Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Suuriya, Bashaar Al-asad, ayaa ku tilmaamay caawinta Iran iyo Ruushka inay “muhiim u tahay” dagaalka lagula jiro kooxda fallaagada ah ee duullaanka lama filaanka ah ku haysa waqooyiga Suuriya. Ruushka ayaa sii wada duqeymaha cirka ah ee ka dhanka ah fariisimaha kooxda ee Xalab iyo nawaaxigeeda. Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa kula kulmay madaxweyne Assad magaalada Dimishiq si uu ugu qanciyo taageerada iyo garab istaagga Iran, ka hor inta uusan u ambabixin dalka Turkiga oo ah dalka deriska la ah Suuriya. Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Hakan Fidan ayaa sheegay inuu u sheegay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken, Axadii in Ankara ay taageeri doonto tillaabooyinka “si loo yareeyo xiisadda” Suuriya. Ciidamada Turkiga taabacsan ayaa siddeedii sano ee lasoo dhaafay maamulayay qeybo kamid ah waqooyiga Suuriya. Ruushka ayaa shalay oo Axad ahayd “duqeymo isdaba joog ah oo cirka ah” ka fuliyay dalka Suuriya, xilli ay sii kordhayaan fallaagada kuwaas oo qabsaday magaalada Xalab, sida ay sheegtay kooxda la socodka xuquuqda aadanaha Suuriya ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska. 12 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday isbitaal ku yaalla Xalab, halka weerar kale oo ka dhacay gudaha magaalada Idlib ee waqooyi galbeed ay ku dhinteen siddeed qof oo rayid ah ayna ku dhaawacmeen in ka badan 50 qof, sida ay hay’addu sheegtay. Diyaaradaha dagaalka ayaa sidoo kale duqeeyay qeybo ka mid ah miyiga Idlib iyo Xama halkaas oo kooxda hogaamineysa weerarka fallaagada ah “ay dhawaan la wareegeen”, sida lagu sheegay bayaanka ka soo baxay kooxda la socodka xuquuqda aadanaha ee Suuriya. Dhanka kale dowladda Suuriya ayaa markii ugu horeysay waxaa gacanteeda ka baxday magaalada Xalab tan iyo markii uu dalkaasi ka bilowday dagaalka sokeeye, sida ay goobjoogayaasha u sheegeen wakaalada wararka ee AFP. Duulaanka lama filaanka ah ee ay qaadeen xoogaga mucaaradka ah, oo billowday Arbacadii, ayaa astaan u ah dagaalladii ugu muhiimsanaa ee ka dhaca Suuriya sannadihii u dambeeyay. Waxaa hogaaminayey kooxda Islaamiyiinta ah ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS), iyo sidoo kale kooxaha xulafada la ah ee taageerada ka helaya Turkiga. In ka badan 300 oo qof, oo ay ku jiraan ugu yaraan 20 rayid ah, ayaa ilaa hadda la dilay, sida ay sheegtay hay’adda. Ruushka ayaa sabtidii duqeymihii ugu horreeyay waxa ay ka fuliyeen magaalada Xalab tan iyo sanadkii 2016, kadib markii ay gudaha u galeen mucaaradka, magaaladaas oo ah tan labaad ee ugu wayn Suuriya, sida ay sheegeen goobjoogayaasha. Ciidamada cirka ee Ruushka ayaa kaalin mug leh ka qaatay in madaxweyne Bashaar Al-Asad uu xukunka sii hayo intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee ugu sarreeyay. Indha indheeyayaasha xuquuqda aadanaha ee Suuriya ayaa sheegay in shan duqeymo oo dhanka cirka ah ay aroornimadii Axada Ruushka ka geysatay xero qaxooti oo ku taal Idlib oo dhacda waqooyi galbeed Suuriya, magaaladaas oo ay ku badanyihiin kooxaha fallaagada ah. Xigashada Sawirka,Reuters Qoraalka sawirka,Koox mutadawaciin ah ayaa ku howlan gurmadka goobaha la duqeeyay Dagaalyahannada mucaaradka ayaa ku dhawaad dhammaan magaalada kala wareegay dowladda Axadii, marka laga reebo reebo xaafadaha ay maamulaan xoogagga Kurdiyiinta, sida ay hay’adda u sheegtay wakaaladda wararka ee AFP. Dhanka kale, fallaagada ayaa weerarro ku qaaday koonfurta waxa ayna riixeen ciidankii halkaas ku sugnaa iyaga oo galay dhowr magaalo oo baadiyaha ah una dhaw magaalada afraad ee ugu weyn Suuriya. Wasaaradda difaaca ee Suuriya ayaa sheegtay in ciidammadu ay xoojiyeen difaacooda gobolka, iyaga oo wata gantaallo iyo saanad millatari oo culus. “Diyaaradaha dagaalka ee Suuriya iyo Ruushka” waxay xoojiyeen duqeymaha tooska ah ee ay ku beegsanayaan fariisimaha mucaaradka, iyagoo dilay kuna dhaawacay tobanaan kale, ayaa lagu yiri bayaan. Sidoo kale waxa ay sheegeen in ciidamadeedu ay dib u qabsadeen magaalooyin dhowr ah oo horay looga qabsaday ayna ka hor istaageen fallaagada in ay xoogaystaan. Xigashada Sawirka,EPA-EFE/REX/Shutterstock Qoraalka sawirka,Dagaalyahanada ka soo horjeeda Madaxweyne Bashaar Al-Asad ayaa qabsaday Xalab iyaga oo aan la kulmin wax iska caabin ah Sabtidii, sida ay sheegeen goobjoogayaasha Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya ayaa ka digay in xaaladda oo ka dartaa ay keeni karto khatar aad u daran oo soo foodsaarta dadka rayidka ah waxa uu sidoo kale sheegay in tani ay saamayn ku yeelan karto nabadda iyo ammaanka caalamka. Madaxweyne Assad oo sabtidii ka hadlay xaaladda ayaa wacad ku maray inuu difaaci doono xasiloonida Suuriya iyo wadajirka dhuleed, uuna ka hortagayo dhamaan kooxaha liddiga ku ah iyo taageerayaashooda. Dagaalkaan sokeeye, oo galaaftay nolosha ku dhawaad nus milyan qof, ayaa billowday sannadkii 2011-kii ka dib markii xukuumadda Asad ay ka jawaabtay mudaaharaadyada dimuqraadiga ah iyadoona lagu eedeeyay in cadaadis daran ay dadka saartay. Dagaalkii sokeeye ee xilligaas bilowday kadib waxaa dalkaas qaybo badan oo kamid ah ka huray dagaalo is dabajoog ah tan iyo markii lagu heshiiyay xabbad joojin sanadkii 2020, balse xoogagga mucaaradka ayaa gacanta ku hayay magaalada Idlib oo dhacda waqooyi galbeed dalkaas iyo in badan oo kamid ah gobolka. Bbcsomali Qaran News
  2. Mogadishu (HOL) — Djibouti has assumed leadership of the African Union Peace and Security Council (PSC) for December, placing the small but strategically vital nation at the center of Africa's most pressing peace and security challenges. Ambassador Abdi Mahmoud Eybe, Djibouti's Permanent Representative to the AU, leads the council at a time of deepening instability in the Horn of Africa and unresolved continental crises. Source: Hiiraan Online
  3. Garowe (HOL) — Hundreds of HIV-positive individuals in Puntland are abandoning life-saving antiretroviral therapy due to societal stigma and discrimination, leaving them vulnerable to serious health complications, the Puntland AIDS Commission (PAC) revealed on World AIDS Day. Source: Hiiraan Online
  4. Hargeisa (HOL) — The Ministry of Health in Somaliland has strongly dismissed a report by Hargeisa General Hospital that suggested an alarming rise in AIDS cases over the past two decades. Health officials have called the data inaccurate, unauthorized, and potentially harmful, emphasizing that the nation's HIV prevalence remains low and is steadily declining. Source: Hiiraan Online
  5. The fishermen of Erigabo, the capital of Sanag region, are reaping the benefits of a newly constructed market that has boosted their production over the past five months. This market, developed by Somaliland’s Ministry of Fisheries and Coastal Development, is equipped with large cold storage units and designated areas for daily trade. Source: Hiiraan Online
  6. Ali Omar, State Minister for Foreign Affairs (left) and Thani Mohamed-Soilihi, the French State Minister for Francophonie and International Partnerships had a meeting in Paris yesterday. Mogadishu (PP News Desk) — The Federal Government of Somalia yesterday reportedly committed to repatriating Somali asylum seekers currently in Mayotte, a French overseas territory in the Indian Ocean, and in mainland France as part of a cooperation agreement signed yesterday in Paris by Ali Omar, the State Minister for Foreign Affairs, and Thani Mohamed-Soilihi, the French State Minister for Francophonie and International Partnerships. In return for agreeing to repatriate failed asylum seekers from Somalia, the Federal Government of Somalia will receive a substantial but undisclosed sum of money from France. The two-part repatriation programme will begin in Mayotte. “Human rights lawyers in Paris will not be able to challenge repatriation or deportation decisions by the French courts if the Mayotte plan succeeds,” said a lawyer in Paris. The Federal Government of Somalia has also expressed interest in collaborating with several Western countries to facilitate the return of asylum seekers whose applications have been rejected after appeals. © Puntland Post, 2024 The post The Somali Government “will facilitate the repatriation of failed asylum seekers in Mayotte” appeared first on Puntland Post.
  7. Madaxweynaha xilka ka sii dagaya ee Mareykanka Joe Biden ayaa xalay sheegay in uu cafis u fidiyay wiilkiisa Hunter Biden, kaas oo wajahayay eedeymo fal danbiyeedyo kala duwan. Eedaha iyo fal danbiyeedyada loo heysto ina Biden ayaa waxaa ka mid ah, in uu been ka sheegay baaritaanka lagu hubiyo dadka raba in ay hub iib sadaan, in uu heystay hub sharci darro ah, iyo isaga oo qirtay fal danbiyeed la xiriira canshuurta dowladda federaalka. Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayuu Biden ku yiri, “Maanta waxaan saxiixay cafis aan u fidiyay wiilkeyga Hunter. Maalinti aan xafiiska imid, waxaan dhahay, ma faragelin doono go’aannada Waaxda Caddaaladda, hadalkeygi marna ma aanan baddalin, xitaa aniga oo arkaya wiilkeyga si gaar ah loo soocday, isla markaana loo maxkamadeynayo si aan caddaalad aheyn.” Aqalka Cad ayaa dhowr jeer oo hore ku celceliyay, in Biden uusan cafis u fidineyn wiilkiisa ama uusan dhimi doonin sannadaha ay maxkamadi ku xakunto. Wiilkiisa Hunter, oo kasoo kabanaya daroogo uu qabatimiay, ayaa bartilmaameed u noqday siyaasiyiinta Jamhuuriga, gaar ahaan madaxweynaha la doortay, Donald Trump. Hunter Biden ayaa wajahaya Arbacada xakun ku saabsan eedo hub sharci darro ah, iyo jawaabo been ah oo uu siiyay hey’adaha danbibaarista. Bishii September, wuxuu qirtay inuu galay danbi ;a xoriira in uusan bixin canshuur heer federal ah oo gaareysa $1.4 milyan oo dollar. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Biden oo cafis u fidiyay wiilkiisa Hunter appeared first on Puntland Post.
  8. Kismaayo (Caasimada Online) – Jubbaland ayaa isku diyaarineysa inay iska difaacdo ciidanka xoogga dalka ee dowladda Soomaaliya ay geysay gobolka Jubbada Hoose, waxaana socda abaabul xoog leh. Ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Axmed Madoobe uu xabsi guri ka dhigay taliyihii ugu sareeyey ciidanka Birjeex ee Jubbaland. Hadda waxaa la sheegay in ciidanka Jubbaland uu hoggaaminayo Abaanduulihii Ciidanka Birjeex, waxaana socda abaabulkii ugu cuslaa. Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa la sheegay in xabsi guri uu ka dhigay saraakiil badan oo uu uga shakiyey inay xiriir hoose la leeyihiin Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Tallaabooyinka uu Axmed Madoobe qaaday saacadihii lasoo dhaafay waxaa ka mid ah in kumanaan ciidamo ah uu ka diray magaalooyinka Kismaayo, Janaa-Cabdalla ilaa Buuloxaaji, kuwaas oo ku jawahan magaalo xeebeedka Kudhaa. Axmed Madoobe ayaa doonaya in maalamaha soo socda uu dagaal ka dhan ah ciidanka xoogga dalka ka abaabulo deegaanka Kudhaa, waxaana heysata kalsooni darro aad u weyn, sida aan xogta ku helnay. Ciidamada ayaa doonaya in aysan dagaalamin oo dowladda federaalka ay isku dhiibaan, balse Axmed Madoobe wuxuu ku cadaadinayaa inay dagaalamaan. Maanta oo ugu dambeysay ciidamo watay ilaa afar doomood ayaa iska dhiibay Raaskambooni, kuwaas oo diiday inay dagaalamaan, balse Jubbaland oo war ka soo saartay ayaa sheegtay in ciidankaas aysan markii hore ka tirsaneyn oo ay ahaayeen maleeshiyaad abaabulan.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Marwo Hani Cabdi Gaas in ay noqoto La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhallinyarada iyo Cayaaraha. Marwo Hani Cabdi Gaas oo khibrad, aqoon iyo xirfad durugsan u leh Arrimaha Dhallinyarada ayaa muddo dheer ka soo shaqeysay hay’ado caalami ah iyo kuwo maxali ah. Hani ayaa u xil saaran in dhallinyarada Soomaaliyeed ku matashay fagaareyaal kala duwan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeeyey Lataliyaha Arrimaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Hani Cabdi Gaas in ay khibraddeeda dhanka horumarinta bulshada ay uga faa’iideyso dhallinyarada Soomaaliya oo maanta u taagan difaaca iyo horumarka dalkooda. Dadka ka aragti dhiibtay bogga Villa Somalia oo dikreetadaan lagu baahiyey ayaan eegnay, waxayna dadku ka bixiyeen aragtiyo kala duwan oo yaab leh. Inta badan dadku waxay muujinayaan in la-taliye uusan xil aheyn, balse ay ka dhigan tahay in qofkaas loo xafiiska Madaxweynaha looga qoray ‘biil.’ Madaxweynaha ayaa horay u magacaabay la-taliyeyaal aad u badan.
  10. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Marwo Hani Cabdi Gaas in ay noqoto La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhallinyarada iyo Cayaaraha. Marwo Hani Cabdi Gaas oo khibrad, aqoon iyo xirfad durugsan u leh Arrimaha Dhallinyarada ayaa muddo dheer ka soo shaqeysay hay’ado caalami ah iyo kuwo maxali ah, iyada oo dhallinyrada Soomaaliyeed ku matashay fagaareyaal kala duwan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeeyey Lataliyaha Arrimaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Hani Cabdi Gaas in ay khibraddeeda dhanka horumarinta bulshada ay uga faa’iideyso dhallinyarada Soomaaliya oo maanta u taagan difaaca iyo horumarka dalkooda. Source: goobjoog.com
  11. Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa xog cusub ka bixiyay shirweynihii saddex geesoodka ahaa ee bishii October ka dhacay magaalada Asmara, kaasi oo ay ka qeyb-galeen madaxda Eritrea, Masar iyo Soomaaliya. Shirkaas oo xilligaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan xasilloonida gobolka, iskaashiga istiraatiijiyadeed iyo ixtiraamka wadajirka ah ee dalalka dariska ah, ayaa wuxuu Afwerki sheegay in shirka uusan aheyn mid duullaan ku ah dal kale. Madaxweyne Isaias Afwerki oo wareysi siiyay warbaahinta gudaha ayaa si cad u sheegay in shirkaasi aan looga dan laheyn in lagu dhibaateeyo Itoobiya, isagoo dhinacyo kale ku eedeeyay inay dacaayado uu ku tilmaamay “marin-habaabin” iyo “been-abuur” ka baahiyeen. Sidoo kale wuxuu sheegay in shirkaas uu ahaa dadaal loogu tala-galay sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo wadajirka Geeska Afrika, xilli ay ka taagan yihiin xasarado isbiirsaday. “Shirweynihii saddex-geesoodka ahaa ee lagu qabtay Asmara ma hayn wax Itoobiya lagu dhaawacayey ee waxa uu ahaa wax u adeegayay Geeska Afrika,” ayuu Afwerki ku yiri wareysiga. Shirka ayuu ku tilmaamay mid muhiim ahaa oo lagu taageerayo yoolal waaweyn, sida xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee gobolka Geeska Afrika, harooyinka Nile iyo deegaanka badda cas. Afwerki ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay ka shaqeynta sidii loo heli lahaa nabad iyo horumar wadajir ah oo dan u ah dhammaan dadka ku nool gobolka. Shirkan oo dhacay xilli xasaasi ah oo ay cirka isku shareertay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo kala furtay kadib is-afgaradkii Somaliland, ayaa ahaa mid siyaabo kala duwan loo turjumay maadaama saddexdan dal ay Itoobiya isku hayaan si weyn.
  12. Mogadishu (HOL) — Six Somali family members died in a suspected gas heater accident at their home in Cairo, relatives confirmed Sunday. Source: Hiiraan Online
  13. Paris (Caasimada Online) – Dowladda Faransiiska ayaa xaqiijisay taageerada ay ka geysanayo howl-galka cusub ee Soomaaliya iyo amniga badda, iyadoo ballan-qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan dowladda Soomaaliya. Faransiiska ayaa sidoo kale wuxuu adkeeyay madax-bannaanida iyo xasilloonida Soomaaliya, xilli ay Itoobiya ku kacday xad-gudb ka dhan ah qarannimada Soomaaliya, kadib markii heshiis is-afgarad oo la xiriira badda ay la saxiixatay Somaliland. Faransiiska ayaa arrimahaan ku xaqiijiyey kulan ka dhacay Paris, kaasi oo dhex-maray wafdi uu hoggaaminayo wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar iyo wasiiru-dowlaha Faransiiska ee Francophonie iyo iskaashiga caalamiga, Thani Maxamed Soilihi. Kulanka ayaa lagu faaqiday iskaashiga xooggan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Faransiiska, waxaana diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada muhiimka ah sida amniga, socdaalka, iyo horumarinta dhaqaalaha. Wada-hadallada ayaa lagu muujiyay doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ee saaxada caalamka, oo ay ku jirto doorashadii dhawaan loo doortay xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Faransiiska ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya guulaha ay ka gaartay siyaasadda arrimaha dibadda, isaga oo ballan-qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan. Sidoo kale waxaa kulanka lagu gorfeeyay iskaashiga dhaqaalaha ee labada dhinac, iyadoo laga wada-hadlay dib u soo nooleynta maalgashiga Faransiiska ee kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, sida kaluumeysiga iwm. Labada dhinac ayaa ugu dambeyntiina isla soo qaaday baahida loo qabo la-dagaallanka tahriibinta dadka iyo ka hortagga musiibooyinka dabiiciga ah, iyadoo dowldda Soomaaliya ay uga mahad-celisay Faransiiska dib u furista safaaradeeda Muqdisho, taasi oo ah tallaabo loo qaaday xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed.
  14. Ruushka ayaa qaaday shan weerar oo cirka ah oo xidhiidh ah oo lala beegsaday xero qaxooti oo ku taal xaafad ku taal Idlib, sida ay sheegtay kooxda xuquuqul insaanka ee Syrian Observatory for Human Rights (SOHR) ee fadhigeedu yahay UK. Duqeymaha ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof oo rayid ah kuwa kalana waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay hay’addu. Mar sii horreeysay, SOHR waxay sheegtay in Ruushka uu garaacay qaybo ka mid ah miyiga Idlib iyo Hama halkaas oo kooxda hogaaminaysa weerarka fallaagada “ay dhawaan la wareegeen”. Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo dawladdu u dirtay “gurmad ballaaran” Idlib iyo Hama waxay ku yaalaan dhanka koonfurta Xalab. Xoogaga mucaaradka ayaa weli gacanta ku haya magaalada Idlib ee waqooyi-galbeed iyo inta badan gobolka ku xeeran. Shalay, Idlib iyo nawaaxigeeda waxaa lagu garaacay sagaal gantaal. Qaran News
  15. Kismayo (HOL) — Jubbaland State administration has denied reports that many of its troops joined federal military forces in the southern town of Raskamboni as political tensions with the federal government intensify. Source: Hiiraan Online
  16. Ayadoo sanad walba dunida laga xuso 1-da bisha december oo ku astaysan maalinta caalamiga ah ee xanuunka HIV AIDS-ka ayaa munaasabado arrintaas ku saabsan lagu qabtay magaalooyin ay kamid tahay caasimadda Muqdisho. Masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay muhiimadda ka hortagga xanuunka HIV-ka ayaa sheegay in loo baahanyahay inaan la takoorin dadka qaba cudurkan, islamarkaana bulshada laga wacyi-geliyo inay si qaldan u fahmaan kuwa la nool AIDS-ka. Maalintan caalamiga ah oo la asteeyay sanadkii 1988-dii ayaa xuskeeda looga faa’iidaystaa wacyi-gelinta bulshada iyo baraarujinta siyaabaha looga hortagi karo xanuunka halista, islamarkaana loola dhaqmi karo dadka la nool. Cudurkan ayaa deegaanada Soomaalida ku soo badanaya, waxayna bahda caafimaadku ka digayaan in la fududaysto waxyaabaha uu ku faafo sida guurka aan baaritaanka caafimaad ka horrayn, wada isticmaalidda qalabka cidiyaha ama timaha lagu jarto sida sakiimaha, iyo taabashada dhiigga qof kale gacmo-gashi la’aan. Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – 13 Sano kahor madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalka khilaafka siyaasiga ah ka jiriyay dalka Itoobiya oo xilligaasi uu xiriirkooda wanaagsanaa. Markale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalka xiisadda maamulka Jubbaland ka jirinaya Kenya, oo saaxiib dhow la’ah Axmed Madoobe, sida uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Xildhibaan Warsame ayaa sheegay in haatan Nairobi looga xaajoonayo arrintaas, ayna is horfadhiyaan saraakiil ka tirsan amniga qaranka Kenya; sirdoon, milateri iyo diblomaasiyiin iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre. “Labada dowladood ee deriska inala ah waxay fahamsan yihiin in madaxda Soomaalidu ay shakhsigooda kaga kalsoon badan yihiin hay’adaha dowladda, in aysan lahayn istiraatiijiyad, taaktiko iyo xirfad wadahadal,” ayuu yiri Warsame. Sidoo kale wuxuu sheegay in dhaq-dhaqaaqa ka socda Nairobi ee la xiriira xiisadda dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland uu ku dambeyn doono “Soomaaliyeey heshiiya oo aan idin wada hadashiino”. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran; Seddax iyo toban sano ka hor ayaan qayb ka ahaa wadahadalkii dowladdii uu Madaxweyne Xasan hoggaaminayey iyo maamulka Jubaland. Xal dalka gudihiisa lagu gaari karay ayaa xilligaas Itoobiya loo raray. Maanta Nairobi isla arrinkii ayaa looga xaajoonayaa, saraakiil ka tirsan amniga qaranka Kenya; sirdoon, milateri iyo diblomaasiyiin iyo Ra’iisul Wasaarihii Soomaaliya oo kaligii ah ayaa is horfadhiya. Labada dowladood ee deriska inala ah waxay fahamsan yihiin in madaxda Soomaalidu ay shakhsigooda kaga kalsoon badan yihiin hay’adaha dowladda, in aysan lahayn istiraatiijiyad, taaktiko iyo xirfad wadahadal. Waxay kaloo ogyihiin in dulqaadku ku yaryahay, doonayaana in degdeg ugu aarsadaan goobtii ay dibirtu kula dhacday. Waxay aqrinayaan in waxa wadaahi ay yihiin damac shakhsi ah, dan gaaban iyo aargoosi siyaasadeed oo maalmo gudahood is beddelaya, saa daraadeed hadalkoodu wuxuu ku soo idlaanayaa, Soomaaliyey heshiiya oo aan idin wada hadashiino.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa caasimada ka wada ololaha doorasho qof iyo cod, kaas oo qorshaheeda wado dowladda madaxweyne Xasan Sheekh. Madaale ayaa maanta kulan la qaatay hogaanada ururka dhalinyaradda gobolka Banaadir oo uu hogaaminayo guddoomiyaha ururka dhalinyarada Cumar Cabdiraxmaan Macow. Kulankan oo uu goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Maxamed Yabooh ayaa wuxuu guddoomiyaha uga hadlay arrimo ay kamid yihiin nidaamka doorasho ee la rabo in shacabka reer Muqdisho ay kusoo doortaan hoggaankooda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Guddoomiye Madaale ayaa dhalinyarada u sheegay inay isku diyaariyaan doorashooyinka tooska ah ee xukuumadda federaalka dooneyso inay dalka ka hirgeliso, si gaar ahaan gobolka Banaadir. Intii uu kulanka socday waxaa warbixin sanadeed lagaa dhageystay hogaanada ururka dhalinyarada degmooyinka gobolka Banaadir, iyagoona soo bandhigay waxqabadka sanadka sii dhamaanaya ee 2024, caqabadaha iyo qorshayaasha u dagsan sanadka soo socda ee 2025. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa ugu dambeyntiina wuxuu kula dar-daarmay hogaanka dhalinyarada gobolka Banaadir in ay dar-dargeliyaan ka qeyb qaadasha nabadda, horumarka iyo dowlad-dhiska. Madaale ayaa muddooyinkii dambe taageero bulsho u raadinayay qorshaha doorasho ee diidan yihiin mucaaradka, isagoo maalmo kahor magaalada Muqdisho iskugu soo saaray boqolaal kamid ah bulshada caasimada, si loo taageero hanaanka doorasho qof iyo qof oo haatan uu ansixintiisa wado baarlamaanka Soomaaliya.
  19. Suuqa Waaheen ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo xiligan uu ka socdo dib u dhis balaadhani ayaanu saaka booqanay si aanu u ogaano waxa uu shalay galab Muuse Biixi uu xadhiga ka jaray. Waxa yaab iyo amakaag nagu noqtay in aanu aragnay suuqa oo qabyo ah oo aan la dhamaystirin walina qabyo ah . Sideedaba waxa xadhiga laga jaraa marka ay shirkada wax dhosaysaa ay ka faraxalato ee ay soo wareejiso dhamaan furayaasha ee shirkadana la siiyo wixii lacag u hadhsan. Suuqa Waaheen waxa ay u eegtahay in si miyir qabta xadhiga looga jari doono marka ay shirkada ku jirtaa ay dhamaystirto dhamaan dhismayaasha oo dhan. Qaran News
  20. Mogadishu (HOL) — Somali State Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Ali Mohamed Omar, met with French State Minister for Francophonie and International Partnerships, Thani Mohamed-Soilihi, in Paris on Saturday to discuss enhancing bilateral relations across various sectors. Source: Hiiraan Online
  21. One of the first 911 calls made about Abdirahman Abdi on July 24, 2016, was from a woman in Hintonburg who said he'd reached inside a car a few minutes earlier and groped her. Source: Hiiraan Online
  22. A decade after he entered a woman’s bedroom in the dark of night and sexually violated her, leaving her with an STD and him with her laptop and other things he stole, Mohammed Abdiwali has lost his refugee status. Not because of his lengthy and serious criminal history, but because it’s been deemed he’s no longer at risk in Somalia. So will he be deported? Source: Hiiraan Online
  23. Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay sheegashada dowladda Soomaaliya ee ku aadan in ciidamo horleh oo ka tirsan maamulkaasi ay maanta isku dhiibeen ciidamada qalabka sida ee ku sugan aagga deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose. Qoraal kasoo baxay Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka lasoo bandhigay oo watay doonyo aanay kamid ahayn markii hore Daraawiishta maamulkaasi, balse ay yihiin ciidamo uu abaabulay guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Badhaadhe Maxamed Fanax. “Goor hore oo saaka ah ayaa baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal sadex Doomood oo sidda ciidan lagu sheegay in ay yihiin kuwa daraawiishta Jubaland, hayeeshee aysan ciidankaasi aheyn ciidan Jubaland ka tirsan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Jubbaland. Waxaa kale oo lasii raaciyay in arrintan ay ka dambeyso dowladda Soomaaliya, si ay u sumcad disho ciidanka Daraawiishay maamulka Jubbaland. “Warbaahin uu isticmaalaayo Eedeysane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maalmahanba waday sumcad dilka, qeybaha kala duwan ee ciidamada Jubaland kuwaas oo sida caadiga ah kujira howlahoodi shaqo ee ay dadka iyo deegaanka u hayeen” ayaa mar kale lagu yiri. Saaka dowladda Soomaaliya ayaa baahisay inay ciidamada dowladda ee ku sugan Raaskambooni ay isku soo dhiibeen ciidamo ka tirsan Jubbaland, aadna loo soo dhaweeyay. “Ilaa iyo afar Doon oo ay la socdaan qaar ka mid ah ciidanka geesiyaasha ah ee Qaranka qaybtooda Jubbaland ayaa ku biiray Ciidanka Qalabka Sida ee ku sugan Raaskambooni, kuwaas oo isku diyaarinaya in cadowga Khawaarijta ah ka xoreeyaan deegaannada ay ka joogaan Jubbaland” ayaa lagu yiri qoraal kale oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya. Horay waxaa sidaan oo kale usoo goostay ku dhawaad 100 askari oo ka tirsanaa ciidanka Jubbaland, kuwaas oo la keenay Muqdisho, si loogu sameeyo diiwaan gelin, loona siiyo mushaaraad iyo abaal-marinno ay u ballan qaaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Arrintan ayaa u muuqato mid ay dowladda federaalka ku kala furfureyso ciidanka Jubbaland, si meesha looga saaro Axmed Madoobe oo mar kale dib loogu doortay.
  24. Dowladda ayaa maanta shaacisay warbixin ku saabsan heerka xanuunka HIV/AIDS-ka ee guud ahaan degaannada Puntland. Hay’adda La-dagaallanka xanuunka AIDS-ka u qaabilsan Puntland ee PAC oo shaacisay warbixintaasi ku saabsan heerka xanuunka ayaa sheegtay in tirada guud ee dawada HIV/AIDS-ka qaadata yihiin 646 qof. Sida ay muujinayso warbixinta hay’adda PAC, waxaa magaalada Gaalkacyo oo keliya daawada AIV/AIDS-ka qaata 205 oo qof, halka caasimadda Garoowe ay daawada qaataan 197 ruux. Magaalada Boosaaso waxaa daawada AIDS-ka qaata 181 qof, halka Qardho ay 54 qof ay qaataan dawooyinka HIV-ga, islamarkaana degmada Badhan 9 qof oo keliya qaataan daawada xanuunkani, sida ay tilmaantay warbixinta PAC. Hay’adda La-dagaallanka xanuunka AIDS-ka u qaabilsan Puntland ee PAC ayaa warbixintani ku soo bandhigay xuska maalinta Aids-ka aduunka oo maanta Garoowe lagu qabtay. PUNTLAND POST The post Warbixin laga soo saaray heerka xanuunka HIV/AIDS-ka ee guud ahaan degaannada Puntland appeared first on Puntland Post.