Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xiisadda Turkiga iyo Faransiiska waxay soo taagneyd in muddo ah Dowladda Turkiga ayaa si weyn uga cadhootay sawir gacmeed uu wargeyska caanka noqday ee Charlie Hebdo ka sameeyay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisad u dhaxeysa labada waddan. Sawir gacmeedka ayaa muujinaya madaxweyne Erdogan oo kor u qaadaya dharka haweeney xijaaban. Ankara ayaa wacad ku martay in sawirkaas awgiis ay tallaabooyin isugu jira dhinaca sharciga iyo diblomaasiyadda ka qaadi doonto Faransiiska. Bilihii lasoo dhaafayba Turkiga iyo Faransiiska waxay isku maandhaafsanaayeen arrimo kala duwan oo la xiriira siyaasadaha caalamka iyo dhaqdhaqaaqyada ay sameynayaan. Maalmihi ugu dambeeyayse waxay xaaladda sii xumaatay markii uu madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, jeediyay hadallo ka cadheysiiyay dad badan oo muslimiin ah. Awoodda Milatari ee Turkiga iyo Faransiiska Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan Marka si guud loo eego, liiska waddamada milatari ahaan ugu awoodda badan caalamka ee sanadkan 2020-ka – oo ka kooban 138 dal – wuxuu Faransiiska uga jiraa kaalinta 7-aad, halka Turkigu uu uga jiro kaalinta 11-aad. Afarta kaalmood ee ugu horreeya isma baddalin sannadihii lasoo dhaafay, waxaana ku kala jira dalalka kala ah: 1- Mareykanka 2- Ruushka 3- Shiinaha 4 Hindiya Shacab ahaan labada waddan Faransiiska iyo Turkiga waxay tiradoodu kala tahay: Faransiiska: 67, 013, 000 Turkiga: 79, 814, 871 Miisaaniyadda dhaqaale ee lagu bixiyo dhinaca milatariga: Faransiiska: $ 55,7 bilyan Turkiga:$ 18,2 bilyan Hase yeeshee Turkiga ayaa tirada ciidamada milatariga ee shaqeeya iyo kuwa keydka ahba aad uga badan Faransiiska. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron Tirada milatariga diyaarka ah: Faransiiska: 203, 000 oo askari Turkiga: 685, 862 oo askari Milatariga keydka ah: Faransiiska: 68, 000 oo askari Turkiga: 407, 122 oo askari Sidoo kale, tirada dadka ay suurtagalka tahay inay ku biiraan milatariga Turkiga – oo ah 21, 079, 077 – ayaa aad uga badan tan faransiiska oo ah 14, 563 662. Hase yeeshee, waxaa xusid mudan in Faransiiska uu ka mid yahay shanta waddan ee codka diidmada qayaxan ku leh Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, sidoo kalena uu ka mid yahay dalalka faro ku tiriska ah ee ku hubeysan nuclear-ka. Faransiiska wuxuu heystaa hubka sida ba’an wax u gumaada ee nuclear-ka Awooddaas oo ah mid aad u xaddidan wali Turkiga uma suurtagalin. Dowladda Turkiga ayaa sannadihii dambe sare u qaadday awooddeeda dhinaca milatariga, iyadoo sameysatay qalab aysan horay u heysanin. Waxaa Turkiga u suuragashay inuu si lama filaan ah ku helo diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee duqeymaha fuliya, kuwaasoo uu horay Mareykanka ugu diiday inuu ka iibiyo. Ankara ayaa diyaaradahan sameysatay kaddib markii ay si aan loo maleyneynin uga faa’iideysatay tiknoolojiyad lagu farsameeyay waddanka UK, taasoo ujeeddo kale laga lahaa. Gantaallo markii ugu horreysay lagu hindisay Ingiriiska ayaa Turkiga u sahlay inay sare u qaadaan awooddooda dhinaca tiknoolojiyadda, iyadoo hadda khubarada ay ka digayaan khatarta ka dhalan karta arrintaas. Turkiga wuxuu muddooyinkan kaalin firfircoon uga jiraa suuqa iibinta diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn Caawinaaddaas muhiimka ah oo ka timid warshad hubka lagu sameeyo oo ku taalla magaalada Brigton ayaa horseedday in Turkiga uu noqdo waddanka Labaad ee ugu weyn adduunka dhinaca adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida uu shaaciyay wargeyska The Guardian. Ankara waxay sidoo kale iskeed ugu biirtay waddamo uu Mareykanka siiyay diyaaradaha noocaas ah oo loogu talagalay “dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada”. Diyaaradahan uusan duuliyaha saarneyd – oo Turkiga uu ku magacaabay Bayraktar TB2 – waxaa ilaa hadda loo adeegsaday howlgallo waaweyn oo ka dhan ah kooxaha ay Kurdiyiinta hoggaamiyaan ee ku sugan Suuriya. Howlgalladaas mid ka mid ah waxaa ku dhintay 449 ruux. Kaalinta Turkiga iyo Faransiiska ee NATO Isbahaysiga milatari ee NATO waxaa ku jira 30 waddan oo madax bannaan, dalalkaasna waxaa ka mid ah Turkiga iyo Faransiiska oo hadda ay xiisad ba’an ka dhaxeyso. Waxay ka kooban yihiin: Albania, Belgium, Bulgaria, Canada, Croatia, Czech Republic, Denmark, Estonia, Faransiiska, Jarmalka, Giriiga, Hungary, Iceland, Talyaaniga,Latvia, Lithuania, Luxembourg, Montenegro, Netherlands, Waqooyiga Macedonia, Norway, Poland, Portugal, Romania, Slovakia, Slovenia, Spain, Turkiga, Ingiriiska, iyo Mareykanka. Dhammaan waddamada xubnaha ka ah Nato waxay ku leeyihiin saameyn awoodeed iyo kaalin u gaar ah. Haddaba maxay kala yihiin awoodaha Turkiga iyo Faransiiska ay ku leeyihiin gaashaanbuurta Nato? Muxuuse yahay doorkoodu? Waddanka Faransiiska wuxuu Isbahaysiga Nato ku biiray sanadkii la aasaasay oo ahaa 1949-kii, markaasoo inta badan dalalka xubnaha ka ah ay heshiis saxiixdeen. Turkiga oo ka dambeeyay dhowr sano wuxuu gaashaanbuurtaas – oo u badan dalalka reer Yurub – xubin ka noqday sanadkii 1952-kii. Doorka ay uga jiraan Dhaqaale bixinta NATO Dal walba oo xubin ka ah isbahaysiga wuxuu dhaqaalaha usoo xarooda wax ka mid ah u qoondeeyaa horumarinta difaaca iyo howlgallada Nato. Waxay waddamada ku jira gaashaan uurtan oo dhan ballan qaadeen inay bixin doonaan 2% ka mid ah dakhliga guud ee usoo xarooda. Mareykanka iyo Jarmalka ayaa dhaqaalaha ugu badan ku taageera cududda milatari ee isbahaysiga Nato. Tusaale ahaan, miisaaniyaddii milatari ee ku baxday sanadkii 2019-kii, oo ahayd £1.43; $1.84 bilyan, waxaa 22% ka mid ah bixiyay Mareykanka kaligiis, halka Jarmalka uu bixiyay 14.76%. Hase yeeshee waxaa kusoo xiga Faransiiska iyo Ingiriiska oo midkiiba uu bixiyay wax xoogaa ka yar 10% ka mid ah dhaqaalahaas. Turkiga markii dhankaas loo eego wuxuu bixinta inta soo hartay la qeybsadaa dhammaan waddamada kale ee ku jira isbahaysiga, dhaqaalaha uu bixiyana ma aha mid saameyn ballaaran leh. Balse dhinaca milatariga, Turkiga waa waddanka labaad ee ugu ciidanka badan Isbahaysiga Nato, marka laga soo tago Mareykanka. Qaran News
  2. Al-Shabab waxay Soomaaliya ka fulisay qaraxyo badan oo uu ku jiray midkan dhacay sanadkii 2019 Deegaannada ay gacanta ku hayaan al-Shabab, dad kooxdan jihaad doonka ah u qaabilsan canshuur aruurinta ayaa si toos ah u taga dukaamada iyo meheradaha kale ee ganacsiga, iyagoo ka dalbanaya lacago. Taliye ka tirsan ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa sharraxaad ka bixiyay sida “uu lacag ugu diray al-Shabaab, waliba isagoo dagaal kula jira kooxdaas”. Askarigan wuxuu sheegay in nin gurigiisa u dhisayay uu joojiyay shaqada dhismaha, uuna isaga tagay kaddib markii taliyaha uu diiday inuu bixiyo lacagta ay rabto kooxda mayalka adag. Gaadiidkii qalabka dhismaha usoo qaadayay ayaa sidoo kale shaqadii joojiyay, maadaama iyaga laftooda laga dalbaday inay lacago bixiyaan. “Ugu dambeyn waxaan ku khasbanaaday inaan iska dhaafo dhismaha guriga ama aan lacagta siiyo Al-Shabaab,” ayuu yidhi taliyaha. “Waxaan ka qoomameynayaa inaan siiyay lacag dhan $3,600 (£2,750), sidaas ayaana lagu dhammeystiray dhismihii aan rabay,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Warbixinta lagu soo qaatay qisada taliyahan ayaa sidoo kale lagu sheegay in kooxda jihaad doonka ah ay si gaar ah isha ugu hayaan mar walbana ula socdaan dhismeyaasha guryaha, si la mid ah sida ay ula socdaan badeecooyinka lasoo dhoofiyo ee ay canshuurta ka qaataan. Mid ka mid ah wakiillada shirkadaha guryaha dhisa, oo ku sugan magaalo xeebeedka koonfurta Soomaaliya ee Kismaayo, ayaa faahfaahiyay sida saaxiibbada ay isla shaqeeyaan ay ugu yeedheen al-Shabaab, “kaddibna u tuseen xog kasta oo ku saabsan lacagihii ay howlaha dhismaha ku kala wadeen sidaasna uga dalbadeen inay lacag loo cayimay bixiyaan – lacagta ay bixiyeenna waa intii ay al-Shabaab dalbatay oo aan waxba ka dhimaneyn”. Al-Shabaab oo sheegata inay dowlad ahaan wax u maamusho, waa maamulka kaliya ee canshuurta kasoo aruuriya deegaannada miyiga fog ah. Waxay lacago dul saaraan xoolaha, beeraha iyo xitaa ilaha biyaha laga helo, sida lagu sheegay warbixinta cusub. Kooxdan ayaa u fasaxda bacriminta beeraha iyo isticmaalka kanaallada biyaha wabiga beeraleyda canshuurtooda bixisa oo kaliya. “Qof beeraley ah ayaa lagu khasbay inuu bixiyo canshuurta gaarigiisa beerta fala, taasoo ah ‘canshuurta howsha’ xilli xitaa gaarigaas uusan wax shaqo ah heynin oo uu cillad awgeed u fadhiyo.” ‘Lacagta looma bixiyo si xor ah’ Inta badan dadka ganacsatada ah, kuwa dowladda u shaqeeya iyo kuwa kale ee lacagaha siiya al-Shabaab waxay cilmi-baadheyaaha hayadda Hiraal ee warbixintan soo saaray u sheegeen inay canshuurtaas u bixiyaan oo kaliya cabsi awgeed. “Bixinta canshuurta al-shabaab ma aha wax aad si xor ah u bixineyso.” Al-Shabab has been fighting the UN-backed government in Mogadishu for more than a decade Dadka diida inay iska dhiibaan qaarkood waa la dilay qaarna waxaa lagu kallifay inay ganacsiyadooda xiraan ama ka cararaan waddanka. Qaarna waxay dareensan yihiin inay sax tahay lacagta ay Al-Shabaab siinayaan, iyagoo aaminsan in adeegyo loogu qabto. Si ka duwan dowladda, kooxda Al-Shabaab waxay awooddaa inay si buuxda u sugto amniga meelaha ay ku talagalaan. “Canshuurta lagu bixiyo meelaha ay jid gooyada u taallo al-Shabaab waxay sahli kartaa in si nabad ah lagu maro dhammaan dhulka ay iyagu gacanta ku hayaan ama ay dagaallameyaashoodu ku sugan yihiin.” Hiraal waxay sheegtay in sida kaliya ee lagu joojin karo canshuur qaadista Al-Shabaab ay tahay in wax laga qabto xaaladda amniga, si markaas ay ganacsatada ugu shaqeystaan goobo aysan soo faragalin karin kooxahaas. Hay’addan ayaa intaas ku dartay in hadda Al-Shabaab ay cashuur ahaan ugu soo xarooto lacag ka badan midda ay aruuriso dowladda federaalka Soomaaliya. Xuseen Macallin Maxamuud, oo ah madaxa machadka Hiraal oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in ay xogtooda ku saleeyeen wareysiyo ay la yeesheen dad kala duwan oo xitaa ay ka mid yihiin xubno ka tirsan Alshabaab. “Dhammaan shirkadaha waaweyn waxay bixiyaan canshuuraha mujaahidiinta, oo ay kujirto tabarucaad sanadle ah oo boqolkiiba laba iyo bar faa’iidooyinka ay helaan,” ayuu yiri madaxa machadka Hiraal. “Shaqaalaha dowladda, wakiillada guryaha, xitaa askarta dagaalka kula jirta Al Shabaab waxaa lagu helay in ay canshuuro siiyaan kooxaha kacdoonka wada.” Ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Qaran News
  3. New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka QM ayaa shaaca ka qaaday in wax dambi oo ku saabsan xiriir Al-Shabaab lagu waayey Jeneral Saadaq Cumar Maxamed, oo ah taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya. Kooxdii hore ee QM u qaabilsaneyd kormeerka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea (Somalia-Eritrea UN Monitoring Group), ayaa ku eedeeyey Jeneral Saadaq inuu xiriir la leeyahay kooxda Al-Shabaab. Hase yeeshee, kulan xalay uu Golaha Ammaanka QM ka yeeshay Arrimaha Soomaaliya, ayaa safiirka Belgium ahna guddoomiyaha Guddiga Cunaqabateenada QM Philippe Kridelka, waxa uu ku sheegay in kadib dib u eegis lagu sameeyey warbixinadii ay soo gudbiyeen kooxdii UN Monitoring Group la waayey wax caddeymo ah oo muujinaya in Jeneral Saadaq uu ku xiran yahay Al-Shabaab. “Waxaan jeclahay inaan idinku wergeliyo in Guddiga Khubarada QM ay caddeeyeen, kadib dib u eegis ku sameeyeen warbixin ay soo gudbiyeen kooxdii ka horreysay ee UN Monitoring Group ee ku saabsan Jeneral Saadaq Cumar Maxamed, in la waayey wax caddeymo ah oo muujinaya in Jeneral Saadaq uu xiriir la leeyahay Al-Shabaab, islamarkaana guddiga aysan hadda wax baaris ah ku hayn Jeneral Saadaq,” ayuu yiri Philippe Kridelka. Go’aanka Guddiga Khubarada ayaa waxaa sidoo kale soo dhoweeyey dowladda Shiinaha. Safiirka Shiinaha ee QM, Zhang Jun ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Waa mowqifkeena joogtada ah in cunaqabteenada noqdaan kuwa aan laga lahayn ujeedo gaar ah. Talalabo kasta oo guddiga ay qaadaan waa in looga dan leeyahay joogteynta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, kana fogaadan saameyn kasta oo xun oo ay ku yeelan karto horumarka nolosha iyo hantida shacabka Soomaaliyeed. Codsiyada sharciga ah ee ay sameeyaan Soomaalida waa in la siiyaan dareenka iyo tixgelinta ay mudan yihiin. Waxaan soo dhoweeneynaa sharaxaadda lagu sameeyey eedeymaha ka dhanka ah Jeneral Saadaq Omar Maxamed, taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed.” Dowladda Soomaaliya iyo qareeno matalayey Jeneral Saadaq ayaa muddo waday dagaal sharciyeed ka dhan ah eedeymaha aan salka laheyn ee ay usoo jeediyeen Kooxdii la beddelay ee UN Monitoring Group, taasi oo ugu dambeyn laga guuleystay. Arrintan ayaa muujineysa in Soomaalida ay leeyihiin awood iyo habab ay uga jawaabi karaan ugana dhiidhin karaan eedeymaha aan caddeymaha loo hayn ee uga yimaada hay’adaha iyo ururada caalamiga ah, oo aysan ahayn inay iska aamusaan oo ay iska aqbalaan. Hoos ka daawo muuqaallada Philippe Kridelka iyo Zhang Jun. The post QM: "Waxa caddeymo ah waa loo waayey eedihii loo jeediyey Jeneral Saadaq" first appeared on Caasimada Online.
  4. This week, the Somaliland government suspended all UN operations in the country until further notice, according to a press release from Somaliland Ministry of Planning. But the press release did not go far enough to mitigate the damage that has been done to the self determination Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa war rasmi ah kasoo saartay aflagaadadii loo gaystay Nebiga NNKH iyo diinta Islaamka, hase yeeshee waxay ka gaabsatay inay magacowdo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo aflagaadadan ku kacan. Macron ayaa Arbacadii hore cambaareeyey wax uu ugu yeeray “islaamiyiinta”, wacadna ku maray “inaanu ka tanaasuli doonin” sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH, kadib markii la gowracay Samuel Paty, oo ahaa macallin Faransiis ah oo ardaydiisa tusay sawir gacmeed loola jeedo Nebiga NNKH. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayey Dowladda Federaalka Soomaaliya ku sheegtay inay ka xun tahay in lagu xadgudbo caqiidada iyo muqdasaadka dadka Muslimiinta ah oo uu ugu horreeyo Suubanaheenna Nabi Muxamed, nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, iyada oo marmarsiyo laga dhiganayo xorriyadda hadalka. Qoraalka ayaa lagu yiri “Waxay adduunydu isla ogoshahay in la dhawro Muqadasaadka diiniga ah, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u taabanaya diinteenna sharafta badan ee Islaamka.” “Fal kasta oo dhaawacaya dareenka dadka Muslimiinta ah wuxuu u adeegayaa danaha kooxaha xagjirka ah, waxaana habboon in laga fogaado ficilladan oo kale maadaama ay abuurayaan nacayb bulsho oo ka dhex dhasha shucuubta caalamka ee kala aaminsan aragtiyada iyo diimaha kala duwan.” Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku boorrinayso hoggaamiyeyaasha caalamka in ay si taxadar leh uga fiirsadaan hadallada xadgudubka ku ah dareenka dadka Muslimiinta ah iyaga oo kala saaraya xorriydda hadalka iyo ku xadgudubka muqadasaadka diiniga ah. The post DF oo war kasoo saartay aflagaadadii loo geystay Nebiga NNKH iyo Islaamka first appeared on Caasimada Online.
  6. Jowhar (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Jowhar ayaa Caasimada Online u sheegay in dhamaan Xildhibaanadii lagu dhawaaqay lagu wargeliyay in qof kasta oo kamid ah laga rabo lacag dhan $500 (Shan boqol oo doolar) si loo siiyo kaarka aqoonsiga Xildhibaannimo. Guddiga Farsamada ee soo xulista Xildhibaanada labaad ee HirShabeelle ayaa la sheegay in Xildhibaanada u gudbiyeen Akoon uu guddiga leeyahay islamarkaana qof kasta loo sheegay in kaarkiisa aqoonisga ay kaga xiran tahay $500, haddii uusan bixinna aan kaarka la siin doonin. “Waxay dadka dhan la noqotay in af cad lagu dhaho waxaa lagaa rabaa $500 iyadoo lagu dhawaaqay, olole waa soo dhamaaday hadda mar hadii laguugu dhawaaqo waxaa tahay Xildhibaan mana heysanaba lacag waa naga dhamaatay,” ayuu yiri mid kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka HirShabeelle ee Xalay lagu dhawaaqay. Arrintan ayaa timid kadib markii shalay subax ay tageen xarunta guddiga farsamada xildhibaanadii lagu dhowaaqay loona sheegay inay bixiyaan lacagtaas. Xildhibaanadii dib u soo laabtay ayaa sheegay inaysan hore u jirin lacago ay hore ugu bixiyeen inay qaataan aqoonsiga xildhibaanimada sanadkii 2016. Guddiga Farsamada ee soo xulista baarlamaanka labaad ee HirShabeelle ayaa habeenkii Talaadada ku dhowaaqay Xubnaha baarlamaanka dowlad gobaleedka HirShabeelle, iyadoo ay daba socdaan doodo badan oo ay qabaan beelaha qaar. The post Xog: Xildhibaanada cusub ee HirShabelle oo lagu soo rogay lacag 500 oo dollar ah first appeared on Caasimada Online.
  7. The World Bank said Wednesday Somalia’s economy is projected to contract by 1.5 percent in 2020 due to negative impacts of COVID-19, the locust infestation, and extreme flooding, down from earlier estimates of 3.2 percent before the pandemic. The latest World Bank Somalia Economic Update says COVID-19 has impacted all sectors of the economy, leading to declines in revenue for both federal and state governments. The lender said the onset of the pandemic interrupted the nascent rebound in the economy that had begun since 2016/17, following a recovery from earlier droughts and narrowed the 2.9 percent GDP growth gains in 2019. “However, as the effects of COVID-19 wane over the medium term, the economy is expected to pick up moderately to 2.9 percent in 2021 and reach pre-COVID-19 levels of 3.2 percent by 2022,” said the World Bank. View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Olalaha doorashada Soomaaliya ee 2020/2021-ka ayaa si weyn uga socdo wadamada dariska la ah Soomaaliya, waxaana la sheegayaa in dowladaha qaar ay lacag ku bixinayaan sidii ay usoo saari lahaayeen siyaasiin ay ku aragti yihiin si ay berri uga helaan danahooda gaarka ah. Siyaasiinta ayaa ololahooda doorashada ka wada dalalka Qatar, Turkiga, Imaaraadka iyo Kenya, waxaana dhowr jeer safaro ku kala tagay siyaasiin badan halka qaarkoodna ay Soomaaliya usoo dirsadeen wakiilo la kulama madaxda Qaranka. Wadamada Imaaraadka Carabta iyo Kenya ayaa damacsan in Villa Somalia doorasho uga saaraan Madaxweyne Farmaajo islamarkaana ay halkaas geeyaan siyaasiin ku aragti ah maadaama uu Farmaajo dagaal siyaasadeed weyn uu la galay dowladahaan, halka dowladaha Qatar iyo Turkiga ay dhankooda lacag malaayiin doolar ah Soomaaliya gelinayaan si ay Farmaajo ugu sii hayaan ama qof kale u keenaan, haddii aysan qorshahooda koowaad ku guuleysan. “Dowladaha Kenya iyo Imaaraadka ma jiro qof ay isku raacsan yihiin laakiin waxay ka siman yihiin aragtida ah in Farmaajo booska baneeyo, halka Qatar iyo Turkiga ay ka siman yihiin Farmaajo sii joogo ama qof kale keensadaan, labadaan dowladoodna waa isku aragti waliba iska war qaba,” ayuu yiri Nuur Shariif, oo ah aqoonyahaan bartay siyaasadda, dalkana xog ogaal u ah. “Muqdisho wax olole ah miyaa ka socda?, ololihii doorashada waxay u weecdeen dibadda mar kastana siyaasi gadaal ay ka riixeyso dowlad kale waxba dalkan uma galo, waan soo aragnay haddana waan aragnaa in Qatar dalkan siday rabto ka yeelaneyso marka Soomaalida uma fiicno sidaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Nuur Shariif. Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray wafuud ka socoto dowladaha carabta qaarkood oo taageersan madaxda Soomaaliya ee hadda talada heyso halka mucaaradka qaarkoodna ay dalalkooda ugu tageen. Sidoo kale qaar kamid ah madaxdii hore ee dalka ayaa ku sugan wadamada dariska waxeyna wararka ugu badan sheegayaan in ay kulamo la qaadanayaan madaxda dowladaha ay martida u yihiin si ay ugu guuleestaan doorashada Soomaaliya. The post Afar dowladood oo lacagta ugu badan ku bixinaya doorashada Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Bar___Qubanaha-28102020.mp3 View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabeelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa si ka duwan sidii laga filayey uga fal-celiyey shaacinta liiska xildhibaanada baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka HirShabeelle. Madaxweyne Cosoble, oo in badan mucaaradsanaa hab dhismeedka maamulka cusub ee HirShabeelle, ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu hambalyo ugu diray xildhibaanada cusub ee maamulkaas. Sidoo kale qoraalkiisa waxuu ku sheegay in sida u muuqata xubnahan cusub ee baarlamaanka HirShabeelle ay ka tayo roon yihiin kuwii hore ee asaga doortay, kadibna riday, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaa ii muuqata Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle inuu ka taya sarreeyo Baarlamaankii ka horreeyay. Waxaan u rajeynayaa guul, waxaana leeyahay HAMBALYO,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle Cali Cosoble. Qoraalka Cosoble ayaa waxaa aamini waayey dadka ku xiran boggiisa ee u muuqda inay kasoo jeedaan beeshiisa, kuwaas oo qoraalka uga jawaabay inay weydiiyaan in akoonka laga jabsaday iyo in kale. Isaga oo taas ka jawaabaya ayaa qoraal kale oo uu soo dhigay facebook waxa uu ku yiri “Kama aanan hadal qaddiyad iyo heshiis laakin waxaan isu eegay baarlamaankii hore iyo midka hadda lagu dhawaaqay, waxaana taya sarreeya midka cusub.” Madaxweyne Cosoble ayaa ka soo jeeda beesha Xawaadle oo degta gobolka Hiiraan, islamarkaana aad u saluugsan sida haatan loo wajahayo dhismaha maamulka HirShabeelle. Odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo inta badan siyaasiyiinta beeshaas ayaa ku doodaya in markii la yagleelayey maamulkan afar sano ka hor lagu heshiiyey inaan Xawaadle lagula tartami karin kursiga madaxweynaha HirShabeelle. Haatan waxaa muuqata in dowladda dhexe ay qorsheyneyso in kursiga madaxweynaha HirShabeelle uu noqdo mid loo geli karo tartan furan, in kastoo wax walba ay isbedeli karaan. Siyaasiyiin ay ka mid yihiin guddoomiyeyaashii hore ee gobolka Hiiraan, sida Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Cabdifitaax Xasan Afrax oo ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa kol hore gaaray Jowhar, iyagoo eedeyn u jeediyey xubnaha beeshooda ee saluugsan sida wax u socdaan. Haatan waxaa muuqata in siyaasiyiinta Xawaadle ee gaartay Jowhar, isla markaanawax ka dhisaya maamulka uu ku mowqif noqday Cali Cosoble oo markii hore aad u diidanaa sida wax u socdaan, sidoo kalena dowladda federaalka ku eedeynayey inay dhismaha HirShabeelle ku heyso faragelin qayaxan. The post Cali Cosoble oo qoraal lama filaan ah soo saaray - Ma isbedelay mowqifkiisii dhismaha HirShabeelle? first appeared on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa badanaa ka war haysa dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee dekedda Muqdisho, iyada oo xogtaasi u gudbiyaan shaqsiyaad ka tirsan dowladda, sida ay shaacisay warbixin uu baahiyey machadka Hiraal. Warbixintaasi ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay awood u leedahay inay garato cashuurta ay ka qaadayso ganacsiyadaasi, maadama ay manifeestada wax soo dejinta ka hesho shaqaalaha dawladda, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya dekedda oo la leh wada-shaqeyn. Al-Shabaab ayaa xogtaasi u adeegsata xadiga canshuurta, iyada oo dalbata canshuurta kastamka ee dhammaan wixii la soom dejiyay, midaasi oo ka dhigan in kooxdu wax u canshuurto qaab lamid ah dowladda, balse ka dhaqaale badan. Intaas kadib kooxda ayaa xadiga canshuur ee ay go’aamisay u gudbisa ganacstada wax kala soo dega dekadda, taasi oo aan la hayn wax gor-gortan ah, sida lagu sheegay warbixinta. Ganacsatada ayaa badanaa bixiya lacagaha ay kusoo dalacdo kooxdaasi, iyaga oo u arka inaysan jirin cid sugi karta amnigooda, haddii ay u hogaansami waayan lacag bixintoodaasi, midaasi oo aysan dowladdu awood u laheyn maadama ay maamulkeeda ka dhex shaqeeynayso kooxdani. “Arrin aad u muhiim ah oo usuuro gelisa in Shabaab cashuur uruursato ayaa ah awoodda ay u leedahay helidda waraaqaha dekedda alaabta lagaga soo caddeeyo (manifest) marka ay doonaan, iyaga oo ka helaya dadka dawladda ugu jira ee lashaqeeya” ayaa lagu yiri warbixinta. Waxa kale oo lagu yiri “Sidaa daraadeed, ganacsatada way ku adag tahay in ay ka qariyaan hawlahooda kooxda, marka taa lagu daro awoodda kooxdu u leehay inay hawlo ka fuliso meelaha magaalooyinka ah, way ku adagtahay in ganacsatadu diiddo in ay bixiyaan lacagta kooxdu rabto”. Kooxda ayaa inta badan xoriyad buuxda gaancsigooga u siisa ganacstada siiya canshuuraha ay dalbadaan, halka kuwa diidana mutaan ciqaab adag, isla markaana noloshooduna halis gasho. Canshuurta ay kooxdu bishii aruuriso ayaa lagu sheegay marka la isku wada daro inay tahay ugu yaraan 15-milyan oo doollar, taasi oo ka dhigeysa in maleeshiyadaasi ay qaado canshuuro ka badan midda dowladda, iyada oo kala bar lacagahaasi ay kasoo xaroodaan magaalada Muqdisho. The post Yaa Al-Shabaab u gudbiya xogta dekedda Muqdisho? first appeared on Caasimada Online.
  12. Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa xalay lagu dhawaaqay liiska xildhibaanada baarlamaanka dowlad gobaleedka HirShabeelle oo gaaraya 90 xubnood, kadib doodo iyo muran maalmo qaatay. Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo siyaasiyiin kale ayaa taageeray liiska xildhibaanada, halka qaar kale oo badanna ay ka aamuseen. Si guud doorashada dowlada gobaleedka HirShabeelle ayaa ku socoto jawi dagan marka laga reebo doodda beelaha dhaxdooda ah, iyadoo aysan jirin wax war ah oo kaga imanaya dhinacyada kale ee siyaasadda, sida, madaxdii hore ee dalka, xisbiyada siyaasadda iyo siyaasiinta kalaba si lamid ah tii Galmudug. Dad badan ayaa is weydiinaya, waa maxey sababta ay uga aamusan yihiin Madasha Xisbiyada Qaran doorashada HirShabeelle oo ay u taageeri waayeen ama u mucaaradi waayeen? Dad kala duwan oo ka tirsan Madasha ayaa Caasimada Online u sheegay in dhinacyadu aysan ku deg degi karin mucaaradida HirShabeelle maadaama ay ka soo jeedaan islamarkaana ay madaxdii hore oo Madasha hogaamisa ka qabaan rajo weyn oo ah codadka baarlamaanka. “Dhamaantood waxay ku tashanayaan codadka baarlamaanka mana mucaaradi karaan qof kasta oo musharax ah waliba kuwa ay wadato dowladda, sababtoo waxaa cashir uga filan diidmadoodii Galmudug iyo Koonfur Galbeed, sidaas darteed ma rabaan siyaasi kale oo ay mucaaradeen inuu Madaxweyne ka noqdo HirShabeelle,” ayuu yiri mid kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee ku jira Madasha Xisbiyada Qaran oo ay hogaamiyaan Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Hore ayaa sidaan oo kale waxaa u sheegay Taliyihii hore ee hay’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe in aysan madaxda Madasha Xisbiyada aysan ka hadli karin arimaha HirShabeelle oo ay u tartamayaal siyaasiin ay isku heyb yihiin madaxda Madasha. Waxaa sidoo kale jirta in madaxdan, gaar ahaan Xasan Sheekh ay horey eedo badan ugal kulmeen beeshooda, ayadoo lagu dhaliilay inay ka hiiliyeen oo ay duudsiiyeen xaqooda iyo maqam u dhigma culeyskooda siyaasadeed, sidaas darteedna mar kale uma muuqan karaan inay kasoo horjeedaan qof ku beel ah. The post Xog: Maxay mucaaradka uga aamusan yihiin doorashada HirShabeelle, si ka duwan doorashadii Gallmudug? first appeared on Caasimada Online.
  13. Ciidamo isugu jira kuwa qaabilsan amniga ee kala ah booliska Haramcad, Ciidamada Qeybta 21,aad ee Xoogga Dalka iyo Booliska Qaabilsan Amniga Deegaanka guud ee Galmudug oo soo gaaray Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa bilaabay hawlgallo la xariira amniga Degmada. Ciidamadaan ayaa imaatin kooda degmada waxaa uu la xariiraa sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen sugidda amniga degmada, Caabudwaaq kaddib markii tacshiir ay fureen kooxo hubaysan subaxnimadii hore ee maanta ay sababtay geerida labo ruux iyo dhawaaca qof dumar ah. Dhinaca kale waxaa magaalada goor dhaw soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaanno si ay gacan uga gaystaan deganaanshiyaha Degmada. Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa hadda kulan Albaabada u xiran yahay waxaa ay kula leeyihiin hoygiisa Ugaas Maxamed Ugaas Axmed iyo laamaha kala duwan ee Amniga, Shacabka degmada Caabudwaaq ayaa si wayn uga naxay falka ay maanta gaysteen dablayda hubaysan. Laamaha kala duwan ee amniga ayaa wada howlgalo ay ku baadi goobayaan dambiilayaasha oo markii ay dilka gaysteen goobta ka baxsaday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen daacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Habeen-28102020.mp3 View the full article
  15. Mogadishu (PP News Desk) — Calls to replace the District Commissioner of Hawlwadaag district Mustaf Ali Kheire are growing following his attempt to divert stagnant rain water on Jidka Soddonka into an unpaved street leading to the Bakara Market. Blocked drainage system in Jidka Soddonka turns rain water in parts of the Road near Bar Ubax into a what can be mistaken for a mini water reservoir. Hawlwadaag District Commissioner Mustaf Ali Kheire prefers to divert stagnant rain water into neighbourhoods. The District Commissioner initially authorised technicians to divert the rain water into a main street but faced demonstrations from locals. Locals suggested to the District Commissioner to hire gully emptiers but he rejected the suggestion. “By trying to divert the rain water into the street the District Commissioner tried to flood our neighbourhood” said an elderly man from the area. The drainage system of most districts in the capital of Somalia ceased to function due to lack of maintenance for the last thirty years. © Puntland Post, 2020 The post Hawlwadaag District Commissioner “Attempts to Flood Neighbourhoods” appeared first on Puntland Post.
  16. Xukuumadda Somaliland, ayaa ku baaqday in kor lo qaado oo la weyneeyo Xuska dhalashada Nebigeenna suubban ee Muxamed nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, isla markaana waxay Cambaaraysay aflagaaddaynta Nebiga ee Madaxweynaha Faransiisku taageeray. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo galabta Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa xarunta Wasaaradda ee magaalada Hargeysa, ayaa Bulshada ugu baaqay inay weyneeyaan Xuska dhalashada Nebi Muxamed nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, oo ku beegan 12-ka bisha Rabiicul-awal oo Khamiista caawa ku beegan. Wasiir Khaliil waxa uu cambaareeyey aflagaaddaynta Nebi Muxamed (NNKH), waxaanu soo dhaweeyey Muddaharaadka ay Boqollaal Dadweynaha reer Burco Salaasadii shalay ku muujiyeen siday uga xun yihiin aflagaaddaynta Nebi Muxamed NNKH ee Faransiiska ka soo yeedhaysa, isla markaana Madaxweynaha dalkaasi sida qaawan u taageeray, taasoo dhalisay Sida uu Wasiirku sheegay inay dalal badan oo Islaam ahi ka cadhoodaan, isla markaana muddaharaadyo iyo go’aanno ay kaga soo horjeedaan ku dhaqaaqeen maalmihii ugu dambeeyey. Source
  17. Muuse Biixi Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa siyaasad ku eedeeyay hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale samafalka ee ka howlgala degaannada Somaliland. Muuse Biixi ayaa tilmaamay in hay’adaha Qaramada Midoobay iyo hay’ado kale oo samafal ah ay Somaliland ka fuliyaan amaro siyaasadeed oo laga soo siiyay madaxtooyada Soomaaliya. “Sannadahan dambe hay’ado aan siyaasadda gelin oo ay kamid tahay Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa iyo hay’ado kale oo isku magacaaba samafal waxay u dhaqmeen si siyaasi ah oo wax u dhimaysa Somaliland, oo ah inay fuliyaan amarada laga soo siiyo Villa Somalia” ayuu yiri Muuse Biixi” Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Ka yeelimayno Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa hay’adaheeda iyo kuwa kale ee samafalka sheegta inay Somaliland keenaan amaro laga soo bixiyay Xamar” Muuse Biixi ayaa hadalkan ka jeediyay shir ay lahaayeen golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye. PUNTLAND POST The post Somaliland oo eedeyn u jeedisay Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.
  18. Ra’iisul ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka qeybgalay munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Wasiirrada loo kala wareejiyay wasaaradaha ciyaaraha iyo dhalinyarada iyo sidoo kale wasaarada maareynta iyo masiibooyinka Dowladda Fedraaka Soomaaliya. “Waxaan gaarnay guulo waaweyn mudadii aan joognay Wasaarada Ciyaaraha Soomaaliya,waxaan sidoo kale qabyo noo ahaa shaqooyin waxaan Wasiir Xamse ku soo dhawaynaa Waasarada,maadama uu horay u ahaa ciyaaryahan hore” waxaa sidaas warbaahinta u sheegay wasiirkii hore ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya Khadiijo Diiriye oo iminka loo wareejiyay wasaarada gargaarka maareynta iyo masoobooyinka Soomaaliya. Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul ku xigeenka Soomaaliya ayaa ku ammaanay labada wasaarada mudadii ay kala joogeen labada xafiis in ay ku tilaabsadeen guul waaweyn,isagoo tilmaamay in labadani wasaarradood ay kamid yihiin lafdhabarka dowladda, loogana fadhiyo in la sii dajiyo shaqooyinka horyaala. “Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan dib ugu soo laabto hooygayga,waxaan ka shaqeyn doonaa horomarinta isboortiga Soomaaliya,sidoo kale waxaan soo dhawaynaa cid kasta oo kaalin la qaadanaysa guulaha Daawo Warbixin Ku Saabsan Xil Wareejinta Wasaarada Ciyaaraha Soomaaliya https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/10/whats-upp.mp4 Source: goobjoog.com
  19. The EU will back Ngozi Okonjo-Iweala as the next director-general of the World Trade Organization, boosting the Nigerian’s frontrunner status. Ambassadors from the EU’s 27 member states confirmed on Monday that the bloc would throw its weight behind Ms Okonjo-Iweala, following discussions among EU leaders during their summit in Brussels last week. Ms Okonjo-Iweala, a former finance minister, is facing off against South Korea’s trade minister, Yoo Myung-hee, in the final round of voting at the WTO. The winner is expected to be declared early next month. Ngozi Okonjo-Iweala, a former finance minister of Nigeria, would be the first WTO chief from Africa © AFP An EU official said the decision to back Ms Okonjo-Iweala, who would be the first WTO chief from Africa, was “a strong signal to reinforce the multilateral order”, as well as “a clear signal towards Africa and a sign of mutual trust”. Policymakers, including Valdis Dombrovskis, EU trade commissioner, Peter Altmaier, German economy minister, and Charles Michel, EU Council president, have sought to forge a common EU stance for the final voting round. The EU itself had decided not to field a candidate of its own. An EU diplomat said that, during the internal deliberations, Ms Okonjo-Iweala had been backed by France, Germany, Spain, Italy and the Netherlands, among others. Ms Yoo found considerable support among EU governments in central and eastern Europe, including the Baltic states. A person briefed on the discussions among ambassadors on Monday said Latvia and Hungary — the last two holdout countries favouring Ms Yoo — agreed to switch and join the majority position at a special meeting convened at 6pm. The new director-general needs to be chosen by consensus among the WTO’s 160-plus member governments. The role became available because of the unexpected early resignation of Roberto Azevêdo, a Brazilian who had held the job since 2013. He stepped down in September. Source: Financial Times The post EU backs Nigeria’s Okonjo-Iweala to lead the WTO appeared first on Puntland Post.
  20. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka hadlay khilaaf soo kala dhex-galay Qaramada Midoobay iyo xukuumada uu hogaamiyo, taasi oo keentay inay Somaliland joojiso wada-shaqeyntii kala dhaxeysay hay’addaha QM. Madaxweynaha oo ka qeyb-galay kulan uu yeeshay golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa sheegay inaysan marnaba aqbaleyn waxkasta oo wiiqaya qaranimada Somaliland, isla markaana lagu hoos geynayo dowladda federaalka Soomaaliya. Wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay in QM ay siyaasadeyso kaalmaha bani-aadanimo iyo howlaha horumarineed ee ay fuliso, isla markaana ay dowladda federaalka oo uu sheegay inay col yihiin, la gasho heshiis wax u dhimaya madax-banaanideeda. Muuse Biixi ayaa sheegaya in sababta ay isku qabteen QM ay tahay inay dooneyso in qorshe howleedka ay ugu talo-gashay dowladda Soomaaliya ay ka fuliyaan gobollada Somaliland, maadama uu ku doodayo inay yihiin labo dowladood oo kala madax-banaan. Sidoo kale waxa uu markii u horeysay sheegay in arrinta keentay in wada-shaqeyntii QM joojiyan ay ka dhalatay khilaaf soo kala dhex-galay, kaasi oo la xiriira in Somaliland ula macaamilaan sida dowlad madax-banaan, isla markaana mashaariicdoodana kala xaajoodan xukuumadiisa. Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xili ay xukuumadda Somaliland ay shaacisay in hakisay wada shaqeyntii ay la lahayd Hay’adda Qaramada Midoobay oo mashruucyo kala duwan ka wada deegaanada Somaliland. The post Muuse Biixi oo shaaciyey qorshaha ay ku qasbeyso QM ee la xiriira DF Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.
  21. NUXURKA KULAN DHEX MARAY GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE EE JAMHUURIYADDA SOMALILAND IYO MADAXA UNDP EE SOMALILAND IYO SOOMAALIYA. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa shalay kulan la qaatay madaxa UNDP u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr Jocelyn Mason (UNDP Resident representative) waxaanu kulanku ku bilaabmay is-xog-waraysi guud oo la xidhiidha xaalada Somaliland iyo horumarada la taaban karo ee ay hay’adda garsoorka ku talaabsatay muddooyinkii u danbeeyay, waxaanay si gaar ah hoosta uga xariiqeen mashaariicda ay UNDP-du taageerto ee la xidhiidha sharciga, kala danbaynta iyo amniga. Mr Jocelyn ayaa geestiisa soo dhaweeyay sida ay Jamhuuriyada Somaliland isku waafajisay xeer dhaqameedka iyo xeerarka qoran, waxaanu tibaaxay in arrinkaa horumar laga sameeyay, Jocelyn wuxuu sheegay in ay Somaliland maxkamadduhu kaalin weyn ka qaateen fidinta adeega sharci isagoo xusay in ay diyaar u yihiin xoojinta is-kaashi ee ay la leeyihiin garsoorka iyo haayadaha kale ee la hal-maala. Guddoomiye Aadam ayaa geestiisa soo dhaweeyay Mr Jocleyn Mason waxaanu ku bogaadiyay UNDP doorka muuqda ee ay ka qaataan, horumarada dalka isagoo u soo jeediyay in ay sii wadaan taageerada ay Jamhuuriyada Somaliland siiyaan si ay Somaliland u hesho taageeradii ay xaqa u lahayd gaar ahaan hay’adda garsoorka iyo hay’addaha kale ee soo gala sharciga iyo kala danbaynta. Qaran News
  22. Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland Oo Laga Helay Cudurka COVID 19 Shalay ayaan waxoogaa qufac ah yeeshay si aan isu hubiyo caafimaadkayga iyo taxadir badbaado dadka kale ah u sameeyo, Baadhis la xidhiidhi Covid-19 ayaan sameeyay ilaa shalay iyo maanta oo baadhista natiijada aan sugayay guriga kama bixin. Imika ayaa la ii soo sheegay natiijada in aan positive ahay. Alxamdulilah wax culays ah ama isbadal ah xataa xumad ma yeelan keliya qufac kooban mooyee, markaa muhiim ayay u tahay qof kastaa inuu is baadho si uu u xaqiijiyo caafimaadkiisa iyo waajibka ka saaran caafimaadka intuu jecel yahay iyo bulshadiisa guud ahaan si aynu uga qayb noqono xakamaynta cudurka safmarka ee Coronavirus. Sida dhakhtaradu ku taliyeen 14 cisho Hadii Allah ogolaado waa waajib in aan guriga fadhiyo isna takooro.Waxaa sidaas ku qoray Bartiisa Face-book-ga Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha Somaliland Farxaan Aadan Haybe Qaran News