Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,092
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqgdisho, waxaana laga soo saaray war-saxaafadeed rasmi ah oo dhowr qodob ka kooban. “GWQ ayaa kulankooda ku dhagaystay warbixino faahfaahsan oo taabanaya amniga Qaranka,” ayaa lagu yiri hordhaca bayaanka. War-saxaafadeedkaan waxaa lagu sheegay in Goluhu ka hadley ajandeyaal masiiri ah oo ay ka mid yihiin la-dagaalanka argagixisada, qorshayaasha qaranka ee dhinaca aminga, geedi-socodka dimuqraadiyaynta, iyo xaaladda dhaqaale ee dalka. “Goluhu waxuu bogaadinayaa sida ay Dowlada Federaalka (DF) u maaraysay goobihii ay kala wareegtay ciidamada ATMIS, taas oo caddeyneysa sida DF ay uga go’antahay gaarsiinta isku filnaansho dhinac walba ah,” ayaa lagu yiri bayaanka. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Goluhu waxa uu soo dhaweeyay tallaabada taariikhiga ah ee Markabka dalka Turkiga ee Oruc Reis, oo baaris ku sameynaya shidaalka dalkeena, isagoo ku ammaanay dadaalka dowladda Federaalka Soomaaliya ay gelisay sidii looga faa’iideysan lahaa kheyraadka dalka.” Sidoo kale golaha ayaa ugu baagay xubnaha ka magan shirka in mar walba diyaar loolayahay wadaxaajood iyo wadahadal lagu soo afjarayo wixii kala aragti duwanaansho ah ee jira. Qodobada Shirka ka soo baxay waxaa kaloo kamif ah: GWQ waxuu si qoto-dheer u falangeeyay xaaladaha aminga, siyaasadda, iyo saalada bini’aadanimo ee dalku uu marayo. Sidoo kale GWQ, isaga oo tixraacaya heshiisyada shirarkii bishii December 2022, March 2023, iyo May 2024, wuxuu ku heshiiyay qodobada soo socda: GWQ wuxuu go’aamiyay in ay lagama maarmaan tahay in la fuliyo heshiisyadii horay loo galay isla markaana dalka la gaarsiiyo doorasho xor iyo salaal ah oo ku dhisan nidaamka xisbiyada badan oo ay shacabka Somaliyeed si toos ah wakiiladooda ugu soo doortaan. GWQ wuxuu isku raacay in si degdeg ah baarlamaanka federaalka loo horgeeyo sharciyada doorashooyinka, xisbiyada badan iyo guddida doorashada iyo xuduudaha. GWQ wuxuu soo jeediyay iney xukuumadda JFS soo dhamestirto dhismaha Gudida Qaran ee Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha. GWQ wuxuu isku raacay in Gudida Qaran ee Madaxabanaan ee Doorashooyinka lyo Xuduudaha uu soo diyaariyo jadwal faahfaahsan oo ku saabsan habsami u socodka geedi socodka doorashada si shuruucda dalka waafaqsan. GWQ wuxuu isku raacay in Doorashooyinku ku gabsoomaan sida soo socota: 5.1. Dowladaha Hoose waxay doorashadooda dhici doontaa Juun 2025. 5.2. Doorashada Baarlamaanka iyo Madaxda DXDF waxay dhici doontaa Sebtember 2025. –Dhammaad The post Qodobo uu muddo kororsi ka mid yahay oo kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga appeared first on Caasimada Online.
  2. Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa shaaca ka qaaday in ay isku raaceen in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah oo ku salaysan nidaamka xisbiyada badan, iyada oo xukuumadda Federaalku soo dhisayso Guddi Doorasho oo madax-banaan. Doorashooyinka Golayaasha Deegaankan oo qof iyo cod ah ayaa loo muddeeyey bisha Juun, 2025; halka Doorashooyinka Dowlad-goboleedyada loo muddeeyey September 2025. GWQ waxuu si qoto-dheer u falanqeeyay xaaladaha aminga, siyaasadda, iyo xaalada bini aadanimo ce dalku uu marayo. Sidoo kale GWQ isaga oo tixraacaya heshiisyada shirarkii bishii December 2022, March 2023, iyo May 2024, wuxuu ku heshiiyay qodobada soo socda: GWQ wuxuu go’aamiyay in ay lagama maarmaan tahay in la fuliyo heshisyadii horay loo galay isla markaana dalka la gaarsiiyo doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhisan nidaamka xisbiyada badan oo ay shacabka Somaliyeed si toos ah wakiiladooda ugu soo doortaan. GWQ wuxuu isku raacay in si degdeg ah baarlamaanka federaalka loo horgeeyo sharciyada doorashooyinka, xisbiyada badan iyo guddida doorashada iyo xuduudaha. GWQ wuxuu soo jeediyay iney xukuumadda JFS soo dhamestirto dhismaha Gudida Qaran ee Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha. GWQ wuxuu isku raacay in Gudida Qaran ee Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha uu soo diyaariyo jadwal faahfaahsan oo ku saabsan habsami u socodka geedi socodka doorashada si shuruucda dalka waafaqsan. GWQ wuxuu isku raacay in Doorashooyinku ku qabsoomaan sida soo socota: Dowladaha Hoose waxay doorashadooda dhici doontaa Juun 2025. Doorashada Baarlamaanka iyo Madaxda DXDF waxay dhici doontaa Sebtember 2025. Source: goobjoog.com
  3. Komishanka Doorashooyinka Qaranak JSL ayaa maanta tababar u furay hawlwadeenada heer-gobol iyo heer-degmo ee KDQ. Tababrkan oo lagu qabtay gobolada dalka JSL, tababarkani oo ahaa kuwa ugu muhiimsan hawlaha doorashada ayaa waxay ku qaaten: Habraaca Maamulka Natiijada Doorashada. 2-Habraaca maamulka Cabashooyinka Doorashada. 3-Xeernidaamiyaha Hubinta Codbixiyeyasaasha Bu’da isha (IBVVS). Source
  4. Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo metelaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Bujumbura ee dalka Burundi. Ujeedada socdaalkiisa ayaa ah ka qeyb-galka Shir-Madaxeedka 23-aad ee dalalka ku mideysan Ururka COMESA ee Bariga iyo Koonfurta Afrika, oo lagu qabanayo magaapada Bujumbura. Shirkan oo berri furmaya ayaa diiradda lagu saari doonaa ajandayaasha mudnaanta u leh dalalka ku midaysan suuqan, kuwaas oo ay ka mid yihiin istiraatiijiyadaha amniga iyo nabadda, isbeddelka cimilada, is-dhexgalka dhaqaalaha, iyo horumarka waara. Source: goobjoog.com
  5. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay go’aanka lagu beddelayo howlgalka taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). Qaraarkan cusub wuxuu dhigaya in UNSOM lagu beddelo hawlgal kumeelgaar ah oo loogu magac daray UNTMIS (United Nations Transition Mission in Somalia). Hannaanka kala-guurka ayaa bilaaban doona 1-da November 2024. Dhamaan 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa isku raacay qaraarkan, taasoo muujineysa isku-duubnida ku saabsan taageerada Soomaaliya inta lagu jiro marxaladda kala-guurka amniga iyo siyaasadda. UNTMIS waxaa loogu talagalay inay si dhow ula shaqeyso dawladda federaalka iyo xulafada kale ee Soomaaliya si loo xoojiyo amniga iyo dib-u-dhiska dawladnimada. Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale xusay baahida loo qabo in taageero dheeraad ah la siiyo ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo qorshayaasha kala-guurka, si loo xaqiijiyo in Soomaaliya ay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga. Source: goobjoog.com
  6. Mogadishu (HOL) — Somalia has the authority to decide on Ethiopian troop participation in the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM), set to launch in January 2025, according to UK Ambassador Michael Nithavrianakis. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa kormeer shaqo ku tagey xarunta diyaarinta qorshaha isbeddelka qaranka (NTP 2025-2029), oo si habsami leh uga socda xarunta Hangarka Afisyoone. Ra’iiul Wasaare Xamza ayaa warbixin dhameystiran ka dhagaystay khubarrada ku howlan qorista qorshaha isbeddelka qaranka ee 2025-2029. Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaruhu kormeeray sheybaarrada kala duwan ee ay shaqadu ka socoto isagoo ku ammaanay howsha muhiimka ah ee ay qaranka u hayaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku sugnaa xarunta waxa uu ka qayb-galay dood wadaag wax ku ool ah oo ay yeesheen wasaaradda caafimaadka, dhaqaatiirta iyo ganacsatada, kaas oo looga hadlayay muhiimadda ay leedahay in qeybaha bulshada oo dhan ay door ku yeeshaan, diyaarinta qorshaha isbeddelka qaranka. Mudane Xamza ayaa sheegay in xukuumadda uu hogaamiyo ee Dan-Qaran ay doonayso in dalkeena loo jiheeyo dhanka horumarka, tayeynta hey’adaha dowladda iyo nidaamka casriyeynta oo wax badan ka beddeli doona qorshaha la doonayo in qaranka lagu horumariyo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu intaas raaciyay in dib u eegis lagu samaynayo dhismaha iyo sharciyada ha’yaddaha fulinta si dalkeenu ula jaanqaado dunida horumartay, iyadoo qorshuhuna yahay in xukuumadda ay dalka ku hogaamiso wax-qabad muuqda oo bulshada u riyaaqdo. Si kastaba, diyaarinta qorshaha isbeddelka qaranka ayaa maalmihii dambe si habsami leh uga socday magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta ciidanka cirka ee Afisyoone. The post Sawirro: R/Wasaare Xamza oo maanta tegay Afisyoone kadibna… appeared first on Caasimada Online.
  8. Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, oo ku hadlaysa magaca Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda iyo shacabka Isbaaniya (Spain) ka dib fatahaad ba’an oo sababtay geerida in ka badan 63 qof. Soomaaliya waxay la wadaagtay murugada iyo naxdinta dhacdadan musiibada leh, iyadoo garab taagan qoysaska iyo bulshooyinka ay musiibadu taabatay. Dowladda Federaalka waxay bogaadin u dirtay shacabka iyo hoggaanka Isbaaniya, oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare Pedro Sánchez, kuwaas oo ay ku ammaantay midnimada iyo dulqaadka ay muujiyeen xilligan adag. “Fatahaadani waxay tusaale u tahay in iskaashi caalami ah iyo diyaar-garow wadajir ahi muhiim u yihiin marka masiibooyinka dabiiciga ah na soo food saaraan,” ayaa lagu yiri farriinta tacsida. “Soomaaliya waxay sii xoojinaysaa ballan-qaadkeeda ku aaddan wada shaqaynta caalamiga ah si loo taageero soo kabashada iyo iska caabbinta masiibooyinka.” Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku adkeysatay muhiimadda xiriirka bini’aadannimo ee u dhexeeya dalalka, iyada oo garab taagan Isbaaniya xilligan adag, kana rajeynaysa in qaranka Isbaaniya uu si dhaqso leh uga soo kabto musiibadan. Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti Dileyta Maxamed Dileyta oo soo gaaray magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda ay u leedahay labada dal ee Jabuuti iyo Soomaaliya iskaashi diblomaasiyadeed iyo ka shaqeynta wax wada qabsi wadajir ah, taas oo gobolka u horseedi karta horumar, is-ixtiraam, amni, nabad iyo xasillooni waarta. Dhankiisa guddoomiye Dileyta Maxamed ayaa shacabka iyo dowlad uga mahad-celiyey soo dhaweynta diiran, isaga oo bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay dowladda federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti oo booqasho ku jooga caasimada ayaa sidoo kale waxa uu maanta marti ku ahaa oo uu ka qeyb-galay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen xildhibaanada golaha shacabka. Dileyta oo kulankaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa ayaa ugu horeyn ka mahad-celiyay soo dhaweynta diiran ee loogu sameeyay Muqdisho, isagoo sheegay inay sii socon doonaan booqashooyinka madaxda iyo xildhibaanada labada baarlamaan, si loo xoojiyo xiriirka walaalnimo ee labada shacab. “Waxaan ka mahadcelinayaa casuumadda iyo soo dhaweynta walaalnimo ee uu inoo sameeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaan halkan ka cadeynayaa in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu si joogta ah ugu howlan yahay sidii Soomaaliya u heli lahayd xasilooni iyo nabad waarta, isagoo mar walbo ku dhagan sidoo kalena adkeynaya walaalnimada iyo wadajirka ka dhaxeeya Jabuuti iyo Soomaaliya,” ayuu yiri. Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan Alle ka baryayaa inuu barakadiisa u hibeeyo dadkeena, labada dalna ka nabad geliyo wax kasta oo dhibaato iyo qalalaase ah.” The post Sawirro: Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku qaabilay Dileyta appeared first on Caasimada Online.
  10. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/10/AQOdzH0ntBDUAO3fPB7gUqkkGIYJUaY_WL3bUfGaayobq_OQ-L75_WvjEZi4Y8jA_pB5WGl4baXr5Hl_yZ9McXV2.mp4 Qaran News
  11. AQOqpO9tXXvxKC4ir94muW9c1Qv6VVz0TA_MqKA4s0kgkmefXqb3RV7UuNTJZ9tWaipJJ6n_b_UA8Mdv0mwEhUli Qaran News
  12. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka kula kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti, Mudane Dileyta Maxamed Dileyta, oo wafdi uu hoggaaminayo soo gaaray magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa qeyb ka ah xoojinta xiriirka dhow ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, oo ah laba dal oo xiriir taariikhi ah iyo walaalnimo xooggan wadaaga. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda uu leeyahay iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal iyo sidii ay uga shaqeyn lahaayeen horumarinta wax-wada-qabsiga. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in xiriir wadajir ah uu gobolka u horseedi karo. Madaxweynaha ayaa sheegay in xiriirka labada dal uusan ku koobneyn oo kaliya dhinaca siyaasadda, balse uu muhiim yahay isku-xirka bulshada labada dal iyo iskaashiga dhaqan-dhaqaale. Soomaaliya iyo Jabuuti waxay qeyb weyn ka yihiin dadaallada nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika, iyaga oo wadajir uga shaqeeya amniga iyo horumarinta gobolka. Dhankiisa, Guddoomiye Dileyta Maxamed ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran ee wafdigiisa. Wuxuu bogaadiyay dadaalka ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah. Wuxuu hoosta ka xarriiqay sida uu Jabuuti diyaar ugu yahay inay sii xoojiso iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya, si loo gaaro yoolalka ay wada leeyihiin labada dal. Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashuur Warsame oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa u jawaabay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay codsi u gudbiyay xubnaha labada Gole ee baarlamaanka. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday in tallaabada uu xalay qaaday madaxweynaha ay muujineyso inta ay gaarsiisan tahay aqoonta uu u leeyahay baarlamaanka, wuxuuna jawaabtiisa kusoo koobay saddexdan qodob ee hoose. Madaxweynaha wuxuu noo sheegay aqoonta uu Baarlamaanka u leeyahay.: 1-Guddoonka waqtigii aan rabo iyo wixii aan rababa waan idinka helaa. 2- Xildhibaannada kuwii labada sano iyo jarjarka i bartay waan kala leexanaa, kuwa aan 2dii sano hore arkin ayaan ujeedaa oo macnaheeda yahay hadday igu sirmi doonaan. 3- Laakiin maxay kuugu taalaa kuwa i bartay yaa wax ka dhagaysanaya. Dadkaan waxay la midyihiin ninkii balliga biyaha ka soo waayey oo qolo u socota ka hortimid ee ku yiri anigaa biyo ka soo waayey, oo ay ku yiraahdeen waan ku soo quusanaynaa, ee inta ka daba laabtay yiri, waan idinkula soo quusanayaa. Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay kulan casho sharaf ah la qaatay Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa toos ugu gudbiyey codsi ku saabsan kulan gaar ah oo uu ku hortagayo fadhiga Baarlamaanka. Madaxweynaha ayaa madasha ka sheegay in uusan weligii ku hungoobin codsi uu u diray Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sidoo kale haatana uu ka rejaynayo in aanay dhicin wax ka duwan waxyaabihii hore. “Kulan gaar ah waala ii sameynaa, aniga codsi ayaa la imaanaa, go’aanka idinkaa iska leh, warqaddeyda dastuuriga ah waan soo qoronaa haddii alle yiraahdo oo guddoonka waan usoo gudbinaa, Maalintaas ayaan sii afeefanaa oo wax weyn oo weyn ayaan soo wadaa, In la iga aqbalo ayaa idinka codsanayaa, weligey kuma hungoobin Baarlamaanka, kan waa midkii ugu muhiimsanaa ilaahey idinkiisa” madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Si kastaba, waxaa laga dhowr sugayaa kulanka wadajirka ee uu dalbaday madaxweynaha Soomaaliya oo ku soo aaday xilli xasaasi ah oo ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay qorshaha doorasho ee ay waddo dowladdiisa, waxaana kasoo horjeestay dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Muqdisho The post CC Shakuur oo saddex qodob soo saaray, kadib tallaabadii uu qaaday Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
  14. [10/24, 02:21] V V Y Farlajo: Madax ka tagtay xilkii ay xukuumadda/xisbiga Kulmiye u haysay: 1. Wasiir-kuxigeenkii Waxbarashada, Maxamuud Yuusuf Cilmi 2. Wasiir-kuxigeenkii Beeraha, Naasir Cayddiid 3. Xoghayihii Golaha Dhexe ee Kulmiye, Mustafe-Waxdad 4. Xoghayihii Guud ee Hore ee Kulmiye, Xasan Siciid Yuusuf 5. Wakiilkii SL ee Deenmaarig, Cabdirisaaq-Afqaraf 6. Xubin Guddiga Tacliinta Sare iyo Golaha Dhexe ee Kulmiye, Wasiirkii Hore ee Maaliyadda, Yuusuf Maxamed Cabdi 7. Isudduwaha Wasaaradda Isgaadhsiinta – Saaxil, Cabdicasiis Cismaan 8. Isudduwaha Wasaaradda Qorshaynta – Saaxil, Cabdikariin Cismaan 9. Guddoomiyihii Garabka Dhallinyarada Kulmiye ee Saaxil, Cabdiraxmaan Siciid 10. Xoghayihii Abaabulka & Wacyigelinta Kulmiye ee Saaxil, Sayid Aniis Food 11. Xildhibaan Degaan oo hore iyo xubin ka tirsan Guddiga Ololaha Kulmiye ee Burco, Mustafe-Bidhi 12. Xildhibaan gole degaan iyo xubin ka tirsan Guddiga Ololaha Kulmiye ee Gebiley, Mursal M. Jaamac 13. Xildhibaan gole degaan iyo xubin ka tirsan Guddiga Ololaha Kulmiye ee Gebiley, Axmed Ciisood 14. Xildhibaan Golaha Degaanka ee Kulmiye — Burco, Axmed-Xiis Dharbaan 15. Xildhibaan Golaha Degaanka ee Kulmiye — Burco, Khaalid Xasan 16. Xubin Golaha Dhexe, Guddiga Fulinta iyo Guddiga Ololaha Kulmiye ee Hargeysa, Abshir Xasan “Caanoole” 17. Guddoomiyaha Guddiga Ololaha Kulmiye ee Awdal, Cabdicasiis Diiriye Daahir 18. Madaxa Maaliyadda Kulmiye ee Awdal ahna xubin ka tirsan Guddiga Ololaha Xisbiga ee Awdal, Hibo Cabdi Yuusuf 19. Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Kulmiye ee Awdal ahna xubin ka tirsan Guddiga Ololaha Xisbiga ee Awdal, Hinda Maxamuud Tubeec 20. Xoghayihii Hore ee Gobolka Awdal ee Kulmiye ahna xubin ka tirsan Guddiga Ololaha Xisbiga ee Awdal, Mustafe Cabdi Axmed [10/26, 17:15] V V Y Farlajo: Liiskii ahaa dadka ka tegay Kulmiye ama/iyo xukuumaddiisa, waxaan idin la wadaagay 20 qof oo aan markaa hayay. Wax ka yar 48 saacadood gudahood, liiskii dhawr iyo soddon xubnood buu sii marayaa. Waxa ka danbeeyay: 21. Agaasimihii Hore ee Baanka Dhexe, Axmed Carwo 22. Xoghayihii Hore ee Gobolka Awdal ee Kulmiye ahna xubin ka tirsan Guddiga Ololaha Xisbiga ee Awdal, Mustafe Cabdi Axmed 23. Xubin ka tirsan Guddiga Dhawrists Tayada, ahna Agaasime hore, Foosi 24. Xubin ka tirsan Golaha Dhexe ee Kulmiye, Mubaarig Dhoomagaab 25. Guddoomiya-kuxigeenkii Dalladaha ee Kulmiye ee Awdal, Saynab Aadan Meecaad 26. Guddoomiyaha Degmada Sh. Cali-Jawhar, Boorama, ee Garabka Haweenka ee Kulmiye, Jawhara Maxamuud Ibraahin 27. Xoghayaha Garabka Haweenka ee Kulmiye ee Awdal, Farduus Aadan 28. Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Kulmiye, ee magaalada Boorama 29. Maayirka Burco 30. Maayirkuxigeenka Burco 31. Maayirka Sallaxley 32. Maayirkuxigeenka Sallaxley 33. Mid ka mid ah KAADIRKII xisbiga Kulmiye, sida uu Cali-Gurey sheegay…magaciisa waad garanaysaan e! 34. Xildhibaan ka tirsan Golaha Degaanka Burco, ahna maayirkuxigeenkii hore, Mukhtaar Baaryare 35. Xildhibaan Golaha Wakiillada ah oo Togdheer laga soo doortay, Saleebaan-Dheere 36. Xubin ka tirsan Guddiga Fulinta, ahna Guddoomiya-kuxigeenka Golaha Dhexe ee Kulmiye, Cali Maxamed Cali 37. 120 xubnood oo ka tirsan Golaha Dhexe ee Kulmiye (magacyadooda maynaan wada helin) 38. Mudane ka tirsan Golaha Degaanka Boorama, Maxamed Diiriye 39. Mudane ka tirsan Golaha Degaanka Boorama, Axmed Khayre 40. Mudane ka tirsan Golaha Degaanka Boorama, Liibaan Cali 41. Xubin ka tirsan Guddiga Ololaha Kulmiye ee Sanaag, Injineer Xasan Gacare. Wadarta aynu ilaa hadda haynaa waa 160 xubnood oo iska casilay Kulmiye iyo xukuumaddiisa muddo bil gudaheed ka yar. Qaran News
  15. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagey xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025 – 2029), oo si habsami leh uga socda xarunta Hangarka Afisyoone. Ra’iiul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhagaystay Khubarrada ku howlan qorista Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025-2029, wuxuuna kormeeray Sheybaarrada kala duwan ee ay shaqadu ka socoto isagoo ku ammaanay howsha muhiimka ah ee ay Qaranka u hayaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku sugnaa xarunta, waxa uu ka qaybgalay doodwadaag wax ku ool ah oo ay yeesheen Wasaaradda Caafimaadka, Dhaqaatiirta iyo Ganacsatada kaas oo looga hadlayay muhiimadda ay leedahay in qeybaha bulshada oo dhan ay door ku yeeshaan, diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda uu hogaamiyo ee DanQaran ay doonayso in dalkeena loo jiheeyo dhanka horumarka, tayeynta hey’adaha dowladda iyo nidaamka casriyeynta oo wax badan ka beddeli doona qorshaha la doonayo in Qaranka lagu horumariyo. Mudane Xamse Cabdi Barre, waxa uu intaa raaciyay in dib u eegis lagu samaynayo dhismaha iyo sharciyada Ha’yaddaha fulinta si dalkeenu ula jaanqaado dunida horumartay, iyadoo qorshuhuna yahay in Xukuumadda DanQaran ay dalka ku hogaamiso wax-qabad muuqda oo bulshada u riyaaqdo. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Xamse oo kormeeray xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaran ee 2025 – 2029 appeared first on Puntland Post.
  16. Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada waxaana fadhigan ka soo qaybgalay 57 mudane. Fadhiga maanta, Xildhibaannada Golaha Wakiilladu waxay cod gacan-taag ah mid mid ugu codeeyeen una ansixiyeen ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 55-aad kaas oo goluhu ku hawlgeli doono inta uu kalfadhigan socdo. Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 55-aad ayaa waafaqsan qodobka 42-aad farqadiisa 4aad ee Xeer-hoosaadka Golaha kaas oo dhigaya in ajandaha qabyo-qoraalka ah ee kalfadhigu uu Golaha la horkeeno ayna Xildhibaannadu ka doodaan ka hor ansixinta ajandaha rasmiga ah. Cod gacan-taag ah oo la qaaday, waxaa ajandaha ansixiyey 50 xildhibaan, halka uu diiday 1 mudane, waxaana ka aamusay 6 mudane. Maalinta berri, Oktoobar 31, 2024, oo ay mudanayaashu yeelan doonaan fadhiga 3-aad ee kalfadhigan, ayaa si rasmi ah loogu qaybin doonaa ajandaha rasmiga ah ee maanta la ansixiyey, haddii Alle idmo. Ajandahan ayaa xambaarsan qodobbo muhiim ah oo Golaha Wakiillada Dawladda Puntland kaga arrinsan doono hawlaha muhiimka ah ee horyaalla xilligan. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland oo Maanta ansixiyay Anjandaha Rasmiga ah ee Kal-fadhigooda 55aad appeared first on Puntland Post.
  17. Shaqaalahii dawlada ee Lugahaya, Xariirad iyo Sayalc ayaa loo magacaabay xubnaha maamulka iyo ololaha doorashada fooda inagu haysa. Arinkani waxa uu ka soo horjeedaa shuruucda doirsshooyinka in asn qof shaqaale dawladeed ahi aanu xil.ka noocani oo ah ka qaban karin dalka gaar ahaan xiliga ololaha doorashooyinka Qofka shaqo dawladeed oo umadda oo dhan u dhex ah hayaa waa in aanu ku milmin xisbiyada midkoodana. Dadkani waa in ay shaqada dawladda ka tagaan oo is casilaan. Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka ee (NISA) ayaa howlgal nooc cusub haatan ka bilowday magaalada Muqdisho, kaas oo lagu beegsanayo mootooyinka labada lug leh ee loo yaqaano Fekon, kana howlgasho magaalada Muqdisho. NISA ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgalkan si isku mid ah uga sameysay degmooyinka Wadajir, Hiliwaa, Yaaqshiid, Daarusalaam iyo Dayniile, waxayna kusoo qabteen dhowr mooto iyo dhalinyaradii ku shaqeysaneysay. Sidoo kale ciidamada Nabad-sugidda ayaa hal goob isugu geeyay mootooyinkan, kadibna waxay furayaasha ka qaateen wadayaashii lahaa mootooyinkaasi. Qaar kamid ah darawallada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in si gaar ah loo beegsaday, waxayna ku doodeen inay haystaan warqadda waddo marista ee Hay’adda dambi baarista ee C.I.D. Mooto Fekon-ta ayaa maalmahan kusoo badaneysay magaalada Muqdisho, waxaana dadweynaha ay bilaabeen inay adeegsadaan, iyaga oo ka cararaya jaamka caasimada. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan howlgalkan lagu soo qab-qabtay mootooyinka ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Muddooyinkii ugu dambeeyay ciidamada dowladda qaybahooda kala duwan ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga ee ay ka wadaan degmooyinka gobolka Banaadir. Shalay oo u dambeysay waxay ciidamada Nabad-sugidda gacanta ku dhigeen nin ka tirsan Al-Shabaab oo dil u gaysan rabay mid kamid ah ganacsatada suuqa Bakaaraha oo dukaankiisa ay ku xirneyd kaamirada qarsoon ee CCTV oo ay horay u amartay dowladda. The post NISA oo howlgal nooc cusub ah ka billowday Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  19. Mogadishu (HOL) — At least six people were killed and several others injured in renewed inter-clan fighting in Luuq district, Gedo region, on Wednesday, according to local residents. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Madxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay kulan gaar ah la qaatay guddoonka iyo xildhibaannada labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka. Xasan Sheekh ayaa soo hadal qaaday khilaafka culus ee xilligan kala dhexeeyo madaxda dowlad goboleedyada ee Puntland iyo Jubbaland ee ka maqan shirka golaha wadatashiga qaranka ee haatan ka socda gudaha xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. “Camal walaal camankoo galaa, carrabkaana looga bixiyaa, macnaheedu waxaa waayay walaalkaa haddii uu xanaaqo xagga ayuu fariisanayaa, laakiin waa lala hadlaa” ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu u safro magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo, ama ay iyagu yimaadaan magaalada Muqdisho, si ay isaga, Saciid iyo Axmed Madoobe uga wada-hadlaan khilaafka dhexdooda ah. “Walaalaheen waa la hadleynaa, awalna waa la hadalnay waa daba joogeynaa haddii ay naga ogolaadaan inaan u tegno waan u safreynaa, haddii ay naga ogolaadaan inay noo yimaadaan waan baryeynaa inay noo yimaadaan dhib iyo colaad halkaan kasoo jirto malaha, iyagana waa dad mas’uuliyiin oo sharaf iyo karaamo leh waayey” ayuu sii raaciyay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladdiisu aanay qaadi doonin tallaabo ka dhan ah labadaasi maamul, balse go’aammada ay soo saarayaan ay noqon doonaan kuwo ay raalli ka noqdaan oo ay ku jirto maslaxdda guud iyo horumarka dalka. “Wax kasta oo aan qaadeynana waxay noqon doonaan wax ay raalli ka noqdaan wax ay ka qoomameeyaan ma noqon doonaan, waana u howl haynaa” ayuu mar kale yiri. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan meel xun uu gaaray khilaafka dowladda, federaalka, Puntland iyo Jubbaland oo ku kala tegay siyaasadda, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo dhaliyay muran xoogan, maadaama ay isku khilaafeen saddexda dhinac. The post Xasan Sheekh oo war culus kasoo saaray khilaafka kala dhexeeya Deni iyo A/Madoobe appeared first on Caasimada Online.
  21. Kismaayo (Caasimada Online) – Nin horey ganacsade u ahaa oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Cali Dheere ayaa shir jaraaid oo uu ku qabtay Kismaayo uga digay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam in uu mar kale doorasho iskiis ah kusoo boxo. Wuxuu sheegay in sida uu qabo dastuurka Jubaland, uusan mar saddexaad xilka isu soo taagi karin Axmed Madoobe. “Waxaan haynaa sidoo kale waraaqdii uu Axmed saxiixay ee heshiiskii siyaasadda ee 2019-kii uu ku ballan qaaday in uusan markale isa soo sharaxaynin,” ayuu yiri Cabdirisaaq oo ah nin dhallinyaro aqoonyahan ah oo mar noloshiisa ku noolaa Maraykanka, kana mid ah dadkii lasoo shaqeeyay Axmed Madoobe. Buuqii ka dhashay doorashadii Jubaland ee 2019-kii ayuu Axmed Madoobe heshiis la galay musharixiintii kala ahaa Cabdinaasir Seeraar , Sheekh Daahir iyo Xildhibaan Cabdirishiid Xiddig, waxaana ka mid ahaa qodob uu ku ballan-qaaday in uusan mar kale isa soo sharixi doonin. Musharax Cabdirisaaq wuxuu sheegay in haddii Axmed Madoobe uu ka dhego adeego baaqiisa, ay markaas cawaaqib xumo ka dhallan doonto. Ma uusan faahfaahin talaabada uu qaadayo. Warar hoose oo Caasimada Online heshay ayaase sheegaya in Cabdirisaaq uu maalmahanba ciidan iyo hub uruursanayay, iyada oo kala qeybsanaan baahsan ay soo kala dhex galayso ciidamada Jubaland. Arrintan ayaa cabsi xooggan ka abuurtay magaalada Kismaayo, oo sanadihii dhowaa ka mid aheyd magaalooyinka ugu nabdoon Soomaaliya. Axmed Madoobe ayey sidoo kale dowladda federaalka isku khilaafsan yihiin arrimaha doorashada. Madaxda dowladda federaalka ayaa doonaya in la qabto doorasho qof iyo cod ah. Hase yeeshee Axmed Madoobe ayaa dooday in doorasho toos ah ay u baahan tahay muddo kordhin la sameeyo. Waxaa la filayaa in Jubaland ay toddobaadyo gudahood ku qabato doorasho aan toos aheyn. The post Musharax Kismaayo uga soo dhex hanjabay A/Madoobe appeared first on Caasimada Online.
  22. Mogadishu (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud reaffirmed his government’s commitment to dialogue with Puntland and Jubbaland state leaders to resolve ongoing political divisions. Source: Hiiraan Online
  23. Kismaayo (Caasimada Online) – Kadib muddo ay xiisado siyaasadeed ka dhex taagnaayeen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada qaar waxaa la galay maalmo aamusnaan ah, balse dadka qaar ay ku sifeeyeen in la isku baadi-maqanyahay, hoostana ay ka socdaan waxyaabo badan. Safarkii Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ku tagay dalka Kenya ayaa la sheegay in Madaxweynaha dalkaas Williom Ruto uu ku qanciyay in uu ilaa xad hoos u dhigo heerka xiisadda, markii uu Kismaayo kusoo laabtana wuxuu saaxiibadiis u sheegay in la dhimo xasaradda. Sidaas oo ay tahay Axmed Madoobe weli isma xaadirin shirka Madasha wadatashiga Qaran ee Muqdisho oo laga sugayo, mana uusan soo saarin hadal uu ku diidanyahay. Tan ayaa lagu macneeyay in uu wadahadal u socdo isaga iyo madaxda dowladda federaalka. Dhanka kale, warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in dowladda federaalka ay hoosta ka waddo abaabul sii xoogeysanaya oo ka dhan ah Axmed Madoobe, iyada oo xitaa xiriir la samaysay dad uu ka midyahay Wasiirkii hore ee Duulista Hawada Soomaaliya Oomaar oo ah musharax muddo dheer raadinayey xilka Madaxweynaha Jubbaland. Sidoo kale, waxaa jira warar la hubo oo tilmaamaya in ciidanka Jubbaland ay ku kala qeybsanyihiin taageerada Axmed Madoobe, durbana ay bilaabatay saansaan kacdoon isaga ka dhan ah. Dowladda federaalka waxa ay doonaysaa in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah oo halmar dalka ka wada dhacda, dowlad goboleedyadana aysan qaban wax doorasho ah xiligaas ka hor. Axmed Madoobe ayaa qaba in arrintan ay tahay qiyaano la doonayo in inta aan xiligaasba la gaarin kursiga looga hoos bixiyo, laguna soo dhisayo siyaasi ay isku beel yihiin. Waxay u egtahay in Axmed Madoobe uu ku dhiiran la’yahay in uu doorasho iskiis ah qabsado, maadaama uusan hubin talaabada falcelinta ee suurtogalka ka ah dowladda federaalka. The post Xog: DF oo damacsan qorshe xasaasi ah oo ka dhan ah Axmed Madoobe appeared first on Caasimada Online.