-
Content Count
211,082 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka keenay mooshin dib u eegis loogu sameeynayo xilka wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaliya, Axmed Macalin Fiqi, sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaanada mooshinka ka keenay wasiirka oo sida ay noo sheegeen qaarkood gaaraya in ka badan 40 xildhibaan ayaa ku doodaya qodobo ay ku eedeynayaan oo ay ku jiraan “in wasiirka uu shaqadii wasaaradda curyaamiyay”. Waxaa ka mid ah sida uu sheegay xildhibaan Jeesoow oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ee mooshinkaan gudbiyay waxyaabaha ay ku eedeyeen wasiirka, arrimo la xiriira muranka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, isaga oo sheegay “in wasiirku uu ka gaabay difaaca madaxbanaanida dalka”. Qodobada kale ay xildhibaanada mooshinka ka keenay wasiirka ku eedeeyeen waxaa ka mid ah “in ay jiraan xildhibaano badan ay walaac ka muujiyeen shirkad Soomaaliyeed iyo mid nin Talyaani ah uu leeyahay oo tartamay in tan Soomaaliga laga reebay in ay ka qeybgasho bandhigga ganacsiga ee lagu qabanayo Japan 2025-ka”. Xildhibaano kale oo ka tirsan baarlamaanka oo aan la xiriirnay ayaa shaki geliyay qaabka ay wax u socdaan iyagoo sheegay in aysan meesha ka marneyn siyaasad, oo ay dano kala leeyihiin saaxiibadooda mooshinka wada. Balse Jeesoow ayaa ku adkeysanaya in mooshinkooda uusan siyaasad ku lug lahayn, oo ay ku egyihiin uuna arimaha quseeya dalka. Wasiir Fiqi oo aan la sameynay xiriir si aan wax uga waydiino mooshinkaan ay wadaan qaar ka mid ah xubanaha Golaha Shacabka ayaysan noo suuragalin inaan helno. Wasiirka arrimaha dibadda wuxuu hormuud ka ahaa wadahadalada Soomaaliya iyo Itoobiya. Si adag ayuuna uga hadlay mowqifka dowladda mar wax laga weydiiyay go’aankooda. Sidee Wasiirada Soomaaliya baarlamaanku xilka uga qaadi karaan? Wasiir in lala xisaabtamo ayaan ahayn wax ku cusub baarlamaanka Soomaaliya, sida horay u dhacday marar badan waxaa la horgeeyay golaha oo su’aalo ka waydiiyay msauuliyadiisa. Sida uu qabo qodobka 69-aad ee dastuurka Soomaaliya in baarlamaanku u yeeri karo Ra’iisul Wasaaraha, Golaha Wasiirada, Gudoomiyayaasha Gudiyada Qaranka iyo Xafiisyada Madaxbannaan, taas ayaana siineysa baarlamaanka awood ah in ay u yeeraan cidda ay doonayaan in ay la xisaabtamaan. Balse hadii ay u arkaan in ku fashilmay xilka, ayaa waxaa ay ka qaadi karaan masuuliyadiisa, inkasta oo la baahanayo in la maro sharciyo dhowr ah. “Marka ugu horeysaa waa laga doodayaa mooshinka waana in uu isdifaaca wasiiraka hadii uu is isdifaaci waayo waxaa loo qaadayaa codka kalsoonida.” Marka loo qaadayo codka kalsooni kala noqoshada ayay tahay in baarlamaanka ay joogaan ugu yaraan 139 mudane, kadib ayaa waxaa furmi kara doodda kalsooni kala noqoshadiisa, intaa kadib ayaa cod ah 50% +1 ay ka qaadi karaan xilka mid ka mid ah wasiirada dowladda. Haatan sida uu sheegay xildhibaan Jeesoow xubnaha ku mideysan mooshinkaan ayaa gaaraya ilaa 46 mudane, sida u sheegay isagu. Sida uu qabo xeerkla baarlmaanka Soomaaliya wasiirka ayay tahay in lala xisaabtamo saddexdii bilood, waxaana dalban kara hor imaanshihiisa barlamaanka 10 ka mid ah xubnaha golaha. Isha: BBC The post Sidee BF xilka uga qaadi karaa wasiirada xukuumada? appeared first on Caasimada Online.
-
DIMUQARADIYADU WAXAY U BAAHAN TAHAY XAD,XEER IYO XAYNDAAB XADIDA. DHANKA DOORASHOOYINKA 1:1 Dalka aduunka loo majeerto hanaanka dimuqaraadiyada oo loo arkey in uu xal u yahay hogaaminta ummadda si looga badbaado kalitaliska iyo talo maroorsigu oo ah USA haddana wuxuu leeyahay xayndaab iyo xeerar adag oo xadida nidaamka ay qaateen tusaale; Doorashada maraykanka ee madaxweynaha codka dadweynuhu ma soo saaro madaxweynaha si toos ah , waxaaba dhacday dhawr goor qofkii helay codkii ugu badnaa ee dadweynuhu in aanu madaxweyne noqon sida; Sanadkii 2000 oo Bush iyo Gore dadku waxay doorteen Gore madaxweyne na waxa noqday Bush , sidoo kale sanadkii 2016 codkii dadweynaha waxa heshay Hillary Clinton laakiin waxaa madaxweyne noqday Donald Trump. Arimahani waxa qeexaya xeerka doorashada iyo dastuurka dalka maraykanka, markii aan tix raacay sababta waxay noqotay in dadkii seeska u dhigey dalkaasi aanay ku kalsoonayn dimuqaraadiyada waxaanay u raadiyeen xakame adag si looga badbaado fowdo. YAA GO’AAMIYA DOORASHADA MADAXWEYNAHA MARAYKANKA? Dalka maraykanka 5 sanadoodba mar waxaa la doortaa wakiilada dadweynaha aqalka hoose oo tiradoodu dhan tahay 435 mudane ( Congress) sidoo kale 6 dii sanadood waxaa la doortaa mudaneyaasha aqalka sare ( senators) oo gobolada maraykanka tiro siman kaga yimaada magacaabis, gobol waliba laba mudane tiradooduna dhan tahay boqol 100, inkasta oo labadii sanoba mar sadex meeloodoow meel doorasho la galiyo. tiradan 435 Congress + 100 senators = 535 iyo ilaa 3 mudane oo kale oo qaar caasimadu leedahay , markaa doorashada madaxweynaha marka codka dadweynuhu dhaco ( popular vote ) ma go’aamiyo qofka madaxweyne noqonaya laakiin bil ka dib ayey 538 electoral college u codeynayaan madaxweynaha waana in uu helaa 270 electoral college qofka madaxweynaha noqonayaa. dastuurka maraykanku wuxuu sheegayaa in madaxweynuhu ku soo baxayo electoral college, awoodaha kale ee ay leeyihiin waxaa ka mid ah waa awooda ay ku fadhido laanta xeer dejinta maraykanku oo ah tiirka sadexaad ee dawladnimada oo leh awoodo buuxa oo adag. DHANKA NOLOSHA & NOOLAANSHAHA 1:2 Halista ka timi hanaanka dimuqaraadiyada loo yaqaano waa inay noqotay caqiido kale oo dad noloshooda ku sargooyeen oo lid ku ah diimaha iyo waxii dadku hore u caabudi jireen waxaana loo yaqaanaa ( liberal democracy) , waa in qofku doonistiisa shaqsiga ah ku socdo oo aanu jirin wax xidhaya ama wax u diidayaa. Waxaa halkani ka yimi arin weyn oo xisbiyada maraykanka ee waaweyni ku kala duwan yihiin oo ah dadka doonistooda ha loo daayo oo xisbiga dimuqaraadigu aaminsan yahay halka xisbiga jamhuurigu aad arimahaa uga soo horjeedo oo uu leeyahay dadka yaan la fadareyn e diimahooga iyo waxay caabudaan ha lagu shaqeeyo oo ha loo raaco. DHANKA DHAQAALAHA 1:3 Dhinaca dhaqaalaha waxaa la isla ogol yahay in suuqyada ganacsigu xor ahaadaan iyo ganacsatadu laakiin axsaabta maraykanku waxay ku kala aragti duwan yihiin oo dimuqaraadigu waxay leeyihiin qofka wax haysta uun dawladnimadu uma dhisna e waa in dadka dabaqada dhexe iyo danyartu helaan adeegyo dawladeed maadaama aanay noloshoodu aheyn mid isku-filaansho dhameystiran ah. Halka qolada jamhuurigu aaminsan yihiin in dhaqaale badan la galiyo lacag layda , bangiyada , ururada ganacsiga iyo wershadaha si dhaqaaluhu u kobco oo miisaaniyada iyo wax soosaarka dalkuba kor u kaco. Markaa waxa ii soo baxay in nidaamyada maamul , ganacsi , dawladeed , doorasho ee aynu dunida ka qaadanay waa in aynaan isku haleyn ee uu jiraa wax ina kala badbaadinaya , inoo dhawraya dhaqankeena , diinteena , deegaankeena iyo nolosha aynu la deriska nahay. Mohamed Abdi Jama Dhimbiil Mohamed Mohamed Dhimbiil Qaran News
-
India should develop closer relations with Somaliland, especially by using its port. This could provide India a valuable tool for countering China’s influence along the eastern coast of Africa. In looking for access to the Red Sea, India should avoid overcrowded Djibouti and opt for Somaliland’s port of Berbera. Berbera handles 1/10 as much traffic as Djibouti’s port, but it is growing, thanks to investment by Ethiopia and the United Arab Emirates (UAE), which are new members of the BRICS grouping and key partners for India. India has frequently deployed anti-piracy patrol boats and warships to the Gulf of Aden, north of Somaliland, to maintain stability in the region. As India strives to gain more influence, Somaliland itself could become India’s strategic lynchpin. Somaliland’s location and history hold key advantages for India. A breakaway region of Somalia, it controls an 850km coastline along the Red Sea, and Berbera is one of Africa’s busiest ports. Before a civil war destroyed Berbera, the British used the port to connect Ethiopia with India. And earlier this year, Ethiopia signed a historic deal with Somaliland to gain commercial and military access to the port. In developing closer relations, India would be joining Somaliland’s growing network of partnerships. In striking contrast to Somalia and many other African countries, Somaliland is relatively stable and has been a democracy for more than 30 years. Despite being broadly unrecognised as a sovereign state, it has begun partnering with many countries. Its capital, Hargeisa, hosts consulates of Djibouti, Ethiopia and Turkey, as well as liaison offices of Britain, Denmark, the UAE, Egypt and Kenya. India and Somaliland already share strong trade relations. Somaliland imports various goods from India: food, petroleum, gas, machinery, building materials, apparel, tobacco, pharmaceuticals and cars. India is one of Somaliland’s major trading partners by container volume, along with the UAE, China, Turkey, Malaysia and Saudi Arabia. Berbera port’s impressive operations and location within Africa make it a strategic asset for India. Last year, Berbera ranked even above Kenya’s port of Mombasa in the World Bank’s Container Port Performance Index. It is also well placed for India to establish a naval base. From it, India could counter Pakistan’s attempt to spread Islamist extremism in Mozambique and the Democratic Republic of Congo, as well as the regional influence of the Chinese army, which has a base in Djibouti. Closer ties with Somaliland could also strengthen India’s relationship with the UAE, which has invested US$300 million in expanding Berbera port and the nearby free trade zone. Among other extensive investment and aid to Somaliland, the UAE is co-developing the Berbera Corridor with Ethiopia to connect that landlocked country to the port. In return for such help, Somaliland will allow the UAE to establish an air and naval base in Berbera. The UAE has already docked ships at Berbera, about 250km south of Yemen, where the Saudi-led coalition that includes UAE troops was recently fighting Houthi rebels. Because Ethiopia and the UAE became members of the BRICS in 2023, closer collaboration with them could enhance India’s status within grouping and provide opportunities for accessing Berbera port. Ethiopia is leading the way by shifting all its commerce to Berbera. Crucially, a stronger bond with Somaliland would help India counter China’s influence in the region. In 2020, Somaliland recognised Taiwan. It continues to support Taiwan diplomatically, despite intense pressure from China and lobbying by members of the opposition Waddani Party. However, given the small size of its economy and lack of broad diplomatic recognition, Somaliland will not be able to resist China’s influence for too long—unless India shows up. If India established a stronger economic presence in Somaliland, it would benefit Indian businesses and enhance Somaliland’s prosperity. As African countries increasingly seek to extricate themselves from China’s debt-trap diplomacy and look for alternatives, India’s growing engagement in the region could inspire other fence-sitters to eschew finance from China. India must revisit its Africa strategy and partner with other like-minded countries to counter China’s influence in the region. Closer relations with Somaliland are crucial in developing a pax-India—a zone of influence for India—along the east African coast. Author Samir Bhattacharya is an associate fellow with the Strategic Studies Programme of the Observer Research Foundation, New Delhi. Image of the Port of Berbera: Somaliland Ports Authority/@PortsSomaliland on X Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi dheer siiyey Telefishinka Aljazeera, isagoo si qota dheer uga hadlay xiisadda Soomaaliya kala dhaxeysa Itoobiya, damaca Itoobiyaanka uga jira badda Soomaaliya iyo mowqifka Soomaalida, hubka ay Itoobiya soo gelineyso gudaha Soomaaliya iyo heshiiska difaaca ee Masar, waxaana soo tartumnay khudbadda qeybtii uu Madaxweynuhu kaga hadlay xiisadda iyo qalaalaasaha ay Itoobiya ka abuureyso Gobolka. Hoos ka akhriso:- Mawqifkeenu aad buu u cad yahay, Waxaan door bidnaa in xal nabadeed lagu gaaro wadahadal, waxa la isku dayay kaliya saddex jeer wadahadalada ilaa iyo hadda, Mid ka mid ah wuxuu ku dhacay Nairobi, Kenya, laba jeerna waxaa lagu kulmay Turkiga. Mawqifkeenu mar kasta waa cadyahay, wuxuu ahaa mid had iyo jeer joogto ah. Waxaan u sheegnay Itoobiya inay soo maraan jidka saxda ah, iyadoo la raacaysa xeerar iyo qawaaniin caalamiga ah oo la isku raacsan yahay ee jira. Abiy Axmed waxaan rabay in aan ku idhaahdo waxaa jira 16 wadan oo Afrikaan ah oo aan bad lahayn, dhamaantoodna waxay haystaan dekado ay isticmaalaan. Laakiin Dhibaatada Itoobiya ma aha marinka badda oo ay isticmaasho, Itoobiya waxay rabtay inay dhul Soomaaliyeed qabsato, dhulkeedana ku darsato, sababtoo ah Itoobiya waxay isticmaali kartaa badda Jabuuti, Waxay isticmaali kartaa Kenya, marka ujeedadeedu maaha inay bad isticmaalaan ee ujeedkoodu waa in ay dhul goostaan oo ay ka qaataan Soomaaliya. Waxa kale oo ay ku riyoonayaan in ay Saldhig Ciidan ka samaystaan Badda Cas, Gacanka Cadmeed, si ay awood ugu yeeshaan Badda Cas, taas oo aan dhici Karin oo marna aan dhici doonin, marka intaas farqiga inoo dhaxeeya. Maya, Maya, arrintu sidaas maaha, nuxurka iyo MOU-ga ay Itoobiya la saxiixatay Somaliland, wuxuu ku salaysan yahay laba arrin, mid waxay ku andacoonayaan inay rabaan bad ay isticmaalaan, midna waxay doonayaan inay ka samaysaytaan saldhig ciidan oo Itoobiya ku xiran, taasna ma dhici doonto. MOU-gaan wuxuu xadgud ku yahay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, sidoo kale tani waxay xad gudub ku tahay sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, Axdiga Midowga Afrika, Axdiga IGAD, iyo Axdiga Jaamacadda Carabta. Sidaas darteed, Itoobiya waxay u dhaqmeen si ka baxsan sharciga caalamiga ah, hadana waxay ku adkaysanayaan in xalku noqdo sida ay rabaan, iyagoo aan u jeedin sharciga caalamiga ah. Itoobiya ma siin karto ictiraaf dhulka Soomaaliyeed, sababtoo ah aqoonsiga caalamiga ah wuxuu ku yimaadaa hay’ado iyo sharciyo. Dhibaatada Somaliland, waa dhibaato Soomaaliyeed, hadaan is raacno, hadaan is khilaafno iyo hadaan kala tagno, waxaas oo dhami waa go’aankeena, waa u madax-bannaanahay, waa go’aan Soomaaliyeed, ma go’aamin karto Itoobiya. Arrintan gooni isutaaga waxay soo socotay 30-kii sano ee u danbeeyay, Midowga Afrika waligiis ma aqoonsan, IGAD waligeed ma aqoonsan, iska daa Qaramada Midoobay, Itoobiya ma laha saldhig sharci ah oo ay ku aqoonsan karto qayb ka mid ah waddankeena. Talaabada Itoobiya kaliya waxay furi doontaa bog kale oo ah colaadaha gobalka, Itoobiya waxay khatar ku tahay xasiloonida iyo nabadda gobolkan, waxay ku andacoodeen inay ilaalinayeen xasiloonida gobolka, laakiin taasi run maaha, waxay khatar ku yihiin xasiloonida gobolka maanta. Dhibaatada Itoobiya kaliya ma ahan, MOU-ga been abuurka ah ee sharci darada ah oo Somaliland ay la gashay, laakiin Itoobiya waxay faragelin badan ku haysaa Soomaaliya. Itoobiya waxay hub badan soo galisay gudaha Soomaaliya, waxayna hubaysay kooxaha, hoggaamiyeyaasha qabaa’ilka iyo maleeshiyada ee ku sugan xuduudka Soomaaliya, taasina waa mid cad oo meel walba waa laga heli karaa, imisa hub ah oo Itoobiya u soo dirtay Soomaaliya, si sharci darro ah. Dhanka Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada gobolka Gedo, Itoobiya waxay ku soo xad gudubtay deegaannada qaar, iyadoo ku andacoonaysa Masar ayaa imanaysa. Ma jiro Saldhig sharci ama sharci caalami ah uu u oglaanayo Itoobiya waxay samaynayso, Itoobiya waxay jebisay dhammaan xeerarka u yaalla Soomaaliya iyo kuwa adduunka, waxay dalkan ku joogaan laba hab, mid waa waajibaadka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay iyo aqbalaada dowladda Soomaaliya, midka kale wuxuu ahaa heshiis laba geesood ah oo dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya. Cadaawadda Soomaaliya iyo Itoobiya waa boqolaal jir, laakiin taasi waa la soo afjaray dhawaanahaan, waxaan bilownay inaan albaabada u furno walaaltinimo cusub iyo deris wanaag cusub oo dhex mara labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Nasiib darro, Itoobiya waxay ku xad gudubtay kalsoonida heerkaas ee labadeena dal. Hadda waxay dib ugu celiyeen dhibaatadeennii qarniyadii hore, waxayna xoqeen boogihii hore, waxay dhiigeeyeen nabarradii hore ee colaadda labadeena dal, kuwaas oo qarniyo soo jiray. Waxaan rajaynaynaa in ay maskaxdooda soo laaban doonto oo aan dhibaatadan ku xallin doono qaab nabadeed. Maya, maya, maya, taasi run maaha, Soomaaliya waa dal madax-bannaan, haddii ay Masar ka qayb qaadanayso ciidamada nabad ilaalinta, taasi waa go’aan u yaala Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay. Haddii Masar ay rabto inay qayb ka noqoto howlgalka, haddii Soomaaliya iyo Masar ay ku heshiiyaan laba geesood in Masaaridu ay yimaadaan Soomaaliya, taasi waa go’aan madax-banaan oo u gaar ah Soomaaliya. Masaarida iyo Soomaalida, waa laba dowladood oo madax-banaan, iyaga ayaana go’aan ka gaari kara waxa ay samaynayaan. Laakiin waxa aan rabno oo ujeedka ah waa in Soomaaliya aysan rabin dhibaato. Itoobiya ayaa dhibka abuureysa, ha xalliyaan dhibaatada qaybtooda, maaha in ay ka hadlaan in ay ka taliyaan waxa ay Soomaaliya go’aan ka gaari karto. Xalku waa in ay fahmaan in aanay samayn karin waxa ay doonayaan, mana yeeli doonaan, Adduunka maanta ma aha duni qarniyo ka hor, Waxaan joognaa adduun casri ah, Soomaaliya waxay haysataa fursado badan oo ay wax kaga qaban karto caqabadaha jira, sidaas oo ay tahay, waxaan aad ugu rajo weynahay geeddi-socodka Turkiga in uu xal keeno. Haddii aan xal loo keenin arrintaan, dhammaan fursadaha ayaa miiska u saaran Soomaaliya, haddii ay Masar tahay iyo hadday tahay dal kaleba, Soomaaliya waxay raadinaysaa hab kasta oo ay kaga hortagi karto oo ay dib ugu dhigi karto halista Itoobiya ee qaranimadeenna. Masar waxay taageertaa Soomaaliya, Waxay tababarayaan ciidamadeenna amniga, Waxay na siinayaan oo ay nagu taageerayaan agabka, qalabka iyo qayabaha amniga. Heshiis difaac ah ayaanu Masar la galnay, laakiin waxaanu leenahay heshiis difaac oo la mid ah oo aanu la galnay Itoobiya 10-kii sannadood ee u dambeeyay, heshiisyada difaaca mar walba waa hab-maamuus difaaca waa qaab-dhismeed, laakiin waxaa jira hab-maamuusyo gaar ah oo ay tahay in la raaco. Masar iyo Soomaaliya waxay xaq u leeyihiin inay ku heshiiyaan hab-maamuus gaar ah oo ku saabsan xiriirkayaga iyo axdigeena fulinta heshiiskii difaaca ee aan la galnay. Masar taageero ayaan ka dalbanay, Itoobiya laba sano ka hor sidoo kale taageero ayaan ka dalbanay, waxaan taageero ka codsanay Kenya, Jabuuti, Mareykanka, Sacuudiga, Midowga Yurub, dhinac walbana waa uu taageerayaa Soomaaliya, sababtoo ah Soomaaliya waxay dagaal kula jirtaa kooxaha argagixisada caalamiga ah. Waddan kasta oo adduunka ka mid ah, waxaanu waydiisanay taageero, sahaydeena Masarna waa ka mid, ma jirto arrin u gaar ah Masar. Jabuuti waxay na siinaysaa, Kenya ayaa na siinaysaa, Maraykanka sidoo kale, Midowga Yurub ayaa na taageeraya, waxayna Masar ka mid tahay dalal badan oo Soomaaliya ka taageera. The post Xasan Sheekh oo bixiyey wareysi uu kaga hadlay gardarada Itoobiya iyo qorshaha Masar appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa caawa soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo ka yimid Dhuusamareeb, si shirka golaha wadatashiga qaranka uu uga qeybgalo. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa galabta inta uusan ka soo bixin Dhuusamareeb kormeeray halka uu marayo dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb. Madaxweynaha Galmudug ayaa warbixin ka dhageystay khubarrada iyo maamulka shirkadda dhismaha garoonka Dhuusamnareeb gacanta ku haysa. Dhamaan madaxda dowlad goboleedyada ayaa lagu qadaa inay soo gaaraan Muqdisho, sida Qoor Qoor, si shirka golaha wadatashiga qaranka ay uga qeyb galaan. Shirkaas ayaa lagu qadaa in wixii ka dambeeya labada bisha uu ka furmo Muqdisho, sida xubno xog ogaal ah ay Caasimada Online u sheegeen, waxaana madaxda lagu qanciyey inay ka soo qeyb galaan. Ajendaha ugu weyn ee shirka waa doorashada dowlad goboleedyada, afarta dowlad goboleed ee la qorsheynayo inay madaxdooda shirka kala soo qeyb galaan madaxda dowladda federaalka ayaa bilaha soo socda geli doona doorashooyin isdabayaalla. Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, waxaa madaxda dowlad goboleedyada lagu wada qanciyey inay shirka yimaadaan, maadaama ay qaarkood ka cagajiidayeen. Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa ka mid ah madaxda ka cagajiideysay kasoo qeybgalka shirkaan oo muddo wajahayey dib u dhac, inkastoo aysan weli imaan Muqdisho, hadana waxaa lagu wadaa inay yimaadaan oo shirka ka soo qeyb galaan. The post Qoor Qoor oo soo gaaray Muqdisho iyo xogta shirka golaha wadatashiga qaran + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
461604935_3745523755706935_6880907474914434235_n Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaasim Axmed Dhuxul Geesey ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada 28-aad ee qaybta 21-aad. Qaasim Geesey oo magaciisa afgarashada loogu yeero Suulal-ceyn ayaa kooxda Al-Shabaab uga biiray Masaajid Cali Gaduud oo ku dhashay, sida uu sheegay. Qaasim ayaa Al-Shabaab ka tirsanaa muddo 8 sano ah, ugu dambeyna maanta ayuu kasoo baxay kadib markii uu adkeysan waayay dhibaatada keymaha dhexdooda ku heysata. Ninkan ayaa sheegay in kooxda ay wajaheyso xaalad adag, uuna u adkeysan waayey, isagoo tilmaamay sida ay dhalinyarada u maran-habaabiso kooxda, oo hadda wajaheysa guluf ka dhan ah oo ay iska kaashnaayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka. Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo usoo gacan galay, kuwaas oo sheega in ay u adkeysan waayeen xaaladda ay kooxda wajaheyso. Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo ka dhan Shabaab-ka, si looga saaro deegaanada ay weli ku harsan yihiin, xilli lasoo afmeerayo wejiga koowaad ee dagaalka.. Wejiga xiga ee dagaalka ayaa la filayaa inuu si rasmi ah looga sifeeyo deegaanada ay weli kooxda kaga harsan tahay maamulka HirShabelle iyo Galmudug, ayada oo loo gudbi doono maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kooxda ku xoogan tahay. Hoos ka daawo The post Daawo: Qaasim Dhuxul oo maanta u soo gacan galay dowladda appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Musuq-maasuqa dalka ka jira ayaa xarka goostay, taas oo sabab u tahay isku milanka siyaasadda, ganacsiga iyo qoyska, sida uu shaaciyay xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Xildhibaanka oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in musuqa dalka ka taagan uu horseedi karo arrin khatar ah, oo ah in wax walba looga tanaasulo dhaqaale darteed. Hoos ka aqriso qoraalka Musuq-maasuqa dalka ka taagan waa xarga goosad alamtarana soo dhaaf. Siyaasad, ganacsi iyo qoysk ayaa isku milmay. Musuqu waa seddax nooc:- 1- Musuqa maamulka: Waa mid awood maamul ku siman oo adeegga dadwaynaha lagu silciyo, ka dibna laaluush looga qaato in loo fududeeyo adeeggii ay xaqa u lahaayeen. 2- Musuqa siyaasadeed: Waa mi awood siyaasadeed lagu fuliyo sida qandaraas, adeeg (service) lacag laga tabco, iyo ganacsi shakhsiyaad loo xiro oo kale. Tani waxay inta badan ku timaadaa in qofka awoodda siyaasadeed leh uu shirka ku yahay faa’iidada ama lagu naasnuujiyo shakhsiyaad qoyskiisa ah, ama ay isku qabiil yihiin ama koox iyo saaxib ah. 3- Musuq Istaraatiiji: Waa mid ay dhici karto in qayb ka mid ah geyiga jamhuuriyadda ama madaxbannaanida qaranka looga tanaasulo, ama codka dawladda ay kula safanayso dawlado loollamaya la iibiyo. Tusaale, Soomaaliya waxay xubin ka tahay ururro goboleedyo kala duwan, Qaramada Midoobay, waxay sanadka soo socda ka mid noqon doontaa Golaha Amaanka. Musuqa istiraatiijiga ah weli ma dhicin, laakiin haddii labada kale ee haatan xarga goosadka ah laga hortagin, siyaasiyiinta iyo awoodaha kale ee bulshada rayadka ah, iyo warbaahinta iska xil saarin, wax diidaya ma laha in musuq Istiraatiiji ah lugaha lala galo. The post Musuqa dalka ka taagan oo xargaha goostay iyo arrin culus oo laga cabsi qabo appeared first on Caasimada Online.
-
Kooxo hubeysan ayaa toogtay oday dhaqameed caan ah oo lagu magacaabo Aden Isak Yarow magaalada Luuq ee gobolka Gedo. Dilkan odayga ayaa kordhiyay xiisadaha gobolka, kaasoo ay ku jiraan khilaafyo qabiil oo soo noqnoqday bilihii la soo dhaafay. Odayaasha deegaanka ayaa cambaareeyay dilka, iyagoo sheegay inuu dhaawacayo dadaallada nabadda ee ay wadaan odayaasha, madaxda deegaanka, iyo dowladda dhexe. Odayaashu waxay ugu baaqeen maamulka Jubbaland inay si degdeg ah u tallaabo qaadaan oo ay qabtaan kuwa dilka ka dambeeya, iyagoo muujiyay baahida cadaaladda degdega ah si looga hortago rabshado dheeraad ah. Dilkan Yarow, oo ahaa shaqsi si weyn loo ixtiraamo, wuxuu halis galinayaa dadaallada cusub ee lagu xalinayo khilaafaadka qabiil ee gobolka. Maamulka Jubbaland weli ma soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan dhacdadan, inkastoo cadaadis lagu hayo in si degdeg ah wax looga qabto si looga hortago in gobolka sii xumaado. Source: goobjoog.com
-
Xubin ka tirsanaa Shabaab oo isku dhiibay Ciidanka dowladda
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaasim Axmed Dhuxul Geesey, oo loo yaqaano Suulal Ceyn, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan guutada 28, qaybta 21aad. Qaasim, oo ka dhashay degmada Masaajid Cali Guduud, ayaa muddo 8 sano ah ka tirsanaa ururka Shabaab. Isu-soo-dhiibistiisa ayaa timid ka dib markii uu adkeysan waayay dhibaatooyinka iyo xaaladaha adag ee uu la kulmay intii uu ku jiray ururka. Waxaa kordhay maalmihii lasoo dhaafay xubnaha horay uga tirsanaa Shabaab ee isku soo dhiibaya Ciidanka Xoogga dalka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhisay weerarada ka dhanka ah Shabaab. Source: goobjoog.com -
Muqdisho (Caasimada Online) – Kuliyadda tababarrada ciidamada Soomaaliya ee TURKSOM ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu dhaariyay saraakiil cusub oo qeyb ka noqonaya hoggaanka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Saraakiishan oo qaatay leyli-sarkaal ayaa waxaa xaflada lagu dhaariyay ka qeyb-gelay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo saraakiisha taliska ciidanka xoogga dalka. Xafladdan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka aheyd furitaanka sanad dugsiyeedka 2024–2025, ayada oo halkaasi saraakiisha maanta la dhaariyay kula hadleen saraakiisha ciidanka xoogga dalka. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dhismaha ciidan awood leh oo difaaca dalka ku filan. “Waxaa naga go’aan dhismaha ciidan tayo iyo tababar wanaagsan leh, kuna filan difaaca diinta, dadka iyo dalka,” ayuu yiri Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur. Dhowr billood kahor ayay aheyd markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu kuliyadda TURKSOM tababar heer sare ah ugu soo xiray saraakiil iyo saraakiil xigeenno cusub oo kusoo biiray ciidanka xoogga dalka. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sanadihii dambe xooga saareysay dhismaha qeybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka, oo kaalin muhiim ah ugu jira xaqiijinta ammaanka iyo difaaca dalka. The post Daawo sawirrada: Saraakiil cusub oo lagu dhaariyay xerada TURKSOM maanta appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maanta waji gabax kala kulmay xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo uu maanta hortegay. Kulanka oo la filayay in wasiirka uu ka hadlo, isla markaana uu xildhibaannada kula wadaago shuruuc muhiim ah iyo howlaha wasaaradda ayaa lasoo xiray natiijo la’aan kadib markii ay soo xaadiri waayeen inta badan xildhibaannada Golaha. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in arrintan ay ceeb ku tahay baarlamaanka, wuxuuna tilmaamay in Maareeye iyo howlwadeennada kale ee wasaaradda ay shaqo usoo diyaar garoobeen, balse kulankii uu kooram la’aan u baaqday, taasina ay niyad jab ku tahay. “Xubnaha wasaaradda beeraha waa joogaan niyad jab ayay ku noqotay wasiir Maareeye ayaa ugu horreeyo, maxaa yeelay shaqo ayaa u taallay” ayuu yiri Cabdullaahi Abshirow. Sidoo kale wuxuu digniin adag u diray xildhibaannada maqan, isaga oo sheegay in hadda kadib la’isla aadi doono ku dhaqanka xeer hoosaadka,i sla markaana xildhibaankii ka maqnaado kulamada baarlamaanka laga goyn doono lacago ganaax ah. “Wixii hadda ka dambeeyo jeebkiina ayaa loo dhaadhacaa, xildhibaannada way wada ogol yihiin xeer hoosaadka ayay ku qoran tahay lacagta jareynaa” ayuu mar kale yiri Abshirow. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay xldhibaannada maqan inay kulanka soo socda ee Arbacda soo xaadiraan, si uu baarlamaanka usii wato howlaha shaqo ee horyaallo. “Xildhibaannada maanta maqan waxaan ka codsaneynaa inay Arbcada soo buuxiyaan golaha, shirkeenna maantana waa noo xiran yahah” ayuu sii raaciyay. Baaqashada kulankan ayaa kusoo aaday, xilli uu haatan sii xoogeysanayo guuxa mooshin culus oo qaar kamid ah xildhibaannada ay ka gudbiyeen wasiirka arrimaha dibada, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ay ku eedeeyee inuu cuuryaamiyay howlahi shaqo ee wasaaradda. The post Wasiir MAAREEYE oo waji gabax kala kulmay baarlamaanka, kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Puntland ayaa go’aan mamnuucis ah ka soo saartay xaalufinta khayraadka badda ee degaannada Puntland. Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayaa shaacisay in ay mamnuucday xaalufinta kheyraad ku jira Badda kadib go’aan ay soo saartay. Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland ayaa sharci ku tilmaantay go’aanka ay soo saartay ee lagu mamnuucayo xaalufinta iyo waxyeelaynta khayraadka Badda. Go’aankaan ayaa looga dhawaaqay shir ka dhacay Xarunta Wasaaradda Kallumaysiga ee Magaalada Boosaso kaasi oo ay ka qayb galeen, Madaxda Wasaaradda Kalluumaysiga oo uu hogaaminayo Wasiir Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo mamnuucday Xaalufinta Khayraadka badda degaannada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa xoriyadiisii dib u helay kadib markii uu mudo bil ah si sharci daro ah uu ugu xidhnaa jeelka Mandheera Qaran News
-
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta kulan aaladda fogaan aragga ah [Zoom] la yeeshay dhigiisa Wasiirka Waxbarashada ee dalka Turkmenistan Mudane Jumamurad Gurbangeldiyev. Shirkaas ayaa si qoto dheer loogaga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka labada dal ka dhexeeya gaar ahaan dhinaca waxbarashada heer jaamacadeed, dhaqanka iyo tiknoolajiyadda. Shirkan oo ay soo qabanqaabisay safaarada JFS ee wadanka Türkiye ayaa qabanqaabadiisa ay la xiriirtaa booqashadii uu dhawaan ku tagay Turkmenistan Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Türkiye iyo Turkmenistan Mudane Fatxudiin Cali Maxame Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf ayaa goordhoweyd laga sii daayay xabsiga Mandheera, oo uu ku xirnaa toddobaadyadii u dambeeyay. Sii deynta xildhibaan Abiib ayaa timid saacado kadib markii maxkamadda sare ee Somaliland ay amartay in xabsiga laga sii daayo. Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa shaeci darro ku tilmaamtay xabsi ku haynta xildhibaan Maxamed Abiib, maadaama golaha wakiilada ay dhawaan cod aqlabiyad ah ku diideen maamuus ka xayuubintiisa. “Maxkamadda waxay xoriyaddiisa u celisay Mudane Maxamed Abiib Yuusuf, waxaana la farayaa taliyaha ciidanka asluubta inuu xabsiga kasii daayo maanta oo ay taariikhdu tahay 30/09/2024,” ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxay maxkamadda sare ee lagu sii daayey goordhoweyd xildhibaanka. Maxkamadda sare ayaa sidoo kale waxay fartay hay’adaha kala duwan ee Somaliland inay dastuurka u hoggaansamaan oo ay ixtiraamaan, si aysan u dhicin ku tumasho sharci. Abiib oo muddo ku siman bil u xirnaa xukuumadda Somaliland ayaa xilliga la xirayay ka yimid dalka Isu-tegga Imaaraadka Carabta, waxaana qabtay sirdoonka Somaliland oo kadib xabsiga u taxaabay. Xildhibaan ayaa waxay is hayaan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyada oo markaas ay xeer-ilaalinta Somaliland ka gudbisay dacwad ku aadan maamuus ka xayuubin, si loo wajaho eedeymo loo soo jeediyay, balse waxaa taas diiday golaha wakiilada Somaliland. The post Xildhibaan Maxamed Abiib oo xabsiga laga sii daayay + Go’aanka uu kusoo baxay appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa shir la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ms. Karin Johansson iyo xubno ka tirsan Xafiiskeeda, iyada oo kulanka diiradda lagu saaray arrimo badan oo ay ka mid yihiin hannaanka dib-u-habeynta iyo horumarinta Maaliyadda guud ee dalka iyo taageerada Midowga Yurub ee Dowladda Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa intii uu socday shirka waxa uu warbixin guud ka bixiyay dadaalada Dowladda ee ah in la horumariyo dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha oo Wasaaradda Maaliyaddu ay dadaal iyo juhdi dheeri ah galisay, si looga mira-dhaliyo. Sidoo kale Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa si diiran u soo dhaweysay Warbixinta Wasiirka Maaliyadda XFS ee horumarka Dowladdu ku talaabsatay dhinaca hagaajinta hannaanka Maamulka Maaliyadda iyo hufnaanta dhaqaalaha Dalka. Ms. Karin Johansson, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday intii uu kulanku socday in Midowga Yurub ay bixinayaan lacag dhan Sagaal Milyan oo Yuuro oo ah kabka miisaaniyadda Dowadda, lacagtaas oo ay Midowga Yurub ugu talagaleen in Dowladdu wax uga qabato Horumarinta Dakhliga iyo sare u qaadiddiisa. Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa mahadcelin kadib, waxa uu sheegay in taageerada Midowga Yurub ay tahay mid muhiim u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay Dowladdu ku fulin doonto qorsheyaal horumarineed oo aad qiimo ugu lahaan doona hannaan ka dib-u-habeynta dhaqaalaha Dalka. Midowga Yurub waxa ay ka mid yihiin saaxiibada joogtada ah ee Dowladda Soomaaliya marxalado badan ku soo garab istaagay, sidoo kale waxa ay qeyb muhiim ah ka soo qaateen in Dowladdu gaarto hannaankii HIPC ee barnaamijkii deyn cafinta Soomaaliya ee soo gaba-gaboobay dabayaaqadii 2023-kii. PUNTLAND POST The post Midowga Yurub oo 9 Milyan oo Yuuro u ballan qaaday Kabka Miisaaniyadda dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi oo Axaddii shalay ka hadlayay xaflad ay ku qalin jabinayeen dufcad cusub oo dhammeysay akadeemiyada Booliska ayaa soo hadal qaaday iskaaashiga cusub ee kala dhexeeya Soomaaliya, Cabdulfataax Al-siisi ayaa caddeeyay mowqifkiisa, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay u taageerayaan sidii ay uga bixi lahayd xasilooni darrada haysata muddada 30 sano ah. Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray in qorshaha Masar uu yahay in Soomaaliya kula loolanto Itoobiya oo ay isku hayaan arrinta Wabiga Nile. “Soomaaliya kuma taageereyno Itoobiya darteed, waxanu u taageernay sababtoo ah waxay ku jireen xaalad xasilooni darro ah muddo 30 sano ah,” ayuu yiri madaxweyne Al-siisi. Masar ayaa hadda sii xoojineysa saameynteeda gudaha Soomaaliya, waxaana dhowaan ay dowladda federaalka la gashay heshiis difaac, xiilli ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay heshiiska badda ee uu Abiy la galay Somaliland, kaas oo ay ka hortimid Soomaaliya. Sidoo kale todobaadkii hore ayay ahayd markii uu magaalada Muqdisho kusoo xirtay markab siday hub, kaas oo ay dowladda Masar ugu deeqday Soomaaliya. Waxaa kale oo uu qorshuhu yahay in Masar ay soo dirto ciidan kamid noqonaya howlgalka cusub ee beddalaya ATMIS, waxayna geli doonaan booska ay hadda ku jirto Itoobiya. The post Cabdulfataax Al-siisi oo war culus kasoo saaray iskaashiga Masar iyo Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.