Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,026
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Inaari laahu wa inaa ilayhu raajicuun. Dhamaan shaqaalaha iyo maamulka guud ee shabakadda caalamiga ah ee qarannews.com, waxa aanu tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyskii,qaraabadii eheladii ay ka baxday walaasheen marxuumad Koos Adan Haybe oo maanta lagu aasay magaaladda Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Waxa aanu tacsi gaar ah u diraynaa qoyska reer Adan Haybe khaasatan wsxa aanu halkan su gaar ah uga tacsiyadaynaynaa siyaasi Farxaan Adan Haybe oo ay marxuumada walaalo ahaayeen. Waxa aan marxuumada Ilahay uga baryaynaa in uu naxariistii jano ka waraabiyo dhamaanteena uu samir iyo iimaan inaga siiyo Aasmiiin Qaran News
  2. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/11/AQOmAJB7bhqJM6V5pbuwsgz_1lSEXcooSQbYgnyQaSdquo9kpEyr5MRmNZW0t-gDx-7n3ijqlInPHDLturgicNG.mp4 Qaran News
  3. AQM0vY8Q0WrTppeuVsE1UrndhwANzpCCt2g371BmRzLHWuXtmW-hp21o6Ic-0xlIER0bZgPJffWXuFFCv1_frTej Qaran News
  4. Firdhiye: “We will defend ourselves against any aggression. On 25 August 2023, our administration expressed a desire to end the conflict peacefully.” Las Anod (PP News Desk) — Abdulkadir Aw Ali (Firdhiye), the leader of Sool, Sanaag, Ceyn, and Khaatumo interim administration stated today that relations between his interim administration and the Federal Government of Somalia are unsatisfactory. “Our administration is one year old and has chosen to be loyal to the Federal Government of Somalia. If our constitutional rights are denied, we will have to rely on ourselves,” said Firdhiye, addressing the delegation of the Independent Constitutional Review and Implementation Commission, which is visiting Las Anod to consult on proposed amendments to the provisional constitution. “The delegation’s visit is a tokenistic exercise aimed at giving illegal constitutional amendments a veneer of consensus,” commented a retired MP in Mogadishu. Observers have questioned the purpose of the delegation’s visit to Las Anod, as the Federal Government of Somalia asserts that the bicameral legislature has already voted on the proposed amendments. Firdhiye accused the secessionist Somaliland administration of instigating renewed conflict in Qorilugud, Togdheer. “We will defend ourselves against any aggression. On 25 August 2023, our administration expressed a desire to end the conflict peacefully,” he added. The Independent Constitutional Review and Implementation Commission’s delegation cannot visit territories under Puntland State of Somalia or those governed by the Hargeisa-based secessionist administration. Questions remain over the participation of MPs and Senators from “Somaliland constituencies” in the next federal indirect elections, especially while the Hargeisa administration claims to have leased coastal territory to Ethiopia for fifty years. © Puntland Post, 2024 The post SSC-Khaatumo Leader Expresses Dissatisfaction with Federal Government Relations appeared first on Puntland Post.
  5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xarunta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay goobj-oogayaal caalami ah oo ka socda dalal kala duwan oo caalamka ka yimi, kuwaas oo dalka u yimi inay kormeeraan doorashooyinka Madaxtooyada iyo ururrada/xisbiyada ee qorshaysan toddobaadkan aynu ku jirno. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ugu horrayn xubnaha goob-joogayaasha ah ugaga mahadnaqay inay kusoo dhiirradaan kormeerka doorashooyinka dalka ka dhacaya, waxana uu uga war bixiyey hannaanka Dimuqraaddiyadda iyo is doorashada daaha furan ah ee ay Somaliland kusoo caano maashay muddadii ay jirtay, taas oo aan ka hirgeli Karin meelo badan oo qaaradda Afrika iyo caalamka kaleba kamid ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu goob-joogayaasha warbixin guud ka siiyey hannaanka ay Somaliland ku caano maashay ee ay halkan ku soo gaadhay inay tahay kala danbayn, isu-tanaasul iyo shacab qiimo badan oo dareensan qiimaha waddaniyaddu leedahay, taas oo sababtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay u hirgalaan wax badan oo aan ka hirgelin adduunka intiisa kale, maantana Somaliland lagaga daydo. Madaxweynuhu waxa uu goobjoogayaasha ku bogaadiyey inay usoo ban baxeen sidii ay indhahooda ugu soo arki lahaayeen horumarka iyo Dimuquraaddiyadda ka hana qaadday guud ahaan Somaliland, isaga oo ka codsaday inay adduunka intiisa kalena gaadhsiiyaan wixii ay la kulmaan, noqdaanna kuwo ka markhaati kaca waxa ay Somaliland ka sugayso beesha Caalamka oo ah aqoonsi buuxa maaddaama ay buuxisay shuruudihii looga baahnaa dal madax bannaan. Sidoo kale, goobjoogayaashu waxay dhinacooda madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland ku bogaadiyeen horumarka ballaadhan ee dhinac kasta ah ee ay ku tallaabsadeen, kuna gaadheen inay qabsadaan doorashooyin daah-furan, xilalkana la isugu wareejiyo si Dimuqraaddi ah. Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud, Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan Dalalka Maraykanka iyo Canada Amb Bashiir Sheekh Cumar Good. ALLAA MAHAD LEH Naasir Yusuf Daahir Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Source
  6. Dowlad goboleedka Jublaland ayaa sheegtay inay hakisay xariirkii iyo wada-shaqayntii kala dhexaysay dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana war saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha maamulkaas lagu yiri sidan: “Dowladda Jubaland waxaa ka go’an ilaalinta nidaamka dawladnimada, ku dhaqanka Dastuurka iyo shuruucda dalka, iyadoo laga hortagayo wax kasta oo qalqal galinaya midnimada iyo wada jirka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Jubaland. lyadoo midaas laga duulayo ayay Dowladda Jubaland cadaysay in ay diyaar utahay lashaqaynta Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo ku dhaqanka dastuurka dalka iyo go’aan ka gaarista arimaha masiiriga ah ee dalka iyadoo loo marayo tubta wadar ogolka. Dowladda Jubaland waxay ku muujisay doodeeda fagaarayaasha la iskugu yimaado iyadoo qadarinaysa rabitaanka shacabweynaha Jubaland, Halka ay Dowladda Federaalku hormuud unoqotay hagardaamada himilooyinka shacabka Jubaland, iyo Khalkhal galinta joogtada ah ee anniga Jubaland, iyadoo ku kacday qodobadaan soo socda: 1. Hagardaameynta dadaalada lagula dagaaalamayo khawaarijta loogana sifeynayo deegaanaada Jubaland, iyadoo Dowladda Federaalku si weyn u xagal daacisey hawlagalka wajiga labaad ee ay Jubaland bilowday, iyadoo xakameyn wayday ciidamadii kasoo baxay aagaga dagaaalka, kana shaqaynaysey sidii ay u kala fufuri lahayd qaybaha kala duwan ee ciidama Jubaland iyo kuwa XDS, isla markaana ka cagajiidey in ciidama diidey gudashada wajibaadkooda lagu badalo ciidamo isku dhaf ah oo degaanka laga xulo buuxinayana kaalintii CXDS ee furumaha baneeyey. 2. Hor istaagtay in ay Jubaland qabsato doorashooyinkeeda ay umadax banaantahay, iyadoo xalay soo saartay warmurtiyeed aan sharciyad ku salaysnayn isna burinaya, cadaynaya mawqifka saxda ah ee ay qabaan madaxda DFS oo ah dalka in lagaliyo faraaq dastuuri ah, lagana shaqeeyo in Hay’adaha DXDF ay noqdaan kuwo aan sharciyad haysan kuna joogaan awooda ku darsasho aan sharciga waafaqsaneyn, sida ay ku cadaysay Warmurtiyeedka ay soo saartay Wasaaradda Arimaha Gudaha. Sidaas awgeed Dowladda Jubaland waxay cadaynaysaa qodobada soo socda: 1. Iyadoo raacaysa Dastuurka kumeel gaarka ah ee DFS iyo kan Jubaland kana dheeraanaysa waxkasta oo horseedi kara sharci daro iyo firaaq dastuuri ah in ay umadaxbanaantahay qabashada iyo maamulidda doorashada Jubaland, sida uu qabo qodboka 120aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah ee DFS iyo qodobada 62aad iyo 80aad ee Dastuurka Jubaland. 2. Dowladda Jubaland waxay markasta ka digaysaa in la siyaasadeeyo si khaldana loo isticmaalo CXDS iyo kuwa nabad ilaalinta u jooga dalka ee (ATMIS), iyadoo sharciyadoodu tahay ladagaalanka argagixisada iyo sugida amaanka xarumaha dawlada. Go,aan: Hadaba Dowladda Jubaland waxay cadaynaysaa in ay hakisay xiriirkii wadashaqeeneed ee ay lalahayd Xukuumada Federaalka Soomaaliya inta ay uga hogaansamayso Dastuurka dalka, ixtiraamaysana rabitaanka shacabka Jubaland”. Source: goobjoog.com
  7. Madaxtooyada Jubaland ayaa shaacisay in ay xiriirkii u jartay dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii uu cirka isku shareeray Khilaafkii labada dhinac. Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland ayay ku sheegtay in ay xiriirkii u jartay xukuumadda Federaalka Soomaaliya inta ay ku soo laabanayso dastuurkii dalka islamarkaana tixgelinayso Rabitaanka shacabka Jubaland. “Dowladda Jubbaland waxay caddeyneysaa inay hakisay xiriirikii wada-shaqeyneyd ee ay la laheyd xukuumadda federaalka Soomaaliya inta ay uga hoggaansameyso dastuurka dalka, ixtiraameysana rabitaanka shacabka Jubbaland” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Jubaland. Go’aanka ka soo baxay Jubaland ayaa jawaab u ahaa qoraal ay soo saartay wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya kaasi oo ay ku diiday guddigii doorashada Jubaland ee Axmed Madoobe xalay magacaabay. Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Madaxtooyada Jubaland oo ku dhawaaqday in ay xiriirkii u jartay Dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  8. Kismayo (HOL) — Jubbaland Regional State administration suspended cooperation with the federal government, citing federal non-compliance with Somalia's constitution and disrespecting Jubbaland's autonomy. Source: Hiiraan Online
  9. AQP-PGEJ30G45j09E3d2nrFTX7ehBgv_YVDKtLbcE8B-XnWLYz1krnWCZWsDIzW2J80AV8tGhBvMYaBRo-ihCmAW Qaran News
  10. Kismaayo (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa gebi ahaan xiriirkii loogu jaray dowladda federaalka Soomaaliya, sababo la xiriira khilaafka u dhexeeya labada dhinac. Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay hakisay wada-shaqeyntii ay la laheyd dowladda dhexe, iyada oo ku eedeysay inay jabisay dastuurka dalka. Sidoo kale Jubbaland ayaa shuruud ku xirtay illaa inta ay dowladda dhexe uga soo noqoneyso dastuurka, una ixtiraameyso rabitaanka shacabka Jubbaland. “Dowladda Jubbaland waxay caddeyneysaa inay hakisay xiriirikii wada-shaqeyneyd ee ay la laheyd xukuumadda federaalka Soomaaliya inta ay uga hoggaansameyso dastuurka dalka, ixtiraameysana rabutaanka shacabka Jubbaland” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Go’aankan ayaa daba socda xiisadda u dhexeysa maamulka Axmed Madoobe iyo Villa Soomaaliya, kaas oo kasii dara 24-kii saac ee lasoo dhaafay, kadib markii Jubbaland ay u dhaq-dhaqaaqday in si gaar ah u qabsato doorashadeeda. Dowladda dhexe ayaa diiday guddiga doorashada ee uu xalay soo magacaabay Axmed Madoobe, waxayna intaasi ku dartay in aanay aqoonsan doonin doorashada Jubbaland. Waa maamulkii labaad ee xiriirka u jaray dowladda federaalka, waxaana horay sidaan oo kale u baxay Puntland oo illaa iyo hadda uu khilaaf kala dhexeeyaa dowladda federaalka. The post Jubbaland oo xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  11. Baarlamaanka Jubbaland ayaa ansixiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland oo uu xalay soo magacaabay Madaxweyne Axmed Madoobe. Guddigaan oo ka kooban 7 Xubnood waxaa si weyn uga soo horjeestay dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Kulankan oo ay soo xaadireen 66 Mudane ayaa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland Cabdi Maxamed C/raxmaan ayaa sheegay inuu ansax yahay Guddiga Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland. Guddigaan ayaa qaban doono doorasho dadban oo ka dhacda Jubbaland. Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu eedeeyay in ay doonayso in ay afduubato hanaanka doorashooyinka ee Jubbaland. Source: goobjoog.com
  12. AQNPw2w21uXdBT7FjT-d1CPxuGbIi3oFPrTHkARWk2JeVoSWrM6Stw9RqRWc14xUH4zpqBJC1ocYfwabHrZ7WdU5 Qaran News
  13. Kismaayo (Caasimada Online) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in haatan dowladda federaalka Soomaaliya ay ku howlan tahay qorshe culus oo ka dhan ah maamul goboleedka Jubbaland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo uu hadda khilaaf xoogan kala dhexeeyo hoggaanka sare ee Villa Soomaaliya. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda dhexe ay xiriir toos ah la sameysay taliska ciidamada ATMIS, iyada oo ka dalabtay inay la wareegaan amniga garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo oo hadda gacanta ugu jiro ciidanka Jubbaland. Dowladda dhexe ayaa qorsheyneysa in ra’iisul wasaare Xamza uu tego Kismaayo, maadaama uu deegaan ahaan uu kasoo jeedo halkaasi, si uu u fashiliyo qorshaha Axmed Madoobe ee ku aadan qabashada doorasho dadban oo ka dhacda maamulka Jubbaland. Macluumaadka la helayo ayaa intaasi kusii daraya in ATMIS ay dowladda federaalka la wadaagtay in aysan awoodin tallaabadan, maadaama ay ka dhalan karto gacan ka hadal. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan Kismaayo ay ka socdaan kulamo deg-deg ah oo looga arrinsanayo sii amba qaadida doorashada Jubbaland, maadaama xalay madaxweynaha uu soo magacaabay guddiga doorashada oo ka kooban illaa 7 xubnood. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse arrintan ayaa u muuqata inay ku socoto sida doorashadii 2029-kii ee Jubbaland, taas oo dib loogu doortay Axmed Madoobe, waxaana xilligaas dowladdii uu hoggaaminayay Farmaajo ay isku deyday inay ka hor istaagto balse ma dhicin, waxaana dib usoo laabtay Axmed Madoobe oo mar saddexaad sii raba xilka. Dowladda dhexe iyo Jubbaland ayaa ku kala tegay shirkii ugu dambeeyay ee golaha wada-tashiga qaranka, kadib markii uu Axmed Madoobe ka biyo diiday gebi ahaan qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorashooyin qof iyo cod ah oo laga hirgeliyo dalka. The post Xog: R/W Xamza oo qorsheeyay inuu tego Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
  14. Ganacsade Ismaaciil Axmed oo ah maamulaha shirkada world remit ayaa umadda reer Somaliland ugu baaqay in ay codkooda siiyaan musharaxa xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro Qaran News
  15. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/11/AQMMxMbhoV1K8a8TqyQRgpfiJ9X83-34YPcpjBK3bkSQEE0g5vtXzZuT95iAhJKBus1XPHnSEIU8AbphaaQn71Rm.mp4 Qaran News
  16. Mogadishu (HOL) — Himilo Qaran political party, led by former Somali President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, has supported Jubbaland State’s recent appointment of an electoral committee despite opposition from the federal government. Source: Hiiraan Online
  17. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya kuwa deegaanka ayaa ka hortagay weerar ay kooxda Alshabaab isku dayeen inay kusoo qaadaan magaalada Masagawaa ee Briga gobolka Galguduud, sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu. Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo la sheegay inay ka war hayeen weerarka ayaa ka hortagay, iyadoo ku guulaystay inay fashiliyaan sida laga soo xigtay saraakiisha ciidanka Dhamme Maxamed Ereg oo kamid ah saraakiisha Guutaadda 77-aad ee Ciidanka XDS ee ku sugan magaalada Masagawaa ayaa Warbaahinta u sheegay in Alshabaab ay gaarsiiyeen khasaare xooggan, haddana ay socoto tirinta meydadka kooxdu. Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caaasimada Online) – Siyaasiga Taabit Cabdi Maxamed oo mar soo noqday guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa si lama filaan ah uga hadlay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeyso dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland. Taabid ayaa garab istaag u muujiyay Jubbaland, wuxuuna soo dhaweeyay tallaabadii uu qaaday Axmed Madoobe ee ku aadan magacaabista guddiga doorashada maamulkaasi. “Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka dowladda Jubbaland ee qabashada doorashooyinka si waafaqsan dastuurka Jubbaland iyo magacaabista Guddiga Madaxabannaan ee Xuduuddaha iyo Doorashooyinka Jubbaland” ayaa ku yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka inay ilaaliso dastuurka iyo nidaamka federaalka ee uu dalku qaatay, si maamullada ay u adaan doorashooyinkooda. “Waxaan ugu baaqayaa dowladda federaalka inay ixtiraamto awooddaha kala madaxabannaan ee hannaanka federalka sida ku cad dastuurka dalka iyo midka dowladdaha xubnaha ka ah DFS” ayaa ma kale yiri guddoomiyihii hore ee gobolka. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday go’aankii kasoo baxay golaha wadatashiga qaranka ee muddo kororsiga isaga oo ku tilmaamay mid sharci darro ah. “Dowladda Federaalka haddii ay muddo kororsi sharcidarro oo ma dhammaato ah caadeysatay, waxay dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federaalka xaq u leeyihiin inay doorasho qabtaan sida uu qabo dastuurka dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federaalka” ayuu sii raaciyay. Hadalka Taabit Cabdi Maxamed ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda Soomaaliya ay ka hortimid tallaabada uu qaaday Axmed Madoobe, waxayna sheegtay in aanay aqoonsan doonin doorasho ka dhacda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. The post Taabit oo war lama filaan ah kasoo saaray khilaafka DF iyo Jubbaland appeared first on Caasimada Online.
  19. Jubaland President Ahmed Mohamed Islam and President Hassan Sheikh in a friendly conversation before they have fallen out over the electoral model designed only for Southern Somalia. Mogadishu (PP Editorial) — In 2019, Jubaland State and the Federal Government of Somalia fell out over Jubaland’s electoral process. Hamza Abdi Barre, then Chairman of the Jubaland Electoral Commission, gave an interview defending the rationale for holding elections in Kismaayo independently. “According to the Jubaland Constitution, the Jubaland Independent Electoral and Boundaries Commission will set the election schedule for Jubaland State of Somalia,” said Hamza. When Jubaland held its election in 2019, the Federal Government of Somalia imposed an embargo on Jubaland, preventing flights from going to Kismaayo. A delegation of the Somali opposition, led by President Hassan Sheikh Mohamud, Puntland President and a Kenyan delegation attended the inauguration ceremony of Jubaland President Ahmed Mohamed Islam. Both Hassan Sheikh and his predecessor, Sheikh Sharif Ahmed, defended Jubaland’s constitutional right to conduct elections independently. Yesterday, the Federal Government of Somalia issued a statement denouncing the appointment of members to the Jubaland Independent Electoral and Boundaries Commission. President Hassan Sheikh approached his Kenyan counterpart, William Ruto, to facilitate negotiations with the President of Jubaland. A clip of the 2019 interview with Hamza Abdi Barre on Jubaland elections. In principle, President Hassan Sheikh Mohamud accepted that a foreign country might be better suited to untangle political issues within Somalia. Kenya invaded Somalia in 2011, citing security threats posed by Al-Shabaab, and in 2012, with the assistance of the former Ras Kambooni Brigade, the Kenyan Navy liberated Kismaayo from Al-Shabaab. Recently, Jubaland Government accused the Federal Government of Somalia of “politicising the war against Al-Shabaab” and alleged that Mogadishu influenced units of the Somali National Army to leave the frontlines in Jubaland. The Federal Government claims that Jubaland opposed harmonising electoral systems to prepare Somalia for one-person, one-vote elections in 2026. Puntland State described Villa Somalia’s stance as a ploy to engineer a term extension for the federal institutions, given the lack of consensus on proposed constitutional amendments and the electoral model. Both Puntland State and Somaliland administration oppose the constitutional amendments for different reasons. For this reason, the Jubaland electoral precedent is seen as legally defensible and politically feasible for maintaining stability in Somalia. © Puntland Post, 2024 The post Jubaland’s Electoral Autonomy Has a Precedent appeared first on Puntland Post.
  20. Mogadishu (HOL) — Somalia’s National Intelligence and Security Agency (NISA) announced Thursday that it has apprehended an alleged Al-Shabaab associate linked to the October 26 killing of two civilians in the Dharkenley District. Source: Hiiraan Online
  21. Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa maanta xaruntooda kulan kula qaatay Taliyiyaasha Ciidamada JSL. Kulankan ayaa waxaa lagaga hadlay amniga guud iyo diyaargawga doorashada Madaxtooyada & Xisbiyada Qaranka JSL 13 November 2024 Source
  22. Mogadishu (HOL) — American YouTuber Ramsey Khalid Ismael, known online as "Johnny Somali," is under fire in Japan and South Korea for a series of offensive actions that have sparked a public backlash and legal repercussions but have also ignited a wave of anger from the Somali diaspora, who feel his misrepresentation has damaged their community's reputation. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Axmed ayaa taageero wayn u muujiyay madaxweynaha Jubbaland oo xalay soo magacaabay guddiga doorashada ee maamulkaasi. Warsaxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran ayaa waxaa lagu boggaadiyay tallaabada uu qaaday Axmed Madoobe ee ku aadan qabashada doorashada Jubbaland. “Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ku boggaadinayaa tallaabada dastuuriga ah ee uu qaaday madaxweynaha dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ee ku aadan magacaabista guddiga madaxabanaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale Xisbiga Sheekh Shariif ayaa baaq u diray maamullada kale ee uu ka dhammaaday muddo xileedka, wuxuuna ka codsaday inay qabtaan doorashada, si loo ilaaliyo dastuurka iyo shuruucda heshiiska lagu wada yahay. Himilo Qaran ayaa sidoo kale uga digtay madaxda dowladda federaalka inay ka fiirsadaan tallaabooyinka ay qaadayaan oo ay ugu horreyso hirgelinta muddo kororsi hal sano ah. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay si xooggan uga hortimid tallaabada uu qaaday madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe, ee uu ku magacaabay guddiga doorashada madaxweynaha Jubaland. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Waxaa nasiib darro ah in mar kale uu Mudane Axmed Madoobe hadana ka baxay hishiiskii uu la galay saamileyda siyaasadeed ee Jubaland, isaga oo ku andacooday in uu wax ka badalay qodobka 70-aad ee dastuurka Jubaland si uu mar sedexaad fursad ugu helo in uu dib isugu doorto xilka Madaxweynaha Jubaland.” Dhammaan tallaabooyinkan iska soo horjeedo ayaa uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka, kadib markii golaha wadatashiga qaranka ay go’aamiyeen doorasho toos ah, balse waxaa ka horyimid maamul gobileedyada Jubbaland, Puntland iyo xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka. Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka Xisbiga Himilo Qaran;- The post Xisbiga SHARIIF oo taageero u muujiyay Axmed Madoobe appeared first on Caasimada Online.
  24. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay tallaabada uu Madaxweyne Axmed Madoobe xalay ku magacaabay guddiga doorashooyinka Jubaland. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya, ayay ku cambaareysay magacaabista guddiga doorashooyinka Jubaland, oo ay ku tilmaantay mid sharciga baal-marsan. “Dowladda Federaalka waxey cambaareyneysaa tallaabada sharci darrada ah ee Mudane Ahmed Madobe ku magacaabay Guddi is doorasho” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya. “Waxay uga digaysaa talaabo kasta oo sharci darro ah, taas oo abuuri karta qalalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dhaqaale, isla markaana kala qaybin karta bulshada reer Jubaland ee walaalaha ah” ayuu sii raaciyay qoraalka wasaaradda. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku eedeysay Madaxweyne Axmed Madoobe in uu ka baxay heshiisyo siyaasadeed oo lagu go’aamiyay in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod islamarkaana uu mas’uul ka yahay khilaafaadka jira. Halkan ka akhriso qoraalka Wasaaradda PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sharci-darro ku tilmaantay guddigii doorashada ee uu xalay magacaabay Madaxweyne Axmed Madoobe appeared first on Puntland Post.