u dhiibnay ayaan dhahnay waxaad naga rabtaan ku qorta, ra’iisul wasaarihii xiligaas ee Itoobiya Meles Zenawi waxuu ugu jawaabay r/wasaarihii Soomaaliya Xasan Abshir ‘waxa aan Soomaaliya ka rabno warqadi ma qaado’ waligey ma iloobo hadalkaas,” ayuu yiri Xasan Daahir. Waxa uu sheegay in beesha Sool clan ee uu ka dhashay Cali Khaliif Galeyr ay tahay sil-silada isku heysa dadka Soomaaliyeed oo qarka u saran inay u kala go’aan koonfur iyo waqooyi. “Dadka uu ka dhashay waxaan u dardaarmayaa inay samraan, dadka Soomaaliyeed-na qabiilkaas waan kala dardaarmayaa, meel khatar ah ayey ku jiraan oo xiriirka Soomaali ayey isku celiyaan, runtii iyaguna wey ku dhib qabaan” ayuu yiri Xasan Daahir. Hoos ka Daawo muuqaalka The post Video: Xasan Daahir oo shaaciyey arrimo badan kadib geeridii Cali Khaliif, farriina u diray beeshiisa first appeared on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Qubanaha-shabelle-10102020.mp3 View the full article
  13. GOBOLKA GEESKA AFRICA IYO SANADKA 2021 OO LAGU WADO IN UU NOQDO SANAD DOORASHOOYIN !!! Jamhuuriyada Somaliland Waxa la filayaa in doorashooyin ay dhacaan sanadka soo socda oo aad loo saadaalinayo , walow aan la garan karin qaabka ay u dhacayaan iyo in doorashooyinku mar wada dhici karaan iyo in kale , sidaasi kale ayaa waxa iyaduna taagan xiligii la furi lahaa ururada siyaasada oo dhow, taasi oo ku xidhan doorashada goleyaasha deegaanka jamhuuriyada Somaliland. Doorashooyinkani oo ah qaar in badan dib u dhacay oo u baahan in la qabto, isla markaana aan mar dambe in ay dib u dhacaan aan u wanaagsanayn dalka iyo dadka jamhuuriyada Somaliland , oo wax badani kaga xidhan yihiin doorashooyinka, sidaasi oo kale culeyska muwaadiniinta raba in ay mansabyada qaranka qabtaan oo aad usii badanaya taasi oo keeni karta culeysyo siyaasadeed iyo qaar nololeedba. Xukuumada hadda talada haysa ayaa iyadana aan la garanayn in ay suuragalin karto doorasho marka aad eegto ilaa hadda sida dalku yahay iyada oo waliba la heshiisay labada xisbi mucaarid ee Somaliland oo aad moodo in iyaguna furistii ururada siyaasada in ay ka yacaan oo sababtay in arinkaasi dartii wax badan uga tanaasulaan. Jamhuuriyada federalka Somalia Waxa la doonayaa inta ka horeysa bisha March ee sanadka 2021 in ay doorashadu dhacdo iyada oo caqabado badani jiraan isla markaana aan la garanayn si ay u dhici doonto doorasho, oo xataa xukuumadii dalka doorashada gaadhsiin lahayd ayaa ilaa maanta aan la soo dhisin. Qaabka doorashada ayaa ah mid lagu noqday dariiqii hore ee doorashooyinka Somalia 4.5 , waxaana meesha ka baxay nidaamkii uu Madaxwaynaha dawlada federalka Somalia rabay ee ahaa qof iyo cod oo aan xiligan suuragal noqon karin , kaasi oo galaaftay raisal wasaarihii hore iyo xukuumadiisii oo rabtay in doorasho la galo. Dalka Ethiopia Dalka Ethiopia oo ay doorashooyinkiisu mudeysnaayeen bisha Aug 2020 ayaa dib loo dhigay sababo uu keenay xanuunka #Corronavirus , arinkaasi oo ay qaadaceen Gobolka waqooyiga ee qoomiyada Tigray , waxaanay qabteen doorashadii Golaha wakiilada Dadweynaha ee Gobolka Tigray , taasi oo keentay in ay dawlada federalka Ethiopia ay sheegtay in aanay aqoonsanayn. Sidaasi oo kale maalmo kooban ka hor ayaa baarlamaanka dawlada federalka Ethiopia joojiyey gabi ahaanba wada shaqeynta maamulka sare ee Gobolka Tigray oo iyagu sheegay in aanay aqoonsanayn Raisal Abiy Ahmed ilaa uu qabto doorashooyin , waxaana ay dawlada Ethiopia isku raacday in wada shaqeynta laga jaro madaxda maamulkaasi laakiin maamulada hoose iyo adeegyada dadweynuhu sidoodii ahaadaan. Ilaa iyo intii uu Raisal wasaaraha Ethiopia dalkaasi qabsaday sanadkii 2018 ayaa aanay isku wanaagsanayn xukuumada Abiy Ahmed iyo qoomiyada Tigray , arimahaasi waxa keenay markii saraakiil badan iyo madaxdii xukuumadii hore lagu eedeeyey tacadiyo badan, arimo musuq-maasuq iwm oo gabi ahaanba xilalka sare ee dawlada federalka laga dhameeyey iyo waliba go’aankii uu Abiy Ahmed ka qaatay Badhame xuduudka Erateria iyo Ethiopia oo ay u arkeen in dhulkoogii ay ku dagaalamayeen mudada badan si dhib yar la isaga bixiyey. Qoomiyada Tigray waa jabhadii dalka Ethiopia ka xoreysay dawladii Dhergiga, waxaana ay la midoobeen ODP oo ah Oromo democratic Party oo iyaguna ka soo horjeeday nidaamkaasi dhergiga , sidaasi oo kale ayaa ayey jireen qoomiyada Ahmara oo laftoodu ka soo horjeeday Dhergigii oo sameystay xisbiga Ahmara Democratic party ADP iyo xisbiga ay lahaayeen qoomiyadaha shucuubta koonfureed ee SEPDM iyo xisbiga Tigray TPLF ayaa sameystay isbahaysigii dalka Ethiopia ka talinayey mudada dheer ee EPRDF. Markii uu geeriyooday Raisal wasaarihii awooda badnaa ee dalka Ethiopia Malez zenawi waxaa loo dhiibay Haeila mariam desalem oo ka soo jeeda shucuubta koonfureed iyo xisbiga SEPDM , si uu u dhameystiro mudada u hadhsanayd malez zenawi, waxaana sii xoogesystay kacdoono ay qoomiyada Oromadu bilaabeen, kaasi oo uu u sameeyey isku shaandhayn masuuliyiinta dawlada waxaana la magacaabay madax badan oo ka soo jeeda qoomiyada oromada si uu u damo kacdoonku. Dedaaladaasi waxba kama tarin, waxaana xilkii iska casilay Raisal Haielamariam Desalem sanadkii 2018 kii , waxaana Raisal wasaare loo magacaabay Abiy Ahmed Ali oo ahaa Gudoonkii Xisbiga ODP ee oromada si uu culeysku uga dago dalka doorashooyina loo qabto , Abiy Ahmed oo noqday horaantiiba shaqsi ka saameyn badan oo ka gadisan waxii laga filayey oo dalka Ethiopia u raray nidaam democratic ah , la heshiiyey dalka Erateria, mucaaridkii dalka iyo jabhadihiiba soo xareeyey. Dedaalo badan oo uu gallay ayuu Ethiopia kaga badbaadiyey in uu dumiyo mucaarid iyo jabhado dalka dibada kaga yimaadaa, taasi oo noqotay yididiilo iyo wanaag uu aduunka oo dhami ku soo dhaweeyey oo uu ilaa bilada nabada aduunka ku qaatey , waxaana aad moodeysay in uu laftiisa deg-deg badani ku jiray taasi oo dhalisay in dhawr goor la isku dayey inqilaab iyo in ay soo cusboonaadeen mudaharaadadii qoomiyada oromada dhawr goor. Raisal wasaare Abiy Ahmed ayaa waxa uu aasaasay xisbi la yidhaahdo xisbiga barwaaqada oo uu ugu talogalay in uu ku mideeyo qoomiyadaha dalka Ethiopia oo dhan xisbigaasi oo uu u bixiyey Ethiopian prosperity party (PP ) ayaa la filayaa in uu kaga qayb galo doorashooyinka soo socda . Dr Abiy Ahmed iyo xukuumadiisa ayaa waxa laga sugayaa in ay dalkaasi doorasho ka qabato bisha March ee sanadkan, iyada oo waliba ay xidh-xidhan yihiin qaar ka mid ah mucaaridka dalka Ethiopia ugu waaweynaa oo lagu eedeeyey in ay kacdoonadan ku lug leeyihiin , markaa lama saadaalin karo in ay doorasho dhici karto iyo in kale . Marka aad eegto Gobolka Geeska Africa oo aad moodo in uu galayo xaalado iskuwada dhow dhow marka laga reebo labada dal ee Djibouti iyo Erateria oo aanay iyaga nidaamka dimuqaeadiyadeed ee axsaabta badani si wanaagsan uga shaqeyn oo laftooda ay haystaan culeysyo dadkooga ka haysta iyo qaar xaga aduunka ka haystaaba, lama garan karo waxa uu ku dambayn doonaan dalalkaasi mustaqbalka dhow. Muxamed Dhimbiil Qaran News
  14. Ra’iisal wasaaraha xukuumadda FS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Dr Cali Saciid Fiqi oo maalmahan socdaal ku joogay magaalada Muqdisho. Mas’uuliyiintan ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka, sidii Koofur Galbeed doorka kaga aadan uga qayb qaadan lahayd inay dalka ka dhacdo doorasho hufan oo si nabadgalyo ah ku qabsoonta iyo in la xoojiyo ka wada shaqaynta hawlaha dawliga ah ee shacabka loogu adeegayo. View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa 29-kii bishii 8-aad ee sanadkaan magacaabay Guddiga Farsamada ee soo xulista baarlamaanka 2-aad HirShabeelle, guddigaas oo ka kooban 11-xubnood oo dhamaantood rag ah. Guddigan oo shaqa galay muddo kadib ayaa jadwalkii ay soo saareen waxaa ka soo horjeestay Madaxweynihii magacaabay isagoo sidoo kale duray qaab dhismeedka Guddiga. Dad badan ayaa is weydiiyay haddii uu gudigaan qalad ka jiro maxaa loo xalin waayay muddadii ay fadhiyeen? Muxuu Madaxweyne Waare ku qoomay guddigii uu magacaabay? Iyo su’aalo kale. Caasimada Online oo la hadashay dad badan oo xog ogaal ah ayaa ogaatay laba arrin oo keentay in Waare ka laabto qorshihiisii guddiga soo xulista baarlamaanka 2-aad ee HirShabeelle. 1) – Madaxweyne Waare ayaa la sheegay in markii uu magacaabayay Guddigaan uu heshiis la galay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle, kaasi oo ahaa in uu soo saaro Cali Guudlaawe oo u tartamaya Madaxweynaha xiga ee HirShabeelle. 2) – Iyo in isaga la siin doono lacag iyo in lagu dari doono wakiilada dowladda Soomaaliya ku matala UN, AU, IGAD ama hay’ado kale oo caalami ah midkood. Madaxweyne Waare oo heshiiskaan raali ku ahaa ayaa hadda isbadalay kadib markii ay cadaadis saareen Beesha uu ka soo jeedo oo diidan in ay Madaxweyne noqoto qof aan ka soo jeedin Beesha iyo sidoo kale isagoon wali helin waxyaabihii kale ee loo balan qaaday. Iyadoo laga faa’ideysanayo magacaabistiisa Guddiga ayaa sidoo kale todobaadkaan la shiriyay xubnaha baarlamaanka ee ka soo jeeda HirShabeelle kuwaas oo ku jira dowladda Soomaaliya, waxayna taageereen guddigaan iyagoo sidoo kale sheegay in muwaadin kasta oo reer HirShabeelle kasoo jeeda uu qaban karo xilka Madaxweynaha. Ugu dambeyn Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo shalay gaaray Jowhar ayaa maanta kormeeray guddiga oo shaqadiisa watay taas oo ka dhigan in ay socon weysay is hortaagii Madaxweyne Waare. Waxaan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto xaaladda HirShabeelle oo hadda ku jirta waqti kala guur ah, iyadoo sidoo kalane ay jiraan tabashooyin badan oo ay qabaan beelaha iyo dhaqanka qaarkood. The post Xog: Waare oo ay xaaladu ku xuntahay iyo laba sabab oo uu ku diiday guddigii uu magacaabay first appeared on Caasimada Online.
  16. Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa caawa lagu dilay nin rayid ah oo lagu magacaabo Siciid Jaamac Maxamed, loona garan-ogaa (Siciid Maradona). Marxuumka ayaa la dilay isagoo ku dhexjira masjidka Abuu Hurayra ee xaafada Israac, salaadii maqrib kadib, sida ay saraakiil ka tirsan Booliska u xaqiijiyeen warbaahinta Puntland Post. Marxuumka la dilay Dilka ayaa la sheegay inuu geystay nin dhallinyaro ah oo ku hubeysan baaskoolad, kaas oo baxsaday. Marxuum Siciid Maradona ayaa ahaa taksiile caan ah oo ka dhexshaqeyn jiray magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo. Ciidamada amniga Puntland ayaa hadda magaalada Gaalkacyo ka wada howlgal lagu baadigoobayo ciddii geysatay dilkaas. Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa bilihii ugu dambeeyay amnigeedu ahaa mid wanaagsan. PUNTLAND POST The post Dil ka dhacay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  17. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay bulshada Soomaliyeed in la garab istaago dadka nugul ee qaba xanuunka dhimirka. Sanad walba marka la gaaro 10-ka Oktoobar waxaa adduunka oo dhan laga xusaa maalinta xanuunka dhimirka, waxayna Xukuumadda Federaalka Soomaaliya xoogga saari doontaa wax ka qabashada dadka qaba xanuunka ee sii kordhaya. “Kumannaan bulshadeenna ka mid ah ayaa la nool xanuunnada dhimirka, kuwaas oo inooga baahan daryeel iyo damqasho gaar ah. Waxaan xil gaar ah iska saareynaa daryeelka dadkeenna dhimirka ka xanuunsan iyo u helista xarumo lagu daryeelo”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble. Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku boorrinayay dadka Soomaaliyeed in loo turo oo si dabacsan loola dhaqmo dadkeenna la nool xanuunnada dhimirka. Dr. Cabdiraxmaan Cali Cawaale (Xabeeb) oo si gaar ah uga shaqeeya daryeelka qeyb ka mid ah bulshadeenna oo aad ula ildaran xanuunkan ayuu Ra’iisul Wasaaruhu kala sheekeystay, ugana mahadceliyay howsha adag ee uu hayo ummadda Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeeray xarunta taliska guud ee ciidanka booliika Soomaaliyeed, waxuuna halkaas kulan kula qaatay saraakiisha iyo hoggaanada taliska. Ra’iisul wasaare Rooble oo socdaalkan uu u ahaa kii ugu horeeyay ee taliska uu ku tegay inta uu xafiiska joogay ayaa ku booriyay hoggaanada ciidanka inay dardar-geliyaan howlaha lagu sugayo ammaanka guud ee magaalada Muqdisho iyo deegaannada kale ee dalka. Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa kula dardaarmay saraakiisha booliiska Soomaaliya ee uu maanta la kulmay in kor loo qaado sugidda amniga dalka, si shacabka Soomaaliyeed ay ku helaan ammaan buuxa, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa. “Waa in qofku amni ku helo gurigiisa, isagoo kalsooni u qaba ciidanka Booliska. Si aad taasi u suuro-gelisaan dowladdu waxay idin la garab taagan tahay wixii taageero ah ee aad u baahan tihiin,” ayuu yiri Rooble. Ra’iisul wasaaraha ayaa faray saraakiisha ciidanka in xal loo helo dambiyada ay ka mid yihiin, dhaca, dilalka iyo kufsiga haweenka ee kooxaha burcada ah ay u geysanayaan bulshada kuwooda nugul ee ka jira caasimada Ra”iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeer ku sameeyey qeybaha kala duwan ee taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. The post Sawirro: Rooble oo booliska faray in xal deg-deg loo helo arrimo ka taagan Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
  19. Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Abuukar Cabdi ayaa guddoomiyaha cusub ee degmada Afgooye u magacaabay Aweys Cabdullahi Cumar (Buulalow). Wareegtada uu soo saaray wasiirka ayaa sidoo kale xilkii looga qaaday guddoomiyihii hore ee degmada Mudane Ibraahim Cumar Qaasim. Halkan hoose ka aqriso:- View the full article
  20. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen daacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. View the full article
  21. A small new study has found that coronavirus patients who took calcifediol, a potent, metabolite form of vitamin D, were less like to be admitted to the ICU, and none died. This is supported by previous evidence that getting enough vitamin D could be protective against severe cases of COVID-19. However, it’s not clear whether supplements benefit people who already get enough vitamin D, and how other risk factors play a role, so more research is needed There’s new evidence that a dose of vitamin D could improve treatment outcomes for coronavirus patients, according to a small study published in the October issue of the The Journal of Steroid Biochemistry and Molecular Biology. Researchers from the University of Córdoba, Spain, studied 76 patients admitted to Reina Sofia University Hospital for COVID-19. All of the patients received the best treatment available, but 50 patients were randomly assigned to also received calcifediol, a metabolized form of vitamin D3 that can quickly increase vitamin D levels in patients. The study found that patients who took calcifediol were significantly less likely to need intensive care, and none of them died. Of the control group of 26 patients that did not receive the supplement, 13 were admitted to the intensive care unit, and 2 died. That suggests that calcifediol (three doses, in this study — .532 mg on day one, .266 mg on days three and seven) could reduce the severity of COVID-19 infection and lower the risk of complications, the researchers said. “Calcifediol seems to be able to reduce severity of the disease, but larger trials with groups properly matched will be required to show a definitive answer,” they concluded. It’s not clear whether regular doses of vitamin D would do the trick One limitation of the study, however, is that, while patients were randomly assigned to receive calcifediol, there were more patients in the control group with high blood pressure and diabetes, both of which are risk factors for severe coronavirus complications. These could in part explain why that group was more likely to have poor outcomes. It’s not clear whether calcifediol is more effective than other forms of vitamin D supplementation for potentially staving off severe COVID-19. Calcifediol is significantly more potent, and more easily absorbed, than other forms of vitamin D, which could make it more effective in patients with illness or digestive distress. The researchers also did not assess whether patients were deficient in vitamin D before the treatment. Other research has found it’s common for adults in early spring to be vitamin D deficiency, due to a lack of access to sunlight, a natural source of vitamin D. That could be important, since it’s not clear whether vitamin D supplements work by fixing a nutritional deficiency, or if patients who already have sufficient vitamin D levels could benefit from taking more. Previous studies have linked vitamin D deficiency and coronavirus risk This study is the first of its kind to suggest vitamin D supplementation could cause less severe COVID-19. Previously, a growing body of research has found evidence that getting enough vitamin D is associated with better coronavirus outcomes. Multiple studies have found an association between vitamin D levels and coronavirus outcomes, although they did not establish a causal link. A study published last month found that patients with sufficient vitamin D were significantly less likely to face dangerous complications of coronavirus, such as difficulty breathing or unconsciousness. And another small study found people with a vitamin D deficiency were twice as likely to be infected with coronavirus in the first place. At least one study found no apparent connection between the nutrient and the virus, however. And it’s well-documented that large doses of vitamin D aren’t a cure-all for this or any other illness, and can in fact have serious side effects. Insider Qaran News
  22. Britain has backed Kenya’s cautious stance on the withdrawal of Kenya Defence Forces troops from Somalia, saying exit will be dependent on the country’s stability. This comes as the UK and Kenyan soldiers started joint training under a newly established military partnership agreed upon earlier this year. Deputy British High Commissioner Julius Court said Britain is closely monitoring the situation in Somalia. Like Kenya, Britain has remained coy over the timelines of withdrawal of foreign troops from Somalia with the 2021 deadline fast approaching. “The UK continues to monitor the situation in Somalia. Our concern is for the country to achieve stability,” Mr Court said at the KDF School of Infantry (SOI) in Isiolo. The envoy, alongside British and KDF army officials, on Wednesday, witnessed joint military exercises at Archer’s Post and SOI training facilities in Samburu and Isiolo counties. 600 KDF personnel More than 600 KDF personnel are taking part in the training ahead of deployment to the Africa Union Mission in Somalia (Amisom). Kenya and other countries contributing soldiers to Amisom are expected to leave Somalia by December 2021. This is based on the UN Security Council Resolution 2472 of May 31, 2019. In the meantime, the timelines of Kenya’s withdrawal remain unknown, with the next contingent of troops expected to deploy in January. President Uhuru Kenyatta has constantly steered away from the topic of when KDF will exit Somalia, saying it depends on the country’s stability. KDF officials have lauded the joint training, saying the newly acquired skill-sets will be a game-changer in the war against terror. “Of course this is a game-changer and an opportunity to improve on the gaps we have identified in the past during our mission. This will improve our military capabilities and also reduce the number of casualties,” KDF School of Infantry Commandant Brigadier Joakim Mwamburi said. The training is provided by UK and KDF instructors. At the same time, Britain will redeploy its troops back into Kenya in January to continue with its training programme under the British Army Training Unit in Kenya (Batuk). The unit-based in Nanyuki had been recalled to the UK earlier in March following the Covid-19 outbreak. “Some of the staffers are already back…we are ready to resume training with our Kenya Defence Forces partners,” Mr Court said on Wednesday. According to Brigadier Mark Thornhill, Defence adviser to the British High Commission, Batuk training in Nanyuki will officially resume in January when the troops are expected to jet into the country. View the full article
  23. Illaahay ha u naxariistee Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galayr waxaa maanta lagu aasay Magaalada Muqdisho, oo Aas Qaran loogu sameeyey. Madaxweynaha Dowlada [...] The post RW Galayr oo Xamar loogu sameeyey Aas Qaran appeared first on . Source
  24. Baku (Caasimada Online) – Xabad-joojintii ay wada saxiixdeen Azerbaijan iyo Armenia ee gobolka Nagorno-Karabakh ayaa daqiiqado yar un kadib burburtay ayada oo midba mid kale uu ku eedeeyey inuu rasaasta dib u billaabay. Xabad-joojinta oo dhaqan gashay 11:00 AM xilliga Muqdisho ayaa waxaa durba xigay weerar cusub, ayada oo diblomaasi sare oo u dhashay Azerbaijan uu sheegay in xabad-joojinta aysanba markii hore dhaqan gelin. Heshiiska ayaa yimid xalay kadib wada-hadallo socday 10 saac oo ka dhacay Moscow, kuwaasi oo oo uu dhex-dhexaadiyey wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka Sergey Lavrov. Daqiiqado kadib xabad-joojinta ayaa militariga Armenia waxay Azerbaijan ku eedeeyeen inay madaafiic ku garaaceen goobo ku dhow magaalada Kapan ee koonfurta-bari ee Armenia, halkaasi oo qof shacab ah uu ku dhintay. Wasaaradda Gaashaandhigga Azerbaijan waa ay ku gacan seertay eedeynta Armenia, waxayna ku qeexday “daan-daansi.” Taa beddelkeeda, militariga Azerbaijan ayaa ku eedeeyey Armenia inay weerareen gobollada Terter iyo Agdam ee Azerbaijan, halkaasi oo ay ku garaaceen madaafiic xooggan. Wasiirka Arrimaha Dibedda Azerbaijan Jeyhun Mayramov ayaa sidoo kale sheegay “in gargaar bani’aadanimo oo laga fuliyo goobahaas uusan hadda suurta-gal ahayn, sababtoo ah madaafiic ay ku garaacayaan militariga Armenia.” Wasaaradda Gaashaandhigga Armenia ayaa iyana beenisay eedeynta Azerbaijan ee ah inay ciidamadeeda jebiyeen xabad-joojinta. The post Dagaal culus oo dib uga dhex qarxay Azerbaijan iyo Armenia - Yaa jebiyey xabad-joojintii? first appeared on Caasimada Online.