Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasaaradda waxbarashada dalka Itoobiya ayaa maanta shaacisay in la dilay labo sarkaal oo kamid ah shaqaalaheeda, xili ay ku gudo jireen gudashada waajibaadkooda shaqo, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda. Shaqaalaha la dilay ayaa xiligaasi ku sugnaa deegaan ka tirsan gobolka Cafarta ee Itoobiya, halkaasi oo ay kusoo weerareen dabley hubeysan oo ilaa hadda haybtooda la garaneyn. Labadaasi ruux ayey wasaaradu magacdooda ku kala sheegtay Maluto iyo Abebow, kuwaasi oo kaalin mug leh kasoo qaatay arrimaha waxbarashada ee Itoobiya, sida lagu xusay qoraalkaasi. War-saxaafadeedka wasaarada ayaa sidoo kale waxa loogu tacsiyadeeyay ehellada iyo qoyska ay ka baxeen labadaasi shaqaale, iyada oo lagu sheegay in cadaalada la horgeyn doono dadkii ka dambeeyay, xili ay socdaan baaritaano hordhac ah oo falkaasi la xiriira. Dilka saraakiishan ka tirsan wasaarada waxbarashada ayaa dhaliyay xiisad cusub, iyada oo banaanka keentay xaalada amni ee dalkaasi, tan iyo markii uu galay xaalada cakiran, waxaana sii kordhaya dilalka ku saleysan qowmiyadaha. Itoobiya ayaa iyadu muddooyinkii dambe wajaheysay qalaalase xoogan, taasi oo ka dhalatay dib u dhaca doorashada dalkaasi iyo tallaabooyinkii u dambeeyay ee ay qaaday xukuumada Abiy Ahmed. Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa dhowaan sheegay in dagaal-yahanno ku lug lahaa weeraro lala beegsaday dad shacab ah oo dhowaanahan ka dhacayey galbeedka dalkaas, lagu soo tababaray oo ay gabaad ku heleen Sudan. Dowladda Abiy ayaan horey faah-faahin badan uga bixin waxa sababay rabshadaha gobolka Benishangul-Gumuz region, kuwaasi oo siyaasiyiinta mucaaradka ay ku qeexeen kuwa salka ku haya qowmiyado. Mucaaradka Amxaarada ayaa sheegay in rabshdaha ay ka dambeeyaan meelshiyo kasoo jeeda qowmiyadda Gumuz, kuwaas oo beegsanaya qowmiyadda Amxaarada. Ugu yaraan 12 qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay aagga Metekel toddobaadkii tegay, halka 15 kale ay ku dhinteen weerar la mid ahaa oo dhacay bishii September. The post Saraakiil sare oo lagu dilay Itoobiya iyo xiisadda dalkaas oo kasii dareysa first appeared on Caasimada Online.
  2. NAIROBI (Reuters) – Somalia’s economy is expected to shrink by 2.5% this year, the World Bank said on Wednesday, revising its initial forecast of 3.2% growth due to the impact of the coronavirus crisis. Apart from the pandemic, the Horn-of-Africa economy has also been hit by severe flooding this year and a widespread infestation of desert locusts, which is in its second wave. “The pandemic is projected to push the economy into contraction, increase fiscal pressures, and deepen poverty in 2020,” the World Bank said in its latest review of the economy. Somalia secured the ability to receive debt forgiveness from key creditors in March, following years of a slow recovery accompanied by frequent violence by militants, allowing it to return to the international financial system for the first time in 30 years. “The COVID-19 pandemic has interrupted Somalia’s economic recovery,” the World Bank said in its review. Growth is expected to rebound to 2.9% next year and 3.2% in 2022, the Washington-based lender said, but any delays in lifting restrictions placed to curb the spread of the virus could alter that outlook for the worse. Like other neighbouring states like Kenya and Ethiopia, Somalia has been battling waves of locust infestations, which have spread to 44 of its districts. “The worst desert locust upsurge in a generation now threatens to directly hit the country’s food production systems,” the World Bank warned. Other risks to the economy include political disputes over the management of national elections due early next year, the World Bank said. The country also faces risks from militant attacks, inadequate funding of health services which could prolong the pandemic, and other potential climatic shocks, the lender added. (Editing by Bernadette Baum) The post Somalia's economy to contract 2.5% this year, World Bank says first appeared on Caasimada Online.
  3. Sacuudi Carabiya ayaa cambaareysay sawir gacmeedyada loogu gefayo Nebi Muxamed NNKH, hase yeeshee waxay ka gaabsatay inay xoojiso baaqyada dalalka kale ee Islaamka ee lagu doonayo in lagu qaado ficil ka dhan ah sawirrada lagu soo bandhigay Faransiiska ee loola jeedo Nebiga NNKH. Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sacuudiga ayaa sidoo kale bayaan ku sheegay in Riyadh ay cambaareyneyso dhammaan ficillada aragagixisada, ayada oo ay u muuqato in la tixraacayo macallin lagu gowracay magaalada Paris kadib markii uu sawir gacmeed lgu sheegay Nebiga NNKH uu kusoo bandhigay fasalka, isaga oo cuskanaya xoriyadda hadalka. “Xoriyadda hadalka iyo dhaqanka waa inay tusaale u noqdaan xushmad, dulqaad iyo nabad lagu diido ku dhaqanka ficillada naceybka, rabshadaha iyo xagjirnimada kasoo horjeeda wada-jirka,” ayaa lagu yidhi bayaanka ay baahisay warbaahinta dowladda. Wargeyska Arab News ee Sacuudiga ayaa Talaadadii kasoo xigtay madaxa Ururka Dalalka Islaamka ee fadhiggiisu yahay Sacuudiga Mohammed Al-Issa inuu ka degay fal-celin xad dhaaf ah, taasi oo uu ku sheegay “mid taban oo ka baxsan waxa la aqbali karo,” islamarkaana faa’iido u ah kaliya “kuwa wax neceb”. Sawir gacmeedyada lagu matalayo Suubanaha NNKH ayaa waxaa markii ugu horreysay sameeyey wargeys Faransiis ah, kaasi oo xafiisyadiisa ay 2015-kii weerareen dabley Islaamiyiin ah, kuna dileen 12 qof. Wixii ka dambeeyey gowraca macallinka, sawiradaas ayaa lagu soo bandhigay Faransiiska ayada oo isaga taageero loogu muujinayo. Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa ku baaqay in la qaadaco badeecadaha Faransiiska, halka baarlamanka Pakistan uu meel mariyey qaraar ku boorinaya dowladda inay u yeedho safiirkeeda Paris. Gudaha Sacuudiga, qaadacaad ka dhan ah badeecadaha Faransiiska ayaa aad looga hadal hayey baraha bulshada, hase yeeshee Reuters ayaa werisay in Isniintii magaalada Riyadh ay walba caadi u muuqdeen. REUTERS Source
  4. Bangiga adduunka ayaa sheegay in uu sanadkan hoos u dhacayo kobaca dhaqaalaha Soomaaliya ilaa 1.5% taasi oo ku timid saameynta COVID-19, Fatahaadaha iyo Ayaxa. Sida ay bangigan uu ku sheegay warbixinta 5-aad ee dhaqaalaha Soomaaliya, waxaa la filayey in hoos u dhacdo uu gaaro ilaa 2.5% in June, taasi waxaa muuqata in uu sidaa ka roonaadey. Sida warbixinta ku jira waxaa hoos u dhac ku iman doonaa sanadkan canshuuraha taas oo gaari doonta ilaa 1.4% oo GDP-ga ah, una dhganta $67 million halka uu kor u kici doono qarash gareynta oo gaari doonta ilaa 2.4% GDP-ga marka loo eego 2019. Bangiga waxaa uu ku ammaanaay dowladda federaalka ah iney lacago ka badan sanadkii ay hore ay ku bixisay maamul goboleedyada iyo nidaamka federaaleynta, lacagta ayaa gaartay 146 million marka loo eego $42.6 million uu ahaa sanadkii hore. Ugu dambeyntii, waxaa ay warbixintan odoroseysaa in 2021 uu dalka geli doono kobac dhaqaale oo gaari doona ilaa 2.9%, waase haddi uu dhamaado COVID-19, lacago badan lasoo xawilo, xaaladdana ay caadi noqoto, oo haddii xumaato waxaa la filayaa 1.9% sanadka soo socda. Dhanka kale, maanta oo ay warbixintan bangiga adduunka soo baxday, Goobjoog TV waxay qaatay falanqeyn arrintaas la xiriirta oo ay ka qeyb galeen khubaro bangiga adduunka ah iyo wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa cambaareysay sawir gacmeedyada loogu gefayo Nebi Muxamed NNKH, hase yeeshee waxay ka gaabsatay inay xoojiso baaqyada dalalka kale ee Islaamka ee lagu doonayo in lagu qaado ficil ka dhan ah sawirrada lagu soo bandhigay Faransiiska ee loola jeedo Nebiga NNKH. Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sacuudiga ayaa sidoo kale bayaan ku sheegay in Riyadh ay cambaareyneyso dhammaan ficillada aragagixisada, ayada oo ay u muuqato in la tixraacayo macallin lagu gowracay magaalada Paris kadib markii uu sawir gacmeed lgu sheegay Nebiga NNKH uu kusoo bandhigay fasalka, isaga oo cuskanaya xoriyadda hadalka. “Xoriyadda hadalka iyo dhaqanka waa inay tusaale u noqdaan xushmad, dulqaad iyo nabad lagu diido ku dhaqanka ficillada naceybka, rabshadaha iyo xagjirnimada kasoo horjeeda wada-jirka,” ayaa lagu yiri bayaanka ay baahisay warbaahinta dowladda. Wargeyska Arab News ee Sacuudiga ayaa Talaadadii kasoo xigtay madaxa Ururka Dalalka Islaamka ee fadhiggiisu yahay Sacuudiga Mohammed Al-Issa inuu ka degay fal-celin xad dhaaf ah, taasi oo uu ku sheegay “mid taban oo ka baxsan waxa la aqbali karo,” islamarkaana faa’iido u ah kaliya “kuwa wax neceb”. Sawir gacmeedyada lagu matalayo Suubanaha NNKH ayaa waxaa markii ugu horreysay sameeyey wargeys Faransiis ah, kaasi oo xafiisyadiisa ay 2015-kii weerareen dabley Islaamiyiin ah, kuna dileen 12 qof. Wixii ka dambeeyey gowraca macallinka, sawiradaas ayaa lagu soo bandhigay Faransiiska ayada oo isaga taageero loogu muujinayo. Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa ku baaqay in la qaadaco badeecadaha Faransiiska, halka baarlamanka Pakistan uu meel mariyey qaraar ku boorinaya dowladda inay u yeerto safiirkeeda Paris. Gudaha Sacuudiga, qaadacaad ka dhan ah badeecadaha Faransiiska ayaa aad looga hadal hayey baraha bulshada, hase yeeshee Reuters ayaa werisay in Isniintii magaalada Riyadh ay walba caadi u muuqdeen. Isha: REUTERS + VOA The post Sacuudiga oo si aan laga fileyn uga falceliyey gefkii ay Faransiiska u gaysteen Nebiga NNKH first appeared on Caasimada Online.
  6. Somalia’s economy is expected to shrink by 2.5% this year, the World Bank said on Wednesday, revising its initial forecast of 3.2% growth due to the impact of the coronavirus crisis. Source: Hiiraan Online
  7. Hoggaamiyaha madasha xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo muddooyinkan safar ku maqnaa ayaa maanta Muqdisho dib ugu soo laabtay, waxaa uuna dadkii soo dhoweeyey kala hadlay doorashada Hoggaamiyaha oo warbaahinta u qabtay shir jaraa’id ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu weyn tahay doorashada soo aadan ee 2020-2021-ka “ Doorashada waxaan anigu jeclaa in lagu galo axsaab, taas ayeyna aheyd wixii xisbiga iyo madasha loo sameeyey, laakiin wixii lagu heshiiyey oo doorasho lagu aadayo waan soo dhoweynaynaa, doorasha waa la aadayaa waxaana lagu aadayaa wixii lagu aadi jiray ee 4.5, dadka qaar waa dhibsadaan, dadka qaarna waxaa laga yaabaa in ay dano kale ka arkaan, laakiin waxaan aaminsan nahay marxalad loo baahnaa ayaa la qaatay, waxaa ay muujinaysay Soomaalida marxalad kasta ay joogaan in ay xal gaari karaan” ayuu yiri Shiif. Shariif oo sii hadlaayo ayaa yiri” 20 sano ayaan soo wadnay 4.5, waxaa rabnaa marka inaan u gudubno axsaab, fakar siiyaasiya oo dadka mideen kara, keeni kara dowladda gudan karta waajibaadkeeda, dadkuna ay ku yimaadaan barnaamij siyaasi ah, oo keeni kara inuu dalku horay u socdo. Si taas loo gaaro dadka mas’uuliyiinta ah ee xaqa u leh in ay xildhibaannada soo xulaan , waxaan rabaa inaan ka codsano in ay ku soo xulaan dadka ay soo xulaayaan karti iyo hufnaan” Sidoo kale Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadalay isqabqabsiga iyo waxyaabaha dhaca waqtiyada lagu jiro soo xulista xildhibaannada heer federaal “ Dalkaan waxaa aad ugu badan in dadka la qasbo oo la dhibo oo la jajuubo ama la handado, ama dad baahan xoolo lala kor istaago, arrimahaas arrimo fiican maahan, isaamnimada kuma fiicna dowladnimadana kuma fiicna” Dhanka kale hoggaamiyaha madasha xisbiyada qaran ayaa ka hadalay xaditaanka caruurta oo muddooyinkaan ka taagnaa dalka, gaar ahaan Muqdisho ” Runtii waxyaabo in aad looga xumaado ay tahay waaye in caruurtii aan maanta bannaanka loo diri karin oo meelna Al-shabab looga baqaayo, meelna dad cusub ama dambiilayaal cusub oo dadka xubnahooda gadanaayo in looga baqo waa arrin qatarteeda leh, arrintaas waxaan u baahanahay inaan dhammaanteen kawad qeyb qaadano, heyadaha amniga dowladda u qaabilsanna ay howshooda qabsadaan”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Toronto (HOL) - An Edmonton man was killed on Tuesday after being struck by equipment while working Trans Mountain pipeline. Source: Hiiraan Online
  9. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeybgalay munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Wasiirrada cusub ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Amniga. Eng. Rooble ayaa ku ammaanay Wasiirradii hore ee xilka wareejiyey howlkarnimadii ay muujiyeen mudadii ay xafiiska joogeen, isagoo tilmaamay in labadani wasaarradood ay kamid yihiin lafdhabarka dowladda, loogana fadhiyo wasiirrada cusub ee xilalka la wareegay waajibaadkooda in ay u gutaan si caddaalad ah. “Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Amniga waxay dalkaan u leeyihiin muhiimad weyn, waana halbowlaha wasaaradaha, si kaalintaas looga faa’iideysto waa in la dardargeliyaa shaqooyinka idin horyaala”. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Wasiirrada xilka la wareegay in dalkooda ay ugu shaqeeya si daacaad ah, maadaama wasaaradaha ay la wareegeen muhiim u yihiin dowladnimada, gaar ahaan Amniga, Federaaleynta iyo dib-u-heshiisiinta. Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa xilka ku wareejiyey Wasiirka cusub Gen. Mukhtaar Xasan Afrax, halka Wasiirkii hore ee Amniga Maxamed Abuukar Isloow xilka ku wareejiyey Wasiirka cusub Mudane Xasan Xundumeey Jimcaale. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  10. Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay maleeshiyaad hubeysan ay weerar ka geysteen degmada Caabudwaaq ee gobolkaasi. Dilka oo ka dhacay bartamaha magaalada ayaa waxaa fuliyey kooxo hubeysan oo watay gaari nooca raaxada ah oo rasaas ku furay dad ku sugnaa goob maqaaxi ah. Inta la xaqiijiye ugu yaraan labo qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay weerarkaasi, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay Shiino Faarax iyo Cabddullahi Diiriye Shaaciyeey. Dhanka kale Mudane Cali Daahir Ciid oo ah madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug oo ka hadlay dhacdadaasi ayaa amray laamaha amniga inay gacanta lagu soo dhigaan maleeshiyaadkii ka dambeeyey dilka dadkaasi oo lala xiriirinayo aano Qabiil. Ciid ayaa sidoo kale faray laamaha amniga degmada Caabudwaaq in maanta laga bilaabo uu dhaqan-galo bandow lagu soo rogay xaafadaha ay ka kooban tahay magaaladaasi, inta laga xaqiijinayo amniga, kaas oo ka bilaabanayo saacadda marka ay gaarto 11:30 AM. Inta badan waxaa Gobollada Galgaduud iyo Mudug ka dhaca weeraro iyo dilal ay geystaan maleeshiyaad weli ku sugan gobolladaasi oo dhaca bartamaha Soomaaliya. View the full article
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay falalka maalmahii ugu dambeeyay aadka looga hadal hayay magaalada Muqdisho, kaas oo ku saabsanaa caruurta la xado. Toddobaadyadii ayaa Muqdisho waxaa aad looga hadal hayay kufsiga iyo caruurta oo la xado, taasoo walaac weyn ku abuurtay waalidiinta, waxaana waddanka uu ku jiraa xilli kala guur ah oo aysan jirin cid mas’uuliyad iska saareysa. Sheekh Shariif oo kusoo laabtay Muqdisho ayaa sheegay iney tahay wax laga xumaado in wakhtigaan ay caruurta ku nool Muqdisho banaanka u bixi la’yahiin sababo cabsi ay ka qabaan in la xado oo la iibsado xubnahooda ama in kufsi loo gaysto. “Waa wax laga xumaado in caruurta ay banaanka u bixi waayeen cabsi laga qabo in la iibsado xubnaha jirkooda, waxaan dowladda ka codsanayaa iney falalkaas uu kufsiga ka mid yahay ka hortagto,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Gudoomiyaha xisbiga Himilo Qaran wuxuu intaas ku daray in hay’adaha amniga ay wakhtigaan ku mashquulsan yahiin waxyaabo kale, balse wuxuu ka codsaday iney xil iska saaraan wax u qabashada dadka wakhtigaan dhibaatoonaya. Hadalkaan wuxuu kusoo aadayaa xilli doorashada ay foodda nagu soo heyso, wuxuuna ka mid yahay tiro musharaxiin ah oo isu soo taagay xilka madaxtinimada dalka. The post Sheekh Shariif oo si kulul uga hadlay arrimo maalmahan ka taagnaa Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
  12. Waxaa maanta meelo badan oo ka mid ah dalka ka dhacay dibad-baxyo looga soo hojeedo gefkii uu Nebi Muxamed (NNKH) u geystay madaxweynaha dalka Faransiiska. Dibad-baxyada ayaa si gaar ah uga kala dhacay magaalooyinka Muqdsho iyo Gaalkacyo, iyada oo ay ka qeyb-galeen culuma-udiin, arday, waxgarad & qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas kasoo horjeeday hadalkii madaxweyne Emmanuel Macron Dibad-baxayaasha ayaa si weyn uga dhiidhiyey aflagaadadii uu Macron u geystay Islaamka iyo taageerada uu u muujiyay sawir gacmeed laga sameeyay Nabi Muxamed (NNKH). Qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ka qeyb-galay dibad-baxyadan ayaa sheegay in hadalka Macron uu meel ka dhac ku yahay dhammaan dadka Muslimiinta ah. Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa ku qeylinayey erayo ka dhan ah madaxweynaha Faransiiska iyo dowladdiisa, iyaga oo gubayey Sawirradiisa. Dalal badan oo muslmiin ah ayey ka dhaceen dibad-baxyada & carada ka dhalatay hadalkii Emmanuel Macron boo aflagaadu u geystay Islaamka, isagoo taageero ugu muujiyey macalinkii la dilay ee sawir loogu gafayo Nebiga (NNKH) tusiyey ardaydiisa. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  13. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Duhur-28102020.mp3 View the full article
  14. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Somaliland oo Farxaan Aadan Haybe ayaa shaaciyay in laga helay cudurka Covid 19. “Shalay ayaan waxoogaa qufac ah yeeshay si aan isu hubiyo caafimaadkayga iyo taxadir badbaado dadka kale ah u sameeyo, Baadhis la xidhiidhi Covid-19 ayaan sameeyay ilaa shalay iyo maanta oo baadhista natiijada aan sugayay guriga kama bixin. Imika ayaa la ii soo sheegay natiijada in aan positive ahay.”ayuu ku yidhi Qoraal uu ku baahiyey barta Facbuugiisa.. “Alxamdulilah wax culays ah ama isbadal ah xataa xumad ma yeelan keliya qufac kooban mooyee, markaa muhiim ayay u tahay qof kastaa inuu is baadho si uu u xaqiijiyo caafimaadkiisa iyo waajibka ka saaran caafimaadka intuu jecel yahay iyo bulshadiisa guud ahaan si aynu uga qayb noqono xakamaynta cudurka safmarka ee Coronavirus. Sida dhakhtaradu ku taliyeen 14 cisho Hadii Allah ogolaado waa waajib in aan guriga fadhiyo isna takooro.”ayuu ku yidhi qoraal uu ku baahiyey barta Facbuugiisa.. Source
  15. (SLT-Berbera)-Waxaa maanta maxkamadda magaalada Berbera ka soo muuqday fanaanka caanka ah ee Qamar Suugaani oo dhowaan lagu xidhay halkaasi. Fanaanka oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa 26-kii bishan lagu qabtay magaalada Berbera, iyada oo ay xabsiga dhigeen ciidamada Booliska ee Somaliland. Maxkamaddu ayaa amartay in fanaanka la sii haayo muddo toddobaad ah, waxaana dib loogu celiyey Qamar Suugaani xabsigii uu ku xidhnaa oo ku yaalla magaalada Berbera. Sidoo kale xeer ilaaliyaha maxkamadda ayaa warbaahinta u sheegay in fanaanka loo heysto arrimo la xidhiidha safarkii uu ku tagay magaalada Muqdisho. Source
  16. Dalka 4aad ee ugu Muslimiinta badan Caalamka oo ku mudaharaaday,Si Adagna u qaadacay Badeecadaha Faransiiska Waxay gubeen sawirada madaxweyne Emmanuel Macron, oo difaacay kartoonadii Nabi Muxamed NNKH Tobanaan kun oo dad ah ayaa socod ku maray caasimada Bangladesh ee Dhaka, iyagoo dalbanaya in la qaadaco badeecadaha Faransiiska xilli khilaaf ka taagan yahay mowqifka adag ee Faransiiska ka taagan yahay Islaamka xagjirka ah. Waxay gubeen sawirada madaxweyne Emmanuel Macron, oo difaacay kartoonadii Nabi Muxamed NNKH. Booliska ayaa dibadbaxayaasha ka horjoogsaday inay gaaraan safaaradda Faransiiska. Waxay hadda u muuqataa in madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, uu wajahayo wejiyada careysan iyo aragtido adag oo kaga imaanaya Dunida Islaamka. Macron wuxuu hadalkaa jeediyay xilligii aaska loo sameynayay macallimkii la bireeyay ka dib markii ardeydiisa uu tusay sawir lagu sheegay Nabi Maxamed N.N.K.H. Samuel Patty waxaa lagu gowracay wado ka tirsan caasimadda Faransiiska ee Paris. Macron hadalkii uu jeediyay 21-kii bishan October, wuxuu ka careysiiyay qaar ka mid ah siyaasiyiin iyo shacabka dalal ka mid ah dunida Islaamka. Isniintii, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan wuxuu sidoo kale ku baaqay in la qaadaco alaabada Faransiiska. Khudbad uu teleefishinka ka jeediyay, Erdogan wuxuu ugu baaqay hogaamiyeyaasha caalamka inay difaacaan muslimiinta waa haddii ‘Farasniiska ay ka dhacaan tacaddiyo ka dhan ah islaamka’ Erdogan wuxuu si caro leh u dhaleeceeyay hadalka kasoo baxay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ee ku aadan difaacidda fikradaha cilmaaniga. Laakiin dowladaha Yurub oo dhan waxay u soo baxeen taageerida Mr Macron waxayna cambaareeyeen hadalada Mr Erdogan ee ku saabsan hogaamiyaha Faransiiska. Maxaa ka dhacay magaalada Dhaka? Booliisku waxay ku qiyaaseen in ilaa 40,000 oo qof ay ka qeybgaleen socodkan, oo ay soo qabanqaabiyeen xisbiga Islami Andolan ee Bangladesh, oo ka mid ah xisbiyada Islaamiga ah ee ugu waaweyn Bangladesh. Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay “Qaadac alaabooyinka Faransiiska” waxayna ku baaqayeen in madaxweyne Macron la ciqaabo. “Macron waa mid kamid ah hogaamiyaasha kooban ee caabuda Shaydaanka,” hogaamiyaha sare ee Islami Andolan Ataur Rahman ayaa u sheegay dibad baxayaasha. “Macron waa mid kamid ah hogaamiyaasha kooban ee caabuda Shaydaanka,” hogaamiyaha sare ee Islami Andolan Ataur Rahman ayaa u sheegay dibad baxayaasha Wuxuu ku booriyay dowladda Bangaladhesh inay dalkeeda ka saarto safiirka Faransiiska. “Faransiisku waa cadowga Muslimiinta, kuwa iyaga matalaana sidoo kale waa cadawgeenna,” ayuu yidhi Nesar Uddin oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha xisbiga. Booliska ayaa adeegsaday silig adag si ay u xiraan waddo qiyaastii seddex mayl (5km) u jirta safaaradda Faransiiska, iyaga oo ka fogeeyay socodka. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Faransiiska ayaa soo saartay digniin ku socota muwaadiniinteeda ku sugan Indonesia, Bangladesh, Iraq iyo Mauritania – oo ah waddamada mudaharaadyada ay ka dhaceen – waxayna kula talisay inay taxaddar muujiyaan. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Faransiiska ayaa soo saartay digniin ku socota muwaadiniinteeda ku sugan Indonesia, Bangladesh, Iraq iyo Mauritania – oo ah waddamada mudaharaadyada ay ka dhaceen – waxayna kula talisay inay taxaddar muujiyaan. Maxay arrintani salka ku haysaa? Waxay arrintani imaaneysaa kaddib markii 16-kii bishan Oktoobar gudaha Faransiiska lagu dilay macalin la oran jiray Samuel Paty. Ka hor dilka macalinkaas, Madaxweyne Macron wuxuu islaamka ku tilmaamay diin qalalaase ku jirta isla markaana wuxuu ku dhawaaqay qorshe uu ku sheegay in uu kaga hortagayo ‘Islaamiyiinta doonaya gooni u goosadka” Faransiiska waxaa ku nool muslimiinta ugu badan ee ku sugan galbeedka Yurub, dadka qaar waxay ku eedeynayaan in uu adeegsanayaan tallaabooyin uu ku bartilmaameedsanayo islaamka. Falcelinada kale ee hadalka Macron Sacuudi Carabiya ayaa soo saartay bayaan rasmi ah oo ay ku cambaareyneyso kartoonadii nebi Muxamed NNKH, laakiin ma aysan xusin Faransiiska magacooda. Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ayaa lagu sheegay in waddanku “uu ka soo horjeedo isku day kasta oo lagu doonayo in la isla xiriiriyo Islaamka iyo argagixisada” iyada oo intaas ku dartay in sidoo kale “ay cambaareyneyso dhammaan falalka argagixisanimo, iyada oo aan loo eegin dambiilaha”. Hogaamiyaha Chechnya Ramzan Kadyrov ayaa ku eedeeyay Mr Macron inuu kicinayo muslimiinta, asaga oo sheegay in madaxweynaha faransiiska asaga laftiisu uu umuuqdo argagixiso. Ra’iisul wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka Axadii ku eedeeyay madaxweynaha Faransiiska inuu “weerarayo diinta Islaamka”, halka wax soo saarka Faransiiska laga saaray dukaamada qaar ee Kuwait, Urdun iyo Qadar. Waxa kale oo mudaharaadyo ka dhaceen dhawr wadan oo kale oo ay ka mid yihiin Ciraaq, Libya iyo Syria. Si kastaba ha noqotee, hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa muujiyay taageerada ay u hayaan Faransiiska. Jarmalka wuxuu ka hadlay in “midnimo” loo muujiyo Mr Macron kadib hadaladii Mr Erdogan, iyadoo afhayeenka dowlada Steffen Seibert uu ku tilmaamay hadaladaas kuwo sumcad dil ah sidoo kalana aan “gabi ahaanba aan la aqbali karin”. Dhanka kale Raiisel wasaaraha Holland Mark Rutte ayaa sheegay in Netherlands ay “si adag u garab taagan tahay Faransiiska iyo qiyamka wadajirka ah ee Midowga Yurub”, halka Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte uu isna “midnimo buuxda” u muujiyay Mr Macron. Qaran News
  17. Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda mudane, Axmed Xasan Iimaan iyo guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta gobolka, Basma Caamir Axmed (Jakeetti) ayaa ka qeyb galay kulanka wadatashiga bulshada oo lagu qabtay degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Kulanka oo ah mid leysku xog wareysto oo maamulka gobolka Banaadir uu marba degmo ku qabto si loo ogaado baahiyaha qarsoon ee bulshada ayaa su’aalo lagu weydiiyay kusimaha duqa caasimadda. Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir mudane Axmed Xasan Iimaan oo ka jawaabayay su’aalaha la weydiiyay oo u badnaa wax ka qabashada warta Siigaale iyo shaqo abuurka dhallinyarada ayaa sheegay in gabogabo ay mareyso qorshaha wax looga qabanayo warta Siigaale, isagoo sidoo kalena xusay in dhallinyaradu ay mudnaanta koowaad leeyihiin si ay ugu manaafacaan waxbarashada ay waqtiga badan soo geliyeen. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bilihii ugu dambeeyay joogteeyay kulamada wadatashiga ah ee bulshada ay la yeelanayaan taas oo qeyb weyn ka qaadaneysa is-dhaxgalka bulshada,wada-shaqeynta iyo sugida amniga. View the full article
  18. Somaliland ayaa fasaxday dhammaan shaqaalaha ka shaqeeyo xarumaha dowliga ah, labada maalin ee soo aadan oo ka bilaabanayso maalinta Khamiista ah, qoraal ka soo baxay he’adda shaqaalaha ayaa lagu sheegay in u jeedku yahay in maalinta barrito ay tahay 12 bisha Rabiicu Awal, taas oo ku beegan maalintii la dhashay Nabigeena Muxamed Scw Halkaan Ka Akhriso Source: goobjoog.com
  19. Dhuusamareeb (Caasimad Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil ay xalay kooxo maleeshiyaad ah ka geysteen gudaha magaalada Caabudwaaq oo ku taalla waqooyiga gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Dilka oo ka dhacay bartamaha magaalada ayaa waxaa fuliyey kooxo hubeysan oo watay gaari nooca raaxada ah oo rasaas ku furay dad ku sugnaa goob maqaaxi ah. Ugu yaraan labo qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay weerarkaasi, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay Shiino Faarax iyo Cabddullahi Diiriye Shaaciyeey. Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid oo ka hadlay dhacdadaasi ayaa amray laamaha amniga inay gacanta lagu soo dhigaan maleeshiyaadkii ka dambeeyey dilka dadkaasi oo lala xiriirinayo aano Qabiil. Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa faray laamaha amniga in maanta laga bilaabo uu dhaqan-galo bandow lagu soo rogay xaafadaha magaaladaasi, inta laga xaqiijinayo amniga, kaas oo ka bilaabanayo saacadda marka ay gaarto 11:30 AM. Gobollada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro iyo dilal ay geystaan maleeshiyaad weli ku sugan gobolladaasi oo dhaca bartamaha Soomaaliya. The post Dad shacab ah oo lagu dilay Caabudwaaq iyo Bandow lagu soo rogay first appeared on Caasimada Online.