-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed Dr, Mudane Cali Saciid Fiqi ayaa maanta magaalada Baydhabo uga qeyb-galay barnaamij lagu daah-furayey ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda qorsheynta maamulkaasi. Shirkan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galey wasiirka qorsheynta Koonfur Galbeed, qaar ka mid ah wasiirada, gudigga mashruuca xasaradaha iyo agaasimayaasha guud ee wasaradaha qarkooda. Ugu horeyn waxaa ka hadlay shirka Cali Xaaji Aadan oo ah guddoomiyaha mashruuca isagoona soo hadal qaadey dadaalka lagu gaarey in mashruuca heerkan uu soo gaaro. Wasiirka wasaaradda qorsheynta Koonfur Galbeed Axmed Madoobe Nuunow ayaa dhankiisa sheegey in mashruucan Koonfur galbeed uu muhiimada u leeyahay isagoona soo dhoweeyey fulinta barnaamijkan. Ugu dambyen gudoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed Dr, Cali Saciid Fiqi ayaa dhankiisa waxaa uu aad uga hadlay saameynta abaaraha soo noq-noqdey iyo fatahaadaha taas oo uu sheegey inay muhim tahay in laga hortaggo , wuxuuna hoosta ka xariiqay in dhibaatada ugu badan ka imaaneyso is-badelka cimilada. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeriya ayaa kasoo baxeysa weerar madaafiic ah oo kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhiga ciidamada Itoobiya ku leeyihiin gobolka Baay, gaar ahaan degmada Qansax-dheere. Sida dad goobjoog ah u sheegeen Caasimada Online, saldhiga ciidamada Itoobiya ayaa lagu weeraray hoobiyeyaal ka badan toddoba, kuwaas oo dhawaaqooda laga maqlayay guud ahaanba xaafadaha degmadaasi. Madaafiicda ay ku weerartay Al-Shabaab, kadib waxa xigay kuwo kale oo ciidamada Itoobiya uga jawaabayaan, kuwaasi oo dhaliyay khasaare aan ilaa hadda la xaqiijin oo kasoo gaaray dad shacab ah. Qaar kamid ah bulshada ku nool degmadaasi oo nala hadlay ayaa sheegay inay wajahayaan cabsi weyn, maadama ay korkooda isku dagaalayaan ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyada Al-Shabaab. Waxa kale oo ay walaac xoogan ka muujiyeen hoobiyeyaasha ay degmadaasi isku weydaarsadeen Al-Shabaab iyo Ciidamada Itoobiya, oo ay sheegen inay tahay mid soo noq-noqotay. Majiro wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay maamulka iyo laamaha amniga ee degmada Qansax-dheere oo ku aadan weerarkaasi iyo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay. Mana aha markii u horeysay ee kooxda Al-Shabaab ay weerar noocan ah ku qaado saldhiga ciidamada Itoobiya ku leeyihiin deegaano ka tirsan gobolka Baay, iyadoona kal hore dhowr jeer madaafiic ku garaacday. The post Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhig ay leeyihiin ciidamada Itoobiya first appeared on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha JF oo diray hambalyo ku aadan maalinta Calanka
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Maalinta Calanka ee 12-ka Oktoobar ayaa Alle naxariis u weydiiyey dhammaan halyeeyadii naftooda u hurey jiritaanka dowladnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay naf iyo maalba u hureen sidii ay u gaari lahaayeen himiladooda Qarannimo, safka horena uga gali lahaayeen shucuubta iyo dalalka xorta ah ee leh calan iyo carro gobanimo ay dadkeedu ugu nool yihiin. “Maanta waa maalin weyn. Waxa ay ku beegan tahay markii 66 sanno ka hor la yagleelay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo galay sidii ay u hanan lahaayeen xornimadooda iyo talada dalkooda, iyaga oo ku tilmaaman calan iyo carro xor ah.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan xoojinta dowladnimadooda, iyaga oo meel uga soo wada-jeesanaya argagixisada Alshabaab ee caadeysatay daadinta dhiigga Shacabkeenna Soomaaliyeed iyo burburinta dalka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay guulihii taariikhiga ahaa ee sanadihii la soo dhaafay ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku xaqiijisay madaxbannaanida dalka, midnimada iyo soocelinta kumanaankii dhallinyarada ahaa ee ku dhibaataysnaa xabsiyada shisheeye, tallaabooyinkaas oo kor u qaaday qabka iyo qarannimada dadka Soomaaliyeed. View the full article -
Dekedda Boosaaso Muruqmaalka ka shaqeeya dekedda magaalada Boosaaso ayaa maanta sameeyay shaqo joojin iyo mudaharaad ay ku dalbanayaan in loo kordhiyo lacagta dejinta iyo rarida ee badeecadaha. Xamaaliga dekedda Boosaaso ayaa ka cabanaya lacagta dejinta iyo rarida badeecadaha oo 3,000 Sh/S ah loo jaangooyay muddo 30 ku dhow, waxayna dalbanayaan in loo kordhiyo lacagtaas, balse waxaa dalabkooda diidan ganacsatada dekedda wax kala soo degta. Waa xusud mudan in xiliga 3,000 ee Sh/S loo jaangoonayay shaqaalaha muruqmaalka dekedda Boosaaso uu $1 marayay 8,000 oo Sh/S ah, halka uu hadda marayo 40,000 Sh/S. Muruqmaalka ayaa maanta afaafka hore dekedda Boosaaso ka sameeyay mudaharaad ay ku muujinayaan cabashadooda, basle ciidanka dekedda ayaa xoog ku kala eryay. Shaqo joojinta ay sameeyeen shaqaalaha muruqmaalka ayaa sababtay inay maanta xirnaato dekedda magaalada Boosaaso oo ah isha dhaqaalaha Puntland. Muddooyinkii dambe waxaa Puntland ka jiray sicir barar baahsan, kadib markii ay kor u dhaceen lacagta adag iyo maciishada daruuriga ah. PUNTLAND POST The post Muruqmaalka dekedda Boosaaso oo shaqo joojin sameeyay appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Hoggaanka Sare ee Xisbiga WADDANI ayaa saaka ku qaabilay Xarunta Dhexe ee Xisbiga, Wafdi iyo Madax ka Socoto Xarunta nabadda, Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqda Aadamaha ee Oslo Center oo markii ugu horreysay yimid dalka Somaliland. Waxa ay ka wada hadleen Guud ahaan hannaanka dimuqraadiyadda ee Somaliland ka hanno-qaaday, xaaladda nabadgelyada iyo heerka ay marayso Xuquuqal Insaanka Somaliland. sida oo kale waxa ay falanqeeyeen iskaashiga dhex mari kara Xarunta Oslo iyo Xisbiga WADDANI ee dhinacyadda Xoojinta Siyaasadda, maamul daadajinta, balaadhinta iyo maaraynta qorshaha xubnimada xisbiga (Membership) iyo dardar gelinta dhismaha qaybbaha kala duwan ee xisbiga haddii ay tahay kobcinta Garabbada Haweenka, Dhalinyarada iyo waaxaha kale ee xisbiga. Dhanka Xisbiga WADDANI waxaa kulanka u matalayey Guddoomiyaha KMG ee Xisbiga Xil Cabdilqaadir Jirde, Hoggaamiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali iyo Xoghayaha Gaarka ah Mudane Cabdilqaadir Iidle, sida oo kale dhanka Xarunta Oslo waxaa ka socday Agaasimaha Xarunta Oslo Mr Finn Jarle Rode, iyo Dr Karolina Olofsson oo la taliye sare Xarunta ka ah. Guud ahaan, Kulanku waxa uu ku soo dhammaaday sidii Xarunta Oslo iyo Xisbiga WADDANI uga wada shaqeyn lahaayeen dardargelinta iyo fulinta howlaha ay ka wada-hadleen ee ay isla meel dhigeen. Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Duhur-12102020.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey, ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalo madaxda gobolka Gabiley ee Gabiley. Qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan magaalada Gabiley oo ay hormuud u yihiin maamulka gobolka, ka degmada, madax-dhaqameedka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, dhallinyarada iyo haweenku, islamarkaana lulaya caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay Kaantaroolka galbeed ee magaalada Gabiley, waxana ay usoo galbiyeen dhinaca gudaha magaalada. Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa socod dheer oo lug ah ku maray wadada wadnaha ee magaalada Gabiley, halkaas oo ay tubnaayeen kumannaan katirsan shacabka reer Gabiley oo dareen waddaniyadi ku dheehan tahay ku soo dhaweeyey madaxweynaha, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay farxad iyo rayn-rayni. Shacabka reer Gabiley oo aan u kala hadhin soo dhaweynta, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa u galbiyey dhinaca guriga martida magaalada, waxana halkaas saxaafadda kula hadlay Af-hayeenka madaxweynaha, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo sharraxay socdaalka madaxweynaha, bulshadana uga mahadnaqay sida aan kala hadhka lahayn ee ay usoo dhaweeyeen madaxweynaha iyo weftigiisa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Dadweynaha reer Gabiley oo shaaricyada waaweyn ee magaalada tubnaa, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kusoo dhaweeyey caleemo qoyan, calanka Somaliland iyo dareen ay ka muuqato jacaylka iyo lexejeclada ay u qabaan madaxda iyo madaxweynahoodaba, guud ahaanba waxan u mahad-celinaynaa shacabweynaha gobolka Awdal iyo shacabka magaalada Gabiley, maamulkooda iyo madaxdooda, soo dhaweyntii diirranayd ee ay u qaabileen madaxweynaha, waxana uu madaxweynuhu ku sugnaan doonaa magaalada Gabiley, isagoo la kulmi doonaa maamulka gobolka iyo kan degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.” Madaxweynaha iyo weftigiisa oo safar shaqo oo ay ugu kuur-galayaan xaaladda gobollada galbeedka dalka, kuna indho-indhaynayaan mashaariicda kala duwan ee xukuumaddu halkaas ka waddo, ayaa socdaal kaga soo laabtay magaalada Boorama, waxana ay haatan ku sugan yihiin magaalada Gabiley. Source
-
Qaran News
-
Jowhar (Caasimadda Online) – Maamulka Hirshabelle wuxuu dhexda uga jiraa muran ku aadan doorashooyinka la iclaamiyay in loo dareeri doono, waxaana muuqanaya arrimo kala qeybinaya maamulkaan ka kooban labada gobol, kaas oo afartii sano ee lasoo dhaafay ku dhameystay siyaasad iyo horumar la’aan. Arrinta ugu weyn ee la isku heysto waa xilka ugu sarreeya maamulka, waxaana isku heysta labada beelood ee kala daga gobolada Shabelleha dhexe iyo Hiiraan. Madaxtooyada Soomaaliya waxey wadaa qorshe ay xilka ugu raadineysi beelaha daga Shabeelada Dhexe, waana arinta keentay in odayaasha dhaqanka Hiiraan ay ku hanjabaan iney go’i doonaan. Heshiiska lagu dhisay maamulka Hirshabelle sanadkii 2016 wuxuu ahaa in reer Hiiraan la siiyo madaxweyne halka dadka Shabeelada Dhexe la siiyo caasimadda, balse reer Hiiraan waxey xilka ugu sarreeya ku badasheen Caasimadda. Dadka falanqeeya siyaasadda waxey leeyahiin Villa Soomaaliya waxey dooneysaa iney jabiso sharcigii wax lagu dhisay. Waxaa la aaminsanyahay in Madaxtooyada ay riixeyso Cali Guudlaawe oo ah madaxweyne ku xigeenka, waxaa socda dadaalo wali soconaya oo aan la ogeyn. Muddo xileedka dowladda hadda jirta waa gabo-gabo mana muuqato wax la isku raacsan yahay oo ka socda Hirshabelle, qof walba wuxuu isha ku heyn doonaa halka ay wax ku dhamaadaan. The post Maxey yahiin arrimaha laga cabsida qabo ee sababi kara in Hirshabelle kala qeybsanto? first appeared on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Biixi oo markii uu la wareegay xilka Madaxtinimada Somaliland, Dadka Siyaasada faaqidaa dhaliilo xooggan ugu soo jeedin jireen Xukuumaddii uu soo dhisay iyo dhabihii uu ku jiheeyey jaan-qaadka Siyaasadda dalka, ayaa xeel-dheerayaasha Siyaasaddu ku fasireen in aanay ku jaan-go’nayn nidaamka Casriga ah ee Dawlad-wanaaga iyo hannaanka Dimoqraadiyada, iyadoo dhanka kalena lagu tilmaamo in Golihiisa Xukuumadda aanay ku jirin ama ku yar yihiin uu ku yaraaday raggii Waayo-arragga ahaa ee Siyaasada u bislaa,wallow uu Madaxweyne Biixi dhawr jeer isku shaandhayn sameeyey haddana may noqon mid ka duwan xulashadiisii hore ee dhismaha xukuumaddiisa. Inta badan bulshada reer Somaliland ayaa maalmihii ugu danbeeyay, waxa dheggaha iyo carabkooda kusoo noq-noqonayey hadal-hayno la xidhiidha isku-shaandhayn ay ka filayeen Madaxweyne Biixi inuu ku samayn doono golihiisa Wasiiradda, arrintaas oo marka si guud loo eego runtii ahayd mid mudada iyo ka hor-ba soo taxnayd, balse waxay hadal-haynteedu sii xoogeystay baa la odhan karaa kadib uu soo dhammaaday shir weynihii afraad ee Xisbiga KULMIYE oo toddobaadkii hore lagu soo afmeeray Hargeysa . Dhanka kalene Xoggo uu hellayo Wargeyska Foore ayaa sheegay inuu Madaxweyne Biixi uu hadda qorshaynayo inuu isku shaandhayn sal-ballaadhan uu ku sameeyo Xukuumaddiisa,taas oo masuuliyiin badan galafan doonta halka qaar kalena lagu samayn doono is baddel,waxaana la filayaa inuu soo celiyo masuuliyiin xilal kasoo qabtay Xukuumaddii hore ee Siilaanyo. Waxa kale oo ay Xogguhu intaas ku dareen in Madaxweyne Biixi uu isku shaadhayntaa la filayo inuu Xukuumaddiisa ku sameeyo ay tahay mid xeeladaysan oo xirfadaysan, isla markaana ay tahay mid uu ku magacaabayo masuuliyiin xul ah oo xilal kale duwan ka soo qayb-tay Xukuumaddii hore. Dhanka kalene Madaxweyne Biixi iyo qaar kamid golihiisa Wasiiradda oo Magaalada Boorama labadii maalmood ee ugu dambeeyey ku sugnaa ayaa waxa la socda Wasiirkii hore ee Caafimaadka Saleebaan Xaglatoosiye iyo Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Cali Mareexaan, kuwaas oo aan xil ka ahayn Xukuumadda Biixi,balse la socodka ay Madaxweynaha la socodnaa wuxuu muujinayaa inuu raali ka yahay,waxaana laga filan karaa inuu isku shaadhaynta uu ku soo dara oo ama uu qorshe kale uu ka leeyahay inay dhiniciisa ka soo muuqdaan Ma jiro war rasmi ah oo Xukuumadda ka soo baxay, marka laga tago Xoggahaas sheegaya inuu Madaxweyne Biixi uu ku hawlan yahay isku shaandhayn uu ku samayn doono xukuumadiisa,balse waxaynu dhawri doona halka ay ku dambayso isku shaadhayntaas salka balaadhan ee la filayo inuu Madaxweyne Biixi ku sameeyo Xukuumaddiisa. Source
-
Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun adag ku riday Xasan Cabdi Aadan Nuur iyo Cumar Xuseen Abshir oo lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab ee dagaalka kula jira ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM. Labada eedeysane oo lagu soo qabtay dagaal ka dhacay degmad Dayniile ayaa waxaa loo heystaa inay yihiin sarkaal iyo darawalkiisa, kana howl-gali jiray duleedka degmada Balcad. Maxkamadda ayaa sheegtay in xilliga la qabanayey oo aheyd November Sanadkii tegay ay dhaawac ahaayeen, kadib markii ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Xoogga dalka ay ku lahaayeen cirifka ay degmada Deyniile kala wadaagto deegaanka Basro. Intaasi kadib hay’adaha caafimaadka dowladda ayaa isku howlay sidii ay u baxnaani lahaayeen, maadaama dhaawacyo ay gaareen, waxaana 11-kii March sanadkan ay ku wareejiyeen xafiiska xeer ilaalinta oo xilligaas codsaday in xabsiga dhexe loo taxaabo Xasan iyo Cumar, si’ay u soo dhameystiraan eedaha labada eedeysane baaristooda. Xasan Cabdi Aadan Nuur ayaa ahaa madixii maaliyadda Balcad u qaabilsanaa Al-Shaaab laakiin waxa uu ku qiray qiraalkiisa in ay caawinayeen koox iyaga ku tiirsan oo uu weerarka ku qabsaday Doonka, sida ay maxkamaduu sheegtay. Cumar oo isagu wade Mooto uga ahaa Xasan ayaa isna Maxkamadda ka hor sheegay in uu ahaa nin iskiis isaga xamaasho laakiin xafiiska xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa labada shaqsi kuwada Eedeeyay in ay qayb ka ahaayeen weerar ay Alshabaab ku qaadeen Fariisin Ciidan November Sanadkii tegay 2019-kii. Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalab Sida ayaa Maxkamadda u sheegay in ay labada Eedeysane wada ahaayeen Gurmad laakiin ciidamada ay u geysteen dhaawac Naafeen ah. Qareennada u dooday labada Eedeysane ayaa sidoo kale iyagana Maxkamadda ka codsaday in loo Naxariisto maadaama labada eedeysane ay u aheyd howlgalkii ugu horreeyay ee dagaal oo ay kawada qayb galeen islamarkaan uu dhaawaca ka soo gaaray labadaba. Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida oo soo xiray fadhiga Maxkamadda ayaa Xasan Cabdi Aadan Nuur iyo Cumar Xuseen Abshir Jaabir kuwada xukumay Xabsi daa’in sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda. Eedeysanayaasha ayaa heysta Fursad ay ku dalban karaa Rafcaan muddo ku siman 30 cisho xukunka kadib. View the full article
-
Madaxweynihii Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey maalinta calanka Soomaaliyeed ayaa hambalyo kadib waxaa uu sheegay iney wax weyn tahay in la xuso 66 sano guurada maalinta calanka isaga oo soo hadal qaaday waxa uu calanka uga dhigan yahay. Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrintaas ka hadlaya ayaa yiri ‘Aniga calanka waxaa uu ii leeyahay xusuus gaar ah, bishii September 2012 ayaa la ii doortay madaxweynaha jamhuuriyadda, maalintaas in ka badan 85% dhulka bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya calanka buluugga kama taagneyn, lamana ogoleyn in laga taago, calan madow oo ay leeyihiin kooxaha nabad diidka ah ayaa meel walba ka babanayey , dadaal badan oo ay galeen geesiyaasheena ciidamada qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeed oo iskaashanaya iyo taladeenna iyo hoggaankeena suubanaa waxaa suurtogashay in dhulkaas laga bixiyo gacanta cadawga, maantana laga taago calanka oo uu ka dulbabanayo”. Ugu dambeyntii, madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu soojeediyey in laga taago calanka guryaha, goobaha ganacsi iyo gaadiidka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa maanta xiran gabi ahaanba goobaha ganacsiga ee magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ee maamulka goboleedka Galmudug, waxaa sidaasi u sheegay Goobjoog News dad deegaanka ah. Xirnaanshiyaha ganacsiga ee magaalada ayaa yimid kadib markii la sheegay in wasaaradda maaliyadda maamulka Galmudug ay ganacsiyada kusoo rugtay canshuuro dheeraad ah, halka ganacsatadu sheegeen in aysan awoodin bixinta lacagtaas. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ganacsigii oo la dhan la xiray iyada oo laga gadoodayo go’aanka maamulka Galmudug, waxaana socda qabanqaabada dibadbaxyo lagu diidan yahay canshuurta cusub. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Md. Farxaan Aadan Haybe ayaa si adag uga hadlay doodaha la xidhiidha sharcinimada ku aaddan in uu ku soo baxay liiska Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE isaga oo ah guddoomiye gacanta ku haya masuuliyadda adeegayaasha umadda oo ah shaqaalaha dawladda oo sharcigu ka reebayo in ay ku milmaan xisbiyada qaranka. Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Md. Farxaan Aadan Haybe waxa uu sheegay in aanu jirin sharci u diidaya in uu ka mid noqdo golaha dhexe ee xisbiga horena uu uga mid ahaa waxaanu isaga oo arrintaasi ka hadlaya yidhi: “Sharciyada ayaa wax hagta ee rayi qof waa aragtidiisa kaliya wax uu cabiray. Ma ihi shaqaale dawladeed (Civil Servant) waxaan ahay Gudoomiye Hayadeed, Sharciyad ii diidaysaana ma jirto ka mid noqoshada Golaha dhexe ee Kulmiye. Golihii horena ka mid ayaan ahaa, imikana waan ahay oo xubintii ayuunbaan ku soo noqday cirkana kamaan soo dhicin ee xukuumada xisbiga Kulmiye ayaan ka mid ahay sida wasiirada, Gudoomiyayaasha Hayadaha kale ee Dawlada waxaanse si dhab u ogay una aqoonsanay in masuuliyada iyo xeerarka aanu ku shaqayno ay na farayaan waajibaadkayaga shaqo sida ay u farayaan wasiirada, xildhibaanada, Mayorada iyo masuuliyiinta kale ee Hayadaha Dawlada ee ku abtirsada Xisbul Xaakimka, taasina ay noo cadahay” Waxa haddaba dood taasi ka duwan Iyana Guddoomiyaha ugu jawaabay Garqaano dhawr ah iyo dad shacab ah oo badankoodu ku doodaya in isaga iyo masuuliyiinta xilalka la midka ahba hayaa aanay sharci u lahayn ay kaga mid noqdaan maadaana ay yihiin adeegayaal Bulshada la rabo in ay dhex u noqdaan. Garyaqaan Muuse Yuusuf oo loo yaqaano Muuse oo daba socday hadalka Guddoomiyaha ayaa yidhi sidan: “Horta U jeedada looga reebay masuuliyiinta aan ahayn xilka wasiir/wasiirxigeen/wasiirdawle, waxa weeye laba qodob. In aanay Agaasimeyaasha guud ka mashquulin shaqadooda iyo in aanay meesha ka bixin masuuliyada dhexdeednimadu. Al muhiim booskani waxa uu u dhigmaa ama yahay Agaasin. Sidaas oo ay tahay waa in loo dabaqaa Agaasimeyaasha guud. Ma jiro xeer u fasaxay in uu ka mid ahaado xisbi” Garyaqaan Muuse Yuusuf (Muuse Case). Dhinaca kale garyaqaan Mubaarik Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah sharci yaqaannada da’da yar ee reer Somaliland oo isna ka hadlayay doodda Guddoomiyaha hay’adda shaqaaluhu waxa uu yidhi: “Farxanoow shaqaale dawladeed baad tahay ha,yaddaaduna waxay ka mid tahay ha’yadaha ka madaxa banaan xukuumada under the constitution ,xeerka kala xadaynta xukuumada iyo ha,yadaha madaxa banaan ee dawladuna wuu kuu diidaya inaad siyaasada ku milanto” ayuu yidhi Garyaqaan Mubaarik Cabdi Ismaaciil Source
-
Xasan Cabdi Aadan Nuur & Cumar Xuseen Abshir Jaabir ayaa loo haystaa ka mid ahaanshiyaha Alshabaab gaar ahaan in ay ahaayeen Hoggaamiye iyo Darawalkiisa si gaar ah uga shaqeyn jiray deegnnada xiriirsan degmada Balcad & deegaanka Basro ee gobolka Shabeellaha dhexe. Weerar ay ku qaadeen fariisin ay ciidamada xoogga dalka ku lahaayeen cirifyka ay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir kala wadaagto Basro ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa labada Eedeysane lagu soo qabtay iyaga oo dhawaac ah bishii November sanadkii tegay 2019-ka. Hey’adaha Caafimaadka Dowladda ayaa isku howlay sidii ay u baxnaani lahaayeen Maadaama dhaawacyo ay gaareen, waxaana 11-kii March Sanadkan ay ku wareejiyeen xafiiska Xeer Ilaalinta oo xilligaas codsaday in xabsiga dhexe loo taxaabo Xasan iyo Cumar, si’ay u soo dhameystiraan eedaha labada eedeysane Baaristooda. Xasan Cabdi Aadan Nuur ayaa ahaa madixii Maaliyadda degmada Balcad u qaabilsanaa Alshaaab laakiin waxa uu ku qiray qiraalkiisa in ay caawinayeen koox iyaga ku tirsan oo uu weerarka ku qabsaday Doonka. Cumar oo isaga wada Mooto u ahaa Xasan ayaa isna Maxkamadda ka hor sheegay in uu ahaa nin iskiis isaga xamaasho laakiin xafiiska Xeer Ilaalinta ciidamada qalabka sida ayaa labada shaqsi kuwada Eedeeyay in ay qayb ka ahaayeen weerar ay Alshabaab ku qaadeen fariisin ciidan bishii November ee Sanadkii tegay, Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee ciidamada qalab sida ayaa Maxkamadda u sheegay in ay labada Eedeysane wada ahaayeen gurmad laakiin ciidamada ay u geysteen dhaawac naafeen ah. Qareennada u dooday labada Eedeysane ayaa iyagana Maxkamadda ka codsaday in loo naxariisto maadaama labada eedeysane ay u aheyd howlgalkii ugu horreeyay ee dagaal oo ay kawada qayb galeen isla markaan uu dhaawaca ka soo gaaray labadaba. Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida oo soo xiray fadhiga Maxkamadda ayaa Xasan Cabdi Aadan Nuur iyo Cumar Xuseen Abshir Jaabir kuwada xukumay xabsi daa’in sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda ,Eedeysanayaasha ayaa heysta Fursad ay ku dalban karaa Rafcaan muddo ku siman 30 cisho xukunka kadib. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil goor dhow ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen goobjoogayaal. Wararka ayaa sheegaya in dilka uu ka dhacay agagaarka qeybta Cabdalle Shideeye, iyadoona lagu kala cararay meesha ay wax ka dhaceen. Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo haatan wada baaritaano dheeraad ah. Dhaq-dhaqaaqa suuga, gaar ahaan meesha uu dilku ka dhacay ayaa hakad-galay, iyadoona la xiray qaar ka mid ah goobaha ganacsiga ee ku yaalla halkaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana ciidamada amnigu ay wadaan howl-gallo ay ku baadi goobayaan raggii ka dambeeyey toogashadaasi. Inta badan gudaha Suuqa Bakaaraha waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto askarta dowladda Soomaaliya ee ku sugan suuqaasi oo ah kan ugu ballaaran Soomaaliya. The post Koox hubeysan oo maanta toogasho ka geysatay Suuqa Bakaaraha first appeared on Caasimada Online.
-
Waxaa sii xoogaysanaya muranka ka taagan Soo xukida Xildhibaanada iyo Senetarada Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland, ku matalaya Dowlada Dhexe 2020-2024 murankasoo salka ku haya [...] The post Warbixin qaybta 1aad “Muran ka taagan Cida soo gudbinaysa Xildhibaanada Gobolka Gedo” appeared first on . Source
-
Turkish ports operator Albayrak and the federal government of Somalia have signed an agreement that grants the company a new 14-year concession to manage the Port of Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Cumar Xuseen Abshir (bidix) iyo Xasan Cabdi Aadan Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xukun ku riday labo nin oo lagu eedeeyay Al-shabaab. Xasan Cabdi Aadan Nuur iyo Cumar Xuseen Abshir Jaabir oo la sheegay in iyagoo dhaawac ah sanadkii hore la qabtay ayaa lagu riday xukun xasbi daa’in ah, sida uu ku dhawaaqay Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada. Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Xasan Cabdi Aadan Nuur ku eedeeyay inuu ahaa madaxii maaliyadda degmada Balcad u qaabilsanaa Al-shabaab, halka Cumar Xuseen Abshir Jaabir isna lagu eeedeeyay inuu ahaa darawalkiisii. Cumar Xuseen Abshir oo ahaa wade Mooto Bajaaj ayaa maxkamadda ka hor sheegay inuu ahaa nin iskiis isaga xamaasha, balse Xeer Ilaalinta ayaa ku eedeysay inuu qayb ka ahaa weerar ay Al-shabaab ku qaadeen fariisin ciidan bishii November ee sanadkii hore. Maxkamadda ayaa sheegtay in xukunka lagu riday labada eedeysane uu ka furanyahay racfaan ku siman 30 cisho. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Labo nin oo xabsi daa’in lagu xukumay appeared first on Puntland Post.
