-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman ayaa ka cabsi qaba in la dilo haddii uu raaco waddadii Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Sudan oo uu xiriir rasmi ah la yeesho Israel, waxaa sidaas sheegay xubno xog ogaal ah. Madawi al-Rasheed, oo ka mid ah mucaaradka boqortooyada, ayaa sheegtay in Mohamed bin Salman uu aad uga cabsi qabo inay dilaan xubno ka tirsan qoyska boqortooyada oo loolan ugu jiri kursiga boqortooyada. Madawi ayaa sidoo kale sheegtay inay jirto taaraikh hore oo muujineysa in qaar ka mid ah xubnaha boqortooyada ay horey isu dileen. Waxay sheegtay in amiiro iyo boqoro badan oo Sacuudiyaan ay horey u dileen walaalahood, adeeradood iyo wiilal ay waalid u yihiin, tan iyo qarnigii 19-aad. Dilkii ugu dambeeyey ayaa ka dhex dhacay qasriga madaxtooyada 1975-kii, markii boqor Faisal uu dilay wiil uu adeer u yahay oo isna lagu magacaabay Faisal. Aargudasho, is qiyaameyn iyo loolan awoodeed ayaa ka dambeeyey dilalka noocan ah, hase yeeshee marnaba shaqo kuma lahayn qadiyadda Falastiin iyo wax la mid ah. Madawi ayaa hoosta ka xariiqday in Mohamed bin Salman uusan ku deg degi doonin inuu banaanka keeno xiriirka uu la leeyahay taliska Yahuudda, haddii uu qarin karo. Waxay intaas ku dartay in bin Salman uu sii wadi doono ololaha baraha bulshada ka socda ee lagu baabi’inayo taageerada shucuubta Carabta ay u hayaan qadiyadda Falastiin illaa inta xiriir ay Riyadh la yeelato Israel uu ku noqdo mid la aqbalay, markaasi oo tallaabadaas aysan halis gelin doonin noloshiisa. The post Mohamed bin Salman oo laga cabsi qabo in la dilo first appeared on Caasimada Online.
-
Deg deg: Baaderi Kaniisadeed oo lagu toogtay Dalka Faransiiska+Ninkii toogtay oo…… Booliska ayaa sheegay in wadaad ka tirsan mad-habka Orthodox-ka lagu toogasho lagu dhaacaway magaalada Lyon ee dalka Faransiiska. Xog warfidiyeenku ka heleen booliska ayaa sheegtay in qofkii falkaa geystay goobta ka baxsaday. Wasiirka arimaha gudaha Faransiiska, ayaa qoraal uu Twitter-ka ku faafiyey ku sheegay in dhacdo halis ahi haatan dhacday, laakiin wax faahfaahin ah kama uu bixin waxa dhacay. Toogashadu waxay dhacday qiyaastii 4 galabnimo wakhtiga Faransiiska, makraas oo wadaadku kaniisada xidhayey, sida ay warbaahinta maxaliga ahi sheegtay. Qof ka tirsan booliska oo wakaaladda wararka ee AFP soo xigatay ayaa sheegay in ninka weerarka geystay sitay qori shoodh-gan ah. Laakiin BBC-du ilaa haatan cid xogtaa u xaqiijisa ma hayso. Wadaadka ayaa la sheegay in xaaladiisu ba’antahay, waxaanay wakaaladda wararku ku waramaysaa in goobtii lagu dhaawacay lagaga dawaynayo “dhaawacyo uu u dhiman karo”. BREAKING – Massive manhunt for the terrorist who shot an Orthodox priest in a Greek church in #Lyon is now underway.pic.twitter.com/zBhYOzRNst — Disclose.tv (@disclosetv) October 31, 2020 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa wadayaasha gaadiidka Taksiga ee ka shaqeeya garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho u diiday in ay tagaan albaabka garoonka, si ay usoo qaadaan dadka garoonka ka soo daga ama ka safra. Wadayaashaan gaadiidka oo gaaraya 45 gaari ayaa qaarkood muddo ka badan 40 sano ka shaqeeya halkaas, waxaana amar lagu siiyay in ay soo dhaafi karin Soomaali Airline oo u dhow Hoteel Jazeera oo dhowr kiilo mitir ka fog garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. “Ciidamada ayaa qaatay go’aankaan qof xanuunsan, mid waayeel ah, mid naafo ah, waxaa lagu sugaa meel aad uga fog garoonka, annaga markii horaba ma geli jirin gudihiisa ee banaankii ayaa haddana aad noola fogeeyay qofka ma soo gaari karo halkaan,” ayuu yiri mid kamid ah wadayaasha gaadiidka Takaasida ee garoonka Muqdisho. “Go’aankaan ma ahan mid dowladda dhan isla qabto, waa qorshe ay shirkad lacag ku siisay ciidanka ammaanka qaarkood waxaana lala dagaalay wadayaashii oo halkaan ka raadsan jiray nolal maalmeedkooda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay mas’uulkaan ka tirsan guddiga gaadiidleyda ee Takaasida garoonka Muqdisho. Shalay ayaa baraha bulshada ee internet-ka lagu garoonka kadib markii qoyskiisa sheegeen in aysan KM4 ilaa karoonka baxsan karin $8, oo ay ka tagi karaan gees ka gees magaalada Muqdisho. The post Xog: Ciidamada Amniga oo amar cusub kusoo rogay garoonka Aadan Cadde first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda gargaarka, maareynta iyo masiibooyinka xukuumadda Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye oo maanta hadal ka jeedisay xaflad loogu soo dhaweynayey wasaaradan oo ay ku cusubtahay ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqday inay isku filaansho gaaraan. Waxa ay sheegtay in Soomaalida ay ceeb ku tahay inay gargaar caalami ah dalbadaan, iyagoo heysta madaxweyne Farmaajo. “Dadkeenu waxay dhahaan beesha caalamku hana soo gaarto, sidee dad dowlad leh beel caalam wax u weydiistaan? Sidee dad madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo kale heysta ay beel caalam wax u weydiisan karaan? Sidee umad islaam ah oo Alle abuurtay ay bini’aadan kale wax u weydiisan karaan?,” ayey tiri wasiir Khadiija Diiriye. Waxay dadka ka dalbatay inay Ilaah tala saartaan, “Guud ahaan dowladda iyo xukuumadda Madaxweyne Farmaajo maanta meel ayey soo gaartay,” ayey tiri. Khadiija Maxamed Diirye ayaa lagu tiriyaa wasiirrada sida weyn ugu dhow madaxweyne Farmaajo, waxayna tan iyo markii uu Farmaajo tala qabtay aheyd wasiir ka tirsan dowladda uu hoggaamiyo. Hoos ka Daawo The post Khadiijo Diiriye: Sidee dad haysta madaxweyne Farmaajo oo kale ay taageero u weydiisan karaan beesha caalamka" first appeared on Caasimada Online.
-
Siciid Cabdi Muumin Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa sheegay inuu isha ku hayo cabashada Shukri Axmed Maxamed oo ku sugan Dangoroyo iyo baarista gabadh maydkeedka laga helay Boosaaso iyo kaaliye ka tirsanaa maxkmadaha ciidanka oo lagu dilay Garowe. Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa sheegay inuu si madax bannaan u kor-joogtaynayo dilalka iyo cabashada Shukri Axmed, si ay u helaan baaris sugan iyo caddaalad. “Waxaan xiriir dhow la samaynay gabadha cabanaysa ee xiliyada kala duwan lagu xiray Dangoroyo iyo Garowe, sidoo kale ayaan la xiriirnay taliska Booliska gobollada Bari iyo Nugaal, Maxkamadda ciidamada iyo Taliska guud ee ciidanka Booliska” ayuu qoraal ku yiri Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland, Siciid Cabdi Muumin. Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa kula taliyay hay’adaha sharci-fullinta iyo kuwa baarista inay cabashada Shukri Axmed iyo falalka dilalka ee ka dhacay Boosaaso iyo Garowe ku sameeyaan baaris rasmi ah oo ay ka dambeyso caddaalad daahfuran, iyadoo la ilaalinayo xuquuqda qofka. Difaacaha ayaa u jeediyay hay’adaha Booliska iyo kuwa kale ee amniga-suga inay dhowraan xuquuqda kala duwan ee rayidka. “Boolisku waa in ay ka taxadaraan isticmaalka hubka iyo rasaasta, ahmiyad weynna siiyaan nolosha bini’aadamka, tuhun walba oo jira waa in loo maraa nidaamka sharciga ah” ayuu yiri Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. PUNTLAND POST The post Difaacaha Puntland oo ka hadlay cabashada Shukri Axmed iyo dilal ka dhacay Boosaaso iyo Garowe appeared first on Puntland Post.
-
Lyon (Caasimada Online) – Nin qori ku hubeysan ayaa toogasho ka fuliyey magaalada Lyon ee dalka Faransiiska, halkaasi oo uu ku dhaawacay baadari kaniisad ka hor inta uusan goobta ka baxsan, sida ay booliska sheegeen. Baadariga 52 jirka ah, oo asal ahaan kasoo jeeda Greece, ayaa xirayey kaniisadda xilli qorax dhac aheyd, markii ninka weerarka soo qaaday uu dhowr xabad ku furay, waxaana lagu soo warramayaa in xaaladdiisa ay liidato. Weerarka ayaa yimid xilli xaaladda France ay aad u kacsan tahay kadib markii saddex qof laba maalin kahor lagu dhex-dilay kaniisad, oo mid ka mid ah la gowracay, halka macallin iskuul sidoo kale toddobaad kahor la gowracay, ayada oo jirto caro ka dhalatay sawir gacmeedyo loogu gefay Nebi Muxamed NNKH. Baadariga ayaa laga toogtay beerka, ayada oo la dul yimid, waxaa sidaas sheegay ilo-wareedyo ka tirsan booliska, oo la hadlay AFP. Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska Gerald Darmanin ayaa isugu yeeray kulan deg deg ah oo looga arrinsanayo xaaladda waddanka. Goor sii horreysay oo maanta ah, Darmanin ayaa sheegay inay suurta-gal tahay weeraro kale oo ka dhacay ciidda Faransiiska. “Waxaan dagaal kula jirnaa cadow gudaha iyo mid dibedda ah, iyo fikradda Islaamiyiinta,” ayuu kusii daray. Madaxweyne Emmanuel Macron, oo u muuqda inuu doonayo inuu dejiyo xiisadda iyo carrada ka dhalatay hadalladiisii hore oo keenay in badeecadaha Faransiiska laga qaadaco dunida Islaamka, ayaa sheegay in dowladdiisa aysan marnaba qaadan sawir gacmeedyo aflagaado ah. Wareysi gaar ah oo uu siiyey Aljazeera ayaa Macron waxa uu kaga hadlay carrada ka dhalatay sawir-gacmeedyada aflagaadada ah ee uu daabacay wargeyska Charlie Hebdo. “Sawir gacmeedyadan ma ahan mashruuc dowladeed, balse waxay ka imanayaan wargeys madax banaan oo xor ah, islamarkaana aan ku xirneyn dowladda,” ayuu yiri Macron, isaga oo intaas ku daray inuu fahamsan yahay dareenka ay Muslimiinta ka qabaan arrintan. The post Toogasho kale oo ka dhacday kaniisad ku taalla Faransiiska first appeared on Caasimada Online.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Bar___Qubanaha-31102020.mp3 View the full article
-
Jowhar (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamanka HirShabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed, ayaa ku guul dareestay inuu ku soo laabto kursigiisa Xildhibaanimo ee dowlad gobaleedka HirShabeelle. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in kursigaan uu qeyb ka ahaa kuraastii ugu adkeyd ee tartanka islamarkaana qaatay waqti badan dhowrkii saacadood ee ugu dambeysay. Kursigaan waxa ku tartamayey Sheekh Cusmaan Barre Maxamed, Aadan Xeefow iyo Cabdixakiin Luqmaan oo hadda ku guuleestay. Sheekh Cusmaan waxa uu ahaa Gudoomiyihii hore ee baarlamanka HirShabeelle, halka Aadan Xeefow ahaa guddoomiyihii hore ee Beladweyne mana soo bixin labadooduba. Cabdixakiin Luqmaan, oo ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee daka Suudaan ayaa kursigaan lagu qoray saacadihii ugu dambeeyay ee saakay, iyadoona sidoo kale xalay kursigaan lagu qoray Aadan Xeefow, basle waxaa laga badalay saakay kadib cadaadis badan oo la saaray ugaaska beesha. Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Villa Somalia ay gadaal ka riixeyso Cabdixakiin Luqmaan, islamarkaana ay la rabto guddoomiyaha baarlamanka HirShabeelle, taasina ay sababtay in meesha laga saaro Sheekh Cusmana Barre oo aan kalsooni badan ku qabin Villa Somalia. “Saakay aroortii hore ayaa Ugaaska lagu cadaadiyay inuu beddalo Aadan Xeefow, waxaana loo keenay magaca Cabdixakiin oo xalay iyo shalayba qorshaha ku jirin meeshana oolin,” ayuu yiri mid kamid ah masuuliyiinta guddiga farsamada ee soo xulista baarlamanka HirShabeelle. Cabdixakiin Luqmaan, waxa uu ka tirsanaa Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan waxa uuna madaxa ka ahaa qeybta ganacsiga ee Safaaradda. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ay aad isugu fiicnaayeen mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa madaxtooyada islamarkaana ay siyaasiin culus gadaal ka riixeen si loo siiyo kursigaan. The post Xog: Sidee ayaa lagu reebay gudoomiyihii baarlamanka HirShabelle Sheekh Cusman? first appeared on Caasimada Online.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Sheekh Abukar Maqaneey, wasiirkii hore ee arrimaha Diinta iyo Owqaafta ee maamulka HirShabeelle iyo Cabdixakiin Luqmaan, oo ka tirsana safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan ayaa ah labada xubnood ee ugu cad cad doorashada guddoonka baarlamanka HirShabeelle, sida ay noo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan baarlamanka. Labadaan mas’uul oo midkood la sheegay in ay wadato Villa Somalia ayaa wada abaabulka ugu badan saacadihii ugu dambeeyay ee maanta waxaana la sheegay in mid ka mid ah uu maanta balansaday Xildhibaano badan oo ku xiran Madaxtooyada Soomaaliya kana tirsan baarlmaaanka cusub ee HirShabeelle. “Cabdixakiin Luqmaan iyo Sheekh Abuukar Maqaneey ayuu dhaxmari doonaa tartanka ugu adag laakiin Cabdixakiin waxa uu heestaa lacag waayo waxaa taageerysa madaxtooyada oo meesha keensatay rajada ugu badanna waa isag,a” ayuu yiri mid ka mid ah baarlamaanka HirShabeelle oo la hadlay Caasimada Online. Abaabulka iyo kulamada ayaa billawday duhurkii maanta kadib waxaana soo baxaya in kulamo aan loo kala kicin ay ka socdaan Jowhar kuwaas oo qaarkood ay ku lug leeyihiin masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya. Doorashada HirShabeelle oo maalmihii la soo dhaafay laheyn xiiso badan ayaa hadda gashay marxalad daga, waxaana socda kala jiidashada xildhibaanada ah kadib markii maanta la shaaciyay guddiga doorashada ee guddoonka baarlamaanka. Maalmaha ugu horreeyo ee bishaan November ayaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa waxaana kadib la geli doonaa doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa. The post Xog cusub: Yaa ugu cad cad qabashada guddoomiyaha baarlamanka HirShabeelle? first appeared on Caasimada Online.
-
Munaasabad ka qabsoontay Madaxtooyada Galmudug ayaa Axmed Cabdi Kaariye Madaxweynaha Galmudug waxa uu ku sixiixay shuruuc muhiim ah oo kala ah, kuwaas oo horay ku soo meel mariyey golaha wakiillada. Sharciyada ayaa kala ah: Shariga Maarreynta Deegaanka, Sharciga Hay’adaha, Sharciga Dhismaha Booliiska Sharciga Dowalaha Hoose. Shuruucdan waxaa soo diyaariyey Wasaaradaha kala ah; Deegaanka, Qorsheynta, Amniga Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose. Madaxweynaha Galmudug wuxuu Golaha Barlamaanka iyo Wasiirada Galmudug uga mahadceliyey ansixinta shuruucdan. isagoo xusay in shuruucdu ay gundhig u noqon doonto in sifo sharci ah Xukuumaddu u fuliso hawlaha hortebinta leh ee loo igmaday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Moscow (Caasimada Online) – Feeryahanka dhowaan howlgabka noqday ee reer Russia Khabib Nurmagomedov ayaa si kulul Jimcihii u cambaareeyey madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ay kasoo yeereen hadallo gef ku ah islaamka. “Allah qaadirka ah wejigiisa ha beddelo aadanahan (Macron) iyo dhammaan inta raacsan, kuwaasi oo ayaga oo qiil ka dhiganaya xoriyadda hadalka, u gefay dareenka in ka badan hal bilyan iyo bar Muslimiin ah,” ayuu Khabib ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Instagram. 32 jirkan ayaa sheegay in Muslimiinta ay Nebi Muxamed u jecel yihiin si ka badan qof kasta, oo ay ku jiraan hooyooyinkooda, aabayaashood iyo xaasaskooda. “I aamina, daan-daansigan waa uu kusoo noqon doonaa,” ayuu yiri Khabib Khabiib ayaa sidoo kale soo dhigay bartiisa Instagram aayadda 57-aad ee suurta Al-Axzaab ee oraneysa: إِنَّ الَّذِينَ يُؤْذُونَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ لَعَنَهُمُ اللَّهُ فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ وَأَعَدَّ لَهُمْ عَذَابًا مُّهِينً “Kuwa dhiba Allah iyo Rasuulkiisa, Allah ayaa lacnaday (naxariistiisa ka dheereeyey) adduunyada dhexdeeda iyo aakhiro, Allaha ayaana wuxuu u diyaariyey cadaab dulleeya.” Qoraalka Khabiib Nurmagomedov ayaa waxaa sidoo kale raacsanaa sawirka Macron oo wejiga kab laga saaray. Macron ayaa maanta sheegay inuu fahamsan yahay dareenka ay Muslimiinta ka qabaan sawir gacmeedyada lagu aflagaadeynayo Nebi Muxamed NNKH, wuxuuna carabka ku dhejiyey in dowladdiisa aysan marnaba taageersaneyn sawirradaas. “Sawir gacmeedyadan ma ahan mashruuc dowladeed, balse waxay ka imanayaan wargeys madax banaan oo xor ah, islamarkaana aan ku xirneyn dowladda,” ayuu yiri Macron, isaga oo intaas ku daray inuu fahamsan yahay dareenka ay Muslimiinta ka qabaan arrintan. The post Khabib Nurmagomedov oo jawaab kulu ka bixiyey gefkii Macron ee Nebiga NNKH first appeared on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kormeeray Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhexe ee dalka iyo Dekedda magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay sii dardar gelinayso qorsheyaasha ka dhanka ah musuqmaasuqa iyo ku tagri-falka hantida iyo awoodda dowladnimo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulammo kula yeeshay Madaxda iyo masuuliyiin hay’adahan goobahooda shaqada, isagoona ka dhageystay warbixinno ku saabsan hannaanka hufnaanta maaliyadeed ee adeegyada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble oo dul istaagay tallaabooyinkii horey loo qaaday ee ka dhan ahaa musuqmaasuqa ee ay ka mid ahayd in sharciga la horkeenay masuuliyiin dowladeed oo ku eedaysanaa Xatooyo xoolo dadweyne ayaa sheegay in la sii xoojin doono tallaabooyinkaas, iyadoo Xukuumadda ay ka go’an tahay dhowridda ammaanada ay u heyso shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kula dardaarmay Madaxda iyo howlwadeennada ilaha dakhliga ee uu booqday in ay sii dardar geliyaan shaqadooda, si kor loogu qaado dakhliga dalka oo saameyn xooggan uu ku yeeshay codurka COVID-19 ee kala xiray dunida. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Kulanka Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaa ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan ‘’Nuux’’ uu dhaariyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Howlaha guud dib u dhiska iyo guryeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux ayaa magaca guddoonka Golaha Shacabka shahaado sharaf ku guddoonsiiyay saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida oo lagu abaalmariyay kaalintii ay ka qaateen dib u dhiska xarumo badan oo kuwo danta guud ah oo uu goluhu ka mid yahay. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa saraakiishan ugu hambalyeeyay howsha wanaagsan ee ay Qaranka u hayaan. Intaasi ka dib Xoghayaha guddiga Maaliyadda, miisaaniyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adda Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed ayaa ka hadlay muhiimadda uu dalka u leeyahay wax ka bedelka sharciga Hanti dhowrka guud ee Dowladda, isagoo ka codsaday in goluhu ansixiyo sharcigan. Xildibaannada Golaha Shacabka oo sharcigan cod u qaaday ayaa waxaa codka haa ku ogolaatay 145-Xildhibaan sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka shir guddoominayay. Dhinaca kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa badankood isku aragti ka qabay wax ka bedelka Qodobka 10-aad ee sharciga guddiga Madaxabanaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo mudo xileedkiisu uu ku ekaa Bishii September ee sanadkan, balse uu guddigu soo jeediyay In mudo afar sano ah loogu daro maadaamaa uu howlo muhiim ah hayo, halka Xildhibaanadda qaar ay soo jeediyeen in gebi ahaanba guddigan dib u magacaabis lagu sameeyo. Xildhibaanadda oo cod geliyay soo jeedinta Guddiga Arrimaha gudaha ee Golaha Shacabka ee ah in guddiga madaxabanana ee xuduudaha Federaalka afar sano oo dheeraad loogu daro mudo xileedkiisa ayaa waxaa codka haa ku ogolaatay 145-Xildhibaan oo ah tirada Xildhibaannada kulanka joogay,sida uu ku dhowaaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka. Xoghayaha guddiga maaliyadda, miisaaniyadda,Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adda Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed iyo Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax Geesey oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha ee Golaha Shacabka ayaa golaha uga mahadceliyay ansixinta labadan sharci oo dalka muhiim u ah. Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa Xildhibaannada ka hor Akhriyay Akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka Dhismaha Hay’adda dhiira gelinta maalgashiga, waxaana qaar ka mid ah Xildhibaannada ay dhowr su’aal Wasiirku ka weydiiyeen Hindise sharciyeedkan. Sidoo sidoo kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Akhrinta labaad marsiiyay Hindise sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga dadweynaha Soomaaliyeed, waxaana ugu dambeyn kulanka soo xiray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. View the full article
-
JOWHAR (HOL) - Newly selected MPs in HirShabelle state were Saturday sworn in at the administrative capital Jowhar marking the beginning of a four year term in office. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/10/Warka-Habeen-31102020.mp3 View the full article
-
Minneapolis (Caasimada Online) – Musharaxa madaxweynaha Mareykanka ee xisbiga Dimoqraadiga Joe Biden ayaa jawaab kulul ka bixiyey aflagaadada iyo weerarka uu madaxweyne Trump mar kasta kula kaco Soomaalida. Trump ayaa ku eedeeyey Biden inuu doonayo inuu sare u qaado qaxootiga imanaya Mareykanka 700%, oo uu dalka soo geliyo qaxooti ka imanaya “dalal halis ah oo argagixisada ay ku xooggan tahay sida Soomaaliya oo kale. Biden oo shalay tegay gobolka Soomaaliya ay ku badan tahay ee Minnesota ayaa sheegay in Trump ay ceeb ku tahay inuu Soomaalida qaxootiga ah ee Mareykanka yimid uu la xiriiriyo argagixiso. “Trump wuxuu isaga oo aan ceeb ka xishooneyn qaxootiga Soomaalida ah – saaxiibo nolol wanaagsan ka raadinaya America, oo wax u taraya gobolka iyo dalkeena – la xiriirinayaa argagixiso. Waxaan u baahannahay madaxweyne dadka isku keena ee aan kala fogeyn,” ayuu yiri Biden. Waa markii saddexaad ee Biden uu si shaacsan u difacao Soomaalida mar kasta uu weerarka uga yimaado Trump. Hadda ka hor Biden waxa uu yiri “Xiriir xooggan ayaan la leeyahay bulshada Soomaalida gobolka Delaware, sababtoo waxaa ku jira taksi wadayaal badan, oo aan kula saaxiibay boosteejada magaalada Wilmington.” Delaware waa gobolka uu degan yahay Biden. Madaxweynaha Donald Trump ayaa xoojiyey dagaalka iyo aflagaadada uu ku hayo Soomaalida, sababo la xiriiro dagaalka siyaasadeed ee ka dhaxeeya isaga iyo Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congress-ka Mareykanka. Wuxuu ku eedeeyey in gobolka ay ku badan yihiin ee Minnesota ay ka dhigeen xero qaxooti, ayna la degeen horumarkiisa, sida uu hadalka u dhigay. The post Joe Biden oo jawaab kulul ka bixiyey weerarkii uu Trump ku qaaday Soomaalida first appeared on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ahna taliyaha cuud ee ciidanka qaranka, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay qalinjebinta dufcaddii koowaad ee Layli sarkaal oo markii ugu horraysay dalka gudihiisa lagu tababaray, taas oo maanta lagu qabtay dugsiga Cabdilaahi Askar ee Dararweyne. Munaasibadda loogu fooladaynayey dufcadda koowaad ee layli sarkaal oo ahayd mid si weyn loo abaabulay, islamarkaana uu madaxweynuhu derejooyin cusub ku taxay dhallinyarada maanta qalinjebisay, ayaa waxa madaxweynaha kala qayb-galay guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Baashe Maxamed Faarax, Duuliye Sare Axmed Maxamed Xasan (Axmed dheere) xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha kala duwan ee ciidamada dalka, macallimiinta kulliyadda tababarka Cabdilaahi Askar, madax kala duwan oo ka socota hay’adaha xukuumadda, saraakiisha cusub ee la layliyey iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo saraakiisha cusub ee dalka usoo baxday iyo waajibaadka horyaalla. Taliyaha kulliyadda tababarka saraakiisha Cabdilaahi Askar gaashaanle sare Maxamuud Maxamed Sardheere iyo madax hoggaanka tababarka ciidanka qaranka sarreeyo guuto Axmed Cali Maxamed Tansaani oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay la soo mareen tababarka saraakiisha cusub ee maanta qalinjebisay, waxana ay caddeeyeen inay yihiin dhallinyaro dhinac walba ka dhisan, islamarkaana lagu aamini karo inay kasoo baxaan hawl kasta oo qaranku uga baahdo. Taliyayaasha ciidamada militeriga, Booliska, Asluubta iyo badda oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa bogaadiyey saraakiisha cusub ee dalka gudihiisa ku tababaratay, waxana ay shaaciyeen in dufcaddani caddayn u tahay inuu qaranku isku fillaansho ka gaadhay dhinaca soo saaridda saraakiisha, iyaga oo saraakiisha aflaxdayna kula dardaarmay inay dhexda u xidhaan sidii ay qarankooda ugu shaqayn lahaayeen, ugana faa’iidayn lahaayeen aqoontii iyo tacabkii la geliyey, amniga qarankooda iyo ilaalinta nafta iyo maalka bulshadana il gaar ah ku eegaan. Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), ayaa isaguna dhankiisa hambalyeeyey dhallinyarada saraakiisha ah ee dalka gudihiisa wax ku baratay, waxana uu sheegay inay saraakiishani maanta marag ka yihiin in qaranku isku fillaansho ka gaadhay dhinaca soo saaridda saraakiil cusub oo haatan ka hor dibadda loogu bixi jirey, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maanta waa maalin weyn oo jirriddaha loo adkeeyey awoodda ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland oo isku fillaansho ka gaadhay tababaridda heer sarkaalnimo oo markii hore dalka dibaddiisa lagaga soo bixi jirey.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo tababarka usoo xidhay saraakiisha da’da yar ee dalka wax ku baratay, ayaa ugu horrayn hambalyo iyo bogaadin u diray saraakiisha waxbarashada dhammaysatay, waxana uu ku bogaadiyey samirkii iyo dhabar-adaygii ay halkan kusoo gaadheen, isaga oo ku boorriyey inay isu diyaariyaan inay xilka iyo waajibaadka fuulay gutaan oo ay majahara u qabtaan ciidamada kala duwan ee dalka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Idinka iyo kuwa idinka horreeya ee tobanka sano wax soo baranayey, ayaa ciidanka, qaranka, badda, Boolis, Asluub iyo Imigrayshin dhammaantood cidda xilkeedu fuulayaa waa idinka, waxan idinka rajaynayaa inaad xilkaas isu diyaarisaan oo qaranka halkii lasoo gaadhsiiyey ka qaaddaan oo aad waajibkiina si fiican u gudataan, dalka iyo dadkuna idin mahadiyo.” Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu derejooyin kala duwan ku taxay saraakiisha cusub ee layliga dhammaystay, isaga oo sidoo kalena derejooyin u xidhay saraakiil kale oo ka kala tirsan ciidamada kala duwan ee qaranka, kuwaas oo ku dallacay shuruucda kala duwan ee ciidamada dhexdooda derejooyinka lagu helo, isaga oo sidoo kalena abaalmarinno kala duwan guddoonsiiyey xubnihii ugu sarreeyey iyo kuwii ugu akhlaaqda wanaagsanaa muddadii ay kusoo jireen layliga sarkaalnimo, waxana uu xadhigga ka jaray xarunta dab-ridka ciidanka oo laga dhex bineeyey kulliyadda Cabdilaahi Askar. Wa-bilaahi Tawfiiq Source
-
Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay inuu fahamsan yahay dareenka ay Muslimiinta ka qabaan sawir gacmeedyada lagu aflagaadeynayo Nebi Muxamed NNKH, wuxuuna carabka ku dhejiyey in dowladdiisa aysan marnaba taageersaneyn sawirradaas. Wareysi gaar ah oo uu siiyey Aljazeera ayaa Macron waxa uu kaga hadlay carrada ka dhalatay sawir-gacmeedyada aflagaadada ah ee uu daabacay wargeyska Charlie Hebdo. “Sawir gacmeedyadan ma ahan mashruuc dowladeed, balse waxay ka imanayaan wargeys madax banaan oo xor ah, islamarkaana aan ku xirneyn dowladda,” ayuu yiri Macron, isaga oo intaas ku daray inuu fahamsan yahay dareenka ay Muslimiinta ka qabaan arrintan. Macron ayaa horey u sheegay in France aysan joojin doonin sawir gacmeedyada, isaga oo ka hadlayey dilka macalin loo gowracay sawir gacmeedyadan dartood, kadib markii uu tusay ardaydiisa. Hadallada Macron ayaa carro xoogan ka dheliyey dunida Islaamka, gaar ahaan maadaama ay yimaadeen maalmo un kadib markii uu sheegay in diinta Islaamka ay tahay mid qalalaase ku jirta meel kasta oo dunida ka mid ah. Macron waxa uu wareysiga ku yiri “Waxaan u maleynayaa in falcelinta ay ka dhalatay been iyo doorin lagu sameeyey erayadeyda, sidaas darteedna dadka ay u fahmeen inaan taageersanahay sawir gacmeedyadan.” Waxa uu intaas ku daray “Waxaa jiri dad roga Islaamka ayaga oo sheegayana inay difaacayaan diintan.” Macron ayaa sheegay in Muslimiinta ay yihiin kuwa saameynta ugu weyn kala kulma dhaqanka kuwa Diinta qalloociya. Macron, oo u muuqda inuu doonayo inuu dejiyo xiisadda iyo carrada ka dhalatay hadalladiisii hore oo keenay in badeecadaha Faransiiska laga qaadaco dunida Islaamka, ayaa sheegay in dowladdiisa aysan marnaba qaadan sawir gacmeedyo aflagaado ah. Goor sii horreysay oo maanta ah, wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska Gérald Darmanin ayaa sheegay inay suurta-gal tahay weeraro kale oo ka dhacay ciidda Faransiiska. “Waxaan dagaal kula jirnaa cadow gudaha iyo mid dibedda ah, iyo fikradda Islaamiyiinta,” ayuu kusii daray. Laba maalin ka hor, nin asal ahaan kasoo jeeda dalka Tunisia ayaa saddex qof toorey ku dilay magaalada Nice, isaga oo mid ka mid ah oo aheyd haweeney gowracay, kadib carradii ka dhalatay sawir gacmeedyada lagu aflgaadeynayo Suubanaha SCW. The post MACRON oo ka laabtay taageeradii uu u muujiyey sawir gacmeedyada gefka ku ah Nebi Muxamed NNKH first appeared on Caasimada Online.
-
Refugees who were affected by US President Donald Trump's Muslim travel ban are closely following the US election. Many are hoping for a new life in the US — but their futures hang in the balance. Source: Hiiraan Online
-
Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda mudane, Axmed Xasan Iimaan ayaa dhagax dhiggay waddada isku xirta Ex hotel Shabeelle siina marta afaafka hore ee beerta nabadda illaa isbitaalka Martiini. Waddadan oo aan dayactir helin 30kii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa ay muhiim u tahay isu socodka dadka iyo gaadiidka. Dhagax dhigidda waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka howlaha guud mudane Cumar Cali Cabdi iyo arrimaha bulshada Marwo, Basma Caamir Axmed (Jakeetti), Maamulka gobolka Banaadir ayaa dardar gelinaya dib u dhiska waddooyinka caasimadda si dib loogu soo celiyo bilicdii ay lahaan jirtay caasimadda dalka. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
