-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xaafadda dabaqadda dhexe ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa si weyn loogu baroor-diiqayaa qoyska Fatxi Xuseen oo 26-jir ah. Waxay ka hadlayaan argagaxa maalmihii ugu dambeeyay ee nolosheeda. “Dadkii ka badbaaday ayaa inoo sheegay inay gaajo u dhimatay,” Samira, oo ah gabar la dhalatay Fatxi ayaa khadka taleefoonka sidaasi ugu sheegtay BBC. “Waxay ku jireen badda muddo 14 maalmood ah, dadku waxay cunayeen kalluun ceeriin ah, waxayna cabayeen biyaha badda taasoo ay diiday. Waxay sheegeen in ay bilaawday inay aragto waxyaabo dhalanteed ka hor inta aysan dhiman ka dib maydkeedii waxay ku tuureen badda. Maamulka deegaanka ayaa sheegay in Fatxi ay ka mid ahayd 24 qof oo Soomaali ah oo ku dhintay labo doonyood oo ay la socdeen ku dhawaad 70 qof oo ku dagtay xeebaha Madagascar. Dadka badbaaday ayaa sheegay inay isku dayayeen inay gaaraan jasiiradda Mayotte ee dalka Faransiiska, taasoo ah waddo cusub oo khatar ah oo ay maraan Soomaalida magangelyo doonka ah Boqollaal muhaajiriin ah ayaa la rumeysan yahay inay dhintaan sanad walba iyagoo isku dayaya inay u gudbaan jasiirad yar oo Faransiiska ku taal, oo 190 mayl waqooyi-galbeed kaga beegan Madagascar ee Badweynta Hindiya. Taariikhdu markii ay ahayd 1-dii Noofambar, Fatxi ayaa ka soo duushay Soomaaliya kuna sii jeeday dekedda Mombasa ee dalka Kenya, waxaana ay halkaas ka soo raacay maalmo ka dib doon uu ku tagayso Mayotte. Samiira waxa ay sheegtay in Fatxi ay u sheegtay walaashood ka yar in ay ku bixisay kharashka lacag ay ka shaqaysatay goob lagu dumarka lagu qurxiyo balse ay qorshahan ka qarisay qoyskeeda intiisa kale. “Waxay necbayd badweynta, ma garanayo sababta iyo sida ay go’aankaas u qaadatay, waxaan jeclaan lahaa in aan habsiiyo,” ayay tiri Samira. BBC-da ayaa la hadashay shan muhaajiriin ah oo sida Fatxi oo isku dayay inay gaaraan Mayotte. Waxay noo sheegeen in ay jiraan laba dariiq oo aasaasi ah ee ka baxa Soomaaliya ilaa jasiiradda. Qaarkood waxay doon ka raacaan Mombasa iyagoo sii maraya Comoros, halka kuwa kale oo lacag badan haysta ay Itoobiya uga duulaan Madagascar – sababtoo ah dadka haysta baasaboorka Soomaaliya waxay u qalmaan inay helaan fiisaha markay yimaadaan – ka dibna waxay raacaan doon yar oo ay ku tagaan Mayotte. Waxay u aadaan Mayotte sababtoo ah dad badan ayaa aaminsan inay u furi doonto albaabka helitaanka baasaboorka Faransiiska iyo gelitaanka Yurub. Xigashada Sawirka,Getty Images Qoraalka sawirka,Muhaajiriin ku soo xoomay doon yar kuwaas oo ay isku dayaya in ay gaaraan Mayotte Soo galooti cusub Mayotte waa qayb yar oo Faransiiska ka tirsan oo ku taal Badweynta Hindiya, dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxay noqotay goob dagaal oo xagga sharciyada socdaalka. Waxay ahayd qayb ka mid ah Faransiiska tan iyo 1841, Mayotte hadda waa waax ama gobolka Jamhuuriyadda taas oo macnaheedu yahay, aragti ahaan, isla xeerarka qaadashada baasaboorka ayaa lagu dabaqayaa meel kasta oo kale oo Faransiis ah. Laakiin soogalootiga tirada badan ee dhowaanahan ku soo qulqulaya ayaa ku riixaya xukuumadda Madaxweyne Emmanuel Macron inay ka tagto mabda’a xurmada leh ee Faransiiska ee sinnaanta dadka oo dhan. Booqashadiisii Mayotte bishii Febraayo ee sanadkan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Gérald Darmanin ayaa ku dhawaaqay in xuquuqda tooska ah ee dhalashada Faransiiska ee jasiiradda la burin doono. Isbeddel dastuuri ah oo arrintan ku saabsan ayay dowladdu wadaa. Laakiin tani kama joojin soogalootiga inay yimaadaan. Qoyska Fatxi ayaa sheegay in safarkeeda uu ku dhamaaday masiibo markii doonteeda yar ay ku luntay badda. Waxa ay BBC-da u sheegeen in markii ay taasi dhacday ay kooxihii wax tahriibinayay ay matooradii ka soo saareen doonyaha oo ay dib ugu laabteen Kenya. Waxay ka tageen Soomaalidii oo go’doonsan, oo badda dul heehaabaya. Mukhalasiinta ayaa u sheegay, “Waxaad ku gaari doontaan Mayotte saddex saacadood, taasoo isu beddeshay 14 maalmood,” ayay tiri Samira. Frantz Celestin, oo ah Agaasimaha Gobolka Bariga, Geeska iyo Koonfurta Afrika ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka ayaa sheegay in ay sii kordheyso in muhaajiriintu ay naftooda halis galiyaan iyagoo isku dayaya in ay gaaraan jasiiradda Faransiiska. “Dhowaan 25 qof ayaa ku dhintay iyagoo safar kaa la mid ah ku jira, inta badan waxay sii maraan Comoros iyo Madagascar, guud ahaan sanadkan wuxuu ahaa sanadkii ugu dhimashada badnaa soogalootiga,” ayuu yiri. Qoraalka sawirka,Khariidad muujinaysa dariiqyada ay tahriibayaashu u maraan Afrika ilaa Mayotte. Ballanqaad nolol cusub Inta yar ee nasiibka u yeelatay ee ka badbaadaan jidkan halista ah waxa ka mid ah Khadar Maxamed. Waxa uu yimid Mayotte kow iyo toban bilood ka hor, laakiin waxa uu aad u xusuustaa dhibaatadii foosha xumayd ee uu u soo maray si uu u gaaRo jasiiradda yar ee Madagascar. “Markii aan imid Madagascar, waxaa la i geeyay guriga mulkiilaha doonta, waxaan joognay halkaas 14 maalmood, waxaan ahayn Soomaali iyo kuwa kale oo ree Madagascar ah,” ayuu yiri. Kooxda doonta sugaysay ayaa gaartay 70 qof. Waxa la saaray doon, waxaana la sii mariyay webi si ay ugaaran badweynta. Khadar ayaa sheegay in uu Soomaaliya uga soo tagay xaalad amni oo jirta. Waxa uu aaminsan yahay in uusan haysan wax kala doorasho maadaama noloshiisa ay halis ku jirtay sababtoo ah waxaa uu sheegay inuu bartilmaameed u ahaa kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. “Dalkayga waxaan uga soo tagay badbaadadayda. Waxaan ahaa milkiile ganacsi, mana awoodin in aan shaqadayda qabsado al-Shabaab darteed,” ayuu yiri. Qoysaska dhibanayaasha oo aan la hadalnay ayaa BBC-da u sheegay in eheladooda ay nolol cusub u ballan qaadeen dadka wax tahriibiya sidaas darteed waxay bixiyeen lacag dhan 6000 oo doolar si ay uga safraan Mombasa ilaa Mayotte. Kala bar lacagtaas ayaa la sii bixiyaa. Qaar badan sanado ayay ku qaadan kartaa inay kaydiyaan lacagtaas. BBC-du waxay aragtay akoonnada barta bulshada ee TikTok ee lagu xayaysiisyo safarro lagu tagayo Mayotte iyo xitaa meelo kale oo Yurub ah. Xayeysiintu waxay tilmaameysaa in hawl-wadeenadu ay dadka geyn karaan Mayotte iyagoo isticmaalaya doomo dalxiis oo waaweyn, laakiin qoysaska dhibbanayaasha ayaa sheegaya in mukhalasiinta ay isticmaalayaan doomo kalluumeysi oo aad u yaryar oo maxalli ah oo lagu magacaabo kwassa. Dowladda Faransiiska ayaan ka hadlin musiibadan dhawaan dhacday. Laakin Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Dowladda Madagaskar ay ku wargelisay Tahriibayaal Soomaali ah oo la socday Labo Doomood oo ku qaraqmay Xeebaha Soomaaliya. Wasiirka ayaa intaa ku daray in dowladdiisu ay dadaal ugu jirto sidii ay ula xiriiri lahayd dadkii badbaaday, dibna loogu soo celin lahaa Soomaaliya. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daud Aweis ayaa BBC u sheegay Arbacadii in dowladdu ay wafdi u dirayso Madagascar toddobaadkan. Dhanka kale waxaa weli baroor diiqaya qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadka dhintay. Qoyska Fatxi ayaa sheegay in ay dacweeyeen ninkii wax tahriibinayay ee gabadhooda kaxaystay, ka dibna la xiray. Si kastaba ha ahaatee, markaasi ka dib ayaa waxaa lagu sii daayay dammaanad. Samiira waxa ay sheegtay in iyada oo aan ogayn sida ay walaasheed dareemaysay daqiiqadaha ugu dambeeya ay tahay xanuun waligeed aan ka hari doonin. ‘’Waxaan jeclaan lahaa inay ila hadasho oo ay ii sheegto go’aankeeda. Waxay igu oran kartay nabad gelyo… hadda, ma aqaano sida aan ula qabsan karo dhimashadeeda, ayay tiri. Bbcsomali Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Serbia ayaa maanta kala saxiixday heshiis iskaashi oo kor loogu qaadayo xiriirka labada dal, gaar ahaan ahaan dhinaca amniga, kadib booqasho uu dalkaasi ku tegay wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag. Heshiiskan ayaa xoogga saaraya tababarada iyo tayeynta Ciidanka Amniga Soomaaliya, sida uu shaaciyay wasiir Fartaag oo isagu lasoo saxiixday dowladda Serbia. Wasiirka oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in heshiiskani uu wax weyn ka beddelayo iskaashiga labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tababarada iyo tayeynta ciidanka amniga Soomaaliya. Sidoo lale wuxuu ka hadlay taariikhada xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal, isaga oo xusay inuu soo dhisnaa muddo dheer, isla markaana hadda sare loo sii qaadi doono. “Xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Serbia, waa mid qoto dheer oo soo jiray sanado badan, tallaabada maanta aan ku saxiixnay heshiiskanina waxa ay sii xoojin doontaa taageerada iyo iskaashiga saaxiibtinimo ee ay wadaaggaan labada waddan” ayuu yiri Fartgaa. Saxiixa heshiiska kadib wuxuu sidoo kale kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Serbia, oo isna tallaabo taariikhi ah ku tilmaamay heshiiska ay gaareen labada dal, waxa uuna hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal. Si kastaba, Serbia waxa ay door muhiim ah ka qaadata dadaallada dib-u-dhiska dowladnimo ee Soomaaliya, gaar ahaan tababarka Ciidammada iyo horumarinta hey’adaha amniga Qaranka.
-
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa kulan la qaatay Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha. Mudane Cali Xoosh ayaa ugu horreyn ka warbixiyey ahmiyadda iyo shaqada adag ee hortaalla, waxaa uuna kula dardaarmay Xubnaha Guddiga Madaxa-bannan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha dardargelinta howlaha iyo gudashada Waajibkooda Qaran ee ku aaddan hirgalinta doorashooyin Qaran iyo Arrimaha Sohdimaha sida ku xusan Datsuurka dalka iyo Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha. guddigan oo dhowaan la magacaabay, islamarkaana golaha wasiirrada iyo baarlamaankuba ay meel mariyeen ayaa laga sugayaa qabashada doorasho qof iyo cod ah, balse waxaa jira walaac laga qabo sida doorashadaasi ay hadda suurta-gal u tahay. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa goordhow safar deg-deg ah ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Safarka ra’iisul wasaare Xamza ayaa la xiriira arrinta xiisadda Jubbaland oo haatan mareysa meel xasaasi ah, sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha. Safarkan ayaa imanaya xilli ay maxkamadda gobolka Banaadir u jartay Axmed Madoobe waaran soo qabasho, kadib markii golaha wasiirrada Soomaaliya ay garyaqaanka guud ee dowladda fareen inuu maxkamadda u gudbiyo dacwad ka dhan ah Axmed Madoobe. Axmed Madoobe ayaa loo haystaa faldambiyeedyo lid ku ah wadajirka iyo midnimada qaranka Soomaaliya, taas oo macno ahaan noqoneysa “khiyaano qaran” sida ay sheegtay maxkamadda gobolka Banaadir. Sidoo kale waxaa qeyb ka ah eedeymaha loo haysto Axmed Madoobe faldambiyeed lid ku ah xof lala wadaago dal shisheeye, ujeedo dagaal lid ku ah qaranka Soomaaliyeed, sidoo kalena uu ku kacay faldambiyeed lid ku ah nidaamka iyo dastuurka dalka, sida ay sheegtay maxkamadda. Xukuumadda Xamza ayaa si adag uga hortimid dib u doorashada Ahmed Madoobe iyo tan baarlamaanka 3-aad ee Jubbaland, iyado sheegtay in labaduba ay baal-marsan yihiin shuruucda dalka. Xiisadda ayaa kasii dareysa, iyadoo maamulka Axmed Madoobe uu soo saaray waaran soo qabasho iyo horkeenis maxkamadeed ah oo madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo ay uga jawaabeyso waarankii dowladda federaalka, wuxuuna khilaafka gaaray meeshii ugu sarreysay, kadib tallaabooyinka dheeriga oo ay ku jiraan isku adeegsiga ciidamo oo ay qaadeen labada dhinac.
-
Mogadishu (HOL) — Egypt is preparing to send troops to Somalia as part of the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM), set to replace the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) in early 2025. While the deployment reflects Egypt’s growing commitment to stabilizing the region, it also intensifies tensions with Ethiopia, threatening to overshadow the mission’s goals. Source: Hiiraan Online
-
Faroole: “It is my position that the President of the Federal Republic, H.E. Hassan Sheikh Mohamud, has a constitutional and moral duty to uphold the law, promote dialogue and reconciliation, and foster national unity and consensus. However, the President’s decision to deploy SNA units to Jubaland, at this time of heightened tension, signals his commitment to usurp power in Jubaland State in his favor — through violent means, if necessary.” Garowe (PP News Desk) — Senator Abdirahman Mohamed Mohamud ‘Farole,’ former President of Puntland State of Somalia , has expressed serious concerns over the deployment of Somali National Army (SNA) units to the Lower Jubba region of Jubaland State due to escalating political tensions between the Federal Government of Somalia (FGS) and Jubaland State. He warned that such actions may plunge Somalia back into the turmoil of civil war, marked by political violence and mass civilian displacement. Farole criticised President Hassan Sheikh Mohamud’s decision to dispatch the SNA units to Raaskaambini, suggesting it reflects an attempt to usurp power in Jubaland by force. He highlighted the dangerous decision of using the national army for political purposes, which not only undermines Somalia’s peace and stability but also diverts critical resources from combating terrorist threats. “It is my position that the President of the Federal Republic, H.E. Hassan Sheikh Mohamud, has a constitutional and moral duty to uphold the law, promote dialogue and reconciliation, and foster national unity and consensus. However, the President’s decision to deploy SNA units to Jubaland, at this time of heightened tension, signals his commitment to usurp power in Jubaland State in his fav — through violent means, if necessary” wrote Senator Farole. The Senator outlined key challenges exacerbating the crisis, including constitutional disputes, the lack of an independent Federal Constitutional Court and the politicisation of Somalia’s judicial system. He also raised concerns about the legitimacy of the National Consultative Council (NCC) and procedural irregularities in the Federal Parliament, which “erode trust” in Somalia’s political institutions. Farole called on President Mohamud to uphold his constitutional responsibility to promote dialogue, reconciliation and national unity. He urged the cessation of military actions and encouraged international partners, including UNSOM and ATMIS, to defuse tensions and prioritise peaceful political resolutions. The Senator’s warning serves as a stark reminder of Somalia’s fragile state, underscoring the urgent need for inclusive dialogue to prevent the country from descending into conflict. © Puntland Post, 2024 The post Former Puntland President Urges Political Dialogue to Resolve “Jubaland Crisis” appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa safar ku tagay magaalada Nairobi ee Kenya, isagoo hoggaaminaya wafdi ka socda dowladda Federaalka. Socdaalkaas waxaa lagu sheegay inuu salka ku hayo arrimo dhowr ah, oo ay ugu weyn tahay xalinta xiisadda siyaasadeed ee ka dhex oogan dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland, gaar ahaan arrimaha doorashada iyo hannaanka maamul ee Jubbaland. Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah ugu eedeeyay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, in uu qabtay hanaan doorasho oo aan sharciyad lahayn, isagoo ku tilmaamay in Madaxweyne Madoobe uusan sharci ahaan u xaq lahayn inuu markale xilka qabto maadaama muddo xileedkiisu dhamaaday. Dhinaca kale, safarkan ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, oo ay ku jiraan iskaashiga amniga, horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga, waxbarashada, iyo dalxiiska. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda u dhexeyso dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa marba marka ka dambeysa kasii dareysa, wuxuuna khilaafka gaaray meeshii ugu sarreysay, kadib tallaabooyin dheeraad ah oo ay ku jiraan isku adeegsiga ciidamo oo ay qaadeen labada dhinac. Xiisadda ayaa u muuqata inay sii baaheyso, waxayna gaartay dalalka dariska, sida Kenya iyo Itoobiya oo labaduba saameyn ku leh arrimaha gudaha Soomaaliya, Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maanta wafdi ka socda dowladsa Soomaaliya uu kusii jeedo magaalada Niarobi, kaas oo dowladda Kenya kala hadli doono xiisadda ka taagan Jubbaland. Ujeedka wafdigan ayaa lagu soo warramayaa inuu la xiriiro sidii meesha looga saari lahaa taageero xukuumadda Naironi siiso Axmed Madoobe oo mar kale dib loo doortay. Kenya ayaa weli ka aamusan xaaladaha soo kordhay ee gudaha dalka, gaar ahaan dagaalka siyaasadeed ee Villa Soomaaliya iyo maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe. Horay xukuumadda Nairobi ayaa isugu deyday inay dhex-dhexaadiso labada dhinac, laakiin waxba kama soo bixin, waxaana taasi beddalkeeda ay xiisadda isku rogtay gacan ka hadal. Dhinaca kale dowladda Itoobiya ayaa iyaduna dhankeeda soo faragelisay xiisadda, kadib markii ciidamadeeda dhaq-dhaqaaqyo ay ku tageerayaan Jubbaland ka bilaabeen gobolka Gedo. Arrintan ayaa u muuqata mid ay Itoobiya uga faa’iideysaneyso xiisadda dowladda dhexe iyo Jubbaland, maadaama aynan xilligan isku wanaagsaneyn Muqdisho iyo Addis Ababa oo horay isugu qabtay heshiiska badda ee uu Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland. Si kastaba, horay dowladda Soomaaliya ayaa Itoobiya ugu eedeysay inay faragelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, ayna sidoo kale ciidamadeeda la wareegeen garoomada iyo waddooyinka muhiimka ah ee gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo farageliyay kiiska askari shalay lagu dhaawacay gudaha xarunta Villa Hargeysa, kadib markii uu si xun u feeray mid kamid ah xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya. Hab-dhawraha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) oo booqday dhaawaca askariga ayaa ka hadlay falkan, wuxuuna tilmaamay inuu fog yahay anshaxa baarlamaanka, wuxuuna tilmaamay in xildhibaanka uu aragtidiisa ku cabiri karo hadal oo kaliya, balse aan oo loo ogoleyn gacan ka hadal. Nuux ayaa sidoo kale tilmaaay in arrinta dhacday ay tahay fadeexo wayn, uuna aad uga xun yahay in lagu xadgudbo ilaalada baarlamaanka. “Xildhibaanka aragtidiisa hadal wuu ku cabiri karaa,laakiin gacan qaad maya, falkaasi wuxuu ahaa mid ka fog anshaxa iyo la dhaqanka ilaalada golaha, xasaanadda xildhibaanka ma ahan in dhib geysan karo, taasi waa fadeexo,” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux). Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in guddoonka baarlamaanka uu qaadi doono tallaabo adag oo la xiriirta kiiskan, si loola xisaabtamo xildhibaankii ka dambeeyay. “Guddoonka baarlamaanka tillaabo ayuu qaadaya sharciga ayaana lagu laaban doona, si loola xisaabtamo cidda ka dambeysa dhibaatadan” ayuu yiri Hab-dhawraha baarlamaanka. Dhankiisa, Senator Cabdiweli Ibraahim Garyare oo madasha ka hadlay ayaa soo jeediyay in la abaal-mariyo askariga dhibaatadu gaartay, maadaama uu si hufan u gutay shaqadiisa. “Madaxda Qaranka waxaan u dirayaa fariin ah in la dalacsiiyo askariga dhaawaca ka soo gaaray Feertii Xildhibaanka” ayuu isna yiri Senatior Cabdiweli Ibraahim Garyare. Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn xoogan, kadib markii muuqaalka askariga lagu baahiyay baraha bulshada, waxayna dadka ka xumaadeen xad-gudubka loo gaystay, isaga oo aan wax jawaab ah ka bixin weerarka xildhibaanka oo ay kaamirada soo qabtay.
-
Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa maanta oo Khamiis ah doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen rasmi ah, sida lagu shaaciyay warsaxaafadeed ka soo baxay PEC. Dhammaan xubnaha guddiga doorashooyinka Puntland oo ka kooban 14 xubnood ayaa cod gacan taag ah ku doortay guddoomiyaha rasmiga ah ee PEC Axmed Maxamuud Cumar oo horay u ahaa guddoomiye KMG ah. “Guddoomiyaha Guddiga ayaa si buuxda loogu doortay Mudane Ahmed Mohamoud Omar oo horay u ahaa Guddoomiyaha KMG ah ee Guddiga mana jirin cid la tartantay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay guddiga doorashooyinka. Guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa sidoo kale loo doortay Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq kadib markii ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen dhammaan xubnaha PEC. “Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga ayaa si rasmi ah loogu doortay mudane Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq( Abdinur Sheikh), mana jirin cid la tartantay” ayuu sii raaciyay warsaxaafadeedka. PUNTLAND POST The post Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC oo maanta doortay guddoon rasmi ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane Cabdiraxmaan Maxamed Cumar oo loo haysto kiis xasaasi ah, isla markaana la yaab ku noqday dad badan. Cabdiraxmaan oo 18 jir ah ayaa lagu xiray saldhigga degmada Xamarjajab, waxaana loo haystaa inuu ku kacay fal anshax xumo, sida uu shaaciyay Booliska Soomaaliya. “Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Boliiska Xamar Jajab ayaa soo xiray eedeysane, Cabdi raxmaan Maxamed Cumar 18 jir ah kuna eedeysan in uu ku kacay falal Anshax-Xumo oo lidi ku ah diinteena suuban iyo Dhaqanka Soomaaliyeed” ayuu lagu yiri warsaxaafadeedka. Kiiska sida gaarka ah loogu haysto wiilkan dhalinyarada ah ayaa ah inuu soo xirtay dharka dumarka, isaga oo iska dhigayay gabar, laakiin ay soo qabteen ciidanka Booliska. Sidoo kale taliska ayaa farriin u diray shacabka, wuxuuna ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga oo ay soo sheegaan wax kasta oo liddi ku ah amniga, haddii ay la kulmaan. “Muwaadin hadii aad la kulanto ama ay kusoo gaarto falal amaanka liddi ku ah la soo xiriir xafiiska Gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee 991 ama kusoo hagaaji banadir@police.g.v.so” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Ragga xiranaya dharka dumarka ayaa soo badanayay maalmahan ee iska dhigaya gabar, waxaana u dambeeyay wiil lagu qabtay Nairobi oo muddo dheer iska dhigay qof haween ah iyo nin kale oo lagu qabtay isla Muqdisho, isaga oo xiray dharka dumar, waxayna arrimahaan la yaab ku noqdeen inta badan dadka Soomaaliyeed.
-
Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Serbia Mudane Ivica Dačić, ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo kor loogu qaadayo xiriirka labada dal, gaar ahaan ahaan dhinacyada amniga iyo tababarrada ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Wasiirka Amniga Soomaaliya, ayaa sheegay in heshiiskani uu wax weyn ka beddelayo iskaashiga labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tababarrada iyo tayeynta ciidanka amniga Soomaaliya. “Xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Serbia, waa mid qoto dheer oo soo jiray sanado badan, tallaabada maanta aan ku saxiixnay heshiiskanina waxa ay sii xoojin doontaa taageerada iyo iskaashiga saaxiibtinimo ee ay wadaaggaan labada waddan”. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Serbia, ayaa tallaabo taariikhi ah ku tilmaamay heshiiska ay gaareen labada dal, waxa uuna hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal. Serbia waxa ay door muhiim ah ka qaadata dadaallada dib-u-dhiska dowladnimo ee Soomaaliya, gaar ahaan tababarka Ciidammada iyo horumarinta hey’adaha amniga Qaranka. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — Somalia's federal government has reportedly issued an Interpol Red Notice request for the arrest of Jubaland President Ahmed Mohamed Islam, known as "Madobe," escalating a political standoff with the Federal Member State. The Banadir Regional Court in Mogadishu, which authorized the request on Wednesday, accuses Madobe of treason, collusion with foreign governments, and undermining Somalia's unity. Source: Hiiraan Online
-
Balcad (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeyn xoogan oo xalay diyaarado dagaal ay ka fuliyeen duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, taas oo lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Duqeynta oo ahayd bartilmaameed ayaa si gaar ah uga dhacday agagaarka deegaanka Xawaadley, halkaas oo uu shalay ka dhacay weerar ay Al-Shabaab kusoo qaadeen ciidamada dowladda, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in duqeynta lala eegtay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, waxaana gaaray maleeshiyada khasaare culus. Xogta ayaa sidoo kale sheegeysa in la burburiyay gawaari ay kooxda soo dhoobtay halkaasi, kadib markii ay ka war heleen diyaaradaha oo dhowr madfac ku dhuftay goobta. Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan duqeyntaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay. Xawaadley oo ay horay uga baxeen ciidamada ATMIS ayaa waxaa maalmahan culeys soo saaray kooxda Al-Shabaab oo weeraro ku haysay saldhigyada ciidamada dowladda. Si kastaba, xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
-
The Chinese Embassy in Mogadishu has strongly condemned statements made by a member of the U.S. Congress, which supported the relationship between Taiwan and Somaliland and attacked the cooperation between China and Africa. A spokesperson for the Chinese Embassy stated that the Taiwan administration is specifically interfering in Somalia’s internal affairs by establishing connections with certain groups within the Somaliland administration to further its separatist agenda. These actions, the spokesperson said, are causing significant harm to the unity and common interests of the Somali people, including those in Somaliland. “China will work together with Somalia to safeguard national unity, sovereignty, and territorial integrity,” the embassy spokesperson said. The Chinese government highlighted that its cooperation with Africa is based on genuine friendship, mutual respect, and shared benefits. This cooperation, China stated, has brought tangible benefits to the African people, with the aim of building a shared community between China and Africa. The embassy added that any political agenda aiming to disrupt the relationship between China and Africa will not alter the strong unity and cooperation between the two sides. This statement comes at a time when diplomatic tensions between the United States and China are escalating, especially concerning Taiwan and China’s influence in Africa. Qaran News
-
Falcelin xooggan ayaa ka dhalatay dhacdadii lagu jirdiley sargaal ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed oo u xilsaarnaa ilaalinta nabad-gelyada xarunta golaha shacabka, islamarkaana uu u gacan qaaday xildhibaan ka tirsan baarlaamanku. Masuuliyiin dowladda ka tirsan, mudaneyaal iyo senatorro baarlamaan, iyo saraakiil ciidan ayaa isbitaalka Madiino ku booqday kormeere 3-aad Xuseen Maxamed oo xaaladdiisa caafimaad ay culustahay. Dhammaan dadkii ka falceliyay dhacdadan ayaa sheegay in loo baahanyahay in lala xisaabtamo xildhibaankii falka geystay, sidoo kalena la dalacsiiyo sargaalkan maadaama uu ilaaliyay anshaxa ciidannimada, islamarkaana uu ka gaabsaday inuu la dagaallamo xildhibaanka soo weeraray. Si kastaba ha ahaatee ciidanka ayaa ah laf-dhabarka dowladnimada iyo xasilloonida dalka, sidoo kalena waxay ku shaqeeyaan daruufo adag, balse in masuuliyiintii uu nabad-gelyadooda ilaalinayay ay dhaawac gaarsiiyaan ayaa la yaab noqatay. Source: goobjoog.com
-
Hargeisa (HOL) — In Somaliland's capital, Hargeisa, the streets are quieter now. The celebrations that followed Abdirahman Mohamed Abdullahi "Irro's" landslide election victory on November 13 have faded, leaving a nation to face its realities. Irro's 64% triumph ended 14 years of Kulmiye party rule and ushered in a new chapter for the unrecognized state, long hailed as a beacon of democracy in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland, ahna Senetar ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa ku baaqay in wada-hadal siyaasadeed lagu xalliyo xiisadda ka taagan Jubaland. Senetar Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay wararka ku saabsan suurta-galnimada dagaal hubaysan oo ka dhaca Jubaland, kadib markii dowladda Federaalka Soomaaliya ciidamo ku daabushay degaanno ka tirsan Jubaland, xilli uu khilaaf siyaasadeed xooggan u dhexeeyo Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe. “Waxaan aad uga walaacsanahay wararka ku saabsan suurta-galnimada dagaal hubaysan oo ka dhaca Jubaland, kaddib markii cutubyada Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) lagu soo daabulay gobolka Jubbada Hoose iyadoo loo adeegsaday diyaarado” ayuu yiri Sen. Faroole oo baaq ka soo saaray xiisadda Jubaland. Sidoo kale, waxa uu sheegay in uu jiro walaac weyn oo ah in Soomaaliya dib ugu laabato dagaal Sokeeye, haddii uu Jubaland ka bilowdo dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka ee loo diray halkaasi iyo ciidamada Jubaland, kaasi oo sababi kara bara-kac weyn oo shacab. “Haddii dagaal ka dhaco Jubaland, oo dhex mara ciidamada SNA ee Muqdisho laga soo diray iyo kuwa Jubaland/ciidamada maxalliga ah ee taageeraya, waxaa jira walaac weyn oo ah in Soomaaliya ku sii socoto jihada dagaallo sokeeye, rabshadaha siyaasadeed, iyo barakaca weyn ee shacabka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynihii hore ee Puntland Sen. Cabdiraxmaan Faroole. Sidoo kale, wuxuu ka digay in xiisadda laga abuurayo Jubaland ay wiiqayso dagaalka ka dhanka ah mileeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-shabaab, islamarkaana uga sii darayso kala qeybsanaanta siyaasadeed iyo rabshadaha gudaha ee Soomaaliya. “Ciidamada SNA iyo kuwa Jubaland oo isku diyaarinaya inay adeegsadaan kheyraadkooda si wadajir ah oo ay uga hor tagaan argagixisada, taasoo khatar galinaysa la dagaallanka Al-Shabaab. Ciidamada SNA oo loo adeegsado danaha siyaasadeed, iyadoo ay dhici karto inay ka sii daraan kala qeybsanaanta siyaasadeed iyo rabshadaha gudaha dalka” ayuu yiri Faroole. Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu sidoo kale kula taliyay in uu joojiyo dhammaan dhaq dhaqaaqyada ciidan ee uu ka abuuray Jubaland, islamarkaana ku baaqo wada-hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, si hoggaanka Jubaland dib loogu soo celiyo miiska wada-hadalka. PUNTLAND POST The post Sen. Cabdiraxmaan Faroole oo si weyn uga digay in xiisadda laga abuuray Jubaland ay Soomaaliya u jihayso dagaal sokeeye appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Soomaaliya iyo dowladda dalka Serbia ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhinaca Amniga iyo tayeynta ciidamada ah. Heshiiska labada dowladood waxa kala saxiixday wasiirka Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka ahna wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga ee Serbia. Qoraal kooban oo uu saaka soo saaray wasiirka Amniga Soomaaliya ayuu ku sheegay in heshiiskani uu yahay mid ku saabsan tababarrada iyo tayeynta ciidanka amniga dowladda Federaalka Soomaaliya. “Waxaan maanta kala saxiixanay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Serbia, heshiis muhiim oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, gaar ahaan tababarrada iyo tayeynta ciidanka amniga Soomaaliya” ayuu yiri Fartaag. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Serbia oo kala saxiixday heshiis iskaashi amni oo lagu tayeynayo ciidamada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
