-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisal-wasaaraha Israa`iil oo shaaciyey in Qamadi ku kacaya $5m Dawladiisu u dirayso saaxiibkeeda cusub ee Suudaan Suudaan waxaa ka taagan xaalad cunno la`aan oo baahsan Israa`iil ayaa qamadi qiimihiisu yahay $5m (£3.8m) u direysa “saaxiibkeed cusub” Suudaan, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra`iisul Wasaare Benjamin Netanyahu. Suudaan ayaa isku diyaarineysa inay soo celiso xiriirka Israa`iil – iyadoo hore dalal kale oo Carab ah ay usoo celiyeen xiriirka Israa`iil. Warsaxaafadeed soo baxay toddobaadkii la soo dhaafay ayaa lagu sheegay in wufuudda labada dal ay kulmi doonaan “toddobaadyada soo socda”. Suudaan ayaa wajahaysa cunto yaraan baahsan. Xafiiska Mr Netanyahu ayaa qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka wuxuu ku sheegay in Israa`iil ay gacan ka geysan doonto isbeddelka Suudaan We are looking forward to a warm peace and are sending $5 million worth of wheat immediately to our new friends in Sudan. Israel will be working closely with the USA to assist Sudan's transition. — PM of Israel (@IsraeliPM) October 25, 2020 Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Suudaan ka saaray liiska Mareykanka ee dalalka maalgeliya argagixisada. Suudaan ayaa ka soo baxday xukun milatari oo keligii talis ahaa, kaas oo uu hoggaaminayay Cumay Xasan Albashiir. Qaran News
-
Geerida Nin ahaa Gacantii midig ee Saddaam Xuseen oo 17 sano la raadinayay oo maanta la shaaciyay Cizat Al Dowri wuxuu ahaa kaaliyihii hore ee Saddaam Xuseen Saraakiisha xisbiga hantiwadaaga ee laga mamnuucay Ciraaq ee Bacath ayaa shaaca ka qaaday in uu geeriyooday hogaamiye caan ah oo ka tirsanaa xisbigaas oo la yirhaado Cizat Al Dowri kaas oo da’diisu lagu sheegay 78. Cizzat wuxuu ahaa madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Ciraaq xilliggii uu dalkaas ka talinayay Saddaam Xuseen. “Gudaha dhulka Ciraaq iyo dhulka halyeeyada ee mujaahidiinta waxaa ku geeriyooday Cizat Ibraahim Al Dowri oo ka tirsanaa xisbiga Bacath iyo dhaqdhaqaaaqa iska caabinta ee qaranka ah” ayaa lagu yiri cod lasoo geliyay bogga Facebook uu ku leeyahay xisbiga. Al Dowri wuxuu dhashay 1-dii bishii July sanadkii 1942-dii, wuxuu qabtay hoggaanka xisbiga kaddib markii la dal dalay madaxweynihii hore ee Ciraaq, Saddaam Xuseen dabayaaqadii sanadkii 2006-dii. Bishii April ee sanadkii 2015-kii, dowladda Ciraaq waxay shaacisay in Cizat Al Dowry iyo ilaaladiisa lagu dilay meel u dhaw buuraha Xamreyn oo dhaca waqooyiga caasimadda Baqddaad, balse waxaa la xaqiijiyay in warkaas uu been ahaa. Lamana ogo kaalintii uu ka qaatay ninkan howgalkii ka dhanka ahaa duullaankii Mareykanka ee Ciraaq balse waxaa soo baxayay codad uu soo duubay ninkan oo uu ugu baaqay shacabka inay sameeyaan iska caabin. Taariikhda Cizat Al Dowri Al Dowri wuxuu ku dhashay deegaanka Al Dowr oo u dhaw magaalada Tikrit isla markaana ay ku taallo tuulada Al Awja oo uu ku dashay Saddaam Xuseen. Al Dowri wuxuu kasoo jeeday qoys sabool ah, markii uu dhalinyarada ahaa wuxuu ahaa kamid ahaa dadkii ugu firfircoonaa ee ka tirsanaa xisbiga Bacath. Wuxuu Saddaam Xuseen kala qeyb galay kacdoonkii 17-kii bishii July sanadkii 1968-dii ee xilka looga tuuray madaxweynihii dalkaas Cabdulraxmaan Cariif, markii dambe waxay bilaabeen xisbiga Bacath. Mararka qaarkood, Al Dowri wuxuu ka qeybgeli shirarka muhiimka ah isaga oo matalayo Saddaam Xuseen Sanadkii 1993-dii Al Dowri wuxuu ka qeyb qaatay olole loogu magac daray ‘fidinta caqiidada’ oo ay maalgelisay dowladdii Ciraaq kaas oo looga gollahaa xoojinta arrimaha diinta islaamka. 22-kii Bishii Nofembar sanadkii 1998-dii , Al Dowri wuxuu ka badbaaday qorshe la doonayay in lagu dilo xilli uu booqasho ku marayay magaalada Karpala ee koonfurta caasimadda Baqddaad. Wuxuu ahaa ku-xigeenkii golaha sare ee kacaanka Ciraaq tan iyo sanadkii 2003-dii markii ciidamadii Reer Galbeedka ee uu hogaaminayay Mareykanka ay xilka ka tuureen Saddaam Xuseen. Wuxuu kamid ahaa raggii sida weyn loo doon doonayay ee ka tirsanaa xukuumaddii Saddaam Xuseen. Mareykanka wuxuu ninka dul dhigay toban malyan oo doolar ciddii soo sheegta halka uu ku sugan yahay Al Dowri. Waxaan la rumeysan yahay in Al Dowri uu la xanuunsanaa kansarka ku dhaca dhiigga isla markaana lix bilood kasta loo shubi jiray dhiigga. Wargeyska New York Times ayaa soo xigtay Al Dowri oo digniin u diraya Kurdiyiinta Ciraaq. “Haddii aad hilmaanteen dhacdadii Xalabja, waxaan idiin sheegayaa in aan diyaar u nahay in aaan dib idiin kuugu celino dhacdadaas” Al Dowri wuxuu hadalkaas ugala jeeday xasuuqii Xalabja ee kumanaan qof ee kurdiyiinta ah lagu dilay magaalada Xalabja kaddib markii lagu weeraray kimiko. Gabar uu dhalay Al Dowri waxaa guursaday wiil uu dhalay Saddaam Xuseen oo la oran Cuddey kaas oo isla hal maalin ah lagu dilay meel u dhaw magaalada Mowsil isaga iyo walaalkii Qusey xilligii uu socday dagaalkii uu Mareykanka ku qaaday Ciraaq sanadkii 2003-dii. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta Xildhibaan Maaxmed Cabdi Xayir Maareeye ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sawir kiisa ah oo sanadihii dambe aad loogu faafiyey baraha ay bulshadu ku xariirto ee (Social Media-yaha). Sawirkaas ayaa muujinaya Maareeye oo laba dhagax gacmaha ku wata, waxaana laga qaaday intii uu ahaa wasiirka ganacsiga Soomaaliya, xilli uu ka qeyb qaadanayey olole nadaafadeed oo ka socday wasaaradda. “Golaha wasiirrada markii la magacaabay Social Media-yaha waxaa lagu baahiyey anigoo dhagax weyn wata, oo dhahaya ra’iisul wasaare Rooblow car banaanka u soo bax, dhagaxaas aniga waxa uu ii sameeyaa dareen ah, inaan ahay nin wadani ah oo dalkiisa xaaqayey, wasaaradda ganacsiga horteeda ayaan ka gurayey dhagaxa oo nadiifinaayey,” ayuu yiri Maareeye. Waxa uu sheegay in markii uu arko sawirkiisa isagoo dhagaaxaas wata uu ku farxo, balse uu ka xumaado habka loo adeegsado. “Hadda waxaan ka fekerayaa, sawirkaas ma iska deysaa, mise qandaraas-baad ku bixisaa oo hey’adaha Social Media-yaha dhagaxaas hala bixiyaad dhahdaa,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Waxa uu sheegay in mar kasta oo ay qof isqabtaan ama xil loo magacaabo dhagaxaas aad loogu baahiyo baraha bulshada. “Aniguna nin dagaal badan ma ihi, afka ayaan ka hadlaa, laakiin dagaalka ma aqaan,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo si kaftan ah uga hadlay sawir uu gacmaha ku heysto laba dhagax oo lagu faafiyey baraha bulshada ee internet-ka. The post Maareeye oo dacwo ka ah sawir uu dhibsaday oo lagu faafiyey baraha bulshada first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaarah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay xafiiskiisa kula kulmay Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Amb. James Swan. Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyey oo gaar ah oo ay yeeshaan ayaa Rooble iyo Swan, waxay uga wada-hadleen arrimo dhowr ah, kuwaasi oo ay ugu muhiimsanaayen arrimaha doorashooyinka, nabad-galyada iyo Iskaashiga dowladda iyo beesha caalamka ee horumarinta Soomaaliya. Sidoo kale waxay labada mas’uul ka wada-hadleen dar-dar gelinta howlaha horyaala xukuumada cusub ee dhawaan uu meel-mariyey baarlamaanku iyo kaalinta QM ee marxalada kala guurka. Wuxuuna ra’iisal wasaare Rooble uga mahad-celiyay QM dadaalka ay ku bixinayaan Arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan kaalintooda arrimaha doorashooyinka iyo Amniga. James Swan ayaa dhankiisa sheegay in Qaramada Midoobay ay markasta garab taagan tahay dowladda Soomaaliya, isla markaana xukuumadda cusub looga baahan yahay ka dhabeynta qorshayaasha horyaala, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha. Kulankan ayaa qeyb ka noqonaya kulamada kala duwan ee uu ra’iisal wasaare Rooble uu la qaadanayay beesha caalamka, kuwaasi oo ku qotomay amniga iyo arrimaha doorashooyinka oo dhawaan heshiis laga gaaray. The post Kulankii ugu horreeyey ee Rooble iyo Swan oo 4 arrin lagu soo qaaday + Sawirro first appeared on Caasimada Online.
-
Three years ago, on 14 October 2017, Somalia experienced a turning point when devastating truck bomb attacks ripped through Mogadishu’s busy Zoobe junction. It was the country’s deadliest ever terrorist attack, killing almost 600 people and leaving hundreds seriously injured or missing. Though Somalia’s capital had seen its fair share of blasts, the Zoobe attack was particularly horrendous in terms of the sheer power of the explosives deployed, the loss of lives and destruction of property. It was to Somalia what the 9/11 attack was to the US. As the Mayor of Mogadishu and Governor of Benadir Region at the time, what is mostly distinctly etched in my mind about that day is not the fact that I’d passed ground zero only 10 minutes earlier or even the horrific scenes of charred bodies, mangled vehicles and debris. It is the overwhelming post-attack response by Mogadishu residents, especially the youth. Upon arriving at the scene shortly after the blasts, I immediately knew the local and federal government alone would not manage to handle the crisis. Through social and mainstream media therefore, I begun frantically calling on ordinary people to help with the rescue effort. And help they did, in overwhelming numbers and unmatched zeal. Thousands of youths did not only comb through the debris to pull out the dead and rescue the survivors; they also turned up in large numbers at Mogadishu’s hospitals to donate blood, until they were turned away due to low blood storage capacity. A few days later, Mogadishu youths staged one of the largest anti-al-Shabaab street demonstrations the city had ever seen. The anger and outrage against terrorism had boiled over and overcome the fear of reprisals from the Islamist group. I could feel the ground shifting decisively against the militants. The atrocity seemed to cost them the remaining the remnants of support they may have had within the population. That’s probably why the group chose not to claim responsibility for the attack despite their fingerprints being all over it. A recent research study confirms my instincts that public outrage against terrorism deters al-Shabaab more effectively than military force. After the attacks, I begun advocating for reforms in Somalia’s security architecture and disaster response in order to minimise the risks of future attacks and lessen their negative impacts should they occur. We couldn’t afford to continue with business-as-usual. I would later come to realise, however, that not many people in the highest positions of the federal government shared my urgency. That would cost me my job a few months later. Learning the painful lessons of Zoobe, we initially begun to create disaster response centres in some of Mogadishu’s 17 districts. We also advocated for the creation and expansion of blood banks so they could handle disasters of Zoobe’s magnitude or worse. Equally importantly, we saw the need for security to be decentralised from the federal government to the city authorities as part of a strategy to strengthen community policing and strengthen the relationship between the people and security agencies. This would boost information sharing against al-Shabaab plots. I reached out to many within the federal government and diplomatic community as well as religious and community leaders and the people. While the response was positive in many quarters, key government leaders viewed it as a threat to their power. Things came to a head three months after the attack when President Mohammed Abdullahi Farmaajo relieved me of my duties. Since then, my campaign for reforms and justice for victims of the attack has not ceased. Three years after the attack, it’s tragic that the many people who lost loved ones lost their lives or are suffering long-term health complications are not receiving the support they deserve from the government. This must change. Moreover, Somalia needs to put in place mechanisms to reduce the risks of future attacks. One way to do this is to begin the arduous work of setting up a comprehensive biometric registration system. This would form the basis of a national ID that would be mandatory for everything from registering phone lines and cars, to transferring money, purchasing or renting property, opening businesses and voting. This would not only enhance security but improve business and investor confidence and help accelerate the country’s reconstruction. Currently, al-Shabaab and other terrorist groups in Somalia are taking advantage of Somalia’s weak, disjointed, and antiquated identification system. This is allowing them to more easily plot attacks, engage in extortion, carry out illegal taxation, and infiltrate security agencies as well as the justice system in which the conclusive identification and tracking of suspects remains a huge challenge. Just last year, Mogadishu’s Mayor Abdirahman Omar Osman was killed by a bomb attack inside the mayoral office building. It later emerged that the attacker had provided false names during his employment. Three years the tragic Zoobe attack, Somalia is heading towards presidential and parliamentary elections scheduled for early next year. That vote provides the people with a rare opportunity to install bold leadership that can fix the country’s security challenges and ensure similar tragedies are not repeated. Thabit Abdi Mohamed is the former Mogadishu Mayor. The post To avoid a repeat of the Mogadishu attack, Somali needs biometrics first appeared on Caasimada Online.
-
Kismayo (PP News Desk) — An unidentified gunman yesterday murdered Abdullahi Sheikh Abdisalam, the Director of Amal Bank branch in Kismayo. Abdisalam was at Alanley neighbourhood of the coastal city when a Kalashnikov-wielding man shot the banker dead and fled the scene. Jubaland State security forces have launched an investigation into the murder case. Abdullahi Sheikh Abdisalam was at Alanley neighbourhood when an unidentified gunman shot him dead. Last month a suicide bomber killed Shafi Raabi Kahin, who was a leading businessman and the Chairman of Jubaland Chamber of Commerce. One year ago Haji Saeed Abdi, a businessman, was brutally murdered in Kismayo. No one has so far been put on trial for those murders. Locals fear that Al-shabaab is exploiting complacency of security forces in key parts of the city. The magnitude of September suicide bombing showed extensive planning and collusion to target influential businessmen in Kismayo. © Puntland Post, 2020 The post An Unidentified Gunman Assassinates Amal Bank Kismayo Branch Director appeared first on Puntland Post.
-
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee shanta gobol Bari, Sanaag, Hayland, Karkaar iyo Gardafuu ayaa maanta xukuno isugu jira dil iyo xabsi ku riday 3 nin oo lagu eedeeyay Shabaab iyo Daacish. Aadan Maxamed Xasan iyo Abshir Maxamed Candiraxmaan Tooshle oo lagu eedeeyay inay geysteen dilal kala duwan ayaa lagu riday xukun dil ah, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee shanta gobol, Ibraahim Bile Maxamed. Aadan (bidix), Tooshle iyo M. Shiniyow Aadan Maxamed Xasan oo ah 28 sano jir ah ku dhashay Wajeer Kenya, ayaa xeer ilaalinta maxkamadda ku eedeysay inuu Al-shabaab ku biiray 2015, kadibna 2017 u waraagay Daacish, markii dambana lagu qabtay magaalada Boosaaso. Sidoo kale eedeysane Abshir Maxamed Candiraxmaan Tooshle oo ah 47 sano jir ku dhashay Qandala ayaa lagu eedeeyay inuu Aadan ku soo dhaweeyay magalada Boosaaso. Tooshle ayaa la sheegay inuu markii hore ka tirsanaa Al-shabaab, 2013-kiina la qabtay isagoo wada xaaska hoggaamiyaha Daacish-ta Soomaaliya Cabdiqaadir Muumun, balse la siidaayay, kadibna u wareegay Daacish. Dhanka kale maxkmadda ayaa 20 sano oo xabsi ah ku riday Maxamuud Shiniyow Cali oo lagu eedeeyay Al-shabaab. Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa sheegtay in 3-da eedeysane muddo 30 cisho gudahood ah u furan yahay racfaan. PUNTLAND POST The post Puntland oo xukun ku riday rag lagu eedeeyay Shabaab iyo Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shaaciyey sababta uu uga soo dhex muuqan waayey golaha wasiirrada cusub ee xukuumadda ra’iisul wasaare Rooble. Maareeye ayaa sheegay in markii ay dhacday xukuumaddii ra’iisul wasaare Kheyre uusan raadin xil wasiir, balse uu raadiyey xilka ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, taasi oo dagaal siyaasadeed ka dhex dhalisay isaga iyo Mahdi Maxamed Guuleed. “Markii dowladii Xasan Cali Kheyre la bedelay, waxaan aaminay kursiga ra’iisul wasaare ku xigeenka inuu banaanyahay, waan raadiyey, laakiin kalamaan ayaa nagu dhacay aniga iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed waxuu aaminay in kursigii uu weli ku fadhiyo” ayuu yiri Maareeye. Waxa uu sheegay in isaga iyo Mahdi Guuleed dagaal adag uu raadinta kursiga ra’iisul wasaare ku xigeenka ku dhex maray, balse hadda uu u hambalyeynayo. “Mudane ra’iisul wasaare waan kuugu hambalyeynayaa, waana kula shaqeynayaa, xilku waa meerto, hadii walaalkey kursigiisii ceshaday waxaan leeyahay hambalyo” ayuu hadalkiisa ku sii daray Maareeye. Hadalkan waxuu Maareeye ka sheegay xaflad uu xilka wasiirka warfaafinta ku wareejinayey oo ka dhacday xarunta wasaaradda, taas oo uu ka soo qeyb galay Mahdi Guuleed. Hoos ka Daawo The post Daawo: Maareeye oo xog ka bixiyey dagaalkii dhex-maray isaga iyo Mahdi Guuleed first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Bar___Qubanaha-26102020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Isniintii maanta akhrinta labaad marsiiyey hindise sharciyeedka ‘Adeegyadda Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed’ kaas oo ay soo diyaarisay wasaaradda beeraha Soomaaliya. Xubnihii ka hadlay kulanka markii laga doodayey sharcigaas waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Cabdullahi Gaafow Maxamuud, oo sharcigan ku tilmaamay mid dhib-badan oo wasaaradda soo diyaarisay aysan ka tix-gelin dhanka ammaanka Qaranka. “Shircigaan waa mid dhib badan qolada ka soo shaqeysana, ma aysan tix-gelin dhibaatada amniga uu ku hayo ee walxaha lagu bacrimiyo beeraha ee dalkeenna la keeno,” ayuu yiri Taliyihii hore ee NISA Xildhibaan Cabdullahi Gaafow. Waxa uu sheegay inay habooneed in wasaaraddu ay hey’adaha nabad-geliyaha la kaashato dhibka ay ku qabaan, sida laga yeelayo kiimikada beeraha lagu bacrimiyo oo waxyabaha qarxana laga sameeyo. “In kiimikadaas dalka laga mamnuuco ayey aheyd, ama gacan amni ah lagu haayo, maadaama aan laga maarmi karin bacriminta,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Waxa uu sheegay in dekedda weyn ee Muqdisho laga soo dejiyo waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada ka dhaca dalka ee Al-Shabaab farsameeyaan. Sidoo kale Xildhibaan Gaafow ayaa soo jeediyey in loo yeero hey’adda NISA, si wax looga weydiiyo kiimikooyinka beeraha lagu bacrimiyo, qaraxyadana laga sameeyo ee dalka la soo geliyo. “Arinaga waxay ila tahay in loo yeero hey’adda NISA ee la weydiiyo waxay kala socoto maadooyinkaan dhibaatada faraha badan dalka ku haya ee qaraxa laga sameeyo, iyadoo waxyaabahaas la is waafajina ma qabo in sharcigan la ansixiyo” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Xildhibaan Cabdullahi Gaafow Maxamuud oo horay Taliye uga soo noqday hey’adda NISA. Hoos ka Daawo The post Daawo: Gaafow oo ka hor-yimid sharci 'halis ah' oo la horgeeyey BF una yeeray NISA first appeared on Caasimada Online.
-
View the full article
-
Marxuum Shigshigow Magaalada Kismaayo waxaa maanta galinkii dambe lagu dilay Cabdullaahi Sheekh Cabdisaam (Shigshigow) oo ahaa maamulihii Amal Bank Kismaayo. Dilka ayaa dhacay xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo, waxayna Jubbaland sheegtay inuu dilkaas geystay nin ku hubaysan qori AK47 ah, kaas oo baxsaday. Laamaha amniga Jubbaland ayaa sheegay in howlgallo ay ka sameeyeen Kismaayo ku qabteen dad lagu tuhmayo dilka Shigshigow. Shigshigow ayaa ahaa ganacsade caan ka ah Jubbooyinka oo muddo dheer ka shaqeynayay shirkadda Amal. Magaalada Kismaayo waxaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay dilalka qorsheysan ee loo geysto ganacsatada Jubbaland. Bishii September ee sanadkan waxaa qarax ismiidaamin ah oo gudaha Kismaayo ka dhacay lagu dilay Shaafi Raabi Kaahin oo ahaa ganacsade weyn, sidoo kale ahaa guddoomiyihii rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland. Bishii October ee sanadkii hore waxaa Kismaayo lagu dilay Xaaji Siciid Ciise Cabdi (Siciid Addoon) oo ahaa ganacsade caan ah oo saameyn ku leh Jubbalanad. Dilalkaas ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadooda, sidoo kale Jubbaland ilaa hadda maxkamad ma keenin cid lagu eedeeyay. PUNTLAND POST The post Dilalka qorsheysan ee ganacsatada oo ku soo badanaya Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Unknown gunmen killed a local businessman in the southern port city of Kismayo on Monday noon, police and witnesses said. An assailant armed with an AK-47 rifle assault has shot dead Abdullahi Abdisalam Ahmed who managed Amal bank’s office in the city as he was heading to a mosque. Police sealed off the crime scene but no arrest was made as of now. The city has seen a series of killings, some targeted the business community, and elders since Ahmed Madobe captured the town from Al-Shabaab in 2012 with Kenyan support. View the full article
-
Qofku rag iyo haween ba in uu damac siyaasadeed yeesho waa wax wanaagsan, waana qariisad rabbaani ah oo dadka qaarkood ku abuuran. Sida ay u kala hanweyn yihiin ayay ugu kala duwan yihiin heerka uu doonayo in uu siyaasadda ka gaadho, ha ku guulaysto ama ha ku hungoobe nin baa ku hamiyaya in uu madaxweyne noqdo mid kale ayaa isagu u xusul duuban in uu noqdo wasiir ama mansab u dhigma. Ragga damacu shidayo ee meeli u caddahay inta badan way ka fikrado iyo aragti duwan yihiin dadka caadiga ah ee ku qanacsan nolosha caadiga ah; waxa kale oo ay leeyihiin dabeecado lagu garan karo sida firfircooni dheeraad ah, ismuujin iyo in uu hibooyinkiisa soo bandhigo sida kartidiisa, intelligence-giisa, akhlaaq wanaag run iyo is yeel yeel mid ay ka tahay ba si uu u soo jiito dareenka bulshada ama loo arko in uu yahay qof masuul ah oo xil weyn qaadi kara ama la dooran karo. Haddii ay waxbarashadiisu ka hoosayso heerkii loo baahna wuxuu ku dedaala in uu kor u soo qaado ilaa heer la aqbali karo, xataa haddii ay da’diisu weyn tahay kama xishoodo in uu noqdo arday si uu yoolkiisa u gaadho. Wakhtigiisa inta badan wuxuu isku mashquuliya arrimaha siyaasadda, wuxuu jecel yahay in uu ku daydo hoggaamiyeyaal hore iyo kuwo hadda jooga oo uu siyaasadahooda ama aragtiyahooda la dhacsan yahay. Shuruudaha aynu soo sheegnay ee kor ku xusan waxa ka muhiimsan siyaasigu in uu fahmi karo, saadaalin karo, xisaabin karo wakhtiga ku haboon ee shaacinta damaciisa, si kale haddii aan u dhigno waa in uu leeyahay garasho iyo garaad wacan oo uu isku garab dhigi karo fursadaha uu haysto iyo caqabadaha ka horiman kara si uu ugu go’aan qaato in uu ku dhiirado in uu galo tartan adag ama uu dib uga joogsado iskuna diyaariyo tartamada dambe iyo wakhti kale; hase yeeshee siyaasiyiinta qaarkood waxay ka degdegaan xilliga oo iyaga oo aan ka fiirsan ama aan si fiican u darsin gedgeddoonka waayaha siyaasadda iyo xaaladaha dhabta ah ee jira isku soo tuura miidaanka ciyaarta oo aanay meeli uga bannaanayn. Khaladaadkan oo kale waxa sameeya ragga aan hore u soo jabin oo siyaasadda ku cusub ama aan lahayn khibrad iyo waayo-aragnimo ku filan. Sidaa daraadeed guuldarro aan lagu talo gelin waxay ku keentaa niyad jab iyo in uu ka siibto sallaanka ama gebi ahaanba ka baxo saaxadda siyaasadda oo haddii uu u samri lahaa mustaqbalka heli kari lahaa fursado fiican oo uu ugu cararo mansabkii uu ku tamaayay, waliba waxa laga yaaba in dadweynuhu iska illaawo ama ka saamaxo khaladaad hore oo aad ummadda ka gashay. Si kastaba ha ahaatee culimada cilmiga siyaasaddu (Political Science) waxay ardaydooda kula sii dardaarman samirku in uu yahay siyaasadda rukun u muhiim ah, sardhiga iyo fudaydkuna ka reebban yahay. Qalinka Cabdiraxmaan Cadami Abdirahmanadami33@gmail.com Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada Somaliland ayaa goordhoweyd xabsiga u taxaabay Fanaanka caanka ah ee Qamar Suugaani, xili uu maanta soo gaaray magaalada Berbera, kadib markii uu kasoo laabtay safar uu ugu maqnaa magaalada Muqdisho. Fanaanka ayey ciidamadu qabteen xili uu socdaal dhulka ah uu kusoo galay Somaliland, kaasi oo uu kaga yimid magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, sida uu sarkaal ka tirsan ciidamada u xaqiijiyey Caasimada Online. Qamar ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho oo bandhigyo dhowr ah ku qabtay, isagoona uga soo gudbay dhanka Puntland, si uu dhulka ugu sii gudbo caasimada Somaliland ee Hargeysa. Safarka Qamar ee dhinac dhulka uu uga yimid Garoowe ayaa lagu sheegay inuu ka lahaa ‘xeelad bad-baado’, taasi oo uga baaqsanayay xabsiga maanta loo taxaabay. Somaliland ayaa inta badan xabsiga u taxaabta shaqsiyaadka caanka ah ee u safra Muqdisho, isla markaana dib ugu soo laabta Hargeysa, iyada oo badanaa ciidamada madaarka Hargeysa ay xabsiga dhigaan shaqsiyaadkaasi, taasi oo uu ka gows adeygayey Qamar. Si-kastaba, majiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka Somaliland oo ku aadan xariga fanaankan iyo sababta ka dambeysa xarigiisa, inkasta oo lala xiriirinayo safarikiisa Muqdisho. The post DEG DEG: Somaliland oo xirtay Qamar Suugaani, kadib xeelad bad-baado oo uu sameeyay first appeared on Caasimada Online.
-
Khartoum (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa lagu sheegay inay Sudan u direyso qamadi qiimahiisa lagu sheegay shan milyan oo dollar. Dowladda Sudan ayaa isku diyaarineysa iney dib usoo celiso xiriirkii diblomaasi ee kala dhaxeeyay xukuumadda Israel, waxeyna ka mid noqotay tiro waddamo ah oo ka tirsan ururka Jaamacadda Carabta oo aqbalay xiriirka Yahuudda. Wafdi ka socda labada waddan ayaa kulmi doona dhawaa,n sida war qoraal ah lagu shaaciyay todobaadkii lasoo dhaafay, waxeyna arintaan kusoo aadeysaa xilli Sudan ay wajaheyso cunno yari baahsan. Warka qoraalka ah ee kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu waxaa lagu sheegay inay xukuumaddiisa ka qeyb qaadaneyso isbadalka cusub ee Sudan. Dowladda Sudan waxey aqbashay xiriir ay la sameyso Israel iyadoo ku badalaneysa in laga saaro liiska wadamada argagixisada maalgaliya oo ay Mareykanka horay ugu dareen. Donald Trump ayaana sidii uu ballan qaaday ka saaraya, sidoo kalana lacago ugu deeqaya dowladda Suudaan oo ka hoos baxday xukunkii militariga oo uu hogaaminayay Cumar Xasan Al-Bashiir. The post Israel oo haddiyad yaab leh Sudan ugu beddeshay xiriirka ay la yeelatay first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen daacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-habeen-26102020-OK-1.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa maanta ugu anbabaxay safar wadanka Itoobiya, waxaana ka soo baxayo warar kala duwan oo ku aadan safarkiisa Addis Ababa. Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in safarkiisa uu ku wajahan yahay sida la sheegay xiriirka ganacsi ee dalka Itoobiya uu la leeyahay Puntland iyo sidii loo hormarin lahaa ganacsiga labada dhic ay is dhaafsadaan. Dowladda Ethiopia iyo maamul goboleedka Puntland, waxa ka dhexeeya xiriir ganacsi oo u badan wax soo-saarka gudaha, kaas oo isaga gudba xuduudka labada dhinac ee gobolka Mudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
KISMAYO (HOL) - The head of a money transfer company in Kismayo was Monday evening gunned down under unclear circumstances. Source: Hiiraan Online
-
Weerar galabta dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta ku-meel gaadhka ah ee Jubaland ayaa lagu dilay maamulihii xarunta shirkadda Amal ee Kismaayo Cabdullaahi Cabdisalaan Shigshigow. Weerarka lagu dilay Cabdullaahi ayaa waxaa fuliyey rag ku hubeysnaa bastoolado, wuxuuna ka dhacay xaafadda Calanley, gaar ahaa inta u dhaxeysa shirkadda Amal iyo Masaajid uu kasoo baxay maamulaha, sida ay sheegeen goobjoogeyaal. Ragga dilka gaystay ayaa la sheegay inay ku baxsadeen gaadhi nooca raaxada ah oo ay wateen. Ma cadda sababta loo dilay Cabdullaahi Shigshigow, mana jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan. Hase yeeshee xog aan helnay ayaa sheegeysa inuu waday mashruuc ay Amal maal-gelineyso oo goobo ganacsi lagaga hir-gelinayo Warshaddii hore ee Galleyda ee Kismaayo. Ciidamo ka tirsan booliska Magaalada Kismaayo ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgal aan wax natiijo ah kasoo bixin oo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilkaas. Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Muran xoog leh ayaa ka taagan habka beelaha loogu qeybiyey Kuraasta Guddiga Doorashooyinka Heer Qaran qeybta kusoo aaday maamul goboleedka Jubbaland. Wadar ahaan, maamulka Jubbaland waxaa kusoo aaday afar kursi, oo laba kursi oo ka mid ah ay yihiin Guddiga Doorashooyinka Heer Federal, halka labada kursi ee kale ay yihiin Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Qaranka. HADDABA HABKEE LOO QEYBIYEY KURAASTAAN? Labada kursi ee Guddiga Doorashooyinka heer federal ee maamul goboleedka Jubbaland ayaa waxaa la siiyey beesha Ogaadeen oo hal kursi ah iyo beesha Mareexaan oo hal kursi ah, halka labada kursi ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka la siiyey Ogaadeen hal kursi iyo Digil iyo Mirifle/Jareer. Qaar ka mid ah beelaha dega Jubbaland ayaana walaac ka muujiyeen qaabka loo qeybiyey kuraastaan afarta ah, oo aan waafaqsaneyn hannaanka 4.5. Beelaha Gaaljecel, Carwomale iyo Shiikhaal, oo ka wada tirsan beesha Mogadishu Clan, ayaa ku dhaliilay maamulka sarre ee Jubbaland habka aan caddaaladda aheyn ee ay beelaha ugu qeybiyeen kuraastaan. Sidoo kale, waxay seddaxdaan Beelood ku eedeeyeen maamulka Jubbaland inay si cad isaga indha-tireen qoondadii haweenku ku lahaayeen kuraastaan maadaama afarta kursi rag lagu soo qoray. Seddaxda beel ee aan magacooda kor kusoo xusnay ayaa ka cawday sida looga qadiyey kuraastaan, oo ay xaq u lahaayeen inay qoondadooda ka helaan, sidoo kalena Ururrada Haweenku waxay ka cabanayaan in qoondadii Haweenka uusan meel saarin maamulka Madaxweyne Axmed Maxamed Islam. The post Dood ka taagan habka uu Axmed Madoobe u qeybiyey xubnaha guddiyada doorashada heer federal first appeared on Caasimada Online.
