Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ugu yaraan 130 qof ayaa la la’yahay, halka 17 qof ay ku dhinteen dhul go’ ka dhacay bariga Uganda, sida ay booliisku sheegeen. Dhul go’a ka dhashay roobabka xooggan ayaa saameeyay tuulooyin badan oo ka tirsan degmada Bulambuli, oo qiyaastii 280 km (178 mayl) u jirta caasimadda Kampala. Hawlgal samatabbixin ah ayaa socda kadib markii ugu yaraan 40 guri ay biyuhu la tageen,sida uu barta X ku sheegay Ururka Laanqayrta Cas ee Uganda. Booliska Uganda ayaa sheegay in sidoo kale 15 meyd ah iyo 15 kale oo dhaawac ah oo la soo badbaadiyay la dhigay cisbitaalka. Roobab mahiigaan ah ayaa maalmihii u dambeeyay ka da’ayay dalka Ugandha. Arbacadii, Raiisel wasaare Robinah Nabbanja ayaa soo saartay digniin dhanka musiibada ah taas oo ay ku qortay barta X. “Dadka qaar ayaa looga shakisan yahay inay maqan yihiin, qaarkoodna waxaa laga cabsi qabaa inay ciidda ku aasmeen.” Source: goobjoog.com
  2. Arusha (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa Soomaaliya ku matalay shirkii caadiga ahaa ee 46-aad ee golaha wasiirada dalalka xubnaha ka ah bulshada bariga Afrika oo ka dhacay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania. Shirkan oo ahaa mid muhiim ah ayaa diiradda lagu saaray arrimaha gobolka oo ay ka mid yihiin ganacsiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, isu socodka xorta ah ee badeecadaha iyo dadka, nabadda iyo amniga. Wada-hadalladan ayaa ah kuwo muhiim u ah xoojinta isdhex-galka iyo kobcinta iskaashiga dalalka xubnaha ka ah bulshada bariga Afrika ee EAC. Shirka golaha wasiirada (EAC) ayaa waxa uu gogol xaar u yahay shir madaxeedka 24-aad ee caadiga ah ee madaxda waddamada bariga Afrika iyo munaasabad heer sare ah oo loogu dabaal dagayo sanad-guurada 25-aad ee EAC. Ka qayb-galka firfircoon ee Soomaaliya wuxuu hoosta ka xariiqayaa sida ay uga go’an tahay is-dhexgalka gobolka iyo hammigeeda ku aadan inay si rasmi ah ugu biirto EAC. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb-geli doona shirka madaxda dowlad-goboleedyada, isagoo dib u xaqiijinaya in Soomaaliya ay la jaan-qaadi doonto hiigsiga bariga Afrika oo midaysan oo barwaaqo ah. Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay dallada bulshada bariga Afrika daba-yaqada sanadkii hore ee 2023, waxayna sidaas ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan, iyadoo haatan xubin firfircoon ka ah EAC.
  3. Mogadishu (HOL) — Safaricom has extended its M-Pesa Global service to Ethiopia, enabling mobile money transfers between Kenya and its East African neighbour. Source: Hiiraan Online
  4. Mogadishu (HOL) — A harrowing journey to Mayotte, a French territory in the Indian Ocean, claimed the life of 26-year-old Fathi Hussein, highlighting the deadly risks migrants face in pursuit of safety and opportunity. Fathi was among nearly two dozen Somali nationals who perished when two overcrowded boats carrying 73 people capsized off the coast of Madagascar earlier this month. Source: Hiiraan Online
  5. Mogadishu (HOL) — Italy has donated 2,000 rare books and digitized archival materials to Somalia in a bid to preserve the country’s cultural heritage and aid its recovery from decades of conflict, marking a significant step toward rebuilding its educational foundation. Source: Hiiraan Online
  6. Parents and children in Hamarweyne district of the Somali capital, Mogadishu, are excited about the opportunities offered to low income families by a new free school that opened in their area in September. Source: Hiiraan Online
  7. Mogadishu (HOL) — A heated altercation erupted in Somalia's parliament Monday, leaving a police officer injured and raising concerns over the conduct of lawmakers as the country navigates critical electoral milestones. The officer was struck while mediating tensions among MPs debating the National Electoral Commission, an incident now under investigation. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka ayaa ah kuwo ka duwan shacabka caadiga marka ay timaado habka loo marayo in dacwad lagu soo oogo. Si loo ilaaliyo shaqadooda iyagoon cidna ka baqeyn ayaa loo sameeyay in aan la xiri karin. Inta badan waxa ugu muhiimsan awoodda ay leeyihiin waa in ay si xor ah u hadlaan taas oo loo arko in ay tahay mid keeneysa wanaag. Waxyaabaha kale inta badan xildhibanada adduunka la sheego in ay ku muteysteen waxaa ka mid ah in madaxbannaanidooda aysan ku imaan faragelin bannaanka ah. Xildhibaanada Soomaaliya waxay la mid yihiin kuwa adduunka, waxayna leeyihiin xasaanad ay ku shaqeeyaan si ay howlahooda welwel la’aan u gutaan. Hadaba xasaanadda xildhibaanada intee ayey gaarsiisan tahay? Baarlamaanada aduunka way kala duwan yihiin. Dal walba sharcigiisa iyo xeerarkiisa ayuu ku dhaqaa xildhibaanada. Sida uu dhigayo dastuurka Soomaaliya xildhibaanku waa in aysan dhibaato ka soo gaarin fakarkiisa. “Xildhibaanka Golaha Shacabka dhibaato kama soo gaari karto fikradda ama codka uu ka hor dhiibto Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah iyo guddiyadiisa”. Sidoo kale dastuurka Soomaaliya waxa uu sheegayaa in aan xildhibaanka lagu qaadi karin dacwad ciqaabeed ama aan la xiri karin oo aan la baari karin hadaan lagu qaban isagoo faraha kula jira dembi sharci ahaan khasab ah in la soo saaro maxkamad. Arrimahasi oo dhan waxay muujinayaan in xildhibaanka si weyn looga ilaaliyay in aan si fudud loo ciqaabi karin. Dhacdadii shalay ee Baarlamaanka Muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada ayaa lagu arkay xildhibaano taagan meel aan ka fogeyn guddoonka oo qaylinaya iyo buuq ka jira gudaha baarlamaanka. Askar ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa sidoo kale iyagoo gacmaha is haysta celinayay in ay dhaafaan xildhibaanada. Askarta booliska ayaa xildhibaanada ka hortaagnaa in ay dhaafaan oo u gudbaan kuraasta guddoonka. Waxaa kaloo lagu arkay muuqaallada baraha bulshada la soo dhigay askari ka tirsan booliska oo feer lagu dhuftay. Askariga ayaan gacan qaadin, siina watay howshiisa. Ugu dambeyn askariga waxaa soo gaaray dhawac keenay in la dhigo isbitaalka. Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa sarkaalkaas booliska ku booqday isbitaalka waxay ka hadleen aragtidooda sidii ay wax u dhaceen. Senetor Cabduweli Ibraahim Aaden Garyare ayaa ku ammaanay sida askariga booliska isku xakameeyay, wuxuuna sheegay in ay tahay wax lagu farxo sida uu u dhaqmay sarkaalkaas. “Arintan waxay keeneysaa in uu hormuud u noqdo askarta kale oo ay ku daydaan”. Xildhibannada hadlay ayaa sheegay in aysan aheyn in la siyaasadeeyo oo si hoose loo xaliyo arrintan. “Hadii dhaqanka Soomaalinimada ee sida hoose wax lagu xaliyo la maro, waxay keeneysaa in baarlamaanka sidan ahaado, dalkana uusan hagaagin”. ayey tiri xildhibaan Farxiyo Muumin oo ka mid aheyd xildhibaanada isbitaalka ku booqday askariga. Xildhibaanada ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay wax laga xumaado askariga oo taagan oo aan waxba geysan in gacan loo qaado. In xildhibaanada ay gacan qaadaan ma ahan wax ku cusub baarlamaanka Soomaaliya. Dhexdooda hore ayey u dagaallameen. Xildhibaan Maxamad Cabdillahi Xasan Nuux ayaa sheegay in ay jiraan dhacdooyin tan la mid ah oo hore u dhacay balse aysan heerkaan gaarsiisneyn. “Waxaa jiray qaar kale oo xildhibaanada baarlamaanka wax u geysteen oo ay dhaawaceen, laakiin ninkan isbitaalka ku jira, walaalkeen Axmed, waa kii ugu darnaa” Xildhibaan Nuux wuxuu sheegay in aysan suuragal ahey in intaad qof gacantaada ku disho haddana aad tiraahdo ‘xasaanad ayaan leeyahay ama maxaa igama galay'”. Baarlamaanka ayaa shalay xilliga uu buuqa dhacay ansixiyey guddiga dorashooyinka iyo xuduudaha, waxayna sidoo kale arrintan ku soo aadday ayadoo maxkamadda gobolka Banaadir ay soo saartay ruqsad lagu soo qabanayo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Ilaa hadda ma jirto cid loo qabatay falkaas. Isha: BBC
  9. Ramallah (Caasimada Online) – Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa magacaabay qofka sida ku-meel gaarka ah xilka ula wareegi doona haddii uu geeriyoodo ama uu xilka ka tago, isaga oo waxa ka qabanaya walaaca laga qabo in firaaq dhinac awoodda ah uu dhaco marka uu xilka ka tago. Bayaan uu soo saaray gelinkii dambe ee Arbacadii ayuu Cabbaas ku sheegay in guddoomiyaha Golaha Qaranka Falastiin uu si ku meel gaar ah u hayn doono xilka, wax aan ka badan 90 maalmood, xilligaasi oo ay tahay in la qabto doorasho madaxweyne. Guddoomiyaha hadda ee guddiga ugu sarreeyaa go’aan gaarista Falastiin waa Rawhi Fattouh, oo 75 jir ah, oo sidoo kale muddo kooban soo noqday hoggaamiye ku-meel gaar ah ka dib geeridii Yaasir Carafaat ee 2004. Cabbaas, oo 89 jir ah, waxa uu ahaa madaxweynaha Falastiin tan iyo 2005, waxaana sannadihii u dambeeyay uu wajahayey dhibaatooyin caafimaad oo joogto ah, taasi oo keentay in la isla dhex maro cidda beddeli karta marka uu ugu dambayn dhinac istaago. Cabaas ma lahan ku xigeen, waxaana ilo xog ogaal ah ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters horaantii bishan in Sacuudi Carabiya ay ku cadaadiyeen in uu mid magacaabo. Ku dhawaaqidda uu Cabaas sameeyey Arbacadii ayaa meesha ka saaraysa hubanti la’aanta ku saabsan waxa dhici doona marka uu dhinto, laakiin Fattouh looma magacaabin ku-xigeenkiisa, taasi oo la macno ah inaan wali la aqoon cidda bedeli karta Cabbaas mustaqbalka fog. Wasiirka beeraha ee Israa’iil, Avi Dichter, oo xubin ka ah golaha ammaanka gudaha, ayaa koox saxafiyiin shisheeye ah u sheegay toddobaadkan in ciidammada Israa’iil ay la wareegi doonaan Daanta Galbeed haddii qof ka tirsan kooxda Xamaas uu isku dayo inuu madaxweyne noqdo. Cabbaas ayaa xilka loo doortay 2005 muddo afar sano ah, balse tan iyo xilligaas ma dhicin wax codbixin ah, waxaana hadda uu yahay mid dadku naceen, ayada oo ra’yi ururin la sameeyay bishii September ay muujisay in 89% Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed ay doonayeen inuu xilka iska casilo.
  10. 'I was quite shocked,' psychiatrist says of Somali-Canadian's death after arrest Source: Hiiraan Online
  11. Mogadishu (HOL) — The defending champions of the TotalEnergies CAF U-17 Africa Cup of Nations (AFCON), Somalia, will face a challenging path in the CECAFA qualifiers as they prepare to take on regional rivals Kenya, South Sudan, and Sudan in Group B. Source: Hiiraan Online
  12. AQMgcNGlNp75vWiYvVMkEUf6QiPfCnupiG-WPJ8JKsbIzRIlzqKjaK-HN9CbzwMCbSSsJbNUDdUnKC8ijTeaMy41 Qaran News
  13. Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamo hor leh oo ka tirsan Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta ku biiray ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo Axmed Madoobe uu difaac ka geliyey deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose. Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka maanta baneeyey garabka Axmed Madoobe ayaa sheegay inay gaarayaan ilaa 200 oo askari. Sidoo kale waxay saraakiishaas ka warbixiyeen xaaladihii adkaa oo ay soo mareen, sanadihii ay ka tirsanaayeen ciidamada Jubbaland. Waxay sheegeen mushaarkoodu uu ahaa $100 oo mararka qaar aysan heli jirin, sidoo kale waxay sheegeen in dalacsiin iyo waxyaabo badan oo ay mudnaayeen aysan ka helin maamulkii ay la shaqey jireen ee Jubbaland. Horay waxaa dowladda federaalka ula saftay ciidamo badan oo Axmed Madoobe u diray Raaskambooni, si ay u weeraraan ciidamada xoogga, balse ma dagaalamin ee waxay isku dhiibeen ciidanka qaranka. Ciidamo hor leh ayaa la sheegay in hadda ay qorsheynayaan inay ku biiraan ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Raaskambooni, kuwaas oo baxsad ka ah maamulkii ay sanadaha badan la shaqeynayeen ee Axmed Madoobe. Dowladda Federaalka ayaa ciidanka Jubbaland ka balan-qaaday in hadii ay ka soo tagaan Axmed Madoobe la siinayo mushaar, darajo iyo in la qarameynayo oo lagu darayo ciidanka xoogga dalka. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa toos u hor boodaya qorshaha dowladda federaalka ay ku soo afjareyso maamulka sanadaha badan jiray Axmed Madoobe, waxaana dhanka gobolka Gedo ka socda olole kale oo xooggan. R/Wasaare Xamsa ayaa maanta u safray dalka Kenya, si xiriirka Axmed Madoobe iyo Kenya uu meesha uga saaro, waxaana Nairobi ka socda kulamo oo Xamsa la yeelanayo madaxda dalkaas.
  14. Suddenly, everything is about a tiny, unrecognized state that few will ever have heard of: Somaliland. The fate of this piece of geopolitical real estate is now tied up with everything from Israel’s war on Gaza to the Houthi attacks on the Red Sea, and quite a few geopolitical centers of activity in between the two. The fact that a UK former defense minister is spreading rumors that U.S. president-elect Donald Trump will officially recognize Somaliland, a strategic breakaway region of Somalia that sits on the Red Sea, is only one of many dominoes falling around this tiny would-be nation. In 1991, Somalia, a former British protectorate, claimed independence from Somalia, and it’s survived more or less quietly since then–until its strategic positioning on the Red Sea made it a prized possession of high-level geopolitical consequence. Turkey’s been milling around it for ages, already, with Erdogan always spotting opportunities well in advance. But Turkey’s game is to shore up its power in Somalia, not Somaliland, and its strategy is a broader one: to pre-insert itself in various situations that position it to have a strong enough business foothold and act as an indispensable mediator and power broker (like in Libya). Ethiopia and Somalia are fighting over it. Turkey and Greece are fighting over it. Egypt, too, has some skin in this game, as does Israel, which is looking for some prime real estate to safely bomb the Houthis from. Everyone wants a piece of Somaliland these days. And it’s attracting a lot of money for its port, including from Ethiopia and the UAE, which makes neighboring Somalia and its increasingly influential benefactor (Turkey) nervous. The port deal with Dubai then attracted money from Ethiopia–a landlocked neighbor desperate to get a foothold on the coast. The January 2024 port deal raised tensions exponentially, to the point of questioning Somalia’s sovereignty as its breakaway region began to gain more power than Somalia proper. The port deal came with a quid pro quo that went beyond money. The deal, which for now remains an MOU, would allow Ethiopia its coveted Red Sea port lease and would give Somaliland official recognition. This puts Somalia dangerously at odds with Ethiopia because it’s a question of sovereignty. And with the battle against Yemen’s Houthi rebels in the Red Sea, Somaliland’s value has just soared. Not only does the previously unassuming breakaway region have an impressive Gulf of Aden coast, but it’s also right at the entrance to the Bab el-Mandeb Strait–the key target of the Houthis that sees over 30% of all seaborne world trade. Many have already been using Somaliland’s coast via proxy, in neighboring Djibouti, where the Who’s Who of foreign powers already have military bases. The same is true for Eritrea. But it’s Somaliland that is the core of the coastal power game. Turkey’s meddling is also escalating things. Turkey’s energy exploration deals with Somalia will see it deploy Turkish Naval forces in a maritime zone that both Somalia and Somaliland claim. Somaliland has already warned Turkey against such a move. Turkey, ever playing the role of beneficial mediator, is pushing for direct negotiations between Somalia and Somaliland, but if Ankara oversteps, we could see a major response from Somaliland and possibly its allies. As this competition for Somaliland continues to intensify–and it will–it risks becoming the next hot spot conflict involving very clear groups of foreign enemies and allies. Source Oilprice Qaran News
  15. Belgrade (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Serbia, ayaa tababar xirfadeed ugu soo xiray saraakiil Soomaaliyeed oo ka tirsan qeybta Baarista Dambiyada (CID). Saraakiishan oo laga soo xulay dhammaan maamul-goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir, ayaa muddo tababar sare ku qaadanayay kuliyadaha Booliska Serbia ee Goć. Tababarka ayaa diiradda lagu saaray farsamooyinka casriga ah ee baarista dambiyada, falanqaynta caddeymaha, maaraynta dambiyada abaabulan, iyo adeegsiga teknolojiyadda sare ee baarista. Wasiirka ayaa saraakiisha ku bogaadiyay dadaalkooda iyo guulaha ay ka soo hooyeen tababarka, isagoo uga mahadceliyay Serbia taageerada ay siisay Soomaaliya. Wasiir Fartaag, ayaa uga mahadceliyey dowladda Serbia tababarka iyo taageerada kala duwan ee ay la garab taagan yihiin ciidanka Soomaaliyeed iyo hey’adaha dalka. Dowladda Serbia ayuu sheegay Wasiirku inau gacan wayn ka geysato sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagaxisada ah ee khatarta ku ah amniga guud ee caalamka.
  16. AQMgNck20Phpw_BBobtwEfiWbcSmQfQc6_Iwa67Fs9hbl6kRi0m_guX50Sq-XQKkm3Gpxnqpo53PpGlCI2RfKOAA Qaran News
  17. Waxaa shaki ku jirin dadaalka Bunuugta Islaamiga iyo doorka ay ka qaataan adeega bulshooyinka kala duwan ee Islaamka. Qiimaynta Maaliyadda Islaamku maanta waxy u dhigantaa $3.9 trillion oo ku baahsan in ka badan 80 wadan iyadoo inteeda badan ay ku urursan tahay suuqyo kala duwan laakin ay baaxadooda yartahay. Isbarbardhigga xogta laga helay ilo kala duwan waxay muujineysaa in 10 waddan oo kaliya ay yihiin ku dhawaad ​​.95% hantida u dhiganta hantida shareecada adduunka. Tobankii sano ee la soo dhaafay, dhaqaalaha Islaamku wuxuu ku koray xawli aad u sarreeya sanadkiiba 10%. Marka loo eego warbixinta dhaqaalaha Islaamka ee 2023, wadarta hantida shareecada waafaqsan waxay AYADUNA kori doontaa $5.95 tiriliyan marka la gaaro 2026 inkastoo taasi ay ku xiran tahay horumarka dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee suuqyada Islaamka. Maaliyadda Islaamka ee Afrika Wadamada kale ee aduunka sida wadamada Saxaraha ka hooseeya, waxaa hadda bilaabmaya in dhaqaalaha iyo adeega bunuugta Islaamka islaamku uu ka bilaabmo asagoo sagana ku socda si xowli ah. Tusaale xusid mudan; Bishii Maarso 2024, Uganda waxay furatay bangigii ugu horreeyay ee ku dhaqma shareecada Islaamka. Somalia: IRBS Awards 2024: 10th Islamic Retail Banking Awards 2024 – Salaam Somali Bank Awards Achievements Ayadoo laga duulaayo muhiimada in la muujiyo wax qabadka iyo dadaalada Bangiyada Islaamka, , ayaa waxaa laga maarmaan ah in la helo gola qiimeeya horumarka ay gaaraan Bangiyada Islaamka ee Caalamka. Isu taga Isbahaysiga Ganacsiga ee Mas’uulka ah wuxuu suurto galiyay madasha abaalamarinada Bunuugta Islaamka Aduunka. Sanadka Abaalmarinnada 10aad ee Bangiyada Islaamiga ah 2024 waxaa loo dabbaaldegay hal-abuurka qaybta bangiyada Islaamiga ah, iyada oo la aqoonsanayo hay’adaha muujiyay sida ay uga go’an tahay maalgelinta shareecada waafaqsan. Salaam Somali Bank Salaam Somali Bank waa mid fure u ah horumarinta mabaadi’da bangiyada Islaamka ee Soomaaliya. Salaam Somali Bank waxa uu safka hore kaga jiray kobcinta ka mid noqoshada maaliyadeed ee gobolka iyo bixinta adeegyadii bangiyada. Iyada oo la raacayo hab ku salaysan macaamiisha, bangiga waxaa loo magacaabay Abaalmarinta IRBS 2024. Salaam Somali Bank waxaa loo doortay Abaalmarintii 10-aad ee Islamic Retail Banking Awards 2024, taasoo muujinaysa sida ay uga go’an tahay inuu heer sare ka gaaro hab-dhaqanka bangiyada Islaamka. Sanadkan, Guddiga Abaalmarinnada Banuugta Islaamiga ah (IRBS) ayaa go’aamiyay in Salaam Somali Bank uu helo Bankiga Islaamka ugu Wanaagsan ee Soomaaliya xagga Tayada Adeegga iyo hawlgallada 2024. Aqoonsigani waxa uu xoojinayaa Heerka bangigu ka taagan yahay ee ah hormuudka qaybta bangiyada Islaamiga ah, isaga oo gacan ka geysanaya horumarinta maaliyadda ee wadanka .Salaam Somali Bank waxa uu hiigsanayaa in uu kor u qaado bixinta adeegyo bangi oo u hogaansan mabaadi’da Islaamka. Bangigu waxa kale oo uu diirada saari doonaa horumarinta ka-qaybgalka macaamiisha iyada oo loo marayo adeegyo ku habboon iyo xalalka bangiyada dhijitaalka ah. Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa la filayay inay aqoonsan doonaan Ilyaas Badal Gaboose oo dhawaab mucaaradka Jubbaland ay ku doorteen magaalada Kismaayo, laakiin ma dhicin. Hoggaamiye xil-gaarsiin ah oo dowladda kala shaqeynaya qabashada doorasho qof iyo cod ah in loo aqoonsan doono Ilyaas Badal ayaa xooganeyd. Haddaba, maxaa beddelay aragtidii dowladda? Waxaa jira laba qodob oo si weyn loo qaateen u ah oo ay dowladda federaalka Soomaaliya uga gaabsatay inay ku deg-degto aqoonsiga Ilyaas Badal Gaboose. 1. Nooca doorashada Nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u dagaalamaya in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, halka inta kasoo horjeedana ay hoosta ka xariiqayaan in aanay taasi macquul aheyn. Doorashada Ilyaas Badal qabsaday iyo midda uu qabsaday Axmed Madoobe waa isku nooc. In aad diido doorasho dadban oo haddana aqoonsato Ilyaas Badal oo kusoo baxay doorasho dadban waa inaad beenisay doonistaadii. Madaxda kooxda tallada haysa ee Soomaaliya waxaa la sheegay inuu si weyn qodobkaasi u celiyay oo ay isku raaci waayeen inay aqoonsadaan doorasho dadban. Axmed Madoobe, isaga keliya laguma haysto doorasho dadban ee waxaa kale oo lagu haystaa in uusan dastuuriyan mar saddexaad tartami karin. 2. Magaalada uu joogo iyo dhaq-dhaqaaq Madoobe Midda labaad ee dowladda federaalka uga gaabsatay arrinta aqoonsiga Ilyaas Badal iyada oo ka fikiri kartay qaabab badan oo ay ku jirtay magacaabis hoggaamiye xil-gaarsiin ah, iyada oo doorashada dhanba la laali karay, waa inuu weli joogo magaalada Kismaayo. Dowladda federaalka ayaa la sheegay inay aaminsan tahay in haddii laba sano oo xil-gaarsiin ah ay u magacaaban Ilyaas inuu Axmed Madoobe weerar ku qaadi doono Ilyaas, uuna ugu yaraan xiri doono. Maamulkii dowladda aqoonsatayna haddii xabsi la galiyana waa dharbaaxo culus oo ku dhici laheyd dowladda. Labadaan qodob markii la isku geeyo dowladda federaalka ayaa dib u dhigtay sida laga yeelayo kiiska Ilyaas Badal Gaboose, waxayna taas beddelkeeda aadeen dagaal guud oo ka dhan ah Axmed Madoobe. Sida aan xogta ku helnay dowladda weli kama tanaasulin qorshaha Ilyaas Badal. Waxayse isku raadineysa marxalad uu meel nabad ah joogo, saameynta dowladda ee Jubbooyinka oo xoogeysata, Axmed Madoobe oo intaan ka tabar yar iyo dowladda oo si buuxda wax u tari karta Ilyaas Badal. Haddii aad isweydiineyso goorme ayaa taas la gaari karaa waxay ku xiran tahay sida ay dowladda u shaqeyso, una hagaajiso aragtideeda iyo xubnaha arrintaan kala shaqeynaya. Tii oo aan dhinaca kale la inkiri karin inuu Axmed Madoobe yahay nin aan si fudud siyaasad ahaan iyo ciidan ahaan loo jabin karin.
  19. Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ayaa maanta si rasmi ah ugu dhowaaqay inuu joojiyay xiriirkii iyo wada-shaqeyntii kala dhaxeysay dowladda federaalka Soomaaliya. Go’aan ka soo baxay golaha Wasiirada Jubbaland oo maanta ku shiray Kismaayo ayaa xukuumadda federaalka Soomaaliya ku eedeysay inay ku tumatay dastuurka dalka. “Dowladda Jubbaland waxaa uu waajib dastuuri ah ka saaran yahay in ay difaacdo, ilaaliso midnimada iyo wada-jirka dadka Jubbaland oo ah lama taabtaan aan lagu xad-gudbi karin,” ayaa lagu yiri go’aannada kasoo baxay golaha wasiirada Jubbaland. Jubbaland ayaa sheegtay in tallaabooyinka ay qaaday dowladda federaalka oo ay kamid yihiin wax ka beddelka dastuurka iyo xeerarka doorashooyinka ay yihiin kuwo sharci darro ah oo khatar ku ah midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu golaha wasiirada Jubbaland ku tilmaamay go’aannada dowladda federaalka inay yihiin afgambi ka dhan ah nidaamka dastuuriga ah, taasi oo halis gelinaysa dowladnimada iyo wadajirka umadda. Jubbaland ayaa wax kale oo ku dhawaaqday gogol wadatashi oo ay ugu baaqday dhammaan saamileyda siyaasadda dalka in ay kasoo qeyb galaan, sidii looga tashan lahaa aayaha dowlad-dhiska iyo midnimada dadka Soomaaliyeed. “Dowladda Jubbaland waxay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeysaa inay ilaashadaan nabadooda, midnimadooda, talo iyo go’aanna ku yeeshaan badbaadinta dowladnimada nugul iyo geedo socofka dowlad dhiska.”
  20. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka ONLF ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland, kaas oo gaaray meeshii ugu xumeyd, iskuna beddalay gacan ka hadal iyo dagaal toos ah. Warsaxaafadeed kasoo baxay ONLF ayaa waxaa lagu sheegay in ururka uu aad uga walaacsan yahay xaaladda kasoo korortay Soomaaliya, gaar ahaan xiisadda labada dhinac ee keentay in ciidamo la geeyay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose. ONLF ayaa shaaca ka qaaday in laga haboon yahay colaaddaan oo ay tilmaamtay inay kusii fidi karto deegaannada kale ee dalka iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika. Qoraalka kasoo baxay Ururka ONLF ayaa sidoo kale baaq loogu diray labada dhinac oo laga dalbaday inay fursad siiyaan wada-hadallo toos ah, si loo dhameeyo xiisadda dhexdooda ah. “Nabaddu waa waddada kaliya ee lagu xalin karo dhibaatada maanta ka dhex taagan Dowlaadda Federaalka iyo Jubbaland” ayaa lagu yiri nuqul kamid ah warsaxaafadeedka. Ugu dambeyn ONLF ayaa ka codsatay dalalka dariska iyo beesha caalamka inay soo farageliyaan xiisadda, si xal loogu helo khilaafka kasii daraya ee Muqdisho iyo Kismaayo. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan meeshii ugu xumeyd uu gaaray khilaafka dowladda dhexe iyo Jubbaland oo geeray heer ay awood ciidamo isku adeegsadaan labada dhinac. Dowladda Federaalka ayaa soo saartay waaran lagu soo xirayo Axmed Madoobe, halka Jubbaland ay uga jawaabtay waaran kale oo ay sheegtay in lagu soo qabanayo madaxweyne Xasan Maxamuud, waxaana mid kasta uu dhinaca kale ku21 eedeeyay inuu galay khiyaano qaran oo wayn.
  21. On the night of July 19, a drone swooped down over Tel Aviv’s beaches, killing Evgeny Freder in his sleep not far from the U.S. embassy building. Israel’s defense establishment was caught with its pants down – nobody thought that a small, slow, lugubrious aircraft, launched over 2,000 kilometers (1,200 miles) away, from Yemen, would be able to evade Israel’s advanced air defense systems, fly around Tel Aviv, kill one person, wound 10 others and cause panic. The attack demonstrated the operational capabilities of Yemen’s Houthis who, ever since the Arab Spring, have become a well-financed and well-armed proxy for Iran in its conflicts with Saudi Arabia and Israel. It also forced Israel’s defense establishment – which until then had left the U.S. and Britain to come up with a military response to the Houthis – to realize that Israel must find its own solutions to defeat the Yemeni threat. Israel also realized it will not be able to send its fighter jets on long, expensive raids on Yemen every time a $20,000 Houthi drone explodes inside the country – especially given that the Houthis are believed to have one of the world’s largest stockpiles of drones. Therefore, Israel has had to seek out more efficient alternatives. In the late 19th century, Britain and Italy gained control on the Somali sphere, setting up British Somaliland – which corresponds to modern-day Somaliland – as a protectorate. Click here to read more about this article . Qaran News
  22. Mogadishu (PP News Desk) — A new paper by Somali Public Agenda, a Mogadishu-based think tank, has brought to light issues arising from the introduction of a 5% sales tax in August 2024 to boost domestic revenue. The sales tax expands the scope of the 1984 Sales Tax Act, covering essential services such as electricity and water. Retail consumers bear the cost of the sales tax on every transaction. While the tax has generated significant revenue for the Federal Government of Somalia, compliance is stronger in central Mogadishu’s business district than in peripheral districts. Resistance stems from public mistrust, technical inefficiencies and its impact on low-income families, whose budgets are adversely affected by price increases resulting from the sales tax. Somali Public Agenda recommends exempting necessities, increasing transparency and improving administrative capacity. The think tank highlights the potential for growth if the government builds public trust and harmonises tax implementation across regions. The paper does not address how the sales tax can be introduced in other parts of Somalia without political agreements. The incumbent Federal Government of Somalia views the new sales tax as an opportunity to portray progress in state capacity, despite the absence of a consensus on how such a policy can be credibly and transparently implemented by the Federal Member States. President Hassan Sheikh Mohamud has stated that the Federal Government of Somalia would use security forces to ensure compliance with paying the sales tax, rent tax, and other forms of taxation collected by the Federal Ministry of Finance. The Federal Government of Somalia employed plainclothes revenue protection officers to prevent sales tax evasion. © Puntland Post, 2024 The post Somali Consumers Bear the Cost of the “5% Sales Tax” appeared first on Puntland Post.
  23. Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay go’aan ay ku hakiyeen xiriirka iyo wada shaqayntii ay la lahaayeen Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyay inay ku xadgudubtay Dastuurka KMG ee Soomaaliya. Jubbaland waxay cambaareysay tallaabooyinka Dowladda Federaalka oo ay ku tilmaantay kuwo sharci-darro ah, khatarna ku ah midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Go’aankan oo ay soo saareen Golaha Wasiirada Jubbaland wuxuu si gaar ah u taabtay arrimaha la xiriira: Wax ka beddelka Dastuurka Xeerarka Doorashooyinka Qaranka, kuwaas oo Jubbaland ay ku tilmaantay “afgambi ka dhan ah nidaamka dastuuriga ah.” Goluhu wuxuu sheegay in tallaabooyinkani khatar ku yihiin dowladnimada dalka, isla markaana halis gelinayaan isku-duubnida dadka Soomaaliyeed. Jubbaland waxay ku baaqday Gogol Wadatashi Qaran oo ay ugu yeertay dhammaan saamileyda siyaasadda dalka si looga arrinsado mustaqbalka dowlad-dhiska iyo midnimada Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  24. In a significant development for Taiwan’s international relations, Somaliland’s newly elected president, Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro), has pledged to maintain and strengthen the region’s ties with Taiwan. This announcement follows his victory in Somaliland’s presidential election, marking a peaceful transition of power from incumbent President Muse Bihi Abdi. A Strong Foundation of Friendship Despite Somaliland’s unrecognized status as a breakaway region from Somalia since 1991, the autonomous region has cultivated a unique relationship with Taiwan. Since 2020, Taiwan and Somaliland have exchanged representatives and established offices akin to embassies, fostering collaboration in areas such as public health, agriculture, education, and infrastructure development. Taiwan’s Ministry of Foreign Affairs (MOFA) extended congratulations to Abdullahi, emphasizing optimism for continued cooperation. During his campaign, Abdullahi assured that Somaliland’s relationship with Taiwan would “not change in any way,” reaffirming the commitment despite shifts in leadership. Key Bilateral Projects Taiwan and Somaliland’s partnership has already yielded notable progress. Among the flagship initiatives are: 1. The Taiwan Road Project: A $1.85 million venture connecting Hargeisa Airport with the city. Taiwan has pledged to sponsor 70% of the first phase, underscoring its investment in Somaliland’s infrastructure. 2. The Taiwan Medical Center in Hargeisa: Backed by a $22 million grant, the center is set to improve Somaliland’s healthcare capacity. Preparations for both projects are underway, with construction expected to commence as Abdullahi takes office. Somaliland’s Pursuit of Recognition Somaliland, which declared independence over three decades ago, continues to seek international recognition. Abdullahi is anticipated to intensify these efforts, possibly looking toward the incoming U.S. administration under Donald Trump for support. While Somaliland has yet to achieve formal recognition, its partnership with Taiwan highlights a mutually beneficial relationship. However, challenges loom, including potential overtures from China, which might leverage economic incentives to sway Somaliland into recognizing the “One China” policy—a stance firmly rejected by the previous Somaliland administration. A Leader with a Global Perspective Abdullahi’s background reflects a blend of international experience and local dedication. A former ambassador to the Soviet Union, Abdullahi fled to Finland during Somalia’s civil war before returning to Somaliland in 2002 to establish a political party. His political career includes serving as Speaker of Somaliland’s House of Representatives (2005–2017) and running for president in 2017. His victory in the 2024 election, with 64% of the vote, marks a new chapter for Somaliland. A Moderate Approach Analysts suggest Abdullahi’s administration may adopt a more moderate stance toward Somalia while doubling down on international recognition efforts. This dual strategy could enable Somaliland to balance regional stability with its aspirations for autonomy. Taiwan’s Commitment to Somaliland Taiwan remains steadfast in its support of Somaliland. Wang Wen-lin, Director of MOFA’s Asia and Africa Department, reaffirmed Taiwan’s commitment to bilateral projects and praised Somaliland for successfully holding its presidential election. While the future holds challenges, Abdullahi’s leadership presents opportunities for deepening Taiwan-Somaliland ties and advancing Somaliland’s quest for global recognition. With continued collaboration, Taiwan and Somaliland are poised to strengthen their partnership, creating lasting impacts on both regions. Qaran News
  25. Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in Shiinuhu uu sii daayay saddex qof oo Mareykan ah kadib markii labada ay is waydaarsadeen maxaabiis. Waa maxaabiistii ugu dambeysay ee ku xiran Shiinaha ee ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanku ku dhawaaqdo in si sharci darro ah lagu xiray. Ganacsade ka soo jeeda gobolka Texas oo lagu magacaabo Mark Swidan ayaa xirnaa tan iyo 2021-kii isagoo lagu eedeeyay ka ganacsiga daroogada.Halka labada kale oo kala Kai Li iyo John Leung lagu eedeeyay basaasnimo. Sida ay sheegayaan wararka, sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Shiinaha, oo u xirnaa FBI-da Mareykanka ka dib markii lagu xiray weerar ay fulisay, ayaa la sii daayay. Qaran News