-
Content Count
211,311 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sheegay in Maxkamadda ICJ ay diiday codsigii dowladda Kenya, oo ahaa in ay dib ugu soo laabato dhegaysiga dacwadda. Mahdi Guuleed, ayaa xaqiijiyay in Maxkamadda ICJ ay berri Galab oo Khamiis ah dhegaysan doonto Gunaanadka dacwadda badda Soomaaliya, islamarkaana ay diiday codsiga uga yimid mas’uuliyiinta Kenya. “Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ICJ ayaa berri galab 3:00PM dhagaysan doonta gunaanadka Dacwadda badda Soomaaliya. Ka dib markii ay diiday maxkamaddu codsigii Kenya ee ahaa inay dib ugu soo laabto dhagaysiga dacwadda.” Maxkamadda Caddaaladda ICJ, ayaa la filayaa in ay ugu dambayn si rasmiya go’aan uga gaarto dacwadda kiiska badda ee u dhexaysa Soomaaliya iyo Kenya. PUNTLAND POST The post Maxkamada ICJ oo maalinta berri ah dhegaysan doonta Gunaanadka dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa shaaca ka qaaday in maalinta beri ah la soo gabo gabeyn doono dhageysiga kiiska dacwadda baddeenna ee ay muranka gelisay Kenya. Mudane Mahdi Guuleed ayaa xusay in beri galab 03:00pm xilliga magaalada Hague ee dalka Holland ay maxkamadda caddaaladda adduunka dhageysan doonto gunaanadka dacwadda baddeenna. “Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ayaa berri galab 03:00pm xilliga Hague dhagaysanaysa gunaanadka Dacwadda Baddeenna ee inagala dhaxaysa Kenya”.ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed. View the full article
-
Ten years into the crisis, Syrian women and girls continue to face enormous challenges As the Syria crisis marks its 10th year, the situation is worse than it has been in years. Consistent trends of gender-based violence, a worsening economic situation, and COVID-19 have converged to place lives and liberties at risk The United Nations, New York – 16 March 2021 – UNFPA, the United Nations sexual and reproductive health agency, is gravely concerned about the worsening situation in Syria, which marks a decade of crisis. An estimated 13.4 million people remain in need inside Syria. Among them are 3.6 million women and adolescent girls who need access to quality sexual and reproductive health (SRH) services, half a million of whom are pregnant. More than 11.7 million people — half of the Syrian population — remain internally displaced or are living as refugees in host communities throughout the region. Ten years on, the crisis in Syria is worse than it has been in years. Protracted instability and disruptions in community networks, a worsening economic situation, and the COVID-19 pandemic have converged to create an unprecedented crisis, further placing the lives, dignity, and fundamental freedoms of Syrians at risk. With no political solution in sight, violence and trauma is common among the women and girls of Syria, both those still living in their home country and those exiled to refugee camps and communities. “After such a long time, and after losing the memory of my life before, I do sometimes feel that this experience changed us all forever,” explains Yara, an adolescent girl from Qamishli, who like countless other girls was a child when the crisis erupted. “My friends and I grew up in this and had to grow up to survive.” As in previous years, women and girls continue to suffer the worst impacts of the crisis. Gender-based violence (GBV) continues to be a daily reality, with harassment, family violence, child and forced marriage, and sexual exploitation remaining consistent threats. COVID-19 is taking hold throughout the country and in refugee communities region-wide, with limited testing capacities and increasing infection rates among healthcare workers. The large-scale hostilities and mass displacement in the north and severe economic downturn with 60 percent of the population becoming food insecure place additional burdens on women, girls and families. “The situation for women and girls in Syria is dire and only getting worse,” said UNFPA Executive Director, Dr. Natalia Kanem. “With every day, month and year that passes with this conflict, the rights of women and girls are being eroded – and with devastating and long-lasting impacts. They continue to face violence, trauma and other threats to their health and well-being as they strive to care for their families.” Syrian women and adolescent girls affected by the conflict face significant pressure amidst devastating conditions. “Whether she lives in a house or a tent in a refugee camp, every Syrian woman and girl has a right to peace in the home and to live with dignity,” Dr. Kanem said. “UNFPA urges the international community to increase its support to meet the growing needs of the Syrian people, to protect the health, safety and human rights of women and adolescent girls, and to bring about a peaceful resolution to the crisis.” Since the crisis erupted in 2011, UNFPA has been on the frontlines, delivering health and protection services to women and girls affected by the crisis. In 2020 alone, UNFPA delivered sexual and reproductive health services to nearly 2 million people, while almost 1.2 million were reached through gender-based violence programmes. Throughout the region, UNFPA supports 112 women and girl safe spaces, 17 youth centers, 33 emergency obstetric care facilities, 133 primary healthcare centres, and 125 mobile clinics. UNFPA will continue broadening and enhancing its response throughout 2021, and has appealed for a total of $132.1 million to fund its regional response. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta beenisay waraaq shirkada Qaranka Shiinaha ee daawooyinka looga dalbanayey tallaalka Covid-19, taasi oo ku taariikheysan dhamaadka sanadkii hore. Waraaqda ay beenisay wasaaradu waxaa ku saxiixan Sii-hayaha wasiirka caafimaadka, Fowziya Abuukar waxaana shirkada lagu magacaabo China National Pharmaceutical Group looga dalbanayey in tallaalka cudurka ay kala shaqeyso shirkad kale oo lag leeyahay gudaha dalka. “Wasaarada Caafimaadka Iyo Daryeelka Bulshadda waxay cadaynaaysaa in documentskaan yahay mid Fake ah waana been abuur. Cida samaysayna warqadaas been abuurka ah waxaa lala tiigsanayaa sharciga si loo mariyo ciqaabta ay mutaystaan,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu baahiyey barta Wasaaradda ee twitter-ka. Waraaqda been-abuurka ah ayaa waxa lagu sheegay in dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda caafimaadka ay ogolaansho ay arrintaas ugula shaqeyso siisay shirkad lagu magacaabo SAHABA Pharmaceutical Group, midaasi oo ay xarunteedu tahay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland. Dalabka waraaqda oo si toos ah ugu socday shirkada Shiinaha ayaa waxa lagu sheegay inay muhiim tahay in tallaalka lasoo gaarsiiyo Soomaaliya, si loo bad-baadiyo shacabka, kaasi oo kusii fidaya dalka. Waraaqdan ayaa waxaa la diyaariyey xili uu cudurka Coronavirus si weyn ugu faafay dalka, islamarkaana uu soo ritay dad badan, taasi oo aheyd dabayaaqadii sanadkii hore. Arrinta la yaabka leh ayaa ah in Waraaqda oo ku taariikheysan 22-kii October 2020-ka ay Wasaaraddu beeninayso billo badan kadib, mana jirto faah-faahin dheeriya oo ay ka bixisay arrintaan.
-
Mogadishu (PP Editorial) — A tweet by the new British Ambassador to Somalia Kate Foster on a meeting with President of Hirshabelle State Ali Gudlaawe has prompted angry reactions on Twittersphere. “We covered a range of issues important to the UK and #Hirsabelle, including climate issues and the importance of finding a peaceful way forward on elections” tweeted Ambassador Kate Foster. The standard diplomatic practice emphasises national sovereignty. How would a government react if a British Ambassador framed a meeting with a regional governor as one between Britain and the region in question? In Africa national identity is the foundation of national sovereignty. Kate Foster, the British Ambassador to Somalia. The Ambassador’s controversial tweet reminded many Somalis of a 2019 tweet by the former British Defence Secretary Gavin Williamson in which he described Somaliland as a country after holding a meeting with President Muse Bihi Abdi. Williamson had to delete the tweet. In 2019 Gavin Williamson had to delete a tweet describing Somaliland as a country. The former British Ambassador to Somalia Ben Fender went on the record for quoting Thomas Hobbes to underscore the indispensability of one supreme national authority — Leviathan — rather than competing subnational entities for Somalia. Britain aid makes difference to the lives of many Somalis. Its impact is visible on health, education and infrastructure sectors in many parts of Somalia. Since 2011 Britain has played a key role in state-building efforts in Somalia particularly in the transition from failed state status to a fragile state status, and hosts thousands of Somali refugees whose support for their kith and kin in Somalia forms a key part of the Somali economy. Let’s hope that the Ambassador’s tweet does not reflect the position of the British Government. © Puntland Post, 2021 The post Strengthening Relations Between Somalia and Britain appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta booqday gogosha tacsida Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya marxuum Cali Mahdi Maxamed, oo dhawaan aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho. Rooble ayaa markii uu booqday waxa uu saxiixay buugga tacsida, wuxuuna la kulmay qoyska iyo qaraabada marxuumka, guddigii tacsida iyo odayaasha dhaqanka ee ka shaqeynayay tacsida marxuum Cali Mahdi Maxamed. “Waxaan Soomaali oo dhan, qoyskii iyo eheladiisa uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh marxuum Cali Mahdi Maxamed, Madaxweynihii hore,” ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble. “Waxaan Ilaahey uga baryayaa in uu qabriga u waasiciyo, aan ducada u badinno in uu ilaahey naxariistii janno geeyo” ayuu sidoo kale yiri Rooble oo hadal kooban ka jeediyay goobta. Sidoo kale wuxuu u mahad-celiyay guddiyadii Aaska Qaran, Qoyska iyo duubabka dhaqanka ee sida wanaagsan uga shaqeeyay aaska madaxweynihii hore Allaha u naxariistee, marxuum Cali Mahdi Maxamed. Ugu dambeyntiina waxa uu ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta uu shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ka codsaday inay u duceeyaan marxuumka Allaha u naxariistee.
-
Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Dr Aadan Xasan Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay xaruunta safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyay kulan uu la qaatay safiirka cusub ee Jaamacadda Carabta ay u soo magacaawday Soomaaliya Danjire Saalax Al Juneed. Kulanka ayaa ahaa booqasho iyo wadashaqeyn dhex marta labada mas’uul iyo sidii loo xoojin lahaa kaalinta Jaamacadda Carabta ay ku leedahay Soomaaliya. Safiirka Jamhuuriyada Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan ayaa sheegay in Jaamacadda Carabta looga baahanyahay xiligaan in kaalin firfircoon ay ka qaadato dhismaha dowladda Soomaaliya. Dowladda aan walalaha nahay ee Jabuuti ayaa kaalin weyn ka qaadata daganaanshaha iyo dib u dhiska Soomaaliya iyo la dagaallanka Argagixsada ee Al-Shabaab. View the full article
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan Ummadda Reer Koonfur Galbeed, gaar ahaan qoyska iyo qaraabada uu ka baxay Allaha u naxariistee Malaaq Xasan Shurre Maxamuud. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xusay in Malaaqa uu ahaa hurmuud dhaqan, door muuqdana ka soo qaatay dib u heshiisiinta, adkeynta wadajirka iyo dadaalladii dib u dhiska dowladnimada. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileehi raajicuun Alle ha u naxariistee Malaaq Xasan Shure Maxamuud oo ka mid ahaa tiirarka dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo xalay ku geeriyooday magaalada Baydhabo, malaaqa waxa uu astaan u ahaa saldanad dhaqan oo facweyn oo kaalin muhiim ah kaga jirtay wada noolaashaha bulshada Koonfur Galbeed iyo guud ahaan dalka” ayuu yiri Guddoomiye Maxamd Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Guudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Marxuumka Alle u weydiiyay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Reer Koonfur Galbeed ee uu ka geeriyooday. INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN View the full article
-
Guddida kala saarista iyo soo xulista Murashixiinta Golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiilada ee Xisbiga WADDANI ayaa ku dhawaaqay in ay soo gebo-gabeeyeen kala saarista iyo soo xulista Murashixiinta Golayaasha Deegaanka ee dalka JSL ee uga tartami doonna Xisbiga WADDANI. Guddoomiyaha Guddida Mudane Xil Cabdilqaadir Jirde ayaa warbaahinta u sheegay in ay maanta si rasmi ah u gunaanadeen howshii kala xulista musharrixiinta oo ay wadeen muddo ku siman 3 billod, isla markaana ay u mareen kala xulista hannaanka xeerka doorashada, xeer nidaamiyaha kala xulista iyo xeer hoosaadka Xisbiga WADDANI. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Jabril Ibrahim Cabdulle oo kamid ah Murashaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan xasaasiya ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Deni oo ku sugan magaalada Muqdisho. Kulankaan oo qaatay muddo saacado ah ayaa waxay kaga wada-hadleen labada mas’uul xaalada cakiran ee dalka iyo wada-hadalka doorashada ee la filayo inuu dhawaan qabsoomo, taasi oo caasimada u yimid madaxweynaha Puntland. Waxaa uu kulankaan qeyb ka noqonaya kulamo gooni-gooni ah oo uu Musharax Jabriil uu la qaadanayo dhamaan Siyaasiyiinta kala, Madaxda dowladda federalka ah, Maamul-gobaleedyadda iyo Bulshada rayidka ah. Jabriil ayaa u muuqda musharaxa keliya ee maalmihii u dambeeyay dadaal xoogan ugu jira sidii dalka uga dhici laheyd doorasho wada-ogol ah oo dhinacyada is-haya ay raali ku yihiin. Musharaxa oo kamid ah musharaxiinta ugu cad-cad ee u tartamaya xilka madaxweynaha ayaa waxa uu hore ugu baaqay inay tanaasul sameeyaan madaxda dowladda iyo kuwa maamulada, asagoona ka digay in danta gaarka ah laga hormariyo danta guud ee dalka. Kulankan ayaa kusoo aadaya xili ay meel adag mareyso xiisada doorashada oo ay isku hayaan dowladda federaalka, maamulada iyo midowga musharaxiinta, ayada oo uu dhamaaday muddo xileedkii sharciga ahaa ee dowladda.
-
(SLT-Tel Aviva)-Ilo wareedyo ku sugan Telaabiib ayaa sheegaya in Netanyahu uu booqasho rasmi ah ku tagi doono Imaaraadka Carabta beri oo Khamiis ah, booqashadaasi oo u baaqatay khamiistii la soo dhaafay, sababo lagu sheegay Isfahan darro marinka safarkiisa kaga timid dhanka hawada Jordan. Sida uu daabacay Wargeyska Yediot Aharonot, Netanyahu ayaa sheegay in 4 waddan oo cusub oo ka tirsan kuwa Carab ay heshiisyo nabadeed la gali doonaan Israa’iil goor dhow, balse ma shaacin magacyada dalalkan. Khamiistii la soo dhaafay, Netanyahu oo adeegsanaya bartiisa Twitter-ka, qoraal uu luqadda Carabiga ku qoray ayuu ku sheegay in caqabadahii la xadhiidhay booqashadiisa Imaaraadka xal laga gaadhay, wuxuuna yidhi, “arrimahan sida muuqata waxay ka yimaadeen baajinta booqashadii Dhaxalsugaha Jordan ee Masjidka Barakeysan taasi oo ka dhalatay muran ka dhashay tallaabooyinka amniga ee la qaadayo.” Sarkaal sare oo Israa’iili ah ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in booqashadii Netanyahu ay u baaqatay sababo la xidhiidha diidmo ka timid Urdun taasi oo sida muuqato jawaab u ah is hortaagii ay maamulka Israa’iil ku sameeyeen booqashada dhaxalsugaha Jordan Xuseen bin Cabdullaahi ee Masjidka Al-Aqsa. Source
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Duhur-1732021.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka dhawaajiyay in la wado kala qeybin dhanka ciidamada xoogga dalka ah si loo ogaado sidey ugu kala daacadsan yahiin madaxweynaha muddo xileedkiisii dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Qoraalka uu soo dhigay Mr. Warasme ayaa ku qotoma in la wado qaab lagu kala xulayo ciidamada daacadda u ah FARMAAJO iyo kuwa dabacsan, iyadoo ay jiraan qorsheyaal laga damacsan yahay. Wuxuu sheegay in qorshahaan ay udub dhexaad u yahiin taliyaha ciidanka xoogga dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo taliyaha ciidanka lugta Janaraal biixi. “Waxaan xog sugan ku helaynaa in Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) loo kala qeybinayo kuwo daacad u ah madaxweynaha xilkiisa dhamaaday iyo kuwo shaki laga qabo. Taliyaha ciidanka Generaal Odawaa iyo taliyaha ciidanka lugta Gen. Biixi ayaa shaqadaas ku hawlan” ayuu Facebook kusoo qoray C/raxmaan C/shakuur. Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu mar kale yiri: Ciidanka lagu tuhunsan yahay in aysan daacadda aheyn ayaa loo dirayaa furamaha dagaalka ee kooxaha argagexisada, halka kuwa la hubiyey daacadnimadooda loo diyaarinayo boobka doorashooyinka iyo weerarro lagu qaado siyaasiyiinta mucaaradka” Waxyaabaha uu sheegay iney qorsheynayaan oo ah boobka doorashada oo aan wali laga heshiin, waxaa ku lamaanan weeraro lagu qaado siyaasiyiinta mucaaradka ah iyadoo la ogyahay in 19-kii February weerar lagu qaaday madaxweynayaashii hore dalka Xasan Sheikh Maxamuud iyo Shariif Sheikh Axmed. Wuxuu talo usoo jeediyay taliska ciidanka xoogga dalka isagoo leh:”Waxaan uga digeynaa taliyaha ciidanka in uusan horseedin burburka ciidanka, kana saaro ku milanka siyaasada, waana in uu ogaadaa in waa lay amray aysan luquntiisa ka saari doonin danbiyada uu galo” Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xilli Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku sugan yahay xarunta Villa Soomaaliya wax ka badan hal bil isagoo muddo xileedkiisa dhamaaday, walina aan laga heshiin arrimaha doorashooyinka oo ay beesha caalamka gadaal ka riixeyso.
-
Waxaa maalmihii tagay ka socday caasimadda Muqdisho wada hadallo iyo kulamo u dhaxeeyey madaxda maamul goboleedyada iyo musharaxiinta. Kulamadan oo bilowday markii uu yimid madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayey musharaxiinta sidoo kale si gaargaar ah ama si guud ula kulmeen madaxweyneyaasha maamul goboleedyada kale sida Puntland Saciid Deni, Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Hirshabelle Cali Guudlaawe. Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in laga dooday qodobbo badan oo ku saabsanaa xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha doorashada iyo sidii horay loogu socon lahaa. Wararka ayaa sheegaya in la isku afgartay Saddex qodob oo waaweyn Qabsoomidda Shirka: Si shirka doorashada aanu u fashilmin, midowga musharaxiinta ayaa ku guuleystay iney u kala dab qaadaan labada garab ee maamul goboleedyada, iyaga oo ku qanciyey in meesha laga saaro kala shakinta iyo doodda la geliyey meesha uu shirka ka dhacayo iyo dhexdhexaadinta beesha caalamka, horayna loo socdo. Waxaana lagu heshiiyey in shirka uu ka dhaco Afisyooni iyada oo ay kasoo qeyb galayaan dhammaan dhinacyada maamul goboleedyada. In Farmaajo Laga Wareejiyo Amniga iyo Doorashada: Waxaa shirarkaasi lagu heshiiyey in madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu wareejiyo amniga iyo doorashooyinka, isla markaana lasoo celiyo booliiska hore, oo ay doorashada kala shaqeeyaan AMISOM, xukuumadda Rooble iyo madaxda maamulka goboleedyada ay qaadataan kaalintooda arrimaha doorashada. Waxaa kale oo la isku afgartay in Farmaajo uu saxiixo warqad uu ku laalayo awoodaha madaxweynaha ee hadda uu isticmaalo wixii ka dambeeyey February 8. Tanaasulka Musharaxiinta: Dhanka kale, wararka ayaa intaas ku daraya in midowga musharaxiinta ay ku war geliyeen maamul goboleedyada in ay iska dhaafi karaa kaqeybgalka shirka haddii cabashadooda miiska wada hadallada la geynayo, oo ay ka mid tahay in la ciqaabo taliyeyaashii ku lug lahaa weerarkii February 19, amniga doorashada iyo arrimo kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Wararka PP) — Farriin Twitter ah oo ku saabsan kulan dhexmaray Safiirka Cusub ee Biritayn Kate Foster iyo Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa muran abuurtay.“Waxaannu ka wada hadalnay arrimmo muhiim u ah UK iyo Hirshabeelle” ayay Kate Foster ku xustay farriinta ku saabsan kulanka. Safiir Kate Foster farriinteedu waa mid baalmarsan anshaxa diblomaasiyadda Dad badan waxa ay isweyddiiyeen sida Safiirka ereyada u dooratay. “Gef erey doorasho ah ayaa ka muuqda farriinta safiirka. Biritayn waa dal. Soomaaliya uun bay arrimmaha labada dal kala hadli kartaa” buu yiri Daahir Cismaan, oo ahaa diblomaasi Soomaaliyeed. Dalka Biritayn wuxuu kaalin horseed ah ku lahaa gabogabayntii xilligii kumeelgaarka. Safiirkii hore ee Biritayn Ben Fender ayaa xubno ka tirsan xisbiyada siyaasadeed ee Soomaaliya u sheegay 2018kii in “Brexit ay aad u saameysay kaalinta Biritayn.” Midowga Yurub ayaa hadda maalgelinta ugu badan dhanka dib u habaynta kaabayaasha siiya Soomaaliya. “Farriinta Safiirka Biritayn waxay la mid tahay farriintii Gavin Williamson oo ahaa Wasiirkii Gaashaandhigga Biritayn uu 2019kii ku sheegay “inuu wadahadal dhexmaray dalalka Biritayn iyo Somaliland” mar uu booqanayay Hargeysa. Dhowr daqiiqadood kaddib ayuu tirtiray farriinta. © Puntland Post, 2021 The post Farriin Safiirka Cusub ee Biritayn Ku Qortay Twitter oo Muran Dhalisay appeared first on Puntland Post.
-
LONDON: The UK announced on Monday that four more countries, including three Arab states, will be added to the country’s coronavirus “red list.” Travelers from Oman, Qatar and Somalia will be refused entry to the UK from Friday. People with British or Irish passports, or those with the right to stay long-term in the UK, will be exempt, but will be forced to quarantine in a hotel for 10 days on arrival. The measures, the British government said, “will help to reduce the risk of new variants — such as those first identified in South Africa and Brazil — entering England.” “From 4am on Friday 19 March 2021, visitors who have departed from or transited through these countries in the previous 10 days will be refused entry into England. Only British and Irish citizens, or those with residence rights (including long-term visa holders), will be allowed to enter and must stay in a government-approved facility for 10 days.” the government says. “During their stay, they will be required to take a coronavirus test on day 2 and day 8.” The new measures will take effect from 4 a.m. on Friday. The new additions to the list mean that four Arab states are now on Britain’s red list: Oman, Qatar, Somalia and the UAE, which was added in January.
-
Ra’iisul Wasaaraha Qatar Shiikh Khaalid bin Khaliifa bin C/Caziiz Al Thaani ayaa xafiiskiisa Ku qaabilay Wasiirka Amniga Soomaaliya, Xasan Xuntubey Jimcaale, waxa ayna ka wada hadlen kaashiga amniga ee laba dal ee Soomaalia iyo Qatar. “Waxana aan ka wada hadalnay is kaashiga amniga ee laba dal ee Soomaalia iyo Qatar, anigoo kaga mahadceliyay tageerada dowlada Qatar ay la garab taagantahay shacabka iyo xakuumada soomaaliya,”wasiirka Amniga Xasan Xundubey Jimcaale. Wasiirka Amniga ayaa maalmahan ku sugnaa dalkaas ayaa la kulmay mas’uuliyiin kala duwan isagoo kala hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac gaar ahaan nabad geliyada. View the full article