-
Content Count
212,886 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka ayaa ah kuwo ka duwan shacabka caadiga marka ay timaado habka loo marayo in dacwad lagu soo oogo. Si loo ilaaliyo shaqadooda iyagoon cidna ka baqeyn ayaa loo sameeyay in aan la xiri karin. Inta badan waxa ugu muhiimsan awoodda ay leeyihiin waa in ay si xor ah u hadlaan taas oo loo arko in ay tahay mid keeneysa wanaag. Waxyaabaha kale inta badan xildhibanada adduunka la sheego in ay ku muteysteen waxaa ka mid ah in madaxbannaanidooda aysan ku imaan faragelin bannaanka ah. Xildhibaanada Soomaaliya waxay la mid yihiin kuwa adduunka, waxayna leeyihiin xasaanad ay ku shaqeeyaan si ay howlahooda welwel la’aan u gutaan. Hadaba xasaanadda xildhibaanada intee ayey gaarsiisan tahay? Baarlamaanada aduunka way kala duwan yihiin. Dal walba sharcigiisa iyo xeerarkiisa ayuu ku dhaqaa xildhibaanada. Sida uu dhigayo dastuurka Soomaaliya xildhibaanku waa in aysan dhibaato ka soo gaarin fakarkiisa. “Xildhibaanka Golaha Shacabka dhibaato kama soo gaari karto fikradda ama codka uu ka hor dhiibto Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah iyo guddiyadiisa”. Sidoo kale dastuurka Soomaaliya waxa uu sheegayaa in aan xildhibaanka lagu qaadi karin dacwad ciqaabeed ama aan la xiri karin oo aan la baari karin hadaan lagu qaban isagoo faraha kula jira dembi sharci ahaan khasab ah in la soo saaro maxkamad. Arrimahasi oo dhan waxay muujinayaan in xildhibaanka si weyn looga ilaaliyay in aan si fudud loo ciqaabi karin. Dhacdadii shalay ee Baarlamaanka Muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada ayaa lagu arkay xildhibaano taagan meel aan ka fogeyn guddoonka oo qaylinaya iyo buuq ka jira gudaha baarlamaanka. Askar ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa sidoo kale iyagoo gacmaha is haysta celinayay in ay dhaafaan xildhibaanada. Askarta booliska ayaa xildhibaanada ka hortaagnaa in ay dhaafaan oo u gudbaan kuraasta guddoonka. Waxaa kaloo lagu arkay muuqaallada baraha bulshada la soo dhigay askari ka tirsan booliska oo feer lagu dhuftay. Askariga ayaan gacan qaadin, siina watay howshiisa. Ugu dambeyn askariga waxaa soo gaaray dhawac keenay in la dhigo isbitaalka. Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa sarkaalkaas booliska ku booqday isbitaalka waxay ka hadleen aragtidooda sidii ay wax u dhaceen. Senetor Cabduweli Ibraahim Aaden Garyare ayaa ku ammaanay sida askariga booliska isku xakameeyay, wuxuuna sheegay in ay tahay wax lagu farxo sida uu u dhaqmay sarkaalkaas. “Arintan waxay keeneysaa in uu hormuud u noqdo askarta kale oo ay ku daydaan”. Xildhibannada hadlay ayaa sheegay in aysan aheyn in la siyaasadeeyo oo si hoose loo xaliyo arrintan. “Hadii dhaqanka Soomaalinimada ee sida hoose wax lagu xaliyo la maro, waxay keeneysaa in baarlamaanka sidan ahaado, dalkana uusan hagaagin”. ayey tiri xildhibaan Farxiyo Muumin oo ka mid aheyd xildhibaanada isbitaalka ku booqday askariga. Xildhibaanada ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay wax laga xumaado askariga oo taagan oo aan waxba geysan in gacan loo qaado. In xildhibaanada ay gacan qaadaan ma ahan wax ku cusub baarlamaanka Soomaaliya. Dhexdooda hore ayey u dagaallameen. Xildhibaan Maxamad Cabdillahi Xasan Nuux ayaa sheegay in ay jiraan dhacdooyin tan la mid ah oo hore u dhacay balse aysan heerkaan gaarsiisneyn. “Waxaa jiray qaar kale oo xildhibaanada baarlamaanka wax u geysteen oo ay dhaawaceen, laakiin ninkan isbitaalka ku jira, walaalkeen Axmed, waa kii ugu darnaa” Xildhibaan Nuux wuxuu sheegay in aysan suuragal ahey in intaad qof gacantaada ku disho haddana aad tiraahdo ‘xasaanad ayaan leeyahay ama maxaa igama galay'”. Baarlamaanka ayaa shalay xilliga uu buuqa dhacay ansixiyey guddiga dorashooyinka iyo xuduudaha, waxayna sidoo kale arrintan ku soo aadday ayadoo maxkamadda gobolka Banaadir ay soo saartay ruqsad lagu soo qabanayo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Ilaa hadda ma jirto cid loo qabatay falkaas. Isha: BBC
-
Ramallah (Caasimada Online) – Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa magacaabay qofka sida ku-meel gaarka ah xilka ula wareegi doona haddii uu geeriyoodo ama uu xilka ka tago, isaga oo waxa ka qabanaya walaaca laga qabo in firaaq dhinac awoodda ah uu dhaco marka uu xilka ka tago. Bayaan uu soo saaray gelinkii dambe ee Arbacadii ayuu Cabbaas ku sheegay in guddoomiyaha Golaha Qaranka Falastiin uu si ku meel gaar ah u hayn doono xilka, wax aan ka badan 90 maalmood, xilligaasi oo ay tahay in la qabto doorasho madaxweyne. Guddoomiyaha hadda ee guddiga ugu sarreeyaa go’aan gaarista Falastiin waa Rawhi Fattouh, oo 75 jir ah, oo sidoo kale muddo kooban soo noqday hoggaamiye ku-meel gaar ah ka dib geeridii Yaasir Carafaat ee 2004. Cabbaas, oo 89 jir ah, waxa uu ahaa madaxweynaha Falastiin tan iyo 2005, waxaana sannadihii u dambeeyay uu wajahayey dhibaatooyin caafimaad oo joogto ah, taasi oo keentay in la isla dhex maro cidda beddeli karta marka uu ugu dambayn dhinac istaago. Cabaas ma lahan ku xigeen, waxaana ilo xog ogaal ah ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters horaantii bishan in Sacuudi Carabiya ay ku cadaadiyeen in uu mid magacaabo. Ku dhawaaqidda uu Cabaas sameeyey Arbacadii ayaa meesha ka saaraysa hubanti la’aanta ku saabsan waxa dhici doona marka uu dhinto, laakiin Fattouh looma magacaabin ku-xigeenkiisa, taasi oo la macno ah inaan wali la aqoon cidda bedeli karta Cabbaas mustaqbalka fog. Wasiirka beeraha ee Israa’iil, Avi Dichter, oo xubin ka ah golaha ammaanka gudaha, ayaa koox saxafiyiin shisheeye ah u sheegay toddobaadkan in ciidammada Israa’iil ay la wareegi doonaan Daanta Galbeed haddii qof ka tirsan kooxda Xamaas uu isku dayo inuu madaxweyne noqdo. Cabbaas ayaa xilka loo doortay 2005 muddo afar sano ah, balse tan iyo xilligaas ma dhicin wax codbixin ah, waxaana hadda uu yahay mid dadku naceen, ayada oo ra’yi ururin la sameeyay bishii September ay muujisay in 89% Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed ay doonayeen inuu xilka iska casilo.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamo hor leh oo ka tirsan Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta ku biiray ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo Axmed Madoobe uu difaac ka geliyey deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose. Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka maanta baneeyey garabka Axmed Madoobe ayaa sheegay inay gaarayaan ilaa 200 oo askari. Sidoo kale waxay saraakiishaas ka warbixiyeen xaaladihii adkaa oo ay soo mareen, sanadihii ay ka tirsanaayeen ciidamada Jubbaland. Waxay sheegeen mushaarkoodu uu ahaa $100 oo mararka qaar aysan heli jirin, sidoo kale waxay sheegeen in dalacsiin iyo waxyaabo badan oo ay mudnaayeen aysan ka helin maamulkii ay la shaqey jireen ee Jubbaland. Horay waxaa dowladda federaalka ula saftay ciidamo badan oo Axmed Madoobe u diray Raaskambooni, si ay u weeraraan ciidamada xoogga, balse ma dagaalamin ee waxay isku dhiibeen ciidanka qaranka. Ciidamo hor leh ayaa la sheegay in hadda ay qorsheynayaan inay ku biiraan ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Raaskambooni, kuwaas oo baxsad ka ah maamulkii ay sanadaha badan la shaqeynayeen ee Axmed Madoobe. Dowladda Federaalka ayaa ciidanka Jubbaland ka balan-qaaday in hadii ay ka soo tagaan Axmed Madoobe la siinayo mushaar, darajo iyo in la qarameynayo oo lagu darayo ciidanka xoogga dalka. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa toos u hor boodaya qorshaha dowladda federaalka ay ku soo afjareyso maamulka sanadaha badan jiray Axmed Madoobe, waxaana dhanka gobolka Gedo ka socda olole kale oo xooggan. R/Wasaare Xamsa ayaa maanta u safray dalka Kenya, si xiriirka Axmed Madoobe iyo Kenya uu meesha uga saaro, waxaana Nairobi ka socda kulamo oo Xamsa la yeelanayo madaxda dalkaas.
-
Suddenly, everything is about a tiny, unrecognized state that few will ever have heard of: Somaliland. The fate of this piece of geopolitical real estate is now tied up with everything from Israel’s war on Gaza to the Houthi attacks on the Red Sea, and quite a few geopolitical centers of activity in between the two. The fact that a UK former defense minister is spreading rumors that U.S. president-elect Donald Trump will officially recognize Somaliland, a strategic breakaway region of Somalia that sits on the Red Sea, is only one of many dominoes falling around this tiny would-be nation. In 1991, Somalia, a former British protectorate, claimed independence from Somalia, and it’s survived more or less quietly since then–until its strategic positioning on the Red Sea made it a prized possession of high-level geopolitical consequence. Turkey’s been milling around it for ages, already, with Erdogan always spotting opportunities well in advance. But Turkey’s game is to shore up its power in Somalia, not Somaliland, and its strategy is a broader one: to pre-insert itself in various situations that position it to have a strong enough business foothold and act as an indispensable mediator and power broker (like in Libya). Ethiopia and Somalia are fighting over it. Turkey and Greece are fighting over it. Egypt, too, has some skin in this game, as does Israel, which is looking for some prime real estate to safely bomb the Houthis from. Everyone wants a piece of Somaliland these days. And it’s attracting a lot of money for its port, including from Ethiopia and the UAE, which makes neighboring Somalia and its increasingly influential benefactor (Turkey) nervous. The port deal with Dubai then attracted money from Ethiopia–a landlocked neighbor desperate to get a foothold on the coast. The January 2024 port deal raised tensions exponentially, to the point of questioning Somalia’s sovereignty as its breakaway region began to gain more power than Somalia proper. The port deal came with a quid pro quo that went beyond money. The deal, which for now remains an MOU, would allow Ethiopia its coveted Red Sea port lease and would give Somaliland official recognition. This puts Somalia dangerously at odds with Ethiopia because it’s a question of sovereignty. And with the battle against Yemen’s Houthi rebels in the Red Sea, Somaliland’s value has just soared. Not only does the previously unassuming breakaway region have an impressive Gulf of Aden coast, but it’s also right at the entrance to the Bab el-Mandeb Strait–the key target of the Houthis that sees over 30% of all seaborne world trade. Many have already been using Somaliland’s coast via proxy, in neighboring Djibouti, where the Who’s Who of foreign powers already have military bases. The same is true for Eritrea. But it’s Somaliland that is the core of the coastal power game. Turkey’s meddling is also escalating things. Turkey’s energy exploration deals with Somalia will see it deploy Turkish Naval forces in a maritime zone that both Somalia and Somaliland claim. Somaliland has already warned Turkey against such a move. Turkey, ever playing the role of beneficial mediator, is pushing for direct negotiations between Somalia and Somaliland, but if Ankara oversteps, we could see a major response from Somaliland and possibly its allies. As this competition for Somaliland continues to intensify–and it will–it risks becoming the next hot spot conflict involving very clear groups of foreign enemies and allies. Source Oilprice Qaran News
-
Belgrade (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Serbia, ayaa tababar xirfadeed ugu soo xiray saraakiil Soomaaliyeed oo ka tirsan qeybta Baarista Dambiyada (CID). Saraakiishan oo laga soo xulay dhammaan maamul-goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir, ayaa muddo tababar sare ku qaadanayay kuliyadaha Booliska Serbia ee Goć. Tababarka ayaa diiradda lagu saaray farsamooyinka casriga ah ee baarista dambiyada, falanqaynta caddeymaha, maaraynta dambiyada abaabulan, iyo adeegsiga teknolojiyadda sare ee baarista. Wasiirka ayaa saraakiisha ku bogaadiyay dadaalkooda iyo guulaha ay ka soo hooyeen tababarka, isagoo uga mahadceliyay Serbia taageerada ay siisay Soomaaliya. Wasiir Fartaag, ayaa uga mahadceliyey dowladda Serbia tababarka iyo taageerada kala duwan ee ay la garab taagan yihiin ciidanka Soomaaliyeed iyo hey’adaha dalka. Dowladda Serbia ayuu sheegay Wasiirku inau gacan wayn ka geysato sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagaxisada ah ee khatarta ku ah amniga guud ee caalamka.
-
Waxaa shaki ku jirin dadaalka Bunuugta Islaamiga iyo doorka ay ka qaataan adeega bulshooyinka kala duwan ee Islaamka. Qiimaynta Maaliyadda Islaamku maanta waxy u dhigantaa $3.9 trillion oo ku baahsan in ka badan 80 wadan iyadoo inteeda badan ay ku urursan tahay suuqyo kala duwan laakin ay baaxadooda yartahay. Isbarbardhigga xogta laga helay ilo kala duwan waxay muujineysaa in 10 waddan oo kaliya ay yihiin ku dhawaad .95% hantida u dhiganta hantida shareecada adduunka. Tobankii sano ee la soo dhaafay, dhaqaalaha Islaamku wuxuu ku koray xawli aad u sarreeya sanadkiiba 10%. Marka loo eego warbixinta dhaqaalaha Islaamka ee 2023, wadarta hantida shareecada waafaqsan waxay AYADUNA kori doontaa $5.95 tiriliyan marka la gaaro 2026 inkastoo taasi ay ku xiran tahay horumarka dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee suuqyada Islaamka. Maaliyadda Islaamka ee Afrika Wadamada kale ee aduunka sida wadamada Saxaraha ka hooseeya, waxaa hadda bilaabmaya in dhaqaalaha iyo adeega bunuugta Islaamka islaamku uu ka bilaabmo asagoo sagana ku socda si xowli ah. Tusaale xusid mudan; Bishii Maarso 2024, Uganda waxay furatay bangigii ugu horreeyay ee ku dhaqma shareecada Islaamka. Somalia: IRBS Awards 2024: 10th Islamic Retail Banking Awards 2024 – Salaam Somali Bank Awards Achievements Ayadoo laga duulaayo muhiimada in la muujiyo wax qabadka iyo dadaalada Bangiyada Islaamka, , ayaa waxaa laga maarmaan ah in la helo gola qiimeeya horumarka ay gaaraan Bangiyada Islaamka ee Caalamka. Isu taga Isbahaysiga Ganacsiga ee Mas’uulka ah wuxuu suurto galiyay madasha abaalamarinada Bunuugta Islaamka Aduunka. Sanadka Abaalmarinnada 10aad ee Bangiyada Islaamiga ah 2024 waxaa loo dabbaaldegay hal-abuurka qaybta bangiyada Islaamiga ah, iyada oo la aqoonsanayo hay’adaha muujiyay sida ay uga go’an tahay maalgelinta shareecada waafaqsan. Salaam Somali Bank Salaam Somali Bank waa mid fure u ah horumarinta mabaadi’da bangiyada Islaamka ee Soomaaliya. Salaam Somali Bank waxa uu safka hore kaga jiray kobcinta ka mid noqoshada maaliyadeed ee gobolka iyo bixinta adeegyadii bangiyada. Iyada oo la raacayo hab ku salaysan macaamiisha, bangiga waxaa loo magacaabay Abaalmarinta IRBS 2024. Salaam Somali Bank waxaa loo doortay Abaalmarintii 10-aad ee Islamic Retail Banking Awards 2024, taasoo muujinaysa sida ay uga go’an tahay inuu heer sare ka gaaro hab-dhaqanka bangiyada Islaamka. Sanadkan, Guddiga Abaalmarinnada Banuugta Islaamiga ah (IRBS) ayaa go’aamiyay in Salaam Somali Bank uu helo Bankiga Islaamka ugu Wanaagsan ee Soomaaliya xagga Tayada Adeegga iyo hawlgallada 2024. Aqoonsigani waxa uu xoojinayaa Heerka bangigu ka taagan yahay ee ah hormuudka qaybta bangiyada Islaamiga ah, isaga oo gacan ka geysanaya horumarinta maaliyadda ee wadanka .Salaam Somali Bank waxa uu hiigsanayaa in uu kor u qaado bixinta adeegyo bangi oo u hogaansan mabaadi’da Islaamka. Bangigu waxa kale oo uu diirada saari doonaa horumarinta ka-qaybgalka macaamiisha iyada oo loo marayo adeegyo ku habboon iyo xalalka bangiyada dhijitaalka ah. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa la filayay inay aqoonsan doonaan Ilyaas Badal Gaboose oo dhawaab mucaaradka Jubbaland ay ku doorteen magaalada Kismaayo, laakiin ma dhicin. Hoggaamiye xil-gaarsiin ah oo dowladda kala shaqeynaya qabashada doorasho qof iyo cod ah in loo aqoonsan doono Ilyaas Badal ayaa xooganeyd. Haddaba, maxaa beddelay aragtidii dowladda? Waxaa jira laba qodob oo si weyn loo qaateen u ah oo ay dowladda federaalka Soomaaliya uga gaabsatay inay ku deg-degto aqoonsiga Ilyaas Badal Gaboose. 1. Nooca doorashada Nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u dagaalamaya in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, halka inta kasoo horjeedana ay hoosta ka xariiqayaan in aanay taasi macquul aheyn. Doorashada Ilyaas Badal qabsaday iyo midda uu qabsaday Axmed Madoobe waa isku nooc. In aad diido doorasho dadban oo haddana aqoonsato Ilyaas Badal oo kusoo baxay doorasho dadban waa inaad beenisay doonistaadii. Madaxda kooxda tallada haysa ee Soomaaliya waxaa la sheegay inuu si weyn qodobkaasi u celiyay oo ay isku raaci waayeen inay aqoonsadaan doorasho dadban. Axmed Madoobe, isaga keliya laguma haysto doorasho dadban ee waxaa kale oo lagu haystaa in uusan dastuuriyan mar saddexaad tartami karin. 2. Magaalada uu joogo iyo dhaq-dhaqaaq Madoobe Midda labaad ee dowladda federaalka uga gaabsatay arrinta aqoonsiga Ilyaas Badal iyada oo ka fikiri kartay qaabab badan oo ay ku jirtay magacaabis hoggaamiye xil-gaarsiin ah, iyada oo doorashada dhanba la laali karay, waa inuu weli joogo magaalada Kismaayo. Dowladda federaalka ayaa la sheegay inay aaminsan tahay in haddii laba sano oo xil-gaarsiin ah ay u magacaaban Ilyaas inuu Axmed Madoobe weerar ku qaadi doono Ilyaas, uuna ugu yaraan xiri doono. Maamulkii dowladda aqoonsatayna haddii xabsi la galiyana waa dharbaaxo culus oo ku dhici laheyd dowladda. Labadaan qodob markii la isku geeyo dowladda federaalka ayaa dib u dhigtay sida laga yeelayo kiiska Ilyaas Badal Gaboose, waxayna taas beddelkeeda aadeen dagaal guud oo ka dhan ah Axmed Madoobe. Sida aan xogta ku helnay dowladda weli kama tanaasulin qorshaha Ilyaas Badal. Waxayse isku raadineysa marxalad uu meel nabad ah joogo, saameynta dowladda ee Jubbooyinka oo xoogeysata, Axmed Madoobe oo intaan ka tabar yar iyo dowladda oo si buuxda wax u tari karta Ilyaas Badal. Haddii aad isweydiineyso goorme ayaa taas la gaari karaa waxay ku xiran tahay sida ay dowladda u shaqeyso, una hagaajiso aragtideeda iyo xubnaha arrintaan kala shaqeynaya. Tii oo aan dhinaca kale la inkiri karin inuu Axmed Madoobe yahay nin aan si fudud siyaasad ahaan iyo ciidan ahaan loo jabin karin.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ayaa maanta si rasmi ah ugu dhowaaqay inuu joojiyay xiriirkii iyo wada-shaqeyntii kala dhaxeysay dowladda federaalka Soomaaliya. Go’aan ka soo baxay golaha Wasiirada Jubbaland oo maanta ku shiray Kismaayo ayaa xukuumadda federaalka Soomaaliya ku eedeysay inay ku tumatay dastuurka dalka. “Dowladda Jubbaland waxaa uu waajib dastuuri ah ka saaran yahay in ay difaacdo, ilaaliso midnimada iyo wada-jirka dadka Jubbaland oo ah lama taabtaan aan lagu xad-gudbi karin,” ayaa lagu yiri go’aannada kasoo baxay golaha wasiirada Jubbaland. Jubbaland ayaa sheegtay in tallaabooyinka ay qaaday dowladda federaalka oo ay kamid yihiin wax ka beddelka dastuurka iyo xeerarka doorashooyinka ay yihiin kuwo sharci darro ah oo khatar ku ah midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu golaha wasiirada Jubbaland ku tilmaamay go’aannada dowladda federaalka inay yihiin afgambi ka dhan ah nidaamka dastuuriga ah, taasi oo halis gelinaysa dowladnimada iyo wadajirka umadda. Jubbaland ayaa wax kale oo ku dhawaaqday gogol wadatashi oo ay ugu baaqday dhammaan saamileyda siyaasadda dalka in ay kasoo qeyb galaan, sidii looga tashan lahaa aayaha dowlad-dhiska iyo midnimada dadka Soomaaliyeed. “Dowladda Jubbaland waxay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeysaa inay ilaashadaan nabadooda, midnimadooda, talo iyo go’aanna ku yeeshaan badbaadinta dowladnimada nugul iyo geedo socofka dowlad dhiska.”
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka ONLF ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland, kaas oo gaaray meeshii ugu xumeyd, iskuna beddalay gacan ka hadal iyo dagaal toos ah. Warsaxaafadeed kasoo baxay ONLF ayaa waxaa lagu sheegay in ururka uu aad uga walaacsan yahay xaaladda kasoo korortay Soomaaliya, gaar ahaan xiisadda labada dhinac ee keentay in ciidamo la geeyay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose. ONLF ayaa shaaca ka qaaday in laga haboon yahay colaaddaan oo ay tilmaamtay inay kusii fidi karto deegaannada kale ee dalka iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika. Qoraalka kasoo baxay Ururka ONLF ayaa sidoo kale baaq loogu diray labada dhinac oo laga dalbaday inay fursad siiyaan wada-hadallo toos ah, si loo dhameeyo xiisadda dhexdooda ah. “Nabaddu waa waddada kaliya ee lagu xalin karo dhibaatada maanta ka dhex taagan Dowlaadda Federaalka iyo Jubbaland” ayaa lagu yiri nuqul kamid ah warsaxaafadeedka. Ugu dambeyn ONLF ayaa ka codsatay dalalka dariska iyo beesha caalamka inay soo farageliyaan xiisadda, si xal loogu helo khilaafka kasii daraya ee Muqdisho iyo Kismaayo. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan meeshii ugu xumeyd uu gaaray khilaafka dowladda dhexe iyo Jubbaland oo geeray heer ay awood ciidamo isku adeegsadaan labada dhinac. Dowladda Federaalka ayaa soo saartay waaran lagu soo xirayo Axmed Madoobe, halka Jubbaland ay uga jawaabtay waaran kale oo ay sheegtay in lagu soo qabanayo madaxweyne Xasan Maxamuud, waxaana mid kasta uu dhinaca kale ku21 eedeeyay inuu galay khiyaano qaran oo wayn.
-
On the night of July 19, a drone swooped down over Tel Aviv’s beaches, killing Evgeny Freder in his sleep not far from the U.S. embassy building. Israel’s defense establishment was caught with its pants down – nobody thought that a small, slow, lugubrious aircraft, launched over 2,000 kilometers (1,200 miles) away, from Yemen, would be able to evade Israel’s advanced air defense systems, fly around Tel Aviv, kill one person, wound 10 others and cause panic. The attack demonstrated the operational capabilities of Yemen’s Houthis who, ever since the Arab Spring, have become a well-financed and well-armed proxy for Iran in its conflicts with Saudi Arabia and Israel. It also forced Israel’s defense establishment – which until then had left the U.S. and Britain to come up with a military response to the Houthis – to realize that Israel must find its own solutions to defeat the Yemeni threat. Israel also realized it will not be able to send its fighter jets on long, expensive raids on Yemen every time a $20,000 Houthi drone explodes inside the country – especially given that the Houthis are believed to have one of the world’s largest stockpiles of drones. Therefore, Israel has had to seek out more efficient alternatives. In the late 19th century, Britain and Italy gained control on the Somali sphere, setting up British Somaliland – which corresponds to modern-day Somaliland – as a protectorate. Click here to read more about this article . Qaran News
-
Mogadishu (PP News Desk) — A new paper by Somali Public Agenda, a Mogadishu-based think tank, has brought to light issues arising from the introduction of a 5% sales tax in August 2024 to boost domestic revenue. The sales tax expands the scope of the 1984 Sales Tax Act, covering essential services such as electricity and water. Retail consumers bear the cost of the sales tax on every transaction. While the tax has generated significant revenue for the Federal Government of Somalia, compliance is stronger in central Mogadishu’s business district than in peripheral districts. Resistance stems from public mistrust, technical inefficiencies and its impact on low-income families, whose budgets are adversely affected by price increases resulting from the sales tax. Somali Public Agenda recommends exempting necessities, increasing transparency and improving administrative capacity. The think tank highlights the potential for growth if the government builds public trust and harmonises tax implementation across regions. The paper does not address how the sales tax can be introduced in other parts of Somalia without political agreements. The incumbent Federal Government of Somalia views the new sales tax as an opportunity to portray progress in state capacity, despite the absence of a consensus on how such a policy can be credibly and transparently implemented by the Federal Member States. President Hassan Sheikh Mohamud has stated that the Federal Government of Somalia would use security forces to ensure compliance with paying the sales tax, rent tax, and other forms of taxation collected by the Federal Ministry of Finance. The Federal Government of Somalia employed plainclothes revenue protection officers to prevent sales tax evasion. © Puntland Post, 2024 The post Somali Consumers Bear the Cost of the “5% Sales Tax” appeared first on Puntland Post.
-
Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay go’aan ay ku hakiyeen xiriirka iyo wada shaqayntii ay la lahaayeen Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyay inay ku xadgudubtay Dastuurka KMG ee Soomaaliya. Jubbaland waxay cambaareysay tallaabooyinka Dowladda Federaalka oo ay ku tilmaantay kuwo sharci-darro ah, khatarna ku ah midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Go’aankan oo ay soo saareen Golaha Wasiirada Jubbaland wuxuu si gaar ah u taabtay arrimaha la xiriira: Wax ka beddelka Dastuurka Xeerarka Doorashooyinka Qaranka, kuwaas oo Jubbaland ay ku tilmaantay “afgambi ka dhan ah nidaamka dastuuriga ah.” Goluhu wuxuu sheegay in tallaabooyinkani khatar ku yihiin dowladnimada dalka, isla markaana halis gelinayaan isku-duubnida dadka Soomaaliyeed. Jubbaland waxay ku baaqday Gogol Wadatashi Qaran oo ay ugu yeertay dhammaan saamileyda siyaasadda dalka si looga arrinsado mustaqbalka dowlad-dhiska iyo midnimada Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
In a significant development for Taiwan’s international relations, Somaliland’s newly elected president, Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro), has pledged to maintain and strengthen the region’s ties with Taiwan. This announcement follows his victory in Somaliland’s presidential election, marking a peaceful transition of power from incumbent President Muse Bihi Abdi. A Strong Foundation of Friendship Despite Somaliland’s unrecognized status as a breakaway region from Somalia since 1991, the autonomous region has cultivated a unique relationship with Taiwan. Since 2020, Taiwan and Somaliland have exchanged representatives and established offices akin to embassies, fostering collaboration in areas such as public health, agriculture, education, and infrastructure development. Taiwan’s Ministry of Foreign Affairs (MOFA) extended congratulations to Abdullahi, emphasizing optimism for continued cooperation. During his campaign, Abdullahi assured that Somaliland’s relationship with Taiwan would “not change in any way,” reaffirming the commitment despite shifts in leadership. Key Bilateral Projects Taiwan and Somaliland’s partnership has already yielded notable progress. Among the flagship initiatives are: 1. The Taiwan Road Project: A $1.85 million venture connecting Hargeisa Airport with the city. Taiwan has pledged to sponsor 70% of the first phase, underscoring its investment in Somaliland’s infrastructure. 2. The Taiwan Medical Center in Hargeisa: Backed by a $22 million grant, the center is set to improve Somaliland’s healthcare capacity. Preparations for both projects are underway, with construction expected to commence as Abdullahi takes office. Somaliland’s Pursuit of Recognition Somaliland, which declared independence over three decades ago, continues to seek international recognition. Abdullahi is anticipated to intensify these efforts, possibly looking toward the incoming U.S. administration under Donald Trump for support. While Somaliland has yet to achieve formal recognition, its partnership with Taiwan highlights a mutually beneficial relationship. However, challenges loom, including potential overtures from China, which might leverage economic incentives to sway Somaliland into recognizing the “One China” policy—a stance firmly rejected by the previous Somaliland administration. A Leader with a Global Perspective Abdullahi’s background reflects a blend of international experience and local dedication. A former ambassador to the Soviet Union, Abdullahi fled to Finland during Somalia’s civil war before returning to Somaliland in 2002 to establish a political party. His political career includes serving as Speaker of Somaliland’s House of Representatives (2005–2017) and running for president in 2017. His victory in the 2024 election, with 64% of the vote, marks a new chapter for Somaliland. A Moderate Approach Analysts suggest Abdullahi’s administration may adopt a more moderate stance toward Somalia while doubling down on international recognition efforts. This dual strategy could enable Somaliland to balance regional stability with its aspirations for autonomy. Taiwan’s Commitment to Somaliland Taiwan remains steadfast in its support of Somaliland. Wang Wen-lin, Director of MOFA’s Asia and Africa Department, reaffirmed Taiwan’s commitment to bilateral projects and praised Somaliland for successfully holding its presidential election. While the future holds challenges, Abdullahi’s leadership presents opportunities for deepening Taiwan-Somaliland ties and advancing Somaliland’s quest for global recognition. With continued collaboration, Taiwan and Somaliland are poised to strengthen their partnership, creating lasting impacts on both regions. Qaran News
-
Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in Shiinuhu uu sii daayay saddex qof oo Mareykan ah kadib markii labada ay is waydaarsadeen maxaabiis. Waa maxaabiistii ugu dambeysay ee ku xiran Shiinaha ee ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanku ku dhawaaqdo in si sharci darro ah lagu xiray. Ganacsade ka soo jeeda gobolka Texas oo lagu magacaabo Mark Swidan ayaa xirnaa tan iyo 2021-kii isagoo lagu eedeeyay ka ganacsiga daroogada.Halka labada kale oo kala Kai Li iyo John Leung lagu eedeeyay basaasnimo. Sida ay sheegayaan wararka, sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Shiinaha, oo u xirnaa FBI-da Mareykanka ka dib markii lagu xiray weerar ay fulisay, ayaa la sii daayay. Qaran News
-
Xaafadda dabaqadda dhexe ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa si weyn loogu baroor-diiqayaa qoyska Fatxi Xuseen oo 26-jir ah. Waxay ka hadlayaan argagaxa maalmihii ugu dambeeyay ee nolosheeda. “Dadkii ka badbaaday ayaa inoo sheegay inay gaajo u dhimatay,” Samira, oo ah gabar la dhalatay Fatxi ayaa khadka taleefoonka sidaasi ugu sheegtay BBC. “Waxay ku jireen badda muddo 14 maalmood ah, dadku waxay cunayeen kalluun ceeriin ah, waxayna cabayeen biyaha badda taasoo ay diiday. Waxay sheegeen in ay bilaawday inay aragto waxyaabo dhalanteed ka hor inta aysan dhiman ka dib maydkeedii waxay ku tuureen badda. Maamulka deegaanka ayaa sheegay in Fatxi ay ka mid ahayd 24 qof oo Soomaali ah oo ku dhintay labo doonyood oo ay la socdeen ku dhawaad 70 qof oo ku dagtay xeebaha Madagascar. Dadka badbaaday ayaa sheegay inay isku dayayeen inay gaaraan jasiiradda Mayotte ee dalka Faransiiska, taasoo ah waddo cusub oo khatar ah oo ay maraan Soomaalida magangelyo doonka ah Boqollaal muhaajiriin ah ayaa la rumeysan yahay inay dhintaan sanad walba iyagoo isku dayaya inay u gudbaan jasiirad yar oo Faransiiska ku taal, oo 190 mayl waqooyi-galbeed kaga beegan Madagascar ee Badweynta Hindiya. Taariikhdu markii ay ahayd 1-dii Noofambar, Fatxi ayaa ka soo duushay Soomaaliya kuna sii jeeday dekedda Mombasa ee dalka Kenya, waxaana ay halkaas ka soo raacay maalmo ka dib doon uu ku tagayso Mayotte. Samiira waxa ay sheegtay in Fatxi ay u sheegtay walaashood ka yar in ay ku bixisay kharashka lacag ay ka shaqaysatay goob lagu dumarka lagu qurxiyo balse ay qorshahan ka qarisay qoyskeeda intiisa kale. “Waxay necbayd badweynta, ma garanayo sababta iyo sida ay go’aankaas u qaadatay, waxaan jeclaan lahaa in aan habsiiyo,” ayay tiri Samira. BBC-da ayaa la hadashay shan muhaajiriin ah oo sida Fatxi oo isku dayay inay gaaraan Mayotte. Waxay noo sheegeen in ay jiraan laba dariiq oo aasaasi ah ee ka baxa Soomaaliya ilaa jasiiradda. Qaarkood waxay doon ka raacaan Mombasa iyagoo sii maraya Comoros, halka kuwa kale oo lacag badan haysta ay Itoobiya uga duulaan Madagascar – sababtoo ah dadka haysta baasaboorka Soomaaliya waxay u qalmaan inay helaan fiisaha markay yimaadaan – ka dibna waxay raacaan doon yar oo ay ku tagaan Mayotte. Waxay u aadaan Mayotte sababtoo ah dad badan ayaa aaminsan inay u furi doonto albaabka helitaanka baasaboorka Faransiiska iyo gelitaanka Yurub. Xigashada Sawirka,Getty Images Qoraalka sawirka,Muhaajiriin ku soo xoomay doon yar kuwaas oo ay isku dayaya in ay gaaraan Mayotte Soo galooti cusub Mayotte waa qayb yar oo Faransiiska ka tirsan oo ku taal Badweynta Hindiya, dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxay noqotay goob dagaal oo xagga sharciyada socdaalka. Waxay ahayd qayb ka mid ah Faransiiska tan iyo 1841, Mayotte hadda waa waax ama gobolka Jamhuuriyadda taas oo macnaheedu yahay, aragti ahaan, isla xeerarka qaadashada baasaboorka ayaa lagu dabaqayaa meel kasta oo kale oo Faransiis ah. Laakiin soogalootiga tirada badan ee dhowaanahan ku soo qulqulaya ayaa ku riixaya xukuumadda Madaxweyne Emmanuel Macron inay ka tagto mabda’a xurmada leh ee Faransiiska ee sinnaanta dadka oo dhan. Booqashadiisii Mayotte bishii Febraayo ee sanadkan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Gérald Darmanin ayaa ku dhawaaqay in xuquuqda tooska ah ee dhalashada Faransiiska ee jasiiradda la burin doono. Isbeddel dastuuri ah oo arrintan ku saabsan ayay dowladdu wadaa. Laakiin tani kama joojin soogalootiga inay yimaadaan. Qoyska Fatxi ayaa sheegay in safarkeeda uu ku dhamaaday masiibo markii doonteeda yar ay ku luntay badda. Waxa ay BBC-da u sheegeen in markii ay taasi dhacday ay kooxihii wax tahriibinayay ay matooradii ka soo saareen doonyaha oo ay dib ugu laabteen Kenya. Waxay ka tageen Soomaalidii oo go’doonsan, oo badda dul heehaabaya. Mukhalasiinta ayaa u sheegay, “Waxaad ku gaari doontaan Mayotte saddex saacadood, taasoo isu beddeshay 14 maalmood,” ayay tiri Samira. Frantz Celestin, oo ah Agaasimaha Gobolka Bariga, Geeska iyo Koonfurta Afrika ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka ayaa sheegay in ay sii kordheyso in muhaajiriintu ay naftooda halis galiyaan iyagoo isku dayaya in ay gaaraan jasiiradda Faransiiska. “Dhowaan 25 qof ayaa ku dhintay iyagoo safar kaa la mid ah ku jira, inta badan waxay sii maraan Comoros iyo Madagascar, guud ahaan sanadkan wuxuu ahaa sanadkii ugu dhimashada badnaa soogalootiga,” ayuu yiri. Qoraalka sawirka,Khariidad muujinaysa dariiqyada ay tahriibayaashu u maraan Afrika ilaa Mayotte. Ballanqaad nolol cusub Inta yar ee nasiibka u yeelatay ee ka badbaadaan jidkan halista ah waxa ka mid ah Khadar Maxamed. Waxa uu yimid Mayotte kow iyo toban bilood ka hor, laakiin waxa uu aad u xusuustaa dhibaatadii foosha xumayd ee uu u soo maray si uu u gaaRo jasiiradda yar ee Madagascar. “Markii aan imid Madagascar, waxaa la i geeyay guriga mulkiilaha doonta, waxaan joognay halkaas 14 maalmood, waxaan ahayn Soomaali iyo kuwa kale oo ree Madagascar ah,” ayuu yiri. Kooxda doonta sugaysay ayaa gaartay 70 qof. Waxa la saaray doon, waxaana la sii mariyay webi si ay ugaaran badweynta. Khadar ayaa sheegay in uu Soomaaliya uga soo tagay xaalad amni oo jirta. Waxa uu aaminsan yahay in uusan haysan wax kala doorasho maadaama noloshiisa ay halis ku jirtay sababtoo ah waxaa uu sheegay inuu bartilmaameed u ahaa kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. “Dalkayga waxaan uga soo tagay badbaadadayda. Waxaan ahaa milkiile ganacsi, mana awoodin in aan shaqadayda qabsado al-Shabaab darteed,” ayuu yiri. Qoysaska dhibanayaasha oo aan la hadalnay ayaa BBC-da u sheegay in eheladooda ay nolol cusub u ballan qaadeen dadka wax tahriibiya sidaas darteed waxay bixiyeen lacag dhan 6000 oo doolar si ay uga safraan Mombasa ilaa Mayotte. Kala bar lacagtaas ayaa la sii bixiyaa. Qaar badan sanado ayay ku qaadan kartaa inay kaydiyaan lacagtaas. BBC-du waxay aragtay akoonnada barta bulshada ee TikTok ee lagu xayaysiisyo safarro lagu tagayo Mayotte iyo xitaa meelo kale oo Yurub ah. Xayeysiintu waxay tilmaameysaa in hawl-wadeenadu ay dadka geyn karaan Mayotte iyagoo isticmaalaya doomo dalxiis oo waaweyn, laakiin qoysaska dhibbanayaasha ayaa sheegaya in mukhalasiinta ay isticmaalayaan doomo kalluumeysi oo aad u yaryar oo maxalli ah oo lagu magacaabo kwassa. Dowladda Faransiiska ayaan ka hadlin musiibadan dhawaan dhacday. Laakin Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Dowladda Madagaskar ay ku wargelisay Tahriibayaal Soomaali ah oo la socday Labo Doomood oo ku qaraqmay Xeebaha Soomaaliya. Wasiirka ayaa intaa ku daray in dowladdiisu ay dadaal ugu jirto sidii ay ula xiriiri lahayd dadkii badbaaday, dibna loogu soo celin lahaa Soomaaliya. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daud Aweis ayaa BBC u sheegay Arbacadii in dowladdu ay wafdi u dirayso Madagascar toddobaadkan. Dhanka kale waxaa weli baroor diiqaya qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadka dhintay. Qoyska Fatxi ayaa sheegay in ay dacweeyeen ninkii wax tahriibinayay ee gabadhooda kaxaystay, ka dibna la xiray. Si kastaba ha ahaatee, markaasi ka dib ayaa waxaa lagu sii daayay dammaanad. Samiira waxa ay sheegtay in iyada oo aan ogayn sida ay walaasheed dareemaysay daqiiqadaha ugu dambeeya ay tahay xanuun waligeed aan ka hari doonin. ‘’Waxaan jeclaan lahaa inay ila hadasho oo ay ii sheegto go’aankeeda. Waxay igu oran kartay nabad gelyo… hadda, ma aqaano sida aan ula qabsan karo dhimashadeeda, ayay tiri. Bbcsomali Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Serbia ayaa maanta kala saxiixday heshiis iskaashi oo kor loogu qaadayo xiriirka labada dal, gaar ahaan ahaan dhinaca amniga, kadib booqasho uu dalkaasi ku tegay wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag. Heshiiskan ayaa xoogga saaraya tababarada iyo tayeynta Ciidanka Amniga Soomaaliya, sida uu shaaciyay wasiir Fartaag oo isagu lasoo saxiixday dowladda Serbia. Wasiirka oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in heshiiskani uu wax weyn ka beddelayo iskaashiga labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tababarada iyo tayeynta ciidanka amniga Soomaaliya. Sidoo lale wuxuu ka hadlay taariikhada xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal, isaga oo xusay inuu soo dhisnaa muddo dheer, isla markaana hadda sare loo sii qaadi doono. “Xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Serbia, waa mid qoto dheer oo soo jiray sanado badan, tallaabada maanta aan ku saxiixnay heshiiskanina waxa ay sii xoojin doontaa taageerada iyo iskaashiga saaxiibtinimo ee ay wadaaggaan labada waddan” ayuu yiri Fartgaa. Saxiixa heshiiska kadib wuxuu sidoo kale kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Serbia, oo isna tallaabo taariikhi ah ku tilmaamay heshiiska ay gaareen labada dal, waxa uuna hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal. Si kastaba, Serbia waxa ay door muhiim ah ka qaadata dadaallada dib-u-dhiska dowladnimo ee Soomaaliya, gaar ahaan tababarka Ciidammada iyo horumarinta hey’adaha amniga Qaranka.
-
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa kulan la qaatay Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha. Mudane Cali Xoosh ayaa ugu horreyn ka warbixiyey ahmiyadda iyo shaqada adag ee hortaalla, waxaa uuna kula dardaarmay Xubnaha Guddiga Madaxa-bannan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha dardargelinta howlaha iyo gudashada Waajibkooda Qaran ee ku aaddan hirgalinta doorashooyin Qaran iyo Arrimaha Sohdimaha sida ku xusan Datsuurka dalka iyo Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha. guddigan oo dhowaan la magacaabay, islamarkaana golaha wasiirrada iyo baarlamaankuba ay meel mariyeen ayaa laga sugayaa qabashada doorasho qof iyo cod ah, balse waxaa jira walaac laga qabo sida doorashadaasi ay hadda suurta-gal u tahay. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa goordhow safar deg-deg ah ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Safarka ra’iisul wasaare Xamza ayaa la xiriira arrinta xiisadda Jubbaland oo haatan mareysa meel xasaasi ah, sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha. Safarkan ayaa imanaya xilli ay maxkamadda gobolka Banaadir u jartay Axmed Madoobe waaran soo qabasho, kadib markii golaha wasiirrada Soomaaliya ay garyaqaanka guud ee dowladda fareen inuu maxkamadda u gudbiyo dacwad ka dhan ah Axmed Madoobe. Axmed Madoobe ayaa loo haystaa faldambiyeedyo lid ku ah wadajirka iyo midnimada qaranka Soomaaliya, taas oo macno ahaan noqoneysa “khiyaano qaran” sida ay sheegtay maxkamadda gobolka Banaadir. Sidoo kale waxaa qeyb ka ah eedeymaha loo haysto Axmed Madoobe faldambiyeed lid ku ah xof lala wadaago dal shisheeye, ujeedo dagaal lid ku ah qaranka Soomaaliyeed, sidoo kalena uu ku kacay faldambiyeed lid ku ah nidaamka iyo dastuurka dalka, sida ay sheegtay maxkamadda. Xukuumadda Xamza ayaa si adag uga hortimid dib u doorashada Ahmed Madoobe iyo tan baarlamaanka 3-aad ee Jubbaland, iyado sheegtay in labaduba ay baal-marsan yihiin shuruucda dalka. Xiisadda ayaa kasii dareysa, iyadoo maamulka Axmed Madoobe uu soo saaray waaran soo qabasho iyo horkeenis maxkamadeed ah oo madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo ay uga jawaabeyso waarankii dowladda federaalka, wuxuuna khilaafka gaaray meeshii ugu sarreysay, kadib tallaabooyinka dheeriga oo ay ku jiraan isku adeegsiga ciidamo oo ay qaadeen labada dhinac.
-
Mogadishu (HOL) — Egypt is preparing to send troops to Somalia as part of the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM), set to replace the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) in early 2025. While the deployment reflects Egypt’s growing commitment to stabilizing the region, it also intensifies tensions with Ethiopia, threatening to overshadow the mission’s goals. Source: Hiiraan Online
-
Faroole: “It is my position that the President of the Federal Republic, H.E. Hassan Sheikh Mohamud, has a constitutional and moral duty to uphold the law, promote dialogue and reconciliation, and foster national unity and consensus. However, the President’s decision to deploy SNA units to Jubaland, at this time of heightened tension, signals his commitment to usurp power in Jubaland State in his favor — through violent means, if necessary.” Garowe (PP News Desk) — Senator Abdirahman Mohamed Mohamud ‘Farole,’ former President of Puntland State of Somalia , has expressed serious concerns over the deployment of Somali National Army (SNA) units to the Lower Jubba region of Jubaland State due to escalating political tensions between the Federal Government of Somalia (FGS) and Jubaland State. He warned that such actions may plunge Somalia back into the turmoil of civil war, marked by political violence and mass civilian displacement. Farole criticised President Hassan Sheikh Mohamud’s decision to dispatch the SNA units to Raaskaambini, suggesting it reflects an attempt to usurp power in Jubaland by force. He highlighted the dangerous decision of using the national army for political purposes, which not only undermines Somalia’s peace and stability but also diverts critical resources from combating terrorist threats. “It is my position that the President of the Federal Republic, H.E. Hassan Sheikh Mohamud, has a constitutional and moral duty to uphold the law, promote dialogue and reconciliation, and foster national unity and consensus. However, the President’s decision to deploy SNA units to Jubaland, at this time of heightened tension, signals his commitment to usurp power in Jubaland State in his fav — through violent means, if necessary” wrote Senator Farole. The Senator outlined key challenges exacerbating the crisis, including constitutional disputes, the lack of an independent Federal Constitutional Court and the politicisation of Somalia’s judicial system. He also raised concerns about the legitimacy of the National Consultative Council (NCC) and procedural irregularities in the Federal Parliament, which “erode trust” in Somalia’s political institutions. Farole called on President Mohamud to uphold his constitutional responsibility to promote dialogue, reconciliation and national unity. He urged the cessation of military actions and encouraged international partners, including UNSOM and ATMIS, to defuse tensions and prioritise peaceful political resolutions. The Senator’s warning serves as a stark reminder of Somalia’s fragile state, underscoring the urgent need for inclusive dialogue to prevent the country from descending into conflict. © Puntland Post, 2024 The post Former Puntland President Urges Political Dialogue to Resolve “Jubaland Crisis” appeared first on Puntland Post.