Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Subax-28102020.mp3 View the full article
  2. (SLT-Sanca)-Maamulka Xuutiyiinta ee ka dhisan magaalada Sanca dalka Yemen ayaa xaqiijiyay in toogasho lagu diley wasiirkii u qaabilsanaa maamulkaas arrimaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Hassan Zaid. Hassan ayaa la sheegay in uu u dhintay dhaawacyo ka soo gaadhay rasaas ay dabley hubeysan ay ku fureen xilli uu ku sii jeeday xafiiskiisa. Weerarkan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacantay gabadh uu dhalay wasiirka la diley oo gaadhi uu saarnaa kaxeyneysay. Wasaarada u qaabilsan arrimaha gudaha Maamulka Xuutiyiinta ayaa ku eedeeyay dilka loo geystey siyaaasigan ka tirsanaa xisbiga Al-Haq inay ka dambeeysay boqortooyada sacudi carabiya. “Dilka Wasiir Hassan Zaid waa fal dambiyeed oo qeyb ka ah qorshayaal lagu ugaadhsanayo dadka muhiimka ah.”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Maamulka Xuutiyiinta. Dalka Yemen ayaa waxaa ka dhacayay dagaalo sokeeye tan iyo sannadkii 2014kii xilligaas oo Xuutiyiintu ay qabsadeen magaalada Sanca. Source
  3. (SLT-Washington)-Garsoore heer Federaal ah ayaa diiday dedaal ay Waaxda Cadaallada ee Maraykanka ku doonaysay inay Madaxweyne Donald Trump kaga difaacdo kiis ay gudbisay haweeney ku eedaysay inuu kufsaday. E Jean Carroll oo maqaallo u qorta wargeys ayaa ku eedaysay Trump inuu ku fara-xumeeyay Tukaan ku yaalla Manhattan sannadihii sagaashameeyadii. Waxa ay dacwadeeda ku sheegtay in Madaxweynaha uu sumcad dil ku sameeyay markii uu beeniyay sheegashadeeda isla markaana uu ku tilmaamay mid been badan. Waaxda Cadaallada ayaa doonaysay inay maxkamadda hortagto halkii looga yeedhi lahaa Trump, iyadoo soo xigatay sharci dadka u shaqeeya dowladda Federaalka ka difaacaya in lagu dacweeyo falalka la xidhiidha shaqadooda qaran. Waaxda ayaa ku dooday in Trump uu Madaxweyne ahaa marka uu beeniyay sheegashada haweeneydaas. Go’aanka Garsooraha Xaakim Lewis Kaplan oo ka tirsan maxkamadda Manhattan ayaa ku dooday in Madaxweynaha Maraykanka aanu “shaqaale” ahayn marka la raaco micnaha sharcigaas. Dadka dhaliila Trump ayaa sheegay in inta uu xukunka hayay uu farageliyay Waaxda Cadaallada, taasoo ah hay’ad ka madaxbannaan Aqalka Cad. Kiiskan kufsiga ah ayaa November 2019 dacwaddiisa loo gudbiyay maxkamad ku taal New York, waxaana xilligaas Trump ku metalay qareenkiisa gaarka ah Marc Kasowitz. Waaxda Cadaallada ayaa kiiska u gudbisay maxkamad heer Federaal ah, taasoo horseedaysa in Ms Carroll ay dacwadda ku oogto Qaranka Maraykanka ee aanay beegsan Trump. Khubarada ayaa sheegaya in Waaxda ay tallaabadaasi uga gol lahayd in kiiska uu halkaa ku xirmo, maadaama aan Dowladda Federaalka lagu dacweyn karin sumcad dil. Go’aanka xaakim Kaplan ayaa ka dhigan in dacwaddii hore ay sii socon karto. Madaxwweyne Trump ayaa hadda ku mashquulsan ololaha doorashada dhacaysa horraanta November ee uu kula loolamayo Joe Biden. Falcelinta E Jean Carroll Ms Carroll ayaa sheegtay inay ku faraxday go’aanka maxkamadda. “Markii uu Donald Trump igu tilmaamay qof been badan oo aanu weligii la kulmin, uma hadleyn Maraykanka. Waan ku faraxsanahay in Xaakim Kaplan uu garawsaday xaqiiqdaas,” ayay tidhi. Qareenkeeda ayaa sheegay in hadda ay kiiska ka sii wadi doonaan maxkamadda heer Federaal. Maxay E Jean Carroll ku haysataa Trump? Waxa ay sheegtay in Trump ay ku kulmeen tukaanka Bergdorf Goodman ee badhtamaha Manhattan dabayaaqadii 1995 ama horraantii 1996, xilli ay halkaa ka wada dukaamaysanayeen. Trump ayay sheegtay inuu ka codsaday inay talo ka siiso dharka khafiifka ah ee ay haweenku xidhaan oo uu u iibin rabay haweeney kale, isla markaana uu si kaftan ah uga codsaday inay isku eegto dharka. Waxa ay intaa raacisay in markii ay gashay qolka dharka la isaga bedalo uu Trump xoog ugu soo galay, isla markaana si oggolaansho la’aan ah u fara-xumeeyay. Ms Carroll ayaa ku dooday inay iska fujisay kadib rafasho badan. Trump iyo Ms Carroll ayaa da’ 50-aad ahaa xilligaasi, waxaana uu qabay Marla Maples. Madaxweynaha ayaa dhowr jeer fagaarayaal ka beeniyay sheegashada haweeneydaas, waxaana mar uu yidhi “nooceyga ma aha.” Source
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Warbixin cusub oo dhawaan la daabacay ayaa qireysa in dagaalyahanada Al-Shabaab ay dakhliga ugu badan ka helaan shacabka iyo mas’uuliyiinta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Machadka Daraasaadka Amniga ee Hiraal ee fadhiggiisu yahay Muqdisho, oo warbixintan soo saaray, ayaa sheegay in dagaalyahanada xiriirka la leh Al-Qaacida ay gacantooda soo gasho lacag dhan 11 milyan oo dollar bishii, waxeyna toos uga timaadaa sida la sheegay ganacsatada iyo shacabka qaarkood. Guddi ka tirsan Qaramada Midoobe ayaa warbixin ay sanadkaan soo saareen ku sheegay in Al-Shabaab ay sanadkii helaan lacag ka badan 20 milyan oo Dollar, iyadoo taas badalkeeda ay u adeegsadaan waxyeeleynta dadka. Warbixinta Machadla Hiraal ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya uu si dadban u dhiibay lacag ay qaadatay Al-Shabaab. Walow aan magaciisa lasoo gudbin, haddana wuxuu ku qasbanaaday, siduu sheegay, markii laga hor-istaagay guri uu ka dhisanaayay magaalada Muqdisho inuu lacagta bixiyo. Sarkaalka wuxuu sheegay in cadaadis badan la saaray shaqaalaha dhismaha iyo shirkadaha qalabka dhismaha keena, taasna ay ku qasabtay inuu qaato go’aan uu ku joojinaayo dhismaha guriga ama uu lacagta shubo. Isaga oo ka sheekeynaya sida ay wax u dhaceen ayuu yiri “Si kastaba ha ahaatee, waxa aannu mararka qaar la kulannaa xaalado ay qasab nagu noqoto in aan cashuur siino Al-Shabaab. Aan idinla wadaago sheeko ku saabsan lacago aan u diray Al-Shabaab iyada oo aan dhanka kalena dagaal joogto ah kula jiro. Bishii tagtay waxa aan bilaabay in aan guri dhisto. Injineerkii guriga ii dhiisayay waxa uu ii sheegay in si joogto ah loogu soo dirayay taleefanno iyo hanjabaado isdaba joog ah oo uga imaanayay Al-Shabaab taasoo lagu farayay in uu dhismaha joojiyo ama cashuurihii ku waajibay ka soo qaado hantiilaha guriga leh. Waa aan diiday in aan cashuurta bixiyo waayo wax cabsi ah kama qabin Al-Shabaab. Maalmo ka dib waxa joogsaday gebi ahaanba hawlihii dhismaha waayo waxa shaqada ka tagay injineerkii. Waxa aan u yeeray injineer kale isla markiiba, hase ahaatee injineerkii cusbaana waxa lagu bilaabay wicitaanadii iyo hanjabaadihii kii hore oo kale. Gaadiidkii usoo qaadayay agabka dhismaha guriga ayaa iyana lagu qasbay in ay joojiyaan alaabooyinkii ay ii keenayaan. Ugu dambayntii waxa qasab igu noqotay in aan ama joojiyo dhismaha ama bixiyo cashuurta Al-Shabaab. Waxa arrin aad looga xumaado ah in aan siiyay kooxda $3600 gurigaygiina sidaa iigu dhammaaday”. Ma jiraan caddeymo culus oo arrintaan laga soo bandhigay, balse waxaa muuqaneysa iney Al-Shabaab si fudud lacagaha uga helaan masuuliyiinta dowladda iyo ganacsatada. The post Sarkaal ka tirsan ciidanka DF oo xaalad ay ku qasabtay in uu Al-Shabab 'siiyo' 00 - Sidee ayey wax u dhaceen? first appeared on Caasimada Online.
  5. The Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO) has issued an alert on the fresh desert locust invasions in Somalia that pose a huge threat to food security. Source: Hiiraan Online
  6. The social media-friendly webisodes give information about the coronavirus epidemic in a way that's easy to understand but also attracts thousands of viewers. Source: Hiiraan Online
  7. German Foreign Minister Heiko Maas has presented this year's award to Ilwad Elman, a leading advocate for peace and justice in war-torn Somalia. Source: Hiiraan Online
  8. Trump oo ay caqabadkala kulmay Dacwad kufsi & Sumcad dila oo lagu soo oogay E Jean Carroll ayaa soo dhaweysay go’aanka. Garsoore heer Federaal ah ayaa diiday dedaal ay Waaxda Cadaallada ee Maraykanka ku doonaysay inay Madaxweyne Donald Trump uga difaacdo kiis ay gudbisay haweeney ku eedaysay inuu kufsaday. E Jean Carroll oo maqaallo u qorta wargeys ayaa ku eedaysay Trump inuu ku fara-xumeeyay dukaan ku yaal Manhattan sanadihii sagaashameeyadii. Waxa ay dacwadeeda ku sheegtay in Madaxweynaha uu sumcad dil ku sameeyay markii uu beeniyay sheegashadeeda isla markaana uu ku tilmaamay mid been badan. Waaxda Cadaallada ayaa doonaysay inay maxkamadda hortagto halkii looga yeeri lahaa Trump, iyadoo soo xigatay sharci dadka u shaqeeya dowladda Federaalka ka difaacaya in lagu dacweeyo falalka la xiriira shaqadooda qaran. Waaxda ayaa ku dooday in Trump uu Madaxweyne ahaa marka uu beeniyay sheegashada haweeneydaas. Go’aanka Garsooraha Xaakim Lewis Kaplan oo ka tirsan maxkamadda Manhattan ayaa ku dooday in Madaxweynaha Maraykanka uusan “shaqaale” ahayn marka la raaco micnaha sharcigaas. Dadka dhaliila Trump ayaa sheegay in inta uu xukunka hayay uu farageliyay Waaxda Cadaallada, taasoo ah hay’ad ka madaxbannaan Aqalka Cad. Kiiskan kufsiga ah ayaa November 2019 dacwaddiisa loo gudbiyay maxkamad ku taal New York, waxaana xilligaas Trump ku metalay qareenkiisa gaarka ah Marc Kasowitz. Waaxda Cadaallada ayaa kiiska u gudbisay maxkamad heer Federaal ah, taasoo horseedaysa in Ms Carroll ay dacwadda ku oogto Qaranka Maraykanka ee aanay beegsan Trump. Khubarada ayaa sheegaya in Waaxda ay tallaabadaasi uga gol lahayd in kiiska uu halkaa ku xirmo, maadaama aan Dowladda Federaalka lagu dacweyn karin sumcad dil. Go’aanka xaakim Kaplan ayaa ka dhigan in dacwaddii hore ay sii socon karto. Madaxwweyne Trump ayaa hadda ku mashquulsan ololaha doorashada dhacaysa horraanta November ee uu kula loolamayo Joe Biden. Falcelinta E Jean Carroll Ms Carroll ayaa sheegtay inay ku faraxday go’aanka maxkamadda. “Markii uu Donald Trump igu tilmaamay qof been badan oo uusan weligii la kulmin, uma uusan hadleyn Maraykanka. Waan ku faraxsanahay in Xaakim Kaplan uu garawsaday xaqiiqdaas,” ayay tiri. Qareenkeeda ayaa sheegay in hadda ay kiiska ka sii wadi doonaan maxkamadda heer Federaal. Maxay E Jean Carroll ku haysataa Trump? Waxa ay sheegtay in Trump ay ku kulmeen dukaanka Bergdorf Goodman ee bartamaha Manhattan dabayaaqadii 1995 ama horraantii 1996, xilli ay halkaa ka wada dukaamaysanayeen. Trump ayay sheegtay inuu ka codsaday inay talo ka siiso dharka khafiifka ah ee ay haweenku xirtaan oo uu u iibin rabay haweeney kale, isla markaana uu si kaftan ah uga codsaday inay isku fiiriso dharka. Waxa ay intaa raacisay in markii ay gashay qolka dharka la isaga bedalo uu Trump xoog ugu soo galay, isla markaana si oggolaansho la’aan ah u fara-xumeeyay. Ms Carroll ayaa ku dooday inay iska fujisay kadib rafasho badan. Trump iyo Ms Carroll ayaa da’ 50-aad ahaa xilligaasi, waxaana uu qabay Marla Maples. Madaxweynaha ayaa dhowr jeer fagaarayaal ka beeniyay sheegashada haweeneydaas, waxaana mar uu yiri “nooceyga ma aha.” Qaran News
  9. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka dejisay tobaneeyo kamid ah Maxaabiis Soomaali ah oo laga qabtay gudaha Sacuudiga, kuwaas oo la damacsanaa in loo soo celiyo Soomaaliya hase yeeshee waxaa dib loogu celiyay magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga. Kenya ayaa diiday in dalkeeda laga sii saaro diyaarad kale oo ka dajisa Soomaaliya, iyadoo ay lacagta biixn doonto dowladda Sacuudiga, waxeyna Boqortooyadu sheegtay in aysan diyaaradaheeda ka dagi karin Muqdisho sababo amni halka Kenyana ay sheegtay in aysan xiriir wanaagsan la laheyn Soomaaliya. Qaar kamid ah Maxaabiista Soomaalida ee ku xiran dalka Sacuudiga islamarkaana tarxiilka soo ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ay waysan yihiin Safaarad iyo dowlad arrinatan kala hadasha Sacuudiga maadaama ay muddo dheer ku jiraan xabsiyada dalka Sacuudiga. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dadkaas maanta laga dejin doono magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo laga soo saari doono diyaarad kale oo Soomaaliya laga leeyahay. Dowladda Sacuudiga ayaa markii hore dadka tarxiilka ah waxay toos uga dejin jirtay Muqdisho hase yeeshee waxaa hadda la aaminsan yahay in diidmadeeda salka ku heyso xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeyo oo aan wanaagsaneen. The post Isku tuur tuurka Sacuudiga iyo Kenya oo xaalad cakiran geliyey Soomaali badan first appeared on Caasimada Online.
  10. Balcad (Caasimada Online) – Xabsi ku yaala magaalada Balcad ee gobalka Shabeellada Dhexe ayaa tan iyo 18-kii bishii hore waxaa ku xiran 33 qof oo isugu jira dhallinyaro iyo odayaal da’ah, kuwaas oo la soo qabtay markii lix qof oo subac aqrinayay lagu dilay degaan hoos taga degmada Raage Ceelle ee gobalka Shabeellada Dhexe. Dadkaan ayaa laga soo qabtay tuulo aan aheyn tii uu dil wadareedka ka dhacay, waxaana la sheegay in ay wax ka ogaayeen dilkaas maadaama beesha wax dishay ay odayaasha qaarkood u yihiin dhaqan halka dhallinyaradana looga shakisan yahay inay dilkaasi wax ka ogaayeen. Maxamed Muxumed Xasan, oo ay qaraabo yihiin dadka xiran ayaa dalbaday in odayaasha la soo daayo ama la soo taago maxkamad maadaama ay waqti dheer xiran yihiin. “Muddo dheer ayey xiran yihiin mana jirto cid maxkamad soo taagtay, qaarkoodna waa ku xanuunsadeen xabsiga sababtoo ah waxaa ku jira dad waayeello ah oo ku sii jiri karin xabsiga,” ayuu yiri Maxamed Muxumad oo ka tirsan dadka degaanka. “Waxaan dalbanayaa in odayaasha la sii daayo islamarkaana si dhab ah loo baaro xasuuqii dhacay oo aan kawada xunahay waana dagaal beeleed 25 sano soo taagnaa balse dadka xiran waa in maxkamad la saaraa si dambi loogu heli ama loogu waayo balse in leeska heesto waa ayaan darro,” ayuu yiri Maxamed. Maamulka HirShabeelle ayaa dadkaan ka soo xiray tuulo ka tirsan degmada Cadale ee gobalka Shabeellada Dhexe, waxaana saacado lagu haayay degmada Raage Ceelle iyadoo markii dambe loo soo wareejiyay Balcad. Warar madaxa banaan ayaa sheegaya in maamulka gobalka iyo saraakiisha ciidanka ay odayaashaan ka dalbadeen in la soo cadeeyo dadkii ka dambeeyay dil wadareedkii haddii cadeen waayaanna aan la sii deen doonin. The post Xog: 40 qof oo muddo laba bil ka badan kiis qabiil ugu xiran maamulka HirShabelle first appeared on Caasimada Online.
  11. Guud-mar Tan iyo markii Donald Trump uu lawareegay talada dalka Mareykanka, waxaa isbadal laga dareemay xiriirka siyaasada arrimaha dibadda ee dalkaas gaar ahaan dunida Islamka.Isbadaladaan siyaasadeed ayaa kubilowday xanibaad xaga safarka ah oo lagu rogay muwaadiniinta 7 wadan oo Islam ah oo lagu eedeeyay inay gacansaar la leeyihiin ururo xagjir ah.Liiskan ayaa laga dheehan karay in laga reebay magacyada wadamadii muwaadiniintoodu kulug lahaayeen weeraradii kadhacay Mareykanka sida S.Arabia islamarkaan lagusoo daray kuwo aysan muwaadiniintoodu weeraro kagaysan dalkaas. Waxaa xigay kabixitaankii Mareykanka ee heshiiskii nuclearka Iran, aqoonsigii uu maamulka Trump u aqoonsaday magaalada Qudus inay tahay caasimadda Israel iyo qorshihii guracnaa ee loogu magac daray ‘qorshihii qarniga’ kaasoo si aan gabasho laheyn xagal daacin ugu sameeyay xaqa dadka Falastiin garab istaagayna Israel. Kadib fashil lafilan karay oo ku yimid waxii loogu yeeray heshiiska qarniga ee bariga dhexe, madaxweyne Trump, Raisal wasaare Benjamin Netanyahu oo wakiilanaya Jared Kushner oo ay u dhaxdo gabadha Trump ahna lataliye sare oo madaxweyne Trump ah ayaa u weeciyey damacooda ah inay baadi goobaan sidii loo xoojin lahaa ama rasmi looga dhigi lahaa heshiisyo ugub ah oo dhexmara Israel iyo dowladaha Carbeed ee garabka u ahaa dadka Falastiin. Kahor bilowga howl-galkaan diblomaasi oo uu horkacayaan Kushner iyo kooxdiisa waxaa jiray tuhun xoogan oo ah inuu goor horeba abuurnaa heshiis hoosaad u dhexeeya dowladaha Carbeed kuwooda ugu tunka weyn iyo Israel gaar ahaan S. Arabia iyo UAE, arrintaan oo guud ahaanba kahor imaanaysay qaraarkii kasoo baxay shirkii Jaamacadda Carabta sannadkii1967-kii oo qeexayey inaysan dowlad Carbeed Israel lagalin wax wada xaajood ah, wax heshiis nabadeed ah iyo aqoonsi dowladnimo ah midna. Balse lagasoo bilaabo bishii August ee sannnadkaan, waxaa si rasmi ah loo shaaciyey heshiis rasmi ah oo dhex maray Imaaraatka iyo Israel, taasoo ay dabayaaleen heshiisyo kale oo dhex maray Israel, Bahrain iyo Sudan. Arrintaan oo waji kale u yeeshay guud ahaan siyaasada gobolka gaar ahaanna qadiyadda dadka Falastiin. Dowladihii Carbeed ee goorhore heshiiska lagalay Israel Kadib qaraarkii Jaamacadda Carabta 1967-dii oodaba socday dagaalkii Israel kuqabsatay dhul balaaran oo Falastiin leedahay, gobolka Sinai ee Masar iyo buuraha Golan Heights ee Syria, waxaa mudo 20 sanno kudhawaad ah dhaqan-galay fulinta qaraarka wadamada kubahoobay Jaamacadda Carabta ee ahaa inaan wax heshiis ah lala gaarin Israel, laakiin waxuu xaalku isbadalaysannadkii 1979-kii kadib markii heshiis gaar ah oo Mareykanku garwadeen ka yahay kala saxiixdeen Masar iyo Israel kana dhigtay dowladii ugu horeysay ee Carbeed oo heshiis lagaarta Israel. Masar oo markii horeba masuug kaqabtay doorkii liitay ee dowladaha Carbeed ku lahaayeen dagaalkii 1967-dii ee looga qabsaday gobolka Sinai iyo dagaalo kale oo kadanbeeyey oo gaar ah, ayaa istusisay inay adag tahay inay awood dagaal dib ugu hanato dhulkeeda taas badalkeedana heshiis wax ku raadiso. Kadib heshiiska Masar iyo Israel, dowladii labaad ee heshiis la gaarta Israel waxay noqotay dowlada Jordan ama Urdun sannadkii 1994-kii.Waxii waqtigaas kadanbeeyey majirin heshiisyo rasmi ah oo dhexmaray Israel iyo dowladaha Carabta ah inkastoo uu jiray iskaashi qarsoodi ah oo kadhex-jiray labada dhinac. Saameyntii Trump iyo isbadalada xiriirka Carabta iyo Israel Guushii 2016-ka Trump ee doorashada Mareykanka waxay guul la saadaalin karay u aheyd dowladda Israel oo sida laga cabiran karay shaqsiyadda Trump iyo kalmadihii ololaha doorashadiisa ay ka muuqatay janjeer iyo taageero xoogan oo dhanka Israel. Trump oo horey xiriir dhaqaale ula lahaa Sucuudiga, Imaaraatka iyo Israel ayaa sida muuqata uga faaideystay xiriirkaas mid siyaasadeed. Trump ayaa waqtigan ku guuleystay inuu heshiis kadhex abuuro dowladaha Israel, UAE, Bahrain iyo Sudan. Laakiin marka hore aan eegno ujeedada iyo danaha heer shaqsi iyo heer qaran ee gadaal ka riixaya qabsoomida heshiiskan. Danaha heer shaqsi ee heshiiska Israel iyo Carabta Xiriirkan cusub ee Israel iyo qaar kamid ah dowladaha Carabta ayaan kaliya ku xadid-nayn dano heer qaran ah balse ay kulamaan yihiin dano shaqsi.Danahaan heer shaqsi ayaa waxaa qeyb ka ah dano dhaqaale, kuwa hub iyo kuwo xil siyaasadeed.Hadaba aan mid mid u eegno danaha shaqsi ee dadka horboodaya xiriirkan cusub ee Carabta iyo Israel. a) Xiriirka Trump& Mohamed Bin Salman: Trump oo kasoojeeda qoys caan ku ah ganacsiga gaar haan ka-ganacsiga guryaha, hotelada raaxada, adeega dalxiisayaasha, xarumo ciyaaraha golf-ka iyo kuwa kale ayaa nasiib u yeeshay inuu madaxweyne kanoqdo dalka Mareykanka sannadkii 2016-ka taasoo sare u qaaday fursadaha ganacsigiisa iyo xiriirka uu la leeyahay caalamka. Wadamada uu Trump waqtiga dheer xiriirka ganacsi la lahaa waxaa ugu horeeya S.Arabia, UAE iyo Israel halkaasoo uu kahirgaliyey ganacsiyo u badan guryo deegan ah iyo hotelo waaweyn oo kuwa raaxada ah. Marka laga tago ganacsigiisa kajira dalalkaas, waxaa jira in shaqsiyaadka ugu taajirsan dalalkaasi oo ay kujiraan masuuliyiinta dowladahaas ay aad u isticmaalaan hotelada Trump kuleeyahay Mareykanka kuwaa oo ku qarash-gareeya malaayiin dollar. Trump oo aan sharciyan loo ogoleyn inuu gacanta ku hayo maamulka ganacsigiisa gaarka ah xiliga uu hayo xilka qaran ayaa mudada uu xilka hayey lagu eedeynayey inuu masuuliyadiisa qaran uga faa,ideysanayo midiisa gaarka ah. Muwaadiniinta kasoo jeeda Sacuudiga ayaa sida lasheego maal-galin qiimaheeedu gaareyo $600 billion kuleh gudaha Mareykanka. Hadaba, si loo xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee S. Arabia iyo Trump, talaabooyinka uu Trump qaaday waxaa kamid ahaa • Trump waxuu safarkiisii ugu horeeyey ee dibada ah tan iyo markii uu xilka qabtay ku aaday Sacuudiga, taasoo muujinaysa muuhimada uu u leeyahay dalkaas. • Trump ayaa aad ugu taageeray talaabooyinka uu xabsiga ku dhigay dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan dad badan oo kamid ah qoyska boqortooyada iyo kuwa kale oo afkaar ahaan kasoo horjeestay talaabooyinkiisa isbadal ee uu ka bilaabay Sacuudiga, arrintaan oo ay qolyaha u dooda xaquuqul insaanku cod dheer ugasoo horjeesteen. • Trump waxuu dhagaha ka fureystay joojinta qasaaraha duqeynta dalka Yemen ee Sacuudigi horkacayo iyo baaqa ururada xaquuqul insaanka. • Trump ayaa iska dhagatiraydilkii loo geystay suxufigii ka howl-galayey wargeyska Washington Post ee Jamal Khashogi oo Sacuudiga lagu eedeyey, taasoo xumeyn kartay xiriirka labada dal horseedi kartayna cunno-qabateyn heer shaqsi iyo mid dowlad. • Trump ayaa Sacuudiga ka gacansiiyey is-hortaag lagu sameeyey qaraar Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ku eedeynayey Sacuudiga inuu danbiyo dagaal ka geystay dalka Yemen. • Trump ayaa sidookale is-hortaag kusameeyey qaraaro kasoo baxay aqalka Congress-ka Mareykanka oo lagu dal-banaayey in la joojiyo doorka taageerada military ee Mareykanka kutaageero Sacuudiga dagaalka dalka Yemen iyo iibka hub ku kacayey $8 billion. • Trump ayaa Sacuudiga la qaatay in Mareykanku dib uga laabto heshiiskii nukleerka ee Iran, islamarkaana cunno qabateyn aan kala go, laheyn kusoo rogo dowlada, shirkadaha iyo shaqsiyaadka ugu firfircoon dalkaas. b) Xiriirka Trump & Israel:Trump oo shaqsiyan lagu tiriyo inuu yahay qof ku adag siyaasadaha muxaafidnimada oo xiriir dhow la leh dhaqanka iyo diinta, ayaa xiriir soojireen ah oo dhaqaaluhu hormuud u yahay mudo la lahaa Israel, balse waji kale yeeshay kadib damaciisii ahaa inuu iskusoo sharaxo xilka madaxweynaha. • Trump ayaa xiligii ololaha doorashadiisa aad usoo jiitay ururka awooda badan ee AIPAC oo ah urur door iyo saameyn xoog badan ku leh siyaasada dalka Mareykanka, gaar ahaan naq-shadeynta siyaasadda arrimaha dibada ee kuwajahan Bariga-dhexe iyo Israel. AIPAC ayaa saameyn dhaqaale iyo mid xod-xodasho oo aad balaaran ku leh doorashooyinka inta badan xubnaha aqalka hoose, midka sare iyo mida madaxweynaha ee dalka Mareykanka taasoo marwalba muhiim kadhigta in siyaasiyiintu geed dheer iyo mid gaaban u fuulaan sidii ay ku kasban lahaayeen kalsoonida ururkan. Trump oo qudbad kahorjeedinaya ururka AIPAC 21-March 2016-ka ayaa soo bandhigay balanqaad xiligaas loo arkayey wax caqliga kabaxsan oo uu ku taageeri doono Israel hadii uu taageero kahelo ururka, taasoo ay ugu danbeyn kuqanceen xubnaha ururkan, kuna taageereen ololihiisa doorasho. • Kadib doorashadiisii, Trump ayaa durba saxiixay xeer madaxweyne oo u aqoonsaday magaalada taariikhiga ee Jarusalam ama Qudus inay tahay caasimada Israel. • Trump ayaa dib uga baxay heshiiskii nukleerka Iran ee maamulkii kahoreeyey saxiixay, taasoo ay Israel kacabsi qabtay waqtiga dheer ee Iran laga ogolaaday inay ku burburiso hubkeeda nukleerka, kuna badalay cunoqabateyn xoogan. • Trump ayaa joojiyey taageeradii dhaqaale ee Mareykanku siin jiray ururka gacanta ku haya qaxootiga Falastiin ee UNRWA. • Trump waxuu sidookale joojiyey taageeradii dhaqaale ee Mareykanku siin jiray maamulka Falastiin ee uu hogaamiyo Maxamud Cabaas. • Trump ayaa sidookale taageeradii dhaqaale ee Mareykanku siin jiray kajoojiyey hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhowrista xaquuqul insaanka kadib markii uu ku eedeeyay inay ka hiilisay Israel. c) Benjamin Netanyahu: raisal wasaaraha Israel oo ay guul weyn u aheyd doorashadii Trump maadaama uu ku taageeray go,aano farabadan oo caalami ah kuwaasoo ay ku adkeyd inuu kahelo madaxweyne kale oo Mareykan ah, ayaa sidookale waqtiyadaan danbe wajahayey culeysyo gudaha ah oo ay ugu horeyso eedo musuq-maasuq, gaabiskanatiijada labadii doorasho ee ugu danbeysay iyo banaan-baxyo looga codsanayo inuu is casilo. Netanyahu ayaa doonayo inuu xiriirka cusub ee Israel iyo Carabta iskaga dulqaado culeyska shaqsi ahaan gudaha kaheysta islamarkaana qaladaadkiisa dadku ku iloobaan waagan cusub ee u dilaacay Israel iyo Carabta. Wallow ay baaritaankii musuq-maasuq iyo banaan-baxyadu wali socdaan, hadana ra,yi uruurinta dadka Israel iyo saxaafadda dalkaasba waxaa hareeyey hadal haynta xiriirka Israel iyo Carabta, taasoo marka loo eego xiliga lagusoo beegay guul siyaasadeed siin karta Netanyahu. d) Jared Kushner: ninkan oo asal ahaan qudhiisa kasoo jeeda qoys Yahuud ah ayaa inta uusan Trump kuguuleysan xilka madaxtinimo ahaa ganacsade galaangal fiican oo ganacsi laleh Israel waxuuna xiriirkan sii xoogaystay kadib markii loo magacaabay lataliyaha qaaska ah ee madaxweynaha, hogaankana u qabtay siyaasada bariga dhexe. Kushner ayaa la sheegaa inuu gacansaar dhow la leeyahay qaar kamid ganacsatada iyo bangiyada maalgalinta sameeya ee Israel, ganacsatada waaweyn ee kasoo jeeda UAE, halka uu xiriir shaqsi oo saaxiibtinimo sidookale la leeyahay dhaxal-sugaha Sacuudiga. Kushner ayaa sida muuqata howshiisa aqalka cad aysan ku xadidnayn lataliyenimo balse ah shaqsi awood balaaran kuleh dejinta iyo hagidda siyaasada arrimaha gudaha iyo dibeda Mareykanka asagoo sabab u ahaa in shaqada laga ceyriyo xubno badan katirsanaa maamulka Trump oo ay isku qabteen arrimahaan. e) Shirkaddaha hubka Mareykanka: shirkadaha hubka sameeya ee Mareykanka oo galaangal xoogan oo dhaqaale kuleh doorashada xubnaha Congress-ka iyo madaxda kale ee Mareykanka ayaa doorweyn oo taariikhi ah kuleh siyaasadda arrimaha Dibedda ee dalkaas ayagoo madaxda dalkaas culeys kusaara sidii suuq iibka hubka ah looga abuuri lahaa caalamka. Lagasoo bilaabo 1990-kii, gobolka ugu hub iibsiga badan aduunka waxuu ahaa Bariga-dhexe, taasoo bartilmaameed u noqotay shirkadahan. Waxii kadanbeeyey kacdoonkii ka dhacay dalalka Carabta waxaa sare usii kacayey dhaqaalaha shirkadahan kasoo gala wadamada gobolka gaar ahaan Sacuudiga, Imaaraatka iyo Qatar. Hadaba, marka la isku geeyo dagaalada kasocda Yemen, Syria, Libya iyo cabsida kadhex abuuran qaar kamid ah wadamada Khaliijka iyo Iran waxay fursad dhaqaale iyo suuq u noqotay shirkadahan oo adeegsanaya Trump iyo kooxdiisa. Danaha heer qaran ee xiriirka Israel iyo Carabta a) UAE oo heshiiskan cusub ee ay Israel la gashay aysan ka marnayn dano dhaqaale ayaa ahmiyada uguweyn ee ay ku aqbashay bandhiga Mareykanku hormuud ka yahay la oran karaa helitaanka agab military gaar ahaan diyaaradaha casriga ah ee F-35. Diyaarada F-35 oo ay soosaarto dowlada Mareykanka ayaa siyaasad ahaan kaliya laga iibiyaa wadamada saaxiibka dhow la ah Mareykanka sida Israel. UAE ayaa muujisay inay heshiis ay Israel lagasho fududaanayo marka laga iibiyo diyaarada F-35. Sharuuda UAE waxaa durba kahoryimid Israel oo kacabsi qabta in wadan Carbeed gacanta loo galiyo diyaaradan casriga ah taasoo qal-qal galin karta amnigeeda, balse cadaadiska gudaha ka haysta Netanyahu iyo danaha dhaqaale ee Trump iyo Kushner ayaa ugu danbeyn keentay in la aqbalo codsiga UAE oo qudheeda cabsi ka qabta awooda military ee Iran. b) Bahrain oo bulshada kunool lagu qiyaaso inay 70% yihiin Muslimka Shiicada ah ayaa waxaa xukunkeeda gacanta ku haya qoys Sunni ah taasoo abuurtay in mujtamaca Shiicada ah oo garab kahelaya dowlada Iran iskusoo-baxyo mudo socday oo ay ku dalbanaayeen isbadalo siyaasadeed ay sababtay dhimasho, dhaawac iyo xabsi. Sacuudiga oo cabsi kaqaba kacdoonka shacabka Shiicada iyo doorka Iran kuleedahay ayaa durba faragalin milatari ku sameysay xiligaas taasoo dowlada Bahrain u sahashay inay xaalada si caadi ah kusoo celiso ayadoo awood isticmaalaysa. Bahrain oo kamid ah dowladaha heshiiska lagalay Israel ayaa damaceedu yahay garab istaag military oo ay kahesho Israel ayadoo xaaladeeda lagu macneyn karo oraahdii Soomaaliyeed ee aheyd ‘Cadowgaaga cadowgiisa waxaa lasiiyaa caano macaan’. c) Sudan oo in muda ah wajahaysay cuno-qabateyn waqti dheer saarnayd oo lagu sababeeyay xiriir gabaadsiin ah oo dhexmaray madaxweynihii hore Omar Al-Bashir iyo hogaamiyihii Al-Qaida Osama Bin Laden iyo taageero falal argagixiso oo lid ku ah Mareykanka iyo xulufadiisa, ayaa sidookale tan iyo markii xukunka laga tuuray Al-Bashiir ay lasoo daristay culeysyo dhaqaale iyo sicir barar dhanka maciishada ah oo baahsan. Raisal wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok oo hogaaminaya dowlad kumeel- gaar ah oo ka kooban militarigii meesha kasaaray Al-Bashiir iyo dad shacab ah ayaa in mudo ah raadinayey sidii go,doonka dhaqaale looga saari lahaa Sudan. Hamdok oo ay koobnayd fursadaha u furan maadaama uu wajahayey dibad-baxyo gudaha oo dadku kagasoo horjeedaan sicir bararka iyo shaqo la,aanta kor usii kacaya ayaa kudhacay gacanta xulufada UAE iyo Sacuudiga. Dalabka uguweyn ee Hamdok ayaa ahaa sidii Sudan loogusoo celin lahaa saaxada dhaqaalaha caalamka ee uu xukumo Mareykanka taasoo furaheeda laga helikaray Sacuudiga iyo Imaaraatka. Sudan ayaa is-adkeyn mudo socotay kadib aqbashay inay qaadato masuuliyada qaraxyadii loo geystay safaaradihii Mareykanka ee Kenya iyo Tanzania iyo markabii dagaalka ee USS Cole islamarkaana bixiso magdhow kor u dhaafay $300 million. Qaadashada masuuliyada qaraxyadaan iyo magdhowga ay Sudan bixinayso waxaa maamulka Trump uga muhiimsanaa in Sudan qeyb kanoqoto mowjada heshiiska cusub ee Israel iyo Carabta, taasoo lagu dhex qarinayey arrinta masuuliyada qaraxyada. Hamdok ayaa kadib heshiiskan raja kaqaba in laga qaado cuno-qabateynta mudada saarneyd dalkiisa islamarkaana lacago amaah deg-deg ah ka helo IMF iyo World Bank. Heshiiska Sudan ee Israel ayaa wajahaya dhowr caqabad oo ay ugu horeyso in dowlada Hamdok tahay kumeel-gaar, in heshiiskan u baahan yahay ansixin baarlamaan kaasoo aanan ilaa hada dhisnayn iyo banaan-baxyo hor leh oo loogasoo horjeedo heshiiskan. d) Israel ayaa waqtigan u muuqata inay heshiisyadaan kasoo hooysay guul taariikhi ah maadama qadiyadii Carbeed ee kuwajahneyd xoreynta Falastiin kala qeybsantay taasoo u xalaaleyn karta dhulka ay xooga ku haysato iyo falalka guracan ee ay kuhayso shacabka Falastiin. Israel iyo maamulka Netanyahu oo si xowli ah u wada balaarinta dhismaha dhulka Falastiin iyo abuurida deegaano cusub ayaa leh ujeed meesha looga saarayo helitaan wax layiraaddo dhul iyo dowlad Falastiin ah taasoo uu dhaawac culus soo gaaray waqtigan. e) Mareykanka iyo kooxda Trump oo hormuud ka ahaa gundhiga, iib-geynta iyo fulinta heshiiskan kunasoo beegay xili lagujiro doorasho ayaa marka lagasoo tago danaha dhaqaale ee heer shaqsi iyo abuurintaanka saaxiibo cusub oo ay Israel yeelato, sida muuqata heshiiskan saameyn xoogan oo lataaban karo kuma uusan yeelan ololaha iyo hadal haynta doorashada Mareykanka. Heshiisyada noocan oo kala ah oo badanaa saameyn kuyeesha ra, yiga iyo codeynta dadweynaha, waxaa waqtigan laga filan karay inay fursad u noqoto maamulka Trump laakiin ma noqon, taasoo loo sababeyn karo culeysyada dhaqaale iyo shaqo la,aaneed ee uu keenay xanuunka COVI-19 oo dadka uga ahmiyad badan xiligan. Sidookale heshiiskan waxuu u dhaba-xaarayaa in madaxda danbe ee Mareykanka si ka culeys yar sidii hore u wajahaan xaalada Israel iyo Falastiin oo markii hore ootin ku aheyd. f) Sacuudiga wali si rasmi ah qeyb ugama ahan heshiiskan, laakiin siday Soomaalidu tiraahdo ‘halkii aad qaac ku aragto dabna ka filo’ oo macnaheedu yahay halkii aad Imaaraatka ku aragto Sacuudigana ka filo. Dad badan ayaa aaminsan in Sacuudigu doorweyn ku leeyahay qal-qaalada iyo hirgalinta heshiiskan, mustaqbalka dhowna si rasmi ah qeyb uga noqon doono maadaama Mohamed Bin Salman lagu sheego saaxiibka dhow ee kooxda Trump iyo Israel. Gunaanad Sida muuqata, heshiiskan waxuu dhaawac halis ah gaarsiin karaa qadiyada shacabka Falastiin oo markii horeba arrintoodu ceel kusii socotay. Midnimada Carbeed iyo difaacida xaquuqda Falastiin waxay aheyd xalka kaliya ee rajo looga qabay in mar la arko dowlad Falastiin leedahay oo xor ah balse arrintan ayaa dhanka kale fariin u direysa mujtamaca kale ee aan Islamka ama Carabta aheyn inay banaanka ka istaagaan qadiyadda Falastiin maadama kuwii Carbeed-ba dantooda ka eegteen. Shaki kuma jiro inay jiri doonaan dowlado kale oo Carbeed oo kusoo dhaca shabaqa Israel ee kaqeyb noqoshada heshiiskan haba ugu badnaadeen kuwa saboolka ah maadama Israel kusoo jiidan karto horumarka ay kagaartay dhanka beerashada casriga ah ee beeraha, tababarka ciidanka, iibka hubka iyo bixinta deymaha bangiyadda. Xamdi Wardhere Maxamed – Waxaad kala xiriiri kartaa zudeys9@gmail.com ama Facebook: xamdi wardheere. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Danaha heer qaran & shaqsi ee heshiiska dhex-maray Israel iyo dowladaha Carabta first appeared on Caasimada Online.
  12. Guddiga farsamada soo xulista Baarlamaanka 2aad ee Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay liiska xubnaha cusub ee xildhibaanada maamulkaas. Baarlamaanka 2aad ee dowlad goboleedka Hirshabeelle oo tiradoodu tahay 90 mudane, waxaa haween ah oo kaliya 5 xubnood. Baarlamaanka cusub ee Hirshabeelle ayaa isugu jira xubno ka tirsanaa baarlamaankii hore iyo kuwo cusub, waxaana liiska ka soo muuqan waayay guddoonkii baarlamaankii hore. Hoos ka akhriso magacyada iyo qabiilada baarlamaanka cusub ee Hirshabeelle PUNTLAND POST The post Baarlamaanka cusub ee Hirshabeelle oo lagu dhawaaqay appeared first on Puntland Post.
  13. Jowhar (Caasimada Online) – Waxa goordhoweyd magaalada Jowhar si rasmiya looga dhawaaqay liiska xildhibaanada baarlamaanka 2-aad ee HirShabeelle, iyada oo soo xulista xubnahaasi uu weli ka taagan yahay muran xoogan. Guddiga farsamada ee maamulkaasi ayaa shaaciyay liiska 90 xildhibaan, kuwaasi oo iskugu jiray xubno cusub oo kamid yihiin wariyeyaal iyo kuwo hore ugu jiray baarlamaankii hore ee maamulkaasi. Munaasibadassi loogu dhawaaqay liiska xubnahan cusub ayaa gebi ahaanba waxa ka maqnaa wakiiladii dowladda federaalka iyo weliba dhinacyadii maamulka ee hore u diidana soo xulistan. Waxaana liiska caawa lagu dhawaaqay magacyadooda gebi ahaanba laga waayay xildhibaano caan ahaa oo hore xilal sare uga soo qabtay maamulka HirShabeelle. Guddiga farsamada ee liiskan shaaciyay ayaa waxaa hore uga horyimid madaxweyanaha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare, oo muddoo xileedkiisu uu ka idlaaday 17-kii bishan October. Waare ayaa ku doodayay inuu soo dhamaystirayo guddiga farsamada, isla markaana aysan xiligan qaban karin doorashada baarlamaanka ay caawa ku dhawaaqeen. Sida xogo soo baxaya ay daaha ka qaadayaan soo xulista xildhibaanadan ayaa waxa gacan weyn ka geystay xubno ay kamid yihiin; Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen iyo Wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi oo iyagu xiligan ah sii-hayayaasha xilalkaasi, maadama xukuumadoodii uu ka dhamaaday muddo xileedkeedii. Ku dhawaaqista liiska xildhibaanada baarlamaanka 2aad ee HirShabeelle ayaa uga sii dareysa xiisada ka taagneyd soo xulista xildhibaanadaasi, lamana oga mowqifka ay dowlada federaalka ka qaadan doonto arrintan. Hoos ka aqriso liiska magacyada xildhibaanada cusub The post Aqriso: Magacyada iyo beelaha xildhibaanada cusub ee HirShabeelle oo lagu dhawaaqay first appeared on Caasimada Online.
  14. Kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda Axmed Xasan Iimaan ayaa xalay kormeeray qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho. Kormeerka ayuu guddoomiyuhu ugu kuur gelayay howlo nadaafadeed oo waaxda nadaafadda dowladda hoose ee Xamar ay ka fulineysay waddooyinka caasimadda si looga nadiifiyo biyaha fadhiista waddada xilliga roobaadka oo lagu guda jiro. Kusimaha duqa caasimadda mudane Axmed Xasan Iimaan ayaa balan qaaday in maamulka gobolkua Banaadir uu sii laba jibaari doono dadaallada biyaha fariista looga qaadi lahaa waddooyinka si bilicda caasimaddu u noqoto mid qurux badan. PUNTLAND POST The post Kusimaha duqa Muqdisho oo kormeeray waddooyin dowladda hoose ay ka waday olole biyaha looga qaadayo appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Culimada Soomaaliyeed ayaa si weyn caro uga muujiyay hadalka madaxweyana Faransiiska, Emmanuel Macron, kaddib dhacdadii lagu dilay macalinkii u dhashay dalkaas oo ardeydiisa tusay sawir gacmeed uu sheegay inuu ka sameeyay Nebi Muxamed NNKH. Hey’adda culimada Soomaaliyeed oo kulan ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa dhaleeceyn u jeedisay madaxweynaha Faransiiska. Waxayna soo jeediyeen in Faransiiska lagula hadlo luuqad ay fahmayaan oo ah in xiriirka loo jaro. “Culimada soomaaliyeed iyagoo gudanaya waajibaadka ka saaran ilaalinta diinta Islaamka iyo danaha Muslimiinta, waxay dhaleecenayaan hadalka iyo mowqifka madaxweynaha Faransiiska,” ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha hey’adda culimada Soomaaliyeed oo akhrinayay bayaanka ka soo baxay shirka. Sheekh Cabduqaadir Sheekh Maxamed Soomow oo ah afhayeenka hey’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in Macron ‘uu dhaawac u geystay diinta Islaamka, isla markaana dagaalka toos ah ku qaadayo Muslimiinta.’ “Wuxuu go’aansaday in dagaal toos ah ku qaado diinta Islaamka iyo dadkeeda, Nebiga NNKH in sharaftiisa wax laga sheego waa duullaan cad oo lagu qaaday diinta Islaamka, waa duullaan lagu qaaday dhammaan Islaamka” ayuu yiri Sheekh Soomow. Sheekh Soomow ayaa sidoo kale sheegay inay soo dhaweynayaan go’aanka qaar ka mid ah dalalka Carabta ay ka soo saareen arrintan. “Dalalka diiday waxyaabaha uu soo saaro Faransiiska waan u hambalyeyneynaa.” Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in “dacaayadaha cunsurinimada iyo Islaam naceybka ah ay adeegsadaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta reer galbeedka, si ay u xoojiyaan danahooda siyaasadeed.” “Khaladaadka ay galayaan cunsuriyiinta reer galbeedka ayaa hadda noqday dacaayad olole siyaasadeed ah. Macron waxyaabaha hadda ugu waaweyn ee u kalifay difaaca taasaa waxaa ka mid ah in Islaamka ceydiisa lagu galo olole siyaasadeed, wax shaqeyn karana ma ahan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Guud ahaan shucuubta dunida Islaamka ayaa aad uga carootay hadalka Macron, waxayna dalalka Islaamku joojiyeen badeecadihii uga imaan jiray Faransiiska, iyadoo ciqaab looga dhigayo gefka uu diinta suuban ee Islaamka u geystay madaxweynahooda. Meelo ka mid ah Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Burco ee Somaliland waxaa maanta ka dhacay banaanbaxyo looga soo hor jeedo gefka uu Faransiisku kula kacay Nebi Muxamad NNKH. Sidoo kale waxaa lagu wadaa in Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya ay berri ka dhacaan banaanbaxyo waaweyn oo ka dhan ah gefka madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron. The post Culimada Soomaaliyeed oo jawaab ka bixiyey gefkii Macron ee Islaamka soona jeediyey hal arrin first appeared on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Bar___Qubanaha-27102020-ok.mp3 View the full article
  17. The Turkish lira has hit a record low of 8.15 against the dollar amid investor anxiety about the Turkish economy, hit by coronavirus and friction with Nato allies. Source: Hiiraan Online
  18. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saaray kulankii maanta magaalada Dhuusamareeb ku dhex maray wafdigii la socday Danjire James Swan iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor. James Swan ayaa sheegay in madaxweyne Qoor Qoor ay kala hadleen ahmiyadda ay leedahay sii socoshada wadashaqeynta hoggaanka dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada. “Kulankeenii maanta ee aan la qaadanay Madaxweynaha waxaan ka wadahadalnay ahmiyada ay leedahay sii socoshada xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya dowlada federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah. Waxaana dhiiri galiyay soo nooleynta wadahadalladooda,” ayuu yiri James Swan. Socdaalka uu maanta ku tegay Dhuusamareeb wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan waxaa ku wehliyey wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira, danjire ku xigeenka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Nicole Miller iyo xubno ka socday urur goboleedka IGAD. “Waxaan jeclahay inaan ku amaano, anigoo ku hadlaya magaca kooxdeena, Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye hoggaamintiisii ​​martigelinta shirarkii isdaba jooga ahaa ee Dhuusomareeb ka dhacay bilihii July iyo Ogosto, taas oo horseeday shirarkii wadatashiga ee ka dhacay Muqdisho bishii hore ee Sebtember, intii lagu jiray heshiiska doorashada dalka,” ayaa lagu yiri warbintan ka soo baxday xafiiska James Swan. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan ku boorinayaa dhamaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay sii wadaan wadashaqeynta iyo hanaankan ay ugu diyaar garoobayaan doorashooyinka Qaranka, si marka kasta ay isula xariiraan, taas ooh or seedi karta hufnaan, cadaalad iyo wax wada-qabsi.” Sidoo kale Ergayga Qaramada Midoobey ayaa sheegay in socdaalkan uu ka mid yahay dadaallada lagu hubinayo qoondada haweenka ee 30%, taas oo muhiim ka dhigeysa inay metelaad ku yeeshaan guddiyada xulista ergada iyo doorashooyinka baarlamaanka, sida lagu yiri warbixintan. “Intii aan joognay Dhuusamarreeb, waxaan sidoo kale ku ammaanay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye dadaalka uu ugu jiro dib-u-heshiisiinta, waxaana ku boorrinaynaa inay taasi sii socoto. Waxaan sidoo kale diiwaangelinnay walaaca aan ka qabno dhacdooyinka amniga ee ugu dambeeyay, maadaama Al-Shabaab ay u hanjabtay dadka,” ayuu yiri Danjire Swan. Waxa uu sheegay inay dhanka ammaanka ka gacan siinayaan maamulka Galmudug, isla markaana ay soo dhaweynayaa joogitaanka ciidamada AMISOM ee Galmudug si ay u taageeraan ciidamada amniga Soomaaliya. Ugu dambeyntii waxa uu sheegay James Swan in booqashadii ay maanta ku tageen Dhuusamareeb inay u tahay booqashadii labaad oo ay bishan gudaheeda ku tageen mid ka mid ah xarumaha dowlad goboleedyada dalka, isagoo soo dhaweyntii loo sameeyey uga mahad celiyey shacabka iyo madaxweynaha Galmudug. The post Beesha caalamka oo saddex arrin ku cadaadineysa DF iyo maamul goboleedyada first appeared on Caasimada Online.
  19. Garowe (PP News Desk) — Shukri Ahmed Mohammed was with her children in her house in Dangoroyo district when police officers knocked on the door and hauled her off to the police station. “I pleaded with them to release my daughter but they arrested me too. I was released when local elders intervened. Then police officers returned to my house at 11 PM and arrrested me. They accused me of being a member of Al-shabaab” said Shukri. Shukri Ahmed Mohamed was accused of terrorism activities, and briefly arrested without due process. Shukri accused Dangoroyo district commissioner of her arrest. “[Colonel Mohamed Adan Jama], the commander of Nugal Division, transferred me to Garowe North Police Station” Shukri added. Dangoroyo District Commissioner Mukhtar Abdirahman Ahmed denies any role in the decision to arrest Shukri. “The allegation is baseless. The commander of Nugaal Police Division arrived in Dangaroyo to arrest her on grounds of terrorism activities. When we found out about her arrest we had to travel to Garowe to secure her release” Mukhtar told Puntland Post. Without due process: Nugal Police Division Commander Mohammed Adan Jama went to Dangoroyo to transfer Shukri to North Garowe Police Station. Shukri spoke to the media about “abuse of power” by Puntland police, and called for Puntland State President to look into the mistreatment meted out to her. Recently regional police divisions of Puntland underwent human rights training. There is little awareness about police procedures for counterterrorism particularly due process. “Any terrorism suspect has a right to be interviewed in the presence of a lawyer. This case shows that Puntland Police has a free rein to arrest any person without due process” said Hassan Yusuf, a former law lecturer. © Puntland Post, 2020 The post Nugaal Police Division Accused of “Power Abuse” appeared first on Puntland Post.
  20. Shir ay yeesheen guddoomiyaha Maxkamadda Sare garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed iyo masuuliyiin ka socday dalalka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland ayaa lagu gorfeeyay is-kaashiga iyo wada shaqaynta ka dhexaysa labada dhinac. Waftiga oo ka kala socday dalalka Finland, Sweden, Germany, Denmark, Britain, Netherlands iyo madax ka socotay xafiiska EU-da ayaa guddoomiyaha kala hadlay arrima la xidhiidha doorashooyinka Somaliland ku soo foolka leh iyo doorkii ay ka qaateen hay’adda garsoorku arrintaasi iyagoo soo dhaweeyay kaalinta garsoorku ka qaadan karo doorashada la filayaa in dhawaan ay dalka ka qabsoonto. Geestiisa guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa Midowga Yurub uga mahad-celiyay taageerada ay qaranka Somaliland siiyaan isagoo u soo jeediyay in ay kordhiyaan taageeradaasi. Waxa kale oo ay ka wada hadleen xorriyaadka aas-aasiga ah. Waxaanu guddoomiyuhu sheegay in Somaliland xoriyada hadalku tahay mid si weyn loo tix-galiyo, isla markaana aan la cabudhin warbaahinta, waxaanu tibaaxay in ay helaan gar-naqsi cadaalada ah, kaasi oo u suurtagaliya in ay is-difaacaan, haddii loo baahdana ay qabsan karaan qareen u dooda marka laga cawdo ama la dacweeyo. Waxa kale oo guddoomiyuhu la waddaagay waftiga ka socday dawladaha Yurub iyo Ururka Midawga Yurub in garsoorku marwalba soo dhaweeyo isla markaana uu cabashadooda dhagaysto Ururada Saxaafada iyo kuwa Xuquuqal Iinsaanka difaaca. Gaba-gabadii waftiga iyo guddoomiyaha ayaa isla qaatay in la xoojiyo wada shaqaynta ka dhaxaysa labada dhimac isla markaana waxay uga mahadnaqeen Gudoomiyaha soo dhawynta uu u sameeyay. Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin dheer oo BBC-du qortay ayaa lagu sheegay in ururka Al-Shabaab dhaqaale badan oo canshuur ah uu ka uruursado gudaha Soomaaliya, taas oo weliba ka badan tan ay qaado dowladda Soomaaliya. Warbixintan oo laga soo xigtay machad cilmi barista ee Hiraal ayaa waxaa lagu sheegay in Al-Shabab ay ganacsatada ka qaadaan lacag dhan 15 million oo dollar bil kasta, taas oo ka badan lacagta dowladda kasoo gasha canshuurta ay ganacsatada ka qaado. Ka sokow ganacsatada Al-Shabaab waxay lacag baad ah la qaadaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda iyo xataa saraakiisha ciidamada, sida warbixintaan lagu xusay. Lacagta ay Al-Shabaab ka qaadaan dadka Soomaaliyeed ee 15-ka million gaaraysa kala bar waxay kasoo gashaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Warbixintaan maanta la daabacay waxaa lagu sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay yihiin dhibanayaal oo dowlada iyo Al-Shabaab ay lacago canshuur ah ka qaadaan, ayna ku qasbanyihiin inay bixiyaan. “Ganacsatadu waxay lacagta u baxshaan oo ay Al-Shabaab u siiyaan waa cabsi ay ka qabaan ee ma’ahan rabitaankooda iyo qanaaco” ayaa lagu yiri warbixintaan laga soo xigtay machadka baaristan sameeyay ee Hiraal. Waraysiyo laga qaaday mas’uuliyiin dowlada ku jira, ganacsato iyo xataa hoggaamiyaal ka tirsan ururka Al-Shabaab oo magacyadooda la qariyay ayaa lagu ogaaday in Al-Shabaab ay lacago bille iyo mid sanadle ahba ka qaadaan dhamaan shirkadaha waa weyn ee dalka ka jira, taas oo ay u kala qeybiyaan canshuur iyo sako iyo xataa mararka qaar shirkadaha laga qaado lacag dhan 2.5% lacagaha faa’iidada ah ee ay helaan shirkaduhu. Magaalada Muqdisho ganacsatada ka shaqaysta meelaha u dhaw xarumaha dowladda, sida agagaarka madaxtooyadda ayaa warbixintaan lagu sheegay in laga qaado lacago canshuur ah oo Al-Shabaab qaataan. Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho oo ah isha dhaqaalaha ugu badan uu kasoo galo dowladda ayay warbixintaan sheegaysaa in Al-Shabaabna ay il dhaqaale u tahay oo ay canshuuraan ganacsatada wax kala soo degta. Mas’uuliyiin magacyadooda la qariyay oo dekedda ka shaqeeya ayay warbixintu sheegeysaa inay Al-Shabaab u gudbiyaan waraaqaha maanafeestada loo yaqaan ee maraakiibtu wadato. Machadka Hiraal ee BBC-du warbixintaan kasoo xigatay waxaa uu sheegay in shaqaalaha dowladda qaarkood ay xataa Al-Shabaab siiyaan qeyb ka mid ah mushaarkooda si ay uga nabad galaan. Shaqaalaha dowladda iyo dadka kale ee ka shaqeeya meelaha dowladu ka taliso waxay sheegeen in taleefoono lagala soo xiriiro, sidaasna ay lacagaha ku bixiyaan. Dhulka ururku ka taliyo dhib badan kalama kulmaan oo toos ayay ganacsatada ugu tagaan, ugana qaataan inta ay doonaan ee lacag ah. Beeraleyda iyo xoolo dhaqatada ku sugan meelaha ay ka taliyaan ayaa ah kuwa ugu badan ee ay lacagaha ka qaataan. Warbixintaan oo aad u dheer waxaa lagu xusay wareysi laga qaaday sarkaal tirsan ciidamada Soomaaliya oo lacag badan laga qaaday si ay u suurto gasho sii wadista dhismo guri uu dhisanayay. Sarkaalkaan waxaa uu sheegay in markii uu diiday inuu bixiyo lacag la weydiistay in shaqaalihii dhismaha ka waday gurigiisa loo hanjabay, lana joojiyay gaadiidkii qalabka dhismaha geyn lahaa, taas oo ugu dambeyn keentay inuu baxsho lacag gaaraysaa 3,600$. “Waan ku qasbanaa in lacagtaas baxsho, anigoo dagaal kula jira maleeshiyadooda, waayo wadada kale ee ii furan waxay aheyd, inaan dhismaha joojiyo” ayuu yiri sarkaalkaan ciidanka dowladda ka tirsan ee Al-Shabaab lacagta siiyay oo warbixintaan magaciisa iyo darajiisaba lagu sheegin. Waxuu sidoo kale yiri “Anigoo ka xun ayaan baxshay lacagtaas”. Sidoo kale waxay indho gooni ah ku eegeen Al-Shabaab dhismooyinka ay qaraxyada ku dumiyaan, marka la damco in dib loo dhiso oo ay mar kale lacago baad ah ka qaadaan, haddii loo diidana ay mar kale dib u weeraraan. Ganacsade jooga magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Al-Shabaab ay taleefoon kula hadleen qof ay shaqo wadaag yihiin oo doonayeen inuu dib u dhiso Hotel ay horay u qarxiyeen kadibna ay ku qasbeen inuu baxsho lacag aan gorgortan iyo wada hadal toona laheyn. Qofkii diida dalabka Al-Shabaab ee lacag bixinta ah, waxuu ku qasbanyahay inuu labo mid un sameeyo “inuu ganacsigiisa joojiyo, iyo inuu dalka ka baxo” ayaa warbixintaan lagu yiri. Gaadiidka xamuulka qaada ee gobollada dalka iskaga safra wadayaashoodu waxay sheegeen in lacag badan Al-Shabaab ka qaataan, laakiin ay kaga duwan yihiin dowladda inay hal boono ku dhex maraan dhulkooda, halka dowladda meel walba lacag lagu weydiiyo. Magaalooyinka Boosaaso, Jawhar, Kismaayo iyo Baydhaba ayaa lagu xusay warbixintaan inay ka mid yihiin magaalooyinka Al-Shabaab ay ka helaan dhaqaalaha ugu badan. Dhawaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey waxaa loo gudbiyay warbixin ay diyaariyeen guddiga daba-galka cunaqabateynta saaran Soomaaliya, waxay ku sheegeen in Al-Shabaab ay lacag badan ka qaadaan ganacsatada Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ku fuliyaan weerarrada ay dalka ka geystaan. The post Warbixin faah-faahisay sida Al-Shabaab 'u canshuurto' shaqaalaha DF iyo inta uu la egyahay dakhligooda first appeared on Caasimada Online.
  22. ku-simaha madaxweynaha dowlad goboleedka puntland ahna madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan (karaash), ayaa maanta shir usoo xiray degmooyinka iyo gobolada puntland ee ay ka socdaan mashaariicda horumarin ee jplg. Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (karaash), ayaa bogaadiyey mashaariicda horumarin ee ka socda degmooyinka, wuxuuna faray masuuliyiinta sii dardargelinta horumarka, xoojinta wada-shaqeynta degmooyinka iyo gobolada iyo dhaqangelinta sharciga cusub ee dowladdaha hoose ee law-7 si uu hirgalo qorshaha maamul daadejinta. Shirkaan oo maalmo socday waxaa ka qeyb-galay maayarada degmooyinka, isu-duweyaasha, guddoomiyeyaasha gobolada puntland ee ay ka socdaan mashaariicda horumarin ee jplg, machadka dowladdaha hoose ee puntland, wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dimuqraadiyeynta puntland oo shirka soo diyaarisay iyo wasaaraddaha kala shaqeeya mashaariicda horumarin ee degmooyinka. Goobjoog News Source: goobjoog.com