Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. For decades it has reeled under famine, civil war and an Islamist inspired insurgency, but just as it was getting on its feet Somalia once again faces possible meltdown. Foreign Editor David Pratt who has visited the country over many years examines why Source: Hiiraan Online
  2. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxda Puntland iyo Jubbaland aysan weli aqbalin casuumaddii uu u fidiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo iclaamiyey shir ay ka qeybgalaan madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Qoraalka ayaa lagu sheegay in saddex madaxweyne goboleed oo kaliya ay aqbaleen baaqii madaxweynaha, welina ay maqan yihiin hoggaamiyeyaasha Jubbaland & Puntland. “Dhammaan madaxda maamul goboleedyada, marka laga reebo labo, waxay ka jawaabeen caasuumaddii madaxweynaha, waxayna diyaar u yihiin inay taageeraan heshiiskii guddiga farsamada ee Baydhaba.”ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay dowladda. Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi kusii daraya “Mar kale, dowladda federaalka Soomaaliya waxay ku boorineysa labada madaxweyne goboleed ee harsan inay kusoo biiraan saxiixayaasha kale ee heshiiskii siyaasadeed ee September 17, si taasi ay dhabbaha ugu xaarto doorasho ay ku jirto danta nabadeed iyo barwaaqada,”. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli dalku jiro xaalad adag, taas oo ka dhalatay is faham-waaga ka taagan doorashada dalka ee 2021-ka. View the full article
  3. Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa lagu wadaa in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan shirka wadatashiga dooraashooyinka dalka oo uu dhawaan ku baaqay Madxaweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo kaasi oo ka dhacaya magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Sidoo kale waxa magaalada muqdisho ku sugaan madaxweynaaasha maamulada galmuudg axmed cabdi kaariye qoorqoor madaxweynaha koonfur galbeed soomaaliya cabdi casis maxamdu lafta gareen madaxweynaha maamulka hirshabelle Cali guud laawe iyo gudoomiyaha gobolka bnaaaidr ahna duqa muqdisho cumar maxamdu cumar filish Marka ay madweynayasha puntland iyo jubaland ay soo gaaran muqdisho ayaa la filayaa in shirka uu furmo si loo sii ambaqaado qodobadii lagu heshiiyay oo ay soo diyaariyeen gudiga farsamada ee madaxda dowlada iyo kuwa maamul goboledyada dalka ay ku yeesheen Beydhabo . Madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxa uu wdaaa dadaalo isku soo dhaweyn kara madaxda maamul goboleedyadda dalka iyo gobolka Banaadir si xal looga gaaro in doorasho si xasilooni ah ku qabsoonto . View the full article
  4. Mogadishu (HOL) - Somalia's Minister of Information, Culture and Tourism Osman Dubbe has taken aim at the UAE on Sunday for its characterization of Somalia's government in a press release issued by the Emiratis on Saturday. Source: Hiiraan Online
  5. Wasaaradda Caafimaadka maamul Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa faah faahin guud ka bixisay kiisaskii ugu dambeeyay ee cudurka Coronavirus ee laga diiwaamgeliyay guud ahaan degaannada Maamulka Hir-Shabeelle. Wasiirul Dowlaha Caafimaadka Hir-shabeelle Mudane Muxudiin Muqtaar Macalin ayaa sheegay inxanuunkan uu si aad ah ugu fafay Magaaloyinka Beledweyne iyo Jowhar oo ah xarumaha labada Gobol ee Shabeellaha Dhexe & Hiiraan. Shir jaraa’id oo u qabtay Wasiirul Dowlaha ayuu ku sheegay in Gobolka Shabeellaha Dhexe laga diiwaangeliyay 9 Ruux oo ay kujiran saraakiil Caafimaad oo laga helay cudurka Covid 19, halka hal qof uu u geeriyooday, Muxudiin Muqtaar Macalin Wasiirul Dowlaha Caafimaadka Hir-shabeelle ayaa intaa ku daray in kiisas cusub laga diiwaangeliyay Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay kujiraan laba qof oo ajaanib ah oo ka yimid dalka Koonfur Afrika. Ugu dambeyn Wasiirul Dowlaha ayaa ugu baaqay guud ahaan bulshada ku nool degaannada Hir-Shabeelle in ay ka feejignaadaan khatarta cudurka COVID-19 oo markale dalka kusoo laabtay. View the full article
  6. Magaalooyinka waaweyn ee Puntland, waxa ku soo badanaya Gawaarida kala duwan oo xawaaraha saa’idka ah ku socda, kuwaas oo qaarkood ay wadaan dadka isticmaala Maan-dooriyaha, halka qaar kalena ay wadaan dhalinyaro da’ yar oo mas’uuliyad-darro xad-dhaaf ah ka muuqato. Wadayaasha Gaadiidka ee dhaqankaas leh, waxa mas’uuliyad-darradooda ku dhinta dad badan oo Bulshada uga qiima badnaa kuwa sababta u noqday Geeridooda, waxaase ka sii daran in aan weli Arrintaas wax laga qaban. Gawaarida isaga safarta gudaha Puntland, ayaa sidaas oo kale qaarkood xawaare saa’id ah ku socdaan, waxaana ka dhasha shilal khasaare ba’an oo naf, maal iyo burbur hantiyeed gaysta, kadibna dowladdu waa ka tacsiyaysaa oo keliya! Haddaba, maxaa la gudboon dowladda, si loo dhaqan-geliyo Shuruucda wadista Gaadiidka? Sidee wax looga qaban karaa Arrintan halista weyn ku ah Nolosha Bulshadeenna? WQ: Cabdiraxmaan Ciise The post Dilaaga aan wax laga qaban ee dadkeenna laaya! appeared first on Puntland Post.
  7. A former judge of an international tribunal and a law lecturer in the UK are part of a team of eight hired to defend Kenya in a maritime dispute filed by Somalia. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. View the full article
  9. The Federal Government of Somalia has said that the ongoing protests in the country over the elections will not subvert the peace and progress gained thus far in the country. Source: Hiiraan Online
  10. MOGADISHU, Somalia - The Somali National Army (SNA) claimed that it killed more than 50 al-Shabaab members, including two senior commanders, in an operation in the lower Shabelle region. Source: Hiiraan Online
  11. Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Sen. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo Sen. Cabdirisaaq Cismaan Jurile, ayaa Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen si adag ugu cambaareeyay weerarkii Jimcihii ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku qaadday Hoteelka Maa’ida ee Muqdisho, halkaas oo ay deganaayeen Madaxweynayaashii hore ee dalka Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, oo uu weheliyo Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aaden. Labada Sen. waxay sidoo kale cambaareeyeen weerarkii Sabaxnimadii Jimcaha isla Ciidanka dowladdu ay ku qaadeen bannaanbax ka socday jidka aada Garoonka Diyaaradaha Muqdish, kaas oo ay hoggaaminayeen Ex Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed. Faroole iyo Juriley, waxay Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyeen in uu si cad ugu tuntay Qodoba Dastuuriya, islamarkaana Ciidanka Qaranka u adeegsaday dhammaan weeraradaas dhacay oo lagu beegsaday Mucaaradka dowladda, gaar ahaanna Midowga Murashixiinta Muqdisho. Sidoo kale, waxay dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada, Guddoonada labada Aqal, Murashixiinta Mucaaradka iyo dhammaan saamileyda siyaasadda dalka ugu baaqeen in laga fogaado wax kasta oo colaad kicin kara, lagana wada shaqeeyo sixidda Heshiiskii Arrimaha Doorashada ee 17-kii September 2020 si loo hirgeliy Doorashada. PUNTLAND POST The post Faroole iyo Jurile oo si adag u cambaareeyay Madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.
  12. Xog-haye Cusub oo loo magacaabay Dawlada Hoose ee Hargeisa Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa Siciid Nuur Jaamac u magaacabay xoghayaha cusub ee dawladda hoose ee magaalada Hargeysa. Magacaabista xoghayaha cusub ayaa timid ka dib markii uu xoghayaha wakhtigan ee dawladda Hoose Axmed Yoonis Juxa uu shaaciyay in uu u tartami doono doorashada golaha deegaanka ee magaalada Hargeysa. Siciid Nuur ayaa ka tirsanaa saraakiisha sarsare ee wakaaladda horumarinta jidadka Somaliland. Qaran News
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa u digtay dalal ay sheegtay inay qoraallo marin habaabin ah kasoo saareen dhacdooyinkii Muqdisho ka dhacay Jimcihii ee ciidamada dowladda iyo mudaaharadayaal ay hormuud u ahaayeen qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ayaa lagu yiri “dowladda federaalka waxay soo dhoweyneysaa walaaca ay muujiyeen dalalka aan walaalo nahay iyo urur goboleedyada ay Soomaaliya xubinta ka tahay, kuwaas oo soo saaray qoraallo la xiriira is-mari waaga siyaasadeed ee ka taagan hirgelinta doorashooyinka, qoraalladaas oo waafaqsan mowqifka dowladda federaalka.” Qoraalka ayaa intaas ku daray in dowladda federaalka Soomaaliya ay garowsan tahay baahida loo qabo in doorasho laga qabto dalka, sidaas darteedna ay ka tanaasushay arrimo badan oo ay isku hayeen dowlad goboleedyada, kuwaas oo ay ka mid aheyd doroasho qof iyo cod ah, si loo gaaro heshiiskii September 17. “Nasiib darro, ayada oo uu jiro heshiiskaas, iyo rabitaanka dowladda federaalka Soomaaliya ay wax uga qabaneyso walaacyada jira, saameynta quwado shisheeye ayaa weli caqabad ku ah in lasoo geba-gebeeyo heshiis dhabbaha u xaaraya doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda. Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in kahor shirka la qorsheeyey inuu Muqdisho ku dhex-maro madaxda dowladda federaalkka iyo madax goboleedyada, ay musharaxiinta madaxweyne “doorteen ay carqaladeeyaan hanaanka, si ay u raadsadaan waddo sharci darro ah iyo kacdoon hubeysan oo lagu qarinayo dibad-bax nabadeed, oo lagu damaanad qaaday dastuurka.” “Waxaan, sidaas darteed, cambaareeneynaa, oo aan ka digeynaa qoraallada marin-habaabinta ah ee iska indha tiraya xaqiiqaha mararka qaarna u muuqda inay taageerayaan kacdoonka rabshadeysan, kuwaas oo ka imanaya meelaha qaar, ee aan ognahay ficillada xun ee ay ka wadaan gobolka, si been ahna isaga dhigaya inay mas’uul ka yihiin mustaqbalka dal kale, si ka hor-imanaysa mabaadi’da iyo xeerarka caalamiga ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.
  14. RIYADH — Saudi Arabia's government is following with "great concern" the recent developments in Somalia, which have reportedly seen people killed and wounded at the capital Mogadishu, the Foreign Ministry said on Saturday. Source: Hiiraan Online
  15. Komishanka Doorashooyinka oo baahiyey Shuruudaha looga baahan yahay Musharaxiinta u ordaya Golayaasha Wakiilada & Degaanka Iyadoo Ay Muddo 100 maalmood ah, ka hadhsan Wakhtiga loo qorsheeyey in ay dalka ka qabsoonto Doorashooyinka gole-yaasha Wakiillada iyo deegaanka, Oo la filayo in ay dhacaan 31 bisha May. Xili Ay Xisbiyada iyo beelaha ayaa ku mashquulsan kala saarida Murrashaxiinta Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, iyada oo Maalmihii u dambeeyey Xisbiyadu aqbaleen murrashaxiin Reerahoodu u gudbiyeen Xisbiyada. Komishanka Doorashooyinka, ayaa soo saaray Shuruudaha looga baahan yahay Murrashaxiinta Utartamaya Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, kuwaas oo Xeerka guud ee doorashooyinku waajibiyey in ay buuxiyaan xubnaha tartamaya. Shuruudahan, komishanku soo bandhigeen, ayaa ah kuwan hoos ku qoran: Shuruudaha looga baahan yahay musharaxa golaha wakiillada Somaliland Shaqaalaha dawladda iyo ciidamada Qaranka ee kala duwan rabbana inay u tartamaan golaha wakiillada iyo degaanku waa inay is casilaan 90 cisho ka hor maalinta doorashada loo asteeyay. Kaadhka dhalashada ee muwaadinimada Kaadhka codbixiyaha oo ah goobta uu ka tartamayo. Caddayn in aanay dadiisu ka yareyn 35-sano Warqad caafimaad oo caddaynaysa inuu jidh ahaan iyo maskax ahaan u gudan karo xilkiisa Shahaado dugsi sarre ah Warqada danbi la’aanta Warqad caddayn shaqo ka tagid ah hadduu shaqalaha dawladda ama ciidamada Qaranka ee kala duwan ka tirsan yahay. Caddayn ah in uu bixiyay 40 millyan oo Somaliland Shilin ah, oo debaaji ah isla markaana aan celis lahayn, laguna bixiyo xafiiska cashuuraha berriga ee wasaaradda maaliyadda. In uu saxeexay xeerarka anshaxa iyo doorashooyinka Waa inuu keeno codsi ah inuu u tartamayo doorashada, caddeeyana inuu buuxiyay shuruudaha xeerku qoray. Murashaxa isku soo sharaxay golaha wakiillada amma golaha degaanka, waxaa uu xaq u leeyahay in uu ka tanaasulo, balse waa inuu qoraal rasmiya u soo gudbiyo xisbigii uu ka sharaxnaa iyo guddida doorashooyinka Qaranka ugu yaraan 40 maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta Shuruudaha looga baahan yahay musharaxa golaha deegaanka ee Somaliland Shaqaalaha dawladda iyo ciidamada Qaranka ee kala duwan rabbana inay u tartamaan golaha wakiillada iyo degaanku waa inay is casilaan 90 cisho ka hor maalinta doorashada loo asteeyay. Kaadhka dhalashada ee muwaadinimada. Kaadhka codbixiyaha oo ah goobta uu ka tartamayo. Caddayn in aanay da’diisu ka yareyn 30-sano. Waraaqda danbi la’aanta. Shahaado jaamacadeed, heerka koobaad ee degree, ah musharixiinta degmooyinka Darajada A, murashixiinta derajada B iyo C na caddayn saddex sano ah ayaa looga baahan yahay. Caddayn cashuur bixiye inuu ka yahay degmada uu ka sharaxan yahay Hanti mood ama nool, oo uu ku leeyahay degmada uu ka sharaxan yahay Waa inuu keeno warqad caddaynaysa inuu bixiyay shan iyo toban milyan oo Somaliland shilin ah, degmooyinka derajada A, 7-milyan, derajada B iyo C 4-milyan. Warqad caddayn shaqo ka tagid ah hadduu shaqalaha dawladda ama ciidamada Qaranka ee kala duwan ka tirsan yahay. Warqad caafimaad oo caddaynaysa inuu jidh ahaan iyo maskax ahaan ugudan karo xilkiisa In uu saxeexay xeerarka anshaxa iyo doorashooyinka Waa inuu keeno codsi ah inuu u tartamayo doorashad, caddeeyana inuu buuxiyay shuruudaha xeerku qoray. Murashaxa isku soo sharaxay golaha degaanku amma wakiiladdu waxaa uu xaq u leeyahay in uu ka tanaasulo, balse waa inuu qoraal rasmiya u soo gudbiyo xisbigii uu ka sharaxnaa iyo guddida doorashooyinka Qaranka ugu yaraan 40 maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta. Qaran News
  16. What is next for Somalia’s political crisis? Al Jazeera journalists and guests dissect and discuss the day’s top story. Source: Hiiraan Online
  17. Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland aysan weli aqbalin Shirkii Arrimaha Doorashada ee Madaxweyne Farmaajo iclaamiyay. Qoraal kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in dhammaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalku ay aqbaleen ka qayb-galka Shirkaas, marka laga reebo Den iyo Axmed Madoobe. “Dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, marka laga reebo laba, waxay ka jawaabeen caasuumaddii Madaxweynaha, waxayna diyaar u yihiin in ay taageeraan Heshiiskii Guddiga Farsamada ee Baydhaba.” Ayaa lagu yiri Qoraalkaas. Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, ayaa haatan ku sugan Muqdisho, halka ay weli ka maqan yihiin Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa labadaas Madaxweyne ugu baaqday in ku soo biiraan Shirka, si loo dhammaystiro Heshiiskii Arrimaha Doorashada ee 17-kii September 2020, islamarkaana loo hirgeliyo Doorashada. Dhinaca kale, dowladdu waxay soo dhowaysay baaqyada Caalamiga ah oo ku saabsan in Heshiis siyaasadeed laga gaaro xiisadda ka dhalatay Arrimaha Doorashada, si loo hirgeliyo doorasho lagu wada qanacsanyahay. PUNTLAND POST The post Villa Somalia oo sheegtay in Puntland iyo Jubaland aysan aqbalin Shirka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  18. Saudi Arabia oo ka hadashay Dagaalkii & Rabshadihii Muqdisho ka qarxay Dowladda Sacuudiga ayaa kusoo biirtay dowladaha ka hadlay rabshadihii Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya ku dhex maray dowladda iyo musharixiinta. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay inay si dhow ula socdaan xaaladaha Soomaaliya gaar ahaan khilaafka ka taagan Doorashada Soomaaliya iyo rabshidihii ugu dambeeyey ee ka dhacay Muqdisho. Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda oo lagu daabacay Wakaaladda Wararka ee Sacuudiga ee SPA ayaa lagu sheegay in wadahadalka uu yahay xalka ugu fiican ee looga hortagi karo inuu dhaco dagaal dhiig ku daato. “Wasaaradda Arrimaha dibadda Sacuudiga waxa ay indhaha ku heysay horumarka Soomaaliya & Dhacdooyinka walaalaheen Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waa wax laga xumaado in dhimasho iyo dhaawac dad ku noqdaan isku dhac ka dhacay Muqdisho,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga. Sacuudiga ayaa dhinacyada khilaafka ka dhaxeyo ugu baaqday in si deg deg ah loo gaaro xal nabadeed oo lagu soo afjaro khilaafka taagan halkii la door bidi lahaa dagaal iyo rabshado. “Waxa aan adkeyneynaa daganaanta walaalaha Soomaaliya oo aan leenahay waa in aad xal nabadeed ka gaartaan kuna dhammeysaan wax waliba oo la kala tabanayo si loo taageero nabadgalyada, Xasiloonida iyo wadajirka,” ayey tiri Wasaaradda. Sacuudiga ayaa ugu dambeyntii dadkii ku dhaawacmay rabshahadaas u rajeysay caafimaad deg deg ah waxayna sheegtay inay murugada la qeybsaneyso qoysaska ay dadkooda dhibaatada soo gaartay. Sacuudiga ayaa ku biiraya Dalal, Ururo & dadka kala duwan sida Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD & kuwo kale oo ka falceliyay isku dhacii habeen ka hor Muqdisho ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka & ilaalada Musharixiinta, dibadbaxyaasha lagu rasaaseeyay Caasimadda & khilaafka ka taagan Doorashooyinka Dalka. Qaran News
  19. WhatsApp oo shaaciyey inay dhaqan gelinayso isbedelladii laga cadhooday+Telefoonada aan ku shaqeyn doonin Shirkadda WhatsApp ayaa qorshaynaysa in aanay ka noqon wax ka bedel muran dhaliyey oo ay doonayso in ay ku samayso qodobada heshiiska adeegsiga aaladeeda, laakiin cadhadii go’aankaa ka dhalatay ka dib waxay haatan wax ka bedelaysaa qaabka ay u wargeliso dadka adeegsada aaladeeda. Bilowgii markii ay arintaa shaacisay Jeeniweri, malaayiin qof oo adeegsan jiray aaladeeda ayaa u wareegay aaladaha shirkadaha la tartama Whatsapp. Shirkaddan ay leedahay ta kale ee wayn ee Facebook ayaa hore u shaacisay in “warar qaldan laga baahiyey” isbedelka ay doonaysay. Laakiin waxay haatan sheegtay in ay “ka fiirsatay” siday haboon ee ay ahayd in ay isbedelka dadka ugu sheegi lahayd. Sida loo dhigay erayada digniinta wargelinta ahaa ayaa markii hore dhaliyey cabsi ah in WhatsApp xogta shakhsiga ee dadka adeegsada aaladeeday ay la wadaagayso Facebook. Xaqiiqdii se, isbedel yar uun baa arintaa ka hir galay dadka adeegsada aaladeeda baankooduna waxay markii hore ba way ogolaadeen. Si ay mar labaad isugu daydo in ay dadka u qanciso, WhatsApp waxay mar kale todobaadada soo socda ku wargelin doontaa isbedelka dadka adeegsada aaladeeda. Waxay macaamiisha ku dhiiri gelinaysaa in ay fahmaan marka cusboonaysiinta aaladda ay samaynayaan waxa isbedeli kara iyo waxa aan isbedeli doonin. Fariimaha wargelinaya macaamiisha waxay ku gaadhsiin doontaa si shakhsi ah oo qofku ka akhrisan karo aaladdiisa. Qorshahan cusub waxa loo mudeeyey inuu dhaqan galo 15 bishay May ee sannadkan. WhatsApp oo teleefannada qaarkood aan ku shaqyan doonin Dhanka kale shirkaddu waxay bishan Feeberweri bilowgeedii shaacisay in aaladeeda aanay ku shaqeyn doonin malaayiin taleefan. Taleefannada ay soo saaraan Android iyo iPhone ee ku shaqeeya barnaamijta uu waqtigoodu dhacay ayaanan ku shaqeyn doonin bartan ay leedahay shirkadda Facebook. WhatsApp ayaa sheegtay in tallaabadan ay lagama maarmaan noqotay si loo xaqiijiyoo ammaanka dadka bartaasi isticmaalaya. Taleefannada qaaliga ah ee ku shaqeeya barnaamijka Android. id ee 2.3.7 iyo kuwa ka da’da waynba, iyo midka iPhone iOS 8 ama ka sii wayn, ayey arrintan saameyn doontaa. Barnaamijka uu ku shaqeeyo WhatsApp-ka ayaa waxa uu meesha ka saaraya barnaamijta qadiimiga ah ee aan la cusboonaysiin ama lagu shubay taleefannada cusub. Inta badan dadka isticmaala bartaas ayey u suuragalaysaa inay cusboonaysiiyaan barnaamijka uu taleefankooda ku shaqeeyo si ay u sii wadaan isticmaalka adeegga farriimaha ee shirkadda. . Sikastaba xaalku ha ahaadee, taleefannada qaar sida iPhone 4s, kaas oo ku shaqeeya barnaamijka iOS 7 oo kaliya, ayaanan ku shaqeyn doonin barnaamijka WhatsApp. “WhatsApp wax kale oo u furan malahan oo aan ka ahayn inay xaqiijiso in adeegeedu uu ahaado mid ammaan ah, hasayeeshee waxa ay shirkaddu wajahaysaa saameyn kaga imanayso taleefannada duqa ah ee aan ku shaqeyn doonin barnaamijkooda,” ayuu sheegay Ben Wood oo ka tirsan CCS Insight. “Taasi waxa ay u badan tahay inay saameyso dad muddo isticmaalayay adeegan, gaar ahaan suuqyada koraya halkaas oo aad looga helo taleefannada duqa ah.” WhatsApp, oo ah barnaamijkii afraad ee loogu soo dejis badan yahay tobankii sanadood ee la soo dhaafay, ayaa 2017 waxa ay macaamiisheeda uga digtay isbadelka la sameyn doono. “Waa ay adkeyd inaynu go’aankaas gaarno, hasayeeshee waxa uu mid sax ah si aannu dadka u siinno qaab wanaagsan oo ay ku wada xiriireen asxaabta, qoysaska, iyo dadka jecel inay isticmaalaan WhatsApp-ka,” ayuu yiri afhayeenka shirkadda. Waa tallaabadii ugu dambaysay ee kuwo xiriir ah oo ay qaadday shirkaddan farriimaha taas oo ay kaga baxday dhowr qalab 2016, kaddibna ay kaga baxday dhammaan taleefannada Windows-ka 31 Diseembar 2019. Qaran News
  20. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, ayaa xalay guryahooda Muqdisho ku booqday Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, Xasan Sheekh Maxamuud iyo sidoo kale Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre. Madaxtooyada Galmudug ayaa shaacisay in Madaxweyne Qoor Qoor uu guryahooda ku booqday Madaxdaas hore, oo haatan kamid ah Midowga Murashixiinta Muqdisho, islamarkaana mucaaradsan dowladda Federaalka Soomaaliya. Wararku waxay sheegayaan in ay ka wada-hadleen xaaladda Siyaasadeed ee dalka, gaar ahaanna xiisadda ka aloosan Muqdisho iyo Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, oo weli uu ka taaganyahay khilaaf u dhexeeya dhinacyada siyaasadda dalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Qoor Qoor oo la kulmay xubnaha ugu muhiimsan Mucaaradka Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
  21. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay rabshadihii Jimcihii ka dhacay caasimadda Muqdisho, isagoo aad u eedeeyey madaxweyne Farmaajo. Guddoomiye Feysal ayaa ugu horey ka tacsiyadeeyey wixii gaaray gaaray shacabkii banaanbaxa dhigayey Jimcihii, kuwaas oo ciidamada dowladdu ay awood u adeegsadeen kala ceyrintooda. Ugu horeyn Feysay ayaa yiri, “Dadkii reer Muqdisho ee lagu xasuuqay banaanbaxa ay dhigayeen waxaa leeyahay intii dhimatay Allaha u naxariisto, inta dhaawaca ahna Allaha bogsiiyo.” Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in reer Muqdisho ay iyagu is dhigeen meesha ay joogaan maanta, isla markaana ay ‘cadaw gacanta u geliyeen taladooda’ sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan leeyahay idinkaa waxaan isugu wacan oo taladiinii cadaw gacanta u geliyey, marka reer Muqdisho waxaan leeyahay war tashada, meel kale oo maanta Farmaajo xukumo ma jirto ee iska xoreeya ayaan idin leeyahay,” ayuu yiri Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe. Sidoo kale guddoomiye Feysal ayaa shacabka reer Somaliland u sheegay in hadii ay khilaaf iska dhaafi waayaan ay ku dhacayaan waxa maanta heysta reer Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay. “Waxa keenay Farmaajo waa khilaafka reer Banaadir, anaguna hadaan khilaafka iska deyn weyno oo is jeclaan weyno, taas oo kale ayaa nagu dhaceysa, wixii na soo maray waa inaan xasuusanaa, Ilaahey mar dambe cadaw gacanta nooma geliyo, wixii lasoo maray waa inaan xasuusanaa walaalayaal,” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe. Hoos ka Daawo
  22. Ciidamada Itoobiya ayaa duulaan kusoo gaklay magaalada Muqdisho sanadkii 2006-kii, xiligaasi oo inta badan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ay nabadgelyo kusoo celiyeen Golihii Midowga Maxaakiinta Islaamiga ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu hoggaaminayay. Xilligaas, Itoobiyaanka ayaa taageerayey dowladdii KMG ee Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geeddi hoggaaminayeen oo fadhigoodu ahaa magaalada Baydhabo, waxaana duulaanka uu yimid kadib markii ay dhammaatay rajo laga qabayo wada-hadallada dowladdii KMG aheyd iyo Maxaakiimta. Awooddii Maxaakiimta ee Muqdisho ka saartay qabqableyaashii dagaal ayaa waxaa ay dhalisay in wada hadalo lala galo Maxaakiimtii, hase ahaatee waxaa si fudud oo ka fiirsasho laheyn iyo siyaasad xumo dhinaca maxaakiimta ay sababtay in ciidamadii Itoobiya duulaan kusoo galaan Muqdisho, cid walbana ka dheregsan tahay wixii ka dhashay, mana doonayo inaan ku fogaado musiibadii xiligaasi dhacday. Sababta soo dedejisay xiligaasi in Muqdisho si fudud usoo galaan ciidamadii Itoobiya ayaa kow ka aheyd hadalkii ka fiirsasho la’aanta Yuusuf Indha fagaaraha Tarabuunka ka jeediyay ee ahaa in “Ciidda waxaan ku tukan doonaan Addis Ababa.” Hadalkaasi waxaa la oran karaa wuxuu dhabar jabiyay halgankii Maxaakiimta iyo rajadii laga qabay inay wada hadlaan DKMG ee C/llaahi Yusuf iyo Golihii Maxaakiimta. Siyaasad xumadii iyo khibrad xumadii Maxaakiimta waxay sababtay in ciidamadii Itoobiya ay xasuuq ka geysteen Muqdisho, fursadna u noqotay DKMG ee Cabdulaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi oo aakhirkii Villa Somalia ku yimid taangiyadii Itoobiya. 15 sano kadib, oo laba dowladood ay ka danbeeyeen DKMG ee C/llaahi Yusuf waxaa dalku uu qabtay wado ka duwan tii hore, waxaana dalka ka hana qaaday dowladdo dimoqraadiyad ah oo doorasho ku yimid, hase ahaatee dowladdii 3-aad ee lasoo doortay 8-dii Febraayo 2017-kii madaxweynahana ka noqday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kuma guuleysan inay qaato wadadii dowladdihii ka horeeyay ee xukun isku dhiibka ahaa. Afar sano oo xukunka uu hayay Farmaajo wuu ku fashilmay inuu dalka u horseedo doorasho nooceey doonto ha ahaatee, wuxuu doorbiday in dalku doorasho galo, taasoo ka dhalatay buuq iyo in shacabka kalsoonidii ay u hayeen afar sano ka hor naceyb ugu badalaan. Waxey aakhirkii kusoo biyo shubatay in Farmaajo xukunku isku dhejiyo isagoo baal maray dastuurkii qeexayay in dalku doorasho galo afartii sanaba mar, taasoo keentay guux dadweyne iyo mid siyaasiyiin xukun doon ah. Shirar kala duwan oo loogu gogol xaarayay qabsoomida doorasho la isla ogal yahay ayaa fashilmay, maamuladii dalka ayaa kala qeybsamay, in la aado doorashadana waxaa ay kusoo biyo shubatay khilaaf ka dhashay qaabka doorasho ee maamulka gobolka Gedo ee Jubaland ka tirsan, madaxweyne Farmaajana guuldaradiisa siyaasadeed iyo mastuqbalkiisa oo xumaado ayuu ka dhex arkay in haddii maamulka Axmed Madoobe maamulo doorashada Gedo, taas badalkeedna wuxuu caqabad ku noqday heshiis walba oo arrinta gobolka Gedo laga gaaro. Shirarkii kale ee lagu balamayna ay noqdeen kuwo caqabada ugu weyn ee xal loo heli waayay noqotay maamulka doorashada deegaan ee Gedo, madaxweynahana uu doorashadii qaran u xagal daaciyay hal gobol oo uu kasoo jeedo. Golaha Midowga Murashaxiinta oo qabay tuhun ah in Farmaajo doorasho qaban doonin ee uu doonayo mudo kororsi ayaa wado walba u maray sidii loogu dhaadhicin lahaa inuu dalka doorasho u horseedo, hase ahaatee xiligii mudo xileedkiisii dhamaaday 8-Febraayo, waxay murashaxiinta abaabuleen bannaanbax nabadeed oo lagu dalbanaayo in xukunka uu banneeyo, dalkana doorasho ka dhacdo, taasina waxay horseeday wajiyo kale oo colaad iyo saan saan aan wanaagsaneyn. Golaha Midowga Murashaxiinta waxay iclaamiyeen bannaanbax nabadeed oo 19-kii bishan ka dhici lahaa Taallada Daljirka Dahsoon, hase ahaatee wuxuu isku badalay Jimca “Dhiigeed” maadaama dowladda ay kasoo horjeesatay, waxayna taasi sababtay in weerar aan loo qiil dayin lagu soo qaado madaxweyneyashii hore Xasan Sheekh iyo Shariif Sh. Axmed oo hormuud u ahaa bannaanbaxyadaasi oo cabsi geliyay madaxweynaha xilka ka dhamaaday ee Farmaajo. Waxaa guuldareystay dadaaladii Imaamka, Ugaaska iyo waxgaradkii gobolka Banaadir oo waxba kama jiraan laga soo qaaday balanqaadyadii labada dhinac ay galeen. Hadaba waxaa la isweydiinayaa bannaanbaxaasi nabadeed ee midowga murashaxiinta ku baaqeen ma waxaa fashiliyay Yuusuf Indha-Cadde oo habeenimadii Jimcaha soo galeysay tegay goobtii bannaanbaxa ka dhici lahaa subaxdii Jimcaha, hadalkii uu ka jeediyay ee uu ku sheegay in dowladdi dalka ka jirin, mise kooxda Farmaajo ayaa sabab u ahaa weerarkii lagu soo qaaday Madaxdii hore ee dalka ee deganaa hotelka Maida ee aan ka fogeyn halkii balantu aheyd in bannaanbaxa ka dhaco? Dad badan ayaa waxay dib usoo xusuusisay hanjabadii Yusuf Indha Cadde xiligii Maxaakiimta in Addis Ababa ay ku tukan doonaan Salaada Ciida oo xiligaasi ay ku beegneyd, waxayna tanina la mid tahay fashilkii xiligaasi ku dhacay maxaakiimtii Islaamiga ee nabadeeyay bartamaha iyo koonfurta Somalia. Ali Muhiyaddin Email: Muxiyaddiin@hotmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  23. Madaxweynaha Xilkiisu Dhamaadey Jaale Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa caawa kulan kula leh Villa Soomaaliya Madaxweynayaasha Hirshabele, Koonfur Galbeed iyo Galmudug. Kulanka ayaa ah kii looga hadlayay Arimaha Doorashada ee ay diideen kasoo qaybgalkiisa Jubbaland iyo Puntland. Wixii kasoo kordha kala soco Puntlandi.com Source
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland aysan weli aqbalin casuumaddii uu u fidiyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si ay Muqdisho uga qeyb galaan wada-hadallada ku saabsan doorashada. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Dhammaan madaxda maamul goboleedyada, marka laga reebo labo, waxay ka jawaabeen caasuumaddii madaxweynaha, waxayna diyaar u yihiin inay taageeraan heshiiskii guddiga farsamada [ee Baydhaba]”. Caasimada Online ayaa fahamsan in labaad madaxweyne ay yihiin Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, maadaama saddexda madax goboleed ee kale ay soo gaareen magaalada Muqdisho. “Mar kale, dowladda federaalka Soomaaliya waxay ku boorineysa labada madaxweyne goboleed ee harsan inay kusoo biiraan saxiixayaasha kale ee heshiiskii siyaasadeed ee September 17, si taasi ay dhabbaha ugu xaarto doorasho ay ku jirto danta nabadeed iyo barwaaqada,” ayaa lagu yiri qoraalka. Ma cadda sababta aysan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni u aqbalin casuumadda Farmaajo, hase yeeshee waxaa la rumeysan in kadib weerarkii ay ciidamada dowladda ku qaadeen musharaxiinta mucaaradka iyo dibad-baxayaal ay dib uga gurteen shirka Muqdisho. Jubaland ayaa qoraal ay soo saartay kadib weerarkaas si weyn ugu dhalleeceysay dowladda federaalka, halka Puntland ay soo saartay qoraal u muuqday inay xaaladda dhex-dhexaad ka tahay.