-
Content Count
213,026 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowladda Qatar ayaa si cad ugu wargelisay hoggaanka ururka Xamaas ee ku sugan magaalada Dooxa in ay ka guuraan halkaasi, islamarkaana la xiro xafiiska siyaasadda Xamaas ee ka furnaa Dooxa. Go’aankan waxaa la sheegay Qatar in ay qaadatay , kaddib markii lagu guul-darraystay in ururka Xamaas lagu cadaadiyo oggolaanshaha heshiis xabbad-joojin ah oo ka dhaca Gaza, si loo sii daayo maxaabiista Israa’iiliyiinta ah oo ay ku jiraan kuwa heysta dhalashada Mareykanka oo lagu hayo gudaha marinka Gaza. Dowladda Mareykanka ayaa sida ilo diblomaasiyadeed xaqiijiyeen waxay u gudbisay dowladda Qatar in ay soo geba-gabeyso magangalyada ay siinayso hoggaanka Xamaas oo ay ka saarto dalkeeda, lana xiro xafiiska siyaasadda ururka Xamaas ee ku yaalla Dooxa. Sida ay sheegtay CNN , dowladda Qatar si dhaqso ah ayay ugu hoggaansantay go’aanka ka yimid dhinaca Mareykanka waxayna si rasmi ah ugu wargelisay hoggaanka Xamaas in ay ka guuraan Qatar, lana soo geba-gabeeyay magangalyadii ay ku joogeen xarunta dalka Qatar ee Dooxa. PUNTLAND POST The post Dowladda Qatar oo dalkeeda ka ceyrinaysa hoggaanka Siyaasadda ururka Xamaas appeared first on Puntland Post.
-
Xubnaha cusub ee golaha degaanka degmada Garoowe ayaa si rasmi ah loo dhaariyay Saaka oo Sabti ah, kadib munaasabad ka qabsoontay xarunta PDRC ee Garoowe. Xildhibaannada golaha degaanka Garoowe oo ka kooban 33 xubnood ayaa dhammaantood saaka soo xaadiray munaasabadda dhaarinta islamarkaana waxay doorteen duqa caasimadda iyo ku xigeenkiisa ee shanta sano ee soo socota. Duqa caasimadda Garoowe ayaa mar kale loo doortay Geeddi Axmed Tuurre oo ka tirsan xisbi siyaasadeedka xukuumadda Puntland ee Kaah halka ku xigeenkiisa loo doortay Maxamed Cali Xamari oo isna ka tirsan xisbigaasi. Tan ayaa ku timid heshiis dhawaan dhexmaray qaar kamid ah xisbiyada siyaasadda Puntland oo lagu go’aamiyay in xisbi siyaasadeedka xukuumadda ee Kaah uu qaato maayirka caasimadda Garoowe iyo ku xigeenkiisa. Heshiiskaasi waxaa ka horyimid inta badan xubnaha golaha degaanka Garoowe oo doonayay in isbeddel maamul ka dhaco caasimadda balse waxa ugu danbayn xubnihii mucaaridka ahaa lagu qanciyay in ay heshiiska aqbalaan. PUNTLAND POST The post Geeddi iyo Xamari oo saaka mar kale loo doortay duqa caasimadda Garoowe iyo ku xigeenkiisa appeared first on Puntland Post.
-
Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay Al-Sabaab ay ku qaadeen kolonyo ka tirsan ciidamada ATMIS oo ku socdaalayay qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay duleedka deegaanka lambar 60 ee gobolkaasi, waxaana xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac. Al-Shabaab oo guul ka sheegatay weerarkan ayaa shaacisay inay goobta ku dishay ugu yaraan 5 askari oo ka tirsanaa ciidanka Uganda ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS. Ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijin kara sheegashada Al-Shabaab ee ku aadan khasaaraha dagaalkaas iyo weerarka ka horeeyay, mana jiro war kasoo baxay ATMIS. Dhinaca kale weerar kale oo loo adeegsaday madaafiic ayaa isla xalay kooxda Al-Shabaab waxa ay ku qaaday saldhig kale oo ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Bur-Culow oo hoosataga magaalo xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose, mana cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay. Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobolka Shabeelaha Hoose oo ay ku xoogan tahay Al-Shabaab. Inta badan kooxda ayaa beegsata saldhigyada ATMIS ee gobolka, waxaana la xasuustaa weerarkii Buulo-mareer oo lagu dilay ugu yaraan 57 askari oo ka tirsanaa ciidanka Uganda. The post ASKAR ka tirsanaa ciidanka UGANDA oo lagu dilay weerar ka dhacay… appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa war ka soo saartay doorashooyinka la filayo in ay dhawaan ka dhacaan gobollada waqooyiga ee Soomaaliya (Soomaaliland), iyada oo muujisay sida ay uga go’an tahay taageeridda hannaanka dimoqraadiyadda iyo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka dhacaya dalka oo dhan. DFS ayaa si gaar ah u xustay in hirgelinta habka codbixinta hal-qof, hal-cod ay horay uga hirgashay deegaanada Puntland, taas oo muujinaysa kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan doorashooyin ay iyagu wakiillo ku leeyihiin. DFS ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) uu ku heshiiyey hannaanka cusub ee doorashooyinka oo lagu ansixiyey Golaha Wasiirrada bishii Agoosto ee sanadkan. Shuruucdan ayaa waxaa ka mid ah Xeerka Aasaasidda Guddiga Doorashooyinka, Xeerka Xisbiyada Siyaasadda, iyo Xeerka Doorashooyinka. Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka Federaalka ayaa dhanka kale magacaabay guddi gaar ah oo ka kooban 15 xubnood, kuwaas oo loo xilsaaray dib-u-eegis ku sameynta shuruucdan muhiimka ah. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay hannaanka doorasho ee hufan, mid loo dhan yahay, iyo mid kalsooni leh, kaasoo runtii ka tarjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Waxaan ugu baaqeynaa beesha caalamka inay taageeraan horumaradan iyagoo ilaalinaya nidaamka federaalka ee Soomaaliya, isla markaana sharfaya madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, sida ku cad sharciga caalamiga ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya. Dowladda Federaalka ayaa ugu baaqday beesha caalamka in ay taageeraan hannaankan dimoqraadiyadda iyagoo ilaalinaya madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa hirgeliyay qorshe uu todobaadkii hore dajiyay oo ku aadan u yeerista xildhibaannada labada gole ee Jubbalabd ku metala baarlamaanka Soomaaliya. Axmed Madoobe ayaa kulan casho sharaf ah la qaatay xildhibaannada iyo senatorada aqbalay dalabkiisa ee tegay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay isku xog wareysteen. Kulanka ayaa waxaa kasoo muuqday xildhibaanno kala duwan oo saameyn leh, kana soo jeedo deegaanada Jubbaland, kuwaas oo buuxiyay garabka madaxweynahooda oo haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo Villa Soomaaliya. Qoraal kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu faahfaahiyay kulanka xildhibaannada iyo Axmed Madoobe, waxaana warsaxaafadeedka lagu sheegay inuu hordhac u yahay wadatashiyo ka bilaabanayo magaalo xeebeedka Kismaayo. “Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa Xarunta Madaxtooyada casho sharaf ugu sameeyay qeybtii ugu horeysay ee Xildhibaanada labada Aqal ee BJFS ku matala Jubaland ee Magaalada Kismaayo u yimid shirka-watashiga” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale waxaa la raaciyay “Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ku casuumay Xildhibaanada Jubaland ku matala heer Federaal latashi guud oo ay yeelanayaan Dowladda Jubaland, Xildhibaanada labada Aqal ku mata Jubaland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada oo lagaga arinsanayo xaalada siyaasada dalka.” Khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Jubbaland ayaa bannaanka usoo baxay kadib shirkii golaha wadatashiga qaranka ee uu isaga baxay Axmed Madoobe, kaas oo laga soo saaray go’aanno la xiriira doorashooyinka guud ee dalka. Madaxweynaha Jubbaland ayaa si cad u diiday qorshaha Villa Soomaaliya, gaar ahaan doorasho qof iyo cod ah oo ay ku hoos duugan tahay muddo korordhin hal sano ah, waxaana taasi ay keentay in Axmed Madoobe uu ku laabtay Kismaayo, isaga oo diiday dadaallo iyo isku dayo ay sameysay dowladda dhexe, si dib loogu soo celiyo shirka. Jubbaland ayaa dooneysa inay qabsato doorasho dadban oo ku dhacda waqtigeeda, ayada oo ku dooday in maamullada ay u madax bannaan yihiin doorashooyinkooda gaarka ah. Si kastaba, waxaa fashilmay dadaallo iyo isku dayo ay sameysay dowladda federaalka, si xal loogu helo khilaafka labada dhinac, waxaase diiday hoggaamiyaha maamulka Jubbaland. The post Qorshihii Axmed Madoobe oo hirgalay – Maxaa ka socda Kismaayo? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Xarunta hay’adda PDRC ee magaalada Garoowe waxaa saaka oo Sabti ah ka socota Munaasabaddda dhaarinta xubnaha cusub ee golaha degaanka Garoowe. Xubnaha cusub ee golaha degaanka degmada Garoowe ayaa dhaarinta kadib u codayn doona dib u doorashada duqa caasimadda Geeddi Axmed Tuurre iyo ku xigeenkiisa Maxamed Cali Xamari oo labaduba ka tirsan xisbiga Kaah. Tan ayaa ku timid heshiis dhawaan dhexnaray qaar kamid ah xisbiyada siyaasadda Puntland oo lagu go’aamiyay in xisbi siyaasadeedka xukuumadda ee Kaah uu qaato maayirka caasimadda Garoowe iyo ku xigeenkiisa. Waxaase heshiiskaasi si weyn uga horyimid inta badan xubnaha golaha degaanka degmada Garoowe oo doonayay in isbeddel maamul uu ka dhaco degmada Garoowe kuwaasi oo ugu danbayn dowladdu kala furfurtay islamarkaana meesha ka saartay qorshihii ay wadeen. PUNTLAND POST The post Xubnaha cusub ee golaha degaanka degmada Garoowe oo saaka la dhaarinayo appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta howlgal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka sameeyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee maamulkaasi, kaas oo jab culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda. Howlgalkan oo ay qaadeen ciidanka Guutada Birjeex ee Daraawiishta Jubbaland ayaa waxaa lagu beegsaday xubno isku aruursanayay aagga deegaanka Lagta-Caanoole, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal foolka fool ah oo dhex-maray labada dhinac. Taliyaha Guutada Birjeex Korneel Cabdikaafi Dayib oo ka warbixiyay howlgalka ay qaadeen ayaa sheegay in khasaare lixaad leh ay u gaysteen Al-Shabaab, kadib xog ay ka heleen dadka deegaanka. Dayib ayaa shaaca ka qaaday in inta uu socday howlgalka ay khaarijiyeen illaa 12 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, ayna dhaawaceen tiro kale oo intaasi kasii badan. Xaaladda deegaannada uu dagaalka ka dhacay ayaa weli kacsan, waxaana ka socda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada maamulka Jubbaland. Muddooyinkii u dambeeyay waxaa howlgallo culus ay ka socdeen gobolka Jubbada Hoose, waxaana lagu xoreeyay deegaano ay horay ugu sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab. Hoos ka daawo:- The post Al-Shabaab is urursanayay oo jab culus la gaarsiiyay appeared first on Caasimada Online.
-
Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa shaacisay qorshe ay sheegtay in ay Iran soo maleegtay kaasi oo ay rabtay in ay ku disho madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump. Waaxda Caddaaladda waxay sheegtay in qorshaha dilka Trump ay Iran u adeegsatay nin lagu magacaabo Farhad Shakeri, kaas oo muddo ku qaatay xabsiyada Mareykanka, isla markaana gudaha Mareykanka ku leh saaxibbo khatar ah oo uu ku dhex bartay xabsiyada. Shakeri waxa uu FBI-da u sheegay in uu bishii September uu xiriir la sameeyay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran, kuwaas oo u sheegay in uu dhinac iska dhigo shaqooyinka uu hayo, isla markaana uu xoogga saaro kor kala socoshada dhaq-dhaqaaqa Trump kaddibna uu dilo. Warkaan ayaa laga soo xigtay bayaanka ku qoran dacwad ay Waaxda Caddaaladda Mareykanka ka gudbisay Farxan Shakiri, kaas oo shalay loo diray Maxkamadda Federaaliga ah ee degmada Manhattan ee magaalada New York. Ninkan lagu eedeeyay qorshaha dilka Trump ayaa sheegay in uu rabay in uu khaarijinta u adeegsado shabakad danbiilayaal ah oo uu ka sameeyay gudaha Mareykanka, sida ay warbixintu sheegtay. Shakiri ayaa hadda baxsad ah kuna sugan Iran. Ciidanka ammaanka Mareykanka ayase falkan u xiray laba nin oo lagu eedeeyay in uu Shakiri qortay, kuwaas oo rabay in ay dilaan saxafiyadda caanka ah ee Irani-Mareykanka ah Masiix Cali-najaad. PUNTLAND POST The post Dowladda Mareykanka oo sheegtay in Madaxweyne Donald Trump ka badbaaday isku day dil oo Iran u maleegtay appeared first on Puntland Post.
-
Rabshado ka dhashay doorashadii horraantii bishii oktoobar ka dhacday Moazambique oo murashaxa xisbiga talada haya ee frelimo la sheegay inuu ku soo baxay ayaa weli dalkaas ka socda, kuwaas oo sababay waxyeello baaxad leh. ugu yaraan saddex qof ay ku dhinteen 66 kalena ay ku dhaawacmeen isku dhacyo dhex maray booliska iyo dibadbaxayaasha diidan natiijada doorashada, sida laga soo xigtay Isbitaallada ugu waweyn dalkaas. Dhimashada ayaa sii kordhinaysa, ugu yaraan 18 qof ayaana lagu dilay mudaaharaadyada tan iyo 9-kii Oktoobar, waxaana laga cabsi qabaa in waxyeelladu ay intaas ka sii badato, maadaama ay rabshaduhu weli socdaan. Kooxaha qaar ayaa sheegaya in tirada dhimashadu aad uga badantahay in la ogyahay , iyadoo Xarunta Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqda Aadanaha ee Mozambique ay sheegtay 34 qof oo dhimasho ah. Dibedbax dhacay Khamiistii aynu soo dhaafnay ayaa lagu tilmaamay kii ugu weynaa ee abid lagu arko Mozambique, kaas oo looga soo horjeedo Frelimo, oo ah xisbiga soo xukumayay dalkan ku yaalla koonfurta Afrika tan iyo sanadkii 1975, waxaana lagu dhawaaqay in uu ku guuleystay doorashadii bishii hore. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay Soomaali la sheegay in laga soo celinayo dalka Jarmalka, arirntan oo looga hadlay kulan dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud iyo ra’iisul wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz. Wasiiru Dowlaha arrimaha dibada Soomaaliya Cali Cumar Cali Balcad ayaa sheegay in Soomaalida lasoo celinayo ay yihiin kuwa dambiyo kala duwan kagalay wadanka Germany sida dil iyo kufsi, kuwaasi oo maxkamad ay xukuntay. Balse waxa uu beeniyey inay jiraan Soomaali dalkaas sharci ku joogta ama aan gelin wax dambi ah oo lagu soo celinayo dalkooda. Cali Balcad waxa uu carabka ku adkeeyay in dowladaha Soomaaliya iyo Germany ay ku heshiiyeen in 20 qof oo xukun xabsi oo lagu riday dhameystay dib loogu soo celiyo Soomaaliya, kuwaas oo aad u yar marka loo eego 80 kun oo Soomaali ah oo la rumeysan yahay inay dalkaas ku nool yihiin. Cali Balcad oo la weydiiyay sida ay dowladda Soomaaliya dalka ugu soo celineyso dad gaystay dambiyo khatar ah sida dil iyo kufsi iyo waxa uga qorsheysan marka ay yimaadaan, waxa uu sheegay in qofka haddii uu dhameystay xukunkii iyo ciqaabtii lagu riday aysan jirin sabab uu ciqaab akle u maro. Cali Balcad ayaa sheegay in dowladda ay baaritaan ku sameyn doonto in 20 kaasi ay yihiin Soomaali maadama wadamada jaarka la ah Soomaalida muwaadiniintooda qaar ay sheegtaan inay Soomaali yihiin markeey Yurub tagaan, oo sidaas isku dhiibaan, waxaa uu sidoo kale sheegay in ay xaqiijin doonaan haddii ay yihiin kuwa galay dambiyada lagu xukumay. Dhowaan, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud ayaa booqasho ku tegey dalka Jarmalka, halkaasi oo uu kula kulmay hogaamiya dalka Jarmalka Olaf Scholz. Xasan Sheekh iyo Scholz ayaa ka wada hadley arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay sidii Soomaaliya dib loogu celin lahaa muwaadiniin Soomaali ah oo dalka Jarmalka ku sugan, balse arrimahasi ayaa baraha bulshada ka dhaliyey dood xooggan, ayada oo warar been abuur ah laga faafiyey kulanka. The post DF Soomaaliya oo shaacisay xogta iyo tirada Soomaalida laga soo celinayo Jarmalka appeared first on Caasimada Online.
-
Sanadkan 2024, waxaa soo baxay calaamado muujinaya dib-u-soo laabashada burcad-badeednimada Soomaaliya, iyadoo dhowr weerar iyo afduubyo ay ka dhaceen xeebaha Soomaaliya. Howlgalka Midowga Yurub ee ATALANTA ayaa soo saaray digniin bishii Oktoobar, oo ku saabsan 13 qof oo hubeysan oo ka ambabaxay magaalooyinka Ceel Huur iyo Hobyo – oo ah goobo horey loogu yaqaanay burcad-badeedda. Weeraradan iyo afduubyada kusoo noqday xeebaha Soomaaliya waxay muujinayaan in kooxaha burcad-badeedda ay weli ka faa’iidaysanayaan amni darrada iyo xaaladaha dhaqaale ee dalka ka jira. Weeraradaasi waxay soo celinayaan xusuusta dhibaatadii burcad-badeednimada ee hore u soo gaartay maraakiibta ganacsi iyo kaluumaysiga ee marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Hase yeeshee, ilaa iyo hadda ma jirto xaqiijin cad oo muujinaysa in heerka burcad-badeednimada uu dib ugu laaban doono meel u dhow heerarkii sare ee 2008-2012. Sababaha Dib-u-Soo Laabashada Burcad-badeednimada Dhibaatada burcad-badeednimada Soomaaliya waxaa saldhig u ah xaaladaha dhaqaale iyo bulsho ee dalka, oo ay ku jirto kalluumaysiga sharci-darrada ah ee maraakiibta shisheeye ay ka sameeyaan biyaha Soomaaliya. Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kalluumaystada, ayaa inta badan la daalaa-dhacaya xaalado adag oo ay ka mid tahay la’aanta fursado dhaqaale oo sugan iyo awood la’aanta ka hortagga shisheeyaha ka kalluumaysanaya biyaha Soomaaliya iyada oo aan sharci ahayn. Fursadda Soomaaliya ee Golaha Ammaanka Soomaaliya, oo 2025-26 ku fadhin doonta kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC), waxay haysataa fursad ay kaalin muhiim ah kaga qaadato siyaasadda amniga badda caalamiga ah. Soomaaliya waxay isticmaali kartaa fursaddan si ay ugu ololeyso xalka waara ee la dagaallanka burcad-badeednimada, oo ku saleysan amniga badda iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaa muhiim ah in Soomaaliya ay u yeerato caalamka si ay uga qaybqaataan dadaallada looga hortagayo burcad-badeednimada iyada oo la abuurayo hab ka hortag ah oo faa’iido u leh bulshooyinka Soomaaliyeed iyo maraakiibta caalamiga ah. Doorka Turkiga iyo Iskaashiga Cusub ee Amniga Badda Haddii Soomaaliya ay doorbido inay xoogga saarto taageerada caalamiga ah iyada oo aan loo baahnayn go’aanno cusub oo ka soo baxa Golaha Ammaanka, waxaa suurtogal ah in doorka la siiyo Turkiga oo dhowaan heshiis amniga badda iyo horumarinta dhaqaalaha la galay Soomaaliya. Heshiiskan ayaa u oggolaanaya Turkiga inuu tababarro, howlgaliyo iyo qalab badeed siiyo Soomaaliya. Bedelkeedana, Turkiga wuxuu helayaa 30% dakhliga ka soo baxa dhaqdhaqaaqyada dhaqaalaha ee ka socda aagga gaarka ah ee badda Soomaaliya. Saamaynta Caalamiga ah iyo Mustaqbalka Burcad-badeednimada Soomaaliya Inkasta oo ay jiraan dadaallo caalami ah oo lagu xakameynayo burcad-badeednimada, hadana xaaladaha sii adkaanaya ayaa keeni kara in kooxaha burcad-badeedda ay dib ugu soo laabtaan xeebaha Soomaaliya, taasoo saamayn ku yeelan karta amniga maraakiibta caalamiga ah. Waxaa muhiim ah in Soomaaliya iyo caalamku iska kaashadaan sidii loo heli lahaa xal waara oo wax looga qabanayo dhibaatadan amni ee saameyn weyn ku leh dhaqaalaha iyo nolosha bulshada. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada maamulkaas kulan soo dhowayn iyo sharaf ah ugu sameeyay qeybtii ugu horeysay ee Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku matala Jubaland. Xildhibaanadan ayaa dhowaan gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta ku meelgaarka ah ee Jubbaland, ka dib markii uu u yeeray hoggaamiyaha maamulkaas Axmed Maxamed Islaam (madoobe”, asagoo ku casuumay shir wada-tashi guud ah. Shirkan ayay Jubland ku sheegtay mid looga arrinsanayo xaaladda Siyaasadeed ee dalka, wuxuuna ku soo beegmayaa xilli dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulkaas ay ka dhex aloosantahay xiisad salka ku haysa arrimaha doorashada. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa aad uga horyimid guddi ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka, oo uu magacaabay guddoomiye Aadan Madoobe, kuwaas oo ka shaqeyn doona xeerarka doorashooyinka ururada iyo asxaabta siyaasadda, iyo sidoo kale gudiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Soomaaliya. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in shaqada keliya ee labada Aqal ay wada qaban karaan ay tahay doorashada madaxweynaha, dib u eegista dastuurka iyo xeerka qoondada miisaaniyadda, sida uu qabo dastuurka dalka. Sidaas darteed, ayuu yiri, in ay ka wada shaqeeyaan xeerarka doorashooyinka, xisbiyada iyo guddiga doorashooyinku, waa mid aan sharci ahayn waxaana iska leh guddiga arrimaha gudaha ee Golaha Shacabka oo keliya. Xildhibaan Cabdiraxmaan waxa uu ku eedeeyey guddoonka golaha shacabka mid jeebka ugu jira madaxtooyada Soomaaliya. Hoos ka aqriso qoraalka xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Dastuurku wuxuu dhigayaa in labada aqal ee Baarlamaanka ay hawl wadajir ah qaban karaan oo keli ah marka; Doorashada Madaxweynaha Dib u eegista Dastuurka iyo Xeerka qoondada miisaaniyadda oo ay labada aqal ku heshiiyeen. Sababtoo ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxaa loo dhisay in sharciyadda iyo xeerarka ka soo gudba Golaha Shacabka uu turxaan-bixiyo, kana eego danta shacabka guud ahaan iyo tan dowlad goboleedyada ay matelaan. Tan kale, waa sharci daro in guddi ku meelgaar ah (Ad hoc committee) la dhiso, iyada oo aan sharciyada loo xilsaaray aan Golaha la horkeenin. Waxay ahayd in Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka loo geeyo, haddii markaa ka dib ay baahi keento Guddiga ku meelgaarka uu Guluhu ansixiyo. Guddoonka Golaha Shacabka hore ayey jeebka Madaxtooyada ugu jireen, waxayna ku caanbaxeen ku tumashada Dastuurka iyo xeer-hoosaadka Golaha, waxaase wax laga xumaado ah in Guddoomiyaha Aqalka Sare, Senator Cabdi Xaashi oo rajo laga lahaa uu ku biiray kooxdaas. Durbaanka la xadayo halkii lagu yeerin lahaa ayaan sugaynaa. The post Diidmo xooggan oo ka timid tallaabada muranka leh ee uu qaaday Aadan Madoobe appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa Jimcihi shalay shaaca ka qaadday, qorshe ay sheegtay in ay Iran soo maleegtay kaas oo ay ku rabtay in ay ku khaarijiso madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, ka hor iyo kaddib doorshadi dhacday Talaadadi aanu kasoo gudubnay. Waaxda Caddaaladda waxay sheegtay in qorshaha dilka Trump ay Iran u adeegsatay nin lagu magacaabo Farhad Shakeri, kaas oo muddo ku qaatay xabsiyada Mareykanka, isla markaana gudaha Mareykanka ku leh saaxibbo khatar ah oo uu ku dhex bartay xabsiyada. Shakeri waxa uu FBI-da u sheegay in uu bishii September uu xiriir la sameeyay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran, kuwaas oo u sheegay in uu dhinac iska dhigo shaqooyinka uu hayo, isla markaana uu xoogga saaro kor kala socoshada dhaq-dhaqaaqa Trump kaddibna uu dilo. Warkaan ayaa laga soo xigtay bayaanka ku qoran dacwad ay Waaxda Caddaaladda Mareykanka ka gudbisay Farxan Shakiri, kaas oo shalay loo diray Maxkamadda Federaaliga ah ee degmada Manhattan ee magaalada New York. Ninkan lagu eedeeyay qorshaha dilka Trump ayaa sheegay in uu rabay in uu khaarijinta u adeegsado shabakad danbiilayaal ah oo uu ka sameeyay gudaha Mareykanka, sida ay warbixintu sheegtay. Shakiri ayaa hadda baxsad ah kuna sugan Iran. Ciidanka ammaanka Mareykanka ayase falkan u xiray laba nin oo lagu eedeeyay in uu Shakiri qortay, kuwaas oo rabay in ay dilaan saxafiyadda caanka ah ee Irani-Mareykanka ah Masiix Cali-najaad. Masiix oo ka mid ah dadka naqdiyadda siyaasadda Dowladda Iran, ayaa saddex jeer ka badbaaday isku day dil gudaha Mareykanka. Isha: VOA The post Mareykanka oo ka hortegay qorshe ay Iran ku rabtay in ay ku disho Donald Trump appeared first on Caasimada Online.
-
Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa maanta kulan dardaaran iyo duco ah ugu qabtay hawlwadeeno tiradoodu dhan tahay 1356 Arday, kuwaas oo ka shaqayn doona goobaha codbixinta doorashooyinka JSL. Komiishaneer Xuseen Cabdi Cali (Badhaani) iyo Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Maxamed Muuse Jibriil ayaa khudbado dardaaran, duco iyo sagootin ah hawlwadeenada ugu jeediyey hoolka Jaamacadda Camuud, halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan Source