-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa maanta oo Isniin ah ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, sida ay xaqiijiyeen ilo ka tirsan madaxtooyada maamulkaasi. Wararka ayaa sheegaya in Deni gelinka dambe maanta uu ka amba-bixi doono magaalada Garoowe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland. Ujeedka safarka madaxweyne Siciid Deni ayaa la xiriira arrimaha horumarinta ganacsiga iyo wax soo-saarka dhanka Khudaarta, sida ay sheegayaan wararka soo baxaya. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inuu kulamo kala duwan la qaadan doono inta uu uu joogo Addis Ababa mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya. Puntland ayaa xiriir wanaagsan iyo iskaashi dhanka ganacsiga & wax soo-saarka gudaha la leh dowladda Itoobiya. Si kastaba Deni ayaa horey safaro ugu kala bixiyey dalalka dariska sida Jabuuti, Kenya iyo dalka Isugu Tagga Imaaraadka Carabta, kadib heshiiskii doorashada Soomaaliya. The post Madaxweynaha Puntland oo ku sii jiida Itoobiya + Ujeedka first appeared on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Jamhuuuriyadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay hadallo qabsaday maalmihii la soo dhaafay saxaafadda Bulshada oo la xidhiidhay qaabka loo saamaxayo dadka Somaliland u dhashay ee xilalka ka qabta Soomaaliya. Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab), kaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA oo ay Somalilandtoday ka soo xigataya ayaa waxaanu u dhignaa sidan:- “Muwaadin ama siyaasi kasta oo u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland oo Qaranka iyo Ummadda ka galay dembi, xilna ka soo qabtay dalka la baxay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, waxa la saamixi karaa oo keliya, marka uu fagaare ka caddeeyo inuu iska casilay xilkii uu u hayey dalka iyo inuu ka noqday fikirkiisii uu aaminsanaa ee midnimadii Soomaaliya, isla markaana aanu dib dembe mar kale ugu noqon doonin dembi labaad oo kan la mid ah. Intaa marka laga helo, maadaama aan qofna laga qaadi karin jinsiyaddiisa muwaadinimada Somaliland, waxa ay markaa Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland u fidinaysaa saamaxaad mar allaale iyo markuu sidaa qoraal iyo afba ku caddeeyo inuu iska casilay xilkii uu ka hayey Soomaaliya, sidoo kalena aanu mar labaad ku noqonayn dembigaas oo kale. Arrintan la xidhiidha saamaxaada dadka reer Somaliland ee xilalka ka soo qabtay Soomaaliya ama shaqooyin kale ka qabta dawladdaasi, in aanay taa macnaheedu ahayn in Jamhuuriyadda Somaliland ka jeesatay shakhsiyaadka dhabar-jebiya Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, balse sidii awalba tooshka loogu hayey si ka darran ayaa loogu sii haynayaa. Dadka arrimaha kale oo intaa dhaafsiisan werwereejinaya, waxaan u sheegaynaa in muwaadiniinta reer Somaliland u siman yihiin sharciga dalka iyo Dastuurka Qaranka, waxana habboon in Jiritaanka iyo midnimada Ummadda meel looga soo wada jeesto, si aan u xoojino, una adkeyno Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo ah mid uu ku waajibinayo Dastuurku muwaadin kasta, sida ku cad qodobkiisa 34aad,xarfihiisa 1aad iyo 2aad,sidoo kale waxa uu Dastuurka Qaranka Qodobkiisa 90aad,xubintiisa 5aad,ayaa Madaxweynaha awood u siinaysa saamaxaada.” Source
-
Daacish oo war ka soo saartay weerar ay ka fulisay Muqdisho
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
MuqdishO (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ayaa war ka soo saartay weerar ay shalay dagaalyahano ka tirsan kuwooda ay ka fuliyeen gudaha magaalada Muqdisho. Qoraal ka soo baxay Daacish, islamarkaana ay baahisay wakaaladda wararka u faafisa ee Acmaaq ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaas uu ka dhacay isgoyska Xoosh ee degmada Dharkenley, islamarkaana lagu qaaday saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda. Warka ka soo baxay Daacish ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ay ku dileen ugu yaraan hal askari iyo dhaawaca askar kale, sida ay hadalka u dhigtay. Weerarkan ayaa waxaa loo adeegsaday bistoolado, iyadoona iska hor imaad toos ah uu dhexmaray ciidamada ammaanka iyo raggii fuliyey oo mid ka mid ah la dhaawacay, kadibna nolosha lagu qabtay, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga. Daacish ayaa mararka qaar weeraro u badan dilal qorsheysan ka fulisa gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Kooxdan ayaa ku xoogan dhulka buuraleyda gobolka Bari ee Puntland oo fariisimo ay ku leedahay, balse waxa ay weeraro gaadmo ah ka fulisaa qeybo badan oo ka mid ah dalka. The post Daacish oo war ka soo saartay weerar ay ka fulisay Muqdisho first appeared on Caasimada Online. -
Garoowe (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka Puntland ee gobolka Sanaag General Cabdullahi Cumar Canshuur ayaa markii ugu horreysay ka hadlay wararka sheegaya in Al-Shabaab ay gudaha u galeen gobolkaasi. Canshuur oo wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa xaqiijiyey in Al-Shabaab ay si dhuumaaleysi ah ku joogaan meelo ka mid ah gobolka Sanaag, balse wuxuu tilmaamay in aysan jirin deegaano ay si toos ah ula wareegeen. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xittaa fariisimo ciidan aysan ku laheyn gobolkaasi, marka laga tego inay si qarsoodi ah ku teegaan meela qaar, sida uu hadalka u dhigay. Taliyaha ciidamada Puntland ee gobolka Sanaaga ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in iyagu ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan gobolkaasi oo dhaca waqooyiga Soomaaliya. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hortago wax kasta oo liddi ku ah amniga. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada Al-Shabaab ay shaacisay inay la wareegtay gacan ku heynta deegano dhowr ah oo hoosyimaada degmada Laas-Qoray ee gobolka Sanaag. The post Puntland oo qirtay in Shabaab ay ku sugan yihiin meelo ka mid ah gobolka SANAAG first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wufuud kala duwan oo ka socota dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saacadaha soo socda ku wajahan deegaanada maamulka HirShabelle, gaar ahaan magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar, kuwaas oo qeyb ka noqon doono dadaallada socda & dhismaha dowlad goboleedka HirShabelle. Wararka ayaa sheegaya in wafdi uu hoggaaminayo wasiirka cusub ee arrimaha gudaha General Muqtaar Xuseen Afrax ay tegayaan marka hore magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ka bilaabi doonaan kulamo wadatashi ah. Sidoo kale wasiirka ayaa dhageysan doono cabashada ay reer Beledweyne ka muujinayaan qorshaha dhismaha HirShabelle ee ka socda magaalada Jowhar. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka ay dhankooda ku sii jeedaan caasimada HirShabelle, si ay qeyb uga noqdaan dadaallada ka socda magaaladaasi iyo doorashada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle. Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ayaa ka socota Jowhar, waxaana dhowaan gaaray odayaasha dhaqanka ee wax ka dhisaya maamulkaasi. Waxaa sidoo kale la filayaa in maalmaha soo socda lagu dhowaaqo xildhibaanada labaad ee baarlamaanka HirShabelle. Si kastaba khilaafka ka taagan dhismaha maamulka HirShabelle ayaa muddooyinkii la soo dhaafay sii xoogeysanayey, waxaana arrinta ugu daran ee la’isku hayo ay tahay kursiga madaxweynaha oo ay ku muransan yihiin beelaha kala dega Jowhar iyo Beledweyne. The post Wafdi culus oo ku wajahan HirShabelle & wararkii ugu dambeeyey ee doorashada first appeared on Caasimada Online.
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed Ciise Cawad ayaa ku qaabilay xafiiskiisa uu ku leeyahay dhismaha Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Qin Jian. Labada mas’uul ayaa wada-hadlay xiriirka labo geesoodka iyo siyaabaha lagu xoojin karo iskaashi dhinac weliba leh oo u adeegaya dano wadaagga labada dal iyo labada shacab. Intii kulanka lagu guda-jiray waxa uu Wasiirka Arrimaha Dibadda carabka ku adkeeyay xiriirka dhow ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo carabaabay himilada Muqdisho ee ah in ay ka shaqayso sidii hore loogu sii hore loogu dhaqaajin lahaa geedi socodka qotodheereynaya wax wadaagga istiraatiijiyadeed ee kala dhexeeya Bakiin. View the full article
-
Wasiirka waxbarashada dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore oo socdaalka ku maraya qaar ka mid ah deegaanada Galmudug ee gobolka Galgaduud ayaa waxa uu booqday iskuulka deegaanka Bangeelle oo dhawaan afar caruur ah ay ku geeriyoodeen kadib markii uu ku qarxay gumac ka haray dagaaladii sokeeyay ee dalka ka dhacay “Waxaan saakay ku jarmaadnay Bangeelle oo dhawaan afar caruur ah oo waxkabarta iskuulka Bangeelle uu Gumac ay garaacayeen ku qarxay,waxaana ujeedka safarka uu ahaa inaan xanuunka iyo tiiraanyada la qeybsanno shacabka Bangeelle gaar ahaan qoyasaskii ay dhibaatadu sida gaarka ah ugaartay. “Bangeelle waa goob hadda barwaaqo ah oo xalay ay seymo roob daad-xoor ku reebeen,waxaana banka udhexeeya Xananbuure iyo Bangeelle ku sii marnay geel gelgelin ka celin ah iyo awr sabar yarowday oo dhibida iyo Jidirta kutaal ay dugul madow tahay, sidoo kale lo’ irmaan ah iyo Sumal idaad oo xamil lagu xanibay ayaa wada daaqayay Banka. Sidoo kale wasiirka waxbarashada Galmudug mudane Maxamed Xaashi Dhoore ayaa bulshada deegaanka Bangeelle u ballan qaaday in kor loo qaadayo wacyigalinta ardayda deegaanka . “Waxaan bulshada reer Bangeelle si gooni ah ugu ballan qaadnay sameynta wacyigelin iyo talooyin muhiim ah oo ardayda laga siinayo iskuulada Bangeelle iyo guud ahaan Galmudug ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiirka waxbarashada Galmudug Mudane Maxamed Xaashi dhoore. View the full article
-
Golaha shacabka ee Baarlamanka federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay kulan ku yeelanayaan xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, iyagoo uga doodayo sharciyaal dhowr ah. Ajendaha ayaa waxaa lagu sheegay: Akhrinta labaad ee H/Sh adeegyadda baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed, Akhrinta labaad ee H/Sh Dhismaha hey’adda diiwaangalinta iyo Bixinta Aqoonsiyada dadweynaha iyo u codeyta Sharciga Hantidhawraha guud ee dawladda. Xildhibaanada baarlamaanka federaalka ayaa maalin kahor ansixiyay golaha Wasiirada Cusub ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana weli horyaallo golaha sharciyo dhowr ah, tii oo ay jirto in waqtiga ka himman in doorasho loo dareero ay dhowdahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
LOOLANKA CHINA IYO MARAYKAN EE AFRICA WAXA UU KA KOOBAN YAHAY DHAWR QAYBOOD OO KALA AH , DHAQAALE , SIYAASAD IYO MAALGASHI , HALKEE UU GOBOLKA GEESKA AFRICA KAGA JIRAA Loolan adag oo Africa ku dhex maraya dawladaha maraykanka iyo china ayaa waxa uu yahay mid ay ku tartamayaan in ay Africa suuqeeda dhaqaale ee xooga kor ugu soo kacay ay kasbadaan oo uu noqdo macmiil weyn oo dalalkooda ah , iyo in ay maadaama ay yihiin quwado ay aragtidooda siyaasadeed ka iibiyaan Africa oo ah cudud aan laga maarmayn , iyo ta sadexaad oo ah in ay qaarada oo ah mid dihin khayraadkeeda dabiiciga ahi ay maalgashadaan . Labadan dal waxa ay ku kala duwan yihiin hal qodob oo marka la eego wadamada ay maal galinayaan ama wax ka qabanayaan , maraykanku waxa uu wax ku bixiyaa in uu wadankaasi yeesho maamul wanaag , dimuqaradiyad , isla markaana dhawro xuquuqda aadamaha iyo xoriyaadka aas-aasiga ah , halka aanu china intaasi midna eegin ee uu danihiisa uun eego inta ugu badan. Gobolka Geeska Afrika waxa uu ku yaalaa mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan aduunka , maantana ah halka loogu rabitaanka badan yahay oo Africa ah ayey tahay albaabkii laga galayey , maadaama dabaqada dhexe ee Africa ay kor u soo kacday dhaqaale ahaan oo ay noqotay suuq aduunka oo dhami ku soo xisaabtamayo. Dhinaca kale waxa ku yaalaa marinada aduunka ugu muhiimsan oo halbowle u ah aduunka guud ahaan kuwaasi oo ah marin biyoodka badacas , iyo marin biyoodka badweynta hindiya oo baahida ugu badan iyo dhaqaalaha ugu badan ee dunidu maro . Waxa intaasi dheer maadaama gobolkani uu ahaa mid aan deganayn waxa soo buux dhaafiyey badiisa iyo barigiisaba saldhigyo ciidamo oo ilaalinaya badahani waxa maraya iyo la dagaalamaya argagixisada oo iyaduna hoy ka dhigatay gobolkani , taasi oo aan dadka gobolka waxba laga weydiin inta ugu badan maadaama ay qaybsan yihiin ayna burbursan yihiin. Laba sanadood ka hor waxa ka dhacay dalka china shirkii china iyo Africa oo uu madaxweynaha China Xi Ping waxa uu ku balanqaaday in uu 60 billion dollar ku maalgalinayo Africa oo ah daymo aan dulsaar lahayn iyo daymo mustaqbalka laga dhaafi karo cidii aan bixin karin , taasi waxa uu dhaafsanayey in uu suuqa iyo dadka Africa . Geeska Africa waxa uu ka mid yahay meelaha ugu waaweyn ee ay ku tartamayaan dawladaha aduunku mana jirto gorgortan dawladaha gobolku la galaan iyo in qorshe ay ka faaiideysanayaan oo dejisani taasi waxa ay keentay in aad dadka gobolkani ku nooli wali aanay dareemin ahmiyada dhulkooga iyo danaynta aduunku uu danaynayo. Intaasi waxa dheer Geeska Africa waa gobol uu dihin yahay khayraadkiisa dabiiciga ah bad iyo bariba oo leh , macdano , saliido , gaasta dabiiciga ah , bad leh khayraad badan oo kaluun iyo saliido kala duwani ku jiraan iyo dhul u muhiim ah aduunka oo ku wanaagsan in wadan waliba uu ka helo goob uu dego. Haddaba waxa isweydiin leh gobolku siduu uga faaiideysanayaa tartankaasi loogu soo jiro , ma waxa lakala raaci doonaa labada quwadood oo dawladaha Ethiopia , Djibouti china wax badan ayuu ka qabtay oo horumar ah maraykanka oo ay waxqabadkiisa ku xidhan tahay dimuqaradiyada , xuquuqda adamaha , xoriyatul qawlka iyo maamul wanaagu aad uma jecla meelaha aanay ka jirin intaasi ama aan laga sameyn karayn taasi oo noqotay in uu xooga saaro dib u dhiska Somalia , Somaliland oo uu aad u danaynayo maadaama ay ceelalyadiisii soo gaadhay oo ah Taiwan. Markaa waxa laga yaaabaa in uu gobolku noqdo dawlado la kala safan china iyo maraykan xiliyada soo socda , hadii la eego bariga Africana waxa soo raacay dawladaha south sudan , sudan , tansania , Kenya iyo Uganda oo uu intaba maraykanku tacab badan galiyo laakiin aanu china na ka maqnayn. Africa oo marka dhinaca kale laga eego guud ahaan aad moodayso in ay ku baraarugtay in ay dunida kale wax la qabsato marka aad eegto shirarkii Africa iyo China iyo shirarkii Russia iyo Africa oo isku dhawaa oo labadaba lagaga hadlay maalgashiga iyo horumarka qaarada iyo sidii wadamadaasi wax ula qabsan lahaayeen la iskuna kaashan lahaa. Mohamed Abdi Jama Qaran News
-
Hargeysa ( Caasimada Online) – Maamulka Somaliland oo fadhigiisu yahay Hargeysa ayaa shaaciyey go’aan culus oo ka dhan ah hay’adaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan kuwa howl-gala deegaanada maamulkaas ee waqooyiga Somalia. Warsaxaafadeed ku qornaa Luqadda Engilishka oo ka soo baxay wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in xukuumadda Hargeysa ay deegaanadeeda ka mamnuucday dhammaan hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay. Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa lagu shaaciyey in Somaliland ay hakisay haatan wixii ka dambeeya wada-shaqeyntii kala dhexeysay hay’adahaasi, iyada oo go’aankaan uu dhaqan galay shalay oo taariikhdu ku beegneyd 25/10/2020. Ma shaacin Somaliland sababaha rasmiga ah ee ay u joojisay wada-shaqeynta ay la laheyd hay’adaha QM ee ka howl-gala inta badan deegaanada Soomaalida. Si kastaba Somaliland oo dooneysa inay ka go’da Soomaaliya inteeda kale ayaa ka soo horjeeda in dowladda dhexe ee federaalka loo soo marsiiyo mashaariicda kala duwan ee hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay, taas oo loo sababeynay go’aankan. The post Somaliland oo ku dhowaaqday go'aan ka dhan ah QM first appeared on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Jamhuuriyadda la magac-baxday Somaliland ayaa shaacisay shuruudo adag oo laga rabo dadka ka soo jeeda deegaanadeeda ee xilalka ka qabta Soomaaliya, haddii ay dib ugu laabanayaan magaalada Hargeysa iyo meelaha kale. Qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in siyaasi kasta oo xil ka soo qabta dowladda Soomaaliya uu ku soo laaban karo Somaliland , balse laga rabo inuu iska casilo xilka, kadibna uu ka tanaasulo mowqofkiisa midnimada ah. Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in marka hore qofka laga rabo inuu fikirkiisa ku caddeeyo qoraal iyo cod, sidoo kalena uusan markale dib ugu laabaneyn dambigaasi. “Muwaadin kasta ee Reer Soomaalland oo Qaranka iyo ummadda ka galay dambi, xilna ka qabtay dowladda Federaalka waxaa kaliya ee lagu saamixi karaa markii uu fagaaro ka cadeeyo in uu iska casilay xilkii kana laabtay fikirkii midnimada Soomaaliya kuna cadeeyo qoraal iyo cod,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Somaliland. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu shaaciyey in n Somaliland ay kor kala socon doonto qofkasta oo dhabar jabiyey qaranka, sida ay hadalka u dhigtay. Ugu dambeyn waxaa qoraalkani digniin culus loogu diray dadka baraha bulshada ee Internet-ka ku faafinaya wararka kale ee liddiga ku ah Somaliland, iyada oo qoraalka lagu sheegay in muwaadiniintu u siman yihiin sharciga iyo dastuurka u yaalla maamulkaasi. The post Sidee siyaasiyiinta xilalka ka qabta DF Soomaaliya ugu laaban karaan Somaliland? first appeared on Caasimada Online.
-
Heshiis caalami ah oo lagu mamnuucayo hubka nukliyeerka ayaa waxaa ansixiyay 50 dal oo xubin ka ah Qaramada Midoobay. Dalka Honduras ay noqday dalkii 50-aad ee saxiixa heshiiska. Dukumiintigan taariikhiga ah ayaa dhaqan galaya 90 maalmood gudahood oo ku beegan 22-ka January. Bayaan uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayuu ku ammaanay dadaallada 50-ka wadan iyo u ololeeyayaasha bulshada rayidka ah ee la dagaalanka hubka wax gumaada ee nukliyeerka shaqada wanaagsan ee ay qabteen. Heshiiska ayaa ah gunaanadka dhaqdhaqaaq caalami ah “si loogu soo jeediyo dareenka cawaaqib xumada bani’aadamnimo ee ka dhalan karta adeegsiga hubka nukliyeerka,” ayuu Guterres ku yiri war-murtiyeedka uu soo saaray af-hayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric. PUNTLAND POST The post 50 dal oo saxiixay heshiis lagu mamnuucayo Nukliyeerka appeared first on Puntland Post.
-
Wararka laga helayo deegaanka Ceel-Dheer oo hoos-yimaada magaalada Dhusamreeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxay ku warramayaan in xalay halkaasi uu ka dhacay dagaal dhex-marey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii uu kala shaki soo kala dhex-galay labada ciidan oo kala tirsan talisyada Booliiska iyo Millateriga, iyadoona aaga ay is-rasaaseyntu ka dhacday uu yahay mid furun dagaal ah oo dhowaan ciidamo fara badan la geeyay. Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhaawacmay iska hor imaadkaasi, kaas oo la sheegay inuu ka tirsan yahay ciidamada milatariga Soomaaliya. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana meesha lagu diriray gaaray saraakiil ka tirsan ciidamada amniga ee magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Kusimaha Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Axmed Xasan Iimaan ayaa caawa si wadajir ah u furay Wadada xiriirisa KM4 illaa iyo Tarabuunka, taasi oo muddo sanado ah xirneed, Madama ay halkaasi isu bad-badaleen Safaaradaha Turkiya iyo Qatar. Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Enj.Cumar Cali Cabdi iyo Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan iyo Saraakiil kale ayaa goob-joog ka ahaa furitaanka wadadaan oo muhiim u ah isu-socodka shacabka Muqdisho, kana mid ah wadooyinka Halbowlaha ah ee Magalaada. Muddooyinkaan danbe ayey Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya waxa ay ku mashquulsanaayeen sidii loo furi lahaa wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Wasiiru dawlaha cusub ee Madaxtooyada Soomaaliya, Xasan Macallin Khaliif oo dhowaan Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay xilkaas, ayaa kala wareegay xilka Wasiir dawlihii hore Cabduqaadir Sheekh Cali Baqdaadi, waxaana munaasabadda xil wareejinta goob-joog ka ahaa Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed. Mudane Xasan Macallin Khaliif, Wasiir dawlaha cusub ee Madaxtooyada Villa Somalia, oo ka hadlay munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday Xafiiska Wasiir dawlaha, ayaa si kooban uga hadlay qorshihiisa ku aaddan howlaha hortebinta leh ee Madaxtooyada Soomaaliya. Dhankiisa, Wasiir dawlihii hore ee Madaxtooyada Cabduqaadir Sheekh Cali Baqdaadi, ayaa ka warbixiyay shaqooyinkii u soo qabtay intii uu xilka hayey iyo kuwa horyaalla Wasiir dawlaha cusub, Waxa uuna ku booriyay sii amba-qaadidda howlaha harsan. Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa bogaadiyay shaqooyinka uu soo qabtay Wasiir dawlihii hore, waxa uuna kula dardaarmay Wasiir dawlaha cusub dardargelinta howlaha dhiman. Munasaabadda xil wareejinta waxaa ka qeyb galay wasiirka arrimaha Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Rooble, Wasiir Ku xigeenka Amniga Gudaha, Caadil Sheegow Sagaar, Wasiir kuxigeenka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Marwo Xiis Xasan Aadan. PUNTLAND POST The post Wasiiru dawlaha cusub ee Madaxtooyada Soomaaliya oo xilka la wareegay appeared first on Puntland Post.
-
Wasiiru dawlaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Xasan Macallin Khaliif oo dhawaan Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay xilkaas ayaa kala wareegay xilka Wasiir dawlihii hore Mudane Cabduqaadir Sheekh Cali Baqdaadi, waxaana munaasabadda xil wareejinta goob-joog ka ahaa Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed. Mudane Xasan Macallin Khaliif Wasiir dawlaha cusub ee Madaxtooyada oo ka hadlay munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday Xafiiska Wasiir dawlaha ayaa si kooban uga hadlay qorshihiisa ku aaddan howlaha hortebinta leh ee Madaxtooyada Qaranka. Dhankiisa, Wasiir dawlihii hore ee Madaxtooyada Mudane Cabduqaadir Sheekh Cali Baqdaadi ayaa ka warbixiyay shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu soo qabtay intii uu xilka hayey iyo kuwa horyaalla Wasiir dawlaha cusub. Waxa uuna ku booriyay sii amba-qaadidda howlaha culus ee harsan. Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa bogaadiyay shaqooyinka uu soo qabtay Wasiir dawlihii hore, waxa uuna kula dardaarmay Wasiir dawlaha cusub dardargelinta howlaha dhiman. Munasaabadda xil wareejinta waxaa ka qeyb galay wasiirka arrimaha Diinta iyo Awqaafta Mudane Cumar Cali Rooble, Wasiir Ku xigeenka Amniga Gudaha Mudane Caadil Sheegow Sagaar, Wasiir kuxigeenka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Marwo Xiis Xasan Aadan. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
In 2008, Puntland had almost no formally qualified lawyers, so UNDP helped set up a 4-year law course at Puntland State University (PSU) and a scholarship programme for gifted students who couldn’t afford the fees. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Subax-26102020.mp3 View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kormeeray Jidka Tarabuunka oo muhiim u ah isu socodka Muqdisho, si uu u hubiyo dhaqan-gelinta Amarkii dowladda ee ahaa in la furo jidkaas. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tilmaamay in furitaanka wadada Tarabuunka oo xirnayd ku dhawaad 10 sano ay muujinayso isku-tashiga iyo wadashaqeynta Laamaha amniga iyo shacabka Muqdisho, oo ay ka go’an tahay in ay si qorsheysan ku wajahaan duruufaha amniga, una midoobaan xasilinta magaalada “Bulshada Caasimadda waxa ay nala wadaageen sida ay uga go’an tahay in ay la shaqeeyaan Laamaha amniga oo wakhti kasta u taagan badqabka nafta iyo maalka muwaadiniinta Soomaaliyeed. Qof kasta waxaa waajib Qaran ku ah fashilinta dhagarta ay dadkeenna u soo maleegayaan argagixisadu.” Ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey ganacsatada iyo qeybaha kale ee bulshada dhabar adeygga ay ku wajaheen durufiihi ka dhashay xirnaanta waddooyinka, isagoo tilmaamay in ay qeyb ka ahayd dadaalladii lagaga hortageyey weerarada Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo kormeeray jidka Tarabuunka oo dib loo furay appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Isniin ah u safraya magaalada Addis Ababa ee caasimadda Waddanka Ethiopia. Safarka Madaxweyne Deni ee dalka Ethiopia, ayaa ku saabsan Arrimaha Horumarinta Ganacsiga iyo Wax soo-saarka Khudaarta, sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay. Safarkiisa ayaa ku soo beegmay, maalin kadib markii uu Madaxweynuhu si rasmiya u furay Kal-fadhiga 47-aad ee Baarlamanka Puntland, islamarkaana ka jeediyay khudbada Dastuuriga ah. Ethiopia iyo Puntland, waxa ka dhexeeya xiriir Ganacsi oo u badan wax soo-saarka gudaha, kaas oo isaga gudba xuduudka labada dhinac ee ku dheraran Gobollada Mudug iyo Cayn, kuwaas oo soohdin la wadaaga Gobolka Doollo ee Dowlad degaanka DDS. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo maanta o safraya Ethiopia appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Amb. James Swan ayaa kulan fogaan arag ah oo uu Sabtidii uga qeyb galay alaada ZOOM-ka, ku sheegay in Qaramada Midoobay ay rabtay nooc doorasho oo ka duwan midka lagu heshiiyey. James Swan ayaa niyad jab ka muujiyey in rabitaankii Qaramada Midoobay uu meesha ka baxay, balse uu ku faraxsan-yahay in madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamuladu ay ka heshiiyeen khilaafkii doorashada. Wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay iyo saxiibada caalamiga ah ay u ololaynayeen doorasho qof iyo cod ah, sida ku cad dastuurka dalka Soomaaliya, hase yeeshe shirarkii ugu dambeeyay ee madaxda Soomaalida ku yeesheen Dhuusamareeb iyo Muqdisho lagu saxiixay heshiis ku saabsan doorasho qaab kale ah. Sidoo kale waxa uu xusay in heshiiskii dhawaan lagu gaaray magaalada Muqdisho ee ku saabsanaa doorashada uu taageero ka helay dhinacyo badan oo ka mid ah daneeyeyaasha siyaasadeed ee dalka, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuuna hoosta ka xariiqay in doorashada dad-ban aysan xal aheyn balse ay u taageerayaan oo keliya sidii Soomaaliya looga bad-baadin lahaa jawhareer siyaasadeed oo hor leh. “Waxaan aaminsanahay in Soomaaliya xaq u leedahay inay doorato hogaamiyeyaasheeda, walow ay suurto-gal noqon weysay doorasho qof iyo cod ah, haddana waxaan ku rejo weynahay in nidaamkan doorasho uu qabsoomo. Mana jiro qof raba in Soomaaliya ay gasho jahwareer siyaasadeed,” ayuu yiri. Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inuu ku rajo weyn-yahay in la xushmeyn doono meelaha laga toos-toosiyey nidaamka doorasho ee lagu heshiiyey, oo ay kamid tahay qoondada haweenka (30%) ee ku metelaya barlamaanka federalka ah iyo qaabka loo sameynayo habraaca soo xulista oo noqota mid loo dhan yahay. The post James Swan oo sheegay in SOOMAALIYA laga diiday rabitaankii beesha caalamka first appeared on Caasimada Online.
