-
Content Count
211,347 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Germany, France, Italy iyo Spain oo joojiyay isticmaalka tallaalka AstraZeneca Tallaalka Astra Zeneca ee COVID-19. Dalalka Germany, France, Italy iyo Spain ayaa hakiyay isticmaalka tallaalka COVID-19 ee ay sameysay shirkadda AstraZeneca, kadib markii waxyeellooyin ay ka mid yihiin xinjiro dhiig ah oo xiray xididada dadkii qaatay tallaalkaas. Waddanka Denmark oo isticmaalka tallaalkan joojiyay todobaadkii hore ayaa xaqiijiyay in haweeneyd 60-jir ah ay geeriyootay markii ay qaadaay tallalka AstraZeneca, kaddibna ay xirmeen xidida dhiig mareenka, sida ay sheegtay hey’adda caafimaadka dalkaas. Madaxa hey’adda Caafimaadka adduunka Dr. Tedros Adhanom ayaa sheegay in galinka dambe ee maalinta talaadada ah uu shir guddoominayo kulan looga tashanayo arrintan, waxaana uu sheegay inay kulankaas ka soo qeyb gali doonto hey’adda caafimaadka Yurub ee EMA. Dalka Germany ayaa ka digay todobaadkii la soo dhaafay in Yurub ay wajahayso mawjad saddexaad oo ah caabuqa faafa ee COVID19, waxaana isbitaalada dalal ay ka mid yihiin Talyaaniga iyo Faranksiiska ay ku dhowyihiin inay buux dhaafaan. Wasiirka Caafimaadka ee Jarmalka Jens Spahn iyo agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Talyaaniga Gianni Rezza ayaa sheegay in kasta oo halista xinjirowga dhiigu ay yartahay hadana aan meesha laga saari karin waxyeelada tallaalkan. Spahn ayaa sheegay in joojinta tallaalkan uu soo jeediyay machadka cilmi-baarista caafimaadka ee Paul Ehrlich, wuxuuna sheegay in taladaas ay ku qanacday dowladda Germany. AstraZeneca oo dhinaceeda iska difaaceysa eedeymahan waxay sheegtay inay sameysay dib u eegis ku saabsan in ka badan 17 milyan oo qof oo ka qaatay tallaalkeeda dalka Midowga Yurub iyo Ingiriiska taas oo aan muujin wax caddeyn ah oo ku saabsan halista xinjirowga dhiigga ee laga soo sheegayo dalalka qaarkood. Qaran News
-
Dowladda hoose ee degmada Garoowe, ayaa shaacisay in dhowaan si rasmiya loo daah-furi doono barnaamij ku saabsan dhiraynta iyo qurxinta magaalada. Barnaamijkan oo la baxay cagaarinta caasimadda, waxa iska kaashanaya dowladda hoose iyo shacabka Garoowe, waxaana dhir badan lagu beeri doona magaalada, si loo cagaariyo. Barnaamijka oo ku jihaysan hagaajinta bilicda caasimadda, ayaa la doonayaa in laga fuliyo dhammaan xaafadaha kala duwan ee Garoowe. PUNTLAND POST The post Barnaamij ku saabsan cagaarinta caasimadda Garoowe oo dhowaan la daah-furi doono appeared first on Puntland Post.
-
Dawlada Uk oo Somaliya ku dartay liiska dalalka halista ah ee booqanaya Dalkooda Britain ayaa dalalka halista ah dadkoodu yimaadaan dalkeeda ku dartay afar dal oo ay Somalia ku jirto. Itoobiya, Cumaan, Soomaaliya iyo Qatar ayaa lagu daray liiska casaanka ah ee muujinaya in dalkaas laga ilaaliyo noocyada cusub ee loo yaqaan ‘Covid-19’, waaxda gaadiidka ayaa sheegtay sidaas. Isbeddelada ayaa dhaqan galaya 4-ta subaxnimo ee Jimcaha soo socda Dadka ka yimaada dalalkan ee booqanaya Britain ayaa la karantiili doonaa, iyagoo iska bixinaya qarashka hotelka & cuntada oo gaaraya £1,750 qofkiiba. Afarta dal ayaa ku biiraya 33 dal oo horey Britain ugu dartay liiska dalalka halista ee imanaya UK. Dhinaca kale Britain ayaa dalka Portugal ka saartay liiska dalalka halista ah ee uu saameeyey COVID-19 sababo la xiriita dalxiisayaasha reer Britain oo xagaaga soo socda doonaya iney tagaan xeebaha Portugal. Qaran News
-
Brussels (Caasimada Online) – Dalal badan oo Yurub ah – oo ay ku jiraan Jarmalka, Faransiiska, Talyaaniga iyo Spain – ayaa Isniintii hakiyey isticmaalka tallaalka AstraZeneca ee COVID-19 kadib markii ay soo baxeen warbixino sheegaya in qaar ka mid ah dadkii la siiyey uu dhiigga xinjiroobay. Si kastaba, shirkadda AstraZeneca iyo nidaamiyayaasha caalamiga ah ayaa sheegay inaysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in tallaalka uu mas’uul ka yahay in dhiigga qofka uu xinjir noqdo. Tallaalka AstraZeneca oo lagu sameeyey dalka UK, waa midka shalay la keenay Soomaaliya, ee hay’adaha caalamiga ah ay ugu deeqeen dowladda federaalka Soomaalliya. Hay’adda maamusha dawooyinka ee Midowga Yurub ayaa ku baaqday kulan maanta dhacaya, si dib u eegis loogu sameeyo waxyaabaha ay khubarada ka ogaadeen tallaalka AstraZeneca, iyo haddii loo baahan yahay in ficil la qaado. Wasiirka caafimaadka Germany ayaa sheegay in go’aana lagu hakiyey tallaalka la qaatay kadib talo soo jeedin ka timid machadka Paul Ehrlich Institute ee qaabilsan sharciyeynta tallaalka, kaasi oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo toddoba kiis oo ku saabsan dad dhiigga maskaxda xinjir ka noqday markii la tallaalay. “Go’aanka maanta waa mid taxaddar oo kaliya ah,” ayuu yiri Jens Spahn. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in dalkiisa uu isticmaalka joojin doono ugu yaraan illaa maanta. Talyaaniga ayaa sidoo kale ku dhowaaqay joojin ku-meel gaar ah, iyo sidoo kale si la mid ah dalalka Spain, Portugal iyo Slovenia. Dalalka kale ee tallaalka joojiyey maalmihii tegay waxaa ku jira Denmark, Ireland, Thailand, Netherlands, Norway, Iceland, Congo iyo Bulgaria. Canada iyo UK ayaa sheegay inay sii wadi doonaan isticmaalka tallaalka AstraZeneca ayaa sheegtay inay jiraan 37 warbixin oo ku saabsan dhiigga oo xinjir noqday, kadib markii 17 milyan oo qof ay tallaalka ku qaateen 27-ka dal ee Midowga Yurub iyo Britain. Shirkadda ayaa sheegtay inaysan jirin wax caddeymo ah oo muujinaya in tallaalka uu sababo in dhiigga uu xinjir noqdo. Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo Hay’adda Dawooyinka ee Midowga Yurub ayaa labaduba sidoo kale sheegay inaysan jirin caddeymo muujinaya in tallaalka uu sababo dhiigga oo xinjir noqda, waxayna ku taliyeen in lasii wado isticmaalkiisa.
-
Sidee ayey u dhacday maalintii koowaad ee dhageysiga dacwadda badda? ICJ Waxaa goor dhowayd dhammaatay maalintii ugu horraysay ee dhagaysiga maxkamadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Qareenada Soomaaliya ayaa ku dooday in dacwadda Kenya aysan ahayn mid sal haysata, isla markaan ay doonayso in si tabarruc ah loo siiyo qayb ka mid ah badda Soomaaliya ee aysan ahayn in caddaalad lagu xukumo. Mid ka mid ah qareenada ayaa si gaar ah diiradda u saaray dood uu sheegay inay Kenya ku doodday oo ah in labada waddan ay oggolaansho ka gaareen badda. Waxa uu sheegay inysan labada waddan wax heshiis ah gaarin haddii uu yahay mid cad iyo mid aamusnaan ahba. Qareenka ayaa sheegay in Soomaaliya ay mar walba taariikhdeeda ku doodaysay in xuduuddu ay ahaato mid toos ah. Sidoo kale mid ka mid ah qareenada Soomaaliya ayaa sheegay inuusan jirin heshiis cad oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo ku saabsan muranka badda. Waxa uu intaas ku daray in xaqiiqada ah inay labada dhinac ka wada hadlayeen muranka ay muujinayso inay labada waddan aqoonsadeen inay doonayaan in xuduud looga sameeyo dhinaca badda, xalna laga gaaro muranka. Mid ka mid ah qareenada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in hadallada Kenya ay is burinayaan marka ay noqoto dacwddeeda, iyaga oo mar qiray inuu muran jiro mar kalena ku dooday heshiis inuu jiro. Qareenada ayaa ku eedeeyey Kenya inay doonayso inay ka faa’iidaysato awood darrada Soomaaliya ee ku aaddan inay khayraadka baddeeda difaacato. Mid ka mid ah qareennada ayaa ku soo gabagabeeyey in dacwadda Kenya aysan lahayn wax rajo ah. Dhagaysiga ayaa dhammaaday wax yar kadib 8-dii fidnimo xilliga Muqdisho waxaana la iskugu soo laaban doonaa maalinta berri ah oo ay sii wadi doonaan qareennada Soomaaliya difaacistooda dacwadda Soomaaliya. Dhagaysiga ayaa maanta ka furmay magaalada The Hague ee dalka Netherland. Maxkamadda waxaa ka maqan dalka Kenya oo horey u sheegay inaysan ka qayb-qaadanayn dhagaysiga. Maxkamadda caalamiga ah ayaa sheegtay inay ka xuntahay inaysan Kenya ka qayb-qaadan doonin dhagaysiga, hase yeeshee waxay sheegtay maxkamaddu inay hayso qoraallo iyo dokumentiyo ku filan oo ka turjumaya mawqifka Kenya. Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya ayaa sheegay inay iyaguna ka xun yihiin maqnaanshaha Kenya. Mahdi Maxamed Guuleed waxa uu sheegay in maxkamaddu ay siisay Kenya waqti ku filan oo ay ugu diyaar garowdo dhagaysiga. Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay go’aanka maxkamadda, waxaana uu sheegay inay donayaan xad rasmi ah oo u dhexeeya labada waddan in loo sameeyo. Waxaa xusid mudan in dhageysiga dacwadda ay weli socoto, oo maalmaha soo socda lasii wadi doono. Qaran News
-
Ciidanka badda dowladda Puntland ee PMPF, oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay xeebaha Bari iyo Sanaag, ayaa gacanta ku dhigay ilaa 10 doonyood oo jariif ah, sida ay ciidanku shaaciyeen. Qoraal ka soo baxay PMPF, waxa lagu sheegay in hawlgalka laga fuliyay degaannada Qaw, Ceelaayo, Durduri, Raas Gacan iyo Laasqoray oo dhammaantood ku teedsan xeebaha Bari iyo Sanaag. Hawlgalkaas waxa lagu qabtay ilaa 10 doonyood oo laga leeyahay waddanka Yemen iyo dhammaan shaqaalihii saarnaa oo u dhashay Yemen, kuwaas oo jariif ba’an ku hayay xeebaha Puntland. “Hawlgalka waxaa ciidamadu kusoo qabteen 10 doonyood iyo shaqaalahoodii, kuwaas oo u dhashay dalka Yaman, ugana kalluumaysanaayey si sharci daro ah xeebaha Puntland.” Ciidanka PMPF ayaa muddooyinkii u dambeeyay hawlgalo ka dhan ah kalluumeysiga sharci-darrada ah ka waday xeebaha Bari iyo Sanaa gee Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo gacanta ku dhigtay ilaa 10 doonyood oo jariif ah appeared first on Puntland Post.
-
Maanta waxaa Maxkamada Aduunka horteeda laga qiray in Xaalku uu Soomaaliya ku xumaanmlahaa hadii aysan Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed Xukuumadiisii aysan saxiixi lahayn Is afgaradkii lagu bilaabay Kiiska Bada, waxaa la cadeeyay in Saxiixaas iyo bilowgii ay Dacwada bilaabeen uu badbaadiyey Bada Soomaaliya, ayna ku dhaqaaqeen wado sax ah oo qodxo ku noqdey Kenya damaceedii. Xeer ilaaliyaha Soomaaliya ayaa isna tilmaamayaa in Ragaan ay mudan yihiin Bilad Qaran, Hoos ka daawo Somalia flag with Kenya flag, 3D rendering The post Daawo oo Ku quuso, Kuwii loogu sheekeeyow Sharif Sheikh Axmed, Cumar Cabdirshiid iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur baa bad iibsadey appeared first on . Source
-
Dowlada Kenya waxay ay Maxkamada Aduunka uga carartay Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo horay u ahaan jiray Gudoomiyaha Maxkamada Aduunka ee Den Haag hadana ah mid kamida Garsoorayaasha Maxkamada. Sharuudaha ay Kenya ku xirtay Maxkamada Aduunka ee ay ka socdo Dacwada iyaga iyo Soomaaliya u dhexaysa ayay sheegeen iney kusoo laabanayaan Maxkamada hadii uu iscasilo Cabdulqawi ama shaqada laga qaado. Sida Muuqata Garyaqaankaan Soomaaliyeed ee ka tirsan Maxkamada Aduunka ayay Kenya ka muujiyeen cabsi Xoogan , Laakiin Kenya waxay hilmaameen in Cabdiqawi uu yahay Garsoore Caalami ah oo mudo badan kasoo shaqaynayay Garsoorka Aduunka, Kiisas ka qalafsan kiiskaana soo qabtay. Kenya waxay ka maqnaayeen dhagaysigii Dacwada maanta oo isniin ahaa iyagoo horay u shaaciyey inay ka baxeen Maxkamada, sababaha ay uga baxeena waxaa kamid ahaa Garsoore Cabdulqawi Axmed oo kamida Xaalkimada Maxkamada ee Dacwada dhagaysanaya, Waxayna sheegeen intuu ninkaan Miiska fadhiyo inaysan soo laabanayn. Horaan khaati uga taagnayn Trump oo ilhaan Cumar ka dacwoonaya, maanta ma Kenyaaa bilowdey inay CabdulQawi Axmed Ka dacwooto, wadadii Trump maray ayay Kenya ku socoto. Puntlandi.com The post Kenya “ Ninkaan intuu Maxkamada fadhiyo imaan meyno” appeared first on . Source
-
Hague (Caasimada Online) – Waxaa goor dhowayd dhammaatay maalintii ugu horraysay ee dhagaysiga maxkamadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Qareenada Soomaaliya ayaa ku dooday in dacwadda Kenya aysan ahayn mid sal haysata, isla markaan ay doonayso in si tabarruc ah loo siiyo qayb ka mid ah badda Soomaaliya ee aysan ahayn in caddaalad lagu xukumo. Mid ka mid ah qareenada ayaa si gaar ah diiradda u saaray dood uu sheegay inay Kenya ku doodday oo ah in labada waddan ay oggolaansho ka gaareen badda. Waxa uu sheegay inysan labada waddan wax heshiis ah gaarin haddii uu yahay mid cad iyo mid aamusnaan ahba. Qareenka ayaa sheegay in Soomaaliya ay mar walba taariikhdeeda ku doodaysay in xuduuddu ay ahaato mid toos ah. Sidoo kale mid ka mid ah qareenada Soomaaliya ayaa sheegay inuusan jirin heshiis cad oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo ku saabsan muranka badda. Waxa uu intaas ku daray in xaqiiqada ah inay labada dhinac ka wada hadlayeen muranka ay muujinayso inay labada waddan aqoonsadeen inay doonayaan in xuduud looga sameeyo dhinaca badda, xalna laga gaaro muranka. Mid ka mid ah qareenada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in hadallada Kenya ay is burinayaan marka ay noqoto dacwddeeda, iyaga oo mar qiray inuu muran jiro mar kalena ku dooday heshiis inuu jiro. Qareenada ayaa ku eedeeyey Kenya inay doonayso inay ka faa’iidaysato awood darrada Soomaaliya ee ku aaddan inay khayraadka baddeeda difaacato. Mid ka mid ah qareennada ayaa ku soo gabagabeeyey in dacwadda Kenya aysan lahayn wax rajo ah. Dhagaysiga ayaa dhammaaday wax yar kadib 8-dii fidnimo xilliga Muqdisho waxaana la iskugu soo laaban doonaa maalinta berri ah oo ay sii wadi doonaan qareennada Soomaaliya difaacistooda dacwadda Soomaaliya. Dhagaysiga ayaa maanta ka furmay magaalada The Hague ee dalka Netherland. Maxkamadda waxaa ka maqan dalka Kenya oo horey u sheegay inaysan ka qayb-qaadanayn dhagaysiga. Maxkamadda caalamiga ah ayaa sheegtay inay ka xuntahay inaysan Kenya ka qayb-qaadan doonin dhagaysiga, hase yeeshee waxay sheegtay maxkamaddu inay hayso qoraallo iyo dokumentiyo ku filan oo ka turjumaya mawqifka Kenya. Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya ayaa sheegay inay iyaguna ka xun yihiin maqnaanshaha Kenya. Mahdi Maxamed Guuleed waxa uu sheegay in maxkamaddu ay siisay Kenya waqti ku filan oo ay ugu diyaar garowdo dhagaysiga. Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay go’aanka maxkamadda, waxaana uu sheegay inay donayaan xad rasmi ah oo u dhexeeya labada waddan in loo sameeyo. Waxaa xusid mudan in dhageysiga dacwadda ay weli socoto, oo maalmaha soo socda lasii wadi doono. VOA
-
Talaalka Covid19 ee Shirkada AstraZeneca oo hada shixnadii u horaysay noociisa lageeyay Soomaaliya iyo Kenya ayaa Dalal badan ay hakad galiyeen isticmaalkeeda kadib markii lagala kulmay Xanuun sababay in Dad badan ay ku Xanuunsadaan, hal Qof ayaa ilaa hada u dhintay talaalkaas. Wadamo dhowra ayaa Dadkii lagu duray Talaakaan iyagoo markii hore caafimaad qabay ayaa waxay wajaeheen Caafimaad xumo sababay inay Komo galaan ama elerji ay ka qaadaan. Dalalka Jarmalka, Faransiiska Isbaanishka, Denmark iyo Norway oo kamid ahaa Dalalkii soo iibsadey Talaalka AstraZeneca ayaa hada go’aansadey inay hakad lagaliyaan isticmaalkeeda. Wadamada Ingiriiska, Biljam iyo Sweden caadi ayaa Dadka loogu talaalaa ilaa hada oo ma aysan joojin. Barnaamijka COVAX oo ay hormuudka ka tahay Ha’ada Caafimaadka Aduunka WHO, waxaa lagu caawinayaa Wadamada soo koraya si ay u helaan Talaalka Civid19, Waxaana Barnaamijkaan lagu keenay Talaalka AstraZeneca Wadamo ay kamid yihiin Soomaaliya iyo Kenya. Ilaa hada macada inta ay gaarsiisan tahay khatarta Talaalkaan, Dadka kala kulmay waxyeelada ayaa hada baaritaan dheeraada lagu wadaa si loo ogaado sababta keentay in jirkoodu uu la falgaliwaayo Talaalkaan uuna waxyeelada ugaarsiiyay, Khatarta dhowr qof uu ilaa hada gaarsiiyey, waa Dhiig ku firma Maskaxda iyo Dad komo galay maalmo kadib markii ay qaateen Talaalkii kowaad ee AstraZeneca. Talaadada kale ee Maraykanka, Ruushka iyo Shiinaha ilaa hada so caadiya ayaa loo isticmaalaa. Puntlandi.com Nairobi The first shipment of just over 1 million Covax-funded AstraZeneca Covid-19 vaccines arrived in Kenya’s capital Nairobi on Tuesday as African countries ramp up their vaccine rollouts The post Breaking News— Talaalka Covid 19 ee Soomaaliya la geeyay oo Wadamo badan ay joojiyeen isticmaalkiisa kadib khatar Caafimaad oo lagala kulmay appeared first on . Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Bar___Qubanaha-1532021-OK.mp3 View the full article
-
Madaxweeynaha Dalka Djabuti Ismaacil Cumar Geelle iyo Marwada Koowaad ee dalkaasi ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Olalaha talaalka Covid-19 ee dalkaas. Dalka Jabuti oo mar dhaw la geeyay talaalka ayaa maanta waxaa daahfuray Madaxweeyne Ismaacil iyo marwadiisa. Ismaacil Cumar Geelle ayaana daahfurka Olalaha isku bilabay isagoo laga talaalay safmarka. Marwada koowad ee dalka Jabuti oo furitaanka Ololaha qeyb ka aheyd ayaana la talaalay iyadana. Sikastaba maanta oo talaalka uu soo gaaray Soomaaliya ayaa shacabka ku dhaqan Caasimadda waxa ay dowladda ka codsadeen in talaalka lagu bilaabo Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday Farmaajo iyo marwadiisa. Source: goobjoog.com
-
Ku simaha wasiirka ahna wasiiru dowlaha wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan looga hadlayay ka hortagga karoona fayrus kula qaatay masjidka isbaheysiga culimaa’udiinka, imaamyada iyo khadiibyada masaajidadda magaalada Muqdisho. Sheekh Basiir Axmed Salaad, Sheekh Cali Wajiis iyo Sheekh Cabdi Xayi oo kulanka ka hadlay ayaa adkeeyay doorka looga baahan yahay culimada xilliyadan oo kale, iyagoo ku baaqay in wadajir loo wajaho ka hortagga COVID-19 oo dhibaato ba’an ku haya dalkeenna. Kulanka ayaa laga soo saaray bayaan ka kooban 9-qodob, kaasi oo awaamiir dul dhigaya masaajidda iyo goobaha le’isugu yimaado si looga hortago faafidda cudurka. Ku simaha Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Macalin Yaxye, ayaa faray imaamyada masaajidda dhaqan gelinta bayaanka si looga taxadaro faafidda COVID-19. View the full article
-
Talaalka ay soo saartay Shirkada ugu wayn Dawooyinka Caalamka ee AstraZeneca ayaa Wadamo badan ay isticmaalkeeda joojiyeen ka dib markii Cilido badan oo dhimasho sababay lagala kulmay Dadkii lagu talaalay. Talaalka AtraZeneca ayaa lagala kulmay Madaxxanuun, elerji iyo Dad uu Madaxa Dhiig ku furay, hal Qof ayaa ilaa hada u dhintay. Dhowr waddan ayaa joojiyay isticmaalka Talaalkaan, waxaa maanta oo isniin ah joojiyay oo hakad galiyay , Jarmalka, Faransiiska, Talyaaniga iyo Isbaanishku waxayna Wadamada ku dhawaaqeen inay si ku-meelgaar ah u joojinayaan adeegsiga Talaalka AstraZeneca. AstraZeneca waa Shirkad samaysa Dawooyinka, waxayna kamid tahay Shirkadaha soo saaray Talaalka Covid 19 Shirkada Astra oo Dalka Sweden laga leeyahay iyo Shirkada Zeneca oo Ingiriiska laga leeyahay oo isku darsamay ayaa la baxay Magaca AstraZeneca, waxayna Wadajir ku noqdeen mid kamida Shirkadaha ugu wayn Caalamka Suuqyada Dawooyinka sameeya. Denmark, Norway, Jarmalka, Faransiiska, Talyaaniga iyo Isbaanishka ayaa ilaa hada hakad galiyay halka Ingiriiska, Beljam iyo Sweden ay si wadaan isticmaalka Talaalka AstraZeneca. Talaalkaan ayaa ah nooca hada lagaardiiyo Wadamo badan oo Afrika ah Soomaaliyana kamidka tahay. Puntlandi.com London The post Wadamo badan oo hakad galiyay Talaalka Covid19 ee AstraZeneca appeared first on . Source
-
Waxaa soo gabagaboobay dhageysiga maalinka kowaad ee la xiirsan wareega kowaad ee dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya. Maxkamadda waxaa ka maqnaa dalka Kenya oo horey u sheegay in aysan ka qaybgalayn dhageysiga, waxayna maxkamaddu diiday codsi uu soo jeediyay Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Kenya oo ahaa in uu jeediyo hadal 30 daqiiqo ah oo ku sharaxayo sababta Kenya uga maqantahay Maxkamadda. Maxkamadda ICJ waxay sheegtay in ay ka xuntahay maqnaashiyaha Kenya, balse ay sii wadi doonto dhagaysiga kiiska. Mahdi Maxamed Guuleed, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo hoggaaminaya ergada ka wakiilka ah Soomaaliya oo hadal ka jeediyay Maxkamadda ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay go’aanka maxkamadda, waxaana uu xusay in ay doonayaan in la sameeyo xad rasmi ah oo u dhexeeya labada dal. Mahdi Guuleed wuxuu kaloo sheegay in ay ka xun yihiin maqnaanshaha Kenya ee Maxkamadda. Saddex qareen oo ajnebi ah ayaa dooda sharciga ah ee Soomaaliya jeediyay, kuwaas oo soo bandhigay hadallo, dokumenti iyo khariiddad ay qaarkood Kenya leedahay oo qareennadu ay u cuskadeen in ay markhaati ka yihiin in ay Soomaaliya leedahay badda ay Kenya ku doodeyso. Xeer-ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Saleemaan Maxamed Maxamuud oo ka warbixiyay fadhigii maanta ee Maxkamadda ayaa sheegay in dhageysiga maalinka kowaad uu si fiican u gabagaboobay, difaaca baddana uu si wanaagsan u socda. Xeer-ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya wuxuu sheegay in dood afeedkan hadda socda wareegiisa kowaad iyo labaad la rajaynayo in uu noqon doono kii gabagabeyn lahaa dooda badda, kadibna ay maxkamaddu u diri doonto xukun. PUNTLAND POST The post Wararkii ugu dambeeyay ee dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Mahadaay (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay dagaal kula wareegeen degmada Mahadaay oo qiyaastii 23-KM u jirta magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle. Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa maanta dhowr jiho kasoo weeraray Mahadaay, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo dhex maray Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo sanadihii lasoo dhaafay fariisimo ku kalaa gudaha magaaladaas. Al-Shabaab waxaa u suurta gashay inay dagaal kula wareegaan degmada, sida ay noo xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugan Mahadaay oo Caasimada Online u waramay, waxayna ciidamadii dowladda ee magaalada laga saaray u baxeen dhanka saldhigga ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin Warshaddii hore ee hubka oo ku taalla duleedka degmada Mahadaay. Wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno degmada Mahadaay waxay sheegayaan in galabta ay ciidamada dowladda Soomaaliya weerar rogaal celis ah ku soo qaadeen magaalada, isla markaana uu halkaas ka dhacay dagaal kale oo ay kula wareegeen magaalada, kaas oo caawa fiidkii la isla soo gaaray. Dad ku sugan Mahadaay ayaa noo sheegay inay ciidamada dowladdu dib ula wareegeen gacan ku heynta magaalada, isla markaana ay hadda ku howlan yihiin qarxinta miinooyin ay Al-Shabaab ku xireen fariinsinkoodii ay ka qabsadeen maanta. Dhanka kale warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa baahisay in kooxdu ay la wareegtay Mahadaay, isla markaana hadda iyagu maamulayaan.
-
Iyadoo ay socoto saxiixa buugga tacsida Allaha u naxariistee Cali Mahdi Maxamed Madaxweynihii hore Soomaaliya ayaa waxaa hoyga gogosha ay taalo gaaray Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug Faadumo Cabdi Faandhe, Xildhibaanno, odayaal dhaqameed iyo Ganacsato, Suldaan Maxamed Muuse Barre iyo Xildhibaan Maryan Maxamed Xuseen ayaa ehelada uga tacsiyeeyay geerida Marxuum Cali Mahdi Maxamed Madaxweynihii hore Soomaaliya. Intaa kaddib ayay Mas’uuliyiinta waxa ay kulan la qaateen ehelada iyo guddiga dhaqanka ee loo xilsaaray tacsida Madaxweynihii hore waxa ay ku wareejiyeen xoolo iyo kutubo Qur’aan Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa wareejiyay xoolihii ay ugu talagaleen tacsida kaddib waxaa hadlay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Baarlamaanka Galmudug Faadumo Cabdi Faandhe waxayna sheegtay in Cali Mahdi uu ahaa Madaxweyne soo shaqeeyay xili adag, isla markaana door weyn ka soo qaatay Nabadda Soomaaliya. View the full article
-
Ilo Dublamaasiyadeed ayaa Puntlandi.com u sheegey in Kulamadii u dambeeyay ee Musharixiintu ay la yeesheen Beesha Caalamka ay uga wadahadleen kalsoonida ay ku qabaan waxyaabaha kasoo bixi doona Shirka ka dhici doona Afisyooni. Musharixiintu waxay sheegeen in Ay aad u danaynayaan inay qayb ka noqdaan Shirka balse hadii aysan suuragalayn ay taageersan yihiin wax alaale oo kasoo baxa kulanka. Sida aan xogta ku hayno Musharixiintu waxay sicad ugu sheegeen Beesha Caalamka in ay ku qanacsan yihiin Natiijada Shirkaas mar hadii Beesha Caalamku ay korjoogtaynayso si Shirku uu San u noqon Kuwii hore oo kale waxayna hadalkaas raaciyeen , inay ku qanacsan yihiin hadii xitaa uu Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu yiraahdo Anaa Shirka ku matalaya Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe, Hadalkaan kasoo yeeray Mudharixiinta ayaa muujinaya in Musharixiintu ay labadaan Masuul u arkaan kuwo aan iyagu go’aan lahayn balse uu majaraja u hayo Madaxweyne Farmaajo. Puntlandi.com Muqdisho The post Mudhharixiinta oo Beesha Calamka u sheegay inay raali ka yihiin In Farmaajo uu matalo Qoorqoor iyo Guudlaawe appeared first on . Source
-
Dhagaysiga Kiiska Muranka Bada ee ka dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa maanta oo isniin ah furmay iyadoo Kenya ka maqantahay. Kenya horay ayay u sheegeen inaysan imaanaya Dhagaysiga Isniinta( Isniinta maanta ah 15,3,2021), waxayna cududaar ka dhigteen dhowr arimood oo kala ah.. In Maxkamada Aduunka ay u janjeerto dhinaca Soomaaliya, oo aybu xaglinayaan Soomaaliya Cudurka Corona Virus oo farakulul ku haya oo u saamixi waayay inay siwanaagsan isugusoo diyaariyaan Kiiska Kenya oo shaqaalaysiisay Koox cusub oo sharciyaaqaano ah( Looyariin) waxayna u baahantahay inay kooxdaan cusub loo sharaxo Kiiska, siduu ku bilowdey ilaa hada meesha uu marayo Kenya waxay Diidan tahay in Garsooraha Soomaaliga ah ee Ka tirsan Maxkamada Aduunka uu meesha joogo(Gudoomiyihii hore ee Maxkamada Aduunka Cabdiqawi) Waxayna Kenya dalbatay inuu Iscasilo Hadaba Kenya iyadoo soo jeedsatay qodobadaan ayay æ go’aansadeen iney qaadacaan imaanshaha Dhagaysiga Dacwada ee Maanta loo balan sanaa. Maanta Kenya waxay kaloo sheegeen in Kiiska ay hordhigayaan Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana xusid mudan in Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ay Kenya Xubin ka tahay sanadkaan. Maxaa Kenya unqarsoon oo ay maanta u maqnaayeen oo u diideen inay yimaadaan Maxkamada Garyaqaano Soomaaliyeed oo ku xeel dheer Dacwooyinka Heer Caalami oo Puntlandi.com ay waydiiyeen su’aashaan ayaa ayaa Qoraalkaan hoose noogu jawaabay… “Kenya waxay ciyaaraysaa kaar cusub oo ay Dacwada dib ugu dhigayaan maadaama bishii hore laga diiday Codsigoodii ahaa in Kiiska dib loogu dhigo markii Afraad, Waxay kaloo Kenya ay aragtay in mar hore Kiiskaan looga itaal roonaadey oo looga guulaysanayo, waxayna doonayaan iney Maxkamada jahawareeriyaan Si ay wakhti ugu helaan in marakale ay dib ugusoo dhistaan Kiis ka Adag koodii hore iyo koox looyaro ah oo afmishaariin ah. Kenya waxay howlgaliyeen Looyaro Cusub oo qaarkood Yurub aad looga dambeeyo dhanka Sharciga, aadna afmishaariin u ah, waxaana la xaqiiq ah in Looyaradaas ay Kenya kula taliyeen inay Qaadacaan ka qaybgalka Dhagaysiga, Iyagoo markaas Ciyaaraya Kaarto ay hadhow Maxkamada ku qancin karaan in Dhagaysigii ay Kenya ka maqnayd uu sharci daro ahaa in la dhagaysto, Waa Macquul inay haystaan Daliilo qarsoon oo u saamaxaya in iyaga garloosiiyo in Dacwada dib loo dhigo, Daliiladaas waxaa kamid noqon kara inay sheegaan inay hayaan cadeymo ama markhaatiyaal muhiim u ah kiiska, hadii taas dhacdo Maxkamada waxaa khasab ku ah inay ogolaato in Kenya wakhti la siiyo. Mida kale, Kenya waxay ku hanjabtay maanta in Kiiska ay u gudbinayso Golaha Amaanka, taasi oo ay wakhti ku gadaynayso( Doonayso inay Kiiska sii jiijiido si wakhtigii ay rabtay ay halkaas uga hesho)” Hadaba maanta Kiisku wuxuu kusoo dhamaadey Sidii horay loo asteeyay( Jadwalkii Kiiska), Waxaa Macquul ah in Maxkamadu ay beri ka hadasho Maqnaanshaha Kenya iyo waxa laga yeelayo, Maanta waxaa soo jeedintii Soomaaliya u hadlay Raysal wasaare Xigeenka Mahad Guuleed, wuxuuna jeediyay khudbad dheer oo ka hadlaysa Lahaanshaha Bada ay Kenya ka laalaado. Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com Puntlandi.com Holland Somalia flag with Kenya flag, 3D rendering The post Muxuu salka ku hayaa Ka Maqnaanshaha ay Kenya ka maqnaayeen maanta Maxkamada Aduunka, Muxuuse yahay ujeedku ay Dacwada ugu gudbiyeen Golaha Amaanka QM appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kalena ah Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Mucaaridka ayaa ka hadlay dacwadda kiiska Badda oo ka bilaabatay magaalada Hague ee dalka Holand. Sheekh Shariif ayaa waxa uu maanta ku tilmaamay ‘maalin weyn oo taariikhi ah’, maadama la gudo galayo dhageysiga dacwadda oo muddo sanado ah soo jiitameysay, taasi oo muujin doonta in taako kamid ah xuduud badeedkeenna aan la qaadan karin. Waxa uu shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan ku booriyay inay u midoobaan qadiyada Badda, asagoona ka digay in kiiska badda loo adeegsan karin siyaasad ama dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay. Shariif ayaa rajo weyn ka muujiyey kiiska Badda oo ay xiligan ka hartay Kenya, oo ku doodeysa cudur lagu qoslo, ayada oo Maxkamadda ICJ iska dhago tirtay dalab ay ku rabtay in dib loogu dhigo dhageysa dacwadda. Hoos ka aqriso qoraalka Sheekh Shariif oo uu soo dhigay bartiisa Facebook Bismillaah Maanta waa maalin ku weyn qalbiyaddeena, waa maalin ay dacwaddii badda ee u dhaxaysay dalkeenna Soomaaliya iyo Kenya ay ka bilaabaneyso Maxkamadda Cadaaladda Adduunka, waana maalin ay qormayso taariikh cusub oo muujin doonta in taako kamid ah xuduud badeedkeenna aan la qaadan karin. Waa arrin u baahan inay u midoobaan Soomaali meel kasta oo ay joogto, waa arrin aan la siyaasadayn karin ama loo adeegsan karin dano gaar ah. Waxaan bogaadinayaa Wafdiga iyo Qareennada nagu matalaya dacwadda, waxaan Alle ka rajaynayaa inay halkaas guushu ku raacdo Soomaaliya. Guul iyo Gobannimo
-
Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa magaalada Hague ee dalka Holland ka bilowday dhageysiga dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya. Maxkamadda waxaa ka maqan dalka Kenya oo horey u sheegay in aysan ka qaybgalayn dhageysiga, Maxkanadduna waxay sheegtay in ay ka xuntahay maqnaashiyaha Kenya, balse ay sii wadi doonto dhagaysiga kiiska. Mahdi Maxamed Guuleed, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo hoggaaminaya ergada ka wakiilka ah Soomaaliya oo hadal ka jeediyay Maxkamadda ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay go’aanka maxkamadda, waxaana uu xusay in ay doonayaan in la sameeyo xad rasmi ah oo u dhexeeya labada dal. Mahdi Guuleed wuxuu kaloo sheegay in ay ka xun yihiin maqnaanshaha Kenya ee maxkamadda, maadaama maxkamaddu ay siisay Kenya waqti ku filan oo ay ugu diyaar garowdo dhageysiga. Hadal jeedinta Mahdi Guuleed, kadib waxaa bilowday hadal jeedinta qareennada u doodaya Soomaaliya, oo hadda si toos ah u socota. Madaxda Soomaaliya ayaa si toos ah muuqaal baahiyaha kala socda dhageysiga dacwadda, sidoo kale dad Soomaaliyeed ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee Maxkamadda, kuwaas oo dareenkooda ku muujinaya sida ay dalkooda u garabtaagan yihiin. PUNTLAND POST The post Dhageysiga dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa sheegay in laga helay Corona Virus. Wararka aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan in xubno kale oo ka tirsan qoyska madaxweyne ku-xigeenka iyo ilaaladiisa gaarka laga helay COVID 19. Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylic ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada waxa uu ku yidhi “waxaan maalintii sadexaad la tacaalayaa xannuunka Coronavirus (Covid-19). Habeen hore ayaa jawaabta helay. Waa allah mahadii ilaa iyo imika xaaladayda caafimaad aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay. Aniga iyo inta uu asiibay waxaan allah uga baryayaa caafimaadka sareec ah. Waxaan bulshada ku wacyigalinayaa in ay ku dhaqmaan fariimaha wacyigalinta ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa dhakhaatiirta oo xil wayn iska saartay caafimaadkayaga. Alla Mahad Leh.” Source
-
Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-habeen-1532021.mp3 View the full article