Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland, ahna Kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan(Karaash), ayaa buriyay warqad ka soo baxday Wasiirka Ganacsiga Puntland, taas oo lagu kala diray Guddiga Maamulka Rugta Ganacsiga Puntland. Dikreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne ku xigeenka, oo lagu socod-siiyay Wasiirka Ganacsiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi, islamarkaana la ogaysiiyay Madaxweyne Deni, ayaa lagu buriyay warqaddii kala dirista Guddiga Maamulka Ganacsiga Puntland. Wasiirka Cabdullaahi Cabdi Xirsi, ayaa Madaxweyne ku xigeenku amar ku siiyay, in uu ka laabto warqaddii kala dirista Guddiga Maamulka Ganacsiga, waxaana Guddiga lagu wargeliyay in ay shaqadooda sii wataan, inta ay ka dhammaanayaan doorashooyinka Soomaaliya. Kala diristii uu Wasiirka Ganacsiga Puntland kula kala diray Guddiga Maamulka Rugta Ganacsiga Punntland ayaa dhalisay khilaaf iyo isqabqabsi u dhexeeya Wasaaradda iyo Maamulka Rugta Ganacsiga. 14-kii bishan October Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Puntland Cabbdullaahi Cabdi Hirsi ayaa kale diray Gudigii Maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Dawlada Puntland, isaga oo ganacsatada Puntland ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan doorasho. 15-kii bishan October Maamulka Rugta Ganacsiga Puntland ayaa ka hortimid, kuna tilmaamtay faragelin aan sharci ahayn go’aankii Wasiirka Ganacsiga Puntland. 27-kii bishan October, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Puntland ayaa ku simaha Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha u macagaabay Maxamed Cali Axmed. 28-kii bishan October Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Puntland ayaa magacaabay Guddiga doorashada Rugta Ganacsiga iyo Puntland. 29-kii bishan October, Rugta Ganacsiga ayaa Baarlamaanka Puntland u soo jeedisay inay toosin u sameeyaan Wasaaradda Ganacsiga, iyadoo xustay in aysan awood u lahayn magacaabista la xiriirta Guddiga doorashada iyo Xoghayaha guud. Hoos ka akhriso wareegtada Axmed Karaash PUNTLAND POST The post Karaash oo buriyay Warqad ka soo baxday Wasiirka Ganacsiga Puntland appeared first on Puntland Post.
  2. Washington (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay Aqalka Cad ayaa Soomaaliya loogu tilmaamay iney ka mid tahay meelaha aadka ay ugu xoogan yahiin kooxaha argagixisada, sidaas darteed cudur daar beni’aadanimo oo gaar ah ayaa looga baahnaan doonaa qofka Soomaaliga ah ee qaxooti ahaanta ku galaya Mareykanka. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo horey u muujiyey sida uu u neceb yahay soo galootiga ay Soomaalida ku jiraan. ayaa hoos u dhigay qaxootiga galaya waddankiisa, sida ku cad qoraalka kasoo baxay aqalka cad toddobaadkii tegay. Bayaanka waxaa lagu sheegay in wadanka Mareykanka loo ogolaan doono sanadkii kaliya 15-kun oo qofood iney soo galaan, 4 kun oo ka mid ah waxey ka imaanayaan dalka Ciraaq, halka wadamada El Salvador, Guatemala iyo Honduras ay ka imaanayaan kun. Mareykanka ayaa horey looga mamnuucay shacabka toddoba dal oo Soomaaliya ay ku jirto, hase yeeshee waxaa jiray kiisas kooban oo dadka qaar loogu ogolaaday inay soo galaan. Trump ayaa sidoo kale marar badan weeraray Soomaalida, isaga oo ku eedeeyey in gobolka ay ku badan yihiin ee Minnesota ay ka dhigeen xero qaxooti, ayna la degeen horumarkiisa, sida uu hadalka u dhigay. Go’aanka cusub ee Trump ayaa ah kii ugu adkaa ee sanado Mareykanka kula macaamilo qaxootiga, waxaan Trump uu soo galootiga la ogol yahay kusoo reebay kaliay 15 kun, halka xiligii Obama ay dalka iman jiraan dad ka badan 100 kun. Soomaali badan oo si joogto ah looga soo qaadi jiray xeryaha qaxootiga Kenya, ayaa la joojiyey afartii sano ee uu xukunka hayey Trump. Si kastaba, go’aanka cusub ee Trump ayaa kusoo koobmi kara kariya bilo, maadaama Donald Trump aan la hubin nuu kusoo laaban doono xilka madaxtinimada Mareykanka, wuxuuna wajahayaa loolan adag oo kaga imaanaya Joe Biden oo ah musharaxa u taagan xisbiga dimoqoraadiga. Donald wuxuu cadaadis badan saaray dadka u dhashay wadamada dadkooda Muslimiinta yahiin oo ay ku jirto Soomaaliya, walina kama tanaasulin inuu cadaadiska kusii badiyo. The post Aqalka Cad ee Mareykanka oo soo saaray go'aan culus oo saameynaya Soomaalida first appeared on Caasimada Online.
  3. Waxaa goordhow magaalada Jowhar lagu dhaariyey xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle, kuwaas oo dhowaan lasoo xulay. Guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka Shabeellada dhexe Cali Nuur Cabdi ayaa dhaariyey xildhibaannada, waxaana tiradoodu ay gaareysaa 90 xildhibaan. Waxaa sidoo kale lagu wadaa in ay dhacdo doorashada guddoonka Baarlamaanka, maadaama lagu dhawaaqay guddiga qabashada doorashada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Waxaa maanta oo Sabtiya Garoowe soo gaaray Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh, oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, lagana soo doorto magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Xildhibaan Cali Xoosh oo ka soo kicitimay magaalada Dubai ee waddanka Imaaraadka Carabta, waxaa Garoonka Diyaaradaha Garoowe ku soo dhoweeyay siyaasiyiin miisaanleh, ganacsato, mas’uuliyiin hore xilal uga soo qabtay golayaasha kala duwan ee Puntland, waxgarad, haween, dhalinyaro iyo taageerayaal isaga yimid dhammaan xaafadaha kala duwan ee Garoowe. Xildhibaan Xoosh, oo hadal kooban ka jeediyay goobta lagu soo dhoweeyay, ayaa u mahadceliyay dhammaan taageerayaashiisa iyo dadka kala duwan ee ka qayb-qaatay soo dhowayntiisa” Waad mahadsan tihiin dhammaan, soo dhowayntan qiimaha badan aad baan idinka mahadcelinaya, aad iyo aad baan idiinka mahadinayaa” ayuu yiri Xildhibaan Xoosh. Mudane Cali Xoosh, oo mar kale u sharraxan xubinnimada Golaha Shacabka, ayaa sidoo kale sheegay in soo dhoweynta loo sameeyay ay ku dhiirri-gelinayso in wixii uu horay u qabtay ka badan uu qabto, isagoo xusay in shacabka soo dhoweeyay ay yihiin dad abaal-badan oo aan illaawin cid kasta oo waxqabad muujisay. Halkaan ka eeg Sawirada Soo dhoweynta PUNTLAND POST The post Xildhibaan Cali Xoosh oo lagu soo dhoweeyay Garoowe appeared first on Puntland Post.
  5. Warbixin uu soo saaray guddi ka tirsan QM ayaa lagu sheegay inuu jiro tuhun soo baxaya oo la xiriira in Kuuriyada Waqooyi ay Al-Shabaab siiso taageero dhinaca hubka ah. Qaramada Mioobay ayaa sheegtay in hoobiyeyaal ay Al-Shabaab horraantii sanadkan ku weerareen xerada Xalane uu u muuqdo mid lagu farsameeyey dalka Kuuriyada Waqooyi. “Waxaa suuragal ah in uu jiro heshiis dhinaca hubka oo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo dowladda Kuuriyada Waqooyi,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay Al-Shabaab oo xiriir la leh ururka Al-Qaacida ayaa illaa iyo lix madfac oo hoobiyayaal ahaa ku tuuray garoonka Aadan Cadde, intii u dhexeysay bilihii February iyo May ee sanadkan. Midka ka mid ahaa madaafiicdaasi oo ahaa afar oo noocoodu ahaa hoobiye 60 MM ayaa waxaa uu ku dhacay jihada QM ay ka degan tahay garoonka 17-kii bishii February. Sodoo kale waxaa baaritaan lagu sameeyay madaafiicdaasi soo baxday in uu jiray xiriir dhinaca hubka ah oo Kuuriyada Waqooyi ay la leedahay Al-Shabaab. Waaxda arimaha dibadda ee Mareykanka ayaa horey Kuuriyada Waqooyi ugu eedeysay in ay taageero siiso argagixisada caalamiga ah. View the full article
  6. Dhaka (Caasimadda Online) – Kumanaan shacabka reer Bangladesh ah ayaa meel fagaare ah ku khaarijiyay nin la sheegay inuu ku istaagay kitaabka qur’aanka kariimka maalintii Khamiista aheyd, ayaga oo dab qababdsiiyey. Dadka la gubay ayaa sida la sheegay ahaa laba qof, waxaana la sheegay in mid ka mid ah uu gaaray dhaawac xooggan, kadib markii shacab carreysan ay ku goobteen, waxaa la sheegay in ninka la gubay uu ku istaagay kitaabka qur’aanka isagoo ku sugan Masjid ku yaala magaalada Burimari ee ku dhaw xadka Hindiya. Taliska Booliska dalka Bangladesh ayaa sheegay iney labada qof meel ammaan ah geeyeen kadib markii ay dhibaato la kulmeen, waxaana soo wargaliyay jamaacadda Masjidka, balse dad careysan ayaa xoog ku galay goobtii ay Booliska joogeen. Ninka la gubay oo 35-jir ahaa ayaa lagala baxay goobtii ay ku hayeen Booliska, si naxdin leh ayey u jir-dileen ka hor inta aysan laamiga bartamahiisa ku gubin. Booliska waxey rideen 15-xabadood, balse shacabka uma aysan joojin, warbixinta waxaa lagu sheegay inuu ahaa qof caafimaadka maskaxdiisa aysan taam aheyn. “Mid ka mid ragga ayey si xun u garaaceen illaa uu ka dhinto, kadibna jirkiisa ayey gubeen,” waxaa sidaas AFP u sheegay madaxa booliska degmada Abida Sultana. The post Dadweyne meel fagaare ah ku gubay nin 'ku istaagay' kitaabka qur'aanka kariimka first appeared on Caasimada Online.
  7. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaare dhaliyey oo maanta ka dhacay isgoyska Baar Ayaan ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Shilkan ayaa yimid sida ay Shabelle ay u sheegeen goobjoogayaal ka gadaal markii gaari iska roga ah uu dulmaray mooto Bajaaj ay la socdeen laba ruux iyo darawalkii waday. Dhaawacyo ayaa lagu soo warramayaa in ay gaareen labadii ruux ee saarnaa mootada, iyadoo goobta uu ka baxsaday darawalkii kaxeynaayey gaariga iska rogaha ah. Gaariga ayaa la sheegay inuu ku socday xawaare sare, taasi oo keentay inuu xakameen kari waayo wadaha. Ciidamo katirsan Booliiska ayaa gaaray goobta uu shilku ka dhacay kuwaasi oo baaritaano ku aadan, sida uu shilka u dhacay ka bilaabay halkaasi. Darawallada kaxeeya gaadiidka ayaa inta badan la tilmaamaa in aysan iska xil saarin wadista gaadiidka, taasi oo keentay in shilalka ay ku soo bataan magaalada Muqdisho. View the full article
  8. Wararka aan ka heleyno deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegaya in Ayax fara badan oo kasoo gudbay dhanka gobolka Hiiraan uu kusii fidayo deegaanno horleh oo ka tirsan Shabeellada Dhexe. Ayaxaan oo saddexdi maalmood ee lasoo dhaafay soo gaaray deegaanno hoostaga degmada Mahadaay yaa kusii fiday gobolka, wuxuuna soo gaaray illaa beeraha magaalada Jowhar oo caasimad u ah maamulka Hirshabeelle. Sida beeraleyda gobolka ay xaqiijiyeen Ayaxa ayaa xaalufiyay dalagyada beeraha Xayooley, Mugdow,Kiliga Shiinaha,Maguurto iyo kuwa kale oo dhammaantood hoostaga degmada Mahadaay ee Shabeellada dhexe. Sidoo kale Ayaxa ayaa soo gaaray beeraha magaalada Jowhar sida Xaanshooley iyo kuwa kale oo lagu beero qeybaha kala duwan ee qudaarta iyo dalagyada kale sida Bariiska oo dhowaan gobolka lagu beeray 20019-kii Beeraleyda ayaa dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada iyo beeraha FAO ugu baaqay in laga soo gaaro inta wax laga qaba karo Ayaxa oo xaalufin ku haya dalagyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Dawlad shaacisey inay Muwaadiniinteeda Kala Baxeyso Muqdisho+Sababta Dowladda Hindiya ayaa shaaca ka qaaday inay Muwaadiniinteeda ku sugan gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia ay dhawaan si deg deg ah ugala bixin doonto, iyagoo ka hadlay sababta keentay. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya ayaa lagu sheegay in 33 Muwaadin oo u dhashay dalkooda ay dib uga daad-gureyn doonaan Muqdisho,Kuwaas in muddo ah ku xayiran Caasimadda Somalia muqdisho. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan daad-gureynta Muwaadiniinta Hindida ah, waxaana la tilmaamay 10 xubnood ay noqoneyso qeybta koowaad ee la qaadayo. Sidoo kale Afhayeenka oo lagu magacaabo Anurag Srivastava oo warbaahinta la hadlaayay ayaa sheegay in muwaadiniinta Hindida ah aysan 10 bilood wax mushaar ah ka qaadan Shirkad ay u shaqeynayeen intii ay ku sugnayeen Muqdisho. Isaga oo sii hadlaayay Afhayeenka Wasaaradda ayaa waxaa uu tilmaamay in Shirkadda ay u shaqeynayeen muwaadiniinta hindida laga qaadi doono lacagtii Mushaharka ah ee lagu leeyahay. “Wadahadal kadib, madaxda shirkadda waxay isku raaceen in ay bixiyaan lacagaha ay ka doonayaan muwaadiniinta Hindida ah, waxay kaloo sheegeen inay fududeynayaan shaqsiyaadka Hindida ah ee doonaya inay dalkooda ku laabtaan” ayuu yidhi Anurag Srivastava. Qaran News
  10. Xildhibaanad labaad ee baarlamaanka HirShabelle ayaa maanta la dhaariyey, kadib munaasabad ka dhacday magaalada Jowhar ee caasimadda maamulkaasi. Mas’uuliyiin ka tirsan HirShabelle iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb-galay munaasabadda dhaarinta oo aheyd mid kooban. Intaas kadib xildhibaanada ayaa iska dhex doortay guddoomiye KMG oo ay u doorteen inuu noqdo Maxamuud Siyaad Barqadle oo ah ninka ugu da’da weyn xildhibaanada cusub. Guddoomiyaha guddiga farsamada soo xulista baarlamaanka labaad ee maamulka HirShabelle, Cismaan Maxamed Muqtaar Baarey ayaa ku dhowaaqay natiijada codeynta, kadibna waxaa hadalka qaatay oo soo dhoweeyey guddoomiyaha la doortay ee Barqadle. Dhinaca guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka HirShabelle ayaa shaaciyey guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka maamulkaasi oo ka kooban illaa 9 xubbnood. Guddigan oo xildhibaano ah ayaa ka shaqeyn doono doorashada guddoonka oo lagu wado inay maalmaha soo socota ka dhacdo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe. HirShabelle ayaa wajaheysa marxalad adag oo kala guur ah, waxaana dhowaan dhaceysa doorashada madaxweynaha maamulkaasi oo haatan uu ka taagan yahay khilaaf xoogan. View the full article
  11. Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya cabashada ka soo yeereysay sida loo wajahay soo xulista xildhibaanada labaad ee baarlamaanka HirShabelle oo dhowaan lagu dhowaaqay inkatoo weli kor loo hayo kuraasta qaar oo muran iyo dood adag ay ka taagan tahay. Xildhibaanada cusub ayaa maanta lagu dhaariyey magaalada Jowhar, kadib munaasabad ka dhacday halkaasi, taas oo ay ka qeyb-galeen mas’uul kala duwan. Warar hoose oo soo baxaya ayaa haatan sheegaya in mid ka mid ah liiska xildhibaanadii lagu dhowaaqay laga reebay dhaarinta, isagoona loo diiday inuu galo hoolka ay ka socotay munaasabadda dhaarinta ee lagu qabtay caasimadda HirShabelle ee Jowhar. Sida ay ogaatay Caasimada Online Xildhibaan Aadan Axmed Xeefow oo ka mid ah xubnihii la soo xulay ayaa waxaa ID-Card-kii la siiyey ka qaaday ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramacd, kuwaas oo kadib is hortaag ku sameeyey xildhibaanka. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in lagu bedalay nin magaciisa lagu sheegay Cabdixakiin Luqmaan Idiris oo loo dhaariyey xilkan, kaas oo aan ka mid aheyn xubnaha horey loo shaaciyey. Aadan Xeefow oo ah ninka la boobay kursigiisa ee awooda loo sheegtay iyo Cabdixakiin Luqmaan ayaa ka dhashay jufada Jid Farax ee beesha Gaaljecel, waxaana labada nin ay isku heyteen kursigan, walow uu ku soo baxay liiskii la shaaciyey Aadan Axmed Xeefow oo ay soo gudbiyeen waxgaradka iyo odayaasha beesha uu ka soo jeedo. Xiisad ka dhalatay arrintan ayaa ka taagan magaalada Jowhar, waxayna haatan socda kulamo xasaasi ah oo ku aadan dhacdadaasi. Arrintan ayaa qeyb ka noqoneyso musuq-maasuq iyo cabarashooyin xoogan oo hareeyey doorashada maamulka HirShabelle, waxaana haatan socda qaban-qaabadii ugu dambeeysay ee doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha intaba. The post Maxay tahay sababta Aadan Xeefow looga reebay dhaarta xildhibaanada HirShabelle? first appeared on Caasimada Online.
  12. Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee Baarlamaanka 2-aad ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay guddiga doorashada guddoonka Baarlamaanka maamulkaas, warqad qoraal ah uu soo saaray Maxamuud Siyaad Barqadle ayaa lagu magacaabay guddigaan oo ka kooban 9-xubnood oo ka shaqeyn doona doorashada guddoonka. Halkaan Ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Duhur-31102020.mp3 View the full article
  14. Sawirka Todobaadka:Dalalka Muslimiinta ah ee ka dhiidhiyay hadalkii Madaxweyne Emmanuel Macron Dbadbaxayaashan oo isugu soo baxay caasimadda Lubnaan ee Bayruut ayaa watay boorar Halkaan waa dalka Hindiya oo ay isugu soo baxeen Muslimiinta dalkaas Booliska Pakistaan ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday dad isugu soo baxay caasimadda dalkaas ee Islaamabaad Dibadbaxayaasha ku sugan magaalada Dhaka, ee caasimada Bangladesh . Dibaxyada Bangaladhesh Dibaxayaal gubaya sawirka madaxweynaha Faransiiska Qaran News
  15. Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa xidighii hore kubbadda Kolayga Soomaaliya,daraje sarane ka gaaray xirfada kolayga ayaa soo dhaweeyay una hambalyeeyay Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya mudana Xamse Saciid Xamse,isagoo sheegay in loo baahnaa in xili horay loo magacaabo jagaddan,maadama Xamsa Saciid uu horay ugu soo ciyaaray Xulka Qaranka iyo kooxda Dekedda. “Waan wada hadlnay Wasiir Xamse waxaan ugu hambalyeeyay xilka loo magaacabay,waxaana ka wada sheekaysanay xaalada guud ee isboortiga dalka,isagoo ii sheegay in uu soo dhawaynayo qof kasto oo rabo in uu ka qeyb qaato horomarka ciyaaraha dalka” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan. Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo macallin u soo noqday Xulalka kubbadda Koalyga Wadamada Qatar iyo Kenya ayaa Goobjoog u sheegay in uu Soomaaliya u haayo fursado badan oo xaga horomarinta Kubbadda Kolayga waxaana howshan ku farxay Wasiirka Ciyaaraha & Dhalinyarada Soomaaliya mudane Xamse Saciid. “Waxaan Wasiir Xamsa u sheegay lana wadaagay fursado badan aan u haayo kobcinta Kubbadda Kolayga Soomaaliya,Wasiir Xamse wuu soo dhaweeyay dhamaan waxyaabihii aan kawada hadalnay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay laacibkii hore Soomaaliya Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Daawo Hadal Jeedintii Xil Wareejinta Wasiir Xamsa Ee Wasaarada Ciyaaraha Xamsa Saciid Xamsa “Isboortiga Malahan Shaqsiyaad Gaar Ah” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  16. Xilli xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya laga sugayo xisaab xirka miisaaniyado dhan $1 billion oo ah miisaaniyaddii saddexdii sano ee la soo dhaafay ayaa hadana waxaa ay khamiistii ansixisay miisaaniyadda 2021-ka oo dhan $671.8 million, waxaana laga cabsi qabaa in maamulka Farmaajo uu meesha baxo iyada oo aan laga heyn xisaab xirka in ka badan hal bilyan iyo bar oo doolar. Miisaaniyadda guud ee sanadka 2021 ayaa dhan $671.8 million oo u qeybsan saddex qeybood oo kala ah, dakhliga gudaha 260.1 million iyo kabka miisaaniyadda oo noqonaysa 170.9 million, halka ay mashaariicdu yihiin 240.8 million. Goobjoog News waxaa ay horay u ogaatay in guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta golaha shacabka ay qabteen keliya xisaab-xirka miisaaniyadda 2017, taasi oo xataa meelmarinteeda aan loo marin sifo sharci ah, oo laga daahiyey waqtigii loogu talagalay halka aan weli laheyn xisaab-xirka miisaaniyadaha 2018, 2019 iyo 2020. Miisaaniyadda 2018 waxay aheyd $275 million halka baarlamaanka federaalka ah uu ansixiyey miisaaniayadda 2019 oo gaareysa $344 million iyada oo sanadkan 2020 xukuumadda loo anxiyey miisaaniyad dhan $459.5 million, waxaa iminka lagu daray $671.8 million Lacagtaas miisaaniyadda oo sanad walba kordheysa oo inta badan ay tahay canshuurta reer Muqdisho, hadana shacabka looma sheego waxa lagu qabtay ama lagu qabanayo, lama keeno xisaab xir, lama oga iney jiraan goobo cusub oo waxbarasho, caafimaad, ama mashaariic kale oo hormarineed, xataa lama qaadan shaqaale cusub oo shaqaalaha rasmiga ee dowladda waa sidii ay ahaayeen 2016-kii iyo xiligii maamulkii Xasan Sheekh. Mar haddii aan la heyn xisaab xirka miisaaniyadihii hore, baarlamaanka federaalka ah oo ah awooddii la xisaabtanka xukuumadda ayaan awood u laheyn inuu su’aalo ka keeno sababta ay xukuumadda u keeni la’dahay xisaab xirka, waayo guddigii baarlamaaniga ah ee arrintan u xilsaarnaa ayaaba la kala diray, waxaana muuqda isku milmid dhanka awoodaha ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo goob fagaare ah kula hadlayey boqolaal ka mid ah taageerayaashiia ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday, Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha Congresska dalkaasi. Trump ayaa inta uu waday hadal-jeedinta ku soo celceliyey magaca Ilhaan Cumar, illaa ay ku buuqaan tageerayaashiisa. Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in Ilhaan oo ah gabadh Soomaali ah ayna jecleyn Mareykanka, islamarkaana ay ka doorbideyso dalka Yemen, sida uu hadalka u dhigay. “Ilhaan Cumar waxay jeceshahay Yemen, laakiin ma jecla dalkeena,” ayuu yidhi madaxweyne Trump. Madaxweynaha Mareykanka oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyey Ilhaan Cumar iyo musharrax la loolamaya Joe Biden inay doonayaan inay Mareyanka soo geliyeen qaxooti badan. “In 700% la kordhiyo qaxootiga laga soo qaado meelaha ugu halista badan ee argagixisada meel kasta oo adduunka ah oo ay ku jiraan Syria, Somalia, waa siyaasadda Ilhaan Cumar iyo Biden,” ayuu yidhi markale Madaxweynaha waddanka Mareykanka. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo dhowaan Ilhaan Cumar ay ku eedeysay Trump inuu qeyb ka yahay siyaasadda arrimaha dibadda ee fashilan, gaar ahaan tan dalka Yemen. Source
  18. Khubaro ka tirsan UN-ka oo warbixin hordhigay golaha ammaanka ee golahan ayaa ku sheegay in Al-shabaab ay ku duqeeyeen xarunta UN-ka ee Muqdisho hoobiyeyaal lagu sameeyey waqooyiga Kuuriya. Khubarada ayaa intaasi ku daraya in ay dhici karto xiriir ka dhaceeya labada dhinac. Al-shabaab ay 6 hoobiye oo kala gaar ah ku tuurtay xarunta UN-ka ee Muqdisho inta u dhaxeysay February iyo May. “2 aan qarxin 60-mm ayaa la helay kadib weerarkii 17 February 2020. Midka 60-mm HE nooca 63 ee hoobiyaha waxaa lagu sameeyey waqooyiga Kuuriya”. June, Mareykanka ayaa sheegay in waqooyiga Kuuriya ay guuldareysatay iney sharaxdo xiriirkeeda kala dhaxeeya kooxaha xagjirka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. MOGADISHU (HOL) - Somali President Mohamed Farmaajo has condoled the people of Turkey following an earthquake there that has killed about 30 people. Source: Hiiraan Online
  20. Magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka HirShabelle ayaa lagu wadaa in maanta ay ka dhacdo munaasabad lagu dhaarinayo xildhibaanada cusub ee maamulkaasi. Munaasabadda dhaarinta sida qorshuhu yahay waxaa ka qeyb geli doona mas’uuliyiin ka tirsan HirShabelle iyo guddiga farsamada soo xulista baarlamaanka labaad. Sidoo kale Jowhar waxaa ka socda dhammaystirka xubnaha ka dhiman Baarlamaanka, oo ay ka harsanyihiin in la soo magacaabo kuraas ka yar 10-xubnood. Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle ayaa Jowhar ka dhici doonta maalmaha soo socda. View the full article
  21. Kooxda kubbadda cagta Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka Afaraad ee dalka Sweden ayaa casuuntay xidigaha kala ah Mustafa Nakuuja iyo laacib Yoonis Faarax oo ka mid ah xidigaha Xulka Qaranka Soomaaliya waxaana booqashadooda ka qeyb galay maamulka,macallimiinta,ciyaartooyda iyo laacibiintii hore Soomaaliya. Yoonis Faarax oo ka tirsan Xulka Qaranka kana mid ah dhalinyarada ka ciyaarta Wadamada yurub ayaa dalka Sweden,waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay bahda isboortiga iyo ciyaaryahandii hore Soomaaliya. “Aad ayay u mahadsanyihiin Maamulka sare kooxda Som United, sida wanaagsan ay ii soo dhaweeyeen runtii waxaan ka helay qaabka wanaagsan ay kooxda u diyaarinayso dhalinyarada soo koraysa” ayuu Goobjoog Sports u sheegay laacib Yoonis Cabdirisaaq Faarax. Naadiga Som United oo la aas aasay sanadii 2011 ayaa ah koox Soomaaliyeed oo ka ciyaarta horyaalka heerka Afaraad ee Wadanka Sweden,waxaana qorshaha maamulka kooxdan uu yahay in mustaqbalka ay ka ciyaaraan horyaalka heerka kowaad ee Sweden. “Booqashada Yoonis iyo Mustaf waxa ay aheyd mid wanaagsan,waxay noogu yimaadeen salaan iyo in ay arkaan hadafka iyo heerarka kala duwan ee Som United ay gaartay” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay macallinka ahna maamulaha kooxda Som United Maxamed Cabdiqaadir Sheekdoon. Yaasir Maxamed Maxamuud oo isna ka mid ahaa xidigihii hore Soomaaliya ayaa bogaadiyay da’daalka iyo wax qabadka Mustaf Nakuuja iyo Yoonis Faarax,isagoo sheegay in u dheelista Xulka ay tahay meesha ugu saraysa ee lagu gaaro ciyaaraha Soomaaliya. “Booqashada labada ciyaarayahan ee Qarankeena,waxa ay dhiiri gelin iyo horomar u tahay da’yarta kooxda Som United, waxaan rajaynaa in mustaqbalka soo socda ay kaalin ka qaataan qorshaha hormarineyd ee Som United” ayuu isna Goobjoog Sports ugu waramay laacibkii hore Soomaaliya Yaasir Maxamed Maxamuud oo qeyb ka ah dhalinyarada gacanta ku haysa naadiga Som United. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  22. Roobab mahiiggaan ah, ayaa xalay ka da’ay degaanno badan oo ka tirsan Karkaar iyo Nugaal, kuwaas oo qaarkood aysan hore uga di’in Roobabka Dayrtu. Gobolka Karkaar, waxa xalay roobsaday magaalada Qardho iyo dhulka ku xeeran, waxaana gudaha magaalada iyo nawaaxigeeda ka da’ay Roob xooggan oo dul iyo dooxaba buuxiyay. Roobka ayaa la soo sheegaya in uu gaarsiisanyahay soohdinta u dhexaysa Gobollada Sool, Sanaag iyo Karkaar, gaar ahaanna dhulka ay iska galaan Xadeedka Sanaag iyo Xaysimooyinka Sool. Gobolka Nugaal, sidoo kale degaanno kala duwan oo ka tirsan dhulka loo yaqaan Iyaxda ayaa xalay roobsaday, halka magaalada Garoowe iyo aga’gaarkeeda uu ka da’ay Roob yar oo qaboojin ah. PUNTLAND POST The post Degaanno ka tirsan Puntland oo xalay roobsaday appeared first on Puntland Post.