Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararka ka imaanaya degmada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa sheegaya in saaka halkaas ay ka aloosantahay xiisad colaadeed oo u dhexaysa Somaliland iyo dadka Degaanka. Gudaha magaalada Laascaanood ayaa tan iyo xalay laga maqlay Rasaas goos-goos ah, waxaana xaafadaha qaarkood lagu arkayay dabley hubaysan oo hab qabiil u abaabulan, sida ay sheegeen goob-joogayaal ku sugan Laascaanood. Isniintii shalay, dabley hubaysan ayaa xabsiga Laascaanood kala baxay dad loo soo qabtay dilal ka dhacay Gobolka, kuwaas oo u xirnaa Booliiska Somaliland. Sidoo kale, Somaliland aya xalay Xabsiga dhigtay Sarkaal ka tirsan Ciidamada oo ka soo jeeda Gobolka Sool, kaas oo aan weli la sheegin sababta loo xiray iyo danbiga loo haysto midna. Gobolka Sool, waxa sannadihii u dambeeyay ka dhacay dagaal beeleedyo hubaysan oo dhexmaray Bulshada Degaanka, kuwaas oo dad badani ku dhinteen, islamarkaana barakac iyo burbur keenay. Dhinaca kale, waxa Degaanka ka dhacay dagaallo u dhexeeya Puntland iyo Somaliland oo mudda dheer ku muransan Gobolka Sool, waxaana Gobolka loo aqoonsaday mid ay ku muransan yihiin labada maamul. PUNTLAND POST The post Xiisad Colaadeed oo ka aloosan Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  2. Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda federaalka ah ah Soomaaliya ayaa fasaxady muddo laba maalmood ah shaqaalaha dowladda. Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay sabaha fasaxa shaqaalaha dowladda xuska dhalshada Nebigeena Muxamed NNKH. Halkan hoose ka aqriso:- View the full article
  3. Munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyadda Galmudug ayaa lagu dhaariyay guddoomiyayaasha maxkamadaha mobalada & ku xigeennada Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug oo dhawaan uu magacaabbay Madaxweynaha Galmudug. Xeer-ilaaliyaha Guud, iyo Hanti-dhowrka Guud ee Galmudug, xubno katirsan labadda gole ee dowladda iyo dhammaan howl-wadeennada caddaaladda. Madaxweynaha maamulka galmudug axmed cabdi kaariye (Qoor Qoor) ayaa ugu baaqay hay’adaha garsoorka maamulka in ay kashaqeeyaan cadaalad ay helaan shacabka reer Galmudug isaga oo boggaadiyey xubnaha cusub ee hay’adda garsoorka, Waxaana sidoo kale uu faray in ay xilkooda u gutaan si daacad ah oo ay ku jirto danta dalka iyo dadka, ayna ka hormariyaan danta guud middooda khaaska ah. Madaxweynaha ayaa sidoo kale amray dhamaan laamaha amniga iyo hay’adaha dowliga ah in ay si dhaw ula shaqeeyaan garsoorka, isagoo qiray in aysan jirin cid sharciga ka sareysa , sharciga hortiisana loo wada siman yahay View the full article
  4. Sawir hore: Xuska Mowliidka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay in ay fasax hal maalin ah siiyay dhammaan Shaqaalaha kala duwan ee hay’adaha dowladda. Qoraal ka soo baxay xafiiska Agaasimaha Guud ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa lagu shaaciyay in dhammaan Shaqaalaha kala duwan ee Dowladda Soomaaliya ay fasax yihiin maalinta Khamiista ah ee ku beegan 29-ka bishan October 2020. Khamiista ayaa sidoo kale ku beegan 12-ka bisha Mowliid ee Taariikhda Islaamka, taas oo sannad kasta la xuso Dhalashada Nebi Muxamed, waxana Qoraalka Wasaaradda lagu sheegay in Shaqaalaha loo fasaxay, si loo muujiyo Qiimaha iyo Qaddarinta ay maalintaasi u leedahay. Sidoo kale, Wasaaraddu waxay dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta kale ugu hambalyeysay Xuska Dhalashada Nebi Muxamed, inkastoo ay jiraan Muslimiinta qaar aan xusin maalintaas. PUNTLAND POST The post Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya oo la fasaxay si loo muujiyo Xuska Mowliidka Nebiga appeared first on Puntland Post.
  5. Ajandaha Kal-fadhiga 47-aad ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo ka kooban 15 Qodob ayaa saaka oo Talaado ah si rasmiya loo shaaciyay. Sagaalka Qodob ee ugu muhiimsan Ajandaha, waxa kamid ah; ka doodista Heshiis kasta oo Xukuumadda Puntland la gashay Dowlad ama Shirkad gaar loo leeyahay, Arrimaha Dhaqaalaha iyo Sicir-bararka, La-xisaabtanka Xukuumadda, Xaalufinta Degaanka iyo Jariifka, dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah, Xaaladda Gobollada SSC, Doorashada Xubnaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya, Hehiiska DP World ee Dekedda Boosaaso iyo Ansixinta Miisaaniyadda 2021-ka. Hoos ka akhriso Ajandaha oo dhan PUNTLAND POST The post Ajandaha Kal-fadhiga 47-aad ee Baarlamanka Puntland oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
  6. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo laga dareemayo soo dhoweyntiisa. Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in saacadaha soo socda uu Sheekh Shariif tegi doono gudaha magaaladaasi oo ay ka socoto qaban qaabada doorashada HirShablle. Sidoo kale ilo wareedyo muhiim ah ayaa inoo sheegay inuu madaxweynihii hore ee Soomaaliya ka qeyb-geli doono dhismaha dowlad goboleedka HirShabelle, gaar ahaan arrimaha soo xulista baarlamaanka labaad ee maamulkaas oo dood xoogan ay ka taagan tahay. Shariif ayaa sidoo kale kulamo kala duwan la qaadan doono madaxda HirShabelle ee ku sugan Jowhar iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. HirShabelle oo muddo fog wajaheysay dhibaatooyin adag ayaa hadda ku jirta marxalad kala guur ah, iyada oo lagu muransan yahay qabsoomida doorashooyinka maamulkaasi. Si kastaba, safarka Sheekh Shariif ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii u dambeeyey uu ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimad Kenya oo uu ka waday kulamo siyaasadeed. The post Sheekh Shariif oo ku wajahan magaalada Jowhar + ujeedka first appeared on Caasimada Online.
  7. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan. R’iisul Wasaare Rooble iyo Danjire James Swan waxa ay ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka, Nabadgalyada iyo Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka ee ku aaddan arrimaha horumarinta dalka. Danjire James Swan ayaa sheegay inay Qaramada Midoobay taageeri doonto geedi socodka doorashada Soomaaliya, si ay Soomaaliya ugu caawiyaan inay ka dhacdo doorasho xasiloon oo hufan. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  8. Waxa jeelka magaalada Laascaanood laga baxay saddex maxbuus oo hore dilal geystay. Maxaabiista lala baxay oo ahaa rag boolis ah ayaa laba cisho ka hor laba nin dilay. Dilka loo haysto nimankan ayaa yimi mar ay eryanayeen rag magaalada khamri soo gelinayay sida ay ii sheegeen maamulka gobolku, halkaas oo ay ku dhinteen laba ka mid ah raggii khamriga wadey. Rag hubaysan oo ciidanka Somaliland ka tirsan balse ay isku hayb yihiin nimanka xidhnaa ayaa maanta saldhiga kala baxay. Taliyihii ciidanka saldhiga haystay ayaa isna galabta la xidhay iyadoo lagu eedaynayo inuu qayb ka ahaa qorshaha saldhigaga lagagala baxay askartii maxaabiista ahayd. Ciidanka la baxay maxaabiista ayaa qorshohooda la sheegayaa inuu yahay in ay gacanta ka geliyaan nimankan beelihii ay kasoo jeedeen nimankii ay dileen si aan colaadi dhexdooda uga bilaabmin. Xigasho Weriye Sidiiq Burmad Source
  9. Dubai's flagship airline Emirates on Monday announced revised Covid-19 PCR test requirements for passengers travelling to or transiting through the emirate. Source: Hiiraan Online
  10. (SLT-Muqdisho)-Qaar ka mid ah waddamada Caalamka waxaa ka socda banaanbaxyo waa weyn oo lagaga soo horjeedo hadalkii Madaxweynaha dalka Faransiiska, kaas oo ahaa inay xorriyad tahay in qof kasta wuxuu doono ku hadlo ama qoro, islamarkaana la sii wadi doono sawirada laga matalayo Nebi Muxumad NNKH. Wadamo badan oo Muslimiin ah ayaa joojiyay iibsiga waxyaabaha looga keeno dalka Faransiiska, halka qaar ka mid ah madaxda Caalamka ee Muslimiinta ay canbaareeyeen hadalka Madaxweynaha Faransiiska, iyagoona ka digay dhibaato ka dhalan karta waxyaabaha ka socdo Faransiiska. Soomaaliya wali kama hadlin arintaan dunida Muslimka gil-gishay waxayna Soomaaliya kamid noqoneysaa wadamo badan oo muslmiin ah oo aan arintaan ka hadlin. Sheekh Cabduqaadir Sheekh Maxamed Soomoow, oo ka tirsan culimada Soomaaliya ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in ay jarto xidhiidhka ka dhaxeeya Faransiiska. “Waxaan ugu baaqayaa madaxda dalka in ay qaataan go’aan xidhiidhka loogu jarayo Faransiiska maadaama uu ku gafay madaxweynaha wadankaas Nabigeenna Muxumad ee qiimaha badan,” ayuu yidhi Sheekh Cabduqaadir Soomoow oo ka tirsan culimada Soomaaliya. Lama oga go’aanka ay dowladda Soomaaliya ka qaadan doonto dowladda Faransiiska oo Madaxweynaha wadankaas oo ku gafay suubanaheena Muxumada NNKH. Source
  11. Security sector reform and economic recovery are key priorities for a post-COVID-19 Somalia, according to the latest World Bank economic analysis. Source: Hiiraan Online
  12. (SLT-Ankara)-Iyadoo uu sii xumaanayo xidhiidhka Dowladdaha Turkiga iyo Faransiiska ayuu madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan waxaa uu dadkiisa ku booriyay in ayna iibsan baddeecadaha lagu sameeyo dalka Faransiiska. Farriin teleefishinka uu u mariyay shacabkiisa ayuu ku sheegay madaxweyne Erdogan dadkiisa in ayna iibsan Alaabaha lagu sameeyo dalka Faransiiska, isaga oo dhinaca kalana dunida muslimka ugu baaqay in ay difaacaan dadka musliimta ah haddii ay dowladda Faransiisku isku deydo dacdiyo ka dhan ah dadkaas Dowladda Turkiga ayaa si cadho leh uga jawaabtay hadalka kasoo baxay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ee ku aadan difaacidda fikradaha cilmaaniga. Wuxuu hadalka Erdogan imaanayaa kaddib markii dhawaan la dilay macalin Faransiiska u dhashay oo ardeydiisa tusay sawir gacmeed laga sameeyay Nebi Maxamed NNKH, madaxweyne Macron wuxuu horraantii toddobaaadkan sheegay in ‘ Faransiiska aanu is dhiibi doonin” Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa dhowr habeen ka hor xaafada Iskuul Buluusiya ee degmada Xamar Jajab ka qabtay afar nin oo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in xubnahaan laga qabtay guri ay daganaayeen oo loogu galay saqdii dhexe ee 22-kii bishaan. Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in Xaafad isku raran ah oo u dhow Iskuul Buluusiya, sidoo kalane u dhow Xarunta Xalane laga qabtay raggan. Xog ana helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in guriga raggan la weeraray kadib markii la helay xog sirdoon oo sheegeysa in shaki badan laga qaaday ragga. Waxaa hadda socda baaritaan lagu hayo raggan. Ciidamo isugu jira Boolis iyo Milateri ayaa sidoo kale 25-kii bishan baritaano xoog leh ka sameeyay xaafadii laga qabtay ragaan iyadoo damiin laga qorayay guri kasta. Baaritaanka lama sheegin wax dad ah oo lagu soo qabtay hase-yeeshee waxaa xaafad kasta la weydiinayay qof damiin ka ah oo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Wali ma jirto wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha amaanka Soomaaliya oo arintaan ku saabsan. The post Xog: Xubno iyo saraakiil Shabaab ah oo laga qabtay xaafadda ku dhow Xalane first appeared on Caasimada Online.
  14. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, ayaa ka qeybgalay musaanabad lagu dhaarinayey Guddoonka Maxkamadaha iyo Xeer ilaalinta Galmudug. Munaasabaddan oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyadda Galmudug ayaa lagu dhaariyay Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Gobalada iyo kuxigeennada Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug oo dhawaan uu magacaabbay Madaxweyne Qoor Qoor. Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay, Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka iyo Gudoomiyaha Maxakamadda Sare, Xeer-ilaaliyaha Guud, Hanti-dhowrka Galmudug, xubno katirsan labadda Gole ee Maamulka iyo dhammaan howl-wadeennada caddaaladda. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug Garyaqaan, Cabdullaahi Maxamuud Gacal, oo dhaariyay xubnaha cusub ee guddoonka maxkamadaha iyo xeer ilaalinta ayaa kula dardaarmay in ay si daacad ah ugu adeegaan bulshadda. Madaxweyne Qoor Qoor, ayaa isna bogaadiyay xubnaha cusub ee garsoorka, Isagoona faray in ay xilkooda u gutaan si daacad ah oo ay ku jirto danta dalka iyo dadka, ayna ka hormariyaan danta guud middooda gaarka ah. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaasha Maxkamadaha Gobolada Maamulka Galmudug oo la dhaariyay appeared first on Puntland Post.
  15. On a crisp Saturday morning in late October, Minnesota U.S. Rep. Ilhan Omar arrived at Powderhorn Park, Starbucks in hand, to rev up a crowd of supporters for the final stretch of the campaign. Source: Hiiraan Online
  16. The gloves have come off again between the presidents of Turkey and France. Turkish President Recep Tayyip Erdogan has called on Turks to boycott French products amid an escalating dispute.... Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah wadamada Caalamka waxaa ka socda banaanbaxyo waa weyn oo looga soo horjeedo hadalkii Madaxweynaha dalka Faransiiska, kaas oo ahaa in ay xorriyad tahay in qof kasta wuxuu raba ku hadlo ama qoro, islamarkaana la sii wadi doono sawirada laga matalayo Nebi Muxumad NNKH. Wadamo badan oo Muslimiin ah ayaa joojiyay iibsiga waxyaabaha looga keeno dalka Faransiiska, halka qaar ka mid ah madaxda Caalamka ee Muslimiinta ay canbaareeyeen hadalka Madaxweynaha Faransiiska, iyagoona ka digay dhibaato ka dhalan karta waxyaabaha ka socdo Faransiiska. Wali dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin arintaan dunida Muslimka Gil-gishay waxayna Soomaaliya kamid noqoneysaa wadamo badan oo muslmiin ah oo aan arintaan ka hadlin. Sheekh Cabduqaadir Sheekh Maxamed Soomoow, oo ka tirsan culimada Soomaaliyeed ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in ay jarto xiriirka kala dhaxeeyo Faransiiska. “Waxaan ugu baaqayaa madaxda dalka in ay qaataan go’aan xiriirka loogu jaraayo Faransiiska maadaama uu u gafay madaxweynaha wadankaas Nabigeenna Muxumad ee qiimaha badan,” ayuu yiri Sheekh Cabduqaadir Soomoow oo ka tirsan culimada Soomaaliyeed. Lama oga go’aanka ay dowladda Soomaaliya ka qaadan doonto dowladda Faransiiska oo Madaxweynaha wadankaas oo u gafay suubanaheena Muxumada NNKH. Dowladda Soomaaliya ayaa bilo ka hor dowladda Faransiiska kaga tacsiyeeysay askar uga geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Mali, waxaana arrintaas oo aad uga falceliyay shacabka Soomaaliyeed iyadoona wali ka aamusan arintaan oo dunida aad looga hadal haayo. The post Dowladda Soomaaliya oo laga dalbaday in ay xiriirka u jarto dalka Faransiiska first appeared on Caasimada Online.
  18. Qoraal kasoo baxay xafiiska raysal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa lagu sheegay inay Sudan u direyso qamadi qiimahiisa lagu sheegay shan milyan oo dollar. Dowladda Sudan ayaa isku diyaarineysa iney dib usoo celiso xidhiidhkii diblomaasi ee kala dhaxeeyay xukuumadda Israa’iil, waxeyna ka mid noqotay tiro waddamo ah oo ka tirsan ururka Jaamacadda Carabta oo aqbalay xidhiidhka Yahuudda. Wafti ka socda labada waddan ayaa kulmi doona dhawaa,n sida war qoraal ah lagu shaaciyay toddobaadkii lasoo dhaafay, waxeyna arintaan kusoo aadeysaa xilli Sudan ay wajaheyso cunno yari baahsan. Warka qoraalka ah ee kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu waxaa lagu sheegay inay xukuumaddiisa ka qeyb qaadaneyso isbadalka cusub ee Sudan. Dowladda Sudan waxey aqbashay xidhiidh ay la sameyso Israa’iil iyadoo ku badalaneysa in laga saaro liiska wadamada argagixisada maalgaliya oo ay Mareykanka horay ugu dareen. Donald Trump ayaana sidii uu ballan qaaday ka saaraya, sidoo kalana lacago ugu deeqaya dowladda Suudaan oo ka hoos baxday xukunkii millatariga oo uu hogaaminayay Cumar Xasan Al-Bashiir Source
  19. (CNN)Calls are growing in parts of the Muslim world to boycott French goods in protest after President Emmanuel Macron publicly defended cartoons of the Prophet Mohammed, which are considered blasphemous in Islam. Source: Hiiraan Online
  20. No other Supreme Court justice has been confirmed on a recorded vote with no support from the minority party in at least 150 years, according to information provided by the Senate Historical Office. Source: Hiiraan Online
  21. Using intimidation and violence, Somalia-based Islamist militant group al-Shabab raises as much revenue as the country's authorities, a report says. Source: Hiiraan Online
  22. (ERGO) – Authorities in the Somali state of Puntland say they have seized 324 trafficked children since the start of the year in various towns and cities. Source: Hiiraan Online
  23. Board meeting also addressed mental health services and use of ‘dynamic entries’ Source: Hiiraan Online
  24. Ankara (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan maamulka gobalka Banaadir ayaa Caasimada Online u sheegay in Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish uu arrimo caafimaad u joogo dalka Turkiga. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in guddoomiye Cumar Filish uu ku soo kacay xanuun la sheegay in uu ka dhashay dhaawac hadda ka hor ka soo gaaray madaxa gaar ahaan meel u dhaw Isha. “Xanuun weyn ma ahan waa dhaawac mararka qaar ku soo kaco oo isha agteeda ah waana firir aan la bixin kirin, haddana waa caadi xaaladdiisa waxaan dhihi karnaa waxa uu u baxay hubin caafimaad oo kaliya,” ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha xafiiska guddoomiyaha gobalka Banaadir sidoo kalane aad ugu dhow guddoomiyaha. Dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay Guddoomiye Cumar Filish ayaa ku maqnaa dalka Turkiga waxaana la sheegayaa in uusan ilaa hadda imaanin. Cumar filisha ayaa ka maqnaa shirar iyo munaasabado ka dhacay Muqdisho maalmihii tegay. Caasimada Online ayaa sidoo kale dhowr maalmood ka hor werisay inuu arrimo caafimaad dalka Turkiga u joogo wasiirkii hore ee waxbarshada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre. The post Xog: Cumar Filish oo xaalad caafimaad u jooga Turkey first appeared on Caasimada Online.
  25. Faransiiska oo ka naxay talaabo ay ku dhaqaaqeen dalalka Islaamka qaarkood+Sawirro Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ugu baaqay shacabka Turkiga ugu baaqay inay qaadacaan badeecadaha Faransiiska xilli ay sare u kaceyso xiisadda ka dhalatay mowfiqka Faransiiska ee ku aadan islaamka. Khudbad uu teleefishinka ka jeediyay, Erdogan wuxuu ugu baaqay hogaamiyeyaasha caalamka inay difaacaan muslimiinta waa haddii ‘Farasniiska ay ka dhacaan tacaddiyo ka dhan ah islaamka’ Erdogan wuxuu si caro leh u dhaleeceeyay hadalka kasoo baxay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ee ku aadan difaacidda fikradaha cilmaaniga. Sidoo kale, Qaar ka mid ah goobaha laga dukaameysto ee dalalka Urdun, Qatar iyo Kuwait ayaa ilaa Axaddii laga saaray alaabada laga soo saaro Faransiiska. Tusaale ahaan timaha macmalka ee lagu sameeyo Faransiiska iyo waxyaabaha la isku qurxiyo. Dalka Kuwait, ururka ganacsiga ee alaabta tafaariiqda ayaa amar ku bixiyay in la qaadaco badeecadaha Faransiiska. Dowladda Faransiiska ayaa dalalka Bariga dhexe ugu baaqday inay ka hortagaan dukaamadda iyo ganacsiyada qaadacay alaabaha dalkaas, kadib markii uu Madaxweyne Emmanuel Macron difaacay in la baahiyo sawir lagu tilmaamay Nebi Maxamed NNKH. Faransiiska ayaa sheegay in baaqyada lagu qaadacayo alaabta Faransiiska lagu saleeyay go’aanno runta ka fog, oo ay dabada ka riixayaan dad xagjir ah oo kooban. Fal celintan ayaa waxay salka ku haysaa hadalo uu bixiyay Mr Macron ka dib dilkii loo geystay macalin Faransiis ah oo sawir gacmeedyo uu muujiyay Nebi Muxamed NNKH, tusay ardaydii fasalka ku jirtay. Madaxweynaha ayaa sheegay in macallinka, oo lagu magacaabo Samuel Paty, “loo dilay sababta oo ah Islaamiyiintu waxay rabaan mustaqbalkeenna”, laakiin Faransiisku “kama quusan doono sawir gacmeedyada”. Sawiradda Nabi Muxamed NNKH waxay muslimiinta u horseedi kartaa ciqaab culus sababtoo Islaamka wuxuu si cad u mamnuucayaa sawirrada Nabi Muxammad iyo Allaah SW. A Qaran News