Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda faderaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka qeyb-galay munaasabad ay xilka kula wareegeen wasiirrada cusub ee wasaaradaha shaqada iyo arrimaha bulshada Mudane Duraan Axmed Faarax, haweenka iyo xuquuqul insaanka Marwo Xanifa Maxamed Ibraahim, hawlaha guud, guriyeenta iyo dib -udhiska mudane Maxamed Aadan Macallin, awqaafta iyo arrimaha diinta Mudane Cumar Cali Rooble iyo wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha mudane Cabdikariin Ashkir. Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku ammaanay wasiirrada xilka wareejiyey shaqooyinka adag ee dalka ay u soo qabteen, isagoona ka rajeeyey wasiirrada xilka la wareegay in ay si daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeegaan shacabka soomaaliyeed. Dhankooda, wasiirrada cusub ee xilka la wareegay ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in ay sii dardar geliyaan holaha hortabinta u leh dowladnimada dalka ee loo xilsaaray, iyagoo alle ka baryey in uu ku guuleeyo waajibaadkaas qaran. Wasiirrada xilka wareejiyey oo u mahadceliyey howlwadeennada iyo Masuuliyiinta wasaaradaha ee la soo shaqeeyey, ayaa soo bandhigay Qorsheyaashii iyo guulihii ay xaqiijiyeen muddadii ay xilka hayeen, waxa ayna u rajeeyeen wasiirrada xilka kala wareegay in ay sii amba-qaadaan, kuna guuleystaan. Wasiirrada xilka wareejiyey ayaa kala ah wasaaradaha shaqada iyo arrimaha Bulshada mudane sadiiq warfaa, haweenka iyo xuquuqul insaanka Marwo Deeqa yaasiin Xaaji, hawlaha guud, guriyeenta iyo dib -u-dhiska Mudane Cabdi Aadan Hoosoow, awqaafta iyo arrimaha diinta Sheekh Nuur Maxamed Xasan iyo wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Mudane Cabdullahi Xaamud. View the full article
  2. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen daacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Habeen-27102020.mp3 View the full article
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda QM u qaabilsan caruurta ee UNICEF ayaa cambaareysay dil maanta magaalada Muqdisho loogu gaystay laba ka mid ah shaqaalaha gargaarka bani’aadannimo. Dilka ayaa loo gaystay sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay degmada Kaxda, iyo qof kale oo la socday, kuwaas oo olole tallaal ka waday degaanka markii la toogtay. “UNICEF waxaa ka argagixiyey weerarkii goor hore oo maanta Muqdisho ka dhacay, kaasi oo si naxdin leh ay noloshooda ugu waayeen laba shaqaale gargaarka bani’adaanimo ah,” ayaa lagu yiri qoraalka UNICEF. “Shaqaalahan geesiyayaasha ahaa ee tallaalka dabeysha ayaa furinta hore ku jiray ayaga oo noloshooda u halis gelinayey inay adeeg caafimaad oo muhiim ah siiyaan caruurta baylahan. Waxaan tacisdeena u yabooheynaa qoysaska dhibanaayasha.” UNICEF ayaa sheegtay in weerarada ka dhanka ah shaqaalaha caafimaadka ay xadgudub ku yihiin xeerarka caalamiga ah, ayna tahay inaan loo dulqaadan. “UNICEF waxay sida ugu xooggan u cambaareyneysaa weerarkan fuleynimada leh, waxayna ugu baaqeysaa mas’uuliyiinta inay baaritaan buuxa ku sameeyaan. Shaqaalaha gargaarka waa inaan marnaba la beegsan.” Isha: VOA The post QM oo war kasoo saartay shaqaale lagu dilay Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
  4. Three people were killed and an unknown number injured in the latest attack on the outskirts of Somalia’s restive capital Mogadishu on Tuesday, a government official said. Ismael Mukhtar, the government spokesman, said the militants shot dead a government official in Mogadishu’s Kahda district after seizing his properties including a vehicle. Omar said a few minutes later, a vehicle-borne improvised explosive device that had been left behind by the attackers detonated, killing two staff of the Kahda district who were carrying out a polio vaccination campaign. Omar said the security forces have not established the exact number of those injured in the latest attack. No group has claimed responsibility for the latest attack. View the full article
  5. Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta kulan ku yeeshay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. Kulanku markii uu soo dhammaaday, waxaa xarunta Madaxtooyada Galmudug shir-jaraa’id ku wada qabtay Madaxweyne Qoorqoor iyo James Swan, waxayna faahfaahin ka bixiyeen wixii looga hadlay kulankaas. Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in kulanka diiradda lagu saaray arrimaha; doorashooyinka, amniga, dib-u-heshiinta, Iskaashiga dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, siyaasadda loo dhanyahay gaar ahaan ka qeybgalka dumarka ee siyaasadda iyo la tacaalidda aafadda Ayaxa. Dhanka kale James Swan ayaa hoggaanka Galmudug ku ammaanay dadaalkii baaxadda lahaa ee galiyeen shirarkii wadatashiga ee Dhuusamareeb 1.2.3 iyo wadaxaajoodkii dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee dhaliyey heshiiskii Muqdisho ee habraaca doorashadda dalka. Swan ayaa ballanqaaday in Galmudug ay ka taageeri doonaan istaraatiijiyadda amniga, gaar ahaan dhanka Booliiska, isagoona amray bahwadaagta Qaramada Midoobay ee Midowga Yurub, IGAD iyo Midowga Afrika inay saaxiib dhaw ka dhigtaan Galmudug. Wafdiga uu hogaaminayo James Swan ayaa tagi doona dhammaan xarumaha dowlad goboleedyada, waxayna tahay u jeedadoodu ugu weyn in ay dalka ka dhacdo doorasho daahfuran. Beesha Caalamka ayaa inta badan bixin doonta dhaqaalaha ku baxaya doorashada Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Maxay ka wadahadleen Qoorqoor iyo Swan? appeared first on Puntland Post.
  6. Calls are growing in the Muslim world to boycott French goods in protest of President Emmanuel Macron’s controversial plans to crack down on "Islamist separatism," and continue publishing blasphemous cartoons of the Prophet Muhammad. Source: Hiiraan Online
  7. At least two people were killed and five wounded, including soldiers, Tuesday when a car bomb blast targeted an official in the Somali capital Mogadishu, officials said. Source: Hiiraan Online
  8. Agriculture Technology transfer and innovation to Somaliland Agriculture in Somaliland has not seen any improvements since its inception. Farmers do not follow scientific lines in order to produce maximum yield from limited land and for instances the preparations for environmental conditions suitable for optimum crop growth is inadequate and in the ensuing germination is reduced and crop yield is decreased due to the inadequate tilling, lack of soil fertility enhancement and many others regarding crop productivity is missing for instance agronomic practices such as plant to plant distance, row to row distances as recommended per crop, if we do not respect the aforementioned then, our local productions will remain less and less until zero productions are achieved. Weeds are also another issue that require the attention of the farmers because it impacted the yield of the crops. To minimize the risks associated with weeds, we must prevent them to enter into the farms, control using environmentally friendly pesticides and reduce the growth of weeds making sure that they are no longer a threat to crop productions. Eventhough pests reduce crop yields, pesticides are not the only options to control the pests. There are other techniques to combat pests. The use of the pesticide requires efficient government policy aimed at controlling pesticide import, use, application and means to dispose them off safely. There is a need to transform stakeholder’s knowledge regarding crop production technologies and crop improvements methods, improving services for the farmers including quality input for the farmers, water harvesting technologies (Water pan) to access water for use in the farm all year round even in the times of drought, Crop production is largely rain-driven, which means that lesser yields are expected whenever rains fail, come at the wrong time or when heavy rains cause flooding. The answer to this inconsistency is irrigation driven agriculture but large irrigation projects come at a higher cost and are, in most cases, unsuitable in Somaliland context and is also unlikely to benefit the small-scale farmer in Somaliland as we do not have rivers to draw water. Farm machinery are also important as it increases farm productivity, minimize the cost and reduces the time to perform the tasks but the disadvantage of using farm machinery is that is that the initial cost for purchasing the machinery is high. Government policy is required in this field addressing raising accessibility of farmers to powered machinery. We need also to address the following technologies necessary for improving the country agriculture and that is to say introducing high yielding and adaptable crop varieties into the country. It is also in the need of the hour to set up soil laboratory in the country to analyze soil for free at least for few years or till farmers are adapting to the system and are able to take soil samples from their farms to the lab for soil analyses. Soil analyses tells the farmers the discrepancy between the existing soil fertility levels and to that amount of nutrients needed to fill the gap. Therefore, given above mentioned gaps, Somaliland needs the agriculture technology transfer and innovation. Thanks Abdirahman Ibrahim Abdialhi Contact: Abdirahman270@gmail.com Qaran News
  9. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa bishan gudaheeda soo saartay labo go’aan oo culus, kuwaasi oo ka dhan ahaa Qaramada Midoobay, isla markaana ay ku joojinaysa wada-shaqeynteeda. Sida ay ogaatay Caasimada Online, xukuumada Somaliland ayaa wada-shaqeynta Qaramada Midoobay u joojisay heshiis wada-shaqayneed oo ay dhawaan kala saxiixdeen Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya. Heshiiskaasi ayey Somaliland u aragtaa mid lagu hoos geynayo dowladda federaalka, isla markaana wiiqaya qaranimadeeda, maadama ay ku doodo inay tahay dal madax-banaan, sida uu mas’uul ka tirsan xukuumada Muuse Biixi u sheegay Caasimada Online. Wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta Somaliland ayaa soo saartay bishan gudaheeda labo wareegto oo ku kala taariikheysnaa 17-kii iyo 25-kii October, kuwaasi oo ahaa go’aamo ay ku joojineyso xiriirka wada-shaqeyneed ee QM. Xukuumadda ayaa markii hore sheegtay inay joojisay dhammaan howlaha Qaramada Midoobay ee la xiriira dejinta qorshayaasha heshiiska wada-shaqaynta horumarinta waarta ee loo yaqaan (UNCF). Iyada oo midka go’aankeeda labaadna ku shaacisay in xukuumadda Somaliland ay deegaanadeeda ka mamnuucday dhammaan hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay, isla markaana lagu hakiyey wada-shaqeyntooda. Go’aanada Somaliland ee ay ku joojinayso wada-shaqeynta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay mid ay uga jawaabeyso faro-gelin ka dhan ah madax-banaanida ay ku doodo. Hay’adaha kala duwan ee QM ayaa howlo horumarineed iyo mid bani-aadanimo oo baaxad leh ka wada deegaanada Somaliland, ilaa haddana ma jirto jawaab celin ay ka bixisay go’aanka Somaliland, iyada oo la soo warinayo inay ka baaran degayso ka fal-celinta go’aanadaasi. The post Xog: Heshiiska lagu hoos geynayo DF ee keenya in SOMALILAND ay joojiso wada-shaqeyntii QM first appeared on Caasimada Online.
  10. Turkish embassy staff carry their wounded colleague on a stretcher after a suicide car bomb attack at the gates of an office housing the Turkish embassy staff in Somalia’s capital Mogadishu, July 27. REUTERS photo Four Turkish security officers who were wounded in a bombing attack on Turkish mission in Somalia arrived today in Ankara by a medically equipped airplane. The plane also carried the body of an officer who was killed in the attack. A car loaded with explosives rammed into the gates of an office housing Turkish embassy staff in the Somali capital on July 27, killing a Turkish special forces agent. Turkish Foreign Ministry Spokesman Levent Gümrükçü told Anadolu Agency that two of the three bombers were killed in the attack, while another three Turkish security personnel were injured. The Foreign Ministry said in a later statement that one of the injured agents was in critical condition. The Foreign Ministry statement condemned the attack in the “strongest terms possible” as al-Qaeda-linked al-Shabaab rebels claimed responsibility for the bombing. A Turkish diplomatic source said Turkish guards were able to kill two attackers before a third detonated his vehicle. “Turkey is very active in Somalia and when you are very active you become a target quite easily,” the diplomat told AFP. “A suicide car bomb targeted a building housing Turkish embassy workers near k4 [Kilometre Four],” police officer Ahmed Mohamud told Reuters from the scene of the blast. “The car came when another Turkish was going into the building. The car bomb exploded and destroyed the gate,” he said. Foreign Minister Ahmet Davutoğlu called the Turkish envoy to Somalia Kani Torun immediately after the attack. Davutoğlu send condolences from his Twitter account to the family of the killed Turkish agent. He added that tight security measures prevented more casualties. Deputy Prime Minister Bekir Bozdağ told reporters that the Somali officials were investigating the deadly bombing. He also said that no group had claimed responsibility of the attack, despite al-Shaabab’s Twitter statement. The head of the Organization of Islamic Cooperation (OIC) Ekmeleddin İhsanoğlu and Somali President Hassan Sheikh Mohamud also condemned the attack in a statement. “I wish to convey my deepest sympathies to all those injured or affected by the blast, and I offer my sincere condolences to the families of those who lost their lives,” Mohamud said. Turkey in 2011 launched a major diplomatic, economic and humanitarian push in war-torn Somalia, becoming one of the very few nations to set up an embassy in the capital. Attack carried out by ‘supposed Muslims’: Erdoğan It was opened following a visit in August of the same year by Turkish Prime Minister Recep Tayyip Erdoğan, the second major leader to visit post-civil war Mogadishu, a few months after Uganda’s Yoweri Museveni. Turkey has also sought a greater diplomatic role in the region, including brokering dialogue this year between Somalia and Somaliland. Erdoğan said the attack was carried out by “supposed Muslims.” “They are doing this against our government. Why? Because we are helping our brothers in Mogadishu,” Erdoğan said. Al-Qaeda-linked al-Shabaab rebels claimed responsibility for the attack via Twitter, as they have for previous bombings, including one in mid-July that killed eight civilians. “Mujahideen forces in Mogadishu have just carried out an operation targeting a group of Turkish diplomats in Hodan district,” al-Shabaab said on its Twitter feed. The United States condemned the attack, saying that Turkey, a NATO ally, had played an important role in helping Somalia emerge from two decades of conflict. “This cowardly act will not shake our commitment to continue working for the brighter, more democratic and prosperous future the people of Somalia deserve,” State Department spokeswoman Jen Psaki said in a statement. Al-Shabaab was forced out of bases in Mogadishu by Somali and African forces about two years ago, raising hopes of a return to relative security in a city hit by years of turmoil. Qaran News
  11. Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka qeybgalay munaasabad ay xilka kula wareegeen Wasiirrada cusub ee Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha bulshada Mudane Duraan Axmed Faarax, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Marwo Xanifa Maxamed Ibraahim, Hawlaha Guud, Guriyeenta iyo Dib -udhiska Mudane Maxamed Aadan Macallin, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Cumar Cali Rooble iyo Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane C/Kariin Ashkir. Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku ammaanay Wasiirrada xilka wareejiyey shaqooyinka adag ee dalka ay u soo qabteen, isagoona ka rajeeyey wasiirrada xilka la wareegay in ay si daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed. Dhankooda, Wasiirrada cusub ee xilka la wareegay ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in ay sii dardar geliyaan holaha hortabinta u leh dowladnimada dalka ee loo xilsaaray, iyagoo Alle ka baryey in uu ku guuleeyo waajibaadkaas Qaran. Wasiirrada xilka wareejiyey oo u mahadceliyey howlwadeennada iyo masuuliyiinta Wasaaradaha ee la soo shaqeeyey, ayaa soo bandhigay qorsheyaashii iyo guulihii ay xaqiijiyeen muddadii ay xilka hayeen, waxa ayna u rajeeyeen Wasiirrada xilka kala wareegay in ay sii amba-qaadaan, kuna guuleystaan. Wasiirrada xilka wareejiyey ayaa kala ah Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha bulshada Mudane Sadiiq Warfaa, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Marwo Deeqa Yaasiin, Hawlaha Guud, Guriyeenta iyo Dib -u-dhiska Mudane Cabdi Aadan Hoosoow, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Nuur Maxamed Xasan iyo Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Cabdullahi Xaamud. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Qoraal ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Xisbiga Horumarka shacabka Cali Maxamuud Ciise Cali Guray ayaa lagu soo dhaweeyay Golaha Wasiirada ee uu magacabay , Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble dhawaana ay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya. Waxaa lagu sheegay qoraalka Xisbiga Horumarka Shacabka in talaabo wanaagsan ay tahay in kaalin muuqata laga siiyo dhallinyarada Wiilasha iyo Gabdhaha ee ka soo muuqday Golaha Wasiirada. “Golaha Wasiirada ee cusub waa in ay xooga saaraan sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorasho ku dhacdo waqtigeeda una dhacda si hufnaan ah” Xisbiga Horumarka shacabka ayaa sidoo kale ugu baaqaya madaxda Dowlada Federaalka iyo maamul Goboleedyada in si wadajir ah ay uga shaqeyaan qabsoomida doorashooyinka iyo dhaqan galinta heshiisyadii la gaaray. Ugu danbeyn Xisbiga Horumarka shacabka wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Federaalka ,Maamul Goboleedyada iyo saamilayda siyaasada in laga wada shaqeeyo dhamaystirka hannaanka doorashooyinka iyo geedi socodka horumarka Soomaaliya. Daawo Warbixin Ku Saabsan Qoraalka Ka Soo Baxay Xisbiga Horomarka Shacabka https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/10/Xisbiga.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Jowhar (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in ilaa hadda cid ka socota Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya aysan tagin magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobaleedka HirShabeelle oo ay ka socoto soo xulista baarlamanka labaad ee HirShabeelle. Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in maamulka HirShabeelle oo kaliya uu iska wato dhismaha iyo soo xulista baarlamanka, oo la filayo in lagu dhowaaqo saacadaha soo socda, iyadoo aysan jirin cid goob joog ah oo ka socota Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, waxeyna arrintaan sababi kartaa in ay sii adkaato xaaladda HirShabeelle. Waxaa isa soo taraya qeyla dhaanta beelaha iyagoo sheegaya in aysan heysan madaxbanaani halka qaarkoodna ay sheegeen in laga tagay xubnihii ay usoo xusheen kuraasta beesha, islamarkaana lagu badashay shaqsiyaad kale. “Waa qasab in wasaaradda arrimaha gudaha goobjoog u ahaato soo xulista baarlamaanka, waana qeyb kamid ah awoodaha wasaaradda, haddii ay ka maqantahay xubnahana la shaaciyo waxaa dhici kara cabashooyin badan iyo musuq-maasuq ballaaran,” ayuu yiri Prof. C/risaaq Jimcaale oo la hadlay Caasimada Online. “Haddii maamulka loo gaar yeelo laguna kor joogtaynin sida howshu u socoto waxay rabaan ayey sameyn karaan mana noqon doonto doorasho hufan oo cadaalad ku dhacda sababtoo ah waxaa maqlayaa in ay madaxda qaarkood musharax yihiin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Prof C/risaaq Jimcaale. Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in xubno ka socda xafiiska taliyahay hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ay joogaan Jowhar islamarkaana ay yihiin kuwa ugu saameynta badan ee soo xulista baarlamanka, halka sidoo kalane ay joogaan Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo iyagana shaqsiyaad wato. Wasaraadda Arrimaha Gudaha, ayaa muddo ku dhow saddex bil aheyd mid aan shaqeyn sababo la xiriria wasiirkii hore oo tan iyo markii xilka laga qaaday Kheyre gees looga riixay shaqadiisa, maadaama uu ku dhowaa ra’iisul wasaarihii hore, halka wasiirka cusubna uu jiro toddobaad kaliya. The post Xog: Yaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha kor-joog uga ah soo xulista xildhibaanada HirShabeelle? first appeared on Caasimada Online.
  14. PRESS RELEASE African Development Bank, partners, announce new Women in Ethics and Compliance in Africa initiative Bank-supported network to address corruption, unethical behavior, avenues of support for leadership ABIDJAN, Ivory Coast, October 27, 2020/ — The Women in Ethics and Compliance in Africa network, (WECA), a new initiative creating a membership group for women executives and management leading the fight against corruption and non-compliance in business, made its debut at an online webinar co-hosted by the Bank on October 22. Its organisers, leaders from the African Development Bank (www.AfDB.org), the Coalition for Ethical Operations (CEO) and the United Nations Global Compact, announced the formation of the unique support organization for female leaders and executives working to curb unethical business practices in Africa. “The formation of this network reiterates the Bank’s commitment to ensuring that sustainable development is hinged on bridging the gender gap, with emphasis on key areas such as ethics and compliance. We’re inviting women from all across the private and public sectors on the continent to join in and help in achieving the objectives of this network,” said the Bank’s Director for Gender, Women and Civil Society, Vanessa Moungar. Sanda Ojiambo, Director-General of UN Global Compact, told the virtual audience of experienced ethics and compliance professionals that her organization supports WECA’s mission. “The UN Global Compact is very much aligned with the objectives of the Women in Ethics and Compliance in Africa to advance coordinated ethical business practices, anti-corruption measures across the continent, and to empower a new generation of female leaders in the field,” Ojiambo said. The webinar attendees discussed multiple challenges women leaders face in Africa’s male-dominated corporate world. The WECA network founding members said they plan to address the lack of avenues and support for ethical leadership. The network also aims to bridge the gap in human resources for ethics and compliance across the continent, through mentoring and coaching young women professionals for career progression. Some WECA network supporters said this starts from a young age. “There is a need to create a global awareness and education to address the gender issue from a cultural perspective,” said Rhibetnan Yaktal. Global Head of Compliance at Puma Energy. To girls, her advice: “Build yourself up. There is no glass ceiling. There is no limit.” The online gathering also explored how the COVID-19 pandemic has brought another dimension of challenges for ethical concerns for all leaders, especially women. Under the theme Women in Compliance in Africa: Challenges and Opportunities, Navigating in the era of COVID-19, webinar attendees told a panel that the compliance issue is very timely. Some noted that women play a significant role in the fight against the pandemic, which has forced major changes in how businesses operate and interact. Other participants said COVID-19 cannot be an excuse for businesses to ignore the ethical and integrity challenges faced in ensuring compliance systems are working and withstanding new and emerging risks. “Women are uniquely well-positioned to deal with difficulties, challenges, and crises. For example, women leaders are better managing the current COVID-19 pandemic, yielding more results built on ethical leadership and strong integrity,” said Lisa Miller, Integrity Compliance Officer at the World Bank Group. Pressing for ethics and integrity cultures within businesses and societies African public and private sector entities and civil society institutions are still lagging behind in ensuring the establishment and adherence to a culture of ethics and compliance in business, Olajobi Makinwa, Chief of Intergovernmental Relations and Africa for the United Nations Global Compact and founding member of WECA, said, emphasizing the network’s core mission. “WECA will support peer engagement, exchange of ideas and information on ethics and compliance best practices, dialogue on emerging ethics and compliance challenges, and champion women’s ethics and compliance leadership across the continent.” The webinar also had a segment on women’s sexual harassment during which Paula Santos Da Costa, Head of Ethics Office at African Development Bank, said work was needed on a “speak-up culture,” and “to implement a zero-tolerance policy in the workplace.” Moungar told online attendees that the Bank has zero tolerance for corruption and ensures that any vulnerabilities related to fraud and corruption are detected early and mitigated throughout its processes and programs. Closing the webinar, Sorita Botha, Legal and Compliance Advisor at Distell, said, “I’m so excited about the launch of WECA, and I’m sure we will hear success stories from women in ethics and compliance in coming months and years. It is the beginning of a new era of women empowerment for critical roles in Africa.” Watch the recorded webinar here: (https://bit.ly/3ouvJd9) (Access Passcode: qMF3ecY) Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). Qaran News
  15. WHO Africa Online Press Briefing on COVID-19 in Africa The media briefing is facilitated by APO Group BRAZZAVILLE, Congo (Republic of the), October 27, 2020/ — Please join an online media briefing with representatives from the World Health Organization (WHO) (WHO.int), Government of Niger and Flying Doctors, Nigeria. The briefing is on-the-record and it is an opportunity for you to ask questions on COVID-19 in Africa. The media briefing is facilitated by APO Group. Speakers Dr Matshidiso Moeti, WHO Regional Director for Africa, Congo Hon Ibrahima Guimba Saidou, Minister Special Advisor to the President of the Republic and CEO for the National Agency for the Information Society (ANSI), Niger Dr Ola Brown, Founder of Flying Doctors Investment Company, Nigeria Date: Thursday 29 October 2020 Time: 10:00 -11:00 Niamey/Dakar time 11:00 -12:00 Brazzaville/London time 13:00 -14:00 Kampala/Nairobi time Moderated by: Dr Mary Stephen, WHO To attend, please register at: APO-opa.com/who/ Interpretation will be provided in French. After registering, you will receive a confirmation email with details on how to access the event. You can send questions in advance in English or French. Please email Collins Boakye-Agyemang: boakyeagyemangc@who.int, and Danielle Siemeni: ngom@who.int with your full name, your country and your media organization. Anonymous questions will not be accepted. Please specify if you are ok to ask your questions live during the press conference. You can also ask questions live during the briefing using the Q&A function in Zoom. Please specify your full name, your country and the media organization you work for. SOURCE WHO Regional Office for Africa Qaran News
  16. Waardiyihi Bilyaneerka Noqday Waa Ganacsade Asal Ahaan Ka Soo Jeeda Kuuriyada Konfureed Balse Ku Aflaxay Dalka Maraykanka, Waa Shaqsi Waardiye Ka ahaa Goobaha La Dhigto Gawaadhida Balse Maanta ah Mid Kamida Bilyaneerada Ugu Caansan Dunida Mr Do Won Chang Wuxuu Ku Dhashay Kuriyada Koonfureed Taariikhdu Markay ahayd March 20,1954 Yarantiisi Wuxuu Ahaa Mid Jecel Waxbarashada, Waxaanu Ku Gulaystay Waxbarashada Hoose Iyo Sare, Balse Riyadiisi ahayd Inuu Galo Jamacada Way U Suura Geli Wayday, dhaqale La’aan Awgeed, balse wuxuu go’aansaday inuu la yimaado dadal iyo haw karnimo, Waxaanu Bilaabay inuu Shaaha Ku Iibiyo Mid Kamida Wadooyinka Caasimada Dalka Korea Konfureed Ee Caasimada SEOL Duruuftaasi Kamay Hor Istaagin Inuu Guursado Mr Do Won, Waxaanu Guursaday Gabadh Lagu Magacaabo Jin Sook Chang Waxanay Labadoodu Noqdeen Laba Qof Oo Si Wada Jira U Hawl Gala Markaasna Leh Hadaf Qudha, Waxaanay Si Wada Jira U Ururin Jiren Lacagta ay Soo Shaqeeyaan. Waxaana U Suuragashay In ay u dhoofaan Gobolka California Magaalada Los Angels Ee Dalka Maraykanka, Halkaas Oo Ay In Mudo ah Bila shaqo Ku Ahayeen Iyago Isticmaalayey Lacagtii ay Hore U Urursadeen Markii ay Joogeen Kuriyada Konfureed, Laakin Ugu Danbayn Lacagtaasi Way Ka Dhamaatay Waxaana Soo Foodsaray Caqabado Dhawr ah Sida Shaqo La’aan Iyo Luqadii Englishka Oo Ku Adkayd Balse Wuxuu Mar Kale Qaatay Go’aankii Hore Ee u Qaatay Markii u Dalkiisa Joogay, Waxaanu Ka Shaqo Bilaabay Sadddex Shaqo, Sida Goob Lagu Iibiyo Coffe-ga Iyo Goob shidaal Habeenkiina Wuxuu Ilaalin Jiray Xarun La dhigto Gawaadhida, Balse Waxaa Laga Yaaba Inaad Is Waydiinayso Waqtiga U Nasto ama Seexdo,Mr Do Won Chang Waxaa U ahaa Mid Seexda Hal Saacad Oo Keliya Waxaanu Ku Jiray Mudo Saddex Sano,Balse Fikrada Maanta Ka Dhigtay Inuu Taajir Noqdo Wuxuu Helay Isago Ku Dhex Jira Shaqadiisa Waardiye Ee Habeenkii Marka U Ku Jiro Ayuu Waydiin Jiray Dadka Dhiganaya Baaburta Waxa ay Ka Shaqeeyaan,inta badan dadka Su’aasha U Waydiyey Waxay Si Isku Mid ah Ugu Jawaabeen Inay Ka Ganacsadan Dharka, Balse Maw Jeclaysan Fikrad Ganacsi, madama aanu khibradeeda lahayn balse wuxuu bilaabay inuu baadho aqoonta ku saabsan ganacsiga dharka si u xaliyo khibrad la’aanta ka haysata Ganacsiga Dharka, Waxaanu Mudo Afar Sano ah Baadhayey Arimaha Ku Saabsan Ka Ganacsiga Dharka, Isago akhriyey Bugaag Faro Badan Oo Ku Saabsan Ka Ganacsiga Dharka, Ugu Danbayn Isaga Iyo Xaaskiisa Waxay Go’aansadeen Inay Ka Furan Dukan dharka lagu iibiyo waqooyiga Los Angels Kaas Oo Ahaa Xafad ay Deganayeen Dadka Danyarta ah Do Won Chang Wuxuu Waajahay Caqabad aanu Ka Sii Fikirin In ay Ku Wareegsan Yihiin Lix Dukaan Oo Lagu Iibiyo Dharka Qaaliga ah Balse La Daladhacaya Fashil Ganacsi, Iyado Dukanka U La Wareegay Shan Jeer Albaabada Loo Laabay Balse Baadhitaan Dheer Kadib Waxaa U Go’aan Ku Gaadhay Inuu Keeno Dhar Jaban Kana Soo Iibsado Dalkii U Ka Soo Haajiray Ee Kuriyada Koonfureed,Kadib Markii u furay wuxuu filayey inuu sanadka Kowaad Ka Fa’idi Doono Sodon Kun Oo Dollar($30,000) Balse Wuxuu Helay Lacag Dhan Todoba Boqol Oo Kun Oo Dollar($700,000) Waxaanu Garawsaday Inuu Ku Socdo Wadada Saxda ah Qofkii Doonaya Inuu Gaadho Guusha Ganacsi. Shan Sano Ka Dib Wuxuu Ka Furtay Maraykan Shan Dukaan, Waxaanu Markii Hore U Bixiyey Ganacsigiisa Fashion 21 Balse Markii Danbe Wuxuu Ku Bedelay Forever21 , Taariikgdu Markay ahayd 2010 Waxay Dukaamadiisu Gaadheen 457 Dukaan, Waxaana Hada U Shaqeeya 40,000kun Oo Shaqaale, Waxaana Sanadkii 2015 Dukamadii Gaadheen 600 Boqol Oo Dukaan,Balse Hada Wuu Sii Balaadhiyey Ganacsiga Isago Ku Soo Daray Alaabooyinka Guryaha Lagu Qurxiyo Iyo Haweenka, Waxaana Waqti Xaadirka Ay Gaadheen 700 Oo Xarumood Dhaqalaha ay Hada haystaan Wuxuu Dhan Yahay 5.9Bilyan Oo Dollarka Maraykan Sida Ay Xaqiijisay Jariirada Fobes, Dakhliga Sanadkkii Soo Gala Waa 4.4bilyan Oo Dollar. Waa Maxay Casharada Aynu Ka Baran Karna Sheekada Waardiyaha Bilya Neerka Noqday 1. 1.xirfad Kasta Oo Aad bilaabaysa In ay U Bahan Tahay Samir 2. Hadaf Bilaa Higsi ah In aanu Midho Dhalayn Hadanad La Iman Dadal 3. Aqoon Inaad U Lahato Waxaad Doonayso Inaad Bilowdo W/Q Maxamed Cabdi Idiris Qaran News
  17. Bulshada ku dhaqan magaalada Burco ee Gbobolka Togdheer ayaa sameeyey dibax ay uga soo horjeedaan madaxweynaha wadanka Faransiis Emanual Macron, kadib hadal uu jeediyey dhowaan carro badan dhaliyey. Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayey erayo lid ku ah France, waxaana ay wateen boorar lagu soo xardhay hadallo ay uga soo horjeedaan, hadalkii dhowaan uu ku sheegay Macron in dalkiisa aanun joojin doon sawir gacmeedyada. Hadalka kasoo yeeray madaxweyne Macron ayaa waxaa uu dhaliyeen caro waddamo badan oo muslimiin ah ay u muujiyeen wadankaas, halka wadamada qaar ay ku dhawaaqeen in ay joojinayaan gacansiga dalkaasi sida Turkiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Emirate Airlines Oo Shuruudo Kusoo Rogtay Rakaabka Dalal Ay Ku Jirto Somalia Wargeyska Khaliij Times ee Magaalada Dubai kasoo baxa ayaa shaaciyay in Shirkadda diyaaradaha ee Emirate Airlines ay shuruudo hor leh ku xidhay Rakaabka dalal ay ku jirto Soomaaliya. Warbixin lagu daabacay Wargeyska ayaa lagu sheegay in dadka degan Abu Dubai ee doonaya inay raacaan diyaaradda Emirate Airlines looga baahan yahay inay 96 saacadood kahor soo gudbiyaan shahaado cadeyneysa in aysan qabin Cudurka COVID-19. Sidoo kale Khaliij Times ayaa laga soo xigtay in dadka Soomaalida ah ee doonaya inay ku safraan diyaaradda Emirate laga rabo inay heystaan Shahaado Caafimaadka ee sheegaysa in qofka uusan qabin Cudurka COVID-19, xili Cudurka uu soo laba kacleeyay. Dadka rakaabka ah ee dalalkooda shuruudaha Emirate ku soo rogtay ayaa waxaa kamid ah: Armenia, Australia, Austria, ,Belgium, Bosnia, Brazil, Brunei, Bulgaria, Canada, Denmark, Estonia, Finland, France, Germany, Italy, Japan, Maldives Islands, New Zealand, Nigeria, Norway, Oman, Poland, Portugal, Saudi Arabia, Serbia, Somalia, South Africa, , Spain, Sweden, Switzerland, Taiwan, Thailand, Turkey, United Kingdom iyo United States (New York, Washington DC, Boston, Chicago, Seattle). Shirkadda Emirate Airlines ayaan duulimaad toos ah ku imaan Somalia, hayeeshee dadka Soomaalida ah ee doonaya inay tegaan Imaaraadka Carabta ayaa diyaaradda Emirate ka raaca dalalka deriska la’ ah Soomaaliya, waxaana dadkaas ay isugu jiraan Mas’uuliyiin, Siyaasiyiin, Ganacsato iyo xubno kale. Qaran News
  19. Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaasi Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir usoo xiray degmooyinka iyo Gobolada Puntland ee ay ka socdaan mashaariicda horumarin ee JPLG. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa bogaadiyey mashaariicda horumarin ee ka socda degmooyinka, wuxuuna faray masuuliyiinta sii dardargelinta horumarka, xoojinta wada-shaqeynta Degmooyinka iyo Gobolada iyo dhaqangelinta sharciga cusub ee Dowladdaha hoose ee Law-7 si uu hirgalo qorshaha Maamul daadejinta. Shirkan oo maalmo socday waxaa ka qeybgalay Maayarada degmooyinka, Isu-duweyaasha, Guddoomiyeyaasha Gobolada Puntland ee ay ka socdaan mashaariicda horumarin ee JPLG, Machadka Dowladdaha Hoose ee Puntland, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland oo Shirka soo diyaarisay iyo Wasaaraddaha kala shaqeeya mashaariicda horumarin ee degmooyinka. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  20. Jowhar (Caasimada Online) – Wararka aanu ka helayno magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle ayaa sheegaya in saacadaha soo socda lagu dhawaaqayo baarlamaanka labaad ee maamulkaasi, sida ay ilo xogogaal ah u sheegen Caasimada Online. Odayaasha dhaqanka iyo duubabka kala duwan ee ku sugan magaalada Jowhar ayaa lagu soo waramayaa inay gudbiyeen magacyada inta u badan xubnaha kamid noqonaya baarlamaanka labaad ee maamulkaasi, kuwaasi oo laga reebay xildhibaano badan oo horey uga mid ahaa. Soo xulista baarlamaanka HirShabeelle ayaa u muuqata mid gebi ahaanba soo gaba-gaboweysa, iyada oo ku dhawaad 66-xildhibaan loo gudbiyay guddiga farsamada ee maamulkaasi. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in xildhibaano hore uga mid ahaa golahaasi oo waayay xubinadooda ay xulafeysi cusub ka bilaabeen magaalada Jowhar ee ay ka socotay xulista xubnahaasi. Waxaa lagu soo waramayaa in xubnaha kuraastooda waayey ee ugu caansan ay ka mid yihiin qaar ka mid ah xubnaha guddoonkii hore ee baarlamaanka, wallow ilaa hadda si rasmi ah loogu dhawaaqin. Soo xulista baarlamaanka labaad ee maamulkaasi oo uu dul hooganayo muran badan ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo, iyada oo ay weli socdaan wada-hadalo lagu daminayo xiisad xoogan oo ka dhalatay reebista xubnahaasi iyo soo xulista kuwa dhiman. Beesha Xaawaadle oo ka mid ah beelaha ugu weyn uguna saameynta badan HirShabeelle ayaa horey u diiday habka loo wado dhismaha maamulka cusub, iyo in kursiga madaxweynaha uu noqdo mid u furan dhammaan beelaha kale inay u tartamaan. Si kastaba, warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho lagu diyaariyay xildhibaanada Baarlamanka HirShabeelle ee ka soo gali doono Beesha Xawaadle kadib markii ay beeshaasi diiday soo xulista xubnaha dhankooda ka iman doona. Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo Cabdifitaax Xasan Afrax, oo labadooda ka soo jeeda beeshaas, sidoo kalane soo noqday guddoomiyaasha gobalka Hiiraan ay qaateen doorka ugu weyn ee soo xulista Xildhibaanada beesha Xawaadle ee HirShabeelle. The post Baarlamaanka labaad ee maamulka HirShabeelle oo lagu dhawaaqayo iyo xiisad xooggan oo taagan first appeared on Caasimada Online.
  21. Magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxaysa degmada Kaxda iyo Ceelasha Biyaha waa maanta ka dhacay dil toogasho iyo qarax sababay dhimasho iyo dhaawac. Koox hubeysan ayaa dil toogasho ku dilay Ibraahim Colow Cali oo ahaa guddoomiyaha waaxda 5-aad ee degmada Kaxda iyo Faadumo Mataan oo kamid ahayd dhakhaatiirta tallaalka degmada oo markaa ku sugnaa meel u dhow Siinka-dheer ee degmada Kaxda. Labada qof ee la dilay waxaa gurmad u fidiyay dhalinyaro ka agdhowaa goobta, balse waxaa dhacay qarax ka dhashay gaari la sheegay inay ka teegeen kooxdii dilka geysatay, kaas oo sababtay in ay dhinteen dad aan wali la xaqiijinin tiradooda. Laamaha amniga gobolka Banaadir ayaa weli hadlin qaraxa iyo toogashada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Qarax iyo toogasho ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  22. LUQ (HOL) - A man who was convicted by a military court in Luq town in Gedo region for killing a soldier was executed. Source: Hiiraan Online
  23. Ergayga golaha ammanka ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug iyo halkaas lagu soo dhoweeyey James. Wefdiga uu hoggaaminayey James Swan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa qaar kamid ah wakiiladda beesha caalamka sida; EU Nicole Miller, AU Francico Madeira, & Wakiilka IGAD Jamal Ahmed oo ku wehlinayey safarka. Wafdiga ayaa waxaa ay kulan gaar ah la qaateen madaxweyne Qoorqoor, waxaana looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu weyn tahay arrimaha doorashooyinka dalka xoojinta amniga iyo wada shaqeynta dowladda DFS iyo DG . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin hor leh oo la xiriirta halista cudurka safmarka ah ee Covid 19 iyo saameynta uu ku leeyahay bulshada ka soo saaray magaalada Muqdisho. . Baaritaano ay sameysay shalay ayaa waxaa laga helay 44 qof . Tirada laga baaray Covid-19, 5-tii maalin ee ugu dambeeyay Soomaliya: 2,432 Waxaa Laga Helay: 44 Deegaanada Somaliland: 44 Lab: 34 Dhedig: 10 Waxaa ka Bogsasaday: 19 Dhimasho: 2 Tirada Guud ee Laga Helay: 3,941 Bogsashada Guud: 3,185 Dhimashada Guud: 104 View the full article