-
Content Count
212,886 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Cilmibaarayaasha waxay sheegeen in ay heleen markii ugu horeysay 50 sano daawo cusub oo wax looga qabanayo cudurka neefta. Daawadan oo ah mid laysku duro waxa ay yareyneysaa qeyb ka mid ah difaaca jirka, waxayna ka dhigeysaa in uusan si weyn wax u difaacin marka ay soo baxaan astaamaha neefta iyo cudurada kale ee sambabka. Daawadan oo lagu magacaabo Benralizumab waxaa hore loogu isticmaali jiray kiisaska aadka u weyn balse cilmibaaristii u dambeysay ayaa muujineysa in si joogto ah ay u isticmaali karaan ku dhawaad 2 milyan oo ku nool UK kuwaas oo sanad kasta ay neef ku soo boodo. Kooxda cilmibaaristan sameysay oo ka tirsan Jaamacadda King’s College waxay sheegeen in daawada ay tahay mid isbeddel weyn keeneysa oo wax weyn ka qabaneysa daryeelka. Dhammaan cudurrada sambabada iyo neefta isku mid mahan. Qeybaha kala duwan ee difaaca jirka bani’aadanka isku si uma shaqeeyaan, bukaanadana ma aha kuwo isku mid ah. “Hadda waxaan aragnaa in ay jiraan qaabab kala duwan oo caabuq ah, waxaan noqon karnaa kuwo fahma oo u hela bukaanka dawada saxda iyo waqtiga saxda ah”, ayey tiri Prof. Mona Bafadhel oo ka tirsan jaamacadda King’s college. Daawada Benralizumab waxay toos u beegsataa nooc ka mid ah unugyada dhiigga oo loo yaqaan iyo-sinifoow (eosinophil) oo keena caabuqa iyo in sambabka dhaawac gaaro. Iyasinifoow waxay ku lug leedahay qiyaastii kala bar cudurrada neefta iyo saddex meelood cudurada sambabka. Hadii arrintaas ay keento neefta oo qofka dhibta, xiiqsanaan, qufac iyo laabta oo laga qabto bukaanka, markaas waxba loogama qaban karo daawada caadiga ee sanka laga qaato oo la jiido. Hadda dhakhaatiirta, waxay dadka u qoraan daawada steroids. Cilmibaarista waxaa ka qeyb qaatay 158 qof, waxaana bukaanadaas xaaladooda lala socday ilaa 3 bilood. Natiijada soo baxday waxaa lagu daabacay wargeyska Lancet. Waxay ahayd dad gaaraya 74% oo qaata dawada steroids iyo 45% oo la siiyay daawada cusub. Kuwa qaatay daawada cusub in yar ayaa isbitaal u baahatay iyo daawo kale ama geeriyooday. Prof Bafadhel waxay sheegtay in tani ka faa’ideysan karaan tiro badan oo gaareysa ilaa labo milyan oo cudurka neefta uu ku soo boodo sanadkii, waxay tiri “ma aha tiro yar taas”. “Isbeddelkan weyn ee daaweynta waa mid aan na soo marin 50 sano, waxay wax ka baddeleysaa sida aan dadka u daaweyno marka ay xanuunsanayaan”, ayey tiri Prof Bafadhel. Dadka sida mutadawacnimada leh uga qeybqaatay cilmibaarista, caafimaadkoodu wuu fiicnaaday, waxayna heleen nolol wanagsan. Xigashada Sawirka,Alison Spooner Qoraalka sawirka,Alison Spooner Alison Spooner oo 55 jir ah kuna nool Oxfordshire UK, waxay qeyb ka aheyd daaweynta tijaabada. Cudurka neefta ayey qabtay ilaa iyo markii ay dhalatay balse way ka sii dartay shanti sano ee la soo dhaafay. Saddex jeer ayey si xun neefta u qabatay. Waxay u muuqatay in ay ka sii dareyso, in aad neefsan weyso waa wax cabsi ah marka aad neef u baahato oo aadan neefsan karin”, ayey tiri Alison. Alison waxay sidoo kale sheegtay in ay isbeddel weyn dareentay markii ay isku durtay dawadan. Weli way isticmaashaa daawada ay neef ahaan u jiiddo, sababtana waxay ku sheegtay in loo sheegay oo kaliya. “Nasiibdarro, ma jirto daawo kaa wada joojin karta xanuunka neefta, balse tani waa tii ugu dhaweyd,” ayey tiri Alison. ‘Rajo Fiican’ Daawada Benralizumab ma ahan mid meel kasta hadda laga heli karo. Tijaabo weyn ayaa loo baahan yahay. Qof kasta oo hore loo siiyay waa in uu si wataa. Cilmibaarista waxay sidoo kale qiimeyneysaa lacagta ku baxeysaa maadaama daawooyinka ceynkaan ah ay qaali yihiin. Dr Sanjay Ramakrishnan oo ka tirsan jaamacadda Oxford waxa uu sheegay shaqada la qabtay ilaa hadda in ay muujineyso rajo fiican. Xigashada Sawirka,Geoffrey Pointing Qoraalka sawirka,Geoffrey Pointing In muddo dheer la isticmaalo waxay leedahay dhibaatooyin ay ka mid yihiin cayil, macaan iyo lafaha oo qofka jilca. Geoffrey Pointing oo 77 jir ah, kana soo jeeda Oxfordshire UK, oo sidoo kale ka qeybgalay tijaabadan ayaa sheegay in aysan ku yeelan saameyn xun qaadashada kaniinyada steroids-ka. “Si fiican uma hurdikarin markii ugu horeysay aan qaatay steroids-ka balse markii ugu horeysay cilmibaaristan, isla habeenkaas waa hurday, nolosheyda waxaan u qabsaday wixii markaas ka dambeeyay si dhib la’aan ah”. Waxaa lagu qiyaasaa in maalin kasta UK ay cudurka neefta u dhintaan 4 qof iyo 85 qof oo qaba cudurada sambabka. Dr Samantha Walker oo ka tirsan hay’adda Asthma + Lung UK waxay sheegtay in natiijada ay tahay war aad u fiican. Bbcsomali Qaran News
-
Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Shiikh Cali Jifa-jabsade ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay qeyb ka tahay hurinta colaad beeleedyada ka socda gobolka Mudug. Guddoomiye Faysal Shiikh Cali ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxaha argagixisada ah ay ka siman yihiin isku dirka beelaha gobolka Mudug iyo in ay kiciyaan colaad qabiil ku dhisan sida uu hadalka u dhigay. Dowladda uu hoggaamiyo Xasan Shiikh Maxamuud ayuu ku eedeeyay in ay gobolka Mudug ka samaysay xuduudo qabiil islamarkaana beelaha ku kicinayso xuduud beeleed aan jirin si ay qeyb uga noqoto dagaallada qabiilka ee ka socda Mudug. “Ama dowladda Federaalka ha ahaato ama kooxaha argagixisada ah ha ahaato ee kuwa badan oo mushkilad ka shaqaynaya ayaa jira. Xuduudo iyo dhulbaan lee nahay iyo fulaan baa dadka lagu kicinayaa” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Shiikh Cali Jifa-jabsade. Puntland ayaa marar kala duwan dowladda madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ku eedaysay in ay xambaarsan tahay aragti qabiil iyo xuduudo la kala sheegto taasi oo soo celcelisa dagaal beeleedyada gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Puntland oo dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay hurinta colaadaha qabiilka ee gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Sanadkii 1991 waxaa burburtay dowladdii dhexe ee dalka, waxaana billowday dagaallo sokeeye oo dhiig badani ku daatay, kuwaas galaaftay nolosha kumaan qof oo Soomaali ah, iyo qaxa malaayiin kale. Colaado aan horay loo arag ayaa dalka gees walba ka qarxay, gobol kastaahina wuxuu noqday furin iskeed u madax-bannaan oo si maalinle ah laysku dilo, ayadoo waxa laysku haysto aan cidina si quman u qeexi karin. Dhalashada qofka iyo reerka uu ka soo jeedo ayaa noqday faldembiyeed uu dil toogasho ah ugu xukumanyahay, taas oo keentay in dad badan oo aan wax galabsan si aan kala sooc lahayn loo beegsado. Dhaca bareerka ah iyo isbaarooyinka ayaa kamid noqday xirfadaha mucaashka laga raadiyo, luuqadda keli ee lagu wada hadlaahina waxay noqatay qori caaraddiis iyo col abaabulan oo aan cidna u aaba-yeelin. 30 sano wixii la dhisayay ayaa maalmo kooban lagu burburiyay, dalkii mar ahaan jiray ilayska hormarka Afrikana wuxuu isku badelay kawaan dadka lagu gowraco iyo goob bahlo galeen oo cidda joogtaahina ay nolol iyo geeri u dhexayso. Goballadu saamaynta iyo waxyeellada colaadaha sokeeye uma sinayn oo kuwa koonfurta iyo bartamaha ayaa ugu darnaa, ayadoo meelaha qaar tuulo tuulo u gudubta la waayay, ka dib markii qoys qoys loo colloobay. Dagaalladaas lagu hoobtay oo illaa hadda xurguftoodii meelaha qaar ka jirto, ayaa keenay kala irdhow bulsho oo illaa haatan xal waara loo la’yahay, gocashadiisuna ay dadweynaha saamayn xoog ku leedahay. Si kastaba ha ahaatee 1991-dii ayaa Soomaalida ugu suntan maalin madow oo qaranimo qaxootinnimo badashay, masiibadii curatayna ay dad badan xabaalaha u dirtay, haybaddii dalka iyo hab-dhiskii dowladnimona meesha ka saartay. Soo hadal-qaadidda xilliga noocaas ah ayaa dad badan urugo iyo uurku taallo ku dareensiinaysa, balse siyaasiyiinta qaar ayay u tahay halku dheg ay kula dagaallamaan cid ay is hayaan, xilliyada xiisadaha siyaasadeed aloosanyihiin ayaana ku laabashada 1991-dii halbeegga doodda laga dhigtaa. Waaya-aragnimada iyo garaadka bulshada Soomaaliyeed ayaan’se oggolaan doonin inay dib u raacaan dhabbahaas halaq mareenka ah, maadaama ay dhibkiisa xog-ogaal u yihiin. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — Al-Shabaab militants have intensified their attacks against civilians in Mogadishu, targeting businesses and individuals complying with the Somali government's directive to install CCTV cameras. The mandate, part of a broader urban security initiative, has provoked a violent backlash from the extremist group, underscoring the fragile balance between security measures and civilian safety in Somalia's capital. Source: Hiiraan Online
-
(ERGO) – The closure of a free school providing education to more than 300 children from displaced families outside Galkayo has dealt a blow to families living in camps. Source: Hiiraan Online
-
Kenya's inflation edges up to 2.8% year on year in November
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Kenya's inflation (KECPI=ECI), opens new tab edged up to 2.8% year-on-year in November, from 2.7% a month earlier, the statistics office said on Friday. Source: Hiiraan Online -
Boqolaal tirsan ciidanka kumaandooska ee Soomaaliya ayaa Jimcihii ka qalinjabiyay tababar muddo uga socday dugsi tababar oo ku yaalla dalka Turkiga. Askarta kumaandooska ah ee Gorgor oo tababarka ku bartay sida loola tacaalo caqabadaha amniga ee ka jira Geeska Afrika, gaar ahaan halista kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida. “Maanta waxaan magaaladda Isparta ee Turkiga ku qabanay xaflad muhiim ah oo ah xiritaanka tababar loogu talagalay xoojinta heshiiska ku saabsan dhismaha iyo xoojinta Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya,” ayay Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ku tiri barta X, kadib munaasabadda qalin-jabinta. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo la kulmay Madaxweyne ku xigeenka Turkiga Cevdet Yilmaz toddobaadkan, ayaa uga mahadceliyay Ankara taageerada qaaliga ah ee ay u fidisay nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo guud ahaan Bariga Afrika. Wuxuu sheegay in Muqdisho ay sii wadi doonto dadaallada lagu sii xoojinayo xiriirka adag ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, islamarkaana la ballaarin doono walaaltinimada labada dal. Turkiga, oo muddo dheer xulafo dhow la ahaa Soomaaliya, wuxuu sidoo kale maalgashaday waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo caafimaadka Soomaaliya. Turkiga wuxuu ku leeyahay xarunta ugu weyn ee militari ee dibadda ku taalla caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho si uu u tababaro Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Difaaca ee Masar ayaa shaaca ka qaadday qorshe ay ciidamo ugu dirayso Soomaaliya, si ay uga qaybqaataan hawlgalka Midowga Afrika ee lagu taageerayo nabadgalyada iyo xasilloonida Soomaaliya. Wasiirka Difaaca, General Abdel Mageed Saqr, ayaa kormeeray askar si gaar ah u tababaran, kuwaas oo loo diyaariyay hawlgalka. Wasiirka ayaa sheegay in Ciidankaan maalmaha soo socda ay ku wajahan yihiin Soomaaliya oo ay taageero siin doonaan dowladda Soomaaliya. Ciidamada la diyaariyay ee kusoo wajahan Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ka tirsan yihiin cutubyada khaaska ah ee “Thunderbolt Forces” iyo “Airborne Forces,” kuwaas oo caan ku ah hawlgallada adag ee degdegga ah. Talaabadan Masar ee ay ciidamo ugu dirayso Soomaaliya ayaa u muuqata mid lagu xoojinayo xiriirka labada dal, iyada oo Soomaaliya ay ku jirto marxalad muhiim ah oo la xiriirta wareejinta mas’uuliyadda amniga ee ATMIS. Ciidamada Masar oo caan ku ah awoodooda hawlgalka ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka qaataan sugidda nabadda iyo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab. Masar ayaa muddo dheer daneynaysay xasilloonida gobolka, iyadoo hadda tallaabadan ay muujinayso sida ay uga go’an tahay inay door muuqda ka qaadato hawlgallada nabad ilaalinta ee Afrika. Source: goobjoog.com
-
Ku dhawaad 100 falastiiniyiin ah ayaa lagu soo warramayaa in 24-kii saac ee la soo dhaafay lagu dilay duqeymaha arxan-darrada ah ee Israa’iil ay ka waddo marinka Qasa, sida laga soo xigtay xaafiiska warbaahinta gudaha. Dadkan ayaa intooda badan ku dhintay weerar oo Israa’iil ay ku qaaday laba guri oo ku yaalla deegaanka beytu laaxiya, halkaas oo la sheegay in lagu diley in 75 qof oo goobtaasi gabaad u ahayd. Duqeymaha aan kala joogsi lahayn iyo duullaanka tooska ah ee Israa’iil ayaa weli ka socda marinka Qasa, xilli aanay maamulka tel aviv wax natiijo ah ka gaarin gumaadka ay sanadkii labaad ku hayaan dadka falastiiniyiinta ah. Source: goobjoog.com
-
Ciidamada hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka (NISA) iyo ciidanka Gorgor ayaa howlgal qorsheysan kula wareegay deegaanka Shanlow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Sida ay sheegeen saraakiisha amniga, ciidamada ayaa hawlgalkan ku guuleystay iyaga oo aan wax khasaare ah soo gaarin. Deegaankaan oo muhiim ah ayaa hadda si buuxda gacanta ugu jira dowladda Soomaaliya. Wuxuu ka mid yahay deegaanada ku teedsan Wabiga Jiingiisa una dhow deegaanka Xawaadlay. Ciidanka Amniga ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalladaan noocaan oo kale ilaa inta laga saarayo Shabaab gobolka Shabeellaha Dhexe. Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay labadii sano ee lasoo dhaafay ay qaado howlgal ka dhan ah Shabaab oo looga xoreeyay deegaano badan oo ka tirsan Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Source: goobjoog.com
-
Marxuum Galaydh wuxuu isagoo ahaa hoggaamyihii Khaatumo heshiis la galay maamulka Somaliland 2017kii. Buuhoodle (Faallo) — Dhowr bilood ka hor wuxuu hoggaamiyaha Sool, Sanaag iyo Cayn ee SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Aw Cali (Firdhiye) sheegay inuu u tartami doono doorashada hoggaaminta maamulka ku meelgaarka oo dhici doonta 2025ka. Haddii uusan sixin gefefkiisa siyaasadeed way adkaan doontaa inuu dhammaysto muddo xileedkiisa, iskaba dhaaf inuu muddo xileed kale u tartamo. Culaab siyaasadeed Wuxuu hoggaamiyaa maamul magac ahaan ka soo jeeda ururkii SSC uu hoggaaminayay Saleebaan Xaglatosiye, oo ku biiray maamulka Somaliland, iyo maamulkii hanaqaadi waayay ee Khaatumo oo ay soo hoggaamiyeen Axmed Karaash, oo ku biiray maamulka Puntland, Maxamed Yuusuf (Indhasheel), oo xilka ku wareejiyay marxuum Cali Khaliif Galaydh, oo isagana 2017kii ku biiray maamulka Somaliland. Magac ahaan SSCK waa culaab siyaasadeed (political baggage). Waa in Firdhiye ka fekero aayihiisa siyaasadeed iyo aayaha dadka samaystay maamulka ku meelgaarka uu hoggaamiyo. Magac ahaan SSCK waa caqabad weyn oo hortaagan in maamulku helo sharciyad waayo waa culaab siyaasadeed ee dhowr isku day oo hore u fashilmay. Waa magac lagu qancinayay taageerayaashii dhowrkaas isku day siyaasadeed. Muuse Biixi, madaxwenyaha maamulka Somaliland, ayaa 2023kii ku dooday inuu maamulkiisu heshiis la galay SSC iyo Khaatumo, oo kuwa kaga soo horjeeda Laascaanood ay yihiin “Al-shabaab”. Dooddiisu ma soconin, hase ahaatee ma aha mid meesha ka saaraysa in loo baahan yahay in magacan isku raranka ah meesha laga saaro. Axmed Karaash wuxuu ku biiray Maamulka Puntland kaddib markuu noqday hoggaamiyihii Khaatumo. Gaabinta hoggaaminta Firdhiye waxay ka dhex muuqataa sida uu wax uga qaban waayay Wasiirka Warfaafinta Khaatumo Najiib Barkhadle oo dhowr jeer ku tilmaamay dadka SSCK ka soo jeeda ku jira maamulka Puntland “sida Hindi soo shaqatagtay”. Hadalkan meel ka dhaca ah wuxuu soo baxay dhowr maalmood kaddib markii Firdhiye magacaabay guddi ka shaqeyn doona iskaashiga SSCK iyo Puntland. Booqashada Firdhiye ku taagay Buuhoodle waxay muujisay sida uu ugu sifoobay inuu yahay hoggaamiye dhinac keliya oo Buuhoodle “jeebka ugu jira”, sida nin reer Buuhoodle ah ii sheegay. Ka sokow Wasiirka Warfaafinta, waxaa la taliye u ah Firdhiye rag uu ka mid yahay Cabdikariim Xasan Jaamac. Firdhiye ilaa hadda kama hadlin sababta uu uga qeybgali waayay martiqaadka ay u fidiyeen isaga madaxdhaqameedka Reer Hagar. Ka maqnaanshihiisa martiqaadka waxay bixisay farriin ah inuu ka horjeedo in Reer Hagar yeeshaan Garaad u gaar ah. Firdhiye oo ku sugan Buuhoodle ayaa gargaarka (oo cunto iyo lacag iskugu jira) uu Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) soo dhiibay la bililaqaystay. Maamulka SSCK arrintaas kama hadlin. Warqad ku saabsan hakinta gargaarka uu Barnaamijka Cuntada Adduunku u fidiyo degmooyinka SSCK qaarkood. Maxamed Yuusuf (Indhasheel) wuxuu xilka ku wareejiyay marxuum Galaydh. Xiisadda Ceerigaabo Firdhiye si fiican ugama hadlin xaaladda kacsan ee Ceerigaabo. Wuu og yahay in Ceerigaabo lagu deggan yahay heshiis dhacay 1995kii oo dhowr Garaad ka qeybgaleen. Waxay ahayd inuu wadatashi u sameeyo beesha Naleeye Axmed si ay iskugu raacaan aragti ku saabsan sida ay u degganaanayaan Ceerigaabo maadaama maamulka SSCK uu aamminsan yahay in maamulka Somaliland maamulo Ceerigaabo. Ninkii dilay Cali Baashi weli laguma soo wareejinin gacanta maamulka SSCK. Arrintaas maamulka Firdhiye waxba kama qabanin. Wuu isku eegtay dadka eedda kala tirsanaya. SSCK iyo Dowladda Federaalka Waxa kale oo jirta in Wasiirka Maaliyadda SSCK Cabdiqani Hiirad uu bil ka hor ka sheegay Muqdisho in dowladda Federaalka Soomaaliya ay lacag ku taageerto maamulka SSCK. Ma jirto wax caddayn ah oo arrintaas ku saabsan oo ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda SSCK ama Baarlamaanka Khaatumo. Ma ballanqaad ayuu wasiirku ku tilmaamay taageero? Baarlamaanka Khaatumo wuxuu ku baaqay in Puntland iyo Jubaland lagala tashado wax ka beddelka dastuurka federaalka. Saleebaan Xaglatoosiye wuxuu ahaa hoggaamiyihii SSC ka hor intuusan ku biirin maamulka Somaliland. Toddobaadkan Madaxweyne ku xigeenka SSCK Dr Maxamed Cabdi Ismaaciil wuxuu, isagoo magaca maamulka ku meelgaarka ah ee SSCK ku hadlaya, taageeray, doorashada uu ku guulaystay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam. Ma jiro xiriir dhisme-kalkaal ah oo dhexmari kara SSCK iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya Puntland iyo Jubaland oo ka maqan Golaha Wadatashiga Qaran, dalkana ay dul heehaabayaan colaad siyaasadeed iyo ku xadgudub dastuurka federaalka ah. Sababha kor ku xusan awgood waxaa habboon in Firdhiye ka fekero aayihiisa siyaasadeed iyo aayaha dadka samaystay maamulka ku meelgaarka uu hoggaamiyo. Looma baahnayn inuu noqdo hoggaamiye dad gaar ah ay u tilmaamaan dadka uu la kulmayo, iyo hoggaamiye aan dhowri karin iskaashiga SSCK iyo Puntland oo ah maamulka keliya aqoonsan SSCK. W.Q: Siciid M. Sheekh Cali The post Sababta Hoggaaminta Firdhiye U Gaabinayso appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) –Madaxweynaha waaranka loo jaray ee Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyey gudaha Masjidka Madaxtooyada Kismaayo, wuxuuna si adag uga hadlay khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka. Axmed Madoobe ayaa ugu horeyn sheegay in qorshaha Ciidamada lagu geeyey deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose uu nasiib darro yahay, isagoo waqti u qabtay ciidankaas. Wuxuu sheegay Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ay heystaan fursad yar oo ciidamadaas ay dib ugu celi karaan halkii laga keenay, isagoo u qabtay 15 maalmood oo kaliya. Axmed Madoobe ayaa ku goodiyey in wixii ka dhasha joogitaanka ciidankaas ee dhulka Jubbaland uu masuuliyadooda qaadi dooni Madaxweyne Xasan Sheekh, oo sida uu sheegay ah ninka ay sida rasmiga ah isku hayaan. Sidoo kale Axmed Madoobe wuxuu sheegay in Xasan Sheekh ay is hayaan, balse uu adeegsanayo Xamsa oo uu ku tilmaamay wiil yar oo burburinta Jubbaland loo adeegsanayo. “Ani ma baqo, mana qaato Guuno iyo Laaluush aan ciidayda iyo dadkayga kugumeeyo, wiilasha reer Jubbaland ee Xassan Sheekh mustacmalka u ah, iyaga waxba nagama dhaxeeyaan, isma hayno, dagaalna kuma qaadayno ee waxaan is haynaa waa Xasan Sheekh oo dalka 1991-kii ku celinaya,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Sidoo kale Axmed Madoobe wuxuu ka hadlay joogitaanka Kismaayo ee Senator Ilyaas Gaboose oo sheegtay madaxweynaha Jubbaland, isagoo sheegay in soo afjaridda ninkaas aysan wax badan ku qaada doonin. “10 daqiiqo igu qaadan mayso in aan Ilyaas Gaboose soo afjaro, oo lagu yiri MW-naad tahay, Madaxweyne-nimada Seerar waayay miyuu heli Ilyaas, waxaan diidanahay in aan dhiig daadiyo maanta, balse haddii aysan kawaantoobi waayaan waan qaadanaynaa go’aamo qaraar, tan cidna uga cabsan mayno, amnigeedana gorgortan kama galayno,” ayuu Axmed Madoobe ka sheegay Masjid ku yaalla Kismaayo.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cutubyo ka tirsan ciidamada Jubaland ee ku soo biiray Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta laga soo dejiyey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Saraakiil sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidankaan ku soo dhaweeyey Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana loo gelbiyey goobihii loo qorsheeyey in la dejiyo ciidankaan. Ciidamada Jubbaland oo sanado badan dagaal adag kula jiray Khawaarijta, isla markaana sheegay inuu heystay dayac iyo daryeel la’aan ay kala kulmayeen eedeysane Axmed Madoobe ayaa hadda dowladda Soomaaliya ka helay garab dowladnimo. Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in ciidankaan lagu darayo xoogga dalka, si halgankooda ay halkiisii uga sii wadaan una gutaan waajibaadka qaran ee horyaalla. Dowladda Soomaaliya ayaa balan qaaday in ciidankaan la diiwaan-gelinayo oo la siinayo lambarro, mushaar iyo dalacsiinta ay mudan yihiin. Sidoo kale Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in ciidankaan maalmo kadib iyagoo heysta xuquuqdooda dib loogu celinayo deegaanadii ay ka howlgeli jireen ee Jubbaland, si ay u sii gutaan waajibaadkooda Qaran. Ciidankaan ayaa muhiim u ah inay la wareegaan saldhigyada ay baneynayaan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS oo dalka isaga baxaya dabayaaqada sanadkaan, sida ay go’aamisay dowladda Soomaaliya. Hoos ka daawo
-
Arusha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzaaniya kaga qeybgalay Madasha Heerka Sare ee Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC). Madashaan ayaa lagu xusayaa sannad-guurada 25-aad ee aas-aaska urur goboleedka EAC. Shirka ayaa diiradda lagu saaray heerarkii kala duwanaa ee EAC ay soo martay, guulaha la gaaray iyo himilooyinka mustaqbalka ee ururka. Madaxweynaha Xasan Sheekh oo madashaan khudbad ka jeediyey ayaa si gaar ah u iftiimiyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah ururka. Xasan Sheekh ayaa dul istaagay muhiimadda ay leedahay in la wajaho caqabadaha guud, lana dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida, loogana faa’iideysto fursadaha iyo awoodaha baaxadda leh ee gobolku leeyahay. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda kobcinta dhaqaale oo waara iyo in la abuuro mustaqbal ifaya oo dan u ah dhammaan shucuubta ku nool Bariga Afrika. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Jimcihii maanta gaaray magaalada Arusha ee dalka Tanzania, si uu uga qeybgalo shir muhiim ah oo u dhexeeya Madaxda dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika (EAC). Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka ugu muhiimsan ururkaan, waana dalkii ugu dambeeyey ee ku biiray, ururkaan ayaa saameyn gaar ah yeeshay markii ay ku biirtay Soomaaliya, waxaana soo codsaday dalal kale oo doonaya inay ku biiraan.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzaaniya kaga qeybgalay Madasha Heerka Sare ee Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC), taasoo lagu xusayay sannad-guuradii 25-aad ee aas-aaska EAC. Shirka ayaa diiradda lagu saaray heerarkii kala duwanaa ee EAC ay soo martay, guulaha la gaaray, iyo himilooyinka mustaqbalka ee ururka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah u iftiimiyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah ururka, si loo wajaho caqabadaha guud, loo dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida, loogana faa’iideysto fursadaha iyo awoodaha baaxadda leh ee gobolku leeyahay. Waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda kobcinta dhaqaale oo waara iyo in la abuuro mustaqbal ifaya oo dan u ah dhammaan shucuubta ku nool Bariga Afrika. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ashraf Ghani wuxuu sanadkii 2020 ku soo baxay doorasho qof iyo cod ah oo la isku haysto. Wuxuu ka talinayey 34 ta gobol ee dalka Afgaanistaan ah, wuxuu haystay 300 kun oo ciidan Afgaan ah, 10 kun oo Nato ah, iyo 18 kun shirkado amni ka tirsan. Sanad kadib 2021, Taalibaan ayaa xukunkii dalka kala wareegtay? Diblomaasi sare oo Ingiriis ah, Afgaanistaan iyo Soomaaliya ka soo shaqeeyey oo ka soo qaybgalay shir looga hadlayey amniga Geeska Afrika ee horaantii sanadkan Muqdisho lagu qabtay oo ka hadlayey sababaha keenay in sidaa deg-dega ah Taalibaan dalka ula wareegto ayaa sheegay; 1- Loollan, ficiltan iyo khilaaf aan dhammaan oo geesawaynta siyaasadda (political elite) u dhexeeyey, iyo iyagoo xuub caaro ku dhexnoolaa, kana go’naa waaqaca dhabta ah iyo silica shacabku ku noolyahay. 2- Musuq-maasuq, eex iyo maamul xumo baahsan, qabyaalad dhib badan oo aan dhammaad lahayn. 3- Siyaasadda dallaalnimada (deal making) ku dhisan oo siyaasigu meel loogu soo hagaago jirin, mowqif iyo mabda’ lahayn, taasoo u sahashay Taalibaan in ay siyaasiyiin, saraakill ciidan iyo madax maamul sare iibsadaan. 4- Isku halayn xad dhaaf ah iyo ku tiirsanaan ciidamada shisheeye. Saamaynta taban ee dowladaha deriska ah iyo xudduudaha dalka ee ballaqan. 5- Fallaagada oo dhaqaale xoggan soo galo, xiriir caalami ah leh, kuna adag aragtidooda, iyo iyagoo maamul kale ka dhinac dhisatay dowladda, gaar ahaan arrimaha garsoorka. Madaxda federaalka iyo guud ahaan geesaweynta siyaasada Soomaaliyeed casharo ma ka barayaan arrinka, mise iyagoo hanti urursi, ka dan la’aan dadweyne iyo ajnabi u kala dacwoosho ku jira ayey ka dul dhici doontaa. W/Q: Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
-
Qaahira (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS Amb. Ilyaas oo Qaahira uga qayb-galay shirka 40-aad ee wasiirrada cadaaladda carabta ayaa muhiim ah ka qaatay xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta Axmed Aboul Gheit. Ambassador Ilyaas ayaa xoghayaha guud uga warbixiyay horumarka Soomaaliya ay ku tilaabsaneyso gaar ahaan xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay kulanka. Ilyaas ayaa si gaar ah xoghayaha guud uga warbixiyay qorshaha doorasho qof iyo cod, isagoo u sheegay in baarlamaanku uu meel mariyay shuruucdii lagama maarmaanka u aheyd qabashada doorashada dadweynaha iyo guddiga doorashooyinka. Ilyaas ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee Jaamacadda Carabtu ay la garabtaagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan xilliyada adag. Sidoo kale wuxuu danjiruhu ka codsaday xoghayaha guud in ururka jaamacadda Carabtu sii wado taageerada, Soomaaliyana gacana laga siiyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada. Wasiiru-dowlaha cadaaladda iyo arimaha dastuurka XFS ayaa carabka ku adkeeyay in Soomaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta Jaamacadda Carabta, ayna ka faa’iideysto khubarada iyo kaadiriinta Carabta si loo horumariyo nidaamka bahda cadaaladda Soomaaliya. Sidoo kalena buu yiri lagu guuleysto dhameystirka dastuurka qabyada ah si waafaqsan halbeegyada caalamiga ah, xilli uu baarlamaanka Soomaaliya meel-mariyay cutubyo uu muran badan ka taagan yahay. Xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta ayaa dhankiisa bogaadiyay kobaca iyo horumarka ay Soomaaliya ku tilaabsaneyso, wuxuuna adkeeyay iney ka go’antahay joogteynta dadaallada ay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ku gaarayaan hadafyadooda mustaqbalka.