-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The President of Somaliland Muse Bihi Abdi strongly criticised the United Nations policy that subsumes development assistance for Somaliland into initiatives proposed by the Somali Federal Government. “It has become the norm of the United Nations organisations and some NGOs to politicise their work in Somaliland. They follow instructions from the Somalia Presidency to deal with Somaliland” said President Bihi at a meeting for the Central Committee of Kulmiye, the ruling party, held in Hargeisa. President Bihi: We will not trade our independence for meagre aid “We will not tolerate any UN policies against our sovereignty. Somalilamd is not a party to the UN dealings with Somalia. We will not trade our independence for meagre aid” President Bihi added. The United Nations recognises the Federal Government of Somalia as the sovereign entity, contrary to Somaliland’s “sovereignty” based on 1991 unilateral secession. President Bihi said his government respected the United Nations and other non-governmental organisations. “Given the dire economic situation in our country we need development assistance that does not compromise our sovereignty” said President Bihi. © Puntland Post, 2020 The post Somaliland President Censures United Nations appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) - The United Nations has cleared brigadier general Sadiq Omar Mohamed (John), the commander of the Somali Police Force, on Wednesday of suspected links with Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - The United Nations has cleared brigadier general Sadiq Omar Mohamed (John), the commander of the Somali Police Force, on Wednesday of suspected links with Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo xalay ka qeyb-galay munaasabad loogu mahad-celinayey xildhibaanada golaha shacabka, kadib ansixintii golaha wasiirada ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka soo socota 2020/21. Ugu horreyn Mursal ayaa farriin u diray xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna shaaciyey in looga fadhiyo inay ka shaqeyso sidii dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhacda waqtigii loo asteeyey Mursal ayaa sidoo kale tilmaamay inay muhiim tahay in doorashada ay noqoto mid loo dhan yahay oo ay ku qanacsan yihiin dhinacyada oo dhan. Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso doorashada soo socota oo isugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha oo horey heshiis looga gaaray magaalada Muqdisho. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ka qeyb-galayey xalay munaasabad loogu mahad-celinayey xildhibaanada baarlamaanka, kadib ansixintii golaha wasiirada ayaa soo hadal qaaday arrimo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan doorashada soo socota 2020/21. Mursal ayaa marka hore farriin u diray xukuumadda cusub ee hoggaaminayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isaga oo sheegay in looga fadhiyo inay ka shaqeyso sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhacda waqtigeeda. Sidoo kale afhayeenka golaha shacabka ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in doorashada ay noqoto mid loo dhan yahay oo ay ku qanacsan yihiin dhinacyada oo dhan. Ugu dambeyn wuxuu kula dardaarmay golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya inay u istaagaan sidii dalka looga saari lahaa marxaladda kala guurka ah ee uu ku jiro. Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso doorashada soo socota oo isugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha oo horey heshiis looga gaaray magaalada Muqdisho. Si kastaba arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo dhowaan codka kalsoonida la siiyey golaha wasiirada ee uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. The post Guddoomiye Mursal oo farriin culus u diray xukuumadda Rooble first appeared on Caasimada Online.
-
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta Aaladda fogaan aragga uga qeyb galay shirka sanadlaha ah ee Bankiga Adduunka oo looga hadlayay halka uu marayo dhaqaalaha Soomaaliya. Wasiir Beyle ayaa yiri “Waxaa aan maanta ka qeybgalay shirka sanadlaha Bangiga Aduunka oo Ajandihiisu uu ahaa “halka uu marayo dhaqaalaha Soomaaliya” (Somalia Economic Update) oo sanadkaan aan diiradda ku saarnay saameynta dhaqaale ee Coronavirus”. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xusay in dib-u-habeynta iyo hufnaanta Maaliyadda Soomaaliya ay horseeday in Caalamku uu Soomaaliya garab istaago xiligaan adag ee lagu jiro hoos-u-dhaca dhaqaale. “Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay xoojiso isbadalka iyo Hufnaanta Maaliyadda Soomaaliya”. Ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Wasiir Beyle. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka xun tahay in lagu xadgudbo caqiidada iyo muqdasaadka dadka Muslimiinta ah oo uu ugu horreeyo Suubanaheenna Nabi Muxamed, nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, iyada oo marmarsiyo laga dhiganayo xorriyadda hadalka. Waxay adduunydu isla ogoshahay in la dhawro Muqadasaadka diiniga ah, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u taabanaya diinteenna sharafta badan ee Islaamka. Fal kasta oo dhaawacaya dareenka dadka Muslimiinta ah wuxuu u adeegayaa danaha kooxaha xagjirka ah, waxaana habboon in laga fogaado ficilladan oo kale maadaama ay abuurayaan nacayb bulsho oo ka dhex dhasha shucuubta caalamka ee kala aaminsan aragtiyada iyo diimaha kala duwan. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku boorrinaysaa hoggaamiyeyaasha caalamka in ay si taxadar leh uga fiirsadaan hadallada xadgudubka ku ah dareenka dadka Muslimiinta ah iyaga oo kala saaraya xorriydda hadalka iyo ku xadgudubka muqadasaadka diiniga ah. View the full article
-
UNITED NATIONS (AP) — The United States strongly backed efforts to disrupt the illegal financing methods used by Somalia’s al-Shabab extremist group, which according to U.N. experts raised more than the $21 million it spent last year on fighters, weapons and intelligence. Source: Hiiraan Online
-
Siyaasi Baashe Cali Jaamac oo Xukuumaddii hore Axmed-siillaanyo ka soo qabtay xil wasiirnimo, gaar ahaan xilka Wasiirka Wasaaradda Biyaha, haddana ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay heshiiskii ay wada-galeen Xukuumaddii hore iyo Khaatumo, waxaanu ku baaqay in la fuliyo qodobbada suurtagalka ah, dibna loogu noqdo qodobbada aan la fulin karin. Siyaasi Baashe Cali Jaamac oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Xukuumaddii hore ee uu Madaxweynaha ka ahaa Axmed-sillaanyo iyo Khaatumo, waxay wada-galeen heshiis, oo qodobbo ayaa la isla meel dhigay, si loo dhaqan-galiyo, markaa Xukuumadda Muuse Biixi waa inay fuliso qodobbada suurtagalka ah heshiiskii ay wada-galeen Xukuumaddii Siillaanyo iyo Khaatumo, waana daruuri in heshiiskii dib loogu noqdo oo la dhaqangaliyo qodobbada muhiimka ah, qodobbada aan la fulin karina dib ayaa loogu noqon karaa oo dib ayaa loo sixi karaa, ama waaba la iska dayn karaa, laakiin muhiimadda ayaa ah in la fuliyo qodobbada la fulin karo…”. Dhanka kale, Siyaasi Baashe Cali Jaamac, ayaa soo dhaweeyey heshiiska nabadeed beelaha dhawaan dagaalku ku dhexmaray deegaan ka tirsan Gobolka Sool, waxaanu ugu baaqay inay heshiiiskaas la dhex dhigay sidiisa u qaatan oo aanay mar dambe jabin, kana dheeradan wax kasta oo colaad ka dhex abuuraya. Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Subax-29102020.mp3 View the full article
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka xun tahay in lagu xadgudbo caqiidada iyo muqdasaadka dadka Muslimiinta ah oo uu ugu horreeyo Suubane Nabi Muxamed, nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee. “Waxay adduunydu isla ogoshahay in la dhawro Muqadasaadka diiniga ah, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u taabanaya diinteenna sharafta badan ee Islaamka” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Villa Somalia. “Fal kasta oo dhaawacaya dareenka dadka Muslimiinta ah wuxuu u adeegayaa danaha kooxaha xagjirka ah, waxaana habboon in laga fogaado ficilladan oo kale maadaama ay abuurayaan nacayb bulsho oo ka dhex dhasha shucuubta caalamka ee kala aaminsan aragtiyada iyo diimaha kala duwan.” Ayuu sii raaciyay Qoraalkaas. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku boorrisay hoggaamiyeyaasha caalamka in ay si taxadar leh uga fiirsadaan hadallada xadgudubka ku ah dareenka dadka Muslimiinta ah iyaga oo kala saaraya xorriydda hadalka iyo ku xadgudubka muqadasaadka diiniga ah. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Gefka Madaxweynaha Faransiisku u gaystay Nebi Muxamed appeared first on Puntland Post.
-
Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay dooni yar oo siday qaxooti kuwaasi oo kasoo baxay dalka France kuna sii jeeday waddanka UK. Doonidan ayaa la sheegay inay degtay shalay xilli ay dabaylo xoogleh ka dhacayeen badda waxaana lasoo badbaadiyey inta badan dadkii doonidaasi saarnaa kadib markii ay u gurmadeen ciidammada iyo kaluumeysatada Faransiiska. Waxaa doonta saarnaa sida la xaqiijiyey 20 qof, dadka dhintay ayaa la sheegay inay ku jireen laba carruur ah oo u adkeysan waayey biyaha qabow ee badda, inta kale ee nololasha lagu soo badbaadiyey ayaa la dhigay isbitaalo ku yaal magaalooyinka Calais iyo Dunkirk ee waqooyiga Faransiiska. Wadanka France ayey ku sugan yihiin dad badan oo qaxooti ah kuwaasi oo loo diiday wax sharci ah isla markaana siyaabo kala duwan isugu daya inay u tilaabaan dhinaca dalka UK. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Ololaha doorashada Soomaaliya ee 2020/2021-ka ayaa si weyn uga socdo waddamada dariska la ah Soomaaliya, waxaana la sheegayaa in dowladaha qaar ay lacag ku bixinayaan sidii ay usoo saari lahaayeen siyaasiin ay isku aragti yihiin si ay berri uga helaan danahooda gaarka ah. Siyaasiinta ayaa ololahooda doorashada ka wada dalalka Qatar, Turkiga, Imaaraadka iyo Kenya, waxaana dhowr jeer safaro ku kala tagay siyaasiin badan halka qaarkoodna ay Soomaaliya usoo dirteen wakiillo la kulama madaxda Qaranka. Waddamada Imaaraadka Carabta iyo Kenya ayaa damacsan in Villa Somalia doorasho uga saaraan Madaxweyne Farmaajo islamarkaana ay halkaas geeyaan siyaasiin ku aragti ah maadaama uu Farmaajo dagaal siyaasadeed weyn uu la galay dowladahaan, halka dowladaha Qatar iyo Turkiga ay dhankooda lacag malaayiin doollar ah Soomaaliya gelinayaan si ay Farmaajo ugu sii hayaan ama qof kale u keenaan, haddii ayna qorshahooda koowaad ku guuleysan. “Dowladaha Kenya iyo Imaaraadka ma jiro qof ay isku raacsan yihiin laakiin waxay ka siman yihiin aragtida ah in Farmaajo booska baneeyo, halka Qatar iyo Turkiga ay ka siman yihiin Farmaajo sii joogo ama qof kale keensadaan, labadaan dowladoodna waa isku aragti waliba iska war qaba,” ayuu yidhi Nuur Shariif, oo ah aqoonyahaan bartay siyaasadda, dalkana xog ogaal u ah. “Muqdisho wax olole ah miyaa ka socda?, ololihii doorashada waxay u weecdeen dibadda mar kastana siyaasi gadaal ay ka riixeyso dowlad kale waxba dalkan uma galo, waan soo aragnay haddana waan aragnaa in Qatar dalkan siday rabto ka yeelaneyso marka Soomaalida uma fiicno sidaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Nuur Shariif. Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray wafuud ka socoto dowladaha carabta qaarkood oo taageersan madaxda Soomaaliya ee hadda talada heyso halka mucaaradka qaarkoodna ay dalalkooda ugu tageen. Sidoo kale qaar kamid ah madaxdii hore ee dalka ayaa ku sugan wadamada dariska waxeyna wararka ugu badan sheegayaan in ay kulamo la qaadanayaan madaxda dowladaha ay martida u yihiin si ay ugu guullaystaan doorashada Soomaaliya. Source
-
(SLT-Washington)-Iyadoo ay ka hadhsan tahay wax ka yar hal toddobaad ayaa in ka badan 75 milion oo qof ay codadkooda ka dhiibteen doorashada madaxnimo ee Mareyaknaka oo lasoo gababageyn doono 3da November ee soo socota. Inta badan gobollada Mareykanka ayaa dadka u ogol inay codadkooda sii dhiibtaan ka hor maalinta weyn ee doorashada. Tirada 75ka milion ee codadkooda dhiibtay ayaa markii laba qeybiyo ka badan taradii hore ugu soo baxay doorashadii 2016kii ee Mareykanka taas oo aheyd 1338.8 milion oo qof. Khuburrada doorashooyinka ayaa sheegay in usoo bixitaanka doorashada ee dadka codadkooda dhiibanaya sanadkan ay noqon doonto tii ugu badneyd ee tan iyo 1908 dii, markaas oo 65% dadka Mareykanka ee xilligaasi isu diiwaan galiyay doorashada ay codkooda dhiibteen. Madaxaweyne Trump ayaa xalay ka ololeeyay gobolka Arizona oo kamid ah gobolada la saadaalinayo inay go’aamin doonaan doorashada, halka ninka la tartamaya ee xisbiga Dimoqraadiga Joe Biden uu isagana codkiisa ka dhiibtay gobolka uu kasoo jeedo Delaware. Source
-
Qorshihii ahaa in Wasiirkii hore ee Maaliyadda Nigeria loo magacaabo Agaasimaha hay’adda Ganacsiga Adduunka ee WTO, ayaa meesha ka baxay, kadib markii Mareykanku ka hor yimid qorshahaas. Arbacadii Shalay, ayaa 164 xubnood oo ururkan go’aamiyeen in Ngozi Okonjo-Iweral ay noqoto madaxa hey’adda WTO, taas oo noqon lahayd haweeneydii ugu horraysay ee Afrikaan ah oo hoggaamisa. Mareykanka oo WTO si weyn ugu dhaliilsan sida ay u maareyso Ganacsiga Adduunka, ayaa doonaya in hey’adda loo dhiibo gabar Koofur Kuuriyaan ah oo la yiraahdo Yoo Myung-hee, taas oo ay aaminsan yihiin in isbedel ku sameyn karto WTO. Wakiilka Mareykanka ee WTO oo qoraal soo saaray, ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu ku taliyay in siyaasadda ganacsiga ee ururka isbedel lagu sameeyo, isla markaana loo baahan yahay qof si dhab ah u hogaamiya, kaas oo leh waaya-aragnimo fiican. Hase yeeshee, qoraalka ka soo baxay Mareykanka laguma xusin magaca gabadha reer Nigeria ee Okonjo-Iweala. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo ka horyimid in Ngozi Okonjo loo magacaabo Agaasimaha Hay’ada Ganacsiga Aduunka appeared first on Puntland Post.
-
in ka badan 75 milion oo qof ayaa codadkooda ka dhiibtay doorashada madaxnimo ee Mareyaknaka oo lasoo gababageyn doono 3da November ee soo socota. Inta badan gobollada Mareykanka, ayaa dadka u ogol in ay codadkooda sii dhiibtaan ka hor maalinta weyn ee doorashada. Tirada 75ka milion ee codadkooda dhiibtay, ayaa markii laba qeybiyo ka badan taradii horay ugu soo baxay doorashadii 2016kii ee Mareykanka, taas oo aheyd 1338.8 milion oo qof. Khubarada doorashooyinka, ayaa sheegay in usoo bixitaanka doorashada ee dadka codadkooda dhiibanaya sanadkan ay noqon doonto tii ugu badneyd ee tan iyo 1908 dii, markaas oo 65% dadka Mareykanka ee xilligaasi isu diiwaan galiyay doorashada ay codkooda dhiibteen. Madaxaweyne Trump ayaa xalay ka ololeeyay gobolka Arizona oo kamid ah gobolada la saadaalinayo inay go’aamin doonaan doorashada, halka ninka la tartamaya ee xisbiga Dimoqraadiga Joe Biden uu isagana codkiisa ka dhiibtay gobolka uu kasoo jeedo Delaware. PUNTLAND POST The post In ka badan 75 milion oo codkooda dhiibtay doorashada Mareykanka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan canshuuro iyo lacago baad ah ka qaada ganacsatada Soomaaliyeed ee Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka, iyo weliba shaqsiyaad ka tirsan dowladda, sida ay dhawaan daboolka ka qaaday warbixin cusub oo la shaaciyey. Warbixintaasi oo dhawaan uu daabacay Machadka Daraasaadka Amniga ee HIRAAL ee fadhiggiisu yahay magaalada Muqdisho, ayaa lagaga hadlay qaabka ay Al-Shabaab usoo ururiso canshuuraha ay qaado, iyada oo adeegsaneysa Bankiyo kala duwan, ganacsato iyo shaqsiyaad kale. Waxa ugu horeyntii warbixintaasi lagu sheegay in Al-Shabaab ay hal lambar oo isku mid ah u isticmaasho la xiriirka ganacstada iyo shaqsiyaadka ay canshuurta ka rabto ee isku deegaanka ah, taasi oo fududeynaysa cabsi gelinta dadkaasi oo ka xaqiijin kara shaqsiyaadka ay qaraabada yihiin ee kooxdaasi ku jira. Canshuuraha ay kooxda Al-Shabaab ka qaado Muqdisho iyo gobollada dalka ayaa waxa loo soo aruuriyaa qaabab kala duwan, kuwaasi oo mararka qaar ku xiran xaddiga lacageed ee la uruuriyay, goobta ganacsigu ku yaal iyo meelaha ay gacanta ku hayaan dagaalyahanadaasi, sida lagu xusay warbixinta. Arrinta yaabka leh ee lagu sheegay warbixinta HIRAAL ayaa ah in saraakiisha u qaabilsan Shabaabka soo ururinta lacagahaasi ay mararka qaar si toos ah ugu tagaan meelaha iyo ganacstada laga rabo lacagta, isla markaana kasoo qaada lacag kaash ah, kuwaasi oo ka baxsan meelaha ay gacanta ku hayaan. Shabaabka ayaa badanaa waxa lacagaha canshuurta ku ridaan ama ku aruriyaan xisaabaad (akoono) bangi oo ku diiwaan-gashan shaqsiyaad ganacsi leh iyo kuwa aan laheyn balse damaanad buuxda ka haysta saraakiisha sare ee kooxdaasi. “Waxa jira xubno Al-Shabaab ah kuwaas oo iska dhiga in ay ganacsato yihiin isla markaana shaqadoodu tahay in ay fududeeyaan uruurinta iyo dhaqdhaqaaqa lacagta. Tusaale ahaan, qof ganacsade ah oo raba in uu lacago ka xawilo meelo ay Shabaab ka taliso ayaa lacagta u dhiiba xafiiska maaliyadda ee Shabaab, kaas oo isna u tilmaama ganacsade kale oo AS xiriir laleh kuna sugan dhulka dawladdu ka taliso, kaas oo ganacsadihii hore siiya lacagtiisii isaga oo kubixinaya lacag cashuur ah oo uu kasoo qaaday ganacsade kale” ayaa lagu yiri warbixinta HIRAAL Canshuurta ay kooxdu bishii aruuriso ayaa lagu sheegay marka la isku wada daro inay tahay ugu yaraan 15-milyan oo doollar, taasi oo ka dhigeysa in maleeshiyadaasi ay ganacsatada iyo dadka kaleba ka qaado canshuuro ka badan midda dowladda. The post Nidaamka yaabka leh ee Al-Shabaab ay canshuuraha uga ururiso MUQDISHO first appeared on Caasimada Online.
-
In key swing states like Ohio, Minnesota and Maine, new immigrant communities such as Somali Americans are fast building political influence that could impact races. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Barlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan, oo xalay ka qeyb galay munaasabad looga mahadcelinayay anxisinta xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in Xukuumadda Cusub looga fadhiyo qabsoomida doorasho wakhtigeeda ku dhacda. Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in xukuumadda Cusub laga doonayo in ay ka shaqeeyaan sidii dalka ay doorasho uga dhici laheyd sanadka 2020-2021-ka, isagoona sheegay in ay muhiim tahay in doorashada ay noqoto mid lagu wada ganacsan yahay. Horay madaxda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa ku heshiiyay nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa, iyagoo heshiis ka gaaray arima ay ka mid yihiin; Soo xulista, diyaarinta ergooyinka iyo goobaha codbixintana lagu diyaariyo bisha Nofeembar ee sanadkan. Doorashada Aqalka Sare ayaa dhici doonta 1-da illaa 10-ka Diseembar, halka xildhibannada Golaha Shacabka ay dhici doonto 10-ka illaa 27-ka Diseembar ee sanadkan. Doorashada guddoonka labada aqal iyo Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dhici doonta 1-da Janaayo illaa 8-da Febraayo 2021. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Mursal oo xukuumadda cusub ugu baaqay in ay hirgeliso Doorashada 2020/2021 appeared first on Puntland Post.
-
A group of United Nations-appointed experts detailed in its recent report how the Al-Shabaab extremist group raises funds for its activities, the Chair of the Security Council Committee pursuant to resolution 751 (1992) concerning Somalia said today, during a 28 October videoconference meeting. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay kadib bilooyin dhowr ah oo uu ku maqnaa wadamada dariska. Saacado kadib markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaa gurigiisa buux dhaafay qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan odayaal dhaqan, siyaasiin hore, Xildhibaano iyo madax ka tirsan ururada haweenka. Guriga Sheekh Shariif ayaa laga dareemayaa mashquul badan waxaana jira kulamo uu durba bilaabay inuu la qaato qaar kamid ah dadkii gurigiisa soo booqday si ay usoo dhaweeyaan. Villa Somalia ayaa mashquulka guriga Sheekh Shariif u aragta abaabul doorasho oo uu si toos ah uga bilaabay Muqdisho halka madaxda kale ay ka wadaan wadamada dariska la ah Soomaaliya. Sheekh Shariif ayaa muddo ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta, isaga oo kadibna soo maray magaalada Nairobi, halkaasi oo uu kula soo kulmay xildhibaano iyo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Imaanshaha Shariifka ee Muqdisho ayaa ka dhigan inuu dib ugu soo laabtay saaxada siyaasadda dalka, isaga oo ka gaabsaday intii uu socday loolankii heshiiska doorashada ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka ah iyo madax goboleedyada. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in muddadaas uu Shariif ku maqnaa wax loogu yeeray “xeelad siyaasadeed” oo ay qeyb ka ahayd inuu yareeyo ka hadalkiisa siyaasadda dalka, si aan loogu arag qof mar kasta ka daba qeylinya dowladda oo hadalkiisa macno beelay, taas beddelkeedna uu doonayey in ficillada dowladda looga jawaabo kaliya qoraallada Madasha Xisbiyada Qaran. Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxa uu kamid ah musharaxiinta sanadkaan la aamisan yahay in ay tatrtan adag la geli doonaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo siyaasiin kale. The post Xog: Maxaadan ogeyn oo uu Sheekh Shariif ka wadaa magaalada Muqdisho? first appeared on Caasimada Online.
