Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) - The National Salvation Forum (NSF), a coalition of opposition leaders and regional heads, sent a letter to the UN Security Council on Monday urging the world body to reject President Farmajo's term extension ahead of a meeting to discuss Somalia's political situation. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa jawaab kulul ka bixiyey dalabkii uu madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Famaajo uga dalbaday Midowga Afrika inay dhex-dhexaadiyaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya. Midowga Musharaxiinta ayaa si weyn cambaareeyey isku day ay sheegeyn in Farmaajo ku doonayo inuu ku dhinac maro heshiiskii doorashada ee 17-ka September, islamarkaana uu si sharci darro ah laba sano ugu darsaday muddo xileedkiisa kadib codsi uu u diray Midowga Afrika. “Soo jeedintii madaxweynihii hore Farmaajo ee ku aadaneyd in Midowga Afrika (AU) ay qaadato doorka hogaamineed ee fududeynta xalinta dhibaatada dastuurka ee uu sababta u ahaa isaga waa mid aan daacad aheyn madaama Madaxweynihii hore uu horay uga fogaaday sii socoshada wadahadalada u dhaxeeyo Soomaalida oo ay garwadeenka ka tahay bulshada caalamka ee AU lafteeda ka tirsan tahay,” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharixiinta. Midowga Musharixiinta ayaa madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ku eedeeyey inuu si aan cudurdaar laheyn usii wado diidmadiisa ku aadan dadaallada wadajirka ah oo ay waddo Beesha Caalamka isla markaasna uu iska dhaga tirayo baaqyada ka imaanayo Beesha Caalamka ah oo ah inaan la aqbali karin muddo kordhin. “Madaxweynihii hore wuxuu si aan cudurdaar lahayn u sii wadaa inuu diido dadaallada wadajirka ah ee bulshada caalamka, sidoo kalana wuxuu iska indha tirayaa baaqyada uga imaanayo Beesha Caalamka ee ah inaan la aqbali karin muddo kordhin. Goluhu wuxuu rumeysan yahay in Madaxweynihii hore looga baahan yahay inuu ku baraarugo xaqiiqda jirta ee dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya oo dhigayo in doorashooyinka qaranka ee madaxweynaha iyo baarlamaanka afartii sanaba mar la qabto iyada oo aan wax waqti kororsi ah la sameynin iyo in 8-da Febraayo, 2021-ka ay ahayd dhammaadka waajibaadkiisii dastuuriga ahaa,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Musharixiinta. Sidoo kale Midowga Musharixiinta ayaa sheegay inay mar kale ku celinayaan mowqifkooda ah inay taagersan yihiin heshiiskii 17-kii September, waxayna musharixiinta ugu baaqeyn madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday inuu ka laabto go’aankii 12 April ee muddo kordhinta. “Goluhu wuxuu mar kale ku celinayaa mowqifkiisa aan kala go’a lahayn ee ah inuu taageero heshiiskii 17-kii Sebtember iyo inuu horay u socdo, madaxweynihii hore waa inuu ka laabtaa go’aankii muddo kordhinta ee 12 Abriil oo ah mid sharci darro ah, wuxuu isku dayayaa inuu xukunka sii hayo oo uu iska indhatiro qalalaasaha siyaasadeed ee hareeyay Muqdisho iyo qeybaha kale ee dalka, madaxweynihii hore wuxuu sii wadaa inuu raadsado xalal milatari oo ku saabsan dhibaato kasta oo siyaasadeed,” ayaa lagu yiri warka Mushariixinta. Ugu dambeyntii Midowga Musharixiinta ayaa ugu baaqay Hoggaanka Midowga Africa inay il gaar ah ku fiiriyaan wixii ay madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ka digeyn iyo xeeladaha khiyaanada leh ee lagu doonayo in si sharci darro ah xukunka lagu sii heysto, waxayna madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ku eedeeyen inuu ku guuldaraystay inuu guto waajibaadkii loo dhaariyey ee ahaa inuu dalka ka qabto doorasho qof iyo cod ah, ama uu hirgeliyo doorashooyin dadban sida ku xusan heshiiskii 17-kii Sebtember. Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay midowga Musharixiinta The post Mucaaradka oo jawaab ka bixiyey dalabkii Farmaajo u gudbiyey Midowga Afrika appeared first on Caasimada Online.
  3. Madaxweynihii waddanka Chad, Idriss Deby Itno, ayaa maanta oo Talaado ah lagu dilay gudaha dalkaas, sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan Ciidamada. Idriss Deby oo dalka ka talinayay mudda 30 sano ah ,islamarkaana dhowaan dib loo doortay, ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray isago ka qayb-qaadanayay dagaal dowladdu kula jirto mucaaradka. Deby ayaa Isniintii sheegay in uu tegayo jiidda hore ee dagaalka, si uu ugu biiro ciidamada la dagaalamaya wax uu ku tilmaamay “argagixisada,” waxaana lagu dhaawacay booqashadaas. General Mahamat Idriss Deby Itno oo loo yaqaan Kaka, oo ah wiilka hoggaamiyaha geeriyooday, ayaa loo magacaabay madaxweynaha ku-meel garaka ah ee dalka, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada. PUNTLAND POST The post Madaxweynihii waddanka Chad Idriss Deby oo la dilay appeared first on Puntland Post.
  4. Garowe (PP News Desk) — Puntland State Government has officially taken custody of two girls whom an unidentified woman had abandoned at Garowe Airport. Puntland Human Rights Office told the local media that the two children under the age of five would be looked after by Puntland Government’s children’s services department. A local family looked after the two girls before the government resolved to exercise its duty of care towards the children. Authorities have not disclosed the relationship between the two girls and the women who abandoned them at the airport. © Puntland Post, 2021 The post Puntland Government Takes Custody of Two Abandoned Minors appeared first on Puntland Post.
  5. Masuul ka tirsan Dawlada Somalia oo Qarax lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii dhinaca siyaasadda degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, ayaa saaka ku geeriyooday qarax lala beegsaday gaadhigiisa, siday xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha Amniga dowladda Soomaaliya. Marxuum Cabdi Maxamed Maxamuud, oo ku magac dheera Fidicow, ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaadhay qarax lagula beegsaday xaafadda Daaru-salaam ee magaalada Muqdisho. Qaraxa waxa sidoo kale dhaawacyo ka soo gaadheen qaar kamid ah ilaaladiisa gaarka ah.Ururka Al-shabaab, ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qaraxaas lagu dilay Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ee degmada Dayniile. Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay si rasmi ah uga hadashay inuu isbedel ku yimid iyo in kale qaraarkii uu Golaha Shacabka muddo kororsiga ugu sameeyay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday iyo hay’addaha kale ee dowladda. Hadal-hayntan ayaa soo shaac baxday kadib markii Farmaajo uu madaxweynaha DR Congo ka codsaday inuu dhex-dhexaadiyo saamileyda siyaasadda Soomaaliya, taasi oo dad badan ay u qaateen inuu diyaar u yahay wada-hadallo doorasho, oo uu ka tanaasulayo muddo kororsiga. Hase yeeshee, sii-hayaha Wasiirka Arrimaha dibadda, Maxamed Cabdirisaaq ayaa shaaca ka qaaday in marnaba uusan isbedel ku imaan qaraarkii Golaha Shacabka ee muddo kororsiga, isagoona carabka ku adkeeyay inay muhiim tahay doorashada wada-ogol ah. Waxa kale oo uu meesha ka saaray in madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo uu kala hadlay dhigiisa Congo qaraarkii Golaha Shacabka, oo ay dalalka beesha caalamka culeys ku saarayaan in gebi ahaanba meesha laga saaro. “Doorashada mid dadban iyo mid toos ahba waa inay ahaataa mid la isku raacsan yahay oo natiijadeeda ay noqoto mid dadka oo dhan ay ku qanci karaan, waxna ismaka bedelin go’aankii uu garay baarlamaanka,” ayuu Wasiir Cabdirisaaq oo la hadlayey BBC-da. Sidoo kale waxa uu ku cel-celiyay Wasiirku inay lagama maarman tahay in doorashada Soomaaliya nooceey ahaataba ay noqoto mid xor iyo xalaal ah oo la isku raacsan yahay. Hadalka Wasiirka ayaa meesha ka saaraya in wada-hadalo dhex-mara saamileyda siyaasada uu meesha ka saaro qaraarkii Golaha Shacabka, maadama ay shalay wasaaraddu shaacisay in Farmaajo uu doonayo wada-hadallo la xiriira qabashada doorashooyin oo uu Midowga Afrika dhex-dhexaadinayo. “Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhowaaqay ‘Dowladda federaalka ayada oo tix-gelineysa dadaallada Soomaaliya ay ku qabaneyso doorashooyin loo dhan yahay, nabdoon oo waqtigooda ku dhaca, dowladdeyda waxay soo dhoweeneysaa in Midowga Afrika uu kaalin ka qaato fududeynta hanaan Soomaali ay hoggaamineyo, Soomaali-na ay leeyihiin oo hoggaamin kara wada-hadallo,’” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda. Mucaaradka Soomaaliya ee Farmaajo codsanayo inuu la hadashiiyo madaxweynaha Congo ayaa si weyn u diidan muddo kororsigii uu dhawaan sameystay, ilaa haddana ma muuqdo isbedel ku aadan arrinkaasi oo dhanka dowladda federaalka, lamana oga ilaa hadda halka ay wax sal dhigan doonaan. Hoos ka dhageyso codka wasiirka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/04/War-cabdirisaaq.mp3 The post DF oo ka hadashay haddii uu isbedel ku yimid qaraarkii BF ee muddo kororsiga appeared first on Caasimada Online.
  7. Chad’s President Idriss Deby has died while visiting troops on the front line of a fight against northern rebels, an army spokesman said on Tuesday, the day after Deby was declared the winner of a sixth term in office. Source: Hiiraan Online
  8. (SLT-Chad)-Madaxweynihii dalka Chad Idriss Deby ayaa la dilay isaga oo ku jira furinta hore ee dagaal ay dowladda kula jirto kooxaha mucaaradka, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidammada Madaxweyne Idriss Deby ayaa Isniintii la soo dhaafay markii lixaad ku guuleystay doorashada madaxweynaha ee dalkaas ka dhacday, taasi oo ay mas’uuliyiinta ay sheegeen inuu helay 79% codadka. Ciidammada dowladda ayaa sheegay in Deby lagu dilay dagaal ka socda waqooyiga dalkaas. Madaxweyne Deby ayaa ahaa 68 jir, wuxuuna dalka Chad hoggaaminayey tan iyo 1990-kii. Source
  9. Madaxweyne Afrikaana oo lagu dilay Safka hore ee Dagaal uu kula jiray Mucaarad ka soo horjeeda. Madaxweynaha dhowaan dib loo doortay ee dalka Chad Idriss Deby Itno, oo xukunka hayey in ka badan 30 sano, ayaa maanta u geeriyooday dhaawac soo gaaray isaga oo ka qeyb qaadanaya dagaal ay dowladda kula jirto mucaaradka oo ka socda waqooyiga dalkaas, waxaa sidaas sheegay ciidamada. Le maréchal Idriss Deby serait décédé, selon une déclaration lue à la Télé #Tchad. pic.twitter.com/0pNPfA8FaB — THOMAS DIETRICH (@thomasdietrich0) April 20, 2021 Deby, “ayaa hadda ay ka baxday neeftii ugu dambeysay ee difaaca madax-banaanida dalka,” isaga oo ku sugan goobta dagaalka, waxaa sidaas war-saxaafadeed laga aqriyey taleefishinka dowladda ku yiri afhayeenka ciidamada General Azem Bermandoa Agouna. Deby ayaa Isniintii sheegay inuu tegayo jiidda hore ee dagaalka, si uu ugu biiro ciidamada la dagaalamaya “argagixisada,” waxaana lagu dhaawacay booqashadaas. General Mahamat Idriss Deby Itno oo loo yaqaan Kaka, oo ah wiilka hoggaamiyaha geeriyooday, ayaa loo magacaabay madaxweynaha ku-meel garaka ah ee dalka, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada. Mucaaradka Chad oo fadhiggoodu yahay dalka Libya ayaa maalinkii doorashada soo weeraray xuduudda, waxayna boqolaal km kusoo siqeen koonfurta dalka. Deby oo 68 sano jir ahaa ayaa xukunka ku yimid kacdoon dhacay 1990-kii, wuxuuna ahaa mid ka mid ah hoggaamiyayaasha ugu muddada dheer Afrika. Waxaa mar kale la shaaciyey inuu markii lixaad xilka madaxweynaha ku guuleystay, Isniintii shalay. Qaran News
  10. Madaxweynaha Chad Idiris Deby ayaa la sheegayaa in goordhow la dilay. Wakaaladda wararka ee AFP ayaa qortay inuu ku dhintay dagaal kadib saacado uu markii 6-aad doorashada ku shubtay. Marxuumka waxaa uu dalkaasi heystay oo uu xukumayey tan iyo 1990-kii. Source: goobjoog.com
  11. Kadib diidmada Yurub iyo Mareykanka ee muddo kordhinta Farmaajo iyo rajo xumida uu kala kulmay Afrika, Farmaajo waxaa ay maanta dhegahiisu maqli doonaan diidno kale, markan waa golaha ammaanka. Golaha ammaanka ee qaramada Midoobey ayaa galabta oo talaadada ah waxaa lagu wadaa iney ka doodaan muddo kordhinta, ajendahahan oo UK miiska keeneyso waxaa sidoo kale warbixinno laga dhageysan doonaa: James Swan, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM); Danjire Abuukar Daahir Cismaan, Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya UN; Workneh Gebeyehu, Xoghayaha Fulinta ee urur Goboleedka IGAD; Bankole Adeoye, Wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga; iyo Rita Laranjinha, oo ah Agaasimaha Midowga Yurub ee Afrika. Sida ay wararka sheegayaan xubnaha qaar ayaa si cad Farmaajo u fari-doonna inuu dib ugu laabto hirgelinta heshiikii September 17 halka in kale ay soojeedin doonaan in dhexdhexaadiyeyaal caalamiga ah ay u kala dab qaadaan maamulka Farmaajo iyo mucaaradka. Source: goobjoog.com
  12. N’Djamena (Caasimada Online) – Madaxweynihii dalka Chad Idriss Deby ayaa lagu dilay furinta hore ee dagaalka u dhaxeyo Dowladda iyo kooxda fallaagada kadib 30 sano oo uu xoog ku heystay awoodda dalkaas sida uu sheegay telefishinka Qaranka Maanta oo talaado ah. Toogashada loo geystay Idriss Deby ayaa kuso aadeyso hal maalin kadib markii 68 jirkaan la shaaciyey inuu ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalkaas taasoo u ogolaatay inuu markii lixaad ku guuleystay kursiga madaxweynimo. Ciidanka ayaa sheegay in Idriss Deby uu ka shaqeenayey diyaarinta ciidanka ku jiro furinta hore ee dagaalka lagula jiro fallaagada oo duulaan weyn kusoo qaaday waqooyiga dalkaas maalintii doorashada socotay. Deby “wuxuu hadda neefsaday neeftiisii ugu dambaysay isagoo difaacaya qaranimada xilli uu ku sugnaa aagaga dagaalka,” ayuu ku yiri hadal uu ka akhriyay telefishanka qaranka afhayeenka ciidamada General Azem Bermandoa Agouna. Deby oo 68 ah ayaa gacan bir ah ku xukumayey dalka Chad mudo 30 sano ah, laakiin wuxuu xulafo muhiim ah u ahaa olole ka dhan ah jihaadiyiinta reer galbeedka ee gobolka dhibta ka taagan ee Saaxil. Ciidanka ayaa sheegay in gole militari oo uu hogaaminayo wiil uu Dhalay madaxweynaha dhintay oo lagu magacaabo Mahamat Idriss Deby oo 37 jir ah, oo ah jeneraal afar xidig leh uu badali doono. Isniintii, ciidanka ayaa “guul weyn” ka gaaray dagaalka ay kula jiraan fallaagada ka socota dalka ay deriska yihiin ee Libya, iyagoo sheegay inay dileyn 300 dagaalyahanno, sidoo kalana wuxuu ciidanka sheegay in dhankooda laga dilay 5 Askari kadib dagaal socday 8 Maalin. Mucaaradka Chad oo fadhiggoodu yahay dalka Libya ayaa maalinkii doorashada soo weeraray xuduudda, waxayna boqolaal km kusoo siqeen koonfurta dalka. Deby oo 68 sano jir ahaa ayaa xukunka ku yimid kacdoon dhacay 1990-kii, wuxuuna ahaa mid ka mid ah hoggaamiyayaasha ugu muddada dheer Afrika. The post Madaxweynihii dalka Chad oo lagu dilay furinta hore ee dagaal ka socda dalkaas appeared first on Caasimada Online.
  13. WASHINGTON – Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed said he was willing to negotiate with stakeholders in Somalia’s political crisis in order to find a solution. Mohamed, known by his nickname Farmaajo, made the announcement Sunday night during an unannounced visit to Kinshasa, the capital of the Democratic Republic of Congo, where he met with President Felix Tshisekedi, the current chair of the African Union (AU). Through his Ministry of Foreign Affairs, Farmaajo said the federal government of Somalia welcomes the AU to facilitate the talks. “With regards to #Somalia’s efforts to hold peaceful, inclusive, and timely elections, (Farmaajo’s) government would welcome the role of the AU in facilitating a Somali-led and Somali-owned engagement process that would lead to dialogue,” The Ministry said on Twitter. Earlier, Tshisekedi’s office made a similar announcement. The statement on Twitter said that after the two presidents met for two hours, Farmaajo requested Tshisekedi’s involvement in his capacity as president of the AU to facilitate negotiations with all the stakeholders involved in the Somali crisis. The statement said the talks between the two focused on political and security situations in Somalia. Tshisekedi’s office further said that the president of Congo welcomed Farmaajo’s initiative. On April 12, the Somali Lower House of Parliament voted to extend the terms of the executive and the legislative branches of government, a move condemned and rejected by the Upper House, Somali opposition leaders, two regional administrations and most of the international community in Somalia. Somali opposition leaders argue that Farmaajo’s term expired February 8, 2021, while Parliament’s mandate ended on December 27, 2020, and therefore it does not have the power to extend the four-year mandate. Farmaajo’s camp argues that because the two regional governments of Puntland and Jubaland are unwilling to negotiate holding elections, based on the September 17 agreement between the president and regional leaders, Parliament was forced to intervene. Leaders of Puntland and Jubaland deny this argument and accuse Farmaajo of dragging his feet on timely elections in order to extend his term. In the Twitter remarks by the Ministry of Foreign Affairs on Monday, Farmaajo did not mention how he intends to address the controversy over the extension. Following a meeting Saturday with Farmaajo in Mogadishu, the ambassadors of the United States and Britain and representatives from the United Nations, European Union and the AU told Farmaajo “there is no other solution but consensus-based agreement,” according to a source familiar with the talks who asked not to be identified. The international community warned that a partnership with Somalia will be affected if Farmaajo doesn’t change. Meanwhile, the term extension created tension in Mogadishu among members of the Somali security forces. Former commander of the Mogadishu police forces Sadik Omar Hassan, who was sacked last week after he opposed the extension, has camped in a neighborhood inhabited by his clan in the southwestern parts of Mogadishu. Lawmakers representing his clan urged the federal government not to attack him. Hassan Hundubey Jimale, security minister of the Somali federal government, told the media that the government has no plan to attack him. According to observers, the standoff between the security forces created fear among residents in the capital of a potential return to an armed rivalry between political stakeholders. The post Somalia: Farmaajo calls for African Union mediation appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdishi (Caasimada Online) – Madasha la magac-baxday bad-baado qaran oo ay ku mideysan yihiin xubnaha mucaaradka, guddoomiyaha aqalka sare, madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa fariin la xiriirta xaalada dalka u dirtay golaha amaanka ee QM. Qoraalka ay madasha la wadaagtay golaha ammaanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay xaaladda cakiran ee Soomaaliya, gaar ahaan arrinta muddo kororsiga. Madasha bad-baado qaran ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay si weyn uga soo horjeedo go’aanka Golaha Shacabka uu ku ansixiyey qaraarka labada sano ah. “Go’aanka ka soo baxay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ee ay ku kororsadeen shaqadooda iyo tan madaxweynaha laba sano waa waxba kama jiraan” ayaa lagu yiri warqadda. Sidoo kale madasha bad-baado qaran ayaa Qaramada Midoobay ka dalbaday in fariintooda laga aqriyo golaha hortooda. Waxa kale oo ay intaasi kusii dartay in tallaabada ay qaadeen xildhibaanada Golaha Shacabka ay khatar ku tahay xasilloonida, nabadda iyo midnimada Soomaaliya. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Soomaaliya ay gashay xaalad cusub, kadib muddo kordhinta loo sameeyey madaxweynaha iyo fashilka ku yimid wada-hadalladii doorashada. The post Madasha Badbaado Qaran oo dalab xasaasi ah u dirtay Golaha Ammaanka QM appeared first on Caasimada Online.
  15. For many years it was not possible to register trademarks in Somalia, an east African state with a population of roughly 16 million. This was a consequence of a brutal civil war that started in 1991 and continued for many years. The best that international brand owners could do was publish cautionary notices in Somalian newspapers. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qaraxa nooca miinada ah oo maanta ka dhacay wadada Daarulsalaam ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kaas oo geystay khasaare isugu jiri dhimasho iyo dhaawac. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan lala bartilmaameedsaday guddoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasadda ee maamulka degmada Dayniile, Cabdi Maxamed Maxamuud, kaas oo dhaawac kasoo gaaray qaraxaasi, kadib u geeriyooday. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amnmaanka Soomaaliya oo howl-gallo kooban sameeyey halkaasi. Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa aad u kacsan, waxaana muddo kooban uu hakad ku yimid dhaq-dhaqaaqa wadada gasha xaafadda Daaru-Salaam. Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Dayniile oo ku aadan dhacdadaasi. Qaraxan ayaa qeyb ka noqonayo falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo sidoo kale dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegatay kooxda Al-Shabaab. The post Mas’uul sare oo lagu dilay qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  17. Guddoomiye ku xigeenkii dhinaca siyaasadda degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, ayaa saaka ku geeriyooday qarax lala beegsaday gaarigiisa, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha Amniga dowladda Soomaaliya. Marxuum Cabdi Maxamed Maxamuud, oo ku magac dheera Fidicow, ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray qarax lagula beegsaday xaafadda Daaru-salaam ee magaalada Muqdisho. Qaraxa waxa sidoo kale dhaawacyo ka soo gaareen qaar kamid ah ilaaladiisa gaarka, sida ay sheegeen saraakiisha hay’adaha Amniga. Ururka Al-shabaab, ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qaraxaas lagu dilay Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ee degmada Dayniile. PUNTLAND POST The post Mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya oo qarax lagu dilay appeared first on Puntland Post.
  18. Mogadishu (HOL) - Somalia's President has asked the African Union to facilitate talks with political stakeholders. Source: Hiiraan Online
  19. Allaah Unaxariiste waxaa goordhaw Qarax miino oo lala eegtay u geeriyooday Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Deyniile Cabdi Mohamed Mohamud. Gudoomiye ku-xigeenka iyo ciidamadiisa ayaa lagula eegtay Qaraxa xilli uu marayey Xaafadda Daarusalam ee magaalada Muqdisho . Sikastab Dhawaan ayey ahyd markii uu qarax nuucaan oo kale ah uu ka badbaaday xoghayaha Degmada Dayniile oo asagana lagula eegtay meel aan sidaas uga fogeyn xarunta Degmada Dayniile. GoobJoog News Source: goobjoog.com
  20. MOGADISHU (HOL) - A district official in Mogadishu was this morning killed after his vehicle hit an improvised explosive device suspected to have been planted on the road. Source: Hiiraan Online
  21. Wararka naga soo gaarayo Xaafadda Darusalam ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaasi ka dhacay Qarax xoogan. Qaraxan oo jugtiisa inta badan laga maqlay degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa lala eegtay gaari uu la socday Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada degmada Dayniile Cabdi Maxamed Maxamuud. Wararka ay GoobJoog Heleyso ayaa sheegaya in qaraxa uu dhaawac ka soo gaaray Gudoomiye ku-xigeenka . Illa iyo hadda Ma caddo Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa. Wixii Faahfaahin ah ee ka soo kordha warkan kala soco GoobJoog News Source: goobjoog.com
  22. (SLT-Taiwan)-Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Caasimada Taipei , Maxamed Xaaji Maxamuud ayaa ka qayb galay bandhig dhaqameedka ugu weyn ee dalka Taiwan kaas oo loogu talo galay in dunidu ku fahamto caado dhaqameedyada dadka reer Taiwan. Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Taiwan Maxamed Xaaji Maxamuud ayaa sheegay in calanka Jamhuuriyadda Somaliland si weyn u ga muuqdaa dariiqyada waaweyn ee dalkaasi isaga oo ka dhinac babanaaya calamada dawladaha waaweyn sida Maraykanka, Midowga Yurub, Faransiiska, Kanada iyo dalal badan oo kale. Maxamed Xaaji Maxamuud ayaa in sheegay in safaarad ahaan ay ku dadaleen sidii dunidu fahmi lahayd Somaliland “Waxa aan ku dedaalnay in adduunyadu si fiican noo la fahamto ahmiyadda Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal dimuqraaddi ah, xasilloon oo ku yaal meel aad u xaasaasi ah oo weliba istaraatiijik u ah nabadda, siyaadda iyo dhaqaalaha caalamka” ayuu yidhi Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Taiwan Maxamed Xaaji Maxamuud ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay marba marka ka dambaysa noqoneysaa cadceed ay adag tahay in sacabka lagu qariyo, gaar ahaan ahmiyadda amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo juqraafiga. Source